-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
๐๐๐-๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐. Fadhigii 7-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo Shir-gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenku Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Ajandaha Shirka Golaha Wasiirada ee maanta ayaa ka koobnaa arimo door ah oo mudnaan u leh dalka iyo dadka . Ugu horeyn Goluhu waxaa uu war bixin ka dhegaystay Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka kaas oo sheegay in xaaladda guud ee dalku ay tahay mid degan oo nabad ah. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha uga xog-waramey xaaladda dhaqaale ee dalka, dardar galinta cashuur ururinta iyo kobcinta dakhliga dalka. Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaaluhu isaga oo ka hadlaya sida uu u fulay qorshaha midaynta dakhliga Qaranka wuxaa uu ku ammaanay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda oo soo wareejisay dakhliyadii kala duwanaa, isla markaana soo xaraysay dakhlihii ay qabatay laga soo bilaabo January 1st, 2025. Sidoo kale, waxa ay Wasaaradda Duulistu hirgalisay qaab u suurto-galinaya Wasaaradda Maaliyaddu inay la socoto xogta adeegyada dakhli qabasho ee madaarka, kana dhigaysa dakhliga madaarka mid banyaal ah (transparent). ๐๐ก๐๐ง๐ค๐ ๐ค๐๐ฅ๐, ๐๐จ๐๐จ๐๐๐๐ ๐ฆ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ค๐ ๐๐ก ๐๐ ๐ฅ๐๐ ๐๐ ๐ ๐ก๐๐๐ฅ๐๐ฒ ๐ ๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐ฐ๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐๐๐๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ ๐ค๐ ๐ฆ๐ข๐ ๐๐ก๐๐: 1. Shaqaalaha Ku meel gaadhka ah ee Wasaaraddaha iyo Haโyaadaha Dawliga ah kuwaas oo Madaxweynahu xal u helistooda u saarey Guddi Wasiiro ah oo ka kooban Lix Wasiir. 2. Warbixin ku Saabsan Difaaca Dalka iyo Qorshayaasha Wasaaradda Gaashandhiga oo uu Golaha u soo jeediyey Wasiirka Gaashandhiga iyo Difaaca Qaranka JSL. 3. War bixin ku saabsan Xeerarka ka gudbay Xukuumadii hore iyo Mushaariic-da sharci ee horyaala Golaha Wakiillada waxa soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka. 4. Warbixinta Wasaarada Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha oo uu soo jeediyey Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadahu taas oo ku saabsan kormeerka Warshadaha dalka. 5. Warbixinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Safarro shaqo oo uu Wasiirku ugu baxay Gobalada dalka si uu ugu kuur galo baahiyaha adeega caafimaadka ee ka jira guud ahaan dalka, gaar ahaan xaaladda ay ku sugan yihiin cisbitaalada dalka. 6. Warbixinta ku saabsan Xaaladaha Waxbarasho ee dalka, baahiyaha aas aasiga ah ee jira, Siyaasadda Waxbarashada JSL iyo safaro uu ku tagay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Sayniska gobalada Saaxil iyo Togdheer. ๐๐ฎ๐ฌ๐ฌ๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ ( ๐๐๐ฒ๐ซ ) ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ Qaran News
-
