Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. MW-Xasan-Sheekh-Maxamuud.jpg?resize=1000Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa inuu muujiyo daahfurnaan maaliyadeed.

    Muqdisho (Wararka PP ) — Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa oggolaaday in uu dowladda federaalka Soomaaliya taageero siinayo seddexda bilood soo socda ka sokow horumarkii daahfurnaanta oo ay dowladda federaalka Soomaaliyeed ku tallaabsatay seddexdii sano ugu horreeyay ee muddo xileedkeeda. Waxyaabaha uu Sanduuqa Lacagta Adduunku diiradda saarayo waxaa ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada uu soo dhisi doono Ra’iisal Wasaaraha uu magacaabi doono Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Arrinta ay deeqbixiyayaashu aad u eegayaan waa dacwada ku socota Jeremy Wyeth Schulman oo ah qareen ay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh u xilsaartay soo ogaanshaha lacagta Soomaaliya kaga xanniban bangiyo shisheeye leeyihiin. Lacagta la soo helay qaarkeed wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh dhigay bangi ku yaalla Turkiga, ma cadda magaca ay lacagtu ku taal bangiga.

    WhatsApp-Image-2022-05-20-at-6.48.37-AM.Bangiga Dhexe miyaa dejiya siyaasadda maamulista hantida Soomaaliya ka taalla bangiyo shisheeye?

    Qaramada Midoobay ayaa dabagashay lacagta uu qareenka Maraykanka ahi isku dayay inuu “lunsado”. Waddada ay dawladdii Madaxweyne Xasan u martay helista lacagta qaranka Soomaaliyeed kama duwanayn waddadii ay martay dowladdii ku meelgaarka ee dowladdii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed 2010kii, kaddib baaris ay Wardheer News ka soo tarjuntay wargeyska Al Sharq Awsat, lagu ogaaday qorshe sharcidarro ah oo uu Madaxweyne Shariif Axmed ugu wakiishay Cali Cabdi Camalow inuu la xiriiro Shulman Rogers, oo ah shirkadda dowladdii Sheekh Shariif kula heshiisay soo helista lacagaha Soomaaliya ka yaalla bangiyo shisheeye.

    WhatsApp-Image-2022-05-20-at-7.04.17-AM.Jeremy Wyeth Schulman waxaa lagu maxkamadaynayaa lunsashada hanti Soomaaliyeed.

    Sanadkii 2015kii ayuu Bangiga Dhexe ee Soomaaliya soo saaray siyaasad ku saabsan soo helista hantida Soomaaliya ka maqan. Mid ka mid ah mabaadii’da siyaadda ayaa ah: “dowladda federaalka Soomaaliya ayaa leh go’aanka adeegsiga hantida Soomaaliya” u taal bangiyo shisheeye. Mabda’an waa mid aan ku qotomin daahfurnaan waayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magacaaba Guddoomiyaha Bangiga Dhexe. “Soomaaliya ma laha hay’do siyaasadeed iyo xeerdajin kala madaxbannaan. Sidaas darteed waa in siyaasadda maamulka hantida qaranka lagala tashado dhammaan saamileyda siyaasadda” ayuu yiri dhaqaaleyahan ku sugan Muqdisho. Qareen ay dowladdii federaaku magacday ayaa xaday lacagta qaarkeed. Dhowaan ayay Garsoore Paula Xinis dhegeysan doontaa maxkamadaynta Jeremy Wyeth Schulman oo loo haysto inuu lunsaday hanti Soomaaliya leedahay.

    IMF waxay ka dhursugaysaa natiijada Maxkamadaynta qareenka Maraykanka ah oo 3 milyan oo doollar la aamusay.

    © Puntland Post, 2022

    The post IMF oo si feejignaan leh u taageeraysa dowladda federaalka appeared first on Puntland Post.


  2. Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab xalay ku qaadeen qaybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo loo qorsheeyey si la yaab-leh.

    Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lagu beegsaday bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin dhanka waqooyi ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

    Ragga weerarka qaaday ayaa la sheegay inay iska soo dhigeen shacab, islamarkaana ay soo raaceen gaari rakaab ah, kadibna ay rasaas ku fureen ciidamada ku sugnaa halkaasi.

    Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan lagu dilay ugu yaraan 6 askari, halka ay ku dhaacwacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

    Xoogaga Al-Shabaab ee weerarka qaaday ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen, kadib dhacdadaasi.

    Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Balcad oo ku aadan weerarkaasi.

    Xaaladda ayaa saaka deggan, balse ciidamada ammaanka ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ka wada nawaaxiga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

    Balcad ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qorsheysan iyo qaraxyo, waxaana ugu dambeeyey qaraxii miino ee todobaadkii hore ka dhacay maqaaxi ku taalla degmadaasi.

    The post Al-Shabaab oo weerar si la yaableh loo qorsheeyey ka fulisay Balcad + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.


  3. dhoofin.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1

    Maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Garoowe ayaa saaka mar kale u fadhida dhegaysiga dacwadda ku saabsan dhoofinta dhirta loo yaqaan geed-quwaaxa.

    Dhegaysiga dacwadda ayaa socda kadib markii maxkamadda la hor-keenay nin ku eedaysan mashruuca dhoofinta dhirta geed-quwaaxa kaas oo u xiran dowladda.

    Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale waaran u jartay mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland oo ku eedaysan dhoofinta geed-quwaaxa.

    Mas’uuliyiinta ku lug yeeshay barnaamijkaas waxaa sidoo kale kamid ah kuwa hadda xilal ka haya dowladda oo ay ku jiraan xildhibaano inkastoo aan weli tallaabo laga qaadin.

    PUNTLAND POST

    The post Maxkamadda Garoowe oo saaka u fadhida dacwad ku saabsan dhoofinta geed-quwaaxa appeared first on Puntland Post.


  4. (SLT-Burco)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI MD Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa saaka qaar ka mid ah dadweynaha Burco kula shaaheeyay miiska siyaasadda lagu falanqeeyo ee maqaaxida shaaha ee Cirro.

    Guddoomiyaha iyo bulshada ayaa si qoto dheer isaga xaal waraystay siyaasadda iyo xaaladda guud ee dalka, islamarkaana si kal furan isu waydaarsaday kaftan siyaasadeed iyo qorshaha xisbiga ee doorashada Madaxtooyada 13 Nov.

    Guddoomiyaha waxa wehelinayay xoghaye ku xigeenka xisbiga MD Jamaal Jaamac Xaamud, Xoghayaha Amniga MD Ibraahin Ducaale Boos, Xoghayaha biyaha MD Bashiir Cumar Geelle, xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka iyo masuuliyiin kale.

    IMG-20220521-WA0028-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0029-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0027-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0025-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0026-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0023-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0024-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0022-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0020-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0021-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0019-1024x741.jpg IMG-20220521-WA0018-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0017-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0016-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0013-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0012-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0011-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0008-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0006-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0007-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0005-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0004-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0002-1024x683.jpg IMG-20220521-WA0003-1024x683.jpg

    Source


  5. (SLT-Gabiley)-Arreh Souleiman Aouled Arreh, oo si weyn u dhaliili jiray madaxweynaha Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa lagu xidhay Gabilay.

    Muuqaal uu soo duuubay ayuu Arreh, kaga codsaday shacabka Somaliland in laga hortago in dawladda Jabbuuti loo gacan geliyo.

    Arreh, ayaa asal ahaan ka soo jeeda Jabbuuti, balse beryahan dambe waxa uu ku sugnaa gobolka Gabilay isagoo Face Book-giisa soo gelin jiray muuqaallo uu ku codsanayo in Geelle, xukunka ka dego.

    Dad reer Somaliland ee baraha bulshada wax ku qora ayaa si weyn uga soo hor-jeestay xadhiga Arreh Souleiman Aouled Arreh iyaga xukuumadda Somaliland uga digay in loo gacan-geliyo dawladda Jabuuti.

    Somalilandtoday/Gabiley/Office

    Source


  6. African Development Bank Group (AfDB)

    PRESS RELEASE
    African Development Bank Board approves $1.5 billion facility to avert food crisis
    Initiative to benefit 20 million African farmers, who will receive certified seed and technology to rapidly produce 38 million tons of food
    Access Multimedia Content

    ABIDJAN, Ivory Coast, May 20, 2022/ — The African Development Bank Group’s (www.AfDB.org) Board of Directors on Friday approved a $1.5 billion facility to help African countries avert a looming food crisis.

