-
Content Count
211,457 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Some 942,000 Kenyan children aged under five years as well as pregnant and lactating mothers are acutely malnourished as drought ravages the country, the National Drought Management Authority (NDMA) said on Friday.
-
A Kenyan lawyer said Friday he has filed a court challenge to a decision by the new government to lift a decade-old ban on genetically modified crops.
-
Mogadishu (HOL) - The Somali Disaster Management Agency (SoDMA) distributed food supplies to former disabled Somali military veterans in Martini hospital in Mogadishu on Friday.
-
-
The Guernsey Overseas Aid & Development Commission (OA&DC) has pledged £98,080 to support Somalia drought and the South Sudan floods.
-
Long-held views of the African Union under its ambitious Agenda 2063 hold that long-term security in the Horn of Africa must come from beneficial development to communities.
-
The Guernsey Overseas Aid & Development Commission (OA&DC) has pledged £98,080 to support Somalia drought and the South Sudan floods.
-
Maanta oo bartamaha Oktoobar la joogo, dagaalkii kama dambaysta noqon lahaa oo lagu ciribtirayay argaggaxisada Al-Shabaab misna dalka Soomaaliya oo isku tashaday uu tusi lahaa adduun weynaha arrin ugub ah oo ah in waddan sabool ah oo cunaqabatayn hub ay saran tahay uu dagaal aan soo noqosho lahayn ku qaaday ururka Al-Shabaab oo xubin weyn ka ah Al-Qaacida, guushiisii lama gaarin.
Dagaalkaas wuxuu joogaa in calankiisa uu si geesinnimo leh u sido gobolka Hiiraan oo qur ah, kuna taagan yahay wacadka uu u qaaday dadweynihiisa iyo dalkaba. Ballantii Beelihii kale oo iyagana wacadka ku qaaday in taakulaynayaan kuna dayanayaan waxay maanta ka yihiin dagaalka daawadayaal dhaliil mudan.
Afeeftii Hiiraan ee ahayd inaan laga adkaan karin argaggaxisada, haddii gobol qura ah oo aan taageera haysan uu dagaalka ka socdo guushana ceel ku dhacdayso, waa waxa dhacay kaddib markii Al-Shabaab xooggeeda oo idil isu geysay gobolka Dowladda Federaalkana aad u gaabisay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu iclaamiyay kaddib markuu kasoo noqday safarkiisii ugu horreeyay ee dalka Turkiga inay jirto hal waddoo qur ah oo lagu wajahi karo Al-Shabaab, taasoo ah qori caaraddiisa. Isagoon diyaarin qoorshe ebyan ayuu misna dhawr jeer ku celceliyay in xukuumaddiisa uusan ka qaadanaynin muddo ka badan hal sano.
Sida muuqata hadalka Madaxweynaha waxaa dhab u qaatay Al-Shabaab oo hub aruursi iyo tabaabusho ku dhaqaaqay kalana soo degay Xaradheere oo gacanta ugu jirta September 3, 2022 doonyo hub ka buuxa iyadoo maraakiibta sharcidarrada ah ee Midowga Yurub “Ataltatis” ay daawanayaan.
Maalmo dhawr ah kaddib, waxaa dhacday xasuuqii Afar Irdood (Maxaas, Hiiraan) ee arxan darrada ahaa oo ku kalliftay Shacabka Hiiraan inuu gaaro go’aanka iska-caabinta ee uu welina ku taagan yihiin.
Dowladda Xasan Sheekh oo arrinxumo iyo qorshe la’aan haysay ayaan iska lumin fursaddaan, siduu u lumiyay Farmaajo, xamaasadii ka dambaysay qaraxii Soobbe.
Waxgaradka Soomaaliyeed meel waliba ay joogaan, ayaa uga digay dowladda cawaaqib xumada ka iman karta hub muunad-xulasho la’aan (Randomly) faraha loo geliyo dadweyne kacdoomay. Balse, waxay taageereen inay dawladdu siiso kacdoonka taakulayn, iyadoo lagama maarmaan tahay in dagaalka looga dambeeyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Xildhibaan Cabdirasaaq Xusul, wuxuu si mandhaqi ah uga digay cawaaqibxumadaas isagoo soo qaatay tusaale taariikhi ah. Nasiibdarro, waxaa ka xumaaday tilmaanta markii uu isbarbardhigay Al=Shabaab iyo Macawisleyda kuna tilmaamay inay noqon karaan kuwa ka daran kuwa lala dagaallamayo oo noqotay intay sugayeen siyaasiyiin fursad raadis ah.
Cawaaqibta qoorshe la’aanta weli way muuqataa waxayna halis ku tahay guusha. Dagaalgelinta Macawislayda iyo taakulaynta la siinaayaba waxay noqdeen wax laablakac ku yimid.
Beelihii Galmudug iyo Shabeellada Dhexe ee ballan-qaaday inay dagaalka wadi doonaan, ma dhaboobin. Dagaalka Galmudug wuxuu durbadiiba ku dhiiqday damaca hoggaanka beelaha iyo khilaaf beeleed keenay in beelaha qaarkood aysan ka qayb qaadan dagaalka qaar kalena cagajiid ay muujiyeen ilaa uu ka hakado.
