-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Allah ha u naxariisto Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladda Soomaalilaan ayaa caawa ku geeriyooday Riyaad, Sucuudi Carabiya. Waxaa lagu xasuustaa sidii uu ula dagaallamay musuqmaasuqa markii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda ee xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo. Allah haw naxariiste waxa isaguna caawa geeriyooday Taliyihii hore ee Ciidanka Mileteriga Somaliland Jeneraal Maxamed Xasan Cabdillaahi ( Jidhif). Wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay ciiddamada Booliska iyo Mileteriga Somaliland isaga ka mid ahaa ciiddamadii lagu bilaabay dib u dhiskii Somaliland sannadkii 1991 kii. Source
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda cayaaraha Soomaaliya waxaa maamulka SSC Khaatumo laga reebay cayaaraha maamul goboleedyada dalka. Waxaa la sheegay inay arintan la isla qaatay kadib soo jeedin ka timid guddiga garsoorka ee ciyaaraha oo tilmaamay in aysan SSC- Khaatumo buuxin shuruudihii looga baahnaa ka qayb galkooda ciyaarahan. Waxaa sidoo kale wasaaradda ciyaaruhu ay sheegtay in aysan jirin cid cadaadis ku saartay inay ka reebaan liiska, kadib warar soo baxay oo sheegay inay culays soo food saaray. Magaca Khaatumo ayaa ka soo muuqday liiska isku aadka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka oo dhawaan ay shaaciyeen wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya. Dhanka Khaatumo waxay warbaahinta u sheegeen inay arrintan ka leeyihiin kulan ayna shaacin doonaan wixii uga soo baxa. Ka qayb galka ciyaaradaha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir waxaa qaban qaabadeeda leh wasaaradda ciyaaraha, siyaasad ahaan halka farsamada qabsoomida ay leeyihiin xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed. Shuruudo dhowr ah ayaa ku xiran ka qayb galka ciyaarahan heer federal oo lagu qabto Muqdisho labadii sanaba mar. Mid kasta oo ka mida maamulada goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir waxaa looga baahan yaay inuu leeyahay xiriir kubada cagta oo dhisan iyo guddiyo ciyaaro oo heer gobol ilaa heer degmo ah kuwaas oo nidaamiya ciyaarahaas. Tan labaadna waxaa inay jiraan tartamo ka dhaca maamulada oo ay qabteen xiriradooda heer gobol ama degmo si looga soo xulo ciyaaryahanada mati lahaa maamulkaas oo ka qayb gali lahaa tartanka ay isku arkayaan dhammaan maamulada dalka. The post Maxay tahay sababta SSC looga reebay cayaaraha dowlad goboleedyada? appeared first on Caasimada Online.
-
Maxamed Xaashi Cilmi oo ku Geeriyooday Sucuudiga Hargeysa(Qaran news)- Alle ha u naxariistee Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee dalka. Marxuum Maxaned Xaashi wuxuu ku geeriyooday Sucuudiga oo xaalad caafimaad loo geeyay. Marxuumku wuxuu dalka soo qabtay xilal Wasiirnimo oo kala ahaa Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsiga. Sidoo kalena wuxuu noqday Maayarka caasimada, waxaanu ahaa siyaasi hal adag oo ku adag qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland. Marxuum Maxamed Xaashi wuxuu shirkii berlaha Somaliland ee hHargeysa lagu qabtay 1997kii u tartamay madaxweynenimada Somaliland, wuxuuna ka mid ahaa labadii murrashax ee la tartamay Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal. ALLe ha u naxariistee waxa marxuum Maxamed Xaashi Cilmi ka mid ahaa aasaaseyaashii ururkii SNM. Qaran News
-
Maxamed Xasan Jidhif oo ku Geeriyooday Hargeysa Hargeysa(Qaran)-Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee waxa caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa Taliyihii hore ee ciidanka Qaranka Gen. Maxamed Xasan Jidhif oo la weriyay inuu muddo xanuunsanayey. Marxuumku wuxuu ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee millatariga ururkii SNM ee horseedka u ahaa halgankii dib u xoraynta Somaliland. Waxa kaloo Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Xasan Jidhif ka mid ahaa madaxdii kaalinta weyn ka qaatay dib u dhiskii iyo nabadeyntii Somaliland, waxaanu ahaa siyaasi afgaaban oo dal jecel. Qaran News
-
