Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamada xoogga dalka, kuwa Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug oo tagaeero ka helaya xoogagga deegaanka ayaa saakaAl-shabaab kala wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug. Ciidanka huwanta ah ayaa si buuxda ula wareegay deegaanno dhaca waqooyiga iyo bartamaha gobolka Mudug, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab, kadib howlgal si wadajir ah ay u qadeen ciidamada. Magaalooyinka Bacaadweyn, Qaycad ayaa si buuxda u soo galay gacanta dowladda , waxaana ciidanku hadda ay ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee magaalooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada labada magaalo ee lala wareegay. Ciidamada la wareegay magaalooyinka Bacaadweyne iyo Qeycad ayaa maalmihii dambe ku sugnaa deegaanka Laasgacameey, halkaas oo Jimcihii uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday madax federalka iyo Galmudug ah, kaas oo la fashiliyey. Sidoo kale ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa la sheegaya in ay isku ballaariyeen dhulka u dhaxeeya deegaanka Qodqod iyo magaalada Camara ee Koonfurta gobolka, halkaas oo ayshalay ka dhaceen dagaal xooggan iyo duqeymo diyaaradeed. Dhanka kale wararka naga soo gaaraya deegaanno dhaca bariga gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay wadaan howlgallo, kuwaas ka socda deegaanka Ceellahelay oo uu ka dhaceen dagaal u dhaxeeyay ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab. Sikastaba ha ahaatee howlgallada ka socda gobolka Mudug ayaa waxaa hoggaaminaya hoggaaminaya xildhibaanno ka tirsan federalka iyo kuwa Galmudug, waxaana maalmihii dambe Al-shabaab laga saaray deegaanno dhowr ah oo dhaca waqooyiga iyo Koonfurta gobolka Mudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobola Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ay saaka gudaha u galeen magaalada Baacadweyn ee gobolkaasi, kadib markii ay ka baxeen Al-Shabaab. Ciidamada huwanta ayaa si nabadoon kula wareegay magaaladan, waxayna hadda ka wadaan howlgallo lagu sugayo amniga iyo kuwa miino baaris ah. Qaar kamid dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in wax dagaal ah uusan ka dhicin magaalada, isla-markaana ay carareen xubnaha Al-Shabaab ee joogay halkaasi. Sidoo kale ciidamada ayaa isku fidiyay deegaanka Qaycad iyo dhammaanka dhulka u dhexeeya Qodod iyo magaalada Camaara oo dhacda koonfurta gobolka Mudug. Dowladda Soomaaliya iyo Galmudug oo siyaabo kala duwan uga hadalay qabashada deegaanada ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray ciidamada wada howlgalladaasi. “Ciidanka Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo geesiyaasha difaaca shacabka ayaa si buuxda ula wareegay magaalooyinka Bacaadweyn, Qaycad iyo dhammaan dhulka u dhaxeeya Qodqod iyo Camaara” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda. Dhanka kale, waxaa howlgalladan barbar socda duqeymo diyaaradeed oo ay fulinayaan saaxibada caalamiga ah, kuwaas oo iyana khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobollada dhexe. Dagaalkii ugu cuslaa ayaa Shabaab hadda kaga furan Galmudug, ugu yaraan seddax jiho oo kala ah Ceel-lahelay, Xinlebi iyo Laas-gacamey ayey kala joogaan ciidamada dowladda, deegaanadaan iyo kuwo kaleba waxaa kooxda laga xoreeyey toddobaadkaan dhamaaday. The post Ciidanka DF oo la wareegay magaalo ka tirsan Galmudug appeared first on Caasimada Online.
  3. Dowladda Puntland ayaa shalay maxkamad saartay 19 xubnood oo isugu jira argagixisada Daacish iyo AS. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland xarunteeda Boosaaso ayaa shalay la hor keenay shabakadahan argagixisada ah. Wararka ayaa xaqiijinaya in xubnahan ay ku jiraan amiiro iyo horjoogayaal sare oo madax ka ahaa shabakadaha madax-jebiska iyo kuwa qaraxyada diyaariya. Xogaha dhanka amniga ah ayaa sidoo kale sheegaya in maalmaha soo socda la sii wadayo maxkamadaynta shabakadahan. PUNTLAND POST The post Puntland oo maxkamad saartay shabakado argagixiso ah oo ay ku jiraan amiiro iyo horjoogayaal appeared first on Puntland Post.
