-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen xaafadaha degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu soo qab qabtay dad fara badan. Howlgalkan ayaa waxaa horkacayay taliyaha qaybta Waliyow Cadde Gaashaanle Isaaq Maxamed Ciise, waxaana sidoo kale qayb ka ahaa maamulka degmadaasi. Gaashaanle Isaaq Maxamed Ciise oo ka warbixiyay howlgalkan ayaa ka hadlay meesha uu maraayo ammaanka dalka, isagoo bogaadiyay guulaha laga gaaray howlgallada gobollada. “Waxaad ogtihiin wiilkii halkan Xamar ka baxo inuu caawa Masagawaay iyo Ceeldheer uu xabadda kasii ridaayo,” ayuu yiri taliyaha Booliska ee qaybta Waliyow Cadde. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in culeyska kooxda Al-Shabaab lagu hayo uu keenay inay si dhuumaaleysi ah ay kusoo galaan gudaha magaalada Muqdisho, isaga oo shaaciyay in aysan macquul aheyn in lagu soo dhaweeyo ama laga kireeyo guryaha Xamarjajab. “Teamkii halkaas kasoo firxaday in degmadan qaybo kamid ah lagu soo dhaweeyo ama laga kireeyo guryihii ay idinla dagan yihiin macquul ma noqoneyso,” ayuu markale yiri taliyuhu. Taliyaha qaybta Waliyow Cadde oo hadalkiisa sii wata ayaa dardaaran culus u jeediyay dadka deegaanka, wuxuuna ugu baaqay in aysan guryaha ka kireyn dad aysan aqoon. “Hal maado ayaa idin-kula dardaarmayaa gurigaaga inaadan nin Khawaarij ah ka kireyn nin firxad ah oo gobolka kale ka yimid oo aadan aqoon waxa uu soo sameeyay oo habraaca guriga kireyntiisa loo maro aad marsiin inaadan ka kireyn gurigaaga,” ayuu sii raaciyay. Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga caasimada oo ay inta badan ka dhacaan falal liddi ku ah nabad-gelyada. The post ‘Shabaabkii soo firxaday in lagu soo dhaweeyo Xamar Jajab macquul ma ahan’ appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa faahfaahin ka bixiyay go’aankii Puntland ku sheegtay in ay u dhaqmayso sida dowlad ka madax-bannaan Soomaaliya. Wareysi uu siiyay Radio Daljir ayuu ku sheegay in aysan Puntland ka go’in Soomaaliya islamarkaana ay hormuud u tahay midnimada iyo wadajirka dalka. Wasiir Juxaa ayaa tilmaamay in Dastuurka Puntland uu caddaynayo arrinta la xiriirta in Puntland sida dowlad madax-bannaan u dhaqanto inta laga dhammaystirayo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. “Inta laga dhammaystirayo Dastuurka Federaalka oo Puntland wax ka ansixisay, kadibna afti dadweyne lagu meel-mariyay, Puntland waxay lahaanaysa awoodda dowlad madax-bannaan” waa qodob Dastuuri ah sida uu xaqiijiyay wasiir Juxaa. Wasiirka ayaa sidoo kale intaas ku daray in go’aanka Puntland uu salka ku hayo gorgortan siyaasadeed balse aanu ahayn mid masiiri ah. PUNTLAND POST The post Wasiir Juxaa “Puntland kama go’in Soomaaliya” appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in darawalka mid kamid ah golaha wasiirada maamulka Jubbaland uu u goostay Al-Shabaab, isla-markaana uu iska dhiibay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Darawalka ayaa u shaqeynayay wasiir ku xigeenka wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee maamamulkaasi Mustaf Xaaji, wuxuuna la goostay gaari qaali ah oo ay wasaaraddu laheyd. Gaariga ayaa noociisa lagu sheegay Hardtop, waana gawaarida lagu isticmaalo dhulka bacaadka ah, kaas oo ay horay Jubbaland ugu deeqday hay’ad caalami ah. Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaariga la geeyay magaalada Jilib oo ay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Ma cadda sida uu ninkan darawalka ah ugu suura-gashay gaariga uu la baxsaday iyo sida lagu ogaan waayay wada-shaqeynta kala dhexeysay koxoda Al-Shabaab. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Jubbaland iyo saraakiisha ammaanka oo ku aadan gaarigaasi lala goostay ee loo geeyay Al-Shabaab. Waa dhacdadii labaad, ayada oo dhowaan darawalka guddoomiyihii hore Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu isna isku dhiibtay kooxda Al-Shabaab. Darawalkaas oo muddo 4 sanno ah la shaqeeyay Mursal ayaa maalmo kahor u goostay Al-Shabaab, isagoo markaas ka tegay guriga guddoomiyaha, waxaana arrintaasi ka dhashay shaki xoogan iyo walaac amni, maadaama aan xog badan laga helin baxsashadiisa. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay dalka ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo la filayo inay ka billowdaan gobollada Jubbooyinka. The post Darawalkii labaad ee mas’uul dowladeed oo Shabaab u goostay kadibna u geeyay… appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo wafdigiisa ayaa magaalada Jedeh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kula kulmay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Dr. Towfiiq Bin Fowzan Al- Rabiicah. Wasiir Mukhtaar ayaa inta lagu guda jiray kulanka diirada saaray muhiimada tayaynta adeega Xujeyda guud ahaan Xujeyda caalamka gaar ahaan Xujeyda Soomaaliyeed, isagoo dul istaagay duruufaha ugaarka ah Xujeyda Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa xusay in sanadkan ay Dowladda Soomaaliya rabto sare uqaadida tayada adeega Xajka, Xujeyda Soomaaliyeedna loogu adeego si lamid ah Xujeyda Dowladdaha kale ee Caalamka, kana codsaday Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya in ay arrintaas ku garab siiyaan. Dhanka kale, Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa balanqaaday in ay tixgelin gaar ah siin doonaan duruufaha ugaarka ah Xujeyda Soomaaliyeed, isagoo xusay in sanadkan adeegyada Xujeyda xilli hore la bilaabi doono si looga baaqsado caqabadaha ka dhasha dib udhaca dhanka waqtiga. Wasiir Dr. Towfiiq ayaa sidoo kale xusay in tirada xujeyda guud ahaan caalamka dib loogu celiyay sidii ay ahaayeen ka hor inta uusan caalamka ka dilaacin cudurka safmarka Karoonaha (COVID19), lana qaaday xadidaada xaga da’da ah ee Xujeyda horey loogu soo rogay. Ugu dambeyn, labada Wasiir ayaa kala saxiixday heshiiska Fulinta Adeega Xujeyda Soomaaliyeed sanadka 1444H/2023 oo u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya. PUNTLAND POST The post Soomaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay duruufaha ugaarka ah xujeyda Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
-
Dugsiyo dawli ah oo ku yaalla Seatle, Washington dacwad cusub ka gudbiyey shirkadaha waaweyn ee dhinaca teknoolojiyadda ee kala ah TikTok, Instagram, Facebook, Youtube iyo Snapchat, iyaga oo doonaya in lagula xisaabtamo dhibaatada caafimaadka dhinaca dhimirka ah ee ay u geystaan dhalinyarada. Dugsiyada dadweynaha ee Seattle ayaa dacwaddooda waxay maalintii Jimcihii u gudbiyeen maxkamadda ku taalla degmadooda. Dacwaddan oo ka kooban illaa 91 bog ayaa ka hadlaysa in baraha bulshadu ay abuureen dhibaato dadweyne, iyaga oo wax soo saarkooda ku jiheeyey dhalinyarada da’da yar. Dugsiyadan ayaa ku eedeeyey shirkadahan inay uga sii darayaan caafimaadka maskaxda iyo weliba dhaqan habaabinta