Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,457
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Minneapolis (Caasimada Online) – Mid ka mid ah raggii sida weyn ugu ololeynayey guriga la sheegay in loo dhisayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu xiray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. 

    Khadar Jigre Adan ayaa ka mid ah 48 qof oo Waaxda Cadaaladda Mareykanka ay ku dhowaaqday dacwado ka dhan ah, ayada oo lagu eedeeyey inay ku lug yeesheen xatooyadii ugu weyneyd Mareykanka ee lagu sameeyey lacago looga talo-galay gargaarka COVID-19. 

    Khadar iyo 47-ka qof ayaa loo haystaa kaalinta ay ku lahaayeen $250 milyan oo laga xaday barnaamij ay dowladda federaalka Mareykanka ugu talo-gashay nafaqeynta caruurta. 

    Sida ku cad website-ka Waaxda Cadaaladda Mareykanka, Khadar Jigre Adan, oo ah 59 jir degan magaalada Lakeville ee gobolka Minnesota, ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan khiyaano lacag, wax isdaba marin iyo been xalaaleyn lacag.

    Khadar ayaa ahaa maamulaha Lake Street Kitchen, oo ahayd goob qeyb ka ah barnaamijka la tuhunsan yahay in lacagaha lagu lunsaday, goobtaas oo ku taalla xarunta Jigjiga Business Center ee Minneapolis. 

    Waxa uu sidoo kale ka mid ah yahay kaliya 7 qof, oo ka mid ah 48-ka oo la xiray illaa hadda. 

    Bishii June 5, 2022, Khadar Adan waxa uu boggiisa facebook soo dhigay qoraal uu si weyn ugu ammaanayo madaxweyne Farmaajo, kuna shaaciyey inuu diray $1,000 oo u uku tabarucay guriga la sheegay in loo dhisayo. 

    Qoraalkaas ayuu ku yiri “Madaxweynihii hore ee Somalia mudane Mohamed Abdilahi Farmaajo shakhsiyan ima yaqaano laakiin anigaa aqaana, waxaana ku aqaanaa in uu yahay Mohamed Al Amiin iyo xabiibul malaayiin kor u qaaday sharaftiii ay Somalia ku lahayd caalamaka, islamarkaana xafiday amaanadii uu u hayay shacabka Soomaaliyeed. Waxaa galbta Allah SWT noo suura gelyay in aan u diro gurigii loo dhisayay madaxweyne Farmaajo lacag tabarucaad ah oo cadadkeedu yahay $1000 (kun doolar) waxaana leeyahay mahadsanid madaxweyne.”

    Screen-Shot-2022-09-22-at-9.35.56-AM.pngKhadar wuxuu hadda ku eedeysan yahay inuu kaalin ku lahaa lacag $250 milyan ah oo laga lunsaday dowladda Mareykanka, wuxuuna ku jiraa xabsi.

    Hoos ka eeg warqaddii uu lacagta ugu diray Farmaajo oo lagu hagaajiyey agaasimihii hore ee warfaafinta Villa Somalia Cabdirashiid Maxamed Xaashi.
    286229049_5128951280523752_9110477073809

    The post Nin horey lacag ugu bixiyey ‘dhismaha guriga’ Farmaajo oo lagu xiray Mareykanka appeared first on Caasimada Online.


  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo shalay khudbad u jeediyey Golaha Guud ee QM, ayaa ka haday dhibaatada ururrada argagaxisada sida Al-Shabaab iyo Daacish oo uu sheegay in dawladdiisu ay la dagaalamayso.

    Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo salka ku haya in dalka laga xoreeyo argagixisada Al-Shabaab, iyadoo ay iskaashanayaan shacabka iyo ciidamada xoogga dalka, waxa uuna la wadaagay madaxda adduunka dhibaatada iyo xasuuqa argagixisadu ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee birmo-geydada ah. 

    “Iyadoo maanta dalkayaga ay ka jirto xaalad bini’aadannimo oo adag, haddana kooxdan oo si been abuur ah u sheegtay in ay yihiin islaamiyiin waxa ay qarxiyeen ceelal biyood reer guuraagu ku tiirsanaayeen, waxa ayna gubeen gaadiid raashiin u siday, iyagoo halkaas ku dilay dad aan waxba galabsan oo markii horeba la daalaa dhacayay sidii ay u noolaan lahaayeen,” ayuu yiri Xasan Sheekh.  

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey dareenka iyo baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ku wajahan in ay iska dulqaadaan cadowga caadeystay daadinta dhiiggooda, isagoo tilmaamay sida ay muhiimka u tahay in dagaalkan lagu garab istaago dowladda Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka, shacabka Soomaaliyeedna ay u helaan xuquuqdooda aas-aasiga ah ee adeegyada dowladda iyo nolal wanaagsan. 