  4. The Somaliland Cultural Association of Edmonton is celebrating 20 years in the community, hosting a Saturday cultural event at the St. John Cultural Centre. Source: Hiiraan Online
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhow inuu helo muddo kordhin ay u sameeyaan xildhibaanada golaha wakiilada, kahor doorahsooyinka la qorhseeyey bishan Janaayo ee 2024. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ay sii kordhayaan tirada xildhibaannada Puntland ee u ololaynaya in mudda kordhinta loo sameeyo hay’adaha dowladda, gaar ahaanna madaxweynaha. Xildhibaannada ka tirsan xisbiga Kaah ee xukuumadda Saciid Deni ayaa sida la xaqiijinayo muddooyinkii danbe barlamaanka ka dhex waday ololaha mudda kordhinta dowladda. Sidoo kale, mudanayaasha ku biiraya ololahan ayaa marba marka ka danbaysa sii kordhaya kadib markii sida la sheegay loo sameeyay ballan-qaadyo kala duwan, oo codkooda lagu kasbanayo. Wararka ayaa intaas ku daraya in dhawaan la diyaarin doono mooshin lagu ansixinayo mudda kordhin laba sano ah oo dowladda loo sameeyo, taasi oo xaqiijin doonta in la baajiyo doorashada madaxweyne ee Janaayo 2024. Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa la rumaysan yahay in uu gadaal ka taagan yahay arrintan inkastoo uu horaantii August sheegay in doorashada lagu qabanayo wakhtigeeda. “Doorashada waxaan ku qaban xilligeeda oo ah 8-ka Janaayo 2024, waxaan haysanaa 5 bilood oo aan wax ku qaban karno,” ayuu yiri madaxweyne Deni oo khudbad jeediyey xilligaas. “Golaha xukuumadda iyo anigaba waxaan dadka Puntland u sheegaynaa in aan rajeyneyno ama diyaar u tahay in doorashada xiligeedi ku qabato, niyad kororsi ah naguma jiro, waan ognahay dhibta uu lee yahay, madaxweynuhu ma hadlo ayaa la yiri maanta ayaan idinla hadley, waxaan rabaa in 8 Janaayo la galo doorasho xisbiyo,” ayuu yiri . Tallaabadan ayaa dhalin karta in mar kale ay dib usoo laba kacleyso xiisadda siyaasadeed ee Puntland ee ka dhalatay muranka doorashooyinka, taasi oo horey u sababtay dagaallo ka dhacay caasimadda Garoowe. The post Xog: Deni oo qarka u saaran muddo kordhin – maxaa cusub? appeared first on Caasimada Online.
  6. The continued withdrawal of troops under the African Transition Mission in Somalia (Atmis) could spread the burden of countering violent extremism to the region, making it an eastern African problem. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (Caasimada Online) – After thirty years of dormancy, Somalia’s digital identity system is being rejuvenated. Prime Minister Hamza Abdi Barre highlighted this transition as he presided over a pivotal two-day conference in Mogadishu, heralding the revival of civil registration and the distribution of national ID cards. “Today signifies a monumental leap for Somalia in establishing a universally recognized and robust national ID system,” remarked a passionate Barre on Saturday. Within this framework, President Hassan Sheikh Mohamud of the Federal Republic of Somalia, while engaged in counter-operations against al-Shabab militants in Dhusamareb, became one of the first recipients of the new ID card. His receipt underscored the national significance, with the president affirming, “This pivotal rollout promises to strengthen security and address fundamental national concerns.” The bedrock of future services Somalia’s newly instituted eID systems form the cornerstone of the nation’s emerging digital services. By empowering citizens to enjoy their civil liberties and enabling businesses to function seamlessly, the government is reaffirming its dedication to Somali equality in national undertakings. “Our businesses, banks, and communication networks will witness an unprecedented upliftment, even as we clamp down on extremist entities,” stated Barre, emphasizing the dual economic and security benefits. Conversely, in a poignant video message, Ahmed Moallim Fiqi, Somalia’s Minister of Interior, Federal Affairs, and Reconciliation, underscored the significance of a trustworthy national ID in combating the al-Shabab extremists. “A National ID transcends mere plastic; it’s a gateway to indispensable services like health, education, and economic opportunities,” Fiqi passionately communicated. A timeline to transformation The journey to this transformation began earlier this year. In March, the upper house gave its nod to the National Identification and Registration Authority Bill. This legislation ensures that all Somalis can lawfully register their identities, guaranteeing access to both governmental and private sector amenities. The Mogadishu conference witnessed a congregation of government officials, business tycoons, civil society representatives, and international collaborators. Distinguished speakers, such as the United Nations’ Catriona Laing and the World Bank’s Kristina Svensson, conveyed optimism regarding the potential of the national ID to counter al-Shabab threats. This renewed push for digital identity can trace its origins back to the tumultuous events of 1991. National turmoil, marked by instability and economic chaos, culminated in the disintegration of the government and its citizen registry system. The post From chaos to clarity: Somalia’s digital ID shift appeared first on Caasimada Online.
