-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Argentina loses to Saudi Arabia in All-Time World Cup upset
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Saudi Arabia has set the FIFA World Cup in Qatar alight with one of the biggest shocks in the history of the tournament. Source: Hiiraan Online -
Xukuumadda Oo ku kala aragti duwan Wadahadal Ay Mucaaradka lala galo, Wasiirro maalmo gudahood laba Mowqif oo kala duwan sheegay “Xukuumaddu wax wada hadal ah lama galayso mucaaradka inta ay ka noqonayaan go’aamadii ay soo saareen 13 Nov” Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tegnoolajiyadda Cabdiweli Sheekh Suufi “Xukuumaddu marnaba may awdin mana xidhin albaabadka wada hadalka. Wada hadalka ayuu dalku innoogu degayaa” Wasiirka Qorshaynta Somaliland, Axmed Buuxane Qaran News
-
Qaran News
-
Boggi Facebook ee Wasaarada Shaqo-Galinta Arimaha Bulshada iyo Qoyska waa la jabsaday, waa Boggi labaad ee 2022 Carruur Chines ahi kala wareegto Dawladda Somaliland, hore waxa loo Jabsaday Facebook Page-kii Wasaaradda Technolojiyadda iyo Isgaadhsiinta, waa masuuliyad darro weyn waxa laga qaaday Wasaaradda $3000 oo lagu dalbay (Blue Tick) iyadoo la sii maraayo dillaalin joogta dalka Kenya. Waxaan soo jeedinaynaa in Dhallinyarada baratay Aqoonta information technology ay Caawiyaan Wasaaradda, Eng Omer-sayid Hassan si Mutdawacnimo ah u caawi Qarankeenna JSL ! Waxa Qoray:- Mohamed Sidik – Dhamme Qaran News
-
Beegsiga haweenka iyo Xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday WQ. Yoonis Ahmed Yoonis “Xukummadda wakhtigeedu dhammaaday ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi waxay ku suntan tahay xadhigga, jidh dilka iyo ku tacadiga haweenka muwaadiniinta ah ee reer Somaliland, gaar ahaan kuwa fikirkooda cabira iyo kuwa Xisbiyada Mucaaradka ah taageera. Haweenka oo ah dad u nugul dhibaatooyinka xadhigga iyo tacadiyada kale ee Xukuumadda kula kacdo, ayaa waxa muddooyinkan dambe sii kordhaya tacadiyadda iyo ku tumashada xuquuqda haweenka reer Somaliland iyada oo dhawr kii bilood ee u dambeeyey haween kala duwan lagu xidhay Gobollada dalka, kuwaas oo qaarkood jidh dil loo geystay. Arrinta werwerka leh, waxa weeye in haweenkaas goob ku haboon oo lagu xidho aanay haysan, oo ay dhibaatooyinka kala kulmaan Saldhigyada ay ku xidhan yihiin, oo ah goobo aan ku haboonayn in lagu xidho. Waxaan si gaar ah uga xunahay xadhigga sharci darada ah ee Xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday kula kacday dadka dhalinyarada ah ee aad ka u da’yar ee Burco laga soo xidhay, waxaana si gaar ah u cambaaraynaa xadhigga sharci darada ah ee Inanta Nada Galow iyo weliba tacadiga iyo jidh dilka loo geystay ee ay sheegtay. Arrimahan oo dhan waxay muujinaysaa sida Xukuumadda xilligeedu dhamaaday, ay hablihii Birmagaydaha ahaa ugu tumanayso xuquuqdooda, isla markaana ay jidh dilka ugu hayso. Waxaan ku baaqaynaa in dhamaan dadka sharci darada ku xidhan ee Habluhu ku jiraan loo soo celiyo Xoriyadooda.” Qaran News
-
