Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Hey’adda Gargaarka iyo maareynta dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta garagaar gurmad Bani’adannimo ah waxaa ay gaarsiisay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka, kuwas oo dhowaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay kala wareegeen dagaalamayaasha Al-shabaab.
    Gargarka ayaa waxaa ay hey’addu ay gaarsiisay degmada Buulo Burde, taas oo muddo u go’doonsaneyd Al-shabaab, inta aan kacdoon gobolka ka kacay looga saarin, gobolka Hiiraan ayaa kamid ah gobollada ay sida weyn u saamaysay abaarta baahsan ee ku dhufatay dalka, taas oo si guud dadka iyo duunyo u saamaysay.
    “Ayada oo la fulinayo amarkii Ra’iisal wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre ee shalay oo ahaa in gargaar dag dag ah lala gaaro deegaanada laga xoreeyay kooxaha argagixisada ah, ayaa hey’adda Maareynta Musiibooyinka waxaa ay gargaar raashin ah u dirtay magaaladda Buula-burde. Gargaarkaan ayaa waxaa uu isugu jiraa raashin iyo agabyo kale ” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hey’adda maareynta musiibooyinka.
    Dowladda federaka aya ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay gargaar kale duwan ay geynaysay goobaha ay ka jiraan abaaraha iyo sidoo kale goobaha ay ciidanka dowladda ay kala wareegeen Al-shabaab, deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa horey dowladdu waxaa ay u gaarsiisay gargaar kale duwan.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  2. Bukh-aqable (Caasimada Online)- Ciidanka dowladda oo garabsanaya dadka deegaanka ayaa caawa si buuxda ula wareegay degaanka Bukh-aqable ee gobolka Hiiraan, halkaas oo mudo dheer ay Al-Shabaab ka talinayeen.

    Wasiirka amniga dowlad goboleedka HirShabeelle Maxamed Kheyre ayaa oo wareysi siiyey Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa xaqiijiyey in caawa Bukh-aqable ay ku jirto gacanta ciidamada dowladda iyo kuwa is abaabulay ee deegaanka.

    Degaankaas ayaa Al-Shabaab u ahaa goob istaatiiji ah, wuxuuna ahaa mid kamid ah deegaanada ugu waaweyn ee gobolka Hiiraan ay ka maamulayeen.

    Bishii hore ayaa weerar gaadmo ah oo ciidanka Danab ay fuliyeen waxaa xili habeen ah lagu qaaday isla deegaankan caawa la xoreeyey ee Bukh-aqable, waxaana lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda, in kastoo ay ciidanku dib uga soo laabteen.

    Maxkamado, xafiisyo iyo saldhigyo waaweyn ayay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka caawa laga xoreeyey ee Bukh-aqable, waxaana gabi ahaan-ba gacanta kooxda ka siibaxaya gobolka Hiiraan oo dhan.

    Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa Al-Shabaab ku baacsanaya gobolkaas, waxaana gacanta kooxda ku haray deegaano faro ku tiris ah, iyadoo maalinba deegaan lagu weerarayo.

    Hoos ka dhageysi wareysiga wasiirka

    The post Hiiraan: Degaan muhiim ah oo caawa laga saaray Al-Shabaab (Dhageyso) appeared first on Caasimada Online.