  8. The Somali army killed at least 30 al-Shabaab terrorists during a military operation on Saturday and liberated two villages from the al-Qaeda-affiliated terror group with the help of locals in the central state of Galgadud, the Information Ministry said. Source: Hiiraan Online
  9. Premier Hamza Abdi Barre discusses why, despite the international support for the army, al-Shabab remains powerful. Source: Hiiraan Online
  10. WASHINGTON — For more than three decades, Somalia's digital identity system remained stagnant, untouched by the major technological changes sweeping the globe. That standstill is now coming to an end, says Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre. Source: Hiiraan Online
  11. Cutubyo aad u hubaysan oo ka tirsan ciidamada dowlad goboleedka SSC-Khaatumo ayaa saaka isku fidiyay dhulka dhoodida ah ee Gobolka Sool. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada SSC-khaatumo ay saldhig ciidan ka samaysteen degaanka Lafa-weyne oo dhaca bartamaha dhoodida. Ciidamada ayaa saaka sidoo kale ku sugan degaanka Jidbaale iyo dhammaan dhoodida xigta dhinaca soohdinta labada maamul ee Somaliland iyo SSC-khaatumo. Saraakiisha ciidamada SSC ayaa sheegaya in ay xaqiijinayaan sugidda amniga xuduudda maamul goboleedkooda islamarkaana aysan cidna duullaan ku ahayn. PUNTLAND POST The post Ciidamada SSC-Khaatumo oo isku fidiyay dhoodida Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  12. Mogadishu (Caasimada Online) – In a decisive blow against al-Shabab terrorists, Somali forces, bolstered by local heroes, reclaimed the villages of Sargo and Qodqod in Galgadud on Saturday. The Information Ministry announced that at least 30 al-Shabab militants were neutralized during the operation. The Somali National Army (SNA) achieved more than territorial gains. They destroyed four al-Shaaab vehicles and took possession of a stockpile of weapons. Reinforcing its stance, the government emphasized its determination to defend its people and act against those posing threats. Acknowledging the support of the locals, the Defense Ministry remarked, “We appreciate the citizens who took a stand. Together, we continue to confront al-Shabab.” Recent incidents in perspective This development follows a series of violent episodes. A day before this action, a suicide attack by al-Shabab targeted the Galmudug state president, resulting in the deaths of two soldiers and injuries to two members of Somalia’s Federal Parliament. Earlier in the week, a bomb attack claimed the life of Mohamed Mohamud, a Galmudug state parliament member. Somalia has been facing security challenges for years, with major threats stemming from al-Shabab and the Daesh/ISIS factions. The battle with al-Shabab has persisted since 2007, with the militant group at odds with the Somali government and the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), which has received the endorsement of both the African Union and the United Nations Security Council. After securing a second term, their activities saw an uptick after Somali President Hassan Sheikh Mohamud announced intensified measures against them. The post Army and citizens team up, oust terrorists in Galgadud appeared first on Caasimada Online.
