Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jilib (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay xubno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Jubada Hoose ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ku xoogan tahay kooxda. Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyay maleeshiyaad kala taabacsan, Amiirka Guud ee Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda iyo Madaxa amniyaadka ee kooxda Mahad Warsame oo loo yaqaano Karataay, sida ay shaaca ka qaaday wasaaradda difaaca Soomaaliya. Qoraal ay soo dhigtay wasaaradda barteeda Twitter-ka ayaa waxa ay ku sheegtay in dagaalamayaal la kala safan horjoogayaashan ay ku dagaalameen degmada Jilib iyo sidoo kale deegaanka Hargeysa Yarey oo ka wada tirsan gobolka Jubada Hoose. Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dagaalkaas uu khasaare lixaadleh kasoo gaaray Al-Shabaab dhexdeeda, ayna weli xaaladdu tahay mid cakiran. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in dagaalka uu daba socday xariga ay kooxda u gaysatay maleeshiyaad taabacsan garabka Mahad Karataay oo kamid ah xubnaha sar sare ee isla Al-Shabaab, kaas oo kasoo muuqday howlgalladii u dambeeyay ee kooxda Wararka ayaa sheegaya in khilaafka labada nin uu muddo dheer soo taagnaa, balse ay qarineysay kooxda, waxaana ay isku qabteen arrimo la xiriira maaliyadda. Intaasi kadib Abuu Cubeyda ayaa isku dayay inuu xilka ka qaado Mahad Karataay oo isugna ka biyo diiday tallabadaas, taas oo dhalisay xiisadda ka dhex qaraxday Al-Shabaab, sida ay ku warramayaan ilo dhanka sirdoonka ajh oo soo dusiyay xogta khilaafka haatan qarxay. Dagaalkan ka dhacay aagga degmada Jilib ayaa kusoo aadayo, xilli ay haatan kooxda wajaheyso guluf culus oo ay ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo bilihii u dambeeyay Al-Shabaab ka saaraan deegaano ku yaalla Galmudug & HirShabelle. The post Maleeshiyaad kala taabacsan Cubeyda iyo Mahad Karataay oo ku dagaalamay JILIB appeared first on Caasimada Online.
  2. President William Ruto has issued a strong condemnation of the recent attack on Israel by the Palestinian militant group Hamas from the Gaza Strip. Source: Hiiraan Online
  3. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Qaahira ee dalka Masar. Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa la wareegi doona hogaaminta kal-fadhiga 70-aad ee kulan weynaha Hay’adda Caafimaadka aduunka WHO/ Xafiis Goboleedka EMRO. Madasha ayaa looga hadli doonaa sidii amba qaadi lahaa hiigsiga horumarinta Caafimaad guud ahaan Bariga iyo bartamaha iyadoo la hubinayo gaarsiinta Caafimaadka dhamaystiran guud ahaan gobolka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta dhexe ee hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA. Waxaa hoggaamiyaha booqashada ku weheliyay, xubno ka tirsan Golaha Fulinta Maamulka SSC-Khaatumo iyo Ergeyga Gargaarka Bini’aadantinimo ee Maamulka SSC-Khaatumo Dr. Cali Xaaji Cige. Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Mahamuud Macallin Cabdulle oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Dr. Axmed Cabdi ayaa Hoggaamiyaha ku soo dhaweeyay xarunta dhexe ee hay’adda. Hoggaamiyaha iyo weftigiisa ayaa Guddoonka hay’adda uga warbixiyay xaaladda nololeed iyo baahiyaha culus ee ka jira dhinacyada kala duwan ee nolasha deegaannada SSC-Khaatumo, kuwaas oo ay saameyn lixaad leh ku yeesheen dagaaladdii Maamulka Soomalilaan ka waday magaalada Caasimadda ah ee Laascaanood muddada 9-ka bilood ahayd. Hoggaamiye Cabdiqaadir ayaa Hay’adda SoDMA ugu mahadceliyay gargaarka ay soo gaadhsiiyeen deegannada maamulka SSC-Khaatumo, gaar ahaan dadkii dagaaladu barakiciyeen ee G/sool, iyo dhaawacyadii ay Hay’addu ka soo qaadday Caasimadda Muqdisho. Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa Hay’adda SoDMA ka codsaday in ay sii wadaan gargaarka bini’aadantinimo oo wali baahi aad u weyn ay u qabaan dadka ku nool deegannada maamulka SSC-Khaatumo. Kulanka waxaa kaloo qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda XFS, Mudane Jaamac Xasan Khaliif, isagoona ka mahadceliyay shaqooyinka ay hay’addu ka qabatay deegannadaas, kulana dardaarmay in ay SoDMA sii laba jibbaaraan dedaalada ay wadaan sidii dadka deegannadaasi ay u heli lahaayeen gargaarka ay u baahanyihiin. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo oo booqday Xarunta Hay’adda Masiibooyinka Qaranka appeared first on Puntland Post.
