-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Turkiga, Burundi iyo Thailand ee loo soo magacaabay Soomaaliya. Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayuu Madaxeweynuhu kaga guddoomay warqadaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah, Mudane Ibrahim Mete Yagli, Safiirka cusub ee dalka Turkiga ee Soomaaliya, Marwo Evelyne Habonimana, Danjiraha Cusub ee Burundi iyo Mudane Sassanit Tangulrat oo ah Danjiraha cusub ee dalka Thailand u fadhin doona dalkeenna. Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa is-dul taagay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey shacabka iyo dowladda Turkiga dhul-gariirkii ka dhacay dalkaas, waxa uuna muujiyey sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay murugada ula qeybsanayaan. Dhul-gariir galaaftay nolosha kumanaan qof ayaa ka dhacay dalka Turkiga, waxayna dowladda Soomaaliya ku jirtay dowladaha ugu horeeyey ee ka tacsiyeeyey musiibadaas. Soomaaliya ayaa saaxiib dhow la ah dowladaha Turkiga iyo Thailand oo laba ka mid ah safiirradaan ay ka socdeen, halka Burundi ay ciidamo ka joogaan dalkeenna, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS. The post Xasan oo aqoonsigooda ka gudoomay safiirada Turkey iyo laba dal oo kale + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Qoraal ka soo ay soo saartay wasaaradda arrimaha guduhu ayaa lagu yidhi sida tan: “Waxaa Saaka 5:30 Subaxnimo marlabaad soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood kooxo argagixiso ah, kuwaasoo ah kooxihii shalay subax wareerka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka iyo Xarunta Golaha Wasiirada. Kooxahan Argagixisada ah ee saaka soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka, waxaa taageeraya Ciidamo ka soo tallaabay Maamulka Putland, kuwaasoo si toosa ugu jira dagaalka saaka, waxaa kale oo iyana dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Khaatumo. Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka, wadamada Jaarka ah, Midawga Africa, Urur Gobeedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabka in dagaalka Laascaanood ay iska kaashadeen kooxo argagixiso ah iyo Maamulka Putland oo si aan gabasho lahayn dagaalka ugu jira. Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku suntan tahay nabad iyo horuumar, waxayna ku jirtaa is difaac iyo in ay shacabkeeda ka difaacdo cadawga ku soo duulay. Waxaa kale oo aanu Beesha Caalamka la socodsiinaynaa iyo Shacabka Somalilandba in Maamulka Putland dagaal ka abaabulayo Garoowe, iyagoo qorshanaya in ay soo weeraraan fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Jiida hore, waxayna Ciidanka Qaranku diyaar u yihiin is difaac. Cabdilaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adda duulimaadka caalamiga ah (IATA) ayaa heshiis cusub ku saxiixday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Heshiiskan cusub ayaa dhigaya in dowladda federaalka ah Soomaaliya ay la wareegto furihii (code-ka) hagista diyaaradaha hawada dalka, kadib in ka badan 32 sano oo gacanteeda uu ka maqnaa. Hawada Soomaaliya ayaa dhawaan heshay aqoonsi caalami ah oo aad u sareeya tan iyo burburkii dalka, kaasi oo muddo dheer ayey dowladda federaalka Soomaaliya u soo xusul duubeysay. Heshiiskan ayaa waxaa maanta qalinka ku duugay madaxweyne ku-xigeenka Afrika iyo Bariga dhexe ee hay’adda caalamiga ah ee IATA iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa heshiiskan Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Ururka diyaaradaha Soomaaliya iyo Midowga wakiilada duulimaadyada dalxiiska Soomaaliya ee SATTA. Fardowsa Cismaan Cigaal, wasiirada gaadiidka iyo duulista hawada oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in dib loo soo celin doono ka qeyb-galkii IATA ee Soomaaliya. “Waxaan halkan heshiis ku galnay hay’adda duulista diyaaradaha qaabilsan adduunka ee IATA. Heshiiskaas oo ah in code-kii ay Soomaaliya laheyd ee travel agency iyo diyaaradaha lasoo celiyo,” ayay tiri wasiirad Fardowza. Waxay hadalkeeda sii raacisay “Waxaa rajeynayna in heshiiskan uu noqdo mid mira-dhal ah oo Soomaali wax u tara.” Guddoomiye ku-xigeenka ururka diyaaradaha Soomaaliyeed oo shirkan lagu saxiixay heshiiska ka qeyb-galay ayaa waxa uu sheegay in heshiiskan uu horumar wanaagsan ka sameynayo dalka. “Faa’iidada uu leeyahay waxa isku xirmaya diyaaradaha Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kale inay iskaga gooshaan ayaa fududaaneysa. Waxa fududaaneysa in travel agnecy ay jari karaan tikidhada caalamka oo dhan, marka waa horumar weyn oo usoo hooyatay umadda Soomaaliyeed.” Si kastaba, dhawaan unbay aheyd markii ay dowladda federaalka ay sheegtay in qiimeynta isku laheynta duulimaadyada caalamka ay Soomaaliya ku biirtay wadamada ugu sareeya, halka markii hore ay ka joogtay heerka ugu hooseeya. The post Soomaaliya oo 32 sano kadib lagu soo wareejiyey furihii (code-ka) hagista ee…. appeared first on Caasimada Online.
