-
Content Count
212,195 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
-
-
Nairobi (Caasimaa Online) – Heshiiska shidaalka ay dowladda federaalka ay la gashay shirkad laga leeyahay ayaa walaac xooggan ku abuuray dowladda Kenya, sida uu qoray wargeyska The East African ee Nairobi.
Heshiiskan ayaa waxaa 19-kii Febraayo ku dhowaaqay wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed, oo sheegay inuu la ogaa madaxweyne Farmaajo, laguna qaatay 7 milyan oo dollar.
Si kastaba waxaa si isku mid ah u heshiiska u diiday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo ra’iisul wasaaraha uu sheegay inuu qaadi doono tallaabo jawaab u ah.
Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa u sheegay wargeyska The East African inay ka walaacsan yihiin in Soomaaliya ay qandaraas shidaal sahmin ku bixisay goobo ay sheegtay in lahaanshahooda weli uu muran ka taagan yahay, sida ay hadalka u dhigeen.
Diblomaasi sare oo Kenyan ah ayaa sidoo kale sheegay in inkasta oo Kenya aysan argagaxsaneyn haddana ay il gaar ah ku hayso arrimaha ka socda Muqdisho.
“Weli aad nooma baqdin gelin, balse waan ka walaacsannahay, shirkadahaas waxaan ku eegeynaa il gaar ah,” ayuu yiri sarkaal magaciisa qariyey oo la hadlay The East African.
Heshiiska ayaa saraakiisha Kenya ka dhigay kuwa aan tallaabo qaadi karin kadib markii ay diideen madaxda sare ee Soomaaliya, sidaas darteedna Kenya xitaa cabasho diblomaasiyadeed uma gudbin karto Muqdisho.
Kenya waxay ka walaacsan tahay in goobaha qandaraaska lagu bixiyey ay ku jiraan aaggii ay hadda kahor ku murmeen Soomaaliya, balse ay Maxkamadda ICJ u xukmisay Soomaaliya. Kenya waa ay diiday go’aanka Maxkamadda.
“Ficil kasta oo Soomaaliya ay u qaado dhanka dhul badeedka lagu muransan yahay waxaa loo arkaa mid xaaladda sii xumeynaya, islamarkaana adkeynaya in muranka laga gaaro xal nabadeed,” ayuu yiri sarkaal kale oo Kenya ah.
Diidmada ay Kenya ka qabto in xuduudaha caalamka isbeddelo lagu sameeyo, waxay mar kale toddobaadkan ku muujisay shirka Golaha Ammaanka QM kadib markii ay kasoo horjeesatay duulaanka Ruushku ku qaaday Ukraine.
Hadalka uu halkaas ka jeediyey wakiilka Kenya ee QM Martin Kimani ayaa loo arkay farriin kale oo Kenya ay direyso, oo ay ku sheegeyso inaan la taaban karin xuduudaheeda, inkasta oo xaqiiqda ay tahay in ayada ay kusoo xadgudubtay xuduudda Soomaaliya.
Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa bishii October ee sanadkii hore 2021-ka inta badan u xukumisay Soomaaliya dhul badeedkii uu muranka ka taagna, ayada oo xukunkaasi ay ku qancin Kenya oo illaa maanta ku doodaysa in weli muran ka taagan yahay.
Wasaaradda Batroolka ee Soomaaliya ayaa 15-kii bishaan waxay magaalada London heshiis kula gaartay shirkadda Shidaal baarista ee Coastline Exploration Ltd oo iyadu aheyd shirkaddii iibsatay shirkaddii kale ee la oran jiray Som Oil and Gas, taas oo ogolaansho ka heysatay dowladda federaalka Soomaaliya.
Heshiiskaan waxaa xaq loogu siiyey shirkadda inay qaarna sahmiso, qaarna qodis ku bilowdo, ilaa 7 ceel shidaal oo ku yaalla biyaha Soomaaliya ayaa loo saxiixay shirkadda Coastline Exploration Ltd.
Ra’isul wasaare Rooble ayaa isna heshiiskaan iska inkiray oo ku tilmaamay mid sharci darro ah. Saacad kadib Wasiir Cabdirashiid wuxuu la hadlay VOA, isagoo sheegay in Farmaajo la ogaa heshiiskaan, ayna isaga iyo Farmaajo ka wada shaqeeyeen, balse uu Farmaajo dhibsaday falcelinta Baraha Bulshada.
