-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dagaallo ayaa ka dhacay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka deegaanka. Dadka ku nool magaalada taariikhiga ah ee Lalibela oo BBC-da la hadlay ayaa ku tilmaamay isku dhacyada hubaysan kuwa qasbay in la joojiyo duullimaadyadii diyaaradaha ee daagaanka. Dhaqdhaqaaqayaasha xidhiidhka la leh meleeshiyaadka loo yaqaan Fano ayaa sheeganaya inay gacanta ku hayaan garoonka diyaaradaha ee magaalada laakiin BBC ma aysan u suurtagelin inay si madax banaan u xaqiijiso sheegashada. Dagaallo ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa ilaa ugu yaraan afar magaalo oo kale – kuwaas oo qaarkood ay dadka deegaanku ku tilmaameen “kuwo culus”. Afhayeenka Ciidanka Difaaca Itoobiya Col. Getnet Adane ayaa u sheegay wariyaasha Talaadadii in ay “qaadayaan” tillaabooyin ka dhan ah “kooxaha hubaysan ee ku shaqeeya magaca Fano.” Toddobaadki hore ciidamo safar ah ayaa lagu weeraray labo aag oo ka tirsan gobolka. Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya wadooyin dhowr ah oo lagu xiray geedo iyo dhagxaan si loo xakameeyo dhaq dhaqaaqa ciidamada. Ururka u dooda xuquuqda bulshada gobolka Amxaarada oo lagu magacaabo Amhara Association of America (AAA) ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen iska horimaadyo dhowr ah oo ka dhacay degaano dhowr ah, waxayna walaac ka muujiyeen ammaanka dadka rayidka ah. Madaxweynaha gobolka Amxaarada Yilkal Kefale ayaa dhankiisa sheegay in xafiiskiisu u furan yahay in wadahadal lagu dhameeyo arrimaha taagan. Source
-
Garowe (HOL) - Puntland Regional State President, Said Abdullahi Deni, has pledged that multi-party elections will take place on January 8, 2024, in Puntland, a few days after opposition politicians threatened to hold a unilateral election if Deni fails to conduct a consensus election early next year. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Salaad ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu ka bilaabay kulamo gaar gaar ah. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Mahad Salaad uu xalay ku hoyday caasimada Gamudug ee Dhuusamareeb, isla-markaana uu kulan la yeeshay madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor). Labada mas’uul ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug. Mahad Salaad ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Galmudug, waana halkii lagu soo doortay markii uu ahaa xildhibaanka, kahor inta aan loo magacaabin Hay’adda Nabad-Sugidda. Wararka ayaa intaas ku daraya in socdaalka uu taliyaha NISA ku gaaray Dhuusamareeb uu hordhac u yahy safar la filayo in maalmaha soo socda uu halkaas ku gaaro madaxweyne Xasan Sheekh oo la socon doono wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ammaanka magaaladan ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, ayada oo la geeyay ciidamo dheeraad ah oo isugu jiro Nabad-Sugid iyo milatari, si ay u sugaan amniga madaxweynaha. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu muddo ku sugnaan doono Galmudug, si uu halkaas uga hoggaaminayo howlgallada xoreynta ee ka socda gobollada Dhexe. Ujeedka ayaa ah in Al-Shabaab laga saaro Galmudug iyo HirShabelle, kadibna loo jiheysto Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxdu. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, ayada oo hadda la guda-galayo wajiga labaad ee dagaalka oo ay kusoo biiri doonaan dalalka dariska. The post Taliye Mahad Salaad oo ka dagay Dhuusamareeb + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa u dabaaldegtay sanad guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo aasay 1-da August sanadkii 1998-kii, waxaana sanad guurada sanadkaan ay ku soo aaday xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay khilaafka doorashada, furiosta dastuurka iyo waxka-badelkiisa oo dhaliyay khilaaf xooggan. