-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) — Somali National Army (SNA) troops and local militia forces successfully repelled an early morning attack by Al-Shabaab militants on the town of Masagawaa in the Galgaduud region, the Federal Ministry of Defense confirmed Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Mekelle (Caasimada Online) – In ka badan labo sano kaddib markii heshiis nabadeed uu soo afjaray dagaalkii ba’anaa ee ka socday gobolka Tigray ee Itoobiya, ayaa loolan awoodeed oo ka dhex aloosan xisbigii hore u awoodda badnaa ee TPLF waxa uu dhaliyay eedeymo “khiyaamo qaran” ah iyo inqilaab militari. Suurtagal ma tahay in xiisadahan soo kordhay ay horseedaan rabshado cusub xilli goor dhow uun laga soo kabtay mid ka mid ah colaadihii ugu dhimashada badnaa qarnigan, kuwaas oo ay ku naf waayeen dad lagu qiyaasay 600,000 oo ruux? – Waa maxay TPLF? – Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa maamulaysay guud ahaan Itoobiya ku dhawaad soddon sano, illaa uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, oo aan ahayn Tigray, xukunka la wareegay 2018-kii. La wareegiddii xukunka ee Abiy ayaa dhalisay bilooyin ay xiisad ka dhex taagnayd isaga iyo hoggaanka TPLF, taas oo ugu dambayn ku kalliftay Abiy inuu ciidamo u diro Tigray bishii November 2020, isagoo ku eedeeyay ciidamadooda inay weerareen xeryo ay lahaayeen ciidamada federaalka. Tani waxay hurisay dagaal labo sano socday oo u dhexeeyay fallaagada Tigrayga iyo ciidamada dowladda oo ay taageerayeen maleeshiyaad iyo ciidamada Eritrea, kaas oo ugu dambayntii lagu soo afjaray heshiis nabadeed bishii November 2022, oo loo yaqaan Heshiiskii Pretoria. Maamul ku-meel-gaar ah oo cusub ayaa laga unkay Tigray, waxaana hoggaamiye looga dhigay ruug-caddaa TPLF ka tirsan, Getachew Reda, iyadoo ay kormeeraysay dowladda federaalka. Hase ahaatee, bilooyinkii u dambeeyay waxaa soo ifbaxay khilaaf u dhexeeya Getachew iyo hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael. – Maxay isku hayaan? – Getachew ayaa wajahaya dhaleecayn la xiriirta dib-u-dhac ku yimid dhaqan-gelinta heshiiskii nabadda — gaar ahaan ka saarista ciidamada Eritrea ee dhulka Tigrayga iyo dib-u-celinta hal milyan oo qof oo dagaalka ku barakacay. Ciidanka Difaaca Tigray (TDF) ayaa markii hore dhexdhexaad ka ahaa is-qabqabsiga u dhexeeya Getachew iyo Debretsion. Balse warqad la shaaciyay Talaadadii, ayaa “hoggaanka sare ee ciidamada hubaysan ee Tigray” waxa ay ku eedeeyeen maamulka ku-meel-gaarka ah “in uu meel iska dhigay danta qaran ee shacabka Tigrayga, isla markaana uu ku kacay falal khiyaamo qaran ah”. Khabiir ajnabi ah, oo diiday in magaciisa la xuso, ayaa ku qiyaasay in ku dhawaad 200 oo taliye ay taageersan yihiin warqadda. Warqadda, waxay ku taageereen go’aan ay soo saartay TPLF sannadkii hore, kaas oo loogu baaqayay in Getachew laga xayuubiyo xilka hoggaamiyaha gobolka — mooshin ay xannibtay dowladda federaalka ee Abiy. Getachew ayaa sheegay in warqadda cusub loogu talagalay “in si cad loogu dhawaaqo afgambi, isla markaana lagu wiiqo Heshiiskii Pretoria”. Kjetil Tronvoll, oo ah cilmi-baare khilaafaadka ka faallooda, kana tirsan Kulliyadda Jaamacadda Bjorknes ee Norway, ayaa sheegay in “khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira TPLF” iyo “wax-qabad la’aanta dowladda federaalka ee ku aaddan fulinta Heshiiskii Pretoria” ay sii xoojinayaan xiisadaha. Waxa uu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in saddexda arrimood ee ugu waaweyn ay yihiin “laba-wajiilenimo awoodeed, kala aragti duwanaansho dhanka mabda’a ah, iyo gacan ku haynta kheyraadka,” gaar ahaan dahabka. – Xaaladdu intee bay ka sii dari kartaa? – Ilo-wareed dhanka ammaanka ah, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa u sheegay AFP in “kooxda taageersan Debretsion ay dhaqdhaqaaqyo samaynayso, balse khatarta amni ay xaddidan tahay — ma filayo in rabshado baahsan ay qarxaan, dadku aad bay uga daaleen dagaal.” Tronvoll ayaase rajo xumo ka muujiyay, isagoo ka digay in khilaafku uu “isu rogi karo rabshado”. “TDF ayaa horay u kala qabatay labada dhinac, waxa ayna uga digtay inay sii hurinayaan colaadda, balse hadda waxa ay u muuqataa in khilaafkii siyaasadeed uu dhex galay TDF,” ayuu yiri. Khabiirkii ajnabiga ahaa ee aan la magacaabin ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay “mid aad looga naxo”. “Dhinaca Getachew waxa uu u arkaa mowqifka militariga mid ah iclaamin dagaal — dadkuna waxay bilaabeen inay lacag kala baxaan bankiyada, ayna kaydsadaan raashin,” ayay tiri, iyadoo intaa ku dartay in mowqifka Ra’iisul Wasaare Abiy uu u badan yahay inuu noqon doono mid go’aan qaadasho leh. Jonah Wedekind, oo ah cilmi-baare ka tirsan machadka Arnold Bergstraesser ee Jarmalka, ayaa sheegay in xaaladdu ay labada dhinacba ka dhigi karto kuwo tabar-daran. “Ma cadda in TPLF ay weli awood ku leedahay inta badan shacabka, iyo in maamulka ku meel gaarka ah loo arko mid si sharci ah u matala dadka Tigray marka la eego dowladda federaalka,” ayuu yiri. “Muuqaalka siyaasadeed ee Tigray hadda waxa uu u muuqdaa mid kala daadsan si aan horay loo arag.”
