Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mombasa (Caasimada Online) – Zakariya Kamala Sufi Abashiekh, a businessman previously residing in Mombasa, has been implicated in a controversial arms shipment from China to Somalia. The Somalia National Intelligence and Security Agency (NISA) recently announced Abashiekh’s arrest, alleging that he attempted to flee to regions dominated by the al-Shabaab terrorist group. Further digging into this incident paints a more convoluted picture. A credible source, Dahabo Haji Isse, identified as Abashiekh’s cousin, released a verified social media statement. Isse alleges that influential businessmen exploit young Kenyans in foreign countries to smuggle illegal goods across borders, often unbeknownst to them. Isse said, “He [Abashiekh] started a business in East Asia and China. He has been exploited by Somali businessmen, fulfilling their demands in return for commissions.” Abashiekh’s background Mr. Abashiekh, a Mombasa native, was born in Ganjoni. His academic journey began at Arya Primary School, and he later moved to Mvita Boys for secondary education. Following his studies, he traveled to China, where he pursued a degree in Computer Science for five years. Described as an average student, Abashiekh’s transition from academia to business in China raises eyebrows given the current allegations. While his business dealings are scrutinized, Abashiekh’s personal life has a contrasting narrative. His father, Kamal Sufi, revealed that Abashiekh was engaged, with wedding plans already in motion. However, these plans were abruptly halted due to his unforeseen arrest. Abashiekh’s initial arrest took place on April 28, 2023, at Mama Ngina Waterfront Park in Mombasa by the ATPU officers. He was subsequently arraigned in Shanzu Court in May for the alleged arms shipment to Somalia but was granted bail for Sh1 million. Yusufi Sufi, Abashiekh’s uncle, passionately stated, “It is unfair. He should be presented before the court if they believe he has a case to answer.” The family’s concern deepened when, on September 5, 2023, Abashiekh was allegedly abducted by unidentified men in civilian attire. Kamal Sufi, the businessman’s father, narrated the chilling incident, “While coming home from work, some men forced him inside a white Land Cruiser. We haven’t seen him since news of his arrest in Somalia emerged.” Calls for justice and NISA’s stance While Abashiekh’s family, represented by attorney Jared Magolo, is clamoring for his presentation in court, rights advocacy group Muslims for Human Rights (Muhuri) has intervened, expressing concerns over the apparent resurgence of enforced disappearances in Kenya. Sheikh Khelef Khalifa, the Director of Muhuri, implored the Kenyan government to act, emphasizing the gravity of the situation. NISA, on the other hand, portrays Abashiekh as a central figure in an international arms trafficking syndicate. In a firm statement, they expressed their determination to combat terrorism and its associates, vowing to “advocate for the anti-oppression and violence against the Somali population, both within and beyond our borders.” As this case unfolds, the juxtaposition of Abashiekh’s seemingly regular life in Mombasa against the grave accusations presents a poignant reminder of the multifaceted nature of international crime. The post Family blames moguls for kin’s arms trade saga appeared first on Caasimada Online.
  2. Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa kala wareegay degaanno hoos taga degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ku suganaayeen Al-shabaab, kadib howlgal ay ciidanku fuliyeen. Howlgalkaan ayaa waxaa iska kaasjanayay ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana saraakiil u hadashay ciidanka ay sheegeen in Al-shabaab khasaare lagu qaarsiiyey iyo fariisinno halkaas lagu burburiyay. Taliyaha ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed ee degmada Qoryooley Laba xiddigle, Cali Maxamed Aaden ayaa warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh lagu gaarsiiyeen Al-shabaabkii ku sugnaa. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ciidamadau burburiyeen fariisimo ay ku lahaayeen tuulada Gaay warroow, isaga oo intaas ku daray in deegaankii howlgalka laga sameeyay au ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo Koonfur Galbeed. Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta ayaa muddooyinkii dambe dhaqdhaqaaqyo ciidanka ka bilaabay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose, kaas oo u jeedkiisa lagu sheegay in Al-shabaab laga saaro deegaannada hoos yimaada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo booqasho ku jooga magaalada Qaahira ayaa kulan gaar ah la qaatay Mudane Alexio Musindo Agaasimaha Xafiiska ILO ee dalalka Somalia, Ethiopia, Djibouti, Sudan iyo South Sudan, ahna wakiilka gaarka ah ee AU iyo ECA ee dhanka Shaqada. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac oo uu ka mid ahaa Mudane Mahdi Maxamuud Cali oo ah La-taliyaha Sare ee MOLSA, Marwo Sucaad Cabdullaahi Macallin Agaasimaha Waaxda Sharciyada iyo Xiriirka Shaqada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Fatuxa Cabdullaahi Ciise La-taliye Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda, ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga ka dhexeeya ILO iyo Soomaaliya ee dhinacyada Shaqada iyo Horumarinta Bulshada. Wasiir Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac. Sidoo kale wuxuu sheegay in hay’adda ILO uu ka helay ballan qaad la xiriira dhammaan dhinacyada u baahan in Soomaaliya laga taageero sida dhanka ilaalinta Bulshada iyo horumarinta shaqo hufan (Decent Work) iyo tayenyta horumarka shaqaalaha hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Booqashada Wasiirka iyo wafdigiisa ay ku tageen dalka Masar ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xafiiska (ILO Cairo) ee Dalka Masar si ay uga wada hadlaan arrimaha iskaashiga. Masuuliyiinta Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii wado wadatashiga iyo isku xirnaanta labada dhinac si loo gaaro danaha horumarineed ee Bulshada Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shaaciyay in hawlgal wadajir ah maleeshiyaadka AS looga saaray kaymaha Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana khasaare xooggan lagu gaarsiiyay. War-saxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay iska kaashadeen ciidamada Burundi iyo Uganda ee qeyta ka ah ATMIS, Ciidanka Xoogga Dalka iyo dagaal-yahanada deegaanka ee Macawiisleyda. “Kaymaha Cali Fooldheere waxay si gaar ah sanadihii la soo dhaafay u noqdeen goob istaraatiiji ah oo ay argagixisadu ku qorsheeyaan weeraro lagu hoobto, kuna qariyaan hubka ay ka mid yihiin baabuurta loo adeegsado walxaha qarxa”Taliyaha ciidamada ATMIS Sareeye Guuto Sam Okiding. Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa u hambalyeeyay ciidamada isku dhafka ah ee Hawlgalkan ku guuleystay. PUNTLAND POST The post Maleeshiyaadka Shabaab oo si buuxda looga saaray Kaymaha Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sheegay in howlgal wadajir ah kooxda Al-Shabaab looga saaray kaymaha Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana khasaarooyin culus lagu gaarsiiyey. War-saxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay iska kaashadeen ciidamada Burundi iyo Uganda ee qeyta ka ah ATMIS, Ciidanka Xoogga Dalka iyo dagaal-yahanada deegaanka ee Macawiisleyda. War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in howlgalka uu daba socday maalmo uu socday weerar saf ballaaran ah oo dhulka iyo madaafiic ah, kaasi oo la soo geba-gebeeyey Axaddii 1-da October, si maleeshiyada Al-Shabaab looga sifeeyo kaymaha Cali Fooldheere. Taliyaha ciidamada ATMIS Sareeye Guuto Sam Okiding ayaa yiri “Kaymaha Cali Fooldheere waxay si gaar ah sanadihii la soo dhaafay u noqdeen goob istaraatiiji ah oo ay argagixisadu ku qorsheeyaan weeraro lagu hoobto, kuna qariyaan hubka ay ka mid yihiin baabuurta loo adeegsado walxaha qarxa.” Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa u hambalyeeyay ciidamada isku dhafka ah ee weerarka ku guuleystay. “Waxaan bogaadinayaa dadaalka geesinimada leh ee ay ciidamadeenna ATMIS, iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ugu jiraan wiiqista Al-Shabaab. ATMIS waxaa si buuxda uga go’an fulinta Qorshaha kala guurka Soomaaliya kaas oo ku dhamaan doona in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada amniga Soomaaliya,” ayuu yiri. Sida lagu sheegay bayaanka ATMIS, Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa hadda gacanta ku haya fariisimihii lala wareegay, waxaana ay ka sifeynayeen Al-Shabaab kooban oo ku haray deegaanno ku yaalla waqooyiga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabeelle. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin howlgalkan. Guushan ayaa ka dhigan in kooxda Al-Shabaab ay kusii dhowaatay in gebi ahaan laga saaro gobolka Shabeellaha Dhexe, oo weli qeybo yar oo ka mid ah ay ku harsan tahay, islamarkaana ku go’doonsan tahay. Isha: VOA The post Al-Shabaab ‘oo laga saaray’ kaymaha Cali Fooldheere appeared first on Caasimada Online.