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo ka hadlay munaasabadda 1-da August ayaa meesha ka saaray in xukuumadda uu hoggaamiyo ay doonayso muddo kororsi, xilli muddooyinkii dambe uu taagnaa xilaaf xooggan oo u dhaxeeyay madaxweynaha iyo xoogagga mucaaradka ee diidan sida loo wajahayo. Madaxweynaha ayaa xusay in doorashada ay ku dhici doonto xilligii loogu talo galay, waxaana uu carabka ku dhuftay in shacabka deegaannada Puntland ay soo dooran doonaan madaxdooda, taas oo lagu wado in ay dhacdo 8-da sanadka 2024,tan sida uu ka sheegay xilli uu ka hadlayay madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni. “Waxaan rabaa halkaan inaan ku bayaamiyo, dowladda an mas’uulka ka ahay, qaasatan golaha xukuumadda iyo anigaba, waxaan dadka reer Puntland u sheegayaa, oo cod dheer ugu sheegayaa, dowladdaan aan madaxda ka ahay waxaa ay rajeynaysaa ama diyaar u tahay in doorashada xilligeeda ku qabato” ayuu yiri madaxweyne Dini. Hadalka kasoo baxay madaxweyne Dini ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf xooggan oo ku aadan dhanka doorashada uu u dhaxeeyo madaxweynaha iyo sidoo kale xubnaha mucaaradka, taas oo ka dhalatay kadib ansixintii golaha Wakiillada Puntland ay meel mariyeen furista iyo waxkabadelka dastuurka Puntland oo khilaaf uu ka dhashay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mo Farah oo ku soo noqday ciyaaraha orodada afar goorna noqday horyaalka Olombigga, ayaa jabiyey rikoodhka dunida ee masaafada qof ordi karo muddo saacad ah, waxaanu ku jabiyey tartanka la yidhaa Diamond League oo lagu qabtay magaalada Brussels Jimcihii. Farah ayaa jaray masaafo dhan 21,330 mitir waxaanu sidaa ku jabiyey rikoodhkii uu dhigay sannadkii 2007 Haile Gebrselassie oo ahaa 21,285 mitir. “Wax fudud looma haysan in la jabiyo rikoodhka dunida laakiin waxaan kuu sheegi karaa waa in ay runtii adkayd. Rikoodhkani wuxuu jiray muddo dheer” ayuu yidhi Farah. “Markaa arintaasina wax badan bay muujinaysaa. Aad baan ugu faraxsanaa inaan tartannada ku soo noqdo. Waxa ugu weyn ee i dhiirri gelinayey wuxuu ahaa ku soo noqoshada tartanka”. Tartankan saacadda ah waxay ku tartamaan orodyahannadu masaafada ugu dheer ee qof ku ordi karo mudo lixdan daqiiqadood ah. Mar sii horaysay isla Jimcihii ayaa Sifan Hassan oo reer Netherlands ahi waxay iyaduna dhigtay rikoodh cusub oo tartanka haweenka ah. Masaafada ay oroday oo ah 18,930 mitir waxay dhaaftay rikoodhkii ay dhigtay Dire Tune sannadkii 2008 oo ahayd 18,517 mitir. Farah wuxuu tartankii Olomigii Rio u wareegay dhanka orodada dhaadheer ee magaalooyinka dhexdooda ah, laakiin wuxuu dib ugu soo noqday orodada garoomada dhexdooda ah si uu ugu diyaar garoobo inuu ku tartamo 10,000 mitir sannadkan dambe ciyaarihii ka dhici lahaa Tokyo ee dib loo dhigay. Waa tartankii ugu horeeyey ee uu galo tan iyo bishii October ee Marathon kii Chigago. Waxaanu Farah daba ordayey Bashir Abdi oo Belgium ah sodonkii daqiiqo ee u dambeeyey. Ronaldinho oo xabsi-gurigii laga sii daayay Labadooba waxaa laga shakisanaa in aanay jabin doonin rikoodhkii uu dhigay Gebrselassie markay ordayeen garoonkaas oo aanay joogin taageerayaal dhiirri geliyaa. Laakiin rubuc saacihii ugu dambeeyey ayay dardar hor leh bilaabeen. Abdi ayaa markii hore hogaanka u hayey