Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. FB_IMG_1692242982797.jpg?resize=720%2C48

    Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si adag uga hadlay falkii Somaliland ku dishay abwaankii Soomaaliyeed ee Jaamac Kediye.

    “Waxaan Qoyska, Ehelka, Qaraabadda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa Abwaan Jaamac Kadiye oo galabta lagu diley isaga iyo muwaadiniin kale duqeymihii arxan-darada ahaa ee lala beegsaday Magaalada Laascaanood”.

    “Rabbi ha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye wuxuu kamid ahaa abwaanadii hal abuurka iyo suugaanta meel sare ka gaaray, magac iyo miisaan weyna ku dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri mudane Xamse.

    Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale wax aan la aqbali karin ku tilmaamay duqaymaha Somaliland ka waddo Laascaanood ee lagu beegsanayo dadka rayidka ah gaar ahaanna wax-galka bulshada oo ay ku jiraan Aqoonyahanka iyo Abwaaniinta.

    “Dilalka iyo duqeymaha loo geysanaayo aqoonyahanka, Abwaaniinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ma ahaan wax laga aqbali karo maamulka Soomaaliland waana dambi iyo jariimo aad u weyn” ayuu sii raaciyay Ra’iisul wasaaraha dalka.

    PUNTLAND POST

    The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo si adag uga hadlay falkii Somaliland ku dishay Abwaan Jaamac Kediye appeared first on Puntland Post.


  2. Jeneraal-Caanood.webp?fit=1023%2C575&ssl

    Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in howlgal maanta ka dhacay aagga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud lagu dilay 30 ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

    Afhayeenka ayaa sheegay in howlgallada xoogooda ay ka dhaceen jihada xigta deegaanka Wabxo oo Al-Shabaab ay weli sugan yihiin, balse maanta laga saaray deegaano u dhow.

    “Deegaanada Ceelbacad iyo Lix-iridood maanta dagaal culus ayaa ka dhacay, waxaa Khawaarijta lagu weeraray ilaa afar goobood, waxaana dhacay dagaal aad u culus,” ayuu yiri Afhayeenku.

    Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ayaa sheegay in maanta aaga deegaanka Wabxo uu ka dhacay dagaal culus oo sababay in la dilo in ka badan 30 Shabaab ah.

    “Waxaan xaqiijinay in dagaalkii maanta lagu dilay ilaa 30 Khawaarij ah, anaga hal askari ayaa naga shahiiday, waxaa Khawaarijta laga gubay gaari ay qarax ku soo rareen ciidanka ayaa fashiliyey dhagartaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Caanood.

    Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidanka dowladda oo kaashanaya ciidamada deegaanka ay ku guuleysteen in deegaano badan laga xoreeyo kooxda, isagoo sheegay in qorshuhu yahay in ciidamadu ay saacadaha soo socda gudaha u galaan deegaanka Wabxo.

    Dhinaca kale, Afhayeenku wuxuu ku dheeraaday sharaxaada qorshaha dagaal ee dowladda, isagoo sheegay in si taxadar leh oo tartiib ah ciidanku ay u soconayaan ilaa ay ka gaaraan deegaanka ugu dambeeya ee Shabaab joogo.

    “Qorshaha Khawaarijtu waa inay ciidanka dabamareeyaan oo qaraxyo jidadka u geliyaan, anagu markaan aragnay qorshahooda waxaan go’aaminay in ciidanka aan la dedejin oo geed kasta laga saaro kooxda, iyadoo laga fogaanayo dhagartooda, ciidanku wuxuu ku socdaa lug, jiho aad u balaaran,” ayuu yiri Jeneraal Caanood.

    Ugu dambeyntii Jeneraal Caanood ayaa dadka ku nool aagga Galhareeri iyo Ceelbuur ugu baaqay inay isaga cararaan meelaha ay joogaan Al-Shabaab, isagoo tusaaleeyey nolosha wanaagsan ee loo qorsheeyey dadkaas oo asaagooda ay Al-Shabaab ka reebeen.

    Hoos ka daawo

    The post Daawo: DF oo war culus ka soo saartay dagaal ka dhacay Galgaduud oo Shabaab lagu laayey appeared first on Caasimada Online.

  3. Xaad-.jpeg?fit=1440%2C960&ssl=1

    Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka ee beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha beesha Murusade ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa qabtay shir jaraa’id.

    Nabadoon Xaad ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee howlgallada kagu xoreynayo dhulka ay degto beesha Murusade ee bariga gobolka Galgaduud.

    Nabadoonka ayaa sheegay inay saacadihii lasoo dhaafay hadleen odayaal kasoo jeeda beesha Murusade oo Al-Shabaab ay qasbeen.

    Wuxuu sheegay in warka ka soo yeeray odayaashaas aysan waxaba u arkeyn, isagoo odayaasha jooga Ceelbuur iyo Galhareeri u sheegay inay sameeyaan wax kasta oo naftooda ay uga badbaadsa karaan cadowga heysta dhulka ay joogaan.

    “Waxaan aragnay odayaal ay qasbeen oo ka hadlaya deegaanada ay Khawaarijtu joogto, anagu hada waxaba uma aragno hadalkooda, laakiin waxaan leenahay walaalayaal sameeya wax kasta oo naftiinu ay ku badbaadeyso, waxaana idinkugu bishaareynayaa in mar dhow ay dowladnimadu idin soo gaar doonto,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

    Xaad ayaa dadkiisa u cadeeyey in aysan jirin beel kale oo duulaan ku ah deegaanadooda, sidoo kale wuxuu sheegay inay heli doonaan nolol ka qurxoon tan ay heysteen 15-kii sano ee Al-Shabaab ay joogeen deegaanadooda.

