Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. (SLT-Gabiley)-Hal qof ayaa ku dhintay shil baabuur oo dhacay degmada Gabilay, baabuurka Shilka galay ayaa ahaa gaadhi ambulance ah oo ay leedahayd Sixa Ambulances.

    Qofka dhintay ayaa ah darawalkii waday baabuurka ambulance ah, oo isagu kaligii saarnaa baabuurka burburay.

    Ciidamada damdamiska degmada Gabilay ayaa baabuurka shilka galay gurmad u fidiyay , waxayna sheegeen in aan wali la ogayn sababta shilka dhalisay, isla markaana ciidamada booliisku ay baadhis ku hayaan.

    Source


  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in duleedka magaaladaas miino kula qaraxday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah.

    Gaariga oo ahaa nooca Caasiga ah ayaa miinada nooca dhulka ah qabsatay xilli uu marayay degaanka Gaabo-gabdhoole ee ku dhow degaanka Cabdi dhoore ee duleedka magaalada Kismaayo.

    Sida ay Caasimada Online u sheegen dad deeganka ah, inta badan dadkii saarna gaariga ayaa ku dhintay qaraxaasi miino, ayada oo kuwa kalena uu soo gaaray dhaawac culus, kuwaasi oo loo qaaday caasimada maamulka.

    Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland ayaa qaraxa miino ee haleelay gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka ku eedeeyay inay ka dambeeyay ururka Al-Shabaab, oo ay sheegen inay miinada halkaas ku aaseen.

    Ma aha markii u horeysay ee gaari shacab ay miino kula qaraxdo deegaanada u dhow magaalada Kismaayo, ayada oo dabayaaqadii sanadkii dhamaaday ay sidan oo kale gaari ay saarnayeen dad shacab ah miino la kacday, kaasi oo ay ugu yaraan 4 qof oo ka mid ahaa dadkii la socday gaariga ayaa ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

    Si kastaba, wadooyinkii ku yaala degaanada hoostaga magaalada Kismaayo ayaa inta badan waxay kooxda Al-Shabaab qaraxyo kula eegata Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee AMISOM iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.

    The post Qarax ka dhacay duleedka Kismaayo iyo shacab badan oo ku dhintay (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.


  3. Ciidammada aadka looga baqo ee dilay Cusama & Hoggaamiyaha Daacish balse ku fashilmay Gen. Ceydiid

    Ciidamada Mareykanka
    Ciidamada Mareykanka

    Weerar ciidammada gaarka ah ee Mareykanka ay ka fuliyeen waqooyi-galbeed ee dalka Suuriya ayaa lagu beegsaday hoggaamiyaha kooxda jihaad doonka ah ee la magac baxday dowladda islaamka, sida uu Khamiistii shaaciyay madaxweyne Joe Biden.

    “Waxaa mahad leh ciidamadeena qalabka sida ee xirfadda iyo geesinimada leh, waxaan dilnay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Aqalka Cad.

    Ciidamadan gaarka ah ee dilay hogaamiyihii kooxda Daacish Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi ayaa ahaa cutubkii dilay hogaamiyihiin Al Qaacidda Cusaama Bin Laadin. Waxay caan ku yihiin fulinta howlgallada noocan ah iyagoo leh tababarro dhinac kasta ah.

    Haddaba maxay yihiin ciidammadan gaarka ah?

    Ciidammada Mareykanka uu ku faano ee howgalka gaarka ah fuliya ayaa waxaa lagu magacaabaa SEAL Team Six (ST6), oo sidoo kale loo yaqaanno Naval Special Warfare Development Group. Waxaa sidoo kale ciidamadan gaarka ah ee Mareykanka loo yaqaanaa oo loos oo gaabiyaa (DevGru) magacaasi oo ay caan ku ahaayeen in ka badan nus qarni.

    Ciidamadan ayaa waxay howlgallo gaar ah ka fuliyeen meelo badan oo caalamka ka mid ah.

    Ciidamada ayaa ahaa shaqsiyaad xiddigo ah oo laga soo xulay militariga Mareykanka islamarkana si gaar ah loogu tababaray fulinta howlgallada qarsoodiga ah.

    Guud ahaan waxay ka kooban yihiin 2,500 oo askari, waxaana loogu magacdaraa deegaanka lagu tababaray haddii ay tahay badda, hawada iyo dhulka-ba.

     

    get

    Hawlgalladoodu aad bay u kala duwanaan karaan dabeecad ahaan, kuwa waxay galaan dagaalka caadiga ah, la-dagaalanka argagixisada iyo badbaadinta dadka la afduubto.

    “Waa nimanka ugu tababarka wanagsan Ameerika, dadka cadiga ah ee waddooyiinka socda la mid ma aha,” ayuu yiri Don Shipley, oo ka sugan Virginia, kaasi oo 20 sano ka mid ahaa Ciidanka Badda Mareykanka.

    “Askartani noqday ciidamada gaarka ah waxay leeyihiin aragti dheer , oo ka sarreeya garaadka dadka kale, waxayna leeyihiin jir aad loo dhisay si ay ugu adkaystaan ​​ciqaabta badan, garaacid badan,” ayuu intaa ku daray.

    Inta badan waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay tabobarka ay maraan midka ugu adag ee ay heli karaan ciidammo gaar ah meel kasta oo ay adduunka ka joogaan.

    Tirada shaqsiyaadka inta ay u adkeysan waayaan tababarka ee isaga taga ayaa waxaa lagu sheegay 80-85% taasi oo macnaheedu tahay in boqolkiiba 20 oo kali ah ay gudbayaan.

    Stew Smith, oo muddo muddo 8 sano ah ka tirsanaa ciidamadan haddana Maryland ka bixiya koorsooyin tababbarka jirdhiska ayaa ka waramay tayada ciidamadan iyo tababarkooda.

