Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,346
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. WAR-SAXAAFADEED. Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Fadhigii u horeeyey Ku yeeshay Qasriga Madaxgtooyada JSL. Hargeysa-15-12-2024-()-Fadhigii 001aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenku, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 15/12/2024 Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada oo isugu jira (Wasiirro, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir ku xigeenno). Isbarasho ka dib, Madaxweynuhu waxa uu golihiisa wasiirrada cusub la wadaagay waajibaadka Qaran ee loo igmaday inay ku shaqeeyaan, waxaanu la wadaagay Barnaamijka hagaha u ah wax-qabadka xukuumadiisa, sida ku cad qorshaha Buuggga Xisbiga oo ka kooban lix Cutub (6), taas oo ay saldhig u yihiin wada-jir iyo waxqabad muuqda. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dul istaagay arrimaha mudnaanta u leh xukuumadiisa 100 cisho ee soo socda. Madaxweynuhu waxa uu golihiisa Xasuusiyey in uu Qaranku inooga fadhiyo in aynu ugu shaqayno daacadnimo iyo hufnaan. Dhinaca kale Golaha Wasiirrada waxa loo qaybiyey Wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka kala xadaynta Nidaamka Xukuumadda xeer No.71/2015 oo ujeedada looga bedelay qaab-dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan si loo waafajiyo xeerka. Madaxweynuhu wuxuu si guud uga hadlay arrimaha nabadgelyada qaybo ka mida Gobolka Sanaag, waxaanu madaxweynuhu marlabaad ku celiyey baaq nabadgelyo. ALLAA MAHA DLEH Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr) Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Qaran News
  2. Fadhigii 001aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenku, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 15/12/2024 Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada oo isugu jira (Wasiirro, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir ku xigeenno). Isbarasho ka dib, Madaxweynuhu waxa uu golihiisa wasiirrada cusub la wadaagay waajibaadka Qaran ee loo igmaday inay ku shaqeeyaan, waxaanu la wadaagay Barnaamijka hagaha u ah wax-qabadka xukuumadiisa, sida ku cad qorshaha Buuggga Xisbiga oo ka kooban lix Cutub (6), taas oo ay saldhig u yihiin wada-jir iyo waxqabad muuqda. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dul istaagay arrimaha mudnaanta u leh xukuumadiisa 100 cisho ee soo socda. Madaxweynuhu waxa uu golihiisa Xasuusiyey in uu Somaliland inooga fadhiyo in aynu ugu shaqayno daacadnimo iyo hufnaan. Dhinaca kale Golaha Wasiirrada waxa loo qaybiyey Wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka kala xadaynta Nidaamka Xukuumadda xeer No.71/2015 oo ujeedada looga bedelay qaab-dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan si loo waafajiyo xeerka. Madaxweynuhu wuxuu si guud uga hadlay arrimaha nabadgelyada qaybo ka mida Gobolka Sanaag, waxaanu madaxweynuhu marlabaad ku celiyey baaq nabadgelyo. Source: goobjoog.com
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Daah furay, Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, kaasi oo maanta Muqdisho lagu qabtay muddo 35 sanno ah kaddib. Madaxweyne Xasan ayaa dul istaagay ahmiyadda ay dowlad-dhiska iyo sookabashada Qaranka Soomaaliyeed ay u leedahay, in hab cilmiyeysan loo darso caqabadaha ku gudban horumarka dowladnimo, dhaqaale iyo aqoon ee Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in ay dowladda ka go’an tahay, garab istaagga Aqoonyahannada iyo cilmi baarayaasha Soomaaliyeed, si xal waara loogu helo mushkiladaha hortaagan isku filnaanshaha dadka Soomaaliyeed. “Halganka dowlad-dhiska ee aan kusoo jirnay tan iyo burburkii, mar waliba waxaan dareemeynay maqnaanshaha kaalinta mufakiriinta Soomaaliyeed ee si dhab ah u darsilahaa mushkiladaha na haysta, nasiib wanaag Shirkan, waxa uu kusoo aaday waqtigii ugu mudnaa oo ay tahay in aan uga faa’iideysanno si dhaqsi leh”. Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, oo markiisii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1979-kii ayaa sanadkan waxaa ka qayb galaya, in ka badan 400 oo ergo ah, kuwaasi oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika, waxaana gabagabada Shirkan laga soo saaridoona, Daraasado ku saabsan horumarinta Mujtamaca Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  4. Dagaal culus oo laba jiho ah ayaa weli ka socda magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag halkaasi oo ay ku dagaallamayaan ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland. Dagaalka oo wakhti kooban hakad galay ayaa duhurnimadii dib uga bilowday kantaroolka bari ee Ceerigaabo iyo qaar kamid ah xaafadaha degmadaasi oo ay isku hor fadhiyaan labada ciidan ee Somaliland iyo SSC-khaatumo. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu dib u bilowday kaddib markii labada dhinac uu mid walba helay gurmad ciidan oo gadaal kaga biiray islamarkaana ku gaashaaman gaadiidka dagaalka sida ay tilmaamayaan goob-joogayaal. Weli faahfaahin sugan lagama hayo khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca labada dhinac waxaase warar hordhac ah tibaaxayaan in dhimashadu kor u dhaaftay 10 qof halka dhaawacana uu yahay in ka badan 30 ruux oo ay ku jiraan dad rayid ah. PUNTLAND POST The post Dagaalkii Ceerigaabo oo sii xoogaystay kadib markii gurmadyo ciidan ku biireen appeared first on Puntland Post.