  5. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa safar shaqo ugu amba baxay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdigiisa oo casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Talyaaniga ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Roma waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga iyo hoggaanka kale ee dalkaas. Safarkaan waa safarkii labaad oo guddoomiyaha ugu ambabaxo wadamo ku yaallo qaaradda Yueyb, waxaana wararku ay sheegayaan in guddoomiye Aadan Madoobe safarkiisa uu qaadan doono waqti fog, isaga oo tagayo wadamo kale duwan oo reer Yurub ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muwaadiniintaan oo ka kooban caruur iyo waalidiintooda oo ku noolaa dalka Sudan ayaa ka gudbay xadka dalkaasi uu la leeyahay dalka Ethiopia markii dagaaladu ka curteen Sudan, waxaana ay isugu jiraan arday dad deegaan ku ahaa wadankaasi. Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Caruurta ugu qaabilsan Madaxweynaha JFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda IOM ayaa iska kaashaday soo celinta muwaadiniintaan oo si nabad ah uga soo dagay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an dib u soo celinta iyo badbaadinta muwaadiinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dagaalada ka socda Sudan,taas oo ah ballan ay dowladdu hore ugu qaaday muwaadiniinta ku go’doonsan dalka Sudan oo ay dagaallo ka socdaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa haatan bannaanka usoo baxay khilaaf u dhexeeya maamul goboleedka HirShabelle iyo dowladda federaalka, gaar ahaan hay’adda SoDMA, kuwaas oo isku qabtay arimo la xiriira howlaha gargaarka ee ay fuliso hay’adda Maareynta. Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo marareynta musiibooyinka HirShabelle, Mudane Cumar Maxamed Cumar oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa shaaca ka qaaday in xiisaddan ay salka ku heyso gaabis ka jira dhanka gargaarka ee deegaanada HirShabelle. Cumar Maxamed ayaa weerar afka ah ku qaaday guddoomiyaha hay’adda SoDMA, isaga oo ku dhaliilay inay hay’addu ka gaabisay u gurmashada dadka ku dhibaateysan Shabeelaha Dhexe. “Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka howlaha ay ka waddo HirShabelle aad iyo aad ayaan u dhaliilaa, sababtoo ah ma aragno wax gargaar ah oo ay soo gaarsiiso gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan dadka ku dhaqan jinka wabiga oo ay fataahada saameeyeen, illaa iyo hadda ma aragno wax gagaar ah” ayuu yiri Wasir Cumar Maxamed. Wasiir ku xigeenka ayaa xusay in HirShabelle ay kamid ah tahay meelaha sida weyn looga digay, maadaama ay kusoo wajahan yihiin dabeylo xoogan fatahaado, balse waxa uu sheegay inay dowladda federaalka indhaha ka qabsato xaalada ka jiran Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. “SoDMA waxaa leeyahay howlihii looga baahnaa inay ka qabato guud ahaan HirShabelle, gaar ahaan gobolka Shabeelaha Dhexe, siiba meelaha hadda looga cabsi qabo ee digniinada laga bixinaayo ama dhibaatooyinka ay ka taagan yihiin wabiga jinkiisa waayay wax howl ah oo ay ka wadaana aniga illaa iyo hadda ma arag” ayuu hadalkiis sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in qoysas badan oo daganaa hareeraha wabiga ay barakaceen, isla-markaanat ay gaareen degmooyinka Jalalaqsi iyo Mahadaay oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle. “Waxaa jira dad ka barakacay guryahooda qaar waxay u barakaceen dhanka Jalalaqsi, qaar kalena degmada Mahadaay, sidoo kale fatahaadda waxa ay saameyn ku yeelatay dalaga beeraha,” ayuu hadalkiisa kusoo gagabeeyay wasiir ku xigeenka gargaarka HirShabelle. Soomaaliya ayaa waxaa haatan laga digayaa inay ku dhufato duufaanta Elnino, maadaama la sheegay inay dalka kusoo food leediihiin roobab dabeylo wato iyo duufaano xoogleh. The post Xiisad cusub oo ka dhex qaraxday DF iyo HirShabelle appeared first on Caasimada Online.
