-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo sanad ah ayaa waxaa laga joogaa maalintii guusha wayn laga gaaray barnaamijka deyn cafinta oo dowladda federaalka ay kasoo hoysay guul wayn, kadib markii dhammaan laga cafiyay daymihii lagu lahaa. Sanad kadib waxa ay dowladda Soomaaliya soo saartay warbixin cusub oo ay uga hadleyso guushan, taas oo lagu sheegay in aanu weli wax isebaddal ah ku imaanin. Wasiirka maaliyadda, Biixi Imaan Cige oo warbixinta soo saaray ayaa sheegay in wax deyn ah amuddada sanadkan ah aysan qaadan dowladda federaalka, taas oo ah guul kale. Hoos ka akhriso warbixinta:- Waxaa muddo sanad ah laga joogaa gaariddii Dowladda Soomaaliya ee hannaanka deyn cafinta oo soo socday muddo ku dhaw 10 Sanadood, hada Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxa uu uga hadlay marxaddda Soomaaliya ee sanad kadib qorshii gaaridda barta kama dambeynta ah ee deyn cafinta Mudane Wasiir Biixi ayaa qormadiisa ku bilaabay sidatan, Maanta oo kale sanad ka hor, waxa ay ii ahayd sharaf in aan goob joog u ahaado iyadoo uu na wehliyo Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Mohamud guul taariikhi ah oo ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed gaareen taas oo aheyd in nalaga cafiyay deyn gaaraysay 5-Bilyan oo Doolar, taas oo cuuryaamisay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, xiligaasi waxa uu ahaa gaba gabada halgankii dib-u-habaynta Maaliyadda oo lagu guulaystay kadib muddo toban sano ku dhow oo uu soconayay. Sannad ka dib, waxa aan si guul leh u wada xoojinay oo aan ku heshiinnay baabi’inta deymaha ay la haayeen dalalka ku midaysan magaca 𝐍𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 oo aan saxiixnay heshiisyo is xig-xiga, sidoo kale waxa aan wadiiqo lamid ah taas oo kale la galnay dalalka aan ka midka aheyn Naadiga ee loo yaqaano 𝐍𝐨𝐧-𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 𝐂𝐥𝐮𝐛, intaasi waxaa sii dheer iyada oo ay jiraan caqabado dhaqaale hadana wax deyn cusub ah Dowladda Soomaaliya ma galin muddadaas Sanad ka ah, innagoo ilaalinay xasilloonida dhaqaalaha guud ee dalka, sare u qaadidda dakhliga, sii wadidda dib-u-habaynta Maaliyadda iyo xoojinta maamul-wanaagga Maaliyadda. Dowlad ahaan waxa aanu ku sii adkaysanaynaa sii wadidda qorshe yaasha dib-u-habaynta iyo kobcinta dakhliga si aan u maalgalino adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada oo ay ku jiraan shaqaaleysiinta macalimiin badan iyo maalgalinta adeegyada caafimaadka”.
-
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa faray muddo saddex cisho gudahood ah inay xilalka ku wareejiyan wasiirada Xukuumadii hore kuna wareejinayan masuuliyinta cusub ee loo magacaabay. Qaran News
-
Ceelbuur (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Xarar-Xayle oo hoostaga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Dagaalka oo saaka qarxay ayaa u dhexeeyAY labada maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda degmooyinka Ceelbuur iyo Guriceel ee isla gobolka Galgaduud. Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka ay ku dhinteen illaa 9 qof oo isugu jiray dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah. Xaaladda deegaanka ayaa weli aad u kacsan, waxaana is horfadhiya maleeshiyaadka labada beelood oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo kasii wada halkaasi. Sidoo kale maleeshiyaadka ayaa weli wada isku hub aruursi, waxayna helayaan gurmadyo gaaraya jiidda hore ee dagaalka, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka. Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi lagu hoobtay ee ka dhacay deegaankeeda. Gobollada dhexe oo ay weli ka socdaan howlgallo xorey ah ayaa waxaa haddana ka qarxay dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo saameyn ku yeeshay Galgaduud iyo Mudug.
