-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Axaddii, ciidamo cusub oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Xoogga Difaaca Shiinaha ayaa ka ambabaxay deked militari oo ku taal Zhoushan, gobolka Zhejiang ee bariga Shiinaha, si ay ugu biiraan howlgalka ilaalinta maraakiibta ee ay wadeen ciidankii hore ee ku sugnaa Gacanka Cadmeed iyo biyaha u dhow Soomaaliya. Cutubkan cusub oo ah cutubka 47-aad ee Ciidanka Badda Shiinaha, ayaa ka kooban markab burburin kara gantaallada, markab kale oo quuseya gantaallada iyo markab saadka u qaabilsan. Ciidanka saaran ayaa gaaraya in ka badan 700 oo askari, waxaana lagu sii daray laba helikobtar iyo in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan ciidanka gaarka ah. Kahor intaysan ka ambabixin dekedda, cutubkan ayaa tababaro muhiim ah ku sameeyay hawlgallada badbaadinta maraakiibta ganacsiga ee la afduubtay, ka hortagga argagixisada, iyo burcad-badeednimada. Sidoo kale, tababarada ayaa xoogga saaray isticmaalka hubka casriga ah iyo xirfadaha dagaalka ee muhiimka ah si loo xaqiijiyo nabadgelyada biyaha caalamiga ah. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka dambeeyay Bishii October ee sanadkaan 2024, markaas oo ay madaxda maamul gobaleedyada iyo kuwa dowladda dhexe isugu yimaadeen Shirkii 10-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran, Madaxweynaha Jubbaland iyo Dowladda Dhexe waxaa ka dhax oogan khilaaf culus, kaas oo gaaray gacan hadal iyo dhiig daatay. Madaxweynaha Jubbaland waxa uu ka baxay shirkii oo socda, waxa uuna diiday in uu ku soo laabto madasha, sidoo kale waxa uu diiday in loogu tago Kismaayo si uu shirka u sii socdo, sida ay xaqiijiyeen madaxda dowladda iyo ilo wareedyo madax-banaan. Dhammaan qodobada Axmed Madoobe iyo dowladda isku qabteen waa feylka doorashada, DF waxay ku doodeysaa in la qabto doorasho qof iyo cod ah, si awooda xukunka dib loogu celiyo gacanta dadweynaha, sdioo kalane la mideeyo doorashooyin dalka, halka uu Axmed Madoobe ku dooday in uu qabsado doorashada dadban oo uu natiijadeeda ogyahay iyo in la keeno maamulada Puntland iyo SSC oo isku qoondo yihiin, aragtida doorasho dad-banna ay ka mideysan yihiin. Axmed Madoobe, waxa uu ku dhaqaaqay qabsashada doorashadii uu rabay, waxaana usoo baxday natiijadii uu rabay, dowladda ayaase qaadacday doorashadaas, kadibna Jubbaland waxay lugaha la gashay jahwareer siyaasadeed oo culus. Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka jawaabeysa tallaabooyinka Axmed Madoobe uu u qaaday dhanka doorashada ayaa Ciidamo geysay magaalada Raaskambooni, Axmed Madoobana waxay u soo jartay waaran soo qabasho ah. Go’aankaas waxaa laga dhaxlay dagaal dowladda Raaskambooni looga qabsaday, inkastoo ay sii xoogeysanayaan wararka sheegaya in Jubbaland dagaalkii Raaskambooni ay ka taageeren dhinacyo kale, natiijada DF ay ka heshay dagaalkii Raaskambooni waa in Axmed uu ku xirtay Itoobiya oo dagaal diblomaasiyadeed kala dhaxeeyo Soomaaliya, maadaama damac waalan uu ka galay badeenna. Warbixintaan waxaan ku eegeynaa 3 qodob oo aan marna Axmed Madoobe dhankiisa laga heli doonin xataa haddii uu meesha ka baxo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dowladda hadda jirta, waxayna qodobadaas kala yihiin: 1-Xoogeysiga dowladnimada Soomaaliya: Hogaamiyaha Jubbaland iyo qaar kale oo kamid ah madaxda Soomaalida danahooda kama dhax arkaan, mana rabaan in Soomaaliya ay yeelato dowlad xoogleh oo gacanta ku heysa guud ahaan dalka, amarada dowladda dhexe-na ay ka shaqeeyaan goballada Soomaaliya. Qodobkaan tuhun waxaa jira in ay ka dambeeyaan dowlado shisheeyeeye oo ay