-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
“Xukumaddu waa inay si deg dega Baadhis ugu Samayso wixii Gubay Suuqa Wajaale” Murrashaxa Madaxweyne Kuxigeenka WADDANI Musharraxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga WADDANI Amb. Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sheegay in uu la dareen iyo damqasho yahay ganacsatada hantidoodii ku waayey masiibada dabka ee haleeshay suuqii weyna ee Wajaale. Waxa uu Ilaahay uga baryey in uu bedel kheyr qaba ka siiyo hantidoodii. Dhiñaca kale Musharraxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga WADDANI waxa uu xukuumadda ugu baaqay in si deg dega Baadhis Ballaadhan loogu sameeyo soo noqnoqashada gubashada Suuqyada dalkeenna. Qaran News
-
Madax ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo soo Jeediyay Talooyin Wajaale(Qaran news)- Dab xoogan ayaa habeen hore ka kacay suuq ganacsiyeedka degmada Wajaale oo dhaca xuduudka Somaliland iyo Itoobiya. Dabka ayaa isla markiiba ku faafay boqollaal meheradood oo ganacsi, waxaana la tacaalay ciidanka dab damiska degmada iyo dadka shacabka ah, sidoo kale ciidamada dab damiska magaalada Hargaysa iyo kuwa dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo soo gaadhay. Dabka ayaa xoog u fidayay marba marka ka danbaysa maadama aanay degmadu lahayn dab damis xoogan oo u babac dhigi kara dab sidan oo kale u xoogan, isla markaana dadwaynaha ayaa isku dayay in ay alaabada ka daad gureeyaan meharadaha uu dabku ku fidayay. Dabka ayaa lagu guulaystay niskii danbe ee habeen saddexaadkii, kaas oo muddo badan lala tacaalayay bakhtiintiisa. Sidoo kale waxa gurmadka dabkaas laga sameeyay ka qaybgalay bahda caafimaadka, booliska, ganacsata iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Masuuliyiin kala duwan oo xukuumadda Somaliland ka tirsan ayaa ka hadlay masiibada dabka ka kacay suuqa Ganacsiga ee degmada Tog-wajaale. Wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somalilland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka hadlay masiibada dabka ayaa tilmaamay in Xukuumadda Somaliland ay hore qorshe magaalo (master plan) ugu samaysay Wajaale isla markaana ay ka hirgelisay adeegga debdamiska, waxaanu dadka hantidoodu ku gubatay suuqaas uu ILLAAHEY uga baryay inuu cawil celin ka siiyo, waxa uu intaas ku daray in xukuumaddu si mug leh gurmad uga bilowday lagu bakhtiinayo dadbkaasi, wuxuuna xusay in debdamiska magaalooyinka Hargeysa, Gabiley iyo Boorama ay u gurmadeen bakhtiinta dabkaa. Sidoo kale wasiir Saleebaan wuxuu si ballaadhan ugu mahadceliyay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo markiiba u soo gurmatay Wajaale, iyadoo uu gurmadkooda hoggaaminayo Hoggaanka nabadgelyada ahna ku simaha madaxweynaha Dayib oo horkacayey debdamiska Jigjiga. Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Somaliland, Mudane Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa sheegay in guddi heer Qaran ah loo magacaabayo dabka baabi’iyay suuqa ganacsiga degmada Tog-wajaale. Waxaanu yidhi. “Arrintan dedaal hallaga galo, nidaamka aan u ganacsanana aan wax ka beddelno, waxa loo magacaabaya arrintan guddi heer Qaran ah, guddida heer Qaran in si fiican loola shaqeeyo ayaanu soo jeedinaynaa” Taliyaha ciidanka booliska Somaliland sarreeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa bulshada faray in ay ciidamada u dheganuglaadaan markasta oo masiibo dhacdo, si gurmadka iyo samato bixinta loogu jiraa ay u suuragasho. Waxaanu yidhi.“Dadka hantidooda ku waayay ILLAAHEY cawil khayr qaba hawgu bedelo, ganacsatada Wajaale isugu timi waxaan ku adkaynayaa in ciidanka booliska ee faraha badan, iyo ciidamada kale ee faraha badan ee isugu yimi inay la shaqeeyaan,” Taliyaha ciidanka dabdamiska Somaliland Sarreeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaxili), ayaa sheegay inay ku guulaysteen isla markaana 14 gaadhi oo ka mid ah kuwa ciidanka dabdamiska ay ka qayb qaateen bakhtiinta dabka baabi’iyay hantidii suuqii ganacsiga ee Wajaale. Sidoo kale waxa uu taliye Sawaaxili soo jeediyay in wax laga barta inay muhiim tahay masiibo kasta oo ku soo marta. Waxaanu yidhi. “Dabku aad iyo aad ayuu u weynaa, balse ciidamada dabdamiska ee magaalooyinka Somaliland iyo dowladd degaankaba ka soo gurmaday ayaa bakhtiintiisa qayb weyn ka qaatay. Bacadlayaasha waxaan leeyahay sidan maalin walba ku jirimayne, waa qorshahan qorshe ka duwan la keena, maalin walba sugimayno bacadluhu inta uu gubanayo, hadaad diidaan yaa idiin soo gurmanaya ee wax idiin bakhtiinayaa, noo dhaganuglaada oo talada aanu idin siino qaata. Dabkastana waa in aynu wax ka barana, sababto ah kii Waaheen waxbaynu ka baranay, suuqan hadda gubtay hore ayuu ugubtay ee aynu wax ka barano”. Kusiisimaha madaxwaynaha DDS ahna hogaanka nabadgalyada Mudane Dayib Axmed Nuur iyo gurmad balaadhan oo uu hogaaminayo, ayaa qayb ka ahaa dadka ka qayb qaatay samata bixinta suuqa magaalada wajaale ee uu dabku qabsaday. Gurmadkan uu hogaaminayay kusimaha madaxwaynaha ahna hogaanka nabadgalyada DDS oo ka koobnaa masuuliyiin heer deegaan, ciidanka dabdamiska deegaanka, ayaa markii ay soogaadhay suuqa dabku qabsaday hawsha dhankooda ka qabtay, isa markaana qayb ka ahaa ciidamadii ku guulaystay bakhtiintiisa. Ciidanka dabdamiska ee dawlada deegaanka Soomaalida, ciidanka booliska deegaanka iyo guud ahaan gurmadkii kasocday deegaanka ayaa kaalin laxaadle ka qaatay