Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulalahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Shacabka iyo Ciidan hubeysan ayaa kusoo dhaweeyey garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

    Diyaaradii siday Cali Guudlaawe waxaa ka horeeyey laba diyaaradood oo ciidan siday. Inta uusan Cali Guudlaawe tagin magaalada ayaa la duqeeyey garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif, taas oo sababtay inay dib u laabato mid kamid ah diyaaradihii siday ciidanka, iyadoo ku laabatay magaalada Jowhar.

    Hase yeeshee illo muhiim ah ayaa noo xaqiijiyey in xoog loo sheegtay duuliyihii diyaaradda oo ciidanku ay ku qasbeen inuu ku laabto Beledweyne.

    Maamulka Hirshabelle qeyb kamid ah ayaa xaliyey arrintaan, kadibna diyaaraddii ayaa mar kale u kacday Beledweyne. Saraakiil hubeysan oo ay ugu magac weynaayeen General Xuud iyo Sarkaal la yiraahdo Nuur Dheere ayaa si weyn u diidanaa in muddo ah inuu Guudlaawe tago Beledweyne.

    Xalay ayaa ugu dambeysay waxayna hanjabaad u jeediyeen dadka doonaya inay Guudlaawe xoog ku geeyaan Beledweyne, balse ciidanka ay geysay dowladda federaalka ayaa xalay la wareegay inta badan goobaha muhiimka ah ee magaalada, gaar ahaan wadada isku xirta Garoonka Ugaas Khaliif illaa xerada Lama-galaay oo ah halka loo qorsheeyey in lagu qabto doorashada 25-ka kursi ee Golaha Shacabka.

    Guudlaawe wuxuu in muddo ah raajicinayey inuu si nabad ah ku tago magaalada Beledweyne, wada-hadalo badan oo arrintaas laga galay ayaa guul dareystay.

    Siyaasiyiinta reer Beledweyne, gaar ahaan Beesha tabashada qabta ayaa ku kala qeybsan imaatinka Cali Guudlaawe. Si walbaba Guudlaawe wuxuu maanta Beledweyne tagay iyadoo aan la xalin tabashadii ay qabeen qeyb kamid ah reer Beledweyne.

    Illo ka tirsan xafiiska Cali Guudlaawe waxay sheegeen inuu Cali weli rabo inuu si madani ah wax u xaliyo oo uu la kulmi doono bulshada iyo madaxda beelaha dagan magaalada Beledweyne.

    Inta uu Beledweyne joogo Cali Guudlaawe ayaa la filayaa in la guda galo doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Magaalada Beledweyne.

    Guudlaawe ayaa horay u diiday inuu shaaciyo liiska kuraasta taalla magaalada Beledweyne, isagoo aan tegin magaalada. Villa Somalia waxay u muuqataa inay gaartay qeyb kamid ah ujeedooyinkii ay ka laheyd kuraasta taalla magaalada Beledweyne.

    Dhawaan xubno ka tirsan kooxaha ololaha ee madaxweyne Farmaajo ayaa tagay magaalada Jowhar, waxay kala hadleen Cali Guudlaawe inuu soo daayo liiska kuraasta taalla Beledweyne, balse wuxuu Cali mar kale ku xiray inuu tago Beledweyne.

    Kooxda Farmaajo ayaa la sheegay inay markaas go’aansadeen in Cali Guudlaawe awood ciidan lagu geeyo magaalada Beledweyne, si uu liiska u faafiyo, iyaguna shaqo badan ay uga qabsadaan halkaas.

    Yuusuf Dabageed oo ah hoggaamiye ku xigeenka maamulka Hirshabelle ayaa weli si buuxda ula shaqeenaya kooxda madaxtooyada Soomaaliya.

    Ciidankii ay dowladdu geysay magaalada Beledweyne ee Gorgor iyo Haramcad ayaa maanta qabtay shaqadoodii koowaad, kadib markii ay ku guuleysteen in Cali Guudlaawe laga dejiyo magaalada Beledweyne.

    Ciidankaan oo xukuumadda Rooble ay soo jeedisay in laga soo celiyo magaalada Beledweyne ayaa lagu guul-dareystay dalabkaas, iyadoo taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage uu arrintaas si cad u diiday.

    Kooxdii ciidanka u badnaa ee diidanaa in muddo ah in Cali Guudlaawe tago magaalada Beledweyne ayaa weli gadoodsan, waxaase jira warar sheegaya in la isku dayayo in arrintooda mar kale wada-hadal lagu xaliyo, maadaama ay ku guul-dareysteen inay Guudlaawe u diidaan Beledweyne.

    Markii la eego sida ay hadda wax ku socdaan kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa ku gacan sareeysa arrinta mMagaalada Beledweyne.

    Wafdi wasiirro ah oo ay shalay xukuumadda u dirtay magaalada Jowhar oo la kulmay Guudlaawe rabayna inay arrinta wada-hadal ka galaan oo ay kaalin ku yeeshaan ayaa natiijo la’aan ku laabanaya magaalada Muqdisho, maadaama uu Cali Guudlaawe heshiis la’aan uu maanta tagay magaalada Beledweyne, iyadoo ay ammaankiisa sugayaan ciidankii ay xukuumadda qaadacday tagistooda magaalada Beledweyne.

    The post Farmaajo oo Rooble kaga adkaaday loolankii Beledweyne appeared first on Caasimada Online.


  2. Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa  ka warbixiyey safarkiisa iyo siisadda ka taagan magaalada ee ka dhalatay safarkiisa gudaha magaalada uu ku taga.

    “Aad ayaan ugu qanacsanahay sida diiran aad iigu soo dhoweyseen aniga iyo wafdiga ila socday magaalada, hal qof oo reer Hirshabeelle ah in ay wax naga gaaraan ama ay naga dhaawacmaan marabno, waa inaan isisoo horfariisano aan wadahadalno waa aan daawoobaynaa, tabasho kasta oo jirtana xal waa la helaa haddii Allah idmo”ayuu yiri Cali Guudlaawe.