-
Photo by: Timon Schneider / Alamy The newly installed director of the State Department’s Office of Foreign Assistance sent a global cable Friday that orders an immediate pause on new foreign aid spending, as well as a stop-work order for existing grants and contracts. United States aid officials and experts who reviewed the document told Devex that the new guidance intensifies U.S. President Donald Trump’s recent executive order, which placed a 90-day pause on aid spending and could sow “chaos” throughout U.S. aid programs. “Effective immediately, Assistant Secretaries and Senior Bureau Officials shall ensure that, to the maximum extent permitted by law, no new obligations shall be made for foreign assistance until such time as the Secretary shall determine, following a review,” reads the memo, which was sent by recent Trump appointee Peter Marocco and seen by Devex. “For existing foreign assistance awards, contracting officers and grant officers shall immediately issue stop-work orders, consistent with the terms of the relevant award, until such time as the Secretary shall determine, following a review. Decisions whether to continue, modify, or terminate programs will be made following this review.” The memo, sent to all diplomatic and consular posts — and known as an ALDAC — adds that no new requests for proposal, requests for application, notices of funding opportunities, or “any other kind of solicitation or request for foreign assistance funding” should be published by the State Department or USAID “until each has been reviewed and approved by F as consistent with the President’s policy.” “No new funds shall be obligated for new awards or extensions of existing awards until each proposed new award or extension has been reviewed and approved by F as consistent with the President Trump’s agenda,” the memo reads. F refers to the Office of Foreign Assistance, which coordinates U.S. foreign aid and provides strategic direction of USAID from the State Department. The U.S. aid community has been waiting anxiously for additional guidance about Trump’s executive order on “Reevaluating and Realigning United States Foreign Aid,” which was issued Monday, the first day of his second term as president. The guidance issued on Friday struck some experts as a more disruptive and extreme version of what was expected. “It causes chaos in the system. Globally,” a former senior USAID official told Devex. “It effectively halts almost all foreign assistance. And sends USAID into a tailspin along with its partners,” they added. A current senior USAID official told Devex that the guidance clearly puts the secretary of state “in the driver’s seat” in carrying out the review. The memo — which was approved by Secretary of State Marco Rubio — directs that within 30 days the director of the policy planning staff at the State Department shall “develop appropriate review standards” to “ensure that all foreign assistance is aligned with President Trump’s foreign policy agenda and that data regarding all foreign assistance spending in the future is aggregated and inputted into a comprehensive internal Department repository.” “Across the United States government, it is currently impossible to access sufficient information in one place to determine whether the foreign assistance policies and interests supported by appropriations are not duplicated, are effective, and are consistent with President Trump’s foreign policy,” it states. Within 85 days of Friday’s memo, “the government-wide comprehensive review of all foreign assistance shall be completed, and a report shall be produced to the Secretary of State for his consideration and recommendation to the President,” it reads. Friday’s memo notes that the secretary of state has approved several waivers to the foreign aid pause. These relate to “foreign military financing for Israel and Egypt and administrative expenses, including salaries, necessary to administer foreign military financing;” “emergency food assistance and administrative expenses, including salaries, necessary to administer such assistance;” “on a temporary basis, salaries and related administrative expenses, including travel, for U.S. direct hire employees, personal services contractors, and locally employed staff;” “legitimate expenses incurred prior to the date of this ALDAC under existing awards or legitimate expenses associated with stop-work orders;” and “exceptions to the pause approved by the Director of Foreign Assistance.” Notably absent from the waivers approved so far are critical global health programs such as PEPFAR, the U.S. flagship global HIV program. “This is a halt to work that is saving lives around the world,” said Asia Russell, executive director of Health GAP, an advocacy group that works to ensure HIV patients have access to medicines. “It’s cruel, it’s anti-science, it’s anti-human rights, and it’s completely unnecessary,” she said. Not everyone was surprised by the stop-work order. “They’ve been communicating this for quite a while,” said Olga Wall, a government procurement expert and CEO of Avallon Consulting. “I’m surprised that people are surprised.” Wall said the impetus now is on global development organizations to help USAID defend their programs by tying them to President Trump’s foreign policy objectives — particularly since USAID is short-staffed. “You have to be able to pull together as a community. We are not strangers to responding to emergencies. … Treat that as any other emergency and pull together all of your resources and your brain trusts to defend the programs that you believe in,” she said. Source: Devex The post Trump administration orders USAID to stop all work appeared first on Puntland Post.