    Waxa uu sheegay in 6 bilood ee ugu horreeya ee tababbarka ciidamadan, uu yahay waqtiga ugu adag .

    Waxa jira maalmo ka mid ah oo uu tababarku soconayo 120 saacadood oo xiriir ah, waxaana ka mid ah waxayaabaha lagu tababaranayo dabbaasha, orodka, quusidda biyaha iyo in uu qofa ka gudbo caqabado badan oo loo dhigay.

    Waxaa ciidamadan la asaasay xilligii Madaxweyne John F Kennedy si loo xoojiyo awoodda ciidamada gaarka ah ee Maraykanka.

    Ciidamadan gaarka ah ee Mareykanka ayaa waxay sanooyiinkii u dambeeyay howgalo gaar ah ka fuliyeen, Afqaanistaan, Ciraaq iyo meelo kale oo dunida daafaheda ah.

    Cusaama
    Cusaama

    Qaabkii ay u fuliyeen howgalkii Cusaama

    Weerarkii Bin Ladin waxa uu ahaa mid sannado badan la qorshayayay balse waxa uu qaatay 40 daqiiqo oo keliya in la fuliyo.

    In ka badan 10 xubnood oo ka tirsan militariga Mareykanka ayaa laga dajiyay meel u dhow darbiga dheer ee saddex dabaq ah oo ku yaalla duleedka Abbottabad ee waqooyi-galbeed Pakistan.

    Is-rasaasayn kooban ka dib, shan qof ayaa ku dhintay, oo uu ku jiro Osama Bin Laden, oo la sheegay in xabbad lagaga dhuftay isha bidix ee kore.

    Dhammaan ciidamada Mareykanka ayaa si nabad ah dib ugu soo laabtay goobtii ay ka tageen, inkastoo cilad farsamo ay ku timid hal diyaarad oo helicopter ah oo ay ka soo tageen.

    Doorka ciidammadan ee howlgalkii Ceydiid

    Aqalka gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa xaqiijiyay sanaddii 2012 in xubno ka tirsan isla ciidamadan gaarka ah ay howlgal ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku soo furteen nin nin u dhashay dalka Denmark iyo haweeney Mareykan ah oo ay afduubteen kooxo hubeysan.

    Balse ciidammadan gaarka u tababaran sanado ka hor howlgalkaasi ayay Soomaaliya tageen si ay u soo qabtaan hogaamiye kooxeed janaraal Maxamed Faarax Ceydiid.

    Ceydiid

    Bishii Agoosto sanadkii 1993 afar ka tirsan ciidammada gaarka u tababaran ee ST6 ayaa laga dejiyay magaalada Muqdisho si ay ugu biiraan dhigooda DELTA oo ah ciidammo ka tirsan milatariga Mareykanka oo loo xil saaray soo qabashada Ceydiid. Waxay ka qeyb qaateen dhowr howlgal oo ay ku taageerayeen ciidammada milatariga iyo kuwa CIA-da oo bishii October 1993 weerar ku ekeeyay hoteelka Olimbik ee caasimadda Muqdisho.

    Ciidammadaasi uma suurtagelin inay soo qabtaan Ceydiid, balse ka qeybqaadashada howlgalkaasi waxay ciidammada ST6 ku mutueysteen abaalmariino. Waxaa ka mid ahaa askartaasi afarta Haward Wasdin oo dagaalka ku sii jiray inkastoo seddax jeer la dhaawacay intii uu socday dagalakaasi lagu qaban lahaa Ceydiid.

    Boqolaal Soomaali ah ayaa howlgalkaasi ku dhimatay iyo 18 ka tirsan ciidammada Mareykanka taasoo horseeday Mareykanka inuu soo afjara howlgalka. Waxaa howlgalkasi laga sameeyay fililmka caanka baxay ee Black Hawk Down.

    Qaran News


  4. FB_IMG_16439800091324428.jpg?resize=566%

    Qarax khasaare weyn geystay ayaa gaari ay saarnaayeen dad rayid kula kacay deegaanka Beerxaani oo 50-km dhanka galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

    Dad ka badan 10 qof ayaa qaraxa ku dhintay, labo qof oo dhaawac ahna waxaa la geeyay isbitaalka guud ee Kismaayo, sida uu ku soo waramay wariyaha Puntland Post ee Kismaayo.

    Qaraxa ayaa la kacay gaari bus caano-diiq ah oo ay saarnaayeen ku dhawaad 20 qof oo reer miyi u badan.

    Deegaanka qaraxu ka dhacay oo ah dhul ay reer guuraagu ku badan yihiin waxaa inta badan ka taliya ururka Al-shabaab.

    PUNTLAND POST

    The post Dad ka badan 10 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay deegaan u dhow Kismaayo appeared first on Puntland Post.


  5. FB_IMG_1643980711081.jpg?resize=720%2C59

    Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, isaga oo halkaas kaga qayb galaya meertada 35-aad ee shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

    Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa halkaas ku soo dhoweeyay wasiiro kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed iyo safiirka Soomaaliya u jooga dalka Itoobiya danjire Cabdullaahi Amxed Jaamac (Ilka-jiir).

    Shirweynaha Ururka Midowga Afrika oo ay ka qayb galayaan hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

    Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha iyo la dagaallanka ayaxa, kuwaas oo ah khataro ay wajahayso qaaradda Afrika.

    Wafdiga dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweyne ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo madaxda kale ka ee ka soo qayb galaysa shirweynahan Midowga Afrika.