    “Shacabka Soomaaliyeed waxa ay bilaabeen in ay kacaan si ay u taageeraan baaqa dowladooda ee ah in ay naftooda iyo dalkooda ka difaacaan dhagarta argagixsada. Maalmahan iyo bishii horeba, waxaan ka xoreynay argagixisada magaalooyin iyo tuulooyin ay ku dhibaataynayeen dadkayaga, iyadoo howlgalladaas ay isgarab sanayeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaannada, taas oo horseedday guulo waaweyn,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

    Waxa uu madaxweynuhu ku celiyey istiraatiijiyadiisa ah inaan kooxahaas looga guulaysan karin in lagu hayo meel gaar ah, lana wiiqo, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in laga guulaysto.

    Waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in dadaalka bulshada oo lasii xoojiyo in dawladda Soomaaliya ay ka tirtiri doonto argagixisada Soomaaliya.

    Waxa uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii waddo wadashaqaynta dhinacyada ay iskaashiga leeyihiin si loola dagaalamo argagixisada, waxaase uu sheegay inay Soomalaiya ka go’an tahay inay hawsha inteeda culus iyadu qabtaan.

    The post Xasan oo faah-faahiyey kacdoonka shacabka iyo qorshaha dagaal ee DF appeared first on Caasimada Online.


  3. Somaliland sharcigii baa yaabay!

    sl-1.jpg

    13/11/2022, wakhtigii Doorashada Madaxtooyadu ahayd In ay qabsoomo, mana dhacayso doorashadaasi.
    12/12/2022, waa wakhtiga ay ku eegtahay muddo xilkeedka Guurtida ee wakhtigii ay kordhisteen dhamaanayo.
    26/12/2022 Waa wakhtiga uu dhacayo Liisanka Saddexda Xisbi
    10/02/2023 Waxa dhacay ruqsada ku meel gaadhka ah ee Urur-siyaasadda ee is diiwaan geliyey.
    Dhamaantood, doorashooyinkaas mid ku dhacaysa wakhtigeeda ka jirto.
    Waa sharci darrooyin la wada leeyahay, oo u baahan xal wada jir ah in lagaga baxo

    Saleebaan Xaashi

    Qaran News


  4. “Taalada khayriyada Hargeysa, Deyr laga dhisaayo Masjidka Qiblataynka Saylac, dhiraynta Madaxtooyada Ceerigaabo, dub u habaynta gurigii lagaga dhawaaqay Somaliland, Madaxtooyada cusub ee Laas-caanood, Madxafka Hargeysa laga dhisaayo, jidka wadnaha Hargeysa waddada afarta haad ah. mashaariicdaa waxa gacanta ku haya Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland, waa dhaqan ku cusub Dawladnimada in Madaxtooyadu mashaariicda qaadato oo aanay fulin ha’aydii shaqada lahaa!.”
    W/Q:Maxamed Siddiiq Dhamme.
    May be an image of 2 people

     

    Qaran News


  5. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wafdi ay hoggaaminayaan Xidhibaan Yuusuf Geelle Ugaas iyo Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusomareeb kadib markii iyaga iyo ciidan la socday oo ka ambabaxeen magaalada Muqdisho.

    Xildhibaanada yo waftiga gaaray Dhuusamareeb ayaa u jeedka safarkooda lagu sheegay dardargelinta abaabulka ay ciidanka dowladda iyo dadka deegaanku ay ka wadaan gobolka Galgaduud, iyaga oo ku wajahan deeganada Ceelbuur, Ceel-garas iyo Ceel-lahelay oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

    Ciidamada dowladda iyo dadka deegaannada oo iskood isku abaabulay ayaa waxaa ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan bariga gobolka Galgaduud, kaas oo ay hoggaaminayaan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana iyaguna u jeedkoodu yahay gaaritaanka degamada Xaradheere iyo deegaannada hoos taga.

    Xildhibaannada gaaray Dhuusamareeb ayaa waxaa ay ku biirayaan xildhibaanno iyo wasiirro kale oo horey u gaaray gobolka, kuwaas oo Galmudug iyo deegaannada ku matala baarlamanka, waxaana gobolka horey ugu sugnaa wasiir ku-xigeenka warfaafinta federaalka Cabdiraxmaan Al-Cadaala iyo xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye.

    Gudoomiyaha degmada Ceel Buur, Gashaanle-dhexe Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay idaacada VOA ayaa sheegay in dagaal-yahaanada Al-Shabab aysan hayn awood ay uga hortagaan ciidamada, ayna cagta marin doonaan.

