-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Millions of voters in southern Ethiopia are casting their ballots on Monday in a referendum to establish a new regional state. Source: Hiiraan Online
-
Source
-
(SLT-Hargeysa)-Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan Dagaalka ka socda Laascaanood waxaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac kala duwan oo ah dhinacyada dagaalku dhex maray. Dadka ku dhintay waxaa kamid askari ka tirsanaa ciidanka ilaalada u ahaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Siciid Sulub, dhan kale waxa ay wararku sheegayaan in khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ay soo gaadhay maleeshiyaadkii soo weeraray. Garaadada kusugan magaalada Laascaanood ayaa iyaguna ku hadlay dagaalka saaka ka qarxay magaalada, halkan hoose ka DAAWO Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya xiisadda ka taagan dowlada goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, taas oo salka ku heysa arrinta diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha oo muran xoogan ka dhalisay maamulkaasi. Xiisadda ayaa yeelatay waji cusub, waxayna isku bedashay gacan ka hadal, kadib markii ay laba garab noqdeen ciidamada ammaanka ee maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in saaka rasaas laga maqay aaga Jaamacadda PSU iyo dugsiga sare ee Gambool oo kamid ah goobaha loo asteeyay inay ka bilowdaan diiwaangelinta. Sida ay ogaatay Caasimada Online rasaasta ayaa waxaa is weydaarsaday ciidamada kumaandooska Danab ee Puntland iyo kuwa loo xilsaaray ilaalinta goobaha diiwaan-gelinta. Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkan, balse waxaa lagu soo warramayaa in weli xaalad kacsanaan ah laga dreemayo halkaasi. Ciidamada Danab ee uu hoggaaminayo Sarreeye Guuto Jimcaale Jaamac ayaa ka biyo diidan diiwaan-gelinta oo la filayo inay beri ka bilaabato magaalada Garoowe. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo madaxda sare ee Puntland oo ku aadan xaaladda magaalada Garoowe. Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in haatan ay socdaan dadaallo ay bilaabeen waxgaradka Puntland oo ku aadan, sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka jirta halkaasi. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxayna arrimahaan kusoo aadayaan, ayada oo haatan Deni ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo uu ka wado kulamo siyaasadeed oo ku aadan arrimaha doorashada ee maamulkaasi. The post Xiisadda PUNTLAND oo waji cusub yeelatay iyo rasaas laga maqlay Garoowe appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-London)-Yurub ayaa Axaddii mamnuucday naaftada laga keeno Ruushka iyo weliba badeecadaha kale ee la xidhiidha shidaalka la sifeeyo. Midawga Yurub ayaa hoos u dhigaya ku tiirsanaanta tamarta ka timaadda Ruushka, taas bedelkeedana ay qorshaynayaan inay curyaamiyaan dakhliga uu Ruushku ka helo shidaalka, si loogu ciqaabo duullaanka uu ku qaaday dalka Ukraine. Mamnuuciddan ayaa la socota heshiis qiimo dhimis ah oo ay isla gaadheen, Isbahaysiga toddobada dal ee dimoqraadiga ah. Ujeedada guud ayaa ah, in weli loo sii ogolaado in naaftada Ruushku inay ku sii qulqusho suuqyada dalalka ay ka midka yihiin Shiinaha iyo India, iyo in laga hortago in sare u kac degdeg ahi uu ku yimaaddo qiimaha naaftada, taas oo dhaawac weyn u geysan karta macaamiisha dunida oo dhan, halka taas bedelkeeda tallaabo laga qaadayo macaashka uu Ruushku ka helo naaftadan ee uu ku maalgeliyo miisaaniyaddiisa iyo dagaalka uu ka wado Ukraine. Naaftada ayaa fure u ah dhaqaalaha, sababtoo ah, waxaa loo isticmaalaa gaadiidka kala duwan, sida gawaadhida xamuulka ah ee alaabooyinka daabula, qalabka beeraha