  3. Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyay shirka guddi hoosaadka golaha wasiiradda ee tiirka Cadaalad iyo Garsoor madax-banan oo maanta looga hadlay dardar-galinta howlaha hortabinta u leh hay’adaha Caddaaladda oo udub dhexaad u ah helitaanka garsoor madax-bannaan oo soo celiya kalsoonida bulshadu ay ku qabaan hey’adaha Garsoorka dalka.
    Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in xukumadda ay ka go’an tahay dhab-u-yagleelidda garsoor madax bannaan oo xaqiijiya wadajirka bulshadda Soomaaliyeed ,maadama cadaalad-darradu ay kamid tahay sababihii na dhaxalsiiyay qaran burburka ku dhacay Soomaaliya.
    Tiirka Cadaalad iyo Garsoor madax-banan oo ka mid ah 6-a tiir ee barnaamijka xukumadda Dan-qaran ayaa halbeegyadiisa ugu muhiimsan waxaa kamid ah dib-u-eegista shuruucda iyo Siyaasadaha muhiimka u ah helitaanka Garsoor hufan oo madax-bannaan ,Dhamaystirka heshiiska siyaasadeed ee hannaanka Garsoorka Hay’adaha Cadaaladda,
    Kulanka uu hoggaamiyay Xamse ayaa waxaa kale oo diiradda lagu saaray daadajinta Adeegyada Garsoorka iyo dhiiri gelinta xallinta khilaafaadka ku salaysan Xeer Soomaaliga iyo hir-gelinta maamul wanaag ku dhisan isla xsaabtan, dowladihii hore ayaan ku guuleysan dhisma adeegga Garsoorka Madax-bannaan iyo Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka.
    307577891_495799459253332_19951552807928
    305612458_495799862586625_45782057091665
    306087205_495799672586644_52962221072440
    308628524_495799565919988_52231736351557
    308968881_495799779253300_66841376167520
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  4. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto oo wareysi siiyey idaacadda BBC ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aaddan muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo ay horay go’aan uga gaartay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ).

    Madaxweyne Ruto, oo dhawaan markii xilka loo caleema-saaray ay wada kulmeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in arrimaha loo kala xallin doono sida ay u kala horreeyaan.

    ”Hadda Soomaaliya waxa ay leedahay madaxweyne aan la hadli karno. Madaxweyne waxa uu diyaar noola yahay inaan howlaha u qabanno sida ay u kala horreeyaan, waxaan ku faraxsan nahay inuu xoogga saarayo la dagaallanka argagixisada, adduunka oo dhan – oo ay Kenya ku jirtana – wuxuu kala shaqeynayaa sidii uu u burburin lahaa xagjirnimada qalalaasaha wadata iyo argagixisada,” ayuu yiri Ruto.

    Mar wax laga waydiiyey muranka badda la xiriira waxa uu yiri ”Muranku waa arrin ay dalalka deriska ah mar walba xallin karaan. Waxa aan hadda u baahan nahay waa inaan xalinno oo aan amni ka dhigno gobolkeenna.”

    Ruto waxa kale oo uu sheegay in waqtigaan aan la joogin xilli laga hadlo ka hadalka muranka xadka ee labada dal.

    ”Ma rabo inaan ka howl-galno muran ku saabsan xadka iyadoo ay dad dhimanayaan, iyadoo ay argagixiso meelaha joogaan, iyadoo xasilooni darro ay ka jirto gobolkeenna.”

    Ruto ayaa sheegay in marka ugu horeyso ay tahay in xal loo helo arrimaha amniga kadibna wuxuu sheegay inay xal ka gaari karaan murankeenna xadka

    Waxa uu u muuqday in uu rajo ka qabo dowladda cusub ee Soomaaliya inkastoo uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal laga weydiiyay sababta ay mowduucan ugala hadli waayeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

    Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda eee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa kiiskaas oo sannado badan socday xukun kasoo saartay 12-kii bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo xadeynta ka dhigtay qaab u dhow sida ay Soomaaliya ku dooneysay, tallaabadaas oo ay Kenya si weyn ugu gacan seyrtay.

    Markii ugu horreysay ee kiiska loo gudbiyay maxkamadda ilaa markii ay garsooreyaasha maxkamaddu ay go’aanka ku dhawaaqeen, William Ruto waxa uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya.

    Madaxweynihii Kenya ee xilligaas, Uhuru Kenyatta, ayaa markii uu soo baxay go’aanka maxkamadda sheegay in dalkiisu uusan aqoonsaneyn natiijada.

    The post William Ruto oo shaaciyey waxa uu ka yeelayo kiiska badda ee go’aanka laga gaaray appeared first on Caasimada Online.