    “Nimankaan waa koox yar oo guurguurta weeyi, kuwii Baxda shalay joogay oo kasoo cararay ayaa halkaa ku arkeysa. Meel kasta waa looga imanaya Ceelbuur, indhaha ku arki doonta iyada oo aan cidba laga arkin,” ayuu yiri.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay la carareen xarun warbaahineed oo ay ku lahaayeen Ceelbuur, kadib markii ay ka war heleen qorshaha howl-galka ay ku beegsanayaan ciidamada dowladda.

    “Waa ka daba tagi doona oo meel kasta ay taagan yihiin wa ugu tagi doona. Uma kala hareyno deegaanada ay ka haystaan HirShabelle iyo Galmudug himika ciidamada garabka ayey isku hayaan oo diyaar ayaa nahay.”

    308014100_827738515027141_58634437586815 307960631_827738525027140_63871255880955 308420594_827738378360488_47650643478927 307199222_827738458360480_49790427443958 308204794_827738448360481_84701702817159

    The post Sawirro: Xildhibaano gaaray Dhuusomareeb iyo dagaal ku wajahan saddex deegaan appeared first on Caasimada Online.


  6. PhotoCollage_20220917_223800532-1440x108

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa marar kala duwan mas’uuliyiin xilalka uga qaaday eedo musuqmaasuq, hase ahaatee waxaa la dhihi karaa waa kuwo dambi la’aan ah sida uu qabo sharciga caalamiga ah iyo kan Puntland, maadaama aysan jirin dacwad lagu soo oogay iyo dambi maxkamad ku heshay.

    Shaqsiyaadkaas waxaa ka mid ah guddoomiyihii hore ee degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre), guddoomiyihii hore ee degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, guddoomiyihii hore ee degmada Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali (Xaaji Sayn) iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri).

    Qaabka loo maray xilka qaadistooda

    December 26, 2020: Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa qoraal uu soo saaray shaqada kaga joojiyay duqii Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali (Xaaji Sayn), waxaana Hanti-dhawrka Guud ee Puntland uu baaritaan ka bilaabay degmadaas.

    January 12, 2021: Madaxweyne Deni ayaa xeer Madaxweyne ku kala diray Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo, wuxuuna cuskaday warbixin uu Hanti-dhawrku ka soo saaray degmadaas.

    March 9, 2021: Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, wuxuuna faray Hanti-dhawrka in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta degmadda Boosaaso.

    March 11, 2021: Madaxweyne Deni ayaa xeer Madaxweyne ku kala diray Golaha Deegaanka degmada Boosaaso, wuxuuna cuskaday warbixin uu Hanti-dhowrku ka soo saaray degmadaas.

    August 24, 2021: Hanti-dhawrka Guud ee Puntland, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu shaqada ka joojiyay Agaasimaha wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri). Hanti-dhawrka wuxuu warqaddiisa ku sheegay in uu baaris ku wado Wasaaradda Waxbarashada Puntland, islamarkaana natiijada hordhaca ah ay muujinayso in ay jirto lunsasho hanti dadweyne.

    March 30, 2022: Madaxweyne Deni ayaa xilkii ka qaaday Agaasime Farmayeeri, wuxuuna ku baddelay Maxamed Cali Nuur (Jubba).

    September 15, 2022: Madaxweyne Deni, ayaa xeer Madaxweyne ku kala diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe, wuxuuna cuskaday warbixin ka soo baxday Hantidhawrka Guud ee Puntland.

    Sharciga oo la baalmaray

    Sida sharciga ah, Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Puntland waxa uu baaritaan walba oo ka soo baxo fal-dambiyeed u gudbiyaa xafiiska xeer ilaalinta. Xeer ilaalintuna waxay adood u leedahay in ay soo eedeyso qofkaas, haddii uu xasaanad leeyahayna ka dalbato cidda ay qusayso in laga hakiyo, intaas wixii ka dambeeya maxkamad ayaa awood u leh in ay shaqsigaas bariyeesho ama dambi ku hesho.

    Taasi waxay ku tusaysaa in mas’uuliyiinta lala xiriiriyay eedaha musuqmaasuqa ee hadana aan sharciga la marin lagu xadgudbay oo la dhaawacay sharaftooda shaqsiyadeed, ilaa iyo haddana ay yihiin dhibanayaal.

    Mas’uuliyiinta Hanti-dhowrka Puntland ayaa lagu eedeeyaa in ay yihiin kuwo aan si madax bannaan u gudan waajibaadkooda dastuuriga ah, isla-markaasna madaxtooyadu farta ugu fiiqdo hadba cidda ay rabto, halka iyaguna ku doodaan miisaaniyad yari haysata awgeed ay saameyso gudashada shaqadooda.