    Sidoo kale isagaa oo sii hadlaayo ayuu yiri “Waxaan rabaa inaan hortiina ka cadeeyo cid kasta oo wax tabanayso inaan la fariisayno, tabashada ay qabto haddii mid deegaan ay tahay, mid qabiil ama mid qoys tahay waan ka qancin doonaa, haddii Rabi raali ka noqdo, aan warano waa aan walaalo noqono, dadkaan dalka ayaa ka dhaxeeyo deegaanka ayaa ka dhaxeeyo, dowladnimaa ka dhaxeyo walaalnimo ayaa ka dhaxayso”.

    Dhanka kale Cali Guudlaawe ayaa xusay in madaxtinimada maamulka ay tahay mid meerto ah, marba madaxdii joogtana laga rabo in ay isku wadaan dadka Hirshabeelle.

    “Mas’uuliyaddu waa meerto shalay waa la haayey, maanta waa la hayaa barrina waa la heynaa, lakiin wada dhalashada, dhaqanka iyo dowladnimada waa ay jiraysaa, cid kasta maalinta ay joogto ayaa la rabaa in dadka ay isku hayso siwanaagsana ay isugu hayso oo dadku iyaga oo isjecel in la isku haayo ayaa la rabaa, waa guul inaga oo nabad ah haddii aan isku imaanay” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

    Ugu dambeyn waxaa uu carabka ku dhuftay in khilaafka ragaadiyey Hirshabeelle uu maamulka waxaana uu yiri ”Sanadkii tagay waxaan isleeyahay wax badan ayaa idiin qabsoomi lahaa, haddii khilaaf  iyo wax kala tabasho jirin, inta dhiman haddii aan Allah la talo saarano towfiiqna noqono, waxaa la rabaa in dadka reer Hirshabeele gudaha ama banaanka ha joogto talo iyo towfiiq midaysan ayaa loo baahan yahay “ ayuu kusoo gabagabeeyey hadalkiisa.

    Source: goobjoog.com


  3. DhinbiilMohamed.jpg

    𝗠𝗔𝗫𝗔𝗔 𝗘𝗧𝗛𝗜𝗢𝗣𝗜𝗔 𝗢𝗢 𝗔𝗔𝗡 𝗕𝗔𝗗 𝗟𝗔𝗛𝗔𝗬𝗡𝗜 𝗨 𝗗𝗢𝗢𝗡𝗘𝗬𝗦𝗔𝗔 𝗖𝗜𝗜𝗗𝗔𝗠𝗢 𝗕𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗 ?

    𝙼𝚞𝚡𝚞𝚞 𝚢𝚊𝚑𝚊𝚢 𝚚𝚘𝚛𝚜𝚑𝚊𝚑𝚊 𝚌𝚞𝚜𝚞𝚋 𝚎𝚎 𝙴𝚝𝚑𝚒𝚘𝚙𝚒𝚊 𝚔𝚊 𝚕𝚎𝚎𝚍𝚊𝚑𝚊𝚢 𝚊𝚛𝚊𝚐𝚝𝚒𝚍𝚒𝚒 𝙶𝚎𝚎𝚜𝚔𝚊 𝙰𝚏𝚛𝚒𝚌𝚊 𝚒𝚢𝚘 𝚡𝚒𝚍𝚑𝚒𝚒𝚍𝚑𝚔𝚊 𝚂𝚘𝚖𝚊𝚕𝚒𝚕𝚊𝚗𝚍, 𝚂𝚘𝚖𝚊𝚕𝚒𝚊 𝚒𝚢𝚘 𝙳𝚓𝚒𝚋𝚘𝚞𝚝𝚒?

    Dawladii Dhergiga ee Ethiopia oo maamulaysay xiligaasi ilaa Erateria ayaa waxa ay lahayd ciidamo badeed oo lagu qiyaasay 11,500 ciidamo ah iyo 11 maraakiibta iyo doonyaha dagaalka ah agabkii iyo ciidamadii waxaa ka faaiideysatay Erateria waxna waxa la bililiqaystay xiligaasi.

    Bishii April 2018 ayuu ka dhawaajiyey raisal wasaaraha Ethiopia in ay Ethiopia sameysatay ama leedahay mid ka mid ah ciidamada dhulka ee qaarada Africa ugu xooga weyn iyo ciidamada cirka ee Africa ugu xooga weyn , waxaanu yidhi waxa aanu dhisi doonaa awooda ciidamadayada badda.

    Sidoo kale waxaa jira khad tareen oo u kala goosha Ethiopia iyo Djibouti oo 70% qaada ganacsiga xamuulka ( Cargo) haddaba dalka Ethiopia oo ay ku nool yihiin 100 milyan oo qof baahidiisa ma kafayn karaan 33% waxaana muhiim ah in Ethiopia khadad tareen iyo isticmaal dekedo ganacsi oo badan hesho waxna ay ka dhoofiso waxna ay kala soo degto.

    Dabcan Ethiopia way leedahay machad soo saara tababarka khubarada badda oo jira laakiin ma lahayn quwad ciidamo badeed oo dhisan oo saabadii badda iyo hubkoogii leh , inkasta oo uu hogaamiye kasta oo Ethiopian ah uu ku jiray arinkaasi haddana waxa soo shaac baxay cahdigani Abiy Ahmed in ay aad u daneynayaan ciidamo bad oo xoog badan.

    Madaxa hay’ada hawlaha maraakiibta iyo badaha ee dawlada ( ESLSE ) Robe Megerssa Akawawa ayaa warbaahinta Bloomberg ee maraykanka u sheegay in ay Ethiopia u baahan tahay ciidamo badeed .

    Sababaha ugu waaweyn ee ku kalifayana waxa uu ku sheegay in ay Ethiopia leedahay 11 markab oo kuwa baayacmushtarka ah oo u baahan ilaalo , waxa kale oo uu raaciyey in ay walaac ka qabaan saldhigyada milateri ee dawladaha shisheeye ku leeyihiin Djibouti US,China,Japan iyo France maadaama aanay Djibouti lahayn buu yidhi ciidamo badeed oo xoog leh gobolka dan bay u yihiin ciidamo badeed oo Ethiopia yeelataa.

