-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Deni ayaa markii u horraysay waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka laga faafiyay ee ku saabsan in uu mudda kororsi qorshaynayo. Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay munaasabadda Xuska Kowda Agoosto ee ka qabsoontay Madaxtooyada Garoowe ayaa gebi ahaanba si cad meesha uga saaray Arrinta mudda kororsiga. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyay in uu doorashada Madaxweynaha Puntland ku qabanayo wakhtigeeda rasmiga ah oo ku beegan 8 Jannaayo 2024. ” Waxa aan diyaar u ahay tartan axsaab ah 8-da January waxa aan ballan qaadayaa in haddii layga guuleysto in aan xilka si nabad ah u wareejiyo. Dalka nabad halloo daayo” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Hadalka Madaxweynaha ayaa meesha ka saaraya eedda siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland ee ku saabsan in Siciid Deni uu qorshaynayo mudda kororsi sharci-darro ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni “Doorashada Puntland waxay ku dhacaysa wakhtigeeda 8 Jan” appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (PP News Desk) — The abysmal performance of Nasra Abukar at the 100 metre World University Games in Beijing turned Somalia into the butt of jokes. Nasra was not only the last runner to reach the finishing line, but also commentators drew attention to her physique that had reflected lack of preparedness for the event. At a press conference Nasra said she would represent Somalia at the Games and would run the 10 metre contest. Nasra’s performance at World University Games made Somalia a laughing stock sports wise. The Association of Somali Universities denied that it had sent an athlete to Beijing to represent Somalia. According to the BBC Somali Service website Nasra is a student at Jobkey University in Mogadishu. “There are student athletes who are far more capable than Nasra is, but corruption and favouritism made her participation in World University Games possible” said a sports journalist in Mogadishu. Nasra has no sports experience but Khadjijo Adam, the Chairman of the Somali Athletics Association told BBC Somali Service that Nasra had “undergone intensive training sessions for the games”. © Puntland Post, 2023 The post Somalia Becomes the Butt of Sports Jokes in China appeared first on Puntland Post.
-
Ruun-nirgood (Caasimada Online) –Howlgal lagu burburiyay fariisin ay lahaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa galabta ka dhacay duleedka degmada Ruun-nirgood ee hobolka Shabeellada Dhexe. Gadiid dagaal iyo Saanad Ciidan ayaa lagu burburiyey howlgalkaas oo ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay galabta fuliyeen. Deegaanka lagu magacaabo Sigato oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee Gobalka Shabeellada Dhexe. Duqeyn ay geysteen diyaarado dagaal ayaa galabta fuliyey howlgalkaan, iyagoo beegsaday goob ay isku uruursaneysay kooxda Al-Shabaab. “Howlgalkaan ayaa khasaaro xoog leh waxaa lagu gaarsiiyay danbiilayaasha Khawaarijta ahaa ee ku sugnaa goobta uu howlgalka ka dhacay,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda inkastoo aan lagu shaacin tirada dagaalyahanada lagu dilay howlgalka. Degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe iyo deegaano badan oo hoos taga waxaa weli jooga ama yimaada dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ciidanka dowladda oo weerarro culus kala kulmay Al-Shabaab markii ay qabsadeen Ruun-nirgood waxay sii joogi waayeen deegaankaas, iyagoo isaga soo baxay. Maalmihii ugu dambeeyey duqeymaha ka dhacaya aagga Ruun-nirgood ayaa aad u badnaa, waxaana Jimcihii ugu yaraan 100 Shabaab ah lagu dilay aagga deegaanka Daarunicma oo degmadaas hoos taga, sidoo kale duqeyntaas waxaa Shabaab looga gubay ku dhawaad 10 gaari. The post Duqeyn lagu laayey Al-Shabaab oo galabta ka dhacday Ruun-nirgood appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhaleeceyn iyo eedo masuuliyad darro kala kulmeysa sidii loo fuliyey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Al-Shabaab ay ku laayeen ciidankii dhibowga ku qaadanayey Kuliyadda tababarrada ciidamada xoogga ee Jaalle Siyaad. Khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaas ka dhashay waa dhimashada 27 askari iyo dhaawacyada 72 kale, khasaarahaan uu geystay hal qof oo is qarxiyey oo ciidanka oo feylsan banaanka ka soo galay ayaa layaab ku noqotay dadka iyo dowladda. Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa maalin kadib si caro leh u sheegay inuu tuhmayo inay jiraan saraakiil ‘qaa’imiin ah’ oo weerarkaas fududeysay, isagoo wasaaradda difaaca iyo taliska xoogga ka dalbaday inay deg deg warbixin uga keenaan baaritaanka qaraxaas. Maalinkii xigay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa golaha shacabka ka hor sheegay in 14 qof oo saraakiil iyo askar isugu jira loo xiray weerarkaas, isla markaana ay socdaan baaritaano culus. Maalinkaas waxaa sidoo kale golaha hor tegay wasiirka gaashaandhigga oo xildhibaanada qaar kala kulmay caro sababtay in qaarkood ay si cad u sheegaan in wasiir Jaamac uusan qaadi karin masuuliyadda loo dhiibay ee wasaaradda difaaca qaranka. Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid oo ka mid ahaa xubnihii sida qayaxan u weeraray wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay in xitaa uu awoodi waayey inuu u tacsiyeeyo dhalinyaradii la laayey. Sidoo kale Xildhibaan Ciid wuxuu wasiirka ku eedeeyey damqasho iyo naxariis la’aan uu ku arkayey marar badan oo uu tegay furimaha, weliba goobo lagu laayey ciidan badan, wuxuuna dalbaday in dib loo eego xilka wasiirkaan oo mar kale looga yeero baarlamaanka. Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Barre oo la hadlay barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA ayaa sheegay in ciidankii lagu laayey Jaalle Siyaad oo ka tirsanaa guutada 14-ka October ay ku yimaadeen kacdoon shacab, markii uu Soobe ka dhacay qaraxii ugu weynaa ee 14-kii October. Guddoomiyaha ayaa sheegay inay cidankaasi aad ugu qanacsan shaqadooda oo dadka ku nool Marka iyo deegaanada hoos taga ay aad u jeclaayeen, waxaana lagu xusuustaa inay dhul badan ka xoreeyeen kooxda Al-Shabaab. Dhageyso Galka Baarista oo ku saabsanaa arrintaan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/08/01000000-0aff-0242-b732-08db92a22d1d_16k.mp3The post Cadaadiska ka dhashay Weerarkii Kulliyadda Jaalle Siyaad oo sii kordhaya: Xog appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiyada Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Golaha Shacabka ee BJFS ayaa maanta kulan su’aalo weydiin ah la qaatay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan Wada hadallada Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed. Ergayga ayaa guddiyada warbixin ka siiyey Sooyaalka Wadahadallada DFS iyo Somaliland iyo sidoo kale ahmiyadda ay wadahadalaas u leeyihiin umadda Soomaaliyeed. “Wadatashiyada waxaa ay bud-dhig u yihiin in la helo arragti loo dhanyahay iyo siyaasad mideysan oo ay DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ka yeeshay wadahadallada Somaliland,” ayuu yiri Mr. Guuleed oo ka warbixiyey kulanka. Cabdikariin Guuleed ayaa tan iyo markii uu madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay ergayga u qaabilsan arrimaha Somaliland wuxuu waday xog uruurin iyo talooyin ku saabsan sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadallada. Gudaha dalka magaalooyinkii uu tegay Guuleed waxaa ka mid ahayd magaalada Baydhaba ee Koonfur Galbeed, isagoo talooyinkooda ka soo dhageystay dhaqanka iyo qeybaha bulshada magaaladaas. Ergayga ayaa weli wada la tashiyada ku saabsan sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadallo mar kale ay masiirkooda ka yeeshaan Soomaaliya iyo Somaliland. Intii uu talada dalka hayey madaxweyne Farmaajo ayey fashilmeen wadahadalladii ugu dambeeyey ee dhex maray dowladda federaalka iyo Somaliland. Hadda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u qorsheysan in Somaliland ay la furti wadahadallo ka mug weyn kuwii hore, si natiijo looga keeno gooni isutaagga ay ku dhawaaqday Somaliland. The post Sawirro: BF oo Guuleed u yeeray si wax looga weydiiyo Somaliland + Jawaabtiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa ,(Qaran news)– Shir-guddoonka labada gole ee Guurtida iyo wakiillada ayaa qaabiley Mp, Sir Gavin Williamson oo ka mida Baarlamaanka Dalka Ingiriiska oo muddooyinkii u danbeeyey ku hawlanaa Qadiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Guddoomiyaha golaha guurtida JSL Saleebaan Maxamuud Aadan iyo guddoomiyaha golaha wakiillada Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir Fartoon ayaa xafiiska guddoomiyaha golaha guurtida ku soo dhaweeyay Sir Gavin Williamson oo ka kamid ah mudaneyaasha aqalka Baarlamaanka dalka Ingiriiska oo si weyn ugu ololeeya qaddiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, maantana dalka yimi. Kulanka Shir guddoonka labada gole la yeesheen xildhibaanka ayaa salka ku hayay xoojinta xidhiidhka labada baarlamaan ee Somaliland iyo Ingiriiska. Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo ay weheliyaan shirguddoonka labada gole ayaa hor yimid fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland, waxaana khudbad soo dhaweyn iyo mahadnaqa fadhiga golaha ka jeediyay guddoomiye Saleebaan, waxaanu ku boggaadiyay sida uu markasta uga shaqeeyo qadiyada gooni isu taaga Somaliland. Gaba-gabadii xildhibaan Sir Gavin Williamson ayaa shir-guddoonka labada gole baarlamaan uga mahadnaqay soo dhaweynta ay u sameeyeen, waxaanu sheegay in dowladda Ingiriiska ay ka go’an tahay inay aqoonsato Qadiyada madax bannaanida Somaliland. Qaran News
-
PRESS RELEASE Francophone British Business Council Partners with MSGBC Oil, Gas & Power 2023 The Francophone British Business Council has partnered with Energy Capital & Power for the MSGBC Oil, Gas & Power conference, scheduled for this November NOUAKCHOTT, Mauritania, August 1, 2023/ (Qaran news)-Energy Capital & Power (ECP) (https://EnergyCapitalPower.com) is proud to announce that it has entered into a Strategic Partnership Agreement with the Francophone British Business Council (FBBC) for the upcoming MSGBC Oil, Gas & Power conference and exhibition (https://apo-opa.info/3Okh0Pw). Taking place in Nouakchott from November 21-22, the conference builds on the success of previous high-level editions held over the course of 2021 and 2022. The FBBC is an organization that facilitates and promotes commerce between Francophone nations and the United Kingdom. FBBC has developed strong relationships with governments, embassies, trade bodies and commercial organizations across Francophone Africa in countries such as Senegal, Niger, Togo, Guinea-Conakry and Ivory Coast, and works on behalf of their members to promote their experience and capabilities in order to support business development. The FBBC-ECP partnership builds on the efforts by the FBBC to advance trade and commerce. Already, a number of UK companies are actively engaged in the MSGBC region. British-based multinational energy company bp, for example, is spearheading the development of the region’s biggest offshore gas project, the Greater Tortue Ahmeyim development. The energy major is also developing the BirAllah gas project and is looking at developing green hydrogen. While these efforts are set to unlock a new era of energy security and economic growth for the region, most of the