-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Deegaanka Degmada Sallaxlay ee gobolka Maroodijeex ee Somaliland, ayaa si rasmi ah looga helay ceel shidaal. Kadib baadhis cilmiyaysan oo wasaarada macdanta iyo tamartu ku samaysay dareere madow oo kasoo fatay goob laga qodayay ceel biyood bishii Sebtember ee sannadkii hore, ayaa la ogaaday in uu yahay shidaal rasmi ah. Hadaba, qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland, ayaa lagu sheegay in dareerihii shidaalka looga shakiyay uu noqday shidaal, dhawaana lasoo saari doono. “Baadhis cilmiyeysan oo lagu sameeyey natiijadii ceelka degmada Sallaxley wuxuu noqdey shidaal, dhawaana shirkadda Genel Energy waxay bilaabaysaa baadhista iyo soo saarista shidaalka” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaarada macdanta iyo tamarta. Shirkada Genel Energy ee ceelkan qodi doonta, ayaa sannadihii u danbaysay Somaliland ka waday shidaal baadhis, hadaba dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan diidmo ka muujisay howlaha ay shirkadu ka wado guddaha Somaliland. Dhinaca kale, qoraal 29/12/ 2022 kasoo baxay Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland, oo lagaga jawaabayo diidmada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Somaliland arrimaheeda u madax bannaantahay. Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed Deni ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay sababtii uu ku diiday saxiixa laba qodob oo ka mid ahaa kuwii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee maalmo kahor lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho. Labadaas qodob ayaa kala ahaa 1-In la federaaleeyo Garsoorka dalka, 2 Astaynta awoodaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Saciid Deni ayaa ayaa sheegay in qodobadan ay kasoo horjeedaan Dastuurka Puntland, kan federaalka, isla-markaana meesha la keenay wax ka duwan sida ay u shaqeeyaan. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in qodobada miiska lasoo saaray ee uu diiday ay sidoo kale ahaayeen kuwa aysan suuragal aheyn inay aqbasho Puntland, sida uu ku dooday. “Labada qodob ee aan diidnay waxaa weeye 1-Habka Garsoorkeenna uu noqonayo oo ah garsoor madax bannaan sida aan rabno ku qotoma dastuurka iyo shuruucda aan leenahay waxaa meesha la keenay wax taa ka duwan oo aan suuragal ahayn in ay Puntland aqbasho koley intii garashadeydu markaas ahayd” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qodobadan uu arkay in markale nidaamka iyo awooda dib loogu celinayo dowladda dhexe, iyada oo meesha laga saarayo federaalka. “Qodobka kale waxa uu ahaa habka maamulka Dowladeed ee heer federal & State (Dowlad-Goboleed) loo qaybinayo oo isaga oo dhan u muuqday mid kasoo horjeeda Dastuurka Puntland, Kan Federaalka ee hadda aan heysano iy Doonista iyo caqliga federaaleenta Dalka uu diyaarka u ahaa, waxaa meesha kasoo baxday qorshe u eg in markale dib loogu celinayo Central (Dowlad-Dhexe),” ayuu markale yiri Saciid Deni. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Puntland ay arrintaan ka sameyn doonto wadatashi ballaaran, ayna kasoo saari doonto mowqif cad. “Waxa aan soosaari doonnaa mowqifka Dowladdaan aan ku sameyneyay muddada aan joogno si aan ula jaanqaadno” ayuu sii raaciyay madaxweyne Deni Puntland oo lagu naaneeso hooyada federaalka, isla-markaana ah maamulkii ugu horreeyay ee dalka ka aas-aasmay ayaa si gaar ah isaga diiday labadaas qodob oo ay saxiixeen maamullada kale ee la midka ah ee ka jira dalka, taas oo ay dad badan su’aalo ka keeneen. The post DENI oo shaaciyay sababta uu ku diiday labo kamid ah qodobada shirkii Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Puntland ayaa Villa Somalia ku eedaysay in ay burburinayso nidaamka Federaaliga ah ee dalka. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Villa Somalia waddo qorshe lagu wiiqayo nidaamka Federaalka islamarkaana ay marooqsanayso awoodda waddanka. Madaxweyne Deni ayaa sheegay labadii qodob ee uu dhawaan diiday in uu saxiixo ay yihiin qodobo kasoo horjeeda nidaamka federalaynta Soomaaliya. Dowladda Federaalka ayuu sidoo kale ku eedeeyay in ay rabto dastuurka dalka in la dhammaystiro iyadoo ay ka maqan tahay Somaliland si Gobollada SSC loogu sharciyeeyo Somaliland. ” Waxaa la rabaa in dalka dib loogu celiyo nidaamka dowladda dhexe iyo in maamulks Somaliland loo sharciyeeyo gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, Puntland marnaba ma aqbaleyso arrinkaas” ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Siciid Deni ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay qoraal rasmi ah ka soo saari doonto mowqifkeeda ku aaddan arrintaas. PUNTLAND POST The post Puntland oo Villa Somalia ku eedaysay burburinta nidaamka Federaaliga ah ee dalka appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 61 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay duqayn ka dhacsay duleedka deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe. Qoraal ka soo baxay dowladda oo lagu baahiyay SONNA ayaa lagu sheegay in howlgal qorshaysan oo ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka iyo saaxiibadood caalamiga ah ay fuliyeen lagu beegsaday Al-shabaab lagu qiyaasay 150, oo doonayay in ay weeraraan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Xawaadlay. Waxaana intaas lagu daray in howgalka lagu burburiyay laba gaari oo ahaa nooca Homey iyo Noah oo ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa, kuwaas oo la doonayay sida la sheegay in la soo geliyo magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Duqayn lagu dilay 61 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Siyaasi Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin diiwaan-gelinta doorashooyinka qof iyo cod ee laga wado qaar kamid ah degaannada Puntland. Danjire Axmed Ciise ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in diiwaan-gelinta laga bilaabay Puntland ay tahay mid sharci-darro ah oo laga leeyahay ujeedooyin gurracan. “Annagu waxaan u aragnaa in diiwaan-gelintaas aysan sharci ahayn in aysan wax wanaag ah soo kordhin doonin waxayna u eg tahay diiwaan-gelin ujeeddo kale laga lee yahay” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad. Danjire Cawad ayaa sidoo kale sheegay in diiwaan-gelintaas ay diideen ururradii siyaasadda ee ugu waaweynaa Puntland sida Mideeye iyo Horseed. PUNTLAND POST The post Danjire Cawad: Diiwaan-gelinta laga wado Puntland waa mid sharci-dardo ah appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa shaaciyay in ay diyaarinayaan dacwad ku saabsan danbi dagaal oo lagu oogayo Somaliland. Madaxweyne Deni ayaa danbi dagaal ku tilmaamay shacabkii aan hubaysnayn ee ciidamada Somaliland ku laayeen Laascaanood. ” Waxaan hadda wadnaa in aan dacwad ku oogno kuwa danbiyadaas galay ee dadkeenna aan hubaysnayn sida ula kaca ah u laayay” ayuu yiri Siciid Deni. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale taageeray go’aankii shalay ka soo baxay beelaha SSC ee lagu dalbanayay in Somaliland isaga baxdo Gobolka Sool. PUNTLAND POST The post Puntland oo Somaliland ku oogaysa dacwad ku saabsan danbi dagaal appeared first on Puntland Post.
