Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somaliland oo looga Digay Qabyo dalka dib ugu Celin karta Khilaafkii Doorashooyinka Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Dalladda ururrada bulshada rayidka ah ee SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame ayaa ku baaqay in la qabto qoddobadii u gogol xaadhayay qabsoomida doorashooyinka isa saaran ee madaxtooyadda iyo ururrada siyaasadda ee lagu wado inay dalka ka qabsoomaan Bisha November 2024ka. Guddoomiyaha Dalladda SONSAF wuxuu ka digay in mar kale aynu dib ugu noqono murankii laga soo gudbay ee la xidhiidhay arrimaha doorashooyinka. Waxa kaloo uu soo bandhigay qaybooyin u baahan in wax laga qabto inta aanu wakhtigu is gurin. Anwar Cabdiraxmaan Warsame wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu soo saaray caawa oo u qornaa sidan:- “Wixii aan la hurayn horaa loo yeelaa, waxaynu ognahay in Somaliland inteedii badnayd, gaara ahaan daneeyayasha doorashooyinku ku heshiiyeen in doorashada isa saaran ay qabsoonto bisha November 2024, sidaas oo ay tahay waxaad moodaa in shaqaadii loo baahnaa in la qabto doorashada ka hor aanay si fiican u socon. Qoddob ka mida Xeerka doorashooyinku waxuu sheegayaa in afar bilood ka hor la soo gudbiyo magacyada musharixiinta ku tartamaya doorashooyinka, marka afartàas bilood laga jarana, wakhtiga aynu haysanaa waa Siddeed bilood oo kaliya. Ansixintii iyo dhamays tirkii xeerka doorashada iyo khilaafkii Komishinka Doorashooyinkuna weli ma dhamaystirna, intaaso oo dhammi waa asbaabo keeni kara in aynu dib ugu noqon murankii ma dhalayska ahaa ee aynu ka soo gudubnay. Waxaan ugu baaqayaa hay’ayadaha Qaranka iyo cid kasta oo ay khusayso in laga wada shaqeeyo dhamaystirka hawshaas.” Qaran News
  2. Wasaaradda Beeraha Somaliland oo Digniin Soo Saartay. Hargeysa(Qaran news)- “Xafiiiska Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beearaha waxay Digniin u diraysaa dadweynaha ku nool xeebaha Somaliland, gaar ahaan Degmooyinka Lughaya iyo Saylac inay ka feejignaadaan Roobab waawayn oo la filayo in ay ka da’i doonan xeebaha 24 Saacadood ee inagu soo waajahan, taas oo saadaashu sheegayso inay xeebta Lughaya iyo Saylac ay ku Wajahan yihiin roobab xadigooda sareeyo oo lagu qiyaasay 150mm ilaa 200mm’’ ‘’ Fiiro gaar ah: Hadaba dadweynaha ku nool meelaha aanu soo sheegnay waxa la farayaa in ay ka feejignaadan ama fogaadaan meelaha biyo-mareennada ah iyo meelaha dooxooyinka ah. Sidoo kale, waxaanu digniin u diraynaa dadka kaluumaysada ah inay kala baxaan laasashkooda iyo agabka kale ee ay ku kaluumaystaan’’ ayaa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay wasaaradda Beeraha. Qaran News
  3. Salaatul Khusuufka(Dayax Madoobaadka) Oo Aan Caawa Laga Tukan Xaramka Makkah! Maamulka Arrimaha Diinta Ee Sacuudiga Oo Oggolaan Waayey In Lagu Oogo Xaramka Makkah Salaadda Khusuufka(Dayax Madoobaadka) Taasoo Loo Cuskaday Qodob Diini Ah Ee Laga Soo Xigtay Rasuulkeenna Muxammed SCWS Taasoo Ahayd Kolka La Arko Khusuufka Ayaa La Tukan Karaa Salaaddaa, Sida Cad Caaway Jawiga Sacuudiga Waa Jawi Roobaad Ee Saxaab Fara Badan Ku Geedaaman Ee Aan La Arki Karin Dayax Madoobaadka, Sidaa Darteed Waxaa Laga Cudur Daartay In La Tukado Salaatul Khusuufka(Dayax Madoobaadka) Ali Sheikh Adam SASH NEWS (SAUDI NABA NEWS) Ali Adam Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday ganacsade Xuseen Raage Shiiraar oo aad looga yaqaanay koonfurta Soomaaliya. Sida ehelka marxuumka ay Caasimada Online u sheegeen wadnaha ayaa istaagay ganacsade Xuseen Raage Shiiraar. Marxuumka ayaa joogay gurigiisa oo ku yaalla Muqdisho markii uu caawa ku soo booday xanuun ka qabtay wadnaha, wuxuuna u geeriyooday si deg deg ah. Meydka Ganacsade Xuseen Shiiraar ayaa caawa ku hoyanaya isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana la aasayaa berri sida ay ehelladu noo sheegeen. Walaalkiis Careys Raage Shiiraar oo ka soo baxaya degmada Cadale ayuu ehelku noo sheegay in lala sugayo duugta marxuumka, kaas oo caawa soo gelaya Muqdisho. Garaad Xaaji Xuseen Cagey oo ka mid ah dadka sida weyn u yaqiinay marxuumka ayaa tacsi kadib sheegay in Xuseen Shiiraar uu ahaa nin dhalinyar, dhaqaale fiican heysta, isla markaana aad u caawiya dadkiisa. “Wuxuu ahaa ganacsade qiimo badan oo dadkiisa ka war waba, deegaanada uu ka soo jeedayna hormariyey, wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u firfircoon, Allaha u naxariisto,” ayuu yiri Garaad Xaaji Xuseen Cagey. Allaha u naxariistee ganacsade Xuseen Shiiraar ayaa caan ka ahaa magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda, wuxuuna ka mid ahaa ganacsatada ugu saameynta badan caasimadda dalka. The post Ganacsade Xuseen Raage Shiiraar oo caawa ku geeriyooday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  5. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024 oo dhan $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan.) Miisaaniyadda dowladda ayaa sanadkan gaartay in ka badan hal Bilyan oo Dollar, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%, waxaana ay ahmiyadda saareysaa amniga Qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulanka guddoominayey ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka, marka dalka deynta laga cafiyo dhammaadka sanadkanna ay sii kordhi doonto, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladdu gaarsiinayso bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, Kulanka Golaha ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Dhoofka, Shahaadooyinka iyo Astaamaha Tayada iyo Xeer-nidaamiyaha Baaritaanka iyo Xaqiijinta Tayo-dhowrka Badeecadaha dalka soo galaya. The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Odoroska Miisaaniyada 2024 appeared first on Puntland Post.