    FB_IMG_1643980671185.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1643980713468.jpg?resize=720%2C589 FB_IMG_1643980695109.jpg?resize=720%2C55 FB_IMG_1643980707843.jpg?resize=720%2C51 FB_IMG_1643980717097.jpg?resize=720%2C55 FB_IMG_1643980723832.jpg?resize=720%2C54 FB_IMG_1643980729797.jpg?resize=720%2C48

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Addis Ababa appeared first on Puntland Post.


  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

    Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay madaxtooyada, Farmaajo ayaa halkaas uga qayb galaya meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika, ee sanadkiiba mar la qabto.

    Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

    Shirkan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kii ugu dambeeyey ee uu Farmaajo ka qeyb-galo haddii aan dib loo dooran, ayada oo Soomaaliya la filayo inay sanadkan yeelato madaxweyne cusub.

    Qabashada shirkan ayaa muhiim u ah ra’iisul wasaraaha Ethiopia iyo “walaalka” Farmaajo Abiy Ahmed, sababtoo ah waxay muujin doontaa inay xasilloonida dib ugu soo laabaneyso dalka Ethiopia oo muddo sanad iyo bar ku dhow ay ka socdaan dagaallo sokeeye.

    Dhowr bilood kahor, waxaa diblomaasiyiinta Reer Galbeedka ay ka digayeen in mucaaradka Ethiopia ee Tigray ay qabsan karaan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, taasi oo keentay inay shaqaalahooda kala baxaan.

    Si katsaba, xaaladda dagaal ayaa isbedeshay kadib markii ay Tigray-ga dib u gurteen kuna laabteen gobolkooda, taasi oo dolwadda nafis siiyey, islamarkaana soo afjartay cabsidii laga qabay inay la qabsado Addis Ababa.

    The post Madaxweyne Farmaajo oo u baxay safar dibadeed + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.


  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – 2 Bisha January Laba Sano ka hor Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo wasiiru dowle ka ahaa xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa loo doortay hoggaanka Galmudug. Doorashada Qoor Qoor iyo dhismihiisaba waxaa si weyn ugu kala qeybsamay xildhibaanadii heer Federaal ee kasoo jeeday Galmudug.

    Xubnahaas waxay qaar raaceen musharixiin kale halka qaarna ay Qoor Qoor ay dul saarteen kaarkooda kuwaas oo sidoo kale garab buuxa ka heystay madaxtooyada Soomaaliya.

    Doorashadii Galmudug ee 2020 waxay aheyd wajiyo badan, ka sokow inuu dhacayey isbadal hoggamineed oo xagga maamulka ah haddana waxay dhinacyada isha ku hayeen doorashada heer Fedraal, maadaama uu maamulkaas gacanta ku hayo doorashada 37 Kursi oo kamid ah Golaha Shacabka iyo 8 Senator.

    Maamulka Villa Somalia ujeedkooda wuu caddaa  waxaase xoogaana loolanka xildhibaanada kasoo jeedo deegaanka. Waxaa jiray tiro xildhibaano ah oo xoogooda isugu geeyey inay Qoor Qoor dhisaan iyaguna uu dhiso xilliga doorashada Federaalka ah.

    Haddaba 2 Bishaan waxay ku aadaneyd sanad guuradii Labaad ee doorashadii Axmed Qoor Qoor, waa waqti ay dhinaca kale socoto doorashada heer Federaal.

    Laba Sano kadib su’aasha la is waydiinayo waxay tahay Qoor Qoor ma dhisay xubnihii isaga dhisay Laba Sano ka hor oo ma u abaal guday.

    Waxaa Shalay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu doortay Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow kaas oo kusoo laabtay kursigii uu ku fadhiyey ee HOPP#49. Mustaf wuxuu kamid ahaa xubnihii Tiir dhexaad u ahaa inuu Qoor Qoor madax ka noqdo Galmudug.

    Mustaf wuxuu ku biiray liiska xubnihii uu Qoor Qoor dib ugu abaal guday. Siyaasadda Soomaaliya waa naadir inaad aragto qof aad dhistay oo isna Berri ku dhisaya.

    Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey iyo Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer waxay ahaayeen Seddexda qof ee lagu tijaabinayey saaxiibtinimada sayaasadeed ee Qoor Qoor.

    Seddexdaan Nin iyo hoggaamiyaha Galmudug waxay macaamilayeen 20-kii Sano ee lasoo dhaafay, waxay ahaayeen Seddexdii siyaasi ee ugu horeysay ee bannaanka u istaagtay inay Qoor Qoor ku dhisaan xilka hoggaamiyaha Galmudug.

    Maanta Seddexdaba waa heleen Kuraastoodii, Dhagey Geelle Aqalka Sare ayuu qaatay haddana waa iska casilay oo wuxuu qaatay Kursi Golaha Shacabka ah, halka Mustaf iyo Dhagdheer ay boosaskoodii kusoo laabteen.

    Inaad Seddexdaan xubnood ku aragto Liiska ugu horreeya ee xildhibaanada ka imaanaya Galmudug waa xaalad u wanaagsan dariiqa siyaasiga ah ee Qoor Qoor.

    Senastor Zamzam Daahir waxay kamid aheyd xubnihii xoogga badan geliyey dhismihii Qoor Qoor iyadoo weliba la xasuusto in siyaasiyiinta waaweyn ee Beesheeda ay diidan yihiin ka qeybgalka dhimsha cusub ee Galmudug.

    Kuma khasaarin halgankeedii oo Qoor Qoorkii ay Shalay dhistay ayaa iyadana Maanta soo dhisay oo soo siiyey kursigeedii Aqalka Sare, iyadoo weliba si weyn loola dagaashan yahay.

    Liiska Dadka Qoor Qoor wax ka dhistay ee Kuraasta soo qaatay waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire, Xildhibaan Duniya Maxamed Cali, Xildhibaan Xuseen Iidow, Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid , Senator Cabdixakiim Macalin Axmed iyo Senator Saciid Siyaad Shirwac.