laakiin kama dambaystii ayaa Farah oo lix goor ku guulaystay horyaalka dunidu mijaha kala bixiyey oo uu si sahlan u guulaystay. Wuxuu ku dhameeyey 53 wareeg midkiiba celcelis ahaan 67 ilbidhiqsi waxaanu sidaa ku noqday orodyahankii 12 ee rikoodhkaa qaata. “Mar ayaa iyada oo 10 wareeg hadhsanyihiin ayey xaaladdu igu adkaatay laakiin waxaan ku farxay in Bashiir hogaanka qabtay markiiba” ayuu yidhi Farah. ” Laakiin farxad baan dareemay markii daqiiqad keli ahi hadhsanayd waxaanan kalsooni ku qabay xawaarahayga oo waxaan ogaa in aan fursad fiican oo aan ku guulaysto haysto. Wareega ugu dambeeyaa had iyo goor waa xarfaddayda ugu fiican” ayuu intaa ku daray. Farah waxa uu ku noqon doonaa orodada dhaadheer ee wadooyinka marka uu ka qayb galo tartanka nus Marathon ka Antrim Coast ee dhici doona 12 Sebtember. Ka dib na wuxuu horseed ugu noqon doonaa ugu noqon doonaa ninka haysta rikoodhka dunida ee reer Kenya, Eliud Kipchoge iyo Kenenisa Bekele oo reer Itoobiya ah Marathon-ka London ee dib loo dhigay 4 Oktoobar. Qaran News
-
Ciidanka dowladda federalka Soomaaliya ayaa howlgalka ka fuliyay deegaan hoostaga degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe ee dowladda goboleedka Hirshabeelle. howlgalkaan ayaa waxaa iska kaashaday ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera, waxaana bayaan kasoo baxay dowladda lagu faahfaahiyay howlgalka dhacay. Dowladdu waxaa ay sheegtay intii howlgalka uu socday in lagu bururiyay fariimo ay la haayeen Al-shabaab, waxaana si gaar ah uu kaga dhacay deegaan lagu magacaabo Sigato . Howlgalkaan ayaa saraakiisha hoggaaminaysay waxaa ayu sheegeen in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay dagaalamayaal Al-shabaab ah , oo isku uruursanayay deegaan howlgalka laga furiyay. Degmada Ruunirgood oo ku talala xadka gobollada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud waxaa muddooyinkii dambe ay dowladdu geysay ciidamo badan kuwaas oo ka tirsan xoogga dalka qeybihiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Barre Maxamuud oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay guul-darradii Soomaaliya kasoo gaartay tartankii orodka ee lagu qabtay Shiinaha. Wasiirka ayaa marka hore iska fogeeyay in wasaaraddu ay wax door ah ku laheyd xulidda gabadha Soomaaliya ku metaleysay tartankaas oo lagu magacaabi Nasra Abuukar Cali. Barre ayaa shaaca ka qaaday in tartanka uusan heer qaran, balse uu ahaa midka jaamacadaha aduunka, isla-markaana gabadhan aysan soo xulin wasaaradda, balse marka ay baxaysay kaliya lasoo ogeysiiyay, isaga oo eedda dusha ka saaray xiriirka diray. Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in gabadhan ay ka socotay mid kamid ah jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho, sidaasna ay ku baxday. “Sida ay ku tegtay ama sifaha lagu xulay ma aysan aheyd wax ay ogeyd wasaaradda” ayuu yiri wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka wasaarad ahaan ay aad uga xun yihiin, kana raalli-gelinayaan bulshada, sida wax u dhaceen & guul-darrada weyn ee soo gaartay Soomaaliya. “Waxa maanta dhacay ma aheyn wax munaasab ku ahaa dadka Soomaaliyeed, runtii ka wasaarad ahaan aad ayaan uga xunahay, waana ka raalli gelineynaaa bulshada” ayuu sii raaciyay. Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaradaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay qaadayaan tallaabo ku aadan arrintan, isla-markaana ay baarayaan, sida lagu soo xulay Nasra. “Arin aad u foolxuma badan ayay aheyd ee tartankii Shinaha magaca Soomaaliyeed iyo calanka meel uusan istaahilin ayaa la dhigay gabadha ka qeybgashay tartankaasi orodka sida loo soo xulay waan baareenaa” ayuu mar kale yiri wasiir Maxamed Barre Maxamuud. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo hadal heyn xoogan ay ka dhalatay ka qayb-galka tartanka ee gabadhan oo kaalinta u dambeysa ka gashay orodka, waxayna dad badan su’aal ka keeneen qaab dhismeedkaa & in aysan u diyaarsaneyn tartan noocaas oo kale ah. The post Daawo: DF oo shaacisay tallaabo ay qaadeyso kadib guul-daradii Nasra Abuukar appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda Xildhibaan Cabdifataax Qaasim ayaa maanta hortegay guddiga amniga iyo difaaca ee Golaha Aqalka Sare. Kulankaan ayaa waxaa wasiirka iyo ku-xigeenkiisa lagu weydiiyay su’aallo dhowr ah, oo la xiriira amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo maraya meel xasaasi ah. Sida ay ogaatay Caasimada Online, guddiga ayaa waxay wasiirka gaashaandhigga wax ka weydiiyeen qaraxii dhawaan ka dhacay kuliyadda Jaalle Siyaad, kaasi oo khasaare xooggan uu kasoo gaaray ciidamada dowladda. Sidoo kale waxay guddiga warbixin dheer ka dhageysteen wasiirka gaashaandhigga, taasi oo ku qotomtay halka uu marayo dagaalka Al-Shabaab, xilli dhawaan lagu wado inuu billowdo wejiga labaad ee howl-galladaasi, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska ah. Guddiga ayaa wasiirka gaashaandhigga iyo ku-xigeenka wasaaradda uga mahad-celiyay sida ay usoo ajiibeen yeeristii guddiga, ayna uga jawaabeen su’aalihii ay hordhigeen, “Aad ayaa ugu mahad-celinayna sid uu noogu imaaday, wuxuu na siiyay warbixino muhiim ah,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay guddiga. “Waxaa rajeynayaa dhawaan in aan aragno waddankeena oo xor ah, oo sidaan doono ugu soconeyno,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka guddiga oo lagu xusay in meel fiican marayaan howl-gallada ka dhanka Shabaab, sida uu wasiirka la wadaagay. Kulankaan ayaa imanaya xilli xildhibaanada qaarkood ay dalbadeen in masuuliyiintan hay’adaha amniga loo yeero, si wax looga weydiiyo weerarkii kuliyadda Jaalle Siyaad oo loo xiray saraakiil sare, sida ay ogaatay Caasimada Online. Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhaleeceyn iyo eedo masuuliyad darro kala kulmeysa sidii loo fuliyey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Al-Shabaab ay ku laayeen ciidankii dhibowga ku qaadanayey kuliyadda tababarrada ciidamada xoogga ee Jaalle Siyaad. Khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaas ka dhashay waa dhimashada 27 askari iyo dhaawacyada 72 kale, khasaarahaan uu geystay hal qof oo is qarxiyey oo ciidanka oo feylsan banaanka ka soo galay ayaa layaab ku noqotay dadka iyo dowladda. Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa maalin kadib si caro leh u sheegay inuu tuhmayo inay jiraan saraakiil ‘qaa’imiin ah’ oo weerarkaas fududeysay, isagoo wasaaradda difaaca iyo taliska xoogga ka dalbaday inay deg deg warbixin uga keenaan baaritaanka qaraxaas. Maalinkii xigay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa golaha shacabka ka hor sheegay in 14 qof oo saraakiil iyo askar isugu jira loo xiray weerarkaas, isla markaana ay socdaan baaritaano culus. Maalinkaas waxaa sidoo kale golaha hor tegay wasiirka gaashaandhigga oo xildhibaanada qaar kala kulmay caro sababtay in qaarkood ay si cad u sheegaan in wasiir Jaamac uusan qaadi karin masuuliyadda loo dhiibay ee wasaaradda difaaca qaranka. The post Wasiirka Gaashaandhigga iyo ku-xigeenkiisa oo maanta hortegay guddiga amniga BF appeared first on Caasimada Online.