ugu horreyso Itoobiya, kuwaas oo aan rabin in Soomaaliya yeelato dowlad xoogleh oo isku filan, waxayna fulinta ajandahooda u maraan siyaasiyiin Soomaali ah. 2- Xukunka oo lagu tartamo: Kursi jaceylka Soomaalida, waa mid ay ka siman yihiin Siyaasiyiinta talada haya, laakiin Axmed Madoobe waxa uu uga duwan yahay, doorasha dad badan iyo nuuc kalaba oo lagu tartamo waligiis kama qaban deegaanka uu xukumo ee Jubbaland, hadana ma ogola in la qabto, haddii uu cimrigiisa gaarana waxa uu ku fakarayaa in 50 sano oo hadda dhiman qabsado doorashooyinkii ugu dambeeyay ee 2019 iyo 2024 oo kale. 3-In Al-shabaab laga adkaado: Axmed Madoobe Xukunkiisa jirsaday 14-ka sano waxa uu ku kooban yahay Kismaayo, Afmadow iyo Dhoobleey, sababtoo ah waligiis Gedo ma tagin, dadka degaankaas ku noolna 14-kaas sano waa ay diidan yihiin xukunkiisa, Axmed ma jecla in dalka uu ka dhaco dagaalka ka dhanka Al-shabaab, sababtoo ah siyaasiyiin uu ku jiro iyo dowlado shisheeyaba waxay khatar u arkaan in hadii Soomaali ka adkaato Al-shabaab ay weynayaan dano badan oo hadda ay helaan ama ku hamiyaan. Dowladda Soomaaliya ayaa hogaamiyaha Jubbaland toos ugu eedeysay in uu ku jiro dadka danahooda ka dhax arkay jiritaanka Al-shabaab. Dhammaan dadka ku nool magaalooyinka uu ka taliyo Xukunka Axmed Madoobe waxay ku qasban yihiin in hogaamiyihooda ay taageeraan sax iyo qaladba, qofkii diidana waxa uu muteysan karaa ciqaab daran iyo musaafurin.
-
Xafiiska Iskuxidhka Arrimaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa Axaddii ku dhawaaqay in loo baahan yahay $1.42 bilyan sanadka 2025 si loo ballaariyo hawlaha samafalka ee Soomaaliya, halkaas oo 5.98 milyan oo qof u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo. OCHA ayaa bilowday qorshaha “Baahiyaha iyo Jawaabta Bani’aadamnimada ee Soomaaliya 2025” (HNRP), kaas oo ku baaqay kordhinta horumarinta iyo maalgelinta la xiriirta cimilada, si loo xalliyo sababaha qotoda dheer ee baahiyaha, loona dhiso adkaysi, si loo yareeyo khataraha musiibooyinka mustaqbalka, loona waafajiyo isbeddelka cimilada. Sida laga soo xigtay OCHA, HNRP wuxuu diiradda saarayaa gargaar u gaar ah dadka leh baahiyaha ugu daran, iyadoo la qorsheynayo in 4.6 milyan oo qof la beegsado si loo caawiyo. “Qorshaha HNRP ee 2025 wuxuu qeexayaa khataraha ugu waaweyn ee 2025, kuwaas oo kala ah abaaraha iyo colaadaha. Xaaladaha qalalan ayaa kordhin doona loolanka ku saabsan khayraadka, waxay daciifin doonaan awoodaha dadka ee la qabsiga xaaladaha, waxayna kordhin doonaan khataraha…,” ayay tidhi OCHA. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Guddiga Dib u Eegsita Iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Xubnaha labada guddi ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ka siiyay arrimaha dib u eegista Dastuurka gaar ahaan cutubta 5-aad ilaa cutubta 9-aad oo uu guddiga gacanta ku haayo iyo sida loo wajahayo marka uu furmo kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka iyo sidoo kale guud ahaan hanaanka dib u eegista dastuurka iyo qodobada ka harsan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa labada guddi uga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ay ka qabteen dib u eegista dastuurka isaga oo ku bogaadiyay habka ay u wadaan ka shaqeynta cutubyada harsan. Source: goobjoog.com
-
Baidoa and Jowhar- The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) has handed over two newly constructed solar-powered water projects to the Somali Police Force in Jowhar and Baidoa. Source: Hiiraan Online
-