-
At least 21 people were killed and 49 others injured when a bus heading for the Kenyan capital Nairobi crashed shortly after crossing the border from Uganda, police said on Sunday, the latest in a recent spate of deadly road accidents. Source: Hiiraan Online
-
Somaliland ayaa maanta si rasmiya u xidhay Xafiisyadii ay ku lahayd waddamada Uganda & Shiinaha iyadoo shaqadaba ka fasaxday saddex mas’uul. Saddexda mas’uul ee shaqooda laga maarmay ayaa kala ah. 1 .Cawil Ibraahim Cali Wakiilkii hore ee Shiinaha u fadhiyay Somaliland. 2. Xamse Ibraahim Cabdilaahi Wakiilkii Somaliland ee Uganda. 3 Mustafe Cawil Jaamac ku-xigeenkii Wakiilka Somaliland ee Uganda. NB: Wakiilka Shiinaha ayaa goordhawayd shaaciyay inuu iscasilay Qaran News
-
NISA mid kamid ah hay’addaha amni ee ugu awooda badan Soomaaliya, waxa magaceeda ku lamaansana cabsi ay shacabka ka qabeen sanado badan. Haddii ay kugu soo dhacdo maxaa looga baqa marwalba, jawaabtu waa inaysan laheyn hay’adda sharciyo qoran ku dhisan oo aad taqaano xadkeeda iyo kaaga. NISA oo magaceeda NSS lagu aasaasay 53 sano ka hor dambiyo badan ayaa lagu eedeeya, welina dad laga yaabo ehelkooda lagu dhibaateeyay ayaa cadaalada helin, sababto ah sharci lagu qaado madaxdeeda iyo saraakiisheedaba majirin. Waxyaabihii ay koox siyaasadeedkii Manafeysto ka dalbatay in uu baabiiyo Maxamed Siyaad Barre ayay ku jirtay NSS oo maanta loo yaqaano NISA. Hadaba 53 sano kadib waxay dooneysa NISA inay sharci noqoto oo sharci ku dhaqato, xad yeelato, madaxdeeda lala xisaabtami karo oo awoodeeda la yaqaano. Agaasimaha NISA, Mahad Salaad oo toddoba billood xafiiska jooga ayaa Golaha Wasiirada horgeeyay sharciga NISA, taas oo golaha wasiirada ay ansixiyeen kadibna la filayo in loo gudbiyo baarlamaanka si uu u ansixiyo kadibna u baahan doona saxiix madaxweyne. Hadadba, warbixintaan waxa ku eegi doona sharciga loo sameeyay NISA iyo faa’iidada ku jirta. 1. NISA waxay hadda ku biireysa ciidanka iyo laamaha maniga ee sharciga ah ee dalka uu leeyahay. In sharci ay yeelato waxa laga faa’iidi doono in la helo dariiq isla xisaabtan – Sharcigu waa aas-aaska hay’add walba. Adduunyada kale shuruuc ayey leeyihiin hay’addaha noocan ah. Marka laga hadlayo Soomaaliya in 53 sanno ay hay’addan sharci laheyn waxay aheyd nasiib darro weyn. 2. Sharcigaan loo sameeyay NISA waxa uu cadeynaya waxay hay’addan xaqa u leedahay iyo waxay xaqa u laheyn ee ay tahay inay u dhaafto laamaha kale amniga ee dowladda. Sharcigaan wuxuu dabraya madaxda hay’adda oo waagii hore aysan awoodooda ay xadidneyn. Sida ku cad cutubka 4-aad qodobkiisa 13-aad ee sharciga la ansixiyay, sharcigan waxa uu hay’adda usoo dejinaya heerka isla xisaabtanka oo muddo fog ka maqneyd. Tusaale; Cutubka 5-aad ee qoddobka 38-aad ee sharciga uu Golaha Wasiirada ansixiyeen waxa uu ka hadlaya xuquuqda dadka hay’addu soo xirto. Markii hore majirin sharci, xuquuq iyo xeer dadkaas lagu dhaqo. Wixii la doono ayaa lagula kici jiray dadka ay soo xirto hay’adda. Hadda, Cutubka 5-aad qodobkiisa 38-aad xarafka C waxa uu leeyahay qof walba oo ku jira gacanta hay’adda lama jirdili karo, lamana maskax iyo mooral dili karo. Isla qodobkaan xarafka E waxa uu leeyahay dumarka ku jira hay’adda NISA waxa halka ku xiran yihiin ilaalinaya ilaalo hoosaad dumar ah oo waxa loola dhaqamaya shareecada Islaamka. Qoddobkaan iyo xarfihiisa waxay soo afjarayaan tacadiyadii