  5. Hal iga qor:
    Reer Waddani iyo Isbedel-doonka ha iga ambanina, fursad wayn bay inoo tahay soo-celinta Xeerarku xataa haddii uu Golaha Guurtidu sifo sharci ah u soo celiyo. Soo-celinta Wax-ka-bedelka Xeer 14/2011, iyo Xeer 90/2020 marka Guurtidu waddo sharci ah oo ay cod geliyeen u maraan macnaheedu waxa weeyi :
    1) In aan doorasho toos oo ururo wax la yidhaa aanu jirayn isla markaana Komishanka aanay waajibaadkiisa ku jirin in la qabto wax la yidhaa doorasho toos ah oo ururada ah.
    2) In Golaha Guurtidu aanu u kordhin karin madaxwaynaha muddadiisa 45 maalmood ka hadheen madaama aanay jirin duruufihii dastuuriga ahaa ee lagu kordhin lahaa, heshiisna aan laga gaadhayn arinkaa. Haddii ay ku kacaana ay noqonayso muddo-kordhin sharci-darro ah oo fawdo iyo qas dalka gelisa.
    3) In Xisbiyo ku yimi cod dadwayne lagu bedeli karo uun cod dadwayne marka ay helaan doorsshooyinka liisankoodu xaqa u siiyay.
    4) In 9 bilood kadib doorashada dhacaysaa ay tahay uun ta Madaxwaynaha ee ay saddexda Xisbi ee hadda jiraa uun ay ku tartamayaan
    5) In Ururada waraaqdooda dhaqdhaqaaqu dhacayso 23 Feb 2023 isla markaana aanay haysan cod dadwayne oo ay ku sii jiri karaan iyo Xeer ay ku galaan doorasho toos ah.
    6) In Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan uu noqonayo Madaxwaynaha dawlada dalka gaadhsiinaysay doorashadda (CARE-TAKER GOVERMENT). Saleebaan oday dhaqmeed ma ahayne, siyaasi dhufays ugu jiray kursigaa MW muddo dheer buu ahaa sidaas baanu Guurtida u joogay ee guurtidu ma ahayn meel uu ku socday. Wuxuu damaciisan u raacayaa distoorka qodobbada 86(1) iyo 89(4) oo ka duulaya fashilka madaxwaynaha haya talada iyo Ku Xigeenkiisa , dastuur-jebintiisa faraha ka baxday, doorasho qaban-waaga iyo muddada 45 maalmood ah ee hadhay.
    Sidaa markay tahay dabaaldegyo iyo is hambalyeyn baynu isku Ognahay. Gudoomiye Saleebaana waxaad ku hambalyeysaan inuu yahay Madaxwaynaha Dawladda Doorasho-gaadhida iyo hawsha wacan ee uu ururadii Kulmiyaha niqaaman ahaa uu kaga takhalusay ee uu qabto marka uu sifo sharci oo uu cod-geliyay ku soo celiyo Xeer 14/2011 iyo Xeer 90/2020. Soo-baydha, hooy! hooy!
    Allaa Mahad leh
    W/Q Xamse Khayre

    Source


  6. Madaxtooyada Somaliland ayaa warqad qarsoodi ah oo ay u soo dirtay shirgudoonka Golaha Guurtida u adeegsatay celinta xeerarkii doorashooyinka ee golaha wakiiladu ansixiyeen todobaadkii hore.
    Xog rasmiya oo laga helay amarka Madaxtooyada ka yimi ayaa cadaynaya in warqadaas oo OG lagu siiyay shirgudoonka la soo dhexmariyay Guddoomiye ku-xigeenka golahaasi Siciid Jaamac Cilmi iyo Haweenayda ah agaasimaha lacagta ee Guurtida.
    Warqada Madaxtooyada ee amarka celinta Xeerkaas ayaan waxba laga waydiin xildhibaanada gole waynaha Guurtida taas oo ah farogalin qaawan oo dastuur jabin ah taas madaxtooyadu ku samaysay golaha odayaasha ee ka madaxa banaana.
    Geesta kale qodobada ay Madaxtooyadu u adeegsatay celinta xeerkaas ayaa dhammaantod waxa loo cuskaday warqad ay ku saxeexnayeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, warqadaas oo laga been abuurtay Xildhibaano aan saxeexin kuwo kalena laba jeer magacyadooda lagu quray.

