Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dagaal u dhexeeya maleeshiyaadka Somaliland iyo xoogagga Daraawiishta xaq u dirirka SSC ayaa ka socda duleedka Laascaanood. Maleeshiyaadka Somaliland ayaa sida wararku sheegayan weeraray ciidamada difaaca SSC ee ku sugan Laascaanood. Balse Ciidamada degaanka ayaa iska difaacay duullaanka Taliska Muuse Biixi waxaana maleeshiyaadka Somaliland lagu jebiyay saddex aag sida xogaha lagu helayo. Ciidamada SSC ayaa la sheegaya in ay gacanta ku dhigeen hub iyo gaadiid dagaal oo ay ku jiraan tekniko ah Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca labada dhinaca weli faahfaahin sugan lagama hayo waxaana weli socda dagaalka. PUNTLAND POST The post Ciidamada Somaliland oo gaadiid dagaal looga furtay dagaal ka socda Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. Dagaalka socda ayaa waxa uu galay bishii siddeedaad, waxayna dowladda federaalka isku diyaarineysa inay furimo cusub ka furto Koonfurta Soomaaliya, sida uu ku dhawaaqay wasiirka difaaca. Taliye ku-xigeenkii hore ee hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ismaaciil Daahir Cismaan oo la hadlay VOA ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay sameysay dib u gurasho tan iyo markii ay dowladda bilowday taageerida ciidamada deegaanka. Ismaaciil ayaa waxa uu sheegay in dagaalkan siddeed billood jirsaday uu soo ifbixiyay daciifnimada kooxda Al-Shabaab oo sanado badan ka talineysay qeybo badan oo Soomaaliya. “Tan iyo markii uu billowday duullaanka dowladdu ay ku taageerayso shacabka deegaanka, kuwaasi oo qaati ka taagan cadaadiska kooxda, waxay Al-Shabaab luminaysay deegaano iyo tuulooyin ay horay uga sugnaayeen gobolada dhexe,” ayuu yiri. Dhinaca kale, waxaa jira aragtiyo ay qabaan dadka qaar oo ah in Shabaab ay soo gaartay marxalad lamid ah tii 2006-dii lagu jabiyay maxkamadihii Islaamiga ee haystay Muqdisho iyo deegaano kale. Maxkamadaha ayaa xilligaasi muddo bil ah lagu jabiyay, ayada oo ciidamadii ka tirsanaa dowladii KMG ahayd ay taageero ka helayeen ciidamada Itoobiya. Haddii dib u gurashada kooxda Al-Shabaab ay sii socota, ma ahan markii ugu horeysay oo maqaamka kooxaha argagixisada Soomaaliya ay soo gaarto guul-darooyin dhowr ah, balse mida macnaha sameynaysa ayaa ah in dagaalka socda ay libtiisa u weyn leeyihiin Soomaalida. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan si shaacsan u sheegay in guusha laga gaaray dagaalka socda ay gaareen Soomaali oo kaliya. “Waxa ugu muhiimsan ee guusha dhadhanka la sii-leedahay Soomaali kaligeed ayaa gaartay, dadka saaxiibada ah ee Afrika iyo Caalamka ka socda ee inoo yimid wax badan ayay soo dadaaleen laakiin howshaan anaga u xayd-xaydaney oo mushtamicii oo dhan ayaa u istaagay, inta dhiman Insha-Allah waxay ku imaan doonta intaas oo lasii xoojiyo oo la isku duubnaado,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in markii hore ee dagaalka Shabaab ay bilaabayeen aysan ku qanacsaneyn bulshada Soomaaliyeed qaarkood iyo beesha caalamka, oo iyagu markii dambe ku qancay in la iska dhicin karo kooxdan. “Waa tabar yarnahay oo dowladd yab-yab ah oo tallaabo barad ah waaye laakiin tabar yaraantu ma ahan waxa maadiga ah ee waa qalbiga, haddaadan Caqiidada iyo Caqliga ka tabar-yareyn qof ka xoogan adduunka majiro. Laakiin marka qalbiga daciif ka noqoto markaas ayaa daciif tahay sikasta oo qalab waaweyn iyo xoola badan u leedahay daciif ayaa tahay.” Xasan Sheekh Maxamuud oo tallada dalka dib ugu soo laabtay 15-kii May ee 2022 ayaa wuxuu ku dhiiraday ku dhawaaqista dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu dadaal badan ku bixiyay in kooxda lala galo dagaal fikri ah, ayada oo dhawaan ay culimada Soomaaliyeed soo saareen go’aano ay ugu weyn tahay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu yahay “Jihaad”, islamarkaana qofkii ku dhintaa uu yahay “Shahiid”. The post Dagaalka Shabaab oo bishii sideedaad galay iyo xasuusta xagaagii 2016 (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  3. Ciidanka Boolisku dib u habayn iyo is beddel deg deg ah ayuu u baahan yahay Dilalka dadka shacabka ah ee ku soo noqnoqday Gobolka Sanaag ee ay geysanayaan Ciidanka Booliisku, waa arrin foolxumo ku ah Qaranka Somaliland iyo xirfadii iyo masuuliyaddii ka saarnayd sugitaanka ammaanka muwaadiniinta. Shalay, waxa deegaanka qaloocato ee degmada Ceel-Afweyn boolisku ku dilay Abokor Cumar Cali oo ka tirsan dadka reer miyiga ah ee deegaanka. Jaamac Xuseen Toor ayaa ka horeeyey dilkan oo lagu dilay deegaanka Ceeryaan ayna dileen ciidamo uu watay badhasaabka gobolka Sanaag, 22-kii August, 2022. Dilka kasii horeeyey oo dhacay 27-Sep-2022 ayaa isna lagu dilay Jaamac Cabdi Nuur deegaanka Ceeryaan. Dhammaan dhacdooyinku waa kuwa aan tallaabo muuqata aan laga qaadin ciddii geystay, haddii ay sidan ku sii socotona waxa dhici kara in cadaawad ka dhextalo dadweynaha iyo Ciidamada. Si arrimahan xal loogu helo si aanay ammaanka qaranka u dhaawicin, waa in is beddel deg deg ah lagu sameeyo Hoggaanka Ciidanka Bilayska, waa In tababarro la siiyo ciidamada Ammaanka, waa In sidii aan hore ugu baaqi jirnay dib u habayn gun iyo baar ah lagu sameeyo Ciidanka Booliska Xoghayaha Caddaaladda xisbiga Waddani yoonis Ahmed yoonis Qaran News
