-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
If you search “Mogadishu” on Google, you will be flooded with horrible news headlines and graphic photos of death and destruction, mainly propagated by negative western media coverage which sees Somalia through a prism of war and terror. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay xaaladda gobalka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood oo shantii maalin ee la soo dhaafay ay ka dhaceen isku soo baxyo bulsho oo dad lagu dilay. DF ayaa sheegtay in ay ka xuntahay waxa ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool. “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ka xun tahay shaqaaqooyinka ka socda magaalada Laas Caanood ee Gobolka Sool,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda Faderaalka Soomaaliya. DF ayaa sidoo kale sheegtay in ay ku baaqeyso in la ilaaliyo nabad gelyada shacabkana loo turo si aysan u soo noqon shaqaaqooyinkaas. “DFS waxay ku baaqeysaa in si nabad ah loo maareeyo shaqaaqooyinkaasi, iyadoo loo turayo shacabka degaankaasina laga dhowrsado in dhiig dambe halkaasi ku daato,” ayaa markale lagu yiri war ka soo baxay Dowladda Soomaaliya. Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeesay dadka ku dhintay magaalada sidoo kalena alle caafimaad u waydiisay in uu siiyo kuwa ku dhaawacmay shaqaaqooyinka ka dhacay Laascaanood. “Waxay sidoo kale Dowladda Federaalka ee Soomaaliya tacsi u direysaa qoysaska iyo eheladii dadkii naftooda ku waayey shaqaaqooyinkaas, iyo inuu Ilaahay degdeg caafimaad u siiyo kuwii ku dhaawacmey,” ayaa lagu yiri warka dowladda. Sikastaba magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa todobad gudihii lagu dilay dad badan oo shacab ah kuwaas oo aan waxba gaystan, waxaana tacadiyaasaad gaystay ciidamada Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in deegaannadiisa ay duullaan ku tahay Somaliland. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda gobalka Sool gaar ahaan magaalada Laas-caannood, tan iyo markii dagaallada ka bilawday ayaa sheegay in Somaliland ay duullaan ku tahay dhulkooda. Saciid Deni ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay magaalada, waxa uuna sheegay in Laas-caannood lagu dilay dadka indheergaradka u ah gobalka. Hoos ka akhriso war ka maamulka Puntland uu ka soo saaray xaaladda gobalka Sool. MADAXWEYNAHA OO QORAAL KASOO SAARAY XAALADDA MAGAALADA LAASCAANOOD. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa war Qoraal ah kasoo saaray xaaladda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. “Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan dadkii wax ku noqday dhacdooyinkii bahalnimada ahaa ee maamulka Somaliland ka gaystay magaalada Laascaanood maalmihii lasoo dhaafay. Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu u naxariistoo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna u boogo dhayo Dadkaas shacabka ah ee aan u hubaysnayn ee la laayey waxay usoo bexeen keliya in ay ka dhiidhiyaan ugaadhsiga lagu hayo dadkii berimagaydada ahaa ee muddooyinkii u dambeeyay lagu ugaadhsanayay magaalada Laascaanood. Waxaan la soconaa in intii maamulka Somaliland uu joogay Laascaanood lagu dilay tiro dad ah oo kor u dhaafaya 100 ruux. Dadkaas waxaa ka mid ahaa, dhallinyaro, Haween, Culimo. Cid la dhaafay majirto. Dadkaas waa la dilaa, cid dishayna cidi isma weydiiso ilaa iyo hadana cid loo soo qabtay dilalkaas ama loo maxkamadeeyay majirto. Waxaan kaloo la soconaa in ciidanka ugu badan ee maamulka Somaliland uu joogo Laascaanood iyo nawaaxigeeda, magaaladuna ay noqotay xero ciidan (military garrison) Marka la eego inta magaaladu baaxadeedu le’egatahay iyo dadka ku dhaqan, Laascaanood waxay noqotay meesha ugu badan ee lagu laayo dadka indheer garadka ah, marka la barbar dhigo magaaloyinka kale ee Soomaaliya. Amni xumada magaalada ka jirtaa waxay sababtay in dadka intii wax haysatay, intii dhaqaale kusoo kordhin lahayd, intii aqoon kusoo biirin lahayd, qurbajoogtii ay isku