    Sidoo kale mabadoonka ayaa bogaadiyey howlgallada ciidamada qaranka ee ka socda deegaano badan oo ka tirsan Galgaduud oo hoos taga Ceelbuur iyo Galhareeri, kuwaas oo maanta lagu dilay Shabaab badan.

    Ugu dambeyntii Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay inay Dhuusamareeb ka wadaan abaabul dagaal oo xoog leh oo ku wajahan Ceelbuur iyo Galhareeri, isagoo ugu bishaareeyey dadkiisa inay xoriyad buuxda heli doonaan maalmaha soo socda.

    The post Daawo: Xaad oo war kasoo saaray hanjabaaddii odayaasha Murusade appeared first on Caasimada Online.

  4. xoogga.jpg-ciidan-dagaal-ciidamada.jpg?f

    Ruun-Nirgood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen hoodka u dhexeeya degmada Ruun-Nirgood iyo deegaaka Ceelbacad.

    Ciidamada huwanta ee weerarka qaaday ayaa lagu soo warramayaa in meel dhexe lagula beegsaday qarax miino, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

    Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qaraxaas lagu dilay ugu yaraan illaa 5 askari, laguna dhaawacay tiro kale, kuwaas oo isugu jiro Xoogga dalka iyo Macawiisley.

    Intaas kadib ciidamada ayaa si waday howlgalkooda, waxayna ku gaareen goobta bartilmaameedka u aheyd ee ay joogeen xubnaha Al-Shabaab.

    Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay ku dagaalameen halkaasi, kadibna laga adkaaday xubnaha kooxda Al-Shabaab.

    Saraakiil ka tirsan milariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dagaalkaas ku dileen  10 xubnood, ayna cagta mariyeen saldhiggii Al-Shabaab.

    Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay la wareegeen deegaanka lagu dagaalamay, isla-markaana ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqooda ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

    Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.

    Maalmihii u dambeeyay ayaa ciidamada huwanta waxa ay howlgallo culus ka wadeen xadka u dhexeeya gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud ee HirShabelle iyo Galmudug.

    Si kastaba, maalmo kahor ayay aheyd markii ay gacanta dowladda soo gashay degmada Ruun-Nirgood oo noqotay degmadii ugu dambeysay ee laga fara maroojiyay Al-Shabaab.

    The post Ciidamo weerar ku qaaday Al-Shabaab oo qarax lala eegtay + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

  5. Gaas-scaled.jpeg?fit=2560%2C1707&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo soo noqday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee Puntland ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan Beledweyne, kadib wareysi uu bixiyay.

    Gaas ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya inuu dabac-sanaan muujiyo, isla-markaana uu tego gobolka Hiiraan, maadaama uu hadda joogo Dhuusamareeb.

    Siyaasi Cabdiweli Gaas ayaa si gaar ah usoo hadal qaaday gadoodka Cali Jayte Cismaan ee ku aadan HirShabelle, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay inuu Xasan Sheekh u tago ninkaasi, kadibna uu kala hadlo xiisadda ka dhalatay xilka qaadista lagu sameeyay.

    “Waa maxay Problem-ka ku jira haddii madaxweyne Xasan Sheikh uu u tago Cali Jeyte,? kuna dhaho, “Abti muxuu yahay problem-kaagu. Cali hadduu xujo ka dhigay tegitaanka Muqdisho, waxaa la rabaa in madaxweynuhu xujadaas furo oo u tago Cali Jeyte” ayuu yiri.

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxweynaha la rabo inuu il gaar ah ula haado arrinta reer Hiiraan, isla-markaana u qanciyo tabashadooda, si xal looga gaaro xiisadda taagan.

    “Maanta dowldnimada waa Fragile (Nugushahay), qabiil kastana Veto Power ayuu leeyahay. Marka waxaa loo baahan yahay in dadkaasi lasoo dhoweeyo oo la yiraahdo muxuu yahay Concernkiina,” ayuu markale wareysiga ku yiri Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas).

    Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Hiiraan uu kamid yahay gobollada muhiimka ah ee dalka, isla-markaana dadka degan ay dulmi ka tabanayaan nidaamka awood qeybsiga maamul goboleedka HirShabeelle, kaas oo uu hoggaamiyo madaxweyne Cali Guudlaawe.

    Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda culus ee ka taagan Beledweyne, maadaama uu maamulka ‘Hiiraan State’ uga dhawaaqay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan oo ay isku dhaceen hoggaanka sare ee HirShabelle.


    The post Daawo: Gaas oo Xasan Sheekh u jeediyey talo yaab leh oo la xiriirta Cali Jeyte appeared first on Caasimada Online.

  6. FB_IMG_1692199617311.jpg?resize=720%2C48

    Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa xaqiijinaya in halkaas galabta lagu dilay Alle ha u naxariistee Abwaankii Soomaaliyeed ee Jaamac Kediye.

    Goob-joogayaal ku sugan Laascaanood ayaa noo xaqiijiyay in marxuum Jaamac Kediye uu ku dhintay madaafiic ciidamada Somaliland ku garaaceen magaalada.

    Geerida Abwaanka waxa sidoo kale ka hadlay hoggaanka SSC-Khaatumo oo xaqiijiyay in uu ku dhintay duqaynta ciidamada Somaliland ka wadaan Laascaanood.

    Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa geerigda Abwaan uga tacsiyeeyay guud ahaan umadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyskii uu ka baxay.

    Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida marxuum Abwaan Jaamac Kediye.

