Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. TV gii Horyaal ninkii Sayid ahaa buu la dhintay. Hadii aanay nacasnimo hidde ahi meel uun kaa ga soo neefeynin, ka digtoonow in aad tidhaahdid, amaba soo qortid – Sool clan iyaka ayaa is dilaaya! Wax la gu hadlo ma aha. Waa gef aan sinaba iyo marnaba dood dad loo la yimaaddo u ahayn. Caawa hadii Gebilay, Boorama amaba Berbera dilal qorshaysani si joogto ah u ga dhacaan, marnaba iyo sinaba u odhan maysid reeraha meelahaas deegaan ahaan u badan ayaa dilka is ku wada ee iyaku ha is ka joojiyeen. Marnaba sidaas odhan maysid, waanad ku saxantahay in aanad sidaas odhan, maxaa yeelay reeruhu dawlad ma aha, ilaalinta amniga na lacag ma ku qaataan. Waxad odhanaysaa meesha maamul baa ka jira ee hay’adihii iyo masuuliyiintii amniga maxaa ku dhacay? Adiga oo sidaas u hadlaaya oo u fikiraaya, marka ay Laascaanood timaaddo, ha is ka nacasnimo hadlin. Aff xun oo uraaya intoo aad ka la furtid, sidii neef ha is ka ciyin. Ha odhan iyaka ayaa is dilaaya ee ha joojiyeen. Ha la mid noqon islaanta meel halkeer ah ka dhuranta oo kale. TV gii Horyaal ninkii Sayid ahaa buu la dhintay. Waxa Qoray: Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo shir jaraa’id qabtay ayaa Somaliland u diray fariin la xariirta xiisada maalinkii 8-aad ka aloosan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Guddoomiyaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dadka Soomaaliyeed aysan waxaba ka baran wixii taariikh madow soo maray, isagoo xusay in 45 sano oo dagaal ah ay Soomaalidu soo martay. Cabdi Xaashi ayaa Somaliland iyo reer Laascaanood u diray baaq ka kooban seddax qodob oo kala ah: 1 – Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in dad shacab ah oo banaanbax sameynaya in xabado lagu furo waa arrin qaldan, waana in la joojiyo. 2 – Dadweynaha reer Sool waxaan leeyahay mudo dheer ayaad nabad heysateen, waana ku amaanantihiin, laakiin mudaharaad wax burburinaya ma fiicna ee halaga joogo. 3 – Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada in la wada fariisto, la wadahadlo oo heshiis lagu gaar, sida uu xalku ku jiro. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa 3-daas qodob hor dhigay Somaliland iyo dadka reer Sool, isagoo baaq guud u diray guud ahaan Soomaalida. “Soomaaliyey dantiinu waxay ku jirtaa inaad nabad ku wada noolaataan, waxaan idinkugu baaqayaa inaad heshiisaan, intii dhimatay Allaha u naxariisto, colaadahana allaha naga koriyo,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Guddoomiye Cabdi Xaashi. Xiisad culus oo sababtay banaan-baxyo rabshado wata iyo in ciidamada Somaliland ay toogasho toos ah geystaan ayaa ka taagan magaalada Laascaanood in ka badan hal todobaad, waxayna dadka gobolkaasi sheegeen inay diidan yihiin inay sii xukunto Somaliland. Hoos ka daawo hadalkii Cabdi Xaashi The post Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saddx qodob kasoo saaray xiisadda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  3. Waa munaafaq Qofka ku odhanaya “Somaliland xaq bay u leedahay inay aayaheeda ka tashato” ee aan odhan karayn “Dadka reer Sool xaq bay u leeyihiin aayo ka tashigoodu” Midna ogow, Dawaladdu waxay shacab ku maamuli kartaa rabitaankooda. Haddii aanay ku rabin, xoog iyo cudud cidina cid kuma maamuli karto. Anigu qaddiyada Somaliland waan aaminsanahay, balse ma qabo inay tahay wax qofka aan rabin lagu sandullayn karo oo qasab lagaga dhigi karo.” Abwaan Xasan Daahir – Weedhsame Qaran News
  4. Laascaanood (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay beesha caalamka ayaa baaq loogu diray Somaliland iyo shacabka ku nool magaalada Laascaanood, iyadoo qoraalkaan walaac looga muujiyey xiisadda ka taagan magaaladaas. “Saaxiibada Beesha caalamka ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah. Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan,” ayaa lagu yiri bayaankaan. Qoraalka oo aad u koobnaa ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal.” Dad badan ayaa lagu dilay Laascaanood maalmihii lasoo dhaafay, waxaana xusid mudan in rabshadaha ka socda magaaladaas ay markii horaba ka dhasheen dilal aan la garaneyn cidda geysata. Dad banaan-baxyada dhigaya ayaa sheegaya in aysan dooneyn inay Somaliland sii xukunto Laascaanood, iyagoo ku doodaya in dilka haldoorkooda aysan sidaan ku sii fiirsa karin. Ciidamada Somaliland ayaa awood u adeegsanaya dibad-baxayaasha, waxay maalmihii lasoo dhaafay toogteen dhowr qof, waxayna rabshadahaani socdaan in ka badan todobaad. Baaqyo ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, waxaana ugu dambeeyey kan caawa ka soo baxay beesha caalamka. War-saxafadeedkaan waxaa si wadajir ah u soo saaray ururrada iyo wadamada kala ah: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Shiinaha, Denmark, Masar, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay. The