Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,986
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa oo soo gaaray dalka.
    Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xamsa Warfaa uu caddeyn u yahay firfircoonida iyo dad la dhaqanka ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan, waxa uuna sheegay in doorka muuqda ee ay ku leeyihiin dalalka horumaray looga baahan yahay in uu ka muuqdo dhulkooda hooyo.
    Ra’iisul Wasaaraha iyo Lataliye Warfaa ayaa iska xogwareystay xaaladda dalka, dagaalka ka dhanka argagixisada, qorsheyaasha horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul-iinsaanka dalka.
    Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa la wadaagay sida ay Xukuumadda Danqaran mudnaanta u siisay ilaalinta xurriyadda hadalka, madaxbannaanida saxaafadda iyo xaqiijinta xogsiinta shacabka ee arrimaha dowladnimada.
    Dhankiisa, Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa ayaa uga mahad-celiyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta wanaagsan iyo kulanka miro-dhalka ah.

    Source: goobjoog.com


  2. 363391119_644847521077731_76854246744054

    Mogadishu (Caasimada Online) – In a monumental move, Somalia marked a significant milestone in its healthcare trajectory by reopening the National Blood Bank after a hiatus of over 30 years.

    This critical initiative is set to address the longstanding blood supply shortage and consequently bolster the chances of saving numerous lives in the nation.

    Spearheading the momentous occasion in Mogadishu, Somalia’s Prime Minister, Hamza Abdi Barre, accentuated the gravity of this achievement.

    “For a nation that’s constantly tested with calamities and violent disruptions, having a robust system to meet the crucial demand for blood is an imperative,” Barre stated.

    Addressing a dire need 

    Previously, significant events, such as the Zobe 1 and Zobe 2 explosions in 2017 and 2022, witnessed a surge of public support, with numerous individuals stepping forward to donate blood.

    Dr. Ali Haji Adam, Somalia’s Health Minister, voiced a significant challenge from those days: “While there was an outpouring of public donations, the absence of a proper storage facility curtailed our ability to stockpile the donated blood. That predicament is now in the past.”

    Emphasizing the profound repercussions of the absence of safe blood accessibility in the country, Dr. Adam said, “Blood unavailability is the second major cause behind maternal mortality during childbirth.”

    “This renewed facility ensures that mothers, during their pivotal moments, won’t be deprived of this lifesaving essence.”

    The blood bank’s historical context

    Initially set up in 1976, the national blood bank had unfortunately been dormant for nearly three decades.

    Persistent conflicts rendered the country devoid of a dependable blood source crucial for medical emergencies.

    Across Somalia, medical facilities have perennially struggled to secure enough blood supplies.

    However, with the revitalized national blood bank, there’s newfound optimism.

    “This initiative isn’t merely about catering to immediate accident and disaster-induced needs. It promises to transform the lives of frail children across the country,” shared medical professionals.

    Dr. Adam added, “With the capability to house hundreds of thousands of blood donations from the public, we’re poised to make significant strides in healthcare.”

    The revival of the National Blood Bank in Somalia isn’t just a beacon of hope for improved medical services and a testament to the country’s resilience and commitment to its citizens’ welfare.

    As the nation takes another step forward in strengthening its healthcare infrastructure, countless lives await a brighter, healthier tomorrow.

    The post After 30 years hiatus, Somalia’s blood bank returns appeared first on Caasimada Online.

  3. Golaha Guurtida oo ka Dooday Xaaladda Biyaha Somaliland

    Hargeysa(Qaran news)- Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay xaalada arrimaha bulshada, gaar ahaan xaalada biyaha ee horumarinta dalka.

    Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa dood adag ka yeeshay xaalada biyaha dalka iyo sidii horumar loogu sameynlahaa, waxaanay soojeediyeen mudanayaashu in Dhaamam biyoodyada dalka ka jira dayactir iyo dhooba qaad loogu sameynlahaa, isla markaana wakaalada biyaha ee Hargeysa iyo wasaaradda horumarinta biyuhu ay iskaga kaashanlahaayeen sidii dardargelin loogu sameynlahaa, tobankii ceel degaanka Xunba-weyne.

    Sidoo kale waxa ay mudanayaasha qaarkood talo ahaan ku soo jeediyeen in xukuumadda JSL, dowladda Taiwan ka dalbato 10 Wiish oo lagaga shaqeeyo horumarinta wax-soo-saarka khayraadka biyaha dalka.

    Geesta kale mudanayaasha golaha guurtida JSL, ayaa golaha ka dalbaday in la soo gola joojiyo wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha si xaalada biyuhu halka ay marayso uu mudanayaasha warbixin uga siiyo.

    Xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa ka codsaday wakaallada biyaha ee magaalada Hargeysa in dardargelin ku sameyso mashruuca biya balaadhinta caasimada, isla markaana iska xil saarto sidii biyaha khasaaraya ee dhuumaha gaboobay ay siidaynayaan ay wax uga qabanlahayd qorshena uga yeelanlahayd, waxaanay mudanayaashu wakaallada fareen in ay ka hawlgasho sidii bulshada ku nool caasimada iyo hareeraheedu biyo ku filan u helilahaayeen.

    Gaba-gabadii waxa ay mudanayaashu sheegeen in ay mihiim tahay in bulshada lagu baraarujiyo qabashad biyaha roobka xilliga Gu’ga.

