Mastermind

Nomads
  • Content Count

    588
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    3

Everything posted by Mastermind

  1. DAAWO-Cabdiraxmaan Cabdirashakuur oo ku dhawaaqay inuu boorarkiisii furfurtay dalkuna xaalad adag galay & diyaar garaw… April 14, 2021 Xuseen 2 Puntlandtimes (MUQDISHO)-Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishhakuur Warsame ahne gudoomiyaha Xisbiga Waradajir oo ka hadlay xaalada dalka uu marayo ayaa sheegay in wadanku uu galay waji hugaamiye kooxeednimo, isaga oo madaxweynaha waqtigiisu idlaaday ku eedeyay in uu jabinayo sharciga iyo xeerka dalka u yaala. Waxaa warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay maanta maagalada muqdisho isaga oo sheegay in ay halis galineyso haddii farmaajo la aqoonsado waxii la soo tabcayay labaatankii sano ee la soo dhaafay, waxaa kale oo uu daaha qaaday in xiriir hoose uu Ereteritya kala dhaxeeyo Farmaajo, taasi oo kala geyneysa soomaaliya iyo beesha caalamka. Dhanka kale musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur warbasame ayaa sheegay in uu magaalada muqdisho ka soo fuqsaday boorarkiisii musharaxnimo, waxaana uu ku micneeyay in doorasho iyo musharaxnimo aysan jirin. Waxaa uu dhaliil u soo jeediyay Maamul Goboleeedyada taageeray sharcigii ay meel mariyeen baarlamaanka soomaaliya, madaxweynaha waqtigiisu dhamaadayne uu saxixay, waxaana uu sheegay in ay ku shaqeeyaan amarka dowlada dhexe. Beesha caalamka ayaa dhaleeceysay go’aankii ay Golaha Shacabka Soomaaliya muddo labo sano ah ugu kordhiyeen dowladda Soomaaliya, Midowga Yurub, Mareykanka iyo UK ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta go’aankan.
  2. I am not wishing another yaa Dimwit. I am just reporting the news.
  3. Xiisad caawa laga dareemayo Muqdisho iyo shir u socda Rooble iyo Qoor Qoor Muqdisho (Caasimada Online)- Shir u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa hadda ka socda madaxtooyada Soomaaliya. Shirkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo caawa magaalada Muqdisho laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh iyo cabsi dagaal, waana taas arrinta uu Qoor Qoor kala hadlayo Ra’iisul wasaare Rooble. Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq John) ayaa xarun deegaan ka dhigtay qeybo ka tirsan xaafadda Shiikole ee degmada Deyniile, waxuuna wataa ciidamo daacad u ah iyo gaadiid dagaal. Sidoo kale qeybo ka tirsan wadada 30-ka, gaar ahaan isgoysyada Balaksii iyo Baar-ubax oo aad ugu dhaw isgoyska Shiirkole ayaa caawa lasoo dhoobay ciidamo ka tirsan booliska gaarka ah ee Haramcad. Shiirkole ayaa ka tirsan xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile, taas oo inteeda badan ay deganyihiin beesha uu ka dhashay Saadaq Joon, waxaa soo baxaya cabsi xoog leh oo laga qabo in madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo uu amro weerar ka dhan ah Saadaq Joon iyo ciidamada uu wato. Hadii ay dowladdu ku dhiirato inay weerarto Saadaq Joon waxay dad badan qabaan inay bilaaw u noqon karto qalalaase aan la fududeysan karin oo ka qarxa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday ee Farmaajo ayaa xalay darajadii sarkaalnimo iyo dhamaan waxii xuquuq ciidan ahaa ka xayuubiyey Jeneraal Saadaq Joon. S/Guud Saadaq Joon oo lagu tirin jiray saraakiisha ugu dhaw madaxweyne Farmaajo ayaa maalin ka hor Muqdisho ka sheegay inuu hor istaagay kulan ay xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka mudada ugu kordhinayaan hey’adaha dowladda federaalka. Hase yeeshee daqiiqado gudahood markii uu kasoo yeeray hadalkaas ayaa xilkii laga qaaday, waxaana qabsoomay kulankii uu hor istaagay ee golaha shacabka, iyadoo uu dhacay mudo kororsigii uu ka digay.
  4. Warlordism back in the capital. Soon you will hear Warlord Sadiq John, Warlord Farmajo iyo Warlord General Koronto. This what happens when a country is led by dimwits. The sooner Farmaajo resigns the better.