  8. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Axadda maanta ah ka digay in uu dhacayo dagaal “dheer oo adag”, xilli dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ay ku dhinteen boqolaal qof oo labada dhinac ah ka dib markii ay weerar lama filaan ah ay kooxdu ku qaaday Israa’iil Sabtidii. Dagaalkan oo ah kii ugu dhiigga badnaa muddo tobannaan sano ah ayaa dhacay kadib markii ay Xamaas shalay qaadday weerar gantaalo loo adeegsaday, dagaal dhinaca dhulka, cirka iyo badda ah. Ciidammada Israa’iil ayaa sheegay in ay weerarkaasi ku dhinteen dad ka badan 200 oo Israa’iiliyiin ah, kuna dhaawacmeen 1,000 qof, halka askar iyo rayidna la afduubtay. Saraakiisha Gaza ayaa sheegay in duqeymaha xooggan ee ay Israa’iil ku hayso dhulka xeebaha ah ay ku dhinteen ugu yaraan 256 qof, iyadoo ku dhawaad 1,788 ay ku dhaawacmeen. Dhinaca kale, kooxda awoodda badan ee Xizbullah ee Lubnaan islamarkaana taageerada ka hesha Iiraan ayaa sheegtay in ay “tiro badan oo madaafiic iyo gantaallaha la hago ah” ku riday fariisimaha Israa’iil ee aagga xudduudaha lagu muransan yahay. Ciidamada Israa’iil ayaa goor sii horeysay sheegay in ay madaafiic ku garaaceen koonfurta Lubnaan iyagoo ka jawaabaya rasaas ka dhacday deegaankaasi, oo aysan sheegin kooxda weerarka geysatay. The post Khasaare baaxad leh oo ka dhashay dagaalka Falastiiniyiinta iyo Israa’iil appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Sabtidii shlay kusoo laabtay magaalada Muqdisho, kadib laba bil oo uu ku sugnaa Galmudug ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Hoggaamiyaha SSC-Khaatuma, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo isna Jimciii soo gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiye Firdhiye ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Laascaanood iyo sidoo kale qaddiyada SSC-Khaatuma. Ilo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in kulanka sidoo kale diiradda lagu saaray sidii ay dowladda dhexe taageera buuxda usiin laheyd SSC oo horay ugu dhawaaqday maamul ka madax banaan Somaliland, kadib dagaalladii ka dhacay aagga magaalada Laascaanood. Sidoo kale hoggaamiyaha SSC ayaa madaxeeynaha la wadaagay warbixin ku aadan xaaladda guud ahaan gobolka Sool, gaar ahaan khasaaraha dagaalladii ka dhacay Laascaanood oo socday muddo 8bilood ah, isla-markaana sababay khasaare xoogan. Kulamada ayaa lagu ballamay inay sii socdaan, maadaama uu yahay wadahadalkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan xubnaha maamulka cusub ee SSC iyo dowladda dhexe. Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sidoo kale horay ula kulmay ra’iisul wasaare Xamza Cabdii Bare oo ay ka wadahadleen isla qaddiyada SSC iyo dagaalka ka socda Laascaanood. Ra’iisul wasaare Xamza ayaa madasha in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo miiska wada-hadalka. Hoggaamiyaha SSC ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda, si uu ugala hadlo xaaladda magaalada Laascaanood oo ay horay uga dhaceen dagaallo culus. Dowladda federaalka ayaa muhiimad siineysa shacabka SSC oo awood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kalena dhawaan sameystay maamul ay ku mideysan yihiin. The post Xog: Maxay ka wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Firdhiye? appeared first on Caasimada Online.