Amsterdam (Caasimada Online) – C/salaam Farah Cali [Abdisalam Karood] wuxuu ka mid yahay aasasayaasha ururka Kaalo Nederland; ururkaas oo door weyn ka qaata dhiiragelinta waxbarashada Gobolka Nugaal & guud ahaan Puntland. C/salaam Karood ka sokow inuu yahay isku-duwaha Kaalo, sidoo kale waa xubin firfircoon oo ka mid ah hormuudka aqoonyahanada Soomaalida ku dhaqan Nederland. “Kaalo Nederland waxaa la aasaasay 1995-tii. Maadaama xilligaasi ay meesha ka baxeen adeegyadii ay bixin jirtay Dowladdii dhexe oo ay waxbarashaduna ka mid tahay, qaar ka mid ah dadkii qurba joogta ahaa ee reer Garoowe ayaa isu-xilqaamay haddii hal iskuul-ba ha noqdee, ay wax uun sameyn karaan, sidaas ayaa loo aasaasay Kaalo” Ayuu yiri C/salaam Karood oo wareysi siiyay Somali Nederland TV, wuxuuna intaasi raaciyay in bulsho kasta ay iscaawin karto, iskuna tashan karto marka la wada eegayo danta guud, isaga oo intaasi ku daray in dadkii xilligaasi hormuudka u ahaa Kaalo ay ula muuqatay in waxbarashadu tahay tan ugu muhiimsan ee ay dhalinyaradu u baahan tahay. “Mashaariicda joogta ah intooda badan waa isku tashi ka yimaada Jaaliyadda. Haddii aan aragno mushruuc dhaxal-gal ah waxaan ku jiheynaa meesha aan isleenahay wuu ku haboon yahay” Ayuu yiri C/salaam, oo ka jawaabayay su’aal aheyd cidda ka bixisa dhaqaalaha ku baxa mashaariicda ay Kaalo fuliso, isaga oo intaasi raaciyay in habka [criteria] ay wax ku xulanayaan ay tahay sida iskuulku u soo buuxiyo shuruudaha aasaasiga ah. C/salaan wuxuu ku amaanay Kaalo in ay hirgelisay Mashruuc Koronto & Kombiyuutaro la siinayo 10 iskuul oo ka dhisan Gobolka Nugaal, isaga oo dhinaca kale tilmaamay in ay jireen mashaariic ay wada qabteen qaar ka mid ah Wasaaradaha DG Puntland. “Hadda 10 iskuul ayaa siinay kombiyuutaro & koronto 24/7 shaqeyneysa, waan sii wadi doonaa oo waxaan gaarsiin doonaa ilaa 100 iskuul” Ayuu yiri C/salaam, isaga oo intaasi ku daray in ujeedkoodu yahay in ay Gobolka Nugaal gaarsiiyaan ilaa heer ardaydu heli karaan waxbarasho bilaash ah, tayadeedu na tahay heer sare. C/salaan, wuxuu ammaanay aqoonyahanno dhalinyaro ah oo ku nool dalka Mareykanka, waqtigooda qaaliga ahna geliyay in ay casharo Online ah siiyaan ardayda dhigata iskuulaadka ay maamusho Kaalo ee ku yaan Nugaal. “Arday Soomaali ah oo Mareykanka jooga ayaa si mutadawacnimo ah casharo luqada Ingiriiska ah u siiya ardayda wax ka dhigata Iskuulaadka ay Kaalo caawiso” Ayuu yiri C/salaam. Cabdishakuur Cilmi Xasan The post Cabdisalaan Karood: Hadda 10 iskuul ayaan siinay kombiyuutaro iyo koronto appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - President Hassan Sheikh Mohamud has disbanded the National Independent Elections Commission and the Federal Boundaries Commission, claiming that the previous administration unconstitutionally established the government bodies. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta waxaa uu ku wajahan yahay gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanka Cadale, halkaas ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo ka tirsan xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo howlgallo ka wada gobolka. Wafdi hordhac ah ayaa gaaray deegaanka, sida xildhibaanno, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo qeyb ka noqonay qaabka soo dhoweynta madaxweynah Jamhuuriyadda, iyadoo lagu wado inuu kulamo la qaato saraakiisha ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka, isaga oo kala hadlayo arrimaha dho wr ah. Madaxweynaha oo muddooyinkii dambe u kuurgalayay furimaha dagaalka ciidanka ee gobollada ayaa horay u gaaray qaar ka mid ah furimaha dagaalka gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, waxaana uu ugu baaqay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka in ay laba jibaaraan howlgallada ay wadaan. Safarka madaxweynaha ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ciidanka dowladda federalka iyo kuwa deegaanka Al-shabaab ay kala wareegeen