  5. Maxaa ka jira in Ciidan uu Saadiq Joon wato ay degeen Shiirkolo Ofisaale April 14, 2021 admin Taliyaha La shaaciyey in Xilka laga qaadey laakiin wali sheeganaya inuu yahay Taliyaha Bileyska Gobolka Banaadir Saadiq Joon iyo Ciidan isugu jira Bileys iyo Malatari ayaa waxay caawa u hoyanayaan Xarunta Masuuliyiinta Ciidamada Qalabka Sida ee Shiirkolo Officale. Ma cada sababta uu Ciidamada isugu geeyay Xaruntaas, oo u dhow Xarunta uu Degan yahay Taliyaha Ciidamada Qalabka sida. Warar kale io waxaa jira iyana sheegaya in Ciidamo ka Amar qaata Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ay Sare u qaadeen Amaanka Musharixiinta Madaxweynaha. Puntlandi.com Muqdisho
  6. Janaraal Koronto oo ku hanjabay inuu qabsanayo Dekada muqdisho April 13, 2021 admin Janaraal Maxamuud Maxamed Koronto oo ah Taliyaha Ciidamada Dowlada Federaalka ee Balcad ilaa Baledweyne ayaa kasoo goostay Villa Soomaaliya wuxuuna u diray hanjabaad Xukuumada walhtigeedu dhamaadey. Janaraal Koronto wuxuu sheegey inuu qabsan doono Dekada iyo Garoonka Diyaaradaha hadii aysan Xukuumadu kanlaaban Mudo kororsiga ay samaysteen. Koronto wuxuu noqonayaa Masuulkii labaad ee tan iyo shalay kasoo xarig furay Xukuumada Farmaajo, Saadiq John oo ah Taliyaha Ciidamada Bileyska Gobolka Banaadir ayaa shalay ka xarig furtay Villa Soomaaliya. Puntlandi.com Muqdisho
  7. This site has always been pro Villa Squatter. No surprises. It just you seeing qabiil.
  8. It just Qaraar and no extension. Back to the drawing table Farmaanjo.
  9. Mogadishu (HOL) - A parliamentary session in Somalia's capital Mogadishu was derailed on Monday after a police commander announced that he was suspending the meeting. Banaadir Regional Police boss Brig. Gen. Sadak Omar Mohamed has ordered MPs to stay away from parliament, noting their mandate had expired. advertisements Mohamed, popularly known as Sadak John, said he was in charge of the city's security. All parties, whether government or opposition, will be treated equally before the law. But in an unprecedented move that could generate more debate over separation of powers, Sadak John spoke directly to parliament, 'ordering' them to stay away 'until a new parliament is elected. Brig. Gen Sadak Omar Mohamed (John) made the announcement on Universal TV where he called on Somalia's lawmakers to seek an extension from their constituents. "You (MPs) were given four years, and now that time is up. You were voted in, so please go back to your constituents and ask them to send you back to parliament for another term. I urge you not to seek an extension illegally." The police commander who was recently handed over airport security seemed to differ from his boss President Mohamed Farmaajo. The latter has been banking on the Lower House to secure an extended stay in office. It is widely believed that the Speaker called Monday's parliamentary session to table a two-year extension for President Farmajo and the Parliament. Sadak John also asked the Prime Minister to 'exercise his powers.' Some sources had hinted at an agreement between the regional police boss and the PM. The Federal Parliament's term ended on December 27, 2020, while that of the President lapsed on February 8, 2021, in line with the Provisional Constitution. Parliament is yet to respond.
  10. Way bilaabatay kkkkkk. The villa squatter thought he will have easy sailing. The minute bullet starts flying it will be all over for him. The solution will be for him to resign. No other option. He is the spoiler.
