-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wax ka ogow cunnooyinka & Cabitaannada u fiican xusuusta Marka laga fekero xusuusaha iyo cunnada waxaa kugu soo dhaceysa buuggii ahaa “Baadigoobka Waqtiga Lumay” ee uu qoray qoraaga u dhashay Faransiiska ee Marcel Proust, oo geeriyooday qarni ka hor, taariikhdu markii ay ahayd November 18, 1922. Waxyaabaha xusuustiisa carruurnimo soo kiciya waxaa ka mid ah doolsho la tiimbiyay shaah. Xusuusahaas lala xiriiriyo cunnada “waxay sameysmaan iyadoo aan wax ka beddel lagu sameyn,” sida ay BBC Travel u sheegtay Susan Krauss Whitbourne, oo cilmu-nafsiga ka dhigtay Jaamacadda Massachusetts Amherst. “Waxay ku lug leeyihiin meelaha caadiga ah, ee aan hadalka lahayn ee maskaxda taasoo u gudbi karta iska warqabkaaga,” ayay tiri. “Taasi waa sababta aad u bixin karto falcelinno qiireysan oo xooggan marka aad cunto cunno soo kicinaysa xusuusahaas qotada dheer. “Xitaa inkastoo aadan xusuusahaas erayo ahaan u beddeli karin, waad ogtahay inuu jiro ‘shey’ wax tegay ah oo ay cuntadaas soo kiciso. Xusuusta wax ka qoto dheer tahay cunnada qudheeda, waxyaabaha xiriirka la leh xusuustaas muddada dheer, sida goob amaba qof”. Balse, xiriirkan ka dhexeeya cunnada iyo xusuusta, suurtogal ma tahay inay jiraan waxyaabo gacan ka geysta? Sida uu qabo khabiirka dhanka cilmu-nafsiga Kimberley Wilson, oo shahaadada sare ka heysta cunnooyinka nafaqada leh ,waxaa jira cunnooyin iyo cabitaanno saameyn taban iyo mid togan ku yeelan karta xusuusta. Sidan ayuu u sheegay BBC Reel . “Xusuustu waa awoodda aan u leennahay dib u milicsiga waxyaabo dhowaan amaba xilli fog dhacay. Waxaan leennahay saddex nooc oo xusuus: mid deg deg ah, mid hadda shaqeyneysa, iyo mid fog. Xusuusteenna degdegga ah keliya muddo gaaban ayay jiri kartaa: waxaad u adeegsan kartaa inaad ku garaacdo nambar uu qof hadda kuu sheegay adigoon meel ku qoran. Waxaan xusuusteenna shaqeyneysa u adeegsna karnaa inaan ku fekerno annagoo ficil ku guda jirna. Howlaha sida wada sheekeysiga, waxay naga caawiyaan inaan xusuusanno waxa uu qofku hadda sheegay, fahanno micnahooda, la xiriirinno wada sheekeysi hore, kaddib la wadaagno fekerkeenna gaarka ah. Marka la eego xusuusteenna muddada fog waxaan xusuusannaa waxyaabo dhacay maalmo ama sanado kahor. Xusuusaha ku keydsan waxay u soo guuraan xusuusta dhow. Waxaana soo baxaysa in waxa aan cunno ay saameyn ku yeelan karaan sida ay xusuusteennu u shaqeyneyso. Daraasad lagu sameeyay dad waaweyn oo qaba dhibaatooyin dhanka xusuusaha ah, 500 oo milliliters oo cabitaanka canabka purple-ka ah maalintii muddo 12 toddobaad ah ayaa u suurtogeliyay inay bartaan erayo badan marka loo barbardhigo kooxda aan cabitaankaas cabin. Daraasado kale oo lagu sameeyay carruur, inay cunaan 240 garaam oo canabka blueberries ah ayaa u suurto geliyay inay xusuustaan erayo badan ayna dib u soo xusuustaan si sax ah labo saacadood kaddib. Marka, cabitaannada purple-ka ah iyo blueberries ma kuwo muhiim ah baa? Hagaag. Labaduba waxaa ka buuxa maadda anthocyanins, oo ah nooca kiimikada dhirta oo lagu magacaabo polyphenols taasoo siisa midabkooda dugulka ah. Waxyaabahan polyphenol ayaa sidoo kale laga helaa noocyada kale ee canabka. Marka ay jirka galaan, waxay sare u qaadaan dabacsanaanta xiidmaha dhiigga iyo qulqulka dhiigga ee maskaxda. Tani waxay keeneysaa nafaqo badan oo tamar leh oxygen taasoo sare u qaadeysa xusuusteenna. Keliyana maaha canabka. In muddo dheer la cabo shaaha cagaaran ayaa sidoo kale lala xiriiryay inuu sare u qaado xusuusta dhowr, tan