deegaanno badan oo ka tirsan gobolka, kuwaas oo hoos yimaada Balcad, Jowhar iyo sidoo kale degmada Aadan Yabaal ee gobolka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun xabsi daa’in ah ku riday Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) oo lagu helay in uu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab. Eenay Ooyow ayaa kooxda Al-Shabaab ku biiray isaga oo yar, wuxuuna kooxda argagixisada ah u qaabilsana qeybta qaraxyada, sida ay sheegtay maxkamaddu. Ciidanka dowladda ayaa 13-kii bishii June ee sanadkaan Eenay Ureyn Garaan Dooli (Ooyow) ka soo qabtay degmada Afgooye. Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan Al Shabaab uu kaga biiray deegaanka Ceel-Bashiir ee hoostagta degmada Buur-hakaba, waxaana ku qanciyay ka mid ahaanshihiisa Horjoogihiisii kooxda. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay sidii uu usoo dhamaystiri lahaa hab raaca muhiimka u ah horgaynta Maxkamadeed Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) 12-kii bishaan, ayada oo maxkamadda la wadaageen qiraalka eedeysanaha. Xukunka maxkamadda ee xabsi daa’inka kadib Abuukataha u doodayey eedeysanaha ayaa maxkamadda ka codsaday inay u fiiriso sifaha danbi fududeya maadaama uu eedeysanaha qiraal yahay. Maxkamadda ayaa fadhiya kala duwan ku xukuntay Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) Xabsi Daa’in 21-kii Bishaan, sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Cali Axmed Cali oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida. Gaashaanlaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in xukunsanaha heysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan. The post Eeney Ureyn Garaar Ooyow oo 5 bil kadib xukun lagu riday appeared first on Caasimada Online.
-
Maki Xaaji Banaadir wuxuu ku boorriyay Soomaalida London inaysan dalkooda illoobin. Sanadkii 1993 waxaan tagay bandhig faneed ay ka qeybgaleen xubno ka mid ahaa hobollada Waaberi. Khadiijo Qalanjo, Axmed Diyaar Ismaaciil, Maadeey Sheekh iyo Nimco Yaasiin Caraale ayaa ka mid ahaa fannaaniinta ka qeybgashay bandhig-faneedka. Fannaantii bandhig faneedkii 1993kii ka qeybgalay badankood hadda waa hawlgab. Ku dhowaad 30 kaddib xaflad u eg bandhig faneedkaas ayaa toddobaadkii hore London loogu qabtay Maki Xaaji Banaadir, abwaan fanka Soomaalida muddo ku soo jiray. Maki wuxuu ku kaftamay in lix qof oo Soomaaliyeed oo wada socota London ay 4 ka mid ah la ildaran yihiin “waallida dhaqanta”. Dad badan oo uu buufis ku dhacay way joogaan London laakiin tirada dadka Soomaaliyeed ay wax u dhiman yihiin (xanuunsan nafsi ahaan) way yaraatay. Joojintii jaadka (khaadka) ayaa ugu wacan in hurdo-yaradii qayilaaddu sababi jirtay ay hoos u dhacday. London waxaan imid dhammaadkii 1990kii. Waxaan xusuustaa xilli war dhowr bilood jira ku saabsan Soomaaliya uu war noo ahaa 1991-1999. Qofka ka yimaada Soomaaliya wuxuu ahaa qof warkiisu ka weyn yahay kan Laanta af Soomaaliga ee BBC oo xilligaas aan laga dhegeysan karin London. Soomaalidu xaflado badan iskuguma iman jirin sida hadda. Welwelka Soomaalida London haya wuxuu ku saabsan yahay dhaqan-gaddoonka carruurta kaga imanaya dugsiyada hoose iyo sare, halkaas oo lagu fidiyo farriimmo lid ku ah guurka (carruurta waxaa loo sheegaa in ilmuhu laba aabbe ama laba hooyo yeelan karo; in ilmuhu hadduu doono lab ama dheddig noqon karo). Ma jiro baraarug weyn oo ku saabsan dhaqan beddelista faraha ba’an ku haysa carruurta Soomaaliyeed. Welwelkani wuu ka weyn