-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sudan's military ruler Lt Gen Abdel Fattah al-Burhan has met Kenya President William Ruto in Nairobi after initially rejecting the latter as the lead mediator on a war in the north-east African nation. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Webiga Shabeelle ayaa ku fatahay deegaannada Buula-mareer iyo Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana sawiro halkaas laga soo qaaday muujinayaa saameynta iyo fataahadda Webiga heerka uu gaarsiisan yahay. Deegaannadaasi ayaa waxaa laga soo warinaya in kannaalada biyaha Webiga gudbiya ay sababeen fataahadda, kadib markii ay biyuhu heerkoodaa dhaafeen, markaasi kadibna waxay saameyn xooggan ku yeesheen dalaggii Beeraha ee dhawaan la beeray, biyihii ku fatahay ayaa wada baabi’yay. Sidoo kale degmooyinka Afgooye, Awdheegle iyo Jannaale ee ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa iyagna laga soo warinayaa in Webiga uu ku fatahay, balse ma uusan geysan wax khasaare nafeed ah. Digniino hor leh ayaa laga soo saaray fatahaad Webiga Shabeelle, iyada oo hay’adda maareynta misoobinka qaranka ee SODMA ay digniin u dirtay dadka degan hareeraha Webiga iyo goobaha biyo mariinnada, xilli guud ahaan dalka ay ka da’een Roobab wata biyo badan iyo lagu sii daro fataha ay Webiyada Juuba iyo Shabeelle ay sameynayaan. Dhinaca kale, Webiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay fatahaad xooggan ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo saameyn ku yeeshay afarta xaafadood ee degmadaasi. Webiga ayaa waxaa si weyn uga fatahay xaafadaha Bundaweyn iyo Howl-wadaag, kadib markii u Webiga habeen hore saqdii dhexe karkaarada uu jabsaday. Xaafadahaan ayaa dadkii daganaa intooda badan ay horay uga barakaceen dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, hase yeeshee waxaa jiray dad kooban oo ku harsanaa xaafadaha oo habeen hore xilligii hore biyaha guryaha ugu galeen. Shalay duhurninadii ayay aheyd markii uu wabiga ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako, waxaana la soo warinayaa in aysan jirin ilaa iyo hadda wax khasaare nafeed ah oo ay geysteen fatahaada ku dhufatay inta badan xaafadaha Baledweyne. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay kulan deg deg ah isugu yeeray golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya, kulankaas ayaa waxaa looga tashaday sidii loogu gurman lahaa dadka fatahaaduhu saameeyeen. Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligaan muhiimadda ugu weyn ay tahay samata-bixinta nolosha qofka Soomaaliga ah, isaga oo sheegay in xilligaan adag loo baahan yahay in mas’uuliyadda sida ay tahay loo qaato. “Mas’uuliyad ayaa na saaran, mas’uuliyadda na saaran sida ay tahay in aan u qaadanno waaye, tabartu waa halkeeda, tabartu haddii ay nagu gaabato laakiin inta aan qaban karno ayaa aad u badan, marka howshaas haloo wada istaago,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Shirkaasi Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray saameynta ay reebeen Roobabkii ka da’ay dalka iyo sida loogu gurman lahaay dadkii ay saameeyeen ama waxyeello ka soo gaartay waxyaabaha ay sababeen Fataha Webiyada iyo Daadaka ay keentay dabeysha El-Niño. Ugu dambeyntiina waxaa la isku booriyay xubnaha golha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan maareynta iyo gurmadka muwaadiniinta Soomaaliyed ee ku dhibaateysan daadadka ka dhashay Roobka xillig Deyrta iyo fataha Webiyada oo is biirsaday. Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa shalay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka dirtay diyaarad sidday shixnad gargaar ah oo loogu tala-galay dadka shacabka ah ee ku nool degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku heystaan dhibaatooyin ka dhashay roobabka xilliga deyrta oo dhaliyay daadad iyo Webiga Jubba oo isna ku fatahay deegaannada uu ka maro deegaankaasi. Shixnaddaan ayaa gaareysaa illaa 7-tan oo loogu tala-galay in la gaarsiiyo dadka ay saameynta ku yeeshay daadadka ka dhashay roobobka ka’day guud ahaan gobollada dalka gaar ahaan gobolka Gado, oo la sheegay in ay dad ku geeriyoodeen. Magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxay kamid tahay magaalooyinka ay ka barakaceen dadkii deganaa, kadib markii ay ku soo rogmadeen daadad ka dhashay roobabka ka da’ay iyo fataha Webiga Jubba ee magaalada. Dhanka kale, Guddiga Qaran ee gurmadka fatahaadaha iyo daadadka El-Niño ee uu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaare Xamza ayaa iyaguna wada dadaalada isku-dubbaridka kaalmada bini’aadannimada ee ku aadan dadka ay saameeysay dabeysha El-Niño. Xamar-na, sidoo kale Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa guddoomiyay shirka degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir, kaasi oo loogu hadlay xaaladihii ugu dambeeyay iyo saameynta dhibaatada ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-Niño ee ka da’ay caasimadda Muqdisho, soo celinta nadaafada iyo bilicda iyo dar-dargelinta amniga caasimada. Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa in la caawiyo dadka ku dhex go’doonsan magaalooyinka ay biyuhu harqiyeen, waxaana maalmihii lasoo dhaafay doomo loo diray degmooyinka ugu waaweyn gobolka Gedo oo fatahaada ugu daran ay saameysay. The post Wararkii ugu dambeeyay xaaladda adag ee ka taagan Muqdisho iyo gobollada dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Starr County, Texas, waa meel degan Jaleecada hore. Waa dhul buuraleey ah, waxaana ku daboolan geedo yaryar oo ku dhex jira dooxyo yar yar iyo togag, inta badan magaalooyinkeeduna waxay u eg yihiin goob nasiino Xuduudka Mexico iyo Mareykanka ayaan aheyn mid halkaan ka fog. Maalmaha xasiloon ee magaalooyinka sida Roma, dadka deegaanka iyo dadka soo booqda waxay maqli karaan sheeko dheer, carruur ciyaaraysa ama diiqa oo ciyey guud ahaan Rio Grande. Muddo tobanaan sano ah, gobolka uu ku yaallo, daanta webiga wuxuu noqday marin iyo waddooyin waaweyn oo ay isaga gudbaan muhaajiriinta, waxaana uu hadda yahay , xuddunta doodda kulul ee ku saabsan amniga xuduudaha ee Mareykanka. In kasta oo madaxweyne Biden iyo saraakiisha maamulkaiisa ay sheegeen in qaybta cusub ee darbiga xuduudka loo dhisayo si hagar la’aan ah, iyadoo la isticmaalayo dhaqaalaha uu u qoondeeyay maamulka Donald Trump sanadkii 2019, ayaa waxaa talaabadda uu qaadayo maamulka Madaxweyne Biden ay keentay dhaleecayn badan. Dood adag oo ku saabsan tilaabada lagu xakameynayo xudduudaha ayaa ahayd siyaassadd xasaasi ah oo muran badan dhalisay xiligii madaxweynihii hore Mareykanka Trump. Su’aasha waxaa ay tahay gidaarrada xudduudaha waxtar ma u leeyihiin joojinta qulqulka muhaajiriinta Mareykanka? Xog laga helay Waaxda Amniga Gudaha ee la sii daayay dhamaadka 2020 ayaa muujineysa in darbiyada cusub ay yareeyeen gelitaanka sharci darrada ah ee meelaha qaarkood ku dhawaad 90%. Daraasadaha jaamacadaha ayaa, dhankooda waxay soo sheegaan natiijooyin dhexdhexaad ah. Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in Ilaalada Xuduudaha ay diiwaangeliyeen in lagu guuleystay in la xakmeeyo qulqulka Muhaajiriinta kal hore, dhammaadka waqtigii maamulka Trump, walow aysan guulaha la gaaray ahayn kuwa waaweyn . Warbixin lagu daabacay American Economic Review, ayaa lagu ogaaday in caqabadaha xuduudaha ay hoos u dhigeen socdaalka guud 35 boqolkiiba. Maamulka Biden, ayaa dhankiisa, si isdaba joog ah oo aan leexleexad lahayn u sheegay in aanay rumaysnayn waxtarka darbiyada laga dhisayo xaduudka Mareynkanka iyo Meksiko . Doris Meissner oo hore u ahaan jirtay gudoomiyihii hore ee laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee Maraykanka ayaa BBC-da u sheegtay in gidaaraddu ay wax ku ool u noqon karaan “yareeynta” qulqulka muhaajiriinta”. “Fikirka ah in la sameeyo darbiyo lagu xanibayo qululka dadka soo galootiga ah waa mid fudud, taas oo baddali karta in askar iyo gaadiid