-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa ugu dambeyn aqbalay dalab uga yimid dowladda federaalka oo ku aadan dhimista ciidamada ATMIS ee Somalia. Golaha Midowga Afrika ayaa tixgeliyey codsiga u gudbisay dowladda Soomaaliya, kadib kulan ay yeesheen 11-kii bishaan November, kaas oo ahaa kulankoodii 1121-aad. Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa sheegay in arrintan ay usii gudubin doonaan Golaha Ammaanka (UNSC), si loo ansixiyo kordhinta dhimmista (2,000) oo askari, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS marka la gaara bisha December 2022. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dib u eegis lagu sameyn doono waqtiga howlgalka ciidamada ATMIS oo loo qorsheeyey inay dalka ka baxaan dhammaadka 2024-ka. “Waxaan xaqiijinayaa taageerada codsiga DFS ee ah in la kordhiyo ATMIS Wajiga 1-aad ee dib-u-habaynta ee dhimista 2,000 oo askari oo ATMIS ah laga bilaabo 31ka Diseembar 2022 ilaa 30ka Juunyo 2023, iyada oo dib u eegis lagu samaynayo wakhtiga hawlgalka, iyada oo dib loo xaqiijinayo ballanqaadka ah in la joogteeyo taariikhda bixitaanka 31 Diseembar 2024,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga Midowga afrika, Moussa Faki Mohamat. Dhinaca kale Midowga Afrika ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya, wuxuuna boggaadiyey guulaha laga gaaray dagaalladii u dambeeyey. Ugu dambeyn wuxuu Moussa Faki ayaa soo dhaweeyey wada shaqaynta AU/UN ee u doodista dowladaha xubnaha ka ah AU, iyada oo ujeedadu tahay in la abaabulo dhaqaalaha iyo agabka kale ee loo baahan yahay si loo taageero waajibaadka ATMIS ee Soomaaliya. Howlgalka Midowga Afrika oo Soomaaliya ka socdo in ka badan 15 sano ayaa markii hore ku howlgalayey magaca AMISOM, balse waxaa hadda loo beddalay magaca ATMIS, wuxuuna howlgalkan isna ku egyahay marka la gaaro bisha December ee sanadka 2024. The post Midowga Afrika oo aqbalay dalabkii DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal barqanimadii maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan. Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay Aaga hoteelka Sugulle ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyey ugu yaraan llaa 3 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo ah dhammaan dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi. Maleeshiyaadka diriray ayaa isku qabtay muran ka dhashay dhul ballaaran oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaa weli halkaas laga dareemayaa xiisada xoogan. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dagaalkan uu sameeyey ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa gaadiida iyo goobaha ganacsiga oo saacado kooban hakad-galay. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan israsaaseyntaas oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac intaba. Degmada Gaalkacyo oo ka kooban koonfur iyo waqooyi, islamarkaana ay ka kala taliyaan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal liddiga ku ah amniga guud, sida qaraxyo, dailal qorsheysan iyo sidoo kale iska hor imaadyo hubeysan. The post Wararkii ugu dambeeyey dagaal ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Duqeymaha cirka ee Turkiga oo qeyb ka ah duullaan cusub oo ka dhan ah dagaalyahannada Kurdiyiinta Suuriya ayaa ka dhacay meel ku dhow ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Suuriya. Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo ay hoos yimaadaan ku dhawaad 900 oo askari oo Mareykan ah oo ku sugan Suuriya, una xilsaaran ka hortagga kooxda la baxday dowladda Islaamka, ayaa markii ugu horreysay qiratay weerarkan Talaadadii, iyagoo sheegay in xilligaas aysan ku sugneyn saldhigga. Laakiin sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka ayaa sheegay goor dambe oo Arbacadii in ciidamada Mareykanka ay ku dhow yihiin meel 300 mitir u jirta saldhigga, oo ku yaalla waqooyiga magaalada Hasakah. Ilo ku dhow hoggaanka ciidamada SDF ee uu Maraykanku taageero ee Suuriya, ayaa VOA u sheegay in saldhiggan uu ka mid yahay dhismo weyn, isla markaana ciidamada Maraykanku ay ku jireen dhismo kale oo aan ka tirsanayn saldhigga laftiisa. Saraakiisha ciidamada Maraykanka ayaa ka warwareegay in ay bixyaan tafaasiil dheeri ah, balse waxay u muuqdeen inay garwaaqsan yihiin halista dhacdada bayaan ay soo saareen gelinkii dambe ee Arbacadii. The post Turkiga oo duqeeyey meel u dhow saldhigga ciidanka Mareykanka ee Suuriya appeared first on Caasimada Online.
