Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,703
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Siddeed maalin ayaa laga joogaa markii ciidamo ka tirsan Haramcad ay bahdil iyo jirdil  isugu dareen weriyeyaal afar ahaa oo ka shaqeynayey warbaahinta Muqdisho.

    Goobjoog News ayaa ogaaday in sarkaalkii iyo askartii falkaasi foosha xun geysatay ay weli xor yihiin, oo aaney jirin tallaabo laga qaaday, halka weriyeyaashii la jirdilay ay sheegayaan in xataa aan laga raaligelin dhacdadii, ama aan loo soo celisay qalabkii laga qaatay, taasi oo ku tusineysa xisaab la’aanta  jirta  iyo in muwaadinka lagu waxyeeleeyo magac dowladeed.

    Aweys Maxamuud Jilocow, oo ah agaasimaha Five Somali TV oo ka tirsanaa weriyeyaashii sida foosha xun ay u jirdileen Haramcad ayaa Goobjoog News u sharaxay sida ay wax u dhaceen iyo askariga falkan ka dambeeyey.

    Aweys Maxamuud  oo la socday Maxamed Baarri  oo isna Five Somali TV ayaa waxaa uu yiri “Degmada Kaxda, waxaan u tagnay in aan xog ka helno qarax xarunta degmada ka dhacay, xarunta ayaan tagnay, guddoomiyaha isma helin, dad la joogay ayaa nagu dhahay waad shaqeysan kartaan, markii aan goobta tagnay cid kale oo aan fasax ka qaasdano ma jirin, oo shaqada ayaan iska wadannay ilaa aan aragno 4 Cabdi Bile oo ciidan, markii hore kalsooni ayaa na gashay, laakin xabado ayey nagu bilaabeen,  rasaas iyo haraanti ayey nagu bilaabeen, ciidamadii oo dhan,  xataa taliyihii, jirdil ayuu noo geystay, duhur iyada oo ay tahay, oo qorrax daran jirto ayaa meel bacaad ah aan labo saac jiifnay, innaga oo xabadxabad u jiifna”

    Taliyaha ma taqaan falkaas geystay mise ogaa inaad warbaahin tihiin, waxaa uu Aweys Jilicow uga jawaabay “Haa, waxaa la dhahaa Fanax, waa taliye xigeenka Haramcad, waa uu ogaa in aan saxafiyiin nahay, ileen qabakii ayaan wadanay, waxaa uu nagu yiri, warbaahinta saaka ayaan uga digay halkan, dartiin ayaan shaqada ugu soo laabtay, innaga naxariis ayaan ka raadinay, laakin diljir ayuuba noo geystay, markii ciidamadiisa na garaacayeenna waa nagu eegtay”.

    Aweys, waxaa uu sheegay in ay waayeen Telefoono, Microphone, MasterCard iyo qalab kale ilaa hadana ay sugayaan, isaga oo hadalkiisa kusoo gabagabeeyey in cadaaladda meel ka sokeysa aaney ku raali noqon doonin.

    Maxamed Xasan Yuusuf, oo ah weriye ka tirsan Somali Cable TV, kana tirsanaa weriyeyaashii la jirdilay ayaa waxaa uu sheegayaa in booliiska ay ka beensheegeen raaligelinta, isaga oo intaa raaciyey “ Sideed maalin ayaa laga joogaa, ma jiro wax dabagal ah oo falkaas la xiriira, meesha ayaa la rabaa in lagu damiyo, booliiskana been ayey sheegeen ma jirto cid noo timid, oo na raaligelisay”. Mar aan weydiiyey sow ma xirna taliyaha iyo askartii sida booliiska sheegayaan, Yuusuf waxaa uu ku jawaabay “Intee ka xirnaanaa, Taliyihii Baladweyn ayuuba iska aadaye, ma jirin wax xiran, waa been”, isaga oo halalkiisa kusoo gabagbeeyey in weli ay ka maqan yihiin Afar Batari, wireless iyo nal.

    Ismaaciil Maxamed Muuse, oo ah Cameraman ay Maxamed Yuusuf iskala shaqeeyaan  Somali Cable TV, kana tirsanaa weriyeyaashii 4-ta ahaa ee Haramcad ay jirdileen ayaa isna Goobjoog News u sheegay “ Soomaaliya kama jirto wax cadaalad ah, ilaa iyo hadda cid wax i weydiisay ma jirto” isaga oo dalbaday in saxafayiinta Soomaaliyeed iyo cid weliba ay gacan ka geysato sidii kiiskan loo dhaqaajin lahaa, waxaa uuna hadalkiisa kusoo afjaray “Garab ayaan rabnaa si kiiskan loo dhaqaajiyo, si waxa nagu dhacay aaney weriye dambe ugu dhicin, waa in loo midoobo”.

    Saxaafadda Soomaaliya ayaa iska diiday falkan waxashnimada ah ee Haramcad iyada oo dhammaan hey’adaha udooda xuquuqda saxafiyiinta sida SJS ay cambaareeyeen, dalbadeenna in askartaasi la maxkamadeeyo.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  2. Muslimkii ugu horeeyay oo xil sare loogu magacaabay Israa’iil

    khaalid.jpg

    Khaled Kabub ayaa loo magacaabay xaakimkii ugu horreeyay ee Muslim ah oo kursi joogto ah ka yeesha Maxkamadda Sare ee dalka Israa’iil, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxkamadda.

    In ka badan 20% muwaadiniinta Israa’iil waa Carab, waxaana jiray sharci-yaqaano Carbeed oo ka tirsan maxkamadda sare tan iyo 2003-dii, laakiin dhammaan dadkii hore ee la magacaabay waxay ahaayeen Masiixiyiin.