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar gaar ah ku qaadanayaan qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee Ciidamada Xoogga. Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka, sida lagu sheegay bayaan Villa Soomaaliya lagu baahiyay. Madaxweyne Xasan Sheekh safarkiisa ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalkaas ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan oo xoogga dalka, kuwaas oo muddo tababar ku qaadanayay dalkaasi, waxaana lagu wadaa in ay dalka dib ugu soo laabtaan. Dhowaan waxaa dalka Ereteriya dib uga soo laabtay ciidamo badan oo ka tirsan xoogga dalka, kuwaas oo qeyb ka ah dagaalka ka dhan ah Al-shabaab ee deegaannada Hirshabeelle, waxaana ay ku sugan yihiin deegaanno gobolka Shabeelle dhexe ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa muddo sedex bil ah ku sugna gudaha Dhuusamareeb, halkaas uu ka hoggaaminayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, oo deegaanno badan looga saaray oo Hirshabeelle iyo Galmudug ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Kismayo (HOL) - Rival militants in the al-Shabab terrorist group clashed in the Jilib district of the Middle Jubba region on Saturday, as the country's Ministry of Defense reported. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow u ambabaxay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea. Madaxweynaha ayaa ka dhoofay garoonka Aadan Cadde, isaga oo ka dagi doono magaalada Asmara, sida ay shaaca ka qaaday Villa Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in safarka madaxweynaha uu ka xiriiro xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka ku qaadanaya gudaha dalkaas, kuwaas oo qarakood dhammeystay tababarka. Sidoo kale madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Eritrea, Eritrea Isaias Afwerki kala hadli doono arrimo ay ka mid yihiin adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka. Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in qorshahan uu qayb ka yahay dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana madaxweynaha uu safarkiisa kadib sii wadi doono howlgalka, hase ahaatee madaxweyne Qoor Qoor ayaa loo sii xilsaaray inuu dagaalka sii hoggaamiyo. “Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya ahmiyada ay leedahay hirgalinta qorshaha muddo kooban dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Abdi Kaariye u xil saaray dardargelinta iyo hagida halganka Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada Galmudug, Madaxweynaha ayaa safarka kaddib halkiisa ka sii waddi doono hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah argagixisada” ayaa lagu yiri warsaxaafeedka. Waa booqashadii afaraad ee madaxweynaha uu ku tagayo Asmara, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May 2022. Eritrea ayaa waxay tababartay in ka badan 5,000 oo askari oo Soomaali ah, kuwaas oo dalkaas ku sugnaa muddo ka badan laba sano. Si kastaba, qaybtii ugu horreysay ee ciidankaas ayey dowladdu dalka dib ugu soo celisay bishii December 2022, hase yeeshee weli ma cadda haddii lasoo dhameystirayo ciidankaas. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo u safray Eritrea + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  13. Tirada dadka ku dhintay dhulgariirrada xoogga badan ee galbeedka Afgaanistaan ayaa lagu qiyaasay 2000 oo qof, sida uu ka dhawaajiyay hoggaamiye sare oo ka tirsan Taliban . Suhail Shaheen, oo ah afhayeenka Taliban ee fadhigiisu yahay Qatar, ayaa Al Jazeera u sheegay in ay socdaan howlogurmad ah oo lagu badbaadinaayo dadka ku go’doonsan burburka dhismayaasha hoostooda. Sarkaalkaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay gurmad degdeg ah oo la garsiiyo dadka ku waxyeeloobay dhulgariirkaasi,wuxuuna ka codsaday ganacsatada gudaha iyo hay’adaha samafalka inay u gurmadaan dadka dhibaateysan. Qaramada Midoobay ayaa goor dambe oo sabti ah sheegtay in tirada dhimashada ay gaareyso 320, , halka Bisha Cas ay sheegtay in 500 oo qof ay dhinteen. Dhulgariirkaan oo o cabirkiisu ahaa 6.3 ayaa ku dhuftay meel 40 km u jirta magaalada Herat oo dhacda waqooyi-galbeed,kaas oo saameeyay ilaa lix tuulo. PUNTLAND POST The post Dad ka badan 2000 kun oo ku dhintay dhul-gariir ka dhacay Afgaanistaan appeared first on Puntland Post.