post Beesha Caalamka oo war cusub ka soo saartay xiisadda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  5. Mogadishu (Caasimada Online) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has vowed to liberate the country from Al-Shabab militants by the end of 2023 as government forces continue to gain control of more territories from the Islamist group. In a national address on Sunday, the President outlined the government’s plans for this year, including the assumption of full responsibility for the country’s security with the help of the international community. The President emphasized the importance of security in enabling the country to thrive and the well-being of its citizens and reassured the nation that efforts to combat Al-Shabab are making significant progress. “The liberation of our country from Al-Shabab is within reach, and I am confident that we will achieve it by the end of 2023. With the support of our partners, we will continue to work tirelessly to rid our nation of this cancer that has plagued us for far too long,” the President said. This comes as Somali government forces, aided by local armed civilians, have made significant progress in their efforts to drive Al-Shabaab out of the Galgadud and Mudug regions. The city of Masagaway in Galgadud region was captured on Sunday by the army, marking a significant victory in the fight against the extremist group. Al-Shabaab, which is affiliated with Al-Qaeda, has been responsible for a number of deadly attacks in Somalia and the surrounding region, targeting civilians, government officials, and international aid workers. The group has been fighting against the government and African Union forces for over 15 years but is now facing its most formidable challenge yet as local people have joined the rebellion against the militants. Looking ahead to the future, President Hassan expressed hope that 2023 will be a year of prosperity for Somalia and outlined the government’s plan to take over the country’s general security from the ATMIS mission, which has been assisting Somalia for many years. “The goal is for the Somali government and its people to fully assume responsibility for the security of the country by December 2024, with the help of the international community,” the President said The President also mentioned that the federal and regional governments had reached a political agreement on security issues and national security structure. He promised to provide more details on this agreement at a later date. Somalia has been plagued by civil war and instability for decades, with the extremist group Al-Shabab playing a significant role in the country’s conflicts. Al-Shabab, which is affiliated with Al-Qaeda, has carried out a number of deadly attacks in Somalia and the surrounding region, targeting civilians, government officials, and international aid workers. In recent years, the Somali government, with the help of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and other international partners, has made significant progress in combating Al-Shabab and improving security in the country. However, the group continues to pose a threat, and the fight against it is ongoing. In addition to addressing security concerns, the Somali government has also been working to rebuild the country’s infrastructure and institutions and provide essential services to its citizens. These efforts have been hindered by a number of challenges, including a lack of resources, corruption, and ongoing conflicts. Despite these difficulties, President Hassan Sheikh Mohamud and his government remain committed to working towards a brighter future for Somalia and its people. “I encourage the Somali people to focus on the future and not to judge where the country is today, but rather to judge where it is going,” said the President. “I am confident that with hard work and determination, Somalia will achieve its goals and build a bright future for all its citizens.” The post Somali president vows to eliminate Al-Shabab by the end of 2023 appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay u hiiliyaan, ugu hiiliyaan sidii uu u soo celin lahaa qabkii Soomaalida. Madaxweynaha ayaa codsaday in mar dambe aysan dadka Soomaaliyeed hoos isku fiirin, isagoo wacad ku maray inuu xaqiiji doono intii uu karo himillada ay u qabaan inay dunida wax la qeybsadaan. “Soomaaliyey walaalayaal dhamaantiin waxaan idinka codsanayaa inaad ii hiilisaan, anigoo ah madaxweynihii aad shalay doorateen, waxaan dinka codsanayaa inaad iigu hiilisaan soo celinta sharafta iyo karaamada aan mudada dheer ka oomanahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Wuxuu sheegay in Soomaalidu ay ugu horeeyaan umadaha ugu sharafta badan dunida, sidoo kale