    Qaran News


  4. “Cid Kale oo wax ii Sheegi Kartaa ma Jirto oo aan ka Ahayn Cirro” Cali Guray

    Hargeysa(Qaran news)-siyaasiga mucaaridka ah ee Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa sheegay cidda kale ee uu talo ka dhegaysanayaa ay tahay xisbiga WADDANI iyo Murrashaxiisa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

    Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu goor dhaweyd ku baahiyay Facebook, waxaanu u dhignaa sidan:-

    “Anigu cid kale oo wax ii sheegi kartaa ma jirto oo aan ahayn Xisbiga Waddani iyo musharixiisa Cabdiraxmaan ee aan taageersanahay.

    Talo iyaga ayuun bay naga dhexaysaa marka ay tahay wadada ugu haboon ee guusha loo marayo”

    Qaran News


  5. NISA.png?fit=3155%2C2081&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab ayaa muddo fog la aaminsana inay xubno ku dhex beerteen laamaha amniga ah ee dowladda federaalka ah.

    Xubno caqiido ahaan u raacsan kooxda, kuwa lacago ka qaata iyo kuwa siyaasadda la gashay ayaa intaba kooxda Al-Shabaab u dhex joogay laamaha ammaanka ee dowladda, laakiin hadda waxaa bilaabatay in la kala miirmo.

    Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalin kahor baahisay inay baxsadeen laba xubnood oo basaasin u ahaa kooxaha argagixisada kadib markii ay ogaadeen in xogtooda la helay.

    Sidoo kale bayaanka dowladda federaalka oo uu akhriyay Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys ayaa lagu sheegay in hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ay gacanta ku dhigtay toban xubnood kamid ah xubnihii argagixisada ugu dhex jiray laamaha ammaanka ee dowladda.

    Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa iyaduna barteeda rasmiga ah ee Twitter-ka ku baahisay inay ku raadjoogto laba xubnood oo baxsad ah.

    Xubnahaan oo magacyadooda ay baahisay NISA ayaa waxay kala yihiin; Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali. Mid kamid ah xubnaha la sheegay inay baxsadeen ayaa ka tirsanaa ciidanka Duufaan, kuwaasi oo ay aas-aastay dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo.

    Xubno la xukumay, kuwa xiran iyo kuwa baxsad ah kadib laba arrimood ayay tani ku cadeynaysaa maanta.

    1. Inuu markii hore jiray isku-milan

    Dhacdooyinkii la diiwaan-geliyay tobankii billood ee lasoo dhaafay ee iskugu jira, xubnaha loo xukumay la shaqeynta argagixisada, kuwa u xiran ee hadda baarista ku socoto iyo kuwa u baxsaday dhanka kooxda oo uu ku jiro nin darawal u ahaan jiray guddoomiyihii hore ee golaha shacabka.

    Waxay dhamaan ku caddeynayaan inay kooxda heshay fursad ay basaasiin iyo kuwa dhagartooda fududeeya ugu dhex sameysato hay’adaha ammaanka ee dowladda.

    2. Inay socoto shaqo xoog leh

    Tallaabooyinkan socda waxay ku xaqiijinayaan in dagaal dhab ah lagu jiro oo aad loo kala miirmayo, ayna shaqo fiican waddaan madaxda laamaha amniga ee dalka.

    Xubnaha argagixisada ee laga yaabo inay weli ku dhex dhuumanayaan laamaha amniga ee dowladda, waxay sugayaan waa qabasho, xukumid ama sida hadda socota inay raggii u shaqeynayeen aadan.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay in kuwa argagixisada la shaqeeya lagu raadjoogo, qaarna xogahooda la helay, ayna arrimahaasi la kaashanayaan khubaro caalami ah, iyada oo la adeegsanayo qalab casri ah.

    The post Laba arrin oo ay ka dhigan tahay ‘baacsiga lagu hayo’ basaasiinta Shabaab ee DF appeared first on Caasimada Online.

  6. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.

    Ku-xigeenka QM ayaa Guddoomiyaha ku boggaadisay shaqada uu qabtay Baarlamaanka intii uu socday kalfadhiyadii la soo dhaafay iyo doorkiisa odaytanimada leh uu ka cayaaray dib u heshisiinta dalka.

    Dhanka kale waxay kawada hadleen in Barlamaanka ay kala shaqayn doonaan dhanka hormarinta iyo tababarada Xildhibaannada. Sidoo kale waxay isla soo hadal qaadeen dhamaystirka Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda iyo dagaalka lagula jiro kooxda Khawaariijta ah.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  7. 366145193_645515834344233_54538413177380

    Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay La-taliyaha dimuqraadiyadda iyo xuquuqul oinsaanka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Mudane Xamza Warfaa oo soo gaaray dalka.

    Ra’iisul Wasaaraha iyo La-taliye Warfaa ayaa iska xogwareystay xaaladda dalka, dagaalka ka dhanka argagixisada, qorsheyaasha horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul-iinsaanka dalka.

    Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xusay in Warfaa uu caddeyn u yahay fir-fircoonida iyo dad la dhaqanka ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan.

