-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay goordhoweyd soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Sirdoonka & Nabad-sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay illaa iyo 61 Al-Shabaab ah ku dileen hawl-gal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe. Hawl-galkan ayaa lagu beegsaday dagaal-yahano Shabaab ah oo lagu qiyaasay 150, kuwaasi oo doonayay inay weeraraan ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha deegaanka ee ku sugan Xawaadlay iyo Gaadiid qaraxyo ah, kuwaasi oo ay ku diyaarinayeen Beero dhexdooda. “Ilaa iyo 61 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Beero ku yaala duleedka deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraalka oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. Howl-galka ay fuliyeen ciidamada NISA ayaa sidoo kale waxaa lagu bur-buriyay Labo gaari oo ahaa nuuca Homey iyo Noah oo dagaal-yahanada ay ku xireen waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo ay qorshaynayeen in ay soo galiyaan magaalada Muqdisho. “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay ka foojigan yihiin dhagar kasta oo shacabka kaga imaan karta Khawaarijta lagu jabiyay dagaaladii tooska ahaa oo ay la galeen Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa muddooyinkii dambe howl-galo qorsheysan ku beegsaneysay dagaal-yahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku dishay Shabaab badan, xili uu gobolada dalka ka socda dagaal ka dhan ah kooxda. Tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab ayaa waxa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. The post 61 Al-Shabaab ah oo lagu dilay howl-gal qorsheysan appeared first on Caasimada Online.
-
Waxa maanta ka ka furmay magaalada Muqdisho kulan ay isku yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Soomaaliya. Shirkaan ayaa diirada lagu saaraya arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka Maaliyadda Dalka, sharuudaha deyn cafinta iyo mideynta canshuurta Dalka. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo si rasmi ah shirka u furay, ayaa sheegay in uu muhiim yahay shirkaan ay isagu yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in inta shirkaan uu socdo ay doodooda diirada ku saari doonaan arrimaha mudnaanta u leh Horumarinta Dhaqaalaha Dalka, mideyn hannaanka canshuuraha, dhamaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta. Shirkaan Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangiga adduunka uu ka taageero guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed. Waxa sidoo kale shirkaan ka qeybgalaya Wasiirada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha dalka iyo masuuliyiin ka tirsan Hey’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu ku yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa wixii ka dambeeyay waxaa sii xoogeystay cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dalka oo soo maray sanado mad-madow siyaasadeed uu hareeyay. Madaxweynayaasha labada dal ayaa ku balamay in la xoojiyo xiriirka, iskaashiga ku dhisan walaaltinimada iyo derisnimada oo ah mid soo jireen ah, ayada oo Jabuuti ay hiil & hoo la garab istaagtay Soomaaliya. Safarkii madaxweyne Geelle ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu xoojiyay in Jabuuti diiradda ay saarto in ay Soomaaliya ka gacansiiso afar arrin oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah; 1. La-dagaalanka kooxda Al-Shabaab 2. Qorshaha sugidda amniga guud ee dalka 3. Wax ka qabashada xaaladaha Bani’aadamnimada 4. Wada-hadalka Somaliland Madaxweyne Geelle ayaa intuu ku sugna magaalada Muqdisho waxa uu sheegay inay garab taagan yihiin dowladda federaalka, ayna ka go’an tahay in laga adkaado kooxda Al-Shabaab oo in ka badan 15 sanno dagaal ka wada dalka. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in la joogo waqtigii diiradda la saari lahaa midnimada, horumarka iyo xoojinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga gungaaro abaabulka xooggan ee socda, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleystay doorashadii Soomaaliya ka dhacday 15-kii May 2022 ayaa ballan-qaaday in uu xooga saarayo dib-u-heshiisiinta gudaha iyo xoojinta Soomaali heshiis la ah Dunida inteeda kale. Intaas kaddib waxa uu galay safarro kala duwan oo uu ku tagay waddamada deriska la ah Soomaaliya iyo kuwa kala oo ka baxsan Qaaradda, madaxda uu la kulmay waxay wada dhigteen ballamo siyaasadeed oo dhaqan-galkooda labada dhinac laga sugayo. The post Kadib safarkii GEELLE ee Muqdisho, Jabuuti oo 4 arrin ku gacan siinaysa DF Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – The US Africa Command increased its airstrikes in Somalia in 2022 by 30% compared to previous years as part of its counterterrorism operations against al-Shabab and in support of the Somali government, according to the Long War Journal tracker. In 2022, the Pentagon carried out 15 airstrikes targeting Al-Shabab – the al-Qaida-affiliated militant group. These strikes resulted in the deaths of 107 al-Shabab fighters, according to data from AFRICOM. In 2020 and 2019, the command carried out 45 and 59 airstrikes in Somalia, the highest number since U.S. operations began. The U.S. government has been targeting al-Shabab with airstrikes in Somalia under the 2001 Authorization for the Use of Military Force, passed after the 9/11 terror attacks. It has also been used to conduct operations in other countries as part of the Global War on Terror. The group is believed to have between 5,000 to 10,000 fighters in Somalia, according to a joint Inspector General report from the State Department and Department of Defense. The Biden administration is also considering a Somalia request to loosen restrictions on U.S. military drone strikes against al-Shabab militants. The Somali government is seeking to allow U.S. military operators to attack groups of al-Shabab militants who pose a potential threat to Somali forces, even if they are not actively firing upon them. This would escalate American involvement in the ongoing counterterrorism effort in Somalia. The request comes as Somalia’s new administration, led by President Hassan Sheikh Mohamud, has launched an offensive against al-Shabab with the support of local clan militias and international allies. President Biden has also recently redeployed 450 U.S. troops to Somalia, reversing the decision of former President Donald Trump to withdraw all troops in January 2021. Some U.S. officials are hopeful that Somalia may be turning a corner. However, others are more skeptical, given the country’s history of dysfunction, the limited capacity of its central government, the complex clan dynamics, and the ongoing drought-driven famine. The success of the current offensive against al-Shabab and the stability of the country will likely depend on the ability of the Somali government to deliver services and establish strong partnerships with clan leaders. In addition to the airstrikes, the U.S. has also been providing support to the Somali National Army (SNA) and African Union Mission in Somalia (AMISOM) in their efforts to combat al-Shabab. This has included training, advising, intelligence, and logistical support. On Sunday, The United States announced a $9 million donation of weapons, support and construction vehicles, explosive ordnance, disposal kits, medical supplies, and maintenance equipment to the Somali army. The package is intended for the elite Danab battalions, including those who operate in the HirShabelle and Galmudug