  13. Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay weheliyaan ciidamada Galmudug iyo kuwa degaanka ayaa maleeshiyaadka AS kala wareegay degaannadii u danbeeyay ee Gobolka Mudug. Ciidamada ayaa si buuxda ula wareegay magaalooyinka Bacaadweyn iyo Qaycad oo ka tirsan Gobolka Mudug sida ay saaka sheegtay dowladda Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa xaqiijiyay in ciidamadu gacanta ku dhigeen Bacaadweyn iyo Qaycad. Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in maleeshiyaadka AS isaga baxeen magaalada Camaraa iyo dhammaan dhulka u dhexeeya Qodqod iyo Camaara. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Alshabaab kala wareegay magaalooyinka Qaycad iyo Bacaadweyn appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoyska Gaashaanle Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer ‘Shaah-macabe’ ayaa codsi iyo farriin u diray madaxweynaha Soomaaliya oo weli ku sugan magaalada Dhuusomareeb oo laga hoggaamiyo howlgalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Galmudug. Gaashaanle Shaah-macabe oo ahaa taliyaha Guutada 25 aad ee Cumar Bin Khataab ayaa ‘nolol iyo geeri ba’ lagu la’ yahay wixii ka dambeeyay weerarkii Al-Shabaab ee deegaanka Cowsweyne oo ku dhow Ceel-dheer, gobolka Galgaduud ee saddex toddobaad kahor dhacay. “Ninkii waa la raadshay iyo lama raadin midna lama dhihin,” ayuu yiri Cadoow Deeq oo ay isku hooyo yihiin Taliye Shaah ma cabe. “wax hadda ninkii waa dhintay ama waa noolyahayna kama hayno,” Dhanka kale wuxuu sheegay Cadoow in warar kala duwan ay ka maqleen xogta walaalkiis, taas oo ay ilaa iyo hadda ku jahwareersan yihiin. “Anaga ninka duqaynuu ku dhintay maraa nala yiri, mar waxaa nala yiri waa nool yahay meeshuu ku jiraa. Warka meelaan u qaadnaan waynay, waana dareemi kartaa meesha cadow ayaa haysta,” ayuu hadakiisa raaciyay Cadoow. Walaalka taliye Shaah-macabe ayaa sida uu noo sheegay labadii todobaad ee la soo dhaafay wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho, si uu u baadi goobo halka uu ku dambeeyo walaalkiis, balse ilaa iyo hadda wax natiijo ah ma uu san helin. Qoraal lasoo dhigay Facebook Shan maalin kadib markii dagaal lagu wayay Shaah-macabe ayaa qoraal lasoo dhigay bar Facebook oo uu ku qoran yahay magaca Korneel Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Shaah-macabe). Bartan oo la sheegay inuu taliyaha leeyahay ayaa lasoo dhigay qoraal muujinaya inuu nabad qabo. Jawaahir Baarqab oo ah guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, isla markaana ay ehel dhow yihiin Taliye Shaah Macabbe, ayaan la xiriirnay xilligaas, iyada oo sheegtay inaysan wax war ah ka heynin taliyaha. “Waxaan xaqiijinayaa in laga jabsaday barta Facebook, asaga maaha waxa qoraalka soo dhigay, warna kama heyno” ayay tiri. Jawaahir ayaa sheegtay in laga yaabo in dad doonaya inay ku qaraabtaan magaciisa ay jabsadeen bartiisa oo ay qoraalkanna soo dhigeen. “Dad baa jira ku qaraabanaya oo laga yaabo inay lacag uga uruursanayaan dadka,” ayay intaas raacisay. Dagaalkii Cawseyne oo ay ku dhinteen askar badanoo ka tirsan al Shabaab iyo dawladda Soomaaliya ayaa labada dhinacba waxay kala sheegtay tirooyin kala duwan oo dhimasho ah. Balse waxaa jira askar ay al Shababa ku qabteen nolosha iyo kuwa aan raq iyo ruux midna lagu hayn oo uu kamid yahay Shaah-macabe. Hooyada dhashay Shaah-macabe iyo sidoo kale xaas iyo caruur uu leeyahay ayaa kamid ah dadka ka walwalsan maqnaashihiisa. “Hadda calool xumada nahaysay, waa dhintay haddii la dhaho xitaa waan ka samri lahyn,” ayuu yiri Cadoow wareysi siiyey BBC, isaga oo dalbanaya in dawladdu ka caawiso baadigoobka walaalkiis. Dhanka kale wuxuu sheegay inuu la kulmay saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda, ayna u sheegeen inay u tagi doonaan madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan Dhuusamareeb. Waa kuma Shaah-macabe? Waxa uu ku soo koray oo waxbarashada dugsiga hoose dhexe ku qaatay tuulada Biya-cadde ee gobolka Shabeellada dhexe. Halka waxbarashada dugsiga sare iyo jaamacaddaba uu ku qaatay magaalada Muqdisho. Waxa uu hoggaaminayay guutada Cumar Binu Khadab oo horay loo oran jiray gutada 25-aad halka ka horna uu ahaa abaanduulaha guutada 4-aad, qeybta 27-aad ee ciidamada xogga dalka Soomaaliyeed, markaas oo uu ka hawlgalayay Hirshabeelle. Waxa uu ahaa nin afgaaban oo ahlu diin ah oo geesi ah yaqaanana sida cadowga loola daggaallamo. Qof kasta oo Soomaaliyeed saaxib ayuu lahaa,” ayay tiri Jawaahir Baarqab oo ah gudoomiyaha ururka haweenka Soomaaliyeed. ”Waxa uu ka mid ahaa ciidamadii badbaado qaran oo markaas u arkayay waxa dhacayay xilligaas aanay macquul ahayn,” ayay tiri Jawaahir oo ay ilmo adeer yihiin Shaah-macabbe. The post Shaah-macabe walaalkii oo farriin u diray Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  15. Faysal Cali Waraabe Oo Bogaadiyay Dhallinyaradii Jabhada Gacan libaax oo ku biiray Ciidanka Qaranka Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa bogaadiyay dhallinyaradii jabhadii gacan libaax oo dufcadii u horreysay maanta ku biirtay Ciidanka Qaranka. Guddoomiye Faysal wuxuu sudaas ku sheegay Fariin uu ku baahiyay Facebookgiisa, wuxuuna sheegay inuu bogaadinayo dhallinyaradaasi. Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay in balanka reer Somalilan yahay sidii xuduudaha dalka oo la gaadho deegaanka Yoocada ee ku yaallo xadka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Qaran News
  16. Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka Hadlay Dabka ka kacay Suuqa Wajaale Hargeysa(Qaran news)- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ahna Afhayeenka Xukuumadda Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa ka hadlay dabka ka kacay suuqa degmada Wajaale. Wasiir Saleebaan wuxuu sheegay in dabkaas oo bilaabmay 8:00 fiidnimo uu socdo ilaa 12:00 habeenimo, la qiyaasi karayo khasaaraha uu geysan karo. Wasiirku wuxuu tilmaamay in Xukuumadda Somaliland ay hore qorshe magaalo (master plan) ugu samaysay Wajaale isla markaana ay ka hirgelisay adeegga debdamiska. Waxaanu dadka hantidoodu ku gubatay suuqaas uu Ilaahay uga baryay inuu cawil celin ka siiyo. Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay in xukuumaddu si mug leh gurmad uga bilowday lagu bakhtiinayo dadbkaasi, wuxuuna xusay in debdamiska magaalooyinka Hargeysa, Gabiley iyo Boorame ay u gurmadeen bakhtiinta dabkaa. Wasiir Saleebaan wuxuu si ballaadhan ugu mahadceliyay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo markiiba u soo gurmatay Wajaale, iyadoo uu gurmadkooda hoggaaminayo Hoggaanka nabadgelyada ahna ku simaha madaxweynaha Dayib oo horkacayey debdamiska Jigjiga. Sidoo kale, wuxuu Wasiirka Warfaafintu intaas ku daray in masuuliyiinta Xukuumaddu u xaqiiyeen in dabkaas la xakameeyay, iyadoo la midaynayo hawsha daminta dabkaas. Wasiirka Saleebaan wuxuu sheegay in halista dabku ay ku soo noqnoqotay suuqyada Somaliland iyo guud ahaan Soomaalidaba. Ugu dambayn, wuxuu sheegay in gurmadkaas ay ka qayb ka yihiin Wasiirro iyo badhasaabyada saddexda gobol ee Awdal,Maroodijeex iyo Gabiley. Qaran News
  17. Fostering Mutual Growth: The Flourishing Relationship Between Taiwan and Somaliland Fostering Mutual Growth: The Flourishing Relationship Between Taiwan and Somaliland Strengthening Bilateral Ties Dr. Edna Adan Ismail, the former foreign minister of Somaliland, during her recent visit to Taiwan, lauded the solid bilateral relationship that has been developing between Taiwan and Somaliland. The visit, facilitated by the Ministry of Foreign Affairs, included a meeting with Taiwan’s Foreign Minister Joseph Wu and other delegates from Edna Adan University and its affiliated hospital. Praise for Taiwan’s Progress Dr. Ismail, who is also the founder of the university, commended Taiwan’s advancements in various spheres such as politics, economics, and women’s empowerment. Moreover, she expressed her gratitude for Taiwan’s assistance and support to Somaliland. Both Dr. Ismail and Minister Wu underlined their commitment to deepening cooperation between their respective nations. (Read Also: Democratic Failures and the Rising Acceptance of Coups in Africa: A UNDP Report Analysis) A Cultural Exchange The visit also involved a luncheon hosted by Deputy Minister of Foreign Affairs Chen Li-guo. Dr. Ismail, a renowned women’s rights activist in Somaliland, was invited to Taiwan by the Chou Ta-kuan Cultural and Educational Foundation to participate in a series of charity events titled “Light Up Life, Illuminate the Earth.” Recognizing Somaliland’s Significance The Ministry of Foreign Affairs emphasized the importance of Somaliland as a crucial friendly nation for Taiwan, particularly in the East African region. The ministry stated that it will continue promoting various exchanges and cooperation with Somaliland to strengthen the bond between the two countries. Escalating Bilateral Relations Bilateral relations have been on the rise since the establishment of representative offices in Taipei and Hargeisa in 2020. Taiwan has been instrumental in providing support