-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Laba Caruur ah oo ku Dhintay Guri ku Yaalla Burco oo Gubtay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Laba Caruur ah oo ku Dhintay Guri ku Yaalla Burco oo Gubtay Burco(Qaran news)-Laba Carruura oo walaalo ah ayaa ku dhintay, dab ka kacay guri jiingada oo ku yaala xaafada Hodan ee magaalada Burco. Abaaro 2:25 duhurnimo ayaa Ciidanka Dab-demiska Burco oo goobtaas gaadhay gurmadna u fidiyay , waxaana ciidamadu dabkaa ka xakameeyeen gurigii , iyadoo intaa kadibna Maydka Caruurta laga soo saaray guriga oo dabku wada haystay. Caruurta ayaa ahaa walaalo, sidoo kale caruurtaas ayaa ahaa Curyaamiin, da’adooduna waxay u dhaxaysay 10-11 sanno. Guriga ayaa Jiingad markiiba dabku wada qabsaday kana kooban laba qol iyo barande. Ciidanka Baadhista Booliska ayaa la wareegay baadhista kiiskaas, waxaana maydkii la gaadhsiiyay cisbitaalka Burco. Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin adag uga dirayaa bulshada Somaliland inay ka digtoonaadaan wax kasta oo sababi kara dab. Sidoo kale caruurta kaga tagin guryaha, taasoo waayadan dambe caruur badani ku geeriyoodeen.Fadlan muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom iyo Somtel guud ahaan lixda gobol ee Somaliland. Ciidanka Dabdemisku wuxuu murugada la qaybsanayaa qoyskaa geeridu ku dhacday, waxaan Alle uga baryaynayaa in baddel kheyr qaba siiyo. Qaran News -
Kansar ma aha cudur laakiin dhakhtarka Oncologist oo ka tirsan jaamacadda Osh State Medical University, Moscow, Russia Gupta Prasad Reddy (BV) ayaa sheegtay in kansarku aanu ahayn cudur dilaa ah balse dadku ay u dhimanayaan kaliya dayacaad. Sida laga soo xigtay isaga, kansarka waa laga saari karaa haddii laba hab oo kaliya la raaco. Hababka ayaa ah:- 1_ Marka hore iska ilaali dhammaan cuntooyinka sonkorta leh. Sababtoo ah haddii aadan sonkorta ka helin jirkaaga, unugyada kansarku waxay u dhintaan si dabiici ah ama si dabiici ah. 2. Kadibna ku qas liin dhanaan koob biyo diiran ah. Cab biyo diirran oo lagu qasay liin dhanaan. 3. hal saac subaxii ka hor intaadan cunin. Kansarku wuu dhammaan doonaa. Daraasad laga sameeyay Kulliyadda Caafimaadka ee Maryland ayaa lagu ogaaday in ay kun jeer ka wanaagsan tahay daweynta kiimoterabiga. 4. Cun saddex qaado oo saliid qumbaha organic ah subax kasta iyo galab kasta, waxay dawaynaysaa kansarka. Ka dib marka aad iska ilaaliso macaanka, mari mid ka mid ah labada daawadood ee soo socda. Kansarka waxba kuma yeeli karo. Si kastaba ha ahaatee, dayacaad ama danayn la’aantu cudur daar ma leh. Fadlan ogow in si dadka looga ilaaliyo kansarka. Gupta Prasad ayaa siyaalo kala duwan u faafineysay xogtan oo ay ku jirto baraha bulshada shanti sano ee lasoo dhaafay. Wuxuu codsaday in la faafiyo, si qof walba uu u ogaado. Waxa uu yidhi, “Shaqadaydii waan soo baxay, hadda qaybtaada qabso oo dadka kugu xeeran ka badbaadi kansarka!. Dr Abdirahman Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Sooomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faah-faahin rasmi ah ka bixiyay howl-gallada ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan deegaanada maamullada Galmudug iyo HirShabeelle. Wasiir Daa’uud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howl-gallada socda laga gaaray guullo waaweyn, islamarkaana khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab. “Waxay saaka howl-gallo culus oo milatari ka sameeyeen qeybo kamid ah dalka, waxayna kasoo hooyeen guullo waaweyn oo farxad galinaya shacabka Soomaaliyeed, qarannimada iyo dowladnimadeena wax weyn u ah maanta,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Sooomaaliya. Wasiirka ayaa waxa uu si rasmi ah u xaqiijiyay in gacanta dowladda ay soo galeen magaalooyinka Bacaadweyne, Camaara, Qod-Qod, Sardo, Shabeellow, Huldoonyaale, Galxare, Qeycad iyo Xinlabi oo kawada tirsan gobolka Mudug. Deegaanadan ayuu sheegay in Al-Shabaab looga saaray awood milatari, kadib markii lagu jabiyay dagaal-yahaanada kooxda oo dagaal toos ah la galay ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan oo isgarabsanaya. “Intii lagu guda jiray howl-gallada waxay ciidamada dagaal toos ah la galeen maleeshiyaadka Khawaarijta, nasiib wanaag cadowga waa lagu jabiyay halkaas, waxaana la gaarsiiyay khasaare ballaaran oo dowladda dib kasoo sheegi doonto faah-faahinteeda.” Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in howl-galladii shalay ka dhacay Koonfurta gobolka Mudug lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, kadib markii Shabaab-ka loogu daatay saldhigyo ay ku sugnaayeen. “Shacabka Soomaaliyeed waxaa la wadaageynaa jabja Khawaarijta lagu gaarsiiyay deegaanka Qod-Qod markii ciidanka geesiyaasha u daateen meel saldhig muhiim u aheyd cadowga, meydadkooda waxay uga carareen goobtaasi. Waxaa suurtagashay in goobta dagaalka lagu gubo afar gaari oo cadowga lahaayeen halka gacanta looga dhigay laba gaari oo nooca dagaalka ah.” Wasiirka ayaa waxa kale oo uu shaaciyay in 200 Shabaab ah lagu dilay howl-gal milatari oo saacadihii u dambeeyay ka socday deegaanada Awbaale iyo Ciid-ciid oo ka tirsan degmada Mahadaay, kuwaasi oo si qarsoodi ah iskugu abaabulayay halkaasi, si ay usoo qaadan weeraro lagu waxyeeleeyo shacabka. “Sirdoonka Qaranka oo helay xogta Khawaarijta ayaa suurta-galiyay in lagu gumaado saacado badan godadkii iyo howdkii ay ku dhuumaleysanayeen, waxaan idin xaqiijineyna in meydka iyo dhaawaca argagixisada uu halkaas daadsan yahay, sidoo kalena la burburiyay waxkasta oo saanad ciidan ah oo halkaas ku diyaarsan yihiin.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in aan la joogin waqti la siyaasadeeyo dagaalka socda, isagoo ugu baaqay shaqsiyaadka leexinaya howl-gallada socda inay taageeraan dagaalka argagixisada, si loo helo Soomaaliya guud ahaan xor ah. Hoos ka daawo muuqaalka The post DF oo shaacisay natiijada howl-galladii u dambeeyay ee Galmudug iyo HirShabelle + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Shirkadda Dahabshiil oo ka Hadashay siday uga Xun Yihiin Dabka Waxyeeleeyay Suuqa Wajaale Hargeysa(Qaran news)- Shirkadda Dahabshiil ayaa sheegtay inay aad uga murugoodeenka dabka waxyeellada weyn u geystay Suuqa Wajaale. Shirkadda Dahabshiil waxay sheegtay khasaaraha dabkaas ka dhashay uu saamaynayo nolosha qoysas badan oo ku lug lahaa ganacsiga suuqaasi. Waxa ay sidaas ku sheegeen war ay ugu talogaleen Saxaafadda oo u qornaa sidan:- “Waxa aannu aad uga xunnahay musiibadda 𝐝𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐤𝐚 𝐤𝐚𝐜𝐚𝐲 suuqa magaalo ganacsiyeedka 𝐓𝐨𝐠 𝐖𝐚𝐣𝐚𝐚𝐥𝐞, oo ganacsato badan ku waayeen ganacsigoodii ay ku tiirsanaayeen shaqaale iyo qoysas badani. Dahabshiil Group ahaana waxaanu sameyn doonaa 𝐰𝐚𝐱𝐤𝐚𝐬𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐢𝐦𝐨 𝐚𝐡 oo aan awoodno, haddii Alle idmo. Waxaanu 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐧𝐚𝐲𝐧𝐚𝐚 ciidanka naftoodda hurayaasha ah ee 𝐝𝐚𝐛𝐝𝐞𝐦𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐣𝐚𝐚𝐥𝐞 ee la tacaalaya daminta dabka, iyo ciidamadda 𝐠𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐝𝐞𝐝𝐞𝐠𝐝𝐞𝐠𝐚 ah ee ka yimid 𝐉𝐢𝐠𝐣𝐢𝐠𝐚, 𝐆𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞y𝐬𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐨𝐨𝐫𝐚𝐦𝐚. waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 in ay si wayn uga qayb qaataan gurmadka suuqa Wajaale.” Shirkadda Dahabshiil ayaa safka hore ka gasha gurmadka ummadda Soomaaliyeed marka ay masiibaddu dhacdo, sida dabka,daadadka, fatahaadaha dabaysha iyo masiibooyinka kale Qaran News
-