    PUNTLAND POST

    The post Abwaan Jaamac Kediye oo ku geeriyooday duqayn galabta ka dhacday Laascaanood appeared first on Puntland Post.


  7. Muuse Biixi Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Dufcaddii 8-Aad ee Jaamacadda Culuumta Badda Berbera

    IMG-20230816-WA0014-300x180.jpg
    Berbera(Qaran)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo ay ku qalinjebiyeen 65 arday oo ka qalinjebiyey jaamacadda culuumta badda iyo kalluumaysiga ee Berbera, kuwaas oo ah dufcaddii 8-aad ee ka baxda jaamacaddaas.

    Madaxweynaha qaranka oo safar shaqo ku jooga Berbera, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay 65-arday oo baratay culuumta badda iyo kalluumaysiga, kuwaas ka qalinjebiyey jaamacadda Berbera.

    Munaasibadda qalinjebinta Berbera oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, hoggaanka jaamacadda Badda ee Berbera iyo macallimiinta, ardayda qalinjebisay, waalidiintooda iyo marti-sharaf kale, ayaa lagu bogaadiyey ardayda qalinjebisay, waxana lagula dardaarmay inay dalkooda uga faa’iideeyaan cilmiga ay barteen.

    Ugu horrayn, guddoomiyaha jaamacadda culuumta badda Berbera, Mudane Cabdiqani Maxamed Khayre oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay dedaalka ay jaamacad ahaan geliyeen sidii ay ardaydani u aflixi lahaayeen, isaga oo hambalyeeyey ardayda maanta qalinjebisay iyo macallimiintii kusoo tacabtayba.

    Saleebaan Cabdilaahi Caddib oo ku hadlay Boodhka Jaamacadda Berbera, ayaa bogaadiyey ardayda maanta qalinjebisay, waxana uu sheegay inay u hagar baxeen ardayda, muddo dheerna kusoo tabceen.

    Guddoomiyaha Komishanka Tacliinta sare Prof. Saleebaan Dirir Cabdi, ayaa dhankiisa soo dhaweeyey ardayda maanta qalinjebisay, waxana uu ugu baaqay inay dalkooda iyo dadkoodaba uga faa’iideeyaan culuumta lasoo baray muddadii ay jaamacadda ku jireen.

    Maareeyaha dekedaha Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi, maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, guddoomiyaha gobolka Saaxil, mudane Cali Cabdi Cabdilaahi iyo wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa dhammaantood hambalyeeyey ardayda maanta loo fooladeeyey, waxana ay u rajeeyeen mustaqbal ifaya.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa hambalyeeyey ardayda ku takhasustay culuumta badda iyo kalluumaysiga, waxana uu kula dardaarmay inay dalka kusoo celiyaan abaalkii la geliyey, waxana uu yidhi,“Waxa farxad iyo Sharaf weyn Ii ah inaan maanta ka qaybgalo munaasibadda loo qabanayo kooxda ka qalinjebinayso akaadamiyadda culuumta badda, macallimiinta, ardayda iyo waalidiinta hawshaas soo galayna waxan ku hambalyeynayaa hawsha qaran ee ay soo galeen.”

    Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyey xubnihii ugu sarreeyey ardayda maanta qalinjebisay oo noqonaya dufcaddii siddeedaad ee ka qalinjebiya Jaamacadda Berbera.

    Qaran News


  8. Dubbe-1.jpg?fit=2048%2C1364&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Khilaaf Cabdi Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka tirsan Aqalka Sare, kaas oo  si weyn u canaantay Xildhibaannada, xilli dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

    “Madaxweynihii Jamhuuriyadda Tuute ayuu xirtay, furintii ayuu joogaa, Xildhibaannadii Qaaci ayey tumanaayaan oo Xamar bey joogaan, qaar kooda Ciyaaraha ayey daawanayaan,” ayuu yiri Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka hadlay Aqalka Sare.

    Khaliif oo maanta Wariyeyaasha kula hadlay bannaanka hore ee xarunta baarlamaanka ayaa ku eedeeyay Dubbe inuu aflagaadeeyay guud ahaan xildhibaanada Soomaaliyeed.

    “Madaxweynaha tuute ayuu gashtay waa sax, dagaalka uu tegay waa sax laakiin waxaa dheeraad ku aheyd inuu yiraahdo xildhibaanada Soomaaliyeed waxay tumanayaan Party iyo xafladeyn iyo Qaaci ayay ku jiraan” ayuu yiri Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar.

    Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in si deg-deg ah uu raalli-gelin uga bixiyo hadalka uu ka sheegay xildhibaannada ee ku aadan inay Qaaci tuntaan, xilli dalka uu jiro dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

    “Dadka is radin lahaa ee is dacayadeyn lahaa ma nihin waa inii raalli-gelin ka bixiyo si Public ah, sida uu u dacyadeeyay xildhibaanada Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay.

    Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Anigu shaqsi uma hadlayo qolooyinka la xamanayana kuma jiro, laakiin waxaa aflagaadaa mas’uul aflagaadeynaya mas’uul kale marka Senatorka haka noqdo kalmadaasi”

    Horay waxaa arrintaan uga hadlay Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo ka tirsan Golaha Shacabka, kaas oo isna tilmaamay in Senatot Dufle uuu gefay xildhibaannada.

    “Marka labaad ka xildhibaan ahaan waxaa ka codsanayaa in arrintaas uu raalli-gelin ka bixiyo horta oo Xildhibaannada uu ku gefay uu raalli-gelin siiyo, isaga oo caddeyn doono cidda uu ula jeeday iyo qolada Qaaciga tumata iyo halka ay ku tuntaan” ayuu yiri Cali Xaaji

    Hadalka Dubbe ee falcelinta dhaliyayayaa imanaya xilli uu dalka ku socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda xarun ka dhigtay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamul goboleedka Galmudug.