shaqeyneysa, uuna yareeyo hoos u dhaca garaadka. Taasina waxay war wanaagsan u tahay dadka jecel shukulaatada, sidoo kale, sababtoo ah kaakaawga wuxuu wanaajiyaa qulqulka dhiigga, inkastoo la rabo inay noqoto shukulaatada madow oo ka kooban in ka badan 70% kaakaaw si loo helo faa’iidadeeda. Waxa ugu muhiimsan ayaa ah cunno caafimaad leh – oo qani ku ah furutada, khudradda, badarka buunshada leh, misirta iyo kalluunka dufanta leh. Cunnooyinka la warshadeeyay iyo kuwa la dubay Balse haddii shukulaatada, canabka, iyo shaaha cagaaran ay u fiican yihiin xusuuteenna, ma waxaa jira cunnooyin aan u fiicneyn? Tobnaan sano oo daraasado lagu sameyayay xayawaanka iyo dhowr jeer oo aadmiga lagu sameeyay waxay muujinayaan in cunnada la warshadeeyay ay saameyn taban ku yeelan karaan waxbarashada iyo xusuusta. Daraasad ayaa muujineysa 110 qof oo caafimaad qabay oo caadi ahaan cunnooyin nafaqo leh cuna in laga codsaday inay cunaan cunno la shiilay keliya hal toddobaad. Maalmo gudahood, waxay cunnooyinkaas u horseedeen dhibaatooyin dhanka waxbarashada iyo xusuusta ah iyo xakameyn xumo dhanka wax cunidda ah. Baaritaan la sameeyay ayaa inoo sheegaya in talaabbooyin yar oo loo qaado dhanka cunidda cunno nafaqo leh, sida inaad quraacda ku darsato furutao, cashadana khudrad ku dunto, ay naga caawin karto sare u qaadidda xusuusteenna maanta ayna difaac u noqon karto tan mustaqbalka. Qaran News
-
Kumuu ahaa sheekha Soomaaliya laga xusay ee hadda ka hor sabab u noqday furashada Falastiin? Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Soomaaliya ka dhacay xuska Sheekh Cabdul Qaadir Jeylaani oo ka mid ahaa culimadii Islaamka ee kusoo dadaalay faafinta Diinta, waxaana munaasabaddaas ka qeyb galay Raysul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre. Haddaba kumuu ahaa Cabdulqaadir Jeylaani? Waxa uu ka mid ahaa culimada ugu magaca dheer ee soo maray bulshada Muslimiinta ah, meelo bandanna laga qaddariyo. Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar ayaa goor sii horreysay BBC-da uga warramay taariikhda Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani. “Sheekh Cabdulqaadir Al-Jeylaani waxa uu ka mid yahay magacyada had iyo jeer taariikhda Islaamka lagu soo qaado oo mar walba la hadal-hayo, waana Sheekha aasaasay dariiqada la yiraahdo Qaadiriya oo dariiqooyinka Duruqu Suufiya la yiraahdo kuwa ugu waaweyn ka mid ah,” ayuu yiri. Waxa uu noolaa qarnigii shanaad ee taariikhda Hijriga. “Taariikhdu markii ay ahayd 470 ayuu ku dhashay gobol la yiraahdo Jiilaan oo kaabiga ku haya badda Caspian aynu maanta u naqaanno, kutubta taariikhda Islaamkana lagu yiraahdo “Baxrul Khazar”, waxa uuna geeriyooday 561 taariikhda Hijriga, oo ku beegan 1166 taariikhda miilaadiga ah,” ayuu yiri Sheekh Dalmar. Abtirka Sheekhan caanka ah waxa uu galayaa qoyska Nabi Muxammad (NNKH), waxa uuna noolaa dhowr qarni kaddib geeridii nabiga. Sheekha waxaa lagu xusuustaa rabbeynta nafta, iyo inuu dadka ka soo jiiday waxyaabaha xumaanta ah, iyadoo ay ku soo xirmeen dad badan. “Taariikh-yahannada Muslimiinta ah qaar badan baa waxay rumeysan yihiin tumashadaa la galay iyo is dhigashadaa la is dhigtay inay sabab u noqotay matalan Muslimiinta in laga qaado dhulkii barakeysnaa ee Qudus ee Falastiin oo ay qabsadeen niman Yurub ka soo jeeda,” “Markii dambe dhowr iyo siddeetan sannadood kaddib markii dib looga qabsaday, ragga ka qabsaday waa kuwii qaatay cilmiyadii, wacdiyadii iyo tarbiyaddii uu ka tegay Sheekh jeylaani, sida ay rumeysan yihiin taariikh-yahannada qaar,” ayuu yiri. Qaran News
-
