Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan wadajir ah kula qaatay magaalada Dhuusamareeb, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Gudoomiyaha Aqalka Sare, mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kala hadlay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo dardar galinta dagaalka Al-shabaab. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa warbixin ka siiyay guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka dalka guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka Al-shabaab oo bilooyinkii lasoo dhaafay si dardar leh uga socday deegaanada dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, isaga oo soo bandhigay sida ay lagama maarmaanka u tahay in loo midoobo sidii waqti kooban looga saari lahaa deegaanada ay wali kaga sugan yihiin dalka. Dhankooda, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda oo Dhuusamareeb u yimid dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo garab istaagga kacdoonka shacabka Soomaaliyeed ay uga qaybqaadanayaan dagaalka Al-shabaab ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku bogaadiyay doorkiisa hoggaamineed iyo sida uu muhiimadda koowaad uga dhigay la dagaalanka Al-shabaab , iyaga oo xusay in ay si buuxda u garab taaganyihiin ciidamada qaranka iyo kuwa difaaca shacabka ee u taagan dagaalka lagula jiro Al-shabaab ee looga saarayo dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa warqad furan oo la xiriirta dagaalka kooxda Al-Shabaab u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Cosoble ayaa marka hore waxa uu qoraalkiisa ku sheegay inuu aaminsan yahay in madaxweynaha ay ka go’an tahay cirib-tirka Al-Shabaab, hase yeeshe uusan si fiican u dersin beelwaynta Mogadishu Clan iyo kooxda dagaalka lagula jiro, sida uu sheegay. “Beelaha waaweyn ee Mogadishu Clan marka laga reebo beesha Xawaadle, waa hore ayey soo faarujiyeen degaannadooda Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe. Wexey xoogooda ku sugan yihiin Gobolka Banadir. Saddexda malyan ee la yirahdo Muqdisho ayey ku nooshahay 80% waa HG, AB iyo MR,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Cosoble. Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweynaha oo haatan hoggaaminta dagaalka xarun uga dhigtay Dhuusamareeb ay kooxda Al Shabaab uga xog ogaalsan tahay dabeecadaha ciidanka iyo ciladaha jira ee tahay inuu fahmo madaxweynaha. Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble oo dhameystiran; Ku: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Mudane Madaxweyne waxaan aaminsanahay iney kaa go’an tahay inaad dalka ka sifeyso Al Shabab, balse waxaa ii muuqata inaadan Mogadishu Clan iyo Al Shabab si fiican u dersin. Marka aan soo qaato Mogadishu Clan, waxaa jira laba cillad ah oo u baahan in la fahmo: 1) Beelaha waaweyn ee Mogadishu Clan marka laga reebo beesha Xawaadle, waa hore ayey soo faarujiyeen degaannadooda Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe. Wexey xoogooda ku sugan yihiin Gobolka Banadir. Saddexda malyan ee la yirahdo Muqdisho ayey ku nooshahay 80% waa HG, AB iyo MR. Reerahan wexey soo naqraaceen barwaaqada ama dhaqaalaha yaalla Xamar, waana sababta marka degaan la xoreeyo loo weynayo shacabkii degaanka. Haddaad xasuusato beryihii ay dagaallada ka socdeen carriga Xawaadle waxaa baraha bulshada lagu arkayay Macawiisley habqan ah oo kumanaan ah oo tuulo kasta dagaal ka wada, halka hadda dagaalada ka socda Galgaduud iyo Sh/Dhexe la arkayo tirooyin aad u yar oo macawisley ah una badan dad waaweyn iyo ciidanka Xogga Dalka. 2) Cilladda labaad wexey tahay Madaxweyne iney Al Shabaab kaaga xog ogaalsan yihiin dabeecadaha ciidanka. Wexey ogyihiin iney saraakiisha ka soo jeeda degaannadaa u badan yihiin dad hantiileyaal ah oo Xamar nolol fiican ku heysta, dagaalka ay galayaanna wexey ku rabaan dallacaad. Nin dallacaad raadis ah maa raba inow dagaalka ku dhinto? Nin waxoogaa nolol ah ku heysta Xamar maa raba dhimasho? Ma waxey kula tahay ineysan Shabaab intaa fahamsaneyn? Wey fahamsan yihiin, marka la soo aadana wey banneeyaan aagga, kuweenana markey degaanka la wareegaan habeen ama labana joogaan wexey abuuraan mu’aamarado ay uga soo baxaan aaggii la qabtay. Madaxweyne waxaan rajeynayaa inaad fahamto cilladaha ku gadaaman dagaalka dib u xoreynta gobollada dhexe. Allah na guuleeyo. The post Cosoble oo warqad furan u diray Xasan: “Mogadishu Clan iyo Shabaab si fiican umaad dersin” appeared first on Caasimada Online.
