-
Content Count
211,346 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yirahdo Scott Perry ayaa waxa uu aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan. Hindise Sharciyeedka oo tirsigiisu yahay 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sano socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka. Sharcigan ayaa ku jira marxaladda koowaad ee habraaca sharci dejinta. Waxaa la Congress-ka la geeyay Diisambar 12, 2024. Sida caadiga ah waxaa tixgalin doona shirka guddiga ee soo socda ka hor inta aan loo gudbin Golaha ama Guurtida guud ahaan. Sharcigu waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo ictiraaf raadinta Somaliland ee tobannaan sano jirsatay. Sharcigu waxa uu soo jeedinayaa in Maraykanku si rasmi ah ugu aqoonsado Somaliland dal gooni ah oo ka madax-bannaan Soomaaliya. Hindise sharciyeedka ayaa waxaa kale oo ku jira in ay xafiis diblomaasiyadeed oo Maraykanku leeyahay laga samayso Hargeysa, caasimadda Somaliland, iyada oo loo marayo safaarad ama qunsuliyad. Xeerku waxa kale oo uu qirayaa in Somaliland si joogto ah u qabatay doorashooyin nabad ah iyo sida ay uga go’an tahay dawladnimada dimuqraadiga ah tan iyo markii ay ku dhawaaqday in ay madaxbannaanideeda la soo noqotay 1991-kii. Isla xildhibaankan ayaa sannadkii 2022-kii oo markaas ka tirsanaa guddi-hoosaadka arrimaha dibadda ee Aqalka Wakiilada Maraykanka, ayaa golaha wakiilada u gudbiyay hindise uu ku dalbanayo in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan. Perry ayaa markaas si toos ah ugu gudbiyay soo jeedinta congress-ka, iyo Golaha Wakiilada. Guddiga arrimaha dibadda ee Perry ayaa sidoo kale u gudbiyay Congress-ka Maraykanka xeer ay ku doonayeen in ay xiriir diblomaasiyadeed iyo mid amniba la yeeshaan Somaliland. Talaabadaas ee ay sharci-dajiyayaasha Maraykanku aqoonsiga ugu raadinayeen Somaliland inay tahay dal madax-banaan ayaa daba socday booqasho 10 maalmood ah oo markaas Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku tagay dalka Maraykanka. Laakiin, Kooxda Siyaasadda, oo ah koox u ololaynaysay midnimada Soomaaliya ayaa markaas ku dhawaaqay inay ka soo horjeedaan waxa ay ku tilmaameen isku day lagu doonayo in lagu kala gooyo Soomaaliya. Hindise sharciyeed xildhiban Perry ayaa ku soo beegmeysa iyadoo bishii hore uu xildhibaan Sir Gavin Williamson, oo ka mid ah Mudaneyaasha Barlamaanka Ingiriiska, sheegay in madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump uu qorshaynayo inuu dal madax bannaan u aqoonsado Jahmuuriyadda iskeeda madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Xildhibaan Sir Gavin Williamson, oo hore u soo noqday Xoghayaha Difaaca ee UK, kana mid ah xildhibaannada u ololeeya aqoonsiga Somaliland ayaa u sheegay Wargeyska The Independent inuu wada wada hadallo la yeeshay mas’uuliyiin ku dhow dhow madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, kuwaas oo kala hadlay aqoonsi rasmi ah oo ay hesho Somaliland. Xildhibaan Sir Gavin Williamson, waxa uu intaas ku daray inuu kalsooni ku qabo in Madaxweynaha Mareykanka ee la doortay uu ku kalsoonyahay inuu ka *****n doono aqoonsiga Somaliland, marka uu xilka la wareego bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2025-ka. inkastoo marka uu xafiiska la wareego Madaxweyne Donald Trump ay u badan tahay in ay qaadan doonto wakhti ka badan inta aanu rajaynayo,” ayuu yiri Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo la hadlayey Wargeyska Wargeyska The Independent, waxaanu intaasi sii raaciyey, “laakiin waxa aanu yeelannay kulamo wanaagsan dadka siyaasaddiisa hormuudka u ah, waanu isfahannay”. Waxa kale oo uu hoosta ka xarriiqay Williamson in Madaxweynaha Mareykanku yahay in go’aan adag qaadan kara, isaga oo tusaale u soo qaatay muddo xilkeedkiisii hore tallaabooyinka uu qaatay “Mid ka mid ah amarradii ugu dambeeyey ee Trump qaatay muddo xilkeedkiisii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Mareykanka waxa ka mid ahaa in ciidamada Mareykanka ka saaro Soomaaliya, inkasta oo Biden ka hor yimid amarkaas. Ma jiro wax uu Trump ka neceb yahay, sidaas darteed waxaan u adeegsaday taas si aan u riixo dooddan (Aqoonsiga). “ Xildhibaan Sir Gavin Williamson, waxa uu muddo u ololaynayey in ay Somaliland aqoonsi caalami ah hesho, isaga oo dhaqdhaqaaqiisa taageero ee Somaliland soo bilaabay 2017 ilaa 2019 oo uu ahaa xoghayaha Difaaca ee Ingiriiska, isaga oo booqasho ku tegay Magaalada hargeysa. Tan iyo wakhtigaas waxa uu barlamaanka Ingiriiska dhawr jeer kaga hadlay qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, waxaanu muddo laba jeer ah booqasho ku tegay Hargeysa, isaga oo ah xildhibaan. Somaliland ayaa 33 sanno ka hor ku dhawaaqday in ay ka madax bannaantahay Soomaaliya inteeda kale, hase yeeshee muddadaas ma jiro dal u aqoonsaday waddan madax bannaan. Shacabka Somaliland, ayaa doortay Madaxweyne cusub doorashadii dhacday 13-kii Novermber, iyada oo murrashaxii Xisbiga Mucaaradku ka adkaaday madaxweynaha xilka ka sii degaya Muuse Biixi Cabdi, kaasoo isaguna shalay aqbalay natiijada. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo saaxiib dhow la’ah Masar ayaa la wadaagtay nuxurks heshiiskii ay Itoobiya kula gaartay magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Masar ayaa uga warbixiyay qodobbadii ka soo baxay shirkii Ankara ku dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo lagu soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay labada dal. Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa shaacisay in wada-hadalka labada wasiir lagu soo qaaday xiriirka istiraatijiga ah ee Masar iyo Soomaaliya iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay kadib shir-madaxeedkii saddex geesoodka ahaa ee bishii October Asmara ku dhex-maray madaxweynayaasha Masar, Soomaaliya iyo Eritrea. Wasaaradda ayaa xaqiijisay in wasiir Fiqi uu wasiirka arrimaha dibadda Masar uga warbixiyay nuxurka shirkii Ankara ku dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo sheegay inay ka go’an tahay in la ixtiraamo qaranimada iyo midnimada dhulkeeda. Badar Abdelatty oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar ayaa dhankiisa xaqiijiyey in Masar ay si buuxda ku garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, la-dagaalanka argagixisada iyo xaqiijinta amniga iyo xasiloonida. Ugu dambeyntiina waxay labada wasiir isku raaceen diyaarinta shir heer wasiir ah oo dhex-mara wasiirada arrimaha dibadda Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya, kaas oo daba socda shirkii sanadkaan ka dhacay Asmara. Masar ayaa waxaa lagu xasuusta garab istaagii weyna ee u muujisay dowladda Soomaaliya kadib markii Itoobiya ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimadeeda, markaas oo labada dhinac ay sameysteen isbaheysi looga hortago gardarada Itoobiya.