  14. Wararka naga soo gaarayo degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in qarax ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaacaw oo soo gaartay askar ka tirsan xoogga dalka. Qaraxa oo ahaa miino dhulka la galiyay ayaa haleeshay gaari ay lahaayeen ciidanka amniga degmada, kaas oo ahaa nuuca loo yaqaano Cabdi Bilaha, waxaana inta la xaqiijyay ku dhintay laba askari, halka sidoo kale ay jiraan dhaawaca tiro kale. Guddoome ku-xigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Isaaq Al-qaadi oo la hadlay laanta VOA-da ayaa sheegay in aysan jirin khasaare soo gaaray dad shacab ah, waxaana uu tilmaamay in goobta ay tahay suuq laga kala guuray oo aad u camirneyn. Gobolka Gedo ayaa marar badan waxaa ka dhacay qaraxyo miino, kuwaas oo lala eegtay asar iyo mas’uuliyiin dowladeed, waxaana inta badan mas’uuliyadda qaraxa sheegtay Al-shabaab oo dagaal kulak u jirta ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Africa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Dagaalka ciidamada Israa’iil iyo dagaal-yahannada Xamas ayaa sii socda saaka oo Axad ah, ayada oo boqolaal qof ay ka dhinteen kadib weerarkii lama filaanka ahaa ee Sabtidii lagu qaaday Yahuudda. Kooxda Xamas ayaa ayaa weerar cirka dhulka iyo badda ah ku qaaday Israa’iil Sabtidii, ayada oo ciidamada Israa’iil ay sheegeen in la dilay in ka badan 300 oo Israa’iiliyiin ah, islamarkaana 1,000 kale ay dhaawac yihiin. Mas’uuliyiinta Gaza ayaa iyagana sheegay in duqeymaha Israa’iil ay ku hayso magaalada ay ku dhinteen 232 qof oo shacab ah, islamarkaana in ka badan 1,700 ay dhaawac yihiin. Dagaalka ayaa saaka oo Axad ah wuxuu ciidamada Israa’iil iyo boqolaal dagaal-yahannada Xamas ah ku dhex-marayaa 22 goobood oo gudaha Israel ah, oo ay ku jiraan laba goob oo dagaal-yahannada reer Falastiin ay ku haystaan shacab Yahuud ah. “Waxaa weli jira 22 goobood oo aan kula dagaalameyno argagixisada soo gashay Israel,” waxaa sidaas yiri afhayeenka ciidamada Israa’iil Richard Hecht. Xamas ayaa baahisay muuqaallada dad badan oo Israeli ah oo ay afduubteen, waxaana ciidamada Israa’iil ay xaqiijiyeen in dadka la afduubtay ay isugu jiraan askar iyo shacab. Hetch ayaa sheegay in labada goobood ee dadka lagu haysto ay kala yihiin Beeri iyo Ofakim oo ah deegaanno Yahuuddu degan yihiin oo dhaca bariga Gaza. “Waxaan guda galeynaa dagaal dheer oo adag oo uu nagu qasbay weerarka dhimashada badan ee Xamas,” ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sidaas ku ku yidhi qoraal uu soo dhigay barta X, ee horey loogu yaqiin Twitter. “Marxaladda koowaad waa dhammeynta waqtigan ayadoo la burburinayo inta badan ciidammada cadowga ah ee dhulkeenna soo galay.” “Xilligan, waxaan billownay duullaan socon doono isaga oo aan xaddidaad iyo kala joogsi laheyn illaa aan uga guuleysano hadafyadeenna. Waxaan muwaadiniinta Israa’iil usoo celin doonnaa amniga, waana guuleysan doonnaa,” ayuu yidhi Netanyahu. Dagaalka — oo yimid qarni kadib dagaalkii 1973-kii ee Israel iyo Carabta — ayaa horseeday in Israa’iil ay korontada, shidaalka iyo sahayda cunto ka jarto Gaza, sida uu sheegay Netanyahu. Ayada oo Golaha Ammaanka ee QM uu ku baaqay kulan deg deg ah Axadda maanta ah, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray “taageero adag oo xooggan” oo ay siin doonaan Israa’iil, wuxuuna “uga digay cid kasta oo cadow ku ah Israa’iil inay ka faa’iideysato xaaladda.” Xamas ayaa weerarka ku magacowday “Howlgalka Daadka Al-Aqsa” waxayna ugu yeedhay “dagaalyahannada iska caabinta ah ee ku sugan Daanta Galbeed” iyo sidoo kale “dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka” inay ku soo biiraan dagaalka. Garabkeeda hubaysan ee Guutada Cizu Diin al-Qassam, ayaa sheegay inay rideen in ka badan 5,000 oo gantaal, halka Hecht uu sheegay in Israa’iil ay tirisay in ka badan 3,000 oo gantaallo ah oo kusoo dhacay Source