Innaa Lilaahi WShirkaa Innaa Ilayhi Raajicuun Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil Group, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Abdirashiid Maxamed Siciid Ducaale, Maamulka iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadeennada iyo Wakiiladda Shirkadda Dahabshiil Group waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan eheladii, Asxaabtii, Qoysaska iyo Qaraabadii gaar ahaan reer Xasan Cabdilaahi iyo reer Xaashi Cilmi, geeridda naxdinta leh ee ku timid Marxuuminta kala ah; Marxuum Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif) iyo Marxuum Maxamed Xaashi Cilmi oo caawa oo ay taariikhdu tahay 14 Nov 2023, geeriyoodey. Waxa aannu Ilaahay uga baryaynaa inuu marxuumiinta u nauxxariisto Jannadiisa Fardowsa ugu deeqo, qabrigana uga dhigo beer ka mid ah beeraha jannada, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna Ilaahay ha ka siiyo qoysaskooda, eheladooda, asxaabtoodii iyo Umadda ay ka baxeen. – Aamiin Aamin – Qaran News
-
Another year, another season and one other more powerful flood than the last one, sieged and surrounded Beledweyn enforcing inhabitants to evacuate the city, leaving behind their business and professional activities, then hosting an open area, in rainy season, with very indeed serious hardship life, no food, no water and no shelter for most of them. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa shalay xukunno kala duwan ku riday xubno ka tirsanaa maamullada degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasi oo lagu helay dambiyo ah inay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay la shaqeynayeen kooxaha argagixisada. Marka aad aragto da’da ay jiraan iyo xilalka ay hayaan ama ay hore u hayeen xubnaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gooblka Banaadir ka tirsanaa ee loo xiray ama qaar hore loogu xukumay la shaqeynta kooxaha argagixisada, waxaa ku qasbanaan doonta inaad markale wax iska weydiiso fikirkii ahaa in argagixisada ka faa’iideysato dhalinyarada oo keliya iyo sidoo kale inay beegsadaan dadka baaga-muudada ah. Qof xil ka haya dowladda federaalka ama maamulka gobolka, da’diisuna ay dhaaftay 50 sano, haysta shaqo iyo mushaar, aqoon darro gaar ahna ay haynin oo haddana argagixisada u adeegaya oo weliba laga yaabo inuu ku gacan siinayo inay laayan dad shacab ah oo degan degmada ama xaafadii uu madaxda ka ahaa, waa arrin muddo huursaneyd balse hadda lagu soo baraarugay. Waxay ku direysaa isweydiin cusub. Isku-milankii la naaxiyay sanadihii tagay ayaa hadda si weyn bananaka ugu soo baxay, iyada oo hay’addaha amniga ee dowladda federaalka ah ay maalin walba maxkamadda geeyaan dad heerarka kala duwan ee dowladda ku jiray balse si qarsoodi ah ula shaqeynayay argagixisada. In aad aragto qof aan dhalinyarnimo qaadin, shaqo la’aan aan looga faa’iideysan ee argagixisada ugu adeegaya magacii iyo hantidii dowladda ku aamintay waxay ka marqaati kaceysa inay weli shaqo badan hortaallo dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ee ka caafimaad qaba dabinka argagixisada. Horay waxaa u jiray eeddo ku saabsan in howl-wadeeno dowladeed inay cabsi darteed ula shaqeeyaan argagixisada, iyaga oo isleh armaa shaqsi ahaan uga badbaadan, laakiin argagixisada ugu dambeyn kuwaas iyada ayaa dishay marka ay ka gaarto wixii dan ay ka laheyd. Dadka iyaga oo dowli ah haddana argagixisada la shaqeeya waa ka dambi badan yihiin kuwa aan wax masuuliyad ah u hayn dadka iyo dalka ee iyaga oo fara maran qaata fikirka argagixisada. Dowladda Dhexe ee Soomaaliya waxaa laga rabaa dadka laba kaarlayaasha ah inay siiso ciqaab adag maadaama ay laba jeer khiyaano iyo dhibaato kula kaceen Umadda Soomaaliyeed, si weyna u dhaawaceen sharafkii dowladnimada. Soo qabashada dadka dowladda ku jira ee argagixisada la shaqeeya waxay dhinaca kale farriin u tahay ciidanka ilaaliya waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo inta badan si fudud u sii daaya gaadiidka ay wataan howl-wadeenada dowladda. Hadda waxaa hortaalla ciidanka baraha Kontoroollada fadhiya in howl-wadeenada dowladda u baaran sida dad aan masuuliyad haynin, maadaama ay argagixisada dhinac walba uga dhex milantay bulshada Soomaaliyeed. Horay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu u sheegay in aanay wax qiil ah laheyn in argagixisada la caawiyo nuucii ay noqotaba. Waxaa kal hore xabsi iyo dilba lagu xukumay saraakiil ciidan, oo ay ku cadaatay