badan xaduudka la dhoobo,waxaa ka sahlan darbiga ayuu yiri Mr. Meissner, oo hadda ka shaqeeya Machadka Siyaasadda Socdaalka oo xaruntiisu tahay Washington, DC. Soomaalida iyo Darbiga Mareykanka Darbiga wuxuu dood badan ka abuuray gudaha siyaasadda Mareykanka, waxaana sannad walba ka booda dhallinyaro Soomaliyeed oo qeyb ka ah dadka doonaya in ay gaaraan dalkaasi. Dhalinyaradaas oo baadi goobaya in nolol cusub ay ka sameeystaan gudaha dalka Mareynka ayaa mararka qaar la kulma dhibaatooyin badan inta ay ku gudaha jiraan safarkooda. Dhismaha darbiga oo uu bilaabay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa wali doodiisa ay sii socotaa, waxaana ay u muuqataa in xisbiga hadda haya talada dalka Mareykanka ay doonayaan in ay sii wadaan dhismaha darbiga. Darbigu ma aha mid aan laga gudbi karin In kasta oo darbiga si adag loo dhisay oo aad looga taxadaray ayaa haddana meelaha qaar waxaa fudud in dadka lugeeynaya ay mari karaan. Khubaradu waxaa ay sheegeen in meelaha darbiga laga dhisay ay adag tahay in la maro balse Tahriibayaashu ay inta badan helaan wadiiqooyin ay uga gudbaan caqabadaha iyagoo isticmaalaya jaranjaro ama xadhko. Dhinaca xuduudka oo ay bulshooyinku caado ka dhigteen inay safka hore kaga jiraan doodaha socdaalka ayaa wararka ku saabsan kordhinta xayndaabka waxa ka dhashay dareeno kala duwan. Isha: BBCSomali The post Maxaad kala socota darbiga Mareykanka ee Soomaali badan ay ka boodeen? appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Puntland ayaa saaka oo Talaado ah ku dhawaaqday in dowladda Federaalka Soomaaliya duullaan ku soo qaaday nabadda iyo jiritaanka Puntland. Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe ayaa Villa Somalia ku eedeeyay in ay ka shaqaynayso burburinta jiritaanka Puntland. Wasiir Caydiid ayaa sheegay in ay hadda gudaha Puntland khalkhal iyo amni-darro ka abuurayso Villa Somalia oo adeegsanaysa shakhdiyaad dano gaar ah leh iyo xildhibaannada heer Federaal ee laga soo doorto degaannada Puntland. “Waxaan aad uga xumahay in dowladda Federaalka Soomaaliya ka shaqaynayso in Puntland burburto…. Arrintaas way socotaa gobollada Puntland oo dhan bay ka socotaa hadda oo dowladda Federaalka isku dayaysaa in ay fara-geliso oo khalkhal iyo amni-xumo abuurto”. ” Waxay dowladda Federaalku gacan-siinaysa dad khalkhal iyo xasilooni-dardo ka buuraya gudaha si ay u burburiso nabadda iyo jiriraanka dowladnimada Puntland” ayuu yiri Maxamuud Caydiid Dirir. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaannada heer Federaal ee laga soo doorto Puntland ay magaalada Xamar la taagan yihiin “Puntland ha dhacdo” isaga oo ku eedeeyay in ay ka shaqaynayaan qalalaasaha gudaha. PUNTLAND POST . The post Wasiir Caydiid “Dowladda Soomaaliya ayaa ku soo duushay nabadda iyo jiritaanka Puntland” appeared first on Puntland Post.
-
Garaadka guud ee maamulka SSC-Khaatumo, Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa digniin kama danbays ah u jeediyay Taliska Somaliland ee ku hawllan abaabulka dagaal. Garaad Jaamac ayaa si adag digay Somaliland in ay joojiso abaabulka dagaalka iyo sheegashada degaannada SSC-khaatumo, islamarkaana ay dhulkooda ku ekaadaan, haddii ay nabad rabaan. “Wiilashiinna haddaa ceshanaysan, wiilashayada waan ceshanaynaa, haddaan ceshan waydaanna, ceshan mayno. Ninkay hali ugu dhasho iyo ninkii ay ugu badiso aan aragno”. “Somaliland, hadday mar danbe sheegato dhulkayaga ama dhahdo Xad baan soo xidhaynaa, annana waxa aan tegeynaa guryahooda [Hargeysa] waana soo qabqaban doonaa kuwii dhibta ka gaystay dhulkayaga” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali. Digniinta Garaadka ayaa imaanaysa, iyadoo xiisad dagaal iyo abaabul ciidan laga dareemayo jiidaha ay isku hor-fadhiyaan ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland. PUNTLAND POST The post Garaad Jaamac Garaad Cali oo digniin adag u jeediyay maamulka Somaliland ee weli colaadda hurinaya appeared first on Puntland Post.
