-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay fashilantahay gabadhii ciyaaraha ororada ee ka dhacay dalka Shiinaha ku meteleysay Soomaaliya waxaa isisoo tarayey fadeexadda ka jirta gudaha xiriirka cayaaraha fudud ee Soomaaliya. Xiriirkaas waxaa guddoomiye ka ah gabar lagu magacaabo Khadiija Aadan Daahir, ku xigeena waxaa ka ah nin lagu magacaabo Faarax Cali Macalin, sida ay ogaatay Caasimada Online xiriirkaas waxaa ku adeegta dad isku qoys ah. Qeybta caafimaadka ee xiriirkaas waxaa madax ka ah Caasho Aadan Daahir oo ay walaalo yihiin guddoomiye Khadiija Aadan Daahir, naadiga caafimaadka ee Iimaanaan Hosbitaal waxaa heysta guddoomiye Khadiijo seedigeed oo lagu magacaabo Asad. Sidoo kale Caasimada Online waxay ogaatay in Nasra Abuukar Cali oo ku soo fashilantay ciyaartii orodka ee dalka Shiinaha lagu qabtay ay habaryar u tahay guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, waxaana dhashay Deeqo Aadan Daahir. Sidoo kale nin lagu magacaabo Caraale oo ku sugan dalka Mareykanka, guddoomiyana ka ah qeybta jaamacadaha ciyaaraha fudud ayaa kaalin ka qaatay in gabadhaas loo diro tartan aysan u diyaarsaneyn, balse waxaa aragtida iyo go’aanka lahaa gabadha habayarteed guddoomiye Khadiija Aadan. Caasimada Online oo baaritaan ku sameysay arrintaan waxay sidoo kale ogaatay in wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha ay wax ka ogeed arrintaan, waxaana masuuliyiintii garoonka ka sagootisay gabadhaas ku jiray agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha. Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Maxamed Barre oo dhowr jeer ku celceliyey in wasaaraddu aysan waxaba ka ogeyn go’aankii lagu diray gabashaas ayaa caawa shaqadii ka joojiyey guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud Marwo Khadiija Aadan Daahir. Sidoo kale Wasiir Maxamed Barre ayaa qoraalkii uu soo saaray ku sheegay in guddoomiye Khadiija iyo madaxda xiriirkaas ee qeybta Jaamacadaha Soomaaliyeed uu maxkamad ku soo taagi doono kiiskaan, isagoo ku eedeeyey sumcad dil qaran. The post Fadeexad kale oo yaab leh oo kusoo baxday xiriirkii Shiinaha u diray gabadha fashilantay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo markii ugu horreysay si faah-faahan uga hadlay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maalmo kahor ka dhacay Kuliyadda Siyaad ayaa shaaciyay xog ku aadan weerarkaasi. Cabdi Xaashi ayaa qiray in Al-Shabaab lagala shaqeeyay qaraxa, wuxuuna tilmaamay in ninka weerarka fuliyay la dhexe geeyay gudaha xerada, kadibna uu is qarxiyay. “Nasiib darrada jirtaa waxaa weeye xeradii ciidamada ayaa lasoo geliyay qof yacnii mujrima oo dadkaa laayay arrimahaas oo kale annaga ayay naga heleen” ayuu yiri guddoomiyuhu. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaas ay ku lug leeyihiin saraakiil ciidan, isla-markaana haatan lagu daba jiro, maadaama ay socoto baaris ku aadan dhacdadaasi. “Haddii aynaan annaga gacan ku siin ma gaareyn meeshaas waxaa la leeyahay saraakiil ayaa lagu eedeynaa inay arrintaas ka dambeeyeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay inay ka war sugayaan xukuumadda iyo baarista socota, si loo qaado tallaabo la xiriirta weerarkaasi. “Waxaan filayaa hadda in xukuumaduu ay faraha kula jiro waxaa la qabtay tobaneeyo qof oo arrintaas loo hayaa, waxaan sugeynaa natiijada” ayuu mar kale yiri Cabdi Xaashi. Ugu dambeyn wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan ehellada askartii lagu laayey Kulliyadda Jaalle Siyaad oo lagu dilay illaa 30 askari, halka lagu dhaawacay 70 kale. Si kastaba, weerarkan ayaa dhaliyay tuhun xoogleh, maadaama lalal beesaday mid kamid ah xeyaha ciidamada dowladda, taas oo keentay in su’aallo waa weyn la’iska weydiiyo, The post Cabdi Xaashi oo shaaciyay xog ku aadan weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad appeared first on Caasimada Online.
-
“Taladii Somaliland Ciin bay Daaqday” Cali Guray Hargeysa(Qaran news)- Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa sheegay in xaaladda Somaliland halis geli karto haddii aan heshiis ka gaadhin. Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:- “Taladii Somaliland ciin bay daaqday. Horta doorasho aan la isla ogolayn oo Somaliland ka qabsoonta iyada tuur ma jirayso eh. Muuse Biixi hadii mucaaridku ogolaado muddo kordhinta ma ogolaanayaa in meesha uu ka saaro doorashadan ururada ee isagu uu soo dhex geliyay? Hadii ay haa tahay waa xal lagu kala badbaadi karo. Balse lagama yaabo in Muuse ogolaado Mucaaridku gaar ahaan Waddani ma ogolaan karaa in labada doorasho ay u dhexaysay lix bilood balse ta ururadu soo horayso? Hadii ay haa tahay iyaduna waa xal dani-ku-baday ah oo lagu kala badbaadi karo hadii uu Muusena la ogolaado. Balse Muuse iyo Mucaaridka lagama yaabo in dhinacna ogolaado Sidaa marka ay tahay ma jiri karto doorasho la isla ogol yahay doorasho aan la isla ogolayn oo dalka ka qabsoomi kartaana ma jirto. Markaa mustaqbalka dhaw xaaladda dalku sida ay noqon karto werwer badan ayaa laga qabi karaa. Tii Allehna maqan tiisa mooyee tu kalena noqon mayso. Khatarta ugu wayn ee laga fakari karaa waa doorasho aan la isla ogolayn uu Muuse isku dayo in uu qasab ku socodsiiyo waana markaa marka ay Somaliland halis u tahay Dagaal Sokeeye oo lixda gobol ay xabbaddu mar ka wada bilaabmi karto. ALLAHAYOW NABADGELYO NA SII UUN DHEHA ADAY TAADA NOQOTAAYE.” Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa magaalada Dhuusamarreeb ka furay shir looga hadlayo dib u xoreynta deegaannada ku haray gacanta argagixisada Al-Shabaab, kaas oo oo ay ka qayb galayaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweynaha ayaa sheegay in la joogo xilligii la xoreyn lahaa deegaannada Galmudug ee weli ku xara gacanta argagaxisada, waxaana kulanka ka furmay Dhuusamareeb looga tashanayaa sidii looga faa’iideysan lahaa fursadda ay dowladda dhexe siineyso dadka reer Galmudug. Magaalooyinka laga tashanayo xoreyntooda waxaa ugu horeeya Ceelbuur, Galhareeri, Ceelgaras, Ceel-lahelay iyo deegaano kale oo muhiim ah oo dhaca bariga iyo koonfurta gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug. Madaxweyne Qoor Qoor oo kulankaan ka furay Dhuusamareeb ayaa khudbad ka jeediyey, wuxuuna sheegay inay dadka reer Galmudug ka tashanayaan sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen halganka dalka looga ciribtirayo Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in waqti badan uusan harin oo la qorsheeyey in muddo kooban lagu laayo Shabaab-ka jooga Galmudug, isagoo xusay in madaxda ugu sareysa dalka ay soo degeyso Dhuusamareeb. Shirkaan wuxuu Dhuusamareeb ka soca doonaa labada maalmood ee soo socota, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro bayaan lagu cadeynayo doorka ay reer Galmudug ku leeyihiin dagaalkaan. Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa tegay Dhuusamareeb gelinkii dambe ee shalay, halkaas waxaa maalmaha soo socda ku wajahan Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa la qorsheeyey in muddo bil ah uu deganaado Dhuusamareeb, isagoo tegi doona hadba deegaankii laga xoreeyo Al-Shabaab, waxaana laga dareemayaa magaalada diyaar-garowga soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha. Hoos ka daawo hadaljeedintii Qoor Qoor The post Daawo: Qoor Qoor oo shir xasaasi ah maanta ka furay Dhuusamareb iyo qorshaha DF appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Gaadiidka Itoobiya oo Booqasho ku Yimi Somaliland Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, ayaa soo dhaweeyay wasiirka gaadiidka iyo saadka dalka Itoobiya Dr: Alemu Sime. 7 Wasiirka soo dhaweyntiisa waxa ka qayb galay wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo Dalxiisa iyo safiirka Somaliland u Fadhiya dalka Itoobiya. Waftigan ayaa mudada ay joogaan Kullamo iyo shirar la qaadan doona Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda ee ka shaqeeya kaabayaasha dhaqaalaha. Sidoo kale waftigu wuxuu mudada uu joogo safar shaqo ku tegi doonaa dekedda Berbera Port iyo goobaha kale ee kaabayaasha dhaqaalaha. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha ee XFS Maxamed Barre ayaa shaqo ka joojin ku sameeyey guddoomiyaha ‘xiriirka ciyaaraha fudud’ Khadiija Aadan Daahir, isagoo sheegay in maxkamad uu soo taagi doono. Guddoomiyaha ayaa shaqo ka joojintaan ku muteysatay go’aankii ay ku dirtay Nasro Abuukar Cali oo shalay Soomaaliya ku meteleysay ciyaartii Orodada ee lagu qabtay dalka Shiinaha. Nasro ayaa ku fashilantay orodka, waxayna noqotay qofka ugu liita orodyahanadii caalamka ka socday ee ka qeyb galay tartankaas, waxaana ka dhalatay fal-celin badan iyo caro ka timid dadka Soomaaliyeed oo magacooda lagu xumeeyey fagaaraha. Wasiirka Cayaaraha ayaa xalay sheegay in go’aankii lagu diray gabadhaas uusan waxaba ka ogeyn, isla markaana uu baarayo arrintaan. Warqad hadda ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa shaqada looga joojiyey gabadha guddoomiyaha ka ah xiriirka cayaaraha fudud oo laheyd go’aankii Shiinaha loogu diray gabadha ku fashilantay tartanka. Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku cadeeyey inuu baaray arrintaan, isla markaana ay u soo bacday in guddoomiye Khadiija ay sameysay sumcad dil qaran, eex iyo ku takrifal awoodeed, sida uu qoraalkiisa u dhigay. Sidoo kale wasiirka ayaa faray guddiga fulinta Olonbikada Qaranka Soomaaliyeed inay isugu yimaadaan kulan deg deg ah, si ay go’aan uga gaaraan kiiska ay ku eedeysan tahay guddoommiyaha ‘xiriirka cayaaraha fudud’ Khadiija Aadan Daahir. Sidoo kale qoraalka wasiirka waxaa lagu sheegay in guddiga Olonbikada aysan wax diiwaan gelin ah ka heysan xiriirka ciyaaraha jaamacadaha Soomaaliyeed oo ahaa xiriirkii magacooda looga qeyb galay cayaartii ka dhacday dalka Shiinaha. Ugu dambeyntii wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha ayaa qoraalkiisa ku cadeeyey inay garoosrka dalka hor geyn doonaan gabadha shaqada laga joojiyey ee guddoomiyaha ka aheyd xiriirka cayaaraha fudud iyo xiriirkii ka been sheegay jaamacadaha Soomaaliyeed. The post Wasiirka cayaaraha oo shaqada ka joojiyey gabadhii fadeexeysay Soomaaliya, lana tiigsanaya maxkamad appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa ka hadlay guul-darradii Soomaaliya kasoo gaartay tartankii orodnka ee lagu qabtay dalka Shiinaha. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo saaray ayaa garnaqsi cajiib ah u sameeyay gabadha Soomaaliya ku metaleysay tartankaas oo lagu magacaabo Nasra Abuukar Cali, taasi oo saacadihii lasoo dhaafay si weyn looga maadsanayay baraha bulshada. “Imisaa rag sidan oo kale fagaarayaal caalaami ah si fool-xun noogu matalay? Ma cid ka qayliyeysaa aragteen? raggu wax kasta oo xishood darri ah oo ay ku kacaan laguma qabsado, inantana haddii wax yar oo xumaan ah samayso, qoyskeeda iyo tolkii ayey ceeb u soo jiidday baad weligiibna oran jirteen, waa caadadiinii dumar takoorka ahayd, halkee la idinku arkay idinkoo ceeb qaran ka gubanaya ama qaran u damqanaya.” Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran; Xalay xilli danbe oo aan kubbad ka imid ayaan ku soo lugeeyey jidka facebook ee dhexmara xaafadda baraha bulshada, waxaan ku soo baxay qolo fadhi ku diraraysa; Mid baa yiri “bisinka iyo burdaha, tanni wax kale laguma sifayn karo aan ka ahayn eexdii, musuqii iyo karti darradii oo qof socda ah” waa runtaa ayaan iri. Mid kalaa yiri “oo kaalay maxaad ka filaysay wax qabiil iyo 4.5 lagu qaybiyo laguna qoondeeyo, tanni waa tusaale cad oo ah aan maalno Maandeeq, sowtii lagu ballamay nin waliba ninkiisa ha noolaysto, goormaa karti, xirfad iyo aqoon hawl iyo matalaad la isugu xulayey” walaahi waa sax ayaan iri. Inan ayaa la soo boodday, haye waa caadadii la idinku yiqiin ee dumar liidista ahayd. “Imisaa rag sidan oo kale fagaarayaal caalaami ah si foolxun noogu matalay? Ma cid ka qayliyeysaa aragteen? raggu wax kasta oo xishood darri ah oo ay ku kacaan laguma qabsado, inantana haddii wax yar oo xumaan ah samayso, qoyskeeda iyo tolkii ayey ceeb u soo jiidday baad weligiibna oran jirteen, waa caadadiinii dumar takoorka ahayd, halkee la idinku arkay idinkoo ceeb qaran ka gubanaya ama qaran u damqanaya ” waa runteed ayaan iri. Mid qolyaha falsafada aqrista baa yiri; “Machiavelli wuxuu yiri qof kasta oo fursad uusan diyaar u ahayn hela, siduu doono ha ku helee, waxay la mid tahay in uusan helin, imisaa dalkeenna xilal waawayn ku heshay eex, qof jeclaysi, qaraabakiil, iyo waa kuu daacad oo haddana qaadi kari waayey, inantani waxay sawir dhab ah ka bixisay in fursada iyo guushu laba kala yihiin, war is diyaariya inta aydaan fursadaha helin” falsafada aad uma fahmo ayaan hoosta ka iri. Wadaad baa la soo booday; “War aniga waxaa dhan waxaa iiga muhiimsan inanta in ay xijaabnayd, oo waxaasoo haween qaawan ay dacwadii Islaamka ka gudatey, ee