MSGBC resources remain largely untapped, presenting lucrative opportunities for UK companies. Additionally, many local African businesses desire to build economic links with the United Kingdom, but many are unsure how to reach out to potential partners in an efficient and successful manner. As such, the partnership aims to solidify connections between UK and francophone African players, promoting trade and partnerships that will advance the development of energy in West Africa. “This new partnership between FBBC and ECP will undoubtedly strengthen the relationship between the UK and the MSGBC region, but it will also foster new business opportunities at the MSGBC Oil, Gas & Power 2023 conference and exhibition,” stated Sandra Jeque, International Conference Director at ECP. “Many energy initiatives, particularly green hydrogen, will require investment and capacity development, and FBBC can assist and advise local participants.” SOURCE Energy Capital & Power Qaran News
-
Dubai (Caasimada Online) – Caqabad cusub ayaa la soo deristay heshiiskii ay gadh-wadeenka ka ahayd dowladda Shiinuhu ee la isugu soo dhoweeyey Iran iyo Sacuudiga. Khilaafka culus ee Iran iyo Sacuudiga ayaa salka ku haya kadib markii ay labada dal isku qabsadeen ceel shidaal oo ku yaalla Gacanka Persia. Dalalka Sacuudiga iyo Kuwait ayaa si wada-jira u sheegtay ceel shidaal oo ku yaalla xeebaha al-Durra, halka dalka Iran ay dhinacooda ka sheegteen inay leeyihiin xuquuqda goobta ceelkaas laga helay, taasi oo ay ku magacaabeen Arash. Labada dhinac ayaa bishii March waxay Tehran ku yeesheen wada-hadal arrintan la xidhiidha, hase ahaatee wax natiijo ah lagama gaadhin. Afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Iran Nasser Kanaani ayaa sheegay in aanu dalkiisu u dul-qaadan doonin in lagu xad-gudbo xuquuqdiisa, isaga oo taageerayey hadal uu hore u sheegay wasiirka shidaalka ee dalka Iran. “Waxaanu hore u sheegnay, sida aanu diyaarka ugu nahay inaanu dalka Kuwait kala hadalno arrintan,” ayuu afhayeenka u sheegay warbaahinta. Waxa uu intaas sii raaciyey “Hase ahaatee, haddii aanay jirin cid danaynaysa in laga wada faa’iidaysto goobtaas [ceelka shidaalka], Jamhuuriyadda Iran waxay si iskeed ah u bilaabaysaa sahaminta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka”. Wasiirka shidaalka ee Kuwait ayaa u sheegay telefiishanka Sky News Arabia toddobaadkii hore, in dalkiisu uu bilaabi doono qodista iyo soo saarka shidaalka, iyada oo aan la sugaynin in heshiis la gaadho. Sacuudiga ayaa markaas wixii ka dambeeyey la saftay Kuwait, iyaga oo sheegay in labada dal ay leeyihiin goobta shidaalka laga helay, iyaga oo ugu baaqay Iran inay dib ugu soo laabato miiska wada-hadalka. The post Khilaaf culus oo soo kala dhex-galay Iran iyo Sacuudiga + Arrinta la isku hayo appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiir Kaahin muxuu u Sheegay Gavin Williamson Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa hadimo Sharafeed ku maamuusay Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo si wayn ugu ololeleeya qaddiyada iyo madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL ayaa Xildhibaanka xog waran ka siiyey amniga guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo horuumarka ka socda dalka, iyadoo Wasiirku si wayn Xildhibaan ugu mahadnaqay dedaalka uu la garab taaganyahay Somaliland iyo qaddiyada Somaliland uu horgeeyey aqalka Baarlamaanka Ingiriiska. Casuumaddan Xildhibaan Gavin Williamson lagu maamuusay waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Dr Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi (Suufi), Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mustafe Cali Bile, qaar ka mid ah Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Safiirka Dowladda Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska Cabdi Cabdillaahi Xirsi iyo Masuuliin kale. Xildhibaan Gavin Williamson ayaa shahaado sharaf ku maamuusay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo kormeeray Kuliyadda Ciidanka ee Turki-Som ee magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dardaarmay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada Gorgor oo uu halkaas tababar uga soconayey, xilliga uu kormeerka ku tegay. Waxa uu tilmaamay in kuliyadda Turki-Som ay soo saartay saraakiil iyo xiidan dalka ka sameeyey isbeddel amni, islamarkaana soo celiyey kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen ciidanka qalabka sida, taasi oo horseeday in guulo wax ku ool ah laga gaaro dagaalka kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo dalka. Mudane Xamza oo la hadlayay saraakiil iyo saraakiil xigeen ka tirsan ciidanka Gorgor ee X.D.S, ayaa xusay in ay hubka u sitaan ilaalinta difaaca dalka, diinta iyo dadka, sidaas darteedna laga rabo inay ka fogaan wax walba oo xumeynaya sumcaddooda. Guutada Gorgor ee ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu tilmaamay ra’iisul wasaaraha in ay yihiin qeyb muhiim ah oo door wanaagsan ka ciyaaray xoreynta qeybo kamid ah gobollada dalka. “Waxaa haddana laga filayaa (Gorgor) in ay ka sifeeyaan Khawaarijta goobaha ay ku dhuumaaleeysanayaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre. Intii uu socday kormeerka ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu ciidanka soo bandhigay dhoola-tus la xiriira tababarka iyo duruusta ay ku qaataan kuliyadda. Ugu dambeyntiina ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey dowladda Turkiya kaalinta ay ka qaadaneyso dhismaha ciidanka qaranka, gaar ahaan Kulliyadda Turki-Som oo soo saarta saraakiil iyo ciidan wax weyn ku soo kordhiyay difaaca qaranka. The post Sawirro: R/W Xamza oo kormeer ku tegay kuliyadda TURKI-SOM – Muxuu kusoo arkay? appeared first on Caasimada Online.