    Source


  7. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo shirka furay, waxa kala soo qayb galay oo kalmadana ka jeediyay shirka, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Insaanka Qaranka Maxamed Baaruud, Guddoomiyaha Guddida Maamul Wanaaga Liibaan Ismaaciil Buraale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha Deeqa Cabdi Yuusuf, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Ismaaciil Saleebaan Maxamed (Bawkax), Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ibraahin Cali, Ku Xigeenka ahna ku simaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Mire, Guddoomiyaha Ururka Qareennada (SOLLA) Xasan Cabdilaahi Cawaale iyo Guddoomiyaha Guddida Dib-u-eegista Shuruucda Maxamuud Xuseen Faarax.

    Ujeedada shirkan oo socon doona muddo shan cisho ah ayaa lagu gorfeyn doonaa guulihii iyo caqabadihii ka dhashay wajigii hore oo muddo saddex sanno ah soo socday, waxaanay xeel-dheerayaasha ka kala socda hay’adaha kala duwan ee dawladda, Midowga Yurub iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijyada ee UNDP ay lafa-guri doonaan arrimaha gundhiga u ahaa guulihii laga gaadhay mashaariicdaa iyo hadday jiraan caqabado ka ratibmay sidii looga gudbay. Geesta kale waxay ku falan-qayn doonaan qorshaha wajiga cusub ee Garsoorka, Cadaaladda iyo Amniga (Joint Rule of Law Program) waxaanay diiradda ku saari doonaan sida wajiga cusub ee barnaamijku noqon doono, iyagoo qorsheyn doona khariiradda muddadaasi ay barnaamijyadu raaci doonaan.

    Ugu horayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo shirka furay ayaa tibaaxay ahmiyada ay leedahay balaadhinta wada shaqaynta ha’adahan, waxaanu hoosta ka xarriiqay in mashaariicdan horumarineed ee Midowga Yurub ku maal-galiyo Somaliland ay muhiim u yihiin dhanka kobcinta iyo tayaynta hay’adaha ku taxaluqa sharciga iyo kala dambaynta (Rule of law).

    Guddoomiyuhu waxa uu ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay in aynu innagu ka Qaran ahaan qaabaysanno barnaamijyada aynu u baahanahay in la inanga taageero si loogu saleeyo baahiyaheenna, waxaanu uga mahad-celiyay hay’adaha dawladda ee sare ku xusan sida qiimaha leh ee ay u guteen waajibaadkii ka saarnaa ka midho dhallinta barnaamijyadan saldhiga u ah daboolida baahiyaha kala duwan ee ka jira bah-wadaagtan ay kulmiso barnaamijyada la xidhiidha Garsoorka, Cadaaladda, Xuquuqul Insaanka. (Rule of law and security). Ugu danbaynna waxa uu dalalka qaadhaan-bixiyayaasha u soo jeediyay in dalka Somaliland uu xaq-u-leeyahay helida taageeradda caalamiga, sida ay u helaan dalalka Somaliland dhiggeeda ahi.

    Furida kadib waxa shirka ka hadlay masuuliyiinta sare ku xusan waxaanay ku dheeraadeen ahmiyadda ay leedahay in muwaadiniinta dalkani u fikiraan isla markaana la qaabeeyaan qaadhaan-bixiyayaasha barnaamijyada dalkani u baahan yahay, si ay iskula jaan-qaadaan qorshaha horumarinta Qaranka iyo Barnaamijyadan la xidhiidha Garsoorka, Cadaaladda iyo Amniga (Rule of law and security). Waxaanay si gaar ah farta ugu fiiqeen, sida looga faa’iiday wajigii hore iyo meelaha wajigan cusub awoodda lagu saari doono. Gunnaanadkiina waxay u mahad-celiyeen dalalka Somaliland ka taageera dhanka horumarinta iyo hay’adaha caalamiga ah ee wada shaqaynta wanaagsan ka dhexayso. Wajiga labaad ee barnaamijkan iyo arrimaha awooda lagu saarayo ayaa qorshahoodu ka soo bixi doonaa shirkan muddada shanta cisho ah u socon doona khubarada ka socda hay’adaha kala duwan ee Dawladda iyo kuwa caalamiga ah.