    Dhammaan xubnahaan waxay kamid yihiin kuwii xoogooda isugu geeyey inuu Axmed Qoor Qoor noqdo hoggaamiyaha Galmudug isaguna hadda dhammaantood wuxuu kasoo dhigay xildhibaano Golaha Shacabka ah iyo Senetaro.

    9 kamid ah 11-kii XIldhibaan ee u istaagtay inay Qoor Qoor dhisaan ayaa dib usoo helay Kuraastoodii Aqalka Sare iyo kuwoodii Golaha Shacabka.

    Inuu Qoor Qoor u abaal guday xubnihii isaga dhisay waxay hoggaamiyaha Gamudug ku sunteysaa inuu yahay Nin saaxiibtinimada iyo abaalkaba ku wanaagsan xilli ay u buuxsantay Laba Sano oo uu xafiiska joogay.

    The post Labo sano kadib Qoor Qoor oo u abaal guday 9 ka mid ah 11-kii xubnood ee dhistay. appeared first on Caasimada Online.


  8. 3-1.jpg?resize=942%2C960&ssl=1

     Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya oo uu kaga qayb galayo meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

    Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Farmaajo oo u amba-baxay dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.


  9. Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa ciidamo u badan Booliis waxa ay geysay Ismaamullada Soomaalida halka kuwa militari ah ay dhigtay deegaannada soo xiga Soohdinta Soomaaliya sida ay uga hortagaan weerarada Al-Shabaab.

    Ilo deegaanka ah ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Kenya ay su’aalo weydiinayaan dad isaga kala gudba Xadka dalkaas uu la wadaago Soomaaliya halka shaqsiyaadka ay ka shakiyaan baaris dheeraad ah ku sameeyaan.

    Ujeedka kordhinta Ciidamada Kenya ayay dadka Deegaanku ku sheegeen in ay ka dambeeyay kaddib markii labadii todobaad lasoo dhaafay ay kordheen weerarada ka dhacaya Deegaannada xiga Soohdinta waxaana mas’uuliyadda weeraradaas sheegtay Al-Shabaab.

    Sarkaal katirsan Ciidamada Kenya ayaa sheegay in had iyo jeer Ciidamada ay wadaan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka Xadka balse shaqadu ay sii kororto marka ay wax dhacaan ama soo gaarto Digniin Amni.

    Ciidamada gaarka u tababaran ee Kenya u qaabilsan la dagaalanka “Argagixisada” ayaa dhowr jeer howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno kala duwan balse ma sheegin natiijada kasoo baxday maadaama ciidankaan howlgalladooda inta badan aanay faah-faahin ka bixin.

    The post Kenya oo qaaday tallaabo ay uga hortageyso weeraro ay qorsheeneyso Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.


  10. Ankara (Caasimada Online) – Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin ogolaanaya in ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya loo kordhiyo waqtiga ay sii joogayaan Soomaaliya.

    Baarlamaanka Dalkaas ayaa ansixiyey mooshinkaas oo lagu dalbanayey in ciidamada Turkiga ka joogo Soomaaliya loo ogolaado inay halkaas sii joogaan illaa 10-ka Feberaayo 2023.

    Mooshinkaan ayaa waxaa baarlamaanka hor geysay madaxtooyada Turkiga oo codsatay in mudada loo kordhiyo Ciidamada Turkiga ee ku sugan Gacanka Cadmeed, badda iyo xeebaha Soomaaliya.

    Waqtiga ay ciidamada Turkiga joogayaan dalka Soomaaliya ayaa waxay ku aked 10 Bishaan February ee sanadkaan, waxaana hadda loogu daray muddo 1 Sano ah.

    Waa markii 14-aad ee Ankara ay kordhiso joogitaanka guud ahaan ciidamadeeda gacanka cadmeed tan iyo markii ugu horeysay ee uu meelmariyay  baarlamaanka sannadkii 2008-dii.

    Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka sameystay Saldhig Militari oo weyn kaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Turkiga oo ka qeyb qaata tababarada ciidamada Soomaaliya.

    Ciidamada ay tababaraan dowladda Turkiga ayaa ka qeyb qaata howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Soomaaliya.

    Dowladda Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyey saaxiib joogta ah la aheyd Soomaaliya tan iyo markii ay usoo gurmatay xilligii ay dalka ka dhaceen abaarihii qatarta ahaa waqtigii uu dalka madaxweyne ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

    The post Baarlamaanka Turkiga oo go’aan ka gaaray mooshin ka dhan ahaa ciidamada Turkiga ee ku sugan Somalia appeared first on Caasimada Online.


  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal (GXKHDDF) ayaa go’aan ka gaaray Kuwaasta Summaddoodu tahay HOP#201, HOP#209 & HOP211 oo deegaan doorashadoodu tahay Gobollada Waqooyi-Somaliland.

    Guddiga oo guddoomay Cabashooyin kasoo laabtay kuraastaas ayaa baaris ku sameeyay waxyaabaha ay ku doodeen dhinacyada tabashooyinka ka gudbiyay waxaana ugu dambeyn uu kasoo saaray go’aan.

    Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in Saddexdan kursi doorashadooda loo maray hab waafaqsan heshiiskii doorashada, isla markaana ansax yihiin.

    Kuraastaan ay shaaciyeen guddiga xalinta khilaafaadka iney yihiin kuwa saxan habkii ay doorashadooda u dhacday ayaa ahaa kuraas todobaadkii lasoo doorashadooda ka dhacday magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka mid ahaa kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadooda tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

    Waa kuraastii ugu horeysay oo dacwad laga soo gudbiyey tan iyo markii uu Ra’isulwasaare Rooble eryey 7 kamid ah guddiga xallinta khilaafaadka oo lagu eedeeyey inay ku milmeyn siyaasadda.