    PUNTLAND POST

    The post Puntland: Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday ee la magac dilay appeared first on Puntland Post.


  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli si xawli ah u socda howl-gal militari oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo shacab is-abaabulay ay kaga soo horjeedaan ururka Al-Shabaab.

    Howl-galada ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa inta badan gobolka Hiiraan looga xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab oo laga saaray deegaano ay 13 sano ku sugnaayeen, ayada oo markii u horeysay ay ciidamada dowladda isku fureen jidka isku xira Buula-Burte iyo Beledweyne.

    Sidoo kale waxa uu haatana dhaq-dhaqaaq militari oo xoogan laga soo sheegaya gobolka Galguduud oo ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay duulaan ku yihiin magaalada Ceel Buur.

    Gudoomiyaha degmada Ceel Buur, Gashaanle-dhexe Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay idaacada VOA ayaa sheegay in dagaal-yahaanada Al-Shabab aysan hayn awood ay uga hortagaan ciidamada, ayna cagta marin doonaan.

    “Nimankaan waa koox yar oo guurguurta weeyi, kuwii Baxda shalay joogay oo kasoo cararay ayaa halkaa ku arkeysa. Meel kasta waa looga imanaya Ceelbuur, indhaha ku arki doonta iyada oo aan cidba laga arkin,” ayuu yiri.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay la carareen xarun warbaahineed oo ay ku lahaayeen Ceelbuur, kadib markii ay ka war heleen qorshaha howl-galka ay ku beegsanayaan ciidamada dowladda.

    “Waa ka daba tagi doona oo meel kasta ay taagan yihiin wa ugu tagi doona. Uma kala hareyno deegaanada ay ka haystaan HirShabelle iyo Galmudug himika ciidamada garabka ayey isku hayaan oo diyaar ayaa nahay.”

    Howl-galkaan ayaa imanaya xili ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanada oo is-garabsanaya ay dardar xoogan ku wadeen dagaalka ka socda gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo kooxda looga saarayay inta badan deegaanadii ay ka talin jireen ee gobolka.

    The post Ciidamo isku diyaarinaya inay duulaan ku qaadaan Ceelbuur appeared first on Caasimada Online.


  8. New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud ayaa goor dhowayd khudbad ka jeediyey shirkaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uga socda magaalada New York.

    Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa billaabay wax yar ka hor 7-dii fiidnimo xilliga Muqdishu, waxaana uu kaga hadlay caqabadaha haysta guud ahaan dunida sida isbeddelka cimilada, Covid-19 iyo argagixisada.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay shirka 77-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay in caqabadaha dunida haysta ay isku xiran yihiin, ayna u baahan yihiin isbeddello waaweyn oo dunidu si wadajir ah ugu dhaqaaqdo iyada oo iskaashanaysa, si ay isbeddeladaasi u waaraan, waxna looga qabto isbeddelka cimilada dunida iyo caqabadaha dhaqan-dhaqaale.

    Waxa uu sheegay madaxeynaha in fursadda la haystaa ay kooban tahay, waxaana uu sheegi in ficilka ay dunidu si wadajir ah ula timaado inuu tusaale u noqonayo sida xal loogu helo. Waxa uu sheegay in guuldarro aysan ahayn mid meesha ku jirta.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in cudurka Covid-19 ee dunida uu beddelay sida ay dunidu u nooshahay weligeed, waxaana uu muujiyey, ayuu yiri, sida aysan dunidu ugu diyaarsanayn qalalaase baaxaddaas leh. Waxaa kale oo qalalaasaha Covid-19 uu muujiyey, ayuu yiri, sida aysan dunidu u sinnayn marka ay noqoto ka jawaabista Covid-19.

    Waxa uu sheegay in halka dunida horey u martay ay tallaalkii nafta badbaadinayey ay dadkooda horey ka siiyeen si aan sinnayna loo qaybiyey in waddamada Soomaaliya ka mid tahay ay sugeen hadba ciddii wax siisa.

    Waxa uu sheegay inay Soomaaliya mahad uga hayso beesha caalamka iyo isbahaysiga caalamiga ah tallaalkii ay heshay. Waxaase uu sheegay inu rajaynayo inaysan sidaasi oo kale dhici doonin marka ay timaado wax ka qabashada qalalaasaha cuntada dunida.

    Waxa uu sheegay in dunidu u baahantahay inay si wadajir ah u shaqayso ee aysan ahayn in dib loo gurto oo keli-keli loo waajaho dhibaatooyinka, loona khafiifiyo khataraha, lana maalgashado barnaamijyo u adkaysan kara isbeddelka cimilada, gaar ahana waddamada ka hooseeya saxaaraha.

    Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay waajahayso abaar iyo macluul. Waxa uu sheegay in dawladdiisu ugu baaqday ganacsatada Soomaaliyeed iyo qurbajoogta inay la shaqeeyan dawladda si looga hortago macluuul laga yaabo inay dhacdo. Waxa uu sheegay inuu ugu baaqayo dawladaha iyo ururrada baha-wadaagta la ah Soomaaliya inay u dheg raariciyaan baaqa dawladda ee ah in gargaar lala soo gaaro.

    Waxa uu sheegay madaxweynuhu in dawladda Soomaaliya ay dhistay wasaaaradda bii’ada si ay wax uga qabato xaaladda degaanka ee sii adkaanaysa oo ay sii xumeeyeen daadadka iyo abaaaha.

    Waxa uu shegay in loo baahan yahay in isbeddelka cimilada si dhab ah loo qaato, waxa uu sheegay in isbeddelka cimiladu yahay wax jira, waxaana uu sheegay in Soomaaliya iyo waddan gaar ah uusan horumaraynin haddii aan si wadajir ah loo wajahin caqabadaha.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka haday dhibaatada ururrada argagaxisada sida Al-Shabaab iyo Daacish oo uu sheegay in dawladdiisu ay la dagaalamayso.

    Waxa uu sheegay in khatarta ka imanaysa ururradaas ay sii xumaynayso xaaladda cuntada iyo barakaca. Waxa uu sheegay in argagxisadu aysan diin lahayn, aysan qiime u haynin nolosha aadanaha, ayna argagixiyaan dad aan waxba galabsan. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah loogu wada istaago.

    Waxa uu madaxweynuhu ku celiyey istiraatiijiyadiisa ah inaan kooxahaas looga guulaysan karin in lagu hayo meel gaar ah, lana wiiqo, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in laga guulaysto.

    Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay burburiyeen ceelashii, islamarkaana ay dileen dad rayid ah, taasina ay keentay inay dawladda Soomaaliya, iyo maamul goboleedyada oo dadka degaanka taageero ka helaya ay ka jawaabaan.

    Waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay billaabeen inay si iskood ah u kacaan iyaga oo taageeraya dadaalka dawladda ee ah in kooxahan laga guulaysto.

    Waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in dadaalka bulshada oo lasii xoojiyo in dawladda Soomaaliya ay ka tirtiri doonto argagixisada Soomaaliya.

    Waxa uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii waddo wadashaqaynta dhinacyada ay iskaashiga leeyihiin si loola dagaalamo argagixisada, waxaase uu sheegay inay Soomalaiya ka go’an tahay inay hawsha inteeda culus iyadu qabtaan.

    VOA

    The post Nuxurka khudbaddii Xasan Sheekh ee shirweynaha QM appeared first on Caasimada Online.


  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha ayaa deeq-bixiyaasha caalamka markale ku booriyay inay deg deg uga jawaabaan gurmadka abaaraha Soomaaliya ee ku sii socda heerka macluusha.

    Cabdiraxmaan oo ka qeyb-galay shir looga hadlayey ka jawaabista abaaraha Geeska Afrika ayaa waxa uu dalbaday in Soomaaliya lagu gacan siiyo sidii ay khayraadkeeda uga faa’iidaysan lahayd, taasi oo xal u ah soo noqnoqadka abaaraha.

    Shirkaan uu qeybta ka ahaa Ergeyga ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyey dowladda Talyaaniga, Maraykanka, Ingiriiska, Qatar iyo Qaramada Midoobay, iyadoo ay ka soo qayb-galeen in ka badan 30 dawladood, Ururka Islaamka, Jaamcadda Carabta, Midowga Afrika iyo hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo Gargaarka Caalamiga ah.

    Saameynta ka dhalatay Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa sabab u noqotay in kumanaan Caruur ah lasoo daristo Nafaqo darro, taasi oo ka dhalatay xaaladda abaaraha ka jira dalka.

    Ergeyga ayaa ugu dambeyntiina u mahad-celiyey dawladihii deeqda ku yaboohay, gaar ahaan dawladda Maraykanka oo ku deeqday $151 Malyan oo deeq hor leh ah.

    Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka lacagtan cusub ayaa waxay dheeri ku tahay $476 milyan oo gargaar bini’aadaninimo ah oo Mareykanka uu ku dhowaaqay bishii Luulyo, taas oo ka dhigaysa tabarucaadka dawladda Maraykanka in ka badan $870 milyan oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed – waana in ka badan kala bar dhammaan deeqaha bani’aadannimada ee Soomaaliya la siiyey 2022.

    Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay saadaasha hay’adaha QM ee ah in Soomaaliya ay macluul ka dhici karto bilaha October illaa December.