    Kabub, oo 63 jir ah, ayaa noqotay Muslimkii ugu horreeyay ee si rasmi ah loogu magacaabo maxkamadda qaranka Israel halkaas oo Carabta, Masiixiyiinta iyo Muslimiinta, ay intooda badan ka cawdaan in ay faquuq la kulmaan.

    Kabub oo Markeedi hore garsoore ka aheyd maxkamadda degmada Tel Aviv, ayaa waxay ka mid noqotay afar garsoore oo cusub oo ay magacaabeen guddi ka kooban garsoorayaal katirsanmaxkamadda sare, wasiirro, sharci-yaqaanno iyo qareenno,

    Maxkamadda Sare ee Israa’iil waxay si joogto ah u dhegaysataa kiisas taabanaya meelaha ay isku hayaan Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan xadgudubyada lagu eedeeyay ciidammada Israel ee joogaa Daanta Galbeed ee la haysto.

    Qaran News


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu oo xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Turkiga, kadib qaraxii lagula eegtay Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

    Macallimuu oo lasoo daaweeyey, kadib dhaawicii soo gaaray ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo bahda saxaafadda.

    Afhayeenka xukuumadda oo hadal kooban siiyey warbaahinta ayaa la ilmeeyey garab istaagga ay u muujisay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ra’iisul wasaare Rooble oo amray in deg-deg loogu qaado caafimaad dalka dibaddiisa, gaar ahaan waddanka Turkiga.

    Muuqaalka Macallimuu oo xambaarsanaa dareen farxadeed ayaa ceshan waayey ilimada, markii lagu soo dhoweeyey Muqdisho, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyey dhammaan dadka Soomaaliyeed ee u duceeyey, kadib dhaawicii kasoo gaaray qarixii lala beegsaday.

    Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa qaabilay Macallimuu wuxuuna u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu ka bogsooday dhaawacii soo gaaray, isaga oo u rajeeyay in uu ku guuleysto dadaalladiisa uu ku doonayo in uu dalkiisa ugu adeego.

    Imaashaha Macallimuu ayaa ku soo aadaya, xilli ay socota doorashada Golaha Shacabka, Soomaaliya, wuxuuna ka mid yahay musharixiinta u tartamaya baarlamaanka 11-aad, isaga oo deegaan doorashadiisa ay tahay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

    Weerarkan lagu dhaawacay Macallimuu oo dhacay 16-kii bishii Janaayo ee sanadkan ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, waxaana isku qarxiyey nin isku soo xiray walxaha qarxa.

    Maxamed Ibraahim Macallimuu oo horey Wariye u ahaa ayaa ka bad-baaday weeraro ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo qaarkood ay kasoo gaareen dhaawacyo daran.

    274545283_300094125553074_63454211387699 274675129_300094378886382_90469919508238 274155461_300094018886418_13831901157568 274230974_300094142219739_12904755961553 274247923_300094218886398_44576928782454 274462766_300094298886390_10652498687332

    The post DAAWO: Macallimuu oo dib ugu soo laabtay Muqdisho – Waa sidee xaaladdiisa? appeared first on Caasimada Online.


  4. Madoobe.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1

    Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta daahfuray mashruuca dhismaha wadooyin laami ah oo ka kooban 31km oo qeybtii ugu horaysay oo ka kooban 8km uu Madaxweynahu maanta dhagax dhigay.

    Wadooyinkan ayaa ahaa kuwo mudo soo jiitamayay isla markana daraasayntooda ay wakhti dheer qaadatay iyadoo laga baaran dagayay sida ugu wanaagsan ee loo heli lahaa shirkad tayo leh oo mashruucan fulisa.

    Shirkada Chonging Overseas Construction Corporation(COCO) ayaa heshay qandaraaskan oo hadii wajiga hore sidii loogu tala galay ay u fuliso mudnaan gaar ah la siin doono.

    Madaxweynaha ayaa bulshada ugu baaqay inay ilaashadaan mashariicdan oo ah kuwo wakhti dheer laga soo shaqaynayay oo wax weyn ka tari doona bilicda Magaalada.

    Waxaa Madaxweynahu uu xusay in la samayn doono mashaariic kale oo baaxad leh isla markana Dowladu ay ku tala jirto in wakhti dhow lagu hirgaliyo mashaariic muhiim ah balse shirkadaha iyo Wasaaradaha Dowladda ee fulinaya looga baahan yahay hufnaan shaqo oo macno leh.

    Waxaa munaasabadan Madaxweynaha kala qeybgalay qaar kamid ah golaha wasiirada, maamulka Degmada Kismaayo iyo masuuliyiinta shirkadda fulinaysa mashruucan dhismaha Wadooyinka Magaalada Kismaayo.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweynaha Jubaland oo daah-furay Mashruuca dhismaha wadooyin cusub appeared first on Puntland Post.


  5. Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka iyo habraaca doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

    Kuraasta la shaaciyay ayaa kala ah HOP#078, HOP#012 iyo HOP#137, kuwaas oo la sheegay in la dooranayo 25-ka bishaan febraayo.

    Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyay liiska odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka soo dooraneyso xildhibaanada saddexda kursi.

    Kuraastaan waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanada kala ah :-

    HOP#048: Cabdullaahi Gaafow Maxamuud

    HOP#012: Yuusuf Xayle Jimcaale

    HOP#137: Saadiq Cabdikarim Xaaji Ibraahim

     

    274650697_3047769055539449_8118793344925

    Source: goobjoog.com


  6. Somaliland ayaa magaalada Lagos ee waddanka Nigeria kaga qayb galaysa shir caalami ah (SAIPEC- Sub Saharan Africa International Petroleum Exhibition Conferenc, 6th Edition 2022) oo dhinaca shidaalka ah kaas oo lagaga hadlayo sidii ay dalalka Afrika u dardar gelin lahaayeen ka faa’iidaysiga khayraadka saliidda/shidaalka.