-
Wabiga Shabeelle oo mara webi mara qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya ayaa ku fatahay deegaanno dhowr ah, iyada oo ay ka dhasheen khasaaro kala duwan. , Magaalooyinka Baadweyne, Jowhar iyo Mahadaay oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa wajahaya xaalad fatahaad ah, xilli gobolka Shabeellaha hoose cabsi laga sheegayo. Deegaannada Buula-mareer iyo Golweyn ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa ka jira fatahaado uu Wabigu sababay, waxaana sawiro halkaas laga soo qaaday muujinayaa saameynta iyo fataahadda ka dhashay biyaha tirade badan ee Wabiga Shabeelle, xilli Afgooye iyo magaalooyin kale cabsi ay ka jirto. Sidoo kale degmooyinka Afgooye, Awdheegle iyo Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose awaxaa laga dareemayaa fatahaad bilow ah, taas oo aan u xoog badneyn sida degmooyinka kale, mana jiraan wax khasaare Nafeed ah oo laga soo wariyay Fatahaadda wabiga Shabeelle uu ka sameynayo deegaannada. Marka laga soo tago dhibaatada guud, hadana waxaa jirta magaalooyin u nugul fatahaadda sida magaalooyinka Baladweyne, Jowhar iyo Afgooye, bulshada ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan goobaha Wabiga jiinkiisa ah, waxaana la saadaalinayaa in xadiga roobabka oo badan ay saameyn badan dhalin karaan. Fataadaha Wabiga Shabeelle ayaa siweyn u halakeeyay dhul u badnaa dhulbeereed, kuwaas oo intooda badan la beeray xilliga jiilaalka, waxaana saameyntaan ay imaanaysaa xilli isna Wabiga Jubba fatahaad uu ka sameeyay Gedo ay ka dhalay musiibo, dowladuna waxaa ay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah. Digniino hor leh ayaa laga soo saaray fatahaad wabeiga Shabeelle, iyada oo Hay’adda SODMA ay digniin u dirtay dadka degan hareeraha wabiga iyo goobaha biyo mariinnada, xilli guud ahaan dalka ay ka da’een Roobab wata biyo badan, kuwaas oo ah xilliga Deyrta, waxaana jirta cabsida laga qabo EL-Nino. Source: goobjoog.com
-
Beesha Sacad Muuse oo Saad iyo Sahay Gaadhsiiyay Deegaanada Saraar Hargeysa(Qaran news)- madaxdhaqameedka beelaha Gabiley Clan ayaa deeq saanad iyo sahay ah maanta gaadhsiiyay dadka rayidka ah ee isku abaabulay inay iska difaacaan duullaanka huwanta ee weerarada ku haya deegaannada gobolka Saraar. Suldaan Maxamed Case iyo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka hadlay deeqdaas ayaa sheegay inay dadka reer Sool iyo Saraari ku taageerayaan difaaca deegaankooda iyo Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna ku ammaaneen siday ugu diyaar garoobeen cid kasta oo ku soo duusha. Waxa kaloo ay cambaareeyeen falkii lagu dilay dadka rayidka ah ee deganaa tuulada Buqdharkeyn. Madax dhaqameed iyo odayaal ka soo jeeda beesha bariga Burco ayaa taageerada iyo deeqdaas sahayda iyo saanada iskugu jirtay ka guddoomay beelaha Sacad Muuse, waxaanay tilmaameen inay uga mahadcelinayaan deeqdaas iyo is garab taaga ay u muujiyeen. Qaran News
-
Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed ee Ciidamada Israa’iil ka soo gaadhaya hawlgalka dhinaca dhulka ee ay ka wadaan Marinka Gaza, haatana jirsaday laba toddobaad. Warbaahinta Israa’iil oo soo xigeynaysa Saraakiil Militariga Israa’iil ka tirsan ayaa sheegtay in 47 askari ay ku dhinteen hawlgalka ka socda Gaza, ku dhawaad 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen. Afhayeenka Militariga Israa’iil oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaan soo hadal qaadin khasaaraha ciidamadooda ka soo gaadhay hawlgalka Gaza, balse waxa uu sheegay in Israa’iil ay sii wadi doonto gulufkeeda ka dhanka ah Xoogaga Xamaas, illaa iyo inta laga xaqiijinayo yoolka Tel Aviv ee dagaalka. Afhayeenka ayaa sheegay 15 maalmood oo hawlgalku uu socday in ciidamadooda ay ku burbureen godad badan, oo Ururka Xamaas ay ku lahaayeen Marinka Gaza, xubno badana ay ku dileen. Waxa kaloo uu sheegay in tan iyo markii uu hawlgalku billaamay in ay ciidankoodu ku qabqabteen 20 nin oo ka tirsan Xamaas, isla-markaana ay geeyeen Israa’iil, si buu yidhi baadhitaano dheeri ah loogu sameeyo. Afhayeenka ayaa sheegaya in Abaanduulaha Ciidamada ay tahay in uu sii wado doorkiisa hoggaamineed ee hawlgalka uu sheegay in lagu wiiqayo Xamaas. Daniel Hagari, Afhayeenka Militariga Israa’iil ayaa sheegay in Dowladda Lubnaan iyo Ururka Xisbullah ay qaadi doonaan masuuliyadda weerar kasta oo Israel kaga yimaada Lubnaan, ka dib markii weerar gantaalo ah oo Axaddii lagu qaaday deegaanada dhaca xadka waqooyi ee Israel ay ku dhaawacmeen toddobo qof oo Israeliyiin ah. Isku dhacyada u dhaxeeya Ciidamada Israa’iil iyo Xoogaga Xisbullah ee xuduudda ayaa sii xoogeysanaya. Source