-
JOHANNESBURG, South Africa, August 1, 2023/(Qaran news)- The African Energy Chamber (AEC) (www.EnergyChamber.org) strongly condemns the military takeover and subsequent arrest of senior ministers in Niger, recognizing this action as a direct attack on African democracy. For African nations to grow, develop and thrive, there needs to be stable, democratic processes in place, and the recent coup has not only restricted progress but directly infringes upon the rights of the people of Niger. Last week, Niger’s democratically elected President Mohamed Bazoum was overthrown by a military group in a coup, with the junta suspending the constitution and installing a non-elected General in his place. This week, the country saw the arrest of high-level senior government officials including Niger’s Minister of Petroleum, Energy and Renewable Energies Mahamane Sani Mahamadou. In respect of democracy and of Niger’s development, the AEC calls for the immediate release of Minister Mahamadou as well as the other government officials. Representing the voice of the African energy sector, the AEC is a strong advocate for the investment and development of Africa’s energy resources – recognizing these resources to underpin the economic development of the continent. For Niger, a relatively small yet resource-rich market in its own right, attracting investment has been a top priority of the democratically-elected government, with efforts to establish an enabling environment, bolster electrification and industrialization seeing major projects being launched and economic development progressing. The country has been positioning itself as a top investment destination while consolidating its role in global uranium, oil and mineral markets worldwide. However, these efforts have been directly restricted with the recent illegal, military seizure of power. Following the coup, large-scale investments have been cancelled, regional nations and financiers have imposed sanctions and supply chains have been cut off, creating significant challenges for the people of Niger. The illegal overthrow of the democratically-elected government has not only disrupted the rule of law, the respect of democracy and the will of the people, but has created unwarranted challenges for the very people the junta claims to represent. To find Niger set-back by a military group who do not respect democracy is a tragedy. “We call for the immediate release of the former minister and the current minister. For the military junta to arrest them is out of order and we need to condemn it. They need to be released immediately.” states NJ Ayuk, Executive Chairman of the AEC, adding that, “we need to move from strong men to building strong institutions that will create an enabling environment for energy growth, fight energy poverty and a just transition. Dictatorships are not the way to go”. The AEC represents a strong advocate for Niger’s development, and through platforms such as the African Energy Week conference, has worked collaboratively with the Nigerien government to usher in a new era of economic prosperity for the country. However, the military intervention, in addition to threatening the democratic process, is telling those who fight for the country and its development that their work and commitment has been in vain. Individuals such as Minister Mahamadou have been fierce advocates for development, and his recent arrest should be condemned and reversed immediately. Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. SOURCE African Energy Chamber Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa jiray waqti ay si baaxad leh u kobceen Maleeshiyadka Al-shabaab, waana sanadadii 2017-kii ilaa iyo horraantii sanadkii 2022-kii, waxay aheyd xiligii AlShabaab ay dhaqaalihii ugu badan ka sameeyeen magaalada Muqdisho, sida uu sheegay wasiirka difaaca Soomaaliya. Sirdoonka Soomaaliya ayaa hadda gacanta ku haaya shaqsiyaad badan oo Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baada ah, u basaasida hey’adaha dowladda iyo falalkii amni darro ee caasimadda ka dhici jiray. Tan iyo markii Hey’add Sirdoonka Qaranka ee NISA ay baacsiga kooxda toos u bilowday waxaa jiray saraakiil soo shaqeeyay 5-tii sano ee ugu dambeysay oo Al-Shabaab u baxsaday, iyagoo ka baqdin ka qaba inay gacanta dowladda ku dhacaan oo la fahmo, taas oo suurta-gelineysa in laga jaaseeyo wixii ay ummadda u geysa jireen. Kala firxadka dadkii basaasiinta u ahaa Al-Shabaab waxaa ka dhalatay in magaalada Muqdisho ay hesho nabad ay ku naaloon karaan dadka ku nool. Raiisul wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre ayaa degmada Heliwaa in dadaal badan iyo isla xisaabtan dhab ah ay dowladu gelisay suurta-gelinta in lagu xafladeeyo degmadaas geeska u xigta caasimadda, taas oo muujinaysa in wax muuqda laga qabtay amniga magaalada. “Waxaan la tacaaleynaa Urur Argagixiso oo fursad loo siiyey mudo 5 sano ah inay is diyaariyaan, dhaqaalo aruursadaan, maadooyinka qarxa dekadaha kala soo degaan, kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed maskaxda ka dhaqaan, ajaanibtii ugu badneed dalka soo geliyaan, la soo degaan hubka noocyadiisa kala duwan”, sidaasi waxaa barihiisa bulshada ku qoray Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Wasiir