Si kastaba, heshiiskaan ma dhaqan geli karo dhowr arrimood dartooda, kuwaasi oo kala ah; In uu kasoo horjeedo heshiiska IMF iyo Soomaaliya ee deyn cafinta, Is-mari-waa ka taagan heshiiska kheyraad wadaaga ee DF iyo maamulada, Meel mari la’aanta sharciga canshuurta bariga iyo in aan lagu saxiixin gudaha dalka.
The post Kenya oo walaac xoogan ka muujisay tallaabo muran dhalisay oo ay qaaday DF appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka laabatay go’aan ay hore u gaadhay oo ku saabsanaa in la yareeyo xaddiga wasakhda salfar (Sulfur Content) ee shidaalka arrintaasi oo keentay in Ganacsato badan keeni waayaan shidaal.
Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in go’aankaasi laga laabtay si loo helo kayd Shidaal, ganacsada ayuu ugu baaqay in ay Shidaalka keenaan.
Dhawaan dhawr Markab ayaa laga celiyay Dekedda Berbera kadib markii la sheegay in Shidaalka ay sidaan Sulfur-tu ku badan tahay.
-
-
-
(SLT-Taiwan)-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha, Cawaale Cali Kilane, ayaa cambaareeyay wada-hadallada u dhaxeeya Taiwan iyo Somaliland.
Ambassador Cawaale ayaa sidoo kale cadho ka muujyay tallaabada Taiwan ay ku doonayso in ay xafiis wakiil kaga furato gudaha Somaliland.
“Waanu cambaaraynaynaa qaabka ay Taiwan ula dhaqanto Somaliland, waxaanu mar walba ilaalin doonaa madax-banaanida qaranka Soomaaliya iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya haday tahay Taiwan ama cid kaleba. Habka Taiwan waa mid aad looga naxo marka laga eego macno ahaan sababta oo ah waxay abuuraysaa xasilooni darro ka dhacda Waqooyiga Soomaaliya, iyo xasillooni darro ka dhacda gobolka iyada oo la samaynaysa xidhiidh diblomaasiyadeed gobol gooni-goosad ah,” ayuu yidhi safiirka Soomaaliya ee Shiinaha.
Safiirka ayaa sheegay in heshiis xagga kheyraadka ah oo ay wada galeen Somaliland iyo Taiwan uu yahay heshiis aan waxba ka jirin, isagoo sheegay in ayna ogolaaneyn in Taiwan amma cid kasta oo isku dayda si ay u dhacaan kheyraadka Soomaaliya, iyagoo adeegsanaya heshiisyo been abuur ah. Kuwaas oo aan ilaalinayn sharciga caalamiga ah.
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sheegay Taiwan oo Soomaaliya u aqoonsan tahay gobol kamid ah Shiinaha ay ka fogaato faro galinta ay ku hayso Soomaaliya arrimaheeda gudaha.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Maanta oo Isniin ah lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo Agaasimaha hay’adda amniga ee PSF Sareeyo Guuto Maxamamuud Cismaan Cabdullahi Diyaano.
Kulanka oo ay garwadeen ka yihiin isimada iyo wax garadka Puntland ayaa qaban qaabadiisa muddooyinkii la soo dhaafay waxa ay ka socotay magaalada Boosaaso oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Puntland Saciid Deni.
Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa horay u diiday xil ka qaadis uu ku sameeyay madaxweynaha Puntland taas oo markii dambe sababtay in dagaal maalmo socday uu magaalada Boosaaso uu ku dhexmaro ciidamada PSF iyo kuwa ka amar qaata madaxweynaha Puntland.
Kulanka ayaa lagu wadaa in lagu soo afjaro khilaafka labada dhinac mudada dheer u dhaxeeyay kaas oo hakad geliyay horumarka magaalada.
Boosaaso ayaa lagu wadaa in lagu qabto todobaadka soo socda doorashada 16 kursi oo ka tirsan kuraasta golaha shacabka, kuwaas oo lagu dooranayo magaalada 5-6 bisha soo socota.
Deni ayaa doonayo inuu maamusho kuraasta taalo Magaalada Boosaaso, wuxuuna loolan adag kula jiraa kooxda Nabad iyo Nolol oo rabto inay la qeybsato kuraastaas.
The post Deni iyo Maxamuud Diyaano oo saacadaha soo socda ku kulmaya Boosaaso – Xog appeared first on Caasimada Online.
-
-
(SLT-London)-Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub oo lagu beegsanayo shirkadaha diyaaradaha iyo warbaahinta dawladda Ruushka.
Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in uu cunaqabatayn hor leh ku soo rogayo Ruushka, kadib duullaankii uu ku qaaday dalka Ukrain, iyadoo hawada laga xidhay diyaaradaha Ruushka, sidoo kalena laga mamnuucay warbaahinta dowladda Ruushka inay ka howlgalaan Midowga Yurub.
Warbaahinta la mamnuucay ayaa waxaa kamid ah Telefishinka RT iyo Wakaalada Wararka ee Sputnik.
Madaxa Midowga Yurub Ursula von der Leyen, oo ku dhawaaqday tallaabooyinka Axaddii, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu sidoo kale qaadayo tallaabo aan hore loo arag oo ah maalgelinta hubka loo gadayo Ukraine.
-
(SLT-Ukraine)-Xadka u dhaxeeya dalalka Ukraine iyo Poland, ayaa waxaa ku xayiran Soomaali aad u tiro badan, iyadoo sidoo kale ay ku xayiran yihiin dad kaloo badan.
Axmed Cabdullaahi, oo warbaahintu kula xidhiidhay Khadka taleefanka, isagoo markaa kusugnaa xadka Ukraine, ayaa sheegay inay soo lugeeyeen 40km.
Wuxuu intaa ku daray Axmed inaaney sahlaneyn isaga tallaabista xuduudaha Ukraine iyo Poland, isagoo xusay in ajnabiga iyo muwaadiniinta dalka Ukraine lakala soocayo.
Axmed wuxuu carabka ku dhuftey iney tiradoodu gaareyso Soomaali ahaan iyo 150 qof, iyagoo isugu jira rag iyo dumar.
Waxay isugu jiraan Soomalida ku sugan Ukraine arday waxbaranaysay, iyo kuwo qaxooti ahaa.
Ma jiraan wax qoysas Soomaali ah oo dalkaasi kusugan. Dad aad u tiro badan ayaa taagan xuduuda u dhaxeysa dalalka Ukraine iyo Poland.
“Amnigayagu halis ayuu ku jiraa, dagaalku waa sii xoogeysanayaa, magaalada lagama bixi karo, oo waxaa saran bandow, ciidanka ayaa irdaha noo taagan, dukaamadii magaalada waa la xidhay, waxaan ku nool nahay cuntooyinka fudud oo aan soo adeeganay intii aan la xidhin goobaha ganacsiga,” ayuu yidhi Cabdiqaani Mayow oo ku sugan caasimadda Ukraine.
-
Isinka Guud ee Beesha Cali Saleebaan (Majeerteen) Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil ayaa kursiga Hop#142 u asteeyay Beesha Biciidyahan Cali.
Warqad ka soo baxday Xafiiska Beeldaajaha oo loo gudbiyay Madaxweynaha Puntland iyo Guddiga Doorashooyinka dadban ayaa lagu go’aamiyay in kursiga Hop#142 sannadkan loo xiro Beesha Biciidyahan Cali.
Kursigan waxa horay ugu fadhiyay Wasiiru-dowlaha Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim oo ka soo jeeda Beesha Cawlyahan Cali (Cali Saleebaan).
Halkaan ka akhriso Go’aanka
PUNTLAND POST
The post Boosaaso: Maxamuud Xayir Ibraahim oo lumiyay Kursiga Hop#142 appeared first on Puntland Post.
-
-
Xadka u dhaxeeya dalalka Ukraine iyo Poland, ayaa waxaa ku xayiran Soomaali aad u tiro badan, iyadoo sidoo kale ay ku xayiran yihiin dad kaloo fara badan.
Axmed Cabdullaahi, oo aan kula xiriirney Khadka taleefanka, isagoo markaa kusugnaa xadka Ukraine, ayaa sheegay iney soo lugeeyeen 40km.
Wuxuu intaa ku darey Axmed inaaney sahlaneyn isaga talaabista xuduudaha Ukraine iyo Poland, isagoo xusay in ajnabiga iyo muwaadiniinta dalka Ukraine lakala soocayo.
Axmed wuxuu carabka ku dhuftey iney tiradoodu gaareyso Soomaali ahaan iyo 150 qof, iyagoo isugu jira rag iyo dumar.
Waxay isugu jiraan Soomalida ku sugan Ukraine ardey waxbaranaysay, iyo kuwo qaxooti ahaa.