Oslo (Caasimada Online) โ Maxkamad ku taal dalka Norway ayaa Jimcaha maanta ah xabsiga dhigtay laba gabdhood oo walaalo ah, kadib markii lagu helay inay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish (IS), kadib markii ay si qarsoodi ah ugu safreen dalka Suuriya iyagoo daโyar ah sannadkii 2013-kii. Labada gabdhood oo hadda kala jira 27 iyo 31 sano ayaa lagu helay dambiga ah inay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish oo ah koox argagixiso oo liiska madow kaga jirta dalka Norway iyo waddamada reer galbeedka. Gabadha weyn ayaa lagu xukumay afar sano oo xarig ah, halka walaasheed ka yar lagu riday xukun laba sano ah oo mid kamid ah sannadahaas uu yahay mid la hakiyay. Xukunnadan ayaa waafaqsanaa codsigii xeer-ilaaliyeyaasha. โMaxkamaddu waxay goโaamisay in si shaki laโaan ah loo caddeeyay in labada eedaysane ay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish, si la mid ah intii ay awoodeen haweenka ee looga baahnaa, iyagoo ahaa xaasas iyo hooyooyin guri,โ ayay goโaamisay maxkamadda degmada Oslo. Gabdhahan oo ah muwaadiniin Norwegian ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa beeniyay dambiyada lagu soo oogay, iyagoo ku adkaystay in lagu qasbay inay ku biiraan kooxda, ayna ku sugnaadaan Suuriya. Waxay si qarsoodi ah uga baxsadeen Norway dabayaaqadii 2013-kii, iyagoo jira 16 iyo 19, si ay markii dambe ku sharraxeen email ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah nidaamka Bashaar al-Assad. Markii ay tageen Suuriya, waxay guursadeen dagaalyahannada Daacish. Gabadha ugu weyn ayaa markii dambe dhashay laba gabdhood, halka tan ugu yarna ay dhashay hal gabar. Maamulka Norway ayaa dib u soo celiyay labada gabdhood bishii Maarso 2023, iyagoo sabab uga dhigay daryeelka carruurtooda oo hooyooyinkood lala geeyay xabsiga Roj oo ay maamulaan Kurdiyiinta, kaasi oo loogu talagalay maxaabiista jihaad doonka ah ee ku yaalla waqooyi-bari Suuriya. Dalka Norway, aqoonsiga eedaysanayaasha inta badan lama shaaciyo illaa xukunku ka xaqiiqoobo iyadoon wax racfaan ah laga qaadan. Labada gabdhood oo racfaan ka qaadan kara xukunka ayaa ahaa dulucda buug ay qortay qoraaga reer Norway ee Asne Seierstad.
-
Beledweyne (HOL) โ Somali National Intelligence and Security Agency (NISA) Director Abdullahi Mohamed Ali Sanbaloolshe has started high-level meetings in Buula Burte district, Hiiraan region, to expedite the second phase of military operations against the Al-Shabaab militant group. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) โ Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Talaadadii sii daayey farriin iskugu jirtay walaac, digniin iyo baaq, xilli dhinaca kale guddiga halka garab ah ee doorashooyinka ay shaaciyeen inay bilaabayaan diiwaan-gelinya ururro cusub. Dastuurka Soomaaliya ayaa dhala doorashooyinka, dastuurka la boobay inuu dhali karo doorasho xalaal ah sooma saarayo caqliga caadiga ah. Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa walaac xooggan ka muujiyay in madaxweyne Xasan Sheekh uu goโaansaday inuu sameysto doorasho u gaar ah oo isagu maamulanayo, taas oo dalka gelin karta kala tag iyo qalaalaso horleh. Sharciga doorashada, sharciga xisbiyada iyo dhismaha guddiga doorashada waxay dhamaan u baahan yihiin heshiis sharci ah iyo mid siyaasadeed, labadiina ma haystaan. Haddana, guddiga halka garab ee doorashadu waxay weli ku adkeysanayaan inay noqon karaan guddi dhab oo jira oo shaqo doorashana qaban kara. Farmaajo ayaa horey looga diiday guddi doorasho oo uu sameystay, haddana guddiga uu Xasan Sheekh sameystay uma badna inay heli karaan aqbalaad siyaasadeed iyo mid bulsho, waxayna ku dhamaan doonaan isla wadaddii uu ku dhamaaday guddigii Farmaajo sameystay ayey leeyihiin dadka ka faalloonaya arrimahan. Maqnaashaha Puntland iyo Jubbaland iyo in aan wax talo ah laga siinin wax ka beddelka dastuurka iyo geediga doorashada ayaa ku sawireysa sida ay laandheer uga sii dhacayaan midnimada dalka iyo wadajirka umadda. Farmaajo mar uu qodobkan ka hadlayay waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh tiisa gaarka ah ka doortay isku haynta dalka. Nuxurka farriinta Farmaajo waxay aheyd in marka hore dastuurka la isla ogolaado, dhinacyada maqan la doono, doorashaduna noqoto mid loo dhan yahay oo uusan hal qof laheyn. Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si gaar ugama hadlin nuuc doorasho, laakiin wuxuu soo jeediyay in loo baahan yahay wadatashi qaran oo ay qeyb ka yihiin maamulada, baarlamaanka iyo madaxdii hore ee qaranka. Farrintiisu waxay u muuqatay mid waaqaca la socota, waxayna kabtay hadal uu dhawaan soo jeediyay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, kaas oo sheegay in aan Muqdisho laga qaban karin doorasho hal dhinac ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaciisa weli laga soo warinayaa inuu aaminsan yahay in guddigiisa gaarka ah ee doorashadu ay keeni karaan xisaab fudud oo kusii haysan karo kursiga Villa Somalia, isagoo qiimaheeda oo gacan ka hadal hubeysan noqon kara hadda u diyaarsanaya hub iyo maleeshiyaad gaar ah
-
Garoowe (Caasimada Online) โ Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax lala beegsaday Taliye Fuโaad Xanaano oo kamid ah saraakiisha sare ee ciidanka difaaca maamulka Puntland. Taliye Fuโaad iyo ciidamo uu hoggaaminayey oo howl-galo ka waday buuraha Calmiskaad ayaa lala beegsaday qaraxan oo ahaa miino, sida ay inoo xaqiijiyeen laamaha amniga Puntland. Qaraxan oo haleelay Taliyaha iyo ciidamada uu hoggaaminayay xilli ay baacsanayeen maleeshiyaad ka tirsan Daacish oo ay ka qabsadeen saldhig ciidan ayaa wararka waxay sheegayaan inuu kasoo gaaray dhaawac culus. Taliye Fuโaad Xanaano iyo hal askari oo ka tirsan ciidankii la socday ayaa ku dhaawacmay, kadib markii miino la kacday taliyaha iyo ciidamadu hoggaaminayay ee howl-galka dagaal ka waday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Wararka ayaa intaasi ku daraya in taliyaha iyo ciidanka uu hoggaaminayay socdaal lug ah ku jireen markii uu qaraxa miino la kacay oo aysan wax gaadiid dagaal ah wadan, balse dowladdu weli war rasmi ah kama soo saarin sida ay wax u dhaceen. Dagaalka Puntand iyo Daacish ayaa sii xoogeysanaya, waxaana shalay ugu dambeysay ay kooxda ciidamada maamulkaasi ku weerartay diyaarad ay kasoo buuxisay walxaha qarxa, waxaana ku dhintay ugu yaraan hal askari, halka ay ku dhaawacmeen illaa saddex kale.