-
Shirkii Golaha wasiirada Somaliland oo 7 qodon laga soo saaray 1. Goluhu waxa uu u cadaynayaa Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Beesha Caalamkaba inuu u taagan yahay Nabad. Sidaa awgeed waxa uu diyaar u yahay Qaranka Somaliland in lagu dhammeeyo xaaladda Laascaanood ka taagan wada-hadal iyo is-afgarad. 2. Goluhu wuxuu go’aamiyey in dadkii ku barakacay dhibaatadaasi loo fidiyo gargaar degdeg ah, waxaanu goluhu beesha caalamka ugu baaqay in ay gargaar kaasi qayb weyn ka qaataan. 3. Goluhu waxa uu Shacabka iyo Beesha Caalamkaba ku war-gelinayaa inuu Qaranka Somaliland dagaal kula jiro kooxo argagixiso caalami ah oo in muddo falal amni daro ka maleegayey gudaha Laascaanood. 4. Goluhu waxa uu ku dheeraaday in shaqaaqada Laascaanood ka bilaabantay ay saamayn ku yeelanayso degenaanshaha Mandaqada Geeska Afrika iyo Caalamkaba, sidaa darteed ay u baahan tahay in layska kaashado. 5. Golaha Wasiirradu wuxuu ugu baaqayaa madax-dhaqameedka, haldoorka, culimada, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka Magaalada Laascaanood iyo cidkasta oo danaynaysa nabadgelyada iyo daganaanshaha Laascaanood in ay qayb ka qaataan sidii magaalada nabad loogu soo dabaali lahaa. 6. Goluhu waxa uu boggaadinayaa sidii ay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uga hortageen weerarkii gaadmada ahaa ee lagu soo qaaday hiirtii hore ee saaka. 7. Ugu damabayn goluhu waxa uu go’aamiyey in gacan adag lagu qabto cidkasta oo hubaysan oo khal-khal iyo falal nabadgelyo darro ka wada Magaalada Laascaanood. All reactions: 6Nagiib Dalmar and 5 others Qaran News
-
Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fardowso Cusmaan Cigaal oo ay wehliyaan Safiirka JFS ee dalka Kenya iyo maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa Kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Afrika iyo Barriga dhexe ee hey’adda Duulimaadyada Caalamiga ee IATA Mr. Kamil Al-Awadhi. Shirka ayaa dhinacyadu isku raaceen in wixii hadda ka dambeeya Soomaaliya lagu wareejiyo Code-ka lagu Jaro Tikidhada Gaadiidka isticmaala Hawada Soomaaliya oo markii hore aysan heysan. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Marwo Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa sheegay in heshiiskan Soomaaliya lagu wareejiyo Code-ka lagu Jaro Tikidhada Gaadiidka isticmaala Hawada Soomaaliya uu yahay mid miro-dhal ah oo muhiim ah hawada iyo duulimaadyada Soomaliya. Kulanka ayaa dhan kale looga hadlay xoojinta iskaashiga hey’adda Duulimaadyada Caalamiga ee IATA iyo hey’adda duullista rayidka ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la isla meeldhigay in la soo celiyo mataalada iyo ka qeybgalka Soomaaliya ee hey’adda Duulimaadyada Caalamiga ee IATA. Madaxweyne ku xigeenka Afrika iyo Barriga dhexe ee hey’adda Duulimaadyada Caalamiga ee IATA Mr.Kamil Al-Awadhi oo ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya horumarka ballaaran ee Soomaaliya ka gaartay dhanka hawada gaar ahaan in hawada Soomaaliya ay si rasmi ah ugu wareegto heerka ugu sareeya ee qiimeynta Caalamiga ah ayaa sheegay in heshiiskaan uu isku soo dhaweynayo Soomaaliya iyo hey’adda IATA. Hawada Soomaaliya ayaa dhawaan si rasmi ugu guuleysatay inay u wareegto heerka ugu sarreeya ee qiimeynta caalamka (Class A), taas oo ka dhigan in badqabka duulimaadyada hawada Soomaaliya ay gaartay meeshii ugu sareysay, waxaana ku soo dhiiranaya diyaarado badan oo caalami ah. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo lagu wareejinayo Furaha Hagidda Duulimaadyada dalka appeared first on Puntland Post.
