Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somalia and Egypt announced Sunday that the two countries have agreed to cooperate in the fight against the al-Shabaab terrorist group. Source: Hiiraan Online
  2. Dhusamareb (HOL) – Somali National Intelligence Agency (NISA) operatives seized two vehicles suspected of transporting fuel and other supplies intended for the militant group Al-Shabaab in Bahdo district, Galgadud region, on Sunday. Source: Hiiraan Online
  3. By JOSEPH KRAUSSPresident Donald Trump’s suggestion that Egypt and Jordan take in Palestinians from the war-ravaged Gaza Strip was met with a hard “no” Sunday from the two U.S. allies along with the Palestinians themselves, who fear Israel would never allow them to return. Source: Hiiraan Online
  4. Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saartay amarro culus oo lagula socanayo dadka ajaanibta ah ee soo galaya deegaanada maamulkaas, si looga hortago falal nabad-gelyada wax u dhimaya. Amarrka ugu horreeya ee ay soo saartay Wasaaraddu ayaa ah inaan deegaanada Puntland cirka, Badda, iyo Berrigaba ka soo geli karin cid aan haysan oggolaanshaha dowlad goboleedkaas. Sidoo kale Shirkadaha iyo xarumaha kala duwan ee ay u shaqeeyaan ajaaniibta ayaa lagu wargeliyay in laga doonayo in ay shaqaalohooda ajaanibta ah ku diwaangeliyaan muddo 72 saacadood gudahood ah. Warka ka soo baxay wasaaradda amniga Puntland ayaa intaas ku daray in Hoteellada iyo meelaha kale ee la seexdo la farayo in ay 24 saac oo kasta hay’adaha nabad-gelyada la soo socod-siiyaan cid kasta oo ku soo biirta goobahooda. Puntland ayaa dagaal adag oo dhan walba leh kula jirta kooxaha Daacish iyo Al-shabaab, ayadoo guluf xooggan ka wadda buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, sidoo kalena howlgallo joogto ahi ay ka socdaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaas. Source: goobjoog.com
  5. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii shaaciyey in maamulkiisu uu dul dhigi doono canshuur dhan 25% badeecadaha ay Colombia u dhoofiso Mareykanka. Go’aankan ayaa yimid kadib markii dowladda Colombia ay diidday in labo diyaaradood oo millatariga Mareykanka ah, kuwaas oo sidey muwaadiniin reer Colombia ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka, ay hawadeeda soo galaan. Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro, oo si degdeg ah uga jawaabay tallaabadan, ayaa isna ku dhawaaqay in dalkiisu uu sidoo kale dul dhigayo canshuur 25% ah badeecadaha Mareykanka uu u dhoofiyo Colombia. Khilaafkan ayaa dhaliyay cabsi laga qabo inuu saameyn ballaaran ku yeesho ganacsiga labada dal, iyadoo Colombia ay ka mid tahay wadamada la tacaamula Mareykanka dhinaca badeecadaha sida kafeyga, miro kala duwan, iyo dharka. Dhanka kale, Mareykanka wuxuu dhoofiyaa Colombia alaabooyin ay ka mid yihiin baabuurta, qalabka farsamada, iyo daawooyinka. Xeeldheerayaasha arrimaha dhaqaalaha ayaa sheegaya in xiisaddan ay keeni karto xasarad dhaqaale oo dheeraad ah, maadaama labada dal ay yihiin iskaashi ganacsi oo muhiim ah. Waxaa la sugayaa in wadahadallo dheeraad ah lagu xalliyo muranka si looga fogaado saameynta dhaqaale ee suurtagalka ah. Source: goobjoog.com
  6. Real Madrid extended their lead at the top of La Liga to four points over Atletico Madrid with a comfortable 3-0 win away to Valladolid while Atletico were held to a 1-1 draw at home to Villarreal. Source: Hiiraan Online
  7. This was announced by the Italian Embassy in Mogadishu Source: Hiiraan Online
  8. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir Horgeeyay eedeysane lagu magacaabo Mahad Axmed Cumar, kadib markii laga soo qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde, asagoo tahriibinaya laba qof oo kale oo magacyadooda lagu sheegay Caasho Axmed Cali iyo Ayaan Xasan Cali. Dadkan oo adeegsanayay Baasaboor la xaday iyo mid been abuur ah ayaa la sheegay in hay’adda socdaalku ay xogtooda horay u samaysay, islamarkaana sidaas lagu soo qabtay. Eedeysanaha ayaa hadda ku jira xabsi gaar ah oo uu ku sugaya caddaaladda , waxaana ku socda baaritaan sida lagu war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Source: goobjoog.com
  9. Cadaado (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada NISA, qaybtooda Galmudug ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday gawaari u socday Al-Shabaab. Illaa laba gaari oo shidaal iyo agabyo kale u waday kooxda ayaa lagu qabtay aagga degmada Baxdo, sida ay innoo xaqiijiyeen waredyo xilkas ah Labada gaari iyo raggii waday ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa loo gudbiyay dhinaca taliska Nisa degmada Cadaado ee isla gobolka Galgaduud. Sidoo kale saraakiisha howlgalka horkaceysay ayaa sheegay in haatan baaris ku hayaan gaadiidka la qabtay iyo sidoo kale ragga la socday, si loo ogaado xogtooda. Ciidamada iskaashanaya ayaa weli howlgallo culus ka sii wada aagga degmada Wasil, kuwaas oo lagu beegsanayo xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan halkaasi. Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaannada ay kaga sugan Galgaduud iyo Mudug. Si kastaba, maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa haatan wajahay culeys ugu xoogganaa oo uga imaanaa xagga dowladda iyo saaxibada caalamiga ah oo kordhigay dagaalka.
