-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
CAIRO - 10 January 2023: Minister of Foreign Affairs Sameh Shokry met Monday with his Somalian counterpart Absher Omar Gamea to confer over bolstering bilateral relations and coordination on matters of mutual interest, capitalizing on the momentum the ties between both countries are experiencing. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Axaddii Soomaaliya ku wareejisay hub ay ugu talagaleen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Danab si loogu xaoojiyo ciidanka dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab. Sahaydan, oo qiimaheedu ahaa 9 milyan oo dollar, ayaa waxaa ka mid ah hubka culus, baabuurta gaashaaman, kuwa dhismaha, qalabka lagu baaro walxaha qaraxa, agabka dayaxtirka gaadiidka ciidamada iyo hubka. “Waxaan ku faraxsannahay guusha ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaalka taariikhiga ah ee ay ku xoreynayaan bulshooyinka Soomaaliyeed ee ay dhibaateysan Al-shabaab,” ayuu yiri danjire Andre. “Waa dagaal ay Soomaali hormuud ka tahay oo ay Soomaali dagaallameyso. Maraykanku wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay nooga go’an tahay inaan taageerno dadaalkan,” waxaa sidaas yiri safiirka Mreykanka ee Soomaaliya Larry Andre. “Mareykanku wuxuu noo gartay inuu nagu garab istaago xaaladaan adag, waxaan maanta kala wareegeynaa agabkii ay ciidankeenu u baahnaayeen, waa fariin iyo garab istaag wada socda hubkaan uu Mareykanku nasiiyey,” ayuu yiri wasiirka difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Haddaba arrintani maxay ka dhigan tahay? Inkastoo Soomaaliya ay saarantahay cunnaqabateynta hubka haddana dowladii kala dambeyay mid walba oo ka mid ah waxay dadaal galisay in dalka laga qaado cunnaqabateynta. Balse dhamaantood kuma aysan guuleysan. Maxamed Mukhtaar Ibraahim, oo wasiir ka soo noqday Soomaaliya,ayaa aaminsan in hubkan la siiyay dowladda Soomaaliya uu wax badan ku kordhin doono gaarhaan marka laga fiiriyo dagaalka dowladdu xilligaan kula jirto Shabaab. Wuxuu sheegay in sidoo kale taageerada dowladda federaalku ka hesho dalalka kale aysan ku ekeyn oo kaliya hub, balse la siiyo waxyaabo kale sida cunto iyo dawooyin kuwaas oo gacan ka gaysan kara howgallada socda. “Hubka hadda la siiyay ciidamada dagaalka runtii wuu ka anfacayaa,” ayuu yiri wasiir hore Maxamed Mukhtaar Ibraahim. Wuxuu intaa raaciyay” runtii waa tallaabo soo dhweyn mudan” Sidoo kale Muktaar ayaa aaminsan in ciidamada Macawisley ay xitaa helayaan waxyaabaha ay u baahan yihiin marka la eego kaalmadan agabka kala duwan isugu jirta ee la siiyay dowladda Soomaaliya. Mar la waydiyay in hubkaan isticmaalkiisa ay u diyaarsanyihiin ciidamada Soomaaliya wuxuu sheegay in hubkaan aanu ku cusbeyn ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. “Runtii hubka hadda Soomaaliya la siinayo maaha hub ku cusub oo aaney aad u garaneyn ma aha waa hub loo tababaray isticmaalkiisa,”. Ciidamada Mareykanka Sanadkii la soo dhaafay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amray in dib Soomaaliya loogu celiyo boqollaal askarta dalkaas, kuwaas oo maamulkii madaxweyne Donald Trump bishii December ee sanadkii 2020, Soomaaliya kala baxay ciidan Ameerikaan ah oo tiradooda lagu qiyaasay 700 oo askari, kuwaas oo shaqadooda ay ahayd in ay ciidanka dowladda Soomaaliya ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. “Madaxweyne Biden ayaa xilligaas oggolaaday codsi uga yimid Xogyaha Gaashaandhiga oo ahaa in dib loo howlgeliyo milaterigii Mareykanka ee joogay Soomaaliya, si uu wax ku ool u noqdo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka mid ah maamulka dowladda, kaas oo magaciisa aan la sheegin. The post Soomaaliya: Maxay ka dhigan tahay tallaabada cusub ee Mareykanku uu qaaday? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kormeer shaqo ku tagay, xerada tababarada ciidamada ee TÜRKSOM ee magaalada Muqdisho, waxaa wasiirka halkaas ku soo dhaweeyay saraakiisha maamusha xerada. Wasiirka ayaa indha-indheeyay qeybaha iyo fasallada lagu tababaro saraakiisha iyo askarta xoogga dalka. Intii uu ku guda jiray kormeerka shaqo, saraakiisha gacanta ku haysa tababarka ciidanka ayaa wasiirka uga warbixiyay halka uu marayo tababarka u socda saraakiisha iyo askarta ciidanka CXD. Wasiirka ayaa u mahadceliyay walaalaha Turkiga oo qeyb weyn ka qaadanaya tababarka iyo qalabeynta ciidanka, si loo helo ciidan awood leh oo ka saara dalka argagixidada, sugana ammaanka guud. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Cidiimada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya. Turkiga ayaa ciidamada Soomaaliya tababar ku siinayay dugsiga TÜRKSOM, tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaana ka soo baxay saraakiil iyo askarta tayo leh oo meel uga soo baxay dalka, cadowgana kaga adkaaday fagaaraha dagaalka. Kumanaan askari oo hadda ka dagaalameysa gobollada dalka ayaa lagu soo tababaray xeradaan TÜRKSOM, waxaana xusid mudan in qeyb ka mid ah mushaarka ay qaataan ciidamadii ay tababartay ay bixiso dowladda Turkiga. Turkiga ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya, waxaa ka dhexeeya labada dal heshiis difaac oo sal-adag, waxaana xusid mudan in saldhig ciidan kan ugu weyn ee dalka dibadiisa uu ku leeyahay Turkigu uu ka sameystay Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta caasimadda Muqdisho. Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa shalay shalay gudaha xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho wuxuu kula wareegay hub, saanad ciidan iyo gaadiid dagaal oo Mareykanku uu ugu deeqay Soomaaliya, si gaar ah waxaa agabka uu Mareykanku bixiyey lagu qalabey doonaa ciidanka Danab oo muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab. The post Muxuu xerada TÜRKSOM ku soo arkay wasiirka difaaca Soomaaliya? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la yeeshay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Larry André. Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda Mareykanka ee ku dhex taallo xerada Xalane ayaa waxaa looga hadlay dagaalka Shabaab iyo kor u qaadida mashaariicda horumarineed. Cali Guudlaawe iyo Danjiraha ayaa si gaar ah uga wada-hadlay amniga HirShabelle, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socdo Hiiraan iyo Sh/ Dhexe. Sidoo kale madaxweynaha HirShabelle ayaa la wadaagay Danjiraha Mareykanka Larry André in dagaaladii ugu dambeeyay ee lala galay Al-Shabaab lagu jabiyay, isla-markaana laga xoreeyay deegaano iyo degmooyin ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle. Madaxweynaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in haatan lagu jiro waqtigii lasoo afjari lahaa kooxda Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay cadowga Ummadda Soomaaliyeed. Dhanka kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday muhiimada ay leedahay in deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab laga fuliyo barnaamijyada xasilinta, si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee dowladda iyo kor u qaadida mashaariicda horumarineed. Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada uu haatan madaxweynaha HirShabelle ka wado magaalada Muqdisho ee caasimada dalka oo uu haatan u joogo howlo shaqo oo u gaar ah. HirShabelle ayaa haatan meel wanaagsan ka gaartay dagaalka Al-Shabaab, waxayna ku guuleysatay in inta badan kooxda laga saaro gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Si kastaba, waa maamulkii ugu horreeyay ee ka dhabeeya yoolkiisa ah in Al-Shabaab laga xoreeyo deegaanada iyo degmooyinka ay ka heystaan HirShabelle, ayada oo uu kacdoonka ka billowday gobolka Hiiraan, kaas oo ku sii fiday illaa gobolka Sh/ Dhexe ee maamulkaasi. The post Guudlaawe oo Mareykanka la wadaagay arrin la xiriirta dagaalka AL-SHABAAB appeared first on Caasimada Online.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan booqasho rasmi ah ku joogo dalka Masar ayaa kulan gaar ah Qaahira kula yeeshay madaxweynihii hore ee dalka, Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan. Ra’iisul wasaaraha ayaa Cabdiqaasim Salaad ku booqday hoygiisa, si uu uga wareysto xaaladda guud iyo sidoo kale caafimaadkiisa, maadaama uu muddo ka maqan yahay dalka. Labad mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay arrimaha amniga iyo siyaasadda dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka. “Waxaan xalay gurigiisa magaalada Qaahira ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan. Waxaan ugu tagay in aan hubiyo xaaladdiisa caafimaad iyo in aan uga xog warramo halka uu dalku marayo, gaar ahaan xaaladda guud ee Amniga iyo Siyaasadda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya. Dhankiisa madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ayaa soo dhaweeyay dadaalka xukuumadda ee ku aadan ka hortagga Al-Shabaab iyo dagaallada ka socda gobollada. Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu ku rajo weyn yahay inuu dib ugu soo laabto dalka gudihiisa, si uu ugu noolaado caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. “Mudane Cabdiqaasim wuxuu soo dhaweeyay booqashada iyo dadaalka ay waddo dowladda Soomaaliyeed ee dib looga xoreynayo dalka kooxaha Khawaariijta dhibaatada ku haya shacabka, isagoo intaa raaciyay inuu ku rajo weyn yahay in sida ugu dhaqsaha badan uu dib ugu soo laabto kuna noolaado dalkiisa,” ayuu mar kale lagu yiri warka qoraalka ah. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ay booqashadiisa qaadatay maalmo ayaa illaa iyo hadda la kulmay mas’uul ka tirsan dalkaas oo uu ugu horreeyo dhiggiisa Mostafa Madbouly. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada-hadlay kor u qaadista xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Masar, iyada oo Masar ballanqaadeyso inay Soomaaliya ku garab istaagto dib u dhiska Soomaaliya. Masar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee haatan xiriirka wanaagsan la leh dowladda federaalka, waxaana horay dalkan u booqday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Photographer: Abdishukri Haybe Photographer: Abdishukri Haybe Photographer: Abdishukri Haybe Photographer: Abdishukri Haybe Photographer: Abdishukri Haybe The post R/W Xamza oo Qaahira kula kulmay Cabdiqaasim Salaad Xasan + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa waxay fulisay boqolaal qaraxyo ah oo dhalinyaro ay kusoo rakibtay tobankii sano ee lasoo dhaafay. Baabuur qarax lagu raray oo lagu tala-galay in uu ku dhinto midka wada iyo inta ku sugan bartilamameed la mala-awaalay, qof qarax loogu soo labisay si uu ulaayo dad Muslimiin ah oo nolol maalmeedkooda u halgamaya iyo kuwa lagu qanciyay inay dhexda ku xirtaan suuman qaraxyo ku xiran yihiin oo naftooda iyo dad masaakiin ah ku laayan ayaa ah xirfada ugu weyn Al-Shabaab ee waqtigaan. Is-dil, Dadna dil, daliil kalena ha raadin ee teyda qaado ayey sanado badan kusoo caano maaleen ragga hormuudka u ah fikirka Al-Shabaab. Wiilashaas iyo gabdhahaas lagu qanciyay inay naftooda jaraan, dad kale oo qaar cibaadeysanayaan ay aakhiro u diraan, waxay u badan yihiin dad da’ ahaan ka yar 30 sanno. Dad aan badi aan Qur’aanka iyo macnihiisa baran, dad aan hayn doodo Diini ah oo ka duwan inta uu usheegay ninka kula taliyay inay is-qarxiyaan iyo caruur waalidkood qasab looga soo watay, ayey u badan yihiin dadkaas is-dilka lagu qanciyay. Waxa jira waalidiin caruurtoodii marhore qaraxyo ku dhinteen oo weli u haysta inay nool yihiin oo Al-Shabaab ay badqab kula joogaan. Haddii aan usoo dagno gunta mowduuceena, dadka is-qarxiyay weydiin la’aan waa tageen, laakiin inta fikirkaas loo diyaarinayo ee maanta nool waxa hortaalla weydiimahan? Haddii mowduuca is-qarxintu uu yahay Janno, qof walba oo Muslim ah oo maanta nool himiladiisa ugu weyn waa jano, maxay u diidan yihiin amiirada Al-Shabaab inay is-qarxiyaan, ma Janno ayey rabin? Ma mowduuca is-qarxinta ayuu shaki uga jiraa mise adduunyada ayaa weli u macaan?. Kasoo tag taas, waxa laga yaaba xitaa inay weydiintaas marmarsiyo u raadiyaan oo ah “Cadowgeen ayaa ku farxaya dhimashada amiiradeena”. Aan hoos u soo dagno markan, Madaxda Al-Shabaab waxay dhaleen caruur badan, qaar waa la yaqaana caruurta meelaha ay joogan, isma qarxiyaan iyagana caruurtooda kuma tarbiyadeeyaan inay is-qarxiyaan. Weli Amiir Al-Shabaab ka tirsan wiil ama gabar uu dhalay isma qarxin. Mukhtaar Rooboow ayaa laga ogyahay amiir Al-Shabaab ah oo cunugiisa furinta keenay, isaguna is-qarxin kuma qorin. Qarax u kaadiye, xitaa intooda badan kooxda xubin kama ah, waxay haystaan nolol wanaagsan oo waxbarasho ayey ku jiraan, waxayna isku diyaarinayaan nolol fog. Madaxda Al-Shabaab ee “adiga” kugula talinaya in aad is-disho oo Janno qaadato Ilmahooda miyay ka jecel yihiin, sidee u aamini kartaa farriinta Janno ee ka timid nin raba in isagu sii noolaado, caruurtiisa iyo xaasaskiisuna sii noolaadan. Doodaan waa mid aanay jecleyn madaxda Al-Shabaab ee naftooda iyo caruurtooda u diiday is-qarxinta, taas badelkeedana dabka ku shubaya dhalinyaro markii hore mushaar doon ahaa markii dambena loo cilmi sheegtay. Markii aad rabto in aad qeyb ka noqoto fikir waa qasab in aad si fiican wax u baratid, si aad naftaada iyo mida dadka kale aad u dulmin. Sidoo kalena maskax ahaan lagaga xoog badin. Waa in aad tahay qof wax isweydiin badan oo awooda in uu dhowr dhinac ka akhriyo xaalada. The post Sababta aysan isku qarxin amiirada Al-Shabaab iyo caruurta ay dhaleen appeared first on Caasimada Online.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo koox wasiirro ah oo ka tirsan xukuumadiisa ayaa maanta Qaahira ku saxiixay heshiisyo ay Soomaaliya la gashay Masar. Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisa oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo dalka Masar ay ku joogaan ayaa galabta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wadahadlay kor u qaadidda xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, waa Soomaaliya iyo Masar. “Masar ayaa ballanqaaday inay dowladda Soomaaliya ku garab istaageyso dib u dhiska iyo horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Kulanka kadib ayaa masuuliyiinta labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar waxay si rasmi ah u kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan waxbarashada, warfaafinta, dhaqanka, diinta iyo awqaafta. Heshiisyada waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, Abshir Cumar Huruse, wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys oo qoraal kooban ka soo saaray heshiiskaas ayaa yiri, “Munaasabadda saxiixa qaar ka mid ah heshiisyadii maanta ay magaalada Qaahira ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar. Heshiisyada iskaashi ee labada dal ay kala saxiixdeen ayaa isugu jira dhinacyada warbaahinta, waxbarashada, dhaqanka iyo arrimaha diinta. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiisyadaasi.” Wafdiga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu hoggaaminayo ayaa shalay ka baxay Muqdisho, waxayna wadahadal kadib heshiiskaan lasoo galeen Masar oo ka mid ah dowladaha saameynta leh ee Carabta. Dowladda Masar waxay sanado badan saaxiib la aheyd Soomaaliya, laakiin waxay ku jirtay dowladihii ay xiriirkooda hoos iska dhigtay xukuumadii Farmaajo, balse dowladaan uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ayaa u muuqata mid Masar ku soo celineysa booskeedii saaxiibka dhow ee Soomaaliya. The post Sawirro: Seddax Wasiir oo Soomaali ah oo Qaahira ku saxiixday heshiisyo cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (HOL) -Puntland State in Somalia said it would operate as an autonomous government until the federal government drafted a constitution and a referendum was held. Source: Hiiraan Online
-
Dowlad gobaleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday mowqifkooda ku aaddan hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay qayb ka qaadaneyso dhismaha hanaanka dowladda dhiska Soomaaliya. “Dowladda Puntland iyo Shacabkeeduba waxay hormuud ka noqdeen geeddi socodka dib loogu hirgeliyey dowladnimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Puntland. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Puntland. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (Caasimada Online) – The Federal Government of Somalia has announced that a joint operation by the National Intelligence and Security Agency (NISA) and international partners has killed 61 members of the Al-Shabab militant group in the Middle Shabelle region. According to a statement released by the Ministry of Information, the operation targeted 150 Al-Shabaab fighters planning to attack the country’s armed forces and local heroes in the Hawadlay area with explosive vehicles. Two Homey and Noah vehicles filled with explosives were also destroyed in the operation. NISA has recently targeted Al-Shabaab fighters in planned operations, killing several in various regions as the war against the militant group intensifies. Since the start of the conflict, the government and local militias have had significant success against the extremist group, liberating areas that had been under their control for many years. In September, President Hassan Sheikh Mohamud declared an “all-out war” against Al-Shabab following two attacks that killed more than 43 people, including senior officers. On Friday, the president appealed to young members of the group to surrender and renounce their terrorist ideology. In other news, on Monday morning, heavy fighting was reported in Mahas town in Hiiraan region between local clan militia and Al Shabab militants group in the Dunad village. The fighting began after militia were alerted of Al-Shabaab militants’ plans to burn down water wells being built in the area. The hour-long gun battle resulted in several casualties, including deaths and injuries. A Macawisley militia group leader confirmed that their fighters repulsed the attack and killed Al Shabaab fighters but also suffered three wounds. Al-Shabab, affiliated with al-Qaeda and was mostly pushed out of Hiiraan’s eastern parts by government and allied militia, has been known to carry out ambushes in the area. The post Somalia says 61 Al-Shabab members killed in operation appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhowaaqay in hadda kadib uu u dhaqmi doono sidii dawlad madaxbanaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madaxbannaan. Waxay sheegtay Puntland in iyadoo raacaysa qodobo ka mid ah dastuurka federaalka iyo dastuurka Puntland ay si gooni ah dawladda federaalka ugala xaajoon doonto heshiisyada dawlad dhiska, gaar ahaan dhammaystrika datsuurka iyo heshiisyada kale ee siyaasiga ah ee awood qaybsiga, habdhiska amniga, wadaagga khayraadka iyo deeqaha caalamiga ah. Puntland ayaa sheegtay in loo baahan yahay in meesha laga saaro hagardaamada fashilin karta geeddi socodka dawlad dhiska, lana ixtiraamo qaawaaniinta lagu heshiiyey gaar ahaan dastuurka ku meelgaraka ah. Hoos ka aqriso qoraalka Puntland oo dhameystiran: Go’aanka Dowladda Puntland ee geeddi socodka dowlad dhiska hannaanka Federaalka Soomaaliya Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay boggaadineysaa dadaalka 18 sano jirsaday ee dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, kana soo bilowday heshiiskii ka soo baxay Shirweynihii Mbagathi Kenya ee sanadkii 2004, kaas oo lagu aasaasay Dowladda Federaalka ah iyo Dastuurka kumeel gaarka ah ee lagu unkay hannaanka federaalka ee Dalka. Dowladda Puntland iyo Shacabkeeduba waxay hormuud ka noqdeen geeddi socodka dib loogu hirgeliyey dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan 1. Puntland waxay ciidan, dhaqaale iyo maskaxba ku bixisay in Dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Federaalka ay dib uga hawlgasho Caasimadda Soomaaliya 14 sano kadib markii Dowladdii dhexe meesha ka baxday 1990kii. 2. Waxay qayb ka qaadatay in la gaaro heshiisyo lagu hubinayo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka baxdo kumeel gaarnimada si dib u dhis loogu sameeyo hay’adaha dowliga ah, loona hagaajiyo amniga iyo hannaanka maamulka, isla markaasna kor loo qaado dhaqaalaha Dalka. Tusaale; shirarkii taariikhiga ahaa ee Garowe – 1, Garowe – 2 iyo Gaalkacyo. 