  6. Mogadishu (HOL) - The Somali National Army (SNA), supported by local militia forces and the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) troops from Burundi and Uganda, conducted a joint military offensive in Cali Fooldheere forest, located in the Middle Shabelle region over the last two days. Source: Hiiraan Online
  7. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray waddada Taleex ee Degmada Hodan oo dib-u-dhis uu ku sameeyey Maamulka Gobolka Banaadir. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka halbowlaha ah ay kor u qaadayaan, nabadda, ganacsiga iyo horumarka kala duwan caasimadda, waxa uuna ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay soo nooleynta bilicdii iyo horumarkii Muqdisho ay ku suntanayd. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda in ay ilaaliyaan nadaafadda iyo daryeelka waddooyinka, isla markaana ay si dhaw ula shaqeeyaan Maamulka Gobalka Banaadir oo gacanta ku haya dib u dhiska jidadka caasimadda. Waddadan oo muhiimad gaar ah u leh isu-socodka bulshada caasimada, ayaa lagu dhisay barmaamijka hal doolar dalkaaga ku dhiso oo qeyb ka ah qorshe ay bulshadu uga qeyb qaadanayaan dib-u-dhiska Muqdisho. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamsa xarigga ka jaray waddada Taleex ee Muqdisho oo dib-u-dhis lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.
  8. Morocco reaffirmed its support for the Somali Federal Government's request for a three-month technical pause for the second phase of the withdrawal of troops from the African Union Transition in Somalia (ATMIS), scheduled for September 30th, before the Peace and Security Council (PSC) of the African Union (AU). Source: Hiiraan Online
  9. Ethiopia's embassy in the Sudanese capital Khartoum was attacked and damaged by heavy weapons on Tuesday morning, the Ethiopian ambassador there has confirmed. Source: Hiiraan Online
  10. Ethiopia and the European Union signed a €650 million ($680 million) financial support agreement for the Multi-Annual Indicative Program on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  11. NAIROBI, KENYA — Kenyan President William Ruto has welcomed a new resolution approved Monday by the U.N. Security Council authorizing a foreign security mission to intervene in Haiti. Ruto said he hopes the so-called Multinational Security Support Mission his country is leading will provide a different footprint in the history of international interventions in Haiti. Source: Hiiraan Online
  12. The Oct. 3, 1993 battle of Mogadishu, Somalia is best known from the book and movie “Black Hawk Down.” But one local retired Army chaplain said there’s a memory from that day that didn’t make the screen. Source: Hiiraan Online
  13. At least two al Shabaab logisticians were Tuesday killed when a bomb they were setting up exploded on them in the Amuma area, Garissa county. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Laamaha Amniga ee Dowladda Federaalka ayaa wada baaritaano lagu sameynayo Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) iyo xiriirka kala dhaxeeya maleeshiyada Al-Shabaab. Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii shaacisay in ninkani laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, kadib sanadihii ugu dambeeyay oo uu ku noolaa magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya. “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) oo waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasilloonida iyo Dowladnimada Somaliya, sidoo kalena taageerayay Khawaarijta,” Ayaa lagu yiri war ay soo saartay Hay’adda NISA. Warka ayaa lagu sheegay in hay’addu ay ninkaasi ku billowday baaritaano iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya Al-Shabaab, shabakadaha kale ee ku xiran iyo shakhsiyaadka la wadaagga fekerka khalafsan ee Shabaabnimada. NISA oo dib u daalacatay wareysiyo uu dhawaan ninkaasi bixiyay ayaa garowsatay in uu carqalad ku yahay amniga iyo xasilloonida dalka, waana tan keentay in laga soo qabto dalkaasi, iyadoona xukuumadda Nairobi ay fududeysay xariggiisa. Sufyaan Sheekh Axmed ayaa wareysiyadaasi ku muujiyay, sida uu u taageersan dagaalka ay Shabaabku ka wadaan dalka, bacdamaa sida uu sheegay ay doonayaan in Shareecada Islaamka ku xukumaan Somaliya. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad uu bixiyay amarka lagu soo xiray Sufyaan Taakeeye, kadib markii uu la tashi kala sameeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo kan Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor). Taakeeye ayaa waxay ehel yihiin madaxweyne Qoorqoor. Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya halka lagu hayo Taakeeye. Wararka qaar ayaa sheegaya in lagu hayo Xarunta Baarista Xisbiga oo ku dhex taala Villa Somalia, halka warar kalena ay sheegayaan in lagu hayo Xarunta Hay’adda Nabad Sugidda ee Gurigii Habar Khadiijo. Taakeeye ayaa noqonaya ninkii labaad ee NISA ka soo qabato dalka dibaddiisa, wax ka yar toddobaad. Jimcihii ayay ahayd markii dalka dib loogu soo celiyay Sakariye Kamaal Suufi Abba Sheekh (Saki), kaas oo lagu eedeeyay in uu hubka dibadda uga sii iibin jiray Al Shabaab. Saki oo hadda lagu hayo Muqdisho ayaa laga soo xiray dalka Kenya. “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed,” Ayaa lagu yiri warka NISA. The post Xog: Sida uu ku yimid xariga Taakeeye iyo halka lagu hayo appeared first on Caasimada Online.
