-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay Dhuusamareeb uga qeyb galay kulan dadweyne oo su’aalo lagu weydiinayey ayaa ka jawaabay weydiin ka timid bulshada oo ku saabsaneed wadahadal lala galo Al-Shabaab. Mid ka mid ah dhalinyaradii kasoo qeyb gashay kulankaas ayaa madaxweynaha weydiiyey in dowladu ay ogoshahay wadahadal, hadii ay dalbadaan Al-Shabaab. “Hadiiba aan maara ugu heleyno wadahadal nimankaan oo ay naga ogolaanayaan maxaan ku diideynaa? Ma jirto sabab ay wiil dambe nooga dilaan anaguna aan u dilno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Maxaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan wadahadal ogoleyn, isagoo cadeeyey in cafiskii ay dowladdu u fidisay qofkii kasoo hara Al-Shabaab uu weli u furan yahay. “Dowladda Soomaaliya oo anigu aan hoggaamiyo horay ayry u cadeysay, qofkii ka soo hara fikirkaas waa cafis, weli waa u furan yahay cafiskaas, ninkii ka yimaada ee cadeeya inuu ka haray fikirkaas waxay masuuliyad naga saaran tahay inaan dib ugu celino bulshadiisa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in qofkii u qalma xil ama darajo ay dowladdu siineyso, markii ay cadaato in uusan gacan saar la laheyn kooxda oo si dhab ah uu uga soo haray. “Hadii aan dhahno maxaa qof Shabaab ka yimid maxaa xil loogu dhiibaa? oo nolol iyo darajo aan loo ogolaan, muxuu naga soo doonayaa hadii intaas uusan naga heleyn?” Ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa sheegay in qofkii Shabaab ka soo baxa ay dowladu u diyaarisay hanaan lagu hubiyo “Hadii ay cadaato inuu qof caadi ah noqday dadkiisa ayuu dib ugu soo noqonayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. The post Xasan oo shaaciyey qorshaha wadahadalka Al-Shabaab iyo cafiska xubnaha kasoo baxa appeared first on Caasimada Online.
-
Haddii uu Maxamed Kaahin aqbalo Ururka Kulmiye oo kaliya in lagu wareejiyo East Burco Clan waxaa u taala:- W/Q: Boqor Buurmadow “Waxaan rajaynayaa shirka kulmiye ee kadhici doona burco inuu shar la aan kusoo dhamaado waxaan maqlayaa hogaankii siyaasada in lagu dooran doono sida muuqata. wasiir maxamed kaahin waxaa lagu wadaa in lagu wareejin doono kulmiye gudoomiyihiisa musharax madaxwayne na muuse biixi loogu cimaamadi doono Hadaba sida lawada ogyahay madaxwaynaha waxaanu kuwareejinay Xisbi buuxa urur kumaanu wareejin weliba wixii kharash iyo dhaqaale kubaxaayey Waa lagadaboolay ilaa doorashadii ka dhacday Hadii ay dhacdo in maxamed kaahin aqbalo inuu qaato gudoomiye urur Waxaan hubaa in ay beelaha East Burco Clan Kadareeri doonaan ururkaas Kulmiye lumina doonaan kalsoonidii iyo sharaftii ay uhayeen hogaamiye maxamed kaahin oo ay u hanwaynaayeen waxaana halkaas kusoo idlaandoonta hadiiba latuhmaayey Saaxiibnimo shuraako iyo wax isu quudhis Kornaylada dhexdooda ah East Burco Clan manoqon doonto in Marlabaad lagu awr kacsado Hadiise maxamed loo ogolaado musharaxa madaxwayne waxaa dhici Karta in East Burco Clan isla tagto geedkii gar adag talona laysugu yimaado waxaan hubaa in la odhan doono Odaygu da ahaan iyo halgan ahaanba wuu mudanyahay Inloo tixgeliyo si looga reebo qoodha tartanku uu kadhexeeyo Waxaynu sugnaaba waa maxamed oo siqiira ama ku baaso imtixaanka sugaya Ee afarta cisho ka hadhay” Qaran News
-
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo shir madaxeedka wadamada ku bahoobay ururka BRICS, kaas oo ka furmaya Dalka Koonfur Afrika 21-ka bishaan. Madaxweyne Xi Jinping waxa uu ka qeyb geli doonaa Shir Madaxeedka 15-aad ee Ururka BRICS oo lagu qaban doono magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, kaas oo socon doona 21-ka ilaa 24-ka Agoosto,waxaana ka qeybgali doona Shanta wadan ee Ururka BRICS sida Brazil, Russia, India, China iyo South Africa. Madaxweynaha Shiinaha ayaa horay u booqday Koonfur Afrika sanadkii 2018-kii isagoo doonaayey inuu sare u qaado xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee dalkiisa uu la leeyahay Afrika. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo wajahaya waaran lagu soo xirayo ayaa ka qeyb qaadan doona muuqaal ahaan kulankaasi,halkii uu shaqsi ahaan uga qeyb gali lahaa. Guud ahaan 69 wadan ayaa lagu casuumay shir madaxeedka Koonfur Afrika oo ay ku jiraan dhammaan dowladaha Afrika, waxaana la filayaa in la ballaariyo ajandaha ugu sarreeya. Dalal ay ka mid yihiin Algeria, Saudi Arabia, Argentina iyo Ethiopia ayaa muujiyay xiisaha ay u hayaan ku biiridda kooxdaasi si rasmi ah ama si aan rasmi ahayn. Dalalka ku bohoobay Ururka BRICS ayaa doonaya in ay muujiyaan awood lamid ah tan reer Galbeedka,waxaana lagu tiriyaa dalalka heysta rubuc meelood dhaqaalaha dunida. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Shiinaha oo ka qaybgalaya Shir Madaxeedka ururka BRICS appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, xilli maalmihii dambe uu Dhuusamareeb u joogo abaabulka ka dhanka ah kooxda, si loo soo gaba-gabeeyo wejiga koowaad ee dagaalka. Sheekh Yuusuf Kaba-Kutukade oo ah guddoomiyaha kooxda Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh in uu wado abaabul uu iskugu baabi’inayo beelaha Soomaaliyeed dhexdooda. “Xasan Sheekh waxa uu rabaa in dabka iskugu dhiibo nimankaan jooga gobolka Galgaduud. Dowlad markale inta qabiil duushaan oo qabiil kale ku duula oo lacag qaata hadda ninkaas inuu madaxweyne aheyn balse waa wax loo baahan yahay in la arko inuu dhameystirayo jiritaanka Soomaali,” ayuu yiri. Kaba-Kutukade oo u muuqda mid dhinac kale u leexinaya abaabulka uu madaxweyne Xasan Sheekh ka wado Dhuusamareeb ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweynaha in halkaas u tegay inuu beelaha Galmudug isku diro, uuna isku baaba’asho, sida uu hadalka u dhigay. “Waa xaasid xoolo idin wada ee ka xuubsada waxa uu haysto hub iyo lacag, laakiin ha ka yeelina waxa uu idin diraya, haddaa ka yeeshin waxa aad heshaan waad ogaan doontid. Ninkaas waddankiina ka saara,” ayuu yiri Kaba-Kutukade. Waxa uu intaas kusii daray “Iska ilaaliya waxa uu wado ninkaas (madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud). Waxa uu halka ka abaabulaya wax uu anaga nagula dirirayo oo nasoo gaaraya ma ahan.” Hadalka Kaba-Kutukade oo u muuqda mid ay kooxda iskaga yareynayso culeyska ka soo fuulay gobollada dhexe iyo abaabulka ka socda magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo uu xarun ka dhigtay madaxweyne Xasan, si loo dardar-geliyo dhameystirka wejiga hore ee dagaalka. Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la sheega inay marar qaar xoqato kaar qabiil, si ay danaheeda uga fushato, inkasta oo hadda baddi qabiilada ku baraarugeen dhagarta kooxda, uuna guluf culus oo ka dhan ah ka socda dalka, haddana waxay kooxda isku dayeysa inay la timaado taatikooyin cusub. Si kastaba, wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado gulufka uu madaxweyne Xasan Sheekh xarunta uga dhigtay Dhuusamareeb, kaasi oo dhameystir u ah wejiga koowaad ee dagaalka, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Kaba-Kutukade oo weerar ku qaaday Xasan Sheekh kadib culeys soo wajahay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo xalay xilli dambe lagu qaaday goobo ay ku sugnaayeen dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Howl-galkaan oo dhacay xalay abaaro saddexdii habeenimo ayaa waxaa lagu beegsaday laba guri oo kooxda ay ku diyaarinayeen maleeshiyaad iyo waxyaabaha qarxa, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaa howl-galkaan lagu burburiyey guryihii Shabaab-ka fariisinka u ahaa iyo wixii saanad ciidan ahaa ee halkaas ay ku diyaarinayeen, oo aheyd bartilmaameedka rasmiga ah ee weerarkaasi. Sidoo kale, in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howl-gal qorshaysan oo ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen deegaanka Cali Fuuto oo qiyaastii 35 KM u jira degmada Kuntuwaaray ee gobalka Shabeellaha Hoose. Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxaa ka go’an sifaynta Al-Shabaab, sida lagu yiri bayaanka dowladda. Tallaadadii ayay aheyd markii ciidanka NISA iyo saaxiibada howl-galka Mareykanka ee AFRICOM ay si wada-jir ah howl-gal qorsheysan uga fuliyesn deegaan u dhow magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, kaasi oo lagu burburiyay goob wayn oo fariisin u ahayd kooxda Al-Shabaab. Goobta la burburiyay ayay dowladda sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay ka wadeen abaabul xooggan, xilli dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhanka ah kooxda, loogana xoreynayo deegaanada ay gacanta ku hayaan. Sidoo kale waxaa howl-galkaasi ay ciidanka qaranka iyo taliska AFRICOM iska kaashadeen lagu dilay 5 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida lagu yiri bayaan markaas kasoo baxay dowladda. Taliska Mareykanka ayaa laba jibbaaray howl-galada dhinaca cirka ah ee ka dhanka Al-Shabaab, waxaana tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab ay ciidamada dowladda ee ku jira dagaalka ku taageerayay weerarada dhinaca cirka ah, kuwaasi oo inta badan lagu dilo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda. The post Xogta weerar culus oo Al-Shabaab looga dilay xubno badan, laguna burburiyay… appeared first on Caasimada Online.
-
Dhusamareb (Caasimada Online) – In a robust move reflecting his vision for stability, Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud has laid out an ambitious five-month plan to rid the nation of the militant group al-Shabab. During a town hall meeting on Thursday night, President Mohamud announced that his government has “clear plans” to achieve within the next five months. Central to this strategy is the liberation of Somalia from the clutches of al-Shabab. “We will either eliminate the group, or they will remain in small pockets where they can’t hurt the government,” he asserted. Prioritizing soldier’s sacrifice Highlighting the sacrifices made by the Somali soldiers, President Mohamud declared that it would be unacceptable and disrespectful to the soldiers who shed their blood if al-Shabab were to return to towns once reclaimed by government forces. “Our soldiers’ sacrifices won’t be in vain. We can’t allow these terrorists to regain a foothold,” Mohamud emphasized. President Mohamud revealed that his government has shifted its tactics. Instead of focusing solely on capturing towns and villages, the new strategy involves “sweeping” the militants from the countryside, denying them the opportunity to launch rear attacks on government forces. “This is a strategic shift designed to choke off the militants’ options,” he said. Ambitious, yet attainable? This prediction by President Mohamud is even more ambitious than similar remarks made by National Security Adviser Hussein Mo’allin during an interview with VOA in January. Mo’allin projected that the government would defeat the militant group by the summer of 2024. “The timeline is aggressive but necessary,” Mohamud added, illustrating his confidence in this endeavor. Apart from combating al-Shabab, the President’s plans for the next few months are extensive and transformative. These include the completion of the provisional constitution, convincing the UN Security Council to lift the arms embargo, and pursuing debt relief for the embattled nation. “These are pillars for a new Somalia,” President Mohamud stated, “it’s time for the world to see Somalia rise anew.” The President’s initiative, if successful, would be a significant victory for Somalia and global efforts to combat terrorism. A peaceful Somalia could serve as a linchpin for stability in the Horn of Africa. The post Somalia president sets rapid timeline to defeat Al-Shabab appeared first on Caasimada Online.