buuqa naga daaya, ajarkeeda ayaa wax kasta ka badan ee inanta ka hara ayuu yiri” Maasha Allaah, sheekha waa runtii ayaan iri. Anigoo dooddii kastaba waa runtaa ku haya ayaa jidkii kale oo xaafadda baraha bulshada ku yaalla oo twitter la yiraa ku leexday, waxaaba ka socda dooddii mid la mid ah, laakiin qaaqlayaasha kuma badnayn, mid baase lahaa; “Horta tolow dowladda waa tii maalin dhoweed waxqabadkeeda ku darsatay guushii ay xulka qaranka ee 17- jirka soo hoyeen, ee masuuliyadda guul darrada inanta ma qaateen”? Mid baa soo booday oo yiri; “War Dan-qaran waxba kama oga arrinkan oo dagaal Aragagexiso ayey ku mashquulsan tahay, sowtii Soomaali oran jirtay, guushu waa dad badan yahay, guuldarsadase way tol la’dahay. Jiiro kale oo isla xaafadda baraha ah ku taal oo YouTube la yiraa oo aan heesaha qaraamiga ah, iyo muqaallada dokumentariga ka dhagaysto ayaa musalsalka “Hayaan” oo dhex ii marayey xalqadiisii 9aad ka daawaday, laakiin markii aan sii seexanayey waxaan is waydiinayey horta dadka dooddani ma ka daacadbaa oo waxaa u soo laabanaya miirkii ay ceebta qaran kaga guban lahaayeen iyo damiirkii ay qaran u damqan lahaayeen, mise waqtigey isku dhaafinayeen? The post CC Shakuur ‘oo si cajiib ah ugu garnaqay’ Nasra Abuukar kadib fadeexaddii Shiinaha appeared first on Caasimada Online.
-
Ceerigaabo(Qaran news)- Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa la shiray qaar mida gudida xalinta khilaafaadka ee degmooyin ka tirsan gobolkaas. Kullankaas oo ka qabsoomay xafiiska guddoomiyaha gobolka Sanaag waxa guddiyada kullankaas ka qayb-galay k aka mid ahaa guddiyada xalinta khilaafaadka bulshada ee degmooyinka Ceerigaabo, Ceel- Afwayn, Yubbe iyo Fiqi-Fuliye. Kullankaas waxa kale oo qayb ka ahaa saraakiisha qaybta booliska ee gobolka Sanaag, madaxda qaybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo ka warbixiyay sida ay u shaqeeyaan xarumahaas xalinta khilaafaadka bulshada. Ugu dambayn gudoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa sheegay in kullankaasi ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa xallinta khilaafaadka dhex mara bulshada, loona xoohin lahaa nabada iyo xasiloonida bulsahda. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa shil gaari oo maanta ah ka dhacay gudaha wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya. Shilkaan ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof oo dumar ah, kuwaasi oo la sheegay inay ka shaqeeyaan wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya. Labada haween ah ee ku dhaawacmay shilkaan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay; Layla iyo Maariya. Wararka ayaa intaas kusii daraya in gaariga shilka geystay uu lahaa wasiiru-dowlaha wasaaradda tamarta iyo macdanta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Gaariga ayaa la sheegay in uu ahaa nooca aan xabadda karin. Weli si rasmi ah looma xaqiijin waxa keenay shilkaan. Dhaawacyada ka dhashay shilkaan gaari ee ka dhacay gudaha wasaaradda warfaafinta ee Muqdisho ayaa loo qaaday isbitaalka Digfeer, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad. Sidoo kale laamaha amniga ayaa lagu wareejiyay darawalkii waday gaariga, kadib markii uu shilka dhacay, sida ay sheegeen dad goobjoog ah. Intaas kadibna wasiiru-dowlaha wasaaradda tamarta iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay gaariga, kadib markii darawalkii waday loo gacan galiyay laamaha amaanka. The post Khasaaraha dhacdo naxdin leh oo ka dhacday gudaha wasaaradda warfaafinta DF + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Booliska oi Beeniyay in Taliyahoodu is Casilayo Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa beeniyay inuu is casilayo taliyahooda sareeye Gaas, Maxamed Aadan Saqadhi (dabogale). Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska, waxaanu u dhignaa sidan:- “Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu beeninayaa warar beena oo lagu faafiyay baraha bulshada kaasi oo sheegaaya in uu iscasilay taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu caddaynayaa inaanay wararkaasi waxba ka jirin, tahayna warar been abuura oo ay faafinayaan cadawga JSL. Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dalka dibadiisa ugu maqan yahay arrimo shakhsiya, waxaanu imanayaa maalinka berri ah subaxnimada haddii eebbo idmo.” Qaran News
-
An earthquake with a magnitude of 5.6 hit northern Ethiopia and the neighbouring Eritrea on Tuesday evening. Source: Hiiraan Online
-
By Simone Datzberger, Jenny Parkes, Lottie Howard-Merrill, Steven Kator Iorfa Published: Wednesday 02 August 2023 Climate change contributes to violence against children – here’s how Refugees, some of them children, in Hargeisa, Somaliland. EDUARDO SOTERAS/AFP via Getty Images Refugees, some of them children, in Hargeisa, Somaliland. EDUARDO SOTERAS/AFP via Getty Images Every day of the northern hemisphere’s summer in 2023 seems to bring a calamitous headline about the climate: heatwaves, wildfires, massive hailstorms. Such scenes are set to become our global reality in the coming years. Scientists paint a grim picture of how human-induced climate change, combined with wider environmental degradation, will affect us all. That, of course, includes children. However, research is still in its early stages on how, precisely, both climate change and environmental degradation relate to violence against children. It is crucial to explore these potential intersections to spur academic and political movement in this area. Findings from such reviews, and further research that may emerge from it, could help to inform policies and interventions that can protect and support children, particularly those most vulnerable to the impacts of climate change and environmental shocks. Our study We conducted an extensive scoping review of the literature on the intersections of climate change, environmental degradation and violence against children, to see what’s known so far and what needs attention. We explored both direct violence — physical, sexual and emotional — and structural violence; that is, rooted in inequitable and unjust systems and institutions. This approach allowed for a nuanced understanding of the implications for children in all countries. It also meant we could explore the causes and effects of climate change and environmental degradation in relation to systems, institutions, structures, norms and interactions. The study identified five themes: hazards and disaster risk reduction; gender; climate-induced mobility or immobility; child labour; and health. What emerges clearly is that violence against children is not solely a phenomenon that intensifies during environmental shocks. It is deeply rooted in historical injustices, global systems and structures. That means it disproportionately affects those living in poverty. 