    Shirkan oo ayay isugu yimaadeen inta badan ee dalalka Africa, shirkadaha waawayn ee shidaalka Africa ka shaqeeya iyo ka soo qayb-galayaan daafaha dunida ka kala yimid. WTM oo matalaysa qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah shirka loogu casuumay isla markaana lagu maamuusay in ay warbixin (Presentation) dhammays tiran oo shidaalka ku saabsan ka hor jeediso shirka.

    https://twitter.com/SLMoEM/status/1496121206940094471/photo/1

    FMNgX5eWYAERcBt-1024x640.jpg FMNgXgyXsAsqxLa-1024x512.jpg FMRSD9MWYAU-li6-1024x640.jpg FMRSDbiXEAA5gUB-1024x768.jpg FMRSH5uXwAAgJoD-640x1024.jpg

    Isha ku hay mar kasta Somalilandtoday

    Somalilandtoday/Hargeysa/Office

    Source


  7. Guddoomiyaha gobalka Gedo  Axmed Buulle Gareed ayaa war ka soo saaray xaaladda doorashada magaalada garbahaarey ee Gedo.

    Buulle ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay Gedo ka dhacdo doorashada golaha shacabka mas’uuliyadna ay ka saaran tahay ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

    Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulkiisa ay diyaar u yihiin qabashada doorashada 16-ka kursi ee magaalada Garbahaarreey.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  8. Tel Aviv (Caasimada Online) – Khaled Kabub ayaa loo magacaabay xaakimkii ugu horreeyay ee Muslim ah oo kursi joogto ah ka yeesha Maxkamadda Sare ee Israel, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxkamadda.

    In ka badan 20% muwaadiniinta Israel waa Carab, waxaana jiray sharci-yaqaano Carbeed oo ka tirsan maxkamadda sare tan iyo 2003-dii, laakiin dhammaan dadkii hore ee la magacaabay waxay ahaayeen Masiixiyiin.

    Kabub, oo 63 jir ah, ayaa noqdat Muslimkii ugu horreeyay ee si rasmi ah loogu magacaabo maxkamadda qaranka Israel halkaas oo Carabta, Masiixiyiinta iyo Muslimiinta, ay intooda badan ka cawdaan in ay faquuq la kulmaan.

    Kabub oo markiisii hore garsoore ka ahaa maxkamadda degmada Tel Aviv, ayaa wuxuu ka mid noqday afar garsoore oo cusub oo ay magacaabeen guddi ka kooban garsoorayaal ka tirsan maxkamadda sare, wasiirro, sharci-yaqaanno iyo qareenno,

    Maxkamadda Sare ee Israel waxay si joogto ah u dhegaysataa kiisas taabanaya meelaha ay isku hayaan Israel iyo Falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan xadgudubyada lagu eedeeyay ciidammada Israel ee joogaa Daanta Galbeed ee la haysto.

    Ninkaan ayaa wuxuu ku dhashay Magaalada Jaffa wuxuuna kasoo baxay Jamaacadda Tel Aviv University halkaas oo uu ka bartay Taariikhda iyo Islaamka.

    Qofka kale ee kaliya ee Muslim ah oo Maxkamadda Sare ee Israel kamid noqdo wuxuu ahaa Abdel Rahman Zoabi kaasoo shaqo kumeel gaar ah oo Hal Sano ah la siiyey sanadkii 1999.

    The post Isreal oo markii u horaysay taariikhdeeda xil sare u magacowday nin Muslim ah appeared first on Caasimada Online.


  9. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guraynta Somaliland Cabdilaahi Abokor  ayaa bilaabay qormooyin  iyo  Cilmi baadhis taxane ah kuwaas uu sheegay in ay ku kallifeen kooxo abaabulan oo uu ugu yeedhay Cayayaanka Baraha Bulshada.

    Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Cabdillaahi Abokor, ayaa ku tilmaamay dadkii kala duwanaa ee ka midka ahaa qaybaha bulshada ee maalmihii u dambeeyey ka hadlayey sicir bararka baahsan iyo abaaraha dalka ka jira ku Cayayaan ah oo loo yaqaano Cayayaanka Baraha bulshada oo u adeegaya Xubno ka mid ah Mucaaridka iyo Shaqsiyaad Xildoonku madax-maray, kuwaas oo halis ku ah Amniga iyo wada-jirka Bulsho.

    Qormada Koobaad ee wasiirka halkan hoose ka Akhriso:

    “Taariikhda Abaaraha Somaliland:

    Waxaan Qormooyinka iyo Cilmi-baadhisaha Taxanaha igu kalifay in Muwaadiinta Somaliland u iftiimiyo Dhagaraha Qarsoon ee Kooxaha loo yaqaan Cayayaanka Baraha Bulshadda (C. B.B) oo ay adeegsadaan Xubno ka mid ah Mucaaridka iyo Shaqsiyaad Xildoonku madax-maray, kuwaas oo halis ku ah Amniga iyo wada-jirka Bulsho.

    Abuurista Kooxdan (C. B. B) oo laga soo minguuriyay Ururka Ikhwaan-Muslim, lagu dumiyay Wadamadda Yemen, Libya, Syria, iyo Masar, Sudan oo xasilooni- siyaasadeed ka jirin, waxaa kale oo isticmaalay Kooxda Nabad iyo Nolol  ( N.N)  ee konfurta Somalia, imikan waxa la abuuray Kooxo qarsoon oo Baraha Bulshadda Somaliland  ku nool oo Computer iyo mobile markasta Gacanta ku haya , Warbaahin (TV) Hal-abuurka leh , iyo Masuuliyiin warmooga ah oo laga faaiidaysto dareenkood , waxaa lagu bixiyaa kharashaad badan , taas lagu khatar galinta Amniga iyo kalsoonida Bulshadda kuwaas loogu yeedho (C.B.B).