-
Saacadihii la soo dhaafay waxaa warbaahinta dunida qabsaday war uu soo saaray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo ahaa inuu ka shaqaynayo in dadka marinka Qasa ku nool dalal kale loo raro. Trump ayaa sheegay inuu boqorka Urdun kala hadlay qorshe uu ku doonayo in lagu dhiso guryo la dejiyo in in ka badan 1 milyan oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo laga rarayo marinka Qasa, lana geynayo dalal kale, taasoo ah soo jeedin la yaab leh oo kamida qorshaha Madaxweynaha Maraykanka ee ku aaddan Qasa. Sidoo kale mar wax laga waydiiyay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan wada-hadalkii dhex maray asaga iyo boqorka Cabdallaha Urdun, Trump wuxuu sheegay in uu boqorka ka codsaday in uu Falastiiniyiin dheeraad ah geeyo dalkiisa. “Waxaan ku iri waxaan jeclaan lahaa inaad wax badan qaadato, sababtoo ah waxaan hadda eegayaa marinka Qasa oo dhan, waana jahwareer, waa qas dhab ah,” ayuu warfiyeenka u sheegay madaxweyne Donald Trump. Dalalka Masar iyo Jordan ayaa horay u diiday qorshe uu waday maamulkii madaxweyne Biden, kaas oo lagu doonayay in dadka ku nool marinka Qasa loo raro dhulkooda iyo meelo kale oo gobolka kamid ah. Source: goobjoog.com
-
Gaza (Caasimada Online) – Toddobaad gudihiis, markii labaad ayay Xamaas u adeegsatay munaasabadda wareejinta la haystayaasha Israel ee ay ku wareejinaysay Hay’adda Laanqayrta Cas (Red Cross) si ay u muujiso in ay weli tahay xoog weyn oo ka arrimiya Marinka Gaza, inkastoo 15 bilood oo dagaal ah uu khasaare naf iyo maalba ah gaarsiiyay kumanaan ka mid ah dagaalyahanadeeda iyo dad rayid ah, magaalooyinkana uu burburiyay. Wareejintii afar la hayste oo dhacday Sabtidii ayaa ka sii bandhig badnayd tii Axaddii hore, markaas oo la sii daayay saddex haween ah oo la hayste ahaa. Sabtidii, Xamaas ayaa masrax ka taagtay Fagaaraha Falastiin ee badhtamaha Magaalada Gaza – oo ah deegaan ay aafeeyeen duqeyntii cirka iyo duullaankii dhulka ee Israa’iil. Masraxa ayaa waxaa ku dhegganaa boor ay ku qoran tahay farriin luuqadda Hibrew-ga ah oo u qornayd: “Sahyuuniyaddu ma guulaysan doonto”. Boqolaal dagaalyahanno huwan maaskaro, xiran tuute, iyo dad rayid ah ayaa isugu soo baxay goobta agagaarkeeda. Masraxa dushiisa, Xamaas ayaa ku qabatay munaasabad saxiix ah oo u dhaxaysay mid ka mid ah xubnaheeda iyo wakiil ka socday Hay’adda Laanqayrta Cas, oo markii dambe la wareegtay afartii la hayste. La haystayaasha, oo dhammaantood ahaa askar ka tirsan ciidanka ilaalada xuduudaha, kana howlgeli jiray saldhig ku yaalla xadka Gaza, laguna afduubtay saldhiggaas 7-dii Oktoobar 2023, xilligii weerarkii ay Xamaas horkacaysay ee lagu qaaday Israa’iil, ayaa fagaaraha yimid iyagoo la socda kolonyo ka kooban gawaari SUV ah oo kuwa dhexdhexaadka ah. Waxaa lagu soo kaxeeyay masraxa, iyagoo xiran dareys ciidan, taasoo u muuqatay in loogu talo-galay in lagu muujiyo in la haystayaashani yihiin askar, ee aysan ahayn rayid. Dagaal-yahanno sita kaamarado qaali ah ayaa daba socday la haystayaasha, iyadoo laga yaabo in ay duubayaan muuqaal