-
Daawo: Muuse Biixi oo gaaray BURCO iyo ujeedka socdaalkiisa
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta gaaray magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Madaxweynaha iyo wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa si weyn lagu soo dhaweeyey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaasi oo uu safar shaqo ku gaadhay. Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo saaka ka ambo baxay magaalo xeebeedka Berbera oo uu maalmihii u danbeeyey hawlo shaqo u joogay ayaa markii ay soo gaadheen duleedka waqooyi galbeed ee magaalada Burco waxa kaga hor yimid maamulka gobolka Togdheer, ka degmada Burco, xubno xukuumadda katirsan, madax-dhaqameed iyo dadweyne tiro badan oo ku lebisan astaanta calanka Somaliland. Muuse Biixi ayaa isaguna u gacan haadiyey dadweynihii safafka ugu jirey soo dhaweyntiisa, isaga oo sidoo kalena gacan qaaday madaxdii, masuuliyiintii iyo madax-dhaqameedkii soo dhaweyntiisa u taagnaa, waxana loo sii gelbiyey dhinaca gudaha magaalada Burco. Magaalooyinka iyo tuulooyinka kala duwan ee u dhexeeya magaalooyinka Berbera iyo Burco, ayey madaxweynaha iyo weftigiisa si heer sarraysa ugu soo dhaweeyeen dadweynaha deegaannadaas ku dhaqani ka hor intii aanay Burco gaadhin. Ujeedka socdaalka madaxweyne Muuse Biixi ee magaalada Burco ayaa u daaran ka qayb-galka shirka golaha dhexe ee xisbul xaakimka Kulmiye oo ka dhacaya magaaladaasi. Muuse Biixi ayaa Burco ka soo laaban doona isagoo mar labaad musharrax u ah xisbiga Kulmiye, sida laga soo xiganayo xubno qeyb ka ah wafdiga madaxweynaha. Shirweynaha Kulmiye ayaa kusoo aadaya xilli ay Somaliland ka aloosan yihiin xiisaddo isbiirsaday, oo ka dhashay khilaafka doorashooyinka iyo siyaasad xumada hoggaanka maamulka, taasi oo buuraha saartay jabhaddo kasoo horjeeda maamulka. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Muuse Biixi oo gaaray BURCO iyo ujeedka socdaalkiisa appeared first on Caasimada Online. -
Dhusamareb (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud reiterated his commitment to liberate the country from al-Shabaab militants by the end of 2023, as the government prepared a force of 20,000 Somali soldiers for a wide-ranging offensive against the armed group of al-Shabab. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madasha Siyaasadda Puntland ayaa madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ku eedeeyay inuu dhowr bilood indhaha ka fiirsanayay xasuuqa ka socda Laascaanood ee uu geysanayo maamulka Muuse Biixi Cabdi. Bayaan kasoo baxay Madasha ayaa waxaa ugu horeyntii lagu cambaareeyay wax ay ugu yeereen “xasuuqa joogtada ah ee maamulka Hargeysa ka wado magaalada Laascaanood,” ee isugu jira duqayn iyo weeraro joogto ah. “Mdashu waxay tacsi u diraysaa dhamaan unadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka, maamulka iyo dhaqanka SSC-Khaatumo duqayntii arxan la’aanta aheyd ee maleeshiyaadka maamulka Hargeysa ku bartilmaamsadeen biri ma-geydo ugu dambeeyay AUN Abwaan Jaamac Kadiye,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madasha Siyaasadda Puntland. Sidoo kale waxaa lagu yiri “Madashu waxaa ay eedayn usoo jeedineysaa maamulka Puntland wakhtigiisu gabaabsiga yahay inuu muddo dhawr bilood ah uu isha ka eeganayo xasuuqa ka socda Laascaano ee uu geysanayo Muuse Biixi.” Madasha waxay ku eedaysay madaxweyne Saciid Deni iyo xukuumaddiisa in ay muddo dhawr bilood ah dusha ka daawanayso xaaladda ka taagan Laascaanood, xilli maamulka uu sheegay in tabar iyo dhaqaale wixii ay hayeen galiyeen dagaalkaasi. Beesha caalamka ayay sidoo kale ugu baaqday in aysan indhaha ka laaban gabood-falka Taliska Muuse Biixi ka wado magaalada Laascaanood, kaasi oo ay ku tilmaameen mid ka baxsan bini’aadannimada. Ugu dambeyntiina waxay dadka reer Puntland ugu baaqeen inay u dhaqaaqaan sidii looga kor qaadi lahaa cadowga kor degan magaalada Laascaanood, oo ay ula jeedaan maamulka Muuse Biixi. The post Madaxweyne DENI oo loo jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay qaraarkii uu shalay soo saaray wasiirka waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir, kaasi oo ku socday bahda waxbarashada ee dalka, gaar ahaan jaamacadaha. Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa qaraarkaas ku shaaciyay go’aaano saameynaya jaamacadaha, isaga oo sheegay in lagu soo kordhiyay jaamacadaha hal sanno oo waxbarasho Aas aasi ah (Foundation Year), kaas oo bilaabanayo sanad dugsiyeedka 2023/2024. Sanadkaas ayaa waxaa loogu tala-galay in lagu dhiso ardayda cusub ee galaya jaamacadaha, wuxuuna ka ka koobnaan doonaa laba Semester oo aan ku jiray muddada 4 sano ama ka badan waxbarashada heerka koowaad ee jaamacadda. Ardayda ayaa sanadka koowaad la bari doonaa maadooyin ay kamid yihiin afka Soomaaliga oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka iyo taariikhda, afka Carabiga iyo Engilishka, ama luqadda uu ardayga ku qaadan doono waxbarashadiisa jaamacadeed. Sidoo kale waxa ay ardayda qaadan doonaan sanadka waxbarashada aas aaasiga ah daraasaadka Islaamka, gaar ahaan Fahamka Guud iyo Akhlaaqda Islaamka. Wasaaradda waxa ay intaasi kusii dartay in lasoo kordhiyay maadooyin aan horay looga dhigan Soomaaliya sida Xallinta khilaafaadka, xiriirka bulshada, hab fikirka naqdineed (Critical Thinging) oo lagu bari doono ardayda waxbarashada heerka 1-aad ee jaamacadda. Tallaabadan ayaa la sheegay inay qayb ka noqoneyso qorshaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ee lagu hormarinayo tayeynta tacliinta saree ee dalka, xilli ay Soomaaliya sanadihii dambe horumar ka sameyneysay dhanka waxbarashada. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Samiir Bidhikoole: “Waa go’aanka wasiirka lagu xasuusan doono balse tayaynta waxay u baahantahay samaynta halbeegyada tayada iyo korjoogteynta jaamacadaha.” Cabdixakiin Xasan Cusmaan ayaa isna yiri: “Dowlad wax la dhaho Soomaaliya kama jirto ardeyda waxbarashadiisa dowaladda hada jirto abood u malahan iney go’aan ka garto sababto ah ardeyda intaas oo sano waalid ayaa wax ka bixinayay waalidka ayaana laga wareysanaa in warkaas la qadan karo iyo in kale.” “Wasaaradu waxay dalka ka tahy majidho waxbarashada waxaa iska bixiyey dadka masaakiinta ah oo ku dhiban mudadii burburkii,” ayuu yiri Maxamed Cabdillaahi. Cabaas Xasan Salaad: “Waa arin u wanaagsan ardayda waayo jaamacada waxa uu imanayaa isaga oo dhinac walba ka dhisan waad nasiib badan tihiin guulaysta.” Shamsudiin Ugaas Xuseen ayaa sidoo kale yiri: “Wakhti lumis un waaye 12 sanno aya Af-Somali loo soo dhigayay dadkan haday intas wax ku qaadan waayeen sanad waxba u tari maayo. Sidoo kale Carabi iyo English weligod ba loo soo dhigayay maxay ka hayaan?.” “Mida kale tarbiyada islaamka war adeer ninki dooni carurtisu inay diinta barato alle culimo waa inoogu deqe ha geeyo masajidda. Waxay ahayd in laga fekaro waxbarasho tayaysan oo aan wakhti dheer lagu luminin.” Waxa uu intaas kusii daray “Waxbarasho tayaysan oo wakhti dheer qaadata waa loo dulqaadan karaa laakiin tii aan ogeyn ayaa hadana sanad kale loogu sii daray!. Wa heshiis ay galeen kuwa isku tilmaama inay dadka waxbaranata io wasaaradda waxbarashada.” “Waxiina wa lugooyo umadda wax barashada ha ka niyad jabina waxey faa’iido leedahay malaha qof hamigiisa un bay hoos udhigaysa,” ayey tiri Drs Beello Koofuraw. Maxamed Maxamud Ibraahim: “Markaad sidaaas dhahaysaan ma waxa jiro cid aad ka bixisaan waxbarashada isku xishooda Shabaaab iyo iskuma darsan karno dowlad aan waxba dhaamin.” “Wa sanad lugoyo ah. Ardayga markuu jaamacada bilaabo sanadka ugu horeyo ayu ku qata mqadoyinka foundation-ka. Fadlan dhalinyarada yanan waqtiga dahabiga ah laga lumin,” ayuu yiri Xamza Cabdullaahi Jaamac. Yaxye Cabdi Xuseen: “Hadda ma waxaa na leedihiin Af-Somali hala baryo ayadoo dowladeena ay English ku hadleyso haleysku dheelo cad waaye hay’adaha dowladda waxa ku qoran waa wada English marka saaxiibyaalow inaad Af-Somali ka wada dhigtaanaa fiican markaas waa la wada baranaa. Wasiirada Soomaaliya mararka qaarkood ayagoo dhahaayan arkeysaa ‘maanta meeting ayaan leenahay waa inaan office-ka isugu imaanaa’ madaxda hadey saxan yihiin bulshada wey saxmeysaa salaaman.” The post FALCELIN xooggaan oo ka dhalatay go’aankii dowladda ay ku kordhisay… appeared first on Caasimada Online.