iyo mishiinada waaweyn ee wershedaha waxsoosaarka. Qiimaha naaftada ayaa sare u kacay, tan iyo wixii ka dambeeyey markii laga baxay, xilligii faafista ee xanuunka COVID19, kaasoo yareeyey awoodda sifaynta ee shidaalka, waxaana tallaabadani ay dunida geyaysiisay sicir-barar ku yimaadda alaabooyinka. Cunaqabataynta cusub ayaa abuuraysa hubanti la’aan ku saabsan qiimaha naaftada ee Yurub, xilli uu Midawga Yurub, uu helay suuqyo cusub oo uu ka helo sahayda naaftada sida, Maraykanka, dalal ku yaalla bariga dhexe iyo weliba Hindiya, si naaftada ka timaadda dalalkaasi ay u noqoto mid u daboosha booskii ay ku jirtay naaftada uu Midawaga Yurub ka helo Ruushka. Sahayda naaftada ee ay ka helayaan dalalkan ayaa ah, mid soo maraysa jidad aad u dhaadheer, halka sahayda naaftada ee Ruushku ay tahay mid aad uga dhow. Maadaama uu dalka Shiinuhu dib u furay suuqyadiisa dhaqaalaha, isla markaana uu qaaday xannibaadihii dhinaca COVID19, waxaa laga cabsi qabaa in dalabaadka Shiinuhu inay sare u qaadaan qiimaha shidaalka. Ruushka ayaa bishii December oo keliya ka macaashay illaa $2 Billion, naaftada uu ka iibiyey dalalka Midawga Yurub. Midawga Yurub ayaa hore u mamnuucay dhuxusha ka timaadda Ruushka, iyo qaybo badan oo ka mida saliida qaydhiin, halka Ruushkuna uu joojiyey qaybo badan oo ka mida gaasta uu u soo iibgayn jiray suuqyada Yurub. Source
-
Garowe (HOL) - At least two people, including a senior anti-al Shabab commander, were killed and several others wounded in a landmine explosion in the Sanag region on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa ku guulaystay in magaalada Garoowe laga saaro ciidamo xalay soo galay. Ciidamadan oo diidan barnaamijka diiwaan-gelinta doorashooyinka lagu muransan yahay ee qof iyo cod ayaa xalay la wareegay qayba kamid ah magaalada. Rasaas goos goos ah ayaa gelinkii danbe ee xalay ilaa saaka laga maqlay magaalada Garoowe gaar ahaanna nawaaxiga jaamacadda PSU iyo dugsiga sare ee Gambool oo kamid ah goobaha loo qorsheeyay diiwaan-gelinta. Wararka ayaa xaqiijinaya in rasaastaas ay dhexmaraysay ciidamada diidan barnaamijka diiwaan-gelinta doorashooyinka iyo kuwa loo xilsaaray ilaalinta goobaha diiwaan-gelinta. Dhinaca kale waxa socda wada-hadal u dhexeeya labada dhinac oo ay gar-wadeen ka yihiin odayaasha waxgaradka islamarkaana weli wax natiijo ah kama soo bixin. The post Wararkii u danbeeyay ee xaaladda ka taagan magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka. Dagaalka ayaa dib u qarxay saaka aroortii hore, kadib markii ay ciidamada Somaliland isku dayeen inay gudaha u galaan magaaladaasi, waxaana ka hortegay dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu sababay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah. Dadka ku dhintay dagaalka waxaa kamid ah Maxamuud Cali Xirsi Cartan Boos (Afgaab) oo kamid ahaa dadka deegaanka ee muddada dheer kasoo horjeeda Somaliland. Afgaab ayaa sidoo kale ka tirsanaa sarakiisha Jabahadda SSC ee dagaalka kula jirtay ciidamada Somaliland, wuxuuna dhowaan ku laabtay magaalada Laascaanood oo ah halka maanta lagu dilay, kadib dagaal culus oo saaka ka qarxay gudaha magaaladaasi. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in dagaalkan ay ku dhinteen illaa 7 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 18 kale, sida uu shaaciyay maamulka isbitaalka Laascaanood. “Saaka ayaa xabaddu bilaabatay weli waa ay dhaceysaa isbitaalka waxaa soo gaaray 18 dhaawac ah iyo 7 dhimasho ah,” ayuu yiri agaasimaha guud ee isbitaalka Laacaanood. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka dhaawacmay ay u badan yihiin dad shacab ah, isla-markaana ay ku jiraan caruur iyo haween, sida uu sheegay agaasimuhu. ‘Dhaawacyada waxa ay u badan yihiin dad shacab ah oo ay xabaduhu ugu tageen suuqa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay agaasimuhu. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo xoogleh laga dareemayaa magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda. Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo la filayo in go’aanno culus oo ka dhan ah Somaliland ay soo saaraan waxgaradka SSC ee haatan ku shirsan gudaha Laascaanood. The post AFGAAB oo kamid noqday dadkii ku dhintay dagaalka magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Garowe ee xarunta u ah maamulka Puntland, ayaa sheegaya in israsaseyn ay ka socoto qaar kamid ah goobaha loo qorsheyay in ay ka dhacdo isdiiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah ee Puntland. Israsaaseynta ayaa u dhaxeysa ciidamada diidan diiwaangelinta iyo kuwa taabacsan doorashada, waxaana ciidamada oo ismaandhaafay ay sababtay in ay rasaas isku adeegsadaan. Rasaasta ayaa laga maqyalaya agagaarka jaamacadda PSU iyo dugsiga sare ee Gambool, kuwaas oo kamid ah goobaha ay Puntland u qorsheysay in ay ka dhacdo isdiiwaangelinta doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka oo saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ka taagan xiisad xoogan. Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay bariga Laascaanood, kadib markii ay isku dayeen ciidamada Somaliland inay soo galaan magaalada, waxaana ka hortagay dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu saacado qaatay, isla-markaana weli rasaas teel-teel ah laga maqlayo qaybo kamid ah magaaladaasi. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay dagaalka u dhexeeya labada dhinac. Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa war kasoo saartay dagaalka saaka ka qarxay bariga Laascaanood, waxayna Wasaaraddu sheegtay in maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku soo qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidankooda milatariga. “Saaka subixii hore ayaa waxaa weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka iyo Xarunta ay degan yihiin Golaha Wasiirada Somaliland ee Magaalada Laascaanood, kooxo hubaysan, kuwaasoo ay soo abaabuleen Garaadada Nabad diidka ah ee ku sugan Magaalada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay xukuumadda Somaliland. Sidoo kale Somaliland ayaa kooxda weerarka soo qaaday ku tilmaamtay in ay tahay ‘argagixso’ kuwaas oo lasoo galiyay magaalada, sida ay hadalka u dhigtay. Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay in ciidamadooda ay iska difaaceen weerarkaasi, isla-markaana ay khasaare gaarsiiyeen kooxda soo weerartay. “Kooxa weerarka soo qaaday ayaa ah kuwii horey ay uga digtay Xukuumadda Jamhuuriyadda, waxaana ka mid ah kooxo xagjir ah, kuwaasoo magaalada ay soo geliyeen Garaadada Nabad diidka ah. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iska difaacay weerarka argagixo waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul” ayey raacisay Somaliland. Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo la filayo in go’aanno culus oo ka dhan ah Somaliland ay soo saaraan waxgaradka SSC ee haatan ku shirsan gudaha Laascaanood. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka qarxay LAASCAANOOD appeared first on Caasimada Online.
-
Mali's military government has given the head of the UN peacekeeping mission's human rights division 48 hours to leave the country. Source: Hiiraan Online
-
Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Og: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Labada Aqal) Og: Xubnaha Golaha Ammaanka Og: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Og: Guddoomiyaha Midowga Afrika Og: Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Og: Dawladaha xubnaha ka ah IGAD CC: Dhammaan ergada diblumaasiyadeed ee Soomaaliya BAAQ LAASCAANOOD 5 Febraayo 2023. Shacabka Soomaaliyeed iyo inta badan Beesha Caalamka ayaa ka warqabta in 15-kii sano ee u dambeeyay ay deegaanada SSC-Khaatumo kala kulmeen dhibaatooyin badan oo ay sababeen in ay si sharci darro ah ku joogaan maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland. Dhibaatooyinkaasi waxa ka dhashay kacdoonkii loo yaqaanay “Kacdoonka Buluuga ah” kaas oo shacabka ku dhaqan goboladaasi ay u istaageen inay ka soo horjeestaan gooni-isu-taagga Somaliland, iyagoo si hagar la’aan ah u taagay calankii Soomaaliyeed ee buluugga ahaa. Waxay ka dhiidhiyeen ajandayaasha xasuuqa ah ee lagu beegsanayo muwaadiniinta caanka ah, cunaqabataynta dhaqaale ee ka hortagaysa joogitaanka hay’adaha horumarinta ee goboladan, ku xad-gudbida xuquuqdooda nololeed, xoriyada iyo raadinta farxadda. Si looga hortago dhibaatooyinkaas, waxaa lagama maarmaan noqotay in la qabto shirweyne aayo ka tashi ah taas oo kulmisay madax dhaqameedka, culimada, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada kooxaha, iyo wakiilada dhammaan kooxaha kale ee bulshada rayidka ah. Waxay shirweynahaasi ku qabsadeen magaalada Laascaanood ee xarunta u ah gobolada SSC-Khaatumo 28.01.2023 ilaa 5 February 2023. Shirweynahaasi oo dheeraa iyo falanqeyn dheer ka dib waxa ay isku raaceen qodobadan hoos ku qoran. 1_Waxaan cadeyneynaa in aanan ka tirsaneyn Maamulka Somaliland, isla markaana aanaan marnaba ogolayn, kana qeyb qaadaneyn barnaamijka gooni-goosadka, inkastoo maamulka Somaliland uu isku dayayo inuu nagu qasbo si ka soo horjeeda xeerarka iyo xeerarka caalamiga ah. 2-Deegaanka SSC-Khaatumo waxay ka tirsan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna u taagan yihiin midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 3.Ergooyinka ka qayb galaya shirka maamul u samaynta SSC iyo Khaatumo ayaa doortay 45 xubnood Hay’adda maamuli doonta, isla markaana maamuli doonta arrimaha deegaanada SSC-Khaatumo. Shirkii is-xilqaan ee SSC iyo Khaatumo wuxuu ku dhawaaqayaa in dhulka SSC- 4-Khaatumo waxaa lagu maamuli doonaa dastuurka iyo shuruucda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 5-Annagoo ka duulayna qodobka 48-aad ee dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xubintiisa 2-aad, waxaan go’aansannay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay maamusho gobollada SSC-Khaatumo inta laga dhameystirayo federaaleynta dhulka Soomaaliyeed. 6. Maamulka Somaliland waa in uu ixtiraamaa rabitaanka iyo rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo ee ku aaddan aayo-ka-tashigooda, maamulka Somaliland-na uu ciidamadiisa kala baxo dhulka SSC-Khaatumo shuruud la’aan. 7.Waanu soo dhawaynaynaa wadahadal kasta oo lala yeesho Somaliland, kaliya ka dib marka ay si buuxda uga noqdaan ciidamo ka soo jeeda deegaanada SSC-Khaatumo. 8-Waxaanu halkan ku cadaynaynaa in aanu ahayn argagixiso sida uu maamulka Somaliland isku dayayo in uu nagu sumadeeyo. Anagu waxaanu nahay dadkii lahaa deegaanada SSC-Khaatumo ee ay Somaliland ku soo duushay oo ay xoog ku qabsatay. Isla markaana aanu diyaar u nahay oo aanu awood u lahayn in aanu ilaalino oo aanu ilaalino amniga deegaamadayada, waxa aanu diyaar u nahay in aanu kala shaqayno maamulada iyo gobolada aanu dariska nahay wax kasta oo khuseeya amniga, nabadgalyada iyo xasiloonida. 9.Shaki kuma jiro in Maamulka Somaliland uu masuul ka yahay dilalka iyo dilalka qorsheysan ee loo geysanayo shacabka SSC- Khaatumo ee 15-kii sano ee u dambeeyay ay dhulkeena xoog ku heystaan. Waxaaba laga yaabaa in taasi ay sare u kacdo ololaha xasuuqa ah ee lagu ciribtirayo kareemka shacabka SSC-Khaatumo. Taasi waxay abuurtay jawi cabsi leh oo saamayn taban ku yeeshay maalgashigii iyo dhaqdhaqaaqii ganacsiga. 