  10. MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa xalay guddoomiyay shir xasaasi ah oo ka dhacay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kaas oo diiradda lagu saaray amniga caasimada. Shirkan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Ciidanka illaalinta Deegaanka Xamar, Taliyeyaasha qeybta guud ee Booliska iyo Nabad sugida G/Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Police Military, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Taliyeyaasha qeybaha iyo kuwa Saldhigyada. Ugu horreyn duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hey’addaha amniga oo la wadaagay qorshahooda amniga iyo natiijada laga gaaray howlgalladii u dambeeyay. Dhankiisa guddoomiye Amiir oo madasha ka hadlay ayaa boogaadiyay guulaha laga gaaray amniga ay ku naaloonayaan bulshada Gobolka Banaadir, waxa uuna faray laamaha amniga iyo maamullada degmooyinka in la sii xoojiyo wada-shaqeynta guud si looga hortago wax weliba oo liddi ku ah amniga daasimada. Sidoo kale waxaa shirkaan looga hadlay sare u qaadida nadaafada iyo bilicda caasimada, dar-dargelinta dakhli aruurinta, u diyaar garowga xilli roobaadka, si looga sii gaashaanto. Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa kula dar-daarmay saraakiisha iyo maamullada degmooyinka in ay si hufan oo ay ku jirto daacadnimo iyo Alla ka cabsi ay u gutaan waajibaadka loo igmaday isla markaana la iskula xisaabtami doono mas’uuliyada shacabka. Si kastaba, Xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa haatan deggan, waxaana alaaba howlgallo joogto ah ka sameeya ciidamada booliska Soomaaliya iyo kuwa xasilinta caasimada ee Boolis Milataari oo fariisimo ka sameystay gudaha iyo daafaha caasimada.
  11. Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa Axaddii si adag u diidday qorshaha barakicinta qasabka ah ee shacabka Falastiin, kaddib markii madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu soo jeediyay qorshe lagu “nadiifinayo” Marinka Gaza, dadka ku noolna loo rarayo dalalka Masar iyo Urdun. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay “sii wadayso taageerada ay u hayso adkaysiga iyo halganka shacabka Falastiin ee dhulkooda”. Bayaanka ayaa lagu yiri “Masar waxay diiddan tahay ku xad-gudub kasta oo lagu sameeyo xuquuqdaas aan laga gorgortami karin, ha ahaato mid deegaamayn lagu samaynayo dhulka, dhul boob ah, ama in dadka asal ahaanba dhulkaas u dhashay laga qasbo inay ka baxaan, iyadoo la adeegsanayo barakicin, dhiirrigelinta raritaan qasab ah, ama in Falastiiniyiinta laga rujiyo dhulkooda, ha ahaato si ku-meel-gaar ah ama mid joogto ahba”. Trump, oo hadlayay kaddib 15 bilood oo dagaal ah, ayaa sheegay in Gaza ay isku beddeshay “goob burbur”, wuxuuna yiri “waxaan jeclaan lahaa in Masar ay qaabisho dadka, sidoo kale Urdun ay iyana qaabisho qaar.” Waxa uu intaa ku daray in dadka ku nool Gaza loo rari karo “si ku-meel-gaar ah ama si joogto ah.” Tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas bishii October ee sanadkii 2023-kii, labada dal ee deriska la ah Falastiin ayaa si isdaba joog ah uga digayay qorshayaal lagu doonayo in Falastiiniyiinta Gaza looga raro Masar, halka kuwa Daanta Galbeedna loo masaafurinayo Urdun. Ururka Jaamacadda Carabta ayaa isna ku raacay hadalka Masar, wuxuuna Axaddii sheegay in “barakicinta qasabka ah iyo ka erinta dadka dhulkooda hooyo ay tahay isir sifayn.” “Tallaabooyinkii hore ee lagu doonayay in shacabka Falastiin looga rujiyo dhulkooda, ha ahaato barakicin, dhul boob ama deegaamayn ballaarin, waxaa la xaqiijiyay inay fashilmeen,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay urur goboleedka. Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, oo Trump sheegay inuu la hadli doono Axaddii, ayaa marar badan ka digay in barakicintani ay ujeedkeedu tahay “in meesha laga saaro himilada iyo qaddiyadda dowladnimada Falastiin.” Al-Sisi ayaa qorshahan ku tilmaamay “khad cas” oo khatar weyn ku ah amniga qaranka ee Masar. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa Axaddii ugu baaqday dhinacyada ay khusayso inay dhaqan geliyaan “xalka labada dowladood,” kaas oo Qaahira ay sheegtay in ay noqon doonto mid aan suuragal ahayn haddii Falastiiniyiinta laga saaro dhulalkooda.