states. It will be used to support the campaign by the Somali National Army to liberate Somalia’s communities from the terrorist group al-Shabab, according to a statement by U.S. Embassy in Mogadishu. The post US escalates airstrikes in Somalia with 30% increase in 2022 appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo qoraal soo saaray ayaa faahfaahin ka bixiyay hadal heyn ka dhalatay sawir laga qaaday isaga iyo ra’iisul wasaaraha, xilli ay shalay ku safrayeen mid kamid ah diyaaradaha rakaaabka ee shacabka, ayaga oo kusii jeeda waddanka Masar. Sawirka hadal heynta dhaliyay ayaa waxaa kasoo muuqday ra’iisul wasaaraha iyo nin da’ ah oo ay isku kursi yihiin, kaas lagu magacaabo Cumar Maxamed Cabdulle iyo wasiir Huurse oo isna diyaaradda dhexeeda dhulka fadhiyo, lana hadalyo ra’iisul wasaaraha iyo Cumar Wasiirka ayaa sababta ku sheegay inuu dabacsanaan u muujinayay muwaadinkaas oo cabasho u gudbiyay ra’iisul wasaaraha, taas oo la xiriira arrimaha shaqada ee wasaaradda, kadibna la’is baray isaga & ninkaasi da’da ah si uu wax uga qabto cabashadiiisa gaarka ah. Halkan hoose ka aqriso qoraalka oo dhammeytiran:- Waxaa I soo gaarey farriimo badan iyo fasiraad siyaabo badan looga bixiyey sawir laga qaaday aniga iyo Ra’isul Wasaaraha oo dhegeysaneyney nin odey ah oo Soomaali ah kana mid ahaa rakaabka diyaaradda nala saarnaa oo fadhiyey safka kowaad ee qaybta dambe ee diyaaradda (economy class). Aniga iyo Ra’iisul Wasaaraha oo kasoo kacnay qaybta hore ee diyaaradda si Ra’isul Wasaaruhu u salaamo dadka Soomaaliyeed ee diyaaradda saarnaa ayaan la kulannay mudane Cumar Maxamed Cabdulle oo ah odey Soomaaliyeed oo deggan dalka Canada inta baddana usoo safra oo kusoo noqnoqda waddanka. Cumar oo ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee Ra’iisul Wasaaruhu salaamo ayaa salaan ka dib uga warramay caqabado uu kala kulmo markasta oo uu waddanka imaanayo. Intaas ka dib, ayaa Ra’isul Wasaaruhu aniga iyo Cumar is kaaya baray una sheegay xilka aan dawladda ka hayo cabashadiisuna khuseysay, Waxaan u soo hor fariistay adeer Cumar sida dhaqankeenna, diinteenna iyo sunnada wanaagsani qabto oo ah ixtiraamka uu mudan yahay qof muslim ah, waayeel ah, musaafir ah, haddana Soomaali aan adeege u ahay ah. Marnaba sax ma hayn in aan kor istaago oo isaga oo kor ii fiirinaya uu ila hadlaa, Wax ka wanaagsan ma sameeyeen in aan dabacsanaan, baarrinimo iyo nuglaan ku dhegeysto waxna ka qabto baahidiisa ma ahine, iyadii ayaanna sameeyey. Allah idankiis, inta uu sheegtayna waan ka shaqaynayaa aniga oo la kaashanaya masuuliyiinta iyo saaxiibbada kale ee ay khusayso. Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan u nuglaado, hoos fariisto, marnaba aanan iska weyneyn dadka aan u adeego, Waxaana I faraya diinteenna, dhaqankeenna iyo damiirkayga, xilka aan ummadda u hayaana waxba ka bedeli maayo shaqsiyadayda iyo dareenkayga dhabta ah. The post Wasiir Huruuse oo fasiray arrintii hadal haynta dhalisay ee ka dhex dhacday diyaarada appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad oo haatan dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka wada magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa ka horyimid tallaabadii uu doorashada u qaaday Saciid Deni. Cawad ayaa ka biyo diiday diiwan-gelinta hadda ka socota deegaanada maamulkaasi, taas oo ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah ee haatan laga wado Puntland, Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sharci darro ku tilmaamay qaabka ay madaxtooyada wax u wado, isaga oo sheegay in waxa socda laga leeyahay ujeedooyin guracan, sida uu hadalka u dhigay. “Annagu waxaan u aragnaa in diiwaan-gelintaas aysan sharci ahayn in aysan wax wanaag ah soo kordhin doonin waxayna u eg tahay diiwaan-gelin ujeeddo kale laga lee yahay” ayuu yiri Dajire Axmed Ciise Cawad. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in diiwaan-gelintaas ay diideen dhammaan ururada siyaasada ee ugu waaweyn Puntland sida uu ku dooday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda. Danjire Cawad oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday inay dalbanayaan in la qabto doorsho loo dhan yahay, ayada oo la ilaaliyo dimuquraadiyadda iyo horumarka Puntland. “Waxaan rabnaa in Puntland ay usii durugto xagga dimuquraadiyadda oo la gaaro in xisbiyo iyo tartan madax bannaan la galo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Puntland ayaa wajaheyso xaalad kacsan, taas oo ka dhalatay muranka hareeyay hanaanka doorashada maamulkaasi oo ay haatan isku hayaan mucaaradka iyo madaxtooyada. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo Talaadadii shalay Madal Siyaasadeed ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin, aqoonyahano iyo waxgarad reer Puntland ah looga dhawaaqay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi, taas oo uu qayb ka yahay wasiirkii hore ee dibadda. Xubnaha qaybta ka ah Madashan ayaa waxa ay isugu jiraan kuwa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka iyo sidoo kale dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. The post CAWAD oo ka horyimid tallaabadii uu qaaday SACIID DENI appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (HOL) - Heavy fighting was reported in Hiiraan's Mahas district between local clan militia forces and Al Shabab in Dunad village on Monday morning. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay qodoba uu maamulkiisa diiday intii lagu gudajiray shirka wadatashiga qaran ee dowladda Faderaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka. Puntland ayaa ku gacan seertay golaha ansixinta qodobada kala ah hanaanka uu noqonayo garsoorka dalka iyo hanaanka awood qaybsiga faderaalka. “Labada qodob ee aan diidnay waxaa weeye 1-Habka Garsoorkeenna uu noqonayo oo ah garsoor madax bannaan sida aan rabno ku qotoma dastuurka iyo shuruucda aan leenahay waxaa meesha la keenay wax taa ka duwan oo aan suuragal ahayn in ay Puntland aqbasho koley intii garashadeydu markaas ahayd” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in qodobka kale asne ay ku diideen in uu meesha ka saarayo hanaanka Faderaalka sida uu Deni sheegay. “Qodobka kale waxa uu ahaa habka maamulka Dowladeed ee heer federal & State (Dowlad-Goboleed) loo qaybinayo oo isaga oo dhan u muuqday mid kasoo horjeeda Dastuurka Puntland, Kan Federaalka ee hadda aan heysano iy Doonista iyo caqliga federaaleenta Dalka uu diyaarka u ahaa, waxaa meesha kasoo baxday qorshe u eg in markale dib loogu celinayo Central (Dowlad-Dhexe),” ayuu markale yiri Saciid Deni. Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa sheegay in ay mawqifkooda ay dib ka soo shaacinayaan kaga aaddan qodobadaan ay diideen in ay ansixiyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka amababaxay magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa maanta safar dhanka dhulka ah waxa ay ku gaareen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka aya waxaa si weyn Gaalkacyo ugu soo dhoweeyay saraakiil ciidan iyo maamulka degmadaas, ayaga oo halkaasi maalmo sii joogi doono. Ujeedka ciidamadan ayaa ah inay howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka bilaabaan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya oo ay weli degmooyin ka heysato kooxda. Qoraal kooban oo kasoo baxay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadaas ay u diyaarsan yihiin inay xoreeyaan deegaanada maamulka Galmudug. “Ciidankaan oo ka baxay Muqdisho ayaa safar dhulka ah ku tegay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxayna ku biirayaan