1. Hazards and disaster risk reduction Natural hazards, combined with large-scale humanitarian crises, pose immediate risks to health, life, property and the environment. Studies have uncovered how increasing social, economic and emotional pressures in these situations expose children to higher risks of violence. This may occur in their homes or in relief shelters. It may be perpetrated by their peers, or by caregivers forcing them into labour because of the sudden need to rebuild or help make ends meet. More knowledge is needed to inform integrated and culturally sensitive plans to protect children better from environmental hazards. 2. Gender The effects of climate change and environmental degradation are not gender neutral. They can affect girls and boys differently. There is a growing body of work on gender-based violence and violence against women and girls in relation to climate change. But this work tends to be centred on issues affecting female adults, conflating the term “gender” with “women”, without sufficient attention to the gendered effects of climate change on female and male children. Existing research suggests that climate change can potentially exacerbate known drivers of child marriage in low- and lower-middle-income countries. But findings vary significantly by region. For example, there is an observed increase in child marriage motivated by the receipt of a bride price payment in sub-Saharan Africa during sudden periods of drought. In India, though, droughts have led to a decrease in child marriage to delay dowry payments. Nuanced data about boys’ exposure to various forms of violence in the context of climate change is missing. That’s because studies tend to focus on males as perpetrators but not as victims of violence. 3. Mobility and immobility The number of climate migrants is rising. Research we reviewed on migration, displacement and relocation due to climate change, natural or human-induced hazards points to increased risks of violence against children within migrating families and higher exposure to it in camps and shelters. Also, separation from families or caregivers renders children and young people extremely vulnerable to violence. Meanwhile, immobility — when people cannot or do not want to move — has been associated in some studies with child abuse, injuries and overcrowding in slum areas. Fear of violence in shelters can lead women to remain at home after natural hazards, increasing children’s risk of harm from the hazard or other forms of violence. 4. Child labour Existing research indicates that child labour increases after natural hazards due to families’ reliance on child work and the absence of strategies to eliminate child labour entirely. Child labour is also prevalent in industries associated with climate change, such as agriculture, fisheries, mining, fashion and tourism. The extent of child labour in this context, and its link to violence, remains inadequately explored in research, however, due to the hidden nature and contextual specificity of this issue. 5. Health Children’s physical and mental health is affected by climate change. Natural hazards have been linked to poor health outcomes and increased mortality among children, particularly those younger than five. There is emerging evidence that mental health issues, stemming from climate and environmental shocks, can lead to increased perpetration of violence against children, including domestic violence. Rising eco-anxiety among children and youth, caused by awareness of climate change and environmental degradation and fears of its consequences, adds to mental health problems. Ways forward By shedding light on the magnitude and pathways of these relationships, we want to underscore the urgent need for context-specific approaches and further research. Understanding these interlinkages is essential for informing policies and interventions that can protect and support children, particularly those most vulnerable to the impacts of climate change and environmental shocks. By addressing the root causes of violence and prioritising the wellbeing of children in these crises, we can strive towards a safer and more sustainable future.The Conversation Simone Datzberger, Associate professor, UCL; Jenny Parkes, Professor in Education, Gender and International Development, UCL; Lottie Howard-Merrill, PhD Candidate, UCL, and Steven Kator Iorfa, Doctoral Candidate, University of Portsmouth This article is republished from The Conversation under a Creative Commons license. Read the original article. Qaran News
-
Irregular sleep patterns may be linked to harmful bacteria in your gut, new research suggests. The study is the first to find multiple associations between social jet lag – the shift in internal body clock when sleeping patterns change between workdays and free days – and diet quality, diet habits, inflammation and gut microbiome (bacteria) composition. According to the findings, even a 90-minute difference in the midpoint of sleep – half-way between sleep time and wake-up time – can encourage microbiome that has negative associations with health. Previous research has suggested that working shifts disrupts the body clock and can increase risk of weight gain, heart problems and diabetes. However, according to researchers from King’s College London there is less awareness that the body’s biological rhythms can be affected by smaller inconsistencies in sleeping patterns. This is due to people working regular hours waking early with an alarm clock on workdays compared to waking naturally on non-workdays. Senior author Dr Wendy Hall from King’s College London, said: “We know that major disruptions in sleep, such as shift work, can have a profound impact on your health. “This is the first study to show that even small differences in sleep timings across the week