xakamaynta dabkaasi inkasta. Mudane.Dayib Axmed Nuur, Kusiisimaha Madaxwaynaha DDS. ahna Hogaanka Nabadgalyada DDS, waxa uu sheegay in aanay bulshada reer Jigjiga u kala hadhin gurmadka lagu damiyay dabka baabi’iyay suuqa ganacsiga ee degmada Tog-wajaale. Waxaanu yidhi.”Waxaan u soo gurmanay in aan kala qayb qaadano walaalahaya Bakhtiinta dabka Qabsaday suuqa Wajaale. Ciidamada dabdameska iyo bulshada dowlad degaanku umay kala hadhin gurmadka lagu samata bixinayo suuqan dabku hala keeyay, dadka ku hantida beelayna waxa naga go’an in aanu garab joogsano, gacana ka siino sidii ay uga soo kaban lahaayeen, bulshaweynta magaalada Jigjigi umay kala hadhin gurmadka loo sameynayo dadka aanu walaalaha nahay ee hantidoodii dabku baabi’iyay” Dhinaca kale Masuuliyiin ka socda Xisbiga WADDANI ayaa u kuur galay xaaladda suuqa xalay gubtay ee magaalada Wajaale. Masuuliyiinta ayaa halkaasi u tagay si ay u qiimeeyaan baaxadda khasaaraha uu geystay dabku islamarkaana ula dareen qaybsadaan ganacsatada hantidooda ku wayday dabkii xalay. Masuuliyiinta ayaa kala ahaa guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Abubakar Cabdiraxmaan Good, Xoghayaha Guud Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha arrimaha Bulshada Maxamed Sidiiq Dhamme, Afhayeenka Xisbiga Maxamed Faarax Cabdi iyo masuuliyiin kale. Si kasta ha ahaate Dabkii xoogana ee ka kacay Suuqa ganacsiga ugu weyn ee Magaalada Wajaale, ayaa la sheegay inuu gaystay khasaare balaadhan oo maaliyadeed iyadoo dadaal iyo gurmad ay sameeyeen Ciidamada dabdamisku ay ku guuleysteen inay demiyaan. Muuqaalada iyo sawiradda laga soo qaaday Suuqa dabku ka kacay ayaa muujinayay baaxada uu la’eega dabka iyo sida uu suuqaasi uga dhigey digo iyo danbas. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sahay laga ururiyey shacabka Muqdisho u diray ciidamada hawlgalada ka wada Gobolada Dhexe iyo deegaanadii ugu dambeeyay ee laga saaray maleeshiyada Al Shabaab. Guddiga Gurmadka iyo Taakuleynta Ciidanka ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gelinkii dambe ee Isniintii Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ku wareejiyay raashiin iyo agab kale oo loogu talagalay ciidamada, islamarkaana laga soo uruuriyay Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iyo bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho. Raashiinka iyo agabka kale ee loogu talagalay ciidamada ayaa lagu raray qaar ka mid ah gaadiidka xamuulka ee ciidamada, si ay u geeyaan furimaha hore ee ciidamada ku sugan yihiin iyo deegaanada maalmihii ugu dambeysay laga saaray Shabaabka. Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ahna Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka iyo Taakuleynta Ciidanka ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in Shabaab looga adkaan karo iskaashi iyo isku duubni. Gudoomiye Yabooh ayaa ku baaqay in hal dhinac laga noqdo dagaalka lagu la jiro A-Shabaab, haddii aysan taasi dhicin aan ebid laga adkaan doonin Shabaabka. Yabooh ayaa dadka reer Muqdisho ugu baaqay “Dadweynaha Gobolka Banaadir waxaan ugu baaqaya inay marada dhexda ku xirtaan, oo har iyo habeen ay u taagnaadaan, sidii loo garab siin lahaa ciidamada dagaalamaya.” Yabooh ayaa sheegay in taakulada ay ku wareejiyeen Taliska Militariga ay ku muujinayaan, sida ay u garab taagan yihiin ciidamada ku sugan aagagga dagaalka. Taliyaha Hoggaanka Saadka iyo Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Sharmaarke Cali Afrax ayaa dhankiisa sheegay in inta askarigu ay dadkiisu daba taagan yihiin aanu marnaba ka waaban doonin cadowga. Taliyaha ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan fursadda ay maanta u haystaan in ay isaga dulqaadaan maleeshiyada Shabaabka, isla-markaana aanay taakuleynta ciidanka ku eegan bulshada reer Muqdisho oo qura, oo doorkooduna ay ka qayb qaataan. Gaadiidka lagu raray taakulada ciidamada ayaa saacadihii la soo dhaafay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyagoona ku sii jeeda deegaanada HirShabelle iyo Galmudug. The post Daawo: Shacabka Xamar oo sahay iyo agab kale u diray jiidda hore ee dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhamaadka toddobaadkii tagay maxkamadda ciidamada ee Muqdisho kasoo muuqday nin sida ay ciidamada amaanku sheegay, alaab u waday Al Shabaab. Waxaa lagu eedeeyay in uu Jilib ka soo daabulay wax u muuqda bustayaal una waday Galhareeri si ay dagaalayahannada Al-Shabaab u adeegsadaan. Qalabkan ayaa ah busteyaal ka samaysan maadada macdanka (aluminium) kuwaas oo loo adeegsado siyaabo kala duwan. Qareenka Jamaal Yaasiin Xasan ayaa ku doodaya in agabku yahay mid ganacsi ahaan laga heli karo suuqyada, wuxuuna sheegay in dowladdu aysan wax dembi ah ku haysan eedaysanaha. Qalabkan oo ay hore u adeegsadeen Taalibaan ayey dadka qaar is weydiinayaan waxa uu ka caawinayo dadka adeegsada. Waa maxay qalabkani sideyse Al-shabaab u adeegsadaan? Qalabkan sida aan kor ku xusnay wuxuu ka samaysan yahay maadada aluminium-ka. Waxay dadka shacabka ahi u adeegsadaan inay kaga gaashaantaan qabowga maadaama bustahani uu keenayo diirimaad degdeg ah. Dadka dalxiisayaasha ah ee ku hoyda kaymaha roobka badan, kuwa buuraha fanta iyo dhakhaatiirta qaliinka iyo dadka bixiya adeegyada caafimaad ee degdegga ah ayaa adeegsada. Balse waxaa laga yaaba xitaa dadka aysan hadda ugu horeyn ee yaqaan qalabkan inay is weydiiyaan sidey Al shabaab u adeegsan