wuxuu xusay in dalkeenna ay barwaaqo buuxdo. “Soomaaliyey aniga iima muuqato sabab aan u noqon weyno dadka dunida ugu sharafta badan uguna farxadda badan, waa noqo karnaa ee walaalayaal waxaan idinka codsanayaa inaad iigu hiilisaan mashruucaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan Sheekh. Ugu dambeyntii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka SOomalaiyeed ka codsaday in mar dambe aysan hoos isku fiirin oo khilaafaadka dhexdooda yaalla ay ka gudbaan, si dunida aan u hiigsano. Madaxweynaha ayaa codsigaan ku soo gabagabeeyey khudbad uu jeediyey oo uu kusoo koobaayey hormaradii ay sameysay dowladda uu hoggaamiyo todobadii bilood ee uu xafiiska joogay. Hoos ka daawo The post Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh dadkiisa ka codsaday inay ugu hiiliyaan hal arrin appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlay dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaal-yahaanada kooxda ay haystaan laba doorasho oo kaliya. Odowaa ayaa sheegay in xiligaan ay Shabaab u furan tahay inay isa-soo dhiibaan, haddii ay doonayaan inay helaan badbaado, iyo doorashada kale oo uu ku sheegay inay tahay dhimasho. Jeneraalka oo la hadlayay boqolaal ka tirsan ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale sheegay inay ka warhayaan in dhaawacyada iyo maydadka Al-Shabaab ay daadsan-yihiin keymaha ay ku dhuumayeen, ayna uga daba tagi doonaan, sida uu sheegay. “Waxaan ognahay inaad keymaha ku dhiig baxaysaan, waxaan ognahay in maydadkiinu geedaha dulsaaran yihiin, waxaa idiin furan labo arrin oo kala ah, imaa inaad isisoo dhiibaan oo aad martaan hannaanka cafiska dowladda, waa imaa inaan bartiina idin kugu imaano oo idin ku dilno,” ayuu yiri. Waxa kale oo uu tilmaamay in marnaba aan dhex-dhexaad laga noqon karin dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo muddooyinkii dambe laga gaaray guulo waaweyn. “Ciddii aan lasoo safan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka waa inay dhinaca kale lasoo saftaan, iskuna diyaariyaan inaan la cafindoonin,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in deegaanada laga xoreeyay Shabaab aysan ka muuqan wax ay ka qabteen diinta, islamarkaana ay diinteena suuban u geysteen gef aad u weyn, isaga oo xusay in kooxda dagaal la gashay dugsiyadii qur’aanka lagu baran jiray. The post Jeneraal ODOWAA oo shaaca ka qaaday xog ku saabsan Al-Shabaab ku jira kaymaha appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo galabtii la hadlay shacabka Soomaaliyeed, ayaa ka warbixiyay gulufka socda ee ka dhan ah Al-Shabaab iyo hiigsiga sanadka cusub ee 2023-ka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in halganka dib u xoreynta dalka iyo hiigsiga sanadka 2023 uu noqon doona sanadkii dalka xoroobi lahaa dowladdana ay u jihaysan laheyd adeeg iyo waxqabad. “Waxkasta oo horumar iyo wanaag ah oo umaddi gaarto waxay ka dambeeyaan marka qofka amni haysto oo gurigiisa inta uu nabad ku seexdo uga soo toosi karo, waana sidaas sida aan muhiimada koowaad u siinay arrimaha amniga,” ayuu yiri madaxweynaha. “Dadka Soomaaliyeed waxay maanta u istaageen inay iska qabtaan Khawaarijta, dagaalkaasina meel fiican ayuu maraya oo geba-gebadiisa ayaa dhow. Sanadkaan 2023-ka waxaa rajeynayaa sanadkii Soomaaliya ay u bixi laheyd barwaaqo iyo bash-bash.” Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay dadaal badan ugu jirto sidii ay amniga guud ee dalka ugala wareegi laheyd howl-galka Ex-AMISOM (ATMIS), kuwaasi oo sanado badan ku sugna dalkeena. “Arrimaha amniga marka la yiraahdo waxaa hiigsaneyna in dowladda Soomaaliyeed iyo dadkeeda oo iswata ay xilka amniga dalka iyo dadka si buuxda ula wareegaan bisha December 2024-ka, walaalaheena AMISOM iyo caalamka na-kaalmeynayay u mahad-celin oo tusino in aan gaarnay heer aan ku hanan karno amnigeena.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ay siyaasad ahaan ka heshiiyeen arrimaha amniga taabanaya iyo qaab dhismeedka amniga Qaranka. “Waxaa dhawaan ka heshiinay ayadana oo meel soo gaarsinay arrimaha aan isleenahay amniga ayay taabanayaan oo gadaal idinka soo sheegi doono.” “Dadka Soomaaliyeed yeysan nagu qiimeyn maanta meesha aan joogno, ha la isku qiimeeyo meesha aan u socono,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo sameeyey ballaan-qaad culus oo sanadka 2023 ah appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Qaramada Midoobay ayaa gaashaanka ku dhufatay dalab ay dowladda Ethiopia ku doonaysay in la hakiyo dhaqaalaha la siiyo khubarada ka tirsan golaha caalamiga ee xuquuqda aadanaha ee ka howl-gal gudaha dalkaas. Dalabkaan oo cod loo qaaday ayaa waxa gaashaanka ku dhuftay 71 dal, halka ay 32 dal oo kale ay taageereen dalabka Ethiopia ee ahaa in la joojiyo kharashka ku baxa baarayaasha khubarada caalamiga ee tacadiyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gobolka Tigrey. Dalalka diiday dalabkaan dowladda Ethiopia yaa waxa kamid ahaa inta badan dalalka Reer Galbeedka, ayadoo Qaaradda Afrika uu dalka Botswana oo keliya diiday. Sidoo kale dalalka isbarbar taagay mowqifkaan ayaa badankooda waxay kasoo jeedaan Qaarada Afrika, waxaana dalalkaasi kamid ah Soomaaliya, Djibouti, Sudan, Kenya iyo Eritrea. Madasha cod-bixintaasi waxaa ka maqnaa 50 dal oo ka tirsan Qaramada Midoobay, kuwaasi oo badankooda ka soo jeeda dalalka Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan dalalka Masar iyo Liibiya. Waxa kale oo xusid mudan in dowladaha Ruushka iyo Shiinaha ayaguna u codeeyeen in la joojiyo kharajka guddigaasi, oo xaruntooda dhexe ku taallo magaalladda Entebbe ee dalka Uganda. Dowladda Ethiopia ayaa hore waxay ugu eedeysay guddiga khubarada baarayaasha caalamiga (ICHREE) inay siyaasadeeyaan arrimaha xuquuqda aadanaha ee Ethiopia. Ethiopia ayaa waxay had iyo jeer dalban jirtay in kharajka laga joojiyo guddigaan tan iyo markii uu golaha Qaramada Midoobay ee xuquuqda aadanaha magacaabeen guddigaasi bishii December ee sanadkii 2021-kii The post QM oo laashay dalabkii Ethiopia xilli ay Soomaaliya iyo dalal kale la safteen appeared first on Caasimada Online.
  10. Mogadishu (Caasimada Online) – The Somali government is intensifying its efforts to defeat the Al-Shabab militant group and is calling for increased drone strikes against the group. President Hassan Sheikh Mohamud has urged the Somali National Forces and allied regional forces to focus on defeating the group. He has indicated that he is willing to use any available tools to eliminate Al-Shabab. The government sees drone strikes as crucial in eliminating Al-Shabab hideouts and recently gathered Federal State leaders in the capital to re-establish unity in the fight against the group. US Africa Command on December 18 said it had killed 15 key leaders of al Shabab in a drone strike at the “request of the Federal Government of Somalia,” Mogadishu released images of the dead Shabab leaders to the public. The US Africa Command has launched at least 220 airstrikes on Al-Shabab in Somalia over the past decade, with varying levels of success. While the military precision of these strikes has effectively neutralized Al-Shabab targets, there have also been civilian casualties. In response to these concerns, President Mohamud has emphasized the importance of avoiding civilian casualties, stating in an interview with Marc Lamont Hill of Upfront on Al-Jazeera that “we are doing everything we can to avoid civilian casualties…and for the last six months that these operations are going on, we succeeded in that.” Still, Amnesty International has questioned the accuracy of such claims, stating that the data provided by the US Africa Command may have weaknesses. That situation reports on civilian casualties were only launched in 2020 following years of complaints. Africom has also been accused of labeling every casualty as a terrorist or underreporting civilian casualties, even when attacks occur in residential areas. Finding a clear “war zone” in Somalia where Al-Shabab has infiltrated communities makes it difficult to conduct airstrikes precisely. In response to these concerns, President Joe Biden limited drone strikes to active war zones when he took office and required the White House to approve each strike. Al-Shabab is a militant group that operates in Somalia and the broader East Africa region. It was initially formed as a radical offshoot of the Islamic Courts Union, a group that briefly held power in Somalia in 2006. Al-Shabab has been designated as a terrorist group by the US and other countries. It has carried out numerous attacks in Somalia and the region, including bombings, assassinations, and kidnappings. The group has also been known to impose strict Islamic law, or sharia, in areas under its control. Al-Shabab has a stated goal of establishing an Islamic state in Somalia and has frequently targeted government officials, foreign aid workers, and other perceived enemies. The group has also claimed responsibility for several high-profile attacks outside of Somalia, including the 2013 Westgate Mall attack in Kenya and the 2015 Garissa University College attack in Kenya. Over the years, Al-Shabab has faced a series of military offensives by the Somali government and its allies, including the African Union Mission in Somalia (AMISOM). Despite these efforts, the group has continued to carry out attacks and remains a significant threat in the region. It remains to be seen how effective these efforts will be in bringing an end to the group’s activities in the country. The post Somalia seeks increased drone strikes against Al-Shabab militants appeared first on Caasimada Online.