seems to be linked to differences in gut bacterial species. “Some of these associations were linked to dietary differences but our data also indicates that other, as yet unknown, factors may be involved. “We need intervention trials to find out whether improving sleep time consistency can lead to beneficial changes in the gut microbiome and related health outcomes.” First author Kate Bermingham, from King’s College London and senior nutrition scientist at ZOE, said: “Sleep is a key pillar of health, and this research is particularly timely given the growing interest in circadian rhythms and the gut microbiome. “Even a 90-minute difference in the mid-point of sleep can encourage microbiota species which have unfavourable associations with your health.” Researchers suggest the composition of the microbes in the gut may negatively or positively affect health by producing toxins or beneficial products. Specific species of microbes can correspond to an individual’s risk of long-term health conditions such as diabetes, heart disease and obesity. The microbiome is influenced by what food someone eats, which makes the diversity of the gut adjustable. Researchers assessed a group of 934 people from the ZOE Predict study, the largest ongoing nutritional study of its kind. They looked at blood, stool and gut microbiome samples, as well as glucose measurements in people whose sleep was irregular compared to those who had a routine sleep schedule. Unlike past research, the group consisted of mainly lean and healthy individuals with most of them getting more than seven hours sleep throughout the week. The study, published in The European Journal of Nutrition, found that just a 90-minute difference in the timing of the midpoint of sleep is associated with differences in what the gut microbiome is made up of. According to the findings, having social jet lag was associated with lower overall diet quality, higher intakes of sugar-sweetened beverages, and lower intakes of fruits and nuts. This may directly influence the abundance of specific microbiota in the gut, researchers say. Three out of the six microbiota species more abundant in the social jet lag group have what researchers describe as unfavourable associations with health. They are linked with poor diet quality, indicators of obesity and cardiometabolic health, like heart attack, stroke, and diabetes, and markers in your blood related to higher levels of inflammation and cardiovascular risk. Previous research has found social jet lag is associated with weight gain, chronic illness and mental fatigue. Dr Sarah Berry from King’s College London and chief scientist at ZOE added: “Maintaining regular sleep patterns, so when we go to bed and when we wake each day, is an easily adjustable lifestyle behaviour we can all do, that may impact your health via your gut microbiome for the better. AP Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bulshada Soomaaliyeed ayaa si carro xooggan leh uga fal-celisay in dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, ay iska fogeysay fadeexaddii dalkeenna kasoo raacday tartankii orodka ee Shiinaha. Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Barre Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa iska fogeeyay in wasaaraddu ay wax door ah ku laheyd xulidda gabadha Soomaaliya ku metaleysay tartankaasi oo lagu magacaabi Nasra Abuukar Cali. Wasiir Barre ayaa sheegay in tartanka uusan aheyn heer qaran, balse uu ahaa midka jaamacadaha aduunka, islamarkaana gabadhaas aysan soo xulin wasaaradda, balse marka ay baxaysay kaliya lasoo ogeysiiyay, isaga oo eedda dusha ka saaray xiriirka diray. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka wasaarad ahaan ay aad uga xun yihiin, kana raalli-gelinayaan bulshada sida wax u dhaceen iyo guul-darrada weyn ee soo gaartay Soomaaliya. Waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay qaadayaan tallaabo ku aadan arrintaan, islamarkaana ay baarayaan, sida lagu soo xulay Nasra. Hase yeeshe bulshada Soomaaliyeed waxaa u cuntami weysay in wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ay waxba ka ogaan weydo hab xulista gabadhaas, iyada oo guul-daradda tartankaasi kasoo raacday Soomaaliya ay u horseeday fadeexad weyn. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Maxamed Cabdulqaadir: “Gabadha heer qaran ma aha, hadana wiilka waa heer qaran oo tababaro qaatay, sidee hal tartan oga wada qeyb-gali karaan labadooda. Warkaga wa isdidayaa.” Cabdinuur Wayrax ayaa isna waxa uu yiri “Imisa wasaaradood oo ciyaaraha ah ayaa dalka ka jirra?.” “War naga xishooda cawaan yahay calanka meesha ka babanayo jaamacad miyaa leh mise ummada Soomaaliyeed, ceeb u dhinta iyo waji gabax dalkii iyo gabadhiiba waad ceebayseen,” ayuu yiri Garaad Xabiib Maxamed. Yaxye Xaaji Jucsade: “Shaqsi walba oo xilka laga qaadaayo waxbuu sababsadaa laakiin gabaadhaan ayaa kula kacday ee sabar badan muuji!!! Meesha ‘Een Een’ laga ma rabee.” “Tartan ay Soomaaliya ka qeyb-gashay oo wasaarada ogayn waa maxay?, war waxaas waxay ceeb ku tahay wasaarada,” ayuu yiri Axmed Cabdi Faarax. Cumar ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Hadduu ra’iisul wasaaraha ku bedeli waayo, waxaa xaqiiq noqonaysa kalamadda DAN-QARAABO.” Rooble Macalin Axmed: “Wasiir warkaas macquul maaha.” “Waxaas ma kaa saareeso mudane xisaab ayaa idiin taal,” ayuu yiri Ismaaciil Mire Mukhtar Cilmi ayaa isna waxa uu yiri: “Warkaan hala cadeeyo wax la qaadan karo ma ahan in magaca Soomaaliyeed meel loga dhaco.” “Warkaas cid kaa aqrisaneyso majirto, markii la sagootinaayay agasimaha wasaarada dhalinyarada iyo sports-ka ayaa taagnaa sheekooy kunacay,” ayuu yiri Ibraahim Cumar. Maxamed Nuur Macalim Maxamed: “Hadaa guul-dareeysato qof walba wuu ku inkiraa yaab!.” Kamaal Obsiye ayaa isagna waxa uu yiri “Wali waad sii hadlaysaan isku xishooda magacii Soomaaliyeed sharaftiisa ayaad dhulka la gashayn wasiirkii ciyaaraha dhan baa ogayn gabadhaas yaab!.” The post Fal-celin caro leh oo ka dhalatay tallaabadii DF ay iskaga leexisay fadeexaddii… appeared first on Caasimada Online.
-
Toogasho ka dhacday Qunsuliyadda Sweden ku leedahay Turkiga