to Somaliland in areas like healthcare, education, and information and communication technology. Furthermore, in April, a Taiwanese business delegation explored cooperation opportunities in minerals, livestock, and fisheries in Somaliland. (Read Also: First Africa Climate Summit Ends with Nairobi Declaration: A Step Towards Climate Action) Towards a Mutually Beneficial Future The continued cooperation between Taiwan and Somaliland not only strengthens their respective positions on the global stage but also fosters mutual growth and development. Both nations are committed to deepening their relationship, leading to a promising future of mutual progress and prosperity. The partnership exemplifies the potential for beneficial diplomatic relations and cooperation, even amidst geopolitical complexities BNN Qaran News
  18. OTAY MESA, Calif. (KGTV) — Hundreds of migrants continued to be dropped off at transit centers across San Diego County Friday. Source: Hiiraan Online
  19. Hargeisa (HOL) — A massive fire erupted at a key market in the border town of Tog Wajaale, Somaliland, on Saturday evening, destroying hundreds of shops, severely impacting businesses, and likely causing ongoing transport and business disruptions, authorities said. Source: Hiiraan Online
  20. Maaliiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bixi Imaan Cige oo ku sugan magaaalda Nairobi ee dalka Kenya ayaa shir Guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay la yeesheen Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo xubno ka tirsan xafiiska Bangiga ee dalalka Bariga Afkrika. Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa looga arrinsaday qorsheyaasha Horumarinta ee ay Dowladda Soomaaliya ka dooneyso Bangiga Adduunka in uu maalgaliyo kadib marka ay Soomaaliya gaarto barta kama dambeysta ah ee Deyn cafinta. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaanka shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha, taas oo uu ku sheegay in ay tahay hadafka koowaad ee Wasaaradda Maaliyadda. Bangiga Adduunka waxa uu ka mid yahay saaxibada caalamka ee sida joogtada ah u taageero Dowladda Soomaaliya, Bangigu hadda waxa uu Soomaaliya ka fuliyaa mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Beelaha Mudullood iyo Jareer-weyne ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay fadhi gaar ah oo looga hadlay weerarkii lagu qaaday guriga Jeneraal Sheegow oo u xiran dowladda Soomaaliya. Waxgaradka labada beelood ayaa warbaahinta la hadlay markii uu soo dhamaaday kulankaas, waxayna shaaciyeen inay isku raaceen in aan la qabyaaladeyn xariga iyo weerarkii ka dhacay guriga Jeneraal Sheegow. Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo u hadlay beelaha Mudullood ayaa sheegay inay isku afgarteen Waxgaradkii ka socday beelaha Jareer-weyne in arrintaasi ay u dhaxeyso sarkaal iyo dowladiisa oo qabiil aysan raad ku laheyn. “Muddulood iyo Jareer-weyne oo kulan ka yeeshay dhacdadii guriga General Sheegow ayaa isku raacay in arrinta dhacday aysan qabiil ahayn, oo ay ahayd arin dhax martay sarkaal iyo dowladdiisa” ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas. Ugaaska ayaa sheegay in gurigaas uu ka dhacay dagaal sababay inay dhintaan askar ka tirsaneed dowladda iyo ciidan ku heyb ahaa Jeneraal Sheegow, isla markaana artintaas siyaabo kala duwan looga hadlay. “Markii aan wadahadalnay waxgaradka Jareer-weyne waxaan is tusaaleynay in arrintaasi ay ku dhacday si nasiib darro ah, waxaana isla garanay in loo daayo hey’adaha garsoorka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ugaas Maxamuud. Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay in kulamadii labada beelood looga hadlay mooshinka la geeyey baarlamaanka, “Mooshinkaas waxaan isla garanay in loo daayo go’aanka baarlamaanka oo wax saameyn ah uusan ku yeelan labada beelood,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ugaas Maxamuud. Ugu dambeyntii Ugaaska ayaa sheegay in gogoshaan oo la dhigay guriga Sheekh Shariif ay labada beelood ku xaqiijinayeen in meesha laga saaro warar laga faafiyey labada beelood oo dhacdadaas ku saabsan. Jeneraal Sheegow ayaa weli u xiran dowladda, welina lama soo taagin wax maxkamad ah, maalmihii lasoo dhaafay xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo u doodaya ayaa keenay mooshin, inkastoo weli baarlamaanku uusan qaadin wax tallaabo ah. Hoos ka daawo The post Daawo: Mudullood iyo Jareer-weyne oo si wadajir ah war uga soo saaray kiiska Jeneraal Sheegow appeared first on Caasimada Online.