  12. Minneapolis, Minnesota – A Minnesota woman pleaded guilty on Friday to participating in a sprawling fraud scheme that siphoned millions of dollars from a federal program designed to feed children during the COVID-19 pandemic, U.S. officials announced. Ayan Farah Abukar, 43, of Savage, Minnesota, admitted to one count of conspiracy to commit wire fraud in U.S. District Court, according to a statement from Acting U.S. Attorney for the District of Minnesota, Lisa D. Kirkpatrick. Abukar is one of dozens charged with what federal prosecutors have described as one of the most prominent pandemic-related fraud cases in the United States. Court documents reveal that Abukar, founder and executive director of the non-profit organization Action for East African People, fraudulently enrolled her organization in the Federal Child Nutrition Program. This program, overseen by the U.S. Department of Agriculture (USDA), provides funding to reimburse organizations for meals served to low-income children. During the pandemic, the USDA waived some of the program’s requirements to ensure wider access to food for children in need. Prosecutors say Abukar and her co-conspirators exploited these relaxed regulations, falsely claiming to serve meals to thousands of children daily while diverting the funds for personal use. Inflated claims and kickbacks Between October 2020 and 2022, Abukar claimed to serve up to 5,000 children a day at multiple sites across Bloomington, Minneapolis, Savage, and St. Paul. Her organization received approximately $5.7 million in federal funds through the program. However, the investigation revealed that these claims were vastly inflated. Prosecutors detailed how Abukar used the misappropriated funds to purchase a 37-acre commercial property in Lakeville, Minnesota, and an aircraft in Nairobi, Kenya. Furthermore, Abukar paid over $330,000 in kickbacks to an employee of Feeding Our Future, a non-profit organization that sponsored Action for East African People’s participation in the Federal Child Nutrition Program. Feeding Our Future and another sponsoring organization referred to in court documents as “Sponsor A” were central to the broader scheme, allegedly facilitating fraudulent applications and receiving kickbacks from participating organizations. Feeding Our Future: A central player Feeding Our Future, based in St. Anthony, Minnesota, was a significant sponsor of the state’s Federal Child Nutrition Program. As a sponsor, it was responsible for overseeing the program’s implementation by participating organizations, submitting reimbursement claims to the Minnesota Department of Education, and disbursing funds received from the USDA. The organization and its founder, Aimee Bock, allegedly accepted and facilitated numerous fraudulent applications from organizations like Abukar’s, enriching themselves through kickback schemes. Bock has maintained her innocence, claiming she and her organization were unaware of the fraudulent activities. However, the scale of the fraud and the involvement of numerous organizations under Feeding Our Future’s sponsorship have raised serious questions about its oversight and due diligence practices. The case results from a joint investigation by the FBI, IRS Criminal Investigations, and the U.S. Postal Inspection Service. The investigation has led to charges against numerous individuals and organizations involved in the scheme. “This case is a stark reminder of the importance of safeguarding taxpayer dollars, especially during times of crisis,” said Acting U.S. Attorney Kirkpatrick in a statement released to the press. “The actions of these individuals diverted critical resources away from vulnerable children and undermined the integrity of a vital program.” Abukar’s sentencing hearing will be scheduled at a later date. She faces a potential sentence of several years in prison and significant financial penalties.
  13. Mogadishu (HOL) — Somalia celebrated a landmark achievement in its healthcare system on Saturday by completing its first-ever open-heart surgeries, performed at Kalkaal Hospital in Mogadishu. The life-saving procedures carried out on two children with congenital heart conditions, Zakaria and Maida, are a historic milestone that brought critical care closer to Somali families. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) — Farah Abdi Waare, a prominent Somali traditional leader and a key figure in the country's peace and reconciliation efforts, passed away on Sunday in Mogadishu at the age of 77. Source: Hiiraan Online
  15. Beledweyne (HOL) — The Somali Federal Government has launched its "most ambitious" offensive yet against Al-Shabaab in the Hiiraan region, mobilizing military and local forces in a bid to dismantle the militant group’s strongholds. Source: Hiiraan Online