    Waxa uuna sheegay in doorka muuqda ee Soomaalida ay ku leeyihiin dalalka horumaray looga baahan yahay in uu ka muuqdo dhulkooda hooyo.

    Mudane Xamza ayaa la wadaagay sida ay xukuumadda Dan-Qaran mudnaanta u siisay ilaalinta xurriyadda hadalka, madax-bannaanida saxaafadda iyo xaqiijinta xogsiinta shacabka ee arrimaha dowladnimada.

    La-taliye Warfaa ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre soo dhaweynta wanaagsan iyo kulanka miro-dhalka ah.

    Warfaa oo kamid ah la-taliyeyaasha muhiimka ah ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan labada Gole, xubno kamid ah wasaaradda arrimaha dibadda iyo maamulka gobolka Banaadir.

    Mas’uulkan ka socda dowladda Mareykanka ayaa inta uu joogo Muqdisho la kulmo doono madaxda sare ee dowladda oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dal iyo arrimo kale.

    Wuxuu Xamza kamid yahay Soomaalida xilalka muhiimka ah ka heysa Mareykanka, waxaana lamid ah Ilhaan Cumar oo horay marar kala duwan usoo booqatay dalka.

    Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Muqdisho uu yimid kaaliyaha xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha argagixisada iyo sirdoonka, Brian Nelson, kaas oo wadahadal gaar ah la yeeshay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

    Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dalalka xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna dowladda federaalka ah ka taageeraa dhinacyada howlgallada iyo maaliyadda.

    363411235_645515961010887_42693793232942

    366189451_645515997677550_66901630264659

    366145193_645515834344233_54538413177380

    366223556_645516044344212_57735237623368

    The post Sawirro: Xamza iyo La-taliyaha Biden oo kulan muhiim ah ku yeeshay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

  8. Weftigii Wasiirka Ganacsiga oo la Kulmay Shirkadda Shiidaalka Taiwan

    IMG-20230806-WA0002-1.jpg
    IMG-20230806-WA00011.jpg

    Hargeysa(Qaran news)-Weftigii Somaliland ee safarka ugu maqnaa Dalka Taiwan ee uu hoggaaminayey Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin),ayaa la kulmey madaxda shirkadda CPC Corporation oo ah shirkada Shidaalka ee dalka Taiwan, kuwaas oo warbixin ka siiyey hawlaha shidaalka ee ay CPC ka waddo Somaliland.

    Badhtamaha 2024-ka, CPC waxa ay qodaysaa ceel kii ugu horeeyey ee shidaal ee Somaliland laga qodo, waxaanay dekedda Berbera u isticmaali doontaa in ay khayraadkaasi u gudbiso suuqyada caalamka.

    Shirkadda CPC ee dalka Taiwan waxay ka mid tahay shirkadaha dalka Taiwan ee Somaliland maal-gashiga ka bilaabay.

    Qaran News


  9. FB_IMG_16913284348691073.jpg?resize=720%

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Xamse Warfaa oo soo gaaray Muqdisho.

    Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo La-taliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay ilaalinta xorriyadda hadalka, madaxbannaanida saxaafadda iyo xaqiijinta xogsiinta shacabka ee arrimaha dowladnimada.

    Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha iyo La-taliye Xamse Warfaa ayaa iska xogwareystay xaaladda dalka, dagaalka ka dhanka argagixisada, qorsheyaasha horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul-iinsaanka dalka.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xamsa Warfaa uu caddeyn u yahay firfircoonida iyo dad la dhaqanka ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan, waxa uuna sheegay in doorka muuqda ee ay ku leeyihiin dalalka horumaray looga baahan yahay in uu ka muuqdo dhulkooda hooyo.

    Dhankiisa, La-taliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa ayaa uga mahad-celiyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta wanaagsan iyo kulanka miro-dhalka ah.

    PUNTLAND POST

    The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay La-taliye ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka appeared first on Puntland Post.


  10. 202386638268964449828000.jpg?fit=660%2C3

    Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamo cusub oo kasoo goostay ciidamada Somaliland ayaa maanta ku biiray jabhada ku sugan buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil.

    Ciidankan ayaa sheegay inay markii hore ka tirsanaayeen ciidamada Somaliland ee Laascaanood jooga, iyaga oo sheegay in ay dagaal la galayaan xukuumada Somaliland.

    Hoggaanka Jabhadda oo halkaasi kusoo dhaweeyay ciidankan kasoo goostay Somaliland ayaa wuxuu ugu baaqay kuwa kale ee kamid ah ay iskaga soo baxaan, ayna dulmiga diidaan, sida ay sheegeen.

    “Sida nimankaniba uga soo baxeen iskaga soo wada baxa dulmi ayaad ku socoteene, tanaa xaqa, dagaalkan xaqa ah soo gala ee rajiimka lagaga xoraynayo waddanka uu baabasaday, dalka iyo dadka iyo diinta.”

    Ciidankan ayaa sidoo kale lasoo goostay hubkii ay hore u siisay Somaliland, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay la dagaalaman Somaliland, oo ay hore uga tiirsanaayeen ciidankeeda.

    Jabhadda oo la magac baxday ‘Dulmi-diidka’ ayaa waxay dhawaan hanjabaad culus ugu dirtay madaxweynaha, iyaga oo dagaal la galay ciidamada RRU oo dhawaan halkaasi la geeyay.