    The post Daawo: Carada ka dhalatay hadalkii Dubbe oo xoogeysatay – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.

  9. FB_IMG_1692191549658.jpg?resize=720%2C48

    Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka martida ku daahfuray Shirka Golaha Ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka.

    Shirka oo lagaga hadlayay iskaashiga ganacsi ee Somalia iyo Mareykanka waxaa ka qayb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee Jubbaland, Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo tan Jubbaland,

    Waxaa dhinaca Dowlada Maraykanka shirka uga qeybgalay Geoffrey Parker oo ah madaxa arrimaha Siyaasada iyo dhaqaalaha Maraykanka iyo Shai Franklin oo ah wakiil kasocday shirkadaha Maalgashadayaasha Maraykanka.

    Shirka ayaa diiradda lagu saaray sida ugu haboon ee sare loogu qaadayo Ganacsiga Maraykanka iyo Soomaaliya ka dhexeeya isla markana dardar galin loogu samayn lahaa maalgashiga Maraykanka ee Soomaaliya.

    Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in shirkan u ahmiyada weyn u leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa maalgashiga shirkadaha Maraykanka ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada uu dalkeenu qaniga ku yahay sida Beeraha, Xoolaha, Kaluumaysiga iyo Kuwo kale.

    Waxaa Madaxweynahu uu xusay in ka faa’iidaysiga cimilada dalkeena ay xoojinayso in maalgashi baaxad leh oo dhinaca tamarta ah laga hirgaliyo dalka muhiimad weyna la siiyo awooda tamarta iyo maalgashigeeda si shaqooyinka kale ay u noqdaan Kuwo waxtar leh.

    FB_IMG_1692191501343.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1692191489185-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1692191506961.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1692191511969.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1692191577416.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1692191549658.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1692191588754.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1692191519665.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1692191540206-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1692191570114-1.jpg?resize=720%2C

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweynaha Jubaland oo daah-furay shirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Maraykanka appeared first on Puntland Post.


  10. Ra’isal Wasaaraha ku xigeenka Dalka Mudane Saalax Jaamac ayaa maanta xarigga jaray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA.

    Sanadkii hore bishii Agoosta ayey dowladda Soomaaliya dib u hawlgalisay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed si dalka looga badnaadiyo macluul iyo abaara baahsan oo dalka markaa ka jiray, hawlgalinta ka dib Gudoonka hay’adda SODMA Mudane Maxamud Macallin iyo Dr Axmed Abdi Aden iyo guud ahaan hawl wadeennada kala duwan ayaa isku hawlay ka hortagga iyo yaraynta qatarihii kala duwnaa ee Dalka soo wajahay ee arimaha macluusha, abaaraha iyo fatahaadaha.

    Ra’isal wasaare ku xigeenka dalka oo ka hadlay munaasabadii xarig jarka xarunta dhexe ee SODMA ayaa bogaadiyay mudada kooban ee sanadka ah hawlaha baxadda leh ee ay hay’addu qabatay isagoo sidoo kale sheegay in wali ay sugayso hay’adda hawla baxaad leh madaama dalka uu ka socda dagaalka Qawaarijta lagula jiro.

    Gudoomiye Maxamud Macallin oo ka hadlay munasabadda xarig jarka ayaa isagana ka shekeyay marxaladihii kala duwnaa ee ay soo martay hay’adda SODMA mudadii sanadka ahayd ee ay jirtay, isagoo sheegay markuu xilka la wareegay in hay’addu ay ku shaqayneysay xarun kiro ah, maantana ay SODMA dagantahay xarun dhexe oo ay iyadu leedahay.

    Xafladda xarig jarka oo si heersare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Gargaarka iyo Arimaha Bini’adinmada KGS mudane Abdinasir Caruush, wakiillo ka socday hay’adda UNDP oo ah hay’adda dhistay xarunta SODMA, iyo Maamulka kala duwan ee Hay’adda.

    WhatsApp-Image-2023-08-16-at-17.01.22.jp WhatsApp-Image-2023-08-16-at-17.01.21-1. WhatsApp-Image-2023-08-16-at-17.01.21.jp WhatsApp-Image-2023-08-16-at-17.01.20-1. WhatsApp-Image-2023-08-16-at-17.01.20.jp WhatsApp-Image-2023-08-16-at-17.01.14-1. WhatsApp-Image-2023-08-16-at-17.01.19-1. WhatsApp-Image-2023-08-16-at-17.01.18-1. WhatsApp-Image-2023-08-16-at-17.01.18.jp WhatsApp-Image-2023-08-16-at-17.01.19.jp

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  11. IMG-20230816-WA0009-244x300.jpg

    Hargeysa(Qaran news)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta hadhimo sharafeed u sameeyay weriye Bushaaro Baande oo shalay la sii daayay jafib markii ay saddex bilood si sharci darro ah loogu xidhay Hargeysa.

    Murrashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka hadlay xafladaas ayaa sheegay xadhiga Suxufiyadaasi qsyb ka yahay tacadi iyo xadhig badan oo loo geystay Suxufiyiin iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah.

    Murrashax Cirro wuxuu ugu baaqay Xukuumadda inay ka waantowdo xadhiga sharci darrada ah ee ay kulp kacaan suxufiyiinta madaxa bannaan.

