Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Alle ha u naxariisto Sheekh Ismaacil Maxamuud Cigaal “Cumbaale” oo ahaa Hogaamiyaha & Khatiibkii Guud ee Culimada Tabliiqa geeska Afrika ayaa Maanta ku geeriyooday Magaalada Jeddah ee Dalka Saudi Aarabia.Sheekha ayaa caan ku ahaa fidinta Diinta Islaamka ee Caalamka oo dhan gaar ahaana dhulka Soomaalida. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha dowladda UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Kate Foster ayaa ka hadashay dhibaatada haatan ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ka dhaceen rabshado xoogan. Kate Foster ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka uga falcelisay xiisadda magaaladaas oo gashay maalintii shanaad, walow maanta deganaasho la dareemayo. Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa sidoo kale walaac ka muujisay rabshadahaas, gaar ahaan dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan. Sidoo kale waxa ay ku baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wadahadal iyo deganaan, si looga hortago khasaare markale ka dhaca halkaasi. “Waxa aan ka walaacsanahay dhacdooyinkii u dambeeyay ka dhacay Laacaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca Dadka rayidka ah. waxa aan dhinacyada is haya ugu baaqeynaa in ay xalka abaaraan kana fogaadaan wax weliba isku dhac kale keeni kara, arrimaha dhexdoodana u xaliyaan si nabad ah” ayey tiri Kate Foster oo ah danjiraha UK. Arrinta Laascaanood ayaa cirka isku sii shareertay, waxaana korortay dhimashada ka dhalatay dibad-baxyadii magaaladaas, kadib rasaas ay adeegsadeen ciidanka Somaliland. Si kastaba, xaaladda weli ah mid cakiran, waxaana rabshada haatan ka socdo Laascaanood ay ka dhasheen dilalka qorsheysan ee inta badan ka dhaca gudaha magaaladaasi. The post UK oo war kasoo saartay dhibaatada ka taagan Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  3. Paris (Caasimada Online) – Ku dhawaad 1,700 oo suxufiyiin ah ayaa lagu dilay caalamka 20-kii sano ee lasoo dhaafay, tiradaas oo celcelis ahaan noqoneysa in la dilay inka badan 80 sanadkii, sida lagu sheegay falanqeyn ay daabacday hay’adda suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee Reporters Without Borders. Hay’adda fadhigeedu yahay magaalada Paris ee dalka Faranksiiska ayaa sheegtay 20-kii sano ee u dhexeeyay 2003 iyo 2022 ay ahaayeen sanadihii ugu dhibka badnaa saxafiyiintaa, maadaama la dilay suxufyiinta heysta xaqa wargalinta iyo kuwa u ololeeya xaquuqda warbaahinta. “Tiridan waxaa ka dambeeya wejiyada, shakhsiyaadka, kartida iyo dadaalka kuwa naftooda ku bixiyay xog ururintooda, raadinta runta iyo xiisaha ay u qabaan saxaafadda,” ayuu yiri xoghayaha guud ee RSF Christophe Deloire. Ciraaq iyo Suuriya waxay ahaayeen dalalka ugu khatarta badan ee ay ka shaqeeya suxufiyiintu, iyada oo lagu dilay “isku geyn 578 wariye 20-kii sano ee la soo dhaafay, ama in ka badan saddex meelood meel tirada guud ee caalamka lagu dilay,” ayay tiri hay’adda RSF. Waxaa ku xiga Mexico (125 lagu dilay), Filibiin (107), Pakistan (93), Afghanistan (81) iyo Soomaaliya (78). Sanadihii ugu dhimashada badnaa ayay RSF ku sheegtay inay ahaayeen 2012 iyo 2013, “sabato ah dagaalka Suuriya”, iyada oo warbixintu ay sheegtay in sannadkii 2012 ay dhaceen 144 dil iyo 142 dil sanadkii ka dambeeyey ee 2013. Laakiin dhimashadu mar kale ayay korortay 2022 qayb ahaan, sababo la xiriira dagaalka Ukraine. 58 wariye ayaa la dilay iyagoo shaqadooda gudanaya, iyadoo sanadkii 2021-kii ay ahaayeen 51 wariye. Siddeed Suxufi ayaa lagu dilay dalka Ukraine tan iyo markii uu Ruushka galay duulaanka bishii February. Tani waxay is barbardhigtay wadar ahaan 12 dhimasho oo warbaahineed oo halkaas ka dhacay 19-kii sano ee la soo dhaafay. Ukrain ayaa hadda ah dalka ugu khatarta badan qaaradda Yurub dhanka warbaahinta, marka laga reebo Ruushka dhuqidhiisa oo 25-kii sano ee lasoo dhaafay lagu dilay 25 wariye. VOA + AFP. The post Immisa wariye ayaa Soomaaliya lagu dilay 20-kii sano ee la soo dhaafay? appeared first on Caasimada Online.