  5. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQPUAQhxh0i6LNoNbnwHFFyxsIOPol49DuqBqzfmIqccl-NtaEARAIQ6IMwlFJdtFNEeC3LGoYRQlvzALD2YV1tE.mp4 Qaran News
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa maanta yeeshay fadhigii ugu horreeyay, kaas oo shir-guddoominayey madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) kuna wehlinaayey ku-xigeenkiisa, Maxamed Cali Aw Cabdi. Shirkan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa soo xaadiray dhammaan xubnaha golaha wasiirrada cusub ee shalay la magacaabay, kuwaasi oo isugu jira wasiirro, wasiiru-dawlayaal iyo wasiir ku xigeenno. Isbarasho kadib, madaxweynuhu waxa uu golihiisa wasiirrada cusub la wadaagay waajibaadka loo igmaday inay ku shaqeeyaan, waxaanu la wadaagay barnaamijka hagaha u ah wax-qabadka xukuumadiisa, sida ku cad qorshaha buuggga xisbiga oo ka kooban lix cutub, taas oo ay saldhig u yihiin wada-jir iyo waxqabad muuqda. Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu dul istaagay arrimaha mudnaanta u leh xukuumadiisa 100 cisho ee soo socda. Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxa uu golihiisa xasuusiyey in shacabka Somaliland uga fadhiyaan in aay ugu shaqeeyaan daacadnimo iyo hufnaan. Dhinaca kale, golaha wasiirrada waxa loo qaybiyey wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka kala xadaynta nidaamka xukuumadda xeer No.71/2015 oo ujeedada looga bedelay qaab-dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan si loo waafajiyo xeerka. Ugu dambeyntiina wuxuu madaxweynaha Somaliland si guud uga hadlay arrimaha nabadgelyada qaybo kamid ah gobolka Sanaag, wuxuuna madaxweynaha mar labaad ku celiyey baaq nabad-gelyo.
  7. Three African politicians seeking to head the African Union detailed their plans on Friday for regional security amid conflicts and political coups while strongly advocating for inter-Africa trade among other issues. Source: Hiiraan Online
  8. Kismayo (HOL) — Jubbaland regional administration transported Somali National Army (SNA) soldiers to Mogadishu on Sunday, marking the second group of captives sent back following last week's clashes in Raskamboni town, Lower Jubba region. Source: Hiiraan Online
  9. Anniga oo ku hadlaaya magacayga iyo magaca asxaabta igula sugan hada magaalada Jeddah ee dalka ‘Saudi Arabia’, waxa aanu jecleysanay in aan hambalyo iyo bogaadin hawada u soo marino Xukuumadda Cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Waxa kale oo iyana xusid mudan in Xukuumadda ay ka soo muuqdeen beelo aan hore u heli jirin wasiir buuxa, taasna amaanteedana waxa iska leh madaxweynaha gartay, kuna dhiiraday in uu sameeyo magacaabistaas taariikhiga ah. Hadaba, waxa aanu soo jeedineynaa in xukuumadaas la is garab taago oo lala shaqeeyo. Waxa kale oo lagu arkaayay baraha bulshada (social media) shakhsiyaad ka muujiyay cabasho iyo saluug Golaha Wasiirada ee cusub. Sheydaan ayaa deg-deg eh, waxa fiican in aynu ka war sugno inta laga dhameys tiraayo dhismaha xukuumada iyo dowlada. Waxa dhici karta in ay xal ama daawo u noqon karto cabashooyinka laga hadlaayo. Midna waa in la ogaado waxa kasta oo dad sameeyo ma dhaliil iyo qabyo la’aado. Kayse Guray ALLAH MAHAD LEH Qaran News