cutubyo u diyaarsan inay Khawaarijta ka xoreeyaan deegaanada ay uga dhuumaaleystaan Galmudug,” ayaa lagu qoraalka warbaahinta dowladda. Safarka ciidamadan ay ku gaareen Gaalkacyo ayaa muujinayo in guul weyn laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, maadaama la xoreeyay inta badan deegaanada HirShabelle, taas oo u sahashay ciidamada Xoogga dalka inay safar dhulka ah ku gaaraan magaaladaasi. Galmudug ayaa haatan isku diyaarineyso howlgallo xoreyn ah oo ka bilaabanayo gobollada maamulkaasi, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug oo ay qaybo ka joogaan Al-Shabaab. Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa waxa ay ka dhasheen kacdoon shacab oo ay dadka deegaanka ka bilaabeen gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe & Galgaduud kaas oo ay hoggaamineyso dowadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaana Al-Shabaab looga saaray deegaano horleh. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, taas oo dalka gelisay xaalad adag oo amni, waxayna dowladda Soomaaliya taageero ka heleysa caalamka, waxaana ugu dambeeyay Mareykanka oo shalay gaadiid dagaal iyo hub ku wareejiyay dowladda dhexe. The post Sawirro: Ciidamo ka baxay Muqdisho oo safar dhulka ah ku gaaray GAALKACYO appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in ciidamada maamulkaas ay bilaabeen hawlgallo ka dhan ah ururka alshabaab. Hoggaanka ciidamada daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay in ay bilaabeen hawlgallo ay alshabaab kaga saarayaan deegaannada ay kaga sugan yihiin maamulkaas. Ciidamada ayaa lagu wadaa in ay hawlgallo ka fuliyaan jubada dhexe iyo jubada dhexe oo qaybo kamid ah ay ku sugan yihiin ururka alshabaab. Gernaal Cali Maxamed Maxamuud Bogmadoow oo ah Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xooga dalka, ayaa sheegay in uu u soo dhamaaday diyaargarowgii ay wadeen muddooyinkii la soo dhaafay haddana ay ciidamada u dhaqaajinayaan furimaha. Jubbaland qaybo kamid ah ayaa ururka alshabaab waxa ay ku sugan yihiin muddo aad u dheer taas oo sababtay in deegaannada qaar aan la gaarsiin gurmadka bini’aadanimo ee loo qorsheeyay kadib abaarta ku dhufatay dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Bagdad (Caasimadfa Online) – Dowladda Ciraaq oo kamid ah dowladaha Carbeed ee deynta ku leh Soomaaliya ayaa shaacisay inay kala bar deynta ka cafin doonto Soomaaliya, sida uu shaaciyay Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Zayd Al-Sabaan. Lacagta ay Ciraaq ku leedahay Soomaaliya ayaa gaareyso illaa 187 Milyan oo dollar, taas oo haatan ay ka cafinesyo ku dhawaad 100 milyan oo dollar, waana tallaabo horay loo qaaday, taas oo sii dhaqaajineyso geediga deyn cafinta Soomaaliya oo hadda dar dar ku socdo. Sidoo kale dowladda Ciraaq ayaa go’aankeeda gaarsiisay Ururka Jaamacadda Carabta, sida uu sheegay Agaasimaha oo la hadlay Wakaaladda Wararka Bariga Dhexe ee The Middle East News Agency (MENA). Sabaan wuxuu sidoo kale sheegay in go’aamadii ka soo baxay shirarkii is xig xigay ee dowladaha Carabta ay ku booriyeen dalalka in ay mudnaanta koowaad siiyaan sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay. Marka loo eego tirokoobyada, wadarta guud ee deynys Ciraaq ku leedahay Soomaaliya waxay ahayd ku dhawaad 187 milyan oo dollarka Maraykanka ah, ilaa December 2019, lama oga xiligan 2023 inta ay mareyso maadaama uu jirto lacag dulsaar ah oo ku socota. Soomaaliya waxaa soo maray xaalado kala duwan, dagaallo iyo dowlad la’aan, iyadoo deymaha dibadda looga leeyahay oo gaaraya illaa 5 bilyan ay sii kordhaysay sanadba sanadka ka dambeeya. Ururka Jaamacadda Carabta ayaa bilaabey 2016-kii inuu wax ka qabto arrimaha deymaha dibadda ee Soomaaliya. IMF iyo Bangiga Aduunka ayaa sidoo kale ka shaqeynaya deynta