-
DRG DEG Hormada cusub ee wasirada xukumada ciro oo hada la so dayay. . Magacyada wasirada cusub 1. Cabdallaha Sandheere, Minister of Security. 2nd time. 2nd time Fuaad Ahmed Nuux, Minister of Aviation. 3.\n Cabdillahi Geeljirka, Minister of Environment Ministry. 4.\n Ismail Duale Yusuf, Minister of Education. 5 . 5 Yusuf Kayse Cabdillahi, Deputy Minister of Air Aviation. 6th of the day. Ahmed Yasin Sh Ali Ayanle, Minister of Information. 7th grade. Hussein Axmed Caydiid, Minister of General Affairs. 8. Mrs. Kaltuun Sheikh Hassan the minister of planning. 9.\n Miss Milgo Family Minister. 10. 10. Yoonis Ahmed Yoonis, Minister of Justice. 12.\n Khadar Hussein Abdi, the minister of the presidential palace. 13. Cabdilahi Baashe the minister of Religion and Religion. Geljire wasirka degaanka. Khader wasirka madaxtooyada. La soco liiska oo dhamaystiran Qaran News
-
Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay golaha xukuumaddiisa cusub. Xukuumadda cusub oo ka kooban 28 wasiir, saddex wasiiru-dowle iyo 17 wasiir ku xigeen, islamarkaana tirada guud dhan tahay 48 xubnood, waxaa ku dhawaaqay af-hayeenka madaxweyne Cirro, Xuseen Aadan Cige (Deyr). Cabdalla Maxamed Carab (Sandheere) ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha, halka Xasan Axmed Ducaale (Macallin) loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Somaliland. Yoonis Axmed Yoonis Muxummad ayaa loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, halka Cabdillaahi Xasan Aadan Cawaale loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland. Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, halka Xuseen Bashiir Xirsi Wahan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Xuseen Axmed Caydiid Warsame ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta, halka Khadar Xuseen Cabdi Looge loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada. Sidoo kale, Maxamed Yuusuf Cali Axmed (Ilkacase) ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca, halka Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi Madar loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Somaliland. Halkaan ka akhriso Liiska oo dhan Wareegtooyin Madaxweyne Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 14/12/2024 uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadoodu tahay JSL/XM/WM/222-003/122024 uu ku magacaabay Xubnaha Golaha Wasiirrada, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir Ku xigeennada Jamhuuriyadda Somaliland ee Xukuumadda Cusub yeelan doonto. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda; Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Wasaaradaha hoos ku xusani u leeyihiin u adeegidda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhismaha Qaranka; Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan; Markii aan sameeyey: La-tashi; Waxa aan go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo mas’uuliyiinta hoos ku xusan: 1. Mudane Cabdalla Maxamed Carab (Sandheere) Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland 2. Mudane Xasan Axmed Ducaale (Macallin) Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland 3. Mudane Yoonis Axmed Yoonis Muxummad Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland 4.Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan Cawaale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland 5. Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland 6. Dr Xuseen Bashiir Xirsi Wahan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland 7. Mudane Xuseen Axmed Caydiid Warsame Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland 8. Mudane Khadar Xuseen Cabdi Looge Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland 9. Mudane Cali Jaamac Faarax (Buureed) Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland 10. Mudane Maxamed Yuusuf Cali Axmed (Ilkacase) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Somaliland 11. Eng Axmed Jaamac Barre Rooble Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland 12. Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi Madar Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland 13. Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Af-gaab) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland 14. Proff Ismaaciil Yuusuf Ducaale Guuleed Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland 15. Mudane Abubakar Cabdiraxmaan Good Wacays Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland 16. Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Sambalooshe) Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland 17. Mudane Maxamuud Cige Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland 18. Mudane Fu’aad Axmed Nuux Nuur Wasiirka Wasaaradda Duulista, Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Jamhuuriyadda Somaliland 19. Mudane Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle Wasiirka Wasaaradda Warfaainta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland 20. Mudane Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geel-jire) Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Somaliland 21. Mudane Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Somaliland 22. Mudane Jamaal Maxamed Jaamac Axmed Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland 23. Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac. Wasiirka Wasaaradda dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada ee Jamhuuriyadda Somaliland 24. Mudane Axmed Maxamed Faarax Coofle Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Jamhuuriyadda Somaliland 25. Mudane Cumar Shucayb Maxamed Cabsiiye Wasiirka Wasaaradda Xannaanada iyo Horumarinta reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland 26. Sheekh Cabdillaahi Daahir Jaamac (Baashe) Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland 27. Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur Furre Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland 28. Mudane Siciid Maxamed Buraale Carraale Wasiirka Wasaaradda Horumainta Maalgashiga iyo Wershadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Wasiiru-dawlayaal 29 Mudane Maxamed Yuusuf Ibraahim Faacuul Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland 30 Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland 31 Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi Xasan Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Wasiir Ku xigeenno 32 Mudane Mukhtaar Xaaji Muxummad Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland 33 Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland 34 Mudane Muuse Askar Guuleed Jaamac Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland 35 Marwo Samsam Maxamed Saalax Yacniile Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland 36 Mudane Jamaal Jaamac Xaamud Dhunkaal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland 37 Mudane Cali Axmed Cabdi Cantar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha & Horumarinta reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland 38 Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Somaliland 39 Mudane Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland 40 Mudane Sharmaake Cabdi Muuse Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland 41 Mudane Cabdiraxmaan Shide Bile Dharaar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada ee Jamhuuriyadda Somaliland 42 Mudane Yuusuf Kayse Cabdillaahi Aadan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista, Hawada iyo Horumarinta Madaarada ee Jamhuuriyadda Somaliland 43 Dr Maxamed Aw Daahir Ibraahin Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Somaliland 44 Eng Maxamed Cilmi Xuseen (Huuno) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maalgashiga & Wershadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland 45 Mudane Jawhar Siciid Warsame Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland 46 Eng Maaliki Cabdi Xasan Xirsi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland 47 Mudane Maxamed Muuse Bucul Bookh Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Somaliland 48 Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland ALLAA MAHAD LEH PUNTLAND POST The post Madaxweynaha la doortay ee Somaliland oo ku dhawaaqay golihiisa xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 14/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-002/122024 uu ku magacaabay Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland. Eng Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa loo magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland. Ninkaan ayaa horay usoo noqday Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland. Cirro ayaa sidoo kale lagu waddaa in uu ku dhawaaqo Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Somaliland kuwaasoo ka imaanaya Xisbiga talada la wareegay ee Wadani. Source: goobjoog.com
-
Hargeisa,(Qaran news)-Madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa afhayeenka madaxtooyada u magacaabay Mudane Xuseen Dayr. Mr Dayr ayaa dhawaan lagu wadaa in uu warbaahinta kaga dhawaaqo liistada cusub ee xukuumadda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu soo dhisay. Qaran News
-
Wararka ka imaanaya deegaanka Latakiya ee dalka Suuriya ayaa sheegaya in ciidamada Ruushku ay billaabeen inay rartaan saanad militari oo u yaallay saldhig weyn oo ay halkaas ku lahaayeen. Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Suuriya oo ku sugan aagga Latakiya ayaa sheegay in diyaarad xamuul oo Ruushku leeyahay ayaa Sabtidii u duushay Liibiya, taas oo la rumaysanyahay in qaatay saanad ciidan. Dowladda Ruushka oo xulufo la ahayd maamulkii Bashaar Al-assad ee dhowaan la riday ayaa haatan u muuqanaysa inay soo afjarayso joogitaankeeda militari ee dalkaasi Suuriya, balse Kremlin-ku kama hadlin inay xariir la yeelanayaan maamulka cusub iyo in kale. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxaa oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in halis amni oo xooggan ka timid cuna-qabatayntii hubka ee laga qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiir Juxaa ayaa sheegay in dagaallo siyaasadaysan oo dano shakhsiyaad ku dhisan loo adeegsaday hubkii dowladda Xasan Sheekh ku heshay magaca Soomaaliya, taasi oo muujisay mas’uuliyad-darrada dowladda Federaalka, oo uu ku tilmaamay mid aan lagu aamini karin hubkaasi. Wasiirka ayaa tusaale u soo qaatay in dowladda Xasan Sheekh dagaalkii Raaskambooni u adeegsatay diyaaradaha drone-ka ee lagu bixiyay magaca Soomaaliya, si looga taageero dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, taasina muujimayso heerka mas’uuliyad-darro ee dowladda talada haysa. Wasiir Juxaa ayaa sidoo kale ku baaqay in cuna-qabatayntii hubka dib loogu celiyo Soomaaliya, si aysan Soomaalidu isugu layn hubka gacantooda galaya, maadaama aysan jirin dowlad Soomaaliyeed oo hub lagu aamini karo, islamarkaana maamulka Xasan Sheekh qeyb ka noqday dagaallada sokeeye. “Waxaa muhiim ah in cuna-qabatayntii hubka ee la joojiyay dib loo soo celiyo, Soomaalidu mas’uuliyaddaasi ma qaadi karto, hubka la siiyana iyaga isu adeegsan doonaa. Hadda drone ba isu isticmaaleen, wax ka weyna waa isu isticmaali doonaan” ayuu yiri Juxaa. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Soomaalidu aysan weli dhexdooda heshiin, oo weli ku jiraan marxaladdii dagaallada, islamarkaana aysan helin dowlad dhexe oo mas’uuliyadda hubkaasi qaadi karta, sidaasi darteedna loo baahan yahay in cuna-qabataynta hubka lagu celiyo. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ku baaqday in Soomaaliya dib loogu celiyo cuna-qabatayntii hubka appeared first on Puntland Post.