  4. The far-right leader gave a farewell to supporters on Friday before departing for the US, where his plans are unclear. Source: Hiiraan Online
  5. Ururrada Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA ayaa maanta war-saxaafadeed ka soo saaray shacabka lagu laynayo magaalada Laascaanood. War-saxaafadeedka ka soo baxay PUNSAA ayaa danbi dagaal ku tilmaamay xasuuqa ay Somaliland ku waddo shacabka Laascaanood. PUNSAA ayaa sidoo kale u tacsiyaysay dhammaan dadkii wax ku noqday dhibaatada ka taagan Laascaanood. Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post PUNSAA oo danbi dagaal ku tilmaantay waxa ka socda Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa war xasaasi ah kasoo saaray xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isaga oo weerar toos ah ku qaaday Somaliland. Farmaajo ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland in dad shacab ah oo birimageydo ah ay ku laayeen gudaha magaaladaasi, kadib rabshadihii ka dhacay halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu murugada la qabsanayo dhibanayaasha, wuxuuna dhanka kale dadka dhintay u rajeeyay inuu Eebbe ka waraabiyo Jannadii Firdowsa. “Waxaan murugada la qaybsanayaa ehelada iyo qaraabada dadkii birimageydada ahaa ee ciidanka Somaliland ay ku laayeen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, anigoo Alle u weydiinaya in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa,” ayuu yiri Maxamed Farmaajo. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay Somaliland inay joojiso tacaddiyada ka dhanka ah shacabka, isla-markaana la ilaaliso xasiloonida deegaanka. “Dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood, reer Sool iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed maanta ma xamili karaan colaad iyo dhibaato hor leh, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo tacaddiyada ka dhanka ah shacabka iyo wax kasta oo caqabad ku noqon kara xasilloonida iyo nabadda deegaanka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Farmaajo. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray waxgaradkaa Soomaaliyeed, isaga oo ka dalbaday inay u istaagaan xal u helidda dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. “Waxaan Eebbe caafimaad u weydiinayaa dhammaan dadkii dhaawacyadu ay soo gaareen, aniga oo rajaynaya in waxgaradka iyo haldoorka Soomaaliyeed ay u istaagaan xal u helidda dhibaatada ka taagan gobolka Sool,” ayuu markale yiri madaxweynihii hore ee dalka. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli ay xalad adag ka jirto gudaha magaalada Laascaanood, taas oo si weyn loogu dhaleeceeyay hoggaanka sare ee Somaliland, maadaama dad badan oo shacab ah ay dileen ciidamada inta ay u socdeen dibad-baxyada. The post Farmaajo oo weerar ku qaaday Somaliland: Waxay laayeen birimageydo appeared first on Caasimada Online.