lagu baahin doono baraha bulshada. Masraxa dushiisa, la haystayaasha ayaa dhoollacaddeeyay oo u gacan haatiyay dadweynihii farxadda la qaylinayay ee u sacbinayay, halka dagaal-yahanada Xamaas ee hubaysan ay garab taagnaayeen. Hay’adda Laanqayrta Cas ayaa sheegtay inaysan wax faallo ah ka bixinayn hawlgallada socda. Admiral Daniel Hagari, afhayeenka ciidamada Israa’iil, ayaa sheegay in Xamaas ay caddaysay “arxan-darradeeda” intii lagu jiray wareejintii Sabtidii, taas oo uu ku tilmaamay “munaasabad ujeeddooyin siyaasadeed leh.” Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in Xamaas ay ku qasabtay la haystayaasha inay dhoolla-caddeeyaan oo ay gacan haatiyaan, taasoo qayb ka ah ol’ole borobogaando ah oo loogu talo-galay in lagu gudbiyo farriin ah in kooxdu ay si wanaagsan ula dhaqmayso maxaabiisteeda. Wareysi dhawaan ay siisay telefishin Israa’iili ah, Chen Goldstein-Almog, oo ahayd la hayste Israa’iili ah oo la sii daayay November 2023, ayaa sheegtay in markii iyada iyo gabadheeda, Agam, la sii daayay, lagu wareejiyay gaari ay lahayd Hay’adda Laanqayrta Cas oo ay ku hareeraysnaayeen dad badan. “Waxaan xasuustaa in Agam ay igu tiri: ‘Hooyo, maanta ayaynu dhimaneynaa’,” ayay tiri, iyadoo dib u xasuusanaysa dhacdadaas. “Waxay ahayd arrin cabsi badan ilaa daqiiqaddii ugu dambeysay.” Wareysi uu bixiyay kadib sii-dayntii la haystayaasha ee Axaddii hore, Yves Daccord, oo ah agaasimihii hore ee guud ee Hay’adda Laanqayrta Cas, ayaa sheegay in wareejinta la haystayaasha ay tahay inay ka dhacdo meel deggan, oo ka fog dadweynaha. “Guud ahaan, sida ugu habboon waa in aysan jirin dad badan,” ayuu yiri Mr. Daccord. Sii daynta la haystayaasha goob fagaare ah oo ay dad badan isugu soo baxeen, ayuu raaciyay, waxaa ku lamaanan khataro iyo xaalado lama filaan ah. Dhakhaatiirta reer Israa’iil ee u dooda la haystayaasha Gaza ayaa ka digay in hab-maamuuska wareejinta oo fawdo ah ay kicin karto xusuus xanuun badan oo ku saabsan waayihii ugu horreeyay ee la haystayaasha ay ku qaateen Gaza, markaasoo dagaal-yahanada qaar ka mid ah ku soo dhex mariyeen dad qeylinaya. “Sii dayntu waxay dib u soo noolaynaysaa, ilaa xad, xanuunkii afduubka,” ayuu yiri Dr. Hagai Levine, oo ah madaxa kooxda caafimaadka ee Madasha Qoysaska La Haystayaasha iyo Dadka La La’yahay, oo ah urur Israa’iili ah. Tan iyo markii heshiiskii xabad-joojinta ee u dhexeeyay Xamaas iyo Israa’iil uu dhaqan galay Axaddii hore, Xamaas ayaa si weyn u dadaalaysay sidii ay u muujin lahayd in ay weli tahay xoogga ugu weyn ee Falastiiniyiinta ee ka jira Gaza, iyadoo dagaal-yahanada ay dhoolla-tus ku marayeen badhtamaha magaalooyinka, saraakiisha booliiskuna ay joogaan isgoysyada. Ma cadda tirada dagaalyahannada, saraakiisha booliiska, xafiisyada dawladda, iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ka badbaaday dagaalka, laakiin iyadoo munaasabadda wareejinta si fagaare ah loo muujiyey, Xamaas ayaa si cad u sheegtay inay weli ka taliso qaybo ka mid ah Gaza oo ay ka dhaceen qaar ka mid ah duqeymihii ugu khasaaraha badnaa ee dagaalka.