  15. Aqalka Wakiilada Maraykanka ayaa jagadii guddoomiyenimo ka qaaday Kevin McCarthy, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, islamarkaana tan iyo markii la doortay golaha ku hogaaminayey aqlabiyad kooban. Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka wakiillada Mareykanka oo ka mid ahayd xubnihii ka codeyay Kevin McCarthy afhayeenkii xilka laga tuuray ee Kongreska, ayaa barteeda X, ee horey loo oran jiray twitter ku daabacday qoraal ay tillaabadas uga falcelineyso. “Kevin McCarthy wuxuu ka dhigay hadafkiisa inuu bartilmaameedsado awoodda haweenka, wuxuu ka dhigay hadafkiisa inuu qariyo dambiyadii shirqool ee Donald Trump,” ayay ku tiri qoraalka ay barteeda X, soo dhigtay. Ilhaan oo ka tirsan xisbiag Dimuquraadiga oo ay siyaasadda isku hayaan xisbiga Jamhuuriga ayaa qoraalkeeda ku muujisay in ay sax ahayd tillaabada xilka looga tuuray Mr Kevin oo Jamhuuriga ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka oo aqalka kongreska Maraykanka aqlabiyad ku leh ayaa saddexdii bishii Febraayo ee sanadkaan xildhibaanad Ilhaan Cumar ka xayuubiyay xubinimadii Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalkaasi, taasoo muujineysay xiisadd ka dhex aloosneed aqalka gudihiisa oo u dhaxaysay labada xisbi. Cod la qaaday ayey Ilhaan ku weyday xilligaas xubinimada guddigan oo ka mid ah hay’adaha ugu awodda badan ee hoggaamiya siyaasadda uu Mareykanku ku wajaho caalamka. Aqalka Cad ayaa xilligaas sheegay in tillaabadaas ay tahay mid siyaasadeysan. Jamhuuriyiintuse waxay sheegeen in Ilhaan ay horey u samaysay faallooyin naceyb ku salaysan oo ka dhan ah Yuhuudda, taasoo loo sababeeyay tallaabada looga saaray guddiga. PUNTLAND POST The post Aqalka Wakiilada Maraykanka oo Xilkii guddoomiyenimo ka qaaday Kevin McCarthy appeared first on Puntland Post.
  16. Ugu yaraan 21 qof oo ay ku jiraan laba carruur ah iyo dalxiisayaal ajaanib ah, ayaa ku dhintay habeenimadii Arbacada soo galeysay, tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib markii bas ku socday methane uu ka dhacay buundada Venice, kadibna uu dab qabsaday. “Dhimashada inta la xaqiijiyey waa ugu yaraan 21 geeri ah iyo in ka badan 20 qof dhaawac ah oo isbitaallada la dhigay,” ayuu yiri Luca Zaia, guddoomiyaha gobolka Venice. “Waxaa socda dadaallo lagu soo saarayo laguna aqoonsanayo maydadka,” ayuu yiri. “Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxaa ku jira dad dhowr jinsiyadood ah, ma ahan Talyaani oo keliya.” Sarkaal ka tirsan aqalka dowladda hoose ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan dalxiisayaal u dhashay Ukraine halka wakaalada wararka Talyaaniga ee ANSA ay sheegtay in dadka dhintay ay ku jiraan muwaadiniin Jarmal iyo Faransiis ah. PUNTLAND POST The post Shil dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Talyaaniga appeared first on Puntland Post.