  22. Dab xoogan ayaa ka kacay suuq ganacsiyeedka Soomaaliland ee degmada Wajaale oo dhacda xuduudka Somaliland iyo Itoobiya. Dabka ayaa durbadiiba gaadhay boqollaal meheradood oo ganacsi, waxaana la tacaalaya dab damiska degmada iyo dadka shacabka ah, sidookale dab damiska Hargaysa ayaa goor dhawayd gurmad ugu baxay. Wali dabka ayaa si xoogan u fidaya madaama oo anay degmadu lahayn dab damis xoogan oo u babac dhigi kara dab sidan oo kale u xoogan, isla markaana dadwaynaha ayaa isku dayaya in ay alaabada ka daad gureeyaan meharadaha uu dabku ku fidayo. Sidoo kale gargaar dabdamis ayaa isaguna ka soo baxay magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkan hoose ka daawo https://www.youtube.com/live/xl6HwnIzt_o?si=wNDmUXCdMDUGzobC Source
  23. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cambaaraynaysaa socdaal ay dhawaan xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo maamul goboleedka Puntland ka tirsan ay ku yimaadeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ka mid ah gobolada Jamhuuiryadda Somaliland. Booqashadani waa daandaansi cad oo meel ka dhac ku ah midnimada dhuleed ee Somaliland, iyada oo socdaalkani xad-gudub ku yahay qaranimada Somaliland, isla markaana wiiqaya nabadda iyo xasilloonida Gobolka. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay marar badan caddaysay in colaadda Laascaanood ay dad aan u dhalan deegaanka Laascaanod oo shisheeye ahi ay huriyaan si ay khalkhal u galiyaan xasiloonida Jamhuuriyadda Somaliland iyaga oo doonaya in ay sameeyaan soohdimo qabiilnimo ku dhisan si ay Meesha uga saaraan xuduudaha la yaqaano ee Jamhuuriyadda Somaliland leedahay oo ay Qaaradda Afrika ku heshiisay in la dhawro. Daandaansiga ka dhanka ah Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay halis gelinaysaa xasiloonida mandaqadda Geeska Afrika oo muhim u ah xasiloonida caalamka. Xukuumadda Somaliland waxa ay qaadi doontaa tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso madaxbanaanideeda, qaranimadeeda, iyo nabad-gelyada mandaqada ay ku taallo. Sidoo kale, Xukuumadda Somaliland waxay si weyn uga walaacsan tahay khataraha ka iman kara kooxaha argagagixisad ee Al-shabaab iyo xulafadeeda oo isku balaadhinaya magaalada Laascaanood iyaga oo qorsheynaya in ay saldhig cusub ka samaystaan gobolka Sool taasi oo khatar weyn ku ah Geeska Africa fududaynaysana in ururada argagixisada ah ay sii xoojiyaan falalka xagjirnimada iyo amni darada ah ee ay gobolka ka wadaan. Xukuumadda Somaliland waxay xaqiijinaysaa inay ka go’an tahay ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida Jamhuuriyadda Somaliland cid kasta oo khatar ku ah Somaliland iyo Geeska Afrika. Source
  24. Qaybtii ugu horaysay ee ka mid ah jabhada buurta Gacanlibaax, ayaa maanta hubkoodii ku wareejiyay guddi kamid ah salaadiinta dhaqanka Somaliland. Sida uu sheegay Suldaan Cade Gudde oo hoggaaminaya guddi salaadiin ah oo loo xilsaaray in ay jabhada ku qanciyaan in ay hubka dhigto, ayaa sheegay in dhamaan xubnaha jabhadu ay ku biiri doonaan ciidanka millateriga. “Waa qaybtii 1aad, dhallinyaradan waxa aynu ku wareejin doonaa Axmed Ilka Case, isla markaana waxa ay ka xaadiri doonaan dugsiga tababarka Badar Wanaag, waa qaybtii ugu horaysay, hawluhuna si fiican ayay noogu socdaan” ayuu