cafinta Soomaaliya oo shuruudo adag lagu xiray dowladda inay kasoo baxdo, kuwaasoo ay kamid yihiin dib u habeynta nidaamka maaliyadda iyo kordhinta dakhliga gudaha. Barnaamijka deyn cafinta ee Soomaaliya ayaa soo soo socday sanado badan, kaas oo ay hadba heer ay soo gaarsiiyeen dowladihii kala duwan ee soo maray dalka. Si kastaba, haddii ay Soomaaliya dhameystirto barnaamijka deyn cafinta oo haatan maraya meel wanaagsan ayaa waxa ay heli doontaa maal-gelin caalami ah oo gudaha dalka ah. The post Dal Carbeed oo ku dhawaad $100 milyan ka cafinayo Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Taageerayaasha madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsonaro oo diiday inuu aqbalo natiijada doorashadii madaxtinimada ee dalkaas ka dhacday ayaa Axaddii waxa ay xoog ku galeen aqalka Congress-ka, dhismaha maxkamadda sare iyo xarunta madaxtooyada ee dalkaas. Kumanaan ka mida debedbaxayaasha ayaa dhaafay goobaha laga sugo ammaanka xarumahan dawladda, iyada oo qaar ka mida debedbaxayaashu ay u baxeen saqafka sare ee dhismayaasha, halka qaar kalena ay burburiyeen muraayadihii ku yaallay daaqadaha. Dhacdadan ayaa ku soo beegantay maalin Axad ah oo aanay dad badani joogin dhismayaasha dawladda. Laamaha ammaanka ee dalka Brazil ayaa intaas ka dib waxay sameeyeen hawlgallo kala duwan oo ay taageerayaasha cadhaysan kaga saarayaan dhismayaasha dawladda. Intii ay hawlgalladani socdeen, waxay xabsiga dhigeen boqollaal ka mida debedbaxayaasha xoogga ku galay dhismayaasha dawladda. Dhacdooyinkan, oo u eg weerarkii lagu qaaday aqalka Congress-ka Maraykanka bishii January 6-deedii ee 2021, ayaa ku soo beegmaysa iyada oo toddobaad uun ka hor, xafiiska madaxweynaha loo dhaariyey madaxweynaha u janjeedha dhinaca bidix ee Luiz Inacio Lula da Silva. Taageerayaasha Bolsonaro ayaa tan iyo 30-kii bishii Oktoobar waxay dhigayeen mudaharaado ay uga soo horjeedaan guusha doorashada madaxweyne Lula da Silva, iyagoo xidhay waddooyinka, mararka qaarna dab qabadsiiyay baabuur, waxayna isku urursadeen bannaanka dhismayaasha militariga, iyagoo weydiistay xoogagga hubeysan inay soo farageliyaan Source
-
Wasiirka arrimaha debedda ee Falastiin ayaa Axaddii sheegay in Israa’iil ay kala noqotay sharci dhinaca socdaalka ah, taas oo qayb ka ah tallaabooyin ciqaab ah oo ay dawladda cusub ee Israa’iil ay ku beegsanayso Falastiiniyiinta. Riad Malki ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu ka soo laabanayey caleemo saarka madaxweynaha Brazil, markii lagu wargeliyey in Israel ay kala laabatay sharcigii uu ku safri lahaa. Sharciga lagala laabtay ayaa ah mid madaxda Falastiiniyiinta u saamaxaya inay si fudud ugu safraan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, si ka duwan Falastiiniyiinta caadiga ah. Xukuumadda Israa’iil ayaa Jimcihii ansixisay tallaabooyin lagu ciqaabayo Falastiiniyiinta, si ay ugaga aargoostaan doorka ay ka cayaareen in hay’adda ugu sarraysa dhinaca garsoorka ee Qaramada Midoobay inay aragti ka dhiibto dhulka ay haysato Israa’iil. Go’aankan ayaa muujinaya heerka uu taagan yahay mowqifyada ad-adag ee xukuumadda cusub ee Israa’iil ay kula dhaqmayso Falastiiniyiinta, iyada oo xilka haysa maalmo kooban. Falastiiniyiinta ayaa cambaareeyey tallaabadan, iyaga oo ku tilmaamay inay tahay ‘xad-gudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah’. Suuro gal may noqon in la helo falcelinta masuuliyiinta Israa’iil oo la isku dayay in arrintan wax laga weydiiyo. Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo ka hadlay shirkii golaha wasiirada ayaa sheegay in tallaabooyinkan looga danleeyahay in lagaga hortago, waxa uu ugu yeedhay ‘tallaabooyinka xag-jira ee looga soo horjeedo Israa’iil’ ee ka socda Qaramada Midoobay. AP Source
-