-
Turkiga ayaa duqeeyey gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Suuriya gaar ahaan meel ku dhow goob ay sugan yihiin ciidammada Mareykanka. Duqeymahan cirka ah ayaa qeyb ka ah duullaan cusub oo ka dhan ah dagaalyahannada Kurdiyiinta Suuriya. Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo ay hoos yimaadaan ku dhawaad 900 oo askari oo Mareykan ah oo ku sugan Suuriya, una xilsaaran ka hortagga kooxda la baxday dowladda Islaamka, ayaa markii ugu horreysay qirtay weerarkan, iyagoo sheegay in xilligaas ayna ku sugneyn saldhigga. Ilo ku dhow hoggaanka ciidammada SDF ee uu Maraykanku taageero ee Suuriya, ayaa sheegay in saldhiggan uu ka mid yahay dhismo weyn, isla markaana ciidammada Maraykanku ay ku jireen dhismo kale oo aan ka tirsanayn saldhigga laftiisa. Source
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda federaalka ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mustafa Yaasiin Sheekh Maareeyaha guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Kadib soojeedinta Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda sida lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee wasaaradda. Mudane Mustafa Yaasin Sheekh oo ahaa Ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda, waxa uu ka howlgelayey Hay’adda tan iyo markii la asaasay. Mas’uulka la magacaabay ayaa ah khabiir xog’aal u ah howlaha hay’adda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda iyo siyaasaddaha Isgaarsiinta dalka. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Md. Jaamac Xasan Khaliif ayaa bogaadiyey magacaabista Maareeyaha cusub isagoo ku tilmaamay inuu yahay mas’uul kasoo bixi kara shaqada loo igmaday. Wasiirka ayaa sidoo kale kula dardaarmay in uu shaqadiisa u guto si ammaano iyo howlkarnimo leh maadaama ay hey’adda hor yaalaan shaqooyin badan oo muhiim ah. Ugu dambeyn wasiirka ayaa xusay in Hay’addu ay muhiim u tahay fulinta siyaasadaha Wasaaradda isagoo ra’iulwasaaraha ugu mahadceliyey inuu xilkaan u magacaabay shaqi u qalma. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda federaalka ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mustafa Yaasiin Sheekh Maareeyaha guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Kadib soojeedinta Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda sida lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee wasaaradda. Mudane Mustafa Yaasin Sheekh oo ahaa Ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda, waxa uu ka howlgelayey Hay’adda tan iyo markii la asaasay. Mas’uulka la magacaabay ayaa ah khabiir xog’aal u ah howlaha hay’adda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda iyo siyaasaddaha Isgaarsiinta dalka. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Md. Jaamac Xasan Khaliif ayaa bogaadiyey magacaabista Maareeyaha cusub isagoo ku tilmaamay inuu yahay mas’uul kasoo bixi kara shaqada loo igmaday. Wasiirka ayaa sidoo kale kula dardaarmay in uu shaqadiisa u guto si ammaano iyo howlkarnimo leh maadaama ay hey’adda hor yaalaan shaqooyin badan oo muhiim ah. Ugu dambeyn wasiirka ayaa xusay in Hay’addu ay muhiim u tahay fulinta siyaasadaha Wasaaradda isagoo ra’iulwasaaraha ugu mahadceliyey inuu xilkaan u magacaabay shaqi u qalma. Source: goobjoog.com
-
Iska hor imaad khasaare dhaliyay ayaa saaka oo Khamiis ah laga soo weriyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Iska hor-imaadka oo salka ku haya muran dhuleed ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland sida laga soo xigtay goob-joogayaal. Inta la xaqiijiyay laba ruux oo ka tirsan dhinacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay iska hor-imaadkaas waxaana sidoo kale jira dhaawacyo kala duwan. Xaaladda ayaa sida la sheegayo haatan deggan waxaana socda waan-waan lagu qaboojinayo xiisadda labada dhinac. PUNTLAND POST The post Iska hor-imaad khasaare dhaliyay oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen agagaarka deegaanka Sabiid oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay weerar culus ku qaadeen goob ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku taalla duleedka deegaanka Sabiid. Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku dileen illaa 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku howlanaa diyaarinta weerar ay iyaguna ku soo qaadaan fariisimaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku yaalla halkaasi Maxamed Abuukar Axmed oo ah guddoomiyaha maamulka deegaanka Sabiid ayaa dhankiisa sheegay in xubnaha la dilay ay ahaayeen kuwo si dhuumaaleysi ah ku yimid halkaasi islamarkaana howlgalka ay fuliyeen ciidamada uu u dhacay sidii loo qorsheeyay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weli uu socda howlgalka, islamarkaana ay ciidamada isku ballaariyeen tuulooyinka hoos yimaada deegaanka Sabiid oo marar badan lasoo weeraray. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Muddooyinii u dambeeyey ayaa waxaa gobollada dalka ka socday guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay qayb ka yihiin dadka deegaanka, islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab, kadib dagaallo iyo weeraro kala duwan ka dhacay gobollada dalka. The post Ciidamada DF oo weeraray goob ay AL-SHABAAB isku uruursanayeen KADIB… appeared first on Caasimada Online.
-
Cadale (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Fareey) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo booqday furimaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shababaab ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa soo saaray war cusub. Xildhibaanka oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka kula hadlay Nuur Dugle ayaa ayaa shaaca ka qaaday in waqti dhow uu guuleysan doono howlgallada ka socdo gobollada. “Caawa Nuur Dugle ayaan joognaa inaan waqti dhow gaari doonoayaan rajeynayaa inta ka dhiman Shabeelaha Dhexe, gobolka Galgaduud iyo gobolka Mudug,” ayuu yiri Farey. Yaasiin Fareey oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale xusay in dhowaan lasoo afjaro dagaalka, islamarkaana laga guuleysto kooxda Al-Shabaab. “Waxaa rajeynaa in dadaalkaas wuu socdaa meel fiican ayuuna marayaa waxay aheyd maalmo kahor xilligii aan kasoo baxaynay magaalada Muqdisho,” ayuu sii raaciyey. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay ciidamada huwanta iyo saraakiishooda inay adkeeyaan difaacooda, si ay uga hortegaan weerarada Al-Shabaab, lana sii wado dagaalka. “Waxaan ku baaqayaa in lasii adkeeyo difaaca, lana sii socdo ilaahey idamkiis,” ayuu markale yiri xildhibaan Yaasiin Farey. Halkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay hakad galeen howlgallada ka socda deegaanada HirShabelle iyo Galmudug, sababo la xiriira xeelad milatari, sida ay shaaca ka qaaday Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka hadashay howlgallada socdo. The post Daawo: Yaasiin Fareey oo war cusub ka soo saaray howlgallada ka socdo dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Boosaaso siday xaqiijinayaan xogo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku sugan magaalada Dubai ee dalka UAE ayaa lagu wadaa in uu ka dego Boosaaso. Xasan Sheekh iyo Siciid Deni ayaa magaalada Boosaaso ka daah-furaya mashruuc lagu ballaarinayo garoonka diyaaradaha Boosaaso sida ay wararku sheegayaan. Sidoo kale waxaa la filayaa in ay booqdaan xarunta Ciidamada PMPF halkaas oo tababar looga furayo Ciidamo heer Federaal ah. PUNTLAND POST The post Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo ku wajahan Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