3. Dowladda Puntland waxay sidoo kale qayb ka qaadataa wada xaajoodyada looga arrinsanayo amniga guud ee Dalka, dhaqaalaha, horumarinta qawaaniinta ku dhisan hannaanka federaalka ah ee Dalka sida dib u eegista Dastuurka kumeel gaarka ah 4. Dowladda Puntland waxay si hagar la’aan ah u siisaa taageero dhinacyo badan leh dhismaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda Federaalka ah 5. Puntland waxay qayb ka qaadataa doorashada hay’adaha Federaalka ah sida Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo doorashada Madaxweynimada intaba. Iyadoo Dowladda iyo Shacabka Puntland ay sidaas mar walba diyaar ugu yihiin ka mid ahaanshaha dadaalka dowlad dhiska Soomaaliya heerarkeeda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, waxaa Dowladda iyo Shacabka Puntlandba u caddaatay in geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya u baahan yahay in meesha laga saaro hagar daamada fashilin karta geeddi socodka, lana ixtiraamo qawaaniinta lagu heshiiyey, gaar ahaan Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya. Si loo gaaro heshiisyo wadar oggol u ah arrimaha horutabinta u leh dhammeystirka dhismaha hannaanka federaalka ah ee Dalka, Dowladda Puntland waxay u aragtaa in ahmiyad la siiyo dhammeystirka qodobada soo socda: 1. In Dalka laga xoreeyo Argagixisada Al Shabaab iyo Daacish 2. In heshiis wadar oggol ah laga gaaro arrinta Somaliland a) Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland b) Dowladda Puntland iyo Somaliland 3. In heshiis siyaasadeed oo wadar oggol ah laga gaaro qorshaha dowlad dhiska 4. In heshiis loo dhan yahay laga gaaro Maqaamka Caasimadda Soomaaliya 5. In laga heshiiyo hab dhiska hannaanka federaalka ah si loo helo awood qaybsi ku dhisan hab wadar oggol ah 6. Dhammeystirka Dastuurka kumeel gaarka ah, is waafajinta Dastuurka Federaalka ah iyo kan Puntland iyo in Afti dadweyne oo loo dhan yahay loo qaado Dastuurka Federaalka Haddaba, Dowladda Puntland, iyadoo illaalinaysa aayaha masiiriga ah ee Shacabka Puntland, fulinaysana waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay ku wargelinaysaa dhammaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Dowlaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo kuwa Gobolka qodobada soo socda: 1. Inta laga dhammeystirayo qodobada horutabinta u leh dowlad dhiska Soomaaliya ee kor ku xusan, Dowladda iyo Shacabka Puntland waxay fursad buuxda siinayaan horumarinta danaha gudaha Puntland gaar ahaan xoojinta amniga, daadajinta hannaanka dimuqraadiga ah iyo dowlad wanaagga, horumarinta dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah si loo hubiyo in qofkasta oo Puntland ku nool uu heli karo amni sugan iyo adeeg bulsho. 2. Sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 2-aad, Dowladda Puntland waxay Dowladda Federaalka ah kala xaajoonaysaa danaheeda inta laga gaarayo dhammeystirka hannaanka federaalka ee Dalka “Awoodaha Dowladda Puntland ay ku wareejin doonto Dowladda Federaallka ee Soomaaliya iyo xuquuqda ay yeelanayso Puntland waxay ay ku imaanaysaa wada xaajood iyo heshiis dhex mara Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda Puntland, taas oo lagu qeexi doono Dastuurka Federaalka ah iyo kan Dowladda Puntland” 3. Sida ku cad Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad, Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay in, iyadoo qayb ka ah dowlad dhiska Dalka, ay u dhaqanto sidii dowlad u madax bannaan fulinta dhammaan waajibaadyadeeda dowliga ah “illaa inta laga gaarayo goorta dhammaan dastuurada dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka la waafajinayo Dastuurka Dowladda Federaalka, Maamulada jira ka hor inta aan la qaadan Dastuurkaan kumeel gaarka ahi, waxay sii haysanayaan awoodaha dastuurkoodu siinayo” 3.1 Qodobka 142-aad farqaddiisa 1-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya wuxuu waafaqsan yahay Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 3-aad kaas oo Dowladda Puntland siinaya xuquuqda in ay u dhaqanto sidii Dowlad madax bannaan inta (si Puntland qayb ka tahay) loo dhammeystirayo Dastuurka Federaalka ee kumeel gaarka ah “inta laga dhammeystirayo Dastuurka