Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,603
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Afar saacadood ka dib markii Sharikadda Coastline Exploration Ltd ay magaalada Houston ee Mareykanka ku shaacisay in ay heshiis la gashay Soomaaliya, ayuu Wasiirka Batroolku Twitter innagu wargeliyay in uu 7 heshiis la galay sharikadaas. 

    Wuxuu u mahadceliyay Madaxweynaha oo uu ku tilmaamay in uu ku “garabsiiyay” kuna “tirtirsiiyay” howsha.

    Sharikaddu waxay faafisay oo kale in saxiixa heshiiska ay goobjoog ka ahaayeen Madaxa Hey’adda Batroolka Soomaaliya iyo ku Xigeenkiisu.

    In yar ka dib, Madaxweynaha ayaa soo saaray waraaq uu ku qeexay in aan Wasiirku kala tashan heshiiska.

    Warqadda ka soo baxday Madaxtooyadu waxay caddeysay in uu heshiisku yahay waxba kama jiraan maaddaama uu baalmarsan yahay amar ka horreeyay oo Dowladda ka joojinaya in ay heshiis gasho xilliga kala guurka ah.

    Ra’iisal Wasaaraha ayaa isaguna soo saaray amar uu ku burinayo heshiiska oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah. Wuxuuna sheegay in tallaabo sharci ah ay Xukuumaddu qaadi doonto.

    Markii ugu horreysay waxaan warka heshiiska ka helay dad ah xog-ogaal feejigan oo London, Muqdisho iyo jooga magaaloiyin kale. 

    Maaddaama la iigu sheegay in heshiiska lagu galay London, Diblomaasiyiinta Soomaaliya ka wakiilka ah ee London waan ka waayay wax caddeynaya xataa joogitaanka Wasiirka ee London. 

    Heshiis Batrool oo aan Madaxweynuhu ogeyn, Ra’iisal Wasaaruhu ku tilmaamay sharci darro, haddii UK lagu saxiixay aan Safaaradda Soomaaliya ee London aanay ka warqabin, waa waa sax in la buriyo. 

    Laakiin burin naguma filna. Xataa khiyaamo Qaran ayaa suurta gal noqon karta.

    Inta kale ka sokow, Dhaawac ayay arrintani ku tahay Dowladnimada Soomaaliya, iyo in magaca Dowladda heshiis aan la isla ogeyn lagu galo, maalmo gudahoodna laga baxo.

    Aragtideyda, Baaritaan buuxa oo bannaanka keena heshiiska, cidda saxiixday, cidda la ogeyd, haddii laga lahaa ujeeddo siyaasadeed iyo ama dano kale.

    Haddii ay caddaato in dembi laga galay Shacabka Soomaaliyeed, markaa tallaabo sharciga waafaqsan oo laga qaado cid kasta oo  ku lug  leh waa lama huraan.

    AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.

    The post Heshiiska Batroolka: Burin naguma filna, xataa khiyaamo Qaran ayaa suurta gal ah appeared first on Caasimada Online.


  2. Madaxweynihii ugu Muddada gaabnaa Taariikhda Madaxweynayaasha soo maray Wadamada caalamka

    Pedro Lascurain
    Pedro Lascurain

    Xitaa 60 daqiiqo kama aysan soo wareegan markii madaxweyne Pedro Lascurain ay madaxtimnimadiisa ay noqotay taariikh. Siyaasigan reer Mexico ayaa madaxweyne noqday bishii Febaraayo ee sannadkii 1913-kii 45 daqiiqa ka dibna waxa uu istiqaaladiisa u gudbiyay Congress-ka.

    Tani waa muddadii ugu gaabanayd ee uu qof madaxweyne noqdo taariikhda adduunka. Xitaa sidan oo kale ayaa looga diiwaan geliyay buugga diiwaanka ee Guinness Book of Records.

    Tobaneeyo sano, sawirka Lascurain wuxuu xambaarsanaa tuhun ah inuu u adeegayay afgambiga, sidoo kale waxaa loo bixiyay naanaystii “madaxweyne baxsad ah”.

    Laakiin baaritaanno lagu sameeyay wixii dhacay Febraayo 1913-kii ayaa muujinaya sida siyaasigan aqoonta leh, balse ay yareed khibradiisa siyaasadeed, uu dhibane ugu noqday iskahorimaadyadii aan la saadaalin karin ee Kacaankii Mexico ee sanadihii (1910-1920).