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Maxamed Cumar Maxamed oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa isu-soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Maxamed Cumar ayaa ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda eek a howlgala degmada Jamaame iyo nawaaxigeeda, sida uu ku sheegay wareysi ay saraakiishu la yeesheen. Ciidamo ka tirsan Guutada 11-aad, qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga ayaa Maxamed oo ay eryanayaan xubno kale oo Shabaab ah kaga hor tegay duleedka deegaanka Baar-sanguuni. Saraakiisha soo qabatay ninkaan ayaa warbaahinta u sheegay inay ka soo badbaadiyeen koox ay ka wada tirsanaayeen Al-Shabaab oo dooneysay inay disho, markii la ogaaday inuu baxsad yahay. Maxamed Cumar Maxamed ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in Al-Shabaab ay xoog ku askareeyeen isagoo jira 8-sano, isla markaana hadda uu jiro 21-sano. Wuxuu sheegay in hadda uu adkeysa waayey dhibaatada ka jirta gudaha kooxda iyo cabsida ay ku hayaan weerarrada ay fuliyaan ciidamada dowladda. Sidoo kale ninkaan ka soo baxsaday Al-Shabaab wuxuu sheegay inay aad uga cabsa jireen duqeymaha, isla markaana ay galeen go’doon markii dambe ku kalifay inuu isaga soo cararo deegaanadii ay joogeen. Al-Shabaab oo ka war helay inuu ka soo goostay ayaa soo eryaday wuxuuna sameeyey iska cabin oo waa dagaalamay, dad shacab ah oo ku nool deegaanadii uu ka soo gudbay ayaa u soo sheegay ciidamada dowladda, taas oo fududeysay in laga hor tago oo laga soo badbaadiyo kooxdii eryaneysay. Maxamed wuxuu sheegay in kuwa eryanaayey isaga ay laftigoodu dhiban yihiin, isagoo ugu baaqay inay ka soo baxaan noloshaas quusta ah, 13 sano oo Shabaab uu ka tirsanaa wuxuu sheegay in markii ugu adkeed ay hadda ku jirto kooxdu. The post Sawirro: Ciidamada DF oo Shabaab ka soo badbaadiyey nin uga goostay Jamaame appeared first on Caasimada Online.
  18. Wargeys ka soo Baxa Zimbabwe oo Warbixin Dheer ka Qoray Madasha Dhaqaalaga Somaliland 2023 Hargeysa(Qaran)-Shirka Madasha Dhaqaalaha Somaliland ee 2023-ka oo la qorsheeyay inuu 13-ka ilaa 14-ka bishan October ka qabsoomo Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa ah ballan-qaad ballaadhan oo la xidhiidha horumarinta Maal-gashi waara oo mandaqada ah. Warbixin wargeyska Bulawayo 24 News, ee dalka Zimbabwe lagu daabacay shalay oo la xidhiidha Shirka Madasha Dhaqaalaha ayaa lagu sheegay in kulamo gaar-gaar ah oo ujeedadoodu tahay ka-hortagga caqabadaha, sahminta fursadaha, iyo dhiirigelinta wada-shaqeynta hay’adaha dawladda iyo hay’adaha sharci-dejinta ay socdaan, isla markaana lagu wado in ay noqoto madal lagu soo bandhigo fursadaha maalgashi ee Somaliland. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Horumarinta Wershadaha, Maxamed Cismaan Siciid, oo la weydiiyey dareenkiisa kulanka, ayaa sheegay in dedaal loogu jiro sidii loo soo jiidan lahaa maal-gashiyada dalal kala duwan ee caalamka. Mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee Madasha Dhaqaalaha Somaliland 2023 ayaa ah in kor loo qaado maalgashi waara oo gobolka ah. Tani waxa ay keenaysaa in la soo jiito maal-gashi aan faa’iido uun dhalin, balse sidoo kale ka qayb qaata horumarinta mustaqbalka fog ee dhaqaalaha iyo bulshada Somaliland. Iyada oo loo marayo fadhiyada la beegsanayo iyo doodaha golayaasha, saraakiisha dawladda, khubarada warshadaha, iyo maalgashadayaasha suurtagalka ah waxay keeni doonaan wada-hadallo midho dhal ah oo ku saabsan muhiimadda joogtaynta iyo dhaqamada ganacsi ee mas’uulka ah. Kulankan ayaa noqon doona mid la isugu keeno dhinacyada ay khusayso, wax ka qabashada caqabadaha jira, sahanka fursadaha, iyo ka shaqaynta sidii loo gaadhi lahaa barwaaqo iyo mustaqbal waara oo Somaliland yeelato. Qaran News