    Waxa isaguna warbaahinta BBC xiligaasi siiyey wareysi diblomaasi hore oo la yidhaahdo Birhanemeskel Ababe ayaa yidhi waxa qasab ka dhigeysa in Ethiopia quwad badeed yeelato , juquraafiyad siyaasadeedka iyo muhiimada halka ay ku taalo .

    Waxaa uu ku dooday Ethiopia waxa ay xaq u leedahay in ay isticmaasho biyaha caalamiga ah oo ay joogaan ciidamadooda baddu , waxaana uu soo sheegay in meelaha ay noqon karaan saldhigyadooda badu ay yihiin Somaliland, Djibouti iyo Kenya.

    Ilaa intii uu Abiy Ahmed yimid talada dalka Ethiopia waxaa soo badanaysa danaynta Ethiopia ee badaha iyo dekedaha gobolka waxaana uu heshiis la galay Sudan oo uu rabay in ay dekadooda Port Sudan isticmaalo , sidoo kale Kenya ayuu kula heshiiyey in Dekedda Lamu la casriyeeyo oo ay Ethiopia u baahan tahay.

    Waxa ay Ethiopia qayb ka ahayd heshiiskii saamiyada ee Dekedda Berbera oo ay ku lahayd 19% waxaana ay ugu talo galeen in helaan dekeda labaad ee ay ugu istic-maalka badanayaan in ay noqoto dekeda Berbera maadaama ay 95% Ethiopia wax kala soo degto waxna ka dhoofiso dekedaha dalka Djibouti ee Djibouti port iyo Doraleh port oo u jira Addis-Ababa 759km .

    Waxaa jiray heshiis kale oo dawlada Ethiopia la gashay Erateria iyo Somalia xiligii ay galeen heshiiska sadex-geesoodka ahaa kaasi oo lagu sheegay iskaashiga dhaqaalaha is-dhexgalka iyo wax is dhaafsiga , waxaa ka mid ahaa in Ethiopia dooneyso Afar dekadood oo ay soomaaliya leedahay.

    Khabiirada cilmi baadhista badaha ee uu ka mid yahay Timothy Walker oo machadka ISS ah oo arinkani wax ka qorey ayaa sheegay in aanay wax hawl yar aheyn dhismaha ciidamo badeed iyo saldhigyadiisu oo ay Ethiopia ku qaadan doono dhaqaale xad dhaaf iyo sanooyin badan.

    Isku soo wada xoori hadal waa gun iyo gob’o e maxaa Ethiopia oo aan bad lahayni u dooneysaa quwad ciidamo badeed ? Quwad ciidamo badeed oo la dhisay ma jiri kartaa bad la’aan ?

    La soco…

    Mohamed Abdi Jama
    Mohamed Dhimbi
    hormood@hotmail.com

    Qaran News


  4. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka, beesha Ayaanle Cayr ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uga digay in kursiga HOP147 oo Mahad Salaad uu ku fadhiyo musharax gaar ah loo xiro, iyagoo ku goodiyey inay tallaabo qaadi doonaan hadii la isku dayo in la iska hor keeno beesha.

    Odayaasha dhaqanka beeshaas oo warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb ayaa sheegay in ku dhawaad 10 musharax ay doonayaan in kursigaas ay u tartamaan, iyagoo ka digay gacan ka hadal ka dhasha damaca ah in HOP147 qof gaar ah loo xiro.

    “Qoor Qoor waxaan u soo jeedineynaa in sida kuraastii hore uusan u xirin HOP147, dad is jecel oo wada dhashay ayuu kursigaas ka dhaxeeyaa, ha isaga kaana dirin dadka,” ayuu yiri mid ka mid odayaasha dhaqanka beesha Ayaanle Cayr.

    Sidoo kale odayaashii hadlay waxay sheegeen in hadii musharaxiinta beesha look ala eexdo ay lamid tahay beesha Ayaanle Cayr oo loo kala eexday, taasna aysan ka ogolaa doonin hoggaamiyaha Galmudug.

    “Laqdabo, nin jecleysi iyo wax ana tuhun nagu kala abuuri kara kursigeena uma rabno, waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha in kursigaas uu ka nabad galo, ninkii nasiib u yeesha ayaa qaada doona,” ayuu yiri oday kale.

    HOP147 oo Mahad Salaad uu ku fadhiyo hadda waxaa raadinaya ku dhawaad 10 musharax, waxuuna kamid yahay kuraasta sida weyn isha loogu wada hayo, sidoo kale waxuu ka mid ahaa 8-kursi oo shalay doorashadooda la iclaamiyey.

    13-ka ilaa 14-ka bishan Febraayo ayaa doorashada kuraastaas loo qorsheeyey inay ka dhacdo Dhuusamareeb, waxayna xogaha aan heleyno sheegayaan inay aad u yartahay rajada guusha kursigaas ay ka qabaan musharaxiin uu ku jiro Cali Yare Cali oo aad ugu dhow Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.

    Kursigan waa midka ugu loolanka adag ee yaalla Galmudug, Qoor Qoor iyo Mahad Salaad ayaa si weyn isugu soo dhawaaday intii uu socday dagaalkii Guriceel, markaas oo Mahad uu si buuxda u garab istaagay qorshihii Madaxweynaha Galmudug, waxaana macquul ah in Mahad taageeradiisii uu ku muteysto in kursigiisa loo xiro oo aan lagula tartamin.

    Hoos ka daawo odayaasha baaqa soo saaray

    The post Daawo: Beesha Ayaanle Cayr oo go’aan ka soo saartay kursiga Mahad Salaad appeared first on Caasimada Online.


  5. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maalmahaan ku suganaa magaalada caasimaada ah ee Muqdisho ayaa maanta waxaa uu la kulamay safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

    Madaxweynaha Qoorqoor  ayaa safiirka Turkiga kala hadlay xaaladda ka dhalatay abaaraha ka dilaacay deegaanada Galmudug, taas oo saamaysay dadka iyo duunyada deegaanadaas iyo sidii  dowladda Turkiga kaga qeyb  qaadan laheyd u gurmashada dadka ay abaartu saamaysay.

