-
Content Count
212,523 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka ayaa maalintii afraad wuxuu ku guda jiraa doorashada afhayeenka golaha, iyada oo xildhibaanada kala qaybsan ee xisbiga Jamhuuriga oo haysta aqlabiyadda goluhu ay ku guul daraysteen inay isku raacaan hal musharax oo noqda afhayeenka golaha.
Kevin McCarthy oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa 13 jeer oo la codeeyey wuxuu gaadhi waayey codad ku filan oo uu ku noqdo afhayeenka golaha.
Illaa 20 musharax oo ka mida xisbiga Jamhuuriga ayaa ka soo horjeestay musharax xisbiga Jamhuurigu wato ee Kevin McCarthy, hase ahaatee, mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegaya inuu jiro isfaham iyo isu soo dhowaansho.
Xildhibaanada golaha Congresska ayaa ka kooban 435 mudane, waxaana musharaxa noqonaya afhayeenka golaha looga baahan yahay inuu helo 218 cod.
PUNTLAND POST
The post Congress-ka Maraykanka oo weli isku dayaya in uu doorto Af-hayeenka Golaha appeared first on Puntland Post.
-
At least 16 people were killed when a passenger bus rammed into a stationary lorry on Friday morning on Uganda’s highway that links the capital, Kampala, to the northern town of Gulu.
-
(ERGO) – Fishermen in the northern Somali town of Bosaso are complaining that the lack of cold storage facilities is threatening their livelihood and preventing them from earning a decent living.
-
The European Union has decided to extend its Naval Force Operation Atalanta off the coast of Africa for two years despite the removal of the designation of a piracy high risk area for Somalia and the region of the Indian Ocean. The EU military maritime operation will now run until December 31, 2024.
-
The lack of roles for Somali and Muslim women led writer and actor Sabrina Ali to create her own. Her latest play Dugsi Dayz, set in an Islamic study group, has struck a chord with audiences
-
-
Somali President Hassan Sheikh Mahmoud stressed that the bilateral and multilateral cooperation with Ethiopia will continue, saying Ethiopia is a "strong strategic partner" in the Horn of Africa.
-
-
Ethiopian athlete Tirunesh Dibaba, a three-time Olympic and five-time world champion in long-distance running, is set to return to running after the birth of her third child.
-
MOGADISHU, Jan 7 (Reuters) - Islamist militants from al Shabaab killed at least six people on Friday while raiding a village in central Somalia that they were pushed out of last week, a government-allied militia said.
-
-
-
Buuraha Magaalada Barakaysan ee Makka Al-Mukarama oo Markii Roobab badani ku da’een Cagaar “Green isubedelay” -
Faallo (PP) — Maxaa la gudboon in maamulka Somaliland uu sameeyo si uu u xalliyo colaadda Laascaanood? 15 sano oo maamulku joogay Laascaanood ma horseedin talo ka baxsan caaradda qoriga maleeshiyo beeleedyada kala duwan ku sugan Laascaanood. Maamulka Somaliland wuxuu Laascanood ku soo galay taageerada koox maleeshiyo ah oo markii dambe koox kale ay ka awood-badisay. Siyaasadda nabad-ku-cabsiinta (peaceocracy) oo biyo-dhaceedu yahay in gobolllada qaar lagu sunto dhul argagixiso inuu yahay ayaa si ba’an u sii saamaysay Sool. Ku tiirsanaanta hal maleeshiyo beeleed iyaduna waxay sababtay in askarta Somalilnad Laascaanood lagaga saaro muddo kooban.
Maamulka Somaliland waa aalad siyaasadeed oo ay maleeshiyada iyo siyaasiyiinta qaarkood ku adeegtaan Laascaanood dhexdeeda. Taasi macnaheedu waa: maamulka Somaliland kagama shaqeeyo Laascaanood doonista dadka; wuxuu ku tiirsan yahay hoggaanxumada dadka Laascaanood ku habsatay oo markii dambe ay kacdoon kaga soo horjeesteen. Dad isku danaysanayay siyaasad iyo dhaqaale ahaan ayaa magaca Somaliland kuwada joogay Laascaanood; ma jirin talo siyaasadeed oo isla xisaabtan iyo hufnaan ku dhisan.