  3. Sii hayaha xilka Safiirka Safaaradda Somalia ee Maraykanka oo booqasho maanta ku yimid Hargeysa, ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxda Somaliland, Mucaaridka, iyo ururrada Bulshada rayidka ah. Safiirka ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Madaxda Somaliland, arrinta Laascaanood sidii wada-hadal xalka loogu raadin lahaa. Sidoo kale Maraykanku wuxuu bogaadiyay Go’aankii odayaasha dhaqanku kasoo saareen Khilaafkii siyaasaddeed ee Somaliland. Dawladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ay dhiiri gelinayaan in la fuliyo oo la meel mariyo heshiiskii siyaasaddeed ee Beesha Bariga Burco, oo ay sheegeen inuu ahaa talaabo loo qaaday dhinaca doorashooyinka. Mo Source
  4. Maraykanka oo War ka soo Saaray Socdaal Danjirahoodu ku Yimi Somaliland Hargeysa(Qaran news)- Sii haya Safaarada Maraykanka ee Muqdisho, Shane Dixon ayaa soo gabogabeeyay socdaal uu ku tagay magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland. War ka soo baxay Safaarada Maraykanka, ayaa lagu sheegay in danjire Shane Dixon uu kulamo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, saraakiil ka socotay Ururrada bulshada rayidka ah, xisbiyada WADDANI iyo UCID iyo masuuliyiin ka tirsan Ururrada siyaasadda. Maraykanku waxa ay sheegeen in safiirku masuuliyiinta ay is arkeen kala hadlay nabadgelyada mandaqada, xuquuqda Aadanaha, ka qaybgalka shacbiga, ahmiyadda qabashada nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland. Warka wuxuu intaas ku daray in Maraykanku dhiirigeliyay hirgelinta heshiiskii siyaasadeed ee ay soo jeediyeen madaxda dhaqanku oo loo taabo-geliyo si togan oo loogu qabto doorashooyinka. Mr. Dixon wuxuu xoojiyay baahida loo qabo in la dejiyo xiisada Laascaanood, iyadoo loo marayo dariiq wadahadal ku sallaysan. “Wada-hadallo furan iyo u heellanaanta nidaamka dimuqraadiyadda ayaa muhiim u ah bulsho nabdoon, “ayuu yidhi Mr. Dixon oo sheegay in Maraykanku la dhacsan yahay in daneeyeyaasha Somaliland doonayaan inay wadajir uga shaqeeyaan ujeeddooyinka ay wadaagaan. Qaran News
  5. Nairobi (Caasimada Online) – A somber mood enveloped the upscale Westgate Mall in Nairobi as Kenya marked a decade since a harrowing attack by Somalia’s Al-Shabab militants claimed 67 lives. Ten years back, a four-day siege followed the attack, during which the nation’s security forces tried to regain control. In a heartfelt commemoration, government officials placed white and red roses at the mall’s main entrance, symbolizing the country’s resilience and the ever-present memories of that fateful day. Richard Maige, a survivor and gardener at the mall, poignantly recounted his narrow escape. He remembered diving into a culvert as the first gunshots echoed. Leveraging his intimate knowledge of the premises, he managed to find safety. “It is only God who saved me from the attack. Many of my colleagues perished or sustained injuries,” Maige lamented. The evolution of Kenya’s security apparatus The 2013 Westgate Mall attack became an inflection point for Kenya’s security setup. Initially, Kenyan security forces faced significant public and media backlash for their perceived disorganized response to the assault. Nevertheless, this tragic event catalyzed reforms within the nation’s security agencies. The emphasis was now on better coordination and emergency preparedness. Nicolas Delaunay, the project director for East and Southern Africa at the International Crisis Group, noted a marked difference in the country’s response to subsequent threats. “You could observe a stark contrast in the efficiency of the response to the 2019 Dusit attack compared to the Westgate assault,” he said, referencing a siege on the Dusit hotel and office complex in Nairobi. There, Kenyan security forces commendably ended the standoff in under a day, a testament to their improved operational capabilities. The ongoing fight against militancy Despite the significant strides, challenges persist. Al-Shabab militants continue to pose threats, with sporadic attacks occurring on Kenyan soil. This year alone, Al-Shabab is believed to be responsible for the death of 20 individuals in Lamu County, bordering Somalia. In a decisive response, Raymond Omollo, a senior official from the interior ministry, reiterated Kenya’s commitment. “Our end goal is to maintain supreme surveillance along our borders and intensify security operations nationwide. We aim to neutralize the enemy before they strike,” he said during the anniversary. In addition to countering militants, Kenya’s government has directed its military and security personnel to address other internal security issues. They are actively involved in operations against cattle rustlers and armed bandits, particularly in the Rift Valley region of East Africa. This tenacious spirit embodies Kenya’s resolve to ensure the safety of its citizens, even as it remembers and honors the past. The post Kenya ramps up security, a decade post-Westgate appeared first on Caasimada Online.