    With the disruption of food supplies arising from the Russia-Ukraine war, Africa now faces a shortage of at least 30 million metric tons of food, especially wheat, maize, and soybeans imported from both countries.

    African farmers urgently need high-quality seeds and inputs before the planting season begins in May to immediately boost food supplies. The African Development Bank’s $1.5 billion African Emergency Food Production Facility is an unprecedented comprehensive initiative to support smallholder farmers in filling the food shortfall.

    The African Emergency Food Production Facility will provide 20 million African smallholder farmers with certified seeds. It will increase access to agricultural fertilizers and enable them to rapidly produce 38 million tons of food. This is a $12 billion increase in food production in just two years.

    African Development Bank Group President Dr. Akinwumi Adesina said: “Food aid cannot feed Africa. Africa does not need bowls in hand. Africa needs seeds in the ground, and mechanical harvesters to harvest bountiful food produced locally. Africa will feed itself with pride for there is no dignity in begging for food…”

    The African Emergency Food Production Facility has benefited from stakeholder consultations, including those with fertilizer producers and separately with African Union agriculture and finance ministers earlier this month.

    The ministers agreed to implement reforms to address the systemic hurdles that prevent modern input markets from performing effectively.

    The price of wheat has soared in Africa by over 45% since the war in Ukraine began. Fertilizer prices have gone up by 300%, and the continent faces a fertilizer shortage of 2 million metric tons. Many African countries have already seen price hikes in bread and other food items. If this deficit is not made up, food production in Africa will decline by at least 20% and the continent could lose over $11 billion in food production value.

    The African Development Bank’s $1.5 billion strategy will lead to the production of 11 million tons of wheat; 18 million tons of maize; 6 million tons of rice; and 2.5 million tons of soybeans.

    The African Emergency Food Production Facility will provide 20 million farmers with certified seeds, fertilizer, and extension services. It will also support market growth and post-harvest management.

    The African Development Bank will provide fertilizer to smallholder farmers across Africa over the next four farming seasons, using its convening influence with major fertilizer manufacturers, loan guarantees, and other financial instruments.

    The Facility will also create a platform to advocate for critical policy reforms to solve the structural issues that impede farmers from receiving modern inputs. This includes strengthening national institutions overseeing input markets.

    The Facility has a structure for working with multilateral development partners. This will ensure rapid alignment and implementation, enhanced reach, and effective impact. It will increase technical preparedness and responsiveness. In addition, it includes short, medium, and long-term measures to address both the urgent food crisis and the long-term sustainability and resilience of Africa’s food systems.

    Dr. Beth Dunford, the African Development Bank’s Vice President for Agriculture, Human and Social Development, said: “The Africa Emergency Food Production Facility builds on lessons learned from the African Development Bank’s Feed Africa Response to Covid-19 (https://bit.ly/3yPQS9h) program. That program has provided a strategic roadmap to support Africa’s agriculture sector and safeguard food security against the pandemic’s impact.”

    Over the past three years, the Bank’s Technologies for African Agricultural Transformation initiative has delivered heat-tolerant wheat varieties to 1.8 million farmers in seven countries, increasing wheat production by 2.7 million metric tons, worth $840 million.

    Long-term sustainability to wean Africa off wheat and other food imports

    A five-year ramp-up phase will follow the two-year African Emergency Food Production Facility. This will build on previous gains and strengthen self-sufficiency in wheat, maize, and other staple crops, as well as expand access to agricultural fertilizers.

    The five-year phase will deliver seeds and inputs to 40 million farmers under the Technologies for African Agricultural Transformation program.

    In April, UN Secretary-General António Guterres appointed Adesina to a select Steering Committee of the Global Crisis Response Group.

    The U.S. Senate Appropriations Subcommittee on State and Foreign Operations recently invited Adesina to make a presentation about the African Emergency Food Production Facility.

    The Global Alliance for Food Security spearheaded by the Government of Germany provides an excellent forum for the African Emergency Food Program Facility, which is part of a coordinated and collective effort by development partners and countries to accelerate food production in the short term while remaining focused on medium- and longer-term actions to build resilience.

    For the Food and Agriculture Resilience Mission (FARM) supported by the Government of France, the African Development Bank (AfDB) is partnering with IFAD and has agreed to be part of the coordination team and steering committee of FARM. The African Emergency Food Program Facility lays out the foundation and complements FARM activities which aims to strengthen local production systems in Africa and reduce food loss to support development of sustainable and resilient food systems.