Waa in maamulka Somaliland aqbalo in dhabbaha uu qaaday siyaasad ahaan uu sababay xaaladda maanta taagan oo keeni karta dagaal dhiig badani ku daato haddii siyaasi sheeganaya Sool uu taageero in ciidammada Somaliland ay xoog ugu soo noqdaan Laascaanood.
Siyaasiyiinta jujuubka aamminsan ee Sool qaarkood kuna tiirsan Somaliland waxay hadda wadaan inay ku doodaan in Sool tahay dhul Al-shabaab ay deggan tahay. Waa dood ay la tahay inay Somaliland kaga helayso Maraykanka Iskaashi Amni (security partnership). Waa in dadku la hadlo siyaasiyiinta beesha Sool ee doonaya badbaadinta jiritaanka maleeshiyo beeleedyada, iyo in Laascaanood laga dhigo dhul argagixiso ka hawlgasho, waana dhibaato ka sii daran “dhul lagu murunsan yahay” oo hadda Sool ku suntan.
Maamulka Somaliland xaq uma laha inuu dadka Laascanood ka fisho inay aqbalaan doodda ah in qof Garoowe ama Boosaaso ka yimid, tusaale ahaan, uu ajnabi ku yahay Laascaanood. Soomaaliya weli waa dal siyaasad iyo dhul ahaan mideysan. Midnamadu macnaheeddu ma aha in dadka goosashada doonaya lagu qasbo midnimo; goosasho doonistu, sidoo kale, macnaheedu ma aha in qof Soomaaliyeed loo diido xaqa uu ugu noolaan karo meel kasta oo dalkiisa ka mid ah kuna dhaadan karo haybta siyaasadeed ee uu calanka Soomaaliya summadda u yahay.
Dowladda Federaalka dhankeeda way qaddarisaa isku qasbid la’aanta midnimada, in si gaar ah wax loo siiyo Somaliland iyo in la dhowro jiritaanka hay’adaha siyaasadda Somaliland. Marka dadka Laascaanood ay leeyihiin “midnimada Soomaaliya ayaannu taageersannahay” waxay muujinayaan waajibka ka saaran dhowrista qarannimada Soomaaliya oo ka billaabata dhowrista xaqa nolosha iyo hantida ee muwaadinka.
Doodda in Somaliland ay dal gaar ah noqoto waxaa loo mari karaa dhowrista qarannimada Soomaaliya — in qofna aan loo diidin xaqa siyaasadda oo ka billaabanaysa in ay helaan hoggaamiyeyaal ay la xisaabtami karaan. Haddii maamulka Somaliland uu dhinaciisa dhowro mabda’an asaasiga ah, Waqooyigu wuxuu ka badbaadayaa colaad hoggaamin xumo ay abuurtay.
© Puntland Post, 2022.
The post Waa in Maamulka Somaliland La Baxo Ciidammada Ka Jooga Sool appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale baaq ka soo saaray xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isagoo hal arrin kula dardaarmay Somaliland iyo dadka reer Laascaanood.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland iyo shacabka Laascaanood aysan macquul aheyn in 32 sano kadib ay is dilaan, isagoo ugu baaqay inay ka joogaan taas.