    “Ku dhawaaqista maanta ayaa u ogolaan doonta hay’adda USAID ee wada shaqaynta la leh Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) in ay bixiso laba bilood iyo bar dheeraad ah oo gargaar cunto ah oo la siinayo 3.6 milyan oo qof ah,” ayey tiri USAID.

    The post DF oo baaq deg deg ah u dirtay beesha caalamka appeared first on Caasimada Online.


  10. Madaxweynaha dowlada goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada oo diirada lagu saarayay arimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
    Ugu horayn Madaxweynaha ayaa golaha la wadaagay waxyaabahii kasoo baxay shirkii madasha wadatashiga ee Magaalada Muqdisho dhawaan kusoo gaba gaboobay oo qodobada kasoo baxay ay kamid ahayd dardar galinta dagaalada Al-shabaab.
    Golaha ayaa falanqayn dheer ka yeeshay abaabulka bulshada iyo dowlada ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab sidii loo dardar galin lahaa iyadoo la kaashanayo bulshada, Waxaana la dhisay guddiyada ka shaqayn lahaa howshaas oo kala ah.
    1. Guddiga Hogaaminta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Al-shabaab iyo  Horumarinta Amniga deegaannada kale duwan Jubbaland.
    2. Guddiga Taakuleynta & Gurmadka ee Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Al-shbaab & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.
    3. Guddiga Abaabulka & Wacyigalinta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Al-shabaab& Horumarinta Amniga Deegaanada Jubbaland.
    Guddiyadan waxaa ay ka kooban yihiin laamaha kala duwan ee Dowlada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaas oo sida ugu dhakhsiyaha badan u howlgalaya.
    Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo deegaanno dhaca dowlad goboleedyada kale ay ka jiraan howlgallo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka, kaas oo looga soo horjeedo Al-shabaab, kadib isabaabul iskood ah.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  11. Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda federaalka iyo Al-shabaab ayaa ka socda deegaannada Sino-dhaqo iyo Labidulle oo dhanka koonfur ka xiga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

    Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay weerarka soo qaadeen, ilaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

    Deegaannada Sino-dhaqo iyo Labidulle oo aad ugu dhow dhow caasimadda waxaa maalmo ka hor Al-shabaab kala wareegay ciidamada dowladda federaalka.

    PUNTLAND POST

    The post Dagaal ka socda meel u dhow Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.


  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayay sanad guurada 25-aad ee aasaaska Jaamacadda Muqdisho, ayaa sheegay muhiimada ay cilmiga, waxbarashada iyo hey’adaha waxbarashadu u leeyihiin xasiloonida amniga iyo horumarinta bulshada.

    Xamza ayaa xusay in wax badan laga soo qabtay dowlad dhiska oo xiligaan la joogo meel wanaagsan, hase yeeshee wali ay taagan yihiin caqabado ay kamid yihiin fikradaha xag-jirka ah.

    Waxa uu sheegay in lagama maarmaan tahay in aqoon-yahanada, jaamcadaha iyo hey’adaha kale ee waxbarashadu inay qaataan doorkooda ku aaddan la dagaalanka fikirka xag-jirka ah iyo dadaallada dib-u-xorreynta ee ay iska kaashanayaan shacabka iyo dowladda.

    “Cilmigeennu waa inuu amniga iyo gaajada naga xalliyaa, horumarinta dhaqaalaha uu qeyb ka qaataa, dhamaan caqabadaha bulsho ee na heysta xalkoodu waa inuu cilmiga ka yimaadaa,” ayuu yiri.

    Sidoo kale waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan u baahannahay cilmi baaris ay dad Soomaaliyeed sameeyeen si ay u soo baxaan natiijooyin xal loogu helayo dhibaatada ummadda Soomaaliyeed heysta.”

    Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa imanaya xili ay isla maanta Golaha Wasiirada ay ansixiyeen istaraatiijiyadda guusha ee dabar-goynta argagixisada, si loo mideeyo cududda shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad, dowladda federaalka, dowlad goboleedyada, iyo saaxiibada Soomaaliya.

    The post Dowladda oo ballaarineysa kacdoonka iyo Xamza oo ku baaqay inay kusoo biiraan… appeared first on Caasimada Online.


  13. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dib u xoreynta deegaanka iyo ciidanka dowladda ay ka kala ruqaansadeen degmooyinka Maxaas iyo Buulaburte, ayna ku wajahan yihiin degmada Moqokori.

    Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa xaqiijiyay in ciidamo aad u fara badan ay goordhaweyd u dhaafeen dhinaca degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo weli ku sugan yihiin dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

    Wararka ayaa intaas kusii daraya in Shabaabkii ku sugnaa deegaankaas ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ay uga baxayaan degmada, maadama ciidamada is-garabsanaya ay laba jiho kaga soo wajahan yihiin degmada Moqokori.