  16. Bosaso (HOL) — Puntland security forces have arrested eight individuals, including six foreign nationals, suspected of manufacturing explosives for the ISIS group in the port city of Bosaso, officials said Sunday. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa si adag uga jawaabay hadalkii shalay ka soo yeeray Cali Jeyte oo ah hoggaamiyaha ciidamada macawiisley u qaabilsan xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh. Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji oo ka soo jeeda beesha Gaaljecel ayaa sheegay in hadalkii Cali Jeyte uu xagal-daacinayo howlgalka. “Cali Jeyte wuxuu yiri cid kasta oo deegaanada Shabaab joogaan loogu tago waa argagixiso, hadalkaas waxaa ka muuqata xagjirnimo,” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji. Sidoo kale, wasiirka ayaa u cudur daaray Cali Jeyte, wuxuuna sheegay in hadafka uu ka kala hadalkaas uu fahmi karo “Ujeedka hadalka Cali wuxuu ahaa inay kacaan dadka jooga meelaha ay Shabaab ku dambeeyaan oo dagaalamaan,” ayuu yiri. Wasiirka oo baaq u diray masuuliyiinta hormuudka u ah bulshada ayaa yiri, “Cidda kaliya ee hadalada xanafta leh ay fursadda siinayaan waa Khawaarijta, masuuliyiinta waxaan ugu baaqayaa inay ka fiirsadaan hadallada xanafta leh, ee qabaa’ilka isku diraya.” Sidoo kale, Wasiir Cali Xaaji ayaa qiray in Sanbaloolshe uu saxay qaladkii Cali Jeyte, “Ma ahayn hadal qabta dadka dhibanayaasha u ah Khawaarijta, balse isla goobtii ayaa lagu saxay, marka waa in laga socdaa, lagana taxadaraa waxyaabaha noocaas ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa sheegay in beeshiisa Gaaljecel ay diyaarisay ciidan ku filan xoreynta deegaanada beesha, kuwaas oo garab ka heli doona dowladda federaalka, sida uu sheegay. Xalay hadalka Cali Jeyte waxaa sidaan si ka adag uga jawaabay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka soo jeeda beesha Gaaljecel, wuxuuna sheegay in Cali Jeyte uu khatar ku yahay Hooyadiis iyo Aabihiis oo jooga deegaanada Shabaab maamulaan, isla markaan aan la shaqeyn kooxda. Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa shalay Buuloburde ka sheegay in dadka jooga goobaha ay Shabaab maamulaan ay yihiin Shabaab kale, balse Taliyaha NISA Sanbaloolshe oo garab taagnaa ayaa qaladkaas saxay, wuxuuna qiray inay jiraan dad shacab ah oo kooxdaas aan la shaqeyn, lana dagaalami doona hadii laga dul kiciyo. Hoos ka daawo wareysiga Wasiir Cali Xaaji uu siiyey Somali Cable
  18. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagebeysay wada-hadallo dhanka farsamada ah oo muddooyinkii la soo dhaafay ay la lahayd Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, kuwaas oo ku saabsan qorshaha ka qeyb galka Ciidamada Masar ee howlgalka AUSSOM. Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ayaa caddeysay ka go’anaashaheeda taageerada Dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku kalsoontahay in Masar ay kaalin ka qaadan karto la dagaallanka kooxaha dowladda ka soo horjeeda, waxayna rajo ka muujisay in ciidamada dalkaasi ay gacan ka geystaan ​​xasillinta Soomaaliya si lamid ah dalalka kale ee dowladda Faderaalka ah taageera. Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagebeysay wada-hadallo dhanka farsamada ah oo ay la yeelatay Jamhuuriyadda Carabta Masar, kuwaas oo ku saabsan qorshaha ka qeyb galka Ciidamada Masar ee howlgalka AUSSOM. Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ayaa caddeysay ka go’anaashaheeda taageerada Dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogtahay doorka Masar ay ka qaadan karto ciribtirka Khawaarijta, waxayna ka rajaynaysaa inay gacan ka geystaan ​​si lamid ah dalalka kale ee saaxiibka la ah Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda. Sarkaal ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta Qaahira ku saxiixay heshiiska bilaabidda qorshaha ugu dambeeya howlgalka. Ciidamada Masar ayaa lagu wadaa in toddobaadyadaan lagu soo daabulo Soomaaliya, kani waa go’aan dhibaya Itoobiya oo walwal badan ka qabta in Masar ay awood militeri ku yeelato Geeska Afrika. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore tegay Qaahira kadib casuumad uu ka helay dhiggiisa Masar, waxayna kala saxiixdeen heshiis kale oo miisaan culus leh. Heshiiskaas ayaa qeexayey istaraatiijiyad rasmi ah oo iskaashi amni ah, sidoo kale waxaa horay u jiray heshiis iskaashi oo seddax geesood ah oo ka dhexeeya Soomaaliya, Masar iyo Eritrea. Dhaqdhaqaaqa ay Soomaaliya ka wado gobolka Geeska Afrika waa mid ruxaya qalbiyada Itoobiyaanka oo khatar amni ka dhex arka, maadaama Masar, Eritrea iyo xittaa Soomaaliya ay cadow u arkaan Itoobiya. Iyadoo uu taagan yahay qorshe ay Soomaaliya garab militeri ugu raadsaneyso la dagaalanka argagixisada, maadaama uu dhamaaday howlgalkii ATMIS, ayaa hadana waxaa gobolka xiisad ka abuuray damacii oo if-baxay bilowgii 2024 ee Itoobiya ay dooneysay inay ku dhacdo badda Soomaaliya.