Somalis are dying of hunger, but why no famine declaration?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
NAIROBI - Somalia is on the brink of its worst famine in half a century as drought intensifies and global food prices soar, leaving hundreds of thousands of people at risk of dying from starvation. Source: Hiiraan Online -
South Africa’s Supreme Court of Appeal has ordered former President Jacob Zuma to return to prison after upholding an earlier ruling that his medical parole had been unlawful. Source: Hiiraan Online
-
Kenyan President William Ruto on Monday said the East African Community (EAC) troops deployed in the Democratic Republic of Congo would ‘enforce peace’, not ‘keep’ it. Source: Hiiraan Online
-
Timothy Weah, the son of Liberia's President George Weah, scored for the US in their World Cup opener against Wales that ended in a draw. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Nov. 22 (Xinhua) -- The World Food Programme (WFP) said Monday it requires 416 million U.S. dollars for the next six months to prevent famine in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI, Kenya -- A lone gunman entered a military base in Somalia and killed at least three Kenyan peacekeepers Monday, the latest attack by extremist fighters who oppose the presence of foreigners in the Horn of Africa nation, according to Kenya's military. Source: Hiiraan Online
-
Remember the construction of a 700-kilometre concrete wall along the Kenya-Somalia border aimed at restoring peace in the region and keeping at bay the Al-Shabaab militia group? Source: Hiiraan Online
-
LAMU, Kenya, Nov. 21 (Xinhua) -- Kenyan security forces said Monday they were holding an al-Shabab suspect who had planned to stage attacks in the coastal Lamu county. Source: Hiiraan Online
-
Dowlada qatar ayaa wadankeeda ka tarxiileysa wariyah sportiga ee BBC gabadha lagu magacaabo Alex Scott kadib markii ay xeratay calamada laga mamnuucay wadanka Ayadoo ciyaar toos u tabineysa . Calamada waa mida garabka ugu xeran Magaceeda waaa OneLove. LGBT. Qaran News
-
Baghdad (Caasimada Online) – Nin hubeysan ayaa gudahau galay saldhig militari oo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose, wuxuu dilay ugu yaraan saddex askari, sida ay xaqiijiyeen militariga Kenya. Ninkan hubeysan ayaa rasaas oodda ka qaaday, wuxuuna sidoo kale dhaawacay shan askari oo kale, kahor inta aan isaga la dilin, sida uu sarkaal militari oo codsaday inaan la magacaabin u sheegay wakaaladda wararka ee AP. Weerarkan ayaa ka dhacay saldhig ay Kenyan-ka ku magacaabeen Sarira Forward oo ku yaalla Jubada Hoose, gaar ahaan meel ku dhow xuduudda Kenya. Kooxda Al-Shabaa ayaa warbaahinteeda ku sheegatay inay fulisay weerarkan, balse ma shaacin khasaaraha. “Waxaan aaminsannahay in ninka hubeysan uu muddo tijaabinayay weerar noocan oo kale ah. Waa inaan taxaddar badan muujinaa oo feejignaanaa,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan ciidamada Kenya. “Innaga oo ku dhowaaneynaa dabaal-dagyada dhammaadka sanadka, waxaan u baahannahay inaan aad uga feejignaano agagaarkeena. Khatarta argagixisanimo weli waa mid baahsan, waana in la qaadaa tallaabo kasta oo lagu xakameynayo qorshahooda.” Illaa iyo hadda ma cadda sida hal nin oo hubeysan oo Al-Shabaab ah ay ugu suurta-gashay inuu galo xero ciidan, islamarkaana ku dilo askar Kenyan ah. Waa weerarkii labaad oo laba maalin oo isku xiga ay Al-Shabaab ku qaadaan Kenyanka. Al-Shabaab ayaa sidoo kale Axaddii weerartay saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Mandheera