da’yarta, gaar ahaan, isku buuqa, niyad-jabka dhalinta, cunto-xumada, iyo caga-juglaynta dhinaca internetka; arrimahan ayaa keenay inay adkaato in dhalinyarada wax la baro, taasoo dugsiyada ku khasabtay inay shaqaaleeyaan xirfadyahanno caafimaad oo la tacaala xanuunada maskaxda iyo inay ardayda u dhigaan, dhibaatooyinka ka dhasha isticmaalka baraha bulshada. Shirkadaha waaweyn ayaa ku gabbada sharciga isgaadhsiinta ee tirsigiisu yahay 230 kaas oo shirkadaha waaweyn u ogolaanaya inaanay qaadin masuuliyadda ka dhalanaysa waxyaabaha ay ku baahiyaan dadka kale. Fariin email ah oo ay soo direen Google iyo Snap ayay ku sheegeen inay ka shaqeeyaan sidii ay u ilaalin lahaayeen da’yarta isticmaala barahooda bulshada. Meta iyo TikTok oo lala xidhiidhay ayaan wax jawaab ah laga helin. Source
-
Muhaajir Soomaali ah, oo xukun xabsi daa’in ah loogu riday howlaha tahriibinta, ayaa Isniinta maanta ah kasoo muuqday maxkamad si uu racfaan uga qaato xukunkaasi, waxaana kiiskan taageero siinaya xubno ka tirsan baarlamanka Yurub oo sheegay in si khaldan xukunka loogu riday. Maxamed Hanad Cabdi ayaa sannadkii 2021-kii lagu riday xukun xabsi oo dhan 142 sanno, xukunkaasi oo la xidhiidhay kadib markii dad ay ku dhinteen dooni sidday tahriibayaal oo ka timid Turkiga kuna sii jeeday jasiirada Lesbos ee dalka Greece sannadkii 2020-kii. Maxamed ayaa sheegay in uu kaliya kaxeeyay doonida kadib markii uu dayacay mukhalas u dhashay Turkiga intii ay ku jirtay safarka ay kaga soo gudbeysay Turkey. Laba qof ayaa ku qaraqmay markii ay doontu degtay halka 33 kalena la soo badbaadiyay. Qaar badan oo ka mid ah dadkii badbaaday ayaa taageeray sheegashada ninka Soomaaliga ah, sida ay sheegeen qareennadiisa. Kiiska ayaa indhaha ku soo jeediyay habraacyada xukunnada adag ee Greece ay soo rogtay sannadihii u danbeeyey, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaallada looga hor-joogsanayo muhaajiriinta sharci-darrada ah inay galaan Midowga Yurub. Xubin ka tirsan garabka bidix ee Greece ku matala baarlamaanka Yurub, Stelios Kouloglou, ayaa hogaaminaya ololaha ku saabsan in qaar badan oo ka mid ah xukunnada la riday dib loo eego, dadaalkan oo ay taageerayaan xildhibaanno kale oo kasoo jeeda dalalka kale ee Yurub iyo sidoo kale fanaaniin u dhashay Greece, kuwaasi oo gacan ka gaysanaya in lacag loo aruuriyo qareennada kiisaskan. Bishii hore, laba nin oo Afgaaniyiin ah, Akif Razouli iyo Amir Zahiri, kuwaasi oo lagu riday xukunno 50 sanno oo xabsi ah ayaa si damaanad ah loo sii daayay. Razouli ayaa lagu waayay eedaha, halka Zahiri la sii daayay kadib markii xukunkiisa la yareeyay oo laga dhigay siddeed sano. “Iskaashi caalami ah ayaa muhiim u ah qaxootigan, kuwaasi oo dhibanayaal u ah dhaqankan caddaalad-darrada ah ee dowladda Greece, si ay dadka aan waxba galabsan u saarto xukunno xad ka bax ah,” ayuu Kouloglou ku yidhi bayaan uu baraha internet-ka ku qoray ka hor inta ayna dacwaddu bilaaban. 15 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Yurub ayaa taageeraya ololaha Maxamed Hanad Cabdi, iyaga oo waraaqo cabasho ah u qoray xukuumadda Greece. Dowladda midigta-dhexe ee tallada haysa ayaa ku qeexday siyaasaddeeda muhaajiriinta mid “adag laakin caddaalad ah” iyada oo ku doodaysa in xukunnada ad-adag ee lagu rido kuwa wax tahriiiya ay qeyb muhiim ah ka tahay siyaasadda difaaca xudduudaha ee dalka u dhigan. Source
-
