-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Soomaalida intooda badan waa isku midab marka la gaaro muddo dhamaadka xafiiska. Waxay u muuqdan kuwo aan waxba ku qaadan tii lasoo maray. Waxay maalin walba dib u cunaan wixii ay umadda wanaag tareen intii ay xafiiska umadda hayeen. Waxaa dhaca miir-beel siyaasadeed oo qofka iskaga qasa milkiyadiisa shaqsiga ah iyo milkayada umadda. Warbixintaan waxaa ku eegayna shan arrimood oo been ah laakiin madaxda Soomaalidu aaminaan marka la gaaro dhammaadka muddo xileedka, kuwaasi oo kala ah; 1. Awood ciidan Siyaasiga Soomaaliga ah isaga oo og in aan dalkaan cidna xoogi karin, dadka wada hubeysan yahay, ciidanka wada qabiileysan yihiin, oo sidaas xukunka ku yimid ayuu marka dambe isagu tijaabiya inuu dadka xoogi karo. Cadeymaha ah in aan Soomaaliyada maanta la xoogi karin, dhinac walba oo kamid ah diiwaanka Soomaalida ayaa ugu tageysa. Mid walba oo isku dayay awood sheegasho ciidan fashil ayuu kusoo dhamaaday, haddana laguma waano qaato. 2. Mucaaradnimada oo dambi laga dhigo Qofka Soomaaliga ah marka uu xukunka haysto wuxuu mucaaradnimada u yaqaana dambi, dhibaato qaran iyo fowdo. Dhamaadka muddo xileedkiisana wuxuu dadka ugu sheekeeya inay mucaaradka yihiin dad qabiileysan, tabar yar, shacabkuna ay rabin oo kursiga ka qaadan karin. Laakiin khiyaaligaas ayaa inta badan iska dhamaada maalinka doorashada. 3. Fahamka shacabka oo lagu gafo Madaxda Soomaalidu waxay rumeysan yihiin in shacabka marwalba iskala jiraan qofka xukunka haysta oo aanay kala jecleyn cidda xukumeysa. Taasi waa gaf shacab. Dadweynuhu xitaa maalinka doorashada dhacdo maalinka ku xigta, weyna kala qeybsanaadan illaa uu dhamaado kal xukunkaas. Majiro shacab aan ku xisaabtamin sanadaha xukunka ee dalkooda, sida ay wax u socdaan iyo rejada aan dhamaanin ee helista hoggaan kasii fiican midka markaas jooga. 4. Kalsoonida dhaqaalaha Qofka xukunka haysta wuxuu aaminsan yahay inuu isagu dadka ugu lacag badan yahay, waxa uu rabana soconayaan, laakiin marka la gaaro doorashada lacagta waxaa ka xoog badan doonista isbeddelka. Lacagta akoonnada uga buuxda qofka xukunka haysta dad ayaaba u arka hanti uu ka dhacay xafiisyada dowladda, in laga qaato iyo in loo dhaafana waxay u arkaan isku mid. Lacagta kama adka rabitaanka isbeddelka, waase mid ay illaa iyo hadda siyaasiyiinta Soomaalidu fahmi la’ayihiin. 5. Been ma sheegayaasha Madaxda ku jirta xilli dhamaadka xukunkooda waxay ka dhuuntaan dadka runta u sida. Waxay shaqo u abuuran dad iska dhigaya inay iyaga daacad u yihiin, balse u tababaran sida madaxda looga ilaaliyo xaqiiqada. Dadka waa ku rabaan, lacag ayaa haysata, mucaaradka lama rabo, waa laga cabsanaya, ciidanka ku raba iyo sheekooyin gacan ku sameys ah ayaa saacad saacad loogu harqiyaa qofkaas uu gabalkiisu sii dhacayo. Laakiin saacadaha doorashada ayuu ogaada inuu ku noola dal ama deegaan aan aheyn halkii uu xukumayay. Arrimahan si joogto ah ayay usoo noq-noqdaan, welina lama hayo qof kamid ah madaxda labada heer dowladeed ee Soomaaliya oo wax ka barta, una guura xaqiiqada oo mucaaradkiisa la hadla, awoodda ciidanka ku beddela mid olole siyaasadeed ah, dib u raadiya kalsoonida shacabka, iska erya kuwa beenta u sheegaya ee xoola doonka oo si miir-qabta ula macaamila dhamaadka muddo xileedkiisa. The post Shanta been ee madaxda Soomaalida ay aaminan dhamaadka muddo xileedkooda appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday qorshaha xigga deyn cafinta oo xilligaan mareysa marxalad geba-gebo ah. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula yeeshay qaar ka mid ah Safiirada iyo Wakiilada dalalka deeq bixiyayaasha. Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay arrimaha horumarinta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka qorshaha deyn cafinta oo haatan maraya heerkiisii ugu dambeeyay. Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa kala hadlay madaxdii uu maanta la kulmay sidii dowladda Soomaaliya ay u heli laheyd taageero ku filan kadib marka uu dhamaado hannaanka deyn cafinta. Wasiir Biixi ayaa ku amaanay Wakiiladii iyo Safiiradii uu la kulmay doorkooda saaxibtinimo ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin. Deyn-cafinta Soomaaliya ayaa la filayaa in si rasmi ah looga dhawaaqo bisha December ee sanadkan 2023-ka, sida uu hore u shaaciyay wasiirka maaliyadda Soomaaliya. “Dhammaan shuruudihii dhinaceeda waa soo dhammaadeen kaliya waxaan sugeynaa go’aanka oo aan fileyno inuu soo bixi doono,” ayuu yiri Wasiir Biixi. Si kastaba, Soomaaliya ayaa buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa hanaanka deyn-cafinta, ayada oo arrintaas ay dadaal badan ku bixiyeen xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka. The post DF oo billowday qorshaha xigga deyn cafinta iyo kulan ka dhacay Nairobi appeared first on Caasimada Online.
-
Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu kulan muhiim kula yeeshay qaar ka mid ah Safiirrada iyo Wakiilada dalalka deeqbixiyayaasha caalamiga ah. Shirkaan ayaa loo looga wadahadlay arrimaha horumarinta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta oo haatan maraya heerkiisii ugu dambeeyay. Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan ayaa kala hadlay madaxdii Hey’addaha uu la kulmay sidii Dowladda Soomaaliya ay u heli laheyd taageero ku filan kadib marka uu dhamaado hannaanka deyn cafinta Soomaaliya. Wasiir Biixi ayaa ku amaanay Wakiiladii iyo Safiiradii uu la kulmay doorkooda saaxibtinimo ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin. Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay hadal dhawaan kasoo yeeray, kaasi oo ku aadana damaca Itoobiya ee dhul badeed. Abiy ayaa ku adkaystay in Itoobiya aysan ku duuli doonin dal kale ama aysan danaheeda ku fulin doonin “dagaal” kadib markii hadallo uu horay u sheegay oo ku saabsan raadinta marinka Badda Cas ay walaac ka abuureen gobolka. “Waxaa jirta cabsi laga qabo in Itoobiya ay duullaan qaaddo kadib dalabkeenii xoogganaa ee dhawaanahan ee ahaa inaan helno bad,” ayuu Abiy u sheegay kumannaan askari oo ku sugan Addis Ababa oo ka qayb-galayay dhoola-tus lagu xusayay maalinta ciidamada Qaranka. Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan rabaa in aan carrabka ku adkeeyo in Itoobiya aysan ku raadin doonin in ay danaheeda dagaal ku gaarto, waxaa naga go’an in danta guud lagu gaaro wada-hadal iyo gorgortan.” Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka 13-kii Oktoobar, Abiy Axmed wuxuu ku sheegay in Itoobiya oo aan bad lahayn ay tahay “dal jiritaankiisu ku xiran yahay badda cas,” marin biyoodka weyn ee ganacsiga caalamiga ah. Waxa uu sheegay in Itoobiya ay u baahan tahay inay hesho deked, isagoo intaas ku daray: “Haddii aan qorsheyno in aan nabad ku wada noolaanno, waa in la helaa qaab aan wax ku qeybsanno si dheellitiran”. Hadalladaas ayaa waxay walaac ku abuureen dalalka deriska ah, gaar ahaan ee Eritrea oo leh xeeb dheer, waxayna wasaaradda warfaafinta Eritrea oo ku raadjoogta hadalka Abiy ay bayaan ku tilmaantay in “hadallada” gelitaanka badda ay yihin waxa ay ugu yeertay kuwa ” xad-dhaaf ah “. Sidoo kale waxa hadallada Abiy si adag uga fal-celiyay Soomaalida, ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay in aysan Itoobiya kala xaajooneyn arrintaasi, halka Somaliland oo ay ku taallo dekedda Saylac oo uu carabaabay Abiy ay sheegeen in Itoobiya rabto dhul ay qaadato, sidaas darteed aysan u hayn dhul. Dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof, ayaa