“Waxaan baaq u dirayaa dadka reer Laascaanood iyo dowladda Somaliland, wax xilli la is dilo lama joogo. Sidii aan uga tacsiyeynayey wixii Baydhaba ka dhacay maalmo ka hor oo Sh/Dhexe qabaa’ilkii isku dilay aan uga tacsiyeynay, ayaan uga tacsiyeyneynaa, ugana xunahay wax aka socda Laascaanood,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Xasan Sheekh ayaa maamulka Somaliland kula taliyey in dadka inta xabadda laga daayo loo soo diro dad la hadla, “Dad la hadla oo ay hadalkooda dhageysanayaan haloo soo diro reer Laascaanood, waxay ku bukootay yaan lagu daaweyn,” ayuu ku taliyey Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale hadallada aan wanaagsaneyn ee siyaasiyiinta ka soo yeeraya ayuu ka digay Xasan Sheekh, kuwaas oo sida uu sheegay bulshada ku keenaya inay isku dhacdo, “Dadkaas Soomaaliyeed ee is dilaya waa na dhibeysaa, reer Laascaanood waxaan leeyahay mowqifkiina la soo istaaga, laakiin hadalada wax haleynaya hala joojiyo, waxaba idiin soo kordhi maayaane,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Madaxweyne Xasan ayaa Somaliland ugu baaqay in sidii hore si ka duwan inay ula dhaqanto reer Laascaanood ay ku dadaasho, si loo demiyo xiisadaan, “dadku haday kacaan si loola dhaqmaa jirtee, xabad wax ma wanaajiso.”
Ka dowlad ahaan wuxuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in ay dhibsanayaan inay arkaan dadkii reer Laascaanood oo calanka dowladda Soomaaliya ee biluuga ah babinaya, kadibna ay xabad la dhacayaan ciidamada Somaliland.
“Dhiig meeshii ku daato dhibaato dheer ayaa ka dhacda, dul qaad badan kadib ayaana dowladnimo la gaaraa, marka reer Laascaanood waxaan idin leeyahay walaalayaal tartiib iyo dhib la’aan ku raadsada waxa idinka maqan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Hoos ka daawo
The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo mar kale farriin ka soo saaray xiisadda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Rays ee madaxtooyada Soomaaliya ku agyaalla, isagoo sheegay in isla xisaabtan uu ka dhashay wixii dhacay.
Ra’iisul wasaraha oo wareysigaan siiyey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in la xiray oo baaritaan uu ku socdo dhamaan askartii joogtay baraha control ee Madaxtooyada laga galo, habeenkii uu dhacay weerarkaas.
“Waxaan dooneynaa in baaritaankaas dhabta laga gaaro, laakiin waxaan kuu xaqiijinayaa in dhamaan dadkii laga shakiyey la xiray oo baaritaankoodu uu socdo,” ayuu yiri Xamse.
R/Wasaare Xamse ma cadeyn tirada dadka loo heysto wixii dhacay iyo goorta lasoo gabagabeynayo baaritaanka ku socda, sidoo kale ma jirto cid ilaa hadda maxkamad loo soo taagay weerarkaas.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay guulaha ay xukuumadiisu ka gaartay xoreynta dalka, mudadii uu joogay xafiiska, isagoo sheegay in weerarkii Al-Shabaab looga qaaday 3-da jiho ay guulo waaweyn ka gaartay dowladdu.
Wuxuu sheegay in xagga fikirka ay uga guuleysteen kooxda oo culumadii oo dhan ay fatwo ka soo saartay, “Al-Shabaab lama dhaho hadda, Khawaarij ayaa la dhahaa, culumadeena ayaana ku dhawaaqday,” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha dhaqaalaha Al-Shabaab, isagoo sheegay inay gaajo u dhimanayaan kadib markii ay dowladdu saartay cunaqabateyn xoog leh, isla markaana la xiray dhamaan akoonadii ay lacagaha ku shuba jireen.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahad celiyey ganacsato uusan carabaabin, kuwaas oo sida uu sheegay ku garab siiyey in la xiro akoonadaas.
Dhanka dagaalka tooska ah, wuxuu sheegay in ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka ay HirShabeelle ka xoreeyeen Al-Shabaab, isla markaana ay ciidanku hadda u talaabeen Galgaduud, isagoo sheegay in rajo badan uu ka qabo in kooxda deg deg looga xoreeyo Galgaduud.