The file of 5000 Somali soldiers who had completed military training in Eritrea was given to the newly elected president, Hassan Sheikh Mohamud, during the handing over ceremony in Mogadishu on May 23, 2022, ending rumors regarding their whereabouts and destiny. Mr. Hassan Sheikh Mohamud made two trips to Eritrea to learn whether the forces were actually present. When he was in opposition, President Hassan once referred to those soldiers as “children,” meaning that international law and children’s rights had been abused. He also stated that they were sold. He now learned that the soldiers were whole, unharmed, and had never taken part in a fight in Ethiopia’s Tigray region. The first group of those soldiers returned home on December 21, 2021, opening the door for the arrival of further groups over the next few weeks. With their arrival, the Somali people witnessed the biggest falsehood in modern Somali political history revealed. The opposition circulated the allegation that these soldiers had been sent to fight with Ethiopian and Eritrean forces in the Tigray region of Ethiopia. Some even went so far as to make the explicit assertion that only 180 soldiers out of the nearly 3,000 who were assigned to the Tigray region had survived. They intended to undermine the previous administration and further their political objectives. Mahad Salad, the present Director of the National Intelligence and Security Agency (NISA), was one of them. The unfounded accusations Mr. Mahad made at the time were among the factors that led to President Hassan Sheikh appointing him as the Chief Spy. Speaking to local and regional media outlets, the former Deputy Chief of Spy, Mr. Abdisalam Guled, has also played a significant role in disseminating this fabrication throughout 2021. Certain national and local news sources referred to his comments about these troops without supporting evidence. Reuters was one of the media outlets that spoke with the individual directly. In a Reuters interview, he stated that he had received confirmation from some reliable sources inside Ethiopia that these soldiers had participated in the Tigray battle and a list of the names of the casualties. Please follow this link https://youtu.be/9vZkmF1Nyn4 to view the complete report. In a report published in May 2021, the UN Special Rapporteur on the situation of human rights in Eritrea revealed that some of the Somali recruits had been moved to Tigray to participate in the conflict, which was more unusual. From the report: “In addition to the reports of the involvement of Eritrean troops in the Tigray conflict, the Special Rapporteur also received information and reports that Somali soldiers were moved from military training camps in Eritrea to the front line in Tigray, where they accompanied Eritrean troops as they crossed the Ethiopian border. It is also reported that Somali fighters were present around Aksum….” Please download the report here https://digitallibrary.un.org/record/3927715/files/A_HRC_47_21-EN.pdf. What information was provided to the UN Rapporteur, and where did it come from? I always assumed that the UN would provide findings based on facts rather than on urban legends and tales spread by enraged opponents of the Somalian government at the time. The UN propagated false and falsified material to mislead international and local audiences, which had a detrimental effect on Mogadishu’s safety and security. The parents of the recruits launched a series of violent rallies in the capital Mogadishu, demanding the government reveal the whereabouts of their sons who were sent to Eritrea for military training, despite the government’s vehement denial that its forces engaged in combat in the Tigray province. Mohamed Abdullahi Farmaajo, the former