-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Khilaaf Cabdi Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka tirsan Aqalka Sare, kaas oo si weyn u canaantay Xildhibaannada, xilli dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. “Madaxweynihii Jamhuuriyadda Tuute ayuu xirtay, furintii ayuu joogaa, Xildhibaannadii Qaaci ayey tumanaayaan oo Xamar bey joogaan, qaar kooda Ciyaaraha ayey daawanayaan,” ayuu yiri Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka hadlay Aqalka Sare. Khaliif oo maanta Wariyeyaasha kula hadlay bannaanka hore ee xarunta baarlamaanka ayaa ku eedeeyay Dubbe inuu aflagaadeeyay guud ahaan xildhibaanada Soomaaliyeed. “Madaxweynaha tuute ayuu gashtay waa sax, dagaalka uu tegay waa sax laakiin waxaa dheeraad ku aheyd inuu yiraahdo xildhibaanada Soomaaliyeed waxay tumanayaan Party iyo xafladeyn iyo Qaaci ayay ku jiraan” ayuu yiri Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in si deg-deg ah uu raalli-gelin uga bixiyo hadalka uu ka sheegay xildhibaannada ee ku aadan inay Qaaci tuntaan, xilli dalka uu jiro dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. “Dadka is radin lahaa ee is dacayadeyn lahaa ma nihin waa inii raalli-gelin ka bixiyo si Public ah, sida uu u dacyadeeyay xildhibaanada Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Anigu shaqsi uma hadlayo qolooyinka la xamanayana kuma jiro, laakiin waxaa aflagaadaa mas’uul aflagaadeynaya mas’uul kale marka Senatorka haka noqdo kalmadaasi” Horay waxaa arrintaan uga hadlay Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo ka tirsan Golaha Shacabka, kaas oo isna tilmaamay in Senatot Dufle uuu gefay xildhibaannada. “Marka labaad ka xildhibaan ahaan waxaa ka codsanayaa in arrintaas uu raalli-gelin ka bixiyo horta oo Xildhibaannada uu ku gefay uu raalli-gelin siiyo, isaga oo caddeyn doono cidda uu ula jeeday iyo qolada Qaaciga tumata iyo halka ay ku tuntaan” ayuu yiri Cali Xaaji Hadalka Dubbe ee falcelinta dhaliyayayaa imanaya xilli uu dalka ku socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda xarun ka dhigtay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamul goboleedka Galmudug. The post Daawo: Carada ka dhalatay hadalkii Dubbe oo xoogeysatay – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka martida ku daahfuray Shirka Golaha Ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka. Shirka oo lagaga hadlayay iskaashiga ganacsi ee Somalia iyo Mareykanka waxaa ka qayb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee Jubbaland, Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo tan Jubbaland, Waxaa dhinaca Dowlada Maraykanka shirka uga qeybgalay Geoffrey Parker oo ah madaxa arrimaha Siyaasada iyo dhaqaalaha Maraykanka iyo Shai Franklin oo ah wakiil kasocday shirkadaha Maalgashadayaasha Maraykanka. Shirka ayaa diiradda lagu saaray sida ugu haboon ee sare loogu qaadayo Ganacsiga Maraykanka iyo Soomaaliya ka dhexeeya isla markana dardar galin loogu samayn lahaa maalgashiga Maraykanka ee Soomaaliya. Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in shirkan u ahmiyada weyn u leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa maalgashiga shirkadaha Maraykanka ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada uu dalkeenu qaniga ku yahay sida Beeraha, Xoolaha, Kaluumaysiga iyo Kuwo kale. Waxaa Madaxweynahu uu xusay in ka faa’iidaysiga cimilada dalkeena ay xoojinayso in maalgashi baaxad leh oo dhinaca tamarta ah laga hirgaliyo dalka muhiimad weyna la siiyo awooda tamarta iyo maalgashigeeda si shaqooyinka kale ay u noqdaan Kuwo waxtar leh. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo daah-furay shirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Ra’isal Wasaaraha ku xigeenka Dalka Mudane Saalax Jaamac ayaa maanta xarigga jaray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA. Sanadkii hore bishii Agoosta ayey dowladda Soomaaliya dib u hawlgalisay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed si dalka looga badnaadiyo macluul iyo abaara baahsan oo dalka markaa ka jiray, hawlgalinta ka dib Gudoonka hay’adda SODMA Mudane Maxamud Macallin iyo Dr Axmed Abdi Aden iyo guud ahaan hawl wadeennada kala duwan ayaa isku hawlay ka hortagga iyo yaraynta qatarihii kala duwnaa ee Dalka soo wajahay ee arimaha macluusha, abaaraha iyo fatahaadaha. Ra’isal wasaare ku xigeenka dalka oo ka hadlay munaasabadii xarig jarka xarunta dhexe ee SODMA ayaa bogaadiyay mudada kooban ee sanadka ah hawlaha baxadda leh ee ay hay’addu qabatay isagoo sidoo kale sheegay in wali ay sugayso hay’adda hawla baxaad leh madaama dalka uu ka socda dagaalka Qawaarijta lagula jiro. Gudoomiye Maxamud Macallin oo ka hadlay munasabadda xarig jarka ayaa isagana ka shekeyay marxaladihii kala duwnaa ee ay soo martay hay’adda SODMA mudadii sanadka ahayd ee ay jirtay, isagoo sheegay markuu xilka la wareegay in hay’addu ay ku shaqayneysay xarun kiro ah, maantana ay SODMA dagantahay xarun dhexe oo ay iyadu leedahay. Xafladda xarig jarka oo si heersare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Gargaarka iyo Arimaha Bini’adinmada