dhaqaalaha Itoobiya waxa uu noqday mid xaddidan. Itoobiya ayaa waxay lumisay xeebteeda kadib markii Eritrea ay ka go’day Addis Ababa oo ay si rasmi ah ugu dhawaaqday madax-bannaanida sannadkii 1993 kadib dagaal saddex iyo toban sano socday. The post ABIY ‘oo fasiraad ka bixiyay’ hadalkii Soomaalida ka careysiiyay ee dekedda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa ka horyimid tallaabadii uu qaaday guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa soo saaray warqad uu tartanka madaxweynaha adduunka uu ka reebay xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir, kaasi oo uu guddoomiyuhu ku sheegay inay tasaasushay gabadhan oo meteleysay Soomaaliya. Warqadda kasoo baxday guddoomiyaha ayaa waxaa loo diray Baarlamaanka adduunka, ayada oo loogu sheegay in Xildhibaan Marwo ay ka tanaasushay tartanka. Cabdiraxmaan Cabdirashuur ayaa arrintaan ku tilmaamay mid laga xumaado, wuxuuna tilmaamay in si toos ah tartanka looga reebay xildhibaan Marwo, si loo wiiqo hankeeda. “Waa ayaan-darro wayn iyo wax laga xumaado in gabar Soomaaliyeed oo u tartamaysa hoggaanka sare ee Baarlamaanka Adduunka magaca Golaha Shacabka lagu garba duubo, hankeediina lagu wiiqo. Xildhibaan Marwa Abdibashiir Xaaji labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa cod midaysan ku taageeray in ay magaca Soomaaliyeed ugu tartanto xilka Guddoomiyaha Baaralamaanka Adduunka” ayuu qoraalkiisa ku yir Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay inuu la xariiray xildhibaanada ayna u sheegtay inay arrintan lama filaan ku noqotay, maadaama ay warqadda soo gaartay, ayada oo ku jirto taranka. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in tallaabada uu qaaday Sheekh Aadan Madoobe ay tahay mid sharci darro ah, islamarkaana looga been abuurtay baarlamaanka dalka. “Qoraalka uu guddomiye Aadan Madoobe soo saaray waa mid sharci dari ah, sababtoo ah go’aan labo aqal ayaa lagu taageeray Xildhibaan Marwo, waa mid aan looga run sheegin in ay ka tanaasushay tartanka waa mid dhaawac ku ah qaranka Soomaaliyeed, hanjibayana qof kasta oo doonaya in uu magaca qaran ku tartamo” ayuu mar kale yiri Mr. Warsame. Halkan hoose ka akhriso qoraalkan oo uu soo dhigtay bartiisa Facebook-ga:- Waa ayaan-darro wayn iyo wax laga xumaado in gabar Soomaaliyeed oo u tartamaysa hoggaanka sare ee Baarlamaanka Adduunka magaca Golaha Shacabka lagu garba duubo, hankeediina lagu wiiqo. Xildhibaan Marwa Abdibashiir Xaaji labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa cod midaysan ku taageeray in ay magaca Soomaaliyeed ugu tartanto xilka Guddoomiyaha Baaralamaanka Adduunka. Tartanka oo ay isku soo hareen iyada iyo 3 Haween Afrikaan ah oo dalalka Malawi, Tanzania iyo Senegal ka kala socda, lana joogo saacadihii ugu danbeeyey ee cod bixinta ayaa qoraal uu soo saaray Sheekh Aadan Madoobe u diray Baarlamaanka adduunka, kaasoo uu ku sheegayo in Xildhibaan Marwo ay ka tanaasushay tartankii. Xildhibaan Marwo oo tartanka weli ku sii jirta ayaa ii sheegtay in uu filan waa ku noqday qoraalka uu Sheekh Aadan Madoobe kaligii magaca Golaha Shacabka ku soo saaray. Qoraalka uu guddomiye Aadan Madoobe soo saaray waa mid sharci dari ah, sababtoo ah go’aan labo aqal ayaa lagu taageeray Xildhibaan Marwo, waa mid aan looga run sheegin in ay ka tanaasushay tartanka waa mid dhaawac ku ah qaranka Soomaaliyeed, hanjibayana qof kasta oo doonaya in uu magaca qaran ku tartamo. Haddii ay xildhibaan Marwo tartankaas ka libin keeni waysana, waxaa u sabab ah Guddoomiye Aadan Madoobe iyo intii kale oo shirka kula ah. Golaha Shacabka waa in uu ka waynaada qof go’aankii. The post CC Shakuur oo ka horyimid tallaabadii A/Madoobe, una hiiliyay MARWO appeared first on Caasimada Online.