Ra’iisulwasaarayaasha Soomaaliya iyo Masar Xamsa Cabdi Barre iyo Mostafa Madbouly, ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Qahira ee xarunta dalka Masar ay ku kala saxiixdeen heshiisyo si loo xoojiyo wadashaqeynta labada dowladood. Qodobada la isku afgartay ayaa waxaa kamid ah arrimaha Ganacsiga, Maalgashiga, Waxbarashada, Caafimaadka, Xoojinta Xiriirka labada Dal, Warbaahinta iyo Amniga. “Soomaaliya & Masar waxa ay gaareen heshiis 5 qayb ka kooban oo kor loogu qaadayo iskaashiga labada Dowladood ee dhinaca Waxbarashada, Warfaafinta, Dhaqanka, Diinta & awqaafta, in Dadweynaha Soomaaliyeed ay heli doonaan fursado ay uga qaybgeli karaan tartamada qur’aanka kariimka, in la kordhiyo Ardayda deeqda Waxbarasho ka heleysa Masar, kordhinta takhasusaadka kala duwan ee u furan Ardayda Soomaaliyeed” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa ku hanjabay inuu dalkiisa ka saarayo kumaanka qaxootiga ah ee u dhashay dalka Congo ee dalkiisa ku nool, haddii beesha caalamku ay sii waddo inay ku eedayso in dalkiisu uu masuul ka yahay colaadda ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. Madaxweynaha oo ka hadlayey xaflad lagu dhaarinayey afhayeenka aqalka Senate-ka ee Rwanda, ayaa wuxuu Kagame yidhi “ma sii wadi karno marti-gelinta qaxootiga, iyada oo hadhowna nalagu eedaynayo inaanu xadgudubyada loo geysanayo qaxootiga, taasoo ka dhalatay isir sifayn ka dhacday dal kale – iyada oo aanu noqonay meel lagu soo daadiyo dadka xuquuqdooda la duudsinayo.” ayuu yidhi. Madaxweyna Kagame oo markii hore ku hadlayey luuqadda dalkiisa ayaa u wareegay luuqadda Ingiriisida inuu ku hadlo, taasoo uu isticmaalo marka uu rabo inuu fariin u diro beesha caalamka. Kagame ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen in la cambaareeyo, ka dib markii ay sameeyeen falal ay ahayd inay sameeyaan. Dawladda Congo iyo Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyey Rwanda inay taageerayso jabhadda M23 taasoo ah jabhad mucaarad ku ah dawladda Congo, kana dagaalanta bariga dalkaas, hase ahaatee dawladda Rwanda ayaa iyadu diiday eedda loosoo jeedinayo. Source
-
Maamul gobolleedka Puntland oo War-saxaafadeed ka soo saaray khilaafka ka dhexeeya Dowaldda Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka Madax banaan yihiin Dowlada Federaalka Soomaaliya ilaa laga dhamaystirayo qodobo heshiisyo ah. Warsaxaafadeedka oo ka kooban Saddex Bog ayaa sidoo kale Puntland ku shaacisay in Dastuurka uu siinayo in sida dowlad Madax bannaan oo kale ay u dhaqanto. “Inta laga dhammaystirayo Dastuurka Federaalka oo Puntland wax ka ansixisay, kadibna afti dadweyne lagu meel-mariyay, Puntland waxay lahaanaysa awoodda dowlad madax-bannaan” ayaa lagu yidhi Qoraalkaas. Qoraalkan ka soo baxay Puntland ayaa muujinaya inay si toos ah xidhiidhka ugu jartay Villa Somalia oo waayadan dambe khilaaf siyaasadeed ka dhexeeyay. Source
-
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan magaalada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Xogaha laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda uu ku sii jeedo magaalada Baydhabo. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida wararku sheegayaan Baydhabo kaga qayb-galay Shirka Dib u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo halkaas ka furmaya. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doona Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu u horreeyo Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa ku hanjabay inuu dalkiisa ka saarayo kumaanka qaxootiga ah ee u dhashay dalka Congo ee dalkiisa ku nool, haddii beesha caalamku ay sii waddo inay ku eedayso in dalkiisu uu masuul ka yahay colaadda ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. Madaxweynaha oo ka hadlayey xaflad lagu dhaarinayey afhayeenka aqalka Senate-ka ee Rwanda, ayaa wuxuu Kagame yiri “ma sii wadi karno marti-gelinta qaxootiga, iyada oo hadhowna nalaku eedaynayo inaanu xadgudubyada loo geysanayo qaxootiga, taasoo ka dhalatay isir sifayn ka dhacday dal kale – iyada oo aanu noqonay meel lagu soo daadiyo dadka xuquuqdooda la duudsinayo.” Madaxweyna Kagame oo markii hore ku hadlayey luuqadda dalkiisa ayaa u wareegay luuqadda Ingiriisida inuu ku hadlo, taasoo uu isticmaalo marka uu rabo inuu fariin u diro beesha caalamka. Dawladda Congo iyo Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyey Rwanda inay taageerayso jabhadda M23 taasoo ah jabhad mucaarad ku ah dawladda Congo, kana dagaalanta bariga dalkaas, hase ahaatee dawladda Rwanda ayaa iyadu diiday eedda loosoo jeedinayo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Rwanda oo ku hanjabay in uu dalkiisa ka saarayo Qaxootiga u dhashay Congo appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa magaalada Qaahira kula kulmay wasiirka Arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Masar mudane Saamix Shukri. Wasiir Huruuse ayaa sheegay in ay ka wada-hadleen sidii loo horumarin lahaa Xiriirka iyo Iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Masar. Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka mahadceliyay taageerada ay Masar siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Caafimaadka iyo Waxbarashada. Kulanka labada Wasiir waxaa ku weheliyay Safiirka Soomaaliya ee Masar Danjire Ilyaas Sheekh Cumar iyo La taliyaha labaad ee safaaradda Masar mudane Cabdiraxmaan Ciise. PUNTLAND POST The post Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya iyo Masar oo Qaahira ku kulmay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa xalay ku dhawaaqay in hadda kadib uu u dhaqmi doono sidii dawlad madax-banaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya. “Inta laga dhammeystirayo wada-xaajoodyada dowladda federaalka iyo dowladda Puntland, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Puntland waxay dhiggooda dowladda federaalka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri qoraal dheer oo kasoo baxay maamulka Puntland. Arrintan ayaa la fahamsan yahay inay ka dhalatay diidmada fogaatay ee Saciid Cabdullaahi Deni uu ka qabo dowladda federaalka, tan iyo markii ay idlaatay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya iyo dhismaha dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh. Tan iyo xiligaas Saciid Deni wuxuu muujinayay inay is-diidan yihiin danaha Puntland iyo midda federaalka. Shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wada-tashiga Qaran oo ahaa mid si weyn isha loogu wada hayay, maadama ay jireen doodo waaweyn oo ku saabsana heshiis siyaasadeedka, dhismaha ciidan qaran, heshiiska garsoor madax-banaan iyo kala saarista awoodaha labada heer dowladeed oo boos weyn ka ah dhameystirka Dastuurka, ayaa waxay Puntland diiday inay wax ka saxiixdo qoddobo kamid ah heshiiskii lagu gaaray. Qoddobadan uu ka horyimid Saciid Deni