inay argagixisada la shaqeeyeen, waxaase muuqata in weli ay dowladda ku dhex dhuumanayaan dad argagixisada garab siinaya. Waxaa Sirdoonka Soomaaliya looga fadhiya inuu qaado olole cusub oo ka dhanka ah isku-milanka waqtiga fog la cayilinaayey ee ka dhex jira laamaha amniga ee dowladda iyo argagixisada. The post Isku-milanka Shabaab iyo DF oo si weyn banaanka ugu soo baxay iyo ‘waxa socda’ appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhaba (Caasimada Online)-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo galabta warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhaba ayaa shaaciyey tirada dad ku dhintay daadadkii ka dhashay roobka deyrta. Madaxweynaha ayaa sheegay in 12 qof ay ku dhinteen daadadkii ku dhuftay magaalada Baydhaba, isagoo ka sheekeeyey dhacdooyinka qaar sida ay u dhaceen. ”12 qof ayaa ku dhimatay daadadkii ku dhuftay Baydhabo oo ay ku jirto Haweeney caano keentay magaalada oo Meydkeeda maalmo kadib la helay,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen. Sidoo kale Madaxweyne Laftagareen wuxuu sheegay in hanti badan, guryo iyo gaadiid ay burburiyeen daadadka, “dad badan oo tabar yar ayaa ka cararay guryahooda, 50% magaalada waa laga barakacay,” ayuu yiri. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa ay kula kulmeen. Ujeedka wafdiga uu horkcayo ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa daarna sidii uu ugu kuur-gali lahaa xaaladda dadka ay saameyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta (El-Niño). Saalax oo ay weheliyaan masuuliyiinta hay’adda SODMA, xubno kamid ah hey’adaha samafalka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa isla markii ay gaareen Baydhabo booqday oo indhaha soo saaray xaaladda ka taagan xeryaha qaxootiga iyo dadka nugul oo ay waxyeello iyo barakac kale kasoo gaartay roobabka. Sidoo kale ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa kulammo la yeeshay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo sidoo kale Hay’adaha ka shaqeeya gargaarka. Waxa uu kula dardaarmay in la mideeyo dhammaan dadaallada socda, si gurmad loo gaarsiiyo dadka biyuhu saameeyeen isla markaana looga hortago cudurrada ka dhasha biyaha. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed inay usoo gurmadaan dadka dhibaataysan ee ay roobabku saameeyeen. Hoos ka daawo Laftagareen The post Daawo: Laftagareen oo shaaciyey tirada dad ku dhintay Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
Wafdi uu hogaaminayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayna qayb ay ka ahaayeen heerarka kala duwan ee dowladda iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle iyo Madaxda Hay’addaha ka shaqeeya Arimaha Gargaarka oo maanta Baydhabo gaaray. Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasis Laftagareen oo soo dhowaeeyay ahaa la wadaagay mas’uuliyiintan dhibaatooyinka ka dhashay Fatahaadaha ka dhacay Degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Dadaalada socda ee ugurmashada Dadka Saameynta ku yeeshay daadadka El-Niño. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Madaxda Hay’addaha ee Wafdiga ku wehlinayey ayaa sheegey in socdaalkooda ay tahay sidii Gargaar loo gaarsiin lahaa Dadka Fatahaadaha saameyeen ee ku nool guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed,. Hey’adda Maareynta ayaa dhowaan magalaada Baydho u dirtay shixnad gargaar ah oo loogu talo galay dadka ay daadadku saameynta ku yeeyeen, waxaana sidoo kale xusid mudan in magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan maamulka ay go’doon ku jiraan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho, magaalo la aaminsan yahay inay ku nool yihiin wax ku dhow saddex meelood meel dadka xilligaan ku dhex sugan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Muddo fog cinwaankeeda ugu weyn waxa uu ahaa amni. Dadka jooga iyo kuwa looga shakeeyo caasimadda intaba waxaa muhiim u aheyn inay maqlaan ama arkaan sheekooyin la xiriira nabadgelyada magaalada Muqdisho. Dhaliisheeda ugu badan waxay aheyd amni darro. Magaalo argagixisada ku dhex milantay, calooshood u shaqeystayaal hubeysan dhex dhooban yihiin oo dhibaatada ka dhowdahay ayay dad badan ugu suntaneed. Hadda waxaa si weyn isku beddelay mowduuca magaalada Muqdisho. Waayihii dambe dadka waxay ka hadlayaa mowduucyo kale sida; isbeddelka xagga dhaqaalaha, nadaafad darro iyo biyo ay magaalada dhigeen roobabka mahiiganka ah ee ka da’aya gudaha dalka. Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa si weyn loo dhalleeceeyay dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay. Dadka qaar ayaa soo jeediyay in dowladda u baahan tahay inay ka fikirto isbeddel maamul oo Muqisho ah. Marka aad eegto waxa maamulka gobolka Banaadir lagu haysto waxay dhamaan u muuqdan kuwo maangal ah. Haddii aad isweydiinayso isla xilligaan xal waara ma keeni kara? Jawaabta waa Maya. Laakiin waxaa lagu haystaa Madaale iyo maamulkiisa maadaama biyo fariisinida iyo nadaafad darrada muddo soo jirtay waxa uu maamulka gobolka ula imaan waayay qorshe lagu gaari karo xal waara. Sida ay Muqdisho u taallo maanta, tirada dadka ku nool, miisaanka caasimadnimada iyo culeyska canshuurta laga qaado dhamaan waa kuwo aad isku diidaya. Maamulka gobolka keliya uma baahna isbeddel qofeed, waa in hab fikirka soo jireenka ah la beddelo, dowladda dhexe ay ahmiyad siiso caasimada oo aan hadafkeeda lacag u noqon, oo dadkeeduna ay is-xilqaam iyo isla xisaabtan la yimaadan. Culeyska magaalada yaalla xilligaan ee ay keeneen daadaadka ka dhashay roobabaka waa kuwo aan la dafiri kari. Marwalba oo isku socodka adkaado, oo ay waddooyin badan biyo xiraan, waxaa dhinaca kale qaali noqonaya maciishada iyo gaadiidka dadweynaha, waxaana dhinaca kale ka dhalan kara falal amni darro ah. Marka dhinaca kale laga istagao in mowduucii weyna ee amniga isbeddello oo ay dadka aaminaan in amniga wax badan laga qabtay, beddelkeedana ay tahay in xal loo helo biyaha waddooyinka xiray iyo nadaafad darrada, waa arrin cadeynaysa sida laamaha amniga ee dowladda u shaqeeyeen 18 billood ee lasoo dhaafay. Dowladnimo, waa in cabashada markaa taagan xalkeeda la wajaho. Iyada oo ay muhiim tahay in dowladda lagu bogaadiyo sida ay mowduucii geerida ugu beddeshay maad waddooyinka biyaha ka qaadan, haddana waa in taas laftigeeda xal deg deg ah loo helo oo la dhiso qorshe dhameystiran iyo dad u qalma inay hirgeliyaan. The post Arrin cusub oo beddeshay cabashadii amniga ee Muqdisho – Warbixin appeared first on Caasimada Online.
-
Xoghayaha WADDANI oo Qoddobeeyay Guuldarooyinka Hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Hargeysa(Qaran news)- xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in lixdii sannadood ee uu xukunka joogay Madaxweyne Muuse Biixi laga joogo guuldarooyin taxane ahaa oo uu u soo jiiday Jamhuuriyadda Somaliland. Xoghaye Khadar Xuseen wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku daabacday bartiisa Twitter, Maadaama oo ay shalay ku beegmayd lix sanno ka hir dharaartii shacbiga Somaliland ay doorteen Madaxweyne Muuse Biixi. “Muddo lix sannadood ah Somaliland waxay wajahday fashil iyo guul-darooyin taxane ah; sida hoos u dhaca dhaqaalaha, farsamada millatariga iyo walaahowga arrimaha dibadda iyo tafaraaruqa ku dhacay Qaranka,” ayuu yidhi Xoghaye Khadar Xuseen. Waxa kaloo uu intaas ku daray in Madaxweynuhu iibiyay hantidii ma guurtada ahayd ee Somaliland. Wuxuuna is weydiiyay miyay jiraan cid maskax furan horusocod inoogu sheegi karta fashilkaas dhacay. Qaran News
-
The chairman of the Supreme Courtre ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay wehelinayeen Agaasimaha Fullinta ee Guddida Xuquuqul Insaanka Qaranka Cabdisamad Sacad Xasan, Lataliyaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur iyo madaxa tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay khaburro madax banaan oo Qaramada Midoobay kala shaqeeya arrimaha xuquuqul Insaanka Somaliland iyo Soomaaliya Isha Dyfan iyo Sandra Oyella oo ay wehelinaysay Fadxiya Cabdilaahi Axmed. Guddoomiyaha ayaa soo dhaweeyay saraakiisha ka socotay Qaramada Midoobay, waxaanu uga mahadceliyay socdaalka ay ku soo booqdeen Maxkamadda Sare. Ujeedada booqashada saraakiisha ka socday Qaramada Midoobay ayaa la xidhiidhay warbixin ay ka diyaarinayeen arrimaha xuquuqul insaanka iyo horumarada kale ee Garsoorka dalka. The chairman of the Maxkamadda Sare ayaa warbixin ka siiyay dib-u-habaynta lagu sameeyay Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland muddooyinkii u danbeeyay, geedi-socodka togan ee uu ku talaabsaday iyo doorka uu kaga jiro ilaalinta xuquuqda aadanaha. Guddoomiyaha ayaa tibaaxay shaqada baaxada leh ee Garsoorka dalka iyo doorka balaadhinta Maxkamadaha Guurguura oo bulshada ugu taga deegaanada ay ku suganyihiin. Khabiir Isha Dyfan ayaa geesteeda xustay in ay ku faraxsantahay waxqabadka wanaagsan ee Garsoorka, waxaanay sheegtay in warbixintanta ka horjeedin doonto Qaramada Midoobay, kulankuna wuxuu ku soo geba-geboobay jawi degen. Qaran News