-
Prime Minister Abiy Ahmed says Ethiopia will not invade any neighbouring nation after his recent comments on a need for his country to own a sea outlet created disquiet in the region. Addressing the nation at a square in the capital, Addis Ababa, to mark Army Day on Thursday, Mr Abiy said Ethiopia would “never invade” any country. “Our army has never initiated an attack and now we will not attack anyone,” he said. “Fears have been voiced that there could be an invasion when Ethiopia recently stressed the need to discuss some issues… there is nothing whatsoever Ethiopia intends to achieve through invasion. I would like to strongly assure you that we will not pull a trigger on our brothers to attain our needs by force,” the PM added. It comes a few days after Mr Abiy told legislators that securing a sea outlet was “a matter of existence” for his country. Ethiopia became landlocked following Eritrea’s secession in 1993, and has since depended on Djibouti for over 85% of its imports and exports. Ethiopia and Eritrea fought a two-year border war between 1998 and 2000. Tensions were eased between the two countries in 2018 when Mr Abiy and President Isaias Afwerki of Eritrea signed a peace agreement. Source Bbc Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta soo saaray wareegto ayaa magacaabay gole cusub oo ay yeelanayso xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Xamza. Golahan ayaa waxaa lagu magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, ayada oo looga gol-leyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddelka horseedaya Horumar waara, isla markaana saldhig u noqon doona Soomaaliya xasiloon, Maamul hufan leh, Dhaqaale ahaanna isku filan. Sidoo kale golaha ayaa ka kooban 13 wasiir iyo 6 xubnood oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha, kuwaas oo ay ku jiraan lataliyeyaal sar sare. Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa abuuraya dadaalo isku dhafan oo ay qeyb ka yihiin dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda, Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka, Saaxiibada Caalamiga ah, Ururrada aan Dowliga ahayn, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka ah, si loo hagaajiyo Maamulka, sare loogu qado Horumarinta Dhaqaalaha, daryeelka bulshada iyo in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha. Xubnaha Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa ka kooban; Mudane Biixi limaan Cige, Wasiirka Maaliyadda Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Maxamud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene Beene), Wasiirka Qorshaynta Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Maxamed Axmed Shekh Cali (Doodishe), Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Jaamac Takhal Cabbaas, Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Mudane Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Mudane Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Marwo Khadiija Maxamed Almakhsuumi, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Golahan ayaa waxaa shir guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxa ayna yeelan doonaan Xoghayn ka kooban: Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Boolbool), Agaasimaha Golaha Wasiirada ee XRW Mudane Kamaludin Dahir Xasan, La-taliye, Arrimaha Amniga RW Cabdirisaaq Cali Ibraahim, La-taliye, Horumarinta iyo Xiriirinta Barnaamijyada ee XRW. Axmed Cumar Maxamed, La-taliye, Arrimaha Golaha Wasiirada ee XRW Xasan Cabdulaahi Diiriye, La-taliye, Horumarinta iyo Tayaynta Maamulka Hay’adaha Dowladda ee XRW. The post R/W Xamza oo magacaabay gole cusub oo ka kooban 19 xubnood + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