Federaal ah oo Puntland wax ka ansixisay, kadibna afti dadweyne lagu meel mariyey, Puntland waxay lahaanaysaa awood dowlad madax bannaan” Dowladda Puntland ee Soomaaliya, iyadoo illaalinaysa midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya, xoojinaysana doorkeeda dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, kana duulaysa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Dalka, waxay go’aan ku gaartay: 1. Si waafaqsan Dastuurka Federaalka qodobadiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad, qodobka 53-aad, farqadihiisa 1, 2, & 3-aad iyo Dastuurka Dowladda Puntland qodobka 4-aad, farqaddiisa 2-aad, Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay in ay si iyada gooni u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya kala xaajooto heshiisyada dowlad dhiska gaar ahaan tubta dhammeystirka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka, heshiisyada siyaasiga ah ee awood qaybsiga, hab dhiska amniga, heshiisyada habka wadaagga khayraadka iyo deeqaha caalamiga ah. 2. Inta laga dhammeystirayo wada xaajoodyada Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland ee arrimaha kor kuxusan, Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda Puntland waxay dhiggooda Dowladda Federaalka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha Dowladda Puntland si waafaqsan Dastuurkeeda qodobkiisa 4- aad, farqaddiisa 3-aad. 3. Si waafaqsan Dastuurka kumeel gaarka Federaalka Soomaaliya, qodobkiisa 51-aad, farqaddiisa 2-aad, xarfihiisa a, b & c, Dowladda Puntland waxay xiriir walaaltinimo, daris wanaag iyo wada shaqeyn la yeelan kartaa Dowlaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si laysaga kaashado danaha ka dhexeeya. 4. Dowladda Puntland waxay daneeyayaasha Beesha Caalamka iyo Dowladaha Gobolka uga mahad celinaysaa garab istaagga joogtada ah ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadantinimo. -DHAMMAAD- The post Puntland oo ku dhowaaqay inay u dhaqmi doonto sidii dawlad madax-banaan appeared first on Caasimada Online.
-
Al-Shabab extremists deny contact with Somalia's government
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU, Somalia — The Somalia-based al-Shabab extremist group has denied having contact with the Somali government after the country’s deputy defense minister claimed that the extremists had for the first time asked to negotiate. Source: Hiiraan Online -
COLUMBUS, Ohio (WCMH) — A 20-year-old Dublin man charged with murder has been arrested in connection with a fatal shooting near a north Columbus restaurant last week. Source: Hiiraan Online
-
Athens (Caasimada Online) – Muhaajir Soomaali ah, oo xukun xabsi daa’in ah loogu riday howlaha tahriibinta, ayaa Isniinta maanta ah kasoo muuqday maxkamad si uu racfaan uga qaato xukunkaasi, waxaana kiiskan taageero siinaya xubno ka tirsan baarlamanka Yurub oo sheegay in si khaldan xukunka loogu riday. Maxamed Hanad Cabdi ayaa sanadkii 2021-kii lagu riday xukun xabsi oo dhan 142 sano, xukunkaasi oo la xiriiray kadib markii dad ay ku dhinteen dooni sidday tahriibayaal oo ka timid Turkiga kuna sii jeeday jasiirada Lesbos ee dalka Greece sanadkii 2020-kii. Maxamed ayaa sheegay in uu kaliya kaxeeyay doonida kadib markii uu dayacay mukhalas u dhashay Turkiga intii ay ku jirtay safarka ay kaga soo gudbeysay Turkey. Laba qof ayaa ku qaraqmay markii ay doontu degtay halka 33 kalena la soo badbaadiyay. Qaar badan oo ka mid ah dadkii badbaaday ayaa taageeray sheegashada ninka Soomaaliga ah, sida ay sheegeen qareennadiisa. Kiiska ayaa indhaha ku soo jeediyay habraacyada xukunnada adag ee Greece ay soo rogtay sanadihii u danbeeyey, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaallada looga hor-joogsanayo muhaajiriinta sharci-darrada ah inay galaan Midowga Yurub. Xubin ka tirsan garabka bidix ee Greece ku matala baarlamaanka Yurub, Stelios Kouloglou, ayaa hogaaminaya ololaha ku saabsan in qaar badan oo ka mid ah xukunnada la riday dib loo eego, dadaalkan oo ay taageerayaan xildhibaanno kale oo kasoo jeeda dalalka kale ee Yurub iyo sidoo kale fanaaniin u dhashay Greece, kuwaasi oo gacan ka gaysanaya in lacag loo aruuriyo qareennada kiisaskan. Bishii hore, laba nin oo Afgaaniyiin ah, Akif Razouli iyo Amir Zahiri, kuwaasi oo lagu riday xukunno 50 sano oo xabsi ah ayaa si damaanad ah loo sii daayay. Razouli ayaa lagu waayay eedaha, halka Zahiri la sii daayay kadib markii xukunkiisa la yareeyay oo laga dhigay siddeed sano. “Iskaashi caalami ah ayaa muhiim u ah qaxootigan, kuwaasi oo dhibanayaal u ah dhaqankan caddaalad-darrada ah ee dowladda Greece, si ay dadka aan waxba galabsan u saarto xukunno xad ka bax ah,” ayuu Kouloglou ku yiri bayaan uu baraha internet-ka ku qoray ka hor inta aysan dacwaddu bilaaban. 