soo halayn waayaan amniga magaalada oo meelo kale aadaan. Arintaasna waxa ka dhashay dhaqaale xumo baahsan oo saameeyay nolosha bulshada. Dabargoynta bulshadu waa in lagala diriro maskaxda iyo maalka. Waana waxa ka socda Laascaanood. Waxaan bogaadinayaa shacabka dareenkooda cabiray ee ka dhiidhiyey dhibka iyo tacadiga muddoba lagu hayay. Waxaan u sheegaynaa shacabka reer Laascaanood in aanu marwalba barbar taaganahay, lana qaybsanayno dhibka, ogsoonahayna waajibaadka dastuuriga ah ee naga saaran badbaadadooda iyo diifaacidooda. Dadka la shaqaysta Somaliland ee diiday awaamiirtii guracnaa ee la siiyey iyagoo u tudhaya tixgelinayana dareenka shacabkooda, waa ku mahadsanyihiin. Waxaase kasii wanaagsanaan lahayd amar diidadaa inay ka dhiciyaan kuwa gabood falada u geysanaya dadkooda. Inkastoo aynu kala mabda,a duwanaan karno, hadana waxa inaga dhexeeya dalka iyo dadka. Waxaa waajib inagu ah inaynu sugno xuquudooda, sharaftooda iyo madax banaanidooda. Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka reer Puntland in ay isku duubnaadaan oo ay ilaashadaan midnimadooda. Waxaan u sheegaynaa ummada Soomaaliyeed in markasta aan u taaganahay midinimada iyo dowladnimada ummada Soomaaliyeed, laakiin taaas macneheedu aanu ahayn in dowlada Puntland ay ka tanaasushay ama aanay dareensanayn waajibaadka saaran difaaca shacabkeeda iyo ilaalinta jiritaankeeda. Dowlada Puntland waxay jeceshahay aminiga, xasiloonada iyo wada noolaanshaha dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Puntland cidna duulaan kuma aha laakiin dowladnimadeeda iyo dadkeedii baa Somaliland duulaan ku tahay. Somaliland ayaa kusoo duushay welina duulaan ku ah dadka iyo Dhulka Puntland. Waxaan maamulka Somaliland ugu baaqaynaa inay ka waantoobaan ficilada guracan ee loo samaynayo in lagu cabudhiyo ama lagu xukumo dad usoo halgamay welina u dhimanaya jiritaanka iyo midnimada ummada Soomaaliyeed. Waxaan markale ku celinayaa in dowlada Puntland ay la garab taagan tahay dadka reer Sool, Sanaag iyo Cayn hiil iyo hooba iyo wax kasta oo kaga aadan difaacidooda iyo nabad galyadooda.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane , Siciid Cabdullaahi Deni. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND. Source: goobjoog.com
-
Somaliland Way Ku Socota Halkii Aan Wax Badan Ka Digayay Dagaalkuna Waa Bilaw. “Ku Lahaa Laascaanood Lugooyo Weeyaan!! “Somaliland Way Ku Socotaa Halkii Aan Wax Badan Ka Digayay. Maanta Ka Daaba Ma Lihi Ee Ku Soco Ayaan Leeyahay. Dagaalkina Waa Bilaw. Ta Alleh Ayaanay Noqon Ee Tu Kale Noqon Mayso” Qorre:- Mujaahid Cali Gurey. Qaran News
-
Idaacadda BBC-da ayaa caawa guud ahaanba joojisay Telefishinkii Qaybta Afsoomaaliga ee idaacadda, iyadoo guud ahaan sidaas lagu soo gabgabeeyay baahintaasi oo socon jirtay muddo 30 daqiiqo ah. Sidoo kale, waxaa jira qaybo kale oo iyagana hawada laga saaray, waxaana arrintani ay saameyn doontaa shaqaale tiro badan oo ka tirsanaa qaybaha BBC-da ee la xidhay. Kuwani waa qaar kamid ah shaqaalihii xarunta dhexe ee BBC-da, iyagoo caawa sii daayay Barnaamijkii ugu dambeeyay ka baxa BBCSomaliTv. Qaran News
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qoraal kasoo saaray xaaladda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaasi oo maalmihii tegay ay ciidamada Somaliland ku dileen dad shacab ah. Qoraalka ayaa aad uga duwan sidii la filayey, wuxuuna intiisa badan u muuqdaa mid baaq ah, halka ay reer Laascaanood filayeen in Deni uu tallaabo qaadi doono ama u gurman doono. Hoos ka aqriso qoraalka Deni Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan dadkii wax ku noqday dhacdooyinkii bahalnimada ahaa ee maamulka Somaliland ka gaystay magaalada Laascaanood maalmihii lasoo dhaafay. Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu u naxariistoo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna u boogo dhayo Dadkaas shacabka ah ee aan u hubaysnayn ee la laayey waxay usoo bexeen keliya in ay ka dhiidhiyaan ugaadhsiga lagu hayo dadkii berimagaydada ahaa ee muddooyinkii u dambeeyay lagu ugaadhsanayay magaalada Laascaanood. Waxaan la soconaa in intii maamulka Somaliland uu joogay Laascaanood lagu dilay tiro dad ah oo kor u dhaafaya 100 ruux. Dadkaas waxaa ka mid ahaa, dhallinyaro, Haween, Culimo. Cid la dhaafay majirto. Dadkaas waa la dilaa, cid dishayna cidi isma weydiiso ilaa iyo hadana cid loo soo qabtay dilalkaas ama loo maxkamadeeyay majirto. Waxaan kaloo la soconaa in ciidanka ugu badan ee maamulka Somaliland uu joogo Laascaanood iyo nawaaxigeeda, magaaladuna ay noqotay xero ciidan (military garrison) Marka la eego inta magaaladu baaxadeedu le’egatahay iyo dadka ku dhaqan, Laascaanood waxay noqotay meesha ugu badan ee lagu laayo dadka indheer garadka ah, marka la barbar dhigo magaaloyinka kale ee Soomaaliya. Amni xumada magaalada ka jirtaa waxay sababtay in dadka intii wax haysatay, intii dhaqaale kusoo kordhin lahayd, intii aqoon kusoo biirin lahayd, qurbajoogtii ay isku soo halayn waayaan amniga magaalada oo meelo kale aadaan. Arintaasna waxa ka dhashay dhaqaale xumo baahsan oo saameeyay nolosha bulshada. Dabargoynta bulshadu waa in lagala diriro maskaxda iyo maalka. Waana waxa ka socda Laascaanood. Waxaan bogaadinayaa shacabka dareenkooda cabiray ee ka dhiidhiyey dhibka iyo tacadiga muddoba lagu hayay. Waxaan u sheegaynaa shacabka reer Laascaanood in aanu marwalba barbar taaganahay, lana qaybsanayno dhibka, ogsoonahayna waajibaadka dastuuriga ah ee naga saaran badbaadadooda iyo diifaacidooda. Dadka la shaqaysta Somaliland ee diiday awaamiirtii guracnaa ee la siiyey iyagoo u tudhaya tixgelinayana dareenka shacabkooda, waa ku mahadsanyihiin. Waxaase kasii wanaagsanaan lahayd amar diidadaa inay ka dhiciyaan kuwa gabood falada u geysanaya dadkooda. Inkastoo aynu kala mabda,a duwanaan karno, hadana waxa inaga dhexeeya dalka iyo dadka. Waxaa waajib inagu ah inaynu sugno xuquudooda, sharaftooda iyo madax banaanidooda. Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka reer Puntland in ay isku duubnaadaan oo ay ilaashadaan midnimadooda. Waxaan u sheegaynaa ummada Soomaaliyeed in markasta aan u taaganahay midinimada iyo dowladnimada ummada Soomaaliyeed, laakiin taaas macneheedu aanu ahayn in dowlada Puntland ay ka tanaasushay ama aanay dareensanayn waajibaadka saaran difaaca shacabkeeda iyo ilaalinta jiritaankeeda. Dowlada Puntland waxay jeceshahay aminiga, xasiloonada iyo wada noolaanshaha dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Puntland cidna duulaan kuma aha laakiin dowladnimadeeda iyo dadkeedii baa Somaliland duulaan ku tahay. Somaliland ayaa kusoo duushay welina duulaan ku ah dadka iyo Dhulka Puntland. Waxaan maamulka Somaliland ugu baaqaynaa inay ka waantoobaan ficilada guracan ee loo samaynayo in lagu cabudhiyo ama lagu xukumo dad usoo halgamay welina u dhimanaya jiritaanka iyo midnimada ummada Soomaaliyeed. Waxaan markale ku celinayaa in dowlada Puntland ay la garab taagan tahay dadka reer Sool, Sanaag iyo Cayn hiil iyo hooba iyo wax kasta oo kaga aadan difaacidooda iyo nabad galyadooda.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane , Siciid Cabdullaahi Deni. -DHAMMAAD- The post Saciid Deni oo qoraal sidii la filayey ka duwan kasoo saaray xiisadda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sidaan uga hadlay dhibaatada ka taagan Laascaanood: Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan dadkii wax ku noqday dhacdooyinkii bahalnimada ahaa ee maamulka Somaliland ka gaystay magaalada Laascaanood maalmihii lasoo dhaafay. Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu u naxariistoo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna u boogo dhayo Dadkaas shacabka ah ee aan u hubaysnayn ee la laayey waxay usoo bexeen keliya in ay ka dhiidhiyaan ugaadhsiga lagu hayo dadkii berimagaydada ahaa ee muddooyinkii u dambeeyay lagu ugaadhsanayay magaalada Laascaanood. Waxaan la soconaa in intii maamulka Somaliland uu joogay Laascaanood lagu dilay tiro dad ah oo kor u dhaafaya 100 ruux. Dadkaas waxaa ka mid ahaa, dhallinyaro, Haween, Culimo. Cid la dhaafay majirto. Dadkaas waa la dilaa, cid dishayna cidi isma weydiiso ilaa iyo hadana cid loo soo qabtay dilalkaas ama loo maxkamadeeyay majirto. Waxaan kaloo la soconaa in ciidanka ugu badan ee maamulka Somaliland uu joogo Laascaanood iyo nawaaxigeeda, magaaladuna ay noqotay xero ciidan (military garrison) Marka la eego inta magaaladu baaxadeedu le’egatahay iyo dadka ku dhaqan, Laascaanood waxay noqotay meesha ugu badan ee lagu laayo dadka indheer garadka ah, marka la barbar dhigo magaaloyinka kale ee Soomaaliya. Amni xumada magaalada ka jirtaa waxay sababtay in dadka intii wax haysatay, intii dhaqaale kusoo kordhin lahayd, intii aqoon kusoo biirin lahayd, qurbajoogtii ay isku soo halayn waayaan amniga magaalada oo meelo kale aadaan. Arintaasna waxa ka dhashay dhaqaale xumo baahsan oo saameeyay nolosha bulshada. Dabargoynta bulshadu waa in lagala diriro maskaxda iyo maalka. Waana waxa ka socda Laascaanood. Waxaan bogaadinayaa shacabka dareenkooda cabiray ee ka dhiidhiyey dhibka iyo tacadiga muddoba lagu hayay. Waxaan u sheegaynaa shacabka reer Laascaanood in aanu marwalba barbar taaganahay, lana qaybsanayno dhibka, ogsoonahayna waajibaadka dastuuriga ah ee naga saaran badbaadadooda iyo diifaacidooda. Dadka la shaqaysta Somaliland ee diiday awaamiirtii guracnaa ee la siiyey iyagoo u tudhaya tixgelinayana dareenka shacabkooda, waa ku mahadsanyihiin. Waxaase kasii wanaagsanaan lahayd amar diidadaa inay ka dhiciyaan kuwa gabood falada u geysanaya dadkooda. Inkastoo aynu kala mabda,a duwanaan karno, hadana waxa inaga dhexeeya dalka iyo dadka. Waxaa waajib inagu ah inaynu sugno xuquudooda, sharaftooda iyo madax banaanidooda. Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka reer Puntland in ay isku duubnaadaan oo ay ilaashadaan midnimadooda. Waxaan u sheegaynaa ummada Soomaaliyeed in markasta aan u taaganahay midinimada iyo dowladnimada ummada Soomaaliyeed, laakiin taaas macneheedu aanu ahayn in dowlada Puntland ay ka tanaasushay ama aanay dareensanayn waajibaadka saaran difaaca shacabkeeda iyo ilaalinta jiritaankeeda. Dowlada Puntland waxay jeceshahay aminiga, xasiloonada iyo wada noolaanshaha dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Puntland cidna duulaan kuma aha laakiin dowladnimadeeda iyo dadkeedii baa Somaliland duulaan ku tahay. Somaliland ayaa kusoo duushay welina duulaan ku ah dadka iyo Dhulka Puntland. Waxaan maamulka Somaliland ugu baaqaynaa inay ka waantoobaan ficilada guracan ee loo samaynayo in lagu cabudhiyo ama lagu xukumo dad usoo halgamay welina u dhimanaya jiritaanka iyo midnimada ummada Soomaaliyeed. Waxaan markale ku celinayaa in dowlada Puntland ay la garab taagan tahay dadka reer Sool, Sanaag iyo Cayn hiil iyo hooba iyo wax kasta oo kaga aadan difaacidooda iyo nabad galyadooda. -DHAMMAAD – The post Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay xaaladda adag ee ka taagan Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda dalka, ayaa codsi iyo farriin u diray shacabka ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Madaxweynahaa ayaa si gaar ah bulshada caasimadda Muqdisho ugu adkeeyey in ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka oo u howlan fashilinta dhagarta ay u soo maleegayaan Al-Shabaab. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka garaabay jadadkii laga xiray bulshada caasimada maalmihii uu Muqdisho joogay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweynaha oo xirraashihii wadooyinka ka raali geliyey reer Muqdisho ayaa bulshada ku nool magaaladaan u sheegay, in wadooyinka la xiro markii wafdi imaanayo looga gudbi doono oo kaliya, in laga adkaado Al-Shabaab. “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay jidadka la xiray muddadii uu martida u ahaa dalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, taas oo uu ku tilmaamay duruuf ay sababtay xaaladaha amni oo lagaga bixi doono dhammeystirka xoreynta