On the occasion of the 116th Army Day, which was celebrated this morning, Prime Minister Abiy Ahmed, who also serves as the Commander-in-Chief of the Federal Armed Forces of #Ethiopia, emphasized that the country does not seek to achieve its goals through force or invasion. Addressing concerns that have recently arisen regarding a potential conflict over the issue of the #Red_Sea, the Prime Minister stated that Ethiopia’s intention is to engage in discussions about specific matters rather than resorting to military action. During his speech, Prime Minister Abiy reassured the defense forces and the Ethiopian public that the country has no hidden agenda that requires the use of force. Instead, Ethiopia aims to foster cooperative relationships with neighboring nations in order to attain shared benefits, development, and prosperity. He added, “We will not employ force against our fellow brothers to impose our interests.” The 116th National Army Day was commemorated at #Meskel_Square this morning with a series of special events. The ceremony was attended by Prime Minister Abiy, government officials, ambassadors, military leaders from different countries, senior leaders, and members of the army, as well as representatives from various sections of society. Source Addis Standard "Ethiopia has no agenda to achieve through the use of force," Prime Minister Abiy Ahmed On the occasion of the 116th Army Day, which was celebrated this morning, Prime Minister Abiy Ahmed, who also serves as the Commander-in-Chief of the Federal Armed Forces of #Ethiopia,… pic.twitter.com/ZDCADeZCP9 — Addis Standard (@addisstandard) October 26, 2023 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkooda todobaalaha ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay heshiis u dhexeeya dowladaha Somalia iyo Sacuudiga, ayada oo isla shirka lagu meelmariyay 4 hindise sharciyeed oo kale. Hesiiska la ansixiyay ayaa ku saabsan dhinaca iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, sida uu shaaciyay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya. “Golaha wuxuu ansixiyay heshiis dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo dowladda boqortooyada Sacuudi Caribiya, kaas oo ku saabsan dhinaca amniga oo labada waddan ay iska kaashan doonaan” ayuu yiri Farxaan Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho. Sidoo kale golaha wasiirada ayaa meelmariyay 4 hindise sharciyeed oo la horgeeyay iyo warbixinta sanad maaliyadeedka 2022, taas oo ahmiyad u leh nidaamka dhaqaale ee dalka. Afarta hindise sharciyeed ee la ansixiyay ayaa laba kamid waxaa soo diyaariyay wasaaradaha arrimaha gudaha iyo diinta iyo awqaafta, waxayna kala yihiin:- Hindise sharciyeeda diiwaanka Zakada oo ay soo gudbisay wasaaradda diinta iyo awqaafta, hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda adeegga saadaasha hawada iyo cimilada, hindise sharciyeedka dib u eegista sharciga la dagaallanka burcadbadeeda iyo ka hortegga afduubka ee sharci lambar 36, 30-kii April 1975-tii, hindise sharciyeedka ilaalinta iyo taakuleynta barakacayaasha oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Dhanka kale golaha wasiirada ayaa dhageystay warbixin ku aadan amiga iyo guulaha laga gaaray dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab ee haatan ka socda gobollada dalka. Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka socda guluf dagaal oo ay hormuud u tahay dowladda federaalka Soomaaliya, isla-markaana ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaanka. The post Golaha wasiirada oo maanta ansixiyey heshiis ay galeen Soomaaliya iyo Sacuudiga appeared first on Caasimada Online.
-
Shir lagu adkaynayo Ammaanka oo lagu qabtay Boorame Hargeysa(Qaran news)-Kulan lagaga hadlayay adkaynta nabadgelyada ayaa ka dhacay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal. Kulan lagaga arrinsanayay adkaynta nabadgelyada oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Awdal, sida waxgaradka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, dhallinyarada iyo madax dhaqameedka ayaa ka dhacay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal. waxa ay sheegeen in ujeedada kulan tahay adkaynta nabadgelyada, waxaanay tilmaameen in nabadgelyadu cidkasta ay dan u tahay. Sidoo kale odayaasha iyo madax dhaqameedka gobolka Awdal ayaa sheegay in nabadgelyada iyo abnigu ay yihiin waxa lagu degan yahay gobolka Awdal iyo degaanada hoos yimaada, waxa ay xuseen in nabadgelyadu ay tahay waxa horumarka lagu gaadhay, iskuulada lagu dhistay. Gaba-gabadii waxa ay Qurba-joogta gobolka Awdal uga digeen inay ka fogaadaan hadalada naca iyo kala qaybsanaanta keenaya, waxaanay ka codsadeen inay ka qayb qaataan nabad-dhiska iyo horumarka gobolka ka socda Qaran News
-