HANGZHOU - A new fleet of the Chinese People's Liberation Army Navy set sail from a military port in Zhoushan, East China's Zhejiang province on Sunday to take over an escort mission from the previous fleet in the Gulf of Aden and the waters off Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Ka dib heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa soo baxayay xogo kala duwan oo ku saabsan waxa laga yeelayo ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika, kuwaas oo ay DFS horay u sheegtay inaysan dalka sii joogi doonin wixii ka dambeeya bishan December. Go’aanka dowladda Soomaaliya ee ku addan bixitaanka ciidankan oo isugu jira kuwo hoostaga howlgalka ATMIS ee waqtigiisu sii dhammaanayo iyo qaar ka madax-bannaan oo dalka sharci darro ku jooga ayaa mid jawaab u ahaa is afgaradkii Abii Axmed iyo Muuse Biixi, balse markii uu meesha ka baxay waxaa muuqanaysa in qorsheyaal badani is badeleen. La-taliyaha Amniga qaranka ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Macallin ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorshaynayso in dib u eegis lagu sameeyo go’aankeedii ku addanaa bixitaanka ciidanka Itoobiya ee dalka mudda dheer joogay. ” shirkii Ankara arrintaas laguma faahfaahin markaa dowlad ahaan hadda inaan isku noqanno oo aan tixgelinno xaaladda cusub ee hadda la galay iyo sida laga yeelayo sii joogitaanka ciidanka Itoobiya waa go’aan aan hadda ku gudaha jirno sida uu noqanayo” ayuu yiri Xuseen Macallin oo wareysiiyay warbaahinta dowladda. Ciidanka Itoobiya oo muddo dheer ku sugnaa gudaha dalka ayaa isugu jira kuwo qeyb ka ah howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya iyo kuwo ka madax-bannaan oo xilligay rabaan soohdinta ka soo gudba, waxayna dad badani rumaysanyihiin inay si joogto ah ugu kacaan gabood-fallo iyo xadgudubyo ka dhan ah qarannimada Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Senior Somali Army officers stationed at Raaskaambooni last week fear prosecution in a military court for mutiny and treason. Mogadishu (PP News Desk) — Somali troops whose evacuation was facilitated by Kenya after the Raaskaambooni debacle last week fear prosecution in a military court in Mogadishu. More than three hundred Somali army soldiers have sought help from Kenyan authorities near the coastal border between Somalia and Kenya, close to Raaskaambooni. Nearly two weeks ago, the Federal Government of Somalia deployed contingents of Türkiye-trained special forces to overthrow the Jubaland administration. The election of Ahmed Mohamed Islam as the president of Jubaland for a new term irked Villa Somalia. A military court prosecutor has reportedly been tasked with building mutiny and treason cases against several senior Somali army officers who sent reports to the Somali Defence Ministry about the inhospitable Raaskaambooni terrain and the logistical nightmare that affected troops after Jubaland State issued an ultimatum to the Federal Government of Somalia and urged it to evacuate the troops to Mogadishu. At the Villa Somalia mosque, President Hassan Sheikh Mohamud claimed that the Jubaland president had opposed harmonising national electoral systems to expedite the “impractical and unrealistic” one-person, one-vote elections that President Mohamud views as feasible by 2026. Unconfirmed reports suggest that the beleaguered Prime Minister of Somalia, Hamsa Abdi Barre, offered to resign rather than support the court-martial of soldiers accused of surrendering to Kenyan troops after brief clashes with Jubaland forces last week. © Puntland Post, 2024 The post Somali Troops Fear Prosecution After Raaskaambooni Debacle appeared first on Puntland Post.