deegaannada ay dalka kaga harsan yihiin argagixisada Alshabaab,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay Madaxtooyada Soomaaliya. Shacabka Muqdisho oo aad u dhibsaday in wadooyinka laga xiro markii ay magaalada imaaneyso wafuud heer caalami ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay cadeeyey in arrintaan aan loo sii dul-qaada karin, halka dowladuna ay hadda tallaabadaas ka raali gelisay shacabka caasimadda. The post Madaxweyne Xasan oo raali-gelin ka soo saaray jidadkii loo xiray Ismaaciil C. Geelle appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta weerar ku dilay ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, howlgalkaas ayaa ka dhacay gobolka Jubbada Hoose. Degaan lagu magacaabo Muuse-Xaaji oo hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu dilay kooxdaan, kadib markii ay ciidamadu weerareen xilli ay isku uruursanayeen halkaas. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland S/Guuto Ismaaciil Saxardiid Keydsane oo Jubbaland TV la hadlay ayaa xaqiijiyey in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 10 dagaalme. “Saakay ayaa ka war-helay in kooxdaan ay halkaas isku uruursatay, kadib waan weerarnay waxaana idinla wadaagnay meydadkooda, ugu yaraan 10 ayaan halkaas ku dilnay, weerarkaas wuxuu ahaa mid guuleystay,” ayuu yiri Taliyuhu. Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay inay jiraan xubno googo’ay oo tiradaan la xaqiijiyey geeridooda aan ku jirin, sidoo kale wuxuu sheegay inay qorsheynayaan howlgallo kale. Waxaa maanta lasoo bandhigay meydadka Shabaab-kii lagu laayey duleedka Jamaame, waxayna xusid mudan in dalka oo dhan uu ka socdo howlgal culus oo Al-Shabaab looga xoreynayo. Hoos ka daawo The post Daawo: Jubbaland oo soo bandhigtay meydadka xubno badan oo Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxanuud ayaa ugu baaqay Somaliland in xal aan xabbad ahayn ay ku wajahdo xaaaladda reer Laascaanood, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ah ay mudnaan weyn siinayso xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada-noolashaha dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tacsi u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii birmo-geydada ahaa ee dileen ciidamada Somaliland waxa uuna xusay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan soo mareen, maantana aysan mudneyn in dib loogu celiyo dhibaatooyinkaas. PUNTLAND POST The post Xasan Sheekh: Somaliland xal aan xabbad ahayn haku wajahdo xaaaladda reer Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool iyo amniga caasimadda. Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehellada ay ka geeriyoodeen dadkii birmo-geydada ahaa ee ku dhintay bannaan-baxyada ka dhacay magaalada Laascaanood. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan soo mareen, maantana aysan mudneyn in dib loogu celiyo dhibaatooyinkaas. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Somaliland in xal aan xabbad ahayn ay ku wajahdo xaaladda reer Laascaanood, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ah ay mudnaan weyn siinayso xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada-noolashaha dadka Soomaaliyeed. Xaaladda cakiran ayaa ka taagan Laascaanood, waxaana maalinkii labaad banaan-baxyo rabshado wata dhigaya shacabka magaaladaas, halka ciidanka Somaliland ay awood u adeegsanayaan xakameynta dibadbaxyada. Salaadii Jimco ee maanta kadib waxaa dhacay banaan-bax aad u balaaran, waxaana rasaas kala hor tegay ciidanka Somaliland, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Marxuum Bidde Faarax Caalin oo kamid ahaa culumada iyo haldoorka Laascaanood ayaa kamid noqday dadkii maanta ku dhintay Laascaanood, waxaana dhaawacmay Taliyiyii qeybta booliska gobolka Sool ee Somaliland G/sare Cali Axmed Shire. Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku geeriyootay rabshadaha ka socda Laascaanood, in ka badan 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalka weli ka socda magaaladaas, rabshadahaan iyo dagaalka ay kala hor tagtay Somaliland ayaa ka bilowday dilal aan la aqoonsan cidda geysata oo lagu hayo haldoorka magaaladaas. The post Xasan Sheekh oo Somaliland u diray farriin la xariirta xiisadda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Somaliland in xalka aan xabbad lagu raadin oo loo dhimriyo shacabka. Xasan Sheekh oo ka hadlay dadka shacabka ah oo au ciidamada Somaliland ay ku dileen shantii maalin ee la soo dhaafay magaalada Laas-caannood ee gobalka Sool, ayuu ugu baaqay maamulka Madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday ee Muuse Biixi in xalka aan xabad lagu raadin. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay geerida ku timid shacabka, isagoo alle uga baryay kuwa ku dhaawacmayna in uu eebbe u booga dhayo. “Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii birmo-geydada ahaa ee ku dhintay bannaan-baxyada ka dhacay magaalada Laascaanood, waxa uuna xusay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan soo mareen, maantana aysan mudneyn in dib loogu celiyo dhibaatooyinkaas,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Soomaaliland inxal aan xabbad ahayn ay ku wajahdo xaaaladda reer Laascaanood, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ah ay mudnaan weyn siinayso xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada-noolashaha dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah bulshada Caasimadda Muqdisho ugu adkeeyey in ay la shaqeeyaan ciidanka oo u heellan fashilinta dhagarta argagixisada, isagoo muujiyey sida uu uga xun yahay jidadka la xiray muddadii uu martida u ahaa dalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, taas oo uu ku tilmaamay duruuf ay sababtay xaaladaha amni oo lagaga bixi doono dhammeystirka xoreynta deegaannada ay dalka kaga harsan yihiin argagixisada Alshabaab. Source: goobjoog.com
-
Waxaa maalintii Isniintia ahayd, ee bisha December 26, 2022 ku geeriyootay magaalada London ee dalka ingiriiska Alle ha unaxariistee hooyo Xaliimo Jaamac Cigaal, oo miuddo aad u kooban ku xanuunsaneyd dhaqtar ku yaala London. Xaliimo ayaa ka mid ahayd bahda caafimaadka, muddo dheeraa ka soo shaqeysay isbitaalada dalka ee kala duwan, intii ay London joogteyna ku caan baxday sama-falka iyo inay qayb ka qaadato arrimha bulshada. Waxaa si gaar tacsi loogu dirayaa ilmaheeda oo kala jooga dalka Midowga Boqortooyada Ingiriiska iyo Boqortooyada Sacuudiga, waxaana Alle aan uga baryeynaa naxariistiisii Janno iyo inuu sabur iyo inaan ka siiyo Caruurtii iyo ehelladii ay ka baxday. — Aamiin The post Qoyska AHN Xaliimo Jaamac Cigaal oo tacsi loo dirayo appeared first on Puntland Post.
-
Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Musharraxa madaxweyne Xigeen Mudane Maxamed Cali Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Masuuliyiin kale iyo xildhibaanada Xisbiga ayaa magaalada Boorama kulan kula qaatay madaxda dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Awdal. Kulankan oo ahaa is xog waraysi xaaladda dalka ayaa sidoo kale lagu xoojinayay sidii bulshadu si buuxda isugu diwaangelin lahayd kaadhka codbixinta. Source
-
Goobjoogeyaal ku sugan gobolka woqooyiga Itooobiya ee Tigray ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Ereteriya ay ka baxeen goobo halkaa ay ka heysteen iyagoo tagay dhinaca xuduuda . Bishii hore heshiiskii nabadeed ee dhacay ayaa ujeedadiisu aheyd in la dhammeeyo dagaal sokeeye oo qaatay labo sanno waxaa lagu go’aamiyey in dhammaan ciidamada shisheeyaha ay ka baxaan Tigray. Kumanaan askarta Ereteiya ayaa ka dhinac dagaalamay dowladda Itoobiya waxaana lagu eedeeyey in ay xadgudubyo baahasan geysteen. Dadka goob joogeyaasha ah ayaa BBCda u sheegay in ay arkeen baabuur waaweyn oo askar wadda ay ka soo baxayeen magaalada Axum iyagoo ku sii jeeda magaalada Sheraro , ma cadda haddii in si guud ay ciidamada Ereteriyau baxayeen . Dadka deggan degaanka Shire oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweynayaa u sheegay BBcda in ay arkeen gaadiid wada ciidamada Ereteriya. Saraakiisha Tigray ayaa sheegay in ay doonayaan ka bixitaaanka ciidamada Ereteriya iyo kuwa ka yimid gobolka ay deriska yihiin ee Amhara Iyagoo la rajeynayo in iyagana ay hubka dhigaan sida uu qorayo heshiiska nabadeed. Source