    Inkasta oo ay jabhaddu faah-faahin ka bixin waxay ula jeedo magaca ay la baxday ee “Dulmi-diidka”, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay ka gadoodsan yihiin arrimaha siyaasadda ee la isku hayo gudaha Somaliland oo ay ugu horreyso doorashooyinka, xilli ay dhawaan guddiga doorashooyinka Somaliland ay soo saareen jadwal doorasho.

    Jabhaddan ayaa la sheegay in ay si iskooda ah wax uruursadeen, sidoo kalena ay taageere dhaqaale ay ka heleen qaar kamid ah qurbajoogta ay isku deegaanka yihiin, kuwaasi oo dibedda ka wadda olole dhaqaale loogu aruurinayo jabhadda farriisinta ka dhigatay buurta Gacan-Libaax.

    Si kastaba, Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaaladdo is biirsaday, sida dagaalka Laascaanood iyo sidoo kale muran ka dhashay doorashooyinka kusoo foodka leh maamulka, taasi oo horseeday in gudaheeda ka abuurmaan jabhaddo kasoo horjeeda maamulka.

    The post Ciidamo Somaliland ka goostay oo ku biiray jabhada Buurta Gacan-Libaax appeared first on Caasimada Online.

  11. Waxa maanta Hudheelka Kaah ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen dad ka hadlaayay nabada oo ay soo abaabushay xukuumaddu, kulankan oo lagu cuntaynaayay ayaa waxa uu daba socdaa kulamadii ay beesha Isaxaaq ku diiday in ay baaqyo ka soo saarto Jabhada Gacanlibaax

    Kulankani oo uu ay ilaalinayeen ciidan Boolis ahi waxa uu ahaa mid la soo abaabulay waxana jirtay in kulankaasi bilowgiiba xubno dibada looga saaray.

    Kulankani maanta waxa ka dhex muuqday oo abaabulkeeda qayb ku lahaa xubnihii lanadii shir ee hore laga diiday in ay ku hadlaan afka beesha Isaxaaq kuwaasi oo taageera xukuumadda Muuse Biixi

    Qaran News


  12. Xasan-Sheekh-3.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=

    Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay galabtii gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.

    Wuxuu ahaa socdaal si weyn loo sugayay, waxaa maalmo kasii horreeyay agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaanno, Wasiirro iyo Saraakiil dhamaan kasoo jeeda deegaanada Galmudug.

    Socdaalkan ma ahan dalxiis, dan siyaasadeed iyo olole ee waa safar ay sahay u tahay rasaas. Ceelbuur waa magac ugu badan ee maanta laga sheegayo deegaanada Galmudug.

    Sheegistiisu jaceyl iyo naceyb midna ma ahan ee waa duulaan weyn oo deegaanadaasi ku wajahan, si looga saaro gacanta argagixisada oo muddo fog ka talineysay Ceelbuur iyo nawaaxigeeda.

    Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha labada jeer la doortay ee Soomaaliya waxa uu go’aansaday inuu khatar badan qaato, si uu u dhiso qaran ka caagan argagixisada.

    Madaxweynaha sidoo kale waa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, ma sahlana in madaxweyne qaran uu ka guuro Villa Somalia oo uu furin dagaal u guuro. Micnaha waa in Xasan fahamsan yahay in jiritaanka argagixisada uu halis ku yahay dowladnimada iyo dadka Soomaaliyeed.

    Shacabka Soomaalida waxay badi isweydiinayaan waxa laga filan karo socdaalkan dagaal. Kooxda madaxweyne Xasan Sheekh waxaa laga soo xigtay in bartilmaameedka koowaad ee madaxweynaha uu yahay in argagixisada lasoo dhaafiyo Galmudug iyo HirShabeelle.

    Waa hadaf weyn oo muhiim u ah marxaladda ay ku sugan tahay Soomaaliya. Dagaal toos ah iyo duqeymo ayaa ku wajahan dhulka ay argagixisada ka joogto Galmudug, inta badana qabaa’ilka dega Galmudug ayaa qeyb ka ah dagaalka.

    Dagaalkan wuu ka xoog badnaan doonaa dagaaladii hore, maadaama madaxweynihii qaranka uu furinta joogo. Askari madaxweynihii qaranka la socda hore ma ahane gadaal uma furna.

    Siyaasiyiintii lagu eedeynayay in qaarkood ka lug jiidayaan dagaalka, hadda waa qasban yihiin. Wax walba ayaa ka duwa sidii hore, waxaa aad u yar fursadda ay argagixisada ku sii haysan karto Galmudug iyo HirShabeelle.

    Dadka kasoo jeeda Ceelbuur iyo nawaaxigeeda oo maalmo kahor ku andacoonayay in aanay dowladda dhexe dagaalka deegaanadooda ahmiyad badan siinin, hadda waxay arkayaan in madaxweynihii uu siiyay mudnaan uusan deegaanada kale siinin.

    Iyagana waxaa looga fadhiyaa kaalin ka weyn inta ay deegaanada kale bixiyeen. Rejada ah in dagaalkan uu dhinac u ridi doono khatarta argagixisada ee gobollada dhexe waa mid aad u sareysa.