Maareeyaha Madbacadda Qaranka oo u Jawaabay Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed Hargeysa(Qaran news)-Maareeyaha Madbacada Qaranka Somaliland Maxamuud Raage Ibraahim, ayaa fariimo kala duwan oo jawaaba u diray, Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Sheekh Maxamed Cali Geedi iyo siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan. Maareeye Raage waxa uu fariin u diray Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, waxaanu yidhi.“Garaad Soofe waxaan leeyahay ha iswaafaqaan hadalkaaaga iyo ka taliyayaashaadu, dhan isugu baydh oo nabad iyo colaad waxaad doonayso soo cadee, Sool iyo Sanaag iyo Caynba waxa leh Somaliland, bal haddii aynu wada leenahay oo aad leedahay waa idinla leeyahay aynu sifiican uwada maamulo” Geesta kale Maareeye Maxamuud Raage, waxa uu tilmaamay in waxa uu xukuumadda Somaliland ku sifeeyay Sheekh Maxamed Cali Geedi in aanay gayin. Waxaanu yidhi.“Dadka qaar ayaa sida ay kula mid yihiin marka xaaladu adkaato waxa dhabta ah ee ay aaminsan yihiin ay soo baxda, dadkaasina waxa aan u aqaana inay la mid yihiin cudurka Malaariyada ama Joonis cadka, in Sheekh Maxamed Cali Geedi xukuumadda talada haysa ku tilmaamo inay sidii Kaligii taliyihii Siyaad Barre u dhaqmayso, mageydo, marka Sheekha waxaan leeyahay kuu ducayn mayno oo nagamaad shaqaysan, kuna habaarimayno” Maareeyaha Madbacada Qaranku waxa uu hadalkii Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan warbaahinta mariyay , waxa u uku sifeeyay mid ku tiiq tiiqsiya waxaanu faray in aanu hadal ee uu hadlo oo hadalkiisa sumad u yeelo. Waxaanu yidhi.“Cabdirashiid Xasan Mataanow, Sool, Sanaag iyo Cayn waxba kama taqaanid, cidda degta mataqaanid, cid leh garanmeysid, nin reer Awdal ahbaad tahay, gobtii Somaliland ayaad ka soojeeda, waxaad doonaysay maad sheegin ee hadal ayaan ku leeyahay, hadalkaagu wiirsibu ahaa, Somaliland waxba may helin, kuwa sida Malaariyada Somaliland ugu dhex nool ayaad tahay, kuwa haddii ay Somaliland fursad u helaan la waayilahaa ayaad ka mid tahay, anigu waan ku garanaya, saaxiibkay ayaad tahay, carabka iyo gawsaha haysku qaban ee hadal,” Mar uu ka hadlayay maxaabiista la kala haysto waxaa uu yidhi.“Maxaabiista halkan jooga ayaanu taladeeda leenahay, beesha Sool clan maxaabiista gacantooda ku jirana taladooda iyagaa leh, sidii ay ula dhaqmaan ayaa noo xeera, kuwa aanu hayno si fiican ayaanu ula dhaqmayna, shareecada Islaamka ayaanu waafajinaynaa iyo xeerarka Caalamiga ah,” Maareeyuhu waxa uu siyaasiyiinta ka codsaday in aanay baqan, balse haddii ay baqaan inay tukaano furtaan. Waxaanu yidhi.“Siyaasadu dhiiranaan ayay u baahan tahay ee marka ay adkaato in aad bowdyaha isla dhaco maaha, siyaasadu markii ay adkaato ninkii baqayow, goob Sharaabka lagu iibiyo ama dukaan alaabooyinka laga gato furo, ama adhiga dhoofi” Qaran News
-
Murrashax Cirro oo Xukuumadda ugu Baaqay in la Baadho Suuqa Gubtay ee Wajaale Hargeysa(Qaran news)-Murrashaxa Madaxweynaha ee Cisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka hadlay dabka waxyeelada u geystay suuqa Wajaale. Cabdiraxmaan Cirro wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay facebookgiisa, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi “Dabka ka kacay Suuq-ganacsiyeedka degmada Tog-Wajaale runtii waa masiibo kale oo soo korodhay, Xisbi ahaan iyo shakhsiyan waxa aan la dareen iyo damqasho nahay ganacsatada hantidoodii ku waayey masiibadaa dabka ah ee suuqoodii weynaa haleelay. Waa arrin xanuun innagu wada ah in hanti badani dabkaa galaafanayo, Ilaahay baan uga baryeynaa in uu cawil kheyr qaba ugu beddelo, Xukuumadda waxa aan u soo jeedinayaa in baadhis qoto dheer lagu sameeyo soo noqnoqashada gubashada Suuqyada dalkeenna.” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ah La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa farriin culus u diray “kuwa afka ku taageera kooxda Al-Shabaab” ee kasoo horjeeda dagaalka socda. Dr. Baadiyow ayaa shaqsiyaadka hadalada iyo qoraalada ku taageera Al-Shabaab ku tilmaamay kuwa jahwareerinaya guulaha ciidanmada qaranka ay ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxda. Shaqsiyaadkan ayaa inta badan isticmaala baraha bulshada, ayaga oo buun-buuniya khasaaraha soo gaaray ciidanka, iyo weerarada kooxda ku qaado xeryaha ciidanka, xilli lagu jiro dagaal. Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) wuxuu ugu baaqay shaqsiyaadkas inay arkaan guulaha istaraatiijiga ah ee la gaaray, islamarkaana aysan ku mashquulin waxyaabaha ka dhaca goobaha dagaalka oo isriix-riix ka dhacdo maraka qaar, taasi oo ah xeeladaha dagaalka. “Waxaan leeyahay kuwa khaladka kaliya arka ee aan arkin saxda, kuwaas oo aan kala saari karin guusha iyo guul-darada, dhacdooyinka goobaha dagaalka waxaan leeyahay waad fashilanteen ee Alle ka xishooda hadaa umada Soomaaliyeed iyo Qaranka hadaa ka xishoon waysaan, waxa aad qoraysaan ogaada in ay yihiin wax aan la hilmaami doonin,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow. Qoraalka La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imanaya xilli maalmihii la soo dhaafay la sheegay inay soo badanayaan shaqsiyaadka dhinaca kale u fasira guulaha ay gaaraan ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka, iyo guud ahaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, Dagaalka socda ayaa waxay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka casharo la taaban karo ugu dhigeen dagaal-yahaanada Al-Shabaab, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah, oo sanado badan ku jiray gacantooda. Cabdixkiin Cilmi Xasan Nairobi, Kenya The post La-taliyaha madaxweynaha oo farriin u diray shaqsiyaad kasoo horjeeda dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
WAR-SAXAAFADEED. Madaxweyne Muuse Biixi oo ka Hadlay Masiibaddii Xalay ee Dabkii Suuqa Wajaale. Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa muwaadiniinta hantidoodii ku waayey masiibada dabkii xalay ka kacay suuqa ganacsiga ee magaalada Wajaale. Madaxweynuhu isaga oo ka tiiraanyeysan dhibaatadii ka dhalatay dabkaas waxa uu muwaadiniinta hantidoodii baaba’day Eebbe uga baryayaa inuu ciwad khayr leh ka siiyo hantidoodii, isaga oo ugu baaqay inay niyaddooda wanaajiyaan, kasoo kabasho degdeg ahna u diyaar garoobaan iyaga oo Ilaahay isku xidhaya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Ciidanka Dab-damiska iyo ilaalinta badqabka hantida ku ammaanay kaalintii ay ka qaateen sidii dabkaa loo damin lahaa, sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu u mahadnaqay ciidanka Dab-damiska Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo qayb-weyn ka qaatay daminta dabkii xalay, Waxaanu Madaxweynuhu hay’addaha amniga qaabilsan faray inay si hufan baadhitaan ugu sameeyaan sababaha keenaya dabkan soo noqnoqday, Ganacsataduna u hoggaansamaan tallooyinka iyo habraacayadda Ciidanka Dab-damisku siinayaan muwaadiniinta si looga hortago marwalba khataraha iyo khasaaraha badan ee ay sababayaan masiibooyinka dabku. Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ugu baaqayaa bulshada inteeda kale inay u kacaan sidii dadweynaha hantidoodii ku waayey dabkii baabi’iyey suuqa ganacsiga ee degmada Wajaale loogu kici lahaa, sidii dib loogu xoolayn lahaa si ay uga soo kabtaan masiibada ku habsatay, iyadoo xukuumadduna doorkeeda ka qaadanaysa. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Qaran News
-
Derna (Caasimada Online) – Ugu yaraan 11,300 oo qof ayaa ku dhintay 10,100 kalena waa lagu la’yahay magaalo xeebeedka Derna toddobaad kadib markii duufaanta Daniel ay ku dhufatay waqooyi bari Liibiya. Sida uu sheegay xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, qiyaastii 170 qof ayaa ku dhintay daadad ku dhuftay gobollada kale ee dalka in ka badan 40,000 oo qofna waa ay ku barakaceen. Tirada ayaa la filayaa in ay kor u kacdo, sida lagu yiri warbixinta Qaramada Midoobay, iyada oo soo xiganeysa xogtii ugu dambeysay ee hay’adda Socdaalka Adduunka. Qaramada Midoobay ayaa intaas raacisay in inta ugu badan ee dadkan barakacay ay ku noolaayeen magaalada Derna oo ay daadadku khasaare xooggan u geysteen. Sidoo kale waxaa weli socda dadaallada baadi-goobka iyo samata-bbixinta dadka ka badbaaday daadadka ku dhuftay dalka Liibiya. Dadka la la’yahay ayaa loo malaynayaa in daadadku ay qaadeen oo ay ku dareen badda Mediterraneanka ama ay ku jiraan qashinka iyo ciidda hoostooda, sida ay sheegeen masuuliyiinta Liibiya. Si kastaba, Xaaladda ayaa kasii dartay kadib markii laba biyo xidheen oo u dhowaa magaalada Derna ay fataheen, waxaana walaac laga muujinayaa in khasaaraha uu intaan aad uga badan yahay. The post Tirada dhimashada daadadka Liibiya oo gaartay 11,300 appeared first on Caasimada Online.