    “Waxa lagu yaqaanaa taariikhdiisii 45-tii-daqiiqo ee uu xukunka hayay, waa madaxweynihii ugu mudduda gaabanaa ee soo mara adduunka. Si kastaba ha ahaatee, qofna ma eego waxqabadkiisii jagada ra’iisal wasaaraha,” taariikhyahan Graziella Altamirano ayaa sidaasi u sheegay BBC Mundo.

    “Waxa uu door aad u muhiim ah ka ciyaaray wakhtigii adkaa ee xiriirka uu la lahaa Mareykanka, gaar ahaa mid ka mid ah safiiradii ugu xumaa ee Maraykanka ee Mexico soo maray taariikhda adduunka: Henry Lane Wilson,” ayuu raaciyay cilmi-baaraha, oo ka mid ah dadka yar ee fursadda u helay nolosha Lascurain.

    Madaxtinimda Lascurain waxay ku ekeyd 45 daqiiqo oo keliya
    Madaxtinimda Lascurain waxay ku ekeyd 45 daqiiqo oo keliya

    Sida uu ku timid in uu qabsado madaxnimada Mexico 45 daqiiqo oo keliya ayaa iftiiminaysa harkii khiyaamada ee had iyo jeer uu uu yaabayay Lascurain.

    “Waa ceeb aan meesha laga saari karin, dhacdadaas ka dib wuxuu sannado badan ku qaatay inuu isku dayo inuu sharaxo wixii dhacay iyo sidoo kale inuu naftiisa caddeeyo, sababtoo ah qof kastaa wuxuu u sheegaa inuu ahaa khaa’in,” ayuu yiri taariikhyahan Guadalupe Villa, oo ah cilmi-baare kale oo baaray taariikhda “madaxweynaha baxsadka ah”.

    Tobankii sano ee murugada badnaa

    Marxaladda aadka u kooban ee Pedro Lascurain ee madaxtinimada Mexico waxay dhex dhacday 10 maalmood ee afgambiga lagu sameeyay oo ku beegnayd 9-kii bishii Febraayo ilaa 19-kii isla bishaas ee sannadkii 1913-kii. Afgambiga ayaa lagu sameeyay Madaxweyne Francisco I. Madero.

    Dhacdadan ayaa loo yaqaanaa Tobankii sano ee murugada badnaa.

    Sannadkaas, Madero wuxuu la kulmay kacdoon militari oo ka dhan ah dowladdiisa, oo ah kii ugu horreeyay ee si dimoqraadi ah loo doorto ka dib 30 sano maamulkii militariga ahaa ee General Porfirio Díaz.

    Iyada oo ay colaaddu dhex-martay, danjiraha Maraykanka ee Mexico, Henry L. Wilson – oo caan ku ahaa faragelintiisa siyaasadeed iyo diidmadii Madero- waxa uu sameeyay dalabaad xiriir ah oo ku aaddan ilaalinta muwaadiniinta Mareykanka iyo ganacsigooda Mexico.

    Madaxweyne Francisco I. Madero
    Madaxweyne Francisco I. Madero

    Lascurain, oo markaasi ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda, waxuu la kulmay cadaadisyadaas Wilson, oo xitaa si cad ugu baaqay is-casilaadda madaxweynaha oo ku hanjabay inuu abaabulayo faragelinta milatari ee Maraykanka ee Washington.

    45-tii daqiiqo ee uu madaxweynaha ahaa

    General Victoriano Huerta, oo Madero uu ku eedeeyay xakameynta kacdoonka, ma ahayn xulafada madaxweynihiisa.

    Sida markii dambe la ogaaday, wuxuu la shirqoolay General Félix Díaz (oo uu adeer u yahay madaxweynihii hore ee Porfirio Díaz) iyo danjire Wilson si uu u afgembiyo Madero oo uu awood u yeesho “si ku meel gaar ah.”

    Waxay u bixiyeen “Heshiiska Safaaradda” .

    Danjire Henry L. Wilson
    Danjire Henry L. Wilson

    Si uu ujeedadiisu u gaaro, Lascurain waxa uu meesha soo galay isagoon aqoon u lahayn.

    Waxay ahayd Febraayo 18, 1913, iyada oo ay jireen iskahorimaadyo u dhexeeya kuwa daacadda u ah iyo fallaagada, Madero iyo ku xigeenkiisa, José María Pino Suárez, ay qabteen ciidamada Huerta.

    Iyada oo lagu qanciyay in wax walba ay isaga ka soo horjeedaan, burburkiisuna soo dhow yahay, maalintii xigtay ayuu madaxwaynuhu warqadii iscasilaadda u qoray oo u gudbiyay wasiirkii arrimaha dibadda Laascurain si uu u geeyo Congress-ka. Waxayna codsadeen in hab ammaan ah ay uga baxaan dalka.