  20. MARWADA MADAXWEYNE CIRRO MAXAY KAGA DUWANTAY MARWOOYINKII HORE EE LOO BEEGSANAYAA. Marwadani waxay la mid tahay MARWOOYINKII qaranka soo maray oo mid walbba siyaasiyiintau ay ula dhaqmayeen si foolxun oo dhaqanka iyo diintaba ka baxsan. Waxay soo booqatay Marwadani dhaqtarka hargaysa oo ah dadnimada iyo muslinimadaba inay haboontay in laga war hayaa, waxa dhacday qaylo dheer iyo aflagaadooyin aan munaasib ahayn oo ay bulshada ku soo dhextuureen laba guruub oo kala ah mucaarid qolo neceb iyo muxaafid xilalkii iska dhex waayay oo aan aragti kale lahayn sidaas awgeed waxa habboon marwadu booqashadaas inay waqtigeeda la kaashato wixii ay halkaas ku soo aragtay oo ay ka fal celiso taageero ahaan maadaama ay madaxweynaha ka dhawday. Meesha labaad ee booqashada u baahani waa jeelasha oo ay ku jiraan dad aan xorriyad haysani. Heeshiiskii aynu galnay ee DASTUURKA kuwa buuqa abuurayaa way ogyihiin MARWADU xuquuqda ay ku leedahay ee waxay wadaan xaalad abuur iyo buuq aan macno lahayn. Shicibka s. Land waxaan leeyay dalka waa lagu soo duulaye gamcaha is qabsada sidii laydiinka bartay, waqtigii mucaaridku ma taagna maanta, waanu jirnaa iyo jirimaysaan ayaa socota ee gamcaha hallays qabsado, doorasho iyo isbeddel halla gaadho waqtigeedii weli maaha. MAHADSANID. BACAW MEDIA. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
  21. Langley (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa muddo sanado ah ku adkaysanaysay in aanay haysan xog ku filan oo lagu go’aamin karo in xanuunkii safmarka ahaa ee COVID-19 uu si dabiici ah uga dhashay suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, ama inuu si kama’ ah uga soo baxay shaybaar cilmi-baaris oo halkaas ku yaalla. Hase yeeshee, hay’addu waxay soo saartay qiimayn cusub toddobaadkan, iyadoo falanqeeyayaashu ay sheegeen in ay hadda aaminsan yihiin in fayrasku uu ka soo baxay shaybaarka. Saraakiishu waxa ay sheegeen in aanay jirin xog sirdoon oo cusub oo ka dambaysa isbeddelka hay’adda. Balse, waxa ay ku salaysan tahay isla caddeymihii ay bilihii la soo dhaafay baaritaan ku hayeen. Si kastaba ha ahaatee, falanqayntan ayaa qayb ahaan ku salaysan in si dhow loo eegay xaaladihii ka jiray shaybaarada ammaankoodu aadka u sarraysnaa ee ku yaallay gobolka Wuhan ka hor intii aanu cudurku dillaacin, sida ay sheegeen dad xog-ogaal u ah shaqada hay’adda. Afhayeen u hadashay hay’adda ayaa sheegtay in aragtida kale ay wali tahay mid macquul ah, ayna hay’addu sii wadi doonto qiimaynta xog kasta oo sirdoon oo cusub oo la isku hallayn karo. Qaar ka mid ah saraakiisha Maraykanka ayaa sheegaya in dooddani aanay wax badan ka beddelayn xaqiiqda: Dowladda Shiinaha ayaa ku guuldarraysatay inay nidaamiso suuqyadeeda ama ay kormeer ku samayso shaybaaradeeda. Laakiin kuwa kale waxay ku doodayaan in ay tahay arrin muhiim ah oo xagga sirdoonka iyo sayniska ah. John Ratcliffe, oo ah agaasimaha cusub ee CIA, ayaa muddo dheer taageersanaa aragtida ah in fayrasku uu ka soo baxay shaybaarka. Wuxuu sheegay in ay tahay xog sirdoon oo muhiim ah oo u baahan in la fahmo, ayna saamayn ku leedahay xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha. Ku dhawaaqista isbeddelkan ayaa timid wax yar kaddib markii Mr. Ratcliffe uu u sheegay wargeyska Breitbart News in aanu mar dambe doonayn in hay’addu “ka aamusto” doodda ku saabsan halka uu ka soo bilowday safmarka COVID-19. Mr. Ratcliffe ayaa muddo dheer sheegayay in uu rumaysan yahay in fayrasku ay u badan tahay in uu ka soo baxay Machadka Wuhan ee Virology. Saraakiisha ayaa sheegay in hay’addu aanay ra’yigeeda u weecinaynin madax cusub, ayna qiimaynta cusub ay muddo soo socotay. Toddobaadyadii ugu dambeeyay ee maamulka Biden, Jake Sullivan, oo ah La-Taliyaha Amniga Qaranka, ayaa amar ku bixiyay in dib u eegis cusub oo sir ah lagu sameeyo halka uu ka soo bilowday safmarka. Qayb ka mid ah dib-u-eegistaas, agaasimihii hore ee hay’adda CIA, William J. Burns, ayaa u sheegay falanqeeyayaasha in ay u baahan yihiin in ay mowqif ka qaataan halka uu COVID ka soo bilowday, in kasta oo uu sheegay in aanu isagu midna taageersanayn, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Maraykanka. Sarkaal kale oo sare oo Maraykan ah ayaa sheegay in ay ahayd go’aanka Mr. Ratcliffe in uu xogta sirta ka qaado oo uu sii daayo falanqaynta cusub. Tan iyo markii uu dillaacay safmarka, waxaa jiray su’aalo la iska waydiinayo in labada shaybaar ee coronavirus-ka ku baarayey magaalada Wuhan ay si adag u raaceen hab-maamuuska badbaadada iyo in kale. Hay’addu waxay qiimaynteeda cusub ku samaysay “kalsooni hoose,” taasoo macnaheedu yahay in xogta sirdoon ee ka dambaysaa ay tahay mid aan dhammaystirnayn oo goos-goos ah. Xitaa iyadoo aanay jirin xog adag, haddana aragtida sheegaysa in fayrasku uu ka soo baxay shaybaar ayaa taageero ka helaysa hay’adaha sirdoonka. Laakiin falanqeeyayaasha qaarkood ayaa su’aal ka keenay xikmadda ku jirta in mowqif la beddelo iyadoo aanay jirin xog cusub. Saraakiishii hore ayaa sheegaya in aanay diiddanayn baaritaan cusub oo lagu sameeyo xogta sirdoonka ee la xiriira halka uu COVID ka soo bilowday oo uu sameeyo maamulka Trump. Madaxweyne Biden ayaa amar ku bixiyay dib u