  11. Booliiska Soomaaliya oo ‘joojiyey’ kulankii BF By Istar Cabdi Yuusuf April 12, 2021 in Warar Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa goor dhow shaaciyey in taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu joojiyey kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo qorshuhu ahaa in looga doodo mooshin ku aadan doorashooyinka qaran ee 2021. Saadaq Joon ayaa sheegay in Booliiska Soomaaliyeed uu waajib qaran ka saaran yahay nabad-geylada guud iyo xasiloonida magaalada Muqdisho. Taliyaha Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa sababta ugu weyn ee loo joojiyey kulanka baarlamaanka ku sheegay, si looga hortago in dalka la geliyo fowdo & qalalaase. “Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaa maanta hakinay kulankii ay lahaayeen, waxaana u hakinay oo loo baahan yahay wax boob ah oo la boobayo in aysan dhicin, is-faham siyaasadeedna la gaaro,” ayuu yiri taliya qeybta Booliiska ee gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya looga baahan yahay inay aadaan deegaanadooda iyo doorashooyin, maadaama uu ka dhammaaday muddo xileedka. “Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaan leeyahay 4 sano ayaad joogteen afartii sanana waa idinka dhammaatay waa la’idin soo doortay ee doorasho dib ugu laabtay,” ayuu sii raaciyey. Waxa kale oo uu xusay in aysan ogoleyn in la sameeyo muddo kororsi dalkan u horseedayo dib u dhac horleh iyo in dib loogu noqdo dagaalladii sokeeye. “15-ka bilood oo la kororsado oo dib noo dhigta 15 sano ma dooneyno waxaa loo baahan yahay in la qaato mas’uuliyada wadareed,” ayuu markale yiri Saadaq Joon. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo ka dalbaday inuu qaato doorkiisa ku aadan doorashooyinka. “Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaan ka codsanayaa ama u sheegayaa wadanka mas’uuliyaddiisa inuu qaato. Dadka is-diidan wax kala xoogaya ha-ku celiyo Teendhada ayaa furan shirkii ayaa furan nabad ayaa furan ha-lagu laabto ha-lagu soo kala goosto”. Si kastaba go’aankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo laga baqayey in baarlamaanka uu ku dhowaaqo muddo kororsi loo sameeyo madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dowladda.
  12. VIDEO: Odayaal afka furtay,”Somalilandney Dubbe naga qabsada haddii kale waa nagu dhimanayaa” April 10, 2021 Xuseen 17 Puntlandtimes (CADAADO)-Qaar kamid ah waxgaradka deegaamada Galmudug gaar ahaan Cadaado ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo war-saxaafadeedkii uu baahiyey wasiirka warfaafinta xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe. Waxgaradka hadlay ayaa waxa ay ku eedeeyeen wasiirka mid wax carqaladaynaya isla markaana sii daayey war aan farxad gelin dhegaha shacabka Soomaaliyeed ee dhowrayey heshiis u dhexeeya madaxda Soomaalida oo laga gaaro arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Waxa ay ugu baaqeen beeshiisa iyo guud ahaanba maamulka Somaliland inay ceshtaan isla markaana ay wasiir Dubbe ka qabtaan xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, iyagoona ku hanjabay inaysan u dulqaadan doonin hanjabaadaha wasiirka iyo isku dir ay sheegeen inuu samaynayo.
  13. Che is always hunting for silly tweets. Ninbaa nin feeray ma wax nin way lasoo shirtagaa? You supported handing over of Qalbi Dhagax to Amxaaro by a Farmajo and you want us to be alarmed by Amxaar insult in a book? I knew you were Ciyaal Macno Maleh.
  14. Ciyaal Farmaajo a.k.a Miskiinka Reer Baydhabo iyo Cunuga Che are dazzled by the Deni's superb performance in sidestepping the Villa Somalia squatter. So they resort to personal insults, Ciyaal tweets and twisting his words. President Deni is great orator and can express himself in the Somali language how he wants. I can not say the same about the Villa squatter a.k.Farmaajo. When was the last time he gave an interview? I can not remember. We know the reason. He can not express himself in the mother tongue as Deni can. For matter of fact he can not even express himself in English. People with great oratory skills are known to have high IQ. So we have to question the IQ of the Villa squatter. It says a lot why he struggled to lead this country in the last 4 years.
  15. Kkkk sxb amuu suldaaanka yahay waayadan lama arage ?
  16. Axmed Ismail Samatar waxa helay baan layaabanahay? Raysal Wasaare Abdirashid Ali Sharmarke waxa helay baan layaabanahay? Professoy Afayre Elmi Waxa helay baaan layaabanahay? Professor Baadiyoow waxa helay baan layaabanahay? Masii wadaa kkkkkk Waa qof qaawan oo leh muxuu dadka dharka qaba ii layaabanyihiin? Kkkk waali waali lagu daray waa tanoo kale. Hal qof oo la dhihi karo waa caaqil oo qoladaan waxay wadaan kuraacsan bal hala sheego. Waxaa moodaa intii dadka igu caqliga xumayd inuu soo aruursaday Farmaajo. Waa casharkii laga bartay Siyaad Barre. Hal qof oo dhaha war saan kadaa mareebtaan kalitalisku. Waa wada guul wadayaal maran.