-
Ceerigaabo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka ka socda magaalada Ceerigaabo, iyada oo sheegtay inay aad uga xun tahay colaadda kasoo cusboonaatay magaaladaasi oo u dhexeyso dhinacyo kasoo jeedo Somaliland iyo SSC-Khaatumo. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyada dagaalamayo ay ugu baaqeyso inay xabadda joojiyaan, si looga hortego waxyeelo soo gaarto dadka rayidka ah. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidoo kale tacsi u dirtay ehellada ay dadkooda ku dhinteen dagaalkaasi, iyada oo ku dhaawaca ah u rajeysay caafimaad deg-deg ah. Dagaalka ka socda Ceerigaabo ayaa qaatay laba maalmood oo xiriir ah, waxaana ugu dambeyn magaalada laga soo saaray garabka SSC oo hadda ku sugan banaanka magaalada. Sidoo kale Somaliland ayaa lasoo wariyay inay xir xirtay mas’uuliyiin deegaanka ah oo kasoo jeedo dhinaca SSC oo ay ku eedeysay inay qayb ka ahaayeen dagaalka. Dhankeeda SSC-Khaatumo oo war soo saartay ayaa Somaliland ku eedeysay inay ka dambeysay dagaalka Ceerigaabo, isla markaana ay dhibaato u gaysatay dadka shacabka ah. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dagaallo xooggan ay ka dhacayeen magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
-
Qaran News
-
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta baaq nabadeed ka soo saartay colaadda ka aloosan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib-u-heshisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay dhinacyada ku dagaallamay degmada Ceerigaabo sida ku cad qoraal ka soo baxay wasaaradda. Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaallamaya Ceerigaabo in ay si shuruud la’aan ah loo joojiyo colaaddani oo horseedday khasaare naf iyo maal-ba leh, sida ku xusan qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha DFS. “Waa in si shuruud la’aan ah lagu joojiya colaada ka taagaan magaalada Ceerigaabo ee sababtay dhimashada dhaawac iyo barakaca baahsan” ayay baaqeeda ku sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda ayaa sidoo kale ka codsatay odayaasha dhaqanka iyo maamullada in ay isu taagaan joojinta colaadda ka taagan Ceerigaabo islamarkaana ka shaqeeyaan xasiloonida iyo wada-noolaanshaha magaalada. Halkan ka akhriso qoraalka wasaaradda PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo baaq nabadeed ka soo saartay colaadda ka aloosan degmada Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.
-
Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynihii dhowaan xilka laga tuuray ee Dalka Suuriya Bashaar Al-Asad ayaa lagu arkay mid kamid ah waddooyinka ay ku badan yihiin Madaxda Ruushka ee ku taal Magaalada Moscow oo Caasimad u ah Dalkaas. Asad ayaa xirnaa dharka lagu aalmiiteeyo waxaana uu ku rucleynayay waddadaas lagu arkay iyada oo amni ahaan ay goobtaas aad u adag tahay in lagu beegsado ama loogu dhawaado sida ay sheegeen ilo kala duwan. Ciidanka qarsoon ee sirdoonka Ruushka ayaa kor ka ilaalinayay Bashaar Al-Asad waqtigii uu jimicsigaas sameynayay, lama socon xubnaha qoyskiisa iyo kuwii la baxsaday sida ay kusoo warrameen goobjoogayaasha arkay Asad. Dhanka kale, Wargeyska Financial Times ayaa daabacay warbixin uu ku sheegay in ujeedka Bashaar Al-Asad ay u martigelisay Moscow ay tahay in uu dhaqaale badan oo kaash ah geeyay si uu ugu maareeyo nolosha reerkiisa. Bashaar oo og xayiraadda dhaqaale ee Ruushka lagu soo rogay kaddib markii uu weerarray Ukraine ayaa horay usii qaatay in ka badan $250 Milyan oo Doollar iyo lacago kale oo dahab ah maadaama uu kusoo baxay diyaarad gaar ah. Isha: Mustaqbal
-
Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Janaraal Madey Nurey Shiekh Uforow, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Taliye Xigeenka Ciidanka Tanzania, Sareeye Guud Salim Hajji Othman. Taliye Xigeenka Ciidanka Tanzania ayaa booqashadiisa ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga militari ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada tababarada, farsamada, iyo wada shaqeynta ciidamada. Inta uu ku sugan yahay Muqdisho, wuxuu la kulmi doonaa hoggaanka sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo madaxda Qaranka Soomaaliyeed. Kulamadan ayaa lagu wadaa inay diiradda saaraan sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga labada dhinac si loo xoojiyo amniga gobolka iyo awoodda ciidammada ee la dagaallanka argagixisada. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam X. Cali Axmed, ayaa dhaariyay Siciid Axmed Cabdikariin Maxamuud, oo laga bilaabo 15/12/2024 ka mid noqonaya xubnaha Guddida Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka. Golaha Wakiillada JSL ayaa Maxkamadda Sare usoo gudbiyay codsi ay ku dalbanayaan, in mudane Siciid Axmed Cabdilaahi loo dhaariyo jagada uu dhawaan baneeyay Mukhtaar Cabdi Jaamac. Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday. ALLAA MAHAD LEH Ibraahin Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL Qaran News
-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa ka walaac ka muujisay colaadda ka dhex aloosan beelaha walaalaha ah ee ku wada nool magaallada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag. Colaaddan oo socotay labadii maalmood ee ugu dambeeyey ayaa sababtay khasaarooyin ba’an oo ay ku jiraan dhimasho, dhaawacyo, iyo barakac dad badan oo deegaanka ah. Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah iyo xasilloonida guud ee gobolka. Waxa kale oo Wasaaraddu ku boorrisay Maamullada gobolka, Odayaasha dhaqanka, Culimada, Haweenka, iyo guud ahaan waxgaradka deegaanka inay u istaagaan dadaallada lagu joojinayo colaadda, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii xal waara oo nabadeed loo gaari lahaa. Wasaaradda ayaa adkeysay muhiimada ay leedahay in xal nabadeed oo degdeg ah la gaaro, iyadoo la adeegsanayo wada-hadal iyo is-afgarad dhexdhexaad ah. Waxay sidoo kale ku dhiirrigelisay dhammaan qeybaha bulshada inay ka fogaadaan fal kasta oo sii hurin kara colaadda. Source: goobjoog.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa horraanta sanadka cusub ee 2025 booqasho ku tegi doona magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Erdogan ayaa sidoo kale booqan doona magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, kadib markii uu dhawaan dhex-dhexaadiyay heshiis lagu soo afjaray xiisaddii xooganeyd ee labada dal u dhaxeysay. “Waxaan booqan doonaa Itoobiya iyo Soomaaliya labada bilood ee ugu horreeya ee sanadka cusub ee 2025” ayuu Erdogan ku shaaciyay dhambaal uu kaga hadlay heshiiskii dhawaan Ankara ay ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyay labada dowladood muddo sannad ku dhow kadib wada-hadalo saacado qaatay oo uu garwadeen ka ahaa madaxweyne Erdogan, oo isagu heshiiskan ku tilmaamay mid taariikhi ah. Khilaafka labadaan dal ayaa waxa uu bilaabmay bishii koowaad ee sanadkaan kadib markii Itoobiya ay heshiis la gashay Somaliland, si ay u hesho dhul xeebeed iyo saldhig ciidan, taasi oo si adag ugu hortimid dowladda federaalka Soomaaliya. Tan iyo markaas, Turkiga ayaa dadaal badan ku bixinayay sidii uu labada dal isugu soo jiidi lahaa, si xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeyay oo markaas gaaray meel sare, ayadoo ugu dambeyntii uu 11-kii bishaan ku guuleystay in heshiis gaaran dhinacyada Madaxweynaha Turkiga ayaa wada-hadallo toos ah u qabatay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, taasi oo soo afjartay khilaafkii sanadka ka dhex aloosna labada dal, kaas oo mar ku sigtay gacan ka hadal.