-
Kenya’s opposition politicians have said that they are hurt by the United States ambassador’s "insensitive" comment about Kenya being the most stable democracy in Africa. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopia has expressed readiness to start using the Port of Lamu in a renewed interest on the Sh2.5 trillion Lamu Port-Southern Sudan-Ethiopia Transport (Lapsset) corridor. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Somali National Army (SNA) has launched mine-clearing operations in the central state of Galmudug. This operation comes as a precursor to another comprehensive military offensive against the Al-Shabab terrorist group. According to a statement from the Somali Defense Ministry on Wednesday, “Our SNA teams have successfully cleared landmines along the Mudug and Galgudud corridor. Ensuring safe passage and security for our citizens remains our utmost priority. We thank everyone involved for their bravery and dedication.” Somali President Hassan Sheikh Mohamud has not only announced a “total war” against the terrorists on ideological, financial, and military fronts but has also taken a profound step by relocating from the capital, Mogadishu, to Dhusamareb. This city serves as the administrative capital of Galmudug state, a focal point in the battle against Al-Shabab. This relocation is interpreted as a significant morale booster for both the national army and the local militias actively engaged in the fight against the terrorist group. Recent successes against Al-Shabab A security Officer Ahmed Adan detailed that the army has recently been responsible for killing hundreds of terrorists in separate operations throughout the country, effectively thwarting numerous attacks. He stated, “I can’t give you the exact number of terrorists killed in recent days and weeks ahead of the upcoming military offensives, but the number exceeds hundreds.” In one notable instance, he mentioned that the army successfully neutralized a suicide bomber driving an explosive-laden vehicle near the recently liberated town of Masagawa in the Galgadud region. Backed by clan militias, the SNA has liberated significant territories from Al-Shabab, the al-Qaeda-affiliated terrorist group. One noteworthy victory includes recapturing the strategic coastal town of Haradhere, which had remained under Al-Shabab’s control for over a decade. Call for international support Despite the government’s determination and public backing, the conflict with Al-Shabab remains a significant challenge. Mohamed Husein Gaas, director at Raad Peace Research Institute based in Mogadishu, emphasized the need for large-scale support from the international community. In a phone interview with Anadolu, he stated, “There is a rare opportunity in Somalia now because there is a determination from the government that had not been there before, so the international community and the frontline states should not miss this opportunity.” Gaas also praised the consistent support from the Turkish government, emphasizing that Turkey’s military, humanitarian, educational, and developmental aid to Somalia is “essential.” The persistent threat of Al-Shabab Somalia has grappled with severe insecurity for years due to threats primarily from Al-Shabab and the Daesh/ISIS terror groups. Since 2007, Al-Shabab has been in combat with the Somali government and the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). ATMIS is a multidimensional mission authorized by the African Union and mandated by the United Nations Security Council, serving as a critical part of the efforts to stabilize the nation. In light of these recent operations, the world now watches closely as the Somali government, with support from the international community, endeavors to secure a lasting peace for its people and finally end the era of Al-Shabab’s terror. The post Under siege: Al-Shabab faces fierce Somali army offensive appeared first on Caasimada Online.