10. Waxaan ugu baaqaynaa Madax-dhaqameedka, Culimo-awdiinka iyo Waxgaradka Beesha Isaaq inay maamulkooda ku qanciyaan inuu ciidamadiisa kala baxo SSC-Khaatumo. dhulalka iyo ka hortagga amni-darrada iyo suurtagalnimada colaad aan loo baahnayn oo waxyeello leh. 11. Waxaan beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka ugu baaqaynaa inay baaritaan ku sameeyaan gabood-fallada uu maamulka Somaliland u geystay dadkeenna. 12. Waxaan ugu baaqaynaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka in ay si toos ah ula macaamilaan guddiga maamulka loo doortay ee u xilsaaran in ay maamulaan dhammaan arrimaha khuseeya deegaanada SSC-Khaatumo. 13. Natiijadii iyo go’aamadii ay si wadajir ah oo wada jir ah u gaadheen dhammaan ergadii ka qayb-galaysay shirweynihii aayo-ka-tashi ee ka dhacay magaalada Laascaanood, waa kuwii ugu dambeeyay, waxaana lagu beddeli karaa ama lagu beddeli karaa hab-raac iyo hab-maamuus isku mid ah. -Dhamaad= English Version Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhinacyada Soomaalida ay nabad ku wada noolaan karaan, siyaasadda Islaamiga ahna ay tahay in aysan noqon mid rabshadeed, Dimuqraadiyeynta dalkakuna ay kori karto. Waa kan wareysi gaar ah oo uu la yeeshay Jariiradda The Guardian. Safarka gaariga ee ka yimaada gegida diyaaradaha ee Muqdisho kuna wajahan Aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayay tahay in uu qaato ku dhawaad 15 daqiiqo. Badanaase sidaasi ma dhacdo. Boqolkii tillaabo ee kasta waxaa yaalla bar hubin uu leeyahay ciidanka Booliiska. Sida muuqata wax aan laga taxadarin ma jiraan; sababo la xiriira qaraxyada lala eegto baraha hubinta ee ciidanka. Si looga fogaado habacsanaan amni ma jirin cid kale oo sii og booqashada Observer marka laga reebo tiro yar oo ka mid kaaliyeyaasha Madaxweynaha. Waxaan ku nimid gaari Hilux nuuca aan xabadda karin oo uu galbinayo gaari dul bannaan ah oo ay saaranyihiin todobo askari, qorina ku rakibanyahay. Waxaan marnay waddo dheer oo hareeraha ay ka xigaan kunteenaro carro lagu geddaamay iyo darbiyo silig lagu wareejiyay. Subaxdaas goor hore markii aan soo gaaray gegida diyaaradaha, aniga oo jiidaya jaakadda nuuca culus ee xabadaha karin iyo koofi, waxay ila noqotay xushmad darro inaan la imaado oon ku hor xirto nin ka badbaaday dhawr isku day dil oo ka dhan ahaa- oo uu ku jiro mid lagula beegsaday gudaha xayndaabka Madaxtooyada, haddana xukuma dal lagu doodi karo in uu yahay kan ugu halista badan dunida guudkeeda. Unug ciidan dhallinyaro ah oo aad foojigan, xiranna muraayado (Awkiyaaleyaal) madow ayaa ilaalo ka haya halka laga galo xafiiskiisa. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kaligiis fadhiya miis alwaax ah gadaashiis isaga oo hortiisa uu suranyahay sawirka Aaden Cabdulle Cismaan Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya. Waxa uu ku labisanyahay suud iska caadi ah oo midabkiisu buluug yahay, shaarka kuleetigiisuna furanyahay. Maxamuud waxa uu u muuqdaa mid deggan si wacan ayuuna ii gacanqaaday. Inaad ahaato Madaxweynaha Soomaaliya dal magaciisa wali si weyn loogu adeegsado inkastoo ay si marinhabaabin u tahay tilmaanta astaanta “Dal fashilmay” ayaa u muuqata shaqo dhib badan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah labo jeer ugu guuleeystay hanashada xafiiska dalka ugu sarreeya. Dawladdiisuu intii u dhaxeysay 2012-2017 ayaa ahayd tii ugu horreysay een ku meel gaar ahayn tan iyo 1991 markii la riday dawladdii Maxamed Siyaad Barre hoggaamiyihii Militariga ahaa ee muddada dheer