-
Content Count
212,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dadka ku nool magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka ayaa isu diyaarinaya burbur iyo dab hor leh, iyadoo khubarada shaadaasha hawada ay sheegeen in dabeeylaha hurinaya dabka ay mar kale soo laaban karaan. Dabka ayaa weli ka socda saddex qeybood oo kamid ah magaalada. Midka ugu xooggan oo ka socda Palisades, ayaa gubay dhul ka badan 23,000 oo eekar, waxaana la xakameeyay boqolkiiba 14. Dabeylaha ayaa laga cabsi qabaa inay soo laabtaan talaadada maanta ah ilaa arbacada berri ah. Ugu yaraan 24 qof ayaa ku naf waayay dabka ka kacay Los Angeles, halka 23 qof weli la la’ayahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen, iyagoo lagu waayay dabkii ka kacay Eaton iyo Palisades. Isniintii shalay ahayd, mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale shaaciyay in sagaal qof loo xiray bililiqo iyo inay si ula kac ah dab u qabadsiiyeen hanti dadku leeyihiin. Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dadka geysanaya dhaca hantida, waxaana socda howlaha baaritaanka. Bbcsomali Qaran News
-
Ciidamada difaaca Puntland ayaa saaka hawlgal xooggan oo lagu beegsanayo Argagixisada ka wada jihooyin kala duwan oo kamid ah buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari. Hawlgalkani oo subaxnimadii hore ee saaka bilowday ayaa weli ka socda degaanno hoostaga degmada Bilidhidin ee gobolka Bari, waxaana saraakiisha hoggaaminaya sheegayaan in uu dhammaystir u yahay hawlgalkii shalay ciidamadu ku qabsadeen xarumihii Daacish ee ku yaalley aaggaasi. Dhinaca kale, Qoraal xalay ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamadu soo rideen 9 diyaaradood oo dronesa xambaara qaraxyada, kuwaasi oo kooxaha Daacish ku soo weerareen ciidamada dowladda. Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa intaasi raaciyay in isku dayga kooxda ee adeegsiga droneska qaraxyada xambaara uu ciidanku fashiliyay”Ciidanku waxay soo rideen 9- drone oo Argagixisadu isku dayday in ay isticmaasho, God ah talis weyn oo Argagixsadu gashay, ayaa hada Ciidanku duqeynayaan.” PUNTLAND POST The post Ciidamada difaaca Puntland oo saaka hawlgal xooggan ka wada buuraleyda Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
-
Somalia: The United States’ overlooked geostrategic partner
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somalia has long been portrayed as dysfunctional and unstable. Yet, beneath this oversimplified portrayal lies a nation of immense potential and strategic importance. Somalia is a maritime state with the longest coastline on the African continent. Throughout its tumultuous history, its shores have been a trade conduit connecting Africa, Asia, and Europe. Source: Hiiraan Online -
Federalism was introduced as a system of governance in Somalia to accommodate competing interests, manage conflicts and forge unity. However, it continues to suffer setbacks due to a lack of essential ingredients that can allow the system to flourish in a post-conflict environment. According to Nigerian scholar, Adeola Gabriel, the concept of federalism has a rich philosophical background spanning from the 17th century, through the Enlightenment Age, to the 19th century[1]. Source: Hiiraan Online
-
Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in magaalada Muqdisho aysan ka jirin wax khatar amni ah, kadib markii kooxda Shabaab isku dayeen inay cabsi abuuraan. Kooxahan ayaa miinooyin been abuur ah ku dhajiyay xarun ganacsi oo ku taalla Degmada Daarusalaam. Baaritaan lagu sameeyay miinooyinkaas ayaa lagu ogaaday inay ahaayeen kuwo dheemish ah oo aan wax khatar ah lahayn, iyadoo aysan jirin wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay dhacdadaas sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidanka Booliska. Ciidamada Boliiska ayaa si degdeg ah uga jawaabay arrinta, kana qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga iyo kalsoonida shacabka. Taliska Boliiska ayaa shacabka ugu baaqay inay ciidamada amniga kala shaqeeyaan nabadda, ayna iska ilaaliyaan wararka been abuurka ah ee lagu doonayo in lagu qalqal geliyo bulshada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Xogo kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar qarax loo adeegsaday oo lagu qaaday bar-hubin oo ay ciidamada nabad-gelyadu ku lahaayeen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir. qaraxa ka dib rasaas xooggan ayaa laga maqlay goobta, kuwaas oo jugta qaraxa xigay, islamarkaana aan la kala xaqiijin inay laba geesood ahaayeen iyo in Ciidamada amnigu ay ridayeen si ay uga hortagaan weerar ay gestaan raggii qaraxa fuliyay. Qaraxan oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka ayaa la sheegay inay fuliyeen koox abaabulan oo wadatay gaadiidka loo yaqaanno Moto fekon-ta, balse lama soo warin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay. Laamaha nabad-gelyada ayaa sheegay inay ku daba jiraan qolyihii ka dambeeyay qaraxaas, waxaana war saxaafadeed ay booliska Soomaaliya lagu sheegay in qaraxyada dhacay ay ahaayeen kuwo macmal ah ama dheemish ah oo aan waxyeello geysan karin, balse looga gollahaa in caasimadda lagu qalqal-geliyo. booliska Soomaaliya ayaa intaas ku daray in Ciidamada nabad-gelyadu ay si adag uga hortageen falkii ka dhacay Daarusalaam oo ay ku tilmaameen isku day qalqal-gelin ah oo fashionable. Source: goobjoog.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Afhayeenka xisbiga talada haya ee Turkiga ayaa Isniintii sheegay in u gogol xaarista in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu markii afaraad u tartamo xilka madaxweynenimada ay “ku jirto ajandahooda”, isagoo intaa ku daray in arrinta muhiimka ahi ay tahay in shacabku ay doonayaan. Erdogan, oo ah hoggaamiyaha ugu muddada dheer dalka Turkiga casriga ah, ayaa xilka hayay in ka badan labaatan sano, isagoo marka hore ahaa ra’iisul wasaare ka dibna madaxweyne. Sida uu qabo xadka muddo xileedka madaxweynenimada ee Turkiga, wuxuu ku jiraa muddo xileedkiisii ugu dambeeyay haddii aan wax ka bedel lagu sameyn dastuurka ama baarlamaanku ku dhawaaqin doorasho waqigeeda ka soo hormarta. Markii ugu horreysay waxaa madaxweyne loo doortay 2014-kii iyadoo la marayo nidaam baarlamaani ah, waxaana dib loo doortay 2018-kii iyo 2023-kii ka dib markii wax ka bedel dastuuri ah ay sameeyeen xisbigiisa talada haya ee AKP iyo xulafadooda MHP, si dalka looga dhigo mid ku dhaqma nidaam madaxweyne. Marka wax laga weydiiyay hadal dhex maray fanaan iyo Erdogan dhammaadkii toddobaadka kaasoo Erdogan uu kaga jawaabay su’aal ku saabsan inuu u tartamo muddo xileed cusub isagoo leh: “Diyaar ayaan u ahayd haddii aad u tahay”, afhayeenka AKP Omer Celik ayaa sheegay in AKP ay ku faraxsan tahay in arrintaas la soo hadal qaaday. “Annaga oo ah kuwa la safan Madaxweynaha, waa ajandaheena,” ayuu ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Ankara. “Waxaan ka arki doonnaa qaacidada. Siyaasadda, hal sano waa waqti aad u gaaban, hal maalin waa mid aad u dheer. Waxa muhiimka ah waa in shacabkeennu ay doonayaan,” ayuu raaciyay. “Marka aan eegno dhacdooyinka naga xeeran, waxaa muuqata fursad kasta sida ay muhiim u tahay aqoonta iyo rabitaanka siyaasadeed ee madaxweynaheennu uu u leeyahay dalkeenna,” ayuu raaciyay. Bishii November, hoggaamiyaha MHP Devlet Bahceli ayaa soo jeediyay fikradda ah in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka si loogu oggolaado madaxweynaha inuu mar kale u tartamo doorashada la filayo inay dhacdo 2028. Wax ka beddelka dastuurka waxaa loo gudbin karaa afti haddii 360 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka oo ka kooban 600 kursi ay taageeraan. Doorasho waqtigeeda ka soo hormarta waxay sidoo kale u baahan tahay taageerada 360 xildhibaan. AKP iyo xulafadeeda waxay haystaan 321 kursi.