  11. Telecom companies in Lasanod must not play a role in covering up atrocities committed by Somaliland militias. Lasanod (Editorial) — Somtel, Telesom and Golis should not give in to the pressure from Somaliland militias in Lasanod to put telecommunications out of service. Citizen journalists in Lasanod have kept the public abreast of extrajudicial killings committed by Somaliland militias in Lasanod. Earlier today telecom companies in Lasanod switched off telephone services. Somtel reportedly resumed the service one hour ago. During the telecommunications blackout in Lasanod Somaliland militias killed 14 people including the imam of a mosque. People not only use telephony to communicate with each other; they use mobile money systems such as SAAD and E-dahab to send money or conduct transactions. Telecom companies that follow the telecom blackout instructions from Somaliland government have lost any right to operate in Lasanod. Failure to resist pressure from Somaliland authorities keen on switching off telecommunications systems will earn telecom companies the role of an enabler covering up crimes being committed by Somaliland militias against citizens in Lasanod. It will have an adverse impact on community amity in the long run. Business has long been viewed in Somalia as a positive factor in breaking barriers created by opportunistic politicians. The principle to protect the political rights of citizens must guide decisions by telecom companies in Lasanod. © Puntland Post, 2022 The post Telecom Companies Should Not Cover Up Massacres Committed in Lasanod by Somaliland Militias appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn usoo ifbaxay khilaaf cusub oo ka dhex qarxay horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab, kaasi oo markii dambe isku rogay dagaal gacan ka hadal ah. Dagaalka ka dhex qarxay Al-Shabaab ayaa waxa uu salka ku haya khilaaf soo kala dhex-galay horjoogayaal ka wada tirsan kooxda, kuwaasi oo isku fahmi waayay arrimo la xiriira dagaalka ka dhan ah ee kaga socda gobolada, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo-wareedyo amni. Horjooge lagu magacaabo Muxudiin Daqare iyo maleeshiyaad uu hogaaminayo ayaa magaalada Xarardheere dhinac uga baxay, iyagoo ka gadoodsan horjoogayaal kale oo jooga magaalada. Xogta ayaa intaas kusii dareysa in maleeshiyaadka horjooge Daqare uu horkacayay ay isku dayayeen inay ka goostaan Al-Shabaab, kadib isfaham darada soo kala dhex-gashay horjoogayaasha kale. Horjooge kale oo magaciisa lagu sheegay Nuunaale oo la sheegay in uu haysto kooxda Jabhadda ayaa amray in xoog lagu hor istaago maleeshiyaadka baxsadka ah, taasi oo keentay in uu qarxo dagaal socday muddo saacado ah. Dagaalka dhinacyada ka wada tirsan kooxda u dhaxeeyay oo ka dhacay deegaan dhowr iyo toban KM dhanka galbeed ka xiga degmada Xarardheere ayaa sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac ah, illaa haddana majiro xal laga gaaray, sida ay sheegayaan illo-wareedyada. The post Xog: Muxuu salka ku haya dagaalka ka dhex qarxay Shabaab? appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya kooxda Al-Shabaab uu hadda ka socda degaan lagu magacaabo Cali-yaalo. Deegaankaan oo dhowr iyo toban KM dhanka galbeed ka xiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxaa lasoo sheegaya in muddo dhowr saacadood ah uu dagaalku ka socda. Dagaalka ayaa salka ku haya khilaaf xoogan oo dhawaan ka dhex qarxay kooxda Al-Shabaab, xili ay gobolada dalka kaga socdaan dagaal ka dhan ah, oo iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka Cali-yaalo ka socda uu yahay midkii labaad ee muddo 12saac gudahood ah Al-Shabaab ku dhex-mara degaanada ku teedsan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Khilaaf soo shaac baxay oo xoogaystay ayaa ka dhex qarxay kooxda Al-Shabaab, oo laga saaray degaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku haysay, kuwaasi oo hadda ku sugan yihiin ciidamada dowladda. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda ka hadashay dagaalkan oo ay ku tilmaamtay ciribtirka Khawaarijta uu ka billowday dhexdooda, sida uu qoraal kooban ku baahiyay Al-Cadaala bartiisa Facebook. “Dildilaacii darbiga Khawaarijtu dhexdooda ayuu marayaa oo iyaga ayaa sii kala dildilaacayaa! gadaashood Ilaaheey nama fidneeyo. Alle ayaa mahadsan,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya. Dagaalka u dhexeeya Al-Shabaab ayaa ah calaamad wayn oo muujinaysa sida ay kooxdaas ugu jabtay dagaallada uga furmay gobollada dalka, waxayna wararka qaarkooda sheegayaan in dagaalkaan uu ka dhashay is hortaag lagu sameeyey koox dooneysay inay is dhiibto oo Al-Shabaab isaga baxdo. The post DEG DEG: Dagaal markale dhex-maray dagaal-yahaano ka wada