Dowladda oo xoogga saartay beelaynta dagaalka waxay ka gaabisay heshiisiinta maamullada gobollada, waxayna u bareertay inay dagaal gasho iyadoo Shirka Wadatashi Qaran aysan ka gaarin go’aan loo dhan yahay.
Runtii waxaa lays wediin karaa haddii dagaal uu iclaamiyay madaxweyne aad mooddo in hawshiisa kowaad ay tahay safarrada dalka dibaddiisa ah guul ma laga gaari karo. Ugaanda ayuu xitaa ka doorbiday Cadale oo malahaa sababtay in ciidama beeleedkii xoreyn lahaa Shabeellada Dherxe ay weli far taagin. Dowladda Xasan Sheekh waxay ku najaxday inay dagaalka beelayso kaddibna ay beelayso ciidamada XDS.
Ciidamada saldhig Cadale laga abaabuli lahaa dagaalka horreyntiisana qabsan lahaa degaannada Ceel Guduud iyo Aadan Yabaal oo ah deegaan gebigeedba mudda dheer ugu jirta gacanta Al-Shabaab, maanta waxba kama soo xaasilin. Tani waxay sii yaraanaysa kalsoonida dadweynuhu ku qabi karo dowladda inay ku hagaysa dagaalka dhabbaha guusha.
Ciidamada Macawislayda gobolka Hiiraan oo culayska dagaalka kusoo dhacayo waxaa ka maqan taakulaynta ay mudnaayeen. Ciidamada Haramcad ee gobolka Hiiraan ku sugan waxau u baahan yihiin qudhooda taakulayn iyo saad halka ciidamada Danab ay maqan yihiin gobolka.
Isha: Jamhuuriyadda
The post Kacdoonkii oo fashil qarka u saaran iyo Xasan Sheekh oo sababteeda koowaad leh appeared first on Caasimada Online.
-
Director-General QU Dongyu led the ceremony at FAO Headquarters in Rome, declaring that with food security worsening, and risk of serious levels of hunger in Asia and Africa at an all-time high, the world must “leave no one behind”.
-
Wax ka ogow Nolosha & Aqoonta madaxweyneyaashii soo maray Soomaaliya
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay saacadihii ugu dambeeyay ee habeenkii Talaadada in uu shahaadada ugu sarreysa ee waxbarashada jaamacadda ee PhD ka qaatay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey.
Waxa uu daraaseeyay culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka. Waxa ay tan ka dhigan tahay in uu noqonayo madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee qaata Ph.D, waxaana hadda kaddib loogu yeeri doonaa Dr Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Haddaba, halkan ka akhriso noloshii iyo waxbarashadii madaxweyneyaashii soo maray Soomaaliya.
Aadan Cabdulle Cusmaan
Aadan Cabdulle Cismaan Daar ‘Aadan Cadde’ oo ku dhashay tuulada Ceelqurun oo u dhow deegaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan, waxa uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya. Waxa uu ahaa madi lagu qiyaasay in uu dhashay xilli ku beegan 1908-dii.
Ma helin waxbarashada aas-aasiga ah oo dhammaystiran, laakiin waxbarashada hoose iyo dhexe ayuu ku qaatay dugsi uu Talyaanigu ku lahaa Baydhabo, isla halkaas ayuu Qur’aanka ku bartay.
Waxa uu waxbarashada aasaasiga ah uga haray fasalka shanaad oo ahaa halka ugu sarreysa ee gumeystaha Talyaanigu uu u oggolaa in qof Soomaali ah uu waxbarashada ka gaaro.
Sida uu BBC-da u sheegay wiilkiisa Cabdulkaadir Aadan Cadde, waxa uu madaxweynuhu intaa kaddib tababar kalyaaliyennimo ku qaatay Isbitaalka Talyaaniga ee De Martino, isaga oo markii dambe noqday madaxa kalkaaliyeyaasha ee isbitaalka.
Aadan Cadde oo sidoo kale noqday guddoomiyaha Xisbiga Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed oo xilligaa ahaa kan ugu ballaaran, uguna saameynta weyn dhulka Soomaalida, iyo guddoomiyihii ugu horreeyay ee baarlamaan Soomaaliyeed, waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa qof isaga wax isbaray, oo ku xeeldheeraa akhriska iyo qoraalka.
Waa madaxweynaha keliya ee laga hayo diiwaan dhammeystiran oo maalinle ah, kaas oo uu ku keydiyay dhammaan dhacdooyinka iyo waxyaabaha kale ee maalinlaha ah ee soo maray intii uu xilka hayay.
Diiwaankan waa kan ugu weyn ee ay soo xigtaan taariikhyahannada daraaseeya Soomaaliya.
Kahor inta uusan madaxweyne noqon, waxa uu wax ku qori jiray Wargeys Talyaaniga kasoo baxa oo la oran jiray Il Popolo.