yahay walaaca waalidku ka qabo in carruurtu diiddo inay sii wadaan taageerada waalidku u diro Soomaaliya: carruurtu ma dareensana in dal iyo dad waxtar uga baahan ay jiraan. In dhasha qaangaarka ah lagu boorriyo inay yabooh u diraan ehelkooda Soomaaliya ayaa fiican. Faca aan ka mid ahay waxaa ka dambeeyay fac dowlad la’aan ku barbaaray iyo fac qurbe ku barbaaray. Iska warhayntu way yar tahay qurbaha. Maki Xaaji Banaadir wuxuu la yaabay in maalin dhan ay ku qaadatay isaga inuu degmo London ka mid ah qof ku booqdo. Maki wuxuu deggan yahay hadda South Harrow (Galbeedka London). Waa sidii i qabsan jirtay markaan London imid 1990kii. Soddon sano ka hor maanta wararka Soomaaliya waxay ku saabsanaayeen macaaluushii Koonfurta ka taagnayd. Hadda Wararka Soomaaliya waxay badankood ku saabsan yihiin dagaallo iyo abaaro. Eebbe ha ina asturo dhammaanteen. © Puntland Post, 2022 The post Maki Xaaji Banaadir iyo Kaftanka London appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliye Abshir Omar Huruse ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Cusub ee dalka Qatar. Dowladda Qatar aya Soomaaliya u soo magacaabatay Dr Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi in uu u noqdo Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhindoona. “Waxaan nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Qatar u fadhin doona dalkeena Soomaaliya, H.E. Dr Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi” ayuu yiri wasiir Abshir Cumar. Xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Qatar ayaa ahaa mid wanaagsan sannadihii la soo dhaafay oo ay xilka haysay dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. PUNTLAND POST The post Wasiirka Arimaha dibadda Soonaaliya oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka Qatar appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray wareegto ku saabsan waafajenti sharciga Xeerar Madaxweyne oo la soo saaray sanadkii 2020-ka, kuwaas oo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay tilmaameen in ay khilaafsan yihiin habraaca Dastuurka kmg ah uu tilmaamayo. MARKUU ARKAY: Qodobka 4aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka KMG ee J.F.S.; MARKUU ARKAY: Qodobada kala ah 71aad (b), 82aad (2), 111E, 111G iyo 112aad ee Dastuurka KMG ee J.F.S, Qodobka 9aa ee Sharciga Lagu Dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Faqradiisa 1aad oo mudadda xil-haynta Guddida ku soo koobtay Lix sanadood oo aan la cusboonaysiin karaynin iyo Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka. Madaxweynaha oo tixraacaya Qodobka 87aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo ku waajibinaya ilaalinta iyo horumarinta mabaadi’da aasaasiga ah ee Dastuurka dalka ayaa buriyey Xeererka Madaxweyne ee sida Dastuurka khilaafsan u soo baxay ee kala ah; 1- Xeer Madaxweyne Lr.40 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. 2- Xeer Madaxweyne Lr.42 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka. 3- Xeer Madaxweyne Lr.41 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Hey’ada Diiwaan-Gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay soo dhisto Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga a Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka si waafaqsan Qodobka 112aad ee Dastuurka KMG iyo shuruucda lagu dhisay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dil kooxo hubeysan ay degmada Dharkeenley ugu geysteen mid kamid ah musharraxiintii golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee federalka Soomaaliya. Marxuumka dilka loo geystay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Sebriye, waxaa xilligii doorasjhada uu ka mid ahaa musharraxiinta kursiga tirsigiisu yahay HOP#33 ee Hirshabeelle. Kooxdii dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta ay dilka ka geysteen, ciidanka dowladda federalka oo soo gaaray halka uu falka ka dhacay ayaa baaritaanno ka sameeyay walow aan cidna loo qaban. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Addis ababa)-Madaxda TPLF ayaa mar kale ka dhawaajiyay in ayna Ciidamadoodu hubka dhigayn illaa dammaanad buuxda oo dhinaca ammaankooda ay ka helayaan shacabka gobolka Tigray ee ay iyagu maamulaan. Afhayeenka TPLF Getachow Reda ayaa shir jaraa’id oo maalintii shalay ahayd qabtay waxa uu ku sheegay in shacabka gobolka Tigray ay u baahan yihiin cid sugta amnigooda, maadaama wali dhulka Tigray ay ku sugan yihiin Ciidammada Eritariya iyo kuwa degaanka Axmaarada, sidaasi darteedna ayna TPLF hubka laga dhigayn ilaa shacabka Tigray amnigooda laga dammaanad qaadayo, waa siduu hadalka u dhigay Afhayeenka TPLF. Hore TPLF waxa ay ka biyo diiday joogitaanka Ciidamada Eritariya iyo kuwa degaanka Axmaarada, oo ay joogitaankooda ku xidhay hub ka dhigista TPLF. Arrinka hub ka dhigista TPLF ayaa qayb ka ahaa qodobadii dhawaan heshiiska ay ku gaadheen TPLF iyo dowladda Itoobiya, waxaanad moodaa arrintaasi mid waxyeeli karta heshiiskaas maadaama TPLF ay hub ka dhigisteedii ku xidhay inay Eritariya ka baxdo dhulkeeda, dowladda Itoobiyana ayna ka wali ka hadlin joogitaanka Ciidamada Eritariya ee dhulka Tigray. Source
-
Saynisyahanka Itoobiyaanka Ah Ee Biyaha Ka Raadinaya Dayaxa
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Washington)-Injineer Berhanu Bulcha oo ah cilmi baadhe u dhashay Itoobiya isla markaana noqday muwaadin Maraykan ah, ayaa ku hawlan sidii uu u heli lahaa biyaha la tuhunsan yahay inay ku jiraan badka dayaxa. Ujeedkiisu waa in aadanaha ay hooy waara ka samaystaan dayaxa, waana taa sababta ay muhiimka u tahay in laga helo biyo ku filan dadka halkaa loo wado. Hay’adda hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee Nasa ayaa toddobaadkii la soo dhaafay dirtay dayax-gacmeed lagu magacaabo Artemis 1, si uu u billaabo sahanka ku saabsan sidii bani’aadanka uu markale u tegi lahaa dayaxa. Arrinta ah sidii dayaxa lagu gaadhsiin lahaa biyo ayaa muhiimad gaar ah leh. Dr Berhanu iyo kooxdiisa ayaa ku hawlan sidii biyo ku filan oo joogta ah looga heli lahaa dayaxa la damacsan yahay inuu hooy cusub u noqdo bani’aadanka. In biyo laga qaado dhulka oo la geeyo dayaxa ayaa lagu tilmaamay qorshe uu kharash badan ku kici doono, isla markaana aan la joogteyn karin. Source -
Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Ceyn ayaa sheegaya in maanta ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ay ku dagaalameen gobolkaasi, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac. Dagaalka ayaa ka dhacay degaanka lagu magacaabo Qararro oo ay gacanta ku heyntiisa isku hayaan maamullada dariska ah ee Somaliland iyo Puntland. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaas oo weli xiisaddiisu ay taagan tahay. Inta la xaqiijiyey waxaa iska hor imaadka dhexmaray Somaliland iyo Puntland ku dhintay ugu yaraan illaa 2 askari, halka ay ku dhaawacmay 5 kale oo labada dhinac ah. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay labada maamul ee fadhigooda yahay Hargeysa iyo Garoowe oo ku aadan dagaalka ku dhexmaray gobolka Ceyn. Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana socdo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo, ayada oo dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in uu markale dib u qarxo dagaalka. Somaliland iyo Puntland oo isku hayo deegaanno badan ayaa horey ugu dagaalamay gobollada Sool iyo Sanaag oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac. Si kastaba, labada maamul ayaa maalmihii u dambeeyey sameynayey dhaq-dhaqaaqyo xoogan, waxayna taasi keentay in Somaliland ay la wareegto degmada Boocame ee gobolka Sool, taas oo ka mid aheyd meelaha ay Puntland u qorsheysay doorashadeeda. The post Wararkii ugu dambeeyey dagaal dhexmaray Somaliland iyo Puntland + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Xiisad dagaal oo u dhexaysa Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa ka taagan degaanka Qararro oo ka tirsan Gobolka Cayn. Wararku waxay sheegayaan in iska hor imaad khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay uu dhexmaray labada dhinac. Inta la xaqiijiyay laba askari ayaa ku dhintay iska hor-imaadka halka ay ku dhaawacmeen lix askari oo kale. Sidoo kale xiisadda ayaa weli ka aloosan degaanka Qararro sida ay wararkii u danbeeyay sheegayaan. PUNTLAND POST The post Iska hor-imaad khasaare dhaliyay oo dhexmaray Puntland iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay xalay kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho. Dilka oo si gaar ah iga dhacay Waaxda Tima Cadde ee degmada Wadajir ayaa waxaa loo geystay Maxamed Xuseen Sebriye oo loo yaqaanay (Guuleyste), kaas oo ka mid ahaa siyaasiyiinta caanka ah ee ku nool magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Marxuumka ayaa sidoo kale ka mid ahaa musharixiintii u tartamay ka mid noqoshada Golaha Shacabka, gaar ahaan kursiga Hop#33 oo uu kusoo baxay Yuusuf Kabaale. Wararka ayaa sheegaya in kooxda dilka geysatay ay goobta isaga baxsatay, waxaana meydka marxuumka goor dambe goobta kasoo qaaday qaar ka mid ah ehelladiisa. Sidoo kale waxaa meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban, balse kama hadlin falkan. AUN dilka loo geystayb Maxamed Xuseen Sebriye (Guuleyste) ayaa ka mid noqonaya falal amni darro ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha caasimada. Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo dadka deegaanka. The post Siyaasi caan ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah la qaatay danjiraha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta Amb. Ahmed Jumah Alromaith. Safiirka cusub ee dalka Imaaraadka Carabta oo Guddoomiyaha salaan uga siday shacabka iyo dowladda Imaaraadka ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’antahay garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliya isla markaana lasii adkeeyo cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dowladood. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta ku boggaadiyay dadaalada iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka fulisay, isagoona danjira ku booriyay adkeynta xirirka soo jireenka ah ee Soomaaliya Iyo Imaaraadka. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka UAE appeared first on Puntland Post.
-
BAGHDAD (AP) — Auditors in Iraq have uncovered a massive scheme in which a network of businesses and officials embezzled some $2.5 billion from the country’s tax authority, despite layers of safeguards. Source: Hiiraan Online