    Hoos Ka akhriso Qoraalka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Dalka.

    273324153_343773687604848_28701984646702 273233817_343773724271511_15757066437079 273372352_343773707604846_54971891291846 273387851_343773737604843_68929483879008 273333408_343773747604842_17158083600899

     

     

     

    The post Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Dalka oo go’aan ka gaaray sadax Kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka appeared first on Caasimada Online.


  12. Waxaanu wadnaa in Sarkaalka Sarkaal kale dila ama Askariga Askari kale dila Sarkaalka lala Aaso kii dilay….Kornayl Casayr
    casayr-e1643953529684.png

    Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliland ee Gobollada Bariga Gaashanle sare Ismaaciil Aw Cali Faarax (Casayr), ayaa sheegay inuu diyaar ka yahay qorshe la doonayo in Askariga dila Askari kale in markaaba la raaciyo oo la qisaaso, si looga badbaado dhibaatooyinka iyo dilalka ka dhex dhaca Ciidammada.

    Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida ee Gobollada bariga dalka, ayaa sida uu Xalay baahiyey Telefiishanka SAAB, wuxuu sheegay inay Madaxweynaha iyo Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Qaranka ay saxeexyo ka sugayaan, si Tallaabadaa loo qaado, si looga hor-tago dilalka Saraakiisha iyo Ciidammada kale ee Qaranka oo Bilihii u dambeeyay ku soo noqnoqday Ciidammada.

    Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Somaliland ee Gobolada Barri Gaashanle sare Ismaaciil Aw Cali Faarax Casayr, oo ka hadlay munaasibada sannad guurada ee Ciidamada Qaranka oo shalay ku beegnayd, laguna qabtay magaalada Burco wuxuu yidhi “Ninka dablaha ah iyo ninka ugu sareeya nin walba waa xeer beegti Ciidanka Qaranka, markaad eegto ama xukunto ama aad dhex gasho, laakiin baryahan dambe waxaa dhacay dhacdooyin badan oo Ciidanka ka dhex dhacay, waxaad ogaataan anagu sharciga ayaanu qaabilsan nahay, waxaa dhacday wakhti wakhtiyada ka mid ah ayaa nin kornayl ahi wuxuu dilay nin kornayl ahaa, shantii galabnimo ayaa la isla aasay, Geelle ayaa markaas Maxkamadda haystay, imika waxaanu wadnaa in Sarkaalka Sarkaalka dila, ama Askariga Askariga dila in aan la aasin ilaa lala aaso, taasina waxay imanaysa markay Xukuumadda waraaquhu gaadhaan, Madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Taliyaha Ciidanka Booliska, ama dhammaan ciidamada oo dhan markay gaadho waxaa iman doonta inay saacado qaadan doonto xukunkoodu, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa ‘kal baqa ayey leedahay ee kal xishooda ma leh’, haddii uu dilku batana fashil baa imanaya, si aanay taasi u dhicin waxaanu go’aaminay oo aanu waraaqaha ku qornay in Askarigii Askari dila inaanu saacaddiisa dhaafin oo aan la aasin ilaa kii kale lala aaso, ayaanu diyaarinay, Madaxweynaha iyo Jananka ayaana laga sugayaa go’aanka, haddii aan la soo sharci garayna waxay noqonaysaa inay muddo qaadato, si aanay mudadaas u qaadan ayaa arrintaas lagu daba jiraa..”

    Mar uu baaq u diraayey Ciidamada wuxuu yidhi “Waxaan idinkula talinayaa idinkiinan i hor fadhiya, iyo wixii kale ee i dhagaysanayaba dhammaan Ciidamadu inay iska taxadiraan, oo Tababarkooda lagu daro habkii looga wacyigelin lahaa oo Ciidamadu markay lix bilood ama shan bilood joogaan in tababar la galiyo ayey u baahan yihiin, ninka Sarkaalka ah ama Askariga ah wixii xun baa laga tuuraa, wixii wanaagsan baa la faraa, marka lagu cel-celiyo waxaa iman doonto inuu qofku fahmo..”

    Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida ee Gobollada bariga Somaliland, ayaa ku soo beegmaya Toddobaad ka dib, markii Askari toogasho ku dilay Taliyihii Ciidammada Milletariga ee Saldhigga Gorayo-cawl ee galbeedka dalka.

     

    Qaran News


  13. Intee Le’eg tahay Baaxada Awoodda Militari ee Dalka Imaaraadka Carabta?

    Ciidmada Imaaraadka
    Ciidmada Imaaraadka

    Xuutiyiinta Yemen ayaa waxaa ay sii xoojiyeen weerarada ay ku bartilmaameedsanayaan gudaha dalka Imaaraadka Carabta.

    Falaagada Xuutiyiinta ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ku qaaday Imaaraadka weeraro ay u adeegsadeen diyaaradaha Droniska iyo gantaalo.

    Mareykanka ayaa imika gacan ka siinaya Imaaraadka sidii ay isaga difaaci lahaayeen gantaalada iyo diyaaradaha Dronis-ka ee Xuutiyiinta.

    Hadaba intee dhan tahay awoodda militari ee dalka Imaaraadka Carabta?

    Qorimadan waxaan ku eegi doonaa baaxadda ay leedahay awodda militari ee Imaraadka.

    Awoodda militari ee Imaaraadka

    Dalka Imaaraadka Carabta ayaa dhanka dhaqaalaha si wayn uga horeeya inta badan dalalka kahliijka ee dariska la ah.