  17. Kkkk marka idinka maxaa la idinku yaqaan? Meeqa dagaal oo xorayn ah baad gasheen? Meeqa halyeey baad Somali ku dhexleedihiin? Kkkk adiga daraadaa inaan qabiilo masaakiin ah u caayo dooni mayo laakiin bal iwad sheekada hadana iiwad kkkk
  18. Caqli xumada reer kalitalis waa in markasta oo xukunka wadanka lagu dhaho caqli mahayside wada ogol wax kuwad inaad kuwaalataan Shisheeye kkkkk Suaashu waxay tahay yaa shisheeye maanta naagihiisii madaxwaynahoodii iyo maatadoo wardiyaasaa? Dhulka reerkayaga amxaat naagahayaga ma waardiyeeyo si Alle ogyahauna kama yeelo. Markaad dad noqotid oo aad adiga maatadaada ilaashan karto shisheeye kahadal. Mida kale ma adiga mise Reer kalitalis baa Somalia isku keenay? Ma adiga Mbagathi Somalida dowlad ugu dhisay? Ma adigaa ciidamo dowlado kale usoo diray si ay ukala ilaaliyaan Soomalida dhexdeeda? Ma adigaa lacag kubixiya ciidamada intaas ay tababarayeen? Xageese jirtay markii Ninkaan Farmaajo ladhahayo uu askari Yugandhiis xukunka iska tiri kuyiri adeer? Khayaaliga aad kunooshahay oo aad rabtid inaad xukunka ku boobto cidina kaa yeelimayso? Meel cad oo gaalo iyo mislimba joogto baa lagu kala baxayaa ama shisheeye ku marmarsiiyood ama afka cirka utaag adigay kujirtaa.
  19. Beesha caalamka soo mida xafiiska Farmaajo waardiyaysa ma aha yaa Maskiin Reer Baydhabo? Nin musqusha uu raaco askari Yugandhiis ah bootlicking kama hadli karo waa ceeb. Mida kale Beesha caalamka waa mida dowladaan dhanba dhistay. Hadii aysan dhisi lahayna the Villa squatter madaxwaynimoba masoo hawaysteen. Hadii soomaalidu heshiin wayday oo is aamini wayday qofka diidaya qolo sadaxaad inay goob joog noqoto oo aragto cida gardaran soo qof xal aan raadinayn ma aha?
  20. Daawo Wasiirkii Warfaafinta Sadam Xuseen Iyo Wasiir Dube hal mid ayay ka siman yihiin April 8, 2021 Ahmed Jama Dagaalkii Ay Ciidamadii huwanta ee ay hogaaminayeen Maraykanku ay ku qaadeen Sadam Xuseenkii Ciraaq ka talinayay waxaa laga xasuustaa Wasiirkiisii Warfaafinta Mohammed Said al-Sahaf oo xiligii Dagaalku socdey maalin walba Shirka jaraa’id qaban jiray. Shirarka Jaraa’id ee Wasiirku wuxuu Caalamka u sheegi jiray Borobogaando been ah oo lagu taageerayo Sadam Xuseen, Hadaladisii waxaa kamid ahaa , waan tirtiray Ciidamadii huwanta, sidii Jiitka ayay u yaaceen iyagoo firxad ah, Ciidamada Cirka kasoo dhacay ee Ciraaq ayaa soo ridey Diyaarado, laayayna Ciidamadii Maraykanka, Madaxweyne Sadam Xuseen Aabaha Ciraaq wuu guulaystay, Hada ogow xiliga uu saas u hadlayo qarka ayaa loo saaraa Baqdaad ilaa aakhirkii Wasiirka oo Shir jaraa’id qabanaya ay Ciidamadii huwanta dhinac walba kasoo galeen Baqdaad. Mohammed Said al-Sahaf wuxuun Aduunka ku caan baxay Wasiirkii Aduunka ugu beenta iyo Borobogaandada badnaa uguna indha adkaa, isagoo difaacaya Sadam Xuseen Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Farmaajo Cusmaan Dubbe waxba kama duwana Wasiirkii Sadam Xuseen ee Warfaafinta, Wasiir Dube wuxuu Been iyo borobogando ku difaacayaa Xukuumada Wakhtigeedu dhamaadey, wax yar ila Daawada Mohammed Said al-Sahaf Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadii Sadam Xuseen,
  21. kkkkk Beeni raad maleh he hee These mafia want to get their way to the power by lying to the common people kkkk.