-
OSLO, Norway (HOL) —Two Somali-born sisters have been sentenced to prison in Norway for their involvement with the Islamic State (ISIS) nearly a decade after secretly fleeing the country as teenagers to join the extremist group in Syria. Source: Hiiraan Online
-
MINNEAPOLIS, Minnesota (HOL) — A Savage, Minnesota woman pleaded guilty on Friday to her role in defrauding a federally funded child nutrition program during the COVID-19 pandemic. The scheme is part of the nation's largest pandemic-related fraud case, which misappropriated $250 million intended to feed underserved children. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyne Cirro, jihadii siyaasadeed wuu beddelay Marka la joogo dibloomaasiyadda… “Maqaalkan waxa aan ku milicsanayaa safarka Madaxweyne Cirro ee Imaaraadka. Dib aan kugu celiyo safaradii madaxweynayaashii ka horreeyeey Madaxweyne Cirro xagay(dalalkii) ku tageen: 1. Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, safarkiisi ugu horreeyeey, oo ahaa sannadkii 2002-dii, waxa uu ku tegay Dalka Jabuuti; waqtigaas Madaxweyne Cigaal(Ahun), waxa uu xidhay xadka uu dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti. Wakhtigaas waxa loo diiday wefti ka socday Dalka Jabuuti, oo doonayeey in ay ka qaybgalaan aaskii Madaxweyne Cigaal. Balse, markii Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin xilka qabtay, xadka dib ayuu uu furay; safarkiisi kowaadna waxa uu ku bilaabay Dalka Jabuuti; isagoo dhinaca kale iska taagay siyaasaddii uu Madaxweyne Cigaal kula dhaqmay Dalka Jabuuti. 2. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo(ahun), safarkiisi ugu horreeyeey, oo ku taariikhaysna sannadkii 2010-kii waxa uu ku tegay Dalka Jabuuti, isagoo uu arkayey in Jabuuti tahay albaab uu ka geli karo Afrika. 3. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, safarkiisi ugu horreeyeey waxa uu ahaa sannadkii 2017-kii, oo uu ku tegay Dalka Jabuuti; oo uu uga mahadnaqayeey in ay dhiseen tartankii doorashada. Bulshada Somaliland, waxa ay isha ku haysay, oo is weydiinaysay dalka uu Madaxweyne Cirro ku tegayo safarkiisa ugu horreeyaa. Waxa loo sadaalinayeey inuu Jabuuti ama Itoobiya midkood ku tegayo safarkiisa ugu horreeya. Labadaas dal baa labadoodubu isku dayayeey inuu ku horreeyo. Madaxweyne Cirro, jihadii siyaasadeed wuu beddelay, oo waxa uu doortay Dalka Imaaraadka. Marka la joogo dibloomaasiyadda, waxa uu abaaray halkii ugu habboonayd, ee ugu wanagsanayd laba sababood dartood: 1. Imaaraadka waxa lagu karkariya siyaasadda Bariga Dhexe iyo midda Geeska Afrika. 2. Imaaraadku waxa uu Somaliland la leeyahay xidhiidh ballaadhan. Safarkan waxa aynu ka akhrin karna in Madaxweyne Cirro uu rabo in Imaaraadka, Jabuuti iyo Ethiopia, uu saddexdoodaba gacan dibloomaasiyadeed ku hayo. Haddaba safarkan Madaxweynaha, waa safar waxbadan laga rejaynayoo; doorashada uu doortay Madaxweyne Cirro, waa talaabadii ugu habboonayd ee loo qaaday dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda. Madaxweyn Cirro, waxa aan ku hambalyeynaya safarkaas uu ku ibo-furay Dalka Imaaraadka. Waxa aan kusoo gebogebaynayaa ballaysinkii Jabuuti, ee saddexda Madaxweyne ee ka horreeyeey, oo laga jooggo muddoo saddex iyo labatan sanno ah lagama helin wixii aynu uu baahnayn.” WQ- Xoghayaha Guud ee Gollaha Wakiillada: Garyaaqaan Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Qaran News
-
Mesegawaa (Caasimada Online) –Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyey dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Mesegawaa ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Al-Shabaab jab culus lagu gaarsiiyey maanta. Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay meel duur ah ayaa sheegay in weerarkii Al-Shabaab ay fashiliyeen dadka deegaanka oo xogtooda u soo gudbiyey ciidanka. Sidoo kale, Afhayeenka Gaashaandhigga Soomaaliya wuxuu xaqiijiyey in dadka deegaanka ay ka qeyb qaateen dagaalka, taasi oo fududeysay in Shabaab ay dagaalka ku jabaan. Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarkaas qaaday waaberigii hore ee saakay, balse waxaa la sheegay inay ku soo dhaceen fariisimihii ay ku ogaayeen ciidanka oo loo baneeyey. Al-Shabaab waxaa u qorsheysneed inay dagaalka bilaabaan inta aan la gaarin salaadii subax ee saakay, balse ciidanka oo ka aag bedeshay goobihii ay horay u deganaayeen ayaa jebiyey kooxda. Dagaalka ayaa u bilowday markii ay qoraxdu soo baxday sidii ay u qorsheeyeen ciidamada xoogga dalka oo garab militeri iyo mid xooraan ka helaya dadka deegaanka, waxaana u suurtagashay in kooxda ay jebiyaan. Khasaaraha ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ka soo gaaray ayaa ahaa mid aad u kooban, sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen, halka Al-Shabaab ay ku baaba’een dagaalkii maanta, maadaama uu fashilmay qorshihii ay dejiyeen. Sidoo kale, Ciidamada Xoogga waxaa saaciday diyaaradaha dagaalka oo kor ka tooganayey firxadka Shabaab-kii weerarka soo qaaday. Maanta oo dhan waxaa aagga deegaanka Mesegawaa ee gobolka Galgaduud ka socday baacsiga firxadka Al-Shabaab, waxaana dhulka howdka ah daadsan meydadka maleeshiyaadkii kooxda oo jab culus kala kulmay dagaalka. Hoos ka daawo
-