    “Nolosha Madero mar horeba waa lagu gorgortamay, si la mid ah tii Pino Suárez. Bilowgii waxaa lagu xukumay dil, inkastoo ay jireen ballanqaadyo uu u sameeyay Victoriano Huerta,” ayuu yiri Villa.

    Lascurain ayaa Congress-ka kula hadlay warqada iscasilaadda Madero ka dib markii uu gudbiyay, sida Dastuurku sheegayay wakhtigaas-na, isaga ayay ku xiranayd inuu qabto xukuumadda.

    Sidaa ayuuna Lascurain ku noqday madaxweyne.

    General Victoriano Huerta waxa uu awooda kula wareegay qorshe markii dambe lagu tilmaami doono afgambi
    General Victoriano Huerta waxa uu awooda kula wareegay qorshe markii dambe lagu tilmaami doono afgambi

    Isagoo ku kalsoon heshiiska Huerta, Lascurain wuxuu u magacaabay hogaamiyaha jabhadda inuu noqdo Xoghayaha Arrimaha Gudaha wuxuuna u gudbiyay warqadiisa istiqaalada 45 daqiiqo gudahood.

    Sidaas darteed Huerta wuxa uu sidaasi ku noqday madaxweynaha cusub.

    Marna ma jirin dammaanad qaad u aaddan masaafurinta Madero iyo asxaabtiisa.

    Isaga iyo Pino Suárez ayaa 22-kii Febraayo lagu dilay bannaanka xabsiga Lecumberri, ka dib markii loo ekeysiiyay inay isku dayeen inay xabsiga ka baxsadaan.

    Lascurain waxaa lagu shaabadeeyey inuu yahay khaa’inul waddan u shaqeeynayay Madero.

    Qaran News


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa saxiixay heshiis shidaal sahmin ah oo Soomaaliya ay la gashay shirkadda Coastline Exploration Limited (“Coastline”) oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

    Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la ogaa heshiiskaan oo lagu qaatay 7 Milyan oo dollar, islamarkaana uusan garaneyn sababta uu hadda uga horyimid, isagoo ku macneeyey in culeyska dhanka baraha bulshada ka soo wajahay uu isaga difaacayo.

    Haddaba qaar ka mid ah xildhibaanada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka falceliyey heshiiskan, waana kuwan aragtiyadooda.

    Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi: Waa fadeexo kale oo soo waajahday Villa Somalia (Farmaajo), maadaama wasiirka Batroolku uu sheegey in Farmaajo la ogaa saxiixa heshiiska Xirmooyinka Shidaalka!

    Heshiiskii lala dhuumanayey ee kooxaha khyaraadka dalku uu xaraashka u yahay ay sida qarsoodiga ku saxiixeeen waxba kama jiraan ayaa laga soo qaadey. 

    Batroolka Soomaaliya wuxuu ka dhexeeyaa umadda Soomaaliya, waxaana muuqata in kooxo gaar ah ay saxiixiisa macaash ka raadinayaan, Raysulwasaaruhu waa ku mahadsan yahay tallaabadan uu ku joojiyay boobka khayraadka dalka.

    Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waa boob iyo khiyaano qaran in xilli kala guur ah, dalka debediisa lagula dhuunto saxiixa heshiis shidaal oo 25 sano soconaya, kuna kacayso balaayiin doolar. Hantidii qaran iyo Dhaxalkii ummada ayaa la dhaafsaday 16 milyan oo doolar. Farmaajo 07 August ayuu soo saaray qoraal uu ku diidayo in heshiis la saxiixi karo xilliga kala guurka ah. 

    Waxaase u cadaatay in uusan rajo ka lahayn doorashada, oo uu go’aansaday in uu dalka boobo. Raysalwasaare Rooble waa in uu dalka ka badbaadiya boobka hantida qaran, tillaabana ka qaado wasiirka hantida qaran lunsaday.

    Senator Ilyaas Cali Xasan: Intii Doorashada lagu madhquulsanaa, Shidaalkii waa lagu baxay! Dowlad Waqtigeeda Dhamaadey heshiis noocaan oo kaleed ah mageli kartaa?

    Soo uma eka in sababta xiligaan kala guurka ah loogu soo aadiyey iibinta shidaalka ujeedo badan? Lacagta Shidaalka lagu iibiyey soo uma eka mid larabo in loo isticmaalo Doorashada?