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Shaqaale Turkish ah, oo ka howlgalayey qunsuliyad sharafeed ay Sweden ku leedahay magaalada Izmir ee galbeedka Turkey ayaa lagu toogtay, oo si darran loogu dhaawacay bannaanka dhismaha qunsuliyadda. Xafiiska barasaabka Izmir ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in muwaadin Turkish ah oo degan gobolka bari ee Agri loo xiray falkan. Booliska ayaa baaraya dhacdadan, ayuu intaas ku daray xafiiska. Qunsulka guud ee Sweden ayaa maanta oo Arbaco ah u safraya Izmir, si uu xog dheeraad ah uga helo dhacdada, ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sweden. Wasaaradda ayaa sheegtay in ay wadahadal dhow la leedahay qunsulkeeda guud ee Istanbul iyo shaqaalaheeda Turkey. Qunsuliyadda Guud waxay xiriir la sameysay Qunusliyad Sharafeedka Izmir iyo mas’uuliyiinta deegaanka, ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sweden. Weerarka ayaa imanaya ayada oo bilihii dhowaa ay xiisan ka dhex oogneyd Turkey iyo Sweden. PUNTLAND POST The post Toogasho ka dhacday Qunsuliyadda Sweden ku leedahay Turkiga appeared first on Puntland Post. -
Izmir (Caasimada Online) – Shaqaale Turkish ah, oo ka howlgalayey qunsuliyad sharafeed ay Sweden ku leedahay magaalada Izmir ee galbeedka Turkey ayaa lagu toogtay, oo si darran loogu dhaawacay bannaanka dhismaha qunsuliyadda, waxaa sidaas Talaadadii werisay warbaahinta dowladda ee TRT. Xafiiska barasaabka Izmir ayaa bayaan ku sheegay in muwaadin Turkish ah oo degan gobolka bari ee Agri loo xiray falkan. Booliska ayaa baaraya dhacdadan, ayuu intaas ku daray xafiiska. Qunsulka guud ee Sweden ayaa maanta oo Arbaco ah u safraya Izmir, si uu xog dheeraad ah uga helo dhacdada, ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sweden. Wasaaradda ayaa sheegtay inay wadahadal dhow la leedahay qunsulkeeda guud ee Istanbul iyo shaqaalaheeda Turkey. Qunsuliyadda Guud waxay xiriir la sameysay Qunusliyad Sharafeedka Izmir iyo mas’uuliyiinta deegaanka, ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sweden. Wasaaradda ayaa sheegtay inaysan faallo intaas dheer ka bixineyn “halista ay wajahayaan shaqaalaha diblomaasiyadda iyo tallaabooyinka amni ee la qaaday, maadaama tani ay tahay halis ka hor-imaneysa ujeeddooyinka tallaabooyinkaas.” Wasiirka Caddaaladda Turkey, Yilmaz Tunc ayaa ku cambaareeyey weerarka, qoraal uu soo dhigay barta X ee horey loogu yaqiin twitter. Waxa uu sheegay in baaritaan fal dambiyeed la billaabay si loo ifiyo dhacdadan. Weerarka ayaa imanaya ayada oo bilihii dhowaa ay xiisan ka dhex oogneyd Turkey iyo Sweden. Ankara ayaa marar badan cambaareysay go’aanka ay Sweden ku fasaxday dibadbaxyo lagu gubayo Kitaabka Qu’raanka, oo qaarkood kahor dhacay qunsuliyadda Turkey ee caasimadda Sweden ee Stockholm. Ankara ayaa sidoo kale muddo hortaagneyd damaca ay Stockholm ugu biireyso xulufada NATO, sababo la xiriira qur’aanka la gubay iyo in Sweden ay diiday inay soo gacan geliso shaqsiyaad Kurdish ah, oo Turkey ay ku eedeysay argagixisanimo. Turkey ayaa ugu dambeyn bishii tagtay ogolaaatay in Sweden ay kusoo biirto NATO, kadib cadaadis ay billo wadeen Mareykanka iyo xubnaha kale ee ururka. Qunsuliyad sharafeedka ayaa matala danaha muwaadiniintooda ee dibadda laakiin ma maamulaan diblomaasiyiin xirfad leh. Reuters, VOA The post Toogasho ka dhacday qunsuliyadda Sweden ee magaalada Izmir, Turkey appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaallo ayaa dib uga qarxay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya , kaaso u dhaxeeya militariga Itoobiya iyo jabhadda hubeysan ee Fano. Illaa afar magaalo oo muhiim u ah gobolkaa oo ay ku jirto magaalada taariikhiga ah ee Lalibela ayaa la sheegaya kooxda Fano inay gudaha u galeen. Tallaabadaas ayaa dhalisay in uu istaago isku socodka , duullimaadyada ayaanna ka joogsaday magaalada Lalibela oo la sheegay garoonka diyaaradaha inay qabsadeen jabhadda Amxaarada. Militariga ayaa la sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin ka dhan ah kooxda Fano, sida laga soo xigtay afhayeenka ciidanka Difaaca Itoobiya , Col. Getnet Adane. Dhinaca kale , Madaxweynaha gobolka Amxaarada, Yilkal Kefale ayaa laga soo xigtay inuu dadaal ku bixin doono colaadda sidii xal looga gaari lahaa , isagoo markaa caddeeyay inuu xafiiskiisa u furan yahay wada-hadal in lagu dhammeeyo xaaladdan cusub. PUNTLAND POST The post Dagaallo ka qarxay Gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Shirjiraa’id oo ay Si wadajir ah u qabteen Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya iyo Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya oo looga hadlay guulihii ugu dambeeyay ee laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxaana shirka jaraa’id Shacabka Soomaaliyeed oo looga mahadceliyay kaalintii ay ka qaateen howlgaladaasi, oo lagu xusay doorkii ciidamada deegaanka ee qeybta ka ahaa dagaalkii wajiga koowaad ee dagaalka Al-shabaab, kaas oo looga saaray deegaanno dhowr ah. Shirka jiraa’id oo ay maanta Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac iyo Ergeyga Gaarka ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef oo lagu qabtay xarunta ATMIS ee Howlgalada Midowga Afrika ee Xalane. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Daa’uud Aweys Jasmac ayaa kaga hadlay Guulihii ugu dambeeyay ee laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo shacabkla Soomalaiyeed kaga mahad celiyay kaalintii ay ka qaateen howlgallada . Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Ciidamada Qaranka oo 2024-ka ay si buuxda ula wareegi doono Amniga Guud ee Dalka, marka ay baxaan ciidanka ATMIS,.Horumarka laga sameeyay Dib u eegista Dastuurka, Dhaqaalaha, Deyn Cafinta, La dagaalanka Masuq-maasuqa, Dadaalada Madaxda Qaranka ee ku wajahan Nabad ku soo dabaalidda dalka Ergeyga Gaarka ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef oo ka hadlayay Shirkajiraa’id ayaa faah faahin ka bixiyay Wejigii koowaad ee Dib u celinta ciidamada Amisom ee 30-kii bishii June oo la soo gabo gabeeyay, wuxuu cambaareeyay qaraxii xerada Jaale Siyaad, qorshaha xiga ay dib u celinayaan saddex kun oo kale bilaha xiga, DagaalLada ka dhanka ah Al-shabaab, ka qeybgalka Midowga Afrika Howlgalada lagu xoreynayo magaalooyinka iyo tuulooyinka, Guulaha horumarka dhaqaalaha iyo taageerada xasiloonida dalka ee DFS iyo kulamadii uu la qaaray mas’uuliyiinta DFS Shirka jiraa’id ayaa ku soo beegmay iyadoo ay si xoog leh gudaha dalka looga dareeminkaro dadaalka ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ugu jiraan dagaalka ka dhanka Al-shabab, waxaana