karaan bustahan? Waxaa jira qalab aragga loo adeegsado xilliga habeenkii ah iyo meelaha mugdiga ah oo badanaa ay isticmaalaan ciidamada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hawl gallada fuliya habeenkii. Sida ay drone-ka u aragto dadka meelaha mugdiga ah. Sidee u shaqeeyaa Alluminium-ka lagu dhuunto Okiyaalaha ay habeenki xirtaan ciidamada hawlagallada fuliya iyo sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa ku xiran qalab la yiraahdo “thermos sencer”. Qalabkan ayaa akhrinaya xaraaradda jirka, wuxuuna bixinayaa muuqaal ku salaysan heerkulka ka baxa jirka xawayaanka iyo dadka, xitaa haddii uu darbi ka sokeeyo ama goobtu mugdi tahay. Haddaba bustahan ka samaysan aluminium-ka ayaa dalfinaya ama qarinaya xaraaradda kasoo baxaysa jirka dadka waxayna taasi keenaysaa in qalabkii aragga ee mugdiga ama ama derbiyada gadaashooda wax laga arkayey uu akhrin kari waayo xaraaradda ama heerkulka jirka. “Argagixisada eedaysanuhu wuxuu uga soo qaaday qalabkaas [bustaha] meel la yiraah Jilib wuxuuna u waday Galhareeri iyo dhulka hadda xorayntu ka socoto si qalabkaas ay u isticmaalaan kadibna diyaaraduhu u arki waayaan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanbka booliska Soomaaliya isla markaana xeer ilaaliye ah oo maxkamadda u sharxayey waxa uu yahay qalabkan “loo waday” Al shabaab. Waxaa la sheegay in ay qalabka hore u adeegsadeen ciidamda Taalibaan si ay uga dhuuntaan diyaaradaha NATO ee xilliyada habeenkii bartilmaameedsanaya. Qalabkan iska fudud marka si loo eego ayaa sidoo kale loo adeegsadaa in lagu duubo ama lagu daboolo cuntada si uu kulaylka ugu kaydiyo in muddo ah. Dadka ku dalxiisa meelaha roobabka badan ay ka da’aan isla markaana qabowga ah ayaa qalabka sii qaata si ay u huwadaan oo aysan qabow u dareemin xitaa haddii aysan isticmaaleyn dhar kale oo qaboga ka celiya. Sida ay Drones-ka u isticmaalaan kaamerooyinka kulaylka raadiya Kaamerooyinka heerkulka qiyaasa (thermal cameras) ee ku rakiban dayaaradaha bilaa duuliyaha ah ayaa ah kuwo adeegsada mowjadaha infrared, iyo qalab kulaylka dareema. Labadas marka lagu daro muuqaalka goobta ayaa waxaa ka soo baxaya sawir. Sannadihii ugu dambeeyey ayaa marba marka ka sii dambaysa la sii horumarinayey farsamo ahaan qalabkaas, laakin weli mushkiladda haysata waa in aysan qaban karin waxyaabaha dib u soo celiya iftiinka iyo waxyaabaha aadka u ifaya, kuwaasoo aysan qiyaasi karin kulaylka ka soo baxa. Sawirrada iyo kulaylka ka soo baxaya goobta ayaa la daraaseeyaa, sidaa ayaana lagu go’aamiyaa halka qofku taagan yahay, fogaanta uu u jiro, iyo inuu yahay qof ama xayawaan. Isha: BBC The post Maxaad ka ogtahay bustaha Shabaab ‘kaga dhuuntaan’ duqeymaha diyaaradaha? appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo weli ku sugan magaalada New York ayaa halkaasi kula kulmay Xildhibaan Ilhaan Cumar. Ilhaan oo kamid ah Aqalka Wakiilada dalka Mareykanka oo salaan ugu tegtay ra’iisul wasaaraha ayaa yeeshay wada-hadal gaar ah, sida uu baahiyay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Xildhibaan Ilhaan ayaa ka wada-hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Waxay sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii ay dowladda Mareykanka usii ballaarin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya, xilli uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada. Dhinaca kale, ra’iisl wasaaraha oo ka qeyb-galay kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka, ayaa waxa uu kaga warrmay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka ku tillaabsanayo. Mudane Xamza ayaa kulanka warbixin ka siiyey dadaallada lagu hiigsanayo yoolasha horumarka waara ee Soomaaliya ka socda iyo sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka lagu soo dabbaalo amni, xasillooni iyo baraare loo aayo, tiiyoo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saboolnimo, colaad iyo daruufo kale oo ka dhashay isbedelka cimilada oo ku gudban in sidii la rabay looga libkeeno yoolasha qaarkood. Wuxuu sheegay in xukuumadda federaallka Soomaaliya ay qorshaha horumarinta qaranka (NDP9) ku jaangoysey yoolasha horumarka waara ee QM. Sidoo kale wuxuu si gaar ah u xusay in laga soo billaabo 2017-kii lagu guuleystey in hoos loo dhigo heerka saboolnimada 15%, sidoo kalena la yareeyey umul-raacashada haweenka 43%, halka heerka wax akhristaka haweenka da’doodu u dhexeyso 15-24 sare loo qaaday 12.4%. Ra’isul Wasaaraha ayaa mar uu ka hadlayey tallaabooyin u qorsheysan dowladda, si loo gaaro yoolasha horumarka waara, wuxuu daaha ka rogey qorsheyaal lagu kobcinayo karaanka dadweynaha, sida maalgashi lagu sameeyo tayada waxbarashada, baahinta fursadaha waxbarashada dalka, hoos u dhigista wax qoris iyo akhiris la’aanta iyo abuurista dugsiyo farsamada gacanta ah. Wuxuu intaas ku daray in dowladdu mudnaan gaar ah siineyso taabba-gelinta hannaan lagu kobcinayo wax soo-saarka beeraha dalka, iyada oo la adeegsanayo farsamooyin casri ah oo wax ka taraya beeqaaminta biyaha iyo waraabka, si looga gaashaanto saameynta daran ee ka dhalata isbeddelka cimilada oo Soomaaliya u nugushahay. Si taas loo suurto-geliyana, ra’iisul wasaaruhu wuxuu tibaaxay in Soomaaliya ay firfircoon qaadaneyso dadaallada caalamiga ah ee lagu hiigsanayo yoolasha horumarka waara. The post Sawirro: Xamza iyo Ilhaan Cumar oo wada-hadal gaar ah ku yeeshay New York appeared first on Caasimada Online.