xukumyay Soomaaliya. Wax yar uun kaddib doorashadiisii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka badbaaday isku day dil lagula beegsaday hotel uu ku qaabilayay wasiirka arrimaha dibadda Kenya. Mar kale xubno ka tirsan kooxda argagixisada ee Alshabaab oo ah tan ugu hantida iyo halista badan kooxaha hoostaga Alqaacidda ayaa gaari ku qarxisay ilinka laga galo Villa Soomaaliya. Mid ka mid ah dagaalyahanka kooxda argagixisada ayaa ku dhawaad 100 mitir u jirsaday halka Madaxweynaha ku sugnaa ka hor inta aan la toogan. Waxaa dib loo doortay bishii May ee sanadkii hore, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida ay qabto hey`addiisa sirdoonku waxa uu yahay mar kale bartilmaameedka koowaad ee Alshabaab. Maalmo uun yar kaddib wareysigaan kooxda jihaadiga ayaa fulisay labo qarax oo dilay ugu yaraan boqol qof. Mid ka mid ah bartilmaameedyada ayaa ahaa Wasaaradda Waxbarashada, taas oo uu hoggaamiyo Waziir Faarax Sheekh Cabduqaadir saaxiibka siyaasadda ugu dhaw ee Madaxweyne Xasan Sheekh- waa uu ka badbaaday weerarkaas. Madaxweynaha ayaa cambaareeyay weerarka isaga oo ku tilmaamay weerarka aargoosi ka dhan ah guusha ay dawladdiisa cusub ay ka gaartay waxa uu ku tilmaamay dagaal aan waxba lala harin doonin oo ka dhan ah argagixisada. Dawladdiisa ayaa dhawaan dib ula wareegtay dhawr deegaan oo muhiim ah. Soomaaliyana waxay wajaheysaa caqabado faro badan. Soomaaliya ayaa inta badan lagu arkaa halka ugu hooseeysa ee kala sarreynta caalamiga ah ee musuqa, saboolnimada iyo nuglaanta dawladnimada. Fagaaraha siyaasadda Soomaaliya dhaxdeeda 67 jirkaan ayaa u muuqda mid si weyn uga duwan inta kale. Guud ahaan intii uu socday dagaalkii sokeeye ee ka dambeeyay burburkii dawladdii Soomaaliya ma uusan ka tagin dalka . Dhammaan caruurtiisa 20-ka ah ayaa ku dhalatay dalka. Taas ayaa ka duweysa Madaxweynihii xukunka uga horreeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si gaar ah kaas oo inta badan noloshiisa ku qaatay Gobolka New York sida inta badan aqoonyahanka Soomaalida ah. Markii ay Muqdisho lugaha la gashay fowdo kaddib hawlgalkii Maraykanka ee fashilmay 90 meyadii inta badan ayaa u baxsaday dalka dibaddiisa. Maxamuud oo waqtigaa ahaa Macallin iyo ganacsade ku sugan caasimadda ayaa xasuusta in xilligaas uu ahaa waqtigii dhaca, dilka, maleyshiyaadka iyo habeenno hurdo la`aan ah oo aadan marnaba ogeyn goorta hoobiye gurigaaga kusoo dhacayo. Waxa uu dib usoo xasuustay geerida saaxiibkiis ka weynaa oo uu dilay firir ka dhashay hoobiye ku dhacay meel aan sidaa uga fogeyn halkii uu saaxiibkii joogay. “Waqtigaa wuxuu ahaa waqti adag. Isma aanan lahayn waad badbaadi doontaan. Waxbarshada Jaamacadeed heerka labaad oo uu kusoo qaatay Hindiya darteed Xasan waxa uu ahaa nuuca nolol fiican ku heli karay Kenya ama heli lahaa Visa uu ku tago dalalka Yurubta Galbeed. Hayeeshee marnaba kuma uusan faraxsaneeyn inuu dibadda aado. ”Marnaba iguma soo dhicin fikiradda ah inaan dibadda aado.” “Muqdisho waa halka ay tahay inaan joogo. Waxa uu u heystay in dagaalada qabiilada ee waqtigaa holcayay ay si dhaqso ah ku dhammaan doonaan oo ay yihiin kaliya wax yar oo laga gudbayo ka hor inta aan dib loo dhisin dawlad dhexe. Hoggaamiye kooxeedyada ayaa yiri rajo fiican ayaa jirta innaguna waan rumeysanahay,” ayuu yiri. Nasiib darro waxay ahayd bilowdgii dhibaatada. Xasan Sheekh ayaa noqday u dhaqdhaaqe bulshada rayidka ah isaga oo adeegsanaya hab diploomaasiyadeedkiisa dabacsan ayuu dhexdhexaadinyay hoggaamiye kooxeedyadii magaaladii u qaybiyay aagag dirirsan. Waxay ahayd shaqo halisteeda leh. Qaar ka mid ahaa shaqawadaagiisa ayaa la dilay. Waxa uu xasuustay dhacdo isaga ku dhacday maalin sannadkii 1998-kii markii