  6. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Khilaafkii siyaasadeed ee muddooyinkii dambe u dhaxeeyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa ugu dambeyntii la xaliyay. Cali Ciid oo wareysi siiyay telefishanka Universal ayaa waxa uu shaaciyay in la dhameeyay khilaafkii kala dhaxeeyay madaxweyne Qoor-Qoor, islamarkaana wada-shaqeyntoodu ay kusoo laabatay sidii hore iyo si ka wanaagsan, sida uu hadalka u dhigay. “Waa laga gudbay arrintaan yarta aheyd (khilaafkii) ee soo baxday. Galmudug saddex sano iyo bar ayau dhisan tahau waa khilaafkii koowaad ee banaanka usoo baxa, iyadana waa laga wada-hadlay waana laga gudbay,” ayuu yiri Cali Ciid. Waxa uu intaas kusii daray “Waqti fiican oo waddanka wax ugu qaban karno oo ku xoreyn karno ayaa inoo dhiman oo sanad iyo wax la jiro ah, waxaana looga gudbayaa midnimo iyo wada-jir.” Inkasta oo Cali Ciid uusan sheegin waxa lagu dhameeyay khilaafkii kala dhaxeeyay madaxweyne Qoor-Qoor ayaa haddana waxaa soo baxeysa in madaxweyne Xasan Sheekh oo bil ka badan ku sugan Dhuusamareeb uu labada dhinac cadaadis ku saaray “in waxa la isku hayo dhinac la iska dhigo” oo loo midoobo dagaalka Al-Shabaab. Muxuu salka ku hayay khilaafka labada masuul? Khilaafka labada nin oo mar gaaray meel sare ayaa waxa uu salka ku hayay awoodda maamulka Caabudwaaq, taasi oo uu kasoo jeedo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Ciid. Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Cali Ciid ayaa isku qabtay awoodda maamul ee degmadaas, ayada oo Qoor-Qoor uu ka horyimid xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii degmadaasi, taasi oo keentay in Cali Ciid uu tego Caabudwaaq uuna dhiso maamul cusub, isaga oo u adeegsanaya xubno ka tirsan golaha deegaanka degmada oo isaga taabacsanaa. Sidoo kale intii ay taagneyd xiisadda ayaa waxa uu madaxweyne ku-xigeenka uu soo saaray qoraal uu shaqada kaga joojinayo wasiirka arrimaha gudaha oo uu markaas ku eedeeyay in uu xagal-daaciyay dagaalkii lagula jiray Al-Shabaab. Daqiiqado kooban kadibna waxa soo baxay qoraal uu madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor uu ku beeninayo qaraarka madaxweyne ku-xigeenka. Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa sharci-darro ku tilmaamay shaqo-joojinta ku-xigeenkiisu ku sameeyay wasiirkiisa arrimaha gudaha, oo la sheegay inay aad iskugu dhow yihiin. Sidoo kale Qoor-Qoor ayaa qoraalkaas ku diiday xil ka qaadis golaha deegaanka degmada Caabudwaaq ay todobaadkii hore ku sameeyeen guddoomiyihii degmadaas, taasi oo cirka kusii shareertay khilaafka labada nin. Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa iyaduna markaas kadib kusoo biirtay xiisadda, ayada oo amartay in lasoo xiro afar kamid ah xubnaha golaha deegaanka ee Caabudwaaq, gaar ahaan kuwa taageersan madaxweyne ku-xigeenka maalin un kadib markii doorasho gole deegaan oo uu goobjoog ahaa Cali Ciid ku qabsaday magaaladaasi. Xubnahaas ayaa waxaa ku jiray guddoomiyaha iyo ku xigeenka ay shalay iska dhex doorteen afartaasi xubnood, waxayna kala yihiin Cabdinaasir Maxamuud, Maxamed Xasan Nuur, Jaamac Cabdullaahi Cabdulle iyo Axmed Cabdisalaan Cabdi oo dhammaantood ka tirsan golaha deegaanka Caabudwaaq. Isku soo wada duubo, in xilligaan hoos loo dhigo khilaafyada siyaasadeed iyo xifaaltanka awoodeed, loona midoobo dagaalka kooxda Al-Shabaab ayaa wax badan ka goysa hiigsiga Soomaaliya xor ah, oo ka caagan argagixisada. The post Khilaafkii Qoor-Qoor iyo Cali Ciid oo la dhammeeyay appeared first on Caasimada Online.