    Click here (https://bit.ly/3Nv2eUq) to learn more about the African Emergency Food Production Facility.
    Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB).

    Qaran News


  7. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku wajahan magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya.

    Madaxweyne Deni oo hadda ku sugan Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu maanta safar aan la shaacin ugu amba-baxo xarunta dalka Kenya ee Nairobi.

    Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland iyo mas’uuliyiin wehelisa oo ku sugan Muqdisho ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay maanta dib ugu laabtaan caasimadda Garoowe.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya appeared first on Puntland Post.


  8. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Taliska Booliska gobolka Mudug ee Galmudug ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada ammaabka ay ka sameeyeen gobolkaasi, kuwaas oo lagu soo qabtay maleeshiyaad Jimcihii gaari ku rasaaseeyey magaalada Gaalkacyo.

    Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cali Muuse Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ay soo qabteen qaar ka mid ah raggii rasaaseeyey gaariga, islamarkaana ay ku raad joogaan kuwa kale oo baxsaday.

    Cali Muuse ayaa sidoo kale sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan maleeshiyaadkaas oo dil iyo dhaawac ka geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

    Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amaaanka, islamarkaana ay lasoo wadaaagaan xogaha ku saabsan amniga.

    Weerarka ka dhacay Gaalkacyo ee lagu rasaaseeyey gaariga ayaa sababay dhimashada 2 qof iyo dhaawac qof kale.

    Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Bukhaari ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey ammaanka, kaas oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyinta degmada Gaalkacyo iyo saraakiisha xasilinta ee gobolka Mudug.

    Shirkan ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray fal dambiyeedyada ka dhaca Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

    Gaalkacyo ayaa waxaa kusoo noq noqday falalka ammaan dari ee ka dhaca waqooyiga iyo koonfurta magaaladaasi oo ay ka kala arimiyaan maamullada Galmudug iyo Puntland.

    The post Laamaha amniga oo gacanta ku dhigay rag dil iyo dhaawac ka geystay Gaalkacyo appeared first on Caasimada Online.


  9. Dowladda Ethiopia ayaa todobaadkii hore xabsiga dhigtay jeneraal caan ah oo dhaliili jiray xukuumadda Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

    Sarreeye Guuto Tefera Mamo ayaa jimcihii shalay maxkamad la hor-keenay kadib markii todobaadkii hore loo xiray arrimaha siyaasadeed.

    Jeneraal Tefera wuxu soo noqday taliyaha ciidanka Amxaarada tan iyo bishii February ee sannadkan markaas oo xilka laga xayuubiyay.

    Tefera Mamo ayaa wareysi uu Axaddii hore bixiyay wuxu ku dhaliilay istiraatiijiyadda dagaal ee Abiy Ahmed ku wajahayo xoogagga Tigray ee TPLF.

    PUNTLAND POST

    The post Dowladda Ethiopia oo xabsiga dhigtay jeneraal caan ah appeared first on Puntland Post.


  10. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo dhaweeyay isbadalka cusub ee dalka ka hirgalay, isagoo xusay in mudo la sugayay doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay.

    Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubaland ay guda-galeyso xalinta caqabadaha ka jira gobolka Gedo, wuxuu tilmaamay in hadda kadib la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayiraa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland, isagoo intaas ku daray in dhismaha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono degmada Garbahareey ee xarunta gobolkaas, isla markaana uusan jirin doonin maamul cusub oo gobolkaas loo magacaabayo ee dadka deegaanku ay soo dooran doonan dadka matalaya.

    Madaxweynaha Jubalanad wuxuu balan qaaday in kala aragti duwanaantii iyo khilaafkii ka jiray gobolkaas aan cidna loo beegsan doonin, dadka deegaanka iyo guud ahaan shacabka Jubaland-na ay u siman yihiin xuquuqaha ay xaqa u leeyahiin, wax walbana wada hadal lagu dhamayn doono.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Jubaland oo aad u soo dhoweeyey doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Rooble oo si naf hurnimo ah ugu istaagay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay, isla markaana natiijadeeda la wada aqbalo, Guddiyada doorashooyinka ayuu sidoo kale Madaxweynahu ku amaanay shaqadii hufnayn ee ay soo qabteen.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay caqabadaha ka jira gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.