    Militariga Imaaraadka ayaa lagu tilmaamaa in ay ka mid yihiin ciidamada ugu tababarka wanaagsan dalalka Khaliijka.

    Ciidamada Imaraadka ayaa ka dagaalamay dalal badan sida iibiya, Yemen iyo Afqaanistaan.

    Balse marka la eego dhanka tirada ciidamada Imaaradka ayaa aad u yar.

     

    Dowladda Imaaraadka ayaa sanooyiinkii u dambeeyay waxa ay dhaqaala badan galisay dhanka militariga, iyada soo iibsatay hub badan oo casri ah, balse lama oga miisaaniyadda rasmiga ah ee gaashaandhiga.

    Dalka Imaaraadka Carabta ayaa kaalinta 36-aad kaga jira caalamka dhanka awoodda militari.

    Sida uu qoray wargeyska ka faalooda arrimaha militariga ee Globalfire power tirada ciidamada dalka Imaaraadka ayaa dhan 65,000.

    Diyaaradaha F-16 ee Imaaraadka
    Diyaaradaha F-16 ee Imaaraadka

    Awoodda ciidamada Cirka

    In uu dalku leeyahay ciidamo cir oo awood leh ayaa sanooyiinkii u dambeeyay ay khubarada militariga u arkayeen midda ugu muhiimsan qarnigan aanu ku jirno.

    Imaaraadka ayaa waxaa sanooyiinkii u dambeeyay ay aad u xoojiyeen tayeynta ciidamadooda cirka.

    Waxay Imaraadka soo iibsadeen diyaaradaha ugu casrisan waqtigan oo ay ka mid tahay nooca laga daba dhacay ee F-16 ee ay Mareykanka farsameeyeen.

    Sanadkii aanu soo dhaafnay waxay Imaaraadka ka dalbadeen Faransiiska diyaaradda dagaal ee lagu magacaabo Rafale.

    80 diyaaradood oo ah nooca Rafale ayay ku soo iibsanayaan qiimo marka wadarta guud la isu geeyo dhan $19.2 bilyan oo doolar.

    Tirada diyaaradaha dagaalka ee ay haatan haystaan Imaaraadka ayaa dhan 554 diyaaradood.

    Dowladda Imaraadka ayaa sidoo kale waxaa sanooyiinkii u dambeeyay ay xoojisay adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Dronis-ka loo yaqaano.

    Dalka Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka ay Imaraadka ka soo iibsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Dronis-ka.

    Ciidamada cirka ee Imaaraadka ayaa sidoo kale haysta gantaalo casri ah oo ah kuwa lidka diyaaradaha.

    Ciidamada gaarka ah ee Imaaradka
    Ciidamada gaarka ah ee Imaaradka

    Awoodda ciidamada Dhulka

    Dowladda Imaraadka ayaa si wayn u maalgalisay awoodda ciidamada dhulka.

    Tirada taangiyada ay haystaan cidamada dhulka ee Imaaraadka ayaa Sida uu qoray wargeyska Globalfirepower waxay dhan tahay 354 taangi.

    Tirada gawaarida gaashaman ee tignikada loo yaqaano ee Imaaraadka ayaa gaaraysa 9,255.

    Ciidanka Imaaraadka ayaa sidoo kale leh madaafiicda goobta ee loo yaqanao Artilariga oo gaaraya 76.

    Awoodda ciidamada badda

    Ciidamada badda ee dalka Imaaraadka ayaan lahayn awood sidaasi u sii ballaaran.

    Ciidanka badda ee Imaaraadka ayaa waxaa ay ku howlgalaan 74 isugu jira doomo iyo Maraakiib.

    Imaaraadku ma laha maraakiibta dagaalka ee casriga ah sida kuwa gujiska ee badda quusa iyo kuwa diyaaradaha xanbaara.

    Qaran News


  14. Wiil shan jir ah oo dhawr maalmood ku xanniban gunta hoose ceel uu ku dhacay

    Rayaan

    Dadaallo lagu soo badbaadinayo canug yar oo reer Morocco ah oo ku dhacay ceel biyood u dhow magaalada Shefshaawan ayaa haatan ku dhow gebogebo.

    Cannugani oo warbaahinta maxaliga ah ay ku sheegeen Rayaan oo shan sano jir ah, ayaa lagu soo warramayaa in uu ku ciyaarayay meel u dhow ceelkaasi oo ku yaal magaalada waqooyiga ku taal ee Tamrout, oo 100km u jirta Shefshaawan.

    Rayaan ayaa la rumaysan yahay in uu ku dhacay ceel dheerarkiisu lagu qiyaasay ilaa 32 miitir, isaga oo marar ceelka afkiisa oo aad ciriiri u ah.

    Hawlgallada samatabixinta ayaa socday ilaa fiidnimadii Talaadada.

    Afhayeenka dawladda Mustafa Baitas ayaa xalay sheegay in hawlaha lagu badbaadinayo wiilkaasi yar ay haatan marayaan meel fiicaan isla markaana la filayo in goor dhow bannaanka loo soo saaro.

    “Dareenkayagu waxa uu la jiraa qoyskiisa, waxaanan ka ugu duceynaynaa in uu sida ugu dhakhsaha badan uu ugu soo laabto,” ayuu yiri Mustafa.

    Inkastoo uu ceel aad u dheer ku dhacay, haddana muuqaal lagu soo duubay kaamiro loo dhaadhiciyay gunta ceelka ayaa muujinaysa in wiilkan yar uu weli nool yahay oo uu miyir qabo, inkastoo ay ka muuqdaan dhaawacyo fudud oo madaxa ah.