  6. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024 oo dhan $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan.) Miisaaniyadda dowladda ayaa sanadkan gaartay in ka badan hal Bilyan oo Dollar, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%, waxaana ay ahmiyadda saareysaa amniga Qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulanka guddoominayey ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka, marka dalka deynta laga cafiyo dhammaadka sanadkanna ay sii kordhi doonto, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladdu gaarsiinayso bulshada Soomaaliyeed. Kulanka golaha ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Dhoofka, Shahaadooyinka iyo Astaamaha Tayada iyo Xeer-nidaamiyaha Baaritaanka iyo Xaqiijinta Tayo-dhowrka Badeecadaha dalka soo galaya iyo kuwa laga dhoofinayo. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala-galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024-ka. Miisaaniyadaan ayaa dhan $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan oo dollar). Miisaaniyadda dowladda ayaa sanadkan gaartay in ka badan hal Bilyan oo Dollar, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%. Miisaaniyadaan la ansixiyey caawa ayaa ahmiyadda saareysaa amniga Qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulanka guddoominayey ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka ka jira. Markii Soomaaliya deynta laga cafiyo ayuu sheegay in dhammaadka sanadkaan ay sii kordhi doonto, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladdu gaarsiinayso bulshada Soomaaliyeed. Miisaaniyadda caawa ay ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa ah tii ugu badneyd, waxaana muuqata inay sii kordheyso miisaaniyadda dowladda sanadba sanadka ka dambeeya. Sidoo kale, Kulanka Golaha ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Dhoofka, Shahaadooyinka iyo Astaamaha Tayada iyo Xeer-nidaamiyaha Baaritaanka iyo Xaqiijinta Tayo-dhowrka Badeecadaha dalka soo galaya. The post Sawirro: Golaha wasiirrada oo caawa ansixiyey miisaaniyadii ugu badneed appeared first on Caasimada Online.
  8. Ilaahay swt ha unaxaristo Marxuum Siciid Maxamuud Siciid Gahayr hooyadii waa Hodan Cabdi Cilmi, aabbihiina waa Maxamuud Gahayr Warfaa ‘Kabadheere”. Waxa uu ku dhashay Cusbitaalka guud ee magaalada Hargaysa 27/7/1986. wuxuu waxbarashadiisa malcaamadeed ka bilaabay 1992-kii Camp Abokor oo ku taalla Bariga Itoobiya, ahaydna goob dad badan oo ka barabaxay magaalada Hargaysa qaxoontinimo ku tageen 1988-kii markii dagaaladu ka qarxeen gudaha dalka, waxaanu isla Kam Abokor ku bilaabay wax barashadiisa Dugsiga Hoose Sanadkii 1993kii, kadibna wuxuu u soo wareegay Hargaysa 1997kii, isla sanadkaa waxa uu ku biiray Dugisga Hoose/Dhexe ee Sh Cali Cismaan (Ex Reece) halkaas oo uu dhamaystiray aqoontii dugsiga dhexe sanadkii 2001, Waxbarashada dugsiga sare waxa uu Siciid ku dhamaystay dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali oo uu ka qalin jabiyay sanadkii 2005 isaga oo markiiba masuul ka noqday maktbadda wax akhriska ee iskuulkaas, kana mid ahaa ardaydii u sarraysay dugsigiisa sannadkaas 2005. 2006 waxa uu Waxbarasho Utagay dalka Pakistan oo kasoo bartay Human Resource Management Sanadkii 2007 wuxuu ka mid noqday Macalimiinta Dugsiyada sare ee Maxamuud Axmed Cali iyo Gaandi waxa uu isla xilligaas xoog-haye guud ka noqday, ururka ilaalinta deegaanka soomaaliland (Somaliland Environmental Protection Organization) oo loo soo gaabiyo SEPO badhtamihii 2007, waxa uu safar waxbarasho ku tagay dalka Pakistan, Waxa uu Pakistan ka bartay Diploma ah Human Resource Management,2008 waxa uu kusoo laabtay Somaliland, Jaamacada Hargaysa ayuu Degree Business Administration ka diyaariyay, gaar ahaan