Jaamac ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa intaa sii dheer oo ay Khawaarjtu heshay 5-aas sano kalsooni ah in dalkaba qabsan karaan, shacabkayagow ogaada haddaan Khawaarijta dagaalkeeda la’aadi laheyn sanad ka hor xaaladu siday maanta tahay ma ahaateen. Intaas u dhaafi maayo kuwa raba inay ku faanaan ficilada Khawaarijta anagoo og inay ka xun yihiin waxa ku dhacaayo Khawaarijta.” Dhinaca kale Abaabul xooggan ayey dowladdu ka wadaa gobolka Galgaduud, waxaa degmada Guricel lagu soo bandhigay dhallinyaro degaanka ah oo hubeysan, kuwaas oo loo diyaariyay inay ka qeyb noqdaan howlgalka dhamaystirka Wejiga 1-aad ee Al-Shabaab looga sifeynayo Galmudug. Dhawaan ayay aheyd markii deegaanno ka tirsan Galmudug ay gareen sarakiil ka mid ah ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo booqday xarumaha ciidamada ay ku leeyihiin Galmudug, iyagoo u sheegay in ay u diyaar garoobaan dagaal ka bilaaba doona Galmudug. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu u guuro Dhuusamareeb, halkaas oo howlgalka uu ka hoggaami doono, sidoo kale degmada Aadan-yabaal ayaa la qorsheeyey inay noqoto fariisinka 2-aad ee Madaxweynaha, degmooyinkaas ayuu Xasan Sheekh ku soo qaada doonaa laba bilood oo lagu soo afjayo wajiga 1-aad ee dagaalka. Dowladda Soomaaliya waxaa laga rabaa inay isku-si ula dagaalanto qolooyinka loo bixiyey ‘Qaaqlayaasha’ iyo Khawaarijta Al-shabaab, maadaama ay isku af noqdeen, sida ay qabaan dadka la dhacsan sida ay dowladdu u wajaheyso dagaalka Al-Shabaab. Kooxo aad isticmaala baraha bulshada oo u badan taageerayaasha Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa maalmahaan soo bandhigayey qormooyin muujinaya inay ka xunyihiin guulaha ay dowladda iyo shacabku ka gaarayaan dagaalka kooxda Al-Shabaab oo ku jirta waqti adag oo loo midoobay. The post DF Soomaaliya oo hadda ku baraarugtay cadow kale oo uga soo hoos baxay Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Wefdi Somaliland ah oo kulamo ku yeeshay dalka Taiwan Taipei-(Qaran news)-Waftiga Somaliland ee ku sugan dalka Jamhuuriyadda Shiinaha (Taiwan) ayaa la kulmay hay’adaha mideeya Ganacsatada dalka Taiwan ee wax dhoofiya iyo kuwa dalka Taiwan usoo dajiya badeecadaha. Waftigu waxa uu kala hadlay in dalka Somaliland ay ganacsatada reer Taiwan ay ka soo dhoofsan karaan Xoolaha, Kaluunka, Xabkaha iyo faleenka iyo macdanaha kala duwan halka ay siddoo kale ay Somaliland diyaar u tahay imkaaniyaad ahaan in badeecadaha dalka Taiwan ay u gudbiyahaan dalalka Afrika (Marinka Afrika) oo ah suuq baaxad weyn iyo siddoo kale in la isku xidho ganacsatada labada dal. Shalay ayay labada dawladood wada saxeexdeen heshiis Ganacsi oo suuro galin doonna in uu kobco ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal. Qaran News
-
Itoobiya oo qorshaysay samaynta Khadka Tareen isku xidha Berbera iyo Diridhaba Xukuumada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday qorshaheeda inay dhisto khad tareen isku xidha magaalooyinka Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo magaalada Diridhaba ee Itoobiya. Sida lagu sheegay qorshaha soddonka Sannadood ee Gaadiidka Itoobiya 2022 – 2052 ayey muhiimada koowaad siisay dhisitaanka waddo tareen isku xidha Somaliland iyo Itoobiya. Dalka Itoobiya ayaa xaqiijiyey in qorshaheeda gaadiidka sannadka 2035 muhiimada koowaad u tahay samaynta wadadda tareenka magaalooyinka Diridhaba ilaa Berbera ee Somaliland. Mashruucan oo lagu qiyaasay inay ku bixi doonto dhaqaale gaadhaya 1,305,000 $ (hal milyan, saddex boqol iyo shan kun dollar) ayaa loo isticmaali doonaa xamuul badeecadeed gaadhaya 1.234.751 oo Tan sannadkii. Qorshahan oo weli dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland aanay wax war ah ka soo saarin ayaa hirgelintiisu wax weyn ku soo kordhin doontaa xidhiidhka ganacsi ee labada wadan iyo kor-u-kaca dhaqaalaha labada shacab. Qaran News
-
Iyadoo Kaltuum ay kufsi wadareed u geysteen afar dagaalyahan oo ka tirsan ciidamada taageerada degdegga ah ee ku sugan gobolka Darfur ee dalka Suudaan, ayaa sidoo kale lagula kacay cunsuriyad. Digniin: Sheekadan waxaa macquul ah inay ku jiraan qoraallo saameyn kugu yeelanaya ee ka taxadar. “Waxay ahaayeen kuwo bahallo ah. Waxay igu soo celiyeen geedkii aan u aaday in aan qoryo kasoo guro si aan u shidanno oo aan diirrimaad uga helno waxay iigu celiyeen si ay iigu kufsadaan,” ayay ku tiri cod gariiraya, iyadoo hoos ugu dhigtay khadka taleefanka. Waxaan beddelnay magaceeda iyada iyo gabadh kale oo la kufsaday isla markaana aan kasoo xigannay sheekadan. Kaltuum, oo 40-jir ah, waxay ka soo jeeddaa Galbeedka Darfur ee Masalit ee dadka madow, halka kuwii kufsaday ay ahaayeen Carab ka tirsan Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee RSF. Kooxdan dableyda ah ayaa lagu eedeeyaa in ay gaysteen gaboodfallo badan oo ka dhashay iskahorimaadka kaas oo ku saleysan isir nacaybkii horay u jiray ee Darfur. Kaltuum oo ku nooleyd El Geneina oo taariikh ahaan calaamad u ah awoodda Afrikaanka madow ee Darfur, iyo caasimadda dhaqanka ee boqortooyada Masalit ayaa hadda waxay la soo carartay ninkeedii iyo carruurteeda oo xanuunsan. Kaltuum waxay sheegtay in kuwii kufsaday ay u sheegeen in ay isaga baxdo magaalada maadaama ay “Carabtu leedahay”, taas oo sii kordhinaysa cabsida ay qabaan dad badan oo