-
Maxkamad ku taalla dalka Botswana ayaa soo saartay amar lagu soo qabanayo madaxweynihii hore ee dalka Botswana Ian Khama oo lagu eedeeyey in uu haystay hub sharci darro ah. Qaaliga Maxkamadda ayaa amray in aragti lagu soo qabto . Madaxweynaha hore oo 69 jir ah ayaa dalka Botswana ka tagay sanadkii hore waxaana uu deggan yahay dalka ay dalkaas deriska yihiin ee koofur Afrika . Waa uu dafiray eedeymahaas wuxuuna sheegay in eedeymahaa ay qeyb ka yihiin shirqool siyaasadeed ka dib markii talada kala wareegay ninka isaga bedelay ee Madaxweyne Mokgweetsi Masisi. Mr khma ayaa xafiiska madaxtinimada ka tagay sanadkii 2018kii markii uu xukunka hayey labo jeer oo min shan sano ah. Waxaa uu wajahayaa 14 eed oo ay ku jiraan in uu lacag isdaba mariyeyuuna haysto hanti uu xaday . Warqadda soo qabashadisia ayaa keliya waxaa ku xusan in uu heysto shan qori oo sharci darro ah . Waxaa lala eedeeyey madaxii hore ee sirdoonka dalkaas iyo madaxii hore ee Boliiska.. Waxaa la filayaa in dowladda Botswana ay ka codsato Koofur Afrika in ay ninkaas u soo gacan galiso Mr Khama waa wiilka madaxweynihii ugu horreeyey ee dalkaas Seretse Khama wuxuuna sheegay in uu soo dhaweynayo in loo soo masaafuriyo Botswana si uu fursad ugu helo in uu soo bandhigo waxa uu ku tilmaamay beenta isaga laga sheegay . Wuxuu u sheegay barnaamijka BBC’s Focus on Africa bishii April in eedeymahaa ay yihiin waxa uu ku tilmaamay kuwo la dhoodhoobay uuna sheegay in dad ka tirsan dowladdaay doonyaan in ay sumcaddiisa wax uu dhimaan Source
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay wehelinayeen Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Cali Suudi Diiriye, La taliyaha dhanka Shareecada Maxkamadda Sare SH. Dr Ciise Maxamuud Cabdilaahi, Lataliyaha dhanka farsamada Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur, Isu-duwaha Maxkamadaha Guur-guura, Sharmaarke Yuusuf Faarax iyo saraakiisha waaxda tababarada Maxkamadda Sare ayaa shalay galabtii tababar u soo xidhay, 50 xubnood iskugu jiray Garsoorayaasha heerarka kala duwan ee Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex, Xeer-ilaaliyayaal, Qareenno, saraakiil ka socday Guddida Dacwadaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska gaar ahaan laanta nabad-galyada wadooyinka (Taraafikada). Taliyaha Qaybta Bariga Caasimada Hargeysa ee Ciidanka Nabad-galyada Wadooyinka Xasan Sh. Axmed, oo ku hadlayay afka kasoo qayb-galayaasha ayaa ugu horayn sheegay in tababarku ahaa mid muhiim ah isla markaana uu yaryahay in la helo noociisa oo kale. Dhanka kale La taliyaha dhanka Shareecadda Maxkamadda Sare Sh. Dr Ciise Maxamuud oo kamid ahaa khuburadii bixinaysay tababarka, ayaa hoosta ka xarriiqay in Garsoorku maanta marayo meel aad u wanaagsan isla markaana ay bulshadu rajo-weyn ka qabto shaqada iyo hawsha qiimaha leh ee ay u hayaan. Dr-ka ayaa is-dul-taagay aqoon-korodhsiga joogtada ah ee Garsoorku helay in ay laf-dhabar u tahay waxqabadka iyo fir-fircoonida ka muuqata guud ahaan Bahda Garsoorka. Waxa kale oo madasha ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diirye, oo xusay in tababarkani uu hal-bowle u yahay aqoon-is-waydaarsi sal-balaadhan, kaasi oo ay kasoo qayb-galayaashu fursad u heleen, maadooyinkii wakhtiga dheer lagu qaadan jiray oo loo soo koobay, isla markaana ay bixinayaan khuburo ay kamid yihiin Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Xeer-ilaaliyihii Guud iyo culimo aqoon-durugsan u leh cilmigii shareecada Islaamka. Geesta kale Garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa ka soo qayb-galayaasha ku booriyay in ay mar walba isbarbar wadaan aqoon-korodhsiga iyo waayo-aragnimada ay ka dhaxlayaan goobaha shaqada. Geestiisa Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa tibaaxay in markasta oo aqoon-is-waydaarsi yimaado ay shaqadu sii horumayso isla markaana ay sare u qaadayso hufnaanta iyo degdesiimaha shaqada. Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa xusay Garsoorku yahay muraayadii bulshada, kaasi oo cidkasta oo waddanka maal-gashanaysaa ay ku xisaabtamayso, waxaanu sheegay in muddooyinkii u danbeeyay Bahda Garsoorku ku talaabsatay horumar baaxad leh. Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababarka soo xidhay, ayaa sheegay in sare u qaadida cilmugu uu kamid yahay, halbeegyada ugu muhiimsan ee ay ku taamayaan. Taasi oo kamid ah tiirarka laf-dhabarta u ah dib-u-habaynta Garsoorka, waxaanu Guddoomiyuhu xusay in Maxkamadda Sare heshiis waxbarasho la gashay 9 Jaamacadood oo dalka oo dhan ah si looga midho-dhaliyo aqoonta Bahda Garsoorka. Guddoomiyaha ayaa xubnaha ku dhiirigaliyay in markasta oo ay firaaqo helaan ay ku buuxiyaan wakhtigooda daraasaynta iyo barashada cilmiga isla markaana ku dabaqaan shaqada maalinlaha ah ee ay hayaan. Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa geesta kale xusay in Bahda Garsoorku tahay hal-tiir oo shaqo kali ah wada haya, taasi oo ah in cadaaladda la gaadho, haddii ay tahay, Qareenka cid difaacaya, Xeer-ilaaliyaha dacwad oogaya iyo Garsooraha dacwadda go’aanka ka gaadhayaba. Gunnaanadkii Guddoomiyaha ayaa uga mahad-naqay khuburadii darsiyada qiimaha badan bixinaysay iyo xubnihii sida milgaha leh uga faa’iidaystay muddadii lixda cisho ahayd ee tababarku socday, waxaanu xusay in tababaro kale oo kan ku lammaana dhawaan gobolada laga fulin doono iyadoo loo qabanayo qaybaha kala duwan ee Bahda Garsoorka iyo Cadaaladda. Wa bilaahi tawfiiq Ibraahin Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare Source
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaal toos ah oo maanta mar kale ka qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Dagaalka ayaa maanta billowday kadib markii ciidamada Somaliland ay rasaaas la dhaceen shacab maalintii afraad muddaharaad ka samaynayay Laascaanood. Iska hor-imaadyo hubaysan oo u dhexeeya ciidamada Somaliland dadka degaanka ayaa ka dhacay magaalada welina sii xoogaysanaya. Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhintay in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka weli ka socda Laascaanood. Marxuum Bidde Faarax Caalin oo kamid ahaa culimada iyo haldoorka Laascaanood ayaa kamid noqday dadka ku dhintay dagaalka halka uu dhaawac yahay Taliyiyii Qaybta Booliiska Gobolka Sool ee Somaliland G/sare Cali Axmed Shire. Kacdoonkan ka socda magaalada Laascaanood oo loo bixiyay Kacdoonka Buluugga ayaa shacabka magaalada waxay ku dalbanayaan in ay Somaliland ka baxdo gobolka Sool. Kacdoonka oo markii hore ka billowday dilalka qarsoon iyo kuwa muuqda ee lagu hayo dadka reer Sool ayaa sidoo kale samaayn ku yeeshay degaanno kale oo ka baxsan Laascaanood. Ciidanka Somaliland ayaa u adeegsanayaa hubka culus boqolaal qof oo shacab ah, kana soo horjeeda joogitaanka Somaliland ee Laascaanood iyagoo dareenkooda cabiraya. Puntland, oo gobalkan laga qabsaday 15 sano kahor, ayaa si rasmi ah uga hadlin, Madaxweyne Deni ayaa aamusnaan dheer kagalay, isagoo horey uga hadlay dhacdooyin ka hooseya qadiyadan oo ka dhacay meelo kamid ah Soomaaliya. The post Sheekh caan ah iyo dad kale oo lagu dilay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Wararkii u danbeeyay & Xaalada Laascaanood Maalintii afraad ayaa mudaharaado ka socdaan magaalada Laascaanood, Ciidamada ayaa ridaya rasaas si ay mudaharaadka u joojiyaan. Bidde Faarax Caalin, oo ka mid ahaa Odayaasha magaalada ayaa ku geeriyooday rasaas la sheegay in ay rideen Ciidamada Somaliland. Ganacsiga magaalada ayaa xidhan ilaa maalintii mudaharaadku bilaamay. Dhinaca kalena laba Isuduwe ayaa maanta sheegay in ay xilkii iska casileen kuwaas oo kala ah Xanan A. Warsame oo ahayd Isuduwihii Qaxootiga iyo Barakacayaasha iyo Hafsa Dualleh, oo ahayd Isuduwii Maamul wanaaga. Qaran News