la filayaa in dhowaan dalka uu ka bilowdo wajiga labaad ee dagaalka Al-shabab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ninman baa deri goor habeen ahayd ku soo baxay reer tulud qalanaya, oo si degdeg ku jiray u qurbaya holibihii neefka. Markaasuu mid nimankii ka mid yidhi, “Alla, waar waa maxay reerkan neefka geela goortan qalanayaa?” Nin ka mid ahaa nimankii ay wada socdeen ayaa u jawaabey ninkii oo ku yidhi, “Xalaal ifin baa la qashaa.” “Waa runtaa,” ayuu ninkii su’aasha waydiiyey yidhi. Reerkii nimanki kumay weecan. Way iska dhaafeen reerkii tuludda ay qalanayey ayagoo cid ay u hoydaan u haahnaa. Arrin kasta oo bini aadam ku kaco waxaa uu yeeshaa oo u ku dhammaadaa laba wax: Tabnaan iyo tognaan oo afka qalaad loo yaqaan negativity and positivity. Sidaasi waxa macnaheedu yahay qof walliba wax kastuu qabto amma sida saxda ah ayuu qabtaa amma si qaldan. Sababtuna waxa weeye qofka bini’aadmiga ah ayaa qof ahaan hab dhaqankiisu ka kooban yahay ‘Lammaane shakhsiyadeed (dual character) Waxay dadka ku kala roon yahiin siday waajibaadka saaran u kala gudan og yihiin, ee ay u kala garanayaan waxa qaloocan iyo waxa toosan, waxa qaldan iyo waxa saxda ah. Mssalan, hadaanad waysaysan salaadaadu ansax maaha. Salaada aanad suurtul Faatixa ahkriyin waxay la mid tahay salaad aad adoo og in aanad waysaysan wayso la’aan ku gashay. Sidaa darteed, wax waloo la qabtaa waxuu ansax ku noqdaa habka loo qabto. Awoodda dadka lagu xukumaa axkaam xalaalaysa ayay leedahay. Hantidaada waxa xalaal ka dhigga sidaad ku heshay ee ay kugu soo gashay. Sidoo kale, madaxnimadu waxay ku xalaalowdaa amma ku xaaraantiyowdaa (legitimacy or illegitimay) sida masuuliyadda madaxnimadda loo guto. Hadday madaxdu ku durduriso dadweynahii soo doortay oo ay siday doonto u gasho waa dulmi, dulmina Allah weyn ayaa iska xaaraantimeeyey. Madaxninmada iyo xukunkaba waxa xaaleeya xeerarka ay busho-weyntu dhigteen. Haddii xeerarka bushadu dhigatay ay madaxda dalku si xun u istimaalaan, distoorkana ay tunka ku qaataan, kol walbana ay siday doonaan u dhigeen, maxa nabaddan la leeyahay aan illaashano lagu illaayaa? Nabaddu waxa lagu illaashaa anshax iyo asluup (discipline and principles) Haddii uu Muuse Biixi burburiyey anshaxii iyo asluubtii loogu tala galay in la sugo nabda-geyada dalka, maxaa lugu sugi doonaa nabadda? Horta waa in anshax iyo asluub fiican er xuquuqda muwaadiniinta lagu sugo la illaaliyaa oo la ixtiraamaa. Nabad-sugidda waxa xalaaleeya xeerarka dalka u dejisan. Askarta tuugta qabqabataa iskama qabtaan tuugta dee, xeer baa awood u siinaya in ay qabtaan ka wax xadaya, ka wax dilaya, ka qas iyo qalaanqal kicinaya. Waxa xaqiiq ah in aan Biniaadmiga xabbad lagu riciyadan karin, lagu xukumi karin, xoogna lagu haysan karin. Hortaabaa Muusow rag qammasmur ahaa ku jabeen. Xalaal iftin baal la qashaa waxan ka wadaa . sida dalkan iyo dadkan loo xukumayaa ku xalaaloobi meyso xeer jabin, mudaynta doorashooyinka dalkuna ku meel mari mayso warqad sii qorayd oo kolna loola dhukusay Saleebaan Gaal, kolna Shanta xubnood ee komishanka Muuse iyo Saleebaan Gaal ay soo magacaabeen ee diintoodii iyo dadnimadoodiiba meel kaga dhacay, karaama beelna noqday. By:’Jamafalaag S’/land; Hargeis jamafalaag@gmail.com Qaran News
-
Gadgadoonka Waayaha iyo Giraan Wareega Taariikhda. Aduunka aynu ku guud suganahay waa goob, uu Illaaheena weyn ee waligii Jiraha ahi uu u qoyndeeyey in uu Aadamaheena ku Jiribo ama inagu imtixaano, taas oo ah arin si Cad oo mugdi iyo sarbeeb lahayn laynagu war geliyey, sidaa aawadeed Dhacdooyinka Dunida guudkeeda Aadamaha kusoo mara kuwooda wax yeelada leh iyo kuwooda waxtarka leh labaduba wey kusoo noqnoqdaan!, Hadii Dhacdooyinka waxyeelada leh lagu cimro qaadan, waxay geesteen oo aan laga waantoobin wixii sababay waxa Hubaal ah in ay soo noqnoqdaan ilaa intay Ummadday asiibeen ku cimro qaadanayso!, oo ay ka waantoobayso wixii sababay, Sidoo kale wixii Wanaag Nimco iyo Barwaaqo leh ee Aadamaha Soomara haday Illaahii siiyey u Mahad celiyaan oo wanaag iyo Shukri ay Illaahii siiyey Caabudaad ugu Mahad celiyaan Illaahay wuu usoo celceliyaa Nimcadaa isaga oo Mowleh usii kordhiya, Se Aadamuhu waa Daciif hadana wuu kibir badan yahay waxna ma dhugto mana dhaado oo Dhakhso ayuu wax walba u ilaawaa, oo sida Raha ayuu Barwaaqada iyo Nabada kibir la dhawaaqa!, Abaaraha iyo Xiliga xunna Aadamuhu wuu Gaabgaabsadaa oo intay is galuumaan ayey Gacmo kor u fidin u faytaan iyo Illaahow adaa weyn, Illaahay ayaa weyn se waa in laxusuusnaadaa Mowle Marwalba oo kibirka laga waantoobaa. Waxa ay ahayd 26kii Juun 1960kii, Markii shacabkii kasoo jeeday Jamhuuriyada barakaysan ay Xoriyada ka qaateen Isticmaarkii reer Yurub, waxa ay judhiiba u hayaameen Koonfur si ay ula midoobaan walaalahooda Koonfureed oo markaa weli hoos hadhsanaayey Isticmaarkii, waa tii 01 Luulyo ama Julay 1960kii walaalaha Koonfureed xoriyada ka qaatay Isticmaarkii reer Yurub ee isticmaarsiga ku taabay Dhulkii Hooyo, waatii labadii deegaan iyada oo aan waxba kala qoran Maalin Midow oo ay wada leeyihiina aan la samayn! Hadana waa midowdeen layidhi, waa meel Illaahay wax kawadaye waata dalkii da’da weynaa ama hor dhashay la xaq iyo Xeerba la duudsiiyey, inkastoo jireen Dad ka dhiidhiyey hadana waakii waxay maaganaayeen iyo inqilaabkoodii dhicisoobay, waxa uu dulmi iyo Xaq-duudsiintu siisoctaba waatii 6dii Abril 1981kii ay Hubka boobeen ee Londhon ay kaga dhawaaqeen Dhaqdhaqaaqii wadaniyiinta Barakaysan ee ‘SNM’, waatii naf iyo maalba loo huray sidii Dalka looga xorayn lahaa Xukunkii askarta xagarku ku go’naa ee Cidna dhag u jalagsiin jirin ee xoogga, Dilka, Dayaaradaha, Dabaabaadka iyo Dagaalka wax ku xalin jiray, waatii Taliskii keli Taliska ahaa yidhi Shanta Wiil ee injirta leh waxba ka dhaqaysan maayo ee Dhaqtaan Dhiiga u darayaa. Waa tii Xukunkii keli Taliska Shuuciga ahaa uu Heshiiska la galay keli-Taliskii kale ee Migiste Xayle-maryam ee yidhi ii soo Didi’ Shanta injirta leh!. Waatii 27-May-1988 Urarkii Dulmi Diidka ahaa ka dhex Toosay Magaalo Madaxdii Gobolka Togdheer ee BURCO, Waatii Halgankii Xaq-U-Dirirku Dalka wada maasheeyey ee laga yidhi ‘War mahayside Waqooyi-HILLAAC’, waatii Dulmi Diidnimo Naf, Maal iyo Magaalooyin Dhisan oo Camiran loo huray!. Wuxuu Halganku socdo waatii 18-May-1991kii Dib loo Unkumay Jamhuuriyadii Barakaysnayd, wixii Dhib loosoomaday iyo tisqaadkii wixii dhib