maxaabiista ay xirto NISA. 3. Shacabka: Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Muqdisho aad ayey uga fogaadeen NISA, waxaa sabab u ahaa in loo arkayay ama ka muuqday dhaqan aad uga badalan ciidanka kale. Waxaa kamid ah; Xabsiyo qarsoodi ah oo dadka la geysto oo illaa qofka la soo xirtay ay qoskiisa garan waayan nolol iyo geeri mid ay ku tiriyaan, laakiin sharciga loo sameeyay NISA cutubkiisa 7-aad qodobkiisa 50-aad waxa uu mamnuucaya in hay’adda yeelan karto xabsiyo qarsoodi ah. 4. Maxaa u diiday madaxdii hore in hay’adda sharci u sameeyaan? Soomaaliya iyo meelo badan oo Afrika kamid ah qofka awooda haysta waa ku adag tahay in sharciga gacmaha u dhiibto, maadama hay’addan kiisas gaar ah lagu fulin jiray waqtiyadii hore. Madaxdii hay’adda soo martay ma aysan rabin raad-raac iyo in maxkamadaha soo fara-galiyaan. Waxa lagu qeexi kara sababta sharci loogu sameyn waayay hay’addahan awood isku dhajin, sharci diidnimo iyo baahi loo qabay ku tagri-fal awoodeed. The post Sharciga cusub ee NISA – Mahad Salad oo qoorta dhiibtay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa jira warar la isku khilaafsan yahay oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay markii ugu horeysay codsatay in lala furo wadahadal, iyadoo uu dagaal culus ka socdo koonfurta iyo bartamaha oo Al-Shabaab ay ka joogaan dalka. Ma jiro war ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu cadeynayo inay dalbanayaan wadahadal, balse dowladda ayaa si deg deg ku jiro u baahisay warkaan, kadib markii wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Soomaaliya uu shaaciyey jiritaanka codsiga ka yimid Al-Shabaab. Inkastoo deg deg guulo waaweyn looga gaaray dagaallada ka socda dalka oo dowladda iyo shacabka geliyey rajo badan oo ay ka qabaan in lasoo afjari karo kooxda, hadana Al-Shabaab waxay heystaan dhaqaale badan, dagaalyahano, qibrad dagaal iyo mid maamul, maadaama ay in ka badan 15 sano dagaal kula soo jireen dowladda. Haddaba xilligaan suurtagal ma tahay in wadahadal ay dowaldda Soomaaliya la gasho Al-Shabaab? Su’aashaan ayaan weydiinay Axmed Cabdullaahi Kaboole, oo ah falanqeeya arrimaha amniga. Axmed ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab uu u muuqato mid raadineysa xeelad cusub oo ay kaga badbaadi karto duulaanka ku socda, si cimrigeedu uu u sii dheeraado. “Waxaa laga yabaa in ay hadda raadinayaan waddo kale oo ay kaga badbadaan dowladda iyo shacabka ee is wata iyo sidoo kale beesha caalamka oo garab taagan,” ayuu yiri Falanqeeye Axmed Cabdullaahi Kaboole. Sidoo kale Axmed ayaa sheegay in aan la ogeyn qorshaha dowladda Soomaaliya uga degsan hadii uu Al-Shabaab ka yimaado codsi wadahadal ah. “Waxaan la ogeyn in dowladda ay wadahalkaas diyaar u tahay, inkastoo madaxweynaha la doortay 15-kii September uu sheegay in wadahalka uu u furan yahay, laakiin haddana ma cadda in dowladda ay diyaar u tahay inay la xaajooto oo hor fariisato Al-Shabaab, halkaas caalamo su’aal ayaa taagan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Falanqeeye amni Axmed Kaboole. Ninkaan ayaa sheegay in laga yaabo in beesha caalamka ay daneynayso wadahal dhexmara labada dhinac, madaama uu dagaalkani daba dheeraaday oo 15 sano ka badan ay dowladdu dagaal kula jirto Al-Shabaab. The post Waddada kale ee Al-Shabaab ay raadinayaan kadib markii dagaalka uu ku xoogeystay appeared first on Caasimada Online.