    The post Siyaasiyiin si weyn uga fal-celiyey fadeexada ka dhalatay saxiixa heshiiska shidaalka appeared first on Caasimada Online.


  4. Kulan dhexmaray M/weyne Muuse Biixi & Musharaxa Xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro

    cirro-1.jpg

    Madaxweyne Biixi iyo Musharrax Cirro ayaa caawa kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa. Inkastoo aan xog rasmi ah laga helin waxa labada mas’uul ka wada hadleen, haddana waxaa kulankoodu kusoo beegmayaa xilli mucaaridka iyo Muxaafidka ay isku maandhaafsan yihiin arrimaha Doorashooyinka Somaliland.

    Qaran News


  5. Wareysiga Danjire Jamaal Maxamed Xasan, siiyey BBC News Somali ee uu qabtay Maxamed Xasan Dhalo, waxaa iiga baxay saddex qodob;

    (1)- Siyaasi aan aqoonsanayn Dowladda Puntland, Madaxdeeda iyo Bileyska Ilaalada Xeebaha Puntland ee PMPF. Intiina dhageysatay Danjire Gamal, waxuu carabkiisa ka ilaalinayaa magaca Dowladda Puntland, Madaxweynaheeda iyo Hey’ada Amniga ee doorashada qeybta ka. 

    Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee PMPF ayuu ku eedeeyey in dowlado kale u shaqeeyaan oo xaaraan ka tahay in doorashada Golaha Shacabka ee Puntland ka dhacaysa qeyb ka noqdaan!

    (2)- Nin wax aan dalka oo dhan meelna ka dhicin raba in keligi loo sameeyo, ‘‘doorasho caddaalad ah!’’ Dalka doorasho caddaalad ah iyo mid daahfuran kama dhaceyso ee musuq iyo marin habaabin aan loo meel dayin ayaa socda. Gamal musuqa socda iyo in meeshaas foosha xun la yimaado raggii Madaxweyne Farmaajo, ku kaalmeynayey shan (5) sano ayuu kow ka ahaa!

    (3)- Nin qorshe kale meel u yaal oo haddii Xildhibaanka Beesha Dubeys qof kale ku soo baxo raba in qorshahaas ku dhaqaaqo. Qorshaha Danjire Jamal, markaan rog rogay waxaa ii soo baxay in uu ku dhawaaqayo maamul ka madax bannaan Puntland oo asagu Madaxweyne u yahay. Waan soo dhaweyninaa Dowladda Maakhir! Welcome on board Danjire!

    AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.

    The post Saddex qodob oo iiga baxay hadalkii Wasiir Jamaal ee doorashada Boosaaso appeared first on Caasimada Online.


  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya oo bartanka uga jirta doorasho waqtigeeda dhaaftay oo hadana la boobayo, waxaa hor taalla su’aal ah nooca hoggaanka ay u baahan tahay xilligaan adag, si dalka looga samata bixiyo duruufaha adag ee is biirsaday.

    Doorashada xildhibaanada oo la filayo in ay soo dhamaato 3-da todobaad ee na soo aadan, waxaa xigi doonta doorashada guddoonka labada Aqal ee baaramaanka iyo tan madaxweynaha Villa Somalia fariisan doona.

    Hase yeeshee calaamad su’aal weyn ayaa dul hoganeysa nooca hoggaamiyaha xilligaan adag mudan in calanka loo dhiibo?

    Khilaafyo siyaasadeed oo aan dhammaan, quus shacab, dagaallo sokeeye, hey’adaha dowladda oo mar isku milma, marna wada shaqeyn waaya, waa caqabadihii soo taagnaa dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay, balse hadda cabsi taas ka weyn ayaa muuqata.

    Waxay dad badan oo xog ogaal u ah marxaladihii dalku uu soo maray ay tilmaameen in doorashadan ay ku jirto halis, taasi oo ah in laga wal-walayo hadii madaxweyne loo doorto shakhsi mucaarad ama muxaafad ah, in qolaba midda kale diiddo oo dalku yeesho dowlad lagu kala qeybsan yahay.

    “Waa in laga fekeraa xalka ugu macquulsan oo looga fogaanayo dowlad isla Muqdisho qeyb kamid ah laga diidan yahay, waxaana lagu heli karaa madaxweyne in loo doorto shaqsi aan hadda kamid ahayn mucaaradka iyo muxaafadka is heysta,” ayuu yiri Prof. Cali Mareer oo ah aqoonyahan UK ku nool.