  7. New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo weli ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa faah-faahin ka bixiyay dalabyo muhiim u ah Soomaaliya oo uu hordhigay caalamka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa wareysi uu siiyay VOA wuxuu ugu horreyntii ku sheegay in qorshaha safarkiisa Mareykanka ee ka qeyb-galka shirka QM uu yahay mid guul ku socda, illaa haddana ay wax badana u qabsoomeen, halka waxyaabo kala weli u dhiman yihiin. Mudane Xamza ayaa waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay ka codsaneyso caalamka in loo dhiso ciidan badan oo tayo leh, islamarkaana amaanka guud ee dalka kala wareega ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM), xilli dalka uu ku jiro dagaal kooxda Al-Shabaab ka dhan ah. “Anaga amniga ayaa wax walba kow noo ah, waxaa socda dagaal oo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay kula jiraan niman cadow ah oo argagixiso ah, dagaalkaas in nagula taageero ayaa rabnaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. “Waxa aan dhisaynaa ciidan oo tiro iyo tayo u baahan, dunida waxa aan ka codsaneynaa in ciidanka na loo dhiso, si ciidankaas uu u noqdo kii la wareegi lahaa amniga dalka kadib marka ay baxaan ciidamada ATMIS.” Sidoo kale waxa uu sheegay in caalamka ka xukuumad ahaan u gudbiyeen codsi ku saabsan sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka ee saaran, taasi oo sanado badan Soomaaliya saaran, dadaallo badana ay dowladda u qaaday sidii loo qaadi lahaa. “Waxaan rabnaa in nalaga qaado cuna-qabateynta hubka ee muddada dheer na saarneed ee 1992-dii la saaray dalkaan, taasi oo ah cuna-qabateyntii ugu badneyd ee dal la saaro, taasna dunida ayaan ka codsaneyaa.” Dalabyada uu ra’iisul wasaaraha hordhigay caalamka ayaa imaneysa xilli dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim oo sanado badan ka talineysay kooxda. Hoos ka dhageyso wareysiga oo ra’iisul wasaaraha kaga hadlay arrimo dhowr ah. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/09/01000000-0aff-0242-9b83-08dbba5d3fbe_48k.mp3The post Dhageyso: Xamza oo faah-faahiyey dalabyo xasaasi ah oo caalamka uu hordhigay appeared first on Caasimada Online.
  8. Suldaan Caddegude oo Shaaciyay soo Afjarista Jabhada Gacan-libaax Madaxweynahana Baaq u Diray Hargeysa(Qaran news)- Suldaan Axmed Cismaan Cadde Gude iyo Guddida beelaha West Burco Clan ayaa maanta buurta Gacan libaax ku wareejiyay afar baabuur oo jabhadaasi haysatay. Suldaan Cadde-gude wuxuu sheegay in la soo gabogabeeyay jabhadii buurta gashay isla markaana la nabadgeliyo inamadaas oo uu tilmaamay inay ku dhex noolaanayaan magaalooyinkooda. Suldaanku wuxuu intaas ku daray in wixii hada ka dambeeya ciddii sheegata magaca West Burco Clan ay qabato oo ay amniga dalka sugto. Waxa kaloo uu madaxweynaha u soo jeediyay inuu la hadlo goleyaasha Wakiillada iyo Guurtidda oo uu amro inay raacaan go’aamadii uu qaatay ee la xidhiidhay doorashooyinka. Waxa suldaan Cadgude u mahadceliyay dhalkinyaradii ay muddada bisha ah ku dhex jireen ee qaatay soo jeedintoodii. Ugu dambayn suldaanku wuxuu sheegay in uu ku wargelinayo dalxiiseyaasha inay tagi karaan buurta Gacan libaax, isla markaana laga raali ahaado intii ay mashquuliyeen. Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al-Rumaithi. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay taageerada arrimaha xasilnta, u-diyaar garowga duufaanta El-Nino iyo xoojinta deeqaha iyo gargaarka Soomaaliya. Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in deg-deg looga jawaabo baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira goobaha laga xoreeyay Al-Shabaab iyo in wadajir loogu diyaar-garoobo ka hortagga iyo ka dabataga saameynta la filayo ee duufaanta El-Nino. Sidoo kale waxa ay isku raaceen in dowladda Imaaraadka xoojiso dadaallada deeq-bixinta iyo maalgalinta mashaariicda adkeysiga iyo soo kabashada. Guddoomiye Maxamuud Macallin oo madasha ka hadlay ayaa ka dalbaday dajniraha inay gacan ka siiyaan ududeynta kulamo doceedka hay’adaha dhigeenna ee dunida marka la gaaro shirka COP28 oo dalkaas ka furmaya bisha November ee soo aaddan. Dhankiisa Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa ballan-qaaday u howl-galidda qodobbada laga wada-hadlay, wuxuuna xusay in dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay gacanta ku heyso qorshayaal maalgalin oo wax ka taraya la qabsiga iyo u adkeyga cilimida, isla-markaana mashaariicdaas la soo mari doono hay’adda Maareynta Musiibooyinka Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, wuxuu ka qayb qaataa dib u dhiska ciidamada, isaga oo sidoo kale mashaariic ka fuliyo dalka. The post DF iyo Imaaraadka Carabta oo isku raacay in si deg-deg ah looga jawaabo laba arrin appeared first on Caasimada Online.