  7. Barakac xooggan ayaa ka bilowday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool halkaas oo maalintii lixaad Ciidamada Somaliland ku laynayaan dad shacab ah. Dhawaqa hubka ayaa saaka laga maqlaya dhammaan xaafadaha Laascaanood waxaana gebi ahaanba gacanta ka sii baxaysa xaaladda magaalada. Dadka rayidka ah ayaa u bara-kacaya degaannada ka baxsan Laascaanood xilli Gobolka Sool oo dhan laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan. Kacdoonkan shacabka ayaa marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya halka Somaliland weli u isticmaalayso awood ciidan. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  8. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Jimcihii ay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay afduub ka geysteen gobolkan oo dhaca bartamaha dalka islamarkaana ay ka socdaan howlgallo culus. Wararka ayaa sheegaya in xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee afuubka geystay ay waddada u galeen gaadiid ay la socdeen dad shacab ah oo ku socdaalayey gobolka Hiiraan. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inmoo sheegay in dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay horay u kaxeysteen illaa 20 qof oo la socotay gaar Hoomey ah iyo mid Noah ah xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Halgan iyo Abuurey ee gobolkaasi. Shacabka la afduubtay iyo gaadiidka ay la socdeen ayaa kasoo baxay dhanka deegaanka Halgan, waxayna ku sii jeedeen dhinaca degmada Buulo-Burte. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha afduubtay dadkaas in la aadeen dhanka howdka, gaar ahaa goobaha ay heystaan Al-Shabaab. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomalaiya oo ku aadan dhacdadaasi. Arrintan ayaa walaac xoogan ku abuurtay dadka deegaanka oo markii hore culeys kala kulmayay howlgallada iyo dagaalka haatan ka socda gobolkaasi. Si kastaba, Hiiraan ayaa ah gobolka uu ka soo billowday kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay horkaceyso dowladda Soomaaliya oo deegaano iyo degmooyin horleh ka qabsatay kooxda, kadib dagaallo ay qaadeen ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka. The post Daawo: Al-Shabaab oo dad shacab ah iyo gaadiid ka afduubtay gobolka Hiiraan appeared first on Caasimada Online.
  9. Roobab ayaa saacadihi la soo dhaafay ka da’ay Gobollada kala duwan ee Puntland. Roobabka ayaa laga soo sheegaya in ay xalay iyo saaka ka da’een degaanno ka tirsan Gobollada Bari, Gardafuu, Haylan, Sanaag, Karkaar iyo Nugaal. Roobabka ugu badan ayaa ka da’ay Gobollada Bari iyo Gardafuu waxaana weli iska soo daba dhacaya xogaha Roobka. Sidoo kale cimilada ayaa cimilo-roobaad ayaa weli ka muuqata Gobollada qaarkood waxaana cirka saaran daruuro biyaysan. PUNTLAND POST The post Roobab ka da’ay Gobollada Puntland appeared first on Puntland Post.
  10. Mekelle (Caasimada Online) – Goobjoogayaal iyo sarkaal Itoobiyaan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in askarta Eritrea oo ku dagaallamayey taageerada dowladda federaalka Itoobiya labadii sano ee dagaalka sokeeye ee gobolka Tigreega ay ka baxeen labo magaalo oo waaweyn, una jihaysteen dhanka xadka. Ka bixista deegaanada Shire iyo Axum ayaa daba socota xabbad-joojin ay kala saxiixdeen 2-dii bishii November dowladda Itoobiya iyo ciidamada gobolka Tigreega ee TPLF, kaasoo dhigayay in ciidamada shisheeye laga saaro gobolka Tigray. Si kastaba ha ahaatee, Eritrea, heshiiskan qayb kama aysan aheyn, waxaana joogitaanka ciidamadeeda ee xarumaha waaweyn ee gobolka Tigreega a y keeneen su’aalo la xiriira dhaqangalka heshiiskan. Ilaa hadda ma cadda in ciidamada Eritrea ay gabi ahaanba ka baxayaan gobolka Tigray iyo in ay dib uga gurteen magaalooyinka qaar. Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in uusan xaqiijin karin ama beenin karin warkan, halka sarkaal Itoobiyaan ah oo diiday in magaciisa la shaaciyo uu xaqiijiyay in ciidamada Eritrea ay ka baxayaan Axum iyo Shire. Getachew Reda, oo ah afhayeenka ciidamada Tigreega, ayaan isla markiiba ka jawaabin faah-faahinta warkan. Saddex ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Axum iyo Shire ayaa sheegay in ay arkeen tobannaan baabuurta militariga ah oo ay ka buuxaan askar Eritrean ah oo Khamiistii kusii jeeday magaalada xuduudka ah ee Sheraro. Mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in ciidamadu ay u gacan haadinayeen. VOA The post Eritrea oo ciidamadeeda kala baxday TIGRAY iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  11. Mogadishu (HOL) - Southwest President Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen and leading state opposition figures have agreed to participate in a reconciliation meeting on January 5 in Baidoa. Source: Hiiraan Online
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Musharraxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxaxmed Cabdullahi (Cirro) ayaa markale si adag uga hadlay xaaladda murugsan ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Cabdiraxmaan Cirro ayaa shaaca ka qaaday in arrin aan la aqbali karin ay tahay waxa ka socda magaalada Laascaanood, gaar ahaan dhibaatada lagu hayo dadka shacabka ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Somaliland aan laga sugeynin inay dilaan shacab, balse ay aheyd inay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkii ka dhacay halkaasi. “Arrintaas waa axmaqnimo, Xukuumadda waxaa la rabay in ay soo qabato dadkii Hadraawi dilay balse kama sugeyn in ay disho 10 kale, wax la aqbali karo ma ahan arrimahaas,” ayuu yiri Cirro. Waxa kale oo uu ku baaqay in haatan si deg deg ah ciidamada looga dul-qaado shacabka reer Laascaanood, si loo qaboojiyo xiisadda culus ee ka jirta magaaladaas. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada, isaga oo ugu baaqday in aysan fududeysan waxa haatan ka socdo gudaha magaalada Laascaanood. “Xukuumadda waxaa ku waajib ah in ay amniga sugto magaaladana culeyska ka qaado iyada amniga la sugaayo, Golayaasha Guurtida, Wakiilada, Culimada & Haldoorka waxa aan usoo jeedinayaa in aan la dhayalsan” ayuu raaciyay musharrax C/raxmaan Maxamed Cirro. Xaaladda guud ee Laascaanood ayaa weli qasan, waxaana ka socdo dibad-baxyo rabshada wata oo ka dhashay dilalka qorsheysan ee ka dhaca halkaasi, kuwaas oo kordhay. The post Cirro oo ku baaqay in ciidamada laga dulqaado shacabka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  13. BAROOR DIIQDA FARMAAJO IYO BUUNBUUNINTA XAALADDA LAASCANOOD REER LAASCANOOD WEY KA DIIDEEN MARKAAD AKHRIDO PAGEKISA. WAXU KU SOO QAREY SABABTUNA WAA Markaan Madaxweynaha Federaalka aheyd. Maxaad noo qabatey, Iskaba Daa dowladda Somaliland iyo Maamuulkeeda aanu ka midka nahey. Hadana ey jiraan waxyaabo aanu ku saluugsanahey oo kaga cabaneyno Hadaba reer Sool waxey ku garnaqsadeen. 1. Sool clan maka shaqeysey Midnimadiisa. 