-
Liberation Farms supports Somali Bantu refugee farmers to develop viable farm businesses Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Aug. 2 (Xinhua) -- Somalia and the UN agencies on Tuesday started World Breastfeeding Week, calling for all to promote and support breastfeeding awareness in every setting. Source: Hiiraan Online
-
Syrian refugees in Somalia haven't given up on their dreams to return home, as they struggle as refugees in Somalia. Abdulkadir Zubeyr has more from Mogadishu in this report narrated by Salem Solomon. Sirwan Kajjo contributed to this report. Produced by: Bakhtiyar Zamanov Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay muddo kororsiga ay mucaaradka Puntland ku eedeeyeen inuu isku dayayo. Deni ayaa arrintan kusoo qaaday khudbad uu ka jeediyey magaalada Garoowe, oo ay ka dhacday xaflad loo sameeyey xuska maalinta Puntland ee 1-da Agoosto, sanad guuradii 25-aad ee ka soo wareegtey asaaskii Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in maamulkiisu ku dedaaley in doorashada xisbiyada la qabto, taas oo ahayd dastuuri muddo dheer la sugaayey. Waxa uu u hamblayeeyey Golaha wakiilada ee isbeddelka ku sameeyey dastuurka Puntland, waxaana uu 25 Luuliyo oo ahayd maalinta isbeddelka lagu sameeyey dastuurka ku tilmaamey maalin weyn. Madaxweyne Deni waxauu sheegay in Puntland ay leedahay xisbiyo siyaasadeed uu soo dhaweynaayo kala aragti duwanaanshaha. Ugu danbeyn waxa u ku dhawaaqey in uusan rajeyn oo qorshsha ugu jirin in maamulkiisu muddo kororsi samaysto. “Doorashada waxaan ku qaban xilligeeda oo ah 8-ka Janaayo 2024, waxaan haysanaa 5 bilood oo aan wax ku qaban karno,” ayuu yiri madaxweyne Deni. “Golaha xukuumadda iyo anigaba waxaan dadka Puntland u sheegaynaa in aan rajeyneyno ama diyaar u tahay in doorashada xiligeedi ku qabato, niyad kororsi ah naguma jiro, waan ognahay dhibta uu lee yahay, madaxweynuhu ma hadlo ayaa la yiri maanta ayaan idinla hadley, waxaan rabaa in 8 Janaayo la galo doorasho xisbiyo,” ayuu yiri . Xisbiyada siyaasadeed ayuu ugu baaqey in ay soo magacaabaan xubnihii guddiga doorashada uga mid noqon lahaa. The post Deni oo ka hadlay muddo kororsiga la sheegay inuu wado, kuna dhowaaqay inuu… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday baneynta dhulka Kaasa Italia oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho. Tallaabadan ay dowladda uga saarayso dadkii deganaa dhulkaasi, ayaa waxaa kasoo baxayay warar kala duwan, kuwaasi oo qaarkood ay qoyska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud la xiriirinayeen inay ka dambeeyaan. Hase yeeshe waxaa arrintaasi beeniyay Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo sheegay in dhulkaas ay dhisaneyso Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, si ay u ballaariso adeegyada siiso bulshada Soomaaliyeed. “Majirto dad xigto la’ah madaxweynaha ama ganacsato in la siinayo dhulkaas, intaba majirto. Dowladda Talyaaniga ayaa u baahan dhulkaasi, weyna soo bandhigtay naqshada dhismaha xarumeed ay rabto inay ka dhisato dhulkaasi.” Dhulkaan loo yaqaano Kaasa Italia ayaa markii horeba waxa uu ahaa dhul ay leedahay safaaradda dowladda Talyaaniga, balse ay deganayeen muwaadin Soomaaliyeed, maadaama ay usoo baahatay safaaraddu ay tahay in loo baneeyo. Codsiga