ayaa kala ahaa; dhismaha Garsoorka iyo kala shaandheynta awoodaha labada heer dowladeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan isku dayay inuu qaboojiyo diidmada Puntland ee labadaasi qoddob, ayaa wuxuu dhaliilay sida ay saxaafadda u taxliilisay inay Puntland diiday saxiixa labadaas qoddob. Laakiin hogaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu dambeyn arrintaasi ka hadlay, isaga oo sheegay in dowladad Xamar fadhisa ay raadineyso inay soo celiso nidaamkii dowlad dhexe oo awood leh, taas oo sida uu sheegay khilaafsan wixii ay raadineysay Puntland. Deni iyo Axmed Madoobe ayaa muddo dhowr sanno ah kula dirirayay Farmaajo damaciisi dowlad dhexe oo awood leh. Inkasta oo Xasan uu marnaba sheegin rabitaanka dowlad dhexe oo awoodeeda ay Xamar taallo, taas badalkeeda uu marar badan soo bandhigay sida u rabo in la daadajiyo nidaamka federaalka, haddana Deni wuxuu markii u horeysay sheegay in Muqdisho raadineyso dowlad dhexe oo awood leh. Sidoo kale Saciid Deni waxyaabaha uu diidan yahay waxa uu ka xusay dhameystirka Dastuurka, wuxuu sheegay in la rabo in aan lasoo hadal qaadin arrinta Somaliland oo sidaas lagu dhameystiro Dastuurka, taas oo gobolada Sool iyo Sanaag gacanta u galinaysa Somaliland, waa sida uu xiligaas hadalka u yiri Saciid Cabdullaahi Deni. Arrintan marka hadalka Saciid Deni laga tago madaxda kale ee maamul goboleedyada iyo madaxda federaalka midna ma sheegin. Dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in arrinta Somaliland ee gooni isku taaga in dowladiisa ay meel adag ka taagan tahay, gooni isku taag uusan ogoleyn midnimadana uu ilaalin doono. Inkasta oo nidaamka Xasan Sheekh lagu dhaliilay sida ay uga fal-celiyeen arrinta Laascaanood, haddana Xasan Sheekh kal xukunkiisi hore iyo haddaba ma qaadin wax dhiiri-gelinaya damaca gooni isku taaga Somaliland. Hadalka Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xiligaas waxa uu si weyn banaanka ugu soo saaray khilaafkii waayadan la qarinayay ee isaga iyo Villa Somalia, kaasi oo hadda xarka goostay sida muuqata. Deni waxa muddo xileedkiisa ka dhiman hal sano, wuxuuna dhawaan dib u bilaabay mashruuc ugu magac daray “Dimuqraadiyeynta Puntland” wallow mucaaridkiisa diidan yihiin oo ay ku tilmaameen dariiqi muddo kororsiga. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa hadda hortaalla in Deni iyo nidaamkiisa mudada u hartay ka gaabsado oo uu sugo hoggaanka cusub ee imaan doona Puntland, si qadiyadaha dhiman ugala shaqeeyo ama in uu aqbalo sida uu wax u rabo hogaamiyaha sanadka u dhiman yahay ee Saciid Cabdullaahi Deni. Si dhab ahaan loogu qaato dooda fogaatay ee Saciid Deni waxay u baahan tahay in afarta maamul kale iyo gobolka Banaadir go’aanadooda waxba kama jiraan laga soo qaado. Dowladda federaalka waxa horyaalla cinwaan weyn oo la yiraahdo “Xasillooni siyaasadeed” taas oo kamid ah waxyaabaha caawinaya barnaamijka deyn cafinta. In maamulada iyo dowladda federaalka ah is-ogol ku wada socdaan waa qeyb ka mid ah macnaha xasilloonida siyaasadeed ee laga rabo dowladda Soomaaliya. Inkasta oo la fahamsan yahay in aanay Xasan Sheekh hadda uga badin khilaaf ayaa haddana waxa la eegaya sida uu qorshooyinkiisa dowladnimada u dhaafiyo damaciisa siyaasiga ah ee Saciid Cabdullaahi Deni. The post Halka uu salka ku hayo rabitanka Saciid DENI iyo laba arrin oo horyaalla Xasan appeared first on Caasimada Online.