-
Ceerigaabo residents could benefit from the peacemaking precedent set by the 1993 Gaalkacyo Agreement signed in Mogadishu. Garowe (PP Editorial) — Ceerigaabo, the administrative capital of Sanaag, shares some similarities with Mudug. Like Mudug, Sanaag consists of five districts. However, unlike Mudug — where North Gaalkacyo and South Gaalkacyo fall under Puntland and Galmudug jurisdictions respectively — Ceerigaabo is under the control of the Somaliland administration. The 1993 Gaalkacyo Agreement between the Somali Salvation Democratic Front (SSDF) and the United Somali Congress (USC) ensured the peaceful coexistence of clans in Mudug. Administratively, the other four districts of Mudug are separately governed by Galmudug and Puntland. In Sanaag, Badhan and Dhahar are under Puntland State of Somalia, whereas Garadag and Ceel Afweyn fall under Somaliland’s jurisdiction. Although the 1995 Ceerigaabo Agreement is still hailed as a significant and successful peacemaking initiative, it faced challenges, partly due to the uncompromising secessionist ideology of the Somaliland administration, which, in 2021, forcibly displaced more than 1,700 Somalis in Laascaanood under the pretext that they were foreigners. As if that were not enough, the Somaliland administration claimed that Al-Shabaab elements had captured Laascaanood in 2023. This was a cynical attempt to mislead international opinion about the conflict in Laascaanood, which was, in reality, between forces of an administration claiming unilateral secession from Somalia and unionist forces with federal representation in Mogadishu’s bicameral legislature and and constitutes a part of Puntland State of Somalia, a federal member state. In the eyes of the Somaliland administration, any person associated with Sool, Sanaag, Cayn, and the Khatumo administration is labelled a terrorist associated with Al-Shabaab. This political view, commonly held by secessionist leaders in Somaliland, is arguably the main driver of the Ceerigaabo conflict. The Somaliland administration justified the 2023 shelling of Laascaanood by the “Somaliland army” on the dubious claim of sovereignty. The new Somaliland administration President, Abdirahman Abdullahi, faces the difficult dilemma of crafting a policy based on peaceful coexistence, moving away from uncompromising secessionist rhetoric and spurious claims of statehood, which reject the Federal Republic of Somalia. Ceerigaabo residents can benefit from the peacemaking precedent set by the 1993 Gaalkacyo Agreement signed in Mogadishu. © Puntland Post, 2024 The post Ceerigaabo Can Benefit from the Peacemaking Precedent Set by the Gaalkacyo Agreement appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo xirtay in ka badan 12 kun oo Akoon, kuwaas oo ay Khawaarijtu u isticmaali jirtay faafinta wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta dadka. “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaysa Hay’adaha Dowladda Federaalka ee qaabilsan Internet-ka iyo Warbaahinta ayaa ku guuleysatay in ay xirto 12,010 Akoon, oo isugu jiray Baro Bulsho iyo Website-yo wararka lagu daabaco, kuwaas oo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay faafinta fikirka argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Hay’adda ayaa qoraalkeeda ku soo bandhigtay tirada akoonada baraha bulshada ee laga xiray kooxda Al-Shabaab, horay wasaaradda warfaafinta ayaa u sheegtay in Shabaab laga xiray barahoodii ay bulshada kula wadaagi jireen afkaartooda. “Baraha la xiray oo u badnaa kuwo aan lahayn tixraac iyo taageereyaal ku xiran midna, ayay Khawaarijtu u furteen si dhuumaaleysi ah, iyaga oo isticmaalaya sawirro iyo magacyo aan jirin,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay NISA. Sidoo kale Hay’adda ayaa baahisay Jaantuuska Akoonnada la xiray laga soo bilaabo bishii July ilaa December sanadkaan 2024-ka. Facebook ayaa ugu badan akoonada la xiray, waxaana ku xiga TikTok, Telegram ayaa ku sii xiga, waxaana u yar Website-yada oo gaaraya shan, sida ku cad Jaantuuska ay soo saartay NISA. Qoraalka Hay’adda NISA ayaa ku soo aadaya iyadoo galabta kaaliyaha Agaasimaha guud ee Hay’adda NISA loo magacaabay Jeneraal Saadaq Joon oo ahaa Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka. Hoos ka eeg qoraalka ay caawa soo saartay NISA.