koox maleyshiyaad ah ay ku amreen in uu galo irid furan oo uu ag marayay. Gudaha waxa uu ku arkay meyd dhulka yaalla. Markii hore waxaan u qaatay qof jiifa. Maleyshiyaadkii ayaa ka qaatay waxa uu watay, balse Xasan Sheekh way iska sii daayeen markii ay ogaadeen inay isku qabiil yihiin. Maxamuud ayaa si weyn usoo shaac baxay sanadkii 2000, markii uu asaasay Jaamacad gaar loo leeyahay, sidoo kalena uu noqday hoggaamiyaha dhabta ah ee ururka bulshada rayidka ah kuwaas oo buuxiyay qeybo ka mid ah booskii ay ka baxday dawladdii burburtay. Bartamihii sanadkii 2000 waxaa sare u kacay xoogagii jihaadiga ahaa taas oo keentay in Itoobiya ay ku duusho Soomaaliya. Soomaaliya ayaa gaartay halkii ugu hooseeyay abid. Kooxaha jihaadiga oo markii dambe u xuubsiibtay Alshabaab ayaa ciidamada Itoobiyaanka la galay dagaal waddo ka waddo ah, xaafad ka xaafad ah taas oo keentay inay maydadku meel kasta tubnaadaan. Madaxweynaha mustaqbalka iyo saaxiibadiis ayaa isku xilqaamay inay maydadka ka soo aruuriyaan burburka iyo goobaha ay yaaleen. Dawlado kumeel gaar ah oo isxigxigay ayaa la dhisay si ay dalka nabad ugu soo dabbaalaan wallow awoodooda aysan wax badan dhaafsiisneyn Villa Soomaaliya. Maxamuud iyo saaxiibadiis oo ka niyadjabsan xaalka waddanka ayaa bilaabay inay ka doodaan waxa xiga ay tahay inay sameeyaan. Waxaan iswedyiin jirnay imise sanno oo kale ayaan sugi karnaa? Maxamuud ayaa go`aan ku gaaray in uusan dooq aan ahayn in uu siyaasadda ku biro jirin. 2010-kii ayuu asaasay xisbigii ugu horreeyay tan iyo afgambigii 1969. Soomaaliya ayaa tan iyo 12kaas sanno waxay sameysay hor u kac. Kooxda Alshabaab ayaa dib loogu riixay deegaanada miyiga ah. Shan maamul Goboleed marka laga reebo Soomaland oo intooda badan la asaasay waqtigii Madaxweyne Xasan ayaa sameeyay koritaan. Galinkii dambe maalintaas xilli lagu galbinyay kolonyadiisa wadada weyn waxaa ku xardhanaa boorar lagu xusayo asaaska mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ugu waaweyn dalka, xataa haddii aysan jirin dawlad ganacsiyadu waxay heleen qaabab ay ku hormaraan. Laakiin geediga ayaa muujinaya xadka mashruuca dawlad dhiska Soomaaliya . Villa Soomaaliya waa astaan. Sida madaxtooyooyinka kale ee Afrika malahan weynaanta iyo baaxadda. Waxaa ka muuqda duleelada rasaasta iyo burbur meelaha qaar, marka laga reebo dhisme leh naqshadda Talyaaniga oo udub dhexaad u ah. Dhismuhu wuxuu u egyahay xero ciidan intii uu u muuqan lahaa xaruunta halbowlaha u ah dawladda. Askar Ugandhays ee ka tirsan hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ilaalo ka haya xayndaabka madaxtooyaada. Xusuusin maalinle ah oo muujineysa sida dawladda Soomaaliya ay ugu tiirsantahay shisheeyaha. Madaxweynenimada Soomaaliya inta lagu raaxeeysanayo waxaa ka badan inta la dhisayo. Madaxweynuhu waxa uu u muuqdaa mid daalan, isaga oo mararka qaar hakad geliya sheekeysiga dhexmarayey isaga iyo wariyahq. Saacadadiisu waa adagatahay: 20 saacadood maalintii ayuu shaqeeyaa, todobada maalmood ee usbuucii Madaxweynuhu wuxuu had iyo jeer ku jiraa talefan, isagoo helaya wararka ka soo kordha goobaha dagaalka isagoo leh xiisaha aan ka daalin inuu ka war qabo weerarada cusub ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Waddooyinka ayaa la sii banneeyay ka hor inta uusan marin Madaxweynuhu. Halka aan u soconno oo ku dhow goobta aad loo ilaaliyo oo saldhigga u ah safaaradaha ajnabiga ah iyo hoteelada ugu amniga fiican, ciidanka koofiya guduudda ayaa xiray aagga ku dhow. Madaxweynaha ayaa hadal ka jeedinaya gunaanadka kulanka culimada oo dawladdu ay maalgalisay kaas oo qayb ka ah hindisaha dagaalka fikirka ee dawladda. Xasan oo ah qunyar socod Islaami ah ayaa aaminsan in diintu