Ma jiraan wax qoysas Soomaali ah oo dalkaasi kusugan. Dad aad u tiro badan ayaa taagan xuduuda u dhaxeysa dalalka Ukraine iyo Poland.
-
Putin oo ku khasbay Jarmalka inuu qaado tallaabo aanu weligii qaadin.!
Dadka Jarmalka, ayaa waxey goobjoog u noqdeen maalin taariikhi ah. Ra’iisal wasaare, Olaf Scholz, ayaa waxa uu xukunka qabtay bishii December ee sanadkii hore 2021-ka.
Laakiin 24 saacadood gudahood waxa uu wax ka bedelay siyaasadda arrimaha dibadda ee Jarmalka, ee xiligan casriga ah.
Intii lagu guda jiray fadhi degdeg ah oo uu baarlamaanka Jarmalka ka yeeshay dagaalka Ukraine Axaddii, Ra’iisal wasaare, Scholz, ayaa waxa uu ku dhawaaqey 113 bilyan Doolar, oo looggu tala galey ciidamada Jarmalka.
Waxaa baarlamaanka dhexdiisa ka dhacey naxdin iyo anfariir. Xildhibaanada qaar ayaa sacaba tumay, qaarna waxa ay u ekaayeen kuwo yaab la amakaagay.
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa Mr Scholz, uu sheegay in tallaabooyin ad adag oo aan laga maarmeyn uu qaadayo si loo meel mariyo, taasoo aan lagu fikiri karin toddobaad kahor.
Tallaabooyinka ayaa waxaa kamid ah ballan qaad dastuuri ah, iyo in isbaheysiga NATO lagu qarash gareyn doono 2% dakhliga dowlada, isagoo xaqiijiyey in Jarmalku uu si toos ah hub ugu diri doono Ukraine.
Dhowr maalmood gudahood, Vladamir Putin, ayaa wuxuu ku guuleystay inuu sameeyo waxa xulafada NATO ay sanado badan isku dayayeen iney gaaraan, iyadoo Jarmalku uu kor u qaadey kharashka ku baxaya ciidankiisa.
Tani ayaa la oran karaa iney kamid tahay isbadaladii ugu waa weynaa, ee abid lagu arko Jarmalka, gaar ahaan siyaasadda arrimaha dibadda ee dagaalkii labaad ee adduunka.
-
Tirada Hubka ee la siiyey Ukraine+Dalalka u soo diray Ukraine & Noocyada Hubka loo ballan qaaday ee u soo socda!
Sabtidii, Maraykanka, Jarmalka, Australia iyo Netherland waxay ku dhawaaqeen inay qorshaynayaan inay hub u dirayaan Ukraine si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah duulaanka Ruushka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ballan qaaday in ay usoo direyso Ukraine hub qiimihiisu dhan yahay $350 malyan oo doolar, oo ay ku jiraan gantaallada Javelin, gantaalada lidka diyaaradaha iyo jaakadaha aan xabadu karin.
Dhinaca kale, Jarmalka wuxuu sheegay in dalkiisu uu hadda hub geyn doono Ukraine. Hoggaamiyaha Jarmalka, Scholz waxa uu sheegay in dawladiisa ay u diri doonto Ukraine 1,000 kamid hubka lidka taangiyada iyo shan boqol oo gantaalaha lidka diyaaradaha ah kuwaas oo loogu talagalay inay soo ridaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee jooga hoose ku duulaya.
Dalka Netherlands wuxuu ku dhawaaqay in hubka, Panzerfaust-3 ee lidka taangiyada iyo 400 gantaallo ah uu siinayo Ukraine.
Labada dal ayaa eegaya suurtagalnimada in Ukraine la siiyo nidaamka difaaca hawada ee isku dhafka ah loo diro kooxda NATO ee fadhigeedu yahay Slovakia.
Sweden oo ku caan baxday dhexdhexaadnimada iyo xallinta colaadaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay gargaar milateri u diri doonto dalka Ukraine, gargaarkan oo noqonaya kii ugu horreeyay tan iyo sannadkii 1939-kii markaasoo Midowga Soofiyeeti uu ku duulay dalka Finland.
Dalka Canada wuxuu dhankiisa u ballan qaaday Ukraine in uu dirayo $ 19.6 milyan oo agab milatari oo isugu jiro (koofiyadaha, jaakadaha rasaasta celiya, maaskarada celisa gaaska iyo qalabka habeenkii ay militeriga wax ku arkaan”
Guddoomiyaha guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa Sabtidii shaacisay in markii ugu horreysay dalalka Yurub ay maalgelin doonaan soo iibinta iyo hubka la gaarsiiyo dalka uu Ruushka duulaanka ku qaaday.