KGS mudane Abdinasir Caruush, wakiillo ka socday hay’adda UNDP oo ah hay’adda dhistay xarunta SODMA, iyo Maamulka kala duwan ee Hay’adda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa(Qaran news)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta hadhimo sharafeed u sameeyay weriye Bushaaro Baande oo shalay la sii daayay jafib markii ay saddex bilood si sharci darro ah loogu xidhay Hargeysa. Murrashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka hadlay xafladaas ayaa sheegay xadhiga Suxufiyadaasi qsyb ka yahay tacadi iyo xadhig badan oo loo geystay Suxufiyiin iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah. Murrashax Cirro wuxuu ugu baaqay Xukuumadda inay ka waantowdo xadhiga sharci darrada ah ee ay kulp kacaan suxufiyiinta madaxa bannaan. Wwriye Bushaare Baabde ayaa sgeegtay xisbuga WADDANI uga mahadcelinayso sidii ay isu garab taageen ee ay u cambaareeyeen xadhigeedii oo ay tilmaantay inuu xisbigu cod dheer ugu hiiliyay. Qaran News
-
Masagaway (Caasimada Online) – Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inay toogteen ismiidaamiye waday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, duleedka tuulada Xuseen Cagey oo u dhow Masagaway oo ka tirsan gobolka Galguduud. Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in ciidamada amnigu ay ismiidaamiyahaas ku dileen toogasho. Dhinaca kalena, ururka al-Shabaab ayaa sheegtay in qof ka tirsan maleeshiyaadkooda oo ismiidaamiyey uu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo gaadiid watay, kuna jiray hawlgal. Ilaa hadda ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya sawirka buuxa ee weerarkan. Shalay ayey aheyd sidoo kale markii ugu yaraan shan ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu dilay hawlgal ka dhacay gobolka Galguduud saaka, sida ay tebisay warbaahinta dawladda Soomaaliya. Hawlgalkan ayey ka wada qayb qaateen ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya iyo taliska milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika loona yaqaan AFRICOM, sida ay sheegtay warbaahinta dawladdu. Hawlgalkan ayaa ka dhacay meel 35KM Koonfur bari ka xigta degaanka Galcad ee gobolka Galguduud. Taliska AFRICOM ayaan weli ka hadlin weerarkan. Ciidamada dawladda ayaa hawlgallo ka wada degaannadaas, waxaana saraakiishu soo tebiyeen inay ciidamadu la wareegeen degaanno hoostaga tuulada Cawsweyne. Mas’uulyiinta dawladda ayaa sheegay in hawlgal milatari uu ku waajahan yahay qabashada labada degmo ee Ceelbuur iyo Galhareeri. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fadhi ku meelgaar ah ka samaystay magaalada Dhuusamareeb, si uu ula socdo diyaargarowga hawlgallada milatari ee ka dhanka ah al-Shabaab oo dawladdu sheegtay inay dhammaystir u yihiin wejiga koowaad ee gulufka. Isha: VOA The post Ciidamada DF ‘oo toogtay’ ismiidaamiye waday baabuur appeared first on Caasimada Online.
-
The project will help save lives and livelihoods through improved flood defences, early warning systems, and preparedness actions to reduce the impact of severe flooding in at-risk areas of Somalia 16 August 2023, Mogadishu – The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) and the British Embassy Mogadishu (BEM) have launched an Anticipatory Action and Preparedness programme in Somalia ahead of an expected El Niño event. El Niño is a climate pattern expected to bring about increased rainfall, with riverine areas of Somalia particularly at risk of severe flooding. There is now a greater than 90 percent chance that El Niño will continue through the end of the year, and FAO estimates 1.2 million people are in areas at high risk of flooding. FAO’s Somalia Water and Land Information Management (SWALIM) Unit anticipates a major flood event of a magnitude statistically likely only once in 100 years, and follows another historic flood earlier this year that displaced around 245,000 people along the Shabelle river. An El Niño related flooding event in riverine areas of this scale could lead to loss of life, mass displacement, destruction of property and loss of livelihoods, resulting in an increase in acute food insecurity. To mitigate the effects of a potential disaster, FAO and the BEM have launched a USD 3.8 million anticipatory action and preparedness initiative in areas facing the greatest risks. The project “Badbaado”, which means “to salvage from calamity”, is part of FAO’s multi-donor El Niño programme, which seeks to mitigate, prepare for and respond to the threat of severe flooding and humanitarian disaster during the country’s second major rainy season between October and December this year. “We have a very short window of only a few months to prepare for and mitigate the worst impacts of El Niño, and we are grateful to the UK for rapidly mobilising support for this important work. By taking early and well-informed action, together, we can help to protect vulnerable rural communities from the worst outcomes of disaster,” said Etienne Peterschmitt, FAO’s Representative to Somalia. “Somalia is facing yet another crisis – an El