    Allaa mahad leh.

    Ibraahim Maxamed Cali

    Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare.

    Source


  8. Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Feredaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed Jaamac, oo maanta guddoomiyay shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlayay gurmadka abaaraha, ayaa caddeeyay inaan waqti dambe harin oo lagama maarmaan tahay in la dardargeliyo gurmadka abaaraha si loo badbaadiyo dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay.
    “Waxa aan rajeynaynaa in la taabba-geliyo nidaam wada-shaqayneed oo xooggan kaas oo si wada-jir ah looga falcelinayo xaaladda abaarta iyo isbeddelka cimilada, iyadoo la hubinayo matalaad buuxda lagana hortagayo in ay isku beegmaan dadaalladaa kala duwani”ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac.
    Mudane Saalax Axmed Jaamac oo furitaankii shirka uga mahad celiyey taageerada caalamka ee la xiriirta gurmadka abaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad abaareed oo aad u daran taas oo saameysay 8 milyan oo qof iyo 17 milyan oo xoollo ah, lagama maarmaanna ay tahay in si dhaqsa ah xaaladda abaarta wax looga qabto inta aanay ka darin.
    Kulanka ayaa lagu soo bandhigay saameynta ka dhalatay abaarta, heerka gargaarka socda, iyo xaaladaha la filan karo hadii aan wax qabad dhab ah lala imaan, waxaana dhammaan mas’uuliyiintii ka hadlay ay caddeeyeen muhiimadda ay leedahay in wadajir looga shaqeeyo qaabkii Soomaaliya looga saari lahaa abaartaan daranee dad iyo duunyaba saameysay.
    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay horay u qaadday tillaabooyin muhiim u ah gurmadka abaaraha, ayna qaadatay door hoggaamineed oo wax ku ool ah, waxuuna xusay in cid waliba oo xilligan adag garab istaagta shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u heyn doonaan abaal weyn oo aan duugoobin.
    Shirka oo ay goobjoog ka ahaayeen wakiilka qaramadamidoobay, deeq bixiyaasha, safiirro iyo mas’uuliyiin kale oo hey’addaha caalamiga ah ka socda, ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ku wehlinayay qaar ka mid ah wasiiradda xukuumadda Dan-qaran.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab wuxuu qaatay sanado badan. Aragtida laga heystay dagaalkaan waxay dadka qaar ula muuqatay mid dhex taalla kooxo kala riixasho ku jiray, dowladdana kuma guuleysan inay dadka u sawirto halista kooxdaan ee mustaqbalka.

    Intii ay kooxdaan xoogga laheyd wuxuu dalku yeeshay saddex madaxweyne, laakiin midna ma gaarsiin dagaalkaan xadkii loo baahnaa.

    Al-Shabaab waxay gaysteen tacadiyo badan oo aan lasoo koobi karin, laakiin marna nidaamyadii talinaayey waa heli waayeen dareen shacab oo dalbanaya in kooxda la iska celiyo.

    Haddii aan usoo noqono nidaamkii ugu dambeeyey ee madaxweyne Farmaajo. hoggaamiyahani wuxuu waqti badan geliyey inuu abuuro ciidan niyad ahaan sarreeyo wuxuuna sugay xuquuqdooda mushaarka.

    Intii uu xukunka joogay madaxweyne Farmaajo kooxda Al-Shabaab waxay gaysteen qaraxyo badan oo uu ku jiray midkii ugu weynaa ee taariikhda ka dhacay Soomaaliya kaasoo dhacay Bishii October 2017.

    Farmaajo inkastoo uu ahaa madaxweyne shacbi ah haddana kuma guuleysan inuu dadweynaha tuso dhibaatada iyo halista Al-Shabaab mana keenin qaab uu shacabka isaga dhicinayo kooxdaan.

    Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisii Xasan Cali Kheyre waxaa lagu eedeeyaa inay ahmiyadooda koowaad aheyd inay ka adkaadaan mucaaradkii kasoo horjeeday iyo madaxda maamul goboleedyada, taasoo cayilisay Al-Shabaab siisayna, farsad ay xukunkoodu ku iibiyaan.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda kusoo noqday xafiiska. Inkastoo uusan Xasan la imaan qorshe ay shacabka kula diri karaan kooxda Al-Shabaab oo uusan taas miiska keenin haddana wuxuu kusoo aaday waqti uu xad dhaafay tacaddiga ay kooxda u geysaneyso shacabka Soomaaliyeed iyo kooxdaan oo laga quustay inay kasoo rayso.

    Al-Shabaab waxay waayihii dambe isku dayday inay qabiilada maquuniso oo ay gumaad ku baqdin geliso, laakiin waxaa ku rogmaday wax aysan maareyn karin oo ah inay qabiilada hubka qaataan iyagoo dalbanaya inay dhulkooda uga baxaan.

    Waxaa loo arkaa xaqiiqadii ugu qaraareyd oo ay Al-Shabaab wajahaan intii ay jireen. Kacdoonka wata ruuxiyada qabiilka ee dalka ka socda ayaa galaaftay dhul badan oo ay kooxdan gacanta ku heysay in muddo ah.

    Ciidanka dowladda Soomaaliya waxay kacdoonka qabiilka ka heleen tabar dheeri ah, tallaabooyin guuleysta iyo taageero aan horey loo arag. Markii aad tahay dowladda xukunka joogta fursadaani waa naadir.

    In muddo xileedkaaga iyo kacdoon noocaan ah ay isku soo aadaan waxay keeni kartaa inaad yeelato taariikh gaar ah, waxayse ku xiran tahay sida aad u maamusho kacdoonka.

    Fursadda maanta hortaalla madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre sooma marin Farmaajo iyo Kheyre, laakiin waxay guusha kacdoonka u huraan ayaa dalka iyo naftoodaba u noqon doonta diiwaan la akhristo.

    Dhinaca kale, marka laga istaago mowduucaan, haddii labada nine ee Xasan Sheekh iyo Xamza sahashadaan kacdoonka shacabka oo ay ka miro dhallin waayaan waxay qaadan doonaan diiwaan qaraar.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre weli ma tagin furumaha dagaalka tan iyo markii uu kacdoonka bilowday dadkana uma muuqato jiheyn maqaam weyn, waxaana jira dad ka walaacsan inay fursadaan dalka iyo naftoodaba uga faa’ideyn waayaan.

    The post Xasan Sheekh iyo Xamza oo heysta fursad aan soo marin Farmaajo iyo Kheyre appeared first on Caasimada Online.


  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta gargaarkii ugu horreeyey u dirtay deegaanada gobolka Hiiraan ee dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab oo muddo sanado ah ku sugneyd deegaanadaas.

    Gargaarkaan ayaa la diray iyadoo la raacayo amarkii shalay kasoo baxay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre kadib markii uu khadka taleefoonka kula hadlay saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ku sugan goobaha la xoreeyey.

    Gargaarka oo raashin ahaa ayey Hay’adda maareynta Musiibooyinka u dirtay magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan oo muddo badan ay go’doomiyeen kooxda Al-Shabaab.

    Gargaarkaan ayaa waxaa uu isugu jiraa raashin iyo agabyo kale waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka qaaday diyaarad gaar ah oo ay dowladda u kiraysay.

    Deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab ayaa lagasoo sheegayaa inay ka jirto dhibaatooyin bini’aadinimo oo aad u darran, iyadoo dadku isugu darsantay colaad iyo abaar daran kadib markii 3 xilli la waayey roobkii di’i jiray.

    Saraakiisha iyo masuuliyiinta hoggaaminaya howlgallada ayaa sheegaya in deegaannada laga saaray Al-Shabaab ay ugu tageen dad aad ugu dhibaataysnaa xukunka Al-Shabaab.

    Waxaa qeybo badan oo dalka kamid ah waxaa ka socdo kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana laga saaray deegaano badan oo ay muddo badan heysteen.