    Kooxda C.B.B waxay si guracan uga warbixiyaan Xaaladda Abaarta iyo Sicir bararka Somaliland, waxay daboolaan Gurmadka Xukumadda,Ganacsatadda, Culimadda, iyo Saxiibadda Somalland,

    Suaal : waa maxay Abaar?, Maxaase laga qabtay Abaarta ?

    Somalidu waxay macneeyaan Abaarta waa Baad iyo Biyo la’aan , Abaaraha Somaliland Soo maray waxay ahaayeen:

    ➢ Xaarama Cune 1914,

    ➢ Hawaara 1923,

    ➢ Adhi-Gaba 1934,

    ➢ Jiitama 1945,

    ➢ Siiga Case 1954,

    ➢ Gaadhi-gaadhisaar 1964,

    ➢ Daba-dheer 1974,

    ➢ Dhibijaale  1984,

    ➢ Sima 2015/16-

    ➢ abaartan 2021/2022,

    ➢ iyo Duufaantii Saqar, 2018,

    Si wax looga qabto aafooyinka, ( Abaaraha/ duufaanka I.W.M ) soo jireenka ah ilaa 3 qarni , looguna diyaar-garowo, iyo si adkeysi loogu yeesho aafooyinka soo noqnoqday wuxuu Madaxweyne J.S.l Somaliland ee Muse biixi Abdi waxka badel iyo kaabis dhamaystiran ku samaysay hayadda Hayadda cilmi Baadhista deegaanka iyo Diyaargarowga aafooyinka) (NERAD),  loona badalay “ Hayadda u Diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka)  (NADFOR) si waafaqsan Xeer nidaamiyha Dhismaha Wasaaradda iyo Hayaddaha Xukumadda L/r 01/2018 Qodobka 8aad .

    Diyaarinta Hayadda NADFOR;

    Dhismaha hayadda NADFOR oo ah hayadda u qaabilsan Qaranka isku-duwidda  iyo diyaargarowga aafooyinka ayaa loo diyaariyay  Xarumaha  hayadda iyo Kaydadka Raashinka ee Goboladda Somaliland

    A. Baad (Raashin)

    1. Xarunta Guud ee Hargeisa ( Maroodi-jeex) ( Dhisme Cusub)

    ✓ Kaydka Raashinka ee Xarunta ( 3 Bakhaar)

    2. Xarunta Gurmad Qaranka ee Abaarso ( Dhisme Cusub)

    ✓ Kaydka Raashinka ee abaarso ( 1 Bakhaar)

    3. Xarunta Gobolka Togdheer ( Burco) Dhisme Cusub

    ✓ Kaydka Raashinka ( Burco)

    4. Xarunta Gobol Awdal ( Borama) ( Dhisme Cusub)

    ✓ Kaydka Raashinka ( 1bakhaar)

    5. Xarunta Gobolka Saaxil ( Berbera)

    ✓ Kaydka Raashinka ( 2 Bakhaar) ( Dayactir)

    6. Xarunta Gobolka Gabiley ( Gabiley) Dhisme Cusub

    ✓ Kaydka Raashinka ( 2 Bakhaar)

    7. Waxaa qorshaysan 2 Gobol ee waaweyn Sool iyo sanaag Xarumaha iyo Kaydka raashinka,

    8. Waa Markii -koowaad ee Qarankan Somaliland yeeshay Kayd Raashin oo loogu talogalay Aafooyinka Dabiiciga ah.

    Abaarta 2021/2022

    Horaantii November 2021, waxay Hayadda u diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka iyo Wasaaradda Horumarinta Beeraha la wadaageen Golaha Wasiiradda in sanadka 2022 la saadaalinaayo Abaar iyo Kaliil dheeraata, iyo in ay jiraan biyo yaraan Goboladda Dalka qaarkood , waxaa Golaha wasiiradda laga sameeyay Guddiga Abaaraha kuwaas oo Xoghayn looga dhigay Hayadda NADFOR.

    Guddiga Abaaraha Somaliland waxaay hawl-galiyeen , 18 November 2021, 10 ( Toban) booyadood,, oo xukumadda Somaliland leedahay kuwaas oo Goboladda Sool, Sanaag, Togdheer, Maroodi-jeex iyo Saaxil ka bilaabay biyo dhaamin.

    December 2021, waxaa 6 Gobol ee waaweyn loo kala diray Guddi-farsamo oo ka kooban 18 xubnood oo soo qiimeeya Xaaladda Abaaraha Dalka , waxay sameeyeen daraasadda waxaana ka soo baxday in Goboladda ( Sool, Sanaag, Togdheer, Xeebaha ( Awdal, Saaxil) iyo Konfurta Hargeisa ): u baahan yihiin baahiyahay hoose:

    ➢ Abaartu waxay saamaynaysaa 810’000 qof, ama 135000 Qoys oo baahan ila March

    ➢ Abaartu waxay saamaynaysaa 1’202’400 Qof ama 200400 Qoys oo baahani ila April

    Suaashu waa maxaa laga qabtay ? 

    ➢ Baahi- Biyo – 70%

    ➢ Baahi- Cunto – 21%

    ➢ Baahi- Caafimaad -9% ( Xoolaha iyo Dadka)

    1. Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Heer- Qaran waxaay la kulmeen Hayaddaha UN, INGOs, NGO, civil society, Safiiradda iyo Wakiiladda Somaliland Jooga, iyo Deeq-bixiyaash 18 Kulan.