  4. Baydhabo (Caasimada Online) – Shirkii dhex-dhexaadinta madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-graeen iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa xalay lasoo geba-gebeeyey, ayada oo heshiis buuxa ay gaareen dhinacyada. Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ayaa isku raacay in la aqbalo muddada halka sano ah ee lagu kordhiyey muddo xileedka madaxweyne Lafta-gareen, ayada oo doorashada madaxweynaha lagu qababnayo sanad gudihiis. Waxaa la go’aamiyey in odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan muddada u dhaxeysa bisha November 2023-ka ilaa bisha December 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS, iyaga oo la tashanaya beelahooda si waafaqsan qodobka 37-aad farqadda 3aad dastuurka Koonfur Galbeed. Shaqada doorashada ayaa waxaa la wareegaysa oo maamuleysa sida heshiiska ku qoran Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Qoddobkaas waxaa codsaday mucaaridka, oo ka shikisan in Lafta-gareen uu boobayo haddii isaga loo dhiibo shaqada doorashada. Muddo kororsiga xalay la sharciyeeyay wuxuu dowladnimada Soomaaliya u furaya dariiq ku darsasho oo heer kasta ah. Heshiiskan ayaa marka dhinaca kale laga istaago waxa uu khilaafaya Dastuurka Jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya, dalkana uu ka jideynayo xeer ku darsasho ayaa haddana waxa uu dhinaca kale dadka reer Koonfur Galbeed u tahay xasilooni looga baaqsan karo inay siyaasiyiinta isku gacan qaadan mar labaad, islamarkaana uu ku bilaaban karo dagaal dhab ah oo goboladaasi looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab. Mucaaridka Koonfur Galbeed ma awoodi karin cadaadis siyaasadeed oo intaan ka badan maadama dowladdii federaalka ay dhinaca kale aaday. Waxay arrinta soo gaarsiiyeen mucaaridka Koonfur Galbeed meel macquul ah oo ay tahay in lala hadlo oo waxna lagu heshiiyo. Koonfur Galbeed waxay hadda u diyaar-garoweysa dagaalka Al-Shabaab, dadka xukunka rabana waxay haystaan waqti ay ku diyaar-garooban. Deegaanka ayaa wuxuu ka badbaaday gacan ka hadal labaad, Xasan Sheekh-na waxa uu ku guuleystay inuu xal nabadeed ka keeno Koonfur Galbeed, wallow in muddo kororsi la jideeyo ay dhinaca kale dhaawac ku tahay dowladnimada Soomaaliya. The post Heshiiska Lafta-gareen iyo mucaaradka K/Galbeed oo jideynaya waddo cusub oo… appeared first on Caasimada Online.
  5. Alle qabriga haw nuuro marxuum xildhibaan Farxaan Ciise Ubaxle oo ka mid ahaa mudanayaasha golaha guurtida Somaliland oo hargeisa ku geeriyooday. Xildhibaanka ayaa maalmihii u dambeeyay u jiifay dhaawac ay gaadhsiisay haanta Gaasta ee cuntada lagu karsado oo ku qaraxday isaga iyo xubno qoyskiisaa. Waxaana hore ugu geeriyooday dhaawacaasi haantu sababtay laba dumara oo xaaskiisu ku jirtay halka weli dhaawac kalena jiro Alle haw booga dhayee. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya ayaa shalay la wareegay xafiiska, waxaana soo afjarmay dhowr sano oo taliska uu joogay taliye lagu eedeeyay ku milanka siyaasadda iyo u adeegida shaqsi gaar ah. Jeneraal Sulub, Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliya oo muddo ciidanka dhex joogay ayaa waxa hortaala shaqo culus, wuxuuna la wareegay ciidan loo haysto eedo siyaasadeed, dilal iyo tuhumo la xiriira wada-shaqeynta Al-Shabaab. Sheekadan waxaa kusoo koobeyna waxyaabaha horyaalla taliyaha cusub oo ay tahay in uu wax ka qabto ama mudnaan siiyo. 1. Ka-saarida ciidanka ee siyaasadda: Boolisku waxay si weyn ugu milmeen siyaasadda Soomaaliya dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, si gaar ah waxay mar isku dayeen inay joojiyaan doorashadii dalka. Shacab ayay caburiyeen, waxayna ka horyimaadeen qoddob dastuuri ah oo fasaxaya xoriyada isku soo baxyada. Banaanbaxayaal iyo madax ayay weerareen. Aad ayuu dhaqankaas u dhaawacay booliska. Taliyaha cusub waa inuu beddala ayaa la leeyahay fikirka ciidanka ee u shaqeynta shaqsiyaadka iyo ku milanka arrimaha siyaasadda. 2. Dilalka shacabka: Magaalada Muqdisho dilal joogto ayay boolisku ku lug yeesheen saddexdii sano ee u dambeysay. Dilalkaas dad shacab ah ayaa loo geystay waxay u badnaayeen dhalinyarada bajaajta ku shaqeysata. Baraha amni ee magaalada Muqdisho waxaa jooga boolis. Taliyaha shaqada la wareegay waxaa looga fadhiya wax ka qabashada dilalka joogtada ah ee ciidanka booliska u geystaan shacabka iyo inuu keeno hal abuur cusub oo ay ku kala badbaadi karaan shacabka iyo booliska. 