-
A grandmother is being helped to go to a voter registration centre in Boosaaso. Garowe (Editorial) — Voter registration has started earlier in Bosaaso to kickstart the second phase of local government elections in Puntland. The first phase, conducted in 2021 in Qardho, Eyl and Ufayn, demonstrated that Puntland is keen on adopting a more transparent political system than the current system in which 60-plus MPs elect an all-powerful president and his ceremonial vice president. The new forum for political change unveiled in Puntland last week had expressed concerns about the process through which the second phase of local elections will be expedited. The Government of Puntland State must listen to the concerns of the forum members and seek a realistic common ground with stakeholders. Their input is well-meaning. They are not advocating a return to the old system; they want to have a role in the process that was put in place before the formation of the forum. President Dent aims to leave a lasting legacy to empower citizens through decentralisation. The charge that President Said Abdullahi Deni micromanages the electoral process does not hold water. Detractors should keep in mind that voters will decide political associations that will attain the status of a political party. One of the glaring achievements of the first phase of local government elections is that an internally displaced person won a councillor seat in one district. Puntland is a bastion of co-existence; it is an administration formed mainly by IDPs who migrated to the land of their forefathers 32 years ago penniless. An eagerly awaited, key outcome of local government elections is decentralisation — the process of devolving power to districts and villages. Decentralisation will enable locals to elect MPs and oversee their budgets currently allocated and distributed at the centre, the seat of the Puntland State government. For a federal members state whose political foundations are premised on a federal system as a bulwark against pre-1991 centralisation that did not survive the collapse of the state shortly after the overthrow of the military regime in 1991, setting a good governance example should be uppermost in the minds of all political stakeholders. A potential voter being photographed for a biometric-based registration card in Puntland. An Independent audit regime and judiciary are corner-stones of decentralisation. Neither exists in Puntland partly because of the 24-year-old political system. Phasing out this system before it turns 25 will be a major achievement that will inspire other federal member states. The Puntland State government ought to lay out the practical outcomes of the local government elections and make it clear that a transformative political change will empower citizens whose rights to protect their common resources and entitlements are weakened by the clan-based political system. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, the Puntland State Finance Minister, said that the government would ensure that the last year of its tenure will see the transition to a transparent political system. It is a vision worthy of support and encouragement. © Puntland Post, 2023 The post Puntland Local Government Elections Can Result in Exemplary Decentralisation Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cusmaan Nuur Mucalimuu oo wata ciidan xoog leh ayaa Garbahaarey ka soo diray fariin culus oo ku socota dowladda federaalka, isagoo sheegay inuu soo ceshaday xilkiisii guddoomiyaha gobolka Gedo. Guddoomiye Cusmaan Mucalimuu ayaa u doodaya siyaasiyiin uu sheegay in loo diiday inay tagaan gobolka Gedo, kuwaas oo Muqdisho ku xayiran, isla markaana uu baaritaan ku sameeyey cidda xayireysa raggaas. “Waxaa siyaasiyiinta gobolkaan u dhalatay ee Al-Shabaab ka xoreysay ka hor taagan nin la yiraahdo Canjeex oo hal wiil uu ilaaliyo, sidoo kale Jeneraal Biixi ayaa ka mid ah ragga wax celinaya, anaguna ma yeeleyno in gobolkooda loo diido raggii Shabaab ka xoreeyey,” ayuu yiri Mucalimuu. Canjeex oo ninkaan uu ku eedeeyey inuu hor istaagay siyaasiyiin u safreysay gobolkaas waa Guddoomiyihii Farmaajo u magacaabay gobolka Gedo, waxaana weli halkaas ka shaqeeya amarkiisa. Cusmaan Macalimuu oo xilka guddoomiyaha gobolkaas ay dowladii