-
Ottawa (Caasimada Online) – Canada ayaa waxay ku eedeysay dowladda India inay ku lug leedahay dilka hoggaamiye Canadian ah oo kasoo jeeda bulshada Sikh, kaasi oo ka dhacay meel u dhow magaalada Vancouver, bishii June. Eedeyntan ayaa dhalisay in labad dal ay isugu jawaabaan diblomaasiyiin la eryey kadib markii New Delhi ay eedeyntaas diiday kuna tilmaamtay “doqonimo.” Eedeymaha ayaa sii xumeeyey xiriirka markii hore liitay ee Ottawa iye New Delhi oo hadda gaaray heer cusub oo hoose. Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau ayaa u sheegay kulan deg deg ah oo baarlamanka uu yeeshay in dowladdiisa ay hayso “xog la isku haleyn karo” oo wakiilo Indian ah la xiriirinaya dilka Hardeep Singh Nijjar, oo ahaa hoggaamiye Sikh dibad-joog ah, kaasi oo ka dhacay gobolka British Columbia “Ku lug lahaanshaha dowlad kasta ee dilka muwaadin Canadian ah oo ka dhaca ciidda Canada waa xadgudub aan la aqbali karin oo lagu sameeyey madax-bannaanideena,” ayuu yiri Trudeau. Wuxuu ugu baaqay dowladda India “in habka ugu xooggan ee ugu macquulsan” ay ugala shaqeyso xal u helidda arrintan. Wasiirka Arrimaha Dibedda Melanie Joly ayaa sheegtay in xukuumadda Trudeau ay qaaday tallaabo deg deg ah. “Maanta waxa aynu Canada ka cayrinay diblomaasi sare oo Indian ah,” ayey tiri ayada oo aan magacaabin sarkaalka. Jolie ayaa sheegtay in sarkaalka la eryey uu yahay madaxa Garabka Cilmi-baarista iyo Taxliilinta ee sirdoonka India ee Canada. Wasaaradda Arrimaha Dibedda India ayaa Talaadadii diiday ku lug lahaanshaha dhimashada Nijjar, waxayna sheegtay inay ku amartay diblomaasi sare oo Canadian ah oo aan la magacaabin inuu dalka uga baxo shan maalmood gudahood. “Eedeymaha ku saabsan ku lug lahaanshaha dowladda India ee ficil kasta oo rabshadeed oo gudaha Canada ah waa nacasnimo,” ayey wasaaradda arrimaha dibedda ku tiri bayaan, ayada oo intaas ku dartay “waxaan nahay nidaam dimoqraadi ah, oo ay si xooggan uga go’an tahay ku dhaqanka sharciga.” Waxay sheegtay in Trudeau — oo bishan booqday New Delhi si uu uga qeyb-galo shir madaxeedka G20 — uu eedeymo kuwan la mid ah la wadaagay dhiggiisa Narendra Modi, islamarkaana “si buuxda loogu gacan sayray.” Go’aanka wasaaraddu ku cayrisay diblamaasi Canadian ah waxa uu ka tarjumayaa “walaaca sii kordhaya ee ku aaddan farogelinta diblamaasiyiinta Canada ee arrimaha gudaha iyo ku lug lahaanshaha dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah India,” ayey raacisay. Nijjar, oo India ay ku calaameysay argagixiso la baadi-goobayo, ayaa 18-kii June lagu dilay Surrey, oo ah xaafad ku taalla duleedka Vancouver, oo hoy u ah bulsho ballaaran oo Sikh ah. Canada waa dalka ay ku nool yihiin bulshada ugu badan ee Sikh ah ee caalamka ka baxsan India. Nijjar ayaa u ololeeyey in la sameeyo dal madax-banaan oo Sikh ah, oo laga abuurayo qaybo ka mid ah waqooyiga India iyo xitaa qayb ka mid ah Pakistan. New Delhi ayaa ku eedeysay Nijjar inuu weeraro argagixiso ka fuliyey India, eedeyntaas oo uu beeniyey. AFP + VOA The post Xiisad xooggan oo ka dhex qaraxday Canada iyo India kadib hogaamiye la dilay appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka qayb-galay kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa khudbad uu ka jeediyey kulanka lagu gorfeynayey hiigsiga yoolasha horumarka waara ayaa wuxuu kaga warramay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka ku tillaabsanayo. Mudane Xamza ayaa kulanka warbixin ka siiyey dadaallada lagu hiigsanayo yoolasha horumarka waara ee Soomaaliya ka socda iyo sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka lagu soo dabbaalo amni, xasillooni iyo baraare loo aayo, tiiyoo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saboolnimo, colaad iyo daruufo kale oo ka dhashay isbedelka cimilada oo ku gudban in sidii la rabay looga libkeeno yoolasha qaarkood. Wuxuu sheegay in xukuumadda federaallka Soomaaliya ay qorshaha horumarinta qaranka (NDP9) ku jaangoysey yoolasha horumarka waara ee QM. Sidoo kale wuxuu si gaar ah u xusay in laga soo billaabo 2017-kii lagu guuleystey in hoos loo dhigo heerka saboolnimada 15%, sidoo kalena la yareeyey umul-raacashada haweenka 43%, halka heerka wax akhristaka haweenka da’doodu u dhexeyso 15-24 sare loo qaaday 12.4%. Ra’isul Wasaaraha ayaa mar uu ka hadlayey tallaabooyin u qorsheysan dowladda, si loo gaaro yoolasha horumarka waara, wuxuu daaha ka rogey qorsheyaal lagu kobcinayo karaanka dadweynaha, sida maalgashi lagu sameeyo tayada waxbarashada, baahinta fursadaha waxbarashada dalka, hoos u dhigista wax qoris iyo akhiris la’aanta iyo abuurista dugsiyo farsamada gacanta ah. Wuxuu intaas ku daray in dowladdu mudnaan gaar ah siineyso taabba-gelinta hannaan lagu kobcinayo wax soo-saarka beeraha dalka, iyada oo la adeegsanayo farsamooyin casri ah oo wax ka taraya beeqaaminta biyaha iyo waraabka, si looga gaashaanto saameynta daran ee ka dhalata isbeddelka cimilada oo Soomaaliya u nugushahay. Si taas loo suurtogeliyana, ra’iisul wasaaruhu wuxuu tibaaxay in Soomaaliya ay firfircoon qaadaneyso dadaallada caalamiga ah ee lagu hiigsanayo yoolasha horumarka waara. Dhanka horumarinta xaquuqda aadanahana, ra’iisul wasaaraha wuxuu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu dardar-gelineyso ciribtirka cunfiga iyo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed, isaga oo ballanqaaday in la xaqiijinayo sidii haweenku uga dhex muuqan lahaayeen hoggaanka dalka. The post Aqriso: Khudbada uu Xamza ka jeediyay kalfadhiga QM iyo arrimaha uga hadlay appeared first on Caasimada Online.