-
Mishiinadii geeridu maanta waxa ay ka daarnaayeen Laascaanood. Tobanaan iyo tobanaan dhinacyadii dagaalamay ah iyo shicib tiro badan baa dhintay. Cisbitaalkii magaalada oo dhaawacii la tacaalaaya xataa madfac baa ku soo dhacay. Caawa war uu soo saaray Muuse Biixi oo yidhi wasiirro ayaan la shiray na, qodobkiisa todobaad waxa la gu sheegay in gacan adag la gu qabto wax ‘argagixiso’ la gu sheegay. Dhinaca kale ee aad is haysaan marka aad indhaha ka lalinayso, ee aanad samaan u jeedin, horta marka koowaad magac adigu aad u doortay oo aan jirin baad u la baxdaa, dabeeto halkaas baad jidka ambadnimada cagta ka saartaa. Siyaad Barre ba waagii dadkii ka gadooday macangagnimadiisa waxa uu u gu yeedhi jiray afar injir leh oo ‘qudhmis’ ah, ilaa uu kabo la’aan ku cararay aakhirkii. Waar qudhmis ma aha ee waa dadkii wax ku la lahaa oo ku diidan ee la hadal ayaa la ga kari waayay. Laascaanood dadka ku shiraaya, dadka degan, kuwa dagaalamaaya iwm, midkoodna argagixiso ma aha ee waa Sool clan gadoodsan. In badan baa la gacan-bidixeeyay, in badan baa loo garaabi waayay, in badan baa madaxdooda siyaasadeed iyo kuwa dhaqan ba bilaa micne la ga soo qaaday, in badan baa heshiisyo la la galay lagaga baxay iwm, imika na kuwii gaboodfalkaas badan soo sameeyay, oo aan xishoonayn, ayaa dadkaas ku leh waa argagixiso. Ood lagama gooyaan, maxaa ehelu naar jooga! Waxa qoray:- Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Saalax Jaamac ayaa shalay magaalada Muqdisho ka furay shirka Madasha Arrimaha Bani-aadamnimada ee Soomaaliya oo ay ka qeyb-galayaan wasiirada gargaarka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed. Shirkan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiisyada qaabilsan bani-aadamnimada & gargaarka, safiiro iyo madax kale. Shirkan ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa heerka bani-aadamnimo ee Soomaaliya, waxyaabaha laga qabtay xogaha horay looga diiwaan-geliyay abaarta, fatahaadda iyo dhibaatooyinka kale ee sababay in ay barakacaan malaayiin ruux. Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM arrimaha bani-aadamnimada Adam Abdelmoula ayaa isaguna kusoo bandhigaya shirka xogaha ay ka hayaan heerka bani-aadamnimo ee Soomaaliya. Sidoo kale safiirada kala metalaya waddamada kala duwan ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa qudhooda lagu wadaa in ay ku daraan macluumaadka ay ka hayaan saameynta taban ee laga dhaxlay dhibaatooyinka bani-aadamnimo. QM ayaa dhawaan soo gudbisay warbixin ay uga hadleyso dhibaatooyinka dhanka bani-aadamnimo ee Soomaaliya, waxay sheegtay in 7.8 milyan oo ruux ay u baahan yihiin caawinaad. 2.2 Milyan oo carruur ah ayay sidoo kale sheegtay QM inay la ildaran yihiin macluul ka dhalatay abaarta. The post Sawirro: DF iyo dowlad-goboleedyada oo shir uu uga furmay Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin oo ay wehliyaan taliye ku-xigeennadiisa ayaa kulan muhiim ah la qaatay taliyeyaasha hoggaamada iyo fadhiyada madaxa-bannaan ee ciidanka. Kulankan oo looga hadlay xoojinta amniga ayaa sidoo kale waxa uu ahaa isbarasho iyo kala warqaadasho, ayada oo taliye Sulub uu warbixin guud oo amniga la xiriirta ka dhageystay taliyeyaasha hoggaamada iyo fadhiyada madaxa-bannaan. Sidoo kale waxa diirada lagu saaray kulankan qorshaha lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho, oo waayadii dambe ay kusoo badanayeen falalka amni darada ah. Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa intaas kadib waxa uu faray saraakiisha kala duwan in ay kordhiyaan adkeynta amniga caasimadda iyo in ay xoojiyaan iska warqabka dhexdooda. Taliye Sulub ayaa Sabtidii xilka kala wareegay taliyihii hore ee booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, wuxuuna ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’ada booliska, si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed. Taliyaha cusub ayaa waxa laga sugayaa inuu wax ka qabto xaaladda magaalada Muqdisho oo ay hataan Al-Shabaab soo saartay culeys xoogan, xilli uu dagaal culus uga socdo gobolada dalka. Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dabayaqaadii bishii hore xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar). Golaha wasiirada ayaa sidoo kale Jeneraal Sulub Axmed Firin u magacaabay taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sulub ayaa horay u ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka, wuxuuna ka soo jeeda deegaan ahaan Jubbaland. The post SULUB oo marro cusub dul dhigay taliyeyaasha ciidanka appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) Force is facing a major crisis, as reports have emerged of troops who served in the peacekeeping mission not receiving their pay. According to sources, soldiers from Uganda who have served in the mission over the past 27 months have gone without compensation. This comes as a surprise, as some of the largest contributors to the mission, such as the European Union (EU), have been disbursing funds to support peacekeeping efforts. The EU is responsible for funding at least 5,000 soldiers in Somalia and confirmed disbursing up to $792.2 million last year for the African Union’s 2021-2024 operations in Somalia. Despite this, the troops who left Somalia in December 2022 have yet to be paid in full. Some sources claim that the peacekeepers from Uganda have missed a portion of their pay over the past three years. According to a diplomat from an EU country, the issue does not lie with the EU, as the payment of allowances to soldiers is the responsibility of the African partners. However, multiple sources in the security sector claim that the problem goes deeper, with numerous battle groups claiming arrears, in addition to a decrease in allowance rates from $1,028 to $460, which is not even being paid. The Junior Minister for Defence, Jacob Oboth, confirmed the situation in Parliament on February 2, stating that the EU funds the entire mission and still needs to send the necessary funds. The EU’s inability to fully fund the peacekeeping mission has been attributed to its current overstretch in the Ukraine war and its suffering mission fatigue in Somalia, where it has spent over $2.5 billion over the past 15 years. Last week, leaders from frontline countries met in Mogadishu to discuss ongoing efforts to crack down on Al-Shabaab militants, while President Hassan Sheikh Mohamud provided them with a report on the progress. On the other hand, some Troops Contributing Nations, such as the Kenyan Defense Forces, have taken a different approach and budgeted for the soldiers’ salaries in their domestic budgetary adjustments, reimbursing them once the EU and other partners wire the money to government accounts. This means that arrears may no longer be an issue for some nations. The post Unpaid troops: Crisis looms in ATMIS force in Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada XFS ayaa caawa ansixiyay heshiis ay dowladda Soomaaliya la gashay dowladda Imaaraadka Carabta, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay la sheegay in lagu celiyey wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya. Heshiiskaan ayaa quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada oo ay horay u gaareen wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta. Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraal kooban soo saaray markii ay goluhu ansixiyeen heshiiskaan, isagoo sheegay in heshiiskaan uu muhiim u yahay Soomaaliya. “Anagoo ka duulayna xoojinta iskaashiga ciidamada, amniga iyo howlgallada ee la dagaalanka kooxaha argagixisada, ururada iyo khataraha argagixisada ayaa maanta golaha wasiiradu ansixiyeen heshiiska amniga ee dowladda Imaaraadka iyo Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya. Qoraalka uu wasiirku soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa intaas ku sii daray, “Heshiiskan ayaa Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howlgallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtideena Amniga. Marka la helo tababar sax ah, Soomaaliya waxay yeelan doontaa awood ku filan oo ay uga hortagto khataraha amni ee ka soo baxaya gudaha iyo dibadda dhulkeeda.” Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa heshiiskaan lasoo galay Imaaraadka, waxaana maalmo ka hor banaanka u soo baxay war sheegayey in heshiiskaan dib loola celiyey wasiirka oo kulankii golaha wasiirrada uu kala soo noqday. Heshiiska ayaa waxaa ka dhashay hadal hayn iyo muran badan, ayada oo dadka mucaaradsan dowladda ay ku qeexeen mid xadgudub ku ah madax-banaanida dalka, oo amniga Soomaaliya lagu hoos geeyey Imaaraadka Carabta. Waxaa sidoo kale baraha bulshada aadmu wareegayey waraaqo lagu sheegay inay yihiin qodobada heshiiska, kuwaas oo aan sax ahaanshahooda la xaqiijin karin. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u burburisay heshiis noocaan oo kale ah oo Imaaraadka kala dhaxeeyey, xiligii uu talada dalka hayey Farmaajo, balse hadda waxaa muuqata in Soomaaliya ay daneyneyso inay hagaajiso xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka. The post Golaha Wasiirada oo go’aan ka gaaray heshiiska militari ee muranka dhaliyey ee DF la gashay Imaaraadka appeared first on Caasimada Online.