    Waxaa bilihii la soo dhaafay gudaha Soomaaliya iyo dibadda aad u xoogeysatay aragti ku saabsan in Madaxweyne loo doorto shaqsi ka madax-banaan dhinacyada siyaasadda isku heysta xilligan, balse hana kara kalsoonida shacabka iyo aqbalaadda mucaarad iyo muxaafad, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadka Soomaaliyeed ay jecelyihiin hadba wejiga cusub.

    “Baarlamaanka waxaa ku soo biiray rag horay u dagaalay oo qaarkooda weli cuqdad isku qaba, kuwaas oo u badan saraakiil, weyna adag tahay in iyagoo qeyb guuleysatay ay qeybta kale aqbalaan” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka oo cabiray dareenkiisa xal u helidda xaaladda cakiran ee dalka.

    Sidoo kale ururada bulshada rayidka ah qaarkood waxay ku talinayaan in hogaan xilkas ah oo aan qayb ka aheyn iska horimaadyada iyo isqabqabsiga siyaasadeed ee muddo soo jiitamayay ay iftiiminayaan in Soomaaliya loo doorto hoggaan leh biseyl siyaasadeed iyo aragti fog, si dalka uu ugu horseedo deganaasho siyaasadeed, amni, cadaalad iyo horumar.

    “Waxaan u baahanahay in la doorto shaqsi dal joog ah, xog-ogaal ah oo fahamsan dhaqanka, degan, qunyar-socod ah oo dad isku wad leh, kuna qanci karaan mucaarad iyo muxaafidba,” ayuu yiri Maxamed Ciise Caseyr oo ka mid ah ururada dhalinyarada ee magaalada Muqdisho.

    Deganaashaha siyaasadda, dib u habeynta garsoorka iyo sarreynta sharciga, sugidda amniga, dib u heshiisiinta dadka, horumarinta dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada iyo dib u habeynta hey’adaha dowladda, waa tiirararka ugu waa weyn ee loo baahi qabo marka laga baaqsado colaado kale oo doorashadaan ka dhasha.

    Dooda ugu xoogan xiiligaan iyo hadal-heynta fadhiyada lagu falanqeeyo siyaasadda waa in la helo qof leh sumcad siyaasadeed, kana gadmaya dadka Soomaaliyeed ee qaran-jabku ku dhacay iyo saaxiibada caalamka oo mudo dheer nagu garab taagnaa in dalku cagihiisa ku istaago.

    In xilligan hogaanka dalka loo dhiibo musharax ka soo jeeda Muqdisho ayaa sidoo kale lagu taliyay, iyadoo loo sababeeyay kalsoonida uu ka heli karo shacabka caasimadda iyo gobollada ku xiran Muqdisho, maadaama ay tahay halka colaadaha naafeeyay Soomaaliya ay ka taagnaayeen 30-kii sano ee la soo dhaafay.

    Waxaa intaas dheer, dadka Muqdisho ku nool ayaa dhibaatooyin badan tirsanaya, iyadoo 5-tii sano ee lasoo dhaafay laga xiray wadooyinkii ugu muhiimsanaa isku socodka caasimadda. Xildhibaanada soo baxay ee baarlamaanka iyo inta lasoo dooran doono ayay hortaallaa xal u helidda mushkiladda hoggaanka ee Soomaaliya.

    The post Hoggaan noocee ah ayay u baahan tahay Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.


  7. Ra’iisalwasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaci-darro ku tilmamay heshiis la sheegay inuu ku saabsanaa Shidaalka dowladda federalka Soomaaliya ay la gashay shirkadda lagu magacaabo Coastline.
    Qoraal kasoo baxay xafiiska Maxamed Xusen Rooble ayaa waxaa lagu sheegay inuu heshiiskaas uu yahay mid waxba kama jiraan ah, waxaana horay uu isaga bari yeelay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib qoraal uu soo saaray caawa, waxaana qoraal kooban oo xafiiska Raiisalwasaare Maxamed Xuseen Rooble lagu yiri.
    “Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan. Ra’iisulwasaraha ayaa qaadi doonaa tallaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed”.
    Heshiiska Shidaalka ayaa waxaa lasheegay in dowladda Soomaaliya ay la gashay shirkadda inuu ku qornaa ilaa 7 xirmo, waxaana dowladda Soomaaliya u saxiixay wasiirka Batroolka iyo Macdanta xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya, kaas oo la sheegay inuu isagu saxiixay heshiiska Shidaalka 7 xirmo ee dowladdu la gashay shirkadda Sahminta Coastline.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiska shidaal barista ah ee wasaaradu ay la saxiixatay shirkadda Coastline Exploration Limited (“Coastline”) oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

    Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la ogaa heshiiskaan oo lagu qaatay 7 Milyan oo dollar, isla markaana uusan garaneyn sababta uu hadda uga hor yimid, isagoo ku macneeyey in culeyska dhanka baraha bulshada ka soo wajahay uu isaga difaacayo.