-
The US military conducted an airstrike killing five al-Shabaab terrorists on Tuesday, US Africa Command said in a statement. Source: Hiiraan Online
-
A new oil storage terminal has been opened at the port city of Berbera to serve the Horn of Africa region. Source: Hiiraan Online
-
Madasha Siyaasadda Puntland ayaa canbaareysay duqaymaha aan kala sooca lahayn ee weli Somaliland ka waddo Laascaanood. Madasha ayaa ka tacsiyeeyaysay dilka Abwaan Jaamac Kediye oo kamid noqday dadkii u danbeeyay ee ku dhintay duqaymaha Somaliland. Madashu waxay ku eedaysay xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Deni in ay mudda dhawr bilood ah dusha ka daawanayso xaaladda ka taagan Laascaanood. Madasha ayaa sidoo kale dhammaan dadka reer Puntland ugu baaqday inay u dhaqaaqaan sidii Gobolka Sool looga saari lahaa ciidamada soo duuley. Beesha caalamka ayay sidoo kale ugu baaqday in aysan indhaha ka laaban gabood-falka Taliska Muuse Biixi ka wado magaalada Laascaanood. PUNTLAND POST The post Madasha siyaasadda Puntland oo si adag uga hadashay dilkii Abwaan Jaamac Kediye appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qorshaha dowladda uu yahay in Al-Shabaab dalka looga saaro muddo shan bilood ah. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay dadweynaha su’aalo ku weydiiyeen oo xalay lagu qabtay magaalada Dhuusomareeb. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaarisay “qorshooyin cad” oo ay dooneyso inay ku guuleysato shanta bil ee soo socota. Qorshayaashaas ayaa waxaa ka mid ah in dalka laga xorreeyo Al-Shabaab, ayuu yiri madaxweynaha. Waxa uu sheegay in dowladda ay Al-Shabaab cirib-tiri doonto ama ay baaqi kusii ahaan doonaan kaliya meelo yar yar oo aysan wax dhibaato ah ka gaysan karin. Waxa uu intaas ku daray in dowladda ay sidoo kale wax ka beddeshay xeeladihii hore ee diiradda lagu saarayey qabsashada magaalooyinka iyo xaafadaha, ayna hadda u weecatay in maleeshiyada laga xorreeyo baadiyaha, si aysan u helin fursado ay ciidanka dowladda gadaal kaga soo weeraraan. Waxa uu sheegay inay wax aan la aqbali karin iyo xushmad darro ku noqon doonto askarta dhiiggooda daadiyey haddii Al-Shabaab ay dib ugu soo laabtaan magaalooyinkii laga qabsaday. Saadaasha madaxweynaha ee ah in kooxda dalka looga xoreyn doono shan bil ayaa kasoo hormareyso mid uu horey u sheegay la-taliyihiisa amniga qaranka Xuseen Macallin, oo aheyd xagaagga 2024. Qorshayaasha kale ee madaxweynaha sheegay inay doonayaan inay ku guuleystaan bilaha soo socda ayaa ah dhameystirka dastuurka qabyada ah iyo in laga dhaadhiciyo golaha ammaanka inuu xayiraadda hubka ka qaado Soomaaliya. The post Madaxweyne Xasan oo ku dhowaaqay qorshe 5 bil dalka looga xoreynayo Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa sii wada hawlgalka maleeshiyada Al-Shabaab lagaga sifeynayo dhulka hawdka ee dhaca xadka Gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe. Ciidanka Guutada Gumac ee Ilaalo Qaran ayaa la sheegaya in ay isku fidiyeen inta badan dhulka miyiga ee dhaca daanta galbeed ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii ay burburiyeen barro ay maleeshiyadu ku laheyd halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu meelaha qaarkood ay iska caabin aan buurnayn kala kulmeen kooxaha argagixisada, isla-markaana ay ku daba joogaan firxadkoodii. Cutubyo ka tirsan Ciidanka Gumac ayaa Arbacadii cagta mariyay goobihii ay maleeshiyada Shabaabka kaga sugnaayeen dhulka hawdka ee u dhaxeeya Degmada Ruunirgood iyo