president of Somalia, was serious about establishing a powerful army in his country. He has long wished to transfer security responsibilities to the national military and terminate the AMISOM deployment in Somalia. To do this, he discreetly asked Eritrea to help train a force of soldiers that numbered up to 5000 to avoid the attention of the international community, which was in charge of the development of the Somali army. For several reasons, they would not have supported such an initiative: Eritrea still experiences sanctions from the west, which considers it a hostile nation. The neighboring countries, also a part of AMISOM, want to avoid seeing a powerful force in Somalia. Due to these factors, the administration was compelled to keep the situation under wraps while planning a surprise return of these soldiers to Somalia. Farmajo’s regime maintained secrecy despite pressure from the opposition and the international community. Instead, the political opposition parties were accused by his government of politicking national defense and security issues. The situation was indeed considered a top-secret national secret. Now that these soldiers have returned to Somalia, Mr. Hassan is pleased to have them help the nation battle terrorism and reestablish security in Mogadishu. He said that because they are well-trained, he has great expectations for them to produce results quickly. He regretted the prior charges he had repeatedly leveled at these soldiers. Now that the participation of these forces in the Tigray war is disproven, doubts are being raised about the integrity of other reports that surfaced last year and led to insecurity in the capital city, including the murder of Ikran Tahlil, a former NISA employee. By: Ahmed Fiqi fiqiahmed01@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official position of Caasimada Online or its members. The post Somalia: The soldiers that came back from the dead appeared first on Caasimada Online.
-
Ana Montes- oo kamid aheyd basaasiintii ugu caansanaa dagaalkii qaboobaa ee uu qabtay Mareykanka ayaa laga sii daayay xabsiga kadib 20 sanno ay ku xidhneyd halkaas. Haweeneydan 65 jirka ah ayaa ku dhawaad 20 sanno basaas u aheyd Cuba iyadoo aheyd falanqeeya ka tirsan waaxda gaashaandhigga. Kadib markii la xidhay sannadkii 2001-dii, saraakiisha waxay sheegeen in haweeneyda ay qarka u saarneyd in gebi ahaanba ay kashifto howlgallada sirdoonka Mareykanka ay ka wadeen jasiiraddaas. Mid kamid ah saraakiisha ayaa Ana Montes ku sheegay mid kamid ah ‘basaasiintii waxyeellada ugu badan geystay’ ee uu qabtay Mareykanka. Source
-
Lix dhallinyaro ah oo Soomaali ayaa deeq waxbarasho ka helay jaamacado ku yaalla wadamada Mareykanka iyo Canada, kuwaas oo la sheegay in lagu xushay kubadda cagta oo ay ku wanaagsan yihiin. Dhalinyarada ayaa la sheegay inay u cayaari doonaan kubadda cagta Jaamacadaha ay ka heleen deeqda Waxbarasho, waxaana lixdooda saddex ka mid ah deeqda waxbarasho ay la ka heleen Jaamacado ku kala yaalla dalka Mareykanka, halka sadaxda kalana ay ka heleen Jamaacado ku yaalla magaalada Toronto ee dalka Canada. Sadax ka mid ah lixdaan dhalinyarada ah ayaa sannadkii lasoo dhaafay usoo ciyaaray xulka Soomaaliya ee 17- jirada ah, sida uu VOA-da u sheegay Cabdirashiid Xasan Xirsi oo loo yaqaano Bakin, kaasoo ah guddoomiyaha naadiga Semkey oo ah kooxda soo saartay dhallinyaradaan. “Lixdaan dhalinyarada ah waxay ka mid yihiin dhalinyarada aan soo saarnay oo aan waqtiga badan ku bixinay, waan ku faraxsanahay in maanta dhalinyaradeena kasoo muuqdaan ciyaaraha dalalka Mareykanka iyo Canada, hada waxaa mid ka mid ah dhalinyaradaan uu ku biiray xulka qaranka dalka Canada ee ka yar 20 jirada” ayuu yidhi guddoomiye Cabdirashiid Xasan Xirsi Bakin. Source