  10. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Daah furay, Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, kaasi oo maanta Muqdisho lagu qabtay muddo 35 sanno ah kaddib. Madaxweyne Xasan ayaa dul istaagay ahmiyadda ay dowlad-dhiska iyo sookabashada Soomaaliyeed ay u leedahay, in hab cilmiyeysan loo darso caqabadaha ku gudban horumarka dowladnimo, dhaqaale iyo aqoon ee Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in ay dowladda ka go’an tahay, garab istaagga Aqoonyahannada iyo cilmi baarayaasha Soomaaliyeed, si xal waara loogu helo mushkiladaha hortaagan isku filnaanshaha dadka Soomaaliyeed. “Halganka dowlad-dhiska ee aan kusoo jirnay tan iyo burburkii, mar waliba waxaan dareemeynay maqnaanshaha kaalinta mufakiriinta Soomaaliyeed ee si dhab ah u darsilahaa mushkiladaha na haysta, nasiib wanaag Shirkan, waxa uu kusoo aaday waqtigii ugu mudnaa oo ay tahay in aan uga faa’iideysanno si dhaqsi leh”. Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, oo markiisii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1979-kii ayaa sanadkan waxaa ka qayb galaya, in ka badan 400 oo ergo ah, kuwaasi oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika, waxaana gabagabada Shirkan laga soo saaridoona, Daraasado ku saabsan horumarinta Mujtamaca Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah furay Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Jubbaland ayaa weli ku howlan soo daabulidda ciidamadii ay dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya gaysay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii looga adkaaday dagaalkii ka dhacay halkaasi. Qaybtii labaad ee ciidamada dowladda ayaa maanta diyaarad laga soo saaray magaalada Raaskambooni, waxayna kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, “Dowladda Jubbaland ayaa maanta mar kale sagoontisay qeybtii labaad ee dhalinyaradii lagu soo qabtay dagaalkii ka dhacay Raas-kaambooni, iyadoo diyaarad loogu celiyey magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri war kasoo baxay maamul goboleedka Jubbaland. Ciidamada inta aysan soo bixin ayaa waxaasoo sagootiyay saraakiil ka tirsan qaybta 43-aad ee ciidanka Xooggada dalka, waxaana Jubbaland ay sheegtay in lasoo khalday dhalinyaradan, sida ay ku sheegtay war qoraal ah oo ay maanta soo saartay. “Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jubbaland, iyo Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga, ayaa goobjoog ka ahaa sagoontinta dhalinyarada, kuwaas oo Xasan Sheekh uu ku soo khaladay deegaanka Raas-kaambooni” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Deegaanka Raas-kaambooni ayaa 15-kii sano ee lasoo dhaafay ahaa mid nabad ah”. Xaaladda deegaanka ayaa hadda deggan, waxaana si buuxda u maamulayo ciidamada Jubbaland oo Arbacadii lasoo dhaafay dagaal ku galay magaalada Raaskambooni. Si kastaba, waxaa jira ciidamo kale oo boqolaal ah, oo u baxay dhinaca dalka Kenya, kuwaas oo lagu wado in iyagana lagu soo celiyo magaalada Muqdisho.