-
What happened in and around the city of Laascaanood between December 6, 2022, and August 25, 2023, is one of the most impactful historical events in Somalia for the 21st century so far. A group of idealistic and daring youth called "Jamaahiirta" (borrowed Arabic term meaning the masses) decided to take on and challenge once formidable Somaliland control of Laascaanood, the capital of the Sool region in northern Somalia and consequently, the rest of SSC-Khaatumo territories. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka ka dhanka aragagixisada ayaa waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson. Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson oo dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeysay guulaha laga gaaray dagaalka Al-shabaab ayaa Madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Karin ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan howgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab iyo sigidda amniga dalka, Madaxweynaha ayaana u xaqiijiyay Danjiraha in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku mideysan yihiin inta badan xisbiyada iyo siyaasiyiinta deegaanada maamulkaas ayaa soo saartay bayaan xasaasi, iyagoo lix arrimood oo culus ku eedeeyey Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni. Siyaasiyiintaan oo ka cabanaya hanaanka uu doorashooyinka Puntland u wado am aka damacsan yahay Saciid Deni ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu Puntland u horseeday ‘hubanti la’aan amni iyo mid siyaasadeed’. Eedeymaha Madashaan ay u jeedineyso Madaxweyne Saciid Deni waxaa ugu waaweyn inuu abuuray qalalaase dastuur iyo mid amni, waxayna eedeymaha dastuurka ka soo saareen lix qodob oo kala ah: 1 – In dastuurka la bedelay iyadoo loo maray sifo aan sharci aheyn. 2 – In Maxkamadda Sare oo aheyd laf-dhabarta dowladnimada Puntland la hoos geeyey oo awoodeedii uu la wareegay baarlamaanka, taas oo abuurtay qalalaase dastuur. 3 – In la sameeyey codeyn aan sharci aheyn oo abuurtay iska horkeen bulsho. 5 – In daacad xumadii xukuumadda ay sababtay inay ururradii siyaasadda is qabqabsi, boob iyo in la kala dhaco. 6 – Madashu waxay mar kale ka digeysaa ku dhaqmid la’aanta shuruucda dalka ee Saciid Deni uu wado, taas oo khatar ku ah dowladnimada Puntland. Madasha siyaasadda Puntland ayaa lixdaas qodob sii raacisay inay ka walaacsan tahay sida ay noqon karaan xaaladaha amni ee magaalooyinka Puntland. “Xukuumadda uu muddo xileedkeedu sii dhamaanayo waxay canshuurtii dadka reer Puntland iyo bixinta mushaaraadka ciidanka u adeegsaneysaa olole siyaasadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Madasha. Hoos ka akhriso The post Madasha Siyaasadda Puntland oo Saciid Deni ku eedeysay labo arrimood oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo ka qaybgalaya kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee QM oo ka socda magaalada New York, ayaa khudbad uu ka jeediyey kulan lagu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara wuxuu kaga warramay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalku ku tillaabsanayo. Ra’isul Wasaare Xamsa ayaa kulanka warbixin ka siiyey dadaallada lagu hiigsanayo Yoolasha Horumarka Waara ee Soomaaliya ka socda iyo sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka lagu soo dabbaalo amni, xasillooni iyo baraare loo aayo, tiiyoo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saboolnimo, colaad iyo daruufo kale oo ka dhashay isbedelka cimilada oo ku gudban in sidii la rabay looga libkeeno yoolasha qaarkood. Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Federaallka Soomaaliya ay Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP9) ku jaangoysey Yoolasha Horumarka Waara ee QM, wuxuuna si gaar ah u xusay in laga soo billaabo 2017-kii lagu guuleystey in hoos loo dhigo heerka saboolnimada 15%, sidoo kalena la yareeyey umul-raacashada haweenka 43%, halka heerka wax akhristaka haweenka da’doodu u dhexeyso 15-24 sare loo qaaday 12.4%. Ra’isul Wasaare Xamsa mar uu ka hadlayey tillaabooyin u qorsheysan dowladda, si loo gaaro Yoolasha Horumarka Waara, wuxuu daaha ka rogey qorsheyaal lagu kobcinayo karaanka dadweynaha, sida maalgashi lagu sameeyo tayada waxbarashada, baahinta fursadaha waxbarashada dalka, hoos u dhigista wax qoris iyo akhiris la’aanta iyo abuurista dugsiyo farsamada gacanta ah. Ra’isul Wasaare Xamsa wuxuu intaas ku daray in dowladdu mudnaan gaar ah siineyso taabbagelinta hannaan lagu kobcinayo waxsoosaarka beeraha dalka, iyadoo la adeegsanayo farsamooyin casri ah oo wax ka taraya beeqaaminta biyaha iyo waraabka, si looga gaashaanto saameynta daran ee ka dhalata isbeddelka cimilada oo Soomaaliya u nugushahay. Si taas loo suurtogeliyana, Rai’sul Wasaaruhu wuxuu tibaaxay in Soomaaliya ay ay firfircoon qaadaneyso dadaallada caalamiga ah ee lagu hiigsanayo Yoolasha Horumarka Waara. Dhanka horumarinta xaquuqda aadanahana, Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre wuxuu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu dardargelineyso ciribtirka cunfiga iyo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed, isagoo ballanqaaday in la xaqiijinayo sidii haweenku uga dhex muuqan lahaayeen hoggaanka dalka. PUNTLAND POST The post Ra’isul Wasaare Xamsa oo Khudbad ka jeediyay Shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
-
Xudur (Caasimada Online) – Caddow Xassan Cabdi Cali oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka hay’adda Nabad-sugidda Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool. Caddow ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa illaa 2013-kii, wuxuuna ugu dambeyntii uu maanta go’aansaday inuu isku dhiibo dowladda, isaga oo kooxda kala soo goostay qori AK47 ah iyo booshkiisa. Ninkan oo warbaahinta dowladda ay soo bandhigtay ayaa waxa uu sheegay in uu kooxda uga soo baxay kadib markii uu fahmay dhagarta Khawaarijta, isaga oo ka faaideysanaya cafiska dowladda. Caddow oo kooxda kaga biiray degmada Xudur ayaa waxa uu tababar kusoo qaatay deegaanno hoostaga gobolka Galgaduud, wuxuuna kamid ahaa sanadaha uu ka tirsanaa kooxda qeybta ay ugu yeerto jabhadda. Waxa uu kasoo qeyb qaatay dhowr dagaal oo ka kala dhacay gobollada dalka, taasi oo markii dambe sababtay in uu isku dhiibo ciidamada dowladda kadib markii ciidamad dowladda iyo shacabka hubeysan ay guullo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Caddow oo la hadlay laamaha amniga ayaa sheegay in uu fahmay dhagarta kooxda, isaga oo saaxiibadiis kale ee weli ku harsan kooxda ugu baaqay inay isaga soo baxaan, ayna ka faa’iideystaan fursadda cafis ee dowladda u fidisay. Si kastaba, isa-soo dhiibista Caddow ayaa kusoo aadeysa xilli gobollada dalka ay ka socdaan howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo uu hormuud ka yahay madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo ka badan hal bil u jooga Dhuusamareeb cirib-tirka kooxaha argagixisada. The post Caddow Xasan Cabdi oo 10 sano kadib u soo gacan galay