Maxamed Xaaji Ingiriis oo taariikhda ka dhiga Jaamacadda Kings College waxa uu ku tilmaamay Aadan Cadde madaxweynihii ugu aqoonta badnaa dhammaan madaxweyneyaashii Soomaaliya. Waxa uu ku hadli jiray Talyaani, Ingiriis iyo Carabi.
Cabdirashiid Cali Sharmaake
Cabdirashiid Cali Sharmaake waxa uu ahaa raysul wasaarihii iyo madaxweynihii labaad ee Soomaaliya. Waxaa xilalkaas uga horreeyay Cabdullaahi Ciise, iyo Aadan Cadde oo uu raysul wasaare u ahaa. Waxa uu ku dhashay qiyaastii 1919-kii magaalo-xeebeedka Xarardheere, oo ay hadda haysato kooxda Al-Shabaab. Wuxuu ku barbaaray magaalada Muqdisho oo uu ku qaatay waxbarashada Qur’aanka iyo tan dugsiga hoose iyo dhexe.
Cabdirashiid oo ahaa raysul wasaaraha Soomaaliya intii u dhexeysay 1960- kii ilaa 1964-kii, waxaa la weriyay in uu dugsiga sare dhameeyay 1953-kii isaga oo shaqaale rayid ah, isaga oo sidoo kale Muqdisho ku qaatay labo sano oo koleejka dhaqaalaha iyo siyaasadda ah. Kaddib ayuu Talyaaniga ka helay deeq waxbarasho Jaamacadeed ah isaga oo cilmiga siyaasadda ka bartay jaamacadda Sapienza University of Rome. Waxa uu ka qaatay shahaadada koowaad ee Jaamacadda.
Cabdirashiid oo karaani ka ahaa degmada Isku-Shuban 1948-kii, sida uu buuggiisa ‘A tear for Somalia’ ku sheegay ninkii madaxda ka ahaa maamulka gumeystaha Ingiriiska ee degmadaas, waxaa lagu sheegaa in uu ahaa nin ku xeeldheer afka Talyaaniga, isaga oo xiiseyn jiray buugaagta sheeko xariirooyinka.
Cabdirashiid oo ah aabbaha siyaasiga keliya ee labo jeer raysul wasaare ka noqday Soomaaliya ma uusan dhammeysan muddo-xileedka madaxweynennimo ee loo doortay Luulyo 1967-kii. Waxaa lagu dilay magaalada Laascaanood bishii Oktoobar 1969-kii – maalmo uun kahor inta aysan xukunka la wareegin askartii markii dambe la baxday Kacaanka ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.
Maxamed Siyaad Barre
Jaalle Maxamed Siyaad Barre, hoggaamiyihii kacaanka askarta ee xukunka afgembiga kula wareegay 1969-kii waxaa lagu qiyaasaa in uu dhashay 1910-kii. Siyaabo kala duwan ayaa loo tebiyay halka uu ku dhashay. Mid ka mid ah werintu waa in uu ku dhashay degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo.
Si la mid ah madaxda ka horreysay qaar, waxaa la rumeysan yahay in hoggaamiyaha muddada dheer xukumayay Soomaaliya uusan gelin waxbarasho aasaasi ah oo dhammaystiran. Laakiin, waxa uu ahaa sarkaal ciidan oo leh waayo-aragnimo, tababar iyo aqoon sare oo dhanka ciidanka ah. Waxaa uu tababar sarkaalnimo oo labo sano ah ku qaatay koleej ciidan oo ku yaalla Talyaaniga.
Jaalle Siyaad oo si wanaagsan ugu hadli jiray Talyaaniga iyo Ingiriiska waxaa lagu xusuustaa oo cilmi-baareyaashuna ay soo xigtaan khudbaddii uu jeediyay labadii sano ee ugu horreysay xukunkiisa.
Wasaaradda Warfaafinta ee dowladdii Kacaanka ayaa khudbadaha Jaalle Siyaad u rogay labo buug oo la kala daabacay 1970-kii iyo 1971-kii. Waxaa loo bixiyay labadaas buug ‘Dadkeyga iyo Dalkeyga’ iyada oo Ingiriis iyo Soomaali lagu qoray. Oraahyada aadka loo xigto ee Maxamed Siyaad Barre waxaa ka mid ah: ‘Haddii dadka Soomaaliyeed ay naar galaan, waxaa naarta geysay qabyaalad’.
Sarreeya Gaas Maxamed Siyaad Barre oo ahaa madi, agoon iyo rajay ah oo ay labadiisa waalidba geeriyoodeen isaga oo yar waxa uu ku geeriyooday waddanka Nigeria 1995-kii, kaddib 21 sano oo uu xukumayay Soomaaliya.
Cali Mahdi Maxamed
Waa madaxweyne lagu muransan yahay oo la caleemo-saaray wax yar kaddib markii jabhadihii hubeysnaa ay Muqdisho ka saareen dowladdii Kacaanka.