-
Ciidamada Israa’iil ayaa gaadhay albaabada cisbitaalka weyn ee magaalada Gaza Isniintii, kaas oo ahaa bartilmaameedka koowaad ee dagaalka ay ku doonayaan inay kula wareegaan qaybta waqooyi ee marinka Qaza, halkaas oo dhakhaatiirtu ay sheegeen in bukaannada ay ku jiraan carruurta cusub ay u dhimanayaan shidaal la’aan. Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Gaza Ashraf Al-Qidra, oo ku sugan gudaha cisbitaalka Al Shifa, ayaa sheegay in 32 bukaan ay dhinteen saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, oo ay ku jiraan saddex carruur ah oo dhawaan dhashay, taasoo ka dhalatay go’doominta cisbitaalka iyo koronto la’aan. Ugu yaraan 650 bukaan ayaa weli gudaha ku jiray cisbitaalkaas, iyagoo rajo ka qaba in Laanqeyrta Cas ama hay’ad kale oo dhexdhexaad ah ay u daadgureyso xarun kale oo caafimaad. Israa’iil waxay sheegtay in cisbitaalku uu ku fadhiyo godad sare oo xarun u ah dagaalyahannada Xamaas oo bukaannada u adeegsada gaashaan, taas oo Xamaas ay beenisay. “Taangiyada ayaa hor taagan cisbitaalka. Waxaan ku jirnaa xannibaad buuxda. Gebi ahaanba waa aag rayid ah. Kaliya xarunta cisbitaalka, bukaanada cisbitaalka, dhakhaatiirta iyo dadka kale ee rayidka ah ee cisbitaalka ku jira. Waa in nalaga joojiyaa dhibaatada,” ayuu yidhi Dr Ahmed El Mokhallalati oo dhakhtar qalliin oo ka tirsan cusbitaalka. “Waxay duqeeyeen taangiyadii (biyaha), waxay duqeeyeen ceelashii biyaha, sidoo kale waxay duqeeyeen mishiinkii Ogsajiinta, waxay duqeeyeen wax walba oo cisbitaalka yaallay, marka aad ayay noogu adag tahay inaan ka badbaadno, qof walba waxaan u sheegaynaa in cisbitaalku hadda aanu aheyn meel ammaan ah oo lagu daweyn karo.” ayuu raaciyay. Source
-
Ugu yaraan 70 qof oo rayid ah oo u badnaa dad waayeel ah iyo carruur ayaa lagu dilay weerar ka dhacay tuulo ku taalal waqooyiga waddanka Burkina Faso. Kooxo aan la aqoonsan ayaa weerar ku qaaday tuulada Zaungou oo ku taalla waqooyiga Burkina Faso 5-tii Nofembar, halkaas oo ay ku dileen dadka deegaanka, ayna dab qabadsiiyeen hanti. Koox ka tirsan hey’adaha caddalaadda oo loo diray inay baaritaan ku sameeyaan ayaa ogaaday in ugu yaraan 70 qof ay dhinteen. Inta badan dhib anayaasha ayaa ahaa carruur iyo waayeel. Burkina Faso waa mid ka mid ah dhowr waddan oo galbeedka Afrika ah oo la dagaallamaya kacdoonka dhiigga badan ku daatay ee jihaad doonka ah. PUNTLAND POST The post Ugu yaraan 70 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka Burkina Faso appeared first on Puntland Post.
-
Wasiir Cali Xoor-xoor oo Laba Baabuur kala Wareegay Hay’adda WFP Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda Shaqogelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Engineer Cali Cumar Maxamed (Cali- Xorxoor) oo uu wehelinayo agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Axmed Xasan Aw Aadan ayaa maanta hay’dda WFP kala wareegay laba gaadhi oo ka mid noqon doona gaadiidka wasaaradda loogu na talagalay adeegyada iyo hawlaha baaxadda leh ee ay wasaaraddu u hayso qaranka. Wasiir Cali Xoor-xoor ayaa Hay’adda uga mahadceliyay gaadiidkaas waxaanu sheegay in Wasaaraddu baahi weyn u qabtay oo uu qayb ka qaadan doono fududeynta adeegyada Wasaaraddaasi. Hay’adda WFP ayaa ka mid ah Ha’yadaha la shaqeeya Wasaaradda Shaqada, waana kaalmadii u horreeyay ee nooceeda ah ee sannadahan ay bixiso Hay’adaasi. Qaran News
-
Hoggaamiyeyaasha Wadamada Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika (East African Community) ayaa dhowaan go'aan ka gaaraya in Soomaaliya ay ugu dambeyntii noqoto xubintii 8-aad ee Urur Goboleedkan Ioo hadda ka kooban Burundi, Kenya, Uganda, Rwanda, Tanzania, Jamhuuriyadda Demoqraadiga ee Congo iyo Konfuurta Suudaan. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabbdullaahi Deni ayaa ogolaaday islamarkaana diyaar u ah inuu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, waxaa sidaas shaaciyey xafiiska QM ee Soomaaliya. Deni ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu dhowaan magaalada Garoowe kula kulmay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing. Bishii Maajo ee sanadkan, xubnaha Golaha Wada-tashiga Qaranka / the National Consultative Council (NCC) – marka laga reebo Puntland – ayaa waxaa ay soo saareen war-murtiyeed iyo heshiis cusub oo diiradda lagu saarey dimuqraadiyeynta. Kulankaa iyo kii ka horreeyey ee ay NCC yeelatey bishii Maarso, ayaa waxaa ka maqnaa madaxweynaha Puntland. “Waxaan ku farxay in aan maqley in Madaxweynaha [Deni] uu diyaar u yahay una ahaa in uu la hadlo Madaxweynaha [Xasan Sheekh Maxamuud] oo dhab ahaantiina si weyn uga fekerayo nooca arrimaha ay tahay in la soo dhigo miiska si loo hubiyo in aaraa’da ay qabto Puntland aaney meesha ka maqnaan,” ayaa ay tiri Sarkaalka QM,” ayey tiri Catriona Laing. Wakiilka Qaramada Midoobay waxay raacisay inay madaxweyne Deni kawada xaajoodeeen xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo dowladdaha xubnaha ka ah Federaalka, in Puntland metelaadeeda ay muuqato. Waa markii labaad oo ay wakiilka Qaramada Midoobay timaado Puntland, tan iyo markii loosoo magacaabay wakiilka QM ee Soomaaliya. Waxay sidoo kale Deni kala hadashay doorashooyinka Puntland kusoo wajahan in ay ku dhacaan si xasilooni iyo jawi nabadeed ku dheehan tahay. Saciid Deni ayaa bilo un kadib markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh xiriirka u jaray dowladda federaalka, ayada oo la rumeysan yahya inay sababta tahay inaan la siin xilka ra’iisul wasaaraha ama lagala tashan. The post Deni ‘oo diyaar u ah’ inuu la kulmo madaxweyne Xasan appeared first on Caasimada Online.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa xalay kala saxiixday heshiisyo guud oo iskaashi ah kaas oo labada dowladood ay sheegeen inuu faa’iido u yahay dhinacyada. Magaalada Riyad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga oo heshiiska lagu kala saxiixday waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse, halka Sacuudiga uu u saxiisay wasiir xigeenka arrimaha dibadda ee dalkaas, Nasser Bin Abdull Aziz, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA. Sida lagu daabacay barta X oo hore loo oran jiray Twitrer ee wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu xusay in heshiiska dhanka ammaanka ee ay la galeen Sacuudiga uu muhiimad gaara u leeyahay xilligan dalka Soomaaliya. Heshiiskii ugu horreeyay noociisa Axmed Cabdilaahi Kaboole oo arimaha ammaanka ka faallooda ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid cusub marka la eego heshiisyadii ay hore u wada gali jireen Sacuudiga iyo Soomaaliya. “Iskaashi dhanka amaanka oo dhexmara Soomaaliya iyo Sacuudiga xiligan waxay u badan tahay in uu dalabkiisu ka yimi dhanka Soomaaliya, balse in dowladdu raadiso cid gacan ka siisa arrimaha amaanka waa muhiimadeeda gaarka ah ee waqtigan maaddaama ay dagaal kula jirto al-Shabaab,” ayuu yiri Kaboole. Dowladda Soomaaliya ayaa baahi badan u qabta inay gacan ka hesho waddamada hodanka ka ah dhanka dhaqaalaha xilli ay dagaal adag kula jirto al-Shabaab, oo dabayaaqada sanadka 2024 uu qorshuhu yahay inay Soomaaliya ka baxaan ciidamada ATMIS ee ka socda Afrika. Maxay kala faa’iidayaan labada dhinac? Heshiisyada quseeya iskaashiga ammaanka ee dalalku wada galaan waxaa sal u ah inay wada yeelan karaan howlgallo wada jira iyo inay albaabbada u furaan inay iska gacan siiyaan waxa liddiga ku ah ammaankooda. Axmed Kaboole oo ka hadlayey arrimahan ayaa xusay inaysan dhankaas Soomaaliya u ahay dal ka qaadan kara doorkii looga baahnaa taas macnaheeduna tahay in Sacuudigu ka caawinayo arrimaha ammaanka. Waxaa la fili karaa in heshiiskan ay Soomaaliya ka heli karto dhanka Sacuudiga kaalmooyin milatari sida saadka,tababarada iyo caawinaad dhanka dhaqaalaha ah sida uu tilmaamay Axmed Kaboole oo amaanka ka faalooda. “Maaddaama ay Soomaaliya ku jirto adkaynta ammaankeeda waxaad mooddaa inay danaynayso inay hesho iskaashiga gobolka si ay garab ugu siiyaan dhaqaalana ugu helaan haya’daheeda ammaanka” ayuu yiri Axmed. Ka sokow faa’iidada Soomaaliya ay ka heli karayso heshiiskan, Sacuudiga ayaa ka heli kara dhankiisa inay cod isku mida ka noqdaan xagga qaddiyadaha ammaanka ee gobolka dowlada Soomaaliya, maaddaama ay ku wada jiraan ururrada Jaamacadda Carabta iyo Iskaashiga Islaamka, sida uu qabo Kaboole. ‘’Sacuudigu maaha dal lagu yaqaan inay gacan ka siiyaan dalal kale