dowladda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in kooxda Al-Shabaab maanta laga qabsaday fariisinkii ugu waynaa ee ay ku laheyd gobolka Mudug. Magaalada Camaara oo maanta soo gashay gacanta dowladda ayaa ka dhigan in kooxda guud ahaan magaalooyinkii ugu muhiimsanaa gobolka Mudug ay maanta xor ka yihiin, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. “Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa Khawaarijta kala wareegay inta badan fariisimihii ugu muhiimsanaa cadawga ee gobolka Mudug,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda. Sidoo kale waxaa kooxda laga xoreeyay magaalooyin ay kamid yihiin Bacaadweyn, Xin-labi iyo deegaano kale oo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah; Galxagare, Hul-doonyaale, Sirgo iyo Qod-Qod. “Magaalada Camaara oo maanta soo gashay gacanta dowladda oo ahayd fariisinkii ugu waynaa Khawaarijta ee gobalka Mudug ayaa qiyaastii 208-KM u jirta magaallo madaxda gobolka ee Gaalkacyo, waxaana guushaan laga gaaray cadawga ay ka dhigan tahay in guud ahaan magaalooyinkii ugu muhiimsanaa gobolka Mudug ay maanta xor ka yihiin Khawaarijta.” Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo Geesiyaasha deegaanka ayay sheegtay dowladda in muddadii ay ku jireen hawl-gallada guulaystay ee Khawaarijta looga saaray inta badan gobolka Mudug ay dagaal-yahaanada kooxda gaarsiiyeen jab xooggan. Bayaanka kasoo baxay dowladda ayaa ugu dambeyntiina waxaa loogu mahad-celiyay shacabka hubeysan ee ka barbar dagaalamaya ciidanka dowladda, kuwaasi oo iyagu go’aansaday inay cadowga ummadda Soomaaliyeed ee argagixisada ah iska dul qaadaan, garabna istaagaan ciidanka qaranka. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan. The post Dowladda oo shaacisay in Al-Shabaab ay lumisay fariisinkii ugu weynaa ee MUDUG appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Global investors wielding US$500 billion in capital eye new opportunities in world’s fastest growing economies at inaugural SuperBridge Summit Dubai Leader in China’s AI movement; Asia’s ‘number one’ economist; and one of Mid East’s most powerful businesswomen among headliners confirmed for debut forum Access Multimedia Content DUBAI, United Arab Emirates, September 18, 2023/ — One of Japan’s largest investment firms with more than US$500 billion in assets under management (AUM) is spearheading an indomitable presence of Asian capital power at a UAE conference next month transforming a new global economy. The inaugural SuperBridge Summit, taking place from 16-17 October 2023 at Dubai’s iconic Museum of the Future is a unique platform converging more than 500 investors, business, government, policy and cultural leaders from 20 countries to accelerate investment and co-creation opportunities in hitherto untapped and under-explored markets. Channelled through future-focused outcomes, it will intensify collaborations in the world’s largest and rapidly expanding economies, including China, India, Indonesia, Vietnam, Brazil, UAE, Saudi Arabia, South Africa, and Nigeria, which, according to estimates, will collectively contribute over 45 percent of the world’s GDP by 2050. The powerful two-day forum has confirmed a diverse international line-up of influential speakers seen for the first time in the Middle East, including Dr. Tuan Le Anh, Chief Investment Officer of Dragon Capital in Vietnam, and Takashi Maruyama, Chief Investment Officer, Asset Management One, Japan’s second largest asset management fund with half a trillion USD in AUM. Joining more than 60 speakers from across the globe, Dr. Tuan and Mr. Maruyama will unlock the multifaceted investment value of cross-border capital allocation for the world’s estimated US$11.3 trillion worth of sovereign wealth funds. Mr. Maruyama said cross-regional investments can play a beneficial role when building an investment portfolio, mitigating risk while offering the chance of superior returns. “However, they do expose investors to divergent regulatory frameworks, cultural nuances, and geopolitical dynamics,” he said. “Japan’s equity market has long been neglected by global investors despite the rally this year that captured wide attention.” “I am looking forward to presenting the case of investing in Japan at SuperBridge Summit in Dubai, and doing a deep dive into the due diligence and strategic considerations that investors need to look at before embarking on the cross-regional journey.” AI foundation models to advance research around cancer and other diseases Reconciling future missions with today’s realities, SuperBridge Summit Dubai will connect the world’s new leaders, accelerating growth and prosperity via the most pertinent topics and issues under the overarching theme of Connectivity, Liveability, Sustainability, and Investments in a New Global Economy. Dr. Hongjiang Zhang, Advisor to the Beijing Academy of AI in China, an award-winning computer scientist, holder of more than 150 patents, a Chinese AI guru, and author of numerous books, will sit on an executive panel unleashing AI for practical purposes in the real world. Joined by prominent global AI leaders, Dr. Zhang’s session arrives as new research suggests generative AI, the type that powers LLM (large-language-model) technology, will generate $4.4 trillion (https://apo-opa.info/3Pq9zqV) in new value annually, unleashing a new wave of AI diffused productivity. Dr. Zhang said the huge technological breakthrough in AI foundation models has catalysed a new turning point in the third wave of this cutting-edge tool: “As a fundamental platform, the AI foundation model will become the next generation of super entrance, systematically promoting industries into new paradigms, and making critical contributions to the efficiency revolution in various industries,” said Dr. Zhang, pointing to pharmaceuticals as a prime beneficiary. “The Beijing Academy of Artificial Intelligence has made significant progress in using foundation models to reduce the design complexity of macromolecular drugs, and is expected to be applied in new treatment plans for diseases such as cancer. “The foundation model will also greatly improve the production efficiency of traditional industries, such as finance, education, agriculture, manufacturing, and other fields, and will change the manufacturing process, production mode, and business model of these traditional industries.” A pioneering initiative by KAOUN International, a subsidiary of Dubai World Trade Centre (DWTC), and the SuperBridge Council, the SuperBridge Summit Dubai is held in partnership with the 43rd edition of GITEX Global, the world’s largest and most influential tech event hosted in Dubai, attracting tech executives and investors from 170 countries. Other headline speakers confirmed for the visionary programme include Dr. Jun Ma, Founder and President of China’s Institute of Finance and Sustainability, and Asia’s number one economist according to Institutional Investor; Noor Sweid, General Partner at Global Ventures, and ranked among the Forbes 100 most powerful Middle East businesswomen in 2023; and Lionel Zinsou, Founder and Managing Partner of SouthBridge Group, a financial advisory service company dedicated to Africa. For more information and media registration: www.SuperBridgeDubai.com. Qaran News