Waxa uu ku dhashay Jowhar qiyaastii 1939-kii. Wuxuu ahaa ganacsade iyo siyaasi saameyn weyn lahaa, oo horraantii lixdameeyadii la shaqeeyay waaxda caafimaadka Jowhar. Kaddib xildhibaannimo ayuu u tartamay, wuuna ku guuleystay isaga oo xubin ka noqday baarlamaankii ay askartu afgembiyeen.
Cali Mahdi oo si wanaagsan ugu hadli jiray Talyaani iyo Ingiriis waxa uu fayraska Covid-19 ugu geeriyooday magaalada Nayroobi bishii Maarso, 2021.
Nooma suurtagelin in aan wax badan ka ogaanno waxbarashadiisii.
Cabdiqaasim Salaad Xasan
Madaxweynihii ugu horreeyay ee dowladdii KMG ahayd ee dhismaheedu uu ka billowday Jabuuti 2000. Waxa uu ku dhashay magaalada Dhuusamarreeb qiyaastii 1941-kii, halkaas oo la rumeysan yahay in uu ku qaatay waxbarashada Qur’aanka iyo tan hoose, dhexe iyo sare.
Waxaa dhalay hoggaamiye qabiil oo caan ka ahaa dhulkaas, kaas oo markii horena ka mid ahaa taliyeyaashii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee askartii Soomaaliyeed ee qeybta ka ahaa ciidamadii gumeystaha Talyaaniga.
Cabdiqaasim oo noqday wasiirka warfaafinta iyo wasiirka arrimaha gudaha dowladdii Kacaanka, waxa uu waxbarasho jaamacadeed u aaday Ruushka horraantii lixdankii, isaga oo bartay dhaqaalaha beeraha. Cabdiqaasim oo la doortay dhammaadkii 2000, xilkana hayay ilaa dhammaadkii sanadkii 2004, waxa uu si wanaagsan ugu hadlaa Carabiga iyo Ingiriiska. Waxa uu hadda deggan yahay Masar.
Korneel Cabdullaahi Yuusuf Axmed
Waa Madaxweynihii dowladdii KMG ahayd ee lagu dhisay Kenya, ahna madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland. Waxaa la diiwaangeliyay in uu dhashay 1934-kii, kuna dhashay magaalada Gaalkacyo.
Si la mid ah dadkii ku da’da ahaa, Korneel Cabdullaahi Yuusuf ma helin waxbarasho aasaasi ah, laakiin, tababar militari oo labo sano ah ayuu ku qaatay koleej ciidan oo Ruushka ku yaalla. Sidoo kale, waxaa la sheegay in uu tababar kale oo sarkaal ciidan ah oo dhowr sano ah ku qaatay Talyaaniga.
Cabdullaahi oo dhisay jabhaddii ugu horreysay ee la dagaallanta dowladdii Kacaanka waxa uu shan sano oo xabsi ah ku qaatay Itoobiya, halkaas oo saldhig u ahayd jabhaddiisa. Waxaa xariggaas ka horreeyay mid ay dowladdii Kacaanka ku xirtay isaga iyo Jeneraal Caydiid.
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo xilka hayay intii u dhexeysay dhammaadkii 2004-tii ilaa dhammaadkii 2008dii waxa uu bishii Maarso sanadkii 2012 ku geeriyooday Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Shariif Sheekh Axmed
Shariif Sheekh Axmed waa guddoomiyihii hore ee maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya iyo madaxweynaha dowladdii ballaarnayd ee lagu dhisay Jabuuti 2009-kii.
Waxa uu ku dhashay degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha hoose sanadkii 1964-kii. Waxaa la sheegay in isagoo da’yar ayuu xafiday Quraanka. isla deegaankaas ayuu ku bartay Qur’aanka, diinta Islaamka iyo Carabiga, waxbarashadiisii aasaasiga ahaydna uu ku soo qaatay.
Bartamihii sagaashamaadkii ayuu waxbarashada Jaamacadeed u aaday Sudan iyo Libya halkaas oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee cilmiga Shareecada Islaamka iyo Qaanuunka.
Sheekh Shariif oo xilka hayay Ilaa dhamaadka 2012-kii waxa uu sidoo kale noqday garsoore maxkamadeed iyo bare dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ah. Waxa uu sidoo kale ka mid ahaa madaxdii ugu horreysay ee dhistay Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya.
Saddex jeer oo kale ayuu u tartamay madaxweynennimada, kumana guuleysan.
Xasan Sheekh Maxamuud
Waa madaxweynaha keliya ee labo jeer la doortay. Markii ugu horreysay waxaa la doortay dhammaadka 2012-kii, isaga oo xilka hayay ilaa horraantii 2017-kii. Waxa uu ku dhashay degmada Jalalaqsi sanadkii 1955-kii, halkaas oo uu ku bartay Qur’aanka, iyo waxbarashada aasaasiga.
Madaxweynaha agoonka iyo hooyo koriska ah waxa uu u soo wareegay Muqdisho 1978-kii, isaga oo ku biiray Jaamacadda Ummadda, halkaas oo ka bartay teknoolajiyada. Waxa uu waxbarasho sare u aaday Hindiya 1986-kii, isaga oo ku biiray Jaamacadda Bhopal oo hadda loo bixiyay Barkatuah, halkaas ayuuna ka qaatay shahaadada labaad ee Jaamacadda.