xagga ammaanka, laakiin heshiiskan wuxu ula mid yahay kii Soomaaliya hore ula gashay Imaaraadka kaasoo quseeya inay Soomaaliya ka hesho caawin dhanka ammaanka sida kaalmooyinka militari,” ayuu xusay Kaboole. Wafti uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan booqasho ku tagay dalka Sacuudiga, gaar ahaan magaalada Riyad halkaas oo uu ugu qayb galay shir madaxeedka Sacuudiga iyo Afrika iyo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Carabta iyo Islaamka, kaas oo looga hadlay xaaladaha halista ah ee ka taagan arrinka Gaza. Culayska Soomaaliya ka haysta ammaanka Madaxda sare ee Soomaaliya ayaa waqti galiyey muddooyinkii danbe inay kaalmo dhaqaale u helaan dagaalka wajiga labaad ee ay kula jirto ururka al-Shabaab. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa socdaallo ku tagay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Qadar si ay gacan ugu geystaan dhaqaale ahaan dagaalka uu ku dhawaaqay ee ka socda dalka. Dhinaca kale Ciidamada ATMIS oo ka socda howlgalka Midowga Afrika ayaa sanadkan bilaabay inay askartooda qaybo ka mid ah ka saaraan dalka Soomaaliya qorshuhuna yahay in dhammaadka sanadka soo socda si dhammaystiran ugu baxaan. Dagaallo ba’an ayey ciidamada dowladu la galeen al-Shabaab gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe, Galgaduud iyo Mudug halkaas oo dhul ay kala wareegeen. Isha: BBC The post Arrimaha ay Soomaaliya ka faa’iidayso heshiiska ammaan ee ay la gashay Sacuudiga appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladdaFederaalka Somaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay shabakadda Arab News inta uu joogay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas lagu dhameyn karo heshiis siyaasadeed oo ah qaabka xalka laba waddan. “Dadka Soomaaliyeed waxay muddo dheer ku jirneen colaad, weynu ognahay halka ay ku danbeyso shaqaaqada iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta iyo natiijada soo baxda marka ay dhamaato colaada ayuu yiri madaxweynuhu. Madaxweynaa ayaa xusay in qofna aysan gaari karin dhamaadka siyaasadeed iyadoo aan laga hadlin sababaha keenay khilaafka iyo in la adeegsado rabshado ay maalin kasta ku bixi karaan dad rayid . “Waxaa jira xal caalami ah oo la aqbali karo waana laba dawladood oo ah Falastiin iyo Israa’iil ,isla markaana ku wada nool si nabad ah wayna dhici kartaa” ayuu yiri madaxweynaha. “Aasaaska dowlad Falastiiniyiintu leeyahiin oo xuduudaheeda yahiin kuwii Juun 1967, caasimadeeduna tahay Qudus. waa dammaanada kaliya ee gobolka uu uga baxayo dadagaalka” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay shirka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee dhawaan ku dhamaaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku daray “Waxa ka socda Qasa waxay ka soo horjeeddaa damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan. Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka”. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Colaadda Israa’iil iyo Falastiin lagu dhammayn karo Xalka laba dowladood oo siman appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed ee Ciidamada Israel ka soo gaaraya hawlgalka dhinaca dhulka ee ay ka wadaan Marinka Gaza, haatana jirsaday laba toddobaad. Warbaahinta Israel oo soo xigeynaysa Saraakiil Militariga Israel ka tirsan ayaa sheegtay in 47 askari ay ku dhinteen hawlgalka ka socda Gaza, ku dhawaad 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen. Afhayeenka Militariga Israel oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaan soo hadal qaadin khasaaraha ciidamadooda ka soo gaaray hawlgalka Gaza, balse waxa uu sheegay in Israel ay sii wadi doonto gulufkeeda ka dhanka ah Xoogaga Xamaas, illaa iyo inta laga xaqiijinayo yoolka Tel Aviv ee dagaalka. Afhayeenka ayaa sheegay 15 maalmood oo hawlgalku uu socday in ciidamadooda ay ku burbureen godad fara-badan, oo Ururka Xamaas ay ku lahaayeen Marinka Gaza, xubno fara-badana ay ku dileen. Waxa kaloo uu sheegay in tan iyo markii uu hawlgalku bilowday in ay ciidankoodu ku qabqabteen 20 nin oo ka tirsan Xamaas, isla-markaana ay geeyeen Israel, si buu yiri baaritaano dheeri ah loogu sameeyo. Afhayeenka ayaa sheegaya in Abaanduulaha Ciidamada ay tahay in uu sii wado doorkiisa hoggaamineed ee hawlgalka uu sheegay in lagu wiiqayo Xamaas. Daniel Hagari, Afhayeenka