    Diyaar-garowga socda waa mid aad u xooggan, xilli argagixisada dhinac walba ay ciidankii dowladda ka joogaan. Go’aankii shacbiga ahaa ee kooxdan la iskaga dulqaadayay ayaa hadda u muuqda in dib loo dhaqaajin doono markale.

    Dadka arrimaha amniga ka faallooda waxay fursad naadir ah u arkaan tallaabada uu maanta qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    The post Maxaa laga filan karaa dhaq-dhaqaaqa cusub ee uu wado madaxweyne Xasan? appeared first on Caasimada Online.

  13. dhuusamareeb.jpg?fit=778%2C584&ssl=1

    Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galaduud ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Sabtidii shalay xubnaha Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanka Ceel La helay oo u dhow magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

    Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in Al-Shabaab ay faarujiyeen xarumihii ay ku lahaayeen gudaha deegaankaas oo qiyaastii 50 KM bari ka xiga Dhuusamareeb.

    Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda Al-Shabaab ay soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan gulufka dagaal iyo dhaq-dhaqaaqyada ka socda Galmudug oo uu shalay gaaray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo si KMG u dagay Dhuusamareeb.

    Al-Shabaab inta aysan ka bixin deegaankan waxaa la sheegay in la hadleen dadka deegaanka oo ay macsalaameeyeen, waxayna ku wareejiyeen gaadiid ay ka heysteen.

    Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xubnaha Al-Shabaab ee isaga baxay deegaanka Ceel La Helay ay aadeen dhanka bari ee howdka deegaankaasi, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin, sida aan ka soo xiganay qaar kamid ah dadka deegaanka.

    Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay dhaq-dhaqaaq ka wadan agagaarka magaalada Dhuusamareeb.

    Deegaanka Ceel La Helay ee ay isaga baxeen xubnaha Al-Shabaab ayaa ah istiraatiiji, waxaana horay mar u qabsaday ciidamada dowladda, walow ay dib uga soo baxeen.

    Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ka socdo gobollada dhexe, kaas oo uu jeedkiisu yahay in kooxda Al-Shabaab looga saaro guud ahaan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

    Si kastaba, kooxda ayaa haatan wajaheysa culeys xoogan, maadaama wajigii koowaad looga qabsaday magaalooyin muhiim ah, sida Galcad iyo Xarardheere oo ay mudo joogeen.

    The post Al-Shabaab oo ka baxay deegaan u dhow Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.

  14. guddoomiye-yuusuf-madaale.jpg?fit=2048%2

    Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta shir jiraaa’id ku qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka hadlay arrimo ku aadan ‘dhul boobka ka socda’ magaalada Muqdisho iyo cabashooyinka soo yeeraya, isaga oo soo hadal qaaday eedda loo jeediyay qoyska madaxweynaha dowlada Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

    Yuusuf Madaale ayaa ku hormaray muranka ka taagan dhulka Kaasa Italia ee degmada Xamarweyne, kaas oo burburin lagu bilaabay, kadib markii la barakiciyay dadkii deganaa.

    Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in dhulkan oo uu lahaa Talyaaniga, ayna hadda soo dalbaday safaaradda dalkaas, isla-markaana ay rabto inay ku shaqeyso dhulkaasi.

    “Arrinta Kaasa Italia sida aan la socono waxaa iska leh Taliyaaniga safaaradda Talyaaniga warqadda ay soo dirtay waa taas, sidaas darteed waxay dalbadeen in loo banneeyo, marka Kaasa Italia shaqsina ma laheyn cid gaar ah oo laheydna ma jirto” ayuu yiri guddoomiyuhu.

    Duqa Muqdisho ayaa soo hadal qaaday eedda loo jeediyay qoyska madaxweyne Xasan Sheekh ee la sheegay inay boob ku hayaan dhulkaas, wuuna beeniyay, isaga oo tilmaamay in la doonayo in la’iska horkeeno bulshada Soomaaliyeed iyo madaxweynahooda.

    “Qaraabada madaxweynaha yaan waxba afka lala raac-raacinee hala hubsado, anigu mas’uuliyad markaan qabto in la qeyliyo iyo in la caytamo ma kala jecli waxaa iga go’an inaan shaqeeyo” ayuu mar kale sii raaciyay Duqa magaalada Muqdisho.

    Waxaa kale uu ka hadlay dhul boobka ka socda deegaanka Gubadley iyo Xaafadda Waxar-Cadde ee degmada Heliwaa, isaga oo sheegay inay la socdaan qaylo dhaanta kasoo yeertay dhulalkaasi, wuxuuna xusay in qof welba oo cabasho ah uu cadaalad doonto garsoorka.

    “Arrinta Gubadley iyo Waxar-Cadde ka taagan oo qolo walbaa siday rabto u hadaaqeyso qof walba oo sharci heysto ha dacwo tego, hana aado garsoorka, laakiin in bannaanka laga qayliyo wax macno ah oo ay soo kordhineyso ma laha” ayuu mar kale yiri Madaale.

    Sidoo kale wuxuu ka hadlay Dhulka Warshadda Isbuunyada ee ku dhow xeydaabka garoonka Aadan Cadde, oo sidoo kale laga raray barakacayaashii deganaa halkaasi.