Waxa kale oo uu sameeyay koorsooyin kale oo dhowr ah isaga oo bare iyo maamule jaamacadeed ahaa muddo dheer.
Waxa uu sidoo kale ka shaqeeyay cilmi-baarista iyo daraasadaha la xiriira dib-u-heshiinta iyo nabadda Soomaalida dhexdeeda ah. Waa madaxweynaha ugu shahaadooyinka badan, muddada ugu dheerna ka shaqeeyay waxbarashada Soomaaliya.
Waa madaxweynaha keliya ee heysta shahaadada ugu sarreysa waxbarashada jaamacadda ee Ph.D, taas oo la shaaciyay inuu qaatay toddobaadkan.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Waa qofka labaad ee raysul wasaare iyo madaxweyneba ka noqday Soomaaliya.
Waxa uu ku dhashay Muqdisho 1962-kii, halkaas oo uu waxbarashada hoose, dhexe iyo sare ku qaatay.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi oo xilka hayay laga soo billaabo horraantii sanadkii 2017 ilaa bartamihii sanadkan 2022, waxa uu ka shaqeeyay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya laga billaabo 1986-kii, isaga oo markii dambe noqday xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Washington.
Waxa uu shahaadada koowaad ee cilmiga taariikhda ka qaatay Jaamacadda Buffalo sanadkii 1993.
Isla Jaamacaddaas ayuu shahaadada heerka labaad ka qaatay, isaga oo buuggiisa qalin-jebinta ka qoray ‘Danaha Mareykanka ee Soomaaliya: Dagaalkii Qaboobaa ilaa Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada’.
-
(Reuters) - Acute malnutrition is surging among children displaced by drought and conflict in a part of central Somalia teetering on the edge of famine, according to a survey conducted by humanitarian agencies.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay la wareegeen degaanka Xawaadley ee hoos taga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada Milateriga ee Xoogga Dalka Al-Shabaab kala wareegay Tuulada Xawaadley ee hoos tagta degmada Balcad oo ah xarun ay Al-Shabaab ka maamuli jireen canshuuraha ay ka qaadaan gaadiidka iyo Beerayleyda Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidankan ayaa waxaa hoggaaminaya Korneel Abuukar Boonow, waxaana la sheegay inay ka yimaadeen dhanka Cadale.
Al-Shabaab ayaa isaga baxay degaanka Xawaadley markii ay ka war heleen inay cidiamada dowlada kusoo jeedaan, waxaana dagaal la’aan kula wareegay ciidamada milaterige ee Shabeellaha Dhexe ka howlgala.
Al-Shabaab ayaa ku dhex milmay dadka degaanka, waxaana ciidamada dowladda oo dhowr jeer gaaray degaankan ay dib uga soo laabteen, iyadoo dib ugu soo noqdeen Al-Shabaab.
Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qabsashada Xawaadley ku qeexay mid muhiim u ah in laga hortago maleeshiyada Al-Shabaab ee ka imanaya Jubbooyinka kuwaas oo ku biiraya dagaalka Hiiraan.
“Taliye Boonow iyo askar uu wato ayaa la wareegay deegaanka Xawaadley ee degmada Balcad. Buundada Xawaadley ayaa ahayd meel muhiim ah oo ay isaga kala gooshi jireen Shabaabka Jubbaland ilaa Hiiraan. Waa horumar wanaagsan oo weyn. Haysashada aaggan waa muhiim,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.
The post Ciidamada Korneel Boonow oo qabsaday degaan muhiim ah oo ka tirsan Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan dalka Itoobiya ayaa maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyey Madasha Tana Forum oo sanadkan lagu qabanayo dalkaasi.
Xamza Cabdi Barre ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray sidii loo maareyn lahaa khataraha amniga ee soo wajahaya guud Qaaradda Afrika.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay si caqabadaha heysta qaaradda wax looga qabto inay muhiim tahay bulshooyinka oo ah kuwa awoodda isbeddelka keena laga qaybgaliyo iyo in xoogga la saaro qaabkii la isugu xiri lahaa.
Sidoo kale wuu shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay ku shaqeyneyso Hiigsiga Soomaali Heshiis Ah, Dunidana Heshiis La Ah, iyadoo ahmiyadda siineysa nabadda.
Dhanka kale Xamza waxa uu sheegay in amniga ka sokow dhibaatooyinka heysta qaaradda ay ugu weyn yihiin saameynta isbeddelka cimilladu ku keentay dalal fara badan – oo Soomaaliya ay ka mid tahay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale khdubadiisa kusoo daray howlgallada ka socda dalka, isaga oo shaaciyey in dowladda ay guulo ka gaartay dagaalka kooxda Al-Shabaab, isla-markaana laga saareen dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Madasha Tana Forum oo ay soo qaban qaabiyeen hoggaamiyeyaal iyo madax kale oo ka socota qaaradda Afrika iyo hey’ado caalami ayaa lagu wadaa in berri la soo gabagabeeyo.