Niño has been declared and may develop into a once in a century flooding event this year. We are acting now to prioritise resources,” said Damon Bristow, Development Director for the British Embassy Mogadishu. “This cost-effective and sustainable joint initiative with FAO will mean we are able to save lives and prevent damage to livestock, crops and properties which could prove extremely damaging to the livelihoods of Somalia’s most vulnerable communities,” he said. Under the leadership of the Ministry of Agriculture and Irrigation (MoAI) and in partnership with the Somalia Disaster Management Agency (SoDMA), FAO plans to close 937 metres of breakage points along the Shabelle river in Beletweyne town to slow down flood waters, reduce the immediate impact of flooding and allow people time to move away from high risk areas. The project also plans to rehabilitate a major canal to redirect flood waters away from populated areas in Beletweyne, as well as prepositioning 800,000 sandbags in flood prone areas. Early warning systems will be activated in partnership with government and local responders along the Shabelle and Juba rivers, with messages transmitted to communities through local radio networks, SMS services, and official channels to inform early action and save lives. FAO will also coordinate with local authorities and community groups to support evacuation planning. Qaran News
-
Mishiinka Liisamada lagu sameeyo oo laga Hirgaliyay Boorame
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mishiinka Liisamada lagu sameeyo oo laga Hirgaliyay Boorame Hargeysa(Qaran news)-Wasiirku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka JSL, Cabdinaasir Caydiid Maxamed iyo guddoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi, ayaa sida wada jira u daahfuray mishiinka liisamada iyo buugagta lagu sameeyo. Isu-duwaha wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka ee gobolka Awdal, mudane Kulmiye, ayaa sheegay in keenista Mishiinka daabacada Liisamada iyo buugagta lagaga baaqsan doono safarkii dheera ee loogeli jiray helitaankooda, kaas oo markii hore loo doonan jiray magaalada Hargeysa, waxaanu intaas ku daray in ay tahay guul u soo hoyatay gobolka isla markaana laga helayo gudihii magaalada Borama Daabacaadii iyo sameyntii Liisamada iyo Buugaagtaba. Agaasima waaxyada wasaaradda jidadka ee gobolka Awdal, ee Muuse Yuusuf iyo Ayaan Cabdicasiis, ayaa si wada jira u soo dhaweeyay keenista Mishiinka Daabacada Liisamada iyo Buugagta, waxaanay sheegeen in qorshaha wasaaradda uu ku yimid. Wasiirku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka JSL, Cabdinaasir Caydiid Maxamed, ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in Liisamadii iyo Buugagtii Hargeysa loo tagi jiray maanta laga helayo gudaha magaala madaxda gobolka Awdal ee Boorama. Gaba-gabadii guddoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi, ayaa sheegay in Mishiinkan safar dheer loo gali jiray balse hadda daabacada Liisamada iyo Buugagtaba ay bulshaweynta gobolka Awdal ka heli doonaan gudaha magaaladooda. Qaran News -
Residents and opposition groups have accused government troops in Ethiopia’s largest Oromia region of killing multiple civilians as the army continues to battle militias in another region - Amhara. Source: Hiiraan Online
-
Muuse Biixi oo xadhiga ka jaray Haamaha keydka Shidaalka ee Dahabshiil Berbera(Qaran news)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa safar shaqo ku joogaan, ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray Keydka Haamaha shidaalka ee shirkadda DAHABHIIL ka hirgelisay magaalada Berbera, isaga oo sidoo kale dhagax-dhigay keydka cusub oo lagu keydin doono Gaasta. Munaasibadda xadhig-ka-jarista iyo dhagax-dhigga oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda shirkadda Dahabshiil, madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo marti-sharaf kale, ayaa laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqayo shirkadda Dahabshiil, laguna bogaadinayo kaalinta xukuumaddu ka qaadatay fududaynta iyo hirgelinta hawsha. Maamulaha shirkadda Dahabshiil, Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid oo munaasibadda daah-furay, ayaa ku dheeraaday mashruucan ballaadhan ee ay shirkaddu maalgashatay iyo sida uu wax uga tarayo in dekedda Berbera noqoto marin muhiim ah u ah guud ahaanba gobolka Geeska Afrika. Ismaaciil Cabdi Xasan (Caga-weyne) oo kamid ah ganacsatada waaweyn ee dalka, ayaa isaguna bogaadiyey maalgashiga ballaadhan ee shirkaddu ku maalgashatay keydka shidaalka ee Berbera iyo meelo badan oo dalka kamid ahba. Mulkiilaha shirkadda Dahabshiil, Mudane Maxamed Siciid Ducaale, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay inay shirkad ahaan maaliyad badan geliyeen sidii uu mashruucani u hirgeli lahaa, waxana uu madaxweynaha ugaga mahadnaqay sidii uu u dhiirrigeliyo ganacsatada doonaysa inay dalkooda maalgashadaan. Wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo Ganacsiga, Mudane Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna dhankooda soo dhaweeyey mashruucan ay shirkadda Dahabshiil ku maalgashatay Haamaha Shidaalka ee Berbera, waxana ay tilmaameen inay ka xukuumad ahaan diyaar u yihiin ilaalinta hantida muwaadiniintu dalka ku gashatay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa shirkadda Dahabshiil ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jirto inay dalka ka hirgeliso mashaariic waaweyn oo midho-dhal ah, soona kordhiyaan hal-abuur iyo curinta hawlo cusub. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay sidii xukuumadda iyo ganacsatadu isula jaanqaadi lahaayeen, si wada-jir loogu jihaysto horumar, waxana uu yidhi, “Xukuumad ahaan laba ayaanu ku dedaalaynaa, ganacsatada iyo dawladdu inay gacmaha is qabsadaan, dawladduna socon mayso haddaanay ganacsatada garbaha haysan, dawladduna socon mayso, dalkana waxaynu u haynaa awooddii sharciyeed iyo dhaqaalihii, haddaanay labadaasi wada soconna socon maynno, labadaasna waanu isu keenaynaa.” Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada ugu baaqay inay waqti badan geliyaan sidii ay ula soo bixi lahaayeen quutal daruuriga lama huraanka u ah noloshooda, soona yareeyaan ku tiirsanaanta cuntada dibadda. Qaran News
-
Skyborne shield: Somalia’s Bell 412s rise against Al-Shabab
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (Caasimada Online) – The Somali government recently welcomed a significant boost to its counter-insurgency arsenal with the receipt of Bell 412 helicopters and additional weaponry to strengthen its efforts against the Al-Shabab terrorist group. Military sources indicate that two of these twin-engine helicopters, known for their versatility and reliability, arrived in Mogadishu in July, with another three set for imminent delivery. The Bell 412 is a multipurpose helicopter employed worldwide for troop transport, medical evacuation, and search and rescue missions. Its ability to operate in harsh environments makes it a fitting addition for Somalia, a nation endeavoring to stabilize and secure its territory under challenging conditions. Operational prospects “The helicopters, currently utilized for casualty evacuation, can also play an active role in combat operations,” stated a military official, emphasizing these aircraft’s dual role. By rapidly deploying troops and supplies to remote areas and providing medical evacuations for wounded soldiers, these helicopters are poised to become central assets in Somalia’s ongoing struggle against Al-Shabab. While details about the funding for these helicopters remain unclear, the overall pattern of international support for Somalia’s military is unmistakable. In addition to these helicopters, recent months have seen the arrival of 120mm mortars, Zu-23 anti-aircraft guns, and other heavy weaponry donated by allied nations, including a substantial pledge of $9 million in military aid from the United States earlier this year. Beyond hardware, extensive human resource development is underway. Somali news outlets report that the country’s military pilots, technicians, and Special Forces have completed training in Turkey, specifically on the Bell 412s. This comes on the heels of Turkey’s previous donation of twelve Kirpi armored vehicles and twelve utility trucks to Somalia in 2020, part of a broader bilateral military and financial cooperation agreement. Facing challenges head-on Despite notable progress, the Somali government continues to grapple with substantial challenges. “The arrival of the Bell 412 helicopters is a major boost for the government’s efforts,” said a local analyst, “it signals that the international community is committed to helping Somalia achieve peace.” The security context in which these helicopters arrive is dynamic. The African Union Transitional Mission in Somalia (ATMIS) has begun a phased withdrawal in compliance with United Nations Security Council Resolutions 2628 and 2670. Approximately 2,000 troops were withdrawn on June 30, with an additional 3,000 expected to leave in September. The resolution mandates that ATMIS hand over security responsibilities to Somali security forces in agreed areas. U.S. involvement This equipment arrives at a crucial juncture for Somalia, coinciding with a resurgence of direct U.S. military support, including President Joe Biden’s authorization last year to deploy hundreds of Special Operations forces inside Somalia. In July 2021, the United States African Command (AFRICOM) delivered six Puma M36 Mk 6 armored vehicles to support Somali security forces in their fight against Al-Shabab. The U.S. is also set to deliver at least 100 light combat vehicles to Somalia, ostensibly to aid the war against Al-Shabab but also perceived by some as an effort to counterbalance Turkey’s growing influence. In summary, acquiring Bell 412 helicopters is a salient symbol of the Somali government’s determination to defeat Al-Shabab and the international community’s commitment to supporting these efforts within an increasingly complex geopolitical landscape. The post Skyborne shield: Somalia’s Bell 412s rise against Al-Shabab appeared first on Caasimada Online. -