Gaashaanbuurta Nato waxay billowday inay ciidammo u dirto Bariga Yurub si ay si deg deg ah jawaab uga bixiyaan halis kasta.
Ugu dambeyn dalka Australia ayaa Axaddii ku dhawaaqay inuu dhaqaale siinayo Ukraine si uu uga qayb-qaato dagaalka lagula jiro ciidamada Ruushka, balse wax faahfaahin kama uusan bixinin inta ay la egtahay taageerada uu siinayo Ukraine.
-
Moscow (Caasimada Online) – Qiimaha lacagta Ruushka ee ruble ayaa Isniinta maanta ah hoobatay marka loo eego dollar-ka iyo Euro ee Suuqa Sarifka Lacagaha ee Msocow, xilli Reer Galbeedka ay Moscow ku ciqaabeen xayiraado dhaqaale oo ka dhashay duulaanka ay ku qaaday Ukraine.
Qiimaha ruble-ka ayaa maanta gaartay 100.96 halkii dollar-ba, halka ay ka aheyd 83.5 Arbacadii, maalin ka hor duulaanka Ukraine. Sidoo kale halkii Euro ayaa waxaa lagu sarifayey 113.52 ruble, halka ay kahor weerarka ka aheyd 93.5.
Qiimo dhacan ayaa ka dhashay kadib markii Reer Galbeedka ay ku dhowaaqeen inay qaar ka mid ah Bankiyada Ruushka ka saari doonaan nidaamka SWIFT ee isku xira islamarkaana ay lacagaha isugu diraan Bankiyada Caalamka.
Ruble-ka ayaa markii horeba si weyn hoos ugu dhacay marka loo eego lacagaha waa weyn ee caalamka, kadib markii dadka Ruushka ay safaf dhaadheer u galeen ATM-yada, si ay lacagahooda ugala baxaan islamarkaana ugu bedeshaan lacago shisheeye kahor inta aanu ku dhicin qiimo dhac kale.
Bankiga Dhexe ee Ruushka ayaa Isniintii maanta ah sheegay inuu qaaday tallaabooyin deg deg ah oo lagu xoojinayo dhaqaalaha, oo ay ka mid yihiin in heerka dul-saarka sare loo qaaday boqolkiiba 20, halkii markii hore uu ka ahaa 9.5 boqlkiiba, “si loo taageero xasilloonida maaliyadda iyo qiimaha, loogana hortago qiimo dhac ku yimaada keydka lacageed ee shacabka.”
Bankiga ayaa sidoo kale ku dhowaaqay in shirkadaha Ruushka ee dakhliga uu kasoo galo wax dhoofinta ay qasab tahay inay 80 boqlkiiba iibiyaan dakhliga kusoo galay lacaghaha qalaad.
AFP + VOA
The post Qiimaha lacagta ruble ee Ruushka oo dhulka galay xilli Moscow la beegsaday appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku amray taliska militeriga Ruushka in ay “heegan khaas ah” geliyaan hubka Nukliyeerka iyo qalabka la xiriira – waana heegankii ugu sarreeyay ee la geliyo istiraatiijiyadda gantaallada ee Ruushka.
Isagoo la hadlayay madaxda sare ee militeriga, oo uu ku jiro Wasiirka Gaashaandhigga, Sergei Shoigu,, ayuu Putin sheegay in dalalka Reer Galbeedku ay sameeyeen “ficillo aan saaxiibtinnimo lahayn” oo ka dhan ah Ruushka ayna kusoo rogeen “cunaqabateyno sharci darro ah”.
Madaxweyne Putin oo Khamistii lasoo dhaafay ciidamadiisa ku amray inay howlgal ka fuliyaan Ukraine ayaa digniin u diray cid kasta oo soo faragelisa tallaabadaas.
“Faragelin kasta oo shisheeye waxaan u sheegeynaa haddii aad sameysaan, waxaad wajahi doontaan cawaaqib xumadii ugu weyneyd taariikhda” ayuu yiri Putin.
“Hadallada Putin waxay u muuqdaan halis toos ah oo ku saabsan Nukliyeerka” waxaa sidaas rumeysan Dmitry Muratov oo ku guuleystay abaal marinta nabadda isla markaana ah tafatiraha wargeyska Novaya Gazeta.