    “Feylkaan waxaa si qaas ah u hayey aniga iyo madaxweynaha, aad ayaan isaga war qabnay mudo dheerna waan ka wada shaqeyneynay, hadey noqoto, sharcigii batroolka, in shirkadaha aan heshiiska la gaarnay ay Xamar yimaadaan, intaba madaxweynaha ayaa si khaas ah howshaan iila waday,” ayuu yiri wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa soo saaray qoraal uu ku shaaciyey in heshiiskaas uusan waxaba ka ogeyn, isla markaana uusan ansax aheyn, wasiirka oo la weydiiyey sababta uu Farmaajo balantii uga baxay hadii uu heshiiskaas la ogaa ayaa ku jawaabay, “Madaxweynaha waxay ila tahay in markii uu baraha bulshada culeyska ka arkay uu dib u gurtay.”

    Wasiir Cabdirashiid ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskaan uu soo bilaawday sanadkii 2013-kii, xiligaas oo dalka uu hoggaaminayey madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay ku jireen dhameystirkii heshiiskaan.

    “Waxaan heshiiskaan saxiixay 15-kii bishaan, hadii qalad ku jirana ma aana shaaciyeen, shirkadaan Soomaaliya waxay horay uga heysatay qandaraas ay siisay dowladdii Xasan Sheekh, hadana waan dhameystirnay un, bishii 1-aad ee 2020-kii ayaan Xamar keenay shirkadaha si heshiiskaan aan u kala saxiixano, laakiin dib u dhac farsamo ayuu xiligaan kusoo gaaray,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka.

    Ugu dambeyntii wasiirka oo faahfaahiyey waxa uu dhigayo heshiiskaan ay la saxiixdeen shirkadaas Shidaalka baarta ayaa sheegay inuu yahay wax soo saar wadaag, shirkadda loo saxiixay u ogolaanaya inay maal-geliso xirmooyin shidaalka Soomaaliya ah, iyadoo saamiga ugu badan ay qaadan doonto Soomaaliya.

    “Xirmooyinka aan saxiixnay waxay ku kala yaallaan xeebaha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, xirmo kasta oo heshiiskaas ah markii la saxiixo waxuu leeyahay lacag hal milyan oo dollar ah, waxuu heshiiskaasi dhigayaa in mudo bil gudaheed ah lacagtaas ay ku soo dhacdo Bangiga Dhexe, dowladda Soomaaliya ayaana iska leh, todoba xirmo ayaan saxiixnay, 7 milyan ayaana bishaan gudaheeda ku soo dhaceysa Bangiga Dhexe,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka oo u waramay Idaacadda VOA

    Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka

    The post Wasiirka Batroolka: Heshiiska shidaalka waxaa ila ogaa Farmaajo, waxaana lagu qaatay $7 milyan appeared first on Caasimada Online.


  9. IMG-20220219-WA0004.jpg?resize=1000%2C75Khalid Mo’ow accused Roble of violating the electoral model to usurp the rights of Banadiri clans.

    Mogadishu (PP News Desk) — Khalid Mo’ow, a Somali MP from the Banadiri clan, had accused Somalia Prime Minister Mohamed Hussein Roble of mismanaging the electoral process.

    “The Prime Minister appointed a committee that takes the role of both a judge and jury. Camel rustling is a common practice among Somalis, but stealing electoral seats is tantamount to usurping rights of people” Khaled Mo’ow said at a press conference held in Mogadishu today.

    Roble has come under fire for allegedly authorizing the use of powers to appoint fake elders impersonating Banadiri traditional leaders. “Banadiri clan members are not bound by blood; they are bound by a culture. They are Somalis known for civility and laying the foundation stone for the Somali unity” added Khalid Mo’ow.

    A group of Banadiri traditional leaders yesterday called on Roble to rethink the electoral modalities he issued on Banadiri seats. Roble reportedly put the election of Banadiri MPs on hold.

    © Puntland Post, 2022

    The post Banadiri Clan Accuses Somalia PM of Electoral Mismanagement appeared first on Puntland Post.


  10. PhotoCollage_20220219_210627284.jpg?resi

    Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiis shidaal oo wasiirka Batroolka la galay shirkadda Coastline Exploration.

    Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid M. Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku yiri “Waxaan ku faraxsanahay in aan islaacimiyo in aab saxiixnay heshiis wax soo saar wadaag 7 xirmood oon la galnay Coastline Exploration LTD. Waa guul u soo hoyatay Umadda Soomaaliyeed. Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha JFS oo igu garabsiiyay iguna tirtirsiiyey dhameystirka howshan”.

    We are pleased to announce that we have signed 7 Production Sharing Agreements with COASTLINE EXPLORATION LTD. It is a victory for the Somali people.
    I thank the President of FGS for supporting the process and encouraging us to complete this task. pic.twitter.com/MZgyzotCXN

    — H.E Eng. Abdirashid M. Ahmed (@EngAbdirashidd) February 19, 2022

    Intaas kadib qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan”.

    “Ra’iisul Wasaraha ayaa qaadi doonaa tallaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu daray qoraalka.

    Sidoo kale war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka.

    Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida qaranka.

    Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda”.


    PUNTLAND POST

    The post Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo diiday heshiis uu galay Wasiirka Batroolka appeared first on Puntland Post.


  11. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo kamid ah eedeysanayaal loo heysto dilka Sarkaal ayaa galabta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

    Fahad ayaa u sharaxan kursiga tirsigiisu yahay #086, oo horay ugu fadhiyey Faarax Sheekh Cabdulqaadir, waxaana garoonka diyaaradaha Baladweyne  kusoo dhoweeyey madax ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

    Fahad ayaa hadda qaatay shahaadada musharaxnimada kursiga HOP#086, kaas oo beri lagu dooranayo Baladweyne.

    Musharaxan ka yimid hay’adda NISA, ayaa kamid ah afar sarkaal oo ka tirsan hogaanka hay’adda oo ku eedeysan dilka Ikraan Tahliil Faarax.

    Kulane Jiis iyo Yaasin Fareey ayaa baarlamaanka iyagana uga horeeya, kuwaas oo dhawaan la soo doortay waxaana ay kamid yihiin eedeysanayaasha dilka Sarkaalad Ikraan.

    Magaalada ayaa waxaa shalay gaaray sedex diyaarad kuwaas oo siday askar iyo Ergadii dooran laheyd Fahad oo Muqdisho  laga qaaday, waxaana maanta maagalada sidoo kale ka dhacay qarax ay ku nafwaayeen dad badan oo shacab ah.

    FB_IMG_1631114061310-1.jpg FB_IMG_1631114063380.jpg FB_IMG_1631114067134.jpg

    Goobjoog News

     

    Source: goobjoog.com


  12.  Shacab ka gadooday Taawar Shirkada Somcable ka qotomisay….
     somcable.jpg
    shacab ka gadoodsan Taawar ay shirkada Somcable ka dhisayso xaafada Badhka ee degmada Axmed Dhagax ayaa xidhay wadada isku xidha xaafadaha Siinay & Badhka .
    somcable-1-611x1024.jpg
    Ciidamo boolis ah ayaa dadka ka mudaharaadayey taawarka shirkada Som-cable dhisayso ku kala kaxeeyey rasaas nool, mana jiro inta la ogyahay wax khasaare nafeed Ah oo ka dhashay rasaasta ay ciidanku Adeegsadeen.
    Muran xoogan ayaa todobaadyadii la soo dhaafay u dhaxeeyey shirkada Taawarka dhisaysa iyo dadka ku nool xaafadaasi oo ku doodayay in aan taawarka la taagin, sababo Ay Ku sheegeen Caafimaad daro uu Taawarku keeno awgeed , balse murankaasi oo aan wax xal ah laga gaadhin ayaa maanta sababay mudaharaad ay dadku ku diidayaan dhismaha Taawarkan.

    Qaran News


  13. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa iska fogeeyey inuu wax ka og yahay heshiiska Shidaalka 7 xirmo uu saxiixay wasiirka Batroolka iyo Macdanta xukuumadda federalka ah ee Soomalaiya, waxaana uu sheegay inaan wada tashi ah laga samaynin, waxaana qoraal lagu daabacay Bogga Madaxtooyada Soomaaliya lagu yiri

    Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka.

    Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takfilka hantida qaranka.
    Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war ka soo saaray heshiis la sheegay in wasaaradda Batroolka Soomaaliya ay la gashay shirkad shidaalka baarta oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

    Qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu shaaciyey in heshiiska ay gashay wasaaradda Batroolka uu waxba kama jiraan yahay, isagoo ku goodiyey inuu tallaabo qaadi doono.

    “Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah, sidaas darteed waxba kama jiraan,” ayaa lagu yiri qoraalka Rooble.