    Dowladdda Turkiga ayaa waxaa ay dowladda Soomaaliya ka taageertaa dhinacyo badan oo ay ku jirto tababarka iyo dhismaha ciidamada, waxaana kulankaan uu kusoo aadayaa iyadoo gobolada dalka laga soo sheegayo abaar baahsan oo dadka iyo duunyada siweyn u saamaysay.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo ka hadlay safarka uu maanta madaxweyne Cali Guudlaawe ku tagay magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in looga fadhiyo xalka xiisada taagan.

    Cali Cosoble ayaa sidoo kale tegista Guudlaawe ee Beledweyne ku tilmaamay mid ka dhigan is-xaadiris, maadama uusan tagin tan iyo markii loo doortay hoggaanka sare ee maamulkaasi.

    “Guudlaawe waxa uu hal sano ahaa habsan, maarkaa habsankii baa laga tiraya oo xaadir ayaa la leeyahay, waxaa ku talinaya in xaalada la qaboojiyo oo madaxweyne Guudlaawe lala fariisto, lagana wad-hadlo wixii dhib ah ee jira,” ayuu yiri.

    “Doorasho ayaa lagu jiraa waa in doorashadii la qabtay oo wixii kalena loo balamo in la xaliyo, marwalbana waxaa lahaa doorashada waa in Beledweyne ka dhacdo oo waqtigeedii waa gabaabsi waa lama huraan in la dadajiyo.”

    Sidoo kale waxa uu ku cel-celiyay in laga wada-shaqeeyo sidii magaalada Beledweyne oo ah deegaan doroashada labaad ee maamulka HirShabelle uga dhici laheyd kuraasta doorashada Golaha Shacabka.

    “Cali Guudlaawe ayay waajib ku aheyd in doorashada uu dhaqaajiyo oo dadajiyo, waxaa ugu baaqaya dadka gadoodsan ninka idin imid waa walaalkiin wax walba oo qabtaan laqa, waa madaxweynihii HirShabelle ee ha lala fariisto si odaytinimo ah, mar hadii uu gurigaaga joogo soo dhoweyn wax aan aheyn oo ku quman majirto.

    Hadalka Cali Cosoble ayaa imanaya kadib markii uu madaxweyne Cali Guudlaawe oo awood ciidan uga degay magaalada Beledweyne oo muddo loo diidana in uu ka dago, xilli aan weli xal laga gaarin tabashada taagneyd, hase yeeshe uu ballan-qaaday in uu xalkeeda gali doono.

    Guudlaawe ayaa markii ka degay Beledweyne sheegay in uu diyaar u yahay in tabasho kasta oo jirta iyo cid kasta oo wax tabanaysa uu la fariisan doono oo uu ka garaabi doono, sida uu sheegay

    “Aan is hor fariisano waa daawoobeyna, waxaa rabaa in aan hortiina ka cadeeyo in cid kasta oo wax tabanaysa hadey tahay mid deegaan iyo mid qabiil ay tahay waa ka garnaqi doona, aan warano oo dadkaan dowladnimo iyo wada dhalasho ayaa ka dhaxeysa.”

    Waxa uu intaas kusii daray in doorashada ka dhaceysa Beledweyne oo kamid ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaas ay noqon doonto mid daah-furan oo cadaalada ah, islamarkaana laga wada qeyb qaato sugida amniga magaalada.

    The post CALI COSOBLE oo fasiraad cajiib ah ka bixiyey safarka Guudlaawe ee Beledweyne appeared first on Caasimada Online.


  7. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxda dalalka Afrika ee ku bahoobay ururka Midowga Afrika oo Soomaaliya ay xubin ka tahay ayaa hakiyey dood ku saabsaneyd in maamulka Yahuuda ee Israa’iil lagala noqdo aqoonsiga.

    Hoggaanka ururka Midowga Afrika ayaa ka fogaaday in cod loo qaado mar kale xubinimada Israa’iil, iyadoo laga baqay in qadiyadda Israa’iil ay khilaaf ka dhex abuurto madaxda Afrika.

    Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat, ayaa sanadkii hore aqbalay in Israel ay ku soo biirto ururka Midowga Afrika, waxayna noqotay xubinta 55-aad ee ururka.

    Tallaabadaas waxaa si weyn uga soo horjeestay Falastiiniyiinta iyo dhowr dal oo kale, kuwaas oo ay ku jiraan Algeria iyo Koonfur Afrika.

    Dhanka kale hoggaamiyaasha Afrika oo shir madaxeedkii 35-aad uu ugu soo gabagaboobay magaalada Addis Ababa ayaa cambaareeyey afgambiyadii dhowaan ka dhacay qaar ka mid ah dalalka qaaradda.

    Xiritaankii shir madaxeedkan ayaa u qeyb-sanaha guddoomiyaha Midowga Afrika ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo ammaanka, Bankole Adeoye, wuxuu sheegay in hoggaamiye kasta oo Afrikaan ah oo ku jira golaha, uu si aan gabasho laheyn u cambaareeyey isbadal kasta oo ku yimid hab ka baxsan dastuurka iyo shuruucda dalalka qaaradda.

    Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay shir-madexeedkaas ururka Midowga Afrika ayaa golaha ka hor jeediyey khudbad uu ku soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee nabadda iyo amniga Qaaradda Afrika, isagoo sheegay in Soomaliya ay ka go’an tahay la wareegidda masuuliyadda Amnigeeda Qaran.

    Ciidanka Qaranka ayuu sheegay in si buuxda ay ugu diyaar garoobeen fulinta heshiiskii Bishii Koowaad ee sanadkan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika, kaas oo dhiirri-gelinaya dadaalka ay dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dib u dhiska Ciidamo tayo iyo tiroba leh oo AMISOM kala wareega ammaanka dalka.