kahor inta aan la iska cabin. The post Dagaalyahan Al-Shabaab ah oo galay saldhig ay leeyihiin ciidanka Kenya kadibna dilay… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan oo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad uu hoggaaminayo ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan ay ku soo dhaweeyeen magacaabidda xubnaha maamulka gobolka Banaadir. Odayaasha ayaa si gaar ah u amaanay xulashada madaxweynaha ee guddoomiye ku xigeennada maamulka gobolka Banaadir oo xalay la magacaabay. Ugu horeyn Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa yiri, “Laga soo bilaabo magacaabidii guddoomiye Yuusuf Madaale iyo ku xigeenadiisa oo saacadihii lasoo dhaafay lasoo dhameystiray, waan ka mahad naqeynaa magacaabidaan oo waa ragii mudnaa, intooda badan ragaan shaqada waa yaqaaniin, waxaan ka rajeynayaa in shacabka gobolkaan ay yihiin madaxdii anfici laheyd.” Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye oo ka mid ah hoggaanka odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan ayaa madaxweynaha uga mahad celiyey xulashada xubnahaan cusub. “Markaan ayuu dhameystiran yahay maamulkii aan u rabnay gobolkaan Banaadir, howl badan ayay u baahan tahay Xamar, soo dhawaada oo shaqo muuqata qabta ayaan leenahay masuuliyiinta cusub,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha Muqdisho. Sidoo kale odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta cusub ee maamulka gobolka Banaadir in dad daalan, magaalo ami darro badan wajaheysa, dadkeeda gardaro lagu dilo maalin kasta loo soo magacaabay, oo dhibaatadaan ay wax ka qabtaan, inta ay heystaan fursadaan la siiyey. Odayaashaan ayaa madaxweynaha ugu duceeyey inuu la garab galo hoggaaminta dalka oo talada wanaagsan uu Alle haleeshiiyo, “Soomaalidu madaxda waa habaartaa, islaamka kale wuxuu nooga fiican yahay madaxdooda waa u duceeyaan, xitaa hadii ay wax ka qaldamaan si Alle u toosiyo, yaan la habarine haloo duceeyo madaxda, sababtoo ah madaxweynuhu waa darawal gaari oo kale,” ayuu yiri oday kale. Hoos ka daawo The post Daawo: Odayaasha Muqdisho oo war ka soo saaray xubnaha loo magacaabay G/Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii ay shalay ka wadahadleen Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beledweyne ay kula kulmeen iyo dagaalka Al-Shabaab. Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in Madaxweynaha ay kala hadleen sidii deegaanada dhaca galbeedka gobolka Hiiraan looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab, halkaas oo beesha uu metelo Jeesow ay degto. “Dagaalkaan waxaa iclaamiyey Madaxweynaha, kulan gaar ah ayaan la yeelanay aniga waxgaradka beesha, wuxuu naga balan qaaday in wixii qaldan la sixi doono, laakiin in la xoreeyo dhulkeenna ayaa wax kasta ka horeysa,” ayuu yiri. Xildhibaanka ayaa ku hanjabay in beeshiisa ay dhawaan qaadi doonto dagaalkii ugu cuslaa adib, isagoo ugu baaqay dadka uu metelo dal iyo dibad inay is garab istaagaan oo loo diyaar garoobo dagaal la isaga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, “Meel kasta oo beesha aan metelo ay degan tahay, Hiiraan ilaa Jubbaland, maalmaha soo socda dagaal ka culus kuwii hore oo kooxda Al-Shabaab lagu laayo ayaa ka bilaaba doona, jaaliyadaha beesha waxaan ka codsanayaa inay garab istaag noo muujiyaan,” ayuu yiri. Xildhibaan Jeesow ayaa intaas ku sii daray, “Deegaanka aan kasoo jeedo ee galbeed Hiiraan waxaa laga bilaabayaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, Madaxweynaha waan kawada hadlay howlgalkaas, wixii