2. Ceel biyood ma noo qodey meshaad doontaba soo mariyo. 3. Iskuulo ma na soo dhistey NGO noogu soo dhiibo. 4. Goobo Caafimaad ma noo dhistey, WHO noola hadalo. 5. Dowladaaddii imisa Digreeto ayaad noo magacwoddey 6. Ardeydii Waxbarashadda dibadda loogu dirayey ma nagu dartey 7. Ciidamadii dowladaha Shiisheeye taba-barayeen maku jirney 8. Safiiradda aad dibaddaha u direysey, Maxaanu ku laheyn. 9. Somaliland iyo Hadaanu ka cabaaneyneyna ma na dhex gashey 10. Bukaankayagii aanu xamar keneey safaradda Turkiga ma nooga qaadey Vise aanu ku geyno. 11. Dowladdnimadii maxaanu ka Faa’iideyn. Qabyalaad iyo Siyaasadd qaawan mooye. Cawa maxaan noogu soo jibooneysa. Soomalidda waxa wax isu ah intii isku oodda. Somaliland Isaaq Laascanood kuma duulin. Mana rabaan dhibaatadda shacabka Sool dhibta soo gaadhey. Balse Sheeko Khiyaali aan meelna gaadhsiineyn Shacabka Sool uma baahna. Maamulka Xukumadda kulmiye ayaa ku fashilmey aminga gobolka Sool. Markaa Farmaajo intuu joogey Dowladdnimo iyo wadda hadal Somaliland iyo Somalia si hufan ugama shaqeyn. Maanta waxu rabaa dhiig ka dhex daata dadka oodwagaa ee reer Somaliland. Xukumadda Kulimiyena khaladkeeda waxa saxaya Shacabka Somaliland ee lixdda Gobol Ka soo jeeda ee leh, Guurtidda, Dhaqanka, Culimada iyo waxgaradka Waan ku bogaadinaya Shacabka Sool ee comment Farmaajo kula garnaqsaddey, Waxey ugu soo koobeen Su’aashi Rooda waxaad ku jawaabtey. Roodaey jawaab uma hayo Su’aashada Shacabka Sool. Anigaase abtiyaal idinka jawaabaya waxu odhan laha. Dareenkiina waan ogahey, Balse Xukumadda Somaliland waxaan rabaa in aan xalino Sidii horumarkina aan uga shaqeyn laheyn. Xukumadda Somaliland si dowladdnimo iyo walalnimo aan uga wadda hadli laheyn. Wadda hadalka Somaliland iyo Somalia waanu ku dareyna dareenka shacabka Sool. Cabashadiina. Balse hadda Somaliland ayaad wax la qabsateen oo aad tariikhii midnimadda Somalia iyo Somaliland ka mid aheydeen nabad wax ku wadda qabsadda. dhiig Soomaaliyeed ma doonayo oo meelna ka daata. Anaa Ha’yadda Caalamka iyo horumarka caalamiga waan ku dedaalaya in gobolka horumarku soo gaadho. NGO qaar kolaan mashariicda idiin soo mariyo. ama Hay’ada calaamiga. Ama aanu Heshiisyada hoose ee Somaliland iyo Dowladda Federalka ku darno in Gobolka Sool la siiyo tixgalin gaara. Dhinaca horumarka Sidda, Caafimaadka, Waxbarashadda, Biyaha, Degaanka iyo Dhismaha Jidadka iyo Arimaha kobcinta shaqo abuurka iyo arimaha Bulshadda. Intaasiba waa nolosha arimaha Bulshadda ninka intaas garan wayey durbaan iyo qiiro jabaan qabyaladeed. Meeshu doonaba hajooge Siyaasiga aan umadiisa u cadaalad sameynin. Reerna maaha Qabiilna Maaha, Umaddana dhiig shacab inu daadiyo xaq uma leh. Dadka 5ta Soomaaliyeed meel walbey joogaan wey ka daaleen Colaad iyo dagaalo iyo dhiig daata. Markaa Caawa farmaajo waad ku sugteen. Madaxweyne Muse waxii ka khaldamey haduu saxi waayo Somaliland baa saxeysa oo shacabkeeda saxayaa oo Guurtiddeda saxeysa oo aqoonyahkeeda saxaya. Faaladda Caawa iyo Farmaajo iyo Gobolka Sool Markaanu rag badan oo dunida caalamka ku nool u wadda hadalney oo reer abtigey ah oo gobolka Buhoodle iyo Laascanood ka soo jeeda wadda hadlaney. Kana wadda hadlaney in aan shacabka Somaliland Colaad qabiil la dhex dhigin. Basle maamul xumadda xukumadda Muuse Bihi Hogaaminayo la isla garwaaqsadey sidey u maamushey kacdoonka shacabka laascanood. Qalinkeyka Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