    2. Guddigu Waxaa gaar ula kulmeen Ganacsatadda iyo culumadda Somaliland, si ay qayb uga qaataan samata-bixinta Dadka iyo duunyadda Somaliland,

    3. January 2022 waxaa la gaadhsiiyay Dadka Abaartu samaysay  540 Booyadda oo gurmad  ah  oo dhamaanteed Xukumaddu Bixisay ,

    4. Hayadda NADFOR waxay  raashin u qaybisay 116000 qof ama 10000 qoys, oo ah 50% baahi-cunto ila March.

    5. February 2022 waxaa gaadhsiiyay Booyaddaha dadka u gurmaday 3000 booyadood waxaa iska- kaashaday Xukumadda, Ganacsatadda, Hayadda , iyo Dad muxsiniin ah.

    B. Abaarta Biyo

    Si wax looga qabto Baahida Biyo la’aan somaliland ka jirtay 3 Qarni, Xukumadda Madaxweyne Muse Biixi Cabdi waxay kordhisay Miisaanaiyadda Wasaaradda Horumarinta Khayraad Biyaha boqolkiiba 300%.

    Wasaaradda Horumarinta Khayraad Biyaha Somaliland waxay ka maalgalisay Qasnadda Dawladda sanadaha 2018-2021

    S/No Faahfaahin ( Dhamaystiran)      Tiro

    1 Ceelasha Dhadheer ee la qoday       32

    2 Ceelasha dhaadheer ee la dayactir    66

    3 Magaalooyinka la galiyay Biyo           5

    4 Dhaam biyo ( Haffir Dams)               12

    Ceelasha hadda socda ee gacanta lagu hayo.

    1 Ceelasha Dhadheer la qodaayo        8

    2  Dhaam Biyo ( Haffir Dams and Renaissance Dams)    2

    Siyaasadda Biyaha Somaliland waxaa Saldhig u ah Qabashadda Biyaha Roobka ( Rain Water Harvesting ), Maadama Dhulka Hawdka ah ay adagtahay in Ceelasha  dhaadheer laga gaadho biyo, kharash biyo soo saarka iyo dayactir ceelasha dhaadheer ay aad iyo aad u qaali yihiin, Qabashada Biyaha Roobka waxay sare u soo qaadaan ( water table), iyo falashadda Beeraha.

    Xildhibaan oo dhan wada xilkas maaha

    La soco,cadadka dambe ( Qorshaha Fog ee Abaaraha Somaliland”

    Isha ku hay mar kasta Somalilandtoday

    Somalilandtoday/Hargeysa/Office

    Source


  10. Balcad (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo maanta ka kacay saldhig ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Haanshiikh ee duleedka waqooyi ee magaalada Balcad.

    Dabka oo ka dhashay Koronto ay isticmaalayeen ciidamadaas ayaa ku fiday qaybo badan oo ka mid ah saldhigga, gaar ahaan baqaaro ay ku jireen hub iyo rasaas.

    Wararka ayaa sheegaya in qaraxyo xoogan ay sameeyeen rasaasta iyo hubka uu dabka qabsaday, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

    Dhacdadaan ayaa keentay inay cabsi xoogan soo wajahday dadka deegaanka oo markii hore u maleeyey in lasoo weeraray deegaanka iyo saldhigga AMISOM.

    Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in goor dambe lagu guuleystay in la damiyo dabkaas oo geystay khasaare xoogan.

    Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha AMISOM oo ku aadan dhacdadaas iyo inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay dabkaasi.

    Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo noqday dhaq-dhaqaaqa deegaanka Haanshiikh oo ku yaalla duleedka waqooyi ee magaalada Balcad.

    The post Saldhig ay leeyihiin ciidamada AMISOM oo gubtay iyo qaraxyo… appeared first on Caasimada Online.


  11. Baidoa (Somalia) (AFP) – Under the blazing sun, Salado Adan Mohamed puts the finishing touches to her makeshift shelter, cobbled together from branches and fragments of discarded cloth.

    She has just arrived in the southwestern Somali city of Baidoa, the last refuge for people fleeing the worst drought in the country in a decade.

    Along with her three children, the 26-year-old mother walked for five days “without eating” to make the 70-kilometre (43-mile) trek from her village to Baidoa.

    She settled in Muuri, one of 500 camps for displaced people in the city, where aqals — traditional dome-shaped huts — have been hastily built in recent weeks.

    Desperate, hungry and thirsty, more and more people are flocking to Baidoa from rural areas of southern Somalia, one of the regions hardest hit by the drought that is engulfing the Horn of Africa.

    According to the UN’s World Food Programme, nearly 13 million people, mostly farmers and herders, are going hungry in the region: 5.7 million in Ethiopia, 2.8 million in Kenya and 4.3 million in Somalia — a quarter of the country’s population.

    In Somalia, the UN’s humanitarian agency OCHA said this month that the number of people who have left their homes in search of water, food and pasture has doubled to more than 554,000.

    ‘We have nothing left’

    Mohamed says she and her husband saw their crops devoured by swarms of locusts that have ravaged many parts of East Africa in recent years.

    Within just a few months, what little they had left was wiped out when the rains failed for a third straight time since the end of 2020.

    “We had three camels which died during the drought season, 10 goats — we ate some, others died and the rest were sold — and all five cattle perished because of the lack of water and pasture,” she says.

    “We have nothing left.”

    With her husband and children, Mohammed started out from her home village for Baidoa, the last hope for many in the stricken region.