“Khudbadda uu ka jeediyay Putin teleefishinka, uma muuqan ninka kaliya ah ee hoggaamiyo Ruushka balse wuxuu u muuqday maamulaha adduunka, Putin wuxuu ku ag wareeganayaa hubka Nukliyeerka, wuxuu marar badan sheegay, haddii uusan jirin laheyn Ruushka, maxaan ugu baahanay dunida? cida hadalkaas u dhugatana ma jirto, balse waa digniin halis ah”
“Haddii Ruushka aan si wanaagsan loola macaamilin, waa sida uu isaga rabo, marka wax kastana waa in la burburiyaa” ayuu yiri Dmitry Muratov.
Sanadkii 2018 -kii barnaamij laga diyaariyay Putin, wuxuu sheegay…”haddii oo qof doono in uu waxyeelleeyo Ruushka, wuxuu sharciga ina farayaa in aan jawaabno, waxay noqon doontaa masiibo banii’aadanimo oo ka dhacda dunida, waxaan ahay muwaadin Ruush ah iyo hoggaamiye, maxay tahay sababta aan ugu baahanay duni uusan kamid aheyn Ruushka?”
Sanadkan 2022-ka, Putin wuxuu duulaan dhulka, cirka iyo badda ku qaaday Ukraine balse ciidamadiisa waxay iska caabin xooggan kala kulmayaan ciidamada Ukraine.
Waddamada reer galbeedka waxay tallaabada Ruushka ee ka yaabisay uga jawaabeen cunaqabateyn baahsan oo looga golleeyahay in lagu curyaamiyo dhaqaalaha Ruushka.
Dimitry wuxuu hadalkiisa intaa raaciyay “Hadda waxay diiradda saaran tahay Putin, Putin ma heysto fursado badan, mar haddii cunaqabateyn iyo xayiraado lagu soo rogay Ruushka gaar ahaan nidaamka maaliyadda iyo bangiyada, waxay horseedeysaa in maamulka uusan shaqeyn” ayuu yiri Pavel Felgenhaur oo ka faalooda arrimaha gaashaandhigga fadhiigiisuna yahay Moscow.
“Fursadaha horyaalla Putin waxaa kamid ah in uu jaro adeegyadii shidaalka ee uu siin jiray Yurub isaga oo ku rajo weyn in dalalka Yurub ay ka laabtaan cunaqabateynta, tan kale waxaa weeye in nukliyeerka uu ku rido meelaha qaar sida badda waqooyi gaar ahaan inat u dhexeyso Britain iyo Denmark, markaa aan aragno waxa dhici doono”
Haddii Vladmir Putin uu doorbido in uu rido hubka Nukliyeerka, lataliyaashiisa ma isku dayi doonaan inay ka dhaadhiciyaan in uusan ridin Nukliyeerka?
“Dadkaas waxay la safan yihiin hoggaamiyahooda” ayuu yiri Dmitry Muratov.
“Ma jiro qof diyaar u ah inuu hor istaago Putin,” ayuu yiri Pavel Felgenhauer. “Waxaan joognaa meel halis ah.”
-
Waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari maanta oo Isniin ah lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo Agaasimaha hay’adda amniga ee PSF Sareeyo Guuto Maxamamuud Cismaan Cabdullahi Diyaano.
Kulanka oo ay garwadeen ka yihiin isimada iyo wax garadka Puntland ayaa qaban qaabadiisa muddooyinkii la soo dhaafay waxa ay ka socotay magaalada Boosaaso oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Puntland Saciid Deni.
Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa horay u diiday xil ka qaadis uu ku sameeyay madaxweynaha Puntland taas oo markii dambe sababtay in dagaal maalmo socday uu magaalada Boosaaso uu ku dhexmaro ciidamada PSF iyo kuwa ka amar qaata madaxweynaha Puntland.
Kulanka ayaa lagu wadaa in lagu soo afjaro khilaafka labada dhinac mudada dheer u dhaxeeyay kaas oo hakad geliyay horumarka magaalada.
Boosaaso ayaa lagu wadaa in lagu qabto todobaadka soo socda doorashada 16 kursi oo ka tirsan kuraasta golaha shacabka, kuwaas oo lagu dooranayo magaalada 5-6 bisha soo socota.
Goobjoog News
-
Dowladda Ukraine ayaa sheegtay maanta in wefdigeedii u qaabilsanaa wada xaajooda ay Gaareen dalka Belarus si ay Ruuskha uga wada hadlaan xal u helidda dagaalka Ukraine.