  12. Maamulka Jubbaland ayaa maanta diyaarad ku soo qaaday qeybtii labaad ee ciidamo horey ugu sugnaa Kismaayo, kuwaas oo lagu soo qabtay dagaalladii ka dhacay Raaskambooni. Ciidankan ayaa lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya markii Muqdisho la keenay. waxaa ku jira Ciidamo qaba dhaawacyo kala duwan iyo kuwa caafimaadqaba. Wararka laga helayo Jubbaland ayaa sidoo kale sheegaya in dhowaan la soo qaadi doono ciidamo kale oo weli ku haray magaalada Kismaayo, kuwaas oo horey uga qeyb qaatay dagaallada Raaskambooni. Jubbaland ayaa sheegtay in aysan waxyeelo u geysan doonin Ciidanka dowladda ee lagu qabtay Raaskambooni. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa wali war kasoo saarin sax ahaanshaha Ciidanka Jubbaland ay sheegtay in ay yihiin ciidankii dowladda. Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweynaha caalami ah oo muhiim ah, isla markaana ay ka qayb-galayaan inta badan aqoonyahannada Soomaaliyeed. Shirkan oo ah meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, ayaa dalka lagu qabanayaa muddo 35 sanno ah kadib ah, waxaana isugu yimid wafuud kala duwan oo ka badan ka badan 400 oo ergo oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika. Inta uu socd shirkan ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa guulaha laga gaaray daraasaadka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay furitaanka ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay Dalka, isaga oo ka qayb-galayaasha hor dhigay ka faa’iideysiga fursadaha muuqda sida Cilmi baarista iyo sare u qaadista Waxbarashada. Sidoo kale wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo madasha ka hadlay ayaa martida kusoo dhaweeyay hoolka shirka, wuxuuna sheegay in wasaaraddu ay farxad u tahay in 35 sano ay Muqdisho ku martigeliyaan Shirka Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, Soomaaliya ayaa haatan wax la qaybsaneysa aduunka intiisa kale, waxaana sanadihii u dambeysay ku tallaabsaneysay hormaro ballaaran oo ay qayb ka tahay wax la qaybsiga dalalka dhiggeeda ah.
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Jubbaland, gaar ahaan kuwa Nabad-Sugida maamulkaasi ayaa gacanta kusoo dhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo dhawaan weerar ka gaystay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ninkan oo loo soo bandhigay warbaahinta ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in bam-gamceed ku tuuray isbitaalka wayn ee magaalada Kismaayo. Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cali Shidaad Ayuub ayaa laga qaaday wareysi uu baahiyay Telefishinka Jubbaland, wuxuuna ku sheegay inuu Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 7 sano ah, isaga oo ka qayb qaatay howlgallo iyo dagaallo ka dhacay Jubbaland. Cali Shidaad ayaa sanadkii 2018kii mar isku dhiibay maamulka Jubaland waxaana lagu xareeyay xeryaha dhaqan celinta dagaalamayasha kasoo goosta Al shabaab. Sidoo kale mar kale ayuu iku laabaatay kooxda, waxaana mar labaa lasoo qabtay 2019-kii, isaga oo loo soo xiray dhacdo noocani oo kale ah oo bam-gacmeed ah wuxuuna xirnaa sanad iyo bilooyin, iyada oo kadib la siidaayay. Eedeysanaha ayaa ku dooday in la qasbay oo isaga oo ka shaqeysanayo goomiiste ay lasoo xiriirtay kooxda, kadibna ay ugu hanjabtay dil, hadii uu fulin waayo weerarka. Si kastaba, weerarka uu ku qaaday isbitaaka Kismaayo ayaa kusoo aaday, xilliga lagu dabiibayay askar ka tirsan kuwii kusoo dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Raaskambooni ee u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.
  15. Las Anod (HOL — Intense clashes between Somaliland forces and SSC-Khatumo fighters in Erigavo town have continued for a second day, with residents reporting heavy casualties on both sides. Source: Hiiraan Online
  16. Kismayo (HOL) — Jubbaland intelligence forces on Saturday presented Ali Shidad Ayub, a suspected al-Shabab operative, accused of throwing a hand grenade at Kismayo Hospital. Source: Hiiraan Online
  17. Ceerigaabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal saaka dib uga qarxay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo. Dagaalka oo ah mid xooggan ayaa galay maalintii labaad oo xiriir ah, wuxuuna soo bilowday shalay, iyada oo mar kale labada ciidan ay dib isugu laabteen saaka, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan halkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dadka shacabka ah ay bilaabeen inay ka barakacaan Ceerigaabo. Inta ka xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay dad kor u dhaafayo 15 qof oo isugu jiro dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo rayid ah, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha uu sii kordho, maadaama uu weli sii socdo dagaalka. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada SSC-Khaatumo iyo Somaliland, kuna aadan dagaalka ku dhex-maraya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan xaaladda ay faraha kasii baxeyso, isla- markaana ciidamo iyo gaadiid dagaal oo gurmad ah ay gaareen halkaasi, taas oo cabsi kusii abuurtay dadka deegaanka. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa kacsaneyd xaaladda maagaaladan, waxaana jiray dibadbaxyo ay dhigeen shacabka oo looga soo horjeeday dilal ka dhacay degmadaasi oo ay SSC ku eedeysay ciidamada Somaliland. Dagaalka ka qarxay Ceerigano ayaa kusoo aaday, iyada oo dhowaan isbeddal uu ka dhacay Somaliland, kadib markii la doortay madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, waxaase ay u muuqataa in weli xiisadda labada dhinac ay kasii socoto halkeeda.