-
Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa darajada Gaashaanle Sare u dalacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, waxa uuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa u rajeeyay Taliyayaasha cusub in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka, isagoo bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo Argagixisada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay Taliyaal Ciidan appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa darajada Gaashaanle Sare u dalacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, waxa uuna u magacaabay Taliyaha ciidanka dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa u rajeeyay Taliyayaasha cusub in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo Khawaarijta. Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay maanta oo Isniin ah, 18-ka Sebteembar 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Taliyaha ciidanka dhulka ayaa dhawaan lala magacaabay taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka, balse hadda ayaa laga qaaday xilkii waxaana loo magacaabay Gaashaanle Sare Dayax Cabdi oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sareysa GorGor, sidoo kale sarkaalkaan wuxuu Madaxweynuhu dalacsiiyey hal darajo. Hoos ka eeg sawirrada saraakiisha la magacaabay: The post DEG DEG: Madaxweyne Xasan oo is bedel ku sameeyey Taliska sare ee ciidanka xoogga dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa darajada Gaashaanle Sare u dalacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, waxa uuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa u rajeeyay Taliyayaasha cusub in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka, isagoo bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga saaro Al-shabaab. Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay maanta oo Isniin ah, 18-ka Sebteembar 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, magacaabistaan ayaa kusoo aadaya xilli uu socdo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa sare u kac xooggan laga daremayaa qiimaha lagu kala iibsado suuqyada magaalada Muqdisho qudaarta loo yaqaano Cambaha, kaas oo qeyb weyn uga jira kuwa loogu isticmaalka badan yahay. Camabaha ayaa ka mid ah qudaarta waqyiyada qaar soo go’a aadna nuucyo kalae duwan loogu isticmaalo, si gaar ah cunista iyo cabitaan ahaan, wuxuuna aad uga baxaa dalkeena iyo meelo kale. Cambaha ayaana ku jiraa miraha ugu caafimaadka badan ee la cuno marka laga hadlaayo Qudaarta, waxaana xilligaan uu gaaray qiimihii ugu sareeyey ee abid lagu kala iibsado halka xabo ee Cambaha ah ayaa gaaray $2. Mid kamid ah ganacsatada suuqa qudaarta ee Suuqa Xamarweyne oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in ay ugu wacan tahay in laga baxay xilligiisa “Cambaha Waxuu leeyahay xilli uu soo go’o sanad weliba waqtigaan oo kle waa xilli dabeyleed taas ayaana sabab u ah in loo waayo cambaha ama uu sare u kaco “ ayuu yiri. Sidookle ganacsadaha oo hadalkiisa sii wato Waxaa uu Goobjoog uu sheegay in qiimaha Cambaha uu ahaa 0.5 dollar, halka hadda uu joogo xabaddii cambaha ah qiima dhan 2$ “Waxaa yaraaday dadka iibsanaya cambaha maadaama uu aad u qaaliyoobay dadku wax ay gadanayaan qudaarta kle sida isbaandheyska” ayuu sii raaciyay. Dhanka kale ganacsadaha ayaa sheegay in suuqa qudaarta kaliya uusan ka qaaliyoobin Cabaha oo kaliya, laakiin ay jiraan nuucyo kale oo qudaar ah oo sare u kac laga dareemayo “Camabaha kaliya qiimihiisa isma baddalin sidookle suuqyada qaar ayaa laga waayay ganacsatadana waa ay ku adkaatay in ay keenaan” ayuu yiri. Sanadkasta xiligan oo kale ayaa camabaha laga waayaa suuqyada magaalada Muqdisho iyadoo sidooklana uu sare u kac ku yimaado qiimaha la kala soosto, waxaana ugu wacan in xilligaan jiilaalka aysan inuu Cambuhu yahay mid qiimihiisa uu aad u hooseeyo, waxaa sidoo kale jira in qudaarta qaar ay sare u kac uu ka jiro. W/Q/ Shukri Cumar Yuusuf Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta gaaray deegaanada Nuur-dugle iyo Caddaan Laxey ee Gobolka Shabeelada dhexe, si uu qeyb ka noqdo dardargelinta howlgallada ka socda Bariga Gobolka Shabeelaha Dhexe. Duqa Muqdisho ayaa sii maray deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, oo uu ku dhiirageliyay Ciidamada Qaranka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ee kaalinta ka qaatay in Al-shabaab laga saato Gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale waxa uu booqday furimaha ay Gobolka Sh/dhexe kaga sugan yihiin Ciidamo ay hogaaminayaan Guddoomiyeyaal ka tirsan Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir oo iyagu qeyb ka ah Dagaalka dalka ka socda eek a dhanka ah Al-shabaab. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Ciidamada Qaranka iyo Xoogaga Difaaca shacabka kula dar-daarmay in la dar-dargeliyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo uu hormuud u yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Xasan Shiikh Maxamuud. Safarka dhiiragelinta CXD iyo dar-dargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee uu Duqa Muqdisho ku gaaray Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay tusaale u tahay in qof waliba ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii uu ugu qeyb qaadan lahaa Dagaalka ka dhanka ah kooxda , iyadoona horey uu Maamulka Gobolka Banaadir taageero dhinac weliba leh uu la garab taagnaa CXD iyo kuwa Deegaanka ee dagaalka kula jira Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson. Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka ka dhanka aragagixisada ayaa waxay danjiraha cusub ee Midowga Yurub ugu hambalyeysay dowladda shacabka Soomaaliyeed guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab. Marwo Karina Johansson ayaa sidoo kale waxay madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wada-shaqaynta ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Karin ayaa ka wada-hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan howl-gallada sifeynta kooxaha argagixisada iyo sugidda amniga dalka. Madaxweynaha ayaa intii kulanka socday u xaqiijiyay danjiraha in dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday. Xasan ayaa weli magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Dhuusamareeb u jooga dardar-gelinta dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, xilli ay socdaan howl-galladii u dambeeyay ee lagu soo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka. Si kastaba, wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado gulufka uu madaxweynuhu xarunta uga dhigtay Dhuusamareeb, kaasi oo dhameystir u ah wejiga hore ee dagaalka, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay… appeared first on Caasimada Online.