3. Ku-milanka Al-Shabaab: Baraha amni ee Muqdisho ee ay booliska joogaan waxaa si fudud kusoo dhaafa gaadiidka qaraxyada sida kadibna waxay geystaan khasaare laxaad leh. Shacabka waxay qabaan inuu jiro isku milan u dhaxeeya ciidanka iyo Al-Shabaab, gaar ahaan booliska. Arrintaas waxaa dhawaan xoojiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Siyaasiyiinta maxaliga ah ayaa sidoo kale duray dhaqaalaha tira beelka ah ee ay haystaan taliyayaasha qeybaha iyo kuwa degmooyinka, taasi oo si weyn u khilaafsan mushaarkooda bilaha ah iyo gunada ay helaan. Aad ayuu u xoogan yahay tuhunka isku milanka, waana mid kamid ah shaqooyinka culus ee xaqiijinta iyo wax ka qabashada u baahan ee horyaalla taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya. 4. Amniga caasimada: Jeneraal Sulub oo aad xogagaal ugu ah xaalka magaalada Muqdisho iyo sida uu amnigeeda muhiim ugu yahay shacabka iyo dowladda-ba, waxa uu kusoo beegmay xilli aad xasaasi u ah. Qaraxii u dambeeyay waxaa lagu weeraray xarunta maamulka gobolka Banaadir, oo ah goob aad loo ilaaliyo. Taliyaha cusub shaqada ugu badan ee hortaalla waa wax ka qabashada amniga caasimada, iyada oo la fahamsan yahay in Al-Shabaabkii gobolada kusoo jabay inay magaalada soo galeen, sidoo kalana ay isku dayayaan in khasaarihii kasoo gaaray dagaalkii gobolada inay uga aargutaan shacabka magaalada Muqdisho. Shacabka caasimadu aad ayay u eegayaan taliyaha cusub. 5. Deegaanada laga saaray Al-Shabaab: Goobaha laga saaray kooxda Al-Shabaab waxay u baahan yihiin xasilin. Boolisku waa baahida koowaad ee deegaanadaas. Iyada oo la ogyahay horumarka laga sameeyay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, haddana in aanay kooxda kusoo laaban deegaanadii laga xoreeyay waa shaqo weyn oo qeyb kamid ah hortaallo booliska. Qoddobadaan iyo qaar kale ayaa horyaalla taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya oo shalay xilka la wareegay. The post Shan arrimood oo waaweyn oo horyaalla taliska cusub ee BOOLISKA Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdollah bin Salem Al-nuaimi. Kulankan ayaa waxaa looga wada-hadlay sidii dowladda Qatar ay baarlamaanka Galmudug ugu taageeri lahayd mashruucyada horumarineed ee lagu hormarinayo baarlamaanka maamulkaasi. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu safiirka iyo dowladiisa Qatar ka codsaday in ay gargaar gaarsiiyaan dadka ku sugan deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab. Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa wada dadaalo ay gurmad ugu raadinayaan deegaanada ay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay kala wareegeen Al-Shabaab oo in ka badan 10 sano ay ka talinayeen. Qoor-Qoor oo 2-dii bishaan xukunkiisa saddex sano jirsaday ayaa waxa uu maamulkiisa wada howl-galo ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo durtaba laga gaaray guulo waaweyn. Kooxda ayaa laga xoreeyay deegaano muhiim ah, marina u ahaan jiray howlahood argagixiso, sida degmada Xarardheere oo sidoo kale ah magaalo qadiimi ah ayaa kamid ah goobaha soo galay gacanta maamulka, tan iyo markii ay howl-galada ka billowdeen Galmudug. The post Galmudug oo dowlada Qatar u gudbisay dalab la xiriira dagaalka kooxda Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  8. Xiisad la xiriirta diiwaan-gelinta doorashooyinka lagu muransan yahay ee qof iyo cod ayaa ka aloosan caasimadda Puntland ee Garoowe. Cutubyo ka tirsan ciidanka dowladda oo diidan barnaamijka diiwaan-gelinta ayaa sida la xaqiijinayo ku hareeraysan goobo loo qorsheeyay in lagu qabto diiwaan-gelinta. Rasaas goos goos ayaa laga maqlayaa nawaaxiga jaamacadda PSU iyo dugsiga sare ee Gambool oo kamid goobaha loo asteeyay diiwaan-gelinta. Xogo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in halkaas ay isku hor-fadhiyaan ciidamada diidan barnaamijkan iyo kuwa loo xilsaaray ilaalinta goobaha diiwaan-gelinta. Ciidamada diidan diiwaan-gelinta lagu muransan yahay oo uu hoggaamiyo S/Guuto Jimcaale Jaamac ayaa habeen ka hor digniin u jeediyay dowladda. “Ciidanka Kumaandooska waxay ka digayaan mar kale diiwaan-gelin hubaysan iyo doorasho aan heshiis lagu ahayn” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ciidanka. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa dhankiisa amar ku bixiyay in la sii wado diiwaan-gelinta sida wararku xaqiijinayaan. Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale ciidamo dheeri ah ku soo daabulay Garoowe si ay u socod-siiyaan barnaamijka diiwaan-gelinta. PUNTLAND POST The post Xiisad la xiriirta diiwan-gelinta doorashooyinka qof iyo cod oo ka aloosan Garoowe appeared first on Puntland Post.