    Guddoomiyaha gobolka ayaa shaaciyay in warqayad ay usoo diray hay’adda duulista rayidka ah, isla-markaana ay dalbaday in halis amni ay uga imaan karto halkaasi, kadibna uu amray in laga raro barakacayaasha lana dajiyo meel kale balse uusan ka jirin dhul boob.

    “Waxaan dhahnay dadkaas si nabad ah meel ha lagu dajiyo, hana la kiciyo,, intaas uunbaa dhanhay, laakiin dhul ayaa la dhiibay, waa nala dhacay waxaas ma jiraan” ayuu sii yiri.

    The post Daawo: Muxuu Madaale ka yiri ‘dhul boobka loo haysto’ qoyska madaxweynaha? appeared first on Caasimada Online.

  15. FB_IMG_16913113600082335.jpg?resize=720%

    Waxaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho Xamse Warfaa oo ah la taliye sare oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka u qaabilsan dhinaca dimuqraaddiyadda iyo xuquuqda aadanaha.

    Xamse Warfaa ayaa ah mas’uulkii ugu sarreeyey ee asalkiisu Soomaali yahay oo xil ka qabta Xukuumadda Mareykanka, waxaana la taliye sare u magacaabay Madaxweyne Joe Biden 2022.

    Ujeedka socdaalka uu Xamse ku yimid dalka ayaa daaran sidii uu ugu kuurgeli lahaa horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, isla markaasna uga shaqeyn lahaa sare-u-qaadidda danaha ka dhaxeeya labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya.

    La taliye Xamse ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada labada Aqal, Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ahna ku Simaha Xoghayaha iyo mas’uuliyiin kale.

    FB_IMG_16913113974363661.jpg?resize=720% FB_IMG_16913113552689135.jpg?resize=720% FB_IMG_16913113723642113.jpg?resize=720% FB_IMG_16913113826646258.jpg?resize=720% FB_IMG_16913113913855021.jpg?resize=720%

    PUNTLAND POST

    The post Xamse Warfaa oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.


  16. Waxaa isoo gaadhay in  maalintii 23aad xidhanyey Hoggaankii is gaadhsiinta ciidamadda Badda S/land kornayl Ahmedyassin Awfarah

    Axmed waxa la xidhay maalintii Buurta Gacan Libaax ay jabhadu ka hadleen.

    Axmed waxa lay sheegay markuu 5 cisho jeelka wayn ku jiray in reerkiisii ogaaadeen   ilaa maanta na maxakamad aan la hor keenin.

    Axmed waxa uu u xidhan yahay 2 Sarkaal oo  isaga ka darajo hooseeya oo kala ah  Kanadi iyo Cali Xasan.

    Midda kaliya ee ay u xidheenna uu yahay shirqool iyo in uu nin West Burco Clan yahay oo aanay ka amar qaadan doonin, maadaama oo reerkiisu qarandumis yihiin siddee loogu aamini karaa xilka ay qiil ka dhigeen, waa amuur kale oo xasuustii 1984-88 dub inoogu celinaysa.

    Tiraba 22 nin oo xilal ciidan oo ka la duwan ka haya xukuumada, Muuse dhammaantood na West Burco Clan ah baa la ii sheegayaa inay xidhay yihiin tan iyo Maalintii  war buurta Buurta Gacan Libaax soo baxay.

    Waxaa kale oo xog aan ku helay in xukuumadu qorshaynayso dagaal ka dhan dhaliyarada buurta gashay ee aanay daacad ka ahayn wada hadalada inta damiirka leh ee dalka u tudhaysaa wado.

    inna rag walaal waxuu ku dhaamo lawaa weli kama ay dhaadhin inta tallada haysa se”

    W/Q: Xildhibaan Mohamed Jama Koodbuur

    Source


  17. Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya iyo kuwa Mareykanka ayaa howlgal wadajir ah ka fuliyay deegaannada dhaca xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, howlgalkaan ayaa ahaa mid ka dhan ah Al-shabaab oo muddooyinkii dambe weerarka ka geysanayay dhanka xadka.

    Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegtay in howlgalkan uu  ahaa mid looga hortegayay weerarrada ay ka geystan  Al-Shabaab deegaannada ku teedsan xadka, iyadoo si gaar ah looga sameeyay deegaannad dhaca dhanka xeebta Lamu oo dheer jeer weerarro ay ka dhaceen.

    Howlgalkan wadajirka ah ee ay sameeyeen milatariga Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee Africom ee taageera Kenya iyo ciidamada dalkaasi ayaa waxaa ka horreeyay dhoolatus milatari oo ay wadajir u sameeyeen ciidanka, kaas oo ay ka qaybgaleen diyaaradaha dagaalka.

    Mareykanka ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday in ay ka go’an tahay sidii loo xoojin lahaa amniga gobolka Lamu oo saldhig weyn ku leeyihiin ciidamadiisa iyo kuwa Kenya , waxaana uu imaanayaa howlgalkaan xilli Mareykanku uu howlgallo ka wado gudaha dalka Soomaaliya.

    Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Todobaadyadii ugu dambeeyay Al-shabaab ay weerareen gudaha Kenya, waxaana weerarradaas lagu dilay muwaadiniin dalkaas u dhashay, halka kuwa kalena la qafaalay, kuwas oo lala soo aaday dhunaca Soomaaliya.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  18. 365392927_824423462386016_87537373826741

    Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray mid kamid ah la-taliyeyaasha muhiimka ah ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, kaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay Aadan Cadde.