deegaanka Ceelbacad ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Sidoo kale cutubyo kale oo ka tirsan Guutada Gumac oo ay kaabayaan Guutada Khaalid Bin Waliid iyo Kumaandooska Danab ayaa isku fidinaya dhulka miyiga ee ka baxsan deegaanka Ceel-heele oo hoostagga Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud. Dhanka kale raaca dambe ciidamada ee daba socda Ciidanka Kumaandooska Danab iyo Gorgor ay ku sii siqaya deegaanka Cowsweyne oo hoostagga Degmada Galhareeri ayaa la sheegaya in ay shalay dagaal culus maleeshiyada Shabaabka kula galeen dhulka fog hawdka ee u dhaxeeya deegaanada Baraagta Sheekh Caamir iyo Xuseen Cagey. Wararka ayaa sheegaya in garab ka mid ah raaca dambe ee ciidamada ay weerareen fariisimo ay Shabaabku ku lahaayeen dhulka miyiga, qaybaha dambe ciidamadana ay daba socdaan raaca hore ee kulaalaya Cowsweyne. Ciidamada ayaa isku dayaya in ay Shabaabka ka kiciyaan hawdka lama deggaanka ee ku teedsan Cowsweyne, oo Shabaabku ku leeyihiin difaac weyn oo ay ka difaacayaan Galhareeri iyo Ceelbuur. Ka hor inta aanu hawlgalkan bilaaban ciidamada ayaa farriisimo ka sameystay hawdka dhaca xadka Gobolka Galgaduud la wadaago Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, taas oo meesha ka saartay gurmadkii ay Al-Shabaab ka heli jirtay Gobolada Koonfureed, keentayna in la go’doomiyo Shabaabka Gobolada Dhexe. Si loo yareeyo khasaaraha ciidamada, ciidamada ayay tahay inay geed geed u xaqiijiyaan amniga dhulka miyiga, ka hor inta aanay gudaha u gelin deegaanada iyo magaalooyinka la doonayo in kooxaha argagixisada laga saaro. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay inaysan ciidamadu la wareegi doonin degmooyinka iyo deegaanada la doonayo in la xoreeyo, iyadoo ciidamadu aanay Shabaabka hubeysan ka sifeyn dhulka hawdka, si aanay hadhow dib isaga soo abaabulin, weerarana uga gaysan goobaha la xoreeyay, sida marar badanba dhacday. Saraakiisha Militariga ayaa qorshahan u arka kan ugu macquulsan ee haatan lagu xasillin karo magaalooyinka iyo deegaanada ay ciidamadu la wareegaan, muddo koobana ay ciidamadu ku wiiqi karaan cududdii Shabaab. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayuu yoolkiisu yahay in si dhab ah loo wiiqo Shabaab, si loo gaarsiiyo heer aanay khatar ku ahayn amniga bulshada. The post Shabaab oo u muuqdo mid si buuxdo looga sifeynayo daanta galbeed ee gobolka… appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda oo wada Abaabulo ay dadweynaha kaga Codsanayaan inay soo Dhaweeyaan Muuse Biixi Burco(Qaran news)-Xukuumadda oo wada Abaabulo ay dadweynaha kaga Codsanayaan inay soo Dhaweeyaan Muuse Biixi Xukuumadda Somaliland ayaa abaabulaysa inay soo dhaweyn ugu sameeyaan madaxweyne Muuse Biixi magaalada Burco oo uu jimcaha ku beegan yahay inuu tago, si uu uga qaybgalo shirweynaha 8aad ee xisbiga KULMIYE oo Sabtida Furmaya. Dadweynaha Magaalada Burco ayaa dhabarka u sii jeediyay madaxweynaha waxaanay socdaalkiisa ku tilmaameen mid aanay dani ugu jirin gobolka iyo Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ahna Gudoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa gudoomiyey kulamo loogu diyaar garoobayo soo dhowaynta Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ee Magaalada Burco iyo dardar-gelinta Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye. Warku wuxuu intaas ku darayaa in xukuumaddu ay magaalada ka wado abaabulo ay dadweynaha iyo waxgaradka kaga dalbanayso in soo dhaweyn weyn loo sameeyo madaxweynaha. Qaran News