Farmaajo xoog uga qaaday ayaa ku dhawaaqay inuu soo ceshaday xilkiisii, isla markaana uu yahay guddoomiye sharci ah oo Jubbaland ugu magacaaban gobolkaas. “Jubbaland ayaan u shaqeynaayey cid sharci iiga qaday xilka guddoomiyaha gobolkaana ma jirto, laga bilaabo saacadaan waxaan sheeganayaa guddoomiyaha gobolka Gedo, waxaana ku shaqeynayaa oo ka soo dhex hadlayaa xarunta gobolka ee Garbahaarey,” ayuu yiri Mucalimuu. Ninkaan ayaa ku goodiyey in diyaarad aan sidin siyaasiyiinta loo diiday inay tagaan gobolka Gedo aysan ka soo degi karin Garbahaarey oo garoonku uu ka xiran yahay hadda kadib. Isagoo fariin u diray DF ayuu yiri, “Sharci la’aan laguma dhaqmi karo, dowladda federaalka waxaan ka rabnaa inay wax ka qabato cidda fadhisa garoonka Muqdisho ee diyaaradaha u diideysa siyaasiyiinta u dhalatay gobolkaan.” Cusmaan Mucalamuu ayaa sheegay in dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh laga jecelyahay gobolka Gedo, isla markaana uu diyaar u yahay in gobolkaan lagu daro maamulka uu ka tirsan yahay ee Jubbaland. Hoos ka daawo The post Daawo: Xiisadda Gedo oo ka sii dartay iyo guddoomiyihii hore oo soo rogaal celiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomalaiya Xamse Cabdi Barre oo shalay ka qeyb galay munaasabad ay soo qaban qaabiyeen xubnaha ugu sareeya haweenka gobolak Banaadir ayaa si adag uga hadlay amniga caasimadda Muqdisho. Kulankaan ayaa looga hadlaayey doorka haweenka ee amniga dalka, isagoo sheegay in haweenku ay ku filan yihiin in Al-Shabaab laga nadiifiyo degmooyinka Muqdisho. Xamse Barre ayaa nasiib darro ku tilmaamay in mudo sidaan u dheer ay Al-Shabaab laayaan dadka Soomaaliyeed, “Waxaan uma sii dul qaada karno waana xeeb in raggaas ay guryaha ku heystaan dad anaga naga mid ah,” ayuu yiri. Ra’iisul Wasaaraha ayaa haweenka kula dardaarmay inay go’aan kama dambeys ah qaataan, oo dhab ay u qaataan soo celinta sharaftii ay Soomaalidu laheyd. “Waxaa amaanayaa gabdhaha Soomaaliyeed, waxaan idiin xil-saarayaa Muqdisho, idinkaa amnigeeda masuul ka ah hadda kadib, raggu duurka ayey ka xoreynayaan cadowga, laakiin magaaladaan idinkaa xoreynaya,” ayuu yiri Xamse. Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku sii daray, “Haweenka waxaan leeyahay Shabaab waa u dhamaatay, ee nala dabar gooya oo Muqdisho ka nadiifiya, hadaa aragtaan mid wata qori bastoolad ka weyn noo soo sheega, boolis iska daaye militeri ayaan soo gelinaynaa.” “Horta minakaas Shabaab lama dhaho ee hadda kadib Khawaarij dhaha, magaca Shabaab waa mid fiican oo horay ayey noogu qaldeen ee hadda kadib Kahwaarij dhaha, iskana dhiciya,” ayuu yiri Xamse. Hoos ka daawo The post Daawo: Xamza oo amniga Muqdisho u xil-saaray haweenka appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – The United States has announced a $9 million donation of weapons, support and construction vehicles, explosive ordnance, disposal kits, medical supplies, and maintenance equipment to the Somali army. The package is intended for the elite Danab battalions, including those who operate in the HirShabelle and Galmudug states, and will be used to support the campaign by the Somali National Army to liberate Somalia’s communities from the terrorist group al-Shabab. “The $9 million in weapons, vehicles, and equipment from the United States will support the successful campaign by the Somali National Army to liberate Somalia’s communities from al-Shabaab,” said the US Embassy in Mogadishu in a statement. “We are grateful to the Minister of Defense, Abdulkadir Mohamed Nor, and the Somali National Army Force Commander, Odowaa Yusuf Rage, for their efforts in combating al-Shabaab.” Minister Nor welcomed the donation, stating that the lethal and non-lethal logistical support received would boost the capabilities of the Danab forces as they continue to fight against the terrorist group. The US has been a strategic partner for Somalia in the fight against al-Shabab for many years, providing financial and military support to the Somali Military. In addition to the weapons and equipment donation, the US also trains the Danab forces. The Danab (meaning “lightning” in Somali) is a highly trained and specialized unit within the Somali National Army. They were initially established with the assistance of the US in 2013 as a counter-terrorism force