  10. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka sare Cali Shacbaan Ibraahim oo hoggaaminqya Guddiga joogtada Aqalka Sare oo maalintii afaraad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya, ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga joogtada Senate-ka dalka Kenya. Guddoomiye Cali Shacbaan oo hoggaaminaya guddiga iyo dhiggiisa Kathuri Murungi oo ay wehliyaan xubnaha Guddiyada joogtada Senate-ka Soomaaliya iyo Kenya, ayaa isdhaafsaday warbixin guud oo la xiriita shaqada Golayaasha iyo guddiyada ay ka kala socdaan, Kulanka ayaa lagu gorfeeyay hannaanka ay u shaqo galaan, doorkooda isla xisaabtan, sida ay ku yimaadaan Golayaasha iyo qodobo kale oo muhiim ahaa, iyagoo sidoo kale guddoonka iyo xubnaha guddiyadu ay su’aalo dheeraad ah iska waydiiyeen xagga waayo-aragnimada, shaqada iyo shuruucda. Guddoomiye Cali Shacbaan ayaa uga danbayn uga mahadceliyay guddoonka iyo dhammaan Golaha Senate-ka Kenya soo dhaweynta diirran oo ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadani miro-dhalka ah iyo kulamadii ay wada qaateen ay horseedi doonto, sii xoojinta wada jirka xagga shaqada, qibrad wadaagga iyo iskaashiga ka dhexeeya Labada laba Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Kenya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Mogadishu (HOL) - The Somali Ministry of Environment and Climate Change warned on Thursday that El Nino will likely occur in the southern part of the country due to the expected rainy season. Source: Hiiraan Online
  12. Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamo deegaanka ah oo boqlaal ah ayaa maanta lagu soo badhigay deegaanka Qawl oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ka qayb qaadanayaa wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo dhawaan bilaabanaya. Ciidamadan oo aad u hubeysan ayaa la sheegay inay Al-Shabaab ka xoreyn doonaan deegaanada ku teedsan jinka wabiga Shabelle ee maraya gobolka Hiiraan. Nabadoon Maxamed Wehliye Sabriye oo kamid ah waxgaradka Beesha Xawaadle ayaa dardaaran culus u jeediyay ciidamadan, wuxuuna sheegay in laga rabo inay dhameystiraan inta yar ee ay hadda xoogaga Al-Shabaab ka joogaan gobolka, si looga sifeeyo. “Waxaa la rabaa inaa jihaadiin, waana xaq jihaadku maanta Somalia jihaad ayay ku jirtaa, Shabaab cabsidiisa iyo in wax laga tari karo, uuna xabad tareyn Xawaadle ayaa tusay” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Wehliye Sabriye. Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay mid kamid ah saraakiisha ciidanka Macawiisleyda ee lagu diyaariyay halkaasi, wuxuuna sheegay in u midoobeen la dagaallanka Al-Shabaab. “Intaan ma yaro waa rag walaal ah oo cadowga u midoobay oo Shabaab inay iska xoreeyaan oo waddanka ka baxsho ugu talagalay” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay ka saarin doonaan aagga wabiga, si ay uga hortagaan dhaq-dhaqaaqa ay haaatan kooxda ka wado halkaasi. “Nimankan hadda waxa ay joogaan dhagaxa dhaga-cadkaa ka soko ma joogaan, waa inaan dhagaxaas ka raacdeynaa oo wabiga dhaafinayaa” ayuu sii raaciyay. Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, waana gobolka uu ka billowday, ayada oo haatan mar kale ay dadka deegaanka geli doonaan dagaalka, taas oo ku timid wadahadalkii uu madaxweyne Xasan la yeeshey siyaasiyiinta beesh Xawaadle. The post Daawo: Macawiisley horleh oo lagu diyaariyay Hiiraan + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  13. Madaxweynaha Taiwan oo Qaabishsy Dr. Edna Aadan Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha waddanka Taiwan Tsai Ing-Wen, ayaa xafiiskeeda ku qaabishay Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo ay wehelinayeenku-guulaystayaashii kale ee ku guulaystay Abaalmarinta “26th Fervent Global Love of Lives Awards” oo ay bixiso Chou Ta-Kuan Cultural and Education Foundation. War kooban oo qoraal ah oo kulankaas laga soo saaray ayaa lagu sheegay in daryeelka caafimaadku uu ka gudbay xudduudaha caalamiga ah isla markaana uu si wada jir ah u bedeli doono masiirka kuwa sida wanaagsan wax u wada. Waxaa kale oo kulankaas ka qayb galay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Ambassador Maxamed Xaaji. Qaran News