    “Argagixisada Alshabaab waxa ay cadow ku tahay xasilloonida Qaaradda Afrika. Qorsheyaasha Golaha Nabadda iyo Ammaanku waa in ay noqdaan kuwo midaynaya dhammaan dadaallada iyo cududda aan kaga hortegayno dhibaatada argagixisada,” ayuu yirikhudbadiisii ku yiri Farmaajo.

    The post Xog: Shirkii Midowga Afrika iyo xiisada xubinimada Israel appeared first on Caasimada Online.


  8. 𝗠𝗔𝗫𝗔𝗔 𝗘𝗧𝗛𝗜𝗢𝗣𝗜𝗔 𝗢𝗢 𝗔𝗔𝗡 𝗕𝗔𝗗 𝗟𝗔𝗛𝗔𝗬𝗡𝗜 𝗨 𝗗𝗢𝗢𝗡𝗘𝗬𝗦𝗔𝗔 𝗖𝗜𝗜𝗗𝗔𝗠𝗢 𝗕𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗 ?

    𝙼𝚞𝚡𝚞𝚞 𝚢𝚊𝚑𝚊𝚢 𝚚𝚘𝚛𝚜𝚑𝚊𝚑𝚊 𝚌𝚞𝚜𝚞𝚋 𝚎𝚎 𝙴𝚝𝚑𝚒𝚘𝚙𝚒𝚊 𝚔𝚊 𝚕𝚎𝚎𝚍𝚊𝚑𝚊𝚢 𝚡𝚒𝚍𝚑𝚒𝚒𝚍𝚑𝚔𝚊 𝚂𝚘𝚖𝚊𝚕𝚒𝚕𝚊𝚗𝚍, 𝚂𝚘𝚖𝚊𝚕𝚒𝚊 𝚒𝚢𝚘 𝙳𝚓𝚒𝚋𝚘𝚞𝚝𝚒?

    Dawladii Dhergiga Ee Ethiopia Oo Maamulaysay Xiligaasi Ilaa Erateria Ayaa Waxa Ay Lahayd Ciidamo Badeed Oo Lagu Qiyaasay 11,500 Ciidamo Ah Iyo 11 Maraakiibta Iyo Doonyaha Dagaalka Ah Agabkii Iyo Ciidamadii Waxaa Ka Faaiideysatay Erateria Waxna Waxa La Bililiqaystay Xiligaasi.

    Bishii April 2018 Ayuu Ka Dhawaajiyey Raisal Wasaaraha Ethiopia In Ay Ethiopia Sameysatay Ama Leedahay Mid Ka Mid Ah Ciidamada Dhulka Ee Qaarada Africa Ugu Xooga Weyn Iyo Ciidamada Cirka Ee Africa Ugu Xooga Weyn , Waxaanu Yidhi Waxa Aanu Dhisi Doonaa Awooda Ciidamadayada Badda.

    Sidoo Kale Waxaa Jira Khad Tareen Oo U Kala Goosha Ethiopia Iyo Djibouti Oo 70% Qaada Ganacsiga Xamuulka ( Cargo) Haddaba Dalka Ethiopia Oo Ay Ku Nool Yihiin 100 Milyan Oo Qof Baahidiisa Ma Kafayn Karaan 33% Waxaana Muhiim Ah In Ethiopia Khadad Tareen Iyo Isticmaal Dekedo Ganacsi Oo Badan Hesho Waxna Ay Ka Dhoofiso Waxna Ay Kala Soo Degto.

    Dabcan Ethiopia Way Leedahay  Machad Soo Saara Tababarka Khubarada Badda Oo Jira Laakiin Ma Lahayn Quwad Ciidamo Badeed Oo Dhisan Oo Saabadii Badda Iyo Hubkoogii Leh , Inkasta Oo Uu Hogaamiye Kasta Oo Ethiopian Ah Uu Ku Jiray Arinkaasi Haddana Waxa Soo Shaac Baxay Cahdigani Abiy Ahmed In Ay Aad U Daneynayaan Ciidamo Bad Oo Xoog Badan.

    Madaxa Hay’ada Hawlaha Maraakiibta Iyo Badaha Ee Dawlada ( ESLSE ) Robe Megerssa Akawawa Ayaa Warbaahinta Bloomberg Ee Maraykanka U Sheegay In Ay Ethiopia U Baahan Tahay Ciidamo Badeed .

    Sababaha Ugu Waaweyn Ee Ku Kalifayana Waxa Uu Ku Sheegay In Ay Ethiopia Leedahay 11 Markab Oo Kuwa Baayacmushtarka Ah Oo U Baahan Ilaalo , Waxa Kale Oo Uu Raaciyey In Ay Walaac Ka Qabaan Saldhigyada Milateri Ee Dawladaha Shisheeye Ku Leeyihiin Djibouti US,China,Japan Iyo France Maadaama Aanay Djibouti Lahayn Buu Yidhi Ciidamo Badeed Oo Xoog Leh Gobolka Dan Bay U Yihiin Ciidamo Badeed Oo Ethiopia Yeelataa.

    Waxa Isaguna Warbaahinta BBC Xiligaasi Siiyey Wareysi Diblomaasi Hore Oo La Yidhaahdo Birhanemeskel Ababe Ayaa Yidhi Waxa Qasab Ka Dhigeysa In Ethiopia Quwad Badeed Yeelato , Juquraafiyad Siyaasadeedka Iyo Muhiimada Halka Ay Ku Taalo .

    Waxaa Uu Ku Dooday Ethiopia Waxa Ay Xaq U Leedahay In Ay Isticmaasho Biyaha Caalamiga Ah Oo Ay Joogaan Ciidamadooda Baddu , Waxaana Uu Soo Sheegay In Meelaha Ay Noqon Karaan Saldhigyadooda Badu Ay Yihiin Somaliland, Djibouti Iyo Kenya.

    Ilaa Intii Uu Abiy Ahmed Yimid Talada Dalka Ethiopia Waxaa Soo Badanaysa Danaynta Ethiopia Ee Badaha Iyo Dekedaha Gobolka Waxaana Uu Heshiis La Galay Sudan Oo Uu Rabay In Ay Dekadooda Port Sudan Isticmaalo , Sidoo Kale Kenya Ayuu Kula Heshiiyey In Dekedda Lamu La Casriyeeyo Oo Ay Ethiopia U Baahan Tahay.