  9. Ciidamada Somaliland ayaa saaka dhaq dhaqaaq xooggan ka bilaabay Gobolka Sool sida ay xaqiijinayan xogaha dhinaca Amniga ah. Ciidamada ku sugan Taliska Gooja-cadde iyo jiidda Tukaraq ayaa aroornimadii hore ee saaka la geliyay heegan buuxa waxaana sida la sheegayo ay wadaan dhaq dhaqaaq iyo diyaar-garow. Duleedka magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale hadda laga maqlayaa rasaas culus inkastoo aan weli la xaqiijin dhinacyada ay u dhexayso Somaliland ayaa dhinaca kale ciidamo geysay dhanka Dhoodida halkaas oo ay maalmahan ka samaysteen fariisimo ciidan. Dhaq dhaqaaqan ayaa ku soo beegmay xilli saaka lagu wado in go’aanno laga soo saaro shirka Aaya-ka-tashiga Gobollada SSC ee ka socday Laascaanood. PUNTLAND POST The post Ciidamada Somaliland oo Saaka dhaq dhaqaaqyo xooggan ka bilaabay Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  10. El-Afwayn (Caasimada Online) – Residents in El-Afwayn district in the Sanag region of Northern Somalia have staged protests following a shooting incident involving the Somaliland security services on Sunday. On Sunday, a civilian named Abokor Omar Ali was killed by Somaliland’s RRU forces near the district. The protesters took to the streets, calling for justice and using the Somali national flag and tire burning as symbols of their discontent. Background on Somaliland and Sanag region Somaliland declared independence from Somalia in 1991, but the international community has not acknowledged its status as an independent state. However, the breakaway region has established control over much of northern Somalia, including the Sanag region. Inter-clan conflicts in the El-Afwayn district had subsided over the past two years due to peace agreements among the clans. However, the recent killing has reignited tensions in the region. Protests in El-Afwayn According to witnesses, police used live ammunition to disperse protesters who were calling for justice in response to the killing of Abokor Omar Ali. Representatives from the Sool region in the Somaliland House of Representatives have requested the government to address the recurrent killings by the army. MP Iid Hidig stated, “We are tired of the government saying that they are conducting investigations, but no results have been produced. We are standing this morning and demanding justice from the government.” Tensions in SSC Region This latest disturbance in the El-Afwayn district follows protests in Las Anod in December, where unknown shooters killed several intellectuals and politicians. The Somaliland authorities have been accused of killing nearly two dozen protesters to quell the demonstrations. Traditional elders from the region have gathered in Las Anod recently to find a lasting solution to the ongoing regional conflict. The Somaliland authorities have not yet given any information about the incident in El-Afwayn. The repeated killings by the army and the government’s lack of response have only increased regional tensions. The post Protests erupt in Sanag region after shooting by Somaliland Security Services (RRU) appeared first on Caasimada Online.
  11. Somaliland ayaa hadda kadib go’aansatay in qofkii lagu eedeeyo arrimo la xidhiidha falal Argagaxiso la soo taago maxkamadda Ciidamada. Markii hore dhammaan dadka falalkan ku eedaysan waxa lagu maxkamadayn jiray Maxkamadaha Rayidka balse madaxweyne Biixi, ayaa amray in hadda kadib loo wareejiyo maxkamadda Millateriga, xogtan waxa sheegay wasiirka Warfaafinta. Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Dhegey) oo ka wada tirsan BFS ayaa maanta marqaati ahaan u hor tegay maxkamadda ciidamada qalabka sida oo u fariisatay dhageysiga kiis dil ah oo loo heysto Askari ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliya. Askarigaan oo isla maanta kiiskiisa go’aan laga gaaray, dilna lagu xukumay ayaa lagu magacaabaa Cabdishakuur Axmed Maxamuud, waxaana loo heystaa dilka Xasan Maxamed Shire oo ahaa askari kale. Senator Cabdixakiin iyo Xildhibaan Dhegey Ugaas ayaa baarlamaanka ku kala metela laba askari ee mid la dilay, midna maanta maxkamadda lasoo taagay. Xildhibaanada oo ka mid ahaa marqaatiyaashii hor yimid Maxkamadda ayaa gabagabadii kiiskaan warbaahinta la hadlay, iyagoo cadeeyey inay ku qanceen in askarigaan loo qisaaso askarigii uu horay u dilay. Askariga maanta maxkamadda lasoo taagay ayaa la sheegay inuu si bareer ah u dilay saaxiibkiis oo booliska ay ka wada tirsanaayeen, waxaana maxkamadda la hor keenay marqaatiyaal ku cadeynaya kiiskaas. Xeer ilaalinta ciidamada oo dacwadda ku soo oogtay askarigaan ayaa meesha ka saartay dood uu la yimid oo aheyd inuu dhimirka ka xanuunsanayo, waxayna xeer ilaalintu sheegtay in dilkaas uu bareer ahaa ninka geystana uu caafimaad qabay. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada G/Sare Xasan Shuute ayaa isla fadhigii galabta uga dhawaaqay xukunka kiiskaas, isagoo dil toogasho ah ku xukumay Cabdishakuur Axmed. Intaas kadib waxaa warbaahinta la hadlay Senator Cabdixakiin iyo Xildhibaan Dhegey Ugaas oo maxkamadda ku sugnaa bilow ilaa dhamaadkii dacwadda kiiskaan, waxayna cadeeyeen inay ku qanacsan yihiin go’aanka maxkamadda ee ah in la dilo Ex Dable Boolis Cabdishakuur Axmed Maxamuud. Labada Xildhibaan ayaa kala metelayey ehellada ay ka dhasheen labada askari ee mid la dilay midna la maxkamadeynayey, waxayna maxkamadda ku raaceen in askarigaan loo qisaaso askarigii uu horay u dilay. Hoos ka daawo The post Xildhibaano marqaati ka noqday xukun dil ah oo lagu riday Cabdishakuur Axmed appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa caawa baahisay Barnaamijka Gungaar oo lagu soo bandhigay xogta Kabtan Shariif Maxamed oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, si hoosana ula shaqey jiray kooxda Al-Shabaab. Barnaamijkaan waxaa lagu soo bandhigay xogta dadkii uu dilay sarkaalkaan, sida lagu soo qabtay, sidii uu ula heshiiyey Al-Shabaab, sida uu ula shaqey jiray ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab, mar uu qiyaamay Al-Shabaab, saaxiibadii kala shaqey jiray arrimahaan iyo arrimo badan oo xasaasi ah. Sarkaalkaan oo ciidanka dowladda Soomaaliya ku soo biiray sanadkii 2,000 ayaa sheegay inuu Shabaab ugu shaqey jiray lacag dhan 500 oo dollar, iyadoo 1,000 la sii jiray markii ay fuliyaan howlgalka. Wuxuu sheegay in shaqada kaliya ee Al-Shabaab ay u qaba jireen ay aheyd fududeynta qaraxyada, markii la weydiiyey hanaankii uu ugu biiray Al-Shabaab wuxuu sheegay in isagu uu raadiyey. Kabtan Shariif ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka diidi jireen goobaha aysan u arkin inay qaraxyo gaarsii karaan, “Waxaan kula heshiinay bishii 500 inay na siiyaan, markii aan qarax fududeynana 1,000” ayuu yiri Kabtan Shariif. Qaraxyo ka dhacay dhowr goobood ayuu soo tiriyey isagoo xog ka bixiyey hanaankii u suurta geliyey inay goobo xasaasi ah qaraxyo gaarsiiyaan, “Hadii Xamar la is baaro oo dowladnimo shaqeyso miyuu qarax iska imaan lahaa, qof aan ID-ga dowladda heysan waxaba ma gudbi karo,” ayuu yiri. Hal mar oo qarax uu geeyey Moolka weyn ee Xamarweyne ayuu sheegay in la weydiiyey ID-card, isla markaana uu isticmaalay aqoonsigiisa Kabtanka, taas oo u fududeysay in gudaha uu geeyo qaraxaas. Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee lagu dilay saraakiishii qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka oo Gaalkacyo lagu laayey galab ay magaaladaas ka socotay soo dhaweynta R/Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayuu ninkaan wax ka fududeeyey. Mar loo dhiibay gaari ay saaran yihiin seddax qori oo AK47 ah ayuu sheegay inuu kala gooyey, isla markaana goor-dambe uu dib ugu celiyey gaarigii, halka qoryihiina uu ku tegay. Sidoo kale nin xukun lagu riday oo ku jira Xabsiga Dhexe ee Xamar ayuu sheegay inuu ka iibiyey laba qori oo Hoobiye ah iyo rasaastooda. Hoos ka daawo Barnaamijka The post Daawo Gungaar: Kabtan Shariif oo xog yaab leh ka bixiyey siduu ula shaqeynayey Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  14. Garnaqsi! Dadka maanta sida dareenka xooggan iyo cadhada kaga falcelinaya calamada buluugga ah ee qaybo dalka ka mida laga lulay, xagay ku maqnaayeen markay masuuliinta xilalka ugu sareeya hayaa “soomaaliweyn” ku eedaynayeeb xisbi dhan oo haysta taageerada aqlabiyadda Somaliland? Ee weliba warbaahinta qaranka laga soo daynayey oo ay ku celcelinaysay! Dhanka kale, marka inta calanka maanta lulaysa iyo inta masuuliinteenna “Somalilweyn” ku sheegeen laysku daro, saw noqon mayso in aqlabiyadda Somaliland kasoo horjeeddo qaddiyadda Somaliland u taagan tahay? Imisa jeer ayaannu ka digaynay hadalladaa xanuunka badan ee aan laga fiirsan! Calan meel laga lulo waxaa ka xanuun badan been abuur iyo dacaayad raqiisa lagula kaco ummad dhan oo u taagan qaddiyadda Somaliland! Bal waa taase yaa inoo garnaqaya? Xuseen Xasan Saalah Dhego Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne ku xigeenka Bankiga Adduunka qeybtiisa Bariga iyo Koonfurta Afrika Marwo Victoria Kwakwa iyo wafdi ay hogaamineysay. Madaxweynaha ayaa la wadaagay howlaha horutabinta u leh Soomaaliya, isagoo ku dhiirigaliyey Bankiga Adduunka in mashaariicda hadda socda iyo kuwa soo wajahan ay noqdaan qaar horumarinta, nabada, maalgalinta, shaqaaleynta iyo addeega bulshada wax ka tari kara, isla markaasna raad muuqda reebi kara. Madaxda Bankiga Adduunka waxay balan-qaadeen inay sii wadi donaan xiriirka adag ee miradhalka ah ee u dhxeeya dowladda Soomaliya iyo Bankiga Addunka. Si gaar ah qeybaha ay danaynayso dowladda federaalka Soomaaliya in lagu jiheeyo mashaariicda laga fuliyo dalka ayey galabta Madaxweynaha ka balan-qaadeen madaxdaan. Qeybaha ay Soomaaliya aad u daneyneyso in laga garab siiyo waxaa ka mid ah, tacliinta, kalluumaysiga, aqoonta beeraha iyo kobcinta ganacsiga gaar ka loo leeyahay, si loo kordhiyo dhaqaalaha iyo dakhliga. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u soo jeediyay mas’uuliyiinta Bankiga Adduunka inay kordhiyaan tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Bankiga, kuwaas oo fahmi kara baahiyaha horumarineed ee dalka. Dhinaca kale, xubnahaan ay Victoria Kwakwa oo markii ugu horeysay timid Soomaaliya waxaa sidoo kale qaabilay Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre, Kulan ay ku sheegeen xafiiskiisa waxaa looga dooday mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii loo waafajin lahaa baahida dhabta ee dadka Soomaaliyeed ay qabaan iyo inay noqdaan kuwo ay ka muuqato in umaddu ay leedahay. Afhayeenka XFS Farxaan Jimcaale ayaa warbaahinta la wadaagay qodobadii uu R/Wasaaruhu kala hadlay wafdigaan: The post Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalab cusub u gudbiyey Bankiga Adduunka appeared first on Caasimada Online.