Militariga Israel ayaa sheegay in Dowladda Lubnaan iyo Ururka Xisbullah ay qaadi doonaan masuuliyadda weerar kasta oo Israel kaga yimaada Lubnaan, ka dib markii weerar gantaalo ah oo Axaddii lagu qaaday deegaanada dhaca xadka waqooyi ee Israel ay ku dhaawacmeen toddobo qof oo Israeliyiin ah. Isku dhacyada u dhaxeeya Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah ee xuduudda ayaa sii xoogeysanaya. The post Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ciidamada Israel kasoo gaaray dagaalka Gaza appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan Ingiriis sh oo markii labaad Qadiyadda Aqoonsiga Somaliland horgeynaya Baarlamaanka UK London(Qaran news)- Xildhibaan Gavin Williamson ayaa markii labaad baarlamaanka UK horgeynaya dood la xidhiidha aqoonsiga JSL. Xildhibaan Gavin wuxuu baarlamaanka ingiriiska ka hor jeedin doonaa 24ka bishan November, warbixin dheer oo uu kaga hadli doono sida ay Somaliland ugu qalanto Ingiriisku siiyo aqoonsi diblamaasiyadeed maadaama oo uu ahaa dalkii xoriyadda siiyay Somaliland 26kii June 1960, ka hor intii aanay la midoobin Soomaaliya. Gavin Williamson wuxuu ku boorinayaa in Baarlamaanka Ingiriisku uu dawladda u jeediyo inay ictiraafto Somaliland madaama oo labada dawladood xidhiidh iyo cilaaqaad ka dhexeeyay muddo dheer. Waxa xildhibaanku uu ka hadli doonaa doorashooyinka xorta ah ee ay Somaliland ka hirgelisay gobolka qasan ee Geeska Afrika. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxaa kusoo wajahan maalmo waaweyn dal ahaan iyo dowlad ahaanba. Dowladda xukunka joogta waxyaalaha marwalba looga fadhiyo waa shaqo joogto ah iyo wax ku biirinta hadafyada waara ee qaranka. Afartaan qoddob waa qaas marka laga hadlayo Soomaaliya iyo 120 cisho ee soo aadan, waxayna kala yihiin; 1. Qaadista cuna-qabateynta 1992-dii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa meel-mariyay qaraarkii cuna-qabateynta hubka lagu saaray Soomaaliya, xilli uu dalka ku jiray dagaal sokeeye. 31 sano kadib Soomaaliya waxay bishan November dhexdeeda rejaynaysaa in laga qaado cuna-qabateynta hubka ama si weyn loo khafiifiyo si ay dowladda Soomaaliya u soo iibsato hub ku filan difaaca dalka iyo ciribtirka argagixisada. Haddii toos loo wada qaado cuna-qabateynta hubka, sida ay rejaynayso dowladda Soomaaliya wuxuu noqon doona hadaf weyn oo lagu guuleystay. 2. Ku biirista ururka EAC Midda labaad waa arrin ugub ku ah Soomaalida, laakiin ay weligeed sugayeen. Waa ku biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika. Inta uusan sanadkan dhamaan ama billowga Janaayo 2024, Soomaaliya waxay sugaysaa inay toos ugu biirto East Afrika Community, oo ay hadda ku jiraan dalalka DR Congo, Tanzania, Kenya, Burundi, Rwanda, South Sudan iyo Uganda. Ku biirista ururkan ayaa dadka Soomaalida ah siinaysa suuq iyo socdaal furan oo dalalkaas ah iyo fursado kale. Marar badan ayay Soomaalidu hore u raadisay xubinimada ururkaan laakiin waa laga diiday. 3. Deyn cafinta Dabayaqada bisha soo socota ee December, ama horraanta Janaayo 2024 Soomaaliya ayaa laga cafin doona deyn dhan 5.2 Bilyan oo dollar. Shaqada deyn cafinta ayaa soo socotay muddo 11 sano ah. In Soomaaliya deynta laga cafiyo ayaa sahli doonta maalgashi caalami ah, dalka inuu deyn cusub heli karo iyo inuu noqdo qaran aan qaameysneyn oo dib isku qaabeyn karo. 4. Argagixisada oo lasoo dhaafinayo Galmudug iyo HirShabeelle Dhowr safar oo ay Imaaraadka, Sacuudiga iyo UK ay ku jiraan kadib, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu dib ugu laabto furimaha dagaalka. Ciidanka cusub ee tababarka ka yimid, Macaawilseyda dhawaan la qoray ee hoggaanka loo sameeyay iyo isbeddalka lagu sameeyay masaafada ay diyaaradaha Turkiga wax duqeyn karaan ayaa bixineysa saadaal fiican oo ah in si deg deg ah argagixisada looga soo saari doono deegaanada ay kaga harsan yihiin Galmudug iyo HirShabeelle. Afartaan arrimood ee waaweyn oo dhamaan saameynaya amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa la sugayaa in lagu guuleysto 120 cisho ee soo socota, taasi oo hordhac ka siineysa jihada uu dalka u socdo iyo halka uu madaxweyne Xasan Sheekh wax gaarsiin karo inta lagu jiro muddo xileedkiisa. The post Afar arrin oo haddii uu xaqiijiyo Xasan Sheekh wax weyn ka badali doona Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