tirsan Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  14. LasAnod (Caasimada Online) – Protests in the city of LasAnod, located in the Sool region of Somalia, have resumed and are reportedly becoming increasingly violent. The demonstrations began a week ago and were sparked by the assassination of a local youth leader and member of the opposition Waddani Party, Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi). Since the start of the protests, Somaliland security forces stationed in the city have used force to try and control the situation, leading to casualties, including deaths and injuries. In response, the government of Somaliland, which has jurisdiction over the region, has shut off internet access in LasAnod in an attempt to quell the unrest. The city has been thrown into a state of crisis, with businesses, schools, and general movement coming to a standstill. The ongoing demonstrations and use of force by security forces have only served to escalate the situation, with no resolution in sight. At least 21 people have been killed in the city since the riots began a week ago, including women, children, young people, and elderly. In recent hours, top leaders in the country, including former presidents and politicians, as well as some international countries, have called for an end to the violence in the Sool region and have urged Somaliland to address the concerns of the people of LasAnod. Decades ago, Sool region declared itself an independent state known as the Khatumo State. However, this declaration was not recognized by successive Somali governments, and the region ultimately came under the control of the self-declared Republic of Somaliland. Since then, the Sool region and the neighboring region of Sanaag have resisted being fully incorporated into Somaliland and sought greater autonomy. These longstanding grievances have contributed to ongoing tensions between the government of Somaliland and the people of the Sool region, including the current round of protests in LasAnod. It remains to be seen how the situation will be resolved, as the protesters continue to demand that the security forces leave the city and the use of force by the authorities continues to result in civilian casualties. The post Somalia: Protests continues in LasAnod as Somaliland shuts down internet appeared first on Caasimada Online.
  15. Mogadishu (Caasimada Online) – Somali government forces, aided by local armed civilians, have captured the city of Masagaway in Galgadud region in central Somalia, officials confirmed. The capture marks a significant victory in the ongoing efforts to drive the Al-Shabab militant group out of the region. This operation follows the successful expulsion of Al-Shabab from all districts in the Middle Shabelle region. The forces that have taken control of Masagaway are said to have crossed from the Middle Shabelle region. The situation in the area is currently tense as authorities work to establish overall security. This latest development continues the Somali government’s efforts to push Al-Shabab out of the Galgadud and Mudug regions. The group has been fighting against the government and African Union forces for over 15 years but is now facing its most formidable challenge yet as local people have joined the rebellion against the militants. In recent months, there has been a significant increase in the number of Somali civilians revolting against Al-Shabab. This civilian uprising has been a critical factor in the government’s and local forces’ success in driving the group out of the country. Al-Shabab, which is affiliated with Al-Qaeda, has been active in Somalia for over a decade and has carried out numerous attacks on civilians, government officials, and military personnel. The group has caused widespread death and destruction and has imposed a strict and often brutal rule on the areas under its control. The civilian uprising against Al-Shabaab has been spurred on by the group’s continued attacks and the desire of many Somalis to return to peace and stability in the country. In recent months, local communities have begun organizing their own defense forces to drive the militants out. The Somali government and local forces have received support from the international community, including the US and Turkey, in their efforts to combat Al-Shabaab. This support has included drone strikes and other forms of assistance. The capture of Masagaway is a significant victory in this ongoing struggle. It is a testament to the determination of the Somali people to rid their country of this destructive and oppressive group. The post Somali military secures victory in Masagaway, ousting Al-Shabab militants appeared first on Caasimada Online.