  16. Dagaallo culus ayaa lagu soo waramayaa in xalay oo dhan ay ku dhexmarayeen ciidammada Isaraa’iil iyo dagaalyahannada Xamaas 22 goobood oo Israa’iil ah, kuwaas oo ay ku jiraan ugu yaraan laba goobood oo la aaminsan yahay in afduub loogu haysto Israa’iiliyiin badan sida laga soo xigtay millatariga Israa’iil. Sidoo kale la haystayaal kale ayaa laga gudbiyay xadka Qasa kaddib dagaalkii ugu adkaa ee Israa’iil la kulanto tan iyo dagaalkii Yoomu kibuur. Ugu yaraan 250 Israa’iiliyiin ah ayaa la dilay kaddib markii dagaal isugu jira cir, bad iyo dhul ay Xamaas ku qaaday gudaha Israa’iil. In ka badan 1,000 qof oo kale ayaa la soo weriyay inay ku dhaawacmeen, iyadoo illaa 3,000 oo gantaal lagu riday gudaha Israa’iil sida laga soo xigtay milatariga. Sidoo kale 230 reer Qasa ah ayaa ku dhintay weerar aargoosi ah oo Israa’iiliyiintu ka gaysteen gudaha magaalada Qasa sida laga soo xigtay saraakiisha magaalada. Source
  17. Madaxweynaha dowladda gobolleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka qeybgalayay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ayaa sheegay in gabagaba uu marayo wajigii koowaad ee dagaalka dhawaana deegaannada koonfur Galbeed iyo jubbaland uu ka billaaban doonno howlgalka wajigiisa 2-Aaad. Madaxweyne Laftagareen ayaa xusay in wajiga labaad uu isku mar ka bilaabanayo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kadib marka laga soo dhamaado Galmudug iyo Hishabeelle oo gabagaba maraya ” Wajiga koobaad gabagabuu marayaa, waxaana bilaaban doono sida qorshaha iyo balantu aheyd wajiga labaad oo ka bilaabanayo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland”. Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku dheeraaday sida waajibka ugu tahay dhammaan shacabka degaannada Koonfur Galbeed ka qey qaadashada dagaalka degaannada maamulkaas looga xoreynayo khawaarijta,isagoo sarakiisha iyo dhammaan ciidanka faray in ay u diyaar garowaan wajiga 2-aad howlgalka laga billaabay Koonfur Galbeed. Madaxweyne Laftagareen ayaa dhanka kale ku bogaadiyay ciidamada Xoogga dalka guulaha waweyn ay kasoo hooyeen howlgallada dalka looga xoreynayo Al-shabaab, kaas deegaanno badan looga saaray oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Kulankaan oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Qalab sida xubno ka socoday maamulka koonfur Galbeed, waxaana siweyn loogu gorfeeyay bilaabashada dagaalka Al-shabaab iyo sidii loosoo gabagabeyn lahaa abaabulka iyo diyaar garowga socda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Dagaal u dhexeeya laba beelood ayaa ka dhacay bali biyood u dhow magaalada Qori-lugud oo ka tirsan degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer. Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan toban qof oo labada dhinac ah halka dhaawac intaas ka badan uu jiro, sida ay goobjoogayaal halkaasi ku sugan noo xaqiijiyeen. Keyse Maxamuud Cali, gudoomiyaha Bulshada Rayidka ayaa noo sheegay in dagaalku ka bilaabmay shalay subax Balli lagu magcaabo Maskax Buqle oo xoola dhaqato isku fara saareen kaas oo markii danbe isu bedeley dagaal gaadiidka qoryaha xambaarsan laysu adeegsadey. Makhribkii xalay ayaa la sheegay in uu si iskiis ah u joogsaday dagaalku , waxaana la sheegayaa in isu ciidansi xoogleh uu haatan socdo. Dagaalkan ayaa laga cabsi qabaa in uu ku sii baaho degaano badan. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa safarka ninka sheegtay in uu yahay Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye ee Muqdisho ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhin doonin Sida ay baahisay idaacada BBC Somali Guddoomiyaha ayaa sheegay in safarka Firdhiye, aanu Laascaanood Somaliland ka goyn doonin, isla markaana uu yahay uun nin Soomaaliyeed oo dhul Soomaaliyeed tagay. Faysal Cali Waraabe oo ugu horreyn ka hadlaya aragtidiisa maamulka cusub ee SSC ayaa yidhi, “Horta annagu ma aaminsanin wax la yiraahdo SSC, reer Laascaanood waa beel kamida beelaha dega Somaliland, marka ay noqoto safarka ninka la sheegay in uu yahay hoggaamiyahana, waa nin Soomaaliyeed oo tagay dhul Soomaaliyeed, in Laascaanood la yidhaahdo waxaa lagu darayaa dal kale waa waxba kama jiraan”. Gudoomiyaha UCID oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qorshaha Somaliland uga aaddan Laascaanood isagoo yidhi, “Laascaanood sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa loogu soo celinayaa gacanta Somaliland, waxaa lasoo celinayaa kala dambeyntii iyo sidii ay ahayd, waxaa lagusoo celinayaa xoog iyo dagaal ama wadahadal hadba kii noo suura gala ayaa lagusoo celinayaa haddii ay ka bixi waayaan dadka shisheeyaha ah ee kusoo duulay mana oggoolaan doonno in deegaan Somaliland ay leedahay lagu daro dal kale”. Guddoomiye Waraabe oo tusaale usoo qaatay nidaamkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa yidhi, “Somaliland waxa ay iska saartay oo diidday nidaamkii Maxamed Siyaad, maantana waa sidii oo kale magaalo Somaliland kamida cid aynaan u oggoleyn ku jiri meyso, waxaan arkeynaa dad ku dabbaal dagaya ee ku sugan Laascaanood oo uu kamid yahay madaxweyne kuxigeenka Puntland, xaqiiqadu waxa ay tahay haddii ay sheekadu qabiil isku badasho iyaguba ma joogi doonaan Muqdisho”. Source
  20. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid. Ugu horreyn shirka ayaa waxaa warbixin ku saabsan dagaalka ka dhanka ah aAl-shabaab deegaannada Galmudug looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda amniga Maxamed Cabdi Gaboobe oo maalmahaan furimaha ku sugnaa. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa warbixin ku saabsan miisaaniyad sannadeedka 2024-ka looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug. Golaha wasiirrada ayaana dood dheer kaddib cod gacan taag ah ku ansixiyay miisaaniyadda 2024-ka. Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa isagoo ka duulaya dardargalinta howgalka wajiga labaad waxa uu magaacaabay guddiyo ka tirsan Golaha Wasiirrada oo ka howl gali doona aagagga dagaalka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Golaha uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda 2024-ka, waxaana kulankaan uu kusoo aadayaa xilli deegaannada Galmudug uu ka socdo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee gobollada Mudug iyo Galgaduud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Tel Aviv (Caasimada Online) – Dagaalka ciidamada Israel iyo dagaal-yahannada Xamas ayaa sii socda saaka oo Axad ah, ayada oo boqolaal qof ay ka dhinteen kadib weerarkii lama filaanka ahaa ee Sabtidii lagu qaaday Yahuudda. Kooxda Xamas ayaa ayaa weerar cirka dhulka iyo badda ah ku ekeysay Israel Sabtidii, ayada oo ciidamada Israel ay sheegeen in la dilay in ka badan 300 oo Israa’iiliyiin ah, islamarkaana 1,000 kale ay dhaawac yihiin. Mas’uuliyiinta Gaza ayaa iyagana sheegay in duqeymaha Israel ay ku hayso magaalada ay ku