management, isaga oo Jaamacadda Hargeysa dhammeeyay sannadka 2011-ka. Ka sekow Siciid Maxamuud Gahayr waa Abwaan curiyay maansooyin kala duwan, waxa uu curinta Gabayga ka dhaxlay Aabbihii oo abwaan ahaa iyo Hooyadii oo alifta maansada, waxaana la odhan karaa “wuxuu ku abtirsadaa qoys ab iyo isir ku leh suugaanata curinteeda”. Siciid markii koowaad ee uu allifay maanso waxa ay ahayd sanadkii 2001-da, suugaantiisuna waxa ay hanaqaadka u ballaadhan samaysay sanadkii 2005, sanadahan u dambeeyay ee 2007, 2008, iyo 2009-na, waxa uu Siciid kaalmaha hore ee koowaad iyo labaadba ka galay tartan suugaaneedyo lagu qabtay Hargeysa iyo Pakistan. Sidoo kale Siciid waxa uu ahaa macallin wax ka soo dhigi jirey dugsiyada sare ee Hargeysa, isaga oo wax ka dhigay Gaandi, Al-Jazeera, Salaama, British,, Caalami, Nuuradiin, Maxamuud Axmed Cali, Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf (Ex Gacan-Libaax),iyo National oo dhamaantood ah dugsiyo sare oo ku yaalla Hargeysa. Siciid waxa uu ku noola magaalada Hargeysa, waxaanu leeyahay hal xaas oo ah Marwo Muuna Cabdi Suldaan Yuusuf Suldaan XirsiQani. Buugaagta uu abwaanku qoray waxa ka mid ah Quraanka, Hal-diiq oo ku saabsan maansada Macallin Maxamed Jaamac Cabdi (Gaaxnuug) Sayniska iyo Samo-talis “Talo-nabadeedka iyo Taariikhda Xaaji Cabdi-Waraabe”. Xigasho:-Buugga uu abwaanku qoray ee “CULUUMTA MAANSADA” oo aan akhriyey wakhti hore Alle ha unaxariisto abwaanka oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday samir iyo imaana Alle ha ka siiyo dhamaan qoyskiisa,asxaabtiisiiba. Ciise Jaamac Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa amar culus dul-dhigay dadka shacabka ah ee degan xaruntii hore ee wasaaradda arrinaha gudaha Soomaaliya oo ku taalla degmada Boondheere, gaar ahaan aagga taallada Daljirka Daahsoon. Afhayeenka maamulka gobolka oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta la doonayo inay baneeyaan dadka degan ayaa sheegay in qoysaska ku nool halkaas uu ka dhamaaday waqtigii horay loogu qabtay oo hal bil ahaa. Afhayeenka ayaa sheegay in dadkaan hadda loo qabtay inay dhismaha wasaaradda uga guuraan muddo toddoba cisho ah, maadaama ay horay u soo dhameysteen digniin hal bil ah. Wuxuu sheegay in maanta ay isku dayeen inay la kulmaan odayaasha degan xarunta wasaaradda, si loo weydiiyo sababta ay uga guuri waayeen dhismaha ay soo dalbatay wasaaradii laheyd, balse ay diideen inay la kulmaan maamulka. “Maamulka gobolka Banaadir wuxuu mar kale isku dayey in dadkaan lala fariisto, maadaama uu ka dhamaaday waqtigii loo qabtay, balse waxaad u jeediin in odayaashiin deganaa halkaan ay diideen inay nala kulmaan,” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir. Afhayeenka maamulka gobolka Saalax Xasan ayaa sheegay in dhulkaan ay soo dalbatay wasaaradda arrimaha gudaha oo dooneysa inay dib u dhisato, isla markaana booliska gobolka la faray inay toddoba cisho kadib ka saaraan dadka degan, hadii ay ka dhega adeygaan dalabka dowladda. “Guddoomiye Madaale oo tixraacaya dalabka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa dadka degan xaruntaan soo gaarsiiyey go’aanka lagu baneynayo dhulkaan, sidoo kale warqad dhaqan gelin ah ayaa loo diray taliska qeybta guud ee booliska gobolka, waxaa dadkaan la siiyey inay ku guuraan muddo bil ka badan, waqtigii waa ka dhamaaday, hadana waxaa loogu daray 7 cisho,” ayuu yiri afhayeen Saalax. Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aad loogu dhaliilaa inay dadka shacabka ah ka kiciso xarumihii dowadda oo ay deegaameysteen, iyadoo aan la siin dhul kale oo ay degaan, taas oo dhibaato culus ku ah dadka danyarta ah. The post Maamulka G/Banaadir oo amar culus ka soo saaray dhulkii wasaaradda arrimaha gudaha DF appeared first on Caasimada Online.