Afrikaan madow ah oo ka cabsi qaba in RSF ay waxyeelleeyaan. Sudan waxa ay gashay dagaal sokeeye bartamihii bishii April, kadib markii ay is khilaafeen labada janaraal ee ugu awooda badnaa oo kala ah taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo taliyaha RSF Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan “Hemedti”. Dagaalkooda ayaa dib u soo celiyay colaadda Darfur, oo markii ugu horreysay bilaabatay 2003-dii, taasoo sababtay dhimashada dad lagu qiyaasay 300,000 oo qof oo gobolkaasi ah. Colaaddii ugu dambeysay ayaa ku qasabtay in ka badan 160,000 oo qof, oo u badan qowmiyadda Massalit inay u qaxaan Chad. Ma cadda tirada dadka lagu dilay gobolka, iyadoo qiyaasta ugu yar ee dhimashada El Geneina lagu sheegay ilaa 5,000. Dagaalyahannada RSF-ta ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay xasuuq ka geysteen gobolka ugu dadka badan Suudaan iyo magaaladda caasimadda ah ee Khartoum. Dagaallada ayaa horseeday inay ka qaxaan ku dhawaad laba milyan oo qof tan iyo bartamihii bishii April. Ibtisaam, oo 24 jir ah, ayaa BBC-da u sheegtay in ay u socotay si ay u soo booqato eeddadeed markii saddex askari oo ka tirsan RSF ay joojiyeen. “Waxay iilasoo bexeen qoryiha, waxayna i waydiiyeen halka aan u socdo, markii aan u sheegay in aan guriga eeddaday u socdo, waxay igu eedeeyeen in aan ka tirsanahay ciidanka nabad sugidda,” ayay tiri, iyadoo codkeedu aad u gaaban yahay. Askarta ayaa dabadeed ku qasbay inay raacdo baabuurkii ay wateen oo ay u kaxeeyeen guri u dhowaa oo aan aaggaasi ka fogeyn. “Waxaan arkay nin kale oo guriga ku jira, oo siibtay nigiskii, waxaan isku dayay inaan baxsado, laakiin mid ka mid ah askarta ayaa si xun ii garaacay, waxaan ku dhacay dhulka, waxay iigu hanjabeen inay i dilayaan haddii aan dhaqaaqo ama aan qayliyo” Ayay tiri, intay taleefoonka ku ilmeysay. “Saddexdoodaba waxay wey i kufsadeen waliba halmar kabadan, kadib waxay igu celiyeen baabuurkoodii, waxayna igu tuureen wadada dhinaceeda markii qorraxdu dhacday,” ayay tiri. Kadib waqti yar oo ay aamusneyd isla markaana hadalku kasoo bixi waayay, Ibtisaam waxa ay ka warrantay sida ay dareemeyso waxa ay sheegtay in ay ay dareentay “bahdil iyo xumaan aad u weyn”. “Waxaan rabay in aan is dilo, laakin waan is celiyay, waxaan ku laabtay guriga, cidna uma sheegin waxa dhacay.” Ayey sii raacisay Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ee dalka Sudan ayaa horaantii bishii July sheegay in ay heleen warbixino ku saabsan 21 dhacdo oo xadgudub galmo ah oo lagula kacay ugu yaraan 57 haween iyo gabdho yaryar isugu jira. Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Türk ayaa xusay in “RSF lagu aqoonsaday dambiyada ” ku dhawaad dhammaan kiisaska laga soo sheegay xafiiskiisa. Qaramada Midoobay iyo kooxaha xuquuqda maxalliga ah ayaa labaduba waxay rumaysan yihiin in tirooyinkani ay yihiin qayb yar oo ka mid ah miisaanka dhabta ah ee dembiyada. Ahlam Nasser oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha Suudaan ayaa sheegtay in aysan wax shaki ah ka qabin in kufsiga loo isticmaalo hub dagaal oo dadka lagu argagax geliyo. Haweeneydan lafteeda hadda waxa ay ka carartay Suudaan, waxa ayna sheegtay inay iyaduna sheeko naxdin leh ka maqashay qaar ka mid ah haweenkii ku laabtay Khartoum. “Mararka qaar, hooyooyinka waxaa lagu kufsadaa carruurtooda hortooda,” ayay tiri Ms Nasser. Suudaan RSF ayaa beenisay in dagaalyahannadeeda ay ka dambeeyaan weeraradan xadgudubyada ah ee la xiriira kusiga. Cod laga soo duubay afhayeenkooda Mohammed al-Mukhtar oo BBC-da lalasoo wadaagay ayaa wuxuu ku sheegay in dagaalyahannadooda “ay ka go’an tahay heerka ugu sarreeya ee dagaalka”. “Waxaa jira ololeyaal ulakac ah oo lagu xumeynayo sumcadda dagaalyahannadayada kadib guulihii militari ee aan gaarnay,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Markii BBC-du ay u sheegtay in aan la hadalnay haween sheegay in dagaalhayannadooda ay waxyeello u geysteen, Al-Mukhtaar wuxuu sheegay in dadka iska dhigaya xubnaha RSF ay mas’uul ka yihiin xadgudubyada. Kaltuum iyo Ibtisaam ayaa waxa ay sheegeen in xanuunka ay la kulmeen aysan waligood hilmaami doonin. “Weligay ma ilaawi doono wixii igu dhacay. Calaamad ceeb ah ayaa i raaci doonta weligeed, sida harkeyga oo kale,” Kaltuum ayaa sidaasi tiri. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee sanad-dugsiyeedka 2021-2022, kaasi oo sanadkii afaraad uu qaaday maamulka gobolka Banaadir. Munaasibadda lagu shaaciyay natiijada imtixaanka oo ka dhacday Muqdisho ayaa lagu sheegay in guud ahaan ay imtixaanka u fariisteen 31,372 Ardey oo ka kala socotay 76 xarumood iyo 1,592 fasal oo dhamaantood kamid ah dugsiyada gobolka Banaadir. Sida uu shaaciyay Agaasimaha guud ee waxbarashada gobolka Banaadir Dr. Cabdifitaax Bare waxa imtixaanka sanadkaan gudbay 30,837 Arday, halka tirada hartay ay gaareyso 535 Arday, kuwaas oo dhawaan u fadhiistay imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad-dugsiyeedka 2022/2023. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka qeyb-galay shaacinta natiijada imtixaanka ayaa hambalyeeyay ardaydii gudubtay imtixaanka, isaga oo sidoo kale la dardaarmay waalidiinta Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in waxbarashada gobolka la tayeeyay, isaga oo digniin u diray xarumo uu sheegay in qaab ganacsi ahaan ah loo furtay, oo kamid ah xarumaha waxbarasho ee ku yaalla magaalada Muqdisho. “Marka laga tago xaruma Waxbarasho oo tayadooda sareyso islamarkaana iska xilsaaray horumarinta waxbarashada, hadana waxaa jira kuwa qaab ganacsi loo furtay waana la xisaabtami doona,” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Madaale. Hoos ka aqriso magacyada Ardayda gashay 10-ka kaalmood ee u horreeya, kuwaasi oo kala ah; 1. Yacquub Maxamed Cadde Maxamed 2. Maxamed Cusmaan Cabdi Macow 3. Amal Cabduqaadir Maxamuud Kaahiye 4. Axmed Maxamed Calasow 5. Ayuub Cabdiweli Cumar Nuur 6. Xafsa Bashiir Maxamuud Maxamed 7. Cali Cumar Cali Faqay 7. Mustaf Salaad Cabdulle Xuseen 7. Abuukar Maxamed Faarax Cali 8. Asma Xasan Aadan Diiriye 9. Maxamed Cumar Cabdi Xuseen 10. Sundus Cabdiweli Nuur Cusmaan The post G/Banaadir oo shaaciyay natiijada Imtixaanka shahaadiga + 10-ka u sarreeya appeared first on Caasimada Online.
-
Présentation In response to the current water and food shortages caused by the ‘triple threat’ of drought, locust and COVID-19 in Eastern Somaliland, Oxfam and local partner Taakulo will support 43,800 rural IDPs and host communities (pastoralists) with integrated WASH and Food Security interventions in the Sool, Sanaag and Togdheer region The WASH component will reach over 43,800 people with clean drinking water and an improved and safe access to rehabilitated water sources. Existing water market structures willbe sustainably strengthened through Cash for Water interventions and water prices prevented from rising by solarizing water sources and providing operators with the means to maintain existing desalination units. 1,036 households ( 6,216 women, men, boysand girls) will be supported through the food security and livelihoods assistance component. The Sida RRM will contribute to addressing the immediate food needs of the people affected by drought and the socioeconomic impact of COVID-19. Oxfam and Taakulowill respond through cash assistance that allows households to meet their basic food needs. Community and government engagement will be at the centre of the response and closeengagement is ensured during the project design and implementation stages as this will increase ownership and social accountability, and ensure sustainability after our intervention ends. Total budget : 159,424 EUR Acteur (s) : Taakulo Somaliland Community Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – In la abuuro xaalad cabsi ku ah dadka ama dowladnimada, iyada oo ujeedka uu yahay xukun dheereysi waxay noqotay fal-safad caan ah oo madax badan adeegsadaan. Somaliland labadii sano ee u dambeysay waxaa ka jiray xasarado. Bishii November ee sanadkii hore waxaa dhamaaday muddo xileedka Muuse Biixi Cabdi. Tan iyo xilligaas waxaa dhacay xasarado dhowr weji leh, dadka qaar ayaa tuhunsan in nidaamka Biixi uu xasaradaha qaar u abuuray si ku tala-gal ah, si dadka looga jeediyo muddo kororsiga. Dhawaan koox jabhad ah ayaa qabsatay deegaanka la yiraahdo Gacan-Libaax, waana xiisad kale oo billow ah oo ku biireysa xaaladaha cakiran ee Somaliland. Dadka reer Somaliland hadda kama hadlaan doorasho, waxay si maalinle ah uga fal-celinayaan mushkiladaha gudaha laga abuuray. Sababaha xoojinaya tuhunka ah in mushkiladaha qaar uu maamulka Muuse Biixi Injineer ka yahay waa sida loo wajahayo xalintooda. Maamulka waqti ma uusan gelin daminta colaadahan. Xilliyadaan oo kale shacabka waxay u qeybsamaan kuwo si xagjirnimo ah ula safta hoggaanka maamulka, kuwo si lamid ah u diidan iyo kuwo ka walaacsan halka ay wax ku dambeyn doonaan. Su’aasha ay dad badan qabaan waxay tahay ma u miro-dhashaa madaxda mushkiladaha u abuura si ay uga faa’iidaan cimri dheereysi xukun. Waa macquul inay ku helaan dhowr sano oo muddo kororsi ah, laakiin xasaradaha ay abuuraan madaxdaan ayaa marka dambe sabab u noqda in xukunka laga qaato. Aan tusaale usoo qaadano middii u dambeysay ee Muqdisho. 2021-kii maamulkii madaxweyne Farmaajo ayaa abuuray mushkilado waaweyn oo qaar ay gacan ka hadal sababeen, qaarna ay u dhowaadeen inay dalka dagaal sokeeye galiyaan. Marwalba oo dhibaatooyinka bataan dadka waxgalka ah waxaa ku bata walaaca ah mustaqbalka dalka iyo dowladnimada, kadibna waxaa abuurmata baahi loo qabo hoggaamiye nabaddoon ah oo aan gacan ka hadal aqoonin, kaasi oo xalin kara mushkiladaha uu abuuray hoggaanka xafiiska jooga. Farmaajo mushkiladihii uu alifay waxay u dhaleen hal sano iyo saddex billood oo muddo kororsi ah. Laakiin waxa uu dhinaca kale abuuray rabitaan ah in loo baahan yahay hoggaamiye nabaddoon ah oo dalka ka badbaadin kara gacan ka hadal, taasi oo dhaafisay kursigii madaxtinimada keentayna Xasan Sheekh Maxamuud oo markaas loo arkaayey qofka ugu nabaddoonsan tartamayaasha. Hadda iyo Muuse Biixi, sida muuqata muddo kororsigiisi waa shaqeynayaa, laakiin durba reer Somaliland waxay ka doodayaan sida loo heli karo hoggaamiye nabaddoon ah oo isku soo celin kara maamulka, ka badbaadin kara dagaal sokeeye, oo xalin kara mushkiladaha uu abuuray nidaamka hadda jira. Su’aasha ah Muuse Biixi mushkiladahaan shan sano oo cusub ma u dhali karaan waxay dad badan uga jawaabayaan maya, laakiin maxay kula tahay adiga? The post Xasaradaha Somaliland ka taagan shan sano ma u iibin karaan Muuse Biixi? appeared first on Caasimada Online.