    Sidoo kale waxaa lasoo warinaya inay cabsi badan lasoo daristay dadka degaanka, oo ka walwal in lagu kor dagaalamo.

    Ciidamada is-garabsanaya ayaa maalmihii dambe dardar xoogan ku waday dagaalka ka socda gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo kooxda looga saarayay inta badan deegaanadii ay ka talin jireen ee gobolka.

    Howl-galada dagaal ee ay wadaan ciidamada is-garabsanaya ayaa sidoo kale waxa uu gacan ka helay Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, kaasi oo duqeeyay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanka Aboorey oo hoos taga magaalada Buuloburde.

    Mareykank ayaa wuxuu sheegay in duqeyntaas lagu dilay 27 xubnood oo Shabaab ah inta la xaqiijiyey, sidoo kalena aysan jirin wax yeelo soo gaartay dad rayid ah.

    Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo kale hore u shaaciyey in howl-galka ka socda gobolka Hiiraan lagu dilay 127 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana inta badan gobolkaas laga wiiqay awoodii kooxda.

    The post Wararkii ugu dambeeyay kacdoonka HIIRAAN iyo ciidamada oo u jiheystay… appeared first on Caasimada Online.


  14. Mareykanka oo ku dhawaaqay taageero cusub oo la siinayo Soomaaliya

     

    94385732-0C71-423C-AE39-8D628C2C1B95_w10

    Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday in ka badan $151 milyan oo taageero cusub oo la siinayo Soomaaliya, si wax looga qabto abaaraha dalka ka jira.

    “Dowladda Mareykanka ayaa ayada oo u marineysa hay’adda USAID waxay in ka badan $151 milyan ku bixineysaa kaalmo cusub, oo ay degdeg ugu baahan yihiin dadka Soomaaliyeed,” ayey USAID ku tiri bayaan ay soo saartay.

    USAID ayaa sheegtay in $146.5 milyan oo lacagtaas ka mid ah loogu talagalay gargaar cunto oo loo fidinayo dadka ka badan 7 milyan ee ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood ay qarka u saaran yihiin macluul.

    Sidoo kale, lacag ku dhow $5 milyan ayaa lagu bixin doonaa taageerada u adkeysiga musiibada iyo soo kabashada dhaqaalaha dalka.

    Lacagtan ayaa dheeri ku ah $476 milyan oo gargaar bini’aadaninimo ah oo Mareykanka uu ku dhowaaqay bishii July, markaasi oo ay Soomaaliya booqatay madaxa hay’adda USAID, Samantha Power.

    Lacagtan cusub ayaa taageerada dawladda Maraykanka ay sanadkan siisay Soomaaliya ka dhigeysa in ka badan $870 milyan, taasi oo ah kala bar dhammaan deeqaha bani’aadannimada ee Soomaaliya la siiyey 2022.

    Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay saadaasha ay bixiyeen hay’adaha QM ee ah in Soomaaliya ay macluul ka dhici karto bilaha October illaa December ee sanadkan haddii aan la helin taageero deg deg ah oo wax looga qabanayo abaaraha.

    Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday deeq bixiyeyaasha kale ee caalamka inay sare u qaadaan kaalmadooda Soomaaliya, si looga weecdo in saadaasha macluusha ay dhab noqoto.

    Qaran News


  15. Magaalada Dhuusamreeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa maanta gaay wafdi ay hoggaaminayaan Xidhibaan Yusuf Geelle Ugaas iyo Xildhibaan Omar Ali Abdi, waxaana siweyn loogu soo dhweeyay garoonka, iyaga iyo ciidan la socday oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

    Xildhibaanka iyo waftiga  gaaray Dhuusamareeb ayaa u jeedka safarkooda lagu sheegay dardargelinta abaalka ay ciidanka dowladda iyo dadka deegaanku ay ka wadaan gobolka Galgaduud, iyaga oo ku wajahan deegamada Ceelbuur,Ceel-garas iyo  Ceel-lahelay oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

    Ciidamada dowladda iyo dadka deegaannada oo iskood isku abaabulay ayaa waxaa  ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan bariga gobolka Gakgaduud, kaas oo ay hoggaaminayaan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana iyaguna u jeedkoodu yahay gaaritaanka degamada Xaradheere iyo deegaannada hoos taga.

    Xildhibaannada gaaray Dhuusamareeb ayaa waxaa ay ku biirayaan xildhibaanno wasiirro  kale oo horey u gaaray gobolka, kuwaas oo Galmudug iyo deegaannada ku matala, waxaana gobolka ku sugnaa wasiir ku-xigeenka warfaafinta federalka  Cabdiraxmaan Alcadaala iyo xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye.