Xukuumadda Puntland ayaa soo saartay go’aanno ku saabaan Xakamaynta ajaanibta sharci la’aanta ah ee ku sugan degaannada Puntland, si looga hortago in kooxaha Argagixisadu u adeegsadaan falal amni-darro. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu mamnuucay in Laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025 aysan degaanna Puntland joogin karin ajaanib sharci la’aan ah, islamarkaana aan guri laga kirayn karin wax shaqo ahna la siin karin. “Laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025, qof aan si sharci ah ku joogin Puntland, guri lagama kirayn karo, Lambar looma furi karo, lamana shaqaalaysiin karo. Cidkasta oo hawlahaas fududaysana waxaa loo aqoonsanayaa inay faldambiyeed gacanta kula jirto” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka. Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa sidoo kale mamnuucday dhammaan tuugsiga waraaqaha lambaradu ku qoranyihiin in lala istaago goobaha dadweynaha sida masaajidada, waddooyinka iyo goobaha ganacsiga hortooda, sida ku cad Warsaxaafadeedka. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale mamnuucday in shirkadaha isgaarsiinta ay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan, waxaana ay fartay dhammaan shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado hadda shaqeeya. “Waxaa la mamnuucay in shirkadaha isgaarsiinta ay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan. Waxaa la farayaa shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado hadda shaqeeya” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo go’aanno adag ka soo saartay ajaanibta sharci la’aanta ku jooga degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ayadoo xeerinaysa duruufaha amni ee ka jira deegaanadeeda ay mamnuucday soo galootida sharci-darrada ah iyo dadka tuugsanaya ee wada warqadaha numberadu ku qoranyihiin. War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu yiri: “Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo xeerinaysa nabaddgelyada iyo badqabka dadka iyo hantidooda waxay soo saartay qodobada hoos ku xusan:- 1. Iyada oo laga duulayo khataraha amni ee jira waxaa reeban inay ajaaniibtu Puntland ku soo gasho sifo aan sharci ahayn. 2. waxaa la mamnuucay dhammaan tuugsiga waraaqaha lambaradu ku qoranyihiin in lala istaago goobaha dadweynaha sida masaajidada, waddooyinka iyo goobaha ganacsiga hortooda. 3. waxaa la mamnuucay in shirkadaha isgaarsiinta ay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan. Waxaa la farayaa shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado hadda shaqeeya. 4. Laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025, qof aan si sharci ah ku joogin Puntland, guri lagama kirayn karo, Lambar looma furi karo, lamana shaqaalaysiin karo. Cidkasta oo hawlahaas fududaysana waxaa loo aqoonsanayaa inay faldambiyeed gacanta kula jirto. 5. Waxaa la mamnuucay ganacsiyada yar yar ee aan sharciyeysnayn ee suuqa lala wareego”. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ka hor yimid in ciidamada macawiisleyda beesha Xawaadle loo diro galbeedka gobolka Hiiraan, halkaas oo la qorsheynayo in maalmaha soo socda laga xoreeyo kooxaha Khawaarijta ah. Taliyaha NISA, Hoggaamiyaha Ciidamada Macawiisley Cali Jeyte, Taliye ku xigeenka ciidanka Dhulka Jeneraal Khaalid iyo masuuliyiin kale ayaa ku sugan aagga degmada Buuloburde, halkaas oo maanta looga dhawaaqay dagaal ka dhan ah argagixisada. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ka horyimid qorshaha socda, wuxuuna sheegay in macawiisleyda beesha Xawaadle ay khatar ku yimiin beeshiisa Gaaljecel. Wuxuu sheegay in dad iyo deegaan toona aysan dhaafi doonin ciidamada beesha Xawaadle, hadii wabiga ay uga talaabaan dhinaca galbeed. Jeesow ayaa ku dooday in Hooyadii iyo walaalihii ay degan yihiin deegaanada ay joogaan Al-Shabaab, isla markaana ciidamada beesha Xawaadle aysan cafi doonin, isagoo ka niyad jabsan in shacabka iyo Shabaab isku si loo dilo. Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa u jawaabay hoggaamiye Cali Jeyte oo maanta ku baaqay in Shabaab la iska soo afjaro, isagoo toos ugu hanjabay dadka ku dhex nool kooxda Al-Shabaab. “Al-Shabaab Hooyadey iyo Aabaheey ayaa la joogo, kamana tirsana, hadalka Cali Jeyte waa kicin, Macawiisleeydii isbaaradu u tiilay deegaanada bari ee gobolka Hiiraan, in hadana la dhaho Galbeed ayaa loo soo rarayaa oo isbaarooyin kale ay dhiganayaan fikir saliim ah ma ahan” ayuu yiri Jeesow. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo wareysigaan siiyey TV-ga Shabeelle ayaa tusaale u soo qaatay labo wiil oo ka soo jeeday beesha Gaaljecel, kuwaas oo macawiisleyda beesha Xawaadle ay xaniyaha ka jareen, iyagoo ku eedeynaya Al-Shabaab. Sidoo kale, arrinta isbaarada oo macawiisleyda aad loogu eedeeyo ayuu walwal ka muujiyey Xildhibaan Jeesow, “Dhib ka dulqaad oo dhib kale urar ayaa heysata dadkeyga,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo digreeto soo saaray ayaa maanta xil sare u magacaabay Marwo Aamina Axmed Samatar (Keyf), taas oo noqotay Isu-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS (Gender Coordinator OPM). Aamina oo ah gabar dhalinyaro ah oo firfircoon ayaa horay uga shaqeysay hay’ado kala duwan oo dowladda ah, waxaana hadda loo xushay arrimaha haweenka. “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay marwo Aamina Axmed Samatar Isu-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS (Gender Coordinator OPM)” ayaa lagu yiri wareegtada. Dhinaca kale waxaa magacaabistaan ka dhalatay hadal-heyn xooggan, waxaana ka fal-celiyay qaar kamid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada. Seerjito Looyaan ” Maxaa qasab ka dhigaya Geneder maxaa loo isticmaali waayey *WOMEN* Ra’iisul wasaaraha dhiiqadan yaa gelinooyo?”. Axmed Cabdi “Haweenka xafiiska jooga oo la isku duwaa mindhaa tiro badanaa” Xaakim Cadnaan “Masha allah hambalyo agaasime Aamin Keyf Axmed waad u qalantaa booskaan qof kaaga habboona ma lahan guuleyso habo”. Kamaal Xuseen “Dadka mushaarka toos usiiya maxa noo bareesiin”. Raage Aadan Cali “Oo odaygu ma xafiis haweenka loogu soo aruuriyo buu leeyahay”.