  16. Xukuumadda Somaliland ayaa shirkaddaha isgaadhsiinta ku qasabtay in ay hawada ka saaraan Adeegga Internetka ee magaalada Laascaanood, iyadoo ciidamo millatari ah ay la wareegeen xaruumihii shirkaddaha Telesom iyo Golis. Xukuumadda oo horey warqad amar ah ugu qortay shirkaddaha in ay Internetka hawada ka saaraan, ayaa ugu dambeyn maanta adeegsatay awood ciidan, iyadoo xabsiga loo taxaabey maamulihii shirkadda Telesom ee gobolka Sool. Balse waxaa si caadi u shaqeynaya adeegyadii kale ee is gaadhsiinta, sida; Wicitaannada Telefoonnada iyo Lacagaha Electronicska ah. Qaran News
  17. Xaaladda maanta ka taagan Somaliland, waa midhaha ka ka dhashay siyaasad xumada xukuumadda talada haysa, taas oo xabaddu ay tahay jawaabta keliya ee ay u hayso tabashada dadkeeda iyo dibaxbaxa silmiga ah ee uu muwaadinku rayigiisa ku cabbirayo. Shalay 11 kii Ogos, Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ayaa ay si arxandarro ah ugu laysay shacab aan hubaysnayn oo waxa keliya ee ay doonayaan ahaa in dastuurka dalka iyo xeerarkiisa la xurmeeyo. Maantana waa ay ka sii fogaatayba, waxaa la dilay muwaadiniin rayid ah oo ka cabanaya dilka qorshaysan ee lagu khaarajinayo haldoorkooda. Taariikhda kuma jirto mar ay xabbadi xal waara keentay, mana ay dhicin in cid lagu qasbo aragti iyo go’aan aanay doonisteeda ku qaadan. Marka ay xaalka Laascaanood tahayna, runta keliya ee taallaa waa in aanay jiri karin Somaliland aanay ka mid ahayn Laascaanood oo nabad ah, dadkeeduna dareemayaan lahaanshiyaha qaranka. Sidaas awgeed, madaxweynaha muddo xileedkii la doortay uu dhammaaday waxaa looga fadhiyaa, in uu qaato go’aan ku dhisan xikmad, xilkasnimo, odaytinimo, dulqaad iyo fogaan arag. Waxaa la gudboon in uu liqo runta ah, haddii shan sanno uu u soo shaqaynayey dhaqanka siyaasadda lagu sheegay ee ah muran, ku jiq sii, iskeen sii, qaybinta shacabka ee gaadhay in markii ugu horreysay taariikhda Somaliland xitaa xuskii 18 May laba meelood lagu kala qabsado iyo khilaafka aan sababta lahayn ee uu geliyey doorashooyinka, in maanta duruufuhu ay marayaan meel aanu dhaqankaasi innaga saari karin. Cana qubtayba dabadood la qabay ee, mucaarad ahaan, waxa aannu diyaar u nahay in aannu gacan ka gayano sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada Laascaanood, waa se haddii la abuurto jawigii suurtagelin lahaa. Khadar Xuseen Cabdi Xoghayaha Guud Ee Xisbigga Waddani. Qaran News
  18. “Somaliland Cadaw muu soo weerarin ee waa qorshe xumada xukuumada Muuse Biixi Daahir Riyaale dad mid ah iyo dal mid ah buu Madaxweyne Siilaanyo ku wareejiyay, Siilaanyo waxa uu Muuse ku wareejiyay dal iyo dad mid ah isna tii baa laga doonaya..” Xoghayaha Caddaaladda xisbiga Waddani yoonis Ahmed yoonis Qaran News
  19. Mogadishu (Caasimada Online) – Several militants have been reported dead and several others injured in a fight that broke out between members of Al-Shabab, a militant group based in Somalia, on Saturday. The clashes near the town of Harardhere in the Mudug region in central Somalia reportedly began when members of Al-Shabab attempted to escape and surrender to the government forces based in southern Mudug. According to the Somali News Agency (SONNA), citing local sources, the battle took place in the Dabagalo area in the town of Harardhere after Al-Shabab fighters attacked a group attempting to escape. The battle, which lasted for about an hour, is believed to have resulted in the deaths of at least seven militants from both sides, according to sources. Al-Shabab, which means “The Youth” in Arabic, is a militant group operating in Somalia and has been designated a terrorist organization by the United States. It was founded in 2006 and is affiliated with Al-Qaeda. The group seeks to establish a strict form of Islamic law in Somalia and has been involved in a long-running insurgency against the Somali government. In recent years, there have been reports of infighting within Al-Shabab, with some members seeking to break away from the group and surrender to the government. This has been attributed to several factors, including the group’s increasingly violent tactics and failure to achieve its goals. There have also been reports of divisions within Al-Shabab over the direction of the group and its leadership. In 2017, the group faced internal divisions over its leadership, with some members seeking to break away from the group and surrender to the government. This led to a series of clashes between rival factions within the group. In 2018, there were reports of infighting within Al-Shabab over the group’s direction and tactics. Some members were reportedly dissatisfied with the group’s increasingly violent tactics, which have included suicide bombings and attacks on civilians, and sought to distance themselves from the group. In recent years, there have been several high-profile defections from Al-Shabab, including that of Mukhtar Robow, a former deputy leader of the group who defected to the Somali government in 2017 and became the minister of religious affairs in June 2022. Robow’s defection was seen as a significant blow to Al-Shabab and demonstrated the internal divisions within the group. The battle in the Mudug region on Saturday is another sign of these internal divisions. The post Al-Shabab infighting leads to the deaths of several militants in Somalia appeared first on Caasimada Online.