Tripoli (Caasimada Online) – Gun battles in the Libyan capital between two prominent armed groups have left 27 people dead and wounded 106, according to a recent update from the Emergency Medicine Centre on Wednesday. The clashes, which started Monday night and extended into Tuesday, were ignited following the detention of Colonel Mahmud Hamza, head of the influential 444 Brigade, by the rival Al-Radaa, or Special Deterrence Force, an interior ministry official revealed. A total of 234 families were evacuated from frontline areas in Tripoli’s southern suburbs. After becoming trapped amidst the violence while tending to the wounded, dozens of doctors and paramedics were also extracted. Three field hospitals were established in response to the escalating conflict, and approximately 60 ambulances were deployed to the area. The warring factions The 444 Brigade, affiliated with Libya’s defense ministry and reputed as the country’s most disciplined force, controls Tripoli’s southern suburbs, among other areas. In contrast, the Al-Radaa Force, under the command of Abdel Rauf Karah, is a powerful, ultra-conservative militia that effectively acts as Tripoli’s police force. They sway over central and eastern Tripoli, Mitiga air base, the civilian airport, and a prison. Although ostensibly aligned with Prime Minister Abdelhamid Dbeibah’s UN-recognized government, these two armed groups are part of a broader pattern of infighting that has plagued Libya since the fall of dictator Moamer Kadhafi in 2011. Libya remains divided between Dbeibah’s Western government and an Eastern administration backed by military strongman Khalifa Haftar. Government response and ceasefire On Tuesday, a social council in the southeastern suburb of Soug el-Joumaa announced an agreement with Prime Minister Dbeibah for Hamza to be handed over to a “neutral party.” Following this, a ceasefire is expected, and fighting waned late Tuesday. Prime Minister Dbeibah and Interior Minister Imed Trabelsi personally visited the hard-hit southeastern suburb of Ain Zara on Tuesday night. The government’s press office reported that Dbeibah “saw for himself the severity of the damage” as he walked through the densely populated and now darkened streets. He has ordered a comprehensive survey of the damage, aiming to compensate the residents accordingly. In an effort to stabilize the situation, the interior ministry has initiated a security plan, deploying officers to battleground districts to oversee the fragile truce. Airport shutdown Compounding the chaos, Tripoli’s only civilian airport, Mitiga—within Al-Radaa’s sphere of control—remained shut down on Wednesday, officials noted, diverting flights to Misrata, 180 kilometers (110 miles) to the east. The latest surge in violence amidst a period of relative stability that had sparked UN hopes for elections drew immediate international attention. The United Nations Support Mission in Libya (UNSMIL) expressed deep concern over the deteriorating security situation and its toll on civilians. “All parties must preserve the security gains achieved in recent years and address differences through dialogue,” UNSMIL urged. The embassies of Britain, France, the European Union, and the United States have joined the UN in calling for de-escalation. Elections in Libya were initially set for December 2021. However, due to disputes—including disagreements over candidates’ eligibility—they have been suspended indefinitely. Nevertheless, the UN works tirelessly to overcome these sticking points, seeking a path toward national healing and democratic governance for a country that has suffered over a decade of intermittent conflict since the NATO-backed revolt that toppled Gaddafi. The post Tripoli in turmoil: Rival forces collide in capital showdown appeared first on Caasimada Online.
-
Guddi Guurtidu u Saartay Khilaafka dalka oo la Kulantay Mucaaridka Hargeysa(Qaran news)-Guddidii golaha guurtida JSL, u saaray ka soo talo-bixinta xaalada buurta Gacan-libaax ayaa kulan la qaatay madaxda labada xisbi mucaarid ee Somaliland. Guddidii dhawaan golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland u saaray ka soo talo bixinta xaalada buurta Gacan-libaax, ayaa kulan la qaatay, madaxda xisbiyada mucaaridka Somaliland ee UCID iyo WADDANI, mudane Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Kulamada ay la qaateen madaxda xisbiyada Mucaaridka Somaliland, ayay kaga wada hadleen sidii xal waara loogu helilahaa shaqaaqada ka taagan Buurta Gacan-libaax. Halka sidoo kale kulankooda iskula soo qaateen sidii khilaafka arrimaha doorashooyinka ee dalka ka taagan, xal loogu helilahaa iyada oo la raacayo shuruucda dalka u yaala. Gaba-gabadii kulamadaas ay la yeesheen asxaabta Mucaaridka Somaliland iyo daneeyayaasha doorashooyinka, warbiximaha ugu mihiimsan ee ay kawada hadleen iyo tallo bixinta xaalada Buurta Gacan-libaax ee xal u helisteeda loo saaray, ay kula noqon doonaan golahooda maalinta Sabtida ee toddobaadka soo socda haddii ILLAAHEY yidhaahdo, si goluhuna go’aankiisa uga qaato. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kadib markii la gubay Masjid ku yaalla xaafadda Horseed ee magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in koox aan la aqoonsan ay geysteen falkan, iyaga oo dab qabadsiiyay Masjidka, kadibna goobta ka baxsaday. Dabka ayaa saameeyay guud ahaan dhismaha Masaajidka, waxaana ku basbeelay dhammaan agabkii yiilay oo ay ku jiraan Kutubtii Qur’aanka ee dhex yiilay Masajidka. Sidoo kale waxaa gebi ahaan burburay Masajidka, sida laga arki karo Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo muujinaya baaxadda uu lahaa dabka. Sidoo kale qaar kamid ah culimada gacanta ku heysay Masjidka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in dhowr jeer ay la kulmeen hanjabaadyo iyo dhagax tuur lagu hayay Jameecada Masjidka,haddana ay usoo xigtay weerarka lagu gubay Masaajidka. Masjidkan la gubay ayaa qayb ka ah xarumaha Diinigaee hoostaga dariiqada Axmadiyadda ee Ahlu Sunna Waljamaaca, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka. Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, mana jiro wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi. Sidee looga falceliyay? Cabdikariin Carab oo kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa arrintan uga falceliyay “Qofkii guri Allah gubey iyo kii la damcaba asagaa xisaabi u taal”. Sahra Cabdi Barre ayaa iyaduna tiri “Halka Masjid ayaa meesha ugu yaal Axmadiye qolada gubtayna waa la iska ogyahy ee tilaabo hala qaado”. Deeq Cabdallla ayaa isna ku jawaabay “Waa arrin ugub ah oo ah wax laga xumaado…bayd ilaahay qofka gubay .. ujeedaduu doono ha kala haadee waa qof aan wax fahamsiisneen”. Cabdishakuur Xiimaa ayaa isna dalbaday in baaritaan lagu sameeyo falkan “Waa ficil argagax leh wllhi baaritaan waa in lagu sameeyo”. The post Sawirro: Koox aan la aqoonsan oo gubay Masjid ku yaalla magaalada Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
-
Agaaasimaha Gaashaan-dhiga oo la Kulmay Masuuliyiin ka Socda ICRC Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhiga JSL Mudane Mustafe Cumar Faarax, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley saraakiil ka socday hay’adda International Committee of The Red Cross (ICRC). Kulanka agaasimaha iyo saraakiisaha hay’adda ICRC, oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa mudadii uu socday waxa lagaga wada hadlay arimo khuseeya bina’aadanimada oo ay sababeen khilaafka magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool iyo sidii caawimo loo gaadhsiinlahaa dadka ku barakacay Laascaanood. Agaasimaha ayaa saraakiisha u sheegay in dowladda Somaliland siyaasadeedu tahay ilaalinta xuquuqda bulshaweynta ku nool magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Agaasimaha ayaa saraakiisha hay’adda ICRC, ku wargeliyay in Maleeshiyaadka ka dagaalamaya gudaha magaalada Laascaanood ay fadhiisimo ka dhigteen xarumaha loogu adeego bulshada, sida cisbitaalada, iyo iskuullada. Qaran News
-
Hargeysa(Qaran news)- Gudida beelaha West Burco Clan ee ayaamahii u danbeeyay ergada ugu maqnaa jabhada buurta Gacanlibaax, ayaa kulan socday saddex cisho oo isku xiga ayaa ay wararku sheegayaan in gudidaasi ay ku guulaysteen in wax walba wada hadal lagu dhameeyo. Ilaa hada may helin saxaafadu go’aamada ay labada dhan isku afgarteen hase ahaatee warar ay qarannews.com heshay ayaa sheegaaya in gudiga West Burco Clan ee arinkan galay ay dib ugu soo noqdeen hogaanka dhaqanka ee East Burco Clan iyo Awal iyo ergoiyinkii kale ee arinkani ku jiray oo ka war sugaayay. Waxa ugu mihiimsan ee ilaa hada la sheegayaa ee afgaradka ugu horeeyaa uu yahay in aan jabhadu wax talaabo ah ayna qaadin oo ay ku sugnaadaan aagaasi inta la isugu soo noqonaayo wada hadal kale. Mar aanu la xidhiidhnay gudiga beesha West Burco Clan way diideen in ay wax war ah bixiyaan iyag oo sheegay in arinka war baxa ay iska joojiyeen Gudida beelaha West Burco Clan ayaa hada qaarna soo gaadheen magaalada Hargeysa inta kalena dhexda ku soo jirtaa. Qaran News
-
Elders in Bura’o accused Somaliland government of masterminding the attempted abduction of Ahmed Saeed. Hargeisa (PP News Desk) — Earlier this week, Somaliland Intelligence Agency officers abducted Ahmed Saeed Ahmed in Bura’o, his hometown, leaving the community bewildered and outraged. Elders representing Ahmed held a press conference in Bura’o to shed light on the distressing situation. They said that Ahmed had been forcibly taken to an undisclosed location, where he had coerced into speaking with Mohamed Muse Bihi, the son of Somaliland’s President, Muse Bihi Abdi. Bihi’s son told the abducted man that “authorities have been aware that in 2006 Ahmed “travelled to Mogadishu to join the Union of Islamic Courts and that at some point he was a money changer. President Bihi’s son made an offer to Ahmed . He instructed Ahmed to venture to a location near Gacan Libaax mountain, where he was told, five individuals equipped with equipments would join him. Ahmed was to urged to declare that he is a member of an Islamist militant front