    Kooxda Al-Shabaab ayaa diiday in gargaar la gaarsiiyo goobaha ay ku sugan tahay, waxayna taas badalkeeda dadka ka qaadan jirtay lacag iyo xoolo.

    4-3.jpg?resize=696%2C522&ssl=1 3-3.jpg?resize=696%2C522&ssl=1 2-5.jpg?resize=696%2C522&ssl=1 1-5.jpg?resize=450%2C600&ssl=1

    The post Sawirro: DF oo diyaarad u dirtay degaano laga saaray Al-Shabaab – Maxay siday? appeared first on Caasimada Online.


  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Aasaasaha Dugsiga Abaarso ee ku yaalla galbeedka magaalada Hargaysa iyo Jaamacadda Barwaaqo ee Hargeysa Jonathan Starr ayaa qaatay diinta islaamka ee ku dhisan naxariista.

    Jonathan Starr ayaa laga soo duubay muuqaal muujinaya isagoo loo qabanayo shahaadada xilli uu ku sugnaa masaajid ku yaalla dalka Mareykanka.

    Ninkaan oo muddo badan madax ka ahaa dugsiga Abaarso, islamarkaana dhawaan as aasay Jaamacada Barwaaqo ee hablaha u gaarka ah ayaa waxaa ka dhashay hadal heyn badan qaadashada uu qaatay Diinta Islaamka maadaama dugsigiisa dhowr jeer lagu eedeeyey in lagu faafiyo diinta Karishkanka.

    “Waxaanu ku kulanay maqaaxi, wuxuu igu yiri waxaan rabaa in aan ku waydiiyo su’aalo Islaamka ku saabsan, kadibna waxan ku iri i waydii, shalay ayay isaga iyo adeerkii maqaayadii iigu yimaadeen, kadibna wuxu yiri waxan rabaa in aan shahaadada qaato,” waxaa sidaas yiri wadaadkii shahaadada u qabtay.

    Dadka dhaliila Dugsiga Abaarso ayaa aaminsanaa in Starr uu yahay nin u jeedo kale ka leh waxbarashada uu bixiyo, oo faafinaya fikrado ka dhan ah diinta Islaamka, waxaana la oran jiray wuxuu ardayda baraa gaalnimo.

    Mar kasta oo ninkaan loo jeediyo eed ku saabsan inuu faafinayo waxyaabo ka dhanka ah diinta Islaamka ayaa waxaa difaaci jiray waalidiinta caruurtooda ay wax ka bartaan dugsigan.

    Dooda ka dhalatay eedeynta loo jeediyey ninkaan ayaa sabab u noqotay in maxkamad loo gudbiyo dacwad ka dhan ah Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ku doodi jiray in Starr uu gaalnimo caruurta baro, wuxuuna weli ku jiraa xabsiga Hargeysa.

    Ardayda wax ka barata dugsigan ayaa ku dooda in Starr iyo macalimiinta dugsigan wax ka dhigtaa anay marnaba lasoo hadal qaadin qadiyad diimeed, taas  badankeedana waxay mar kasta sheegaan inay iskuulka ka helaan waxbarasho tayo leh.

    Lama ogo waxa qaadashada Islaamka ee Starr ay ka badali doonto dooda ku saabsan in iskuuladiisa laga faafiyo diinta gaalada.

    The post Daawo: Aasaasaha Dugsiga Abaarso oo Islaamka qaatay appeared first on Caasimada Online.


  12. Doha (Caasimada Online) – Dr. Sheekh Yuusuf al-Qaradawi oo ka mid ahaa culimada ugu caansan Islaamka, ayaa maanta geeriyooday isaga oo 96 jir ah, sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay bartiisa rasmiga ah ee twitter-ka.

    Sheekh Yuusuf al-Qaradawi, oo u dhashay dalka Masar, islamarkaana ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa sanadihii dambe waxa uu fadhiggiisu ahaa dalka Qatar.

    Sheekha ayaa aad u dhaliili jiray madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Sisi.

    Al-Qaradawi ayaa dibad-joog ahaan ugu noolaa dalka Qatar wixii ka dambeeyey markii militariga Masar ee uu hoggaaminayey al-Sisi  ay afgambiyeen dowladdii ay hoggaaminayeen Ikhwaanul Muslimiinka.