    Wwriye Bushaare Baabde ayaa sgeegtay xisbuga WADDANI uga mahadcelinayso sidii ay isu garab taageen ee ay u cambaareeyeen xadhigeedii oo ay tilmaantay inuu xisbigu cod dheer ugu hiiliyay.

    Qaran News


  12. ciidamada-soomaaliya-ciidanka-qaranka-xo

    Masagaway (Caasimada Online) – Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inay toogteen ismiidaamiye waday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, duleedka tuulada Xuseen Cagey oo u dhow Masagaway oo ka tirsan gobolka Galguduud.

    Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in ciidamada amnigu ay ismiidaamiyahaas ku dileen toogasho.

    Dhinaca kalena, ururka al-Shabaab ayaa sheegtay in qof ka tirsan maleeshiyaadkooda oo ismiidaamiyey uu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo gaadiid watay, kuna jiray hawlgal.

    Ilaa hadda ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya sawirka buuxa ee weerarkan.

    Shalay ayey aheyd sidoo kale markii ugu yaraan shan ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu dilay hawlgal ka dhacay gobolka Galguduud saaka, sida ay tebisay warbaahinta dawladda Soomaaliya.

    Hawlgalkan ayey ka wada qayb qaateen ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya iyo taliska milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika loona yaqaan AFRICOM, sida ay sheegtay warbaahinta dawladdu.

    Hawlgalkan ayaa ka dhacay meel 35KM Koonfur bari ka xigta degaanka Galcad ee gobolka Galguduud. Taliska AFRICOM ayaan weli ka hadlin weerarkan.

    Ciidamada dawladda ayaa hawlgallo ka wada degaannadaas, waxaana saraakiishu soo tebiyeen inay ciidamadu la wareegeen degaanno hoostaga tuulada Cawsweyne.

    Mas’uulyiinta dawladda ayaa sheegay in hawlgal milatari uu ku waajahan yahay qabashada labada degmo ee Ceelbuur iyo Galhareeri.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fadhi ku meelgaar ah ka samaystay magaalada Dhuusamareeb, si uu ula socdo diyaargarowga hawlgallada milatari ee ka dhanka ah al-Shabaab oo dawladdu sheegtay inay dhammaystir u yihiin wejiga koowaad ee gulufka.

    Isha: VOA

    The post Ciidamada DF ‘oo toogtay’ ismiidaamiye waday baabuur appeared first on Caasimada Online.

  13. The project will help save lives and livelihoods through improved flood defences, early warning systems, and preparedness actions to reduce the impact of severe flooding in at-risk areas of Somalia

    16 August 2023, Mogadishu – The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) and the British Embassy Mogadishu (BEM) have launched an Anticipatory Action and Preparedness programme in Somalia ahead of an expected El Niño event.

    El Niño is a climate pattern expected to bring about increased rainfall, with riverine areas of Somalia particularly at risk of severe flooding. There is now a greater than 90 percent chance that El Niño will continue through the end of the year, and FAO estimates 1.2 million people are in areas at high risk of flooding. FAO’s Somalia Water and Land Information Management (SWALIM) Unit anticipates a major flood event of a magnitude statistically likely only once in 100 years, and follows another historic flood earlier this year that displaced around 245,000 people along the Shabelle river. An El Niño related flooding event in riverine areas of this scale could lead to loss of life, mass displacement, destruction of property and loss of livelihoods, resulting in an increase in acute food insecurity.

    To mitigate the effects of a potential disaster, FAO and the BEM have launched a USD 3.8 million anticipatory action and preparedness initiative in areas facing the greatest risks. The project “Badbaado”, which means “to salvage from calamity”, is part of FAO’s multi-donor El Niño programme, which seeks to mitigate, prepare for and respond to the threat of severe flooding and humanitarian disaster during the country’s second major rainy season between October and December this year.

    “We have a very short window of only a few months to prepare for and mitigate the worst impacts of El Niño, and we are grateful to the UK for rapidly mobilising support for this important work. By taking early and well-informed action, together, we can help to protect vulnerable rural communities from the worst outcomes of disaster,” said Etienne Peterschmitt, FAO’s Representative to Somalia.

    “Somalia is facing yet another crisis – an El Niño has been declared and may develop into a once in a century flooding event this year. We are acting now to prioritise resources,” said Damon Bristow, Development Director for the British Embassy Mogadishu. “This cost-effective and sustainable joint initiative with FAO will mean we are able to save lives and prevent damage to livestock, crops and properties which could prove extremely damaging to the livelihoods of Somalia’s most vulnerable communities,” he said.

    Under the leadership of the Ministry of Agriculture and Irrigation (MoAI) and in partnership with the Somalia Disaster Management Agency (SoDMA), FAO plans to close 937 metres of breakage points along the Shabelle river in Beletweyne town to slow down flood waters, reduce the immediate impact of flooding and allow people time to move away from high risk areas. The project also plans to rehabilitate a major canal to redirect flood waters away from populated areas in Beletweyne, as well as prepositioning 800,000 sandbags in flood prone areas.

    Early warning systems will be activated in partnership with government and local responders along the Shabelle and Juba rivers, with messages transmitted to communities through local radio networks, SMS services, and official channels to inform early action and save lives. FAO will also coordinate with local authorities and community groups to support evacuation planning.

    Qaran News


  14. Mishiinka Liisamada lagu sameeyo oo laga Hirgaliyay Boorame
    IMG-20230816-WA0003-300x156.jpg

    Hargeysa(Qaran news)-Wasiirku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka JSL, Cabdinaasir Caydiid Maxamed iyo guddoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi, ayaa sida wada jira u daahfuray mishiinka liisamada iyo buugagta lagu sameeyo.