    But her husband, who has tuberculosis, did not make it all the way. Too weak to continue, he turned back. She has not heard from him since.

    The countryside around Baidoa is under the control of the Al-Qaeda linked Al-Shabaab Islamist group, which held the city itself for several years at the height of the insurgency before being driven out in early 2012 by Somali-led forces.

    But the persistent insecurity means almost no aid can be sent out of the city.

    Even in Muuri, Mohamed says she struggles to provide even one meal a day for her children.

    “Sometimes we get something to eat, sometimes not… If there’s not enough, I sacrifice for my children,” she says, a weary look on her face.

    Spectre of 2011

    Humanitarian organisations have been ringing alarm bells on the deteriorating situation in the Horn of Africa for weeks, with fears of a repeat of the 2011 famine in Somalia that cost the lives of 260,000 people.

    Insufficient rainfall since late 2020 has come as a fatal blow to populations already suffering from locust invasions between 2019 and 2021 and the Covid-19 pandemic.

    “We had our usual reserves of sorghum, but we have eaten through them in the last three years. They are now finished,” says Ibrahim Mohamed Hassan, a blind 60-year-old who walked about 60 kilometres with his family to Garas Goof camp in Baidoa.

    He says 30 of the 50 families in his home village have fled.

    “The others will follow,” he predicts, adjusting his sunglasses which are held together with a rubber band.

    Malnutrition and disease

    Over the past decade, Baidoa — which lies about 250 kilometres northeast of the capital Mogadishu — has become accustomed to large population influxes.

    At least 60 percent of its population — now estimated to be between 700,000 and 800,000 — are displaced and the number of informal settlements has exploded from 77 in 2016 to 572 now.

    But at the medical centre in Tawkal 2 Dinsoor camp, the scale of the current influx is worrying.

    “Before, we used to receive about 1,000 internally displaced people, or even less, per month. Today, we host about 2,000 to 3,000,” says the centre’s supervisor Hassan Ali Amin.

    He says he has observed cases of malnutrition and diarrhoea among children, as well as measles and pneumonia among weakened adults.

    “If the situation continues to worsen, we expect to receive thousands, hundreds of thousands of people,” adds Mohamednur Mohamed Abdirahman, field director of the British charity Save The Children in Baidoa.

    – ‘Sad and skinny’ –

    Abdulle Kalar Maaney says he does not want to imagine the worst-case scenario: a fourth season of poor rainfall.

    He says he is “very hopeful” that the rains will return in March and that he will be able to return to his home village.

    He arrived in Muuri with his wife and 10 children having lost his last precious possessions: his donkey and his cart.

    He was counting on the beast to earn some money after they arrived in Baidoa, but the donkey died during the 90-kilometre journey to the city and he abandoned the cart.

    “I never thought I would end up like this,” sighs the slender 48-year-old, clad in an oversized shirt.

    “I was big and strong when I had my cattle,” he says. “I’ve become sad and skinny since the drought killed them all off.”

    © 2022 AFP

    The post Baidoa: Crossroads of despair in drought-ravaged Somalia appeared first on Caasimada Online.


  12. Garowe (PP News Desk) — Four years after the Tukaraq conflict forced Puntland to withdraw from Sool, Somaliland is planning to deploy local militias at Boocame and Saaxmaygaag, according to a senior Puntland politician.

    Writing for Puntland Post anonymously, the politician argues politicians and traditional leaders from Sool have lobbied Somaliland Administration to deploy troops at Boocame and Saaxmaygaag. Last year, militias clashed over Saaxmeygaag communal land, a serious incident “over which Somaliland President Muuse Bihi commented”. He accused Puntland of sending militias to attack South Sool.

    “It will prove difficult for Puntland to fight militias deployed at areas they traditionally live, and this underscores the failure of the [Somali] federal system. If clans that formed Puntland [in 1998] cannot coexist peacefully, Puntland should not be claiming that the federal system is far better than a centralized system in Mogadishu. The fate of the federal system will be decided in the disputed territories” writes the politician, whose view that Puntland government has allowed Somaliland Administration to have the trump card on the federal system is shared by many people in Puntland.

    “Puntland has been dependent on clan militias predominantly from an incumbent President’s subclan. That is why President Abdiweli mobilized clan militias when Somaliland Administration forces captured Tukaraq” argues the politician to highlight the tendency of Puntland to rely on competing clan militias. The politician faulted Puntland for creating the first clan-based intelligence force when there had not been terrorists or extremist forces in the Northeast. “In 2006 Mogadishu warlords followed in the footsteps Puntland intelligence service and formed the alliance for counterterrorism” the politician writes.

    “The International Community views the territorial dispute as one triggered by power struggles within Puntland. That is why Puntland accusations against Somaliland does not often hold water. The Federal Government is biased towards Somaliland because it takes the view of the International Community. Puntland complacency is partly to blame for the dire political situation” said a political analyst in Garowe.

    © Puntland Post, 2022

    The post Somaliland Administration to “deploy troops at Boocame” appeared first on Puntland Post.


  13. (SLT-Hargeysa)-Warar jawi hoose ku duullaya ayaa sheegaya in uu khilaaf ka dhex jiro madaxda iyo mas’uuliyiinta xisbi xaakim KULMIYE iyada oo la sheegayo inay koox koox u kala socdaan, kuwaas la sheegay inay dhawaan isku waajihi doonaan masraxa siyaasadda.

    Wararku waxa ay intaa ku darayaan in maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Hargeysa ku yeesheen shirar duceedyo kala duwan mas’uuliyiin ka wada tirsan xisbiga KULMIYE laakiin kala aragti duwan oo qaarkood xilal ka hayaan xukuumadda Madaxweyne Biixi.