15 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Yurub ayaa taageeraya ololaha Maxamed Hanad Cabdi, iyaga oo waraaqo cabasho ah u qoray xukuumadda Greece. Dowladda midigta-dhexe ee talada haysa ayaa ku qeexday siyaasaddeeda muhaajiriinta mid “adag laakin caddaalad ah” iyada oo ku doodaysa in xukunnada ad-adag ee lagu rido kuwa wax tahriiiya ay qeyb muhiim ah ka tahay siyaasadda difaaca xudduudaha ee dalka u degsan. AP, VOA The post Kiiska wiil Soomaali ah oo hareeyey baarlamanka ururka Midowga Yurub kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in u dhaqmayso sida dowlad madax-bannaan inta laga dhammaystirayo Dastuurka Soomaaliya oo lagu ansixinayo afti dadweyne. Qoraal rasmi ah oo Galabta ka soo baxay Xukuumadda Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland u dhaqmayso sida dowlad madax-bannaan inta laga dhammaystirayo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. “Inta laga dhammaystirayo Dastuurka Federaalka oo Puntland wax ka ansixisay, kadibna afti dadweyne lagu meel-mariyay, Puntland waxay lahaanaysa awoodda dowlad madax-bannaan” ayaa lagu yiri Qoraalkaas. Qoraalkan ka soo baxay Puntland ayaa muujinaya in ay si toos ah xiriirka ugu jartay Villa Somalia oo waayadan danbe khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyay. Halkaan ka akhriso Qoraalka PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in ay u dhaqmayso sida dowlad madax-bannaan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saaka ciidamada deegaanka iyo maleeshiyada Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanka Duduncad oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Dagaalkan ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii dagaal-yahano ka tirsan Shabaab ay isku-dayeen inay gubaan Ceel-biyood laga dhisayo deegaankaasi, kaasi oo ay ka war heleen ciidamada dib u xoreynta ee deegaanka. Waxaa halkaasi labada dhinac ku dhexmaray dagaal socday ku dhawaad hal saac oo xiriir ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Dagaalka dhexmaray ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda iyo Al-Shabaab ayaa la soo sheegaya in uu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sarkaal ka tirsan ciidanka dib u xoreynta deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dagaalkan uu dhankooda kaga dhaawacmeen saddex ruux. “Weerarka Shabaab ay kusoo qaadeen deegaanka Duduncad waa iska difaacnay, waxaana gaarsiinay maleeshiyada (Shabaab) khasaare dhimasho iyo dhaawac leh,” ayuu yiri. Kooxda Al-Shabaab oo inta badan laga saaray deegaanada iyo degmooyinka dhaca bariga gobolka Hiiraan ayaa mararka qaar waxay weeraro gaadmo ah ka geystaan deegaanadii horay looga saaray. Shabaab ayaa tan iyo markii uu ku billowday dagaalka ka dhanka ah ee jabka xoogan lagu gaarsiiyay, ayaa sare u qaaday isku-dayada ay meesha uga saarayaan adeegyada daruuriga ah ee bulshada ku nool deegaanada laga xoreeyay. The post Dagaal xoogan oo ka dhashay isku day Al-Shabaab ay ka sameysay Hiiraan appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku guda jira booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Masar ayaa galabta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Mostafa Madbouly. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay kor u qaadista xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Masar, iyada oo Masar ballanqaadeyso inay Soomaaliya ku garab istaagto dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya. Kulanka kadib ayaa labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar waxay si rasmi ah u kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan waxbarashada, warfaafinta, diinta iyo awqaafta iyo dhaqanka. Heshiisyada waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daud Aweys Jaamac. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Masar appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho shir aysan ka qaybgelin Puntland oo isugu yimaadeen wasiirada maaliyadda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Shirka ayaa diirada lagu saarayaa arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka maaliyadda dalka, sharuudaha deyn cafinta iyo mideynta canshuurta dalka, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cilmi Maxamed Nuur. Sidoo kale shirka ayaa la sheegay in looga hadli doono mashaariicda horumarineed ee Bangiga adduunka uu ka taageero guud ahaan Soomaaliya iyo deeqaha maaliyadeed. Shirkan ayaa ku soo aadaya, xilli xalay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ku eedeeyay dowladda federaalka in ay wiiqayo nidaamka federaalka islamarkaana ay marooqsanayso awoodda waddanka. PUNTLAND POST The post Shir maaliyadeed aysan ka qaybgelin Puntland oo ka furmay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka wasiirada maaliyadda federaalka iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya. Shirkan ayaa waxaa looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka maaliyadda dalka, shuruudaha deyn cafinta