Hoos ka daawo wareysiga
The post Daawo: R/W Xamza oo xog ka bixiyey dad ka tirsan DF oo loo haysto weerarkii Hotel Rays appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey masjidka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ugu horeyn farriin u diray dhalinyarada weli ka barbar dagaalanta kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay sii dabar go’ayaan, “Dhalinyaro meesha aad aadeen waa halaage ka soo laabta, ku soo noqda dalkiina, dowladiina iyo diintiina,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in qof kasta oo Shabaab ka tirsan uu maalin kasta galo cuqubo aan ka hari doonin adduun iyo aaqiro, “Kuwa madaxoodu adkaaday ka soo hara dhalinyaro,” ayuu yiri.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa fariin u diray dadka reer miyiga ah ee la dagaalamaya Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay in aysan aamin qof ka soo goostay Al-Shabaab, isla markaana ay dowladda u daayaan hubinta iyo dhaqan celinta qofkaas.
“Marar badan ayaan ka digay arrinta qabiilka, walaalayaal Shabaab nagu qabiil maaha, warar badan ayaa isoo gaaray oo deegaanada qaarkood, dadkii Shabaab-ka ka tirsanaa inay dadkooda iska dhex galeen, waxaasi macquul maaha, waana khatar,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sid gaar ah madaxweynaha ayaa ka hadlay odayaashii sheegay inay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen dhanka nabadoonimada iyo kuwii lacagaha u uruuri jiray, isagoo sheegay in meeshaas aysan nabadoonimo ka jirin ee raggaasi ay raali ka ahaayeen in la laayo dadkeenna.
“Dadkii lagu qanciyey in dadkaan Soomaaliyeed la laayo, ayaa maanta qabiilkiisu wuxuu ku leeyahay ninkaan anagaa shalay Shabaab u dirnay, war Shabaab dadka Soomaaliyeed ayuu leenaayey ee maxaad u dirtay inuu dadka wax ka laayo?” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku sii daray.
Madaxweynaha ayaa qabaa’ilka ku doodaya inay odayaal u dirsadeen Al-Shabaab, si wixii uga xirma ay uga nabadooniyaan ayaa weydiiyey su’aal ah, war ninkaan dadka dilaayey, qof wakiilka ah ee aad u dirsatay muxuu ka shaqeynayey?.
“Nin kasta oo camalka Shabaab ee dalkaan ka jira ka mid ah, waa Shabaab, qofkii ka soo baxa waa fiican yahay, laakiin aan isla ogaano, mar kasta Al-Shabaab ayuu la hadli karaa qofkaas adigoo qabiil ku cafinaya ayuu ku jaajuusayaa, cudur daar malaha qof Shabaab u adeegay ee yaan lasoo dhaweysan,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku sii daray.
Hoos ka daawo
The post Daawo: Xasan Sheekh oo go’aan cusub ka soo saaray qofkii ka soo hara Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
-
-
-
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada militariga iyo booliska Somaliland ee dhawaan ka baxay magaalada Laascanood ayaa duleedka magaaladaas ka billaabay abaabul dagaal ay doonayaan inay dib ugula wareegaan magaalada.
Ciidamada Somaliland ayaa habeenkii Arbacada ka baxay magaalada, waxaana sarkaal u hadlay uu sheegay inay sababta tahay inay u turaan shacaba, si aanay magaaladu uga dhicin dhimasho kale.
Si kastaba, Somaliland ayaa hadda ciidan cusub keentay duleedka magaalada oo ku kordhay kuwii hore, waxayna doonayaan inay xoog ku galaan magaalada Laascaanood oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamo degaanka ah oo hubeysan, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in si weyn magaalada looga dareemay abaabulka ay Somaliland waddo, islamarkaana ay u diyaarsan yihiin inay iska difaacaan.