    Isu-duwaha wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka ee gobolka Awdal, mudane Kulmiye, ayaa sheegay in keenista Mishiinka daabacada Liisamada iyo buugagta lagaga baaqsan doono safarkii dheera ee loogeli jiray helitaankooda, kaas oo markii hore loo doonan jiray magaalada Hargeysa, waxaanu intaas ku daray in ay tahay guul u soo hoyatay gobolka isla markaana laga helayo gudihii magaalada Borama Daabacaadii iyo sameyntii Liisamada iyo Buugaagtaba.
    Agaasima waaxyada wasaaradda jidadka ee gobolka Awdal, ee Muuse Yuusuf iyo Ayaan Cabdicasiis, ayaa si wada jira u soo dhaweeyay keenista Mishiinka Daabacada Liisamada iyo Buugagta, waxaanay sheegeen in qorshaha wasaaradda uu ku yimid.

    Wasiirku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka JSL, Cabdinaasir Caydiid Maxamed, ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in Liisamadii iyo Buugagtii Hargeysa loo tagi jiray maanta laga helayo gudaha magaala madaxda gobolka Awdal ee Boorama.

    Gaba-gabadii guddoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi, ayaa sheegay in Mishiinkan safar dheer loo gali jiray balse hadda daabacada Liisamada iyo Buugagtaba ay bulshaweynta gobolka Awdal ka heli doonaan gudaha magaaladooda.

    Qaran News


  15. Muuse Biixi oo xadhiga ka jaray Haamaha keydka Shidaalka ee Dahabshiil
    IMG-20230816-WA00041-300x200.jpg

    Berbera(Qaran news)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa safar shaqo ku joogaan, ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray Keydka Haamaha shidaalka ee shirkadda DAHABHIIL ka hirgelisay magaalada Berbera, isaga oo sidoo kale dhagax-dhigay keydka cusub oo lagu keydin doono Gaasta.

    Munaasibadda xadhig-ka-jarista iyo dhagax-dhigga oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda shirkadda Dahabshiil, madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo marti-sharaf kale, ayaa laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqayo shirkadda Dahabshiil, laguna bogaadinayo kaalinta xukuumaddu ka qaadatay fududaynta iyo hirgelinta hawsha.

    Maamulaha shirkadda Dahabshiil, Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid oo munaasibadda daah-furay, ayaa ku dheeraaday mashruucan ballaadhan ee ay shirkaddu maalgashatay iyo sida uu wax uga tarayo in dekedda Berbera noqoto marin muhiim ah u ah guud ahaanba gobolka Geeska Afrika.

    Ismaaciil Cabdi Xasan (Caga-weyne) oo kamid ah ganacsatada waaweyn ee dalka, ayaa isaguna bogaadiyey maalgashiga ballaadhan ee shirkaddu ku maalgashatay keydka shidaalka ee Berbera iyo meelo badan oo dalka kamid ahba.
    Mulkiilaha shirkadda Dahabshiil, Mudane Maxamed Siciid Ducaale, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay inay shirkad ahaan maaliyad badan geliyeen sidii uu mashruucani u hirgeli lahaa, waxana uu madaxweynaha ugaga mahadnaqay sidii uu u dhiirrigeliyo ganacsatada doonaysa inay dalkooda maalgashadaan.

    Wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo Ganacsiga, Mudane Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna dhankooda soo dhaweeyey mashruucan ay shirkadda Dahabshiil ku maalgashatay Haamaha Shidaalka ee Berbera, waxana ay tilmaameen inay ka xukuumad ahaan diyaar u yihiin ilaalinta hantida muwaadiniintu dalka ku gashatay.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa shirkadda Dahabshiil ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jirto inay dalka ka hirgeliso mashaariic waaweyn oo midho-dhal ah, soona kordhiyaan hal-abuur iyo curinta hawlo cusub.

    Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay sidii xukuumadda iyo ganacsatadu isula jaanqaadi lahaayeen, si wada-jir loogu jihaysto horumar, waxana uu yidhi, “Xukuumad ahaan laba ayaanu ku dedaalaynaa, ganacsatada iyo dawladdu inay gacmaha is qabsadaan, dawladduna socon mayso haddaanay ganacsatada garbaha haysan, dawladduna socon mayso, dalkana waxaynu u haynaa awooddii sharciyeed iyo dhaqaalihii, haddaanay labadaasi wada soconna socon maynno, labadaasna waanu isu keenaynaa.”

    Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada ugu baaqay inay waqti badan geliyaan sidii ay ula soo bixi lahaayeen quutal daruuriga lama huraanka u ah noloshooda, soona yareeyaan ku tiirsanaanta cuntada dibadda.

    Qaran News


  16. Bell-412--scaled.jpeg?fit=2560%2C1707&ss

    Mogadishu (Caasimada Online) – The Somali government recently welcomed a significant boost to its counter-insurgency arsenal with the receipt of Bell 412 helicopters and additional weaponry to strengthen its efforts against the Al-Shabab terrorist group.

    Military sources indicate that two of these twin-engine helicopters, known for their versatility and reliability, arrived in Mogadishu in July, with another three set for imminent delivery.

    The Bell 412 is a multipurpose helicopter employed worldwide for troop transport, medical evacuation, and search and rescue missions.

    Its ability to operate in harsh environments makes it a fitting addition for Somalia, a nation endeavoring to stabilize and secure its territory under challenging conditions.

    Operational prospects

    “The helicopters, currently utilized for casualty evacuation, can also play an active role in combat operations,” stated a military official, emphasizing these aircraft’s dual role.