    Dadka ka faallooda siyaasadda ayaa waxa ay saadaalinayaan in qarax siyaasi ahi uu ku soo waajahan xisbiga KULMIYE kaas oo sababi doona inay garabyo u kala qaybsami doonaan, dhawaana la arki doono sida la saadaalinayo.

    Isha ku hay mar kasta Somalilandtoday

    Somalilandtoday/Hargeysa/Office

    Source


  14. Boosaaso (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka ee Puntland ayaa aqblay codsi uga yimid madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Saciid Cabdullahi Deni, kaas oo ku aadanaa inuu la kulmo isimada si loo soo afjaro xiisada ka jirta Boosaaso.

    Wararka ayaa sheegaya in isimadu ay soo dhoweeyeen dalabka madaxweynaha, isla-markaana ay maanta la kulmi doonaan, si ay uga wada-hadlaan xaaladda taagan.

    Kulanka labada dhinac ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrinta PSF ee dhalisay dagaalladii ka dhacay Boosaaso ee u dhexeeyey ciidamada labada dhinac.

    Sidoo kale wada-hadalladan cusub ayaa ku soo aadayo, iyada oo Deni uu dhaqangeliyay mid kamid ah soo jeedinta isimada oo ahayd in gacanta maamulka Dekedda Boosaaso laga saaro shirkadda P&O ee hoostegta isutagga Imaaraatka Carabta oo ugu dambeyn aqbalay.

    Waxaa sidoo kale labada dhinac ay dood ka yeelan doonaan wax ka beddalka go’aanadii ay horey u soo saareen odayaasha ee ku aadanaa xal u helista khilaafka Deni iyo PSF.

    Dhanka kale madaxweyne Saciid Deni ayaa kulamo la yeeshay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta gobolka Bari oo uu kala hadlay amniga guud ee Boosaaso.

    Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed Puntland oo haatan Boosaaso ku sugan ayaa ujeedka uu u yimid waxaa sidoo kale qayb ka ah kuraasta xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee taalla gudaha magaaladaas oo ah deegaan doorashada labaad ee Puntland.

    The post Isimada Puntland oo aqbalay dalabkii madaxweyne Deni appeared first on Caasimada Online.


  15. Khaled Kabub ayaa loo magacabay kursi joogta ah oo ka tirsan maxkamadda sare ee Isreal, waxa uuna noqday muslimkii ugu horeyay ee xilkaas loo magacaabo.

    Dadka Isreal ayaa in ka badan 20% waxa ay yihiin dad carab ah, xaakimiinta maxkamadda sare Tel Aviv ayaa horay waxaa xilal kala duwan uga qabtay dad carab ah balse haysta diima kala duwan, Khaled ayaana noqday ninkii ugu horeyay ee haysta diinta Islaamka ee qabta kursi joogta ah oo ka tirsan kuraasta maxkamadda.

    Kabub ayaa 63 sano jir asalkiisu yahay carab-Isreal, mudda dheer ka shaqeynayay howlaha garsoorka iyo cadaaladda maxkamadaha.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  16. (SLT-Ottawa)- Baarlamaanka dalka Canada ayaa ku hambalyeeyey Aqoonyahan Cali Cabid Jaamac dedaalkiisa ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ku daray dadkii ugu wanaagsanaa sannadkii dhammaaday ee 2021, oo magacyadooda laga hor sheegay fadhiga baarlamaanka, dhowaana abaalmarin la gudoosiin doono.

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa ku hambalyeeyey Aqoonyahan Cali Cabdi Jaamac dedaaladiisa aqoonsiga Somaliland ee Baarlamaanka dalka Canada ku qireen, waxaanu fariin uu ku baahiyey bartiisa rasmiga ah ee Twitter, waxaanu ku yidhi, “Waxaan jeclaan lahaa inaan shakhsi ahaan u hambalyeeyo aqoonyahan Cali Cabdi Jaamac, iyada oo uu Baarlamaanka dalka Canada ugu aqoonsaday dedaalka uu u galay horumarinta bulshada Somaliland.”

    Dr Ciise ayaa qoraalkiisa sii raaciyey, “Tani waa sida awood-siinta bulshadu u shaqeyso. Si wadajir ah ayaan u guuleysaneynaa” ayuu yidhi Wasiir Dr Ciise.

    Telefishanka Bulsho oo wareysi kala yeeshay Aqoonyahan Cali sababta magaciisa iyo Somaliland looga sheegay Baarlamaanka dalka Canada iyo waxa uu ku saabsanaa, ayaa ku jawaabay, “Dalka Canada iyo Maraykanka waxa jira bil la xuso waxqabadka dadka madow, ee Qaarada North America ku nool, markaa sannadkan jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool magaalada Ottawa, waxaan ka mid noqday dadkii lagu hambalyeyeeyey waxqabadkii ay dadkooda u sameeyeen, annigana waxa la igu bogaadiyey dedaalka aan ugu jiro aqoonsiga Somaliland. Waa guul u soo hoyatay shacabka Somaliland guddo iyo dibed, waanan ku faraxsannahay. Shaqo badan ayaa inoo hadhsan, waxaan doonaynaa inaan wanaaga dalka caalamka ka iibino.”