  10. Istanbul (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Eli Cohen ayaa soo dhigay bartiisa twitterka qoraal uu ku sheegay in uu ku amray dublamaasiyiinta Israa’iil in ay ka baxaan dalka Turkiga, kadib waxa uu ugu yeeray “hadallada qallafsan ee ka soo yeeraya Istanbul.” Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ku tilmaamay duqaymaha Israa’iil ee Qaza “xasuuq” isla markaana ay Israa’iil u aqoonsanayaan “dambiile dagaal.” Xilli uu Erdogan maanta la hadlayey dadweyne aad u qiiraysan oo ku sugan Istanbul, ayuu ku tilmaamay weerarrada Israa’iil ee Qaza “xasuuq”, wuxuuna sheegay in xulafada reer galbeedka ee Israa’iil ay yihiin “dambiilaha ugu weyn” ee ka dambeeya waxa uu ugu yeeray dambiyada dagaal ee Israa’iil. “Israa’iil, waxaan kuu cadeyneynaa inaad tahay dambiile dagaal, aduunkana waan u diyaar garoobeynaa, waxaanuna Israel ugu soo bandhigi doonaa aduunka inay tahay dambiile dagaal,” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga. Erdogan sidoo kale ku adkeystay mawqifkiisii ahaa in aanu Xamaas u aqoonsanayn “urur argagixiso”. Madaxweynaha ayaa ka hadlay goob ballaaran oo ay isugu soo baxeen dad gaaraya 1.5 milyan oo qof, fagaarahaas ayaa ku yaalla magaalada Istanbul. Dadkii ka soo qeyb galay ayaa ruxayey calamada Turkiga iyo Falastiin, waxaana munaasabadan oo loogu magac daray Dibadbaxa Falastiin, iyadoo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Ataturk ee aan la isticmaalin, halkaas oo uu Erdogan horay ugu qabtay isu soo bax noocaan oo kale ah. Sabtidii maanta wuxuu Erdogan ku celceliyay dhaleeceynta reer galbeedka iyo diidmada ay weli ku baaqeen xabbad joojinta Qaza, wuxuuna ku baaqay in dunida Muslimku ay u midowdo dhagarta reer Galbeedka. The post Israa’iil oo Turkiga kala baxday diblomaasiyiinteeda iyo Erdogan oo qaaday tallaabo culus appeared first on Caasimada Online.
  11. Multi agency teams destroyed a logistics base used by al Shabaab militants in Dahun in Fafi, Garissa county and recovered assorted foodstuffs. Source: Hiiraan Online
  12. Diinsoor (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Wafdigan ayaa waxaa Diinsoor kusoo dhaweeyay maamulka degmada, saraakiisha laamaha amniga iyo qaybahaa kala duwan ee bulshada rayidka ah. Laftagareen iyo Jaamac ayaa Diinsoor ku tegay diyaarad yar, maadaama magaaladaan ay muddo ka badan 10 sano go’doomiyeen xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Baay. Ujeedka safarka wafigan ayaa la xiriirta u kuurgelida xaaladda degmada iyo sidoo kale dhaqaajinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda halkaasi Sidoo kale mas’uuliyiintan ayaa inta ay joogaan magaalada waxa ay la kulmi doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada, si ay uga xog wareystaan xaaladda iyo howlgallada. “Safarka Mas’uuliyiinta ayaa la xiriira Dardar galinta Qorshaha dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo Koofur galbeed waxaana ay kulamo laqaateen Waxgaradka iyo qeybaha bulshada degmada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Koonfur Galbeed. Maalmihii u dambeeyay waxaa deegaanada Koonfur Galbeed ka socday u diyaar garow ku aadan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo la filayo inuu ka billowdo maamulkaasi. Xududr ayaa kamid ah magaalooyinka waa weyn ee uu ka socda gulufka, waxaana dhawaan tegay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. The post Laftagareen iyo wasiir Jaamac oo ka dagay degmo ay go’doomiyeen Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  13. Wasiirka Arrimmaha Gudaha dowladda federaalka Axmed Fiqi oo akhrinaya aqoonsiga heer maamul ay SSC-Khaatumo heshay, Cabdulqaadir Aw Cali, hoggaamiyaha SSC (midig), oo dhegeysanaya. Muqdisho (Gorfeyn Wareed) — Dhowaan dowladda federaal Soomaaliya waxay SSC-Kaahtumo u aqoonsatay maamul. Tallaabadan ayay dad badan u fasirteen in ay la heer tahay xubin maamul federaal (federal member state). Tallaabada dowladda federaalku qaadday dhowr saameynood oo waaweyn ayay leedahay: 1- Waxay xoojisay oo si sharci ah u difaacday doodda dadka SSC-Khaatumo in aysan ka mid ahayn maamulka midnimodiidka (anti-union/secessionist) oo dadka iska caabbinta waday ku tilmaamay argagixiso. Dowladda federaaalka go’aankeedu ma aha oo keliya mid ay ku muujisay mowqifkeeda dhowrista midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, hase ahaatee waxay ku beenisay doodda Muuse Biixi oo ah in ciidammadiisu la dagaallamayaan argagixiso markii ay duqeynayeen Laascaanood. 