-
Washington (Caasimada Online) โ Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii dib ugu calaameeyey dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen, oo si rasmi ah loogu yaqaanno Ansaarullaah, โurur argagixiso shisheeyeโ, sida uu sheegay Aqalka Cad. Tallaabadan ayaa horseedi doonta cunaqabatayn dhaqaale oo ka adag tii maamulka Biden uu saaray kooxda xulafada la ah Iiraan, taas oo jawaab u ah weerarada ay uga geystaan maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas iyo kuwa dagaalka Mareykanka ee ilaalinaya marin-biyoodka muhiimka ah. Dadka taageersan tallaabadan ayaa sheegaya inay ahayd mid lagama maarmaan ah, inkastoo khubaro qaarkood ay sheegayaan inay saameyn ku yeelan karto cid kasta oo loo arko inay caawinayso Xuutiyiinta, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah hayโadaha gargaarka. โHawlgallada Xuutiyiintu waxay halis gelinayaan amniga dadka rayidka ah iyo shaqaalaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, badbaadada saaxiibadeena gobolka ee ugu dhow, iyo xasilloonida ganacsiga badda ee caalamiga ah,โ ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Aqalka Cad. Xuutiyiinta, oo gacanta ku haya inta badan Yemen, ayaa fuliyay in ka badan 100 weerar oo ka dhan ah maraakiibta maraya Badda Cas tan iyo bishii November 2023, iyagoo sheegaya inay garab taagan yihiin Falastiiniyiinta dagaalka kula jira Israel. Waxay quusiyeen laba markab, waxay qabsadeen mid kale, waxayna dileen ugu yaraan afar badmaaxe. Weerarada ayaa carqaladeeyay maraakiibta caalamiga ah, taasoo ku qasabtay shirkadaha inay maraan waddo dheer oo qaali ah oo ku wareegsan koonfurta Afrika muddo ka badan hal sano. Kooxdu waxay bartilmaameedsatay koonfurta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kuwaas oo isku xira marin-biyoodka ciriiriga ah ee Bab al-Mandab, oo ah marin muhiim ah oo u dhexeeya Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe. Xilligii maamulka Biden, militariga Mareykanka wuxuu isku dayey inuu ka hortago weerarada Xuutiyiinta si loo ilaaliyo isu socodka ganacsiga, waxayna qaadeen weeraro marmar ah si loo yareeyo awoodda militariga Xuutiyiinta. Laakiin ma aysan bartilmaameedsan hoggaanka kooxda. Bilowgii xilkiisa madaxtinimo ee 2021, Joe Biden wuxuu ka laabtay calaameyntii argagixisada ee Trump si wax looga qabto walaacyada dhanka baniโaadannimada ee ka jira Yemen. Kadib weerarada Badda Cas, Biden ayaa sannadkii hore wuxuu kooxda ku calaameeyey โUrur Argagixiso oo Caalami ahโ. Laakiin maamulkiisa ayaa dib u dhigay inuu u adeegsado magacaabista FTO oo ah mid ka culus. Hayโadda samafalka ee British-ka ah ee Oxfam ayaa sheegtay in tallaabadani ay sii xumeyn doonto dhibaatada dadka rayidka ah ee Yemen, iyadoo carqaladeynaysa soo dejinta muhiimka ah ee cuntada, daawada, iyo shidaalka. โMaamulka Trump wuu ogyahay cawaaqibyadan laakiin wuxuu doortay inuu hore u socdo, si kastaba ha ahaatee, wuxuuna qaadi doonaa masโuuliyadda gaajada iyo cudurrada ka dhalan doona,โ ayuu yiri agaasimaha nabadda iyo amniga ee Oxfam America, Scott Paul. Maamulka Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu la shaqeyn doono saaxiibada gobolka si loo tirtiro awoodaha Xuutiyiinta, loogana xayuubiyo kheyraadka โsidaasna loogu joojiyo weerarada ay ku hayaan shaqaalaha iyo dadka rayidka ah ee Mareykanka, saaxiibada Mareykanka, iyo maraakiibta Badda Cas.