More than 40 million children missed getting vaccinated against measles last year, prompting a significant setback in global efforts to eradicate the highly contagious disease worldwide, the World Health Organization and the U.S. Centers for Disease Control and Prevention said in a joint report Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Anwar Ibrahim oo 75 jir ah ayaa noqday Ra’iisul wasaaraha Dalka Malaysia, taa oo maanta soo afjartay dadaal qaatay 24 sanno oo u Anwar ku doonayay inuu tago xafiiska uu maanta u magacaabay boqorka Malaysia. Doorashadii Sabtidii, ma jirin xisbi helay aqlabiyada Baarlamaanka ee lagu soo dhisi karo xukuumad, balse xisbiga Anwar oo ahaa midka heystay codadka ugu badan ayaa boqorka Malaysia u magacaabay Ra’iisul wasaaraha , isagoo la dhaarin doono labo saac kaddib 5-ta galabnimo saacada maxalliga ah ee Malaysia. Ra’iisul wasaaraha cusub wuxuu maraya tijaabooyin adag oo ay ugu horreyso hoos u dhaca dhaqaalaha iyo in la ansixiyo miisaaniyadda Dawladda oo ka hor doorashada Baarlamaanka la geeyay. Balse dad badan ayaa aaminsan xilligan Anwar inuu ahaa waqtiga ugu habboon , iyadoo la eegayo sida uu ficil ugu bedeli karo qorshihiisa horumarinta ee muddada dheer Malaysinka ay ka akhrinayeen buuggiisa. Ma ahayn wax fudud guusha uu gaaray Anwar oo Ra’iisul wasaare ku -xigeen soo noqday ka hor inta aan xabsiga la dhigin,waxaa lagu sheega inuu xambaarsan yahay aragtida ah maalgashiga ajanabiga oo la fududeeyo, waa akhwaanal muslimiin xiriir adag oo saaxibtinimo la leh Madaxweynaha Turkiga, Erdogan. PUNTLAND POST The post Anwar Ibrahim oo noqday Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia appeared first on Puntland Post.
-
Musse continues to receive medical treatment, but her condition is improving. Source: Hiiraan Online
-
Somali government on Wednesday announced that the country’s National Intelligence and Security Agency (NISA) backed by Somalia’s international partners have conducted an operation against the al-Qaeda-affiliated terrorist group al-Shabaab, killing more than 49 terrorists. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa laga soo sheegaya xadka kala qaybiya Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, xilli goboladaasi ay in muddo ahba ka socdeen hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab. Ciidanka Xoogga Dalka, oo garabsanaya kuwa deegaanka, ayaa la soo sheegaya in ay wadaan abaabul ay kaga gaashamanayaan suurtagalnimada weeraro xilligan kaga yimaada maleeshiyadaasi. Tani ayaa ka dambeysay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maleeshiyaad badan oo kuwa Shabaabka ah ay soo buuxdhaafiyeen aagga xuduudda. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay sidoo kale maalmihii ugu dambeysay maleeshiyaad fara-badan ka keenayn gobollada dalka qaarkood, si ay ugu xoojiyaan qorshaha ay ku doonayaan inay ku difaacdaan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegaya inay ka feejigan yihiin isku day kasta oo Shabaabku damacsan yihiin inay ugu weydaartaan dhulkii horaan laga saaray. Shabaabka ayaa Talaadadii weeraray fariisimaha ciidamadu ku leeyihiin meel ku dhow deegaanka Ceeldheer Buraale oo ku dhow xadka labada gobol. Ciidamada ayaana la sheegay inay dib isaga caabiyeen weerarkaasi. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu u diyaarsan yihiin inay ka hortaggaan Shabaabka oo la sheegayo in ay damacsan yihiin inay isaga tallaabaan jidka jayga ee xiriiriya Degmada Ceeldheer iyo deegaanka Ceelbaraf, oo ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe, waana waddo kale oo saddexda gobolba isku xirto. Gudoomiyaha Degmada Maxaas, Muumin Maxamed Xalane ayaa mar sii horreysay waxa uu hawlgalka waddada saddex xagalka uu ku qeexay “Hawlgalku hawlgal iska socdo ma ahan ee waa hawlgal qorsheysan oo dhan kastaba lagu xisaabtamaya weeye.” Shabaabka ayaa u muuqdo kuwa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii ay u fashilin lahaayeen duulaanka la hadalhayo in uu ku wajahan yahay Degmada Aadan Yabaal, oo ay ku leeyihiin saldhigooda ugu weyn ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii dadka reer Hirshabelle ugu baaqay inay ka guul gaaraan dagaalkan ay dhulkooda kaga xoreynayaan halka cadow ay maanta ummadda Soomaaliyeed leedahay. The post Xog: Dhaq-dhaqaaq xoog leh oo ka socda xadka kala qaybiya Hiiraan iyo Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