    Shaqaalaha gurmadka ayaa wiilkaasi u dhaadhiciyay qalabka neefsiga ee Ogsijiinka, cunno iyo biyo, waxaana sidoo kale goobta ku sugan koox hawlwadeenno caafimaad ah oo diyaar u ah in ay daweeyaan wiilkan isla marka ceelka laga soo saaro. Sidoo kale waxaa goobta soo gaaray diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah wiilkaasi si loo geeyo isbitaalka marka laga soo saaro ceelka.

    Kumannaan kun oo qof ayaa baraha bulshada kala socda muuqaallada gurmadka loo sameynayo wiilkan, waxaana goobta isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan.

    Rayaan

    Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warrameysa in maamulka gobolka ay kormeerayaan isku dayga samatabixinta wiilkan yar, waxaana hawlgalkaasi qeyb ka ah tiro ciidamada booliiska ahi iyo dhamaan qeybaha kale geddisan ee ciidamada qalabka sida ee dalkaasi.

    Maxamed Yaasiin El Quahabi, oo ah madaxa urur ka shaqeeyo arrimaha godadka iyo buuraha ayaa ka qayb qaadanayay gurmadka socda, wuxuuna BBC-da u sheegay in afka ciriiriga ahi ee ceelkaasi uu caqabad ku noqotay dedaallada samatabixinta.

    Waxa uu intaa ku daray in isku dayo dhowr ah oo ay sameeynayeen mutadhawiciinta maxalliga ahi iyo shaqaalaha samatabixinta ayaa horey loogu guuldareystay.

    “Dhibaatada ayaa ah in dhexroorka duleelka ceelkani uu aad iyo aad u yar yahay, qiyaastii waa 25cm,” ayuu yiri El Quahabi. “Ceelku markii uu gaaray 28 mitir ayuu noqotay mid aad u yar oo ciriiri ah, marka waanu gaari weynay wiilka yar.”

    Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya shan cagaf-cagaf oo qodaya dhul ballaaran oo ceelka laga garab qodayo, si la isugu dayo in la ballaariyo gudaha ceelkaasi.

    Fiidnimadii xalay, shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in ay qodeen ilaa 24 miitir, walina in ku dhow lix mitir ay u harsan tahay in la gaaroo wiilkaasi.

    El-Quahabi ayaa BBC u sheegay in sida kaliya ee waalikan ay ku soo samatabixin karaan ay tahay in ay qodaan ceelka garabkiisa.

    Balse mas’uuliyiinta ayaa ka walaacsan suurtagalnimada in ceelkaasi uu ku dumo wiilka yar haddii gidaarradiisa la qodo.

    Halkudhigga “badbaadiya Rayaan” ayaa qabsaday baraha bulshada ee gobolkaasi woqooyiga Afrika oo uu ku jiro dalka deriska ah ee Aljeeriya.

    Qaran News


  15. Siduu u dhacay Hawl-galkii lagu khaarajiyey Hogaamiyihii Kooxda Daacish

    Guriga lagu dilay Al-Qurayshi
    Guriga lagu dilay Al-Qurayshi

    Hoggaamiyihii kooxda Daacish ayaa lagu dilay howlgal xalay ka dhacay gobolka Idlib ee waqooyiga galbeed ee Syria, waxaa sidaas maanta ku dhowaaqay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

    Weerarka ayaa lagu beegsaday Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi, oo hoggaanka kooxda mintidiinta ah la wareegay 31-kii October 2019, maalmo un kadib markii hoggaamiye Abu Bakr al-Baghdadi uu ku dhintay howlgal ay Mareykanka ka fuliyeen isla aagaas.

    Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in al-Qurayshi uu u dhintay si la mid ah Al-Baghdadi, isaga oo isku qarxiyey bam dilay isaga iyo xubno ka mid ah qoyskiisa, oo ay ku jiraan haween iyo caruur kadib markii ay kusoo siqeen ciidamada Mareykanka.

    Waxaa sidoo kale loo yaqiin Amir Muhammad Sa’id Abdal-Rahman al-Mawla.

    Howlgalka ayaa yimid xilli ay Daacish isku dayayeen inay dib usoo laba kacleeyaan, ayaga oo weeraro dhowr ah ka fuliyey gobolka.

    Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa kusoo degay diyaarado helicopter ah, waxayna weerareen guri ay Daacish ku laheyd Syria, ayaga oo iskudhac socday laba saac uu dhex-maray koox hubeysan, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

    Dadka deegaanka ayaa sheegay is-rasaaseyn xoogan iyo qaraxyo aad looga maqlay magaalada Atmeh oo ku dhow meel ku dhow xuduudda Turkey, oo ay ku yaallaan xerooyin ay ku jiraan dad kusoo barakacay dagaalka sokeeye ee Syria.

    Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa sheegay in 13 qof lagu dilay iska hor-imaadka, oo ay ku jiraan lix caruur iyo afar haween ah.

    Madaxweyne Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu amray weerarka “si uu ilaaliyo shacabka Mareykanka iyo xulufadeena ugana dhigo dunida meel amni ah.”

    “Ayada oo ay ku mahadsan yihiin ciidamadeena geesiyada ah ee xirfadda leh, waxaan goobta dagaalka ka saarnay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi – Hoggaamiyihii Daacish,” ayuu Biden ku yiri bayaan uu soo saaray.

    Qaran News


  16. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wiil uu dhalay hoggaamiyaha Ahlu Sunna Wajameeca Sheekh Macallin Maxamuud Xasan Faarax ayaa shalay xildhibaannimo loogu doortay magaalada Dhuusamareeb ee dowlad goboleedka Galmudug.

    Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud wuxuu ka mid yahay xubnihii shalay ku soo baxay doorashadii ka dhacday dhuusamareeb inkastoo uu sheegayo inuu ku yimid awood qabsi beeleed.

    Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo BBC u warramay wuxuu sheegay guusha xildhibaannaimada uu marlabaad gaaray uu ku faraxsan yahay shaqooyinkii uu horay dalka u soo qabtay kuwa ka ballaaranna inuu dalka uu u qabto uu diyaar u yahay. Wuxuuna intaa ku daray inuu ka mid yahay Ahlu Sunna Waljameeca uuna ka sii mid ahaanayo.

    “Ahlu Sunna dadka oo dhan ayaa ah, Ahlu-Sunna waa ahay horayna waa u ahaa haddana waa ahay dadka Soomaaliyeed diinkooda iyo caqiidadooda dhanbaa Ahlu Sunna ah waan ku soo shaqeeyey waana ku shaqeynayaa insha allah wax hadda oo isbeddel oo gaar ah oo ay leedahayna ma leh,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad.

    Wuxuu intaas ku daray inuu muddo badan uu ka soo shaqeeyey dowladda dhexe iyo heshiisiinta Ahlu Sunna iyo maamulka Galmudug guushiisa marlabaad xildhibaannimada looga doortayna ay ku timid awood qaybsiga ku saleysan 4.5.

    Balse ay waxba ka jirin hadalka sheegaya waxyaabaha ay Ahlu Sunna au dagaallameysay inuu ka mid ahaa kursigiisa.

    “Wey fiicnaan lahayd laakiin waxaad ogsoon tahay waxay ku timaaddaa arrintaanu waxaa uu baarlamaanka ku saleysan yahay wax la yiraahdo 4.5 qabiilbeyku yimaaddaan dad 101 qof ah ayaa ii codeeyey oo laga yaabe iney intooda badan ay fikir ahaan ama siyaasad ahaan ay ku kala duwan yihiin waana ogsoon tahoo waxaa lagu imaadaa 4.5,marka waxyaabahaasi waxay u badan yihiin waxyaaba raqiis ah oo ay dadka isaga hadlaan, iyada oo ayna jirin nidaamka Ahlu-Sunna ayaan dowladda Soomalaiya mas’uuliyad sare ka soo qabtay xildhibaanna ka soo noqday.”

    Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan Faarah oo ah Cabdisamad aabihii, oo dabayaaqada sanadki hore wareysi gaar ah oo naadir ah siiyey laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, wuxuu beeniyey warka sheegay inuu wiilkiisa uu xil u raadinayo isaga oo sheegay iney Ahlu Sunna dowladda Galmudug ay mamuleysay balse wiilkiisa wax xil ah uu ka qaban warkaasina uu haba yaratee waxba ka jirin.

    “Waa wiilkee wiilka aan danta u raadiyoo oo danta leh dowlad dhisan oo baarlamaan leh, oo madaxweyne leh, oo madaxweyne ku xigeen leh, oo ciidan leh oo nooc walba leh ayaa Ahlu Sunna Waljamaaca ka dhisneyd, wiilka anigu aan dhalay xilka uu ka hayey muxuu ahaa ha la sheego, dhinaca Dowladda Federaalka ahna shaqa iskuma aanan laheyen, bal horta qofka weydiiya xilka aad sheegeyso ood leedahay waa uu raadinayaa xaggee buu joogaa,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ahlu Sunna Wajameeca Sheikh Macallin Maxamuud Xasan Faarax.

    The post Wiilka Macallin Maxamuud oo sheegay habka uu ku yimid kursiga uu ku guuleystay appeared first on Caasimada Online.


  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha ururada Bulshada Rayidka, Cismaan Muxudiin Shaatax oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in habraacyadii doorashada ee lagu heshiiyay 9-kii bishii hore aysan dhaqan galin.

    Guddoomiye Cismaan ayaa sheegay in xarunta Ururada bulshada rayidka ay soo gaarayaan cabashooyin dhowr ah oo la xiriira doorashada Golaha Shacabka oo ku socota hanaan musuq-maasuq ah.

    “Bulshada Rayidka waxay aad uga xun tahay in sidii ugu haboona loo hirgelin go’aamadii kasoo baxay shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee 9-kii January, waxayna taasi aad u sii fogeynaysa kalsoonida shacabka ay ku qabi karaan doorashooyinka dalka maxsuul kasoo baxa,” ayuu yiri.

    “Xarunta ururada bulshada rayidka waxaa soo gaaraya warbixino muujinaya in si dhameystiran aan loogu dhaqmin qoddobadii kasoo baxay heshiiska, waxaana soo jeedinayna in madaxda dowlad goboleedyada ay fuliyaan go’aamadii kasoo baxay shirkii Muqdisho.”

    Sidoo kale waxa uu sheegay in weli caqabado ka jiraan sidii loo xaqiijin lahaa nidaamka xulista ergooyinka, xuquuqda musharaxa u taagan doorashada Golaha Shacabka iyo madax-banaanida guddiyada dowlad goboleedyada.

    “Waxaa ugu baaqeyna madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa federaalka inaysan ku dhaqaaqin tallaabo kasta oo keeni karta khilaaf caqabad ku noqda doorashooyinka, lagana fogaado in dhibaato ka dhalato habka loo fulinayo doorashooyinka.

    Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in shaki weyn ka muujinaya xaqiijinta qoondada Haweenka, maadama aan si rasmi ah loo dhaqan-gelin qoddobadii lagu heshiiyay, wuxuuna ka dalbaday guddiyada in lasoo hormariyo kuraasta haweenka.

    Hadalkan ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan in musuq-maasuq ballaaran uu ka jiro doorashada Golaha Shacabka, ayada oo waqtiga loo qabtay in lagu soo gaba-gabeeyana ay ka harsan tahay 22 maalmood oo keli ah.

    The post Habraacyadii doorashada ee lagu heshiiyay ‘oo fashilmay’ appeared first on Caasimada Online.