The post Sawirro: R/Wasaare Xamza oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey shirka Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Moscow (Caasimada Online) – Ciidamada Ruushka ayaa sii wada duqaymaha dhinaca cirka ah ee ay ka geysanayaan magaalooyinka Ukraine, iyaga oo ugu yaraan afar gantaal ku garaacay ama ku duqeeyey magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas ee Kharkiv.
Ciidamada Ukraine ayaa iyagana duqaymaha Ruushka kaga falceliyey madaafiic ay ku garaaceen goobo rasaasta lagu kaydiyo oo ku yaalla gudaha Ruushka.
Qaraxyo dhowr ah ayaa lagu soo waramayaa in Jimcihii laga maqlay xarun ku taalla gobolka Belgorod ee dalka Ruushka. Xogta weerarkan waxaa barta bulshada ee Telegram ku faafiyey guddoomiyaha gobolkaas, hase ahaatee saraakiisha Ukraine ma sheegan mas’uuliyadda weerarkaas.
Dagaalladan cusub ee ka socda Ukraine ayaa ku soo beegmaya iyada oo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu difaacay tallaabadii ugu dambaysay ee kor u sii qaaday xiisadda dagaal, kadib markii uu ciidamo dheeraad ah u soo diray dalka Ukraine.
Putin ayaa Jimcihii sheegay inaan loo baahnayn weeraro cusub oo lagu qaado Ukraine, isla markaana wuxuu sheegay in Ruushku aanu raadinayn inuu dalkaas burburiyo.
Madaxweyne Putin ayaa sidoo kale ku adkaystay inaanu ka qoomamaynayn dagaalka Ukraine, iyo tallaabadii uu dhowaan ku abaabulay illaa 222,000 oo ah ciidamada kaydka ah, si ay ugu biiraan dagaalka.
Shir jaraa’iid oo uu madaxweyne Putin ku qabtay Jimcihii magaalada Astana ee dalka Kazakhstan ayuu ku sheegay in illaa 16,000 oo ah ciidamo cusub oo la qoray in la hawlgeliyey, si ay u gutaan waajibaadka hawlaha dagaal.
Warbaahinta Ruushka ayaa soo werisay dhimasha ugu yaraan toddoba askari oo ka mid ah askartii dhawaan la qoray. Khasaarahan ayaa imaanaya iyadoo wasaaradda difaaca ee Ruushku ay wajahayso dhaleeceyn uga timid falanqeeyayaasha militariga Ruushka ee caanka ah ee taageera dagaalka ka dib markii ay furimaha dagaalka u direen askar aan tababarnayn.
Saacado ka hor inta uusan hadlin Putin, gantaalada Ruushka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah waxay beegsanayaan magaalooyin badan oo ku yaalla dalka Ukraine. Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay magaalada Mykolaiv ee koonfurta Ukraine, sida ay saraakiishu sheegeen.
Dhanka kale, militariga Ukraine ayaa sheegay inay dib uga qabsadeen ciidamada Ruushka in ka badan 600 oo deegaan bishii la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda loo xilsaaray dib u soo celinta dhulalka sida ku meel gaadhka ah loo qabsaday.
Wasaaraddan ayaa sheegay in illaa 502 deegaan oo ku yaalla gobolka Woqooyi Bari ee Kharkiv inay dib u qabsadeen bishii hore, iyaga oo gudaha u galay Khadka difaaca ee Ruushka.
Xogta warbixintan: RFE/FL, Reuters, VOA iyo AP
The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ukraine iyo Putin oo go’aan ku dhowaaqay appeared first on Caasimada Online.
-
The New Arab Meets: Somali-UAE rapper Freek whose hybridity is resonating across borders and laying a fresh blueprint for new talent. Through his fame, he hopes to tell the stories of migrant communities and second-generation Arabs across the Gulf.
-
MOGADISHU, Somalia - One person is likely to die of hunger every 36 seconds between now and the end of the year in drought-ravaged East Africa as the worst-hit areas hurtle toward famine, an international humanitarian agency warned on Friday.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee XFS Mukhtaar Roobow ayaa culumada Soomaaliyeed hor dhigay dalab ah in dhanka fikirka ay kala dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka oo ka mid ahaa culumo galabta marti ku aheyd barnaamij ka baxay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in kooxda la gaaray goortii lasoo afjari lahaa.
“Ilmahaas duurka ku jira luuqad aan rasaasta aheyn fahmi maayaan, kuwa soo dirayna ilmahooda jaamacadaha ayey aduunka ka dhigtaan, horaan u sheegay, aan iska dhicino oo hal maalin aan ku dhaqaaqno,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.
Wuxuu intaas ku sii daray, “Hadii culumadu banaanka la soo istaagto afkaarta ay isku waafaqeen ee ah in lala dagaalamo Al-Shabaab, waxay u guuleysa doonaan sida reer miyiga qoryaha qaatay ay uga guuleysteen.”