-
XULASHO XUN XAL LA’AAN XIL MADHAN Wasiirada madaxweye Biixi magacaabey iyo kuwa uu xilka ka qaadey. Qaabka dowladdnimadda loo dhiso Muuse ma yaqaan wuuna ku fashilmey. weli isku isku bedal uu sameyey intuu xilka hayey oo misaamani inama soo marin. 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗫𝗶𝗹𝗸𝗮 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗾𝗮𝗮𝗱𝗲𝘆 1. Cabdiqaadir Iimaan Warsame –𝗔𝗿𝗮𝗯 / 𝗛𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶𝗺 2. Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil – 𝗦𝗮𝗰𝗮𝗱 𝗠𝘂𝘂𝘀𝗲 / 𝗝𝗶𝗯𝗿𝗶𝗶𝗹 𝗔𝗯𝗼𝗸𝗼𝗿 3. Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani – 𝗛𝗮𝗯𝗮𝗿 𝗬𝗼𝗼𝗻𝗶𝘀 / 𝗦𝗮𝗰𝗮𝗱 𝗬𝗼𝗼𝗻𝗶𝘀 4. Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne – 𝗦𝗮𝗺𝗮𝗿𝗼𝗼𝗻 / 𝗛𝗮𝗯𝗮𝗿 𝗖𝗮𝗳𝗮𝗮𝗻 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗫𝗶𝗹𝗸𝗮 𝗹𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗰𝗮𝗮𝗯𝗲𝘆 1. Wasiirka Isgaadhsiinta – Axmed Yuusuf Idiris Cawaale – 𝗔𝗿𝗮𝗯 / 𝗛𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶𝗺 2. Wasiirka Waxbarashada – Axmed Aadan Axmed Buuxane – 𝗦𝗮𝗺𝗮𝗿𝗼𝗼𝗻 / 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝘀𝗲 3. Wasiirka Qorsheynta – Axmed Maxamed Diiriye Cige – 𝗖𝗶𝗶𝗱𝗮𝗴𝗮𝗹𝗲 4. Wasiirka Maalgashiga – Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax – 𝗗𝗵𝘂𝗹𝗯𝗮𝗵𝗮𝗻𝘁𝗲 5. Wasiirka Warfaafinta – Cali Xasan Maxamed – 𝗛𝗮𝗯𝗮𝗿 𝗝𝗲𝗰𝗹𝗼 6. Wasiirka Biyaha – Saleebaan Yuusuf Cali Koore – 𝗗𝗵𝘂𝗹𝗯𝗮𝗵𝗮𝗻𝘁𝗲 7. Wasiirka Diinta – Maxamed Xaaji Aadan Cilm – 𝗛𝗮𝗯𝗮𝗿 𝗝𝗲𝗰𝗹𝗼 8. Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha – Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni – 𝗦𝗮𝗺𝗮𝗿𝗼𝗼𝗻 / 𝗛𝗮𝗯𝗮𝗿 𝗖𝗮𝗳𝗮𝗮𝗻 9. Wasaarada Kaluumaysiga – Raabbi Cabdi Maxamed – 𝗪𝗮𝗿𝘀𝗮𝗻𝗴𝗮𝗹𝗶 10. Wasiirka Gadiidka – Saleebaan Cawad Cali Bukhaari – 𝗛𝗮𝗯𝗮𝗿 𝗬𝗼𝗼𝗻𝗶𝘀 / 𝗦𝗮𝗰𝗮𝗱 𝗬𝗼𝗼𝗻𝗶𝘀 11. Wasiirka Beeraha – Axmed Maxamed Habbane – 𝗦𝗮𝗰𝗮𝗱 𝗠𝘂𝘂𝘀𝗲 𝗝𝗶𝗯𝗿𝗶𝗶𝗹 𝗔𝗯𝗼𝗸𝗼𝗿 Xukumaddii Food khasaare muqaalkeeddii u dambeyey. Shacabku wuxu leeyahey Macasalamaa. Hon-Envoy Abdirizak Diinaari diinaari1960@gmail.com Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Villa Soomaaliya ku eedeeyay inay duullaan kusoo qaaday nabadda iyo jiritaanka Puntland. Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa eedeyntan u jeediyay Villa Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay ka shaqeynayso bur-burinta jiritaanka maamulka Puntland. Waxa uu sheegay in Villa Soomaaliya ay adeegsaneyso shaqsoyaad dano gaar leh, oo la fahamsan yahay inuu ula jeedo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda madaxweyne Deni, kuwaasi oo maanta soo saaray jadwal doorasho. “Waxaan aad uga xumahay in dowladda federaalka Soomaaliya ka shaqaynayso in Puntland bur-burto,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Puntland. Waxa uu intaas kusii daray “Arrintaas way socotaa (hanaanka doorashada qof iyo cod) gobollada Puntland oo dhan bay ka socotaa hadda oo dowladda federaalka isku dayaysaa in ay fara-geliso oo khalkhal iyo amni-xumo abuurto”. Wasiir ayaa sidoo kale waxa uu Xildhibaannada heer federaal ee laga soo doorto deegaannada Puntland ku eedeeyay inay qeyb ka yihiin qorshaha Villa Soomaaliya duullaan kusoo qaaday nabadda iyo jiritaanka Puntland, sida uu hadalka u dhigay. ”Dowladda federaalka waxay gacan siinaysa dad khal-khal iyo xasilooni-darro ka buuraya gudaha, si ay u burburiso nabadda iyo jiriraanka dowladnimada Puntland,” ayuu sidoo kale yiri wasiirka. Maamulka Puntland ayaa waxaa xilligaan ka taagan xiisad xooggan oo salka ku haysa khilaafka arrimaha doorashooyinka, iyada oo mucaaradka ku dhowaaqeen doorasho ku qabsoomeysa waqtigeeda, halka maamulka uu sheegay in dhamaan ay u diyaarsan yihiin farsamooyinkii lagu qaban lahaa doorashada qof iyo cod. The post PUNTLAND oo eedeyn culus u jeedisay VILLA SOMALIA appeared first on Caasimada Online.