-
President Mohamud attended the opening ceremony of the controversial Somali Studies Conference in Mogadishu. Mogadishu (PP Editorial) — The Somali Studies conference in Mogadishu highlights the pervasive issues of academic malpractice and intellectual timidity affecting the Somali academic community. The Somali Studies International Association (SSIA) only belatedly distanced itself from the conference organised by Federal Government of Somalia, just days before the event began. The Ministry of Education disclosed the conference dates merely a week before its opening, and public notices about the event appeared on social media only last week. Farah Abdulkadir, the Education Minister, who oversaw the conference preparations, allegedly kept details secret to avoid SSIA’s objections. Prominent Somali scholars, including Professor Abdi Samatar, Professor Ali Jimale Ahmed and Professor Mohamed Haji Mukhtar, have signed a letter protesting the Federal Government’s usurpation of SSIA’s mandate. Professor Mukhtar condemned the presence of President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Hamsa Barre at the event. “It is scandalous to organise an illegal Somali Studies conference. The President and the Prime Minister attended the opening of this so-called conference,” Professor Mukhtar told a Somali news outlet. The irony is that President Mohamud, who now holds a PhD, has embargoed his dissertation, Challenges of Clan Politics in State-building: A Case Study of Somalia. He has not clarified whether he used classified government documents for his research. Some scholars argue that discussing politics through the lens of clan identity excuses politicians from accountability for political violence and corruption. Somali scholars have yet to publicly call on President Mohamud to make his dissertation available to researchers. Speculation persists that his dissertation may have departed from rigorous academic standards, raising concerns about the University of Peace’s decision to grant an indefinite embargo at his request. The SSIA shares responsibility for this crisis, having lowered membership standards and adopted a complacent attitude toward researchers like President Mohamud, who has written an anthropological study of Somali clans. In 2011, Professor Abdi Samatar criticised former President Mohamed Abdullahi Farmajo for a dissertation suggesting that some Somali clans benefited from ties with European colonisers. The SSIA must undergo a period of introspection and recommit to upholding academic accountability among Somali scholars. © Puntland Post, 2024 The post Somali Studies Conference Highlights Tensions in Academic Accountability appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo lagu tilmaamo hogaamiye midabo iyo indhasarcaad badan, ficilkiisa ka soo horjeedo maangalka caadiga ah, naxariis daran, isu haysta in ilaahey u doortay inuu dadka iyo dalka Ethiopia u horseedo barwaaqo, isku haysta boqorkii 7 oo aaminsan siyaasaddi Boqor Xayle Salaase oo aheyd inuu cid kasta saaxiib la yahay hase yeeshe cidna daacad u aheyn ama ku tiirsaneyn, saameyn weyn ku leh siyaasadda Geeska Afrika ayaa Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Recep Tayyib Erdogan ka codsaday inuu la kulankiisu fool ka fool Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamud oo muddo sannad ah diidanaa la kulankiisa ilaa uu ka noqdo (burriyo) Is-Afgaradka Sharcidarrada ah ee uu la galay 1dii Jennaayo 2024 Madaxweynihii hore ee Maamulka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) Mudane Muse Biixi, is afgaradkaaso Ethiopia ku boobeyso dhul iyo bad Soomaaliyeed. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa wada dadaalo iyo kulamo istaraatiiji ah oo lagu horumarinayo wasaaradda arrimaha dibadda. Wasiirka arrimaha dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi oo uu wehliyo xoghayaha joogtada ah Xamza Xaadow ayaa kulan istiraatiiji ah la yeeshay agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda, si loo dardar-geliyo dadaallada lagu horumarinayo wasaaradda. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray hagaajinta hawlaha shaqo, hirgelinta mashaariic muhiim ah iyo xoojinta awoodda wasaaradda ee ku aaddan horumarinta mudnaanta diblomaasiyadeed ee Soomaaliya. Wasiirka wuxuu sheegay guulaha waaweyn ee la gaaray, oo ay ka mid yihiin diyaarinta Soomaaliya ee ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, muhiimadda istiraatiijiga ah ee ku biirista bulshada bariga Afrika iyo guusha machadka diblomaasiyadda oo tababaraya diblomaasiyiin da’yar si ay uga wakiil noqdaan Soomaaliya caalamka. Guulahaan waxay muujinayaan sida wasaaradda ugu heelan tahay xirfadda, hal-abuurka iyo hoggaaminta arrimaha dibadda. Maaddaama Soomaaliya ay tallaabooyin muhiim ah ka qaadaysay dhinacyada diblomaasiyadda gobolka iyo caalamka, dadaalladan isbedelka ah waa kuwa muhiim ah si loo hubiyo in codka qaranka la maqlo lana ilaaliyo danaha dalka. Wasaaradda ayaa xaqiijisay inay sii wadeyso dadaallada dib-u-habeynta si ay uga tarjumaan himilooyinka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah.