  11. Kuuriyada Koonfureed oo tarxiishay labo basaas oo ka socday Joe Biden

    US President Joe Biden disembarks from Air Force One during his arrival at Osan Air Base in Pyeongtaek, South Korea

    Labo nin oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa la saaray diyaarad dib ugu celisay dalkooda kaddib markii ay ku lug yeesheen “muran buuq dhaliyay” oo ka dhacay Kuuriyada Koonfureed.

    Raggan – oo qayb ka ahaa wafdi hor dhac ah oo Madaxweyne Biden uga sii hor maray Kuuriyada Koonfureed oo uu dhawan booqasho ku tagayo – ayaa cabitaan u doonto baarar kala duwan oo khamriga lagu cabo, sida ay tabiyeen warbaahinta Mareykanka.

    Mid ka mid ah labada xubnood ee ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa la sheegay in uu muran gacan ka hadal watay la galay darawal Taksi oo maxali ah.

    Ma jirin cid la qabtay ama loo xiray arrintaas balse booliska magaalada Seoul ayaa baaritaan ku sameeyay dhacdada.

    “Hay’adda sirdoonku way ka war qabtaa in ay dhacdo aan shaqada ku saabsanayn ku lug yeesheen labo ka mid ah shaqaalaheeda, taasoo noqon karta ku xad gudub nidaam”, ayuu yiri afhayeen u hadlay laanta Sirdoonka Mareykanka oo bayaan soo saaray.

    Waxa uu sarkaalkani sheegay in labada nin ee shaqaalaha ahba loo diray fasax uu maamulka ka warqabo, maqnaanshahoodana uusan saamayn ku yeelan doonin safarka Mr Biden.

    Socdaalka uu Madaxweynaha Mareykanka ku tagayo Seoul ayaa noqonaya lugta koowaad ee booqasho afar maalmood ah oo uu ku marayo dalal ka tirsan qaaradda Aasiya, xilli uu gobolkaas kusii kordhayo walaaca laga qabo awoodda militeri ee Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi.

     

    Secret Service agent

    Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay warbaahinta ay BBC-da bah wadaagta yihiin ee Mareykanka ku taalla, CBS News, in labada xubnood ee sirdoonka ka tirsan – oo kala ah wakiil khaas ah iyo khabiir amni – loo diray dalkooda hooyo galabnimadii Jimcada ee maanta.

    Waqtiga la tarxiilay ayaa ahaa qiyaastii hal saac ka hor inta uusan Madaxweyne Biden booqashadiisa rasmiga ah ku tegin caasimadda Kuuriyada Koonfureed.

    Sida ay tebisay warbaahinta CBS, maamulka ayaa baaritaan ku samayn doona in raggan ay saqraan ahaayeen xilliga ay arrintu dhacaysay, halkii la baari lahaa dhacdada lafteeda.

    Ma cadda sida uu ku billowday gacan ka hadalka dhex maray sirdoonka iyo ninka darawalka ah.

    Labada xubnood ayaa marka uu dagaalku dhacayay ku sii noqonayay hoteelka ay daganaayeen ee Grand Hyatt.

    Booliska maxaliga ah, ciidanka amniga hoteelka iyo labo qof oo kale ayaa la sheegay inay ku soo baxeen dhacdada.

    Booliska Seoul ayaa baaritaan ku sameeyay mid ka mid ah shaqaalaha sirdoonka, iyagoo waraystay dhinacyada kale, balse waxay go’aansadeen in aysan xarig samaynin ama dacwad furin.

    Qaran News


  12. Xiisad cusub oo ka dhex istaadhantay Turkiga & Wadamo Midowga Yurub ka tirsan

    Erdogan

    Dagaalka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine 24-kii bishii February waxa uu abuuray walaac ay dalalka qaarkood ka qabaan amnigooda, gaar ahaan waddamada ku yaalla qaaradda Yurub.

    Suurtagalnimada in dagaalkan – oo ah kii ugu waynaa ee Yurub ka dhacay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka – uu ku fido waddamo kale ayaa dhalisay walwal amni oo soo food saaray dalalka aan xubnaha ka ahayn Isbahaysiga uu Mareykanku hoggaamiyo ee NATO.