  14. Guddida West Burco Clan oo Xukuumadda ku Wareejiyay Gaadiidkii ay Qabsadeen Jabhada Gacan-libaax Hargeysa(Qaran news)-Guddida West Burco Clan ayaa Xukuumadda Somaliland ku wareejisay gaadiidkii ay Jabhada Gacan Libaax hore u qabsadeen. Waxa madashaasi ka ka qaybgalay saraakiil ciidan iyo badhasaabka gobolka Maroodijeex Maxamed Axmed Caalim Tiimbaro. Waxa kaloo Goobjoog ka ahaa guddidii dhex dhexaatinta khilaafka ee beesha bariga Burco. Suldaan Axmed Cismaan Caddegude oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay xukuumadda ku wareejinayaan baabuurtii jabhadii gacan libaax ay qabsadeen oo iskugu jiray baabuur ay ka qaadeen Hay’adda Hallo Trust iyo kuwo ay lahayd Xukuumadda Somaliland. Waxaanu sheegay inay soo gabogabeeyeen arrintii Jabhada Gacan libaax, waxaanu ammaanay dhallinyaradii iyo saraakiishii jabhadaasi horjoogaha u ahaa ee aqbalay inay ka soo deganaan halkaasi. Qaran News
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniin culus oo ku socota shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfurta gaar ahaan kuwa u dhow dhulka xeebaha. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in halis ka dhalan karo duufaanta ElNino oo la sheegay inay kusoo wajahan tahay meelo kamid ah dalka. Sida lagu sheegay qoraalkan, saadaasha hawada ayaa muujinayso koror xooggan oo ah xaddiga roobka, kaasoo keeni kara khasaare nafba iyo moodba, oo looga digay shacabka. Waxay sidoo kale wasaaradda ka codsatay shacabka inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, isla-markaana ay ka fogaadaan meelaha togaga ah iyo dhulka u dhow xeebaha. Sidoo kale waxa ay ugu baaqday hay’adaha gargaarka inay u diyaar garoobaan saameynta ka dhalan karta fatahaadda, maadaama ay isa soo tareyso cabsida haatan laga muujinayo. Waxaa ka mid ah meelaha sida weyn farta loogu fiiqay ee laga digay magaalooyinka Kismaayo, Boosaaso, Berbera iyo magaalooyinka kale ee kuyaala aagga u dhow xeebaha. Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha saadaasha waxa ay horaynu sheegeen in degaanada dhaca xeebaha ee Soomaaliya ay kusoo wajahan yihiin roobab duufaano wata, kuwaas oo ay sheegeen inay gaysan kara waxyeelo aad u ballaaaran, haddii aan laga diyaar garoobin. Soomaaliya, waxaa horay ugu dhuftay fatahaado xoogan, waxaana aad loo xasuustii kuwaas sanadkii hore ka dhacay degmooyinka Baardheere, Beledweyne iyo Qardho. The post DF oo soo saartay digniin ku socota SHACABKA appeared first on Caasimada Online.
  16. No matter who you are or where you come from, hard work plays a key part in success at university & beyond says @Dahabshil CEO who today took part in the @AbaarsoTU graduation ceremony. pic.twitter.com/3RTWbdKnq4 — Dahabshiil (@Dahabshil) September 20, 2023 Qaran News
  17. Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Go’aan laga soo saaray Buugta taariikhda ee Dugsiyada sare ee Puntland oo ay ku jiraan qaladaadka Dastuuriga ah, Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Ciyaaraha Gobolada Puntland. Golaha Wasiirada kadib markii uu dood ka yeeshay qaladaadka Dastuuriga ah ee ku jira Buugaagta Taariikhda ee Manhajka Dugsiyada Sare ee Puntland, wuxuu Goluhu go’aamiyey:- 1: In Buugtii lasoo xareeyo Form 4ka gaar ahaan Maadaada Taariikhda dibna aan loo dhigi karin. 2: In heshiiskii Shirkada Daabacday Manhajka la joojiyey gabi ahaanba. 3: in Xeer ilaalintu baadhitaan deg deg ah sameyso si sharciga loo horkeeno cidii Denbiga gashay. Arrimaha Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ayaa Kulanka looga hadlay, Goluhu wuxuu boggaadiyay sida wanaagsan ee ay u socdaan Dhismaha Goleyaasha deegaanka oo Hadda la dhisay kala bar 30-kii degmo ee Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ka dhaceen. Ugu danbeyn waxaa Golaha Wasiirada la horkeenay Koobkii Kubadda Cagta ee Gobolada Puntland oo ay kusoo guuleysteen xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Nugaal. Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa u hambalyeeyay xulka Nugaal iyo Gobolkii martigeliyay Koobka ee Mudug, isagoo casumaad rasmiya u fidiyey iyo kulan inta ka balaaran xulka Nugaal dhammaan Ciyaartooda, Guddiga la shaqeynayey iyo Masuuliyiintooda. PUNTLAND POST The post Puntland oo gebi ahaanba joojisay Buugaagta laga barto Maadada Taariikhda Dugsiyada Sare appeared first on Puntland Post.