  14. Xaalad aan caga badan ku taagneyn oo daganaasho ah ayaa laga dareemaya saaka magaalada Laascaanood ee gobalka Sool, waxaana weli jirta cabsi laga qabo in markale rabshado ay ka dhacaan magaalada. Shantii maalin ee la soo dhaafay dadweyne fara badan oo ka carooday dilal soo noqnoqday oo gudaha magaalada loogu gaysto aqoonyahanka, waxgaradka iyo indhaha bulshada ayaa isku soo baxyo ka dhigay magaalada. Ciidamada Somaliland ayaa dhankooda isku soo naxa dadweynaha kaga jawaabay rasaas taas oo sababtay in dad fara badan ay ku dhintan magaalada. Isku soo baxyada dadweynaha ayaa waxaa ku geeriyooday dad kor u dhaafaya 10 ruux, taas oo sababtay in carada shacabka ay sii kororto. Dhinaca kale kacdoon cusub ayaa gobalka ka curtay, xubna ay kamid tahay u qaabilsanihii guddiga doorashooyinka Somaliland iyo qaar kale oo gobalka ka soo jeeda ayaa xilalkoodii iska casilay. Ciidamo u abaabulan qaab beeleed ayaa ka baxay deegaanno ka tirsan maamulka Puntland, kuwaas oo sheegay in ay difaacayaan dadkooda sida ay hadalka u dhigeen. Magaalada ayaa saaka lagu arkaya ciidamada Militeriga Somaliland, kuwaas oo taagan jidadka magaalada. Isbitaalka wayn ee magaalada ayaa sidoo kale lagula tacaalaya dhaawacyada dadkii ay ka soo gaareen rasaasta ciidamada. Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa ku baaqay in xalka aan xabad lagu raadin loona dhimriyo shacabka. Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda Somaliland ugu baaqday in la ilaaliyo dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Eritrean soldiers, who fought in support of Ethiopia’s federal government during its two-year civil war in the northern Tigray region, are pulling out of two big towns and headed towards the border, witnesses and an Ethiopian official told the Reuters news agency. Source: Hiiraan Online
  16. The Sool clan clan held a conference in Jigjiga from 10 to 15 December 2022. The delegates comprised traditional leaders, religious scholars, and representatives from key sectors of the society. They came from the regions of Sool, Sanaag and Cayn (SSC) in northern Somalia. But most of them also belong to the Sool clan region in the Ogaden. Thus, the overall Sool clan homeland is a huge territory straddling the 700 km long artificial colonial border which is on the map but otherwise they consider themselves to live in the same territory. Source: Hiiraan Online
  17. The ship Neva has delivered 25,000 tonnes of food wheat to Somalia as part of the Grain from Ukraine program. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Larry E. André oo ah safiirka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, kaas oo fadhigiisu yahay xerada Xalane. Qoor Qoor ayaa saddex arrimood kala hadlay Larry E. André, kuwaas oo kala ah amniga Galmudug, howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageerada dowladda Mareykanka. Sidoo kale madaxweynaha Galmudug ayaa danjiraha iyo dowladdiisa uga mahadceliyay, sida ay mar weliba u garab taagan Soomaaliya, gaar ahaan doorkooda dagaalka Shabaab. Madaxweyne Qoor Qoor oo Muqdisho uga qayb-galay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lasoo gabagabeeyay ayaa haatan kulamo gaar gaar ah ka wada caasimada, wuxuuna shalay qaabilay danjiraha dalka Qatar ee Soomaaliya Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi. Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada-hadlay taageerada horumarineed ee ay dowladda Qatar ka wado deegaanada dowlad goboleedka Galmudug. Dhaq-dhaqaaqyadan uu wado Qoor Qoor ayaa kusoo aadayo, xilli la filayo in Galmudug ay ka billowdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, Mareykanka ayaa qayb ka ah dagaalkaas, wuxuuna ciidanka Soomaaliya ka taageeraa dhanka hawada, isaga oo duqeymo culus la beegsada xoogaga Al-Shabaab. The post QOOR QOOR oo saddex arrimood kala hadlay safiirka Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  19. Cristiano Ronaldo is going to continue his professional career in Saudi Arabia. Source: Hiiraan Online
  20. (SLT-Riyadh)-Kabtanka xulka waddanka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa ku biiray kooxda Saudi Arabia ee Al Nassr, isaga oo la gaadhay heshiis laba sanno iyo badh ah, sida ay kooxdani ku dhawaaqday Jimcihii, kadib markii uu ka tagay Manchester United, isaga oo bilihii lasoo dhaafay ahaa xor. Ronaldo ayaa ka tagay Old Trafford bishii hore kadib uu bixiyay wareysi ka cadheysiiyay Manchester, waxaana 37 jirkaan weerarka ka ciyaara uu ku sheegay inuu dareemayo khiyaamo uu kala kulmay, isaga oo sheegay in aanu ixtiraam u heyn tababarahooda reer Holland Erik ten Hag. Al Nassr, ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in xiddiga shanta jeer ku guuleystay abaal marinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida ee Ballon D’or uu ku biiri doono heshiis dhacaya 2025, laakiin ma ma shaacin wax tafaasiil maaliyadeed ah. Qandaraaska Ronaldo ayay saxaafaddu ku qiyaastay in ka badan 200 milyan oo Yuuro oo u dhiganta 214.04 milyan oo doolar. “Waxaan rajeynayaa inaan ku biiro saaxiibadeyda cusub oo aan si wadajir ah u caawiyo kooxda si ay guulo u gaadho.” ayuu Ronald ku yiri bayaan uu soo saaaray. Ronaldo ayaa Sucuudiga ku iman doona isaga oo wata abaalmarinno badan oo heer naadi ah kadib markii uu wacdaro ka dhigay kooxda reer Spain ee Real Madrid intii u dhaxaysay 2009-18 isaga oo kula guulaystay laba koob oo LaLiga ah, laba koob oo Spain ah, afar koob oo Champions League ah iyo saddex koob oo koobka kooxaha adduunka ah. Source
  21. She throws plumes of dust in the rugged streets of Adado, a tiny town in the semi-autonomous Galmudug region, central Somalia, as she speeds off to work every morning leaving behind pedestrians holding into their cheeks with palms in utter awe. Source: Hiiraan Online
  22. Habibo Adan Ali, 17, walked more than 18 miles to get treatment for her sick child Source: Hiiraan Online
  23. Xiisad dagaal iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa saaka oo Sabti ah laga dareemaya guud ahaan Gobolka Sool. Xiisaddan u dhexayaa ciidamada Somaliland iyo Beesha Sool clan oo sii xoogaysanaysa ayaa ka dhalatay shacabkii lagu laayay Laascaanood. Degmooyinka Gobolka Sool qaarkood ayaa waxa saaka ka socda dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska horjeeda. Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale aad u cakiran waxaana weli xiran suuqyada iyo xarumaha Ganacsiga. Somaliland ayaa ciidamo badan duldhigtay Laascaanood waxaana xalay guryaha magaalada qaarkood u daatay ciidamo lagu magacaabo RRU oo dad rayid ah xiray. Colaaddan ayaa noqonaysa middii labaad ee dhexmarta ciidamada Somaliland iyo Beesha Sool clan iyadoo tii hore ka dhacday Gobolka Cayn. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo saaka ka aloosan Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.