iyo mideynta canshuuraha dalka. Wasiirka wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo shir-guddoomiyay kulanka ayaa wasiirada heer dowlad-goboleed ee xubnaha ka ah dowladda federaalka hordhigay qoddobada miiska saaran. Qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda dowlad-goboleedyada ayaa soo jeediyay in la xoojiyo wada-shaqeynta labada dhinac oo laf-dhabar u ah hirgelinta himilooyinka horyaalla oo wada-jirkooda u dhaqan-geli kara, sida lagu sheegay qoraal laga soo saaray shirkaan. Dowladda federaalka ayaa dadaal badan ugu jirta sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deynta sanadaha badan lagu leeyahay, waxaana jira shuruudo lagu horgudbay oo ay tahay inay kasoo baxdo si looga dhaafo deyntaas. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay ka qayb-galay kulamo ay hormuud u yihiin Bangiga Adduunka, IMF, Bangiga Afrika iyo Ururro kale oo Caalami ah oo u xilsaaran hubinta qorshaha deyn cafinta Soomaaliya. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa loo ogoleyn in ay deyn qaadato, balse hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa horay ugu ogolaatay 100 milyan oo lagu qalabeynayo Bangiyada maamula dhaqaalaha dalka. The post Maxaa looga hadlay shirka Muqdisho uga furmay DF iyo maamul goboleedyada? appeared first on Caasimada Online.
-
Athens (Caasimada Online) – A Somali migrant is appealing a life sentence for people smuggling – a case that has garnered the support of a group of European Parliament members who claim he was wrongly convicted. In 2021, Mohammad Hanad Abdi was sentenced to 142 years in prison for his role in a smuggling operation from Turkey to the Greek island of Lesbos in which two people drowned, and 33 others were rescued. Abdi has maintained that he only took control of the vessel after a Turkish smuggler had abandoned it. According to his lawyers, many of the survivors of the fateful crossing from Turkey support his account of events: he was forced to take control of the dinghy after a Turkish smuggler abandoned it. Despite arguing that he was seeking safety, Mohammad received a maximum sentence of 142 years under Greece’s criminal code. The case has brought attention to Greece’s stringent sentencing guidelines for illegal migration, which were introduced in recent years as part of efforts to combat the issue within the European Union. Stelios Kouloglou, a Greek MEP, is leading a campaign to reexamine such convictions, an effort that has received backing from other European lawmakers and Greek artists who have raised funds for legal fees. The campaign has also been supported by 15 MEPs who have written letters of complaint to Greek authorities. Human rights groups have identified several cases in recent months where asylum-seekers have received lengthy prison terms for trafficking or facilitating illegal entry, despite claiming that they were acting in self-preservation. Last month, two Afghan men given 50-year prison sentences, Akif Razouli and Amir Zahiri, were released on appeal; Razouli was acquitted, and Zahiri’s sentence was reduced to eight years. The practice of putting migrants on trial for smuggling has increased in Greece over the past few years, as the country has hardened its migration policy and the European Union has focused on deterrence. Legal experts and rights groups argue that the heavy sentences being given to migrants are meant to deter others from attempting to enter the country illegally. “The criminalization of migrants as a means of deterrence has been a strategy for a long time,” said François Crépeau, a former top United Nations official on the rights of migrants. “The latest step is what we’ve seen in Greece recently: obscene numbers of years in prison for people who are basically trying to save their lives and protect their families.” Greece defends its courts as fair and claims that it has to protect its borders, which are also the borders of the European Union. It is difficult to determine how many of the hundreds of migrants serving time in Greek prisons for smuggling or facilitating illegal entry may have been wrongly sentenced. A report published in November by Border Monitoring, a German charity, identified at least 48 such cases on the islands of Chios and Lesbos alone, in which “the defendants did not profit in any way from the smuggling business.” According to Valeria Hänsel, one of the report’s authors, this number is likely to be only the tip of the iceberg, as most arrests take place on boats, making it hard to track. The Greek police claimed in a statement that every suspected case is thoroughly investigated under the supervision of a prosecutor and that all offenses are prosecuted per Greek law. The post EU lawmakers back Somali migrant fighting life sentence in Greece appeared first on Caasimada Online.