    Waxa Ay Ethiopia Qayb Ka Ahayd Heshiiskii Saamiyada Ee Dekedda Berbera Oo Ay Ku Lahayd 19% Waxaana Ay Ugu Talo Galeen In Helaan Dekeda Labaad Ee Ay Ugu Istic-Maalka Badanayaan In Ay Noqoto Dekeda Berbera Maadaama Ay 95% Ethiopia Wax Kala Soo Degto Waxna Ka Dhoofiso Dekedaha Dalka Djibouti Ee Djibouti Port Iyo Doraleh Port Oo U Jira Addis-Ababa 759km .

    Waxaa Jiray Heshiis Kale Oo Dawlada Ethiopia La Gashay Erateria Iyo Somalia Xiligii Ay Galeen Heshiiska Sadex-Geesoodka Ahaa Kaasi Oo Lagu Sheegay Iskaashiga Dhaqaalaha Is-Dhexgalka Iyo Wax Is Dhaafsiga , Waxaa Ka Mid Ahaa In Ethiopia Dooneyso Afar Dekadood Oo Ay Soomaaliya Leedahay.

    Khabiirada Cilmi Baadhista Badaha Ee Uu Ka Mid Yahay Timothy Walker Oo Machadka ISS Ah Oo Arinkani Wax Ka Qorey Ayaa Sheegay In Aanay Wax Hawl Yar Aheyn Dhismaha Ciidamo Badeed Iyo Saldhigyadiisu Oo Ay Ethiopia Ku Qaadan Doono Dhaqaale Xad Dhaaf Iyo Sanooyin Badan.

    Isku Soo Wada Xoori Hadal Waa Gun Iyo Gob’o E Maxaa Ethiopia Oo Aan Bad Lahayni U Dooneysaa Quwad Ciidamo Badeed ?  Quwad Ciidamo Badeed Oo La Dhisay Ma Jiri Kartaa Bad La’aan ?

    La Soco…

    Mohamed Abdi Jama

    Mohamed Dhimbiil

    Source


  9. Stockholm (Caasimada Online) – Fanaanadii caanka aheyd ee Soomaaliyeed Xaliimo Maxamed Axmed (Xaliimo Gobaad) ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay iskaga baxday guud ahaanba arrimaha fanka, oo ay muddo kusoo jirtay.

    Xaliimo Gobaad ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook waxay ku sheegtay inay iska joojisay fanka, una jiheysatay dhanka kheyrka, islamarkaana ay muhiim u tahay raali ahaanshaha Ilaahay, sida ay sheegtay.

    “Bismilah: Aniga oo ah Xaliima Gobaad markaan arkay adduunkaan in uu yahay maalmo, markaan xasuustay xadiiskii Nebiga Caleyhi-salaatu-wa-salam ee ahaa ‘Haddii aad galabeysataan ha sugina in uu waaga idiin baryaayo haddii subaxeysataana ha sugina in aad galab gaareysaan, waxaan go’aansaday in aan iska joojiyo fanka,” ayey ku tiri qoraalkeeda.

    Waxay intaas kusii dartay “Taagerayaasheyda sharafta badan waxaan idiinka rajeynayaa in aad qeyrka igu taageertaan Allah oo raali iga noqda ayaa muhiim ii ah. Wabillaah Towfiiq.”

    Xaliimo Gobaad oo kamid ahayd fanaaniinta aad loo xiiseeyo fankeeda, islamarkaana qaaday heeso badan oo Soomaali ah, ayaa ka bixitaankeeda fanka uu qeyb ka noqonaya fanaaniin dhowr ah oo muddooyinkii dambe ilaaheey dartiis uga baxayay fanka.

    Qoraalka Xaliimo Gobaad ee ay ku shaacinayso inay gebi ahaanba ka baxday fankii ayaa kusoo beegmaya xili uu meherkeedu ka dhacay magaalada Stockholm ee dalka Sweden, ayna is-guursadeen Axmed Cabdullaahi Samow.

    The post Fanaanadda Xaliimo Gobaad oo go’aan lama filaan ah ku dhowaaqday appeared first on Caasimada Online.


  10. Ergeyga UK ee kahortagga abaaraha Nick Dyer, ayaa todobaadkan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho isaga oo si fiican u dhow u arkay malaayiin qarka u saaran iney abaarta darteed u dhinteen.

    Mr Dyer ayaa ku dhawaaqay lacagta abaarta ugu talo galeen ay ku dari doonaan ilaa $8 million (£5.5 million) taas oo UK wax uga qaban doonto abaarta, lacagtan ayaa lagu kordhin doonaa Ilaa $10 million oo uu horay u sheegay in U.K wax uga qaban doonto abaarta wasiirka UK ee Vicky Ford , January 2022.

    Lacagahan ay bixineyso UK ayaa waxaa wax looga qaban doonaa abaarta, qaarkood waxaa lagu bixin doonaa Kaash si loogu iibsado waxyaabaha ay dadka u baahan yihiin

    Inta uu dalka joogay waxaa uu la kulmay Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo la sheegay in goobahooda ay ka jirto abaarta ugu badan, waxaa kale uu la kulmay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble.

    Screenshot_20220206-172356_WPS-Office.jp

    Source: goobjoog.com


  11. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay shir-madexeedka Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ayaa ku adkeystay mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah inay AMISOM kala wareegto mas’uuliyadda amnigeeda qaran.

    Farmaajo ayaa intaas ku daray “in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen fulinta” heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanku gaareen bishii koowaad ee sannadkan, kaas oo jeexayey dhabbaha la wareegidda amniga oo ku qotoma hagitaannada iyo jihaynta kasoo fula dowladda Soomaaliya.