ina kala gaadhay dadkaygu inuu ku cimro qaato ayey ahayd ee Maxaa Qaldan?. Horta aniga 1988kii dhalaankii lala qaxay ee Dulcad, Camb-Abokor, Rabaso iyo Daroor DaadSanaa ayaan ka mid ahaa ee rafaadka iyo qaxa guclo roor ka ah halkaa lagu geeyey, waxa ii Dheeraa hadana waxa aan ka mid noqday Dhalaankii Dhulka shisheeye ee Qaaradaha fog loola kacay, waxa aan ku barbaaray Aniga oo Qoxoonti ah qaarada Yurub, waxa ku koray oo ku qaan-gaadhay oo ku Aroostay oo aan Aabo ku noqday oo aan maantana Awow ku ahay Yurub, qaxii waagii ayaan weli Dhulkii Hooyo kaga maqanahay, waxa Qaxaa waagaa 1988kii iBaday waxa uu ibaray ayaa wax walba igaga Daran!, waayo Aniga iyo Ubadkaygu Afkii Hooyo si hagar la’aan ah uguma wada hadalno ee Af Shisheeye ayaanu kuwada arinsanaa oo arin iyo xaajaba ku wada gorfaynaa!, Se Calool-yowga, Murugada, Uurkutaalada iyo Niyad xumada aan qabo Alle ayuunbaa og!. Waayo waxa niyada aan ku hayey Dalkaagii Hooyo ayaad Dib ugu Celin Ubadkaaga iyo Ubadka aad Awowga u tahay Ood Odhan Dhulkii Hooyo waa kane ku Dhaqmoo ku Dhaqda. Waxa se Nasiib daro ah Dhowr iyo Sodon sanadood kahor waxa aan u soo joogay ayey maalintan Maanta ahi U sansaan eegtahay iyo Dheg layskuma jalaqsiinayee Rasaas Fariina aynu ku doodno, Hadii laysku joojin oo lawada hadlayn oo Dhegba laysku jalaqsiinwaayo, oo wax isku ahaansho iyo wax wada lahaanshihii loo xooro, oo Tabtii Askartii shuuciga ahayd ee Ummadda kala irdhaysay loo Dhaqmo, Maxaa isbidalay Maxaa se la fishaa soo Gadgadoonka Waayuhu Giraan Wareeg Taariikhdii Hore oo kele Maaha!. Allow Allahayow Markale Waqooyi yuu Hillaacin, Aamiin. Khadar Nimco Qadiijo (Fartaag). Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin oo uu wehlinayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Saleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tegay xasbiga dhexe ee Xamar. Wasiirka ayaa u kuur-galay xaaladda xasbiga iyo maxaabiista, isaga oo daba socda hadalkii uu dhowaan sheegay taliyaha Ciidanka Asluubta Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano (Shub), kaas oo shaaciyay in xasbiga ay ka jirto cadaalad darro, isla-markaana qaar kamid ah maxaabiista ay 10 sanno iska xiran yihiin, ayaga oo dhameystay muddada. Xasan Macallin ayaa sheegay inay la kulmeen maxaabiista xiran, isla-markaana waxa uu beeniyay in ay jirto arrintaasi, isaga oo ka jawaabayay hadalka kasoo yeeray taliyaha. “Kow waxaan rabaa inaan ka jawaabo taliyaha maalin dhaweyd waxa uu sheegay 10 sanno oo rumaan ah dadaa ku xiran taliyuhu markii uu intaas sheegay oo maanta la’isku yimid horta waxaa innoo cadaatay 10 sanno oo rumaan ma jirto” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin. Wasiir Cadaaladda ayaa sidoo kale qiray inay jiraan maxaabiista qaar oo dhammeystay xukunkooda, isla-markaana ay maalmo ugu darsantay, arrintaasna ay xallinayaan. “Waxaa jira oo taliyuhu sheegay qofkii meeshaas ku xiran ee muddada dhaafa maalin haddii uu dhaafo inuu isaga 10 sanno uga dhigan tahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Sidoo kale wuxuu raaciyay “Taliyuhu waa mahadsan yahay waxaase u qaadaneynaa inay aheyd qaylo dhaan 10 sanno haddii aysan aheyn oo ay hal maalin noqotay waa wax weyn”. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay diiwaan-geliyeen tirada maxaabiista ay arrintaas ku dhacday, ayna si deg-deg ah uga howlgeli doonaan bahda garsoorka. “Intiina muddada dhaaftay garsoorka iyo maxkamadaha waxaad ka heli doontaan cadaalad, muddada laga hadlaayana 10 sanno ma’ahan, umana dhawa” ayuu sii yiri. The post Daawo: Warkii taliye SHUB oo beenoobay kadib markii ay ka daba tegtay dowladda appeared first on Caasimada Online.
-
Labadii Ergo ee Wakiilada iyo Madaxdhaqameedka ahaa ee isu xilqaamay xalada gacan libaax ayaa isla qaatay in Ergada Wakiiladu ay ku qanciyaan labbadan qodob Madaxwayne Biixi:- 1. In Xukumada ay kusoo qanciyaan sidii ciidanka ay gaysay Buurta Gacan Libaax uga soo qaadi lahayd. 2. In xukumada la soo fadhiisiyo miiska wada hadalka. Madax dhaqameedka ayaa muujiyay in ay qodobadan kala quusteen Madaxwaynaha iyo xukuumadiisa balse waxay ka warsugayaan natiijada ay ka keeni doonaan ergada wakiiladu. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Somaliland oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu is-casliyay taliyahoodii Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), kadib markii aad loogu baahiyay baraha bulshada. Taliska ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi ay been abuur yihiin, isla-markaana aanu is-caslin taliye Dabagale oo ah taliyaha guud ee ciidanka Booliska maamulka Somaliland.. Sidoo kale wuxuu talisku caddeeyay in arrintaasi aysan waxba ka jirin, wararka la faafiyayna ay yihiin kuwa looga been abuurtay taliyaha. “Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa beeninayaa warar beena oo lagu faafiyay baraha bulshada kaasi oo sheegaaya ina uu iscasilay taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi , Taliska Ciidanka Boolisku waxa caddaynayaa inaanay wararkaasi waxba ka jirin, tahayna warar been abuura oo ay faafinayaana cadawga JSL” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Taliska Booliska. Sidoo kale wuxuu boolisku sheegay in haatan taliyaha uu ku muqan yahay safar dibadeed, isla-markaana uu imaanayo maalinta berri ah, si usii wato howlihiisa shaqo. Safarkan ayaa la xiriira arrimo shakhsiyeen, sida lagu shaaciyay warkan qoraalka ah, balse lama sheegin dalka uu aaday iyo waxa uu u tegay intaba. “Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxuu dalka dibadiisa ugu maqan yahay arrimo shakhsiya , waxaanu imanayaa maalinka berri ah subaxnimada haddii eebbo idmo” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka uu soo saatay Taliska Booliska Somaliland. Arrintan ayaa meesha ka saareysay hadal heyntii ka dhalatay inuu iscasilay taliye Maxamed Dabagale, kadib markii warkaas lagu baahiyay baraha bulshada, balse hadda beenoobay. The post Maxaa ka jira inuu is-casilay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland? appeared first on Caasimada Online.
-
Alle ha u naxariistee, waxaa caawa Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ku Geeriyooday Ugaaskii Guud ee Beesha Ayuub Sh. Isaaq Ugaas Ismaaciil Cabdi Huluul. Ugaasku waxa uu kamid ahaa Madaxda Dhaqanka ee Gobalka Maroodi-jeex. Waxaa Geeridiisa ii xaqiijiyay Sakariye Axmed oo kamid ah ehelladiisa. Source