Waxay sidoo kale sheegeen in hadda ay billowdeen in dib loo furo badi goobaha ganacsiga magaalada ee ku xirmay dibadbaxyadii rabashadaha watay ee horay uga dhacay magaalada, balse xaaladdan cusub ay cabsi abuurtay.
Qaar k amid ah odayaasha dhaqanka magaalada Laascaanood ayaa bulshada ugu baaqay inay taxadar muujiyaan, ayna joojiyaan bannaanbaxyada si xaaladda magaalada ay caadi ugu soo noqoto, waxaana weli xiran waddooyinka qaar ee magaalada, halkaas oo dhagxaan lagu jaray.
Xaaladda Laascaanood ayaa kacsan muddo laba toddobaad ku dhow, kadib markii dil loo gaystay siyaasi dhallinyaro ah uu horseeday inay shacabka kacaan, kadibna ciidanka Somaliland ay awood u sheegtaan.
Illaa 20 qof ayaa ku dhintay magaalada tan iyo markii ay dibadbaxyada billowdeen ayada oo tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Waxaa weli soo kordhaya baaqyada loo jeedinayo xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi oo ah inay hab xikmadeysan u xaliso xiisadda Laascaanood.
The post Xog: Somaliland oo ciidamo soo dhoobtay duleedka magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Wefti Balaadhan oo ay hogaaminayaan Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro,Guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan,Guddoomiye Ku Xigeen Maxamed Xaaji Yuusuf Wabeeyo iyo Madax Sarsare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI ayaa Lagu soo dhaweeyey Deegmada Qorilugud.Weftiga oo La hadlay Dadweynaha ku sugan Deegmada Qoriligud ayaa ku wacyi geliyey inay qaataan kaadhka Cod bixinta isna Diwaan geliyaan. -
Mogadishu (HOL) - The former governor of Wadajir district, Ahmed Hassan Addow (Ahmed Da'i), said that Al-Shabaab attacked the village of Hilowle Gaab in the Middle Shabelle region from three directions on Friday before being beaten back by the SNA and allied clan militia.
Mareykanka oo shaaciyay tirada duqeymaha uu 2022 ka fuliyay Soomaaliya + Khasaaraha
in News - Wararka
Posted
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay warbixin sanadle ah oo ku aadan duqeymaha ay Soomaaliya ka fulisay sanadkii hore ee 2022-kii iyo khasaaraha ka dhashay weeraradaas dhanka cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Shabaab.
Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in 2022-kii ay gudaha Soomaaliya ka geysteen illaa 15 duqeymood oo dhammaan lagu weeraray Al-Shabaab.
AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in weeraradaasi lagu taageerayay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee haatan howlgallada culus ka wada gobollada dalka.
Sida warbixintan lagu sheegay waxaa duqeymahaasi lagu laayey illaa 100 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, xilli ay abaabulayeen inay qaadaan weeraro halis ah.
Sidoo kale wuxuu Mareykanka meesha ka saaray in duqeymahaas ay wax khasaare ah kasoo gaareen dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada la duqeeyay.
Tirada duqeymaha uu Mareykanka fuliyay sanadkii dhammaaday ayaa ka badan tii sanadkii hore ee 2021-kii, markaas oo uu dalka ka fuliyay 11 duqeymood oo dhanka hawada ah.
Wuxuu sidoo kale sanadkii kasii horreeyay ee 2020-kii uu fuliyay 45 weerar, halka 2019 uu Soomaaliya ka geystay geysteen 59 duqeyn, sida ku cad warbixinta kasoo baxday Taliska.
Mareykanka ayaa kamid ah dalalka waa weyn ee sida tooska uga qayb-qaataa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale tababar siiyaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed , gaar ahaa kuwa sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab.
Weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa saaxibadeeda caalamiga ah ay kordhisay dagaalka Shabaab looga saarayo dalka oo dhan.
The post Mareykanka oo shaaciyay tirada duqeymaha uu 2022 ka fuliyay Soomaaliya + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.