    Ninka oo lagu magacaabo Xamza Warfaa, ayaa asalkiisu yahay Soomaali, wuxuuna horay madaxwyene Biden ugu magacaabay inuu wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka u noqdo la taliyaha sare ee dhinaca dimuquraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha.

    Xamza ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan labada Gole, xubno ka mid ah wasaaradda arrimaha dibadda iyo maamulka gobolka Banaadir.

    Sidoo kale waxaa soo dhaweyta qayb ka ahaa qaybo kamid ah bulshada oo ay ugu horreeyaan dhalinyarada Barbaarta Gaashaaman oo ciyaaro ku soo dhaweeyay.

    Intaas kadib waxaa Xamza Warfaa ayaa loo galiyay gudaha caasimada, gaar ahaan halka loo diyaariyay, halkaas oo ka uu bilaabi doono kulamo kala duwan.

    Mas’uulkan ka socda dowladda Mareykanka ayaa inta uu joogo Muqdisho la kulmo doono madaxda sare ee dowladda oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dal iyo arrimo kale.

    Wuxuu Xamza kamid yahay Soomaalida xilalka muhiimka ah ka heysa Mareykanka, waxaana lamid ah Ilhaan Cumar oo horay marar kala duwan usoo booqatay dalka.

    Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Muqdisho u yimid kaaliyaha xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha argagixisada iyo sirdoonka, Brian Nelson, kaas oo wadahadal gaar ah la yeeshay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

    Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dalalka xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna dowladda federaalka ah ka taageeraa dhinacyada howlgallada iyo maaliyadda.

    365608782_746697324163543_75007882252963 365617539_746697334163542_14485414232715 365660952_746697287496880_39925169105670 365687621_746697304163545_60624027920243 365716909_746697277496881_31150329824895

    The post La-taliyaha madaxweyne BIDEN oo ka soo dagay MUQDISHO + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

  19. Danab-ciidan-ciidamo-dagaal.jpeg?fit=204

    Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay qaybo kamid ha gobolka Hiiraan ee HirShabelle.

    Howlgalkan oo ay si wadair ah isaga kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo Saaxibada Caalmiga ah ayaa si gaar aha uga dhacay deegaanka Qoob-Yaxaas ee gobolkaasi, waxaana lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

    Dowladda Somalia oo war kasoo saartay howlgalkan ayaa shaacisay in weerarka uu dhacay xilli uu shir uga socday halkaasi xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal.

    “Howlgalka waxaa lagu beegsaday xarun wayn oo Khawaarijtu ay ku lahayd deegaanka, xilliga uu howlgalku dhacayay goobta waxaa shir uga socday Kooxo Khawaarij ah oo ay ku jiraan horjoogayaal” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay sii deysay warbaahinta dowladda.

    Sidoo kale waxay dowladdu sheegtay in howlgalkan lagu burburiyay xaruntii ay ku shirayeen Al-Shabaab, isla-markaana la laayey xubnihii ku sugnaa halkaasi.

    Inta uu howlgalka socday waxaa sidoo kale la gubay gaadiid ay lahaayeen xubnaha Al-Shababa ee uu shirka uga socday deegaanka Qoob-Yaxaas ee gobolka Hiiraan.

    “Ciidanka Xoogga iyo saaxiibadood waxa ay ku guulaysteen in ay burburiyaan goobtii isla markaana halkaas lagu laayo maleeshiyaadkii ku shirayay, waxaana sidoo kale la gubay labo gaari oo ay wataan horjoogayaashii Khawaarijta ee halkaas joogay” ayay raacisay

    Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri  “Tirada dhimashada iyo dhawaaca ee soo gaaray Khawaarijta waxaa ku socota qiimayn waana idinla wadaagaynaa dhawaan insha allaah.

    Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

    Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay kooxda, waxaana weli ka socda howlgallo culus oo ay barbar socdaan duqeymo ay geysanayaan diyaarado dagaal.

    The post Daawo: Goob uu shir uga socday Al-Shabaab oo weerar culus lagu qaaday appeared first on Caasimada Online.

  20. KENYA.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1

    Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa si wadajir ah howlgal culus maanta uga sameeyay deegaano u dhow xadka Soomaaliya, kaas oo ka dhan ahaa Al-Shabaab.

    Howlgalkan oo ahaa mid looga hortegayay weerarada Al-Shabaab ayaa waxa ay labada dhinaca ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka xeebta Lamu ee dalkaasi, halkaas oo mararka qaar ay weeraro cuslus iyo qaraxyo miino ay ka geystaan xoogaga Al-Shabaab.

    Labada dhinac ayaa sheegay inay iska kaashanayaan xaqiijinta amniga deegaanadaasi oo maalmihii dambe ay xaaladdoodu liidatay, kadib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab.

    Howlgalkan wadajirka ah ee ay sameeyeen milatariga Mareykanka ee taageera Kenya iyo ciidamada dalkaasi ayaa waxaa ka horreeyay dhoolatus milatari oo ay wadajir u sameeyeen labada dhinac, kaas oo ay ka qaybgaleen diyaaradaha gaarka ah ee qumaatiga u kaca.