eegis cusub oo lagu sameeyo xogta sirdoonka horraantii xilligiisa kaddib markii saraakiisha ay u sheegeen Aqalka Cad in ay hayaan xog aan weli la baadhin. Mr. Ratcliffe ayaa walaac ka muujiyay siyaasadaynta hay’adaha sirdoonka. Mr. Ratcliffe, oo ahaa agaasimaha sirdoonka qaranka ee maamulkii koowaad ee Trump, ayaa qormo uu ku qoray Fox News sanadkii 2023 ku dooday in CIA aanay doonayn in ay taageerto aragtida ah in fayrasku uu ka soo baxay shaybaar si ay uga fogaato dhibaatooyin dhanka geopolitics-ka ah oo soo wajaha maamulka Biden. “Dhibaatada dhabta ah ayaa ah, qiimaynta keliya ee ay hay’addu samayn karto – taasoo ah in fayras dilay in ka badan hal milyan oo qof oo Maraykan ah uu ka soo bilowday shaybaar ay maamusho Xisbiga Shuuciga Shiinaha (CCP) kaas oo cilmi-baaristiisa ay ku jirtay shaqo loo hayay milatariga Shiinaha – waxay leedahay saamayn aad u wayn oo dhanka geopolitics-ka ah oo uusan maamulka Biden doonayn in uu si toos ah u wajaho,” ayuu ku yiri qormadaas, oo uu la qoray Cliff Sims, oo ka mid ahaa kaaliyeyaashiisa sare. Senatarka Tom Cotton, oo ah Jamhuuri ka soo gala gobolka Arkansas, ahna guddoomiyaha cusub ee Guddiga Sirdoonka ee Aqalka Senate-ka, ayaa muddo dheer sheegay in uu u malaynayo in safmarku uu ka soo bilowday mid ka mid ah shaybaarada Wuhan, wuxuuna ammaanay isbeddelka ku yimid go’aanka hay’adda. “Hadda waxa ugu muhiimsan waa in Shiinaha laga dhigo in uu bixiyo magdhowga cudurka uu ku sii daayay adduunka,” ayuu yiri Mr. Cotton. Mr. Ratcliffe ayaa sheegay Khamiistii, markii la dhaariyay, in baaritaanka halka uu COVID ka soo bilowday ay tahay mudnaanta “Maalinta 1-aad”. “Waxaan u malaynayaa in sirdoonkeena, sayniskeena iyo caqligeena saliimka ah ay dhammaantood muujinayaan in asalka COVID uu ahaa likitaan ka dhacay Machadka Wuhan ee Virology,” ayuu u sheegay Breitbart. “Laakiin CIA ma aysan samayn qiimayn taas ah ama ugu yaraan si fagaare ah uma aysan sheegin qiimayntaas. Marka waxaan diiradda saari doonaa arrintaas oo aan eegi doonaa xogta sirdoonka, waxaanan xaqiijin doonaa in dadweynuhu ay ogaadaan in hay’addu ay ka baxayso aamusnaanta.” Saraakiisha sirdoonka ee sarsare ee maamulka Biden ayaa difaacay hab-raacooda iyo qaab-dhismeedkooda shaqo. Waxay sheegeen in aanay jirin xog sirdoon oo la qariyay, waxayna ku adkaysteen in siyaasaddu aanay wax door ah ku lahayn falanqayntooda. Saraakiishan ayaa sheegaya in ay jiraan dooddo macquul ah oo xooggan oo taageeraya labada aragtiyood ee ah in fayrasku ka soo baxay shaybaar iyo in uu si dabiici ah ku abuurmay, balse aanay jirin xog sirdoon oo go’aan kama dambays ah ka gaadhi karta labada dhinac midkoodna. Si loo xoojiyo aragtida sheegaysa in fayrasku uu si dabiici ah ku abuurmay, saraakiisha sirdoonka waxay jeclaan lahaayeen in ay helaan xayawaankii u gudbiyay bini’aadamka ama ay helaan fiidmeer sidday fayraskii asalka u ahaa coronavirus-ka sababa COVID. Sidoo kale, si loo xaqiijiyo in fayrasku uu ka soo baxay shaybaar, hay’adaha sirdoonka waxay jeclaan lahaayeen in ay helaan caddeyn muujinaysa in mid ka mid ah shaybaarada Wuhan uu ka shaqaynayay fayras awoowe u ah midka si toos ah u horseeday cudurka. Midkoodna caddeymahan lama helin. Laakiin Mr. Ratcliffe wuxuu ballan-qaaday CIA ka firfircoon, waxaana suurtogal ah in uu amro tallaabooyin dheeraad ah oo lagu dhex galo shaybaarada Wuhan ama dowladda Shiinaha si loo raadiyo xog dheeraad ah. Ma noqon doonto sir fudud in la soo helo. Saraakiisha sarsare ee dowladda Shiinaha ma oga, mana rabaan in ay ogaadaan, sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanka. Marka haddii ay jirto xog sirdoon, waxay u badan tahay in ay ku qarsoon tahay meel ay adag tahay in la gaaro. Saraakiisha sirdoonka ee la waraystay toddobaadyadii u dambeeyay ayaa sheegaya in ay suurtogal tahay in caddeyn noocaas ah ay ku jirto shaybaar ku yaal Shiinaha, ugu yaraan aragti ahaan. Laakiin, waxay yiraahdeen, waxay weli u badan tahay in jawaabaha su’aalaha ku saabsan asalka fayraska ay ka imaan doonaan horumar dhanka sayniska ah, ee aysan ka imaan doonin xog sirdoon oo la helay. Intii lagu jiray maamulkii Biden, hay’adaha sirdoonka ayaa u janjeeray dhanka aragtida ah in fayrasku uu ka yimid suuqa. Laakiin saraakiisha ayaa si fudud u qirtay in aysan ahayn arrin la hubo. Shan hay’adood, oo ay ku jiraan Guddiga Sirdoonka Qaranka iyo Hay’adda Sirdoonka Difaaca, ayaa qiimeeyay in soo-gaarista dabiiciga ah ay u badan tahay in ay sababtay cudurka. Laakiin waxay sheegeen in ay kalsooni hoose oo keliya ku qabaan qiimayntooda. Ilaa hadda, laba hay’adood, FBI-da iyo Waaxda Tamarta, ayaa u maleeyay in fayrasku uu ka soo baxay shaybaar. Laakiin aragtiyahoodu way kala duwan yihiin. FBI-du waxay rumaysan tahay in fayrasku uu ka yimid Machadka Wuhan ee Virology. Waaxda Tamarta waxay taageertay shaybaar kale, Xarunta Wuhan ee Xakamaynta Cudurrada. Saraakiisha ayaan sheegin in CIA ay aaminsan tahay in mid ka mid ah labada shaybaar uu yahay isha ugu macquulsan ee fayraska.