2- Go’aanku wuxuu dhowray sharciga federaalka oo wuxuu dhulka SSC-Khaatumo caddeeyay Puntland tahay deegaanka doorasho heer federaal ee dhulkaas. 3- Go’aanku wuxuu meesha ka saaray summaddii “dhulka lagu muransan yahay” oo muddo dheer saarnayd dhulka SSC-Khaatumo. Dagaalkii Laascaanood weji gabax ayuu dowladda federaalka u keenay waayo marnaba madaxda sare dowlada federaal si cad uma riddinin doodda Muuse Biixi oo ah in uu soo xirayo xuduudo gumeyste ka tagay iyo Somaliland dal gaar ah tahay. Dagaalka Laascaanood wuxuu fursad badan siisay Itoobiya oo hadda haysata sababo amni ay ku soo geli (qabsan) karto Saylac maadaama Somaliland ku doodayso inay bannaanka ka taagan tahay qarannimada Soomaaaliyeed, waana dood ku salaysan in Biixi hoggaamiyo beelo heshiis ilaalin ah la galay Imbaradooriyaddii Biritishka. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka taageeray qaraarka Qaramada Midoobay si loo dhowro rayidka Falastiin (Gaza). Aqoonsiga SSC-Khaatumo waxaa weheliya mas’uuliyad dowladda federaalku iska saartay in maxaabiista Somaliland la geeyo Muqdisho si loogu wareejiyo maamulka Somaliland. Sida hindisahan uu suurtoobayo ma cadda maadaama Somaliland ay diiddan tahay qarannimada Soomaaliya xilli Muuse Biixi abaabulayo dagaalo beeleed isagoo weli og meesha hadalkiisii “furaha joojinta dagaalka gacantayduu ku jiraa” uu ku dambeeyay. Qaar ka mid ah maxaabiista Somaliland ayaa sababo aadaminimo awgood loo sii diiyay. Colaad cusub oo maamaulka Somaliland ka alooso Waqooyiga waxay noqon doontaa mid ka ballaaran tii hore oo waxay yeelan doontaa weli qabiil. Colaadda noocaas oo kale ah waa midda sababtay in maanta ciidammo shisheeye ay ku sugan yihiin Koonfurta Soomaaliya inkastoo Biixi u arko in colaadda heerkaas gaarta ay u sahlayso inuu talada Hargeysa sii hayo ama uu ku helo kala goyn ku salaysan dhulkii Somaliland aftidii aan la aqoonsanin ay 2001 ka qabatay, dhulkaas oo aan ahayn dhulka SSC-Khaatumo. Sida SSC-Khaatumo u oggolaanayso in ay wareejiso maxaabiista Somaliland way adag tahay waayo Somaliland hore ayay u diidday baaqii ka soo baxay Golaha Amaanka iyo soo jeedintii beesha caalamka. Colaad cusub oo dhacda waxay sii dhaawici doontaa sharciyadda dowladda federaalka oo shalay taageertay qaraarkii Qaramada Midoobay si loo dhowro rayidka Falastiin (Gaza). Dagaalkii maamulka Somaliland ku soo qaaday Laascaanood wuxuu si ba’an u saameeyay rayidka. Dagaallo cusub oo beeleed hadday u aloosamaan sida Muuse Biixi uu ugu baaqay, saameynta ugu horreysa waxay gaaraysaa rayidka reer guuraaga ah, oo Somaliland waxay noqon doontaa maamul soo weeraraya maamul kale oo ismaamul hoosaad leh oo dowladda federaalku aqoonsan tahay. © Puntland Post, 2023 The post Macnaha Aqoonsiga SSC-Khaatumo Leeyahay appeared first on Puntland Post.
  14. Wasiir Albaani oo la Shiray Shaqaalihiisa, Una Duceeyay Falastiiniyiinta Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Diinta iyo awqaafta JSL, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Al-baani) ayaa xarunta wasaaraddaas kulan kula qaatay shaqaalaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland. Kulankan uu wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland la qaatay shaqaalaha wasaaraddaas ayaa daaranaa dardar-gelinta shaqada ay qaranka u hayaan shaqaalaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland,si wax laysaga weydiiyo waxyaalaha u qabsoomay wasaaradda iyo waxyaalaha aan weli u qabsoomin. Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) oo kulankan shaqaalaha wasaaradda diinta iyo awqaafta loo qabtay ka hadlay ayaa tilmaamay in shaqaalaha wasaaradda looga baahan yahay in ay ogaadaan in laga doonaayo kor-yeelka diinta iyo ilaalinteeda,madaama oo arrintaas kamid tahay shaqada ay hayaan. Waxa uu sidoo kale wasiir Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) kula dardaarmay shaqaalaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland in ay noqdaan kuwo fariin xambaareyaal ah, isla markaana qofkii ay ku arkaan khalad ay si dhibirsanaan iyo tudhaale ka muuqdo wax ugu sheegaan,una waaniyaan. Wasiirka ayaa ugu dambayn goobta uga duceeyey walaalaha reer Falastiin ee ay dhibaatada ku hayso Yuhuudu. Qaran News