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Wafdi heer wasiir ah oo ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad loogu dabaal-degayo aqoonsiga Xeerka Soomaaliyeed ee xeer Ciise oo ay dhawaan aqoonsatay Hay’adda UNESCO. Xubnaha ka qayb-galay munaasabaddan ayaa waxaa kamid ahaa Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya, Cabdiwahaab Cumar Caananuug, kuwaas oo khudbada ka jeediyay xafaladda oo ka dhacay magaalada Diridhabe ee Dowlad Deegaanka. Munaasabaddan oo halku-dhig looga dhigay “Xeer Ciise waxa uu gundhig u yahay sinnaanta, caddaaladda iyo midnimada”, ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay boqolaal qof, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madax ka kala socotay wadamada Itoobiya, Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya. Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo madasha ka hadlay aqoonsiga xeerkan uga mahadceliyay hay’adaha iyo dadkii ka shaqeeyay, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo horumarinta dhaqamada soo jireenka ah. Dhankiisa Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay soo dhoweynta munaasabadaan Xeer Ciise. Xeerkan ayaa xeer gaar u ah Beesha Ciise ee Dir, Ciisaha ee degta dalka Jabuuti, waxaana ka dhashay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kale Beesha Ciise ayaa degta qeybo badan oo kamid ah gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya iyo qeybo kamid ah dhulka dowlad deegaanka Soomaalida. Xeerka Beesha Ciise waxaa si wadajir ah u aqoonsaday dawladaha Soomaaliya, Ethiopia iyo Jabuuti. Sidoo kale Xeerka Bulshada Ciise waxaa aqoonsatay Hay’adda UNESCO ee Qaramada Midoobey, wuxuuna kamid noqday xeerarka laga tixgeliyo qeybo kamid ah caalamka.
-
𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/GW/081-050/012025 ku soo saarey Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2025-ka Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2025-ka, 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐚𝐲: Go’aanka Ansixinta Golaha Wakiillada (Go’aan Lr; GW/KF-10/06/2025) ee summaddiisu tahay Ref; GW/G/14-10/06/2025, kuna taariikhaysan 25/01/2025, ee Miisaaniyad Sannadeedka 2025-ka; 𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐒𝐨𝐨-𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲; Dhaqan-galkan oo lagu baahinayo Miisaaniyad Sannadeedka 2025-ka oo qaddarkeedu dhan yahay SL.SH/=3,894,462,279,363 (Saddex Tirilyan, Siddeed Boqol iyo Afar iyo Sagaashan Bilyan, Afar Boqol iyo Laba iyo Lixdan Milyan, Laba Boqol Sagaal iyo Toddobaatan Kun, Saddex Boqol iyo Saddex iyo Lixdan Shillin Somaliland ah). 𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐋𝐞𝐡 _________________________________________ 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨) 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Xamaas ayaa sii deysay afar haween ah oo ka tirsan ciidamada Israel, kuwaasi oo ay ku bedelatay ilaa 200 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah, waxayna tillaabadani qeyb ka tahay is-dhaafsiga maxaabiista inta lagu jiro heshiiska xabbad-joojinta ah. Afartan dumarka ayaa la geeyay fagaare ku yaal magaalada Gaza oo ay ku sugnaayeen dad badan oo Falastiiniyiin ah, waxaana hareeraha ka taagnaa tobanaan ka tirsan xoogagga wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee Xamaas. Haweenkan ayaa muuqaallo laga soo duubay waxay muujinayeen ayagoo gacanta u haadinaya dadka, islamarkaana dhoola-cadeynaya ka hor intii aan lagu wareejin hay’adda ICRC oo u geysay ciidamada Israel. Dumarkan oo ka tirsanaa militariga Israa’iil ayaa kala ah – Karina Ariev, Daniella Gilboa, Naama Levy iyo Liri Albag oo dhamaantood ka howlgalayay aagga marinka Qasa, ka hor intii aanay Xamaas ku soo qaban howlgalkii duufaanta Aqsa ee 7-dii bishii Oktoobar. Source: goobjoog.com
-