-
Kulan Lagaga Hadlayay Xoojinta Amniga oo Lagu Qabtay Wasaaradda Daakhiliga Hargeysa(Qaran news)-Kulan lagaga hadlayey Amniga guud ee dalka oo uu shirgudoomiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta ka qabsoomay Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Shirkan oo ay ka soo qayb-galeen Guddida Heer Wasiir ee Hanaanka Xog-wadaaga Dawladda (Government Information Desk Committee) iyo Taliyayaasha Ciidamadda JSL. Mudadii shirku socday ayaa waxa lagu gorfeeyey sidii loo xoojin lahaa amniga guud ee dalka iyo sidii looga hortagi lahaa falalka amni-darro ee ay maleegayaan kooxaha ka soo horjeeda qarannimada Somaliland. Sidoo kale, shirka waxa lagaga wada-hadlay sida ugu haboon ee loo adkayn lahaa wadashaqaynta hay’addaha dawladda iyo shacabka Somaaliland ugu midoobi lahaayeen adkaynta nabadda. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo. Ujeedka wafdiga uu horkcayo ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa u daarna sidii uu ugu kuur-gali lahaa xaaladda dadka ay saameyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta (El-Niño). Mudane Saalax oo ay weheliyaan masuuliyiinta hay’adda SODMA, xubno kamid ah hey’adaha samafalka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa isla markii ay gaareen Baydhabo booqday oo indhaha soo saaray xaaladda ka taagan xeryaha qaxootiga iyo dadka nugul oo ay waxyeello iyo barakac kale kasoo gaartay roobabka. Sidoo kale ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa kulammo la yeeshay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo sidoo kale Hay’adaha ka shaqeeya gargaarka. Waxa uu kula dardaarmay in la mideeyo dhammaan dadaallada socda, si gurmad loo gaarsiiyo dadka biyuhu saameeyeen isla markaana looga hortago cudurrada ka dhasha biyaha. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed inay usoo gurmadaan dadka dhibaataysan ee ay roobabku saameeyeen. Si kastaba, roobabka wata daadadka xooggan ee ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka ayaa waxaa dhashay khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhawaac iyo khasaare hantiyadeed, sida ay hore u baahisay dowladda. The post Sawirro: Wafdi culus oo ka socda DF oo gaaray Baydhaba, indhaha-na soo saaray… appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku sameeyay isku shaandheyn ballaaran, taasi oo xilalkii kaga qaaday mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu wareegtadan ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya xukuumadda, halka uu isku beddel ku sameeyay wasaaradaha qaarkood. Wasiirrada uu xilka ka qaaday madaxweyne Biixi ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Dr. Cabdiweli Suufi, Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga Cabdi Cismaan Dhaga-weyne iyo Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Albaani. Sidoo kale waxa uu Wasiirka cusub ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada u magacaabay Axmed Yuusuf Idiris Cawaale, halka Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka uu u magacaabay Cabdinaasir Buuni. Hoos ka aqriso wareegtada madaxweynaha, oo u dhigneyd sidan; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis, magacaabid iyo Isku-bedel ku sameeyey qaar ka mida xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis 1. Ku: Cabdiqaadir Iimaan Warsame; Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha 2. Ku: Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil; Wasiirkii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda 3. Ku: Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani; Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta 4. Ku: Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne; Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaran. Ujeeddo: Magacaabid Wareegtooyin Madaxweyne; Magacaabid iyo Isku-beddel Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan: 1. Axmed Yuusuf Idiris Cawaale Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda. 2. Axmed Aadan Axmed Buuxane Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 3. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga. 5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka. 6. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 7. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. 8. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka. 9. Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha. 10. Saleebaan Cawad Cali Bukhaari Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. 11. Axmed Maxamed Habbane Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha. The post Madaxweyne Muuse Biixi oo sameeyay isku shaandheyn ballaaran + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