-
Two militants of the al Shabaab terror group were Saturday killed in a shooting by military troops in Bodhei area, Lamu County. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo midka deegaanka ayaa saaka la wareegay magaalada Bacaadweyn iyo deegaanka Qeycad oo ka tirsan gobolka Mudug, halkaas oo sanado badan ka talineysay kooxda Al-Shabaab. Marka laga hadlo in la iska celiyo argagixisada, Bacaadweyn waxay leedahay taariikh gaar ah. Dadkeedu waxay ku jiraan beelaha hore ugu bareeray inay iska celiyaan argagixisada, balse waayay wax dowlad ah oo garabsiisa. Waxaa la xasuusta in reerka degan Bacaadweyn ay dhowr jeer kooxda ka adkaadeen laakiin dib ayay kooxda usoo weerartay maadaama ay xaqiijisay in xilligaas ay keligood ku yihiin dagaalka. Waxgarad iyo ganacsato reerkaas kasoo jeeda ayay xitaa waqtigaas kooxda ku dileen magaalada Muqdisho, iyaga oo aaminsan inay yihiin kuwii maalgelinaayay in kooxda la iska celiyo. Maanta reer Bacaadweyn waxay u tahay maalin gaar ah, waxay dib u qabsadeen magaaladoodii, iyaga oo garab ka helaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo mid kamid ah beelaha deriska la ah. Argagixisada ayaa si weyn ugu mintiday dhowr jeer magaaladan. Waxay u arkaayeen marin ay uga tallaabi karaan qeybaha kale ee gobolka Mudug, si halkaasi dhibaatooyin ugu geystaan. Qorshuhu wuxuu ahaa in magaaladan la qabto Jimcihii, laakiin si ay weerarkaas u baajiyaan ayay gaari qarax ah soo galiyeen deegaanka Laas-Gacamey, halkaas oo ay ku sugnaayeen madax uu kamid ahaa hoggaamiyaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor, balse weerarkaas ayaa la fashiliyay waxaana muuqata in aanay waxba iska beddelin duullaankii ku wajahnaa Bacaadweyn oo saaka dib looga taagay Calanka Soomaaliya. Dowladda guulo waaweyn ayay ka gaartay qabashada, laakiin in la xajiyo gacan ku haynta deegaanada la qabtay ayaa u muuqata inay weli u baahan tahay farsamo gaar ah. Kooxaha argagixisada ayaa kasii baxaya inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan. Iyada oo saaka gacanta lagu dhigay Bacaadweyn iyo Qeycad, ayaa dhinaca kale wararka aanu helayno sheegayaan in ciidankii shalay qabsaday Qod-Qod inay iyaguna kusii dhawaanayaan qabashada Camaara oo ah mid kamid ah goobaha muhiimka ah ee ay kooxda weli ka joogto gobolka Mudug. Qabashada Bacaadweyn iyo Camaara oo isku maalin noqdo ayaa wax weyn uga dhigan gulufka shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda iskaga saarayaan argagixisada. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo madaxweynaha uu ka wado abaabulka dagaalka, oo xilligaan maraya meel wanaagsan. The post Qorshihii DF ee Bacaadweyn oo fulay kadib ‘isku-deygii fashilmay’ Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York oo ay uga qaybgalayaan Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona horumarradii ugu dambeeyey ee Dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca amniga iyo xasilloonida; dhimista saboolnimada, Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Dhaqaalaha, Wax Soosaarka, Xuquuqda aadanaha, Caddaaladda, dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo isbeddelka cimillada. Ra’iisul Wasaaruhu inta uu ku sugan yahay xarunta QM wuxuu kulamo kal duwan la yeelan doonaa madax uu ugu horreeyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay; iyo sidoo kale madax ka tirsan Dowladda Mareykanka. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuu sidoo kale kulamo la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka, kuwaas oo uu uga warrami doono guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka lagula jiro Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya, Xuseen Sheekh Maxamuud, haatana ah musharax madaxweyne oo u taagan Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan maamulkaas iyo doorashada kusoo foodka leh. Musharax Xuseen ayaa weerar toos ah ku qaaday madaxweynaha hadda talada haayo ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, isaga oo ku eedeeyay inuu ka gaabiyay arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale in Al-Shabaab laga xoreeyo saddexda gobol ee maamulkaasi. Xuseen Sheekh ayaa uga digay madaxweyne Laftagareen inuu isku dhajiyo xukunka, isaga oo wacad ku maray haddii isku dayo awood inay gacanta iskula tegi doonaan. “Maamul la’isku dhajiyo waxaa ka dhalata rabshad madaxweyne Cabdicasiis maanta wuxuu sharaf ku leeyahay inuu yiraahdo dowladda federaalka yaan wax laga suginee anaa si sharaf leh baahasha halkaan usoo dhigayee kaalaya, intaas hadii uu saameyn waayo meeshii la’isla tegi jiray ayaa la’isla tegayaa” ayuu yiri agaasimihii hore ee madaxtooyada. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynuhu uu hadda ka shaqeynayo inay rabshomka dhacdo Koonfur Galbeedm balse rabitaan shacab looga hor imaan doono. “Maamulka hadda jiro wuxuu fak-fakanayaa in arrintaasi ay dhacdo annaga shacab aa nahay qoray kuma faaneyno, laakiin dad taageerayaal ah ayaan leenanahay oo shacab ah, iyagaa hadhow kacaayo, taas ayaa laga yaabaa inay rabsho sababto” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay haddii uu dhammaado waqtiga ay ku heshiyeen in la qabto doorasho ay qaadi doonaan tallaabo jawaab ah ayna kaashan doonaan shacabka “Haddii waqtiga la gaaro dadka ayaa laga rabaa inay xaqooda dhacsadaan waa waajib” ayuu mar kale yiri Xuseen Sheekh Maxamuud. Hadalkan ayaa daba socda go’aankii u dambeeyay ee xubnaha mucaaradka ku gaareen shirkii Nairobi ee ku aadan doorashada koonfur Galbeed oo weli tallaab loo qaadin. The post Xuseen Sheekh Maxamuud oo u digay madaxweyne Laftagareen appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York oo ay uga qaybgalayaan Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona horumarradii ugu dambeeyey ee dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca amniga iyo xasilloonida; dhimista saboolnimada, Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Dhaqaalaha, Wax Soosaarka, Xuquuqda aadanaha, Caddaaladda, dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo isbeddelka cimillada. Ra’iisul Wasaaruhu inta uu ku sugan yahay xarunta QM wuxuu kulamo kal duwan la yeelan doonaa madax uu ugu horreeyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay; iyo sidoo kale madax ka tirsan dowladda Maraykanka. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuu sidoo kale kulamo la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka, kuwaas oo uu uga warrami doono guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo New York kaga qayb-galaya Shirka Golaha Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdo Barre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyaga oo ku sii jeeda dalka Mareykanka. Ra’iisul wasaare Xamza ayaa magaalada New York uga qayb-galaya shirweynaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa. Xamza ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo madasha, taas oo uu uga hadli doono waxa Soomaaliya uga qabsoomay ahdaafta dhinaca horumarka ee Caalamku degsaday gaar ahaan dhimista Faqriga, Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Dhaqaalaha, Wax Soosaarka, Xuquuqda aadanaha, Nabadda iyo Amniga, Caddaaladda, dhismaha hey’adaha dowliga oo xooggan iyo isbeddelka cimillada. Sidoo kale wuxuu sheegi doonaa in weli Soomaaliya ay ku taagan tahay jidkii dib u soo kabashada, isla markaana ay dooneyso in laga taageero dib u dhiska dalka, gaar ahaan ciidamada qaranka si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka iyo in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee mudada dheer saarneyd. Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo gaar gaar ah kula yeelan doono Xarunta Qaramada Midoobay, Xoghayaha Guud ee QM, Madaxda Dowladda Mareykanka iyo Qaar ka mid ah Madaxda wufuudda kale ee Caalamiga ah ee ka qaybgalaysa shirka Q.M. Sida qorshuhu yahay wuxuu madaxdaas kala hadli doonaa arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan taageerada ay siiyaan dowladda federaalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Inta uu ra’iisul wasaaruhu joogo Mareykanka wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi, isaga oo uga warrami doono guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab iyo horumarka dhinacyada dhaqaalaha, bulshada iyo guud ahaa siyaasadda. Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu ku mashquulsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan jiida hore ee dagaalka. The post R/W Xamza oo u dhoofay Mareykanka + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Sagaalad ee xildhibaannada dhallinyarada Adduunka oo ka furmay dalka Vietnam, kaas oo ay ka qeyb galayaan xubno kale duwan. Shirkaa ayaa diiradda lagu saaraya doorka dhalinyarada ee xaqiijinta u jeedooyinka horumarka waaro iyadoo la adeegsanayo Tiknoolajiyada casriga ah,waxana halkaa xildhibaanada ay kusoo bandhigeen horumada ay gaareen dhalinyarada iyo Arrimaha dowlad dhisida. Xildhibaan C/risaaq Aadan Warsame, (Xusul) oo kamid ahaa xildhibaannadii golaha shacabka oo khudbadda ka jeediyay madasha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta horumarka waara ee dhallinyarada in muhiimad gaar ah la siiyo. “dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an xaqiijinta horumarka waara ee dhalinyarada, waxa ayna ansixisay dhowr sharci oo muhiim u ah si loo gaaro horumar waara”.sida ayuu yiri Xildhibaan Xusul oo ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in la gaaro himilooyinka horumarineed ee waara, iyadoo la eegayo dhibaatooyinka ay reebeen abaaraha, Faafida cudurka Karoona, isbeddelka cimilada, iyo argagixisada oo khatarta ku ah nolosha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaaraya deegaano ka mid ah gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaas ay isku fara saareen ciidanka Itoobiya iyo xubno ka mid ah kooxda Al- Shabaab, kadib markii uu dhex maray dagaal xooggan oo u dhaxeeyay labada dhinac. Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al Shabaab, waxaana wali aaga dagaalka ka socdo laga maqlayaa hub culus oo ay isku adeegsanayaan labada dhinac. Deegaanka lagu dagaalamayo oo lagu magacaabo Booco ayaa u dhow degmda Rabdhuure ee gobolka Bakool, halkaas oo dhaq-dhaqaaq xoogan laga dareemayo. Ay sameynayaan labada ee ciidanka itoobiya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab. Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraal kooba uu soo dhigay ku sheegay in kooxda Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay dagaalka ka socda duleedka Rabdhuure ee gobolka Bakool Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu dhexeeyo Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi, kuwaas oo qeybta ka ah howlgalka ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATMID ee ku sugan Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xudur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo saaka ka dhacay deegaanka Booco oo ka tirsan gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi, waxayna xaaladdu tahay mid cakiran. Deegaanka lagu dagaalamayo oo lagu magacaabo Booco ayaa u dhow degmda Rabdhuure ee gobolka Baay, halkaas oo dhaq-dhaqaaq xoogan laga dareemayo. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii ay Al-Shabaab waddada u gashay kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo kolonyo ah oo ku socday degmada Waajid, sidaasna uu ku qarxay dagaal u dhexeeyo labada dhinac. Ciidanka Itoobiya ee la wareeraray ayaa lagu soo warramayaa inay ka soo gudbeen xuduudda, isla-markaana inta aysan gaarin saldhigooda waddada loo galay. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo weli ka socda duleedka degmada Rabdhuure, waxaase la soo weriyay in hub culus laga maqlayo aaggaasi. Sidoo kale qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in tan iyo salaaddii subax ay maqlayeen hubka labada dhinac ay isku ridayaan. Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale kus ugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS. The post Dagaal ka dhex-qarxay ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab ee gobolka Bakool appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Dab Damiska ee Somaliland ayaa soo afjaray daminta dab xalay fiidkii ka kacay suuqa degmada Tog Wajaale oo ku taala xuduudda Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya. Dabka ayaa baabi’iyay mehrado ganacsi oo aad u ballaadhan, waxana hadda socota qiimeynta hantida ku basbeeshay suuqa. Ganacsatada ayaa bilaabay in mehradaha badbaaday ay kala baxaan hantidooda, iyadoo kuwii mehraduhu ka gubteenna ay ka raadinayaan, wax uun uga badbaaday hantidooda. Ciidamada Dab Damiska dawlad deegaanka Soomaalida oo iyana gurmad ahaan u yimid, ayaa ka qayb qaatay in la damiyo dabka suuqa Tog Wajaale. Source