  22. The recognition of Palestinian statehood has been a contentious and enduring issue in international relations. In recent decades, several European nations, including Ireland, Norway, and Spain, have unilaterally recognized Palestine, setting aside previous diplomatic frameworks. The United Nations General Assembly, too, granted Palestine non-member observer state status in 2012, further legitimizing its claims. The Palestinians, numbering around five million in Gaza and the West Bank, have masterfully utilized both spectacular acts of terrorism and highly adept public relations campaigns to keep their struggle for statehood at the forefront of global diplomatic discourse. While the plight of Palestinians has garnered substantial international attention, the broader question arises: why are other stateless peoples, often with larger populations and equally compelling grievances, overlooked in their quests for sovereignty? This selective recognition exposes a glaring inconsistency in the global approach to self-determination, which seems to prioritize political expediency over principles of justice and equity. The Palestinian Success in Public Relations The Palestinian issue is one of the most visible conflicts in the world. Over the decades, the Palestinians have skillfully leveraged a combination of armed struggle, diplomacy, and media narratives to maintain international focus on their cause. High-profile events, such as the First and Second Intifadas, and the use of emotionally charged imagery depicting the suffering of Palestinian civilians, have elicited widespread sympathy. The Palestinians’ ability to frame their narrative as one of colonial oppression and indigenous resistance has resonated deeply in international forums, particularly in the Global South. The strong support from Arab and Islamic nations, as well as a network of advocacy organizations in Western countries, has further bolstered their cause. Yet, the singular focus on Palestine has overshadowed the equally deserving aspirations of other stateless peoples, many of whom face far greater persecution. This disparity underscores the role of geopolitics and selective morality in determining which struggles for statehood are deemed worthy of international recognition. The Igbo and the Quest for Biafra The Igbo people of Nigeria are a prime example of a group whose aspirations for self-determination have been largely ignored by the international community. Numbering approximately 35 million in Nigeria and millions more in the diaspora, the Igbo have long sought the revival of Biafra, an independent state that existed briefly from 1967 to 1970. During the Nigerian Civil War, also known as the Biafran War, the Igbo endured a brutal campaign of genocide and starvation orchestrated by the Nigerian government. Over two million people, primarily women and children, perished in what was one of the 20th century’s most devastating humanitarian crises. Despite this history of suffering, the Igbo’s quest for statehood is met with indifference or outright hostility on the global stage. Today, the Nigerian government continues to suppress the Igbo, culturally and politically. Christians, who form a significant portion of the Igbo population, are increasingly targeted in a country where religious and ethnic tensions run high. Yet, despite their numbers and historical plight, the Igbo struggle for self-determination receives minimal attention in international forums, overshadowed by other conflicts deemed more strategically important. The Kurds: A Stateless Nation Straddling Borders The Kurds, numbering between 30 million and 45 million, are one of the largest stateless ethnic groups in the world. Spread across Turkey, Iran, Iraq, and Syria, the Kurds have faced decades of systemic oppression and violence. In Turkey, Kurdish identity and language have been suppressed for much of the 20th century, with Kurds often labeled as separatists or terrorists. In Iraq, the Kurds endured chemical attacks and mass killings under Saddam Hussein’s regime. More recently, the Kurdish forces in Syria, who played a critical role in the fight against ISIS, now face existential threats from Turkey’s military incursions. The global silence in response to Turkey’s actions, including forced displacement and civilian casualties, is deafening. Despite their numbers and significant contributions to regional stability, the Kurds have failed to gain meaningful international support for their statehood aspirations. The geopolitical sensitivities surrounding their struggle, particularly the opposition from powerful states like Turkey, have rendered their cause a diplomatic non-starter. The Uyghurs: Victims of Industrial-Scale Persecution In China, the Uyghurs, a Turkic Muslim minority numbering around 12 million, face some of the most egregious human rights abuses of the modern era. The Chinese government has detained over a million Uyghurs in a sprawling network of internment camps, euphemistically labeled as “re-education centers.” Reports of forced sterilizations, cultural erasure, and slave labor have emerged, painting a grim picture of systematic persecution. Unlike the Palestinians, who enjoy widespread support across much of the Muslim world, the Uyghurs’ plight is largely ignored by nations with significant economic ties to China. This silence is particularly striking given the scale of the atrocities, which many human rights organizations have described as crimes against humanity. The Uyghurs’ lack of a cohesive international advocacy network and the global community’s reluctance to confront China have left their quest for autonomy in the shadows, despite their harrowing plight. Somaliland: An Overlooked Success Story Somaliland, with a population of around six million, declared independence from Somalia in 1991 following the collapse of the central Somali government. Unlike many other stateless regions, Somaliland has achieved remarkable political stability and democratic governance. Despite its successes, Somaliland remains unrecognized by any country, with the international community insisting on Somalia’s