-
MOGADISHU: Somali security forces said they killed several Daesh fighters and seized eight terrorist outposts during ongoing military operations in the semi-autonomous Puntland region. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa si weyn u bogaadiyay hawlgallada ka dhanka ah Argagixisada ee ka socda Puntland, sida ay sheegtay Madaxtooyada Jubaland. Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu adkeeyay ahmiyada ay leedahay in si mideysan loo wajaho dagaalka Argagixisada si dib u dhiska iyo soo kabashada Soomaaliya ay u noqoto mid miro dhal ah. “Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyada ay leedahay in si mideysan loo wajaho dagaalka Argagixisada si dib u dhiska iyo soo kabashada dalkeennu ay u noqoto mid miro dhal ah” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe. “Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada Puntland guulaha ay ka gaareen howlgalka lagu cirib tirayo kooxda Daacish isagoo tilmaamay in howlgalkan uu u leeyahay muhiimad weyn dadka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka. Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in ay ku garab istaagan dowladda Puntland sidii uu u miro dhali lahaa howlgalka Ciribtirka kooxaha Argagixisada ah ee Daacish iyo Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo ku baaqay in dowladda Puntland lagu garab istaago Dagaalka Argagixisada appeared first on Puntland Post.
-
A Chinese-owned fishing vessel hijacked off the Somali coast in November has been set free with its 18-member crew, the Chinese Embassy in Somalia said Monday. The embassy statement said “the Chinese side maintained close consultation and coordination” with federal authorities in Somalia as well as the regional government of Puntland in efforts to rescue the ship and its crew. The hijacking underscored the persistent challenges of maritime security in Somalia’s waters. Somalia has for years been blighted by piracy, which peaked in 2011, when the United Nations says more than 160 attacks were recorded off the Somali coast. Incidents have declined drastically since then, however, largely due to the presence of American and allied navies in international waters Source The Associate press Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Labo jug oo xoog leh ayaa caawa laga maqlay magaalada Muqdisho, waxaana la helayaa faahfaahin hordhac ah, sida ay wax u dhaceen. Sida ay ilo wareedyo dhanka amniga ah u sheegeen Caasimada Online, jugta la maqlay waa weerar kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday degmada Daarusalaam. Koox ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerareen saldhig ciidamada xasilinta caasimadda Muqdisho ee Boolis-Militeri ay ku leeyihiin degmada Daarusalaam. Weerarkaas wuxuu si gaar ah uga dhacay saldhig ku yaalla jidka Jaayga ah ee Daarusalaam ka aada dhanka deegaanka Ceelasha Biyaha, kooxda geysatay waxaa la sheegay inay jidkaas ku yimaadeen. Mootooyin nooca FEKON-ta ah ayaa la sheegay inay wateen xubnaha weerarka geystay, ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas, mana jirto faahfaahin weli ka soo baxday dowladda. Kooxda weerarka fulisay ayaa naloo sheegay inay ridayeen Sabanno, Bambooyinka gacanta laga tuuro iyo rasaas toos ah. Is-rasaaseyn dhowr daqiiqo socotay ayaa goor dambe joogsatay, waxaana la sheegay in dhica degmada Deyniile ay u baxsadeen raggii weerarkaas geystay oo la aaminsan yahay inay Shabaab yihiin. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada la dagaalanka argagixisada ay guulo ka gaareen dagaal maanta ay ku qaadeen kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari. Dagaalkaas ayaa maanta ka dhacay buuraha Calmis-kaad ee gobolka Bari, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir. Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay kooxda ka qabsadeen dhowr saldhig oo ay ku lahaayeen buuraha Calmiskaad, kadib dagaal toos ah oo maanta dhexmaray labada dhinac. Wasiir Caydiid waxaa uu sheegay in deegaanka Bali-dhidin ee maanta dagaalku ka dhacay uu ahaa halkii ay ku xoogganaayeen kooxda Daacish ee uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Muumin. Puntland ma sheegin khasaaraha inta uu la’eg yahay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Bali-dhidin ee gobolkaas. Warbaahinta ayaa soo bandhigtay sawirrada meydadka xubno ajaanib ah oo ka tirsanaa Daacish, kuwaas oo ciidamada Puntland ay dagaalka ku dileen. Maamulka Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqay dagaal ay ku qaadeen buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin kooxda Daacish.