Xubin ka mid ah wefdiga ayaa sheegay shuruudaha ay ku gelayaan wada xaajoodka oo ah in si deg deg loo joojiyo dagaalka iyo in ciidamada Ruuskhu ka baxaan dalka Ukraine
Wasaaradda arrimaha dibadda Belarus ayaa hore u sheegtay in ay marti gelineyso wada hadal dhax mara labada dowladood si xal deg deh ah looga gaaro dagaalka.
PUNTLAND POST
The post Dowladda Ukraine oo shuruud ku xirtay wada-hadalka Ruushka appeared first on Puntland Post.
-
Kyiv (Caasimada Online) – Dowladda Belarus, ayaa sheegtay iney diyaarisay goob lagu marti galinayo wada hadal u dhaxeeya wufuud ka kala socota Ukraine iyo Ruushka, iyadoo duullaanka maamulka Moscow uu ku qaadey dalka dariska ee dhaca dhanka galbeed uu galey maalintii shanaad.
Dowladda Ukraine ayaa oggolaatey iney diblomaasiyiin u dirto meel u dhow xuduudda Ukraine iyo Belarus, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in kaligii taliyaha dalkani, Alexander Lukashenko, uu diyaariyey ciidamo ku biira duullaanka lagu qaadey Ukraine.
“Goobta uu ka dhacayo wada hadalada Ukraine iyo Ruushka waala diyaariyey, waxaa la filayaa imaanshaha wufuudda,” ayaa lagu soo qorey bogga ay baraha bulshada ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee Belarus, iyadoo ay warbixintu la socotay sawirka miiska dheer, oo ay ku xardhan yihiin calamada Ruushka iyo Ukraine.
Anatoly Glaz, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas, ayaa yiri: “Wada hadalada waxey bilaaban doonaan, isla marka dhammaan wufuudda ay yimaadaan goobta kulanta.”
Dowladda Ukraine ayaa tilmaantey in kulanka aaney wax natiijo ah ka soo bixi doonin, waxaa madaxweyne Volodymyr Zelensky uu isna sheegay inuusan fileynin in wada hadalada ay kasoo baxayaan natiijo wax ku ool ah.
“Sida had iyo jeer dhacda: Runtii ma rumeysni natiijada shirkani, laakiin ha isku dayaan,” ayuu yiri Zelenzky.
Xaaladda Ukraine ayaa weli aad u qasan, waxaana dagaalka uu galay maalintii shanaad oo xiriir ah, kaas oo noqday mid ay si weyn isha ugu heyso dunida oo dhan.
BBC
The post Xaggee ayey marayaan dadaallada wada-hadalka ee Ukraine iyo Ruushka? appeared first on Caasimada Online.
-
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Kooinfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa xilalkii ka qaaday dhammaan mas’uuliyiintii degmada maamulka Baydhabo isaga oo magacaabay kuwa cusub.
Tallaabadan oo ah mid lama filaan ah ayaa waxa ay wasaaraddu sheegtay inay ku timid, baahi loo qabo in la helo maamul cusub, kadib talo soo jeedin ka timid guddoomiyaha gobolka Baay.
”Markuu arkay baahida loo qabo in guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen loo magacaabo magaalada Baydhabo, sidoo kalena uu dhageystay talo soo jeedinta guddoomiyaha gobolka Baay uu sameeyay magacaabistan,” ayaa lagu yiri digreetada soo baxay.
Guddoomiyaha iyo duqa magaalada Baydhabo ayaa waxaa loo Magacaabay Cabdullaahi Cali Watiin oo horay xilkaasi mar u soo qabtay.
Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda ayaa waxaa isna loo magacaabay Mucaawiye Ibraahim Cali, halka guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada loo magacaabay Cabdullaahi Ibraahim Nuur.
Wasaaradda arrimaha gudaha Koonfur Galbeed ayaa fartay maamulka cusub inuu si deg-deg ah ula wareego xafiiska, si loo dadar-geliyo howlaha kala duwan ee horyaallo.
Si kastaba, Baydhabo oo xarun KMG u ah Koonfur Galbeed waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
The post K/G oo qaaday tallaabo lama filaan ah, kadibna… appeared first on Caasimada Online.
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan gobolka Gedo ayaa maanta dhigay dibad-bax cabasho ah, waxayna isugu soo baxeen degmada Beledxaawo, iyaga oo socdaal ku tegay agagaarka xadka dalka Kenya.