    “Soomaaliya waxa ay sannadihii la soo dhaafay ku tallaabsatay horumar ballaaran oo dhanka amniga, dib-u-dhiska ciidanka iyo wiiqidda awoodda argagixisada Al-Shabaab, waxa ayna taasi keentay in Soomaaliya ay hadda soo gaartay xilligii ay si buuxda u la wareegi lahayd masuuliyadda amnigeeda qaran,” ayuu yiri Farmaajo.

    Dawladda Soomaaliya ayaa bishii December 2021 mar kale ku celisay inay kasoo horjeeddo in hawlgalka AMISOM loo bedelo mid nabad ilaalin oo ay wadajir uga hawlgalaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

    War-saxaafeed ay xilligaas daabacday Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, balse kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay si xooggan u diiddan tahay qorshe uu ku taliyey hawlgalka wadajirka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

    Qorshahaas waxaa markiisii hore soo jeediyey guddi qiimayn ah oo Midowga Afrika usoo diray Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay horey u diidday qorshahaas bishii July ee sannadkan.

    Laba toddobaad kahor, Guddi farsamo oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samantar, ayaa heshiis la galay Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika (AU PSC).

    Heshiiskaas ayaa ku saabsanaa dib u habeynta iyo qaabka hirgelinta qorshaha looga guurayo AMISOM amniga dalka, isla markaana ula wareegi lahaayeen ciidanka xoogga dalka iyo hay’adaha kale ee amni, balse lagama bixin faah-faahin badan.

    The post FARMAAJO oo ku adkeystay mowqifkii dowladda federaalka appeared first on Caasimada Online.


  12. 3-3.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

    Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdishire ayaa Shir gudoomiyay Shirka amniga gobolka.

    Mudug Shirkaan oo Asbuucla ahaa ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Taliye ku xigeenka qaybta booliiska gobalka Mudug, Gaashaanle Dhexe, Cabdi Siciid Xuseen Jamac (Koomaad) Taliyaha Ciidamada isku dhafka Gobolka Mudug Puntland iyo Galmadug Cabdiqani yaasiin Maxamuud (Haanfari) Gudomiyaha Maxkamada darajada kowaad Cabdinasir maxamed cali iyo Laamaha amniga Taliyayasha Saldhigyada Taliyayasha Deegaanada Gobolka Mudug iyo Laamaha Taraafikada.

    Shirkaan ayaa looga hadlayay Xaaladihii udanbeeyay ee Gobolka mudug warbixinada Laamaha amniga waxaa sidoo kale ka mid ahaa in si xoogleh loola dagaalamo khamriga iyo Argagixisada.

    PUNTLAND POST

    The post Shirka Amniga Gobolka Mudug oo Gaalkacyo lagu qabtay appeared first on Puntland Post.


  13. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta oo Axad ah markii ugu horeysay ay u suura gashay in uu tago magaalada Baladweyne.

    Guudlaawe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo kan Hiiraan.

    Socdaalka ayaa yimid xilli weli xaaladda magaalada ay cakiran tahay, waxaana wararka ay sheegayaan in khilaafka uu sii xoogeysto.

    Hoolka weyn ee xarunta magaalada ayaa waxaa soo dhaweyn balaaran madaxweynaha ugu sameeyay xubna ka tirsan maamaaulka gobalka Hiiraan.

    Dadka dega gobalka Hiiraan ayaa tan iyo doorashadiisii diidanaa in magaalada uu yimaado Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana tan iyo xilligaas magaalada ka taagnaa khilaaf sababay in dhowr jeer gacan ku heynta magaalada lagala wareego maamulka Hirshabeelle.

    Sawiro Soo dhaweynta Guudlaawe

    1-2.jpg 2-2.jpg 3-3.jpg 4-2.jpg 5.jpg 6-1.jpg 7.jpg 8-1.jpg 9.jpg 10.jpg 11-1.jpg

    Source: goobjoog.com


  14. Waxaa dalka dhaca bartamaha qaarad weynta Yurub ee Poland gaaray ciidamadii ugu horeyay ee ka socda dowaldda Mareykanka kuwaas oo qeyb ka ah gaashaanbuurta NATO.

    Ujeedka ciidamada mareykanka loo geeyay dalka Poland ayaa ah in ay ka difaacaan dalkaas dagaal laga cabsi qabo in uu ku soo qaado Ruushka.

    Ruushka ayaa xadka uu la wadaago dhiggiisa Ukraine waxa uu soo dhigay ciidamadiisii ugu badnaa kuwaas oo diyaar u ah dagaal ka qarxa halkaas haddii xubnaha NATO ay ku adkeystaan in Ukraine ay ku biirto gaashaanbuurta.

    Waxaa bartamaha Yurub ka taagan xiisaddii ugu adkeyd kadib dagaalkii labaad ee dunida, halkaas oo dowladda Ukraine ay rabto in ay kamid noqoto gaashaanbuurta  NATO, xilli Moscow ay diidan tahay in dalkaas uu ku biiro xulafada NATO.

    Poland oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo kor u dhaafaya 4,000 kuwaas oo mareykan ah ayaa hadda waxaa ku biiray in ka badan 1,700 askar mareykan ah.

    Joe Biden madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in dalkiisa uu qeyb ka yahay sidii loo xoojin lahaa awoodda gaashaanbuurta NATO.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  15. Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta markii ugu horeysay ka degay magaalada Beledweyne, tan iyo markii loo doortay hoggaanka sare ee maamulkaasi.

    Cali Guudlaawe oo ka hadlay munaasabad lagu soo dhaweeyay ayaa ballan-qaaday in uu xalin doono tabashada ka taagan gobolka, islamarkaana uu u cadaalad fali doono reer HirShabelle.

    “Alle ayaa mahadaas iska leh, maanta haddii aan magaalada Beledweyne aan ku wada suganahay, waxaa uga mahad-celinayaa halkaan cidkasta oo gacan ka geysata inay sidan wanaaga ah u dhacdo oo anaga oo nabad ah oo wax dhibaato ah dhicin isku imaano,” ayuu yiri ugu horeyntii, isaga oo si gaar ah ugu mahad-celiyay duubaabka dhaqanka, ciidanka amniga iyo madaxda Hirshabelle.