tabasho ah waa la xalinaa, socdaalkii madaxweynaha ayaa ahaa in la dardar geliyo dagaalka, waana dhaqaaqeynaa.” Hoos ka daawo The post Daawo: Jeesow oo war ka soo saaray kulankii beeshiisa iyo madaxweyne Xasan appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa buriyay saddex xeer oo ay ansixisay dowladdii hore ee hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Xasan ayaa xeer madaxweyne ku buriyey xeerka guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka, xeerka guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo federaalka iyo xeerka hey’ada diiwaan-gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa faray xukuumadda in ay soo dhisto xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo federaalka. Wareegto ka soo baxday Villa Somalia ayaa u qornayd sidan. BURIN XEERARKA MADAXWEYNE EE KALA AH 40, 41 IYO 42, KUWAAS OO AAN WAAFAQSANAYN HABRAACA DASTUURKA KMG. Muqdisho, Nofeembar 21, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray wareegto ku saabsan waafajenti sharciga Xeerar Madaxweyne oo la soo saaray sanadkii 2020-ka, kuwaas oo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay tilmaameen in ay khilaafsan yihiin habraaca Dastuurka kmg ah uu tilmaamayo. MARKUU ARKAY: Qodobka 4aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka KMG ee J.F.S.; MARKUU ARKAY: Qodobada kala ah 71aad (b), 82aad (2), 111E, 111G iyo 112aad ee Dastuurka KMG ee J.F.S, Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Faqradiisa 1aad oo mudadda xil-haynta Guddida ku soo koobtay Lix sanadood oo aan la cusboonaysiin karaynin iyo Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka. Madaxweynaha oo tixraacaya Qodobka 87aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo ku waajibinaya ilaalinta iyo horumarinta mabaadi’da aasaasiga ah ee Dastuurka dalka ayaa buriyey Xeererka Madaxweyne ee sida Dastuurka khilaafsan u soo baxay ee kala ah; 1- Xeer Madaxweyne Lr.40 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. 2- Xeer Madaxweyne Lr.42 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka. 3- Xeer Madaxweyne Lr.41 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Hey’ada Diiwaan-Gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay soo dhisto Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga a Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka si waafaqsan Qodobka 112aad ee Dastuurka KMG iyo shuruucda lagu dhisay. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Xasan Sheekh oo buriyay xeerar la ansixiyay xiligii Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida lagu cadeeyey dikreeto ka soo baxday madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa burburiyey xeerar uu horay u saxiixay maadxweynihii ka horeeyey ee Farmaajo, kuwaas oo la tilmaamay in dastuurka dalka aysan waafaqsaneyn. Xeerarkaan oo seddax ah ayuu Farmaajo saxiixay sanadkii 2020-kii, iyadoo la baal marsiiyey ansixinta golaha Aqalka Sare ee dalka, waxaana meel mariyey golaha shacabka oo kaliya. Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Sharciga lagu dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Ansixinta Wax-ka Bedelidda Sharciga lagu dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka iyo Ansixinta Sharciga Hey’ada Diiwaan-Gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya, ayuu buriyey Xasan Sheekh. Sidoo kale xukuumadda ayaa dikreetadaan lagu faray inay soo dhisto Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka. Hoos ka akhriso dikreetada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray wareegto ku saabsan waafajinta sharciga Xeerar Madaxweyne oo la soo saaray sanadkii 2020-kii, kuwaas oo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay tilmaameen in ay khilaafsan yihiin habraaca Dastuurka KMG ah uu tilmaamayo. MARKUU ARKAY: Qodobka 4aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka KMG ee J.F.S.; MARKUU ARKAY: Qodobada kala ah 71aad (b), 82aad (2), 111E, 111G iyo 112aad ee Dastuurka KMG ee J.F.S, Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Faqradiisa 1aad oo mudadda xil-haynta Guddida ku soo koobtay Lix sanadood oo aan la cusboonaysiin karaynin iyo Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka. Madaxweynaha oo tixraacaya Qodobka 87aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo ku waajibinaya ilaalinta iyo horumarinta mabaadi’da aasaasiga ah ee Dastuurka dalka ayaa buriyey Xeererka Madaxweyne ee sida Dastuurka khilaafsan u soo baxay ee kala ah; 1- Xeer Madaxweyne Lr.40 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. 2- Xeer Madaxweyne Lr.42 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka. 3- Xeer Madaxweyne Lr.41 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Hey’ada Diiwaan-Gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay soo dhisto Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, si waafaqsan Qodobka 112aad ee Dastuurka KMG iyo shuruucda lagu dhisay. The post Madaxweyne Xasan oo burburiyey xeerar uu saxiixay madaxweyne FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Tiyaatarka Qaranka kaga qeyb-galay munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalintan qiimaha badan. Madaxweynaha ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, una soo saaraan jiilal tayo leh oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed. “Bahda waxbarashada waxaan ku biiray xilli adag oo dalka ay ka jireen duruufo qallafsan, waxaa khatar ku jiray nolashayada iyo tan ardayda, saas oo ay tahay waxaan culeysyadaas kala duwan ku ilaawi jirnay qiimaha shaqada aan qabanayno iyo rajada aan ka qabnay in ay aasaas u noqoto jiilal dadka iyo dalkaba waxtara”. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, taas oo ku saleysan baahiyaha ardayda, macalimiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in kor loo qaadayo miisaaniyadda waxbarasha dalka, si loo horumariyo nolasha Bareyaasha Soomaaliyeed. The post Xasan oo ka sheekeeyay marxaladdii uu ku billaabay… appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Tiyaatarka Qaranka kaga qeyb galay munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalintan qiimaha badan. Madaxweynaha ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, una soosaaraan jiilal tayo leh oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed. “Bahda waxbarashada waxaan ku biiray xilli adag oo dalka ay ka jireen duruufo qallafsan, waxaa khatar ku jiray nolashayada iyo tan ardayda, saas oo ay tahay waxaan culeysyadaas kala duwan ku ilaawi jirnay qiimaha shaqada aan qabanayno iyo rajada aan ka qabnay in ay aasaas u noqoto jiilal dadka iyo dalkaba waxtara”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, taas oo ku saleysan baahiyaha ardayda, macalimiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada, waxa uuna sheegay in kor loo qaadayo miisaaniyadda waxbarasha dalka, si loo horumariyo nolasha Bareyaasha Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed oo Ka qeyb-galay munaasibada xuska maalinta Macalinka Soomaaliyeed, ayaa markii u horeysay ka sheekeeyay xaaladihii ku gadaamna wasaarada