-
Fadhi deg-deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo galabta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada, shirkan oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shirkaas oo ujeedadiisu ahayd qiimaynta xaaladda ka taagan Laascaanood. Dood iyo falan-qayn dheer ka dib waxa shirka ka soo baxay go’aamaddan:- 1. Goluhu waxa uu u cadaynayaa Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Beesha Caalamkaba inuu u taagan yahay Nabad. Sidaa awgeed waxa uu diyaar u yahay Qaranka Somaliland in lagu dhammeeyo xaaladda Laascaanood ka taagan wada-hadal iyo is-afgarad. 2. Goluhu wuxuu go’aamiyey in dadkii ku barakacay dhibaatadaasi loo fidiyo gargaar degdeg ah, waxaanu goluhu beesha caalamka ugu baaqay in ay gargaar kaasi qayb weyn ka qaataan. 3. Goluhu waxa uu Shacabka iyo Beesha Caalamkaba ku war-gelinayaa inuu Qaranka Somaliland dagaal kula jiro kooxo argagixiso caalami ah oo in muddo falal amni daro ka maleegayey gudaha Laascaanood. 4. Goluhu waxa uu ku dheeraaday in shaqaaqada Laascaanood ka bilaabantay ay saamayn ku yeelanayso degenaanshaha Mandaqada Geeska Afrika iyo Caalamkaba, sidaa darteed ay u baahan tahay in layska kaashado. 5. Golaha Wasiirradu wuxuu ugu baaqayaa madax-dhaqameedka, haldoorka, culimada, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka Magaalada Laascaanood iyo cidkasta oo danaynaysa nabadgelyada iyo daganaanshaha Laascaanood in ay qayb ka qaataan sidii magaalada nabad loogu soo dabaali lahaa. 6. Goluhu waxa uu boggaadinayaa sidii ay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uga hortageen weerarkii gaadmada ahaa ee lagu soo qaaday hiirtii hore ee saaka. 7. Ugu damabayn goluhu waxa uu go’aamiyey in gacan adag lagu qabto cidkasta oo hubaysan oo khal-khal iyo falal nabadgelyo darro ka wada Magaalada Laascaanood. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
-
Awad: “The …indiscriminate bombardement of [Laascaanood] by Somaliland forces is extremely distressing and should be condemned…” Garowe (PP News Desk) — The former Foreign Minister of Somalia Ahmed Isse Awad has denounced the decision of Somaliland Administration to indiscriminately shell the city of Laascaanood today. “The …indiscriminate bombardement of [Laascaanood] by Somaliland forces is extremely distressing and should be condemned…” tweeted Awad. The massive destruction and multitudes of deaths of the unarmed civilians in Lasanod reportedly inflicted by the indiscriminate bombardement of Somaliland forces is extremely distressing and should be condemned by anyone with the slightest blood of humanity. It should stop. — Ahmed Awad (@AhmedAwadSO) February 6, 2023 Somaliland forces launched a surprise attack to disrupt an event in Laascaanood for the release of a communique after the end of consultative conference for Sool clan and Fiqishini clans to reaffirm their identity based a politically and territorially United Somalia in line with the UN Security Council Resolutions. Somaliland forces used mortars and heavy weaponry to shell residential parts of Laascaanood. © Puntland Post, 2023 The post Former Somalia Foreign Minister Denounces Somaliland for ‘Indiscriminate Shelling of Laascaanood’ appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo maanta ka hor hadlay xildhibaanada golaha shacabka markii ay sharciga NISA ansixiyeen kadib, ayaa raali gelin ka bixiyey gabood-falladii ay horay u geysatay hey’daas. Wasiir Xagaa ayaa sheegay inuu ka xunyahay in magaca hey’adda NISA horay dhibaatooyin badan loogu geystay, isagoo sheegay inuu ka xunyahay waxyaabihii xumaa ee horay u dhacay. “Xildhibaan kasta oo u codeeyey sharcigaan wuxuu ku metelayey beeshiisa, si dhibaatada looga leexiyo dadkiisa, waxaad tirtirteen magac xumadii lagu sameeyey hey’addaan, waxaan ka raali gelinayaa dadkii Soomaaliyeed ee magaca hey’adda NISA dhibaatada loogu geystay,” ayuu yiri Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya. Wasiir Xagaa ayaa sheegay in wax weyn ay ka dhigan tahay in 53 sano kadib ay maanta suurta-gashay in la sharciyeeyo hey’adda NISA oo muhiim u ah amniga qaranka. Sharcigaan oo ahaa mid xasaasi ah ayey Golaha Shacabku marsiiyeen saddex akhrin oo ay uga doodayeen