Madaxweynaha wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka dalkiisa ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Gaza, isaga oo garab istaag u muujiyay ururka Xamaas uu ku tilmaamay koox difaacanaysa dhulkeeda sida hadalka uu u dhigay. Israa’iil, Mareykanka, Midowga Yurub iyo UK ayaa Xamaas garabkeeda Milarati u qoonsaday in ay yihiin Argigixiso, laakiin Erdogan ayaa ku sheegay khudbaddiisa inuu baajinayo booqashooyin uu ku tagi lahaa Israa’iil, kuwaas oo uu hore u qorsheeyay inuu ku tago, kadib weerarka wali lagu hayo Gaza. “Israa’iil waxay habaaraan Hitler oo habaaraan habeen iyo maalin sababtoo ah Xasuqii Yahuuda ee Nasiga, laakiin maanta waxaan ogaanay in dawladda argagixsada ee Israa’iil ay hawl-galkeeda ku geystay wax ka badan xaquuqii Hitler marka la barbardhigo kan ay ka gaysteen Qasa”, ayuu yiri Erdogan, sida BBC laga soo xigtqy. Hadalka kasoo baxay Madaxweynaha Turkiga Erdoğan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli si weyn loo hadal hayay inuu booqan doono Israa’iil, waxaana taas baddelkeeda uu khudbadiisa ku xusay in si weyn uu kaga shalaynayo inuu Ra’iisulwasaaraha Israa’iil uu ku salamay gacantiisa Midig. Magaalada Gaza ayaa muddo 20 cisho ah waxaa ka socda weerarka ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka Israa’iil, waxaana sii kordhaya khasaaraha labada dhinac soo gaaraya, Xamaas ayaa wali gantaalo ku garaaceysa qeybo kamid ah Israa’iil, xilli weerar dhanka dhulka ah laga cabsi qabo. Mareykanka ayaa Talaadadii Codka Diidmada Qayaxan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga hor istaagay gaaritaanka qaraar lagu dalbanayay xabad joojin ka hirgasha magaalada Gaza, waxaana xusid mudan in dowladda Mareykanku ay hore u sheegtay in ay taageereyso duulaanka Israa’iil. Marinka Gaza oo diyaradaha dagaalka Israa’iil weli ka wadaan duqeymaha ayaa waxaa ku nafwaayay in ka badan 5,000 oo reer Falastiin ah, halka gantaalaha ay Xamaas ku rideyso Israa’iil, iyo weerarkii 7 bisha October dhacay lagu dilay 1400 oo Israelin ah, mana jiro xal u muuqda joogsi duulaanka. Source: goobjoog.com
-
Kenyan lawmakers have petitioned the country's National Assembly to ensure that the Kenya Civil Aviation Authority (KCAA) conducts urgent safety inspections on all aircraft operated by Skyward Express (OW, Nairobi Wilson) and certifies mandatory and regular maintenance of the airline's fleet, according to a parliamentary statement. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta booqasho ku tegay degmada Dharkenley ayaa dhagax-dhigay wado cusub oo laami ah oo isku xirta Tabakaayo Madoowe iyo Macalin Nuur ee degmadaasi, taas oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha. Madaale oo goobta hadal ka jeediyay ayaa shaaca ka qaaday xaafadda Dabakaayo Madow ay aheyd xaafadda ugu badan ee dadka lagu dili jiray, marka loo eego Muqdisho oo dhan. Duqa Muqdisho ayaa haatan sheegay in isbeddal badan la sameeyay, isla-markaana uu hourmar ballaaran ka jiro Dharkenley, taasna ay ku timid wada shaqeynta guud. “Dadka degan Dabakaanyo Madow waxay ay u badnayd meesha dadka lagu dilo maanta waa ka bad qabtaan Alxamdulilaah, hadda nolol ayaa ka bilaabatay iyo horumar ayaa ka socdo, taasna waxaa u sababay wada shaqeynta shacabka iyo maamulka” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in meesha laga saaray kooxihii ciyaal weerada ee dhibaatada ku hayay shacabka, sidoo kalena laga hortegay halista kooxda Al-Shabaab. “Waad ogtihiin ciyaal weeero ayaa nafta idin keenay, laakiin maanta waad ka bad qabtiin kuwii garan waaga loo bixiyay ee Khawaarijtana ee nafta u keentay dadka halkan deggan hadda waa laga soo kabtay” ayuu mar kale khuddbaddiisa ku yiri guddoomiye Madaale. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dadka deegaanka, isaga oo ugu baaqay inay dadaalkooda sii xoojiyaan, si loo sii wado horumarka ka jiray degmada. “Dadaalkiina laba laaba horumarkana aan ka wada shaqeynyo, waad mahadsantihiin” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay duqa magaalada Muqdisho. The post Daawo: Madaale oo tegay xaafadda ugu halista badneyd XAMAR appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay xubnaha Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda uu ka dhacay galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kaas oo khasaare dhaliyay. Taliye Maxamed Salaad oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howlgala gobolka ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, kadin wareysi uu siiyay Radio Kulmiye. Sarkaalkan ayaa shaaca ka qaaday in xoogaga Al-Shabaab ay soo buux dhaafiyeen deegaano dhaca galbeedka gobolka Hiiraan, ayna wadaan dhaq-dhaqaaqyo xoogan. “Saaka aroortii ah ayaa waxaa dhaq-dhaqaaq xoogan nimankii cadowga ahaa ay ka bilaabeen dhammaan galbeedka gobolka Hiiraan” ayuu yiri taliyuhu. Sidoo kale wuxuu xaqiijyay in kooxda la wareegtay deegaanka Ceel Cadde oo dhaca galbeedka Beledwyene, kadib markii ay kasoo baxeen ciidamada huwanta. Sababta waxa uu ku sheegay xeelad dagaal iyo ciidamadu inay arkeen Al-Shabaab badan oo kusoo socda magaalada. “Nin yahow deegaanka Ceel Cadde Al-Shabaab ayaa qabsaday ciidankeenana hadda waa ku howlan yihiin in ay dib uga saaraan” ayuu sii raaciyay. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in haatan wadaan abaabul xoogan, isla-markaana ay Al-Shabaab dib uga saari doonaan deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Hiiraan. “Ciidankeena xeelad dagaal ayay sameeyeen dib u gurasho ayayna uga soo baxeen deegaanka, haddana waxaan rajeyneynaa in laga saaro” ayuu mar kale yiri. Hiiraan ayaa kamid ah meelihii lagu jebiyay Al-Shabaab, inkastoo weli ay gobolkan ku hardamayaan maleeshiyada kooxda iyo ciidamada Soomaaliya The post Shabaab oo la wareegtay deegaan ku yaalla galbeedka Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Marwada Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo la Kulmay Taageereyaasha 31 May Hargeysa(Qaran news)-Marwada Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI Marwo Farduus Maxamed Rooble ayaa ka qayb gashay xaflad ay soo agaasimeen maamulka iyo taageerayaasha xisbiga ee xaafadda Faluuja ee degmada 31-ka May ee magaalada Hargeysa. Marwada ayaa dadweynaha soo dhaweeyay ku boorrisay in ay hormuud ka noqdaan isbedelka xisbiga WADDANI doonayo in uu dalka ka hir galo. Xafladda waxa kala qayb galay agaasimaha Xarunta Dhexe Mudane Cabdiraxmaan Cartan, maamulka xisbiga ee gobolka Maroodijeex, masuuliyiin ka tirsan garabka haweenka iyo madax kale. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo laga soo saaray go’aan farxad-geliyay ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab. Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayada oo ay inta badan goobjoog ahaayeen xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya. Ugu horreyn golaha wasiirada ayaa dhageystay warbixin ku aadan amiga iyo guulaha laga gaaray dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab ee haatan ka socda gobollada dalka. Intaas kadib golaha ayaa go’aamiyay in bishaarkooda oo dhan loo jaro ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ee howlgallada ka wada dalka, sida uu shaaciyay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka warbixiyay shirka golaha. “Kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada ee xukuumadda DanQaran ayaa maanta waxa ay ku gaareen go’aamo dhaxal gal ah, kulanka oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa go’aamada lagu gaaray waxaa kamid ah in mushaarka wasiirada ee bishaan gabi ahaanba ay ku taageeraan howlgallada lagu ciriribtirayo kooxaha Khawaarijta” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in go’aankan uu yahay mid dhiiragelinayo ciidamada Soomaaliyeed ee halganka ugu jira xoreynta dalka. “Go’aankan taariikhig ah ee golaha wasiirada waxa uu dhiiragelinayaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah iyo weliba dadka deegaanka ee dagaalka xaqa ah kula jira kooxaha cadowga ah ee Khawaarijta” ayuu raaciyay Farxaan Maxamed Jimcaale. Ugu dambeyn golaha wasiirada Soomaaliya ayaa shirkooda ku ansixiyay warbixinya sanad maaliyadeedka 2022, taas oo ahmiyad u leh dalka iyo nidaamka guud ee dhaqaalaha. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ay hormuud u tahay dowladda Soomaaliya, isla-markaana ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaanka. The post Golaha wasiirada oo soo saaray go’aan farxad-geliyay ciidamada + Video appeared first on Caasimada Online.