  16. Cabdirashiid Cali Xiiray “Abeesa Dhuuni” oo ahaa sarkaal ciidan oo horjooge u ahaa ciidamo si iskood ah qoriga ugu qaatay si ay Alshabaab uga xoreeyaan gobolka Sanaag ayaa qarax miino lagu dilay. Wararka aanu helayno waxay sheegayaan in sarkalkan iyo askar kale oo ka soo baxay magaalada Boosaaso qarax lagula eegtay meel u dhow tuulada deegaanka Ceelaayo 00 30km u jirta magaalada Bosaso. Illaa iyo hadda inta la ogyahay dhimashadu waa laba qof oo uu sarkaalka ku jiro. Waxaa kaloo jira dhaawacyo la gaadhsiiyay cisbitaalada magaalada Boosaso. Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxaan sida ay ku sheegeen qoraal lagu faafiyay barahooda internetka. Alshabaab waxa ay sidoo kale sheegteen inay la wareegeen deegaan lagu magacaabo Durfuri oo hoostaga tuulada Ceelaayo. Source
  17. Mogadishu (Caasimada Online) – Following a fortnight of intensive reconciliation talks, stakeholders in the South West regional state of Somalia, centered in Baidoa, secured a significant agreement on Sunday. This landmark agreement marks a substantial stride in resolving the ongoing political turmoil that has plagued the region for several months and could serve as a catalyst for greater stability throughout Somalia. Terms of the agreement The terms of the agreement, outlined in the conference communique, dictate that traditional community leaders will choose the regional legislators between November 2023 and December 2023. The election of the regional parliament speaker and the president is scheduled to take place in January 2024, with the Federal Ministry of Internal Affairs tasked with the implementation of the agreement. Origins of the conflict The roots of the conflict can be traced back to the extension of the term of regional leader Abdiaziz Lafta-Gareen, which sparked the political crisis in the South West state. The stand-off between the government and opposition groups posed a significant threat to the ongoing anti-Al-Shabab operations. It escalated to the point of violence, with at least ten casualties resulting from a clash between the Southwest security forces and pro-opposition militia in Baidoa on December 23. Presidential intervention President Hassan Sheikh Mohamud and Lower House Speaker Sheikh Adan Modobe swiftly intervened, providing a fresh start for Lafta-Gareen. The president himself visited Baidoa for the second round of reconciliation talks. This intervention was likely informed by previous events, such as the skirmishes in 2018 over the federal government’s blocking of former Al-Shabab deputy leader Mukhtar Robow’s presidential bid, which resulted in the killing of 18 innocent civilians by Ethiopian non-ATMIS troops. The agreement reached in Baidoa is anticipated to bring an end to the impasse between President Lafta Gareen and the South West opposition and restore order to the region, allowing for the continuation of anti-Al-Shabab operations. The federal government has pledged necessary support to maintain stability in the state. The post Somalia: Agreement reached in Baidoa to end political turmoil in South West State appeared first on Caasimada Online.
  18. Safiirka JSL ee dalka Faransiiska Md. Cabdiraxmaan Yaasin Maxamed oo kulan la yeeshay guddiga Arrimaha Dibedda iyo Gaashaandhiga ee golaha guurtida Faransiiska ayaa sharaxaad ka bixiyey muhiimada xeerka iskaashiga Maraykanka iyo Somaliland ee Baarlamaanku ansixiyey. Gudoomiye-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibedda iyo Gaashaandhiga ee Aqalka Guurtida Faransiiska Md. Olivier Cadic ayaa sheegay inuu kulan kala yeeshay Safiirka Somaliland xeerkii Baarlamaanka Maraykanku ansixiyey. Qoraal kooban oo Gud-xigeenka Cadic bartiisa FB-ga shalay ku baahiyey oo u kaga hadlay kulanka dhexmaray Safiirka Somaliland Md. Cabdiraxmaan iyo ujeedadiisa ayaa u dhignaa sidan; “Waraysi aan xafiiskayga kula yeeshay Cabdiraxman Yassin Maxamed, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska ayaa ka wada hadalnay ansixinta xeerkii Congress-ka Maraykanka oo muujinaya muhimadda ay leedahay in la taageero dimuqraadiyadda Geeska Afrika. Sidoo kale Gudoomiye-xigeen Cadic ayaa ku sheegay bartiisa twitter inuu xidhiidhka laba geesoodka ka wada hadleen wadammo Somaliland ku jirto. Safiir Cabdiraxmaan oo bedelay Safiirkii hore JSL u fadhiyey dalka Faransiiska Md. Cali Xassan ayaa la saadaalinayaa inuu sii horumariyo xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo Faransiiska. Source
  19. Ceel-afweyn (Caasimada Online) – Kacdoon dadweyne ayaa ka billowday degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag ee Somaliland, halkaasi oo dadweyne cadheysan ay saaka iskugu soo baxeen waddooyinka magaalada. Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee RRU-da ayaa goob magaalada u dhaw ku dilay muwaadin la odhan jiray Abokor Cumar Cali. Booliiska Somaliland illaa hadda wax faah-faahin ah kama bixin sababta keentay dhimashada muwaadinkan. Dadweynaha isku soo baxa dhigayay ayaa taayiro ku gubay waddooyinka waawayn ee magaalada, waxaana la arkayay iyada oo qaarkood ay siteen calanka buluuga ah ee Soomaaliya. Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada Somaliland oo goobta soo gaaray ay rasaas ku kala dareeriyeen banaan-baxayaasha. Dadweynaha ayaa sidoo kale waxay dilalka kusoo badanaya magaalada iyo guud ahaan gobolka, si gaar ah ugu eedeeyay badhasaabka gobolka Sanaag oo masuul uga ah xukuumadda Somaliland. Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ee kasoo jeeda deegaankan ayaa hore xukuumadda Muuse Biixi ugu baaqay “in ay wax ka qabato dilalka ciidamadu gaystaan oo marar kala duwan soo noq-noqday.” “Waxa na-daashaday in ay yidhaahdaan (Somaliland) baadhitaan ayaanu samaynaynaa, oo waxba anay kasoo baxaynin, anagu waxaanu u taaganahay cadaalad ayaanu ka sugaynaa dowlada,” ayuu yiri Xildhibaan Iid Xidig. Kacdoonka dadweyne ee ka billowday Ceel-afweyn ayaa imaya xili ay xukuumadda Somaliland u maara-weyday kacdoonka ay reer Laascaanood ku diidan yihiin gooni isu-taaga Somaliland. The post Kacdoon ka dhan ah Somaliland oo ka billowday magaaladii labaad appeared first on Caasimada Online.