-
Baaralamaanka Koonfurta Kuuriya ayaa waxay u codeeyeen in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Yoon Suk Yeol, waxaana u codeysay 204 xubnood. Arrintaan ayaa waxaa micnaheedu yahay in Yoon sida ugu dhaqsiyaha badan looga mamnuuci doono xafiiska, ra’iisul wasaaraha dalkaas ayaana noqon doono sii hayaha xilka madaxweynaha. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dhiibtay codkooda ku aadan mooshinka xilka qaadista ah, waxaana ay haatan warbaahinta gudaha dalkaas tabineysaa in la rajeynayo in natiijada cod bixinta lagu ogaado saacad gudaheed, xilligaas oo ku aadan gudaha dalkaas, 17:30, kuna beegan 11:30 waqtiga geeska Africa. Mooshinka ay keeneen mucaaradku ayaa waxa uu u baahan yahay oo kaliya sideed cod oo ay ka helaan dhanka xisbiga talada haya ee PPP si uu u dhaqan galo. PUNTLAND POST The post Baarlamaank Koonfurta Kuuriya oo u codeeyay xilka qaadista madaxweyne Yoon Suk Yeol appeared first on Puntland Post.
-
Wakaaladda wararka ee Reuters, waxay soo bandhigtay khiyaannada uu Bashaar Al-assad kula kacay la-taliyayaashiisa amniga, saraakiisha militariga, sirdoonka iyo howlwadeennada xafiiskiisa, saacadihii u dambeeyay ee uu ka baxayay Dimishiq. Saacado ka hor inta uusan u baxsan Moscow — Bashaar waxa uu la kulmay 30 ka tirsan saraakiisha u sarreysa ciidamada, nabadsugidda iyo la-taliyayaasha amniga, wuxuu markaa u sheegay in ay soo socoto taageerrada militari ee Ruushka oo si dhaqso ah u burburin karta horu socodka ciidanka mucaaradka , isagoo ku boorriyay inay adkaystaan—waxa uu soo gaba gabeeyay shirkii, waxa uuna ku wargaliyay maareeyaha xafiiskiisa in uu ku laabanayo gurigiisa, balse waxa uu aaday dhanka saldhigga ciidamada Ruushka si uu uga baxsado. Intii uu sii socday ayuu wacay lataliyihiisa dhanka warbaahinta Buthaina Shaaban, wuxuuna ka codsaday in ay timaado gurigiisa si ay khudbad uu kula hadlayo dadweynaha Suuriya iyo caalamka ugu diyaariso — laakin markii Buthaina ay timid gurigiisa, waxay oggaatay inuu gabi ahaanba gurigu madhan yahay, waxay qaadatay 24 saac in la oggaado halka uu aadday Bashaar! Wax walba uu sameeyay Bashaar, waxay ahaayeen wax ku talagal u dhacay wuxuu si bareer ah ula kulmay taliyaasha, halka uu ula kac u wacay Buthaina , isagoo ku wargelinaya inay u diyaariso khudbad uu ku sawiran yahay , wax kasta wuxuu u sameeyay waa inuu ka baxsanayay in la dilo! Warkan wuxuu soo baxay , iyadoo maalin ka hor ay soo bandhigtay shabakadda Bloomberg in baxsashada Bashaar Al-assad ay diyaariyeen sirdoonka Ruushka , kuwaa oo xataa sameeyay in la damiyay raadaarka diyaaradda geysay saldhigga Ruushka oo labo mar la beddelay jihada ku toosan illaa la dambiyay raadaarkii lagala soconayay duulimaadka. PUNTLAND POST The post Warbixin laga helay Khiyaano uu sameeyay Bashaar Al-assad ka hor inta uusan ka baxsan dalkiisa appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka hadlay guusha dowladda Soomaaliya ee ku saabsan deyn cafinta, isagoo xusay in sanad ka hor ay Soomaaliya ka gudubtay caqabadihii dhaqaale ee waaweynaa. “Maanta oo kale sanad ka hor, waxa ay ii ahayd sharaf in aan goob joog u ahaado iyadoo uu na wehliyo Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Mohamud guul taariikhi ah oo ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed gaareen taas oo aheyd in nalaga cafiyay deyn gaaraysay 5-Bilyan oo