territorial integrity. This refusal to acknowledge Somaliland’s de facto independence reflects the broader reluctance to challenge existing borders, even when doing so aligns with principles of self-determination and good governance. Somaliland’s case contrasts sharply with the Palestinian issue, where the international community has been willing to overlook territorial disputes and political complexities to advocate for statehood. The disparity in how the international community approaches these struggles for self-determination reveals the role of geopolitics in shaping the global agenda. In the case of Palestine, the geopolitical significance of the Middle East, coupled with the strong support of Arab and Islamic nations, has ensured that the Palestinian cause remains a priority. By contrast, the Igbo, Kurds, Uyghurs, and Somalilanders lack comparable geopolitical leverage. Their struggles do not align with the strategic interests of major powers, rendering their aspirations expendable in the calculus of international diplomacy. Moreover, the narrative framing of these struggles plays a crucial role. The Palestinians have successfully positioned their cause as a symbol of anti-colonial resistance, resonating with the global left and many post-colonial states. In contrast, the Igbo and Kurds are often dismissed as separatists, while the Uyghurs and Somalilanders struggle to break through the media and diplomatic inertia. The selective recognition of statehood undermines the credibility of the international community’s commitment to principles of self-determination and human rights. While the Palestinians’ quest for statehood is undoubtedly legitimate, it should not come at the expense of other equally deserving peoples. A consistent approach to self-determination would require the international community to address each case on its merits, rather than through the lens of political expediency. This would involve acknowledging historical injustices, evaluating current governance capabilities, and considering the will of the people. The plight of the Igbo, Kurds, Uyghurs, and Somalilanders serves as a stark reminder that the global system remains deeply flawed. Until the international community adopts a more equitable and principled approach, the promise of self-determination will remain an unfulfilled aspiration for millions around the world. By: Savio Rodrigues Qaran News
  23. Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa horraantii sanadkaan bilaabay dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Daacish oo inta badan saldhigatay buuraha gobolka Bari. Howl-galladii u dambeeyay ee lagu qaaday kooxda ayaa waxaa soo baxeysa in lagama maarmaan tahay in xididda loo siibo tiirarka ay xilligaan ku taagan tahay kooxda, taas oo ugu muhiimsan yahay dhanka sirdoonka ama waxa ay ugu yeeraan amniyaatka. Khubarada amniga ayaa qaba in dagaalka nuxurkiisa ee kooxdan lala galo ay tahay midka sirdoon, maadaama ay kooxda unugyo qarsoon horey ugu beertay qaar kamid magaalooyinka gobolka Bari oo ugu horreyso Boosaaso. Sida shalay dhacday guri ku yaalla magaalada Boosaaso ayey laamaha amniga ugu tageen qaraxyo iyo hub kale oo culus, kaasi oo uu deganaa nin ajnabi ah oo ciidanka toogteen xilli uu qarax miino ah ku aasayay waddo muhiim ah oo ku taalla Boosaaso. Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa haatan horyaalla inay shaqo adag ka qabato unugyada sirdoon ee daadsan magaalooyinka Carmo iyo Boosaaso, iyadoo sirdoon dharcad ah lagu daadinayo, si looga hortago weeraro aargoosi, islamarkaana xididda loogu siibo tiirka ugu adag ee kooxda ku leedahay gudaha maamulka. Sidoo kale waxaa khubarada amni ku talinayaan in magaalooyinka Boosaaso iyo Carmo kamid yihiin lagu wada xiro kamaaradaha qarsoon ee loo yaqaan CCTV, iyadoo qulqulka ajaanibta la xakameynayo, maadaama dagaal-yahaanada u badan ee kooxda ay yihiin ajaanib. Inta madaxweyne Saciid Deni uu isku hawlayo buuraha in ka badan waa inuu isku hawlaa Boosaaso iyo magaalooyinka kale ayey leeyihiin khubarada amniga, oo ku talinayay in sirdoonka Puntland uu door muhiim ah ka qaato dagaalka socda.
  24. Agaasime Maxamuud Xasan Maxamed Wasaaradda Amniga Puntland oo tixraacaysa go’aannadii ku saabsanaa xakamaynta khatarta ajaanibta ee uu xalay soo saaray wasiirka Arrimaha gudaha, Cabdi Faarax Juxaa ayaa sheegtay in aysan gebi ahaanba xuduudaha Puntland soo geli karin ajaanib sharci la’aan ah. Bayaan ka soo baxay wasaaradda Amniga Puntland oo uu warbaahinta u akhriyay Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Maxamuud Xasan Maxamed ayaa lagu sheegay in aysan dhammaan xuduudaha Puntland ka soo geli karin ajaanib sharci la’aan ah, islamarkaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo aan u hoggaansamin go’aannadii soo baxay. “Waxaan go’aaminay in dhammaan xuduudaha Puntland sida garoomada diyaaradaha, Kantaroollada iyo dekedaha midna aysan ka soo degi karin cid ama qof anjabi ah oo aan ogolaansho ka haysan wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland” ayuu yiri Agaasimaha wasaaradda Amniga Puntland Maxamuud Xasan Maxamed oo warbaahinta u akhriyay bayaankaasi. Xukuumadda Puntland waxay sidoo kale amar ku siisay dhammaan cid kasta oo ay u shaqeeyaan ajaanib sida; shirkadaha Ganacsiga, Wershadaha, xarumaha Caafimaadka iyo goobaha Waxbarashada in ay mudda 72 saac gudahood ah ku soo diiwaan-geliyaan, si loo hubiyo cidda mas’uulka ka ah. “Waxaa la faraya dhammaan cid kasta oo ajaanib dalka keentay ama soo gelisay sida; shirkadaha Ganacsiga, wershadaha, xarumaha Caafimaadka iyo xarumaha Waxbarashada in ay ku soo diiwaan-geliyaan mudda 72 saac gudahood ah, si loo xaqiijiyo Amnigooda iyo cidda mas’uuliyadooda qaadaysa” ayuu sii raaciya bayaanka wasaaradda Amniga Puntland. Wasaaradda ayaa sidoo kale ku wargelisay dhammaan mas’uuliyiinta Hoteellada iyo goobaha la seexdo in ay mudda 24 saac gudahood ah dowlada soo ogaysiiyaan cid kasta oo ku soo biirtay, si loo xaqiijiyo cidda ay yihiin iyo meesha ay ka yimaadeen. PUNTLAND POST The post Puntland: Waxaan go’aaminay in dhammaan xuduudaha Puntland aysan soo geli karin ajaanib aan sharciyad haysan appeared first on Puntland Post.