  18. Qodobbada Ka Soo baxay Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland ee maanta. Hargeysa-(Qaran news)-Fadhigii 116aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka goluhu ka dhegeystay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Waxa kale oo goluhu dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay arrimaha dhaqaalaha dalka, maalgashiga, wax-soo saarka iyo horumarinta arrimaha bulshada. Sidoo kale waxa goluhu lafo guray masiibada dabka soo noq-noqday ee saamaynta ku yeeshay dhaqaalaha, waxana uu goluhu isla qaatay in laga feejignaado khasaaraha uu dabku keeno, isla markaana si hufan loo baadho arrimaha dhaliyey ee ka dhexeeya dabkii suuqyada Wajaale iyo Waaheen. Waxa goluhu soo jeediyey in Hay’addaha dhaqaaluhu mid dawladdeed iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ay dardar-geliyaan kobcinta dhaqaalaha dalka, lana dhiirrigeliyo maalgashiga shisheeyaha iyo ka gudahaba. Dhinaca kale, waxa golaha loo qaybiyey qabyo qoraalka xeerka wax ka beddelka iyo kaabista xeerka Xannaanada Xoolaha oo ay soo diyaariyeen garyaqaanka guud ee qaranka iyo wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga. Ugu danbayna waxa shirkaas ka soo baxay qodobbadan: 1. In la xoojiyo Difaaca Qaranka meelna looga soo wada jeedo, sidoo kalena feejignaan loo yeesho Amniga Gudaha. 2. Waxa goluhu cod gacantaag ah ku ansixiyey qabyo qoraalka Xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda. Qaran News
  19. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay guddoomiiyeyaasha labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo xildhibaano maanta gaaray magaaladaas oo uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Shabaab. Kulanka ayaa yimid, kadib markii labada guddoomiye iyo xildhibaanada la socda ay booqasho ugu tageen madaxweynaha oo laba bilood ku sugan halkaasi. Xasan Sheekh oo kulanka ka hadlay ataa guddoonka sare ee Baarlamaanka warbixin ka siiyey guulaha ay gaareen Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa deegaanka, waxaana uu tilmamay in dhawaan guulo waaweyn laga gaari doono Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu u xaqiijiyay in dowladda federaalka iyo Galmudug-ba ay ka go’an tahay in Al-Shabaab laga saaro gobollada dhexe oo ay hadda ka joogaan meelo kooban. Dhankooda labada guddoomiye ayaa madaxweynaha ku bogaadiyay doorkiisa hogaamineed ee la dagaalanka Al-Shabaab, maadaama uu waqtigiisa ugu badan geliyay dagaalka. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dadka Soomaaliyeed leeyihiin hal cadow oo caqabad ku ah jiritaankooda, isla-markaana ay tahay in laga ciribtiro guud ahaan dalka. Waxa kale oo ay sheegeen labada guddoomiye in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ah matalayaasha shacabka ay si buuxda u garab taaganyihiin Ciidanka Xooga Dalka. Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale la kulmi doono saraakiisha ciidamada, si ay xog wareystaan xaaladdooda iyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale qorshuhu yahay inay booqdaan deegaanada qaar ee laga xoreeyay Al-Shabaab, si ay usoo qiimeeyaan xaaladda, una garab istaagaan ciidamada huwanta. Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda gulufkii ugu xoogaan, kaas oo ay iska kaashanayaa ciidamada dowladda iyo kuw daraawiishta maamulkaas iyo sidoo kale dadka deegaanka. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo la shiray guddoonka labada Gole iyo xildhibaanno appeared first on Caasimada Online.
  20. Boqorka dalka Morocco, Mohammed VI ayaa sheegay in dalkiisa uu 11.6 bilyan oo dollar ku bixin doono dib u dhiska goobihii burburay , kaddib dhulgariirkii dhacay 8-dii bishan September. Sida laga soo xigtay hoggaamiyaha lacagta ayaa sidoo kale loo isticmaali doonaa in lagu caawiyo in ka badan 4.2 milyan oo qof oo ku nool gobolada uu sida ba’an u saameeyay dhulgariirka. Dadka ku guryo beelay ayaa la filayaa in loo dhiso guryo cusub, kaabayaasha ku burburay musiibada ayaa sidoo kale la filayaa in wax ka bedel lagu sameeyo muddo ka badan shan sanno. In ka badan 2,900 oo qof ayaa ku dhintay dhulgariirka oo cabbirkiisu ahaa 6.8 magnitude, halka in ka badan shan kun oo kalena la sheegay in ay ku dhaawacmeen. PUNTLAND POST The post Morocco oo $11.6 bilyan ku bixinaysa dib u dhiska goobihii ku burburay dhul-gariirka appeared first on Puntland Post.