    Al-Qaradawi ayaa waxaa la maxkamadeeyey oo xukun lagu riday isaga oo ka maqan Masar.

    Waxa uu barnaamij caan ah ka qaban jiray taleefishinka Al-Jazeera isaga oo ka hadli jiray arrimo siyaasadeed oo muran badan.

    Waxa uu taageeray weerarada ismiidaaminta Falastiiniyiinta ee ka dhanka ah Israel, wuxuuna sidoo kale taageero u muujiyey kacdoonkii Ciraaq ka qarxay markii Mareykanka ay duulaan ku qabsadeen 2003.

    Hase yeeshee waxa uu sidoo kale taageeray markii ururka Ikhwaanul Muslimiin ay ka qeyb-galeen doorashooyinkii Dimoqraadiga ee Masar ka dhacay kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Xosni Mubarak.

    Al-Qardaawi wuxuu aad u dhaliili jiray kooxaha xagjiriinta ah, sida kooxda Daacish.

    Dalalka Baxreyn, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa Al-Qaradawi ku daray liiska ururada iyo shaqsiyaadka argagixisada ee 2017-kii ay dartood xiriirka ugu jareen Qatar. Qatar waa ay beenisay eedaymahaas.

    AP, VOA

    The post DEG DEG: Sheekh Yuusuf al-Qaradawi oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.


  13. Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda oo is-garabsanayo ayaa maanta la wareegay deegaanka Ceeymey oo dhaca degmada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan.

    Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaya gudoomiyahii hore ee degmada Buulo-Burde Feysal Haajir Aadan iyo ciidamo uu wato, iyaga oo  gudaha u galay degaanka Ceeymey oo 15 km u jira galbeedka degmada Buulo-burde.

    Deegaankan ayaa waxa uu dhow yahay degaanka Dabayoodle oo ka mid ah fariisinka kooxda Al-Shabaab.

    Ciidamada dowladda iyo xoogagga shacabka ayaa sheegay in uusan wax dagaal ah ka dhicin deegaankaas, oo ay si nabad ah kula wareegeen.

    Dhinaca kale, ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee xoreynta Koonfur Galbeed oo iskaashanaya ayaa maanta degaano ka tirsan gobolka Baay ka billaabay howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, iyaga oo degaano dhowr ah la wareegay.

    Ciidamada ayaa waxaa ay howlgallada kula wareegeen degaannada kala ah; Saydheelow, Buula-jadiid, Mataani, Uusli iyo Busley oo dhamaantood ka tirsan gobolka Baay, kuwaas oo Al-Shabaab ay dadka ku dhibateeyn jireen, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

    Sidoo kale saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howgallada ay weli sii wadaan, islamarkaana ay doonayaan inay la wareegaan deegaanka Labaatan Jirow, oo ah saldhigga ugu weyn ee Al-Shabaab ku leeyihiin gobolka Baay.

    Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sii xoogeysanaya waxaa maalinba maalinta ka dambeysa kooxdan ku furmaya furun cusub oo dagaal, taasi oo sii adkeyneysa inay is-difaacaan.

    Tan iyo markii uu billowday kacdoonka shacabka, Al-Shabaab ayaa weysay gacan ku haynta deegaano aad u badan, ayada oo kooxdan laga saaray inta badan gobolka Hiiraan. 

    The post Ciidamada DF iyo shacabka oo la wareego degaano cusub oo ka tirsan Hiiraan iyo Baay appeared first on Caasimada Online.


  14. Allah ha u naxariistee waxa hadda geeriyooday Caalimkii weynaa ee Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi, sida ay baahisay Warbaahinta Aljazeera.


    Sheekha ayaa ka mid ahaa culimadii ugu saamaynta badnayd Caalamka Islaamka isaga oo qoray kutub aad u badan. Sidoo kale wuxuu si weyn uga hadli jiray arrimaha ka taagan Dunida Islaamka.


    Sheekh ayaa geeriyooday maanta oo Isniina xilli da’diisu ahayd 96 sano.

    Source