baneynta dhulkaasi ayey dowladda Talyaaniga kusoo hagaajisay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale, iyaga oo soo marsiistay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, sida uu sheegay Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo wareysi siiyay Dalsan Tv. “Dhulkaan waxaa iska leh dowladda Talyaaniga, waxay soo sameysteen codsi ku aadan inay u baahan yihiin dhulkooda. Codsigaan waxay ku qeexeen inay dhulkaas ka fulinayaan mashaariic ay ugu tala-galeen inay ku horumariyaan dalka, waxna ugu qabtaan dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka deganaa dhulkaas uu maamulka gobolka siiyay muddo ka badan laba bil, kadibna markii ay soo dhamaatay muddadaas lagu bilaabay burburin lagu baneynayo dhulkaasi. “Talyaaniga waxa uu soo bandhigay dokumentiyo ay ku cad yihiin waxyaabaha ay ka qabanayaan xarunta Casa Italia marka lagu wareejiyo iyo dhismaha ay sameynayaan oo naqshada nooca ay noqon doonto.” Waxa uu intaas kusii daray “Dadka buun-buuniyay baran-bogaadada loogu gafayo madaxda sare ee dalka waxaa ku tusi karnaa muuqaalo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo safaaradda Talyaaniga oo isla socda xaruntaasi ku tagayaan, dadkana markaas arkeen oo lagu wargeliyay.” Afhayeenka ayaa ugu dambeyntiina sheegay in qorshaha Talyaaniga ka damacsan yahay dhulkaasi uu faa’iido u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, ayna kusii ballaarinayaan mashaariicda ay ka wadaan dalka. “Waxay ka sameynayaan (Talyaaniga) in dhalinyarada ku tababaraan, kana dhigtaan keydka daawooyinka iyo raashinka ay ugu deeqaan bulshada, waxay noqoneysa xarunta weyn ee Talyaaniga.” Hoos ka daawo wareysiga The post Maxaa ka jirra in qoyska madaxweyne XASAN lagu wareejinayo dhulka Casa Italia? appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Deegaanada Galmudug ayaa waxaa ka soconaya abaabul iyo dhaq-dhaqaaq ciidan oo loogu diyaargaroobayo wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab. Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa abaabulaya ciidamada. Dhinacyada ayaa sidoo kale abaabulay xoogag deegaanka ah, oo loo diyaariyay in ay ku biiraan gulufka maleeshiyada Al-Shabaab lagaga saarayo Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug. Xoogag deegaanka ah oo ay ku jiraan xertii Ahlu Sunnada Gobollada Dhexe ayaa Sabtidii lagu soo bandhigay duleedka Magaalada Guriceel. Sidoo kale waxaa jira xer kale oo kuwa Ahlu-Sunna ah oo iyana qayb ka ah xoogag deegaanka oo lagu diyaariyay Degmada Wisil, si ay uga qayb qaataan hawlgalka laga sameynayo Koonfurta Gobolka Mudug. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in odayaasha beelaha iyo Maamulada Degmooyinka Galmudug ay weli ku howlan yihiin qorista xoogaga deegaanka ee la doonayo in ay ka qayb qaataan hawlgalka. Dhanka kale, dhaq-dhaqaaq aan buurnayn ayaa laga soo sheegaya deegaanada HirShabelle, inkastoo maamulada la sheegayo in ay ku howlan yihiin abaabulka ciidamada ka qayb qaadanaya gulufka ay tahay in Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay kaga harsan yihiin Galbeedka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan. Xadka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud ayaa la sheegay in ay gaareen ciidamo dhawaan laga diray magaalada Muqdisho, ayna ku biireen hawlgalka ay ciidamadu ka wadaan xadka labadaasi gobol. Qorshaha ayaa ah in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay hawlgal ka sameeyaan daanta galbeed ee labada gobol ee HirShabelle. Dowladda Federaalka ayuu ujeedkeedu yahay in marka hore ay cagta mariso Shabaabka Galmudug iyo HirShabelle, marka xigtana ay ciidamada u dhaqaajiso deegaanada ay maleeshiyadaasi kaga sugan yihiin deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubaland. Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu salhig ka sameysto magaalada Dhuusamareeb, si uu halkaasi uga la socdo wejiga labaad ee hawlgalka lagu wiiqayo Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 1-dii bishii January ku hanjabay in dowladdiisu ay muddo sanad ah dalka kaga saari doonto maleeshiyada Shabaabka. The post Wararkii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaq ka socda G/Dhexe iyo koox cusub oo… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqo la’aanta iyo isticmaalka maandooriyaha ayaa dhibaato weyn ku haya dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Sida lagu sheegay daraasado kala duwan oo sanadkaan gudahiisa lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho, waxay dhalinyarada Soomaaliyeed xilligaan faro ba’an ku haya labadaasi mushkiladood. Colaadaha ka jira dalka ayaa inta badan ay daruufahaasi qasbeen in da’yar badan looga faa’iideysto, kuwaasi oo qeyb ka noqda falal amni darro, oo ka dhaca meelo ka mid ah Soomaaliya. Si arrimahaasi is-biirsaday xal loogu helo, waxaa sanadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka shaqeynayay madal dhallinyaro aqoon-yahan ah ay sameeyeen, taasi oo da’yarta ka wacyi-gelisa maandooriyaha iyo in ay ku dhacaan falal halis ku ah naftooda. Cabdifitaax Baashi oo loo yaqaanno Xawaari oo ah guddoomiyaha madashaasi oo lagu magacaabo Gobsoor ayaa VOA u sheegay inay xooga saaran in dhalinyarada is dhexgal sameeyaan, si looga badbaadiyo inay ku dhacaan waxyaabaha bulshada dhibaateeya. “Waxaa qabanaa dooddo looga wacyi-gelinayo dhalinyarada Maandooriyaha, haddii ay ahaan laheyd dhanka caafimaadka, bulshada iyo weliba mustaqbalka qofka. Taas ayaa noo horseeday in dhalinyaro badan nagu xirmaan oo kuwii isticmaalayay iyo kuwan isticmaaleyn oo halkaas wacyi-gelin loogu sameeyo,” ayuu yiri Cabdifataax Xawaari. Waxa uu intaas kusii daray “Guud ahaan dalka waa ka jirta shaqo la’aan, ha u badnaato dhalinyarada, sababta keenaysana waa dalkii dhalinyarada u badan, ka madal ahaan waxaan sameyna dooddo iyo tababaro, doodahaas oo uga doodayno sida qofka dhalinyarada ah hal abuur ula iman karo haddii uu la imaadana halka ay wax uga sahlanaan karo.” Si kastaba, shaqo la’aanta iyo isticmaalka maandooriyaha ayaa ah dhibaato weyn oo wajahayaan dhalinyarada Soomaaliyeed, taasi oo u baahan in wax laga qabto ka dowlad ahaan iyo bulsho-ba. The post Laba arrin oo dhibaato culus ku haya dhallinyarada Xamar appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dagaallo ayaa ka dhacay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka deegaanka. Dadka ku nool magaalada taariikhiga ah ee Lalibela oo BBC-da la hadlay ayaa ku tilmaamay isku dhacyada hubaysan kuwa qasbay in la joojiyo duullimaadyadii diyaaradaha ee daagaanka. Dhaqdhaqaaqayaasha xiriirka