The former minister of National Planning and the Director-General of the Nigeria Institute for Legislative and Democratic Studies, Prof Abubakar Sulaiman, has urged Nigerian political, traditional and religious leaders to emulate Somalia by electing more women to the National Assembly. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Mucaaradka Puntland ee kasoo horjeeda madaxweyne Saciid Deni ayaa goordhoweyd soo saaray jadwal doorasho oo cusub, gaar ahaan doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimada Puntland. Bayaan kasoo baxay Dallada Mucaaradka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay qabanayaan 8-da January ee 2024-ka. “Dalladu waxay u aragtaa lagama maarmaan in la qabto doorasho ku dhacda waqtigeeda 8-da Janaayo si looga baaqsado firaaq dastuuri ah. Sidaas darteed, Dalladu waxay halkaan kusoo gudbinaysaa Jadwalka xulista Baarlamaanka, Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Mucaaradka, kadib kulan ugu soo dhamaaday magaalada Garoowe. Jadwalka Mucaaradka uu soo saaray ayaa waxaa ku xusan in 31-da bisha December la shaacinayo liiska xildhibaanada cusub, halka ay bilaabaneyso 5-ta December qabashada dukumintiyada xildhibaanada cusub. 1-da January ayaa sidoo kale waxaa la dhaarinayaa xildhibaanada, halka 4-ta January la dooranayo gudoonka golaha wakiilada maamulka Puntland, sida ku qoran jadwalka doorasho ee mucaaradka uu maanta soo saaray. Jadwalkan doorasho ee uu soo saaray mucaaradka ayaa ka hor imanaya jadwalka uu dhawaan soo saaray guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC, kaasi oo muddo kororsi dadban loogu sameeyay madaxweyne Saciid Deni. Jadwalka guddiga doorashooyinka Puntland ayaa waxa uu dhigaya in doorashada Madaxtooyadda Maamulka iyo Baarlamaanka Puntland ay qabsoomto 25-ka bisha Febraayo ee sanadka soo aadan ee 2024-ka. “Guddiga Madaxa-banana ee Doorashooyinka Puntland markuu la tashaday xisbiyada siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo daneeyayaasha kale waxa uu go’aamiyay in doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada la isa-saaro hal marna la wada qabto,” ayaa lagu yiri bayaanka PEC. Si kastaba, Arrintaan ayaa uga sii dareysa xiisadda ka taagan Garoowe ee salka ku haysa khilaafka doorashooyinka, xilli xeerka doorashooyinka Puntland loo qeybiyey golaha Wakiilada Puntland, kaasi oo ay u gudbiyeen Golaha Wasiiradda. The post Mucaaradka DENI oo soo saaray jadwal doorasho cusub iyo xiisadda oo kasii dareysa appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay shir degdeg ah oo golaha Wasiirrada ay ka yeesheen dhibaatada ay Soomaaliya ku heyso duufaanta El-nino, heerka saameynta iyo qaabka gurmadka. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisal wasaaraha mudane Saalax Jaamac iyo xubnaha golaha Wasiirrada, waxaa kale oo qeybgalay guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Jimcaale Madaale. Ugu horreyn, Madaxweynaha JFS musane Xasan Sheekh ayaa ka dhageystay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre warbixin ku saabsan heerka gurmadka iyo samata-bixinta dadka waxyeelladu ay soo gaartay, dadaaladaas oo ay ka mid tahay in Xukuumaddu ay guddi heer qaran ah u saartay wax-ka qabashada waxyeellada ka dhalatay duufaanta El-nino. Dhanka kale, duqa Muqdisho mudane Yuusuf Jimcaale Madaale ayaa kulanka gaarka ah ee Madaxwaynaha JFS, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada iyo xubnaha Golaha Wasiiradda Warbixin ka siiyay saameynta roobabku ku yeesheen Gobolka Benaadir iyo dadaalada uu wado Maamulka Gobolka ee ku aadan sidii wax loogu qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhashay iyo in loo gurmado dadka ay waxyeelada kasoo gaareen. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku boorriyay guud ahaan Golaha Wasiirada gaar ahaan xubnaha guddiga xukuumadda in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan maareynta iyo gurmadka, waxa uuna ku baaqay in kor loo qaado wacyigelinta iyo feejignaanta dadweynaha, gaar ahaan deegaannada laga filanayo fatahaadaha. Dhinaca kale hay’ada SODMA ayaa iyana ka warbixisay dadaalkeeda ee goobaha ay waxteeladu ka soo gaartay fatahaadaha roobabku. Magaalooyinkaas waxaa ka mid ah Baardheere oo heshay laba doonyood, Beled Weyne oo saddex doonyood ah, Jowhar oo labo doonyood leh, iyo Luuq, Buurdhuubo iyo Doolow oo midkiiba uu helay hal doon. Sidoo kale, hay’adaha ayaa 16 doonyood udiray ilaa 7 magaalo oo ay ku jiraan Gado iyo Hiiraan. Dhinaca raashinka gargaarka ah, waxaa 12-kii bishan diyaarad siday sahay loogu talagalay 300 oo qoys loo diray magaalada Baydabo. Diyaarad kale oo siday sahay loogu talagalay 320 qoys ayaa loo diray Doolow. Dadaalkan baaxadda leh ayaa ujeeddadiisu tahay in gobolladaas la gaarsiiyo gargaar ay aad ugu baahan yihiin. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada gobolka Banaadir, isaga si gaar ah u faray maamulka gobolka kor u qaadaan fayo-dhowrka iyo isu-socodka, maadaama roobab joogta ah oo da’ay ay saameeyeen nolasha dadka caasimadda, waxa uuna xusay shaqada adag ee loo baahan yahay in la qabto. Madaxweynaha Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo arrinta fatahaada carabka ku adkynaya ayaa waxaa uu yiri “Mas’uuliyad ayaan na saaran, waa in aan u qaadanno sida ay tahay, inta aan qaban karno ayaa aad iyo aad u badan, muhiimadda koowaad ee maanta golaha wasiirrada ay leeyihiin waa samatabixinta nafta qofka Soomaaliyeed”. “Bilowgii dowladdan abaaraha taagnaa waad ogeydeen, waa isu tagnay, waa naloo kaalmeeyay, waxa aan qabanayno ayaa ka badan, kana adag, waxa ay dadka toos noogu qabanayaan, SODMA-na ha ii kordhiso dadka in looga digo, meelaha khatarta leh in ay ka dhaqaaqaan”. Ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyay madaxweyne Xasan Sheekh. Source: goobjoog.com
-
Golaha guurtida Somaliland ayaa saaka loo qaybiyay xeerarkii Doorashooyinka isa saarka ah ee dhawaan golaha wakiilada Somalilnad ansixiyeen. Guddoomiye Saleebaan ayaa mudanayaasha u sheegay in ay soo akhriyaan xeerarkan. Golaha ayaa shalay u xidhmay ama hawshiisa u gudan kari waayay kadib markii ay soo xaadiri waayeen xildhibaano badan oo iska maqnaaday isla markaasina ay buuxin waayee Qaran News
-
Dallada ay ku midaysan siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Puntland ayaa maanta shaaciyay jadwal doorasho oo hal dhinac. Warqad ka soo baxday dallada Mucaaridka ayay ku shaaciyeen jadwal hal dhinac ah, oo ay ku sheegeen jadwalkii doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2024. Mucaaridka ayaa sheegay in ay 1. Dec 2023 magacaabi doonaan guddiga xallinta khilaafaadka doorashada, halka 31 Dec ay shaacin doonaan xildhibaannada cusub. Sidoo kale, waxay sheegeen in ay doorashada ku qaban doonaan wakhtigeeda oo ku beegan 8 Jan sannadka 2024. Tallaabada Mucaaridka ayaa imaanaysa, iyadoo aan weli xal loo helin khilaafka siyaasadeed ee ka taagan nooca loo qaban doono doorashada Puntland ee 2024. PUNTLAND POST The post Mucaaridka Puntland oo shaaciyay jadwal doorasho oo hal dhinac ah appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis, magacaabid iyo Bedel ku sameeyey qaar ka mida xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis. Ku: Cabdiqaadir Iimaan Warsame; Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha Ku: Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil; Wasiirkii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Ku: Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani; Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Ku: Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne; Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaran. Ujeeddo: Magacaabid. Wareegtooyin Madaxweyne; Magacaabid iyo Isku-beddel Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan: Axmed Yuusuf Idiris Cawaale Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda. Axmed Aadan Axmed Buuxane Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka. Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha. Saleebaan Cawad Cali Bukhaari Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. Axmed Maxamed Habbane Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis, magacaabid iyo Bedel ku sameeyey qaar ka mida xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis. Ku: Cabdiqaadir Iimaan Warsame; Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha Ku: Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil; Wasiirkii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Ku: Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani; Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Ku: Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne; Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaran. Ujeeddo: Magacaabid. Wareegtooyin Madaxweyne; Magacaabid iyo Isku-beddel Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan: Axmed Yuusuf Idiris Cawaale Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda. Axmed Aadan Axmed Buuxane Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka. Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha. Saleebaan Cawad Cali Bukhaari Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. Axmed Maxamed Habbane Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source