Doolar.” Waxaa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in muddada sanad ka soo wareegtay aysan dowladda Soomaaliya wax deyn cusub ah qaadan, iyadoo la sii wado dib-u-habaynta maaliyadda, kor u qaadidda dakhliga, iyo maalgalinta adeegyada bulshada. Wasiirka ayaa yiri: “Sannad ka dib, waxa aan si guul leh uga wada xaajionay oo aan ku heshiinnay baabi’inta deymaha ay la haayeen dalalka ku midaysan magaca Naadiga Paris… sidoo kale waxa aan wadiiqo lamid ah la galnay dalalka aan ka midka ahayn Naadiga ee loo yaqaano Non-Paris Club.” Dowladda Soomaaliya ayaa ka faa’iideysatay fursadaha ay bixiyeen is-afgaradyada caalamiga ah, iyadoo xoogga saartay ilaalinta xasilloonida dhaqaale, maalgalinta adeegyada muhiimka ah sida waxbarashada iyo caafimaadka, iyo shaqaaleysiinta macallimiinta cusub. Source: goobjoog.com
-
WASHINGTON: The United States on Thursday said it welcomed the accord reached by Somalia and Ethiopia to end regional tensions, sparked by Addis Ababa’s push for maritime access. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Norway ayaa soo dhaweysay heshiiskii lagu gaaray Ankara ee u dhexeeyay dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo u mahadcelisay Turkiga dadaalkiisa dhexdhexaadinta. “Waxaan rajeyneynaa in heshiiskan uu gacan ka geysan doono nabadda, xasilloonida, iyo barwaaqada Geeska Afrika,” ayay lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway. Wasaaraddu waxay intaas ku dartay: “Norway waxay taageertaa wada-hadallada socda, waxayna u mahadcelinaysaa Turkiga doorkiisa dhexdhexaadinta.” Ka dib kulan ay Arbacadii ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya magaalada Ankara oo uu martigeliyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, labada hoggaamiye ayaa bayaan wadajir ah kasoo saaray heshiiska loogu magacdaray “Heshiiska Ankara,” iyagoo xaqiijiyay in ay ixtiraamayaan madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee labada dhinac. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa isku hayay arrimo badan tan iyo markii Itoobiya ay bishii Janaayo ee sanadkan Itoobiya ay kusoo xadgudubtay Madaxbanaanida Soomaaliya ka dib markii ay heshiis la gashay Somaliland. Source: goobjoog.com
-
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar cusbooneysiinaya cunaqabateynta la saaray kooxda al-Shabaab ilaa 28-ka Febraayo, 2025. Qaraarkan, oo ay soo gudbisay dowladda UK, ayaa si wadajir ah waxaa ugu codeeyay dhammaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka. Waxa uu ogolaanayaa tallaabooyin lagu dhaqan gelinayo xayiraadda hubka sharci darrada ah ee la soo dhoofiyo, mamnuucidda dhoofinta dhuxusha, iyo xannibaadda agabka loo isticmaalo sameynta waxyaabaha qarxa (IED). Cunaqabateynta ayaa sidoo kale sii adkeysay xayiraadda hubka, safarka, iyo hantida ee ku wajahan kooxda al-Shabaab. Soomaaliya ayaa muddo dheer wajahaysay amni-darro, iyadoo qataraha ugu waa weyn ay ka imanayaan kooxaha al-Shabaab iyo Daacish/ISIS. Tan iyo 2007, al-Shabaab waxay dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU, SOMALIA/WASHINGTON — Expressing a renewed desire to return to their homeland, some Syrian refugees residing Somalia's capital, Mogadishu, are hopeful that recent developments, including the ousting of the Assad family regime that brutally ruled Syria for 53 years, might signal a safer future in Syria. Source: Hiiraan Online