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka golaha amniga qaranka oo maanta ku qabsoomay xafiiska amniga qaranka. Shirkan ayaa ku saabsanaa xaaladda guud ee amniga iyo qorshaha kala guurka howl-galka ATMIS, iyadoo ay qeyb-galeen ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre, ku-xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, wasiirrada xubnaha ka ah golaha amniga qaranka iyo taliyeyaasha ciidamada qaranka. Intii uu shirka socday, waxaa lagu falan-qeeyey istaraatiijiyadda xoojinta amniga qaranka iyo dhammeystirka dib u habeynta ciidamada Soomaaliyeed oo haatan ku howlan buuxinta amniga goobaha ay bannaynayaan howl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howl-galka cusub ee AUSSOM. Sidoo kale waxaa shirka lagu casuumay warbixin muhiim ahna lagaga dhageystay wasaaradda beeraha iyo waraabka oo soo bandhigtay sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed. Wasaaradda ayaa shirka kusoo bandhigtay halista isbaarooyinka iyo lacagaha sharci darrada ah ee laga qaado gobollada goobo kamid ah Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Arrintan ayaa guddiga golaha amniga qaranka waxay ku tilmaameen caqabad weyn oo wiiqaysa wax-soo-saarka iyo horumarka dhaqaale ee dalka. Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey hay’adaha ku shaqada leh in ay si deg-deg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si beeraleydu u helaan fursado ay ku horumariyaan wax-soosaarkooda, dadka Soomaaliyeedna ay uga faa’iideystaan khayraadka beeraha uu hodonka ku yahay dalkeenna.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka oo maanta ku qabsoomay xafiiska Amniga Qaranka. Shirkan ayaa ku saabsanaa xaaladda guud ee amniga iyo qorshaha kala guurka howlgalka ATMIS, iyadoo ay qeyb-galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ku-xigeenkiisa Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirrada xubnaha ka ah Golaha Amniga Qaranka iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka . Intii uu shirka socday, waxaa lagu falanqeeyey istaraatiijiyadda xoojinta amniga qaranka iyo dhammeystirka dib u habeynta ciidamada Soomaaliyeed oo haatan ku howllan buuxinta amniga goobaha ay bannaynayaan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howlgalka cusub ee AUSSOM . Sidoo kale, shirka waxaa lagu lagu casuumay warbixin muhiim ahna lagaga dhageystay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka oo soo bandhigtay sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan isbaarooyinka iyo lacaga sharci darrada ah ee laga qaado gobollada goobo ka mid ah Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Arrintan ayaa Guddigu waxay ku tilmaameen caqabad weyn oo wiiqaysa wax-soo-saarka iyo horumarka dhaqaalaha dalka. Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey hay’adaha ku shaqada leh in ay si degdeg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si beeraleydu u helaan fursado ay ku horumariyaan wax-soosaarkooda, dadka Soomaaliyeedna ay uga faa’iideystaan khayraadka beeraha uu hodonka ku yahay dalkeenna. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa wada hadal dhanka taleefanka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr Cabdulcaati. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha si loo daboolo rajada shacabka walaalaha ah ee labada dal. Wadahadalkan ayaa diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay in laga shaqeeyo fulinta natiijooyinkii kasoo baxay shirkii saddex geesoodka ahaa ee ka dhacay Asmara 10-kii Oktoobar 2024, kaas oo dhexmaray Soomaaliya, Masar, iyo Ereteriya. Dr. Badr Cabdulcaati, ayaa markale ku celiyay taageerada buuxda ee dalkiisu u hayo dawladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in Masar ay ku garab taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimada dhulkeeda, iyo sidoo kale taageerada ay siinayso la dagaallanka argagixisada si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni. Wasiirrada ayaa sidoo kale isla gartay in la sii wado wada shaqeynta labada dal iyo in si wadajir ah loo sii diyaariyo shir saddex geesood ah oo ay isugu imaanayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Masar, iyo Ereteriya. Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada shaqeynta iyo iskaashiga ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danaha wadaagga ah leh. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo loo garan ogyahay Saadaq Joon ayaa loo magacaabay kaaliyaha amniga ahna taliye ku-xigeenka hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA, sida ay illo wareedyo xilkas ah u xaqiijiyeen Caasimada Online. Saadaq Joon oo horey usoo noqday taliyaha NISA iyo booliska ee gobolka Banaadir ayaa haatan xilkan sare looga magacaabay hay’dda NISA, isagoo beddelaya Muxiyadiin Warbac. Wareegtada magacaabista Saadaq Joon oo lagu soo waramayo inay gaartay taliska NISA ayaa waxaa la filayaa inay faafin rasmi ah kusoo baxdo saacadaha soo aadan. Saadaq Joon oo xukunkii Farmaajo uu ka xayuubiyay darajadii ciidanka ayaa waxaa dib loogu soo celiyay dhamaan darajooyinkiisa ciidanka markii dowladda Xasan Sheekh la wareegtay xilka. Ninkan ayaa sanadihii lasoo dhaafay kamid ahaa saraakiisha ugu saameynta badan hay’ddaha dowladda, wuxuuna haatan beddelaya Muxiyadiin Warbac oo isaguna door muhiim ah kasoo qaatay shaqada hay’adda NISA. Saadaq oo ahaan jiray taliyaha booliska gobolka Banaadir ayaa bishii April ee sanadkii 2021 wuxuu noqday sarkaalkii koowaad ee u baareeray inuu hor istaago muddo kororsigii sharci darada ahaa ee Farmaajo, balse madaxweynaha xafiiska baneeyey oo arrintaasi ka carooday ayaa Saadaq Joon isugu daray xil ka-qaadis, ka xayuubin darajadii ciidanimada iyo joojinta dhammaan wixii uu xaqqa u lahaa sarkaalkaan. Waxaana bartimihii 2022 uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dib ugu soo celiyay Saadaq Joon darajadiisa ciidanimada iyo dhammaan xuquuqdiisii sarkaalnimo, wuxuuna markaas dib u helay garaadihiisii iyo wixii uu dowladnimada kaga heli lahaa darajadaas.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta soo saaray wareegtooyin dhaliyay dood sharci, ayadoo madaxweynaha lagu eedeeyay inuu jabiyay qodobo dastuuri ah. Cabdiraxmaan Ciro ayaa wareegtooyinka uu soo saaray wuxuu laba hay’ad dowladeed ugu beddelay wasaaraddo, kuwaas oo kala ah; hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha iyo hay’adda duulista iyo madaarrada. Hay’adda qaxootiga ayaa laga dhigay wasaaradda dib-u-dejinta iyo arrimaha bani-aadannimada, halka hay’adda duulista laga dhigay wasaaradda duulista hawada iyo horumarinta madaarrada. “Waxaan go’aamiyay in hay’adda qaxootiga iyo barakacayaashu ay noqoto wasaaradda dib-u-dejinta iyo arrimaha bani-aadannimada oo ka mas’uul noqonaysa maamulka iyo maaraynta hawlaha gargaarka bani’aadannimo ee Somaliland, sidoo kalena ay shaqaalaha iyo hantida hay’addii hore ay noqdaan shaqaalaha iyo hantida wasaaradda dib-u-dejinta,” ayuu Ciro ku yiri wareegtada koowaad. Halka uu wareegtada labaad ku yiri “Waxa aan go’aamiyey in hay’adda duulista iyo madaarradu ay noqoto wasaaradda duulista hawada iyo horumarinta madaarrada oo yeelanaysa mas’uuliyadda maamulka iyo maaraynta hawlaha duulista madaniga ah iyo hoggaaminta qorshayaasha lagu horumarinayo madaarrada Somaliland, ayadoo shaqaalaha iyo hantida hay’addii hore ay noqdaan shaqaalaha iyo hantida wasaaradda duulista hawada.” Intaas kadib Garyaqaan Guuleed Dafac oo kamid ah garyaqaannada waaweyn ee Somaliland ayaa tallaabada madaxweyne Cirro ku tilmaamay sharci jebin iyo dastuur jebin cad. “Hay’adda Duulista Madaniga ah waxa ay ku aasaasan tahay xeer, Xeer Lr. 70/2017. Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka waxa ay ku aasaasan thay xeer, Xeer Lr. 103/2023. Labada midkoodna madaxwaynuhu ma baabiin karro, haddii aan labadaas xeer wax ka bedel lagu samayn,” ayuu yiri Garyaqaan Guuleed Dafac. Waxa uu intaas kusii daray “Sidaasdarteed, digreetada madaxwaynaha ka soo baxday ee uu labadaas hay’adood uga dhigay wasaarado waa sharci-jebin iyo dastuur jebin cad. Waxa ay si gaar ah xadgudub ugu tahay qodobka 37aad iyo qodobka 38aad ee Dastuurka Somaliland.” Garyaqaanka ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro inuu ilaaliyo ballantii uu horey u qaaday ee ilaalinta dastuurka iyo in uusan ku xad-gudbin xeerarka, “Mudane madaxwayne, ballantii aad qaaday waxa ay ahayd inaad dastuurka iyo xeerarka ilaalinaysid.”