ay tahay xabagtu la iskugu toli karo ummad burbrutay, siyaasadda Islaamiga ah aysan noqon mid rabshad iyo fowdo ku dhisan. Markii uu jeedinayay nuxurka farriintiisa oo ahayd inay tahay waqtigii culimada iyo hoggaamiyaasha bulshada ay ka hor imaan lahaayeen Alshabaab, waxay u muuqatay in kasoo qaybgalayaasha oo u badnaa raga masaajidda ay la dhacsanaayeen. Inay dhab ka ahayd iyo in kale way adagtahay in la sheego, hayeeshee waxay ku qoslayeen kaftanadiisa (Mid ka mid ah naaneysahiisa waa qoslaaye). Khudbadhooda waxay huwiyeen ammaan. Maxamuud marka uu saaranyahay halka uu khudbadda ka jeedinayo uma muuqdo in uu kusoo jiidanayo, laakiin waxa laga dheehan karaa inuu u egyahay Bare jaamaceed ookiyaalihiisa wax ka dhex eegaya. Haddana waxa uu leeyahay cod xooggan iyo habdhaqan ku dejinaya. Indhihiisu waa ay birqayaan marka uu dhoolacaddeeyo, waxa uu leeyahay awoodda sare u qaado niyada ka qaybgaleyaasha. Waxa uu sawiray muuqaalka Soomaaliyada ka horreysay inta la keenin afkaarta dibadda laga soo dhoofiyay. Muuqaal sida uu sheegay muujinyay dhammaan kooxaha diineed oo si nabad ah u wada noolaayeen dibna loo soo celin karo. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in bud-dhiga dhibaaatada Soomaaliya ay tahay qabyaalad, raadka xukunkii milatariga, iyo xagjirnimada, wuxuuna sheegay inuu aaminsanahay in Soomaaliya laga dhisi karo dowlad dimograadi ah, tasina ay tahay jidka keliya ee looga bixi karo mushkilada. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in ajendaha kaliya ee uu leeyahay ay tahay in uu arko Soomaali oo dib cagaheeda isugu taagtay, oo ayaan jirin wax kale oo uu nolosha ka rabo. Warbixintan waxaa wargeyska The Guardian ku qoray weriye Tom Gardner. The post Gudaha Villa Somalia: Maxaan kusoo ogaanay la jirka 72 saac ee madaxweyne Xasan? appeared first on Caasimada Online.
-
A delegation of Experts from the East African Community have concluded a verification exercise intended to assess Somalia’s readiness to join the regional bloc. Source: Hiiraan Online
-
Questions of accountability are starting to emerge as different cohorts of Uganda’s military deployed for peacekeeping operations in Somalia have gone for 27 months, spread across five years, without pay, despite the European Union – the mission’s biggest funder – regularly disbursing funds to cover allowances for at least 5,000 peacekeepers serving in the war-torn country. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Burco)-Dagaal xoog leh ayaa saaka waaberigii ka bilaabmay magaalada Laascanood. Saraakiil ka tirsan xukuumada ayaa sheegay in dagaal uu ka bilaabmay magaalada Laascaanood ka dib markiin ciidan ay leeyihiin dadka deegaanku weerar ku qaadeen xero milatariga Somaliland ku leeyay meel u dhaw buurta Sayidka. Dagaalka ayaa hadda ka socda gudaha magaalada, laakiin lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay. Dhan kale war ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu yidhi sida tan: “saaka subixii hore ayaa waxaa weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka iyo Xarunta ay degan yihiin Golaha Wasiirada Somaliland ee Magaalada Laascaanood, kooxo hubaysan, kuwaasoo ay soo abaabuleen Garaadada Nabad diidka ah ee ku sugan Magaalada. Kooxa weeraka soo qaaday ayaa ah kuwii horey ay uga digtay Xukuumadda Jamhuuriyadda, waxaana ka mid ah kooxo xagjir ah, kuwaasoo magaalada ay soo geliyeen Garaadada Nabad diidka ah. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iska difaacay weerarka argagixo waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul, wixii khasaare dib ayay Xukuumadda ka sheegaysaa, inkastoo inta la ogyahay ay weerarkan ku dhaawacmeen laba askari.” Source