โ Calaameyntan ayaa sidoo kale horseedi doonta dib u eegis ballaaran oo lagu sameeyo la-hawlgalayaasha Qaramada Midoobay, ururada aan dawliga ahayn iyo qandaraaslayaasha ka howlgala Yemen, sida uu sheegay Aqalka Cad. โMadaxweynuhu wuxuu farayaa USAID inay xiriirka u jarto hayโadaha lacagaha siiya Xuutiyiinta, ama kuwa ka soo horjeestay dadaallada caalamiga ah ee lagu xakameynayo Xuutiyiinta iyagoo iska indha tiraya argagixisada iyo xadgudubyada Xuutiyiinta,โ ayaa lagu yiri bayaanka Aqalka Cad. Xuutiyiinta ayaa maalmihii u dambeeyay waxay tilmaameen inay yaraynayaan weerarada Badda Cas ka dib heshiis xabad joojin ah oo marxalado badan leh oo dhexmaray Israaโiil iyo Xamaas. Horraantii Arbacadii, kooxdu waxay sii daysay shaqaalihii markabka ganacsiga ee Galaxy Leader in ka badan hal sano ka dib markii ay qabsadeen markabkan sitay calanka Bahamas. Reuters
-
Taliye Fuโaad Xannaano Wararka ka imaanaya buuraha Calmiskaad ayaa sheegaya in saaka halkaasi qarax miino lagula eegtay ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo buurahaasi ka waday hawlgal ka dhan ah kooxaha Argagixisada ah ee Daacish. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday Taliye Fuโaad Xannaano iyo ciidamo uu hoggaaminayay oo tan iyo subaxnimadii hore hawlgal ciidan ka waday buuraha Calmiskaad islamarkaana sii baacsanayay mileeshiyaad ka tirsan Daacish oo laga qabsaday saldhig ciidan. Taliye Fuโaad Xannaano iyo hal askari oo ka tirsan ciidankii la socday ayaa ku dhaawacmay kaddib markii miino la kacday Taliyaha iyo Ciidamadu hoggaaminayay ee hawlgal ka waday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Wararka ayaa intaasi ku daraya in taliyaha iyo ciidanka uu hoggaaminayay socdaal lug ah ku jireen markii uu qaraxa miino la kacay oo aysan wax gaadiid dagaal ah wadan balse dowladdu weli kama hadlin sida wax u dhaceen. PUNTLAND POST The post Taliye Fuโaad Xannaano oo ku dhaawacmay qarax ciidamada Puntland lagula beegsaday Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
-
Garsoore Maraykan ah ayaa si ku meel gaar ah u hor istaagay amarkii Donald Trump ee ahaa in uu beddelo sharciga dhalashada , kaas oo la qorsheeyay inuu dhaqan galo bisha Febraayo. Garsoore John Coughenour ayaa amarkan ku tilmaamay mid si cad uga soo horjeeda dastuurka dalka Mareykanka . Garsooraha ayaa amar ku bixiyay in si ku meel gaar ah loo joojiyo mid ka mid ah amarada fulinta ee Donald Trump kaas oo doonayay in loo diido dhalashada carruurta muhaajiriinta aan sharciga lahayn. โTani waa amar aan gabi ahaan-ba aan dastuuri ahayn ,โ ayaa yiri garsooraha. Waxay ka dhigan tahay in amarka fulintiisa la hakin doono 14 maalmood iyadoo la sugayo dacwado kale ee dhanka sharci ah. Dhanka kale afar gobol oo kala ah- Washington, Arizona, Illinois iyo Oregon โ ayaa weydiistay maxkamadda degmada in ay xannibto amarka inta ay maxkamadda federaalku ay goโaan ka garayso dacwadaha ay ka dhanka amarka Trump ee ay gudbiyeen. Amaradii is-dabajooga ahaa ee uu mdaxwayne Trump soo saaray maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka mid ahaa in sharciga dhalasahada wax laga badalo. Sharciga dhalashada oo ah mid ku qoran dastuurka ayaa dhigaya in caruurta ku dhalata gudaha Mareykanka ay si toos ah u noqdaan Amerikan. Trump ayaa ku amray hayโadaha Mareykanka inay diidaan inay aqoonsadaan dhalashada carruurta ku dhalatay Mareykanka haddii aysan hooyadood iyo aabahood midna ahayn muwaadin Mareykan ah ama sharci ahaan aysan haysandeganaanshaha joogtada ah. Madaxweyne Donold Trump ayaa sheegay inuu racfaan ka qaadan doono goโaanka uu soo saaray gorsoorahaasi. โWaxaa iga daa-dagi laโa fahamka sida xubin ka tirsan golaha garsoorka uu si aan leex leexad lahayn u sheego in amarkan uu yahay