-
Dimishiq (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Suuriya, Ahmad al-Sharaa ayaa sheegay in Israa’iil ay adeegsanayso marmarsiiyo been abuur ah, si ay ugu qiil raadiso weerarrada ay ku hayso Suuriya, laakiin uusan dooneyn in uu galo dagaal cusub, iyadoo waddanka uu diiradda saarayo dib u dhiska kadib dhammaadka xukunkii Bashaar Al-Asad. Sharaa oo loo yaqaan Abu Mohammed al-Golani ayaa hogaamiya kooxda Hayat Tahrir al-Sham (HTS) ee xukunka ka tuuray Assad todobaadkii hore, taasi oo soo afjartay xukunkii qoyska ee 50-ka sano gacanta birta ah ku maamulayay Suuriya. Israa’iil ayaa tan iyo markaas u dhaqaaqday aagga ka caaggan militariga ee gudaha Suuriya oo la abuuray ka dib dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1973-kii, oo ay ku jirto dhinaca Suuriya ee buurta istaraatiijiga ah ee Hermon ee dusha sare ka eegeysa Dimishiq, halkaas oo ay la wareegtay goob milatari oo Suuriya ah oo la dayacay. Israa’iil oo sheegtay in aysan ku talo jirin in ay halkaas sii joogto ayaa duulaanka ay ku qaaday dhulka Suuriya ku tilmaantay mid xaddidan oo ku meel gaar ah si loo sugo ammaanka xudduudda, waxa ay sidoo kale boqolaal duqeymo ah ku qaadday keydka hubka ee Suuriya. Dhowr waddan oo Carbeed, oo ay ku jiraan Sacuudiga, Imaaraadka iyo Urdun, ayaa cambaareeyay waxa ay ugu yeereen qabsashada Israa’iil ee aagga difaaca ee buuraha Golan. “Doodaha Israa’iil waxay noqdeen kuwa daciif ah oo aan mar dambe marmarsiinyo u lahayn xadgudubyadii ay dhowaan sameeyeen, Israa’iiliyiintu waxay si cad uga gudbeen xadadka xeerarka Suuriya, taasi oo keeneysa khatar aan loo baahneyn oo ay xaaladdu uga sii darto,” ayuu Sharaa ku yiri wareysi lagu daabacay mareegta TV-ga Suuriya ee taageera mucaaradka. “Xaaladda Suuriya oo dagaal ku daashay, ka dib sannado badan oo colaado iyo dagaal ah, ma ogolaaneyso iska hor imaadyo cusub, mudnaanta marxaladdan waa dib u dhiska iyo xasilloonida, oo aan la gelin khilaafyo horseedi kara burbur kale.” Waxa uu sidoo kale sheegay in xal diblomaasiyadeed uu yahay dariiqa kaliya ee lagu xaqiijin karo amniga iyo xasiloonida, islamarkaana dhaq-dhaqaaqyo militari oo aan laga fiirsan loo baahneyn.