  18. Dagaal maalintii labaad galay oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-khaatumo ayaa ka soconaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta Sanaag. Dagaalka labada dhinac ayaa shalay bilowday kadib markii ciidamada Somaliland weerar ku qaadeen daanta Ceerigaabo ay ka deggan yihiin Reer SSC-khaatumo halkaasi oo ay amnigeeda sugayeen ciidamada SSC. Inta badan xaafadaha Ceerigaabo oo dhawaanahan laga bara-kacay ayaa waxa isku hor-fadhiya ciidamada SSC-khaatumo iyo kuwa Somaliland waxaana saaka socda dagaal goos goos ah oo bilowday subaxnimadii hore. Weli tiro-koob sugan lagama hayo Khasaaraha ka dhashay dagaalka tan iyo shalay ka socda Ceerigaabo waxaana labada dhinac u yimid gurmadyo kala duwan taasi oo muujinaysa in xaaladdu ka sii dari karto. PUNTLAND POST The post Dagaalka magaalada Ceerigaabo oo maalintii labaad galay appeared first on Puntland Post.
  19. If you're wondering why this weekend's Manchester derby feels a bit, well, different, it's probably because there is so little jeopardy riding on the result. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) — Somali Deputy Prime Minister Saleh Ahmed Jama chaired a Council of Ministers meeting on Saturday night to discuss the ongoing revisions to the country's provisional constitution, focusing on Chapters 5 and 9. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay shir deg-deg ahaa ku yeeshay xafiiska ra’iisul wasaaraha, iyaga oo qaaday tallaabo kale oo la xiriirta qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan dhammeystirka dastuurka KMG ah, xilli ay dood wayn ka qabaan xubnaha mucaaradka iyo laba maamul goboleed. Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana inta badan goobjoog ahaa xubnaha golaha wasiirada oo si buuxda uga soo qayb-galay shirka. Inta uu socday shirkan gaarka ah ayaa waxaa lagu soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo iyo kuwii horey loogu sameeyey. Sidoo kalw guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo guddiga arrimaha dastuurka u qaabilsan baarlamaanka, ayaa golaha warbixin ka siiyey halka ay marayaan wadatashiyada ku aaddan dib-u-eegista dastuurka, gaar ahaan qodobbada 5-aad iyo 9-aad Cutubyadan ayaa hadda la bilaabay wada-tashiyadooda, iyada oo goluhu su’aallo ka weydiiyey guddiyadu, isla markaana aragtidooda ku biiriyey cutubyada la soo bandhigay ee dib-u-eegista lagu sameynayo. Qorshaha ayaa ah in kadib golaha wasiirada loo sii gudbiyo labasa gole ee baarlamaanka, si ay go’aan uga gaaraan, una meel-mariyaan. Tallaabadan ayaa la qaadayaa, iyada oo aysan ogoleen maamullada Puntland, Jubbaland iyo mucaaradka oo horay u diiday hannaanka ay wax ku wadaan madaxda dowladda dhexe. Si kastaba, Villa Soomaaliya ayaa u muuqato inay dadajineyso dhameystirka dastuurka, iyada oo sidoo kale rabta inay dalka ka qabato doorasho qof iyo cod ah oo weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka loo wajahayo.
  22. English Premier League leader Liverpool was held to a 2-2 draw at home to Fulham on Saturday, but coach Arne Slot could well be satisfied with a point after the personality his side showed after playing for over 70 minutes with a player less. Source: Hiiraan Online
  23. Odinga emphasized the urgent need to address Africa’s historical exclusion from global decision-making processes, particularly at the UNSC, which wields significant influence over international peace and security. Source: Hiiraan Online
  24. Türkiye-brokered Ankara Declaration ushers in new era for Somalia-Ethiopia ties, says foreign relations expert Brown. Source: Hiiraan Online
  25. The international community has commended the agreement signed this week between Ethiopia and Somalia, with many hoping the deal will put an end to the tensions that have marred relations between the two countries for a full year. Source: Hiiraan Online