Qaraxyada Maanta lagu qabtay Boosaaso Ciidamada Amniga Gobolka Bari oo hawlgal xooggan ka sameeyay magaalada Boosaaso ayaa soo bandhigay qaraxyo iyo agab kale oo loo adeegsado qaraxyada, kuwaasi oo laga helay guriga uu degganaa nin ajnabi ah oo xalay Ciidanku toogteen xilli uu qaraxyo ku aasayay gudaha Boosaaso. Laamaha Amniga Boosaaso ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay koox ajaanib ah oo degganaa guriga qaraxyada laga soo saaray, islamarkaana waxay suuqa ka soo qabteen nin ajnabi ah oo isagoo dhaawac qaba xalay ka baxsaday ciidamada, kaddib markii la toogtay midkii qaraxyada aasayay oo ay wada socdeen. Dhinaca kale, Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ayaa soo bandhigay laba nin oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo xalay laga qabtay caasimadda Garoowe, kaddib markii la arkay mid kamid ah oo xiran dharka dumarka, waxaana baaritaan ku wada Waaxda Danbi-baarista u qaabilsan Booliska Gobolka Nugaal ee C.I.D, si loo hubiyo Kiiskooda. Ciidamada Ammaanka Puntland oo kaashanaya Shacabka ayaa magaalooyinka Puntland ka bilaabay hawlgallo lagu xaqiijinayo Amniga guud xilli Ciidamada kala duwan ee Difaaca Puntland buuraha Calmiskaad kula dagaallamayaan Argagixisada Daacish. PUNTLAND POST The post Ciidamada Amniga Puntland oo gacanta ku dhigay qaraxyo diyaarsan iyo kooxo ajaanib ah appeared first on Puntland Post.
-
Gaza (Caasimada Online) – Xamaas ayaa maanta sii deysay afar haween ah oo ka tirsan ciidamada Israel, kuwaasi oo ay ku bedelatay ilaa 200 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah. Is-dhaafsigan oo qeyb ka ah heshiis xabbad-joojinta ah oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka 15-ka bilood ka socday Gaza. Afarta qof ayaa la geeyay fagaare ku yaal magaalada Gaza oo ay ku sugnaayeen dad badan oo Falastiiniyiin ah, waxaana hareeraha ka taagnaa tobanaan ka tirsan ciidamada Xamaas oo hubeysan. Waxa ay gacan haadinayeen dadka iyagoo dhoola-cadeynayayay ka hor intii aan la kaxeynin, waxaana lagu qaaday gawaarida hay’adda ICRC oo u geeyay ciidamada Israel. Askartan oo kala ah; 1- Karina Ariev, 2- Daniella Gilboa, 3- Naama Levy iyo 4- Liri Albag, ayaa dhamaantood ka howl-galayay aag ku yaalla agagaarka Gaza, waxaana afduubay dagaalyahannada Xamaas oo xoog ku qabsaday xaruntooda intii uu socday weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii October, sanadkii 2023-kii. Waalidiintood ayaa markii ay shaashadda ka arkeen sacab iyo farxad la ooyay, iyagoo si toos ah sii deynta uga daawanayay saldhig ciidan oo ku yaalla xadka. Magaalada Tel Aviv, boqolaal Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay fagaaraha lagu magacaabo Hostages Square, iyagoo muujinayay farxadda sii deynta askarta oo ay ka daawanayeen shaashad weyn. Askarta la sii daayay ayaa qoysaskooda dib ula midoobay wax yar ka dib, sida laga soo xigtay militariga, waxaana loo qaadi doonaa isbitaal ku yaal bartamaha Israel, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Israel, Farxadda sii deynta haweenkan ka tirsanaa ciidamada ayaa waxaa barbar socday niyad jab ka dib markii haweeney rayid ah oo lala sii deyn lahaa afarta askari laga waayay liiska dadka ay Xamaas sii deyneyso. Afhayeen u hadlay milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay tahay in la jebiyay xabbad joojinta, halka Xamaas ay sheegtay in ay tahay arrin farsamo. Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Falastiiniyiinta Gaza aan loo oggolaan doonin in ay dib ugu soo laabtaan dhanka waqooyi ee Marinka illaa inta arrintan laga xallinayo. Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa ka barakacay waqooyiga Gaza intii uu socday dagaalka. Sarkaal Falastiini ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dhexdhexaadiyeyaashu ay ka shaqeynayaan sidii loo xallin lahaa arrintan. Xamaas ayaa sheegtay in 200 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah la sii deyn doono maanta taas oo qayb ka ah is-dhaafsiga. Waxaa ka mid ah maleeshiyaad lagu xukumay xabsi daa’im. Ku dhawaad 70 ka mid ah ayay Xamaas sheegtay in lagu wado in la tarxiilo. Is-weydaarsiga dhacaya Sabtida maanta ah ayaa ah kii labaad tan iyo markii ay bilaabatay xabad joojinta 19-kii Bishan Jannaayo islamarkaana Xamaas ay wareejisay saddex dumar ah oo Israa’iiliyiin rayid ah oo ay ku beddelatay 90 maxaabiis Falastiiniyiin ah.