yidhi Suldaan Cade Gudde. Go’aanka jabhada buurta lagaga soo dajinayo ayaa qayb ka ah, go’aamadii xalka lagaga gaadhay khilaafkii mudada dheer soo taagnaa ee siyaasada Somaliland, isla markaana guddida beesha ay jabahadu kasoo jeedo ayaa ku hawlan in ay gabi ahaanba hubka ka dhigaan jabahada. Jabhadan ayaa ka cadhootay khilaaafkii siyaasada ee mudada taagnaa, waxayna intii ay jirtay weeraro u gaysatay ciidamo booliis ah iyaga oo dilay tiro toban ka badan, sidookale waxay afduub u gaysteen dad iyo baabuur. Source
  25. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa maanta tababar u furay Guddoomiyayaal, Garsoorayaal, Ku-xigeenada xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Saraakiil ka socday Ciidanka Booliska, Qareenno iyo xubno ka tirsan guddida ka garnaqista dacwadaha cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda. Tababarkan oo socon doona muddo shan cisho ah ayaa ujeedadiisu daaran tahay xoojinta hirgalinta xeerarka maaliyada, waxaana bixin doona khuburo aqoon durugsan u leh xeerarka maaliyada iyo shareecadda Islaamka. Sidoo kale xubnaha tababarka ka soo qayb-galay ayaa dhexdoodu is-waydaarsan doona aaraa’ iyo aqoon-is-waydaarsi maadaama ay ka kala socdaan hay’addaha kala duwan ee Qaranka. Ugu horayn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa sheegay in tababarkani qayb ka yahay wada-shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha dawladda maadaama Qaranku ka kooban yahay xubin kali ah oo wada shaqaysa. Dhanka kale Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa hoosta ka xarriiqay in horumar baaxad leh laga sameeyay dhanka dacwadaha cashuuraha, waxaanu xusay in berigii hore aanay dad badani fahamsanayn nidaamka cashuur qaadista, taasi oo sababi jirtay in dacwado ka dhan ah cashuuruhu soo gaadhaan Maxkamadaha, hase yeeshee haatan la casriyeeyay oo la soo kordhiyay guddida ka garnaqista dacwadaha cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda oo dadku halkaasi ka soo bilaabaan, tababarkanina qayb ka yahay sidii loo mideyn lahaa guddidaasi iyo Maxkamadaha awoodda u leh. Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo tababarka furay ayaa is-dul-taagay ahmiyadda tababrkani u leeyahay ka soo qayb-galayaasha, waxaanu sheegay in Waaxda Garsoorku marka horeba ay ku shaqayn jirtay xeerarkani, hase yeeshee hadda ay ka faa’iidaysan doonaan is-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerarka, isla markaana ay si faah-faahsan u guddo gali doonaan muddada uu socdo, sidoo kalana ay is-waydaarsan doonaan waayo-aragnimadooda khuburada iyo xubnaha tababarka qaadanaya. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa xusay in cashuurtu ay udub-dhexaad u tahay dawladnimada iyo socodsiinta hawlaha shaqo, waxaanu hoosta ka xarriiqay in Waaxda Garsoorku ay laf-dhabar u tahay fullinta cashuuraha, isla markaana meel adag ka taagan tahay in ay baaqato iyo in sifo kalaba ku leexato, waxaanu tibaaxay in Garsoorku kamid yahay hay’adaha ugu wanaagsan dakhli soo xereynta. Guddoomiyaha ayaa xubnaha tababarka qaadanaya kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan tababarka, isla markaana is waydaarsadaan khibradahooda aqooneed. Wa bilaahi tawfiiq. Ibraahin Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL Source