    By rapidly deploying troops and supplies to remote areas and providing medical evacuations for wounded soldiers, these helicopters are poised to become central assets in Somalia’s ongoing struggle against Al-Shabab.

    While details about the funding for these helicopters remain unclear, the overall pattern of international support for Somalia’s military is unmistakable.

    In addition to these helicopters, recent months have seen the arrival of 120mm mortars, Zu-23 anti-aircraft guns, and other heavy weaponry donated by allied nations, including a substantial pledge of $9 million in military aid from the United States earlier this year.

    Beyond hardware, extensive human resource development is underway. Somali news outlets report that the country’s military pilots, technicians, and Special Forces have completed training in Turkey, specifically on the Bell 412s.

    This comes on the heels of Turkey’s previous donation of twelve Kirpi armored vehicles and twelve utility trucks to Somalia in 2020, part of a broader bilateral military and financial cooperation agreement.

    Facing challenges head-on

    Despite notable progress, the Somali government continues to grapple with substantial challenges.

    “The arrival of the Bell 412 helicopters is a major boost for the government’s efforts,” said a local analyst, “it signals that the international community is committed to helping Somalia achieve peace.”

    The security context in which these helicopters arrive is dynamic. The African Union Transitional Mission in Somalia (ATMIS) has begun a phased withdrawal in compliance with United Nations Security Council Resolutions 2628 and 2670.

    Approximately 2,000 troops were withdrawn on June 30, with an additional 3,000 expected to leave in September. The resolution mandates that ATMIS hand over security responsibilities to Somali security forces in agreed areas.

    U.S. involvement

    This equipment arrives at a crucial juncture for Somalia, coinciding with a resurgence of direct U.S. military support, including President Joe Biden’s authorization last year to deploy hundreds of Special Operations forces inside Somalia.

    In July 2021, the United States African Command (AFRICOM) delivered six Puma M36 Mk 6 armored vehicles to support Somali security forces in their fight against Al-Shabab.

    The U.S. is also set to deliver at least 100 light combat vehicles to Somalia, ostensibly to aid the war against Al-Shabab but also perceived by some as an effort to counterbalance Turkey’s growing influence.

    In summary, acquiring Bell 412 helicopters is a salient symbol of the Somali government’s determination to defeat Al-Shabab and the international community’s commitment to supporting these efforts within an increasingly complex geopolitical landscape.

    The post Skyborne shield: Somalia’s Bell 412s rise against Al-Shabab appeared first on Caasimada Online.

  17. Libya-scaled.jpg?fit=2560%2C1703&ssl=1

    Tripoli (Caasimada Online) – Gun battles in the Libyan capital between two prominent armed groups have left 27 people dead and wounded 106, according to a recent update from the Emergency Medicine Centre on Wednesday.

    The clashes, which started Monday night and extended into Tuesday, were ignited following the detention of Colonel Mahmud Hamza, head of the influential 444 Brigade, by the rival Al-Radaa, or Special Deterrence Force, an interior ministry official revealed.

    A total of 234 families were evacuated from frontline areas in Tripoli’s southern suburbs. After becoming trapped amidst the violence while tending to the wounded, dozens of doctors and paramedics were also extracted.

    Three field hospitals were established in response to the escalating conflict, and approximately 60 ambulances were deployed to the area.

    The warring factions

    The 444 Brigade, affiliated with Libya’s defense ministry and reputed as the country’s most disciplined force, controls Tripoli’s southern suburbs, among other areas.

    In contrast, the Al-Radaa Force, under the command of Abdel Rauf Karah, is a powerful, ultra-conservative militia that effectively acts as Tripoli’s police force.

    They sway over central and eastern Tripoli, Mitiga air base, the civilian airport, and a prison.

    Although ostensibly aligned with Prime Minister Abdelhamid Dbeibah’s UN-recognized government, these two armed groups are part of a broader pattern of infighting that has plagued Libya since the fall of dictator Moamer Kadhafi in 2011.

    Libya remains divided between Dbeibah’s Western government and an Eastern administration backed by military strongman Khalifa Haftar.

    Government response and ceasefire

    On Tuesday, a social council in the southeastern suburb of Soug el-Joumaa announced an agreement with Prime Minister Dbeibah for Hamza to be handed over to a “neutral party.” Following this, a ceasefire is expected, and fighting waned late Tuesday.

    Prime Minister Dbeibah and Interior Minister Imed Trabelsi personally visited the hard-hit southeastern suburb of Ain Zara on Tuesday night.

    The government’s press office reported that Dbeibah “saw for himself the severity of the damage” as he walked through the densely populated and now darkened streets.

    He has ordered a comprehensive survey of the damage, aiming to compensate the residents accordingly.

    In an effort to stabilize the situation, the interior ministry has initiated a security plan, deploying officers to battleground districts to oversee the fragile truce.

    Airport shutdown

    Compounding the chaos, Tripoli’s only civilian airport, Mitiga—within Al-Radaa’s sphere of control—remained shut down on Wednesday, officials noted, diverting flights to Misrata, 180 kilometers (110 miles) to the east.

    The latest surge in violence amidst a period of relative stability that had sparked UN hopes for elections drew immediate international attention.

    The United Nations Support Mission in Libya (UNSMIL) expressed deep concern over the deteriorating security situation and its toll on civilians.

    “All parties must preserve the security gains achieved in recent years and address differences through dialogue,” UNSMIL urged.

    The embassies of Britain, France, the European Union, and the United States have joined the UN in calling for de-escalation.