    Tan iyo markii Ukraine la weeraray, dalkii ugu horreeyay ee dalbada in uu Nato ku biiro waa Finland, oo xuduud dhirirkeedu yahay 1300 oo kiiloo mitir la wadaaga Ruushka. Finland waxa ay doonaysaa inay ka faa’iidaysato qodobka 5-aad ee gaashaanbuurta Nato oo ku saabsan sugidda amniga saaxiibbada.

    Sweden ayaa noqday dalka labaad ee soo raaca jidka uu maray waddanka ay deriska yihiin ee Finland, waxayna dowladda Sweden sidaas kusoo afjartay dhaqan u yaallay muddo 200 oo sano ah oo dhigaya inay dhexdhexaad ahaato.

    Tallaabada labadan dal waxaa loo arkaa mid taariikhi ah, Mareykanka ayaana durba ku dhawaaqay in uu si buuxda u taageersan yahay rabitaankooda.

    Hase yeeshee, Turkiga oo xubin muhiim ah ka ah NATO ayaa hor taagan in Finland iyo Sweden ay ka mid noqdaan Nato, taasoo xiisad cusub ka dhex abuurtay dhinacyada.

    Madaxweynaha Finland, Sauli Niinisto iyo boqorka Sweden Carl Gustaf oo ku kulmay Stockholm
    Madaxweynaha Finland, Sauli Niinisto iyo boqorka Sweden Carl Gustaf oo ku kulmay Stockholm

    Ujeeddada ay Ankara u diiddan tahay isku dayda labada dal ee reer Yurub waa in ay dalalkaas ka mid yihiin dowladaha taageera kooxaha PKK iyo YPG oo Turkiga looga arko ururro argagixiso ah.

    Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan ayaa si kulul uga hadlay mowduucan, isagoo sheegay “in uusan marnaba aqbali doonin in kooxo argagixiso ah ay qayb ka noqdaan Nato”.

    Mowqifka Turkiga ayaa albaabka u furay xasarad cusub oo ka bilaabatay isbahaysiga Nato gudihiisa. Waxaase su’aalo la iska waydiinayaa sida ay dalalkan iyo xunbaha kale ee Nato arrinta uga dhaadhicin karaan Turkiga.

    Muxuu Turkiga uga soo horjeestay rabitaanka Finland iyo Sweden?

    Turkey oo Nato xubin ka ahaa tan iyo sanadkii 1952-kii waxa uu mar walba mowqif ka taagnaa isla markaana taageeri jiray hannaanka albaabka furan ee NATO, oo waddamo badan uu kusoo dhaweeyay.

    Xitaa xilligii uu socday Dagaalkii Qaboobaa ee dunida waxa uu aqbalay in isbahaysiga ay kusoo biiraan waddamo horay uga tirsanaan jiray Midowgii Soviet ee Ruushka, kuwaasoo kusoo qulqulay gaashaan buurta intii u dhaxaysay 1999-kii ilaa 2004-tii.

     

    Mareykanka ayaa si buuxda u taageeray dalabka Finland iyo Sweden
    Mareykanka ayaa si buuxda u taageeray dalabka Finland iyo Sweden

    Balse sababta uu u diiddan yahay isku dayda Sweden iyo Finland waa in labadan waddan ee reer Scandinavia aysan taageersanayn dagaalka uu Turkiga kula jiro kooxaha uu ugu yeero argagixisada iyo waliba in ay si buuxda u garab taagan yihiin jabhadda YPG ee ka dagaallanta waddanka Suuriya, qaybtana ka ah ururka PKK.

    Xukuumadda Ankara ayaa Finland iyo Sweden ku eedeysa inay marti geliyaan xubnaha PKK.

    Waxa uu Turkiga sidoo kale Sweden ku eedeeyaa in ay qalab militeri iyo dhaqaale ku caawiso dagaalyahannada kooxda YPG.

    Isagoo taas ka aargoosanaya ayuu Turkigu ku gacan sayray dalab ay Sweden ku doonaysay in loo soo gacan geliyo 21 qof oo ay dambiyo u haysato, halka Finland uu u diiday inuu ku wareejiyo 12 oo ay doondoonayso.

    Labadan waddan ayaa horay Turkiga ugu soo rogay cunaqabatayn dhanka hubka ah kaddib markii ay Ankara billowday howlgalka militeri ee waqooyiga Suuriya sanadkii 2019-kii.

    Qaran News