mid aan dastuuri ahayn,โ ayuu yiri qareenka waaxda cadaaladda ee Mareykanka ee difaacay amarka Trump. โ Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa shalay xaqiijisay in la joojiyay dhammaan safarradii qaxootiga ee Mareykanka, iyadoo la raacayo amarka fulinta ee madaxweyne Trump. โDhammaan safarradii horey loo qorsheeyay ee qaxootiga ee Mareykanka waa la baajiyay, mana jiri doono ballan cusub oo socdaalka la xiriirtaโ, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Tallaabadan ayaa saamayn ku yeelatay in kumanaan qaxooti ah oo rajaynayay in ay u guuraan Mareykanka ay ku xayirmaan meelo kala duwan oo caalamka ah. Dhanka akle Maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa faray dacwad oogayaasha inay baaritaan ku sameeyaan saraakiisha ka dhaga adayga dadaalka lagu xoojinayo ka hortagga socdaalka muhaajiriinta, ayadoo uu maamulku sii kordhinayo ugaarsiga uu Trump bilaabay isla maalintii uu xafiiska la wareegay. Qoraal ay aragtay wakaaladda Reuters, ayuu ku xigeenka xeerilaaliyaha guud ee ku-meel-gaarka ah, Emil Bove wuxuu u sheegay shaqaalaha waaxda cadaaladda iyo maamullada maxalliga in ay khasab ku tahay in ay iskaashi ka sameeyaan ugaarsiga, ayadoo dacwad oogayaasha federaalkana โay baaritaan ku samayn doonaan wixii arrin ah ee ku lug yeesha si xun u dhaqmid, ayadoo sharciga lala tiigsan doonoโ. Waaxda cadaaladda waxay kaloo loollan kala hortagi doontaa shuruucda cakiraya dadaalladaas, sida uu Bove qoray. Si loo xoojiyo dadaalada ka hortaga muhaajiriinta sharci-darada ku soo galaya Mareykanka ayuu madaxwaynuhu amray in 1,500 oo askari la geeyo xadka koonfureed. Trump ayaa amar ku siinayay waaxaha Amniga Gudaha, Waaxda Caddaaladda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda inay qaadaan dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay dib ugu celiyaan ugana saaraan dhammaan โshisheeyaha sharci darrada ahโ ee ka gudbaya xadka koonfureed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters. Qaran News
-
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa darajada Laba Xidigle u dalacsiiyay Xusseen Maxamed Xassan oo ahaa sargaalkii dhowaan uu u gacan qaaday mid kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka . Sargaalkan ayaa 27-kii bishii November ee sanadkii tagey asagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee uu ka hayay xarunta Golaha Shacabka waxaa u gacan qaaday Xildhibaan lagu magacaabo Xasan faranbi, oo kamida ahaa mudaneyaal diidanaa ajandihii maalintaa goluhu ka doodayay. Laba Xidigle Xusseen Maxamed Xassan ayaa dalacsiintan ku mutaystay siduu isku xakameeyey xilligii Xildhibaanku u gacan qaaday, asagoo keliya xoogga saarayay gudashada waajibaadkii askarnimo ee saarnaa. Source: goobjoog.com
-
War kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland ayaa lagu sheegay in 24-saac ee u danbeeyay Ciidamadu soo rideen ilaa lix drone oo ay kooxda Daacish isku dayday in ay adeegsato. โ24-kii saac ee u danbeeyay Ciidanku waxay soo rideen ugu yaraan 6-drone oo Argagixisada Daacish isku dayday in ay isticmaalaanโ ayaa lagu yiri War kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland. Ciidamada difaaca Puntland ayaa tan iyo bilowgii Hawlgalka Calmiskaad waxay soo rideen in ka badan 50 drones-ka yar yar ah oo mileeshiyaadka Daacish qaraxyo ku soo xireen si ay waxyeello ugu geystaan ciidamada ama isaga hakiyaan Hawlgalka socda. PUNTLAND POST The post Ciidamada difaaca Puntland oo soo riday ilaa lix dronesa oo Daacish isku dayday in ay adeegsato appeared first on Puntland Post.