  20. Calooleyda ayaa inta badan la jar jaraa, waxay dadka inta badan isticmaalaan midda ariga iyo idaha. Bulshooyinka qaar ee adduunka ayaa muddo dheer u adeegsanayay calooleyda. Waxaana laga helaa maqaayadaha ku yaalla Asia, Afrika, qeybo kamid ah Amerika iyo Yurub. Waana laga helaa faa’iidooyin badan oo caafimaad marka loo barbardhigo hilibka kale ee caadiga ah. Waxaa la cabaa fuudka calooleyda, dadka qaar waxy shiilaan calooleyda oo ay dhadhan u yeelaan. Caafimaad ahaan, calooleyda waxaa laga helaa faa’iido badan oo isugu jiro borotiin iyo nafaqooyin kale oo muhiim u ah caafimaadka. Faa’iidooyinka laga helo calooleyda Calooleyda waxaa laga helaa fitamiinno iyo macdan kale oo muhiim u ah jirkeenna, marka la cuno calooleyda waxaa laga helaa waxyaabo u wanaagsan caafimaadkeenna, sida ay ku warrameyso warbaahinta Webmd.com oo ka faallooda arrimaha caafimaadka. Waxay ka hortagaa dhiig yarida Calooleyda waxaa si aad ah ugu badan fiitaamiin B12, taas oo ka hortagta dhiig yarida gaar ahaan qofka la daala dhacaya dhiig yarida ee socon karin. Waxay caawisaa dhismaha lafaha iyo murqaha Calooleyda waxaa laga helaa borotiin, borotiinka wuxuu qofka ka caawinayaa inay dhismaan murqaha iyo lafaha. Calooleyda waxaa laga helaa dhammaan 9-ka maaddo ee loo yaqaanno amni acids ee uu u baahan yahay jirkeenna si uu u shaqeeyo, sida ay ku warrameyso barta Healthline.com oo ka faalloota arrimaha caafimaadka. Waxaa ka buuxaa macdan iyo fitamiinno Calooleyda waxaa ku jiraa maaddooyinka ay ka mid yihiin, Zinc, Selenium iyo calcium. Macdanta Zinc waxay dadka ka caawisaa unugyada, shaqooyinka uu qabto difaaca jirka iyo in jirka uu shiido cuntooyinka laga helo carbohydrate. Macdanta Selenium waxay qofka ka caawisaa hagaajinta hiddesidaha, caafimaadka qumanka. Miisaan dhimista Qaadashada cuntooyinka ay ku badan yihiin borotiinka waxay qofka ka caawiyaan maamulka cunto qaadashada iyo miisaan dhimista. Calooleyda waxaa ku yar maaddada Calories marka loo barbardhigo cuntooyinka kale, qaadashada cuntooyinka uu ku badan yahay borotiinka waxay qofka ka caawiyaan in uu dhimo miisaanka isla markaana waxaa hoos u dhacaya heerka cunta qaadashada, sida uu ku warramayo website-ka Healthline.com Halista calooleyda Calooleyda waxaa ku badan kolestaroolka marka loo barbardhigo hilibka kale, dadka qaar ee qaba kolestaroolka ayaa laga yaaba inay siyaabo kala duwan ay u saameyso. Qaran News
  21. Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in doorashada goleyaasha deegaanka ee qof iyo cod lagu hirgelin karo oo kaliya heshiis loo dhan yahay (Road-map). Siyaasi Cali Xaaji Warsame wuxuu tilmaamay in barnaamijka doorashada lagu hirgelin karo iyadoo la isku waafaqo meesha loo socdo iyo halka ay ku dhamaanayso, taas la’aanteedna aan cidna kaligeed guuri karin. “Barnaamijka doorshada golayaasha degaanka Puntland & 1Q1C waxaa lagu hirgelin karaa isla-ogol & wadajir kaliya. Waa in la isku waafaqaa meesha loo socdo & halka ay ku dhamaaneyso. Heshiis loo dhan yahay (Road-map) la’aantiis cidna keligeed ma guuri karo. Fursadii waa joogtaa” ayuu Cali ku qoray gacankiisa Twitterka. Hadalka siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa ku soo aadaya, iyadoo xiisad la xiriirta diiwaangelinta doorashada goleyaasha deegaanka ee qof iyo cod ay ka taagan tahay magaalada Garowe. PUNTLAND POST The post Cali Xaaji Warsame: Doorasho qof iyo cod waxaa lagu hirgelin karaa oo kaliya heshiis loo dhan yahay appeared first on Puntland Post.