based at Gacan Libaax with the aim to introduce Shar’ia rule in Somaliland. Somaliland intelligence officers tried to coerce Ahmed Saeed into claiming to be a member of a non-existent militant organisation “based at Gacan Libaax mountain near Hargeisa.” The intelligence officers offered Ahmed a $100,000 incentive to collaborate on this plan to brand Gacan Libaax as a terrorists’ den. He feigned acceptance of their offer to secure his release. The officers promised Ahmed a French residence permit, allegedly granted due to, as the officers claimed, “France’s involvement in assisting Somaliland’s efforts against the Garhajis fighters based near Ga’an Libah mountain, close to Hargeisa. © Puntland Post, 2023 The post Somaliland Intelligence Officers Abduct a Man in Bura’o appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) -Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ayaa go’aan ka gaaray Hindise Shaciyeedka Hanti Dhowrka, kaas oo ay goluhu mariyeen saddex akhrin, si ay u eegaan. Sharcigan oo ay horay usoo meel-mariyeen Golaha Wasiirada ayaa waxaa indhowaanahaan ka doodayay xubnaha baarlamaanka oo iyaguna maanta doodooda soo gabagabeeyay. Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay shacrigaan, kadib cod ay maanta u qaadeen. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Abshirow oo shaaciyay natiijada codeynta ayaa ku dhowaaqay inuu ansax yahay Sharciga Hantidhowrka Qaranka. “Xildhibaanada ka aamusay waa 4 xildhibaan, xildhibaanada diiday inuu sharcigaan gudbo waa 3 mudane, xildhibaanada ogolaaday inuu sharcigan ansaxo oo uu golaha maro waa 135 xildhibaan, sidaas daraateed Hindise Shaciyeedka Hanti Dhowrka waa ansax” ayuu yiri. Intaas kadib ayaa waxaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya u mahadceliyay wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo kulanka ku sugnaa, wuxuuna tilmaamay in sharcigaan uu xilligan muhiim u yahay Soomaaliya. “Waxaan aad u boggaadinayaa, uguna mahacelinayaa Golaha Shacabka oo waajibkiisa qaran ka gutay xeerka Hanti Dhowrka Qaranka oo kamid ah xeerarka muhiim ah” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumadda DanQaran ay dadaal xoogan gelisay meel-marinta Hindise Shaciyeedka Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka, isaga oo sheegay inuu muhiim u yahay hannaanka maamul ee maaliyadda dalka, sida uu hadalka u dhigay. “Dadaal xoogan ayaa la geliyay Sharciga Hanti Dhowrka Qaranka xildhibanadana si xilkasnimo leh ayay u ansixiyeen, wayna mahadsan yihiin.” ayuu sii raaciyay. Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, inkasta oo guddoonka inta badan lagu eedeeyo in uu hab baalmarsan sharciga u maro socod-siinta sharciyada qaarkood. The post Daawo: Xildhibaan BF Somalia oo ansixiyay sharci muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta sameeyay magacaabis, kadib wareegto uu soo saaray. Xamza ayaa u magacaabay La-taliyaha Sare, ahna Xiriiriyaha Guud ee Horumarinta Karaanka Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dr Hodan Cismaan Cabdi. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sameeyay magacaabistan kadib markuu arkay kartida, aqoonta iyo waaya-aragnimada Marwo Hodan, isla markaana uu Tixgaliyay baahida loo qabo in la hormariyo awoodda iyo karaanka bulshada, taasi oo qayb ka qorshaha Xukuumadda DanQaran. Hodan Cusmaan ayaa horay uga tirsaneyd howlwadeenada xafiiska raiisul wasaaraha, waxayna sidoo kale aheyd la-taliyaha dhanka xiriirka caalamiga ah ee Xamza Cabdi Barre. The post Ra’iisul wasaare Xamza xil cusub u magacaabay Hodan Cismaan Cabdi appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo baaxad leh ka bilaabay deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, kaas oo looga golleeyahay sidii lagu gaari lahaa degmooyinka dhaca bariga Galgaduud iyo sidoo kale Galbeedka gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle. Dowladda federalka Soomaaliya ayaa ciidankii ugu badnaa waxaa ay ku daabushay gobollada Shabeellaha dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaas oo daris ah, waxaana u jeedka ciidankaan lagu sheegay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolladaan oo lagu daray deegaanno kamid ah gobolka Mudug. Ciidanka ayaa howlgalkooda ugu adag waxaa ay diiradda koowaad ay saarayaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa magaalooyinka qadiimiga ah ee dhaca bariga Galgaduud, kuwaas oo muddo 15-kii sano ah Al-shabaab ay hestaan gaar ahaan magaalooyinka Ceelbuur, Galhareeri, Wabxo , magaalada Diri iyo sidoo kale Waqooyiga iyo Mudug ah. Howlgalka lagu baritaarayo magaalooyinkaan aan soo xusnay ayaa waxaa howlgalkooda hoggaaminaya, taliyihii hore ee ciidanka Danab Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin oo ah taliya Guutada 26-aad ee Cali Bin AbiDalib, kuwaas oo taageero ka helaya Kumaandooska Danab iyo Gorgor iyo diyaaradaha Beylaqdaar iyo kuwa Mareykanka intaba. Ciidamada xoogga dalka qeybihiisa ayaa magaalooyinka Bariga ka weeraray sedex jiho oo kale duwan, ciidan ka baxay magaalada Guriceel oo kuwa deegaanka ay la socdaan, ciidamo ka baxay Dhuusamareeb, kuwaas oo ka gudbay deegaanka Budbud iyo ciidamo kale oo ka dhaqaaqay degmada Maxaas oo u jiheystay degmada Wabxo. Ciidamadaan ayaa la sheegayaa in ay ku faafeen deenno badan, waxaana ay ku guuleysteen in wadooyinka gala magaalooyinka lagu wajahan yahay ay ka sareen miinooyin badan oo ay galiyeen Al-shabaab sida ay wararku sheegayaan, waxaana muuqata in cabsi laga qabo in lagu dagaalamo deegaannada qaarkood ee dhaca Galgaduud. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dhowaan soo saartay digniino ku socda shacabka degan deegaannada lagu duulay, waxaana loogu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha la duqeynayo, xilli ay jiraan in shacabka Al-shabaab ku amrayaan in ay ka qeyb galaan dagaallada kusoo wajahan magaalooyinka Ceelbuur, Galhareeri, Wabxo iyo Diri Ciidamada ayaa sidoo kale ciidanka ayaa lagu wadaa in ay howlgallo ka bilaabaan deegaanno ay ka mid yihiin Qeycad, Xiindheere iyo Caad, Camaara iyo Shabeellow oo Mudug ah, deegaannadaas gacanta ugu jira Al-shabaab, halka sidoo kale ay ciidanku abaabul ay ka wadaan deegaanno hoosta degmada Xarardheexe ee gobolka Mudug. Howlgalladaan ayaa waxaa magaalada Dhuusamareeb ka hoggaaminaya madaxweyanaha Jamhuuriyadda iyo qaar kamid ah golaha wasiirrada oo ku sugan halkaas, howlgalka Galmudug ayaa u muuqda inuu yahay in madaxda heer federalka iyo heer gobolka aysan u kala harin, waa mid ka baaxad weyn kii hore siduu madaxweynu sheegay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in iIsniintii xildhibaan ka tirsan ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland lagu xiray xabsiga magaalada Mandheera oo ka tirsan gobolkaasi. Xildhibaanka oo lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Gurxan ayaa lagu soo warramayaa in habeenkii labaad uu ku xiran yahay saldhigga degmada Mandheera. Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanka xilliga la xirayay laga qabtay Koontaroolka laga raaco Basaska ee magaaladaasi, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Gurxan ayaa loo haystaa inuu isticmaalayay kaarka aqoonsiga Kenya oo la sheegay inuu ku qaatay si abuur ah, sida uu baahiyay The Standard oo helay warqadda dacwadda. Sidoo kale madaxa waaxda dambi baarista ee Kenya Gitari Muchira oo ka hadlay arrinta loo haysto xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday inuu si khaldan kusoo galay dalkaasi. Gitari Muchira ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu wajihi doono maxkamadeyn, isla-markaana beri lasoo taagi doono, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan., Dhanka kale xubno ka tirsan maamulka degmada Beledxaawo oo xuduuda ku taalla ayaa ka hadlay xarigga xildhibaanka waxayna dalbadeen in lasii daayo Yuusuf Maxamed Gurxan. Arrinta xildhibaanka ayaa waxaa si weyn looga hadal hayaa gudaha Kenya, ayada oo xariggiisa ay tabisay warbaahinta maxallliga ah ee dalkaasi. Si kastaba, Jubbaland ayaa xiriir wanaagsan la leh Kenya, maadaama ay xuduud leeyihiin, sidoo kalena waxa ay iska kaashadaan arrimaha amniga, gaar ahaan dagaalka Shabaab. The post KENYA oo xirtay Xidhibaan ka tirsan baarlamaanka JUBBALAND + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay xaaladda ammaan ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Doodishe ayaa ku faanay in haatan uu wanaagsan amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan caasimada, isla-markaana si weyn looga shaqeeyay sanadka ay jirtay xukuumadda. Arrintan ayuu tilmaamay inuu ku imaatay dib u habeyn ballaaran oo lagu sameeyay ciidamada iyo wada shaqeynta shacabka oo la xoojiyay. “Guud ahaan xaaladda amniga dalka waa fiican tahay amniga qayb kamid ah waa caasimada saldhigga u ah Soomaaliya marka inta badan amniga Muqdisho iyo magaalooyinka waa weynba aadbuu uu fiican yahay” ayuu yiri Wasiirka Amniga. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo hadalkiisa sii wata ayaa sharraxaad ka bixiyay isbedallada lagu sameeyay ciidamada, wuxuuna tilmaamay in tababaro la siiyay, la qalabeeyay, kadibna loo sameeyay isku xir guud oo dhexdooda, si ay u wada shaqeeyaan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la siiyay casharo lagu kordhinayo aqoontooda dhanka tiknolojiyadda iyo sidii ay ula shaqeyn lahaayeen guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. “Muddada halka sanno ah ee ay dhisan tahay xukuumadda DanQaran shaqo aad u badan ayaa amniga laga qabtay shaqaqadaas waxay isugu jirtay qayb la xiriirta dib u habeynta ciidamada, qalabeyntooda, tababar ku saasan sida ay bulshada ula dhaqmayaan oo loo sameeyay, isticmaalka tiknolojiyadda la xiriirta qaabka amniga loo sugaayo” ayuu raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Muqdisho ay ka howlgalaan ciidamo gaar ah oo Boolis Milataaro ah, kuwaas oo kaashanaya Booliska iyo Nabad-Sugidda. Si kastaba, waxaa ayada oo dadaalladaas ay socdaan haddana mararka qaarkood weeraro culus, qaraxyo iyo dilal qorsheysan magaalada Muqdisho ka fuliso kooxda Al-Shabaab. The post Maxay tahay tallaabada ay qaaday DF oo keentay amniga MUQDISHO? appeared first on Caasimada Online.