Sidoo kale wasiir Mukhtaar ayaa sheegay in Al-Shabaab ay si tarab-tarab ah dadka Soomaaliyeed u laayaan, balse hadii hal maalin loo dhaqaaqo ay geeridu dhankooda u bada doonto, dilalkoodana laga reysa doono.
Wuxuu u mahad celiyey culumada reer Minnesota ee dalka Mareykanka oo cadeysay mowqif-kooda, dadkana ugu baaqday inay u midoobaan ciribtirka Al-Shabaab, sidoo kale culumada Soomaaliyeed ee ku nool dalalka kale ee adduunka ayuu Mukhtaar ka codsaday inay codkooda ku soo biiriyaan kacdoonka.
“Maadaama daraasiin loo dhimanayo, hal maalin hadii lagu dhaqaaqo intaas nagama dhimaneyso, ajal ayaa loo dhintaa, ee raggaas xuquuqdeena hor istaagay aan iska difaacno, dhalinyaradaas kuwa soo diray ilahoodu jaamacadey Xamar ka dhigtaan, iyaguna waxay xaq u leeyihiin inay waxbartaan ee aan ka soo reebno caruurta, ayagana leyno,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.
Hoos ka daawo
The post Daawo: Roobow oo culumada u sheegay qorshe ay kula dagaalami karaan Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Responding to news of the detention on 11 October of Abdalle Ahmed Mumin, Secretary General of the Somali Journalists Syndicate (SJS), Amnesty International’s Director for East and Southern Africa, Muleya Mwananyanda, said:
-
Ahmed A. Sh. Ahmed, 43, pleaded guilty to embezzling funds from Ibn Taymiyah Masjid and Islamic Center (ITMIC) in Columbus.
-
Mogadishu (HOL) - At least ten people, including children, were killed on Friday, and another 16 were seriously injured in a landmine blast in the Hawo Abdi area of Lower Shabelle.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka tirsan golaha shacabka ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha ciidan xoog leh oo maanta Beesha Murursade ay soo bandhigtay.
Jacfar oo wareysi siiyey Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in maanta ay diyaariyeen ciidan xooggan oo berri dhaqaaqi doona, kuwaas oo reer Hiiraan garab ku sii doona dagaalka ay Al-Shabaab kula jiraan mudada dheer.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa reer Hiiraan raali gelin ka siiyey in lagu fiirsaday dagaalka, “Nimanka reer Hiiraan dagaalka waa lagu hagraday, ka raali ahaada, maanta waxaan ku tashanay inaan idin garab istaagno, isla berrina waan dhaqaaqi doonaa,” ayuu yiri Jacfar.
Wuxuu sheegay in dadka ku nool deegaan deegaanada beesha ee ilaa Ceelbuur ay la soo xariiraan maalin kasta, iyagoo ka codsanaya in laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.
“Maanta ayaa inku nimid markii ugu horeysay, berrina waan dhaqaaqi doonaa, aagga Maxaas ayaan ka dagaal geli doonaa, halkaas oo Ceelbuur iyo deegaanada kale aan ka xorey doono,” ayuu yiri Jacfar.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay xildhibaanada iyo masuuliyiinta beelaha kale inay is abaabulaan, “Nin hadda kadib wax abaabulaya waxaan rajeynaa hortiis in lasoo afjari doono Al-Shabaab,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Wuxuu muujiyey rajada ah in aysan jirin beel Soomaaliyeed oo aan u abaabulneyn inay iska difaacdo Al-Shabaab.
“Reer Hiiraan waxaan ka raali gelineynaa dagaalka lagu hagraday, hadda ayaan u soconaa, waan idinka dul qaadi doonaa culeyska, waad halganteen reer Hiiraanow dagaalkaan is xoreynta ahna magaciisa adinkaa leh, waana idinku garab istaageynaa,” ayuu yiri.
Hoos ka dhageyso wareysiga
The post Dhageyso: Jacfar oo xog cusub ka bixiyey abaabulka dagaal ee Murusade, raali gelina siiyey Xawaadle appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Khasaare culus ayaa ka dhashay qarax maanta ka dhacay degaanka Xaawo Cabdi ee koonfurta magaalada Muqdisho, halkaas oo gaari Caasi ah ay miino kula qaraxday.
Ugu yaraan sagaal qof oo shacab ah ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen qaraxaan, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Meydadkii iyo dhaawacyadii ka dhashay qaraxaas intooda badan waxaa la keenay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isbitaalka Madiina, waxayna dadkii tegay Caasimada Online u sheegeen in dadka dhintay ay ku jiraan ilmo dhalaan ah.
Gaariga uu qaraxaasi haleelay ayaa ka soo baxay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, wuxuu ku soo jeeday Muqdisho, markii laga soo tago dadka shacabka ah ee saarnaa, wuxuu sidoo kale siday Khudaar.
Miinada haleeshay gaariga waxaa lagu aasay bartamaha laamiga, wadadaan ayaa dhawaan la dhisay, balse waxaa banaan oo aan laami la saarin qeybta dhexe ee kala barta labada seed ee laamiga.