  22. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka oo ay hoggaamineysay Madaxweyne Ku Xigeenka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa. Kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo iyo sidii loo waafajin lahaa baahida dhabta ee dadka Soomaaliyeed ay qabaan iyo inay noqdaan kuwo ay ka muuqato in umaddu ay leedahay. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay in marka ay dowladda Soomaaliyeed dhameystirto hannaanka deyn cafinta ay u jeesaneysa fulinta mashaariicda waaweyn ee Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo in laga faa’iideysto Kheyraadka badan ee Alle ku manaystay dalka. Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladda ay dib u eegis ku sameyn doonto Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP 9), iyadoo ay halkaas ka iman doonto buu yiri, meelaha ay ahmiyadda saareyso dowladda, Bangiga Adduunkana laga rabo inuu la jaanqaado. Victoria Kwakwa ayaa dhinaceeda soo dhaweysay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta dhameystirka hannaanka deyn cafinta, amniga dalka iyo daryeelka bulshada, waxayna ballanqaaday in Baanka Adduunku sii wado taageerada kala duwan ee ay u fidiso dowladda Soomaaliya. Waxay ku boggaadisay xukuumadda dadaalka ay u gashay meel marinta shuruucda wax ka taraysa dhiirigelinta maalgashiga iyo koboca dhaqaalaha dalka, iyadoo ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ay kala sii shaqeyn doonaan hirgelinta mashaariic lagu xoojinayo kaabayaasha dhaqaalaha, kadib marka la dhameystiro deyn cafinta. Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Salah Jama iyo Wasiirrada Wasaaradaha ay quseeyaan mashaariicda horumarineed ee Baanku Soomaaliya ka hirgeliyo. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay la wareegtay gacan ku haynta deegaanka deegaan Durduri oo ka tirsan gobolka Sanaag. Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaal-yahano ka tirsan kooxda ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Durfuri oo u dhaxeeya degmada Laasqoray iyo Calaayo. Sidoo kale waxay sheegtay in qarax miino lala helay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo uu maamulka Puntland gurmad ahaan uga soo diray dhanka magaalada Boosaaso. Cabdirashiid Cali Xiireey [Abees Dhuuni] oo ka tirsanaa saraakiisha ciidanka Puntland iyo sarkaal kale ayaa ku dhintay qaraxaas, sida ay sheegtay warbaahinta kooxda Al-Shabaab. Illaa hadda majiro warar madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland iyo Somaliland, oo iyagu isku haya qeybo kamid ah gobolka Sanaag, una joogaan maamulo kala taabacsan. Sanadkii hore ayay aheyd markii ay sidan oo kale kooxda u sheegatay inay la wareegeen dhowr deegaan oo ka tirsan gobolka Sanaag. Arrintan ayaa imaneysa xilli uu dhawaan madaxweynaha Somaliland uu sheegay in falalka amni darro ee kusoo noq-noqday qeybo kamid ah gobolka Sool ay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada. The post Al-Shabaab oo sheegatay inay la wareegtay deegaan ka tirsan gobolka SANAAG appeared first on Caasimada Online.
  24. Baydhabo (Caasimada Online) – Koonfur Galbeed heshiis ayaa lagu gaaray xalay, buuq iyo gacan ka hadal kadib heshiis doorasho ayaa la gaaray, kaasi oo si cad muddo kororsi ugu xalaaleeyay Cabdicasiis Lafta-gareen. Dhamaan daneeyayaasha siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ee goobta joogay ayaa saf dheer ka galay dhabarka madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo u fasiran inuu heshiiskan yahay mid loo dhan yahay. Haddaba, waxaa warbixintan ku eegayna maxaa Xasan Sheekh mariyay dhanka Cabdicasiis Lafta-gareen. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laabashadiisa bedalay jawigii shirka, habeen hore waxa uu gooni-gooni u arkay dhamaan dhinacyada, wuxuu codsaday in arrinta dagaalka aan laga curyaamin oo dib loo dhigo doorashada Koonfur Galbeed muddo hal sano ah. Dooddiisa waxay ahayd “Al-Shabaab ayaa rabaa in aan bixiyo mana rabo inay doorashooyinku dagaalka iga mashquuliyaan ama diirada dagaalka naga lumiyaan dowlad ahaan iyo shacab ahaanba.” Wallow aan habeen hore arrintaas lagu qancin, haddana xalay aad ayaa loo dooday oo waxa la isla gaaray illaa labadii habeenimo. Xasan Sheekh waa ka degi waayay booskiisa ah dagaalka kadib ayaa la qabanaya doorashada, taasi oo Lafta-gareen uu faa’iido badan ku qabay, ugu dambeyna waa la aqbalay codsiga madaxweynaha. Dadka arrintan xog-ogaalka u ah ayaa laba arrimood ku sababeynaya in Xasan Sheekh uu aqbalay muddo kororsiga Lafta-gareen. Mid waa sida uu isagu sheeganayo oo ah dagaalka Al-Shabaab oo meel fiican u maraya dhawaana uu rabo inuu ka bilaabo Koonfur Galbeed. Midda kale waa in uusan Xasan Sheekh weli helin qofkii uu dhisi lahaa hoggaaminta maamulka Koonfur Galbeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isaga oo aan haysan qorshihiisa Koonfur Galbeed iyo qofkii uu meesha geysan lahaa, macno badan uguma fadhiso in doorashada xooga saaro ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya sababaha Xasan Sheekh u ogolaaday muddo kororsiga Lafta-gareen. The post Xog: Laba arrin oo Xasan Sheekh ku kaliftay inuu la safto Cabdicasiis Lafta-gareen appeared first on Caasimada Online.