-
Puma Energy, a global downstream energy business, hold talks about investment opportunities in Ethiopiaโs energy and aviation sectors. The discussions on Thursday centered on advancing infrastructure development to meet the demands of Ethiopiaโs rapidly growing aviation and energy industries. Both sides emphasized the importance of strategic partnerships in unlocking the potential of these key sectors to drive economic growth and regional competitiveness. EIH CEO Brook Taye said, โTo support the aviation sectorโs immense growth potential, we seek forward-thinking partners to help establish world-class infrastructure that meets rising demand and positions Ethiopia as a global hub for aviation, transport, and tourism.โ Per the International Air Transport Association (IATA) estimates, Ethiopiaโs aviation industry will also triple in size by 2040, with an average annual growth rate of 6% in passenger traffic. The projection is also promising for the tourism industry which, according to the Economic Commission for Africa, is poised to contribute over USD 5 billion annually to the nationโs GDP by 2030. To support this growth, Ethiopia recently announced plans to construct a new international airport with the capacity to accommodate 110 million passengers annually. Ben Ouattara, Chief Operating Officer and Interim Head of Africa at Puma Energy, highlighted Puma Energyโs long-standing partnership with Ethiopian Airlines. And, Ouattara said, โWe are eager to explore further opportunities to invest in aviation infrastructure in Ethiopia.โ The company is also keen on building on some of Puma Energyโs existing investments. โExpanding jet fuel storage capacity and leveraging our parent company Trafiguraโs investments to improve security of supply and access through port infrastructure in neighboring Somaliland, for example, is critical to supporting the sectorโs expansion,โ said Ouattara. Since 2020, Trafigura has invested in upgrading the Berbera Oil Terminal facilities with the goal to integrate oil logistics across the Horn of Africa by improving and storage expanding capacity, facilitating the import of jet and other fuel products to meet local and regional demand whilst ensuring international health and safety standards. โBeyond aviation,โ Ouattara said, โPuma Energy sees significant opportunities across Ethiopiaโs energy market. โAs part of our commitment to Africaโs second-most populous country, which is undergoing unprecedented economic reforms, we remain focused on investing in energy infrastructure that can power sustainable growth and development,โ he added. This collaboration, according to EIH, โunderscores Ethiopiaโs commitment to leveraging strategic partnerships to unlock its full economic potential, creating opportunities for global investors to participate in the countryโs transformation. Established as Ethiopian sovereign wealth fund in 2022, EIH also serves as the governmentโs strategic investment arm, seeking to attract foreign investment through a co-investment platform, among others. Ethiopian monitor Qaran News
-
Waxa isi soo taraaya wararka sheegaaya in ciidamo gadoodsan oo ka soo hor jeeda maamulka hogaamiye Firdhiye ay ka dilaaceen deegaanka Laascaanood. Garabkani ciidanka ah ee ka soo hor jeeda maamulka Firdhiye ilaa hada ma cada ujeedka dhabta ah ee uu salka ku hayo khilaafkoodu oo in mudo ahba soo jiitamaayay. Magaaladda Laascaanood ayaan inta badan amnigeedu aanu aad i sugnayn iyada oo xiliyada habaynkii ah uu mararka qaarkood uu si buuxda amnigu uu faracaha uga baxo, waxana jira in todobaadkani ay dhowr qof ay naftooda ku waayeen is rasaasayn xagaasi ka dhacday. Qaran News
-