-
Boqolaal qof, ku dhowaad kumanaan, ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen ka dib markii duufaanta Chido ay ku dhufatay xeebaha badweynta Hindiya, gaar ahaanna jasiiradda Mayotte oo Faransiiska maamulo. Sarkaal sare oo maxalli ah ayaa ka digay, inay sii kordhi karto tirada dhimashada, iyadoo ay sii xoogeysanayaan dedaallada samatabixinta dadka maalmaha soo socda. Boqolaal ka mid ah shaqaalaha samatabbixinta, oo ay ku jiraan ciidamo ka yimid dalka Faransiiska, ayaa gudaha u galaya burburka, iyagoo baadi goobaya dadka badbaaday. Howlaha gargaarka degdegga ah, waxaa saameeyay burbur ballaaran oo ku yimid kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Khadadka korontada ayaa go’ay, wadooyinkuna waa kuwo aan la mari Karin iyadoo ay burbureen dhismeyaal badan. Wasiirlka arrimaha gudaha Faraansiiska, ayaa lagu wadaa inuu Isniinta maanta ah u safro jasiiradda Mayotte, si uu u soo qiimeeyo khasaaraha. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — A Republican-sponsored resolution seeking U.S. recognition of Somaliland as an independent state has been introduced in the House Foreign Affairs Committee. The proposal, H.R. 10402, submitted by Congressman Scott Perry of Pennsylvania on December 12, has sparked debate but faces steep odds of advancing in Congress. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shantii sano ee uu madaxweynaha ahaa Maxamed Cabudullaahi Farmaajo magaca ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad ee Soomaaliya iyo kuwa kumaandooska Gorgor ayaa wuxuu aad ugu jiray wararka Soomaliya. Marar bandanna wuxuu ka muuqday ciwaannada warbaahinta Soomaalida, haddase dowladdan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale magacooda aad loo hadal hayaa kadib markii la sheegay in qaar ka mid ah ciidamadaan la geeyay deegaanka Raaskambooni. 11-kii Bishan December ciidmada dowladda federaalka ah oo ay Haramcad ka mid ahaayeen ayaa waxa uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Raaskambooni kaas oo labada dhinac midba midka kale ku eedeeyay inuu weerarka soo qaaday. Khasaare aan si rasmi ah aan loo shaacin ayaa ka dhashay. Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegtay in ciidamadaas Raakambooni loo geeyay inay buuxyiyaan goobihii ay banneeyeen ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS balse maamulka Jubaland ayaa gaashaanka u daruuray hadalka dowladda waxa ayna ku andacoodeen in ciidaankaas Meesha loo geeyay in maamulka Axmed Madoobe lagula dagaalamo. Dowladda ayaa ku eedeysay madaxweynaha maamulka Jubaland inuu go’aansaday inuu iska horkeeno labada ciidan, iyadoo intaasi raacisay in ciidamadu aaney amar u haysan in ay la dagaallamaan cid aan ka ahayn Al-Shabaab. Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Amniga Gudaha Jubaland Aadan Axmed Xaaji oo maalintii dagaalku dhacay qabtay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dagaal saacado badan qaatay ay ciidamada maamulkiisu kula wargeen deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose. Wuxuu ku eedeyay dowladda federaalka in ciidamadii caalamku u tababaray ay si qaldan u adeegsatay, isagoo sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku qabteen ciidan hub iyo gaadiid isla markaana ay jiraan ciidamo ka dhaawacmay dhanka dowladda oo ay gacanta ku hayaan, waxaana uu xusay