    May be an image of 7 people, people standing, military uniform and outdoors

    May be an image of 7 people, people standing, military uniform and outdoorsMay be an image of 4 people, people standing, military uniform and outdoorsMay be an image of 6 people, people standing, military uniform and outdoorsMay be an image of 4 people, people standing, military uniform and outdoorsGoobjoog News

    Source: goobjoog.com


  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada oo uu maanta shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa lagu faray 13 Wasaaradood oo ka tirsan xukuumadda inay si deg deg ah u gutaan waajibkooda kaga aadan dagaalka lagu xoreynayo dalka.

    Wasaaradaha la dul dhigay amarkaan ayaa kala ah; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Amniga Gudaha: Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Caafimaadka, Korontada iyo Biyaha, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Arrimaha dibadda, Maaliyadda, Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Dhalinyarada iyo Isboortiska, Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

    Waxaa xusid mudan in 13-ka wasaaradood ay qaarkood kamid yihiin wasiiradoodu guddiga abaabulka iyo isku dubaridka howlaha la-dagaalanka argagixisada oo maanta uu golahu go’aamiyay dhismihiisa.

    Xukuumadda uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale qorsheynaysa qabashada shir qaran oo looga arrinsanayo fidinta, dhiiri-galinta iyo qarameynta kacdoonka bulshada ee ka dhanka ah argagixisada.

    Arrimahaan ayaa si weyn u taageeraya kacdoon dagaaleedka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo la rumeysan yahay haddii aan loo kala hadhin ay ka dhalan karto natiijo la-mahdiyo, sida ka muuqatay bilowga howl-galada dhinacyadu ku qaadeen argagixisada.

    The post DF oo amar deg deg ah dul dhigtay 13 wasaaradood + Sababta appeared first on Caasimada Online.


  17. Ra’isul wasaaraha  xukuumadda federaalka ah Soomaaliaya Xamse Cabdi Barrwe, ayaa maanta shir goddoomiyay shirka golaha wasiirada oo looga hadlay arrimaha ammaanka dalka.

    Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa laga soo saaray go’aanno la xiriira qorshaha dowladda ee dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab:

    1. Goluhu waxa uu soo jeediyay si loo xoojiyo kaalinta siyaasadda ee amniga qaranka in golaha amniga qaranku yeesho kulamo aan caadi aheyn oo u gaar ah hagista howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada.
    2. Waxa uu go’aamiyay in la dhiso guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka argagixisada lagu dabargoynayo, oo ka koobnaanaayo, Ra’iisu Wasaaraha JFS, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga, Wasiirka Awqaafta & Arrimha Diinta, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Dhallinyarada, Wasiirka Isgaarsiinta, Taliyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo ciddii kale ee uu Ra’iisul wasaaruhu u garto in aan looga maarmin hawshan.
    3. Waxa uu go’aamiyay in barnaamijka ladagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata loo beddelo Hay’adda Qaran ee la dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabshada wata.
    4. Waxa uu go’aamiyay qabashada shir qaran oo looga arrinsanaayo fidinta, dhiirigalinta iyo qarameynta kacdoonka bulshada ee ka dhanka ah argagixisada oo ay garwadeen ka noqoneyso wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.
    5. Waxa uu go’aamiyay In la hirgaliyo lana fuliyo sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maalgalinta argagixsada (AML/CFT), lana bartilmaameedsado oo la burburiyo shabadakadaha ururada argagixisada ugu xilsaaran maaliyadda; isla markaana la sameeyo liiska xayiraadaha & cunaqabateynta lana dhaqangaliyo.
    6. Waxa uu go’aamiyay ansixinta ISITRAATIIJIYADDA GUUSHA EE DABARGOYNTA ARGAGIXISADA, si loo mideeyo cududda Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad, Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Saaxiibada Soomaaliya.
    7. Waxa uu go’aamiyay in wasaaradaha hoos ku taxan ay si degdeg ah u gutaan waajibaadka kaga aaddan dagaalka lagu xoreynaayo dalka.
    1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha:
    2. Wasaaradda Gaashaandhigga:
    3. Wasaaradda Amniga Gudaha:
    4. Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta:
    5. Wasaaradda Caafimaadka:
    6. Wasaaradda Korontada iyo Biyaha:
    7. Wasaaradda haweenka iyo Xuquuqul Insaanka:
    8. Wasaaradda Arrimaha dibadda:
    9. Wasaaradda Maaliyadda:
    10. Wasaardda Warfaafinta:
    11. Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta:
    12. Wasaaradda Dhalinyarada & Isboortiska:
    13. Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada:

    Source: goobjoog.com