Egyptโs President Abdel Fattah El Sisi said on Thursday Egypt will always remain a supporter of Somalia, asserting that they will work together to achieve further accomplishments and stressing that Somaliaโs security and stability are an integral part of Egyptโs national security. Source: Hiiraan Online
-
The reported disappearance of more than 80 government critics over the last six months has caused a huge public backlash in Kenya. Source: Hiiraan Online
-
Ayadoo dhowaan xeebta magaalada Boosaaso lagu arkay tobanaan kamid ah noolaha oo loo yaqaanno Homboborada, kuwaas oo badda ka soo caaryay ayay dowlad goboleedka Puntland sheegtay inay arrintaas baarayso. War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland ayaa lagu yiri โWasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland waxay hawlgalisay khuburada culuumta iyo noolaha badda oo ay kamid yihiin saynisyahanadda Jaamacadda Bariga Afrika iyo Jaamacadda Citycote ee Boosaaso. Sidoo kale, waxaa hawshaan ka qayb qaadan doona Wasaaradda Deegaanka iyo Isebedelka Cimilada Dowladda Puntlandโ. Wasaaradda ayaa dhinaca kale dadweynaha uga digtay inay cunaan noolahan badda ka soo caaryay ee aan la garanayn sababta tirada sidaas u badani isku marka u dhinteen, ka dibna biyuhu xeebta ugu soo tuureen. Si kastaba ha ahaatee xog rasmi ah laga hayo sababta keentay in tirada badan ee noolahani ay sidaas u dhammaadaan, balse waxaa jira shaki laga muujinayo in sun badda lagu shubay ay dhacdadan horseeday. Source: goobjoog.com
-
Wasiir ki xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda Ruushka, ahna Wakiilka Gaarka ah ee Madaxweynaha Federaalka Ruushka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Afrika Mikhail Bogdanov ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiira cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ruushka Mudane Maxamed Abuukar Subayr. Danjire Maxamed Abuukar Safiirka Soomaaliya ee Ruushka oo uga mahadceliyay Wasiirka ku xigeenka soo dhowaynta ayaa sidoo kale sheegay inuu rajaynayo in labada dhinac ay ka sii wada shaqeeyaan horumarinta iyo xoojinta xiriirka labada Wadan. Ruushka ayaa kamid ah dalalka dunida ugu awoodda badan, xariirkiisuna Soomaaliya muhiimad weyn ayuu u leeyahay markii la eego dhinacyada difaaaca iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) โ Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Asad Diyaano) ayaa u xiray darajada Labo-Xidigle Xuseen Maxamed Xasan oo ahaa Askari kulankii ugu dambeeyey ee Baarlamaanka lagu dhex-feeray. Askariga maanta la dalacsiiyey ayaa waxaa si ku talagal ah u feeray Xildhibaan Xasan Firinbi oo ka tirsan Golaha Shacabka. Falkaas ayaa ka dhacay gudaha hoolka Villa Hargeysa, xili lagu gudaha jiray kulankii ugu dambeeyey ee labada aqal ee baarlamaanka 27-kii November ee sanadkii tagey. Taliska Booliska ayaa sheegay in askarigaan dallacsiinta uu ku mutaystay akhlaaqdii uu muujiyey, markii uu xildhibaanku u gacan qaaday. Warbaahinta ayaa toos looga daawanayey xildhibaanka oo askariga feeraya iyo askariga oo is xakameynaya gacmahana gadaal marsaday. Sidoo kale qoraalka booliska waxaa lagu cadeeyey in askarigaan ay madaxda qaranka cajab gelisay sidii uu waajibaadkii askarnimo ee saarnaana u gutay, isagoo weliba dhaawac ah. Sanka ayuu dhaawac culus ka soo gaaray askariga, waxaana la dhigay isbitaalka Madiina, halkaas oo Taliyaha Booliska iyo madax kale ay ku booqdeen. Xildhibaan Xasan Firinbi ayaa falkii uu u geystay askarigaan kala kulmay dhaleeceyn aan caadi aheyn, wuxuuna ugu dambeyntii bixiyey raali gelin. Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Xildhibaan Xasan Firinbi ka ganaaxay kulamada baarlamaanka, muddo labo bilood ah, taasi oo ah ganaax uu ku muteystay gacan qaadkii uu ku sameeyey askariga.