    Elections in Libya were initially set for December 2021. However, due to disputes—including disagreements over candidates’ eligibility—they have been suspended indefinitely.

    Nevertheless, the UN works tirelessly to overcome these sticking points, seeking a path toward national healing and democratic governance for a country that has suffered over a decade of intermittent conflict since the NATO-backed revolt that toppled Gaddafi.

    The post Tripoli in turmoil: Rival forces collide in capital showdown appeared first on Caasimada Online.

  18. Guddi Guurtidu u Saartay Khilaafka dalka oo la Kulantay Mucaaridka
    IMG-20230816-WA0005-300x225.jpg
    Hargeysa(Qaran news)-Guddidii golaha guurtida JSL, u saaray ka soo talo-bixinta xaalada buurta Gacan-libaax ayaa kulan la qaatay madaxda labada xisbi mucaarid ee Somaliland.

    Guddidii dhawaan golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland u saaray ka soo talo bixinta xaalada buurta Gacan-libaax, ayaa kulan la qaatay, madaxda xisbiyada mucaaridka Somaliland ee UCID iyo WADDANI, mudane Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

    Kulamada ay la qaateen madaxda xisbiyada Mucaaridka Somaliland, ayay kaga wada hadleen sidii xal waara loogu helilahaa shaqaaqada ka taagan Buurta Gacan-libaax.

    Halka sidoo kale kulankooda iskula soo qaateen sidii khilaafka arrimaha doorashooyinka ee dalka ka taagan, xal loogu helilahaa iyada oo la raacayo shuruucda dalka u yaala.

    Gaba-gabadii kulamadaas ay la yeesheen asxaabta Mucaaridka Somaliland iyo daneeyayaasha doorashooyinka, warbiximaha ugu mihiimsan ee ay kawada hadleen iyo tallo bixinta xaalada Buurta Gacan-libaax ee xal u helisteeda loo saaray, ay kula noqon doonaan golahooda maalinta Sabtida ee toddobaadka soo socda haddii ILLAAHEY yidhaahdo, si goluhuna go’aankiisa uga qaato.

    Qaran News


  19. 365559473_817366766438100_89962985738542

    Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kadib markii la gubay Masjid ku yaalla xaafadda Horseed ee magaaladaasi.

    Wararka ayaa sheegaya in koox aan la aqoonsan ay geysteen falkan, iyaga oo dab qabadsiiyay Masjidka, kadibna goobta ka baxsaday.

    Dabka ayaa saameeyay guud ahaan dhismaha Masaajidka, waxaana ku basbeelay dhammaan agabkii yiilay oo ay ku jiraan Kutubtii Qur’aanka ee dhex yiilay Masajidka.

    Sidoo kale waxaa gebi ahaan burburay Masajidka, sida laga arki karo Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo muujinaya baaxadda uu lahaa dabka.

    Sidoo kale qaar kamid ah culimada gacanta ku heysay Masjidka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in dhowr jeer ay la kulmeen hanjabaadyo iyo dhagax tuur lagu hayay Jameecada Masjidka,haddana ay usoo xigtay weerarka lagu gubay Masaajidka.

    Masjidkan la gubay ayaa qayb ka ah xarumaha Diinigaee hoostaga dariiqada Axmadiyadda ee Ahlu Sunna Waljamaaca, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

    Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, mana jiro wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi.

    Sidee looga falceliyay?

    Cabdikariin Carab oo kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa arrintan uga falceliyay “Qofkii guri Allah gubey iyo kii la damcaba asagaa xisaabi u taal”.

    Sahra Cabdi Barre ayaa iyaduna tiri “Halka Masjid ayaa meesha ugu yaal Axmadiye qolada gubtayna waa la iska ogyahy ee tilaabo hala qaado”.

    Deeq Cabdallla ayaa isna ku jawaabay “Waa arrin ugub ah oo ah wax laga xumaado…bayd ilaahay qofka gubay .. ujeedaduu doono ha kala haadee waa qof aan wax fahamsiisneen”.

    Cabdishakuur Xiimaa ayaa isna dalbaday in baaritaan lagu sameeyo falkan “Waa ficil argagax leh wllhi baaritaan waa in lagu sameeyo”.

    365559473_817366766438100_89962985738542 367733515_310541821452318_54622675450061 367976808_310541791452321_84062827582978 367990212_310541831452317_65904803151520 368012475_310541588119008_36850243788595

    The post Sawirro: Koox aan la aqoonsan oo gubay Masjid ku yaalla magaalada Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.

  20. Agaaasimaha Gaashaan-dhiga oo la Kulmay Masuuliyiin ka Socda ICRC
    IMG-20230816-WA00011-300x200.jpg
    Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhiga JSL Mudane Mustafe Cumar Faarax, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley saraakiil ka socday hay’adda International Committee of The Red Cross (ICRC).

    Kulanka agaasimaha iyo saraakiisaha hay’adda ICRC, oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa mudadii uu socday waxa lagaga wada hadlay arimo khuseeya bina’aadanimada oo ay sababeen khilaafka magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool iyo sidii caawimo loo gaadhsiinlahaa dadka ku barakacay Laascaanood.

    Agaasimaha ayaa saraakiisha u sheegay in dowladda Somaliland siyaasadeedu tahay ilaalinta xuquuqda bulshaweynta ku nool magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

    Agaasimaha ayaa saraakiisha hay’adda ICRC, ku wargeliyay in Maleeshiyaadka ka dagaalamaya gudaha magaalada Laascaanood ay fadhiisimo ka dhigteen xarumaha loogu adeego bulshada, sida cisbitaalada, iyo iskuullada.

    Qaran News