-
Ciidamada Dab Damiska ee Somaliland ayaa soo afjaray daminta dab xalay fiidkii ka kacay suuqa degmada Tog Wajaale oo ku taala xuduudda Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya, waxaana jira khasaare ka dhashay. Dabka ayaa inta badan baabi’iyay mehrado ganacsi oo aad u ballaaran, waxana hadda socota qiimeynta hantida ku basbeeshay suuqaan oo ah mid kulmiya inta badan dadka ku nool xadka deegaannada Somaliland iyo itoobiya Ganacsatada ayaa bilaabay in mehradaha badbaaday in ay kala baxaan hantidooda, iyadoo kuwii mehraduhu ka gubteenna ay ka raadinayaan, wax uun uga badbaaday hantidooda.sida ay sheegayaan wararka laga helayo. Ciidamada Dab Damiska dawlad deegaanka Soomaalida oo iyana gurmad ahaan u yimid, ayaa ka qayb qaatay in la damiyo dabka suuqa Tog Wajaale. Waxaana muuqata khasaare xooggan inuu geystay dambka oo kacay xalay. Somaliland wali ma shaacin sababta ka dambeysay dabka xooggan eek a kacay suuqa deegaanka Tog Wajaale, waxaana uu kusoo aadayaa xilli muddooyinkii dambe soo baxayay inta badan dabka in ay sababaan Korontada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hadal hayn badan ayaa ka dhalatay Barnaamijka BBCdu ay baahiso ee Antiques Roadshow kadib markii lagusoo bandhigay hadayiyad uu Boqor Haile Selassie u usoo diray Sir Harold Kittermaster oo ahaa guddoomiyihii Britain ee xukumayey Somaliland intii u dhaxeeysay 1926-1931. Hadiyadda ayaa ahayd xarig dahab ah iyo warqad shaqi ah oo uu Haile Selassie usoo diray Sir Harold Kittermaster Iyaga oo ka jawaabaya arintan , labada gabdhood oo aan la magacaabin oo uu awoowe u yahay Sir Harold Kittermaster waxay yiraahdeen “dhab ahaantii waa mid aanu ka fekereyno waxa aa aan ka yeeli lahayn farshaxanka” iyo waxa ay ku sameynayaan. Laakiin qaar ka mid ah dadkii arkay hadiyadan oo uu ku jiro taariikhyahan Professor David Abulafia oo ka tirsan Gonville iyo Caius College, Cambridge, ayaa ku tilmaamay doodda ‘ mid macno la’aana’ marka la eego xaaladda taariikheed. Itoobiya waligeed ma aysan codsan in hadiyado taariikhi ah loo soo celiyo. “Xitaa kuwa aaminsan soo celinta alaaboyinkan, tani ma ah mid u qalanta , sababtoo ah waxay ahayd hadiyad furan,” ayuu u sheegay Professor Abulafia wargeysk Telegraph ee kasoo baxa UK . “Waxay tusinaysaa sida ay dadku ugu dhegaan fikrad weyn oo muuqata oo aanayba ka fikirin mabaadi’da aasaasiga ah”. “Xaaladdan oo kale,waa in aan eegnaa hadiyadda iyo cidda ay u socotao”. Waxa uu ku doodday in Itoobiya boqortooyadii la kala diray oo hadda ay ka taliso doiwlad kacaan ah oo aan u qalmin, halka Somaliland tahay dal aan la aqoonsanayn oo aan aqoonsi caalami ah haysan, “ee xaggee loo diri lahaa haddiyadda dhulkee?,” ayuu yiri Professor David Abulafia. Haile Selassie waxa uu ahaa Boqorkii Ethiopia intii u dhaxaysay 1930 ilaa 1974, waxa uuna yaqiin Sir Harold markii uu ahaa gudoomiyaha Nyasaland oo hadda ah dalka Malawi ah. Iyaga oo kaga falcelinaye dhacdadan dhanka baraha bulshada, dad badan oo daawaday barnaamijka ayaa ku dooday in ay ahayd in la weydiiyo milkiilayaasha. Mid ka mid ah dadkaasi ayaa yiri: ‘Hadiyadda lamasoo dhicin, lamanasoo xadin. Waa doqonimo in dib loo cleiyaa.’ Mid kale ayaa ku dooday: “In alaabtan dib loo celiyo waa ceeb iyo edebdaro. Tani waxay ahayd hadiyad Qaran News
-
Hargeisa (HOL) - The Somaliland government on Saturday strongly condemned a visit this week by ministers and lawmakers from the federal government and Puntland state to Las Anod town, the capital of the Sool region. Source: Hiiraan Online