  15. Wasiirka Waxbarashada oo Kormeeray Dugsiyada Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Xafiiska Imtaxaanaadka Qaranka, Agaasimayaasha Waaxaha Kormeerka iyo waxbarashada Tooska ah ayaa kormeeray qaar kamida dugsiyada magaalada Hargaysa. Kormeerkan ayay u jeedadiisu ahayd xog-ogaal u noqoshada sida waxbarashadu uga socoto dugsiyada, ayaa dhammaanba ka bilaabmay magaalada Hargeysa, waxaanay wasaaraddu maanta si rasmiya u kala dirtay kooxaha ka shaqayn doona kormeerka. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa dugsiyadii ay kormeerka ku sameeyeen fasaladii ay waxbarashadu ka socotay mid mid u galay, isla markaana warbixino ka dhagaystay maamulayaasha dugsiyada iyo ardaydaba. Kormeerkan ayaa mid ah kormeero kala duwan oo laga fulinaayo dhamaanba dagmooyinka iyo gobollada dalka. Qaran News
  16. Mogadishu (HOL) - The Second Deputy Speaker of the Somali Lower House Parliament, Abdullahi Omar Abshirow, explained the Somali government's decision to withdraw from the IPU Presidential election held in Angola on Friday, even though a candidate representing the Somali parliament attended the election. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wada-hadallada dowladda federaalka iyo Somaliland, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan wada-hadallada, kadib aqoonsigii ay dowladdu siisay SSC. Guuleed ayaa sheegay in wax isbeddal ah aysan ku imaan wada-hadallada, ayna sii socon doonaan inta laga gaarayo midnimada. “Wax iska beddalay wada-hadalladii iyo siyaasaddii dowladda Soomaaliya kula dhaqmeysay Somaliland iyo wada-hadalladeeda ma jiraan, meeshii ayayna kasii soconayaan” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday tabashada ay qabto Somaliland, isaga oo xusay in ay tahay xaq, loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo xalka guud, si la’isugu soo laabto. “Nimankaas walaalaheena ah ee reer Somaliland oo runtii gocasho aad iyo aad u weyn tabanaya, ayna tahay mid xaq ah oo dhab ah waxay u baahan tahay dhammaanteen sidii aan xanuunkaas iyo gocashadaas uga soo baabi’in lahayn, Soomaaliya inteedana kalena ay dib ugu soo laabtaan aan uga shaqeyn laheyn” ayuu mar kale yiri Cabdikariin Guuleed. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Marka laga soo tego amaan darrida guud ee jirta iyo nimanka Al-Shabaab, dhibaatada labaad ee dowladnimada Soomaaliya hortaagan waxa ay tahay midnimadii dalkaa kala dhantaalan, dowlad dhiskii ayay caqabad ku tahay, dastuurkii ayay caqabad ku tahay wax kasta ayay ku tahay caqabad”. Ugu dambeyn wuxuu dalbaday in si guud loogala shaqeeya arrinta wada-hadallada si loogu gaaro midnimada iyo wadajir. “Aniga waxaan rabaa in midnimada la’igala shaqeeyo, waayo ahmiyad weyn ayay leedahay midnimada” ayuu kusoo gabagabeeyay khudbaddiisa. The post Guuleed oo war kasoo saaray wada-hadallada Somaliland kadib aqoonsigii SSC appeared first on Caasimada Online.
  18. Qaar kamid ah isimada Puntland oo shir uga socdo magaalada Garoowe ayaa maanta kulan la qaatay guddiga doorashada ee PEC. Isimada dhaqanka iyo guddiga doorashooyinka Puntland ayaa sida wararku sheegayaan ka wada-hadlay khilaafka ka taagan arrimaha doorashada 2024. Isimada dhaqanka ee ku shirsan Garoowe ayaa lagu wadaa in ay dhawaan go’aano ka soo saaraan xal u helidda khilaafka doorashada madaxtinimada Puntland. Dhinaca kale dallada ay ku midaysan yihiin mucaaradka Puntland ayaa maanta shir ku saabsan arrimaha doorashada waxa uu uga socdaa Garoowe. Mucaaradka iyo dowladda ayaa ku muransan hannaanka loo geli doono doorashada madaxtinimada Puntland ee 2024. Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay in doorashada lagu qabanayo nidaamka qof iyo cod halka mucaaradku doonayaan in lagu qabto nidaamkii hore ee 66-xildhibaan. PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah isimada Puntland oo maanta kulan la yeeshay guddiga doorashada PEC appeared first on Puntland Post.