markii uu yimid. Wasiir Faarax ayaa sheegay in markii uu Wasaaradda Waxbarashada yimid uu ku sigtay in uu ka cararo kadib markii uu arkay xaalado adag oo ka jiray, hase yeeshe uu go’aansaday wajihida dhibaatada taagan iyo wax ka qabashadeeda. “Markii aan tagay Wasaaaradda ee aan culeysyada fiiriyay inta ay le’eg yihiin waxaa ku sigtay in aan iskaga cararo laakiin waxaan go’aan ku gaaray aniga oo kaashanaya xukuumadeena, bahda waxbarashada qeybaheeda kala duwan iyo bulshada Soomaaliyeed in la wajaho mushkilada dhabta ah ee ina haysata. Jid aan waxbarasho aheyn oo aan dhibaatada uga bixi karno haba-yaraate inaysan jirin ayaa xaqiiqsanay,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu dadaal badan galinayo tayada waxbarashada Soomaaliyeed, taasi oo uu sheegay inay muhiimad gaar ah siineyso xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. “Aniga oo ka turjumaya barnaamijka xukuumadda Dan-Qaran waxaa hadaf ka dhiganay in culeys kasta oo Waalidka Soomaaliyeed ka saaran waxbarashada in laga qaado intii laga qaadi karo.” Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa inoo cadaatay jidka kaliya ee xaalada Waxbarashada wax looga badali karo ay tahay in Macalinka la tayeeyo, in la doono in qiimo loo yeelo. Muddo yar ayaa joogna laakiin jidkii waxaa lagu qaban lahaa ayaa inoo cad, jidkaas oo ah in Macalinka tababrkiisa xoog la saaro kadib la shaqaaleeyo oo la horumariyo, meeshaas weeyi meesha ay diirada noo saaran tahay.” Ugu dambeyntiina wuxuu uga mahad-celiyay guud ahaan bahda Waxbarashada is-xilqaamka weyn ee ay sameeyeen mudadii lasoo dhaafay, isaga oo ku bogaadiyay kaalintii ay ka qaateen gurmadka qaraxyadii lagu hoobtay ee Zoobe 2. The post Wasiir Faarax: Wasaaradda markii aan tagay waxaa ku sigtay inaan isaga cararo appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa soo dhaweeyay baaqii uu dhawaan u jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Aadan Madoobe oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa dhawaan iclaamiyey shir guud oo looga arrinsanayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, taas oo ka dhalatay muddo kororsi uu sameystay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu soo dhaweynayo baaqa Guddoomiyaha, ayada oo la xeerinayo mudnaan siinta danaha Koonfur Galbeed. “Ayada oo la tixgelinayo kacdoonka Shacabka, laguna dagaalamayo kooxda argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab oo ay hogaaminayaan ciidamada xooga dalka iyo ciidamada daraawiishta DKGS si looga ciribtiro dalka iyo dibadada,” ayaa lagu yiri qoraalka oo lagu sheegay arrimaha mudnaanta u leh maamulka. Sidoo kale waxa uu madaxweynaha aqbalay baaqaan ayada oo la xaqiijinayo guulaha dhismaha dowladnimadeena ay lagama maarmaan u tahay midnimada shacabka, sida lagu sheegay qoraalka. “Xafiiska Madaxweynaha waxaa uu soo dhaweynayaa baaqii uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku baaqay, wakhtiga shirka u furmaayo waan idinla soo wadaagi doona.” Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hore ugu baaqay dhinacyada isku hayo Koonfur Galbeed iyo bulshada rayidka ah inay kasoo qayb-galaan shirkaas oo looga arrisanayo masiirka maamulka. Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, taas oo u dhexeyso madaxtooyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, waxayna xiisaddu kasii dartay, kadib muddo kordhin labo sano ah oo loo sii sameeyey Lafta Gareen. The post LAFTA-GAREEN oo jawaab kasoo saaray BAAQII kasoo baxay Aadan Madoobe appeared first on Caasimada Online.