  19. Ganacsatada Xoolaha oo lagala Hadlay Doorka ay ku yeelanayaan Madasha Dhaqaalaha Hargeysa(Qaran)-Waxa Maanta ka qabsoomay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaannadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Shir uu shir-gudoominayay Agaasimaha Guud Ee wasaaradda Mudane Dr. Ahmed Ali Maax oo lagaga wada tashanayay ka qayb qadashada shirwaynaha labaad ee Madasha dhaqaalaha Somaliland (Somaliland Economic Forum), 2023. Shirkaas oo qabsoomi doona 14/10/2023 ilaa 15/10/2023, kana qabsoomi doona Hotel Ambassador. Kulankaas waxa ka soo qayb galay maalgashatada iyo ganacsatada Xoolaha, digaaga, Geelayda (Caanaha Geela), Shirkadaha kalluumaysiga iyo ganacsatada Kalluumaysiga. Qaran News
  20. Denmark oo Shaacisay inay Taageerayso Doorashada Somaliland, Walaacna ka Qabto Xaaladda Laascaanood Hargeysa(Qaran news)-Dalka Denmark ayaa sheegay in beesha caalamka walaac ka qabto nabadgelyo-daradda ka jirta barriga Somaliland gaar ahaan Laascaanod, isla markaana ballanqaaday inay taageeri doonto doorashooyinka qorsheysan sannadka dambe. Md. Steen Sonne Andersen, Safiirka Denmark ee Kenya oo socdaal saddex maalmood ku yimi dalka ayaa sheegay in kulamo uu la yeeshay xukuumadda, xubno Wasiiro ah, xisbiyada mucaaradka iyo ururada bulshada si wanaagsan isugu afgarteen. Safiir Andersen oo ka hadlay socdaalkiisa ayaa sheegay inuu rajeynayo in horumar lagu gaadho doorashooyinka November 2024, “Denmark, waxaan si weyn u taageernaa horumarka nidaamka dimuqraadiyada, waxaanan ka hawlgeli doonaa in hore loo socdo.” Safiirka Denmark ayaa sheegay in Denmark iyo beesha caalamku aad uga walaacsan yihiin nabad-gelyo darada ka jirta deegaanada bariga Somaliland ee ku teedsan Laascaanod “Waxaan rajeynayaa in wada hadal nabadeed ka hirgalo, toddobaadyada iyo bilaha soo socda.” Qaran News
  21. Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa maanta gobolka Hiiraan looga dhawaaqay howlgal nooc cusub ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka, kaas oo loogu magac daray xidido siibka kooxda Al-Shabaab, si looga saaro meelaha ay ka joogaan gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in howlgalgan uu yahay mid si aad ah loogu diyaar garoobay, isla-markaana lagu doonayo in Al-Shabaab looga sifeeyo deegaanka jinka waniga ee gobolkaas. Sidoo kale waxaa abaabulka howlgalkan qayb ka ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo uu kamid yahay Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed oo muddo dheer ku sugan jiida hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga gobolka Hiiraan ee HirShabelle. Xildhibaanka oo la hadlayay ciidanka loo diyaariyay howlgalka cusub ee xidido siibka Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidanka laga rabo inay ka dhabeeyaan go’aankooda, si looga hortago weerarada iyo qaraxyada ay Al-Shabaab ka fuliso degmooyinka gobolka Hiiraan. “Dagaalka aan ugu magac darnay Xidido siibka Al-Shabaab waa mid laga siibayo deegaanada Jiinka Webiga dhaca oo aanay awood ku joojin balse dhuumaaleysi ku yimaadaa, inta ay qayb kamid ah Hiiraan joogaan hubka waan wadan doonaa sababtoo ah magaca gobolkaan inta aan sheeganeyno dagaalka waan wadi doonaa” ayuu yiri Maxamed. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in muddo laba bilood ah ay kusoo afjari doonaan Al-Shabaabka ku sugan guud ahaan gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay. “Laba bilood ayaan Khawaariijta uga saareynaa Jiinka Webiga” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay garab istaagaan ciidamada isbaheysanaya ee la dagaalamaya Al-Shabaab, si looga adkaado kooxda. Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka, waxaana mar kale gobolkan laga abaabulayaa guluf ka dhan ah kooxda. The post Howlgal nooc cusub ah oo looga dhawaaqay gobolka Hiiraan appeared first on Caasimada Online.
