Bootindheere

Nomads
  • Content Count

    59
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Bootindheere

  1. Atheer dabadhilifkaan filinkiisa waa gubtaye midkale la imoow.
  2. Madaxweynaha Galmudug oo maanta Hobyo ka furaya shir looga hadlayo dhismaha Dekeda Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo shalay gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa maanta la filayaa inuu furo shir looga hadlayo dhismaha Dekeda Hobyo. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb geli doona Mas’uuliyiin ka socda dowladda Federaalka, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Shirkan ayaa lagu soo bandhigi doona qorshayaasha u horreeya ee lagu bilaabi doono dhismaha Dekeda Hobyo oo aan weli la hirgelin. Wasiirka Dekedaha ee Galmudug Cabdi Saabir Shuuriye ayaa dhowaan balan-qaaday in howshiisa ugu badan isugu geyn doono dhismaha Dekeda Hobyo, si Galmudug ay u yeelato Deked. Magaalada xeebeedka Hobyo ayaa ah mid istiraatiiji ah, waxaana haddii Dekeda la hirgelinayo noqoneysa mid si weyn uga qeyb qaadata horumarka iyo kobaca dhaqaale ee Gobolada Dhexe ee Soomaaliya iyo deriska Itoobiya. Dhismaha Dekeda Hobyo ayaa dhowr jeer oo hore loo dhagax dhigay, illaa iyo hadda lama bilaabin dhismaha, iyadoo dowladda Qatar ay balan-qaaday inay dhiseyso, waxaana labo sano ka hor dhagax dhigay Dekeda ay yeelaneyso Hobyo Madaxweyne Farmaajo.
  3. Galmudug oo sheegtay in ay diyaarinayso Ciidanka ilaaladda Xuduudaha June 16, 2020 Facebook Twitter Xeradii Labaad ee ciidamada Daraawiishta Galmudug lagu xaraynayo laguna tababarayo ayaa wasiirka amniga Dawladda Galmudug uu shalay isugu geeyey gaadiid dagaal iyo ciidamadii saarnaa. Xerada Tababarka Dhaan-Karrooni ee dhacda duleedka Galinsoor- Galguduud ayaa wafdi wasiiro ah oo uu hogaaminayey wasiirka Amniga Galmudug Amb. Ahmed M. Fiqi ayna ka mid yihiin Wasiirka Dekedaha iyo Kaluumaysiga Md. Cabdisaabir Nuur Shuiriye iyo Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga ayaa ka mid ahaa wasiiradii la hadlay ciidamada lagu xareeyey ee ka kala yimid Cadaado iyo Galinsoor. Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ciidamo iyo gaadiid kale oo Galgaduud ku sugan ay maalmaha soo socda imaan doonaan xerada Dhaankarroone, kuwaasoo tababarka uu u furi doono madaxweynaha Dawladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye. Waxaa uu sheegay in Ciidankaan loo diyaariyay Saddex shaqo oo kala ah ilaalinta Xuduudaha Galmudug la wadaagto maamul goboleedyadda, dowladda Itoobiya iyo dib u xoreynta degaanada Galmudug iyo sidoo kale soo Afjarida dagaal beeledyada. Hawsha xareynta maleeshiyaadka iyo gaadiidka dagaalka ee ay waddo wasaaradda amniga ayaa wajigeedii labaad ka bilowday gobolka Galgaduud ka dib markii maleeshiyaadkii gobolka Mudug lagu guulaystay in la xareeyo loona furey tababar todobaadkii hore. Galmudug oo sheegtay in ay diyaarinayso Ciidanka ilaaladda Xuduudaha - Radio Risaala: Somali News Online RADIORISAALA.COM Xeradii Labaad ee ciidamada Daraawiishta Galmudug lagu xaraynayo laguna tababarayo ayaa wasiirka amniga...
  4. Madaxweyne Qoor Qoor iyo Cabdi weli Gaas oo kulan ku yeeshay Gaalkacyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ) ayaa Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa iska xog wareystay xaaladaha guud ee siyaasada dalka iyo tan gobolka Mudug oo shirar kala duwan ay ka socdaan. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ) ayaa in ka badan todobaad waxaa uu ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo,waxaana la filayaa in Maanta uu booqdo saldhigyo Ciidan Madaxweyne Qoor Qoor iyo Cabdi weli Gaas oo kulan ku yeeshay Gaalkacyo HADHWANAAGNEWS.CA Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynihii hore ee Puntland