-
Passengers in the capital of northern Ethiopia's Tigray province, Mekelle, have told the BBC that they were restricted from flying to the federal capital, Addis Ababa. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah booqanayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ee K/ Galbeeed oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Casimada Online u xaqiijiyey in madaxweynaha uu saacadaha soo socdo u bixi doono magaaladaas oo sidoo kale xarun u ah gobolka Baay. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in ammaanka si weyn loo adkeeyay, ayada oo qaban-qaabada soo dhoweynta madaxweynaha ay haatan ka socoto Baydhaba. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo furi doono shirweynaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaas oo ka dhacaya magaaladaasi, isla-markaana ay ka qayb-galayaa dhinacyada isku haya doorashada guud ee maamulkaasi. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa iclaamiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo isaguna haatan ku sugan xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed, isaga oo shalay gaaray halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Madashan waxaa sidoo kale qayb ka ah xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed iyo madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, si ay uga wadahadlaan xalka maamulkaas, gaar ahaan doorashada kusoo foodka leh maamulkaas oo ay isku hayaan labada dhinac. Sida qorshuhu yahay waxaa la filayaa in go’aanno wax ku ool ah ay kasoo baxaan shirkan oo kusoo aaday, xilli loo baahnaa oo ay qalalaase ka taagnaayeen Koonfur Galbeed. Xiisadda ayaa kasii dartay markii ay mucaaradka ka horyimaadeen muddo kororsiga loo sameeyay Lafta-gareen, waxaana ka dhashay dagaal ka dhacay magaalada Baydhaba Si kastaba, waa booqashadii labaad ee madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegayo Koonfur Galbeed, isaga oo safarkiisii ugu horreysay ku bilaabay, kadib 15-kii May ee 2022-kii. The post XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo markiisii labaad tegaya Baydhaba + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
In an interview with the UK's ITV news channel, Prince Harry agreed when the interviewer said that he and his brother, Prince William, had a dispute over Africa. Source: Hiiraan Online
-
The self-declared republic of Somaliland has confirmed that oil has been discovered in the Sallahey area of Marodi-Jeh region, its ministry of energy and mineral resources said in a statement posted on Facebook. Source: Hiiraan Online
-
US air strikes in Somalia increased 30 percent in 2022, as the Biden administration increased US involvement in the Horn of Africa country that is experiencing a fresh wave of fighting between the government and al-Shabaab militants. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamuud Cali Ow-Xuseen, oo kooxda Al-Shabaab ay 11-sano ka hor ka soo musaafurisay degaanka Masaajid Cali-gaduud ee gobolka Sh/Dhexe, ayaa hadda sheegay inuu dib ugu laabanayo deegaankii. Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay Masaajid Cali-gaduud ku lahaa masjid weyn oo in ka badan 50 sano uu Kitaabo ka akhrinayey. Sheekha ayaa xaqiijiyey inuu dib u bilaabayo duruustii diinta Islaamka ee dadka uu bari jiray ka hor inta aysan deegaankaas ka soo ceyrsan kooxda Al-Shabaab, oo aad u baacsata dadka aqoonta dheer u leh diinta islaamka. Sheekh Maxamuud Cali Ow-Xuseen ayaa aad looga jeclaa degaanka Masaajid Cali-gaduud, waxaana xusid mudan in masjidkii uu Kitaabada ka akhri jiray ay Al-Shabaab ka dhigteen Bakhaar ay hubka dhigtaan. “Al-Shabaab waa i dhibi jireen, in ay i dilaan ayey go’aansadeen dhowr mar, balse Alle ayaa iga badbaadiyey, waana isaga soo cararay deegaankii, waxay igu heysteen in deegaanka aan ka ahaa Sheekh la jecelyahay,” ayuu yiri Sheekh Maxamuud. Wuxuu sheegay in hadda uu dib u dhisayo masaajidkii ay Al-Shabaab bakhaarka u bedaleen 10 sano ka hor, oo duruustii diinta Islaamka uu dib ugu bilaabayo dadkiisii jeclaa. “Waxaa asal ah in amni la helo, deegaankeygii Masaajid Cali-gaduud hadda waa la xoreeyey waana ku laabanaa, masaajidkiina dib ayaan u dhisayaa, ee dowladda iyo dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay amniga ku dadaala, hadii nabad la helo wax kasta waa la helaahe,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Maxamuud. Kooxda Al-Shabaab ayaa caan ku ah burburinta goobaha cibaadada, waxaana deegaanadii laga xoreeyey laga soo tebiyaa dhacdooyin xanuun badan oo ay u geysa jireen dadka iyo diinta. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Dhageyso: Sheekh caan ah oo ka sheekeeyay dhibaato ay Al-Shabaab u geysteen appeared first on Caasimada Online.