Dibad-baxaan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid looga soo horjeeday in la boobo doorashada kuraasta 16-ka kursi ee taalla Garbahaarey.
Shacabka dhigayey dibad-baxa oo ahaa kuwa careysan ayaa ku qaylinayey erayo ay ka mid yihiin, Musuq-maaquq doonimeyno, Dollar qaate Dooni meyno iyo erayo kale.
Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ku eedeeyey maamulka Axmed Madoobe oo garab ka helaya Kenay inay hortaagan yihiin doorashada gobolka Gedo.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Garbahaarey ay nabad tahay, isla-markaana ay ka dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah.
Ugu dambeyn dibad-baxayaasha ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo guddiyada doorashooyinka, iyaga oo ka dalbaday in aysan u Hogaansamin go’aanka Jubbaland.
Doorashada Garbahaarey ayaa waxaa hareeyey murano xoogan, iyada oo weli is mari-waa uu ka taagan yahay, sida loo wajahayo doorashadaas oo ka mid ah Golaha Shacabka.
Si kastaba, xaaladda ayaa kasii dartay markii dhowaan Jubbaland ay shaacisay in doorasho aysan ka dhici karin Garbahaarey oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaasi.
The post Dibad-bax weyn oo ka dhacay GEDO + ujeedka appeared first on Caasimada Online.
CC Shakuur oo qoraal cajiib ah kasoo saaray xod-xodashada xildhibaanada
in News - Wararka
Posted
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xildhibaanada cusub ee la doortay, kuwaasi oo qaarkood soo saaristooda ka dhalatay muran badan.
Cabdiraxmaan ayaa ku dooday inay xad-gudub weyn tahay in xildhibaanada dooran lagu yiraahdo “gud abaalkii”, maadama soo bixistooda ay kooxo gaar ah ka dambeeyen, si ay ugu tashadaan codkooda.
Sidoo kale waxa uu sheegay in xildhibaanka la doortay uu yahay qof madax banaan, isaga oo hoosta ka xariiqayna in shantii sano ee lasoo dhaafay la macno tiray Baarlamaanka, ayna tahay in wax laga badalo sidii hore.
Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran:
Nidaamka siyaasadeed ee dalkeenna waa Baarlamaani (Parliamentary system). Labada aqal ee Baarlamaanka ayaa ah hay’adda ugu awoodda sarreysa dalka, matalaysana gobbonimada iyo madax bannaanida qaranka. Qofka ka mid noqonaya golayaashaas waa xil dhibe.
Shantii sano ee la soo dhaafay Baarlamaan waa la macno tiray.
Mana ah in afarta soo socota sidii la yeelo. Waa fikrad khaldan in ujeedka Baarlamaanka lagu soo koobo shaqo hal maalin oo cod bixin oo keli ah, xildhibaankana lagu soo xusho cod siin.
Hawsha xildhibaanku ma codbixin ayey ku egtahay? Mise masuuliyad ka wayn ayaa saaran? Waxay xadgudub ku tahay xildhibaanka in loo adeegsado aalad ama ergo cod bixin oo kale, lana yiraahdo codka sii cidii farta laguugu fiiqo, maadaama lagu soo saaray oo abaal laguugu leeyahay.
Xad gudub ka weyn ma jiro in fekerkaaga, garashadaada, damiirkaada iyo waliba dantaada dhinac iska dhig lagu yiraahdo ee gud abaalkii laguu galay.
Su’aashu waxay tahay gudashada waajibaadka kale ee Baarlamaanka sida; dejinta sharciyada iyo xeerarka, la xisaabtanka iyo kor joogtaynta xukuumadda, ansixinta heshiisyada caalamiga, ka qayb galka doodaha Baarlamaannada, dhowrista dastuurka iyo ilaalinta xuquuqda muwaaddinka, metelaadda dadka iyo deegaanka aad ka soo jeeddo, ma qofkii ku soo xulay ama abaalka kugu sheeganayey ayaad marti uga tahay? Mise qof madaxbannaan ayaad tahay?.
Waa dood u baahan in si dhab ah loo ajandeeyo oo warbaahintu maalmaha soo socda u qabato xildhibaanada, aqoonyahanka, Indhadheergaradka, dadwaynaha intaba, si danta qaranka iyo dalka badbaadintiisa loogu istaago.
The post CC Shakuur oo qoraal cajiib ah kasoo saaray xod-xodashada xildhibaanada appeared first on Caasimada Online.