in si wanaagsan loola dhaqmayo ciidamadaas dhaawacyada qaba. Ciidamada Haramcad iyo kuwa Gorgor ayaa waxay ka fuliyeen gudaha waddanka tobanaan hawlgal oo ka dhan kooxda Alshabaab, balse eedeynta ku saabsan ku luglahaanshooda arrimaha siyaasadda ayaa dhaliyay hadalhaynta ugu badan. Eedeymo badan oo loo jeediyay madaxda cidamadaas ayaa marar badan siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliyeed u gudbiyeen dawladda Turkiga oo Soomaaliya ka caawisay tababarkooda. Siyaasiyintii mucaaradka ahaa ee markaasi eedeynayay waxaa ka mid ah madaxweynaha haatan talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud. Meelaha horay loo geeyay ee muranka badan uu ka dhashay waxaa ka mid ah gobolka Hiraaan oo ay ka jirtay xiisad siyaasadeed, taasoo si weyn loo cambaareeyay. Balse dowladda Farmaajo ee xilligaasi ayaa sheegtay in ciidammadaasi loo adeegsaday sugidda amniga iyo la dagaalanka Shabaab oo kali ah. Ciidanka Haramacad ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa ciidankii la geeyay magaalada Baydhaba xilliga doorashada Koonfur Galbeed, waxaana sidoo kale loo daabulay qeybo ka mid ah gobolka Gedo. Hase yeeshee markii ay talada la wareegtay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dad badan waxa ay is weydinayeen waxa ciidamada Haramcad ka yeeleyso. Waraysi ay BBC du 7-dii Luuliyo ee 2022 la yeelatay agaasimahii warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige, ayuu ku sheegay in ciidmadaas ay u shaqayn doonaan sida rasmiga ah ee booliska Soomaaliye u hawlgalo. Dige ayaa yiri: “Awaamiirta iyo qorshayaasha iyo hawlaglinta taliyayaasha booska Soomaaliyeed uu qabo ayay ku shaqeynaayaan booliska kale ee Soomaaliyeed ayayna ka mid yihiin.” Maxay yihiin Ciidamada Haramcad? Ciidanka Haramacad oo ka tirsan booliska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa la asaasay markii uu xukunka qabtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana ciidan si gaar ah loogu tababaray ka hortagga rabshadaha iyo dagaallada ka dhaca magaalooyinka. Ciidankan oo tiro ahaan lagu qiyaasay kun askari ayaa waxaa tababaray dowladda Turkiga oo gudaha dalkeeda u qaada, halka qaarna ay tababarka ku qaataan xerada TurkiSom ee Muqdisho. Inta badan hubka ay wataan ayaa ah mid fudud, waxaana ay u carbisan yihiin hawlgallada qorsheysan. Tuutaha ay wataan askarta Haramacad ayaa ah mid ka duwan ciidamada kale ee booliska, waxaana intooda badan ay horay uga tirsanaayeen ciidanka nabadsugidda Soomaaliya ee NISA, sida aan ka soo xiganay saraakiil horay u maamuli jirtay. “Ciidamadan waxa ay intooda badan ka mid ahaayeen askartii NISA ee hubka sitay, balse dowladda hadda jirta ayaa u bedashay booliska sida gaarka ah u tababaran. Waxa ay u badan tahay in magacooda Haramacad lagu saleeyay midabka tuutaha ay xiran yihiin,” ayuu yiri Cabdisalaam Guuleed, taliye kuxigeenkii hore ee NISA. Maxay yihiin ciidamada Gorgor? Dowladda Soomaaliya ayaa dhamaadkii bishii hore sheegtay in ay ciidamo ka dejisay Raaskaamboni oo ka tirsan degmada Badhaadhe. Dowladda aya sheegtay in cutubyo ka tirsan ciidamada Gorgor gaar ahaan guutada 18aad ee kumandooska halkasi la geeyay, kuwaas oo la sheegay in ay lawareegayaan goobaha ay a ka baxeen ciidamada ATMIS, sida lagu daabacy barta X ee SNTV. Ciidamadaan ayaa waxaa horay siyaasiyiin uu ka mid yahay madaxweyne