-
Baanka Dhexe oo Digniin kama Dambays ah u diray Sarifleyaal Xadgudbay Hargeysa(Qaran news)- Baanka dhexe ee Somaliland ayaa digniin kama dambays ah u diray sarrufleyaal ku xadgudbay sarrifka lacagaha qalaad oo ay lacag dheeraad ah ku daree qiimihii baanku u jaray. Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Baanka Dhexe ee Somaliland, waxana digniintaas lagu socodsiiyay 10 sarrifle oo lagu arkay inay qiime dheraad ah wax ku sarifaan. Warqadaas digniinta ahina waxay u qornayd sidan:- Qaran News
-
Guddidii is waafajinta Doorashooyinka oo Gudogalay Naaqishadaada Talooyinkii ay Ururiyeen iyo soo saarista Qaraarka ay horkeenayaan Wakiillada Hargeysa(Qaran news)-Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiillada JSL oo weli ku guda jira hawlihii shaqo ay gacanta ku hayeen ka dib markii Todobaadkii la soo dhaafay ay soo gabo-gabeeyeen 16 kulan wada-tashi oo ay 16 hay’addood kala duwan la yeeshen, ayaa Maalintii Sabtida 16 September gudo-galay wejigii labaad qorsha-hawleedkooda oo ah falanqaynta iyo naaqishida xeerarka oo ku salaynayaan waxyaabihii uga soo baxay kulamadii hay’addihii ay la kulmeen. Fadhiyadii saddexdii fadhi ee ugu dambeeyay oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Gudidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), waxay bilaabeen iskugurka, naaqishida iyo ka doodidda Xeerarka Doorashooyinka khuseeya oo kala ah Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Cod-bixyayaasha Xeer Lr. 91/2020 iyo iyo Xeerka Ururrada Axsaabta Siyaasada Xeer lr. 14/2011. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo kulankii maanta Guddida kala qayb-galay ayaa Gudidda ku amaanay sida xil-kasnimada leh ee ay hadh iyo habeen u shaqaynayaan, wuxuuna ugu duceeyay in hawsha Illaahay u fududeeyo, isagoo ugu dambeyn ku boorayay inay hawsha dedejiyaan oo sida ugu dhakhso badan gole weynaha ugu soo celiyaan si uu waajibaadkiisa uga guto. Hadaba, Gudiddu waxay Fadhiyadii Sabtidii iyo Axadii ka dooddeen Xeerka Doorashooyinka Guud Xeer Lr. 91/2020 iyagoo falanqayntooda ku salaynaya wixii uga soo baxay kulamadii wada-tash. halka Fadhigii saakana guda-galeen Xeerka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasada Xeer Lr. 14/2011, Xeerarkaas oo gabo-gabo ku dhow Waxa u qorshaysan inay fadhiyada soo socda ay soo gabo-gabeeyaan hawsha Xeerarkaas oo ay saxal tireen, wixii gal-daloolooyin ku jirayna ka saxay, isla markaana waafajiyeen oo ay ku saleeyeen baahiyaha doorasho ee taagan si doorashooyin hufan oo wanaagsan inoogu dhacaan. Qaran News
-
Doolow (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya qarax xooggan oo maanta ka dhacay gobolka Gedo. Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan kuwa dowladda, wuxuuna qabsaday xilli ay marayeen waddada xiriirisa magaalooyinka Luuq iyo Doolow. Kolonyada qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay inuu qeyb ka ahaa abaanduulaha ciidamada milateriga guutada 10-aad, qeybta 43-aad ee gobolka Gedo, Gaashaanle Dhexe Cabdirashiid Maxamed Cismaan (Rashiid Bohol). Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu sababay dhimasho iyo dhaawac. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan. Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa uu haleelay gaariga uu saarna abaanduulaha, islamarkaana uu dhaawac kasoo gaaray, halka ay ku dhinteen lix askari oo kale. Dhaawaca abaanduulaha guutada ayaa sidoo kale waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana la sheegaya in uu yahay mid fudud, iyada oo islamarkiiba la geeyay degmada Luuq ee gobolkaasi. Qaraxa oo loo maleynayo inuu ahaa nooca loo yaqaano Miinada ayaa waxa uu kusoo aadaya xilli kooxda ay culeys xooggan wajaheyso, uuna dagaal xooggan kaga socdo gobollada dhexe, islamarkaana laga qabsaday degmooyin iyo deegaano muhiim ah. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa horay weeraro iyo dilal shirqool ah oo lagu bartilmaameedsaday masuuliyiin muhiim ah ka geystay gobolka Gedo, oo iyagu weli gacanta ku haya deegaano ka tirsan gobolkaasi. The post Faah-faahinta qarax ka dhacay gobolka GEDO + bartilmaameedka appeared first on Caasimada Online.
-
The Somali Leadership Awards proudly recognizes and celebrates the outstanding contributions of Prof. Dr. Sadia Siad, Chancellor of Hano Technical University and Hano Academy. Prof. Dr. Siad has been honored with a prestigious award in recognition of her exceptional dedication to the community. Source: Hiiraan Online