-
Liaoning and its crew before their release was secured. Boosaaso (PP News Desk) — A Chinese fishing vessel, Liaoning, with a crew of 18 which that was hijacked off the coast of Puntland State of Somalia in November last year has finally been released today after hijackers received a payment of ransom. The vessel, owned by Liaoning Daping Fishery Group, had fishing had a fishing licence issued by Puntland State of Somalia. Documents recovered from the trawler indicate that the fishing licence expired in September 2024. Hijackers displayed a photo of the vessel’s insurance policy certificate issued in 2022 and an invalid fishing licence. A 2022 submission to the US Department of Labor by Environmental Justice Foundation corroborates the vessel’s history of fishing in Somali waters. A certificate of insurance policy issued to Liaoning. Unconfirmed reports indicate that the hijackers received 20 percent of the initial ransom demand of 10 million dollars. Puntland Fisheries Ministry has not confirmed the authenticity of the fishing licence issued to Liaoning. An unverified, invalid fishing licence issued to Liaoning. More than 30 fishing vessels with licences issued by Puntland State government are believed to be involved in unregulated fishing practices. Puntland Fisheries Ministry has never published data on the fishing licence fees paid by foreign fishing companies. Both the Federal Government of Somalia and Puntland State government issued fishing licences to Chinese companies without an agreement on catch recording guidelines. © Puntland Post, 2025 The post Hijacked Chinese Fishing Vessel Released After “$2M Ransom Payment” appeared first on Puntland Post.
-
Dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka California waxaa weli ka holcaya dab xooggan oo dhulka la simay kumanaan guri oo ku yaalla magaalada Los Angeles iyo hareeraheeda, waxaana illaa hadda musiibadan u taag la’ kooxaha gurmadka degdegga ah iyo dab-damiska Mareykanka. Waxyeellada dhimasho ee uu dabkani sababay ayaa hadda maraysa ugu yaraan 24 qof sida uu sheegay guddoomiyaha California Gavin Newsom, kaas oo tilmaamay in dhacdadani ay noqon karto masiibadii dabiiciga ahayd ee ugu xumayd taariikhda Maraykanka. Ilaa 100,000 oo qof ayaa la daadgureeyay aagga uu dalku ka ololayo, dabaylaha loo yaqaanno Santa Ana, ayaana gacan ka geysanaya in dabku uu ku sii fido meelo cusub oo ka tirsan magaalada Los Angeles iyo agagaarkeeda. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dejisay labo muwaadin oo Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Ibraahim Maxamud Cali iyo Sharma’arke Nuur Cabdi Aadan, raggaan ayaa laga soo badbaadiyay Badweynta Hindiya. Markab laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa muwaadiniintaan ka soo badbaadiyay badda, kadib markii ay ciladowday Dooni ay ku kalluumeysanayeen, muddo 24 maalmood ah ayey ku jireen badda, iyadoo Doonta ciladeysan ay hadba dhinac la aadeysay. Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo ka war heshay xaaladda labadaas muwaadin ayaa la xiriirtay Kaptanka Markabkii badbaadiyey muwaadiniintaan, waxaana suurtagashay in gurmad loo fidiyo, iyadoo ugu dambeyntii galabta laga soo dejiyey Muqdisho. Ibraahim iyo Sharma’arke oo ka warbixiyey marxaladihii ay soo mareen ayaa sheegay in markii ay Doontu ka ciladowday ay ka kalluumeysanayeen xeebaha magaalada Muqdisho, dabaysha ayaa laashka u qaaday gudaha Badweynta Hindiya, waxayna ku qaadatay 25 cisho oo cunto iyo biyo aysan helin, sida lagu sheegay warbixinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha. Seddax maalmood ka hor 10-kii bishaan Janaayo 2025 ayaa Shiinaha la geeyey Ibraahim iyo Sharma’arke, maanta 13-ka Janaayo laga soo dejiyey Muqdisho, iyadoo garoonka Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