  22. In a truly remarkable tale of dedication, ambition, and resilience, Salahhudin Adenkhalif, a Somali-American who arrived in the United States as a refugee, has recently attained the prestigious rank of US Navy Commander stationed in San Diego. His journey not only epitomizes the American dream but also stands as a testament to the profound impact of education, persevarance, and family support. Source: Hiiraan Online
  23. Khilaaf xooggan ayaa ka aloosan dhisida golaha degaanka degmada Boosaaso, kadib markii ay laba garab u kala baxeen xubnihii golaha degaanka ee ku soo baxay qof iyo cod. Afar Xisbi ayaa ku heshiiyay in ay wada dhistaan golaha degaanka Boosaaso, si meesha looga saaro Xisbiga haysta kuraasta ugu badan ee Mideeye, taasi oo abuurtay khilaafka taagan. Xubnaha golaha degaanka Boosaaso oo ka kooban 33 xubnood, kana soo baxay 6 xisbi ayaa noqday laba garab oo mid taageersan yahay heshiiskii afarta xisbi, halka garabka kale uu raacsan yahay Mideeye. Garabta taageersan heshiiskii xisbiyada oo ay gadaal ka riixayso xukuumadda madaxweyne Deni ayaa maanta guddoomiyaha degmada Boosaaso u dhaariyay Cabdifitaax Shanle oo ka tirsan xisbiga SINCAD, halka guddoomiye ku xigeeen ay u dhaariyeen Bashiir Siciid oo ka tirsan Mustaqbal. Garabka xisbiga Mideeye ayaa dhankooda guddoomiyaha degmada Boosaaso u doortay Cabdiraxmaan Jinac oo ka tirsan xisbiga Mideeye, halka mu xigeen ay u doorteen Cumad Mursal oo ka socda xisbiga Mustaqbal. Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxaa ayaa gebi ahaanba ka horyimid tallaabooyinka is bar bar socda ee ay ku kaceen labada garab ee golaha degaanka Boosaaso oo uu ku tilmaamay kuwa aan waafaqsanayn habraaca dhisidda golaha degaanka. Waxaase hadalka wasiir Juxaa ka horyimid wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha Puntland Maxamed Axmed Kulan waxaana uu taageeray garabkii xukuumaddu riixaysay ee dhaariyay Cabdifitaax Shanle iyo Bashiir Siciid. Waxaa muuqata in si ba’an loo kala qaybiyey xildhibaanadii golaha degaanka Boosaaso, oo la dhawaacay dedaalkii bulshadu ku bixisey in la helo gole deegaan oo hufan oo shaqeyn kara, waxaana hadda khilaafku saameeyay mas’uuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda arrimaha gudaha Puntland. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee Khilaaf xooggan oo ka taagan dhisidda golaha degaanka Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin bulsho oo xoog leh ayaa ka dhalatay war ay maanta dowladdu ku shaacisay inay soo xirtay Sufyaan Taakeeye oo laga soo qabtay magaalada Nairobi, laguna soo xiray magaalada Muqdisho. NISA ayaa sheegatay galabta soo qabashada Taakeeye, balse xiligii warkaasi uu ka soo baxay waxaa cabsiga laga sii daayey Agaasime Cali Cabdi Xooshow oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda, ku dhawaad toddobaad-na NISA ugu xiraa magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah dadkii ka falceliyey soo qabashada Taakeeye ayaa dowladda ku eedeeyey in warka Taakeeye ay ku demineyso warka sii deynta Agaasime Cali Cabdi Cali Xooshow oo la aaminsan yahay in arrimo siyaasadeed uu ugu xiraa NISA, inkastoo aan la shaacin dembiga loo heystay. Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyey in isaga iyo Xildhibaan Ciid oo baarlamaanka ku metela Agaasime Xooshow ay maanta u tageen Agaasimaha NISA Mahad Salaad, isla markaana uu ka aqbalay dalabkoodii ahaa in Xiooshow xoriyadiisa la siiyo. Qaar ka mid ah dadkii ka aragti dhiibtay warka soo qabashada Taakeeye ayaa dowladda kula taliyey in sidaan oo kale loo soo xiro Cali Yare Cali oo aad u mucaarada dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, Cali Yare ayaa isna ku nool magaalada Nairobi. Dhankiisa Cali Yare ayaa aad u taageeray soo qabashada Taakeeye, balse wuxuu NISA ku eedeeyey inay sheegatay awood aysan laheyn, sida uu hadalkiisa u dhigay, sidoo kale Cali Yare wuxuu Taakeeye ku tilmaamay Khawaarij weyn. Cali Yare ayaa sheegay in Taakeeye Muqdisho laga soo dejiyey maalmo ka hor, balse NISA ay ku demineyso sii deyntii Agaasime Cali Xooshow oo maalmahaan u xiraa hey’adda. “Khawaarijkii weynaa Taakeeye oo la soo xiray maalmo ka hor, Xamarna ay keentay Dowladda Kenya ayay dheheen aan ka dhigno shaqo aan innaga qabannay, maantana aan ka dhignoNEWS, oo aan iskaga damino wararka Ali Abdi hoshow,” ayuu yiri Cali Yare. Qaar kale oo ka mid ah dadkii aragtidooda ka dhiibtay soo qabashada Taakeeye waxay dowladda ku bogaadinayee sida ay ugu guuleysatay in ninkaas ay ku soo xirto Muqdisho. Sufyaan Taakeeye ayaa wareysiyo uu bixiyey bilihii lasoo dhaafay wuxuu dowladda si cad ugu tilmaamay ‘gaalo’ wuxuu sidoo kale sheegay in Shabaab ay ka roonyihiin dowladda, isagoo ku andacoonayey in Xisbi uu hoggaamiyo qabsa doono talada dalka. The post Falcelin xooggan oo ka dhalatay soo qabashadii NISA ee Sufyaan Taakeeye appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa soo saaray qoraal uu ku sharaxay sidii ay ugu suurta-hashay inay cabsiga ka soo daayaan Cali Cabdi Cali Xooshow oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa Muqdisho. Xooshow oo ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa maalmo ka hor soo xirtay hey’adda NISA, in kastoo aan la shaacin dembiga loo heysto, hadana wararka qaar waxay sheegayaan in dhowr jeer uu Cali Yare Cali oo dowladda mucaarada ka gacan siiyey inuu dib u helo bartiisa Facebook oo laga xiray. Sanbalooshe ayaa sheegay in xildhibaanada beesha Xawaadle ay xoriyad u raadinta Xooshow u wakiisheen isaga iyo Xildhibaan Ciid, isla markaana ay u tageen Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo amray in xabsiga laga sii daayo Xooshow. “Waxaan jecleystay in aan halkaan ku cadeeyo in soo deynta Cali Cabdi Cali Xoosho ay ka dhalatay dadaal ay u dhamaayeen dhamaan xildhibaanada Beesha oo aan kala har laheyn ayaga oo aniga iyo Xildhibaan Ciid inoo wakiishay in aan u tagno Agaasimaha Hayada NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad, kaas oo runtii si qiima badan noo soo dhaweeyey isla markaasna si sharaf leh nooga aqbalay in uu codsigeynii ku aadanaa soo deynta Agaasime Xooshow,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sanbaloolshe. Qoraalka Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa intaas ku sii daray, “Xildhibanadu waa ku waajib in ay si Hagar-la’aan ah ugu adeegaan dadka ay matalaan sidaa darteed ma ahan in dhibco siyaasadeed laga raadiyo ama la is muujiyo markii wax yar la qabtaba.” Sanbaloolshe ayaa dalbaday in wararka ku saabsan xariga Xooshow halkaas lagu demiyo, maadaama ay dowladdu awood u leedahay inay qof xirto. “Dowladnimadu Waa xoogeysatay war xuma tashiilka iyo xaalad abuurkana hala yareeyo. Dadka waxa xiri kara laakiin aan soo deyn karina yaan warkooda la dhegeysanin. Mahasanidiin,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe. Cali Cabdi Cali Xooshow oo loo yaqaano Cali Suxeyfa wuxuu mar soo ahaa Weriye ruugcadaa ah, hadda wuxuu ka tirsan yahay shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, wuxuuna ku magacaaban yahay agaasimaha warfaafinta ee wasaaradda. Xooshow ayaa ku dhawaad toddobaad ku xirnaa Muqdisho, waxaana aad loo dalbananyey in xoriyadiisa la siiyo, inta badan siyaasiyiinta, saxafiyiinta iyo saaxiibadiis ayaa maalmahaan dowladda ka codsanayey in Cali Xooshow xoriyadiisa la siiyo. The post Xildhibaan Sanbaloolshe oo shaaciyey xogta sida lagu sii daayey Cali Xooshow appeared first on Caasimada Online.