  19. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay xarunta Hawlgalka Degdega ee Caafimaadka Dadweynaha Gobolka Banaadir, taas oo dhismaheeda la hirgelin doono dhowaan sida uu goobta ka sheegay guddoomiyaha. Dhagax-dhigaan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud, Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne iyo Maareeyaha Machadka Caafimaadka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo wehlinayey guddoomiyaha. Xaruntan ayaa qeyb ka qaadan doonto horumarinta adeegyada Caafimaadka Gobolka Banaadir iyo in ay bulshada helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh, waxaana arrintaan ay qeyb ka tahay hormarinta lagu sameynayo goobaha danta guud ee caasimadda sida uu goobta ka sheegay Guddoomiye Madaale. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaruntaan uu dhagaxdhigay waxaa ay kusoo aadaysaa, iyada oo dhowaan Muqdisho markale dib looga hirgeliyay Bangiga Dhiigga Qaranka, kaas oo loogu talogalay inuu daboolo baahida dhiiga xilliyada loo baahdo, xuruntaan ayaana ah goob kale oo bulshada waxtar u leh. Source: goobjoog.com
  20. Alle Ha u Naxariistee Siciid Maxamuud Gahayr oo si Qaran loogu Aasay Xabaalaha Toon Hargeysa(Qaran news)- Alle ha u naxariistee Siciid Maxamuud Gahayr oo aha abwaan iyo qoraa caan ah ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Toon ee duleedka koonfureed ee Hargeysa. Alle ha u naxariistee, aaska marxuumka waxa ka qaybgalay Wasiirro, Xildhibaano, abwaanno iyo boqolaal dadweyne ah. Wasiirro, masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka iyo abwaano ayaa ka xog warramay taariikhdii marxuumka oo ay ku tilmaameen inuu ahaa qof fikirkiisa ku adag oo difaaci jiray xuquuqda bini’aadmiga. Marxuum Siciid Gahayr waxa xanuun ku soo booday gelinkii dambe ee Khamiistii, waxana la dhigay cisbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa oo uu saaka ku geeriyooday. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah siyaasiyiinta beesha Jeneraal Sheegow Axmed Cali ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maxkamadeynta sarkaalkan oo ka bilaabatay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Dalxa ayaa soo dhaweeyay maxkamadeynta Shegow, balse wuxuu ugu baaqay maxkamadda ciidamada iyo bahda garsoorka inay kiiskan waafajiyaan cadaaladda. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay arrintan ay il gaar ah ulahaato maadaama ay iyadu gacanta ku heyso jananka oo lasoo xiray 19-kii bishii August ee sanadkan, kadib dagaal culus oo uu ciidanka ammaanka kula galay degmada Dharkenley. “Runtii maxkamadeynta jeneraal Sheegow Axmed Cali ee hadda bilaabatay kolleyba waa la soconaa guud ahaan sida ay dadka Soomaaliyeed ula socdaan, mar haddii ay dowladda kiiska gacanta ku hayso waxaan ka codsaneynaa in arrinta Sheegow si Alle ka cabsi leh oo cadaalad ah loo galo garsoorka ayaa looga fadhiyaa” ayuu wareysiga ku yiri Prof. Dalxa. Prof, Maxamed Cumar Dalxa oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay doodda ka taagan darajada jeneraal Sheegow oo ay saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada sheegeen inay tahay mid been abuur ah, wuxuuna hadalkaas ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog. Xildhibaan hore Dalxa ayaa shaaca ka qaaday in Sheegow uu horay u dalacsiiyay madaxweynaha hadda talada haya ee Xasan Sheekh, ayna u hayaan maqaatiyeyaal. “Jeneraal Sheegow horta waxaa daraadahaan siiyay, abaalna aan uga haynaa madaxweyne Xasan Sheekh oo maantana ah madaxweynaha JFS oo markaas gabagaboi ay taagneyd isaguna uu isku diyaarinayay doorasho, si uu mar kale u tartamo” ayuu sii raaciyay Dalxa/ Jeneraal Sheegow iyo 22 kale oo kamid ahaa askartiisa ayaa kasoo muuqday maxkamadda ciidanka waxaana la haystaa dilal & dhac ay gaysteen, sida laga hor sheegay maxkamadd. Eedaha kale ee sida gaarka ah loogu haysto ninkan waxaa kamid ah in maalintii uu dhacay dagaalkii gurigiisa uu dilay askari, isla-markaana uu dhaawac culus u geystay sarkaal kale. The post DALXA oo war kasoo saaray maxkamadeynta Jeneraal Sheegow appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka falceliyay dhabar-jebinta lagu lagu sameeyay xildhibaan Marwo Bashiir Cabdi oo isku sharraxday madaxweynaha baarlamaanka adudunka, balse laga guulaystay. Khayre ayaa marka hore dadaalkeeda ku bogaadiyay xildhibaanadda, maadaama ay isku deyday inay dhaqangeliso hamigeeda ku aadan hoggaaminta baarlamaanka adduunka. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay xaq u lahayd in la garab istaago, maadaama ay huwaneyd magaca iyo sharafka dadka Soomaaliyeed. “Waxaan Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir Xaaji ugu hambalyeynayaa iskudaygii ay ku xaqiijineysay hammigeeda ay ugu tartameysay jagada Madaxweynaha Baarlamaanka adduunka. Qof walba oo Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyhay in lagu garab istaago ka *****nta hammigiisa, si uu meel u gaaro, sharafta Soomaalinimadana kor ugu qaado” ayuu yiri qoraal kooban oo Khayre soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga. Siyaasiga caanka ee Xasan Cali Khayre oo sii hadlaya ayaa ku dhalilay dowladda federaalka inay iyadu hor istaagto xildhibaan Marwo oo olole ballaaran ka sameysay gudaha iyo dibadda. “Waxaa nasiib darro ah in Xildhibaan Marwo Cabdi ay ka heli wayso dowladda ay ka tirsan tahay xuquuqdii muwaadinnimmo ee ay ku lahayd, in ay ka heshaa ha joogtee in laga hiiliyaana waa dulmi laga galay muwaadin Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa. Waxaa kale oo uu yiri “Xaqiiqatan waa wax laga damqado, hoosna u dhigaya hammiga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee jecel in ay dalkooda u adeegaan”. Sababta keentay in tartanka laga reebo waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay dooneyso laba kursi oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah ku biirista bulshada bariga Afrika iyo helista kursiga aan joogtadada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, sidaas daraadeedna ay Soomaaliya dooratay inay Tanzania u tanaasusho, iyadana ay Soomaaliya ka taageerto sidii ay ugu biiri laheyd Dalladda Bulshada Bariga Afrika. Si kastaba, Marwo Cabdi Bashiir ay horay u sheegtay in la dhabar-jebiyay, isla-markaana xustay in doorashada oo ay ka dhiman tahay 48 saac loo sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu soo diray warqad ay tartanka uga harayaan, taas oo la yaab ku noqotay. The post Muxuu Khayre ka yiri dhabar-jebintii ay DF ku sameysay xildhibaan Marwo? appeared first on Caasimada Online.