-
A former makeshift outpost of ISIS in Calmiskaad, liberated today by the Puntland Defence Forces. Timirshe (PP News Desk) — Puntland Defence Forces have captured more ISIS hideouts in the Calmiskaad mountain range. ISIS terrorists initially attempted to engage Puntland soldiers but were overrun. Mobile phones, explosives, maps, registers and solar panels were found in several makeshift sheds used by ISIS as outposts. The Puntland Defence Forces shared details of the counterterrorism operations on a Telegram channel with 17,191 subscribers. Graphic photos of fallen ISIS terrorists, which cannot be shared on the X (Twitter) platform, can be viewed in the channel. The Telegraph Channel where updates on the Puntland counterterrorism operations against ISIS are posted. Puntland Defence Forces are pursuing ISIS terrorists who fled the hideouts. “The largest number of ISIS terrorists were killed today by the Puntland Defence Forces,” a senior counterterrorism officer told the media. © Puntland Post, 2025 The post Puntland Defence Forces Capture More ISIS hideouts in Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
-
Galkayo (HOL) — Authorities in Puntland have arrested Ali Ahmed Ali Shirwa, the accountant believed to have managed finances for the group that hijacked the MV Abdullah, a Bangladeshi cargo ship seized in March 2024. The vessel and its 23 crew members were held hostage for over a month in one of the most high-profile piracy cases in recent years. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Kadib isku soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyo heshiiskii Addis Ababa ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sanad kadib waxaa soo laabatay saaxiibtinimadii labada dhinac. Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in xal rasmi ah laga gaaray arrimihii ka taagnaa qunsuliyada Itoobiya ee Hargeysa oo horey dowladda federaalka u amartay in la xiro. Sidoo kale qunsuliyadda Garoowe, oo xilligii ay sida weyn isku hayeen Soomaaliya iyo Itoobiya uu saameeyay khilaafka ayaa iyaduna si toos ah loo hoos geeyay safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in haatan wixii ka dambeeya ay qunsuliyadahan si toos ah u hoostagi doonaan safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, halka horey ugu madax-banaanayeen howlahooda. Wasiiru-dowlaha wasaaradda, Danjire Cali Balcad oo wareysi siiyay VOA ayaa arrintaan xaqiijiyay, isagoo sheegay in labada dal ay sidoo kale isku afgarteen in Itoobiya qunsulo cusub usoo magacowdo Hargeysa iyo Garoowe. Dhawaan ayey aheyd markii maamulka Puntland uu Garoowe ka sagootiyay qunsulkii Itoobiya u fadhiyay magaaladaasi, kadib markii looga yeeray dalkiisa, loona sheegay inuu soo idlaaday waajibkiisi shaqo. Inkasta oo aysan Itoobiya u hoggaamsamin amarkii hore ee dowladda Soomaaliya ku xirtay labada qunsuliyadood, ayaa haatan waxay Addis Ababa muujineysa dabacsanaan, xilli ay dhinacyada isku soo dhawaanayaan kadib sanad uu khilaaf xooggan ka dhex aloosna.