Xasan Sheekh ugu eedeyeen in hawlgallo siyaasadeed loo adeegsaday. Ciidamadan ayaa waxaa horay loogu eedeeyay inay fuliyeen howlgallo ka dhacay gobolka Gedo, Dhuusamreeb iyo ”weerar la sheegay in lagu qaaday madaxweynayaashii hore 19-kii Febraayo 2021 oo kadhacay Muqdisho. Waa ciidan kamid ah xoogga dalka, Turkiga ayaa u tababaray Dowladda Soomaaliya, tiradiisu waxa lagu qiyaasaa inay u dhaxeyso 5kun ilaa 6kun, waxaana xarun u ah xerada Turksom oo ah saldhigga ee ciidan ee Turkigu ku leeyihiin meel ka baxsan dalkooda. Gorgor ciidan ahaan waxa uu hoos tagaan taliyaha ciidanka lugta. Dhanka kale, dawladda Turkiga ayaa Soomaaliya u tababarta ciidmada kumaandooska Gorgor ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii la doortay safar uu ku tagay wadanka Turkiga wuxuu ku booqday xerada Isparta ee lagu tababaro ciidmada Soomaalida. Agaasimihii xilligaasi Dige oo ay BBC-du wax ka weydiinay shaqada ciidamadaan ayaa sheegay in ay tagi doonaan furimaha. “Ciidmada horay waa u dhacday in siyaasad loo isticmaalo,” ayuu yiri Dige. “Laakiin madaxweynaha waxaa ka go’an ciidamada in ay siyaasadda ka madaxbanaanaadaan oo ay ku shaqeeyaan dastuurka qaranka.” Isha: BBC
-
Mogadishu (HOL) — Fighting erupted Saturday just outside Erigavo, a city at the heart of longstanding tensions in Somalia’s Sanaag region. Local sources report the clashes occurred 10 to 15 kilometres south of the town, marking the latest chapter in a protracted struggle over governance and autonomy. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo hadal jeediyay ayaa laga soo xigtay in uu Soomaaliya iyo Ethiopia booqanayo labada bilood ee u horreeya sannadka 2025. Safarka Madaxweyne Erdoğan ee Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa imaanaya maalmo kaddib markii labada dowladood gaareen heshiis uu dhex-dhexaadinayay Turkiga, kaasi oo lagu dhammeeyay Khilaafkii labada dhinac. “Waxaan booqan doonaa Ethiopia iyo Soomaaliya labada bilood ee u horreeya sannadka soo socda waxaana Caalamka la wadaagi doonaa tallaabada aan aadnay” ayuu yiri Madaxweyne Recep Erdoğan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku heshiiyay in Itoobiya marin badeed ka hesho badda Soomaaliya, kaasi oo ay u isticmaali doonto deked ay adeegsato, kadib markii loo maro heshiis ku dhisan hannaan ganacsi oo laba geesood ah. Labada dowladood ayaa sidoo kale ku heshiiyay dhawrista madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee labada dal, taasi oo ku salaysan is-qaddarin iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliya iyo Itoobiya. Heshiiskani ayaa dhigaya in labada dal bilaabaan wada-hadallo farsamo, si loo helo marin badeed ammaan ah, oo ay Itoobiya ku gaarayso badda Soomaaliya, kaasi oo bilaaban doona ugu danbayn bisha Febraayo ee sannadka 2025, ayna fududeyn doonto dowladda Turkiga. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Turkiga oo booqan doonaa Soomaaliya iyo Ethiopia kaddib Heshiiskii Ankara appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — A young man was fatally attacked in Mogadishu's Daynile district on Wednesday night, highlighting growing concerns over insecurity in the area. The victim, identified as Abdi Dahir Abdulle, known locally as "Falfaliirshe," was killed by an armed gang reportedly attempting to steal his mobile phone. Source: Hiiraan Online