    Guudlaawe ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in tabasho kasta oo jirta iyo cid kasta oo wax tabanaysa uu la fariisan doono oo uu ka garaabi doono, xili ay muddo xiisad siyaasadeed ka taagneyd Beledweyne.

    “Aan is hor fariisano waa daawoobeyna, waxaa rabaa in aan hortiina ka cadeeyo in cid kasta oo wax tabanaysa hadey tahay mid deegaan iyo mid qabiil ay tahay waa ka garnaqi doona, aan warano oo dadkaan dowladnimo iyo wada dhalasho ayaa ka dhaxeysa.”

    Waxa uu intaas kusii daray in doorashada ka dhaceysa Beledweyne oo kamid ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaas ay noqon doonto mid daah-furan oo cadaalada ah, islamarkaana laga wada qeyb qaato sugida amniga magaalada.

    “Masuuliyadda waa meerto qofba mar ayuu qaban, waxaana muhiim ah in qofka markaasi haya uu dadka isku haayo islamarkaana fursad la siiyo.”

    Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay inay midooban reer HirShabelle, oo waxa dhexdooda ah lagu xaliyo is-faham iyo wada-hadal, ayada oo dhinac loo wada jeesanayo, lagana shaqeeyo horumarka maamulka.

    Ammaanka Beledweyne ayaa aad loo adkeeyey, waxaana inta badan la xiray wadooyinka magaalada, si looga hortego rabshado ka dhaca magaaladaas oo qaybo ka mid ah ay ku sugan yihiin ciidamo gadoodsan oo la magac baxay Kacdoonka gobolka Hiiraan.

    Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kulamo wada-tashiya ah ka bilaabi doono Beledweyne, kuwaas oo xal loogu raadinayo tabashada reer Hiiraan, ayada oo weli Jeneraal Xuud oo ku sugan Muqdisho iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Nuur Dheere ay ka soo horjeesteen imaanshihiisa.

    The post Guudlaawe oo ballan-qaad culus ka sameeyay Beledweyne appeared first on Caasimada Online.


  16. Waxaa dib u dhac uu ku yimid doorashada laba kursi oo maanta oo Axad ah lagu waday in lagu doorto magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

    Kuraasta maanta lagu waday in Jowhar lagu doorto ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu yahay  HOP#70  iyo HOP#115, waxaana weli magaalada ka socota bixinta shahaadada musharixiinta kuraastaas.

    Waxaa labadaan kursi horay ugu fadhiyay xildhibaanada kala ah Aadan Cali Xasan oo ku fadhiyay kursiga HOP#70 iyo xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo ku fadhiyay kursiga HOP#115.

    Lama oga maalinta rasmiga ah ee doorashada kuraastaan la qabanayo, kadib markii ay maanta baaqatay. Waxaana wararka ay sheegayaan weli in uu tababar u socdo ergada soo dooraneysa xildhibaanada labadaan kursi.

    Magaalada Jowhar ayaa horay waxaa loogu doortay lix kamid ah kuraast golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  17. FB_IMG_1644147404953.jpg?resize=720%2C62

    Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta ka degay magaalada Beledweyne mudoo sanad ah kadib.

    Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeele, xubno kamid ah goleyaasha Hirshabeelle, maamulka gobolka iyo dadweyne ayaa ku soo dhaweeyey garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, wuxuuna hoolka shirarka gobolka uga qeybgalay munaasabad lagu soo dhoweeynayay.

    Safarka Cali Guudlaawe ayaa kusoo aaday xilli ay xiisadi ka jirto magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

    FB_IMG_1644147407405.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1644147409920.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1644147412641.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1644147415225.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1644147417568.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1644147446770.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1644147420074.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1644147422580.jpg?resize=720%2C48

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Guudlaawe oo ka degay Beledweyne appeared first on Puntland Post.


  18. BerberaSeaport.jpeg

     

    Somaliland, an administrative district of Somalia, has offered the U.S. military use of a seaport and airfield overlooking strategic maritime routes in exchange for help with its hope of seceding from Somalia and becoming an internationally recognized UN member state.

    The problem with Somaliland inviting the US military to use its coast, its port, and an airfield is that no region within an internationally recognized UN member state has the authority to invite the military of a foreign power onto its territory. According to the UN Charter, this is a violation of national sovereignty, the first principle of international law. However, no one has yet taken Somaliland’s offer to the UN Security Council, which has legal authority to stop it. (Which is not to say that the US commonly respects its legal authority.)

    Somaliland has 528,700 miles of some of the most geostrategic coastline in the world, at the mouth of the Red Sea, and on the Gulf of Aden and Arabian Sea. It sits across the Gulf of Aden from Yemen and the rest of the Arabian Sub-continent, and the Straits of Hormuz.

    Some percentage of Somaliland’s population want to secede and believe that the U.S. will back their desire for statehood in exchange for the miliary use of their critical coastline and waters. Somalia opposes the secession.

    Earlier this week, a Taiwanese ship arrived on the coast off Somaliland to deliver 150,000 doses of its domestically produced coronavirus vaccines. Reuters reported that the Taiwanese officials who arrived were met by the Foreign Minister and Taiwan’s “de facto ambassador.” Ambassador is a term reserved for the representative of one nation state to another, so this implied that Somaliland is a de facto state and should be officially recognized as an independent nation state. Only 15 nations recognize Taiwan itself as a nation state, and a two-thirds majority of the 193 is required to grant nation state to Somaliland, Taiwan or any other state aspiring to internationally recognized, UN member state status.

    In a move that surprised and upset Somalians and other anticolonial, peace, and justice activists in the Horn, Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed allegedly upgraded the Ethiopian Consul in Somaliland to “Ambassador.” Such encouragement of secession risks breaking apart the Tripartite Alliance for regional cooperation between Ethiopia, Eritrea, and Somalia, which has caused Washington great unease.

    If the U.S. were to deploy troops, navy ships, and military hardware to the coast of Somaliland, they would further militarize an already tense and hyper-militarized region with hot wars underway in both Ethiopia and Yemen.

     

     

     

    blackstarnews

    Qaran News