qodobada qaar ee sharcigaan oo noqonaya kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA. Seddax maalmood oo dood iyo akhrin ah kadib 144 xildhibaan ayaa sharcisan si aqlabiyad leh ugu codeeyay maanta, waxaana ka aamusay saddex xildhibaan, waxaana diiday hal mudane, sida uu shaaciyay gudoonka golaha shacabka. Dhinaca kale Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad oo isla maanta ka falceliyay go’aanka Baarlamaanka ayaa uga mahadceliyay ansixinta sharcigaan. Sidoo kale Mahad Salaad ayaa farriin u diray guddoonka iyo senatorrada Aqalka Sare, isaga oo ka codsaday inay iyaguna meel-mariyaan sharcigaan, si ay ugu shaqeyso NISA. Mahad Salaad wuxuu hoosta ka xariiqay in sharcigaan uu muhiim u yahay amniga qaranka iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo hadda hadafka koowaad u ah dowladda Soomaaliya. Hoos ka daawo The post Xukuumadda oo raali-gelin ka bixisay gabood-falladii ay horay u geysatay NISA appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi – The International Air Transport Association (IATA) and the Government of the Federal Republic of Somalia agreed to deepen and formalize cooperation with the aim of strengthening the economic and social benefits of aviation in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Burco)-Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka Laascaanood ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaadhay dadka shacabka ah iyo dhinacyada dagaaalamaya. Mas’uuliyiinta cisbitaalka Laascaanood ayaa sheegay inay iska horimaadkan ku dhinteen 13 qof ilaa haatan, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxa ala sheegayaa inay jiraan dhaawacyo. Khasaaraha ugu weyn ee warbaahintu ay tebinayso ayaa ah, geerida 7 carruur ah iyo hooyadood oo iyaga oo ku sugan hoygooda uu haleelay mid kamid ah madaafiicda ay isku adeegsanayeen dhinacyada dagaalamaya, iyo askari ka tirsanaa ciidanka ilaalada u ahaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Siciid Sulub oo isaguna ku geeriyooday dagaalka. Dhan kale Xukuumadda Somaliland, golleyaasha guurtida iyo wakiillada, xisbiyadda mucaaridka ah ayaa dhammaantood ku baaqay in xabada la joojiyo oo la isku yimaado miiska wada-hadalka Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay dagaalka maanta ka qarxay Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash oo farriin u diray beesha caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in waxa ka socda Laascaanood aan indhaha laga qarsan karin, uuna masuuliyadeeda qaadayo maamulka Muuse Biixi. “Waxaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamkaba u cadaynaynaa in dadka shacabka ah ee la Xasuuqayo iyaga oo Masiirkooda ka tashanaya aanay ahayn wax indhaha laga qarsan karo masuuliyada wixii halkaas ka dhacana uu qaadayo maamulkaas,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu caddeeyay mowqifka Puntland ee ku aadan go’aamadii kasoo baxay Isimada dhaqanka iyo waxgaradka kale ee deegaanada SSC, isaga oo sheegay in ay ku garab taagan yihiin ka maamul ahaan. “Aniga oo ku hadlaya magacayga, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabweynaha reer Puntland waxaan si buuxda u soo dhoweynaynaa go’aamada Masiiriga ah. Sida aynu wada ognahay bulshada deegaanadaas waxay daris la noqdeen xasuuq iyo barakac joogto ah oo uu ku hayo maamulka Somaliland oo isagu doonaya inuu cabudhin iyo caga juglayn ku maamulo.” Waxa kale oo uu yiri “Taas oo ay u dambaysay weerarka saaka bilowday ee ilaa hada socda laguna beegsanayo dadka Shacabka ah ee halkaas ku nool, iyada oo looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo go’aamada ay gaadheen dadka deegaanku, Eebbe ha unaxariisto inta ku shahiiday inta dhaawaca ahna haw booga dhayo. Iska hor-imaadka Laascaanood ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, waxaana illaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen 13 qof, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen. Dhaawacyada ayaa waxa ay u badan yihiin dad shacab ah oo ay xabaduhu ugu tageen suuqa, sida uu sheegay agaasimaha guud ee isbitaalka Laacaanood. Dagaalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo odayaasha iyo waxgaradka SSC ay soo saareen go’aanno culus oo ka