  21. Fadhigii 116aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka goluhu ka dhegeystay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Waxa kale oo goluhu dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay arrimaha dhaqaalaha dalka, maalgashiga, wax-soo saarka iyo horumarinta arrimaha bulshada. Sidoo kale waxa goluhu lafo guray masiibada dabka soo noq-noqday ee saamaynta ku yeeshay dhaqaalaha, waxana uu goluhu isla qaatay in laga feejignaado khasaaraha uu dabku keeno, isla markaana si hufan loo baadho arrimaha dhaliyey ee ka dhexeeya dabkii suuqyada Wajaale iyo Waaheen. Waxa goluhu soo jeediyey in Hay’addaha dhaqaaluhu mid dawladdeed iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ay dardar-geliyaan kobcinta dhaqaalaha dalka, lana dhiirrigeliyo maalgashiga shisheeyaha iyo ka gudahaba. Dhinaca kale, waxa golaha loo qaybiyey qabyo qoraalka xeerka wax ka beddelka iyo kaabista xeerka Xannaanada Xoolaha oo ay soo diyaariyeen garyaqaanka guud ee qaranka iyo wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga. Ugu danbayna waxa shirkaas ka soo baxay qodobbadan: 1. In la xoojiyo Difaaca Qaranka meelna looga soo wada jeedo, sidoo kalena feejignaan loo yeesho Amniga Gudaha. 2. Waxa goluhu cod gacantaag ah ku ansixiyey qabyo qoraalka Xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
  22. Guddoomiye Faysal oo la Kulmay Weftiga Danjiraha Maraykanka Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, oo ay weheliyaan Xoghayaha guud ee xisbiga Maxamed Xuseeen iyo Af-hayeenka xisbiga Maxamed Bilaal, ayaa maanta magaalada Hargaysa kulan kula qaatay, wafti uu hogaaminayo sii-hayaha Safaarada Maraykanka Mudane Shane Dixon iyo Xoghayaha koobaad ee Safaarada Maraykanka u qaabilsan siyaaasada iyo dhaqaalaha mudane Geoffrey Parker. Kulankan ayaa lagaga wada hadlay xaaladda guud ee dalka, arrimaha siyaasadda, Doorashooyinka iyo xidhiidhka labada dal. Qaran News
  23. New York (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada New York ayaa wareysi gaar ah siiyay VOA, wuxuuna ka hadlay arrimo ku aadan safarkiisa Mareykanka iyo ajandihiisa kuwa ugu muhiimsan. Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu si guul ah ugu socdo safarkiisa, isla-markaana uu ka qayb-galii shirkii golaha guud ee QM iyo kulamo kale oo muhiim ah. Waxa uu tilmaamay in ay kala hadlayaan caalamka dagaalka Al-Shabaab iyo sidii taageero loo siin lahaa ciidanka Xoogga dalka oo haatan sameynaya dib u kabasho ballaaran. Xamza ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta cunaqabateynta hubka ee weli saaran Somalia, wuxuuna shaaca ka qaaday in madaxda adduunka ay ka codsanayaan in Somalia laga qaado cunaqabateynta, maadaama ay hadda dagaal adag kula jirto Al-Shabaab. “Waxaan rabnaa in nagala qaado cunaqabateynta hubka ee muddada dheer ee ina saarnayd ee 1992-dii la saaray dalka, waa cunqabateyntii ugu dheereyd ee dal la saaro oo haddana ugu ballaarnayd oo runtii meel walba laga xiro, taas waxaa weeye dunida ku codsaneynaa,” ayuu wareysigan ku yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qodobka kale ee muhiimka ah uu yahay arrinta dayn cafinta oo uu xusay inay kala hadlaan madaxda ku sugan magaalada New York. Ra’iisul wasaare Xamza ayaa shaaca ka qaaday in dadaalka ay waddo xukuumadda uu marayo gabagabo, isla-markaana dhamaanka sanadkan laga dhamaan doono dayn cafinta. “Arrinta kale waa dayn cafinta oo aan safiican uga soo shaqeynay ayaan Precess-keedii ku jirnaa waxaan rajeyneynaa bisha 12-aad ee sanadkan in dayn cafiskaas uu dhamaanaayo” ayuu mar kale wareysiga ku yiro ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Waxaa kale “Marka uu dhamaado dayn cafiska waxay Somalia xaq u yeelan doonaan inay Access u yeelan karto hay’adaha caalamiga ah iyo inay dayn qaadan karto”. Arrimahaan ayaa kusoo aadayo, xilli Somalia ay haatan ku jirto xaalad adag oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo arrimo bani’aadanimo oo weli ka jira deegaanada qaar ee dalka. The post R/W Xamza oo dalab culus hordhigay madaxda isugu tegtay Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  24. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa maanta wada-hadal Hargeysa kula yeeshay wafdi uu horkacyo sii-hayaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Shane Dixon iyo xoghayaha 1-aad ee safaaradda Mareykanka u qaabilsan arrimaha siyaaasada iyo dhaqaalaha Geoffrey Parker. Kulankan waxaa guddoomiye Faysal Cali Waraabe ku wehlinayay xoghayaha guud ee xisbiga UCID, Mudane Maxamed Xuseeen iyo Af-hayeenka xisbiga Maxamed Bilaal. Faysal Cali Waraabe ayaa wafdiga Mareykanka kala hadlay laba qodob oo kala hadlay doorashada Somaliland iyo arrimho ku aadan xoojinta xiriirka labada dhinac, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xisbiga. “Kulankan ayaa lagaga wada-hadlay xaaladda guud ee dalka, arrimaha siyaasadda, Doorashooyinka iyo xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka” ayaa lagu yiri qoraalka. Somaliland ayaa waxaa weli ka taagan is mari waa ka dhashay arrinta doorashada oo ay isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi. Horay beesha caalamka ayaa digniino uga soo saaray xaaladdaha ka taagan Somaliland oo hadda wajaheysa middii ugu xumeyd, marka la eego arrimaheeda gudaha. Arrimahan ayaa waxaa uga sii daraya dagaalka weli ka socda Laascaanood iyo jabhadda cusub ee looga dhawaaqay buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil ee maamulkaasi. The post Faysal Cali Waraabe oo laba arrin kala hadlay Mareykanka + Sawirro appeared first on Caasimada Online.