la leh meleeshiyaadka loo yaqaan Fano ayaa sheeganaya inay gacanta ku hayaan garoonka diyaaradaha ee magaalada laakiin BBC ma aysan u suurtagelin inay si madax banaan u xaqiijiso sheegashada. Dagaallo ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa ilaa ugu yaraan afar magaalo oo kale – kuwaas oo qaarkood ay dadka deegaanku ku tilmaameen “kuwo culus”. Afhayeenka Ciidanka Difaaca Itoobiya Col. Getnet Adane ayaa u sheegay wariyaasha Talaadadii in ay “qaadayaan” tillaabooyin ka dhan ah “kooxaha hubaysan ee ku shaqeeya magaca Fano.” Toddobaadki hore ciidamo safar ah ayaa lagu weeraray labo aag oo ka tirsan gobolka. Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya wadooyin dhowr ah oo lagu xiray geedo iyo dhagxaan si loo xakameeyo dhaq dhaqaaqa ciidamada. Ururka u dooda xuquuqda bulshada gobolka Amxaarada oo lagu magacaabo Amhara Association of America (AAA) ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen iska horimaadyo dhowr ah oo ka dhacay degaano dhowr ah, waxayna walaac ka muujiyeen ammaanka dadka rayidka ah. Madaxweynaha gobolka Amxaarada Yilkal Kefale ayaa dhankiisa sheegay in xafiiskiisu u furan yahay in wadahadal lagu dhameeyo arrimaha taagan. BBC The post Dagaallo culus oo dib uga qarxay dalka ITOOBIYA appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Maalgashiga oo qaabilay Masuul ka Socday Shirkad Turkiga Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdi Cisman Dhaga-weyne iyo agaasimaha guud Maxamed Cisman Siciid ayaa xarunta wasaaradda ku qaabileysl wefti ka socday shirkadda WIN INDUSTRY oo laga leeyahy dalka Turkey. Mr. Demir Yilmaz oo ah guddoomiyaha Shirkaddan ayaa ka warbixiyay waxa ay danaynayo shirkaddan oo ah maalgashi iyo indho-indhayn ku saabsan dhinaca Energy iyo infrastructure. Wasiirka ayaa uga warbixiyay ahmidda ay Somaliland u leedahay Maalgashiga iyo in ay soo dhawaynayso cid kasta oo dalka ka samaynaysa maalgashi. Qaran News
-
Somaliland oo Kaadhka Muwaadinka Siisay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka UK Hargeysa(Qaran news) – Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo si wayn ugu ololeleeya qaddiyada iyo madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, la siiyay Kaadhka Muwaadinka iyo basaaboorka Somalilandba, waxaanu caddeeyay in uu maanta laga bilaabo ka mid yahay muwaadiniinta reer Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL ayaa Xildhibaanka xog waran ka siiyey amniga guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo horuumarka ka socda dalka, iyadoo Wasiirku si wayn Xildhibaan ugu mahadnaqay dedaalka uu la garab taaganyahay Somaliland iyo qaddiyada Somaliland uu horgeeyey aqalka Baarlamaanka Ingiriiska. Waxaanu yidhi. “Maanta waxa ina soo booqday xildhibaan baarlamaanka Ingiriiska mudanahan ka tirsan, waxaanu uga mahadcelinayna barnaamijka uu sida iskii ah isugu xilqaamay, ee ay kala qayb galaan xidlhibaanada kale ee faraha badanleh, dooda Somaliland uu horgeeyay aqalka baarlamaanka Ingiriiska goluhuna ay ogolaadeen. Xildhibaan Sir Gavin Williamson waxa uu haysta dhalashadii iyo basaboorkii Somaliland, isla markaana uu ka mid noqonayo muwaadiniinta reer Somaliland, wuu inala shaqeeya inaguna waynu la shaqaynaynaa, taariikhda umada Somalilandna way xasuusnaanaysaa” Qaran News