  20. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu soo warramaya inay maanta la wareegeen deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud kadib weerar dhowr jiho ah oo ay ku qaadeen gudaha deegaankaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen Masagawaay, isla-markaana ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus oo lagu xaqiijinayo amniga. Cidiamada ayaa sidoo kale isku ballaariyay daafaha deegaankan oo ay sanado badan ka talinayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo ugu dambeyn maanta lag saaray. Qabashada Masagawaay ayaa soo socotay maalmihii u dambeeyay, waxaana howlgalka fuliyay ciidamada milatariga & kuwa deegaanka ee ka tallaabay xadka Shabeelaha Dhexe. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxayna saraakiishu sheegeen inay ka warbixin doonaan howlgalka ka socda halkaasi, marka ay xaqiijiyaan amniga guud ee deegaanka. Masagawaay ayaa billow u ah xoreynta ay waddo dowladda Soomaaliya oo haatan qorshaheeda uu yahay in Al-Shabaab laga saaro gobollada Galgaduud iyo Mudug. Howlgallada ka socdo dalka ayaa guullo waa weyn laga gaaray, tan iyo markii ay kasoo billowdeen gobolka Hiiraan, waxaana hadda uu dagaalka u wareegay gobollo cusub. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab oo muddo ka badan 15 sano la dagalaameysay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ayaa haatan wajaheysa dagaalkii ugu adkaa ee abid lagu qaado, kadib markii ay kacdoonka haatan socdo ku biireen dadka deegaanka. The post Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo la wareegay deegaanka Masagawaay appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inuu dacwad ka gudbiyay Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare lagana soo doorto dowlad goboleedka Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa dacwaddan toos ugu gudbiyay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxayna salka ku heysaa arrinta gobolka Gedo. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay Senator Fartaag inuu ku howlan yahay shaqooyin aan aheyn kuwii loo soo doortay, isla-markaana uu dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Jubbaland ka wado gobolka Gedo, sida uu ku dooday Axmed Madoobe. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dacwada kadib uu guddoomiye Cabdi Xaashi xiriir la sameeyay Senatorka, isaga oo ku amray inuu degdeg ah ugu soo laabto Muqdisho. Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag & wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Mudane Cabdirashiid Janan ayaa maalmo kahor tegay gobolka Gedo, ayaga oo halkaas ka bilaabay dhaq-dhaqaaq xoogan, taas oo ay si weyn uga hortimid dowlad goboleedka Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa doonaya in uu dhinac uun u rido xiisadda gobolka Gedo oo soo jiitameysay illaa doorashooyinkii soo dhammaaday, waxaana sidoo kale haatan Muqdisho ku xigeenkiisa 1-aad Maxamuud Sayid Aadan oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolkaasi. Labada mas’uul ayaa ujeedkooda waxa uu yahay inay dowladda federaalka ay kala hadlaan sidii loo soo afjari lahaa arrinta Gedo, si gobolkan uu ugu soo gacan galo Jubbaland. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo mowqifka ay dowladda federaalka ka qaadan doonto xiisadda markale kasoo cusboonaatay gobolka Gedo. The post A/MADOOBE oo dacwad culus ka gudbiyay Fartaag appeared first on Caasimada Online.
  22. Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in weli ay kacsan tahay xaaladda magaaladaasi oo xarun u ah gobolka Sool, waxaana markale saaka dib uga billowday dibadbaxyo ay dhigaan shacabka Laascaanood. Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ciidamada Somaliland ee ku sugan halkaasi, waxayna dalbanayaa inay isaga baxaan magaalada. Sidoo kale waxay rabshaduhu kasii dareen markii ciidamadu ay rasaas u adeegsadeen dibadbaxayaasha, taas oo dhalisay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Dhinaca kale Somaliland ayaa maanta qaaday tallaabo kale, waxayna gebi ahaan jartay khadka Internet-ka ee magaaladaasi, waxayna isku dayeysaa inay xakameyso xaaladda. Laascaanood waxay ku jirtay xaalad adag, waxaa hakad-galay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada, sida ganacsiga, waxbarashad iyo isku socodka dadweynaha. Rabshadahaan oo galay maalintii todobaad ayaa ka dhashay dil Isniintii magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday, xubina ka ahaa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani. Madaxda ugu sarreysa dalka, madaxweynayaal hore, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah dalalka beesha caalamka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku baaqayay in la joojiyo dilalka ka socda gobolka Sool, iyaga oo ka codsaday Somaliland inay ilaaliso dareenka reer Laascaanood. Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxaysa, maadaama aan xal loo helin rabshadaha socdo, waxayna weli shacabku sii wadaan dibadbaxa, halka ciidamaduna ay adeegsanayaan awoodooda, taas oo kordhisay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah. The post Rabshadaha Laascaanood oo kordhay iyo Somaliland oo maanta tallaabo qaaday appeared first on Caasimada Online.