to fight against al-Shabab. The Danab has been instrumental in the ongoing efforts to defeat the extremist group and bring stability to the country, achieving several significant victories and playing a crucial role in protecting civilians and providing security for infrastructure projects. “The weapons received from our partners today showcase the remarkable progress made by our Military,” said Minister Nor. “The US has remained a strategic partner for Somalia in combating al-Shabaab over the years. The donation of $9 million in weapons and equipment is just the latest example of the US commitment to supporting the Somali Military in its efforts to bring stability and security to the country.” The US has a long history of supporting Somalia in its fight against al-Shabaab, and this latest donation is a testament to the ongoing commitment of the US to the Somali Military and the people of Somalia. The post US donates $9m in weapons and equipment to Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa galabta safaarada Mareykanka ee Soomaaliya kala wareegay hub ay ugu talagaleen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Danab. Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Larry Andre, ayaa munaasabadda maanta ka dhacday safaaradda wuxuu ku wareejiyey wasiirka, hubkaas, agab kale oo ciidan iyo gadiid dagaal, asagoo sheegay inay tahay deeqdan mid ay ugu talagaleen la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Mareykanaka uga mahad celiyey garab istaagga ay u muujiyeen ciidanka xoogga dalka, isagoo sheegay in tani ay fariin u tahay dalalka kale ee caalamka. “Waxaan maanta la wareegnay agab loogu tala galay Danab, dowladda Mareykanka aad ayey nooga taageertay dagaalka Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya. Wasiir Jaamac ayaa sheegay in ciidanka Soomaaliyeed lagu aamini karo hub iyo wax kasta oo howlaha qarankooda ah, isagoo dalalka kale ee caalamka ka codsaday inay garab istaag u muujiyaan Soomaaliya oo soo kabaneysa. “Mareykanku wuxuu noo gartay inuu nagu garab istaago xaaladaan adag, waxaan maanta kala wareegeynaa agabkii ay ciidankeenu u baahnaayeen, waa fariin iyo garab istaag wada socda hubkaan uu Mareykanku nasiiyey,” ayuu wasiir Jaamac hadalkiisa ku sii daray. Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya ayaa door-weyn ka cayaareysa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo ciidanka xoogga dalka ay kooxda ka xoreeyeen deeganno badan. Wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay inay xoogga saarayaan tayeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo wajahaya dagaal adag oo dib u xoreyn ah, kaas oo saaxada looga tirtirayo kooxda Al-Shabaab. Hoos ka daawo The post Daawo: Mareykanka oo DF ku wareejiyey hub ay kula dagaalanto Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – The Federal Government of Somalia has backtracked on a claim made by a minister yesterday stating that Al-Shabab, a militant group, had requested peace talks. Abdulfatah Kasim Mohamud, a deputy defense minister, said on Saturday in an interview with state media that the militant group had reached out to the government for negotiations. However, National Security Adviser Hussein Sheikh Ali later denied receiving such requests and said that the government’s position on Al-Shabab had not changed. “The group has not made any requests to us,” Ali told Voice of America. “The minister said he was misquoted.” “Our policy on talks with Al-Shabab remains unchanged: we will not engage in discussions with them as a group. However, we are open to accepting defectors from the organization and will provide a clear process for individuals who wish to leave and receive government amnesty.” Al-Shabab has also denied the existence of any talks with the Somali government. In a statement from the group’s media outlet, a member from the propaganda office said, “I can assure you that there are no negotiations ongoing or planned between us as Mujahedeen and the government. The statements from government officials are meant to raise morale.” Previously, Al-Shabab has voiced skepticism about engaging in dialogue with the Somali government, stating that such negotiations are “more dangerous than weapons of mass destruction.” The backtracking by the Somali government and