-
The French foreign ministry says it will soon start evacuating its nationals in Niger following a coup last week. Source: Hiiraan Online
-
Bayaan ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa lagu faah faahiyey sababta dadka looga saarayo Dhulka (Kaasa Italia ) ee degmada Xamar weyne oo ah dhul ay leedahay safaaradda dowladda Talyaaniga, arrintaan ayaa saacadihii dambe baraha aad u qabsatay. “Burburinta dhismaha Xarunta Kaasa Italia waxay ku timid Codsi nooga yimid dowladda Talyaaniga oo dalbatay in dhulkeeda loo baneeyo oo ay u baahan tahay, waxaana bulshada loo sheegayaa inaanu jirin ganacsade ama dowlad Soomaaliyeed oo dhulkaas isticmaali doonta”. ayuaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddoomiye Madaale. Dhulkaan ayaa waxaa degnaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo in muddo ah ku ganacsanayay, waxaana amarka soo baxay maamulka uu kusoo aadayaa xilli booliiska gobolka ay burburiyeen goobo ku yaalay dhulkaan Kaasa Italia, kaas oo dowladdu sheegatay in dib loogu celinayo safaradda Taliyaaniga oo dib u dhinaysa sida la sheegay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax culus oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa nooca Miinada ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, wuxuu geystay khasaare kala duwan. Sida ay ogaatay Caasimada Online, qaraxaan ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda, xilli ay marayeen xaafada Buulo-Xuubeey ee degmada Wadajir. Inta la xaqiijiyay illaa hadda waxaa waxyeelo kasoo gaartay qaraxaasi, oo ku dhaawacmay hal askari, sidoo kalena waxa uu burbur xoogan uu soo gaaray gaariga ay ciidanka la socdeen ee qarxa lala eegtay. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka iyo maamulka degmada, oo ku aadan qaraxa maanta ka dhacay xaafada Buulo-Xuubeey ee lala beegsaday askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya. Magaalada Muqdisho oo dhowrkii billood ee lasoo dhaafay ka reysatay qaraxyada iyo falalka amniga ka dhan ah, ayaa maalmihii dambe waxaa kusoo badanayay falalka amni darro ee ay kooxaha argagixisada ka fulinayaan gudaha caasimada. Si kastaba, Saraakiisha ciidanka iyo laamaha kala duwan ee dowladda ayaa wada dadaallo lagu xaqiijinayo amniga caasimada, xilli dhawaan uu dalka ka bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab. The post Faah-faahinta qarax culus oo ka dhacay Muqdisho + Bartilmaameedka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa markii u horeysay ka hadlay sababta dadka looga saarayo dhul ku yaalla Muqdisho, oo maalmihii dambe xiisad xooggan ka taagneyd. Dhulkaan oo loo yaqaano Kaasa Italia ayaa ah dhul ay leedahay safaaradda dowladda Talyaaniga, sida uu sheegay maamulka gobolka Banaadir. Bayaan kasoo baxay maamulka gobolka, gaar ahaan guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa waxaa lagu sheegay in burburinta iyo baneynta dhulkaasi ay ku timid codsi uga yimid safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, oo u baahan tahay dhulkeeda. “Bur-burinta dhismaha xarunta Kaasa Italia waxay ku timid codsi nooga yimid dowladda Talyaaniga oo dalbatay in dhulkeeda loo baneeyo oo ay u baahan tahay,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waxaa bulshada Soomaaliyeed loo sheegayaa in aanu jirin ganacsade ama dowlad Soomaaliyeed oo dhulkaas isticmaali doonta”. Waxaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn u dhex wareegayay baraha bulshada muuqaalada qaar kamid ah dadkii deganaa dhulkaasi oo cabanaya, ayada oo qaarkoodna ay sheegeen in dano shaqai ah looga saaranayo dhulkaasi, taasi oo uu meesha ka saaray maamulka gobolka. Si kastaba, dhulkaasi ayay dowladda kua billowday burburin, waxaana laga soo xiganaya maamulka gobolka in billo kahor lagu wargeliyay arrintaan dadkii deganaa dhulkaasi. The post Maamulka gobolka oo war kasoo saaray arrin xiisad xooggan ka abuurtay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