  23. Booliska Hargeysa oo soo qbtay nin qaab Xeeladaysan u Dhacayay Bulshada Hargeysa(Qaran)-Ciidanka Booliska JSL garahaan Saldhiga Maxamuud Haybe (Qudhac Dheer) ayaa gacanta kusoo dhigay Edeysane Maxamed Cabdi Faarax kaasi oo ku eedaysan inuu dhac u gaystay oo Hooyooyin dhawra , kaasi oo u dhacayay qaab xeeladaysan. Taliye Khadar Cawil ayaa ka warbixiyay eedaysanahan iyo qaabkii ay u soo qabteen. Qaran News
  24. Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha wakiilada Puntland oo maanta kulan xasaasi ah ku leh Garoowe ayaa ka doodaya arrimaha iyo siyaasadda iyo doorashooyinka oo ay si weyn isugu hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweynaha. Qoraal loo diray muadanayaasha baarlamaanka oo uu ku saxiixan yahay gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa looga dalbaday iney xildhibaanada soo xaadiraan kulanka muhiimka ah ee ka tirsan kalfadhiga 53-aad ee baarlamaanka. Golaha waxaa sidoo kale lala wadaagay ajendaha kulanooda maanta, waxayna ka doodi doonaan khilaafka ka taagan doorashooyinka, si xal loogu helo. Sidoo kale baarlamaanka ayaa la filayaa inaay ansixiyaan xeerarka doorashooyinka Madaxweynaha iyo golaha wakiilada oo ay usoo gudbisay xukuumadda. Arrimaha kale ee laga doodayo waxaa kamid ah amniga guud ee Puntland iyo sidoo kale ansixinta miisaaniyadda maamulka ee sanadka soo socda ee 2024-ka. Dooddan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo wlei is mari waa uu ka taagan yahay magaalada Garoowe oo ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan labada dhinac. Waxa ay arrintuu kasoo dartay, kadib markii todobaadkii hore uu guddiga PEC soo saaray jadwal doorasho oo dhaafiisan muddo xileedka madaxweynaha, ayna diideen mucaaradka. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase haatan socda dadaallo ay wadaan Isimada Puntland oo iyaguna shirweyne ku leh magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. The post Baarlamaanka PUNTLAND oo go’aan culus ka gaaraya doorashada maamulkaasi appeared first on Caasimada Online.
  25. Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyey qaraarkii ay soo gudbiyeen dalalka Carabta, isla markaana diiday codsiyo ay soo gudbiyeen Mareykanka iyo Kanada. 120 Wadan ayaa si buuxda u taageeray in Xabad Joojin la sameeyo, halka ay diideen 14 wadan oo ay ku jiraan Israel & Mareykanka, waxaana ka aamusay 45 wadan. Dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ah guud ahaan gaadhaya 193 dal. Dalalka diiday inay taageeraan oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Israel ayaa waxaa ku weheliyey dhowr dal oo Yurub ah iyo jasiiradaha yaryar ee siyaasad ahaan hoostaga Mareykanka. Qaraarka waxaa soo gudbiyey dalalka taageeraya Falastiin oo kala ahaa: Bahrain, Bangladesh, Belize, Bolivia, Botswana, Brunei Darussalam, Comoros, Cuba, Democratic People’s Republic of Korea, Djibouti, Egypt, El Salvador, Indonesia, Iraq, Jordan, Kuwait, Lebanon, Libya, Malaysia, Maldives, Mauritania, Morocco, Namibia, Nicaragua, Oman, Pakistan, Qatar, Russian Federation, Saint Vincent and the Grenadines, Saudi Arabia, Senegal, Somalia, South Africa, Sudan, Türkiye, United Arab Emirates, Venezuela (Bolivarian Republic of), Yemen, Zimbabwe iyo State of Palestine Wuxuuna qaraarkan ku baaqayey xabad joojin bini’aadamnimo iyo in Gaza loo fasaxo gargaarka bini’aadamnimo iyo qaadista xayiraada Israel. In kastoo go’aanada kasoo baxa Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayna khasab ahayn in la qaato, balse taageerada Caalamka ayaa muuqata inay jirto dhanka Falastiin, isla markaana Mareykanka iyo xulafadiisa laga tiro batay. Mareykanka iyo Kanada ayaa kulankii Jimcihii soo gudbiyey qoraalo lagu bedalayo eray-bixinta qaraarka iyo in lagu daro cambaareynta Xamaas, balse codsigaasi ayaa cod aqlabiyad ah lagu laalay. Kahor intaan codbixinta ka dhicin Qaramada Midoobay ayey Israel xalay bilowday duqeyntii ugu xoog badneyd oo ay la beegsaneyso Gaza, isla markaana gebi ahaan jartay isgaarsiintii telefonada iyo internetka. Source