Dadka la socday gaariga ayaa u badnaa carruur iyo haween danyar ah, dowladu weli kama hadlin arrintaan, sidoo kale kooxdii geysatay oo la aaminsan yahay inay tahay Shabaab ayaa ka aamustay.
Dhaawacyada waxaa la xaqiijiyey 10 qof, waxaana intooda badan la dhigay isbitaallada Madiina iyo ZamZam, Hooyo iyo cunug saqiir ah ayaa nolol iyo geeri lagu waayey, darawalkii waday gaariga oo dhaawac fudud uu soo gaaray ayaa sheegay in gaariga ay la socdeen 18 qof oo haween iyo carruur u badan.
Hoos ka daawo
The post Daawo: Tirada dadkii lagu qarxiyey duleedka Muqdisho iyo khasaaraha soo gaaray appeared first on Caasimada Online.
-
Allah unaxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fanaanadii caanka aheyd Shamso Maxamuud Xirsi oo loo yaqaan (Shamso Daadsan ) oo muddooyinkaan dambe xanuunsaneyd.
Shamso ayaa salaaddii Jimce Kadib ku geeriyootay hoygeeda oo ku yaalla Ex-fiyoore ee Degmadda Waardhiigley ee gobolka Banaadir, waxaana ay kamid aheyd Hoboladda Qaran ee Waaberi .
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda federalka Cabdullahi Xayir Ducaale oo ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid marxuumad shamsa maxamuud xirsi Daadsan.
Goobjoog News
-
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa u dhoofay dalka Ethiopia, si ay dhiirri-gellin ugu sameeyaan xulka qarankeenna ee 17 jirrada ah oo berri ciyaa kama danbays ah la leh xulka South Sudan
Wafdiga wasiirka waxaa ka mid ahaa qaar kamid ah wasiiro heer dowlad goboleed oo dhanka ciyaaraha ah, masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, saraakiil ka socota xafiiska madaxtooyada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda federalka Soomaaliya.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa intii aanay xulku dalka ka dhoofin casho sagootin ah u sameeyay ugu balan qaaday taageerada buuxda ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga. Xulka qaranka ayaa usoo gudbay Ciyaarta kama danbaysta ah ( Final) iyo ka qayb-galka koobka qaramada Africa ee 2023 lagu qabanayo Algeria.
Itoobiya ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, oo xalay casho sharaf u sameeyay iyo dhiiragel;in ciyaartooyda qaranka, Soomaaliya iyo South waxaana ay noqdeen labada wadan ee koobka ku matalaya wadamada bariga iyo bartamaha Afrika oo ka dhacaya Algeria.
Goobjoog News
Mareykanka oo amar dul-dhigay dhinacyada ku dagaalamaya ITOOBIYA
in News - Wararka
Posted
Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray fiidnimadii Jimcaha ku celiyay mowqifka Maraykanka, isagoo sheegay inay uu aad uga walaacsan yahay rabshadaha ka socda waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan “Bartilmaameedka aan kala sooc lahayn ee lagu beegsado dadka rayidka ah”.
“Waxaan ku celinaynaa in dowladda Itoobiya iyo mas’uuliyiinta gobolka Tigray ay si deg-deg ah u joojiyaan dhammaan colaadaha oo ay si dhab ah uga qayb galaan wadahadallada nabadeed ee uu hoggaaminayo Midowga Afrika ee soo socda,” ayuu yiri Blinken.
Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabbilsan Geeska Africa Mike Hammer ayaa Jimcihii ku sugnaa magaalada Addis Ababa, booqashadaas oo qayb ka ah dadaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka socday ku dhawaad laba sano ee u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Tigreega.
Quwadaha reer galbeedka oo uu ku jiro Mareykanka ayaa Arbacadii ku boorriyay dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) in ay billaabaan wadahadallo nabadeed oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika, waxayna ugu baaqeen dalka deriska ah ee Eritrea in ay ciidamadeeda kala baxdo goobta dagaalka.
Hammer ayaa wadahadal kula yeeshay Addis Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Demeke Mekonnen, kaasoo “dib u xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay in si nabad ah lagu xalliyo colaadda ka aloosan waqooyiga dalka,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ku soo qortay barteeda twitter-ka.
Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo maamulka Tigrayga labaduba waxay aqbaleen martiqaad ay Midowga Afrika u fidiyeen si ay u soo fariistaan miiska wadahadalka.
Balse wadahadallo lagu waday in todobaadkii hore ay ka bilowdaan Koonfur Afrika ayaa guuldarreystay, iyadoo dublamaasiyiintu ay soo jeediyeen in arrimaha qabanqaabada iyo ay qayb ka yihiin eedda.
Hammer ayaa sheeegay in dib ugu soo noqoshada ciidamada Eritrea ee Itoobiya ay si weyn uga sii dartay xaaladda.
VOA + AFP.
The post Mareykanka oo amar dul-dhigay dhinacyada ku dagaalamaya ITOOBIYA appeared first on Caasimada Online.