    Sidoo kale qoraalkaan ayaa intaas ku sii daray, “Ra’iisulwasaraha ayaa qaadidoonaa talaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda, si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed.”

    Shirkadaas oo lagu magacaabo Coastline Exploration Limited (“Coastline”) ayaa laga leeyahay dalka Mareykanka waxayna maanta shaacisay in wasaaradda Batroolka Soomaaliya ay la saxiixatay toddoba heshiis oo wax soo saar wadaag, kuwaas oo dhigaya in shirkadu ay shidaal ka baari doonto gunta hoose ee biyaha Soomaaliya.

     

     

    The post DEG DEG: RW Rooble oo joojiyey heshiis shidaal oo Soomaaliya ay saxiixday appeared first on Caasimada Online.


  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay inay la saxiixdeen Shirkadda Coastline Exploration LTD (Ex SOMA OIL) 7 xirmood oo shidaalka ah, isagoo sheegay inuu ku garab siiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Inkastoo horay Xukuumadda ku dhawaaqday in aan wax heshiis ah la geli karin inta lagu guda jiro xilli kala guur ah ayaa waxaa muuqata in qorshaha lagu suuq geynayo xirmooyinka shidaalka ee horay loo sahmiyay uu yahay mid dhaqaale lagu raadinayo, gaar ahaan ololaha dib u doorashada Farmaajo.

    Dhanka kale madaxweymaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inuu buriyey heshiiska uu galay wasiirka Batroolka.

    Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Villa Somalia

    WARSAXAAFADEED: Burin Heshiiska Xirmooyinka Shiidaalka ee uu galay Wasiirka Batroolka

    Muqdisho, 19ka Febraayo 2022: Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka.

    Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takfilka hantida qaranka.

    Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda.

    DHAMMAAD

    The post Wasiir Cabdirashiid oo shaaciyay in uu saxiixay heshiis Shidaal iyo Farmaajo oo buriyey appeared first on Caasimada Online.


  16. Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa shahaadada musharaxnimada guddoon Fahad Yaasiin oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP#086.

    Fahad oo hadda ku magacaaban la-taliyaha amniga Qaranka ayaa galabta gaaray magaaladda Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaas oo berri ay ka dhaceyso doorashada lix kursi.

    “Gudiga Maamulka  Doorashada Dowlada HIRSHABELLE (SEIT) ayaa Shahaadada Musharaxnimada Gudoonsiiyay dhamaan Murushixiintii  u Tartamaysay kusaastii guddigu shaaciyay taariikhdu markii ay ahayd 15/02/2022,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga doorashada HirShabeelle.

    Musharixiinta shahaadada lala gudoonsiiyey Fahad Yaasiin ayaa u kala tartamaya kuraasta kala ah:

    HOP#008

    HOP#015

    HOP#074

    HOP#086

    HOP#109

    HOP#274.

    Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isku dayey inuu kursigaan hor istaago ayaa ku guul dareystay, kadib markii ay ka hor yimaadeen inta badan xubnaha guddiga doorashada heer Federaal.

    273689578_151947873885738_64361185308000 273958603_151947807219078_75559281882923 273977636_151947930552399_12314149927552 274058411_151951030552089_27889049941280 274152164_151947860552406_70417859228872 274180976_151947913885734_78323004367315 274195928_151947817219077_74243866046904 274264828_151947770552415_25042243532972 274279106_151947963885729_83687884812255 274289486_151947973885728_77906312565560 Fahad-Yaasiin-1.jpg?resize=696%2C464&ssl

    The post Sawirro: Fahad Yaasiin oo la guddoonsiiyey shahaadada musharaxnimada appeared first on Caasimada Online.


  17. Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa maanta ka dhacay qarax, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah, waxaana kasoo baxaya warar dheeraad ah khasaaraha dhabta ee jira.

    Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay maqaarad kutaalla waddada aada garoonka diraayada Boosaso, waxaana wararku ay sheegayaan in qaraxa  looeegtay  Nabaddoono, kuwaas oo kugnaa maqaayadda qaraxa uu  ka dhacay.

    Waxaa inta la xaqiijiyey Qaraxa  ku geeriyooday hal qof oo shacab ah, hal ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 10 ruux, kuwaas oo lagu dabiibayo Isbitaalka guud ee magaalada, waxaana durbaba goobta  qaraxa ka dhacay yimid ciidammada ammaanka.

    Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku jiraan Nabaddoono, kuwaas oo wararku ay sheegayaan in ay la kulmeen wasiirka qorsheynta xukuumadda fedralka ah ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo soo gaaray magaalada.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com