dhinteen 232 qof oo shacab ah, islamarkaana in ka badan 1,700 ay dhaawac yihiin. Dagaalka ayaa saaka oo Axad ah wuxuu ciidamada Israel iyo boqolaal dagaal-yahannada Xamas ah ku dhex-marayaa 22 goobood oo gudaha Israel ah, oo ay ku jiraan laba goob oo dagaal-yahannada reer Falastiin ay ku haystaan shacab Yahuud ah. “Waxaa weli jira 22 goobood oo aan kula dagaalameyno argagixisada soo gashay Israel,” waxaa sidaas yiri afhayeenka ciidamada Israel Richard Hecht. Xamas ayaa baahisay muuqaallada dad badan oo Israeli ah oo ay afduubteen, waxaana ciidamada Israel ay xaqiijiyeen in dadka la afduubtay ay isugu jiraan askar iyo shacab. Hetch ayaa sheegay in labada goobood ee dadka lagu haysto ay kala yihiin Beeri iyo Ofakim oo ah deegaanno Yahuuddu degan yihiin oo dhaca bariga Gaza. “Waxaan guda galeynaa dagaal dheer oo adag oo uu nagu qasbay weerarka dhimashada badan ee Xamas,” ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sidaas ku ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X, ee horey loogu yaqiin Twitter. “Marxaladda koowaad waa dhammeynta waqtigan ayadoo la burburinayo inta badan ciidammada cadowga ah ee dhulkeenna soo galay.” “Xilligan, waxaan billownay duullaan socon doono isaga oo aan xaddidaad iyo kala joogsi laheyn illaa aan uga guuleysano hadafyadeenna. Waxaan muwaadiniinta Israel usoo celin doonnaa amniga, waana guuleysan doonnaa,” ayuu yiri Netanyahu. Dagaalka — oo yimid qarani kadib dagaalkii 1973-kii ee Israel iyo Carabta — ayaa horseeday in Israel ay korontada, shidaalka iyo sahayda cunto ka jarto Gaza, sida uu sheegay Netanyahu. Ayada oo Golaha Ammaanka ee QM uu ku baaqay kulan deg deg ah Axadda maanta ah, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray “taageero adag oo xooggan” oo ay siin doonaan Israel, wuxuuna “uga digay cid kasta oo cadow ku ah Israel inay ka faa’iideysato xaaladda.” Xamas ayaa weerarka ku magacowday “Howlgalka Daadka Al-Aqsa” waxayna ugu yeertay “dagaalyahannada iska caabinta ah ee ku sugan Daanta Galbeed” iyo sidoo kale “dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka” inay ku soo biiraan dagaalka. Garabkeeda hubaysan ee Guutada Cizu Diin al-Qassam, ayaa sheegay inay rideen in ka badan 5,000 oo gantaal, halka Hecht uu sheegay in Israel ay tirisay in ka badan 3,000 oo gantaallo ah oo kusoo dhacay. The post Wararkii ugu dambeeyey Xamas oo ka dagaalameysa 22 furin oo gudaha Israel ah appeared first on Caasimada Online.
  22. Wararka ka imaanaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaas uu xalay ka dhacay dagaal xooggan. Dagaalka ayaa sida lagu warramayo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo qaar kamid ah jamaahiirta Ceerigaabo oo taageersan maamulka SSC-Khaatumo. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka oo mudda saacado ah ka socday magaalada inkastoo aan faahfaahin sugan laga helin tirada khasaaraha dhacay. Wararka ayaa tilmaamaya in jamaahiirta Ceerigaabo ay qabsadeen saldhigyada ciidamada Somaliland qaarkood balse dib uga baxeen markii danbe. Xaaladda magaalada Ceerigaabo ayaa saaka deggan waxaana socda dadaal ay samaynayaan odayaasha iyo waxgaradka si ay u xakameeyaan in aysan xiisaddu sii socon. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee dagaal xalay ka dhacay magaalada Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.
  23. Baidoa (HOL) - The President of South West Regional State, Abdiasis Hassan Mohamed Laftagareen, announced on Saturday the commencement of the second phase of anti-al-Shabab operations in South West State. Source: Hiiraan Online