dhan ah Somaliland, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay si toos ah u hoostagaan dowladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo. The post Jawaabta Puntland ee dagaalka ka qarxay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Wararka PP) — Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku midaysan yihiin hoggaamiyeyaal isbeddel-doon ah ayaa si adag u dhaleeceeyay weerarka ciidanka Somaliland ku soo qaadeen magaalada Laascaanood oo uu ka socday shir madax-dhaqameedka SSC uga tashanayeen aayahooda. “Madasha Siyaasadda Puntland waxay canbaaraynaysaa weerarkii qaawanaa ee maamulka Somaliland saaka ku soo qaadeen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Madashu waxay soo dhaweynaysaa si buuxdana u taageersantahay go’aamada ay soo saareen isimada, cuqaasha iyo waxgaradka SSC-Khatumo iyo guddigii farsmo ee ay magacaabeen kuwaas oo soo saaray go’aamo ay u dhanyihiin. Sidoo kale waxaa ay madashu ugu baqaysaa hoggaanka Puntland in uu guto wajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta badqabka shacabka SSC-Khatumo” ayay Madashu ku caddaysay warsaxaafadeedka. Saaka ayay ciidanka Somaliland soo weerareen Laascaanood si ay u carqaladeeyaan warmurtiyeedka ay soo saareen madax-dhaqameedka SSC-Khaatumo oo ku shirsanaa magaalada. © Puntland Post, 2023 The post Madasha Siyaasadda Puntland oo ugu baaqday dowladda Puntland inay difaacdo Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Kahramanmaras)-Dhul-gariirkii labaad oo cabirkiisu yahay 7.6 ayaa maanta ku dhuftay gobolka Koonfurta Beri ee Kahramanmaras ee dalka Turkey, waaa sidaas sheegay maamulka maareynta musiibooyinka ee dalkaas (AFAD). In ka badan 1,300 oo qof ayaa ku dhintay, kumanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen dhul-gariirkii koowaad oo ku dhuftay bartamaha Turkey iyo waqooyiga galbeed ee Syria. Dhul-gariirkaas oo cabirkiisu ahaa 7.8, oo dhacay xilli aroor hore ah, ayaa ahaa kii ugu xumaa ee muddo sanado ah ku dhufta Turkey. Waxaa sidoo kale laga dareemay dalalka Cyprus iyo Lebanon. Shaqaalaha gurmadka oo ku shaqeynaya xaalad aad u qabow ayaa dadka iyo meydadka kasoo saaraya burburka oo ku baahsan gobollo badan. Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in 912 qof lagu dilay, 5,383 ay dhaawac yihiin, islamarkaana 2,818 dhisme ay ku burbureen dhul-gariirka. Erdogan ayaa sheegay inuusan saadaalin karin heerka uu khasaaraha dhimasho gaari doono, ayada oo dadaallada gurmadka ay weli socdaan. Dalka Syria, oo markii horeba uu burburiyey dagaalasokeeye oo socday 11 sano, wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in 326 qof ay ku dhinteen, islamarkaana 1042 ay dhaawac yihiin. Waqooyi Galbeed Syria oo ay haystaan mucaaradka dowladda, shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in 147 qof ay dhinteen. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in 45 dal ay yabooheen inay gacan ka gaystaan dadaalalda gurmadka iyo raadinta dadka ku hoos jira burburka dhismayaasha. Dowladda Mareykanka “waxay si xooggan uga walaacsan tahay” dhul-gariirka, islamarkaana isha ku haysaa dhacdooyinkan, waxaa sidaas yidhi la-taliyaha amniga qaranka Jake Sullivan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga hadlay dagaalka maanta ka qarxay Laascaanood. Ergeyga ayaa waxa uu ayaan-darro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka. Waxa uu ku baaqay in colaadda dagaal ee Laascaanood si degdeg ah loo joojiyo, isaga oo xusay in arrinta taagan ay tahay mid xalkeedu siyaasad yahay oo wada-hadal iyo wada-xaajood u baahan. “Waxaan ku baaqayaa in colaadda degdeg loo joojiyo. Waxaan Alla uga baryayaa in uu dadkii ku dhintay naxariistiisa siiyo, kuwa ku dhaawacmayna caafiyo, kuwa hanti beelayna uu ciwad celiyo,” ayuu yiri. Waxa uu intaas sii raaciyay “Awood is maquunis irid ugama furna. Sida aan midnimada Soomaaliya awood sheegad lagu gaari karin, kala go’eedana xoog laguma keeni karo.” Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka uu xil ka saaran yahay ilaalinta madax-banaanida, midnimada iyo wada-jirka dhulka Soomaaliya, taasi oo ka dhigan in loo baahan yahay fara-gelin dhankeeda ah oo la xiriirta xiisada Laascaanood ee dagaalka isku rogtay. “Allaha dadkeenna gaarsiiyo xili uu caqligu caadhifada ka adagyahay, siyaasadda qaran ay tan haybta ah ka xoog badan tahay, qiyamka madaniga ahna ay kuwa qabiilka ka sareeyaan.” Iska hor-imaadka Laascaanood ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, waxaana illaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen 13 qof, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxa la sheegayaa inay jiraan dhaawacyo kale. Dhaawacyada ayaa waxa ay u badan yihiin dad shacab ah oo ay xabaduhu ugu tageen suuqa, sida uu sheegay agaasimaha guud ee isbitaalka Laacaanood. Dagaalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo odayaasha iyo waxgaradka SSC ay soo saareen go’aanno culus oo ka dhan ah Somaliland, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay si toos ah u hoostagaan dowladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo. Madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa illaa hadda ka hadlin dagaalka Laascaanood, ayada oo dadka reer Khaatumo ay sheegeen in ay kamid yihiin dhul weynaha Soomaaliyeed. The post Ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Xasan oo war kasoo saaray dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
BOSASO, Feb 6 (Reuters) - At least 34 people were killed in clashes between soldiers and anti-government fighters in a disputed town in Somalia's northern breakaway region of Somaliland on Monday, doctors and officials said. Source: Hiiraan Online
-
LAsAnod (Caasimada Online) – At least 15 people have lost their lives, and more than 40 sustained injuries in the aftermath of a deadly conflict that took place on Monday in LasAnod, a city located in the Sool region of northern Somalia. The unrest in LasAnod has been brewing for the past month, as the local population has vocally opposed the presence of the Somaliland administration and called for the removal of troops. On Monday, the situation escalated when the Somaliland forces attempted to enter the city, only to be met with opposition from the local residents. The authorities of Somaliland have claimed that their troops were attacked by militias loyal to local traditional elders who had gathered in LasAnod. However, this claim has been disputed by one of the local elders who spoke to local media and stated that the Somaliland army actually attacked the city. Tragically, most of those killed in the conflict are innocent civilians, including women and children, according to the director of the LasAnod General hospital. Among those who lost their lives was Mohamud Ali Hersi Boos (Afgab), a local resident who was an outspoken critic of the Somaliland administration and a member of the SSC rebel group that had fought against the Somaliland forces in the past. Boos had recently returned to LasAnod and was killed during the conflict that broke out on Monday. The conflict erupted just a few hours after the traditional elders, who had been in the city for nearly two weeks, issued a statement rejecting the idea of LasAnod being a part of Somaliland. Instead, the elders expressed their desire for the region to fall under the jurisdiction of the federal government of Somalia. The elders’ statement also reinforced the unity and sovereignty of Somalia and emphasized that the SSC-Khaatumo region and its people are an integral part of the Federal Republic of Somalia. Somaliland declared independence from Somalia in 1991, but its status as an independent state has not been recognized internationally. Despite controlling the regions of Sool, Sanag, and Cayn for over 15 years, the Somaliland administration has faced opposition and resentment in the area. The current crisis, which started in late December, was triggered by the assassination of a local youth leader and member of the opposition Waddani Party, Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi), which was blamed on Somaliland. Since the start of the protests, the Somaliland security forces stationed in the city have resorted to using force to control the situation, resulting in casualties and further exacerbating the conflict. The post Somalia: Clashes in LasAnod leave 15 dead, over 40 injured appeared first on Caasimada Online.