    Mareykanka ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday in ay ka go’an tahay sidii loo xoojin lahaa amniga gobolka Lamu oo saldhig weyn ku leeyihiin ciidamadiisa iyo kuwa Kenya si ay uga hortagaan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ee haatan kusii xoogeysanaya xadka Soomaaliya.

    Sidoo kale waaxda difaaca Mareykanka ayaa intaasi kusii dartay  in ay ka go’an tahay sidii ay gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga guud ahaa Bariga Afrika si looga adkaado kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliso gudaha Soomaaliya iyo dariskeeda.

    Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli ay hadda Kenya wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay weerarada Al-Shabaab, kuwaas oo dib u dhigay qorshihii furitaanka ee xadka labada dal.

    Kenya iyo Mareykanka ayaa labaduba qayb ka ah dagaalka ka socda Soomaaliya, waxayna ciidamo ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo caawiya ciidamada Xoogga dalka.

    Waxay sidoo kale weeraro cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgallada lagu burburinayo kooxda.

    Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso wajiga labaad ee gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay horkaceyso dowladda federaalka.

    The post Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya oo qaaday howlgal ka dhan ah Shabaab appeared first on Caasimada Online.

  21. The 2023 African Development Bank Outlook reveals that East Africa is poised to be the continent’s economic frontrunner, with growth rates surpassing 5% in 2023 and 2024.
    The services sector takes the lead in propelling East Africa’s GDP growth, accounting for half of the increase in 2022.
    The report emphasizes the urgency of embracing eco-friendly transformation in East Africa, highlighting private sector financing as a key driver.
    According to the recently released African Development Bank 2023 East Africa Economic Outlook, East Africa would have the greatest regional economic performance on the continent in 2023 and 2024, with growth rates of above 5%.

    Business Insider Africa
    Markets
    Leaders
    Careers
    Lifestyle
    Africa Collective
    Business Insider Africa

    ADVERTISEMENT
    Local Markets
    East Africa’s economy is set to outperform other African regions in 2023 and 2024
    CHINEDU OKAFOR
    August 4, 2023 2:00 PM

    East African Community
    East African Community
    The 2023 African Development Bank Outlook reveals that East Africa is poised to be the continent’s economic frontrunner, with growth rates surpassing 5% in 2023 and 2024.
    The services sector takes the lead in propelling East Africa’s GDP growth, accounting for half of the increase in 2022.
    The report emphasizes the urgency of embracing eco-friendly transformation in East Africa, highlighting private sector financing as a key driver.
    According to the recently released African Development Bank 2023 East Africa Economic Outlook, East Africa would have the greatest regional economic performance on the continent in 2023 and 2024, with growth rates of above 5%.

    ADVERTISEMENT

    RECOMMENDED ARTICLES
    FILE PHOTO: A participant stands near a logo of World Bank at the International Monetary Fund – World Bank Annual Meeting 2018 in Nusa DuaReuters
    Markets See the project the World Bank is looking to execute in Nigeria
    Black Sea Grain Initiative
    Markets The Russia/Ukraine War may cause more food shortages across Africa
    UN human rights exit Uganda weeks after visa ban restrictions were placed on Ugandan officials
    Markets UN human rights exit Uganda weeks after visa ban restrictions were placed on Ugandan officials
    The analysis, which was released on Thursday, July 27, predicts that the region’s mid-term economic growth will increase to 5.8% in 2024 from 5.1% in 2023, outperforming all other African areas. Growth in Rwanda, Uganda, Ethiopia, Kenya, Djibouti, and Tanzania will be a major contributor to this.

    The paper claims that the services sector in East Africa drove the region’s real GDP growth, accounting for about half of the increase in GDP in 2022. Compared to the average of 2.5 percentage points for the years 2015–2021, the sector’s contribution to GDP growth was just 2.0 percentage points. Due to the region’s natural and cultural features, there is a high demand for services including lodging, dining, and entertainment.

    However, the East Africa area is exposed to a number of local and international downside risks that might derail the region’s promising economic prospects. These include a slowing in the world economy, rising commodity prices, the Russian invasion of Ukraine continuing, rules governing international commerce, worsening financial conditions worldwide, exchange rate depreciation, and a rise in COVID-19.
    The domestic risks include gaps in infrastructure, domestic conflicts and political instability, macroeconomic imbalances, and adverse impacts of climate change,” the report states.

    An evaluation of the recent macroeconomic performance of the area is provided in the annual flagship Africa Economic Report of the African Development Bank. The research provides an in-depth examination of current difficulties that the area is facing and also looks at medium-term predictions and the dangers to the region’s development future.

    “Mobilizing Private Sector Financing for Climate Change and Green Growth” is the focus of the 2023 study. It explores the necessity of an eco-friendly transformation for Africa as well as the function of private-sector funding. It also makes the case for natural capital as a significant source of funding for climate-friendly economic development in East Africa.

    The paper lists four problems that the economies in the area frequently encounter and which support a robust, inclusive green growth goal. They consist of dependency on natural resources, energy, and water shortages, as well as reliance on agriculture for a living. It exhorts East African nations to adopt green growth strategies by focusing on important industries including forestry, sustainable agriculture, and infrastructure.

    Sourc Businessinsider

    Qaran News