denial by Al-Shabab comes after a series of attacks carried out by the group in the country. In September, President Hassan Sheikh Mohamud declared an “all-out war” against Al-Shabab following two attacks that killed more than 43 people, including senior officers. On Friday, the president appealed to young members of the group to surrender and renounce their terrorist ideology. “I want to tell these boys to return from the wrong path they are taking,” Mohamud said at a mosque in the capital, Mogadishu. “I urge them to return to their government, people, and religion. Every step they take from now on will only increase their guilt.” Despite the government’s stance on not negotiating with Al-Shabab, Mohamud’s appeal for members to defect and be eligible for government amnesty indicates a potential willingness for reconciliation. The president’s call for surrender follows a similar appeal made by the Somali National Army (SNA) in August, which offered a 60-day window for members of the group to lay down their weapons and surrender. It needs to be made clear how many members of Al-Shabab took advantage of the offer. The Somali government has been battling Al-Shabab for over a decade, with the group carrying out numerous attacks on military and civilian targets in the country. The group, affiliated with Al-Qaeda, has been significantly weakened in recent years, with the SNA and African Union Mission in Somalia (AMISOM) making significant gains against the group. However, Al-Shabab still maintains a presence in rural areas and continues to carry out attacks, including suicide bombings and ambushes. Even if they were ultimately denied, the possibility of peace talks between the Somali government and Al-Shabab highlights the ongoing challenges and complexities in resolving the conflict. While the government and international community have prioritized military action against the group, some experts believe that a political solution may ultimately be necessary to bring a lasting end to the violence. The post Villa Somalia backtracks on claim of Al-Shabab peace talks request appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The US donated $9 million in weapons, vehicles, medical supplies and other equipment to the Somali National Army on Sunday in a handover ceremony attended by US Ambassador Larry Andre, Somali Minister of Defence Abdulkadir Mohamud Nur and SNA Chief Brigadier General Odowaa Yusuf Rage. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir-guddoomiyay kulanka 12-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo maanta qabsoomay. Shirkaan ayaa waxaa looga hadlaya laba hindise-sharciyeed oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah Hindise-sharciyeedka Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka iyo Hindise-sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha ee loo yaqaan (National ID). Guddiga ayaa sidoo kale dood dheer ka yeeshay labada hindise-sharciyeed, ayada oo ugu dambeyntiina ay xubnaha guddigaan isla garteen in lageeyo Golaha. Guddoomiye Aadan Madoobe iyo xubnaha guddigaan ayaa waxa kale oo ay diirada saareen Hirgelinta Xeer-Hoosaadka iyo ilaalinta kooramka xildhibaannada. Kulamada Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe u baaqanayay kooram la’aan, taasi oo caqabad horleh ku noqotay habsami u socodkii shaqada Golaha. Sheekh Aadan Madoobe ayaa hore u sheegay in maqnaashiyaha xildhibaanada ay cuuryaamineyso shaqada Bartalamaanka, isaga oo ugu baaqay mudanayaasha golaha inay ka waantoobaan arrintaan. “Sidaan haddii uu kusii socdo Baarlamaanka ma shaqeyn karno. Xildhibaanada waxaan u sheegayaa inay ka waantoobaan inay ka maqnaadaan shaqada. Ma’aha in sharciga innoo yaallo lagu ciyaaro, waxaana dirayaan farriintii u dambeysay,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay” ayuu yiri Aadan. Sidoo kale waxa uu sheegay in arrintaan ay dhaawaceyso xeerarka u yaalla baarlamaanka iyo sharciga dalka, sida uu hadalka u dhigay. Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa horyaallo shaqooyin adag, waxaana ugu horreeysa 21 hindise-sharciyeed oo ay usoo gudbisay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. The post Guddiga joogtada BF oo dood ka yeeshay laba sharci oo uu ku jiro midka NISA appeared first on Caasimada Online.