    Aqoonyahan Cali oo la weydiiyey hanaanka ay caalamka u gaadhsiiyaan aqoonsiga Somaliland, ayuu aqoonyahan Cali ku jawaabay, “Aduunku maanta wuu isku wada xidhan yahay, Somaliland-na horumarka & guulaha ay dhinac walba ka gaadhay maaha wax qarsoon, markaa dadka iyo siyaasiyiinta dalka Canada ku nool si weyn ayaan ula socodsiinaa, waxaanu u sheegnaa taariikhda dhabta ah ee Somaliland, kana baabi’inna taariikhdii beenta ahayd ee dawladii hore Soomaaliya caalamka gaadhsiisay. Imika jaaliyadda Somaliland ee dalka Canada xooga waxay saaraan sidii shacabka iyo siyaasiyiinta looga dhaadhicin lahaa horumarka Somaliland gaadhay iyo qadiyada ictiraafka. Waxa jira siyaasado badan oo ka socda geeska Afrika iyo guud ahaan Afrika, markaa kuwa aad ayaan u derisnaa, kana shaqeynaa sidaan uga hortegi lahayn. Meel fiican ayey arrimaha aanu wadnaa gaadheen, natiijo fiican inay ka soo baxdo ayaan rajeynaynaa dhowaan.

    Markii Baarlamaanka Canada shaaciyeen magacaaga iyo inaad ka soo jeedo dalka Somaliland, isla markaana kugu dareen dadkii ugu waxqabadka wanaagsanaa sannadkii tegay, siduu dareenkaagu noqday oo la weydiiyey ayuu ku jawaabay,

    “Muhiimada ugu weyn waxay ahayd markii magaca Somaliland laga sheegay Baarlamaanka Canada, dad badan oo dawlada ka shaqeeya ayaa ila soo hadlay oo ii sheegay, bulshada Somaliland guddo iyo dibed si weyn ayey ugu farxeen, una soo dhoweeyeen, shaqada abaalmarinta la igu siinayo dhowaan keligay ma qabanne, jaaliyadda halkan joogta ayaa wada qabatay. Ninka Baarlamaanka ka sheegayey si weyn ayuu qadiyadda Somaliland ula socdaa, waxaan ku dedaalaynaa inaan dalka ku soo martiqaadno, hadii Ilaah yidhaahdo.

    Mar la weydiiyey xidhiidhka jaaliyadda Somaliland ee magaalada Ottawa & Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, ayuu ku jawaabay, “Hore xidhiidhkayagu ma adkayn, laakiin, markii Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Ciise socdaalka ku yimi dalka Canada si weyn ayaan uga qeybqaadanay, una wada sheekaysanay, waxuu noo ballanqaaday inuu waxqabadkooda iyo dedaalada ay ugu jiraan aqoonsiga Somaliland ku xidhi doono Wasaaradda Arrimaha dibedda si weyn u wada shaqeyn doonaan. Waa Wasiirkii Arrimaha Dibedda ugu horeeyey ee noogu yimaada dalka Canada, kulanna la yeesha jaaliyadda, hore waxa jiray mar Dr Edna noogu timi dalka Canada oo kulan la yeelatay Raysal-wasaaraha iyo Wasaarado badan oo dalka Canada ah, wareysiyo kala duwan ayaa laga qaaday. Imika Wasaaradda Arrimaha Dibedda xidhiidh cusub ayaa noo bilaabmay.

    Source


  17. Guud ahaanba Shacabka Somaliland, ayaa tan intii Ka dambaysay Markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Socdaal ku gaadhay Dalka Jabuuti isaga iyo Wafti uu Hogaaminayaa, Waxa si aad ah u Faalaynayeen ujeedada dhabta ah ee uu Walhti Xaadirkan Socdaalkiisu Jabuuti daaran Yahey kaas, oo ay labadii Maalmood re lasoo dhaafay qolo Waliba dhinaca ay jeceshahay u  dhigern haseyeeshee, Dawladda Dalka jabuuti ayaa iyaddu ujeedada Socdaalka ku Sheegtay mid ay Martiqaadkeeda uu lahaa Madaxweynaha Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geele islamarkaana, ku Sahabsan xoojinta Iskaashiga iyo Xidhiidhka ka Dhexeeya labada Dal  sida ay u dhigtey Warbaahinta Dawladda ee RTD.

    Qaar Kamid ah Mucaaridka Somaliland, ayaa iyagu iyagoo dhaliil uga dhigaya in Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi haysto, Baasaboorka dalka Jabuuti Waxa ay Ku sheeegeen, in Madaxweyne Muusw u doontey Jabuuti Visaha Dal ku galka ah oo uu dhawaan ugu baxayo Dalka Mareykanka halka, Qaar Kalena Sheegeen in uu dhexdhexaadin ka galayo Gudaha Dawladda Jabuuti laf ahaanteeda, arimo ku Sahabasan Saraakiil La taxaabay, oo uu Kamid Taliyihii Ciidamada Booliska Cabdilaahi Cabdi, iyo Kuwa kale, oo iyaguna Sheegaya in ui Heshiisiinayo Madaxweyne Geele iyo Ganacsadaha Cabdiraxmaan Boore, iyo sheekooyin kale, oo dhamaantood Kutidhi Kuteenta Waxa ay Soomaalidu u Taqaano ah.

    Sikasta, oo ay tahey Waxa Muuqata in Dawladda Somaliland ee hormuudka u yahey Madaxweyne Muuse Biixi ay inta ugu badan Sir ka dhigtey guud ahaanba dhaqdhaqaaqyada Dhinaca Siyaasadeed ee Dawladdaha Jaarka ah sida Itoobiya, Jabuuti iyo Kiiniya, taas oo Ku Noqotey Shacabka xadhkaha ku goostey dhinaca Baraha Bulshada iyo Faafinta Wararka arimaha Dhinaca Sirta Dawladdnimo taas